25.2 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

SAADAQ JOON oo ogeysiis layaab leh kasoo saaray doorashada madaxweynaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka mid ah xubnaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada guud ee xilka Madaxweynaha, kadib qoraal kooban oo uu soo saaray.

Saadaq Joon oo qoraalkiisa ciwaan uga dhigay “Ogeysiis” ayaa weerar dadban ku qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo qudhiisa ka mid ah musharixiinta u taagan madaxweynaha 10-aad.

Xildhibaankan oo horey u ahaa sarkaal Boolis ah ayaa shaaciyey in laga guuray magacii isbedal doonka, loona loonga guuray Washamsi halagu qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

“Ogaysiis: Waxaa laga guuray Isbadaldoon,  Waxaa looguuray Washamsi halaguqaado,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Saadaq Joon.

Hadalkan ayaa jawaab u ah magacii ay dhowaan ku dhowaaqeen kooxda ololaha doorashada Farmaajo oo hal ku dhig ka dhigtay  “Isbeddel Doonka Socda”, kaas o oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Tallaabada uu qaaday Farmaajo ayaa imaneysa ayada oo la isku dayayey in xukunka looga tuuro in la doonayo Isbeddel uu dalka uu galo, balse hadda isagii ayaaba qaatay isbedelka.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo daah fur weyn u sameeyo ololihiisa xilli ay hal usbuuc kaliya ka hartay taariikhda loo asteeyay inay dhacda doorashada Madaxweynaha oo ku beegan taariikhda marka ay tahay 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

Si kastaba, Saadaq Joon ayaa ka mid ahaa saraakiishii mar garab taagneyd Farmaajo, balse waxa ay is waayeen, markii uu fashilmay qorshihii muddo kororsiga labada sano ahaa ee uu si weyn uga horyimid Saadaq oo xilligaas ahaa taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Boqorka dalka Sacuudiga oo isbitaal la dhigay (Warbixin)

Jeddah (Caasimada Onine) – Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalda Jeddah ee caasimadda labaad ee dalkaas, sida ay xaqiijisay boqortooyada.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay boqortooyada oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Sacuudiga, Boqorka ayaa waxaa kusoo booday xanuun xilli uu maalmihii dambe xaalkiisa liitay.

Bayaanka kasoo baxay Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan oo ah 86 jir la dhigay Isbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal ee ku yaalla Jeddah.

Illaa hadda dowladda Sacuudiga ma aysan faahfaahin xanuunka haya boqorka iyo sida ay tahay xaaladdiisa caafimaad.

Boqor Salmaan ayaa wuxuu horey u maray qalliin dhanka xameetida ah sanadkii 2020-kii, waxayna xogo la helayo sheegayaan in xanuunka boqorka uusan markaan aheyn mid la xiriira Xameetida.

Boqorka ayaa la wareegay xilka ilaaliyaha labada Masjid ee Xaramka sanadkii 2015-kii, ka dib markii uu labo sano iyo bar uu ahaa dhaxal sugaha iyo Ra’iisulwasaare kuxigeenka.

Wiilka uu dhalay ee Maxamed Bin Salmaan ayaa mar hore la wareegay talada iyo maamulka Dowladda Sacuudiga kadib markii uu Aabihiis noqday bukaan jiif, waxayna isaga iyo Aabihiis go’aamiyeen in boqortooyada loo badalo (Is dhalitaan) halka ay markii hore aheyd (Isla dhalasho).

Salman ayaa xiray inta badan adeeradiisii sugayey dhaxalka boqortooyada, wuxuuna la wareegay hantidii ay lahaayeen oo dhan xilli qaarkood aan nolol iyo geeri lagu heyn.

Sawirro: Aadan Madobe oo kulamo ka wada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay sii-hayaha safaaradda Norway ee magaalada Muqdisho Haakon Svane.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo doorka wakiilada beesha caalamku ku leeyihiin hanaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankan ku wehlinayay wakiilka gaarka ah ee wasaaradda arrimaha Dibadda ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen.

Wakiilada ka socda Norway ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la wadaagay hambalyo iyo Salaan ayaga oo ugu Hambalyay doorashada Guddoomiyaha, asiga oo xilkaas uu ku guuleystay 27 April 2022.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa ku bogaadiyay doorka wakiilada beesha caalamku ay ku leeyihiin hannaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka BFS.

Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu maalmihii dambe magaalada Muqdisho ka waday Guddoomiye Aadan Madoobe, kuwaasi oo uu kula kulmayay qaar ka mid ah wakiilada Beesha Caalamka.

Shalay ayey aheyd markii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta, Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah, sida doorashooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Al Hammadi oo kulanka ka hadlay ayaa guddoomiyaha la wadaagay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Soomaaliya ayaa xiligan isku diyaarineysa inay ka baxdo xaalada kala-guurka oo ay ku daah-day, ayada oo loo ballansan yahay 15-ka bishaan inay dhacdo doorashada madaxweynimada.

Xog: Kulan uu Farmaajo la yeelan lahaa xildhibaanada beesha Dir oo fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegeyso xog ay heshay Caasimada Online, waxaa fashilmay kulan uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la yeelan lahaa xildhibaanada kasoo jeedo Dir ee ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kulanka oo caawa lagu ballansanaa inuu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya ayaa la baajiyey kadib markii ay diideen xildhibaanada qaar inay kulankaas kasoo qeybgalaan.

Xildhibaanada Dir ee kulanka ku ballansanaa ayaa isku khilaafay ajandaha kulanka iyo qorshaha laga leeyahay, waxayna taas keentay inuu baaqdo kulanka.

Sida ay xogta sheegeyso, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa doonayey inuu xildhibaanada Dir ka socdo inay codkooda siiyaan isagana uu u sameeyo ballan qaad xooggan oo xilal ah iyo lacag kaash ah marka dib loo doorto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku jira xaalad aad u cakiran oo dhanka xildhibaanada ah, waxaana lasoo sheegayaa in xildhibaano badan oo uu isku haleynay ay u goosteen dhinaca mucaaraadka taasoo cadaadiska kusii badisay.

Fahad Yaasiin oo ah ninka ugu saameyn badan kooxda Nabad iyo Nolol ayaa weli ku maqan magaalada Doha ee dalka Qatar, waxaana lasoo sheegayaa in Dowladda Qatar aysan weli fasixin lacagihii loogu talagalay in la siiyo xildhibaanada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa ololaha doorashada, waxaana aad u mashquulsan Hoteelada ay dagan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya maadaama ay soo buux dhaafiyeen xildibaanada taasoo muujineyso inuu dalka u socdo Isbadal hoggaamineed..

Waxaa Maanta billaabatay diiwaangelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa inay doorashada ku dhacdo waqtigii loogu talagalay ee ah 15-ka Bishaan.

Sawirro: Shariif oo noqday musharixii ugu horreeyey ee qaatay shahaadada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ee u taagan xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jmahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee is diiwaan-geliyey, isla-markaana qaatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxweynaha.

Musharax Shariif ayaa tegay xarunta Aqalka Sare oo ay ka socoto diiwaan-gelinta, waxaana shahadaada guddoonsiiyey Cabdiqani Geelle oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada.

Shariifka ayaa horey usoo noqday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, wuxuuna sidoo kale kalena soo tartamay 2017 oo looga adkaaday tartanka, isaga musharixiin kale.

Sidoo kale murashixiinta kale ayaa lagu wadaa inay iyaguna tegaan xarunta ay ka socota is diiwaan-gelinta, si ay u qaataan shahaadada iyada oo kadib la guda-geli doono doorashada.

Guddiga qaban qanaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta dooneysa inay tartamaan.

Shuruudaha oo ka kooban sagaal qodob waxaa ugu weyn in murashax kasta laga doonayo lacag dhan $40,000, waxaana sidoo kale  la faray inay soo buuxiyaan dhamaan sagaalka shuruud ee habraaca diiwaan gelinta murashaxiinta xilka Madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Doorashada ayaa qorsuhu yahay in ugu dambeyn la qabto 15-ka bishaan aynu ku jirno ee May, taas oo loolan adag ay u geli doonaan musharixiin dhowr ah oo uu ku jiro Farmaajo.

Xog: Dollar been abuur ah oo lasoo geliyey Muqdisho si loogu iibsado xildhibaanada

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho lasoo geliyay lacago dollar been abuur ah, taasoo la rabo in loo adeegsado ololaha doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya.

Doorashada madaxweynaha oo ku asteysan inay dhacayso 15-ka May ayaa murashaxiintanta waxay olole xooggan ugu jiraan sidii ay u heli lahaayeen cododka xildhibaanada oo lagu kala iibsado qiime lacageed oo aad u sarreeya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo qaarkood la shaqeeya musharaxiinta madaxweyne ayaa Caasimada Online u sheegay in xogta lacagta dollar-ka been abuurka laga helayo ilo amnio o u sheegay in loo adeegsan rabo xildhibaanada laaluushka qaadanaya.

Caasimada Online oo arrintaan dabagal ku sameysay ayaa ogaatay mid ka mid ah murashaxiinta madaxweynaha uu u adeegsan doono xildhibaanada codkooda iibsanaaya inuu ku khaarijiyo si codka ugu helo.

Waxaa suuragal ah in lacagta been abuurka ah la adeegsado saacadaha danbe ee doorashada, gaar ahaan habeenka ka horeeya maalinka doorashada, xiligaasi oo ah waqti saxmad badan oo isbarbar yaac badan uu jiro, ayna adag tahay in lacagta la xaqiijiyo sax ahaanshaheeda.

Guddiga doorashada madaxweynaha ee baarlamaanka iyo kan heer qaran, ma soo saarin xeer iyo sharci xaaraantinameynaayo lacagaha laaluushka ee xildhibaanada qaadanayaan, taasi oo mar kasta dhacda islamarkaana caadi noqotay.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa dhaqan u ah inay codkooda ka iibsadaan murashaxa u tartamaya hoggaanka dalka, halka murashaxa naftiisa kalsoonida uu qabo ay tahay lacagta faraha badan ee xildhibaanada uu siinaayo, balse waxaa inta badan dhacda in murashaxiin badan lacag laga qaato codkana aan la siin. 

Xildhibaanada qaarkood ayaa qorsheynaya inay dalbadaan in lacagta loogu soo shubo akoono banki, balse taas ma cadda inay ogolaan doonaan musharaxiinta madaxweyne, maadaama lacagtaas ay yeelan karto raadraac. 

Ololaha doorashada ayaa si rasmi ah hadda u socda, balse ma jiraan musharaxiin weli bixinaya kharash badan marka laga reebo Xasan Cali Kheyre, oo boqolaal kun oo dollar toddobaadyadii tegay ku bixiyey inuu ku iibsado TV-yada Soomaalida iyo dadka caanka ka ah baraha bulshada si ay u ammaanaan. 

Wuxuu sidoo kale xaflado badan ku qabtay hoteellada ugu qaalisan Muqdisho, si dhallinyaro uu isku keenay ay u taageeraan.

Si kastaba, ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in rajo badan uusan lahayn Kheyre, ayada oo la qiyaasay inuu heli karo 20-25 xildhibaan wareeggan koowaad ee doorashada. 

Imaaraadka oo ballan-qaad culus u sameeyey ATMIS, kadib weerarkii Ceel Baraf

0

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dowladda Isu Tegga Imaaraadka Carabta ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay weerarkii cuslaa ee dhowaan lagu qaaday saldhiga ciidanka Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ee  deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Abu Dhabi ayaa waxaa marka hore tacsi loogu diray dowladda iyo shacabka Burundi oo askar badan laga dilay.

Sidoo kale warka  wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey falalka dambiyada ah iyo rabshadaha argagixisada.

Imaaraadka ayaa intaasi, kadib ballan qaad culus u sameeyey ATMIS, wuxuuna sheegay inuu si buuxda u garab istaagi doono howlgalkan oo ah mid KMG ah.

”Wasaaraddu waxay xaqiijisay inay si buuxda u garab taagan tahay Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya, si loo gaaro amniga iyo xasilloonida dalka,” ayaa lagu yiri warka qoralka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Waaberigii hore ee Talaadadii ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Si kastaba, weerarkan ayaa noqday kii ugu xooganaa ee askar badan looga dilo howlgalka ATMIS, tan iyo markii lagu beddalay howlgalkii sanadaha soo socday ee AMISOM.

Mareykanka oo war cusub kasoo saaray duqeymaha uu ka fuliyo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareynkanka ayaa warbixin cusub kasoo saartay duqeymaha dhanka cirka ah ee ay ka fuliso gudaha dalka Soomaaliya, taas oo lagu beegsado dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay yaraatay warbixinnada khasaaraha dadka rayidka ah ka soo gaara weeraradaasi, kadib markii hoos loo dhigay adeegsiga duqeymaha.

Warbixintii u dambeysay ee kasoo baxday AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in taliska uusan wax warbixin ah soo saarin in ka badan muddo hal sano ah.

“Saddexdii bilood ee u dambeeyay warbixintii qiimaynta khasaaraha rayidka, Taliska Mareykanka ee Afrika ma helin warbixinno cusub oo ku saabsan khasaaraha rayidka, mana jiraan wax qiimayn ah oo furan ama dib u eegis lagu samaynayo hadda,” ayuu yiri talisku.

Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu laba jibaarayo taageerada iyo garab istaago uu markasta u muujiyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn uga qayb-qaata dagaalka culus ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, isaga oo sidoo kale tababaro siiyo ciidamada Xoogga Soomaaliyeed.

Si kastaba, weerarkii ugu dambeeyey ee Mareynkanka fuliyo ayaa dhacay 22-kii bishii February ee sannadkan, kaas oo laga fuliyey deegaanka Duduble ee gobolka Hiiraan.

Murashaxoow haddii aad guuleysato maxaa ku horyaal?

Muqdisho (Caasimada Online) –Toddobaad ayaa ka harsan xiliga doorashada madaxtinimada Somalia, oo la filayo in ay ka dhacdo 15-ka May teendhada Afisyooni ee xeyn-daabka xerada ATMIS. Ku dhawaad 50 Musharax iyo ka badan ayaa la maleyn karaa inay u taagnaan karaan iney ka qeyb galaan tartankaasi hoggaanka Madaxtinimada dalka oo aysan ku jirin wax dumar ah.

Murashaxiinta, waxaa ku jiro kuwo qurba joog ah, qaarkoodna , war uma haayaan marxaladaha adag ee Somalia la il darran tahay.  Halka qaar kalena ay jiraan iyagoo meelna uga bixin  dalka, Kuwaan waxay u soo joogeen, haddana goob joog u yihiin duruufaha xag walba leh ee dalku ilaa hadda ku jiro. Laakin waxaa dhici karta inay ku jiraan murashaxiintaan qaar hoggaaminta ku adkaan doonto, haddii midkood guuleysto. 

Shuruudaha tartanka aasaas u noqon doona ayaa la filayaa qaarkood ama intooda badan in ay ku haraan ama sheegtaan tanaasul,  ka hor doorashada inta aan la qaban tiradana aysan ka badnaan doonin 20 murashax.

Sida caadadu tahay, murashaxiinta qaar ayaa damacoodu kaliya yahiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kalena loo maleyn karo inay wataan qorshe siyaasadeed qaran, inkastoo istaraatiijyada doorashadu tahay midda Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka in ay ku yimaadaan doorasho cod aqlabiyad ah oo ka yimid laba gole qabiil ee u taagan Baarlamaan hoose iyo mid sarre.

Maba jiraan nidaam iyo habab rasmi ah ee la xiriira tirakoob dadweyne iyo diiwaangelin jiritaan xisbiyo sharciyaysan. Qaab guracan oo aan xalaal ahayn ayay  ku yimaadeen Goloyaasha qabiil, waxa lagu magacaabay , “Aqalka Sare iyo Aqalka hoose”,  oo iyagana soo doortay Afhayeenadooda iyo Madaxweynaha oo la sugaayo.  

Murashax walba waaxqabadkiisa wuxuu ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah iyo inay shirar u qabtaan dadka kuna kala qaybsan qabiil-qabiilka. waxay hadda bilaabeen iney gudbiyaan fikrado siyaasadeed oo aan horay looga baran iyo qorshaha ay ku dhiqi doonaan marka ay guuleystaan. Qaar taageerayaal ah wey ku qancayaan, laakiin waxaa mudan in la is weydiiyo shaqsiyadda hoggaan ee hormuudka u ah Xisbiga magac u yaalka ah ama murashaxa halkee ayuu gaari karaa marka laga baxo ololaha doorashada.

Markaan mid mid u gorfeyno murashaxiinta kuwooda ugu cad cad ee orodka ugu Jira ololaha doorashada laakiin aan la ogeyn halka ay gaari doonaan, waxaa ka mid ah:.

Mohamed Abdullahi Farmaajo: Murashaxa Nabad iyo Nolol, ka hor xilka madaxweyne muddo lix bil ku siman ayuu ahaa Wasiirka koowaad. Xilkaas ka hor, ma ahayn shaqsi hore siyaasadda looga yaqiin, laakin waxaa keenay waqtiga iyo awood-qaybsiga 4.5. Sida uu ku sheegtay taariikh-nololeedkiisa markii xilka wasiirka koowaad oo ka bilaabay jago siyaasadeed ee uu qabto, wuxuu degganaa muddo labaatan sanno ah, dalka Mareykanka oo jinsiyaddiisa haystay, wax ku bartay, ku guursaday, kuna ilmo dhalay. 

Maxamed Cabdullahi Farmaajo, wuxuu xilka RW ku waayay, markii uu la soo baxay siyaasado waddaniyad ku dhisan, maamul wanaag, ka xureynta dalka xoogagga argagixisada iyo muujin wadashaqeyn wadareed ee isaga, xukuumaddiisa iyo Madaxweynaha. Taasoo sababtay in mar kale loo doorto 8 Feb 2017 madaxweynaha Somalia. Doorashadiisa oo guud ahaan dhulka Soomaalida laga soo wada dhoweeyay waxaa xigay isbadal iyo sidii laga filayay si ka duwan in loo arko, waxaa Farmaajo loo arkaa xiligaan madaxweyne wax badan ka badalay Somalia-da cusub, laakiin nidaamkiisa iyo dadka ku xeeran ay dhabihii guushiisa ka weeciyeen markii xukuumaddii Xasan Cali Kheyre ku fashilantay inay dalka ka qabato doorasho xor iyo xalaal ah, taas badelkeedna madaxweynaha lagula taliyay inuu sameeyo mudo kororsi, tallaabadaasi oo sidoo kale kalsooni daro gelisay shacab fara badan, waana cilada kaliya ee maanta Farmaajo boog ku noqotay. 

Farmaajo wuxuu dhisay oo sal adag ku taagay ciidamada kala duwan ee dalka oo tayo ahaan ka wanaagsan xiliyadii dowladdihii ka horeeyay ee curdanka ahaa, wuxuu kalsooni ku kasbaday ciidamada iyo shaqaalaha dowladda oo mushaarkooda uu joogteeyay iyo nidaamkii dowliga.

Balanqaadyadii madaxweyne Farmaajo uu ololaha doorashada kusoo galay weli wax ka hirgalay ma jiraan, inkastoo dowladdiisa ay ku guuleysatay xiriirka caalamiga iyo in Somalia loola dhaqmo si ka duwan dowladihii hore.

Xasan Sheekh Maxamuud: Madaxweynihii xafiiska ku wareejiyay Farmaajo, wuxuu halgan adag kadib ku guuleystay doorashadii Sep-2012-kii, wuxuu ahaa nin howlaha samafalka iyo dhaqdhaqaaqyada bulshada rayidka magac weyn ku lahaa. Lixdii qodob ee tiirka u ahaayeen qorshe siyaasadeedkiisa ayuu ku galay ololihii doorashada. wuxuuna ka faa’iideystay khilaafkii siyaasadeed ee Madaxweyninimada.

Xasan Sheekh, waxaa lagu yaqiin dhinaca kor u qaadista waxbarashada, isagoo udub dhexaad u ahaa bahda waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan machadka SIMAD oo arday  fara badan ay ka soo qalin jabiyeen.

Xasan wuxuu markii danbe damaciisa u gudbay isaga iyo saaxiibadiisa dhinaca waxbarashada inay siyaasadda ku biiraan, iyagoo ungay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (PDP), kaasoo markii danbe guuleystay. Haddana wuxuu rajo wanaagsan ka qabaa in mar kale guul uu gaaro. Hassan Sh. Maxamuud wuxuu 2012-16 soo hoggaamiyay dowlad aan KMG ahayn, dunidana ka kasbatay aqoonsan caalami ah. Wuxuu dagaal adag la galay arxgaxisada Al-Shabaab oo u ka xureeyay degaamo badan oo ay magaalo madaxda ka mid tahay. 

Waxaa si weyn u dalka ka hirgeliyay oo soo dhammeystirmay maamul goboleeyadii nidaaamkii Federaalka,  waloo aan lagu guuleysan jiritaankii Asxaabta, tirakoobkii dadka iyo xoolaha, doorasho ku saleysan qof iyo cad iyo inaan weli dhammeystirmin dhismaha ciidamada qalabka sida iyo in Somalia laga qaado cunuqabateyntii hubka ee QM saartay sannadkii 1992 

Madaxweyne Shariif: Wuxuu ku dhashay magaalada Jowhar, sanadkii 1964-kii, waxbarashadiisana wuxuu ku dhameystay magaalada Muqdisho, magaalooyinka Khartoum iyo Tripoli ayuu ku dhameystay waxbarashadiisa heerka Jaamacadeed, isagoo shahaadada Bachelor Degree ee luuqada Carabiga iyo Juqraafiga ka qaatay Jaamacadda Aldalanj. wuxuuna Bare ka noqday dugsiyada sare ee dalka, isaga oo dhigay duruusta juquraafiga, Carabiga & diinta Islaamka.

Sheekh Shariif wax khibrad siyaasadeed ma laheyn ka hor 2006-kii xiligaasi oo uu ahaa Guddoomiyihii Maxkamadda Islaamiga ee SII SII, aakhirkiina wuxuu u soo gudbay inuu hoggaamiyo Midowgii Maxaakiimta ee dalka la wareegay Muqdishana awood ugu saaray Qabqablayaashii dagaalka. Fursadaasi waxay SHariif u noqotay in uu hoggaamiyo dalka, damac kalena kasii galo inuu mar labaad u tartamo Madaxtinimada dalka, Waxaana lagu xusuustaa ciriirigii uu geliyay doorashadii uu Xasan Sheekh Maxamuud ku guuleystay iyo doorashadii ka danbeysay ee Farmaajo ku guuleystay.

Hadda Shariif waa murashax rajadiisa tahay in mar kale dalka uu hoggaamiyo, waxyaabaha Shariifka lagu amaanana ay tahay kaalintii uu ku lahaa dagaalkii Al-SHabaab Muqdisho looga saaray iyo sidii ay dowladdiisa u maareysay howlgalkaasi oo mudo qaatay.

Xasan Cali Kheyre: Madaxweyne Farmaajo ayaa 1-dii Maarso 2017 usoo xushay ra’iisul waasarahiisa una arkay mid ay wada shaqeyn karaan mudo xileedkii afarta sano dastuurka xeeriyay. Xasan Cali Kheyre oo difaac adag u noqday dowladdii Nabad iyo Nolol wanaag iyo xumaanba wixii ay fashay.

Kheyre inkasta oo muddadii uu xilka hayey uu qabtay wanaag badan, waxaase wanaagaasi ka xoog baday xadgudubyadii iyo ficilo u qorantay Kheyre inuu geystay. Waxaa laga xusi karaa dhibaatooyinka u diiwaan gashan Kheyre inay ka mid yihiin, Weeraradii loo geystay madaxweyneyaashii hore ee dalka, weerarkii C/raxmaan C/shakuur Warsame, dhiibistii Qalbi Dhagax iyo u aqoonsigii ururka ONLF mid argagixiso iyo qodobo kale maanta bar madow ku ah Kheyre.

Hadda waa murashax madaxweyne, oo doonaya in lagu qiimeeyo wanaagii dowladdii Nabad iyo Nolol ee saaxiibkiis Farmaajo oo isagana dhinac kale wanaagaasi ka leh. Rajada uu ka qabo in la doorto ayaa ah mid aan laga hordhici karin, waxaase la saadaaliyay inuu soo gudbi doono wareega koowaad.

Saciid Cabdullaahi Deni: Magaalada Muqdisho ayuu ku dhashay sanadkii 1966-kii. wuxuuna kasoo qalin jabiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan kulliyadda luuqadaha, isagoona takhasuskiisa kusoo qaatay dalka Malaysia kahor inta uusan siyaasaddda ku biirin.

Sanadkii 2002-kii ayuu soo galay siyaasadda, xildhibaan ilaa heer wasiir ayuu kasoo noqday dowladdii Xasan Sheekh. Deni oo ah ganacsade reer Puntland waa markii labaad ee uu u tartamayo Somalia.

Deni waa siyaasi hadal adag, ololahiisa doorashada wuxuu kusoo galay naceybka madaxweyne Farmaajo, isagoo hadafkiisa koowaad ku sheegay sidii uu ula dagaalami lahaa inuusan Farmaajo kursiga kusoo laaban.

Deni oo Puntland looga arko madaxweynihii ugu liiday ee soo maray Puntland, waa shaqsi hadalka dhaliisha iyo sixidaba u dul qaadan karin, waxaase la isweydiinayaa shaqsi noocaasi ah Somalia oo idil sidee ayuu u xukumi karaa?.

C/raxmaan C/Shakuur Warsame: Wuxuu kaligiis shantii sano lasoo dhaafay ahaa hoggaamiye iskiis isu waday, dagaalna kula jiray Farmaajo iyo ra’iisul wasaarihiisii uu eryay ee Xasan Cali Kheyre kana tirsanayo eedo badan. CCShakuur oo wasiirkii qorsheyntii iyo xiriirka caalamiga DKMG soo noqday, waa markiisii labaad ee uu tartamo.

Heerka aqoontiisa ayuu kaashadaa marka uu doodaha ka qeybgalaayo, hase ahaatee xiligaan wuxuu u muuqdaa inuu yara dhaamo doorashadii 2017-kii. Rajadiisa in la doorto ayaa ah mid hooseysa laakiin laga yaabo inuu soo galo murashaxiinta safka hore ka muuqda.

Daahir Maxamuud Geelle: Waxaa lagu tiriyaa murashaxiinta qunyur socodka ee Xarakada Al-Islaax, Waa hoggaamiye deganaan badan muujiya, xilal kala duwana kasoo qabtay dowladihii KMG. Damaciisa waa inuu noqdaa madaxweynaha Somalia, waxaase ka horeeya wado dheer oo u baahan in uu ka gudbo imtixaanka ku hor gudban. Daahir Maxamuud Geelle oo diinta Islaamka si wanaagsan u yaqaan waxaa lagu tiriyaa inuu ka mid yahay murashaxiinta faraku tiriska ee ururada diimeedka Carbeed ku xeran.

C/kariin Xuseen Guuleed:  Oo saaxada siyaasadda soo geliyay Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu isna ka mid yahay murashaxiinta ururada Islaamiga ka tirsan fikrad ahaan, wuxuu damaciisa yahay in uu noqdo madaxweynaha Somalia. Rajada Mr. Guuleed ayaa ah mid aan muuqan ama suuragal ah in uu ka mid noqon waayo murashaxiinta wareega labaad usoo gudba.

Eng. C/llaahi Cali Xasan: Wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha isagana waa murashax, waa aqoonyahan dhinaca waxbarashada iyo arrimaha bini’aadanimada wax badan kasoo qabtay 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Wuxuu ku caan yahay howlkarnimo, isagoo leh aqoonta iyo maamulka hoggaamineed. Wuxuu aaminsan yahay in haddii uu ku guuleysto murashaxnimadiisa inuu dalka ku hoggaamin doono  caddaalad iyo aqoon, iyo in dadku kula shaqeyn doono sida hoggaamiye dadka xilka u dhiibteen u gudan kara si caddaalad iyo alle ka cabsi ay ku jirto.

Eng. C/llaahi rajadiisa lama saadaalin karo, hase ahaatee waxaa muuqata inuu dadaal badan yahay iyo in uu yahay hoggaamiye aan horay usoo fashilmin.

C/qaadir Cosoble: Waa Xildhibaan qaran, waana markii seddaxaad uu u tartamo hoggaaminta dalka, hase ahaatee nasiibka u hiilin waayay. Ganacsade C/qaadir Cosoble, waa wadaad si fiican u bartay diinta Islaamka, wuxuu murashaxiinta kale ee Daahir Maxamuud Geelle, C/kariin Guuleed iyo Saciid Deni kala mid yahay ka mid ahaanshaha ururada diimeed ee firqooyinka u kala qeybsan.

Cosoble lama dhayalsan karo marka la tago hoolka codbixinta, waxaana la xusuustaa in codod la maleysan karin inuu ugu soo baxayay wareega koowaad. waxaana doorashadaan la filayaa inuu ka mid noqon doono murashaxiinta wareega koowaad usoo gudba.

Dr. Cabdinaasir Maxamed: Waa dhaqtar Soomaaliyeed oo haysta dhalashada Mareykanka, waxna ku bartay, kuna ceeshay in badan, waxaa damac ugu jiraa inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, in badan xaalada Soomaaliya kama war qabo maadaama qurbaha uu ku raagay, shaqsiyadiisa cid wax badan ka og ma jirto, waxaana maqalkiisa iyo muuqaalkiisa dadku arkeen 2016-kii markii magaalada Minneapolis ugu dhawaaqay murashaxnimadiisa. Waxaa uu qooto qooto ku rabaa cododka xildhibaano ku heyb ah.

Jabriil Ibraahim Cabdulle: Waa aqoonyahan in badan ka og xaalada dalka, ururada bulshada rayidkana kusoo dhex jiray mudo badan, wuuu Muqdisho ugu dhawaaqyay inuu yahay murashax awood u leh in dalka uu ku hoggaamiyo nidaam ka duwan madaxdii soo maray dalka ee hanti boobka ku caan baxay, laakiin Jabriil maxay dadka ku yaqaanaan?.

Jabriil, wuxuu madax ka ahaa hay’adda cilmi baarista iyo wadatashiga ee CRD, taasoo in mudo ah ka howlgaleysay Muqdisho, waxaa dhanka kale Jabriil lala xiriiriyaa inuu xiriiro caalami ah la lahaa hay’addaha sirdoonka Mareykanka iyo kuwa daneeya arrimaha Soomaaliya.

Hankiisa waa sareeyaa, marka la eego garbaha ganacsato caan ah oo taageero uu ka helayo, doorashadii 2017 ayuu hal cod baarlamaanka uu ka helay, guuldaradiisa waxaa lagu sheegay inuusan wax shilin ah ku bixin xildhibaanada xitaa uusan isugu yeerin xafladdo ama kulamo kale.

Qofka kasta oo Musharax ah lana doorto waxaa maanta hor yaal Soomaaliya oo ah dal burbursan iyo Dowlad fashilantay, heystaan dhibaatooyin xagga amaanka iyo midnimada Qaranka.

Soomaaliya waxaa hareeyay Dagaallo sokeeye, tacadiyada qabqablayaalka dagaalka, faragelinta Dowladdaha deriska, saameynta Argagixisada caalamiga, Abaaro soo noqnoqda iyo isbadalada deegaanka ku dhacay. Dhinaca kalena waxay la tabaaleysan tahay karti darada, masuq maasuqa iyo caddaalad darada ee ka imaaneysay maamuladii kala danbeeyay, dastuurada qaldan, arrimaha Federalismka iyo kala qeyb qeybsanaanta wadanka oo la qaadan karin.

Beesha caalamka Soomaaliya dayacaad badan ayey ka geysatay, walow xaaladaha qaarkood ay gargaar ka sameyso, hadana ma ahan kuwo quman oo dhameystiran. Hubka faraha badan ee Soomaaliya kasoo gelaya wadamada deriska iyo kuwa Carbeed waxay sahashay in wadanka ay ka jiraan qabaa’il iyo kooxo xoog badan oo aan la loodin karin iyo in la masuq maasuqo dakhliga gudaha.

Saas darteed fariinta ku socota Murashaxa guuleesta waxaa looga baahan yahay arrimahaasi aan kor ku soo sheegnay sidii xal karti leh ugu heli lahaa.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online
[email protected]

Sawirro: Xubno Shabaab ah oo siyaabo kala duwan loogu dilay Gedo iyo Galgaduud

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka NISA, gaar ahaan kuwa Duufaan ee ku sugan gobolka Gedo ayaa galabta jid-gooyo kala kulmay kooxda Al-Shabaab, xilli ay ka baxeen magaalada Garbahaarey, kuna sii jeedeen Beled-Xaawo.

Dagaal kooban kadib waxaa la sheegay in ciidanku ay dileen dhamaan kooxdii dhigatay jid gooyada, meel u dhow degaanka lagu magacaabo Tuulo-barwaaqo oo u dhaxeeya magaalooyinka Garbahaarey iyo Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Xasan Aadan Maxamuud oo ah madaxa howlgallada NISA ee gobolka Gedo ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay inay si nabad ah ku gaareen degmada Beledxaawo oo ciidanka jidka loo galay ay ku sii jeedeen.

Dhinaca kale waxaa galabta bariga gobolka Galgaduud lagu dilay Faarax Cali Warsame oo kooxda looga dhex yaqaanay (Sigane) oo ahaa horjoogihii Al-Shabaab ee deegaanada Cadakibir, Warshubo iyo Qaayib oo dhaca bariga gobolka Galgaduud

Dilka ninkaan oo ahaa mid qorshaysan wuxuu kla dhacay degaan lagu magacaabo Shurufle, waxaana fuliyay xubno ka tirsan sirdoonka dowladda Soomaaliya, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan daraawiishta Galmudug.

Boqorka Sacuudi Carabiya oo isbitaal la dhigay kadib

Jeddah (Caasimada Online)Boqorka Sacuudi Carabiya Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada ku taalla badda cas ee Jeddah.

Boqorka ayaa lagu sameyn doonaa baaritaanno caafimaad, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dowladda Sacuudiga Axaddii.

Wakaaladda wararka dowladda Sacuudiga ayaa soo xiganeysay bayaan ka soo baxay maxkamadda boqortooyada, waxaana warku wuxuu intaa ku daray in uu baaritaan ku marayo cisbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal.

Boqortooyada Sacuudiga illaa iyo hadda ma bixin faah faahin kale oo dheeri ah, sida ay warisay wakaaladda ee dowladda.

Boqor Salmaan, ayaa noqday hoggaamiyaha dalka ugu sareeya dhoofinta saliidda adduunka sanadkii 2015 kadib markii uu in ka badan 2-1/2 sano ku qaatay xilka dhaxal sugaha iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka.

Boqorka, oo 86 jir ah, ayaa qalliin looga sameeyay xameetida sanadkii 2020-kii, isaga oo sidoo kale galay qalliin dhanka wadnaha ah bishii Maarso.

VOA + Reuters.

Shuruudo ay ka mid tahay saxiixa 20 xildhibaan oo lagu xiray musharaxiinta madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Online)– Guddiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta xilka madaxweynaha ee doonaya inay tartamaan.

Shuruudaha oo ka kooban sagaal qodob waxaa ugu weyn in murashax kasta laga doonayo lacag dhan $40,000, waxaana la faray inay soo buuxiyaan dhamaan sagaalka shuruud ee habraaca diiwaan gelinta murashaxiinta xilka Madaxweynaha.

Qodobada sagaalka ee laga doonayo murashax kasta ayaa kala ah:

  1. Warqada aqoonsiga (ID ama Passport).
  2. Warqada codsiga murashaxnimo.
  3. Warqada soo jeedinta murashaxa. Qodobkaan ayaa laga rabaa murashax kasta in uu soo saxiixo form 20 xildhibaan, xildhibaan kastana waxaa loo ogol yahay inuu sadax murashax u saxiixo.
  4. Warqada caddeynta buuxinta shuruudaha murashaxnimo.
  5. Afar boqol nuqul oo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan iyo nuqul elektoroonik ah ka hor maalinta hadal jeedinta.
  6. Taariikh Nololeed (CV).
  7. Labo sawir Teesaro ah.
  8. Warqadda cadeynta lacag qabashada.
  9. Warqadda aqbalaadda iyo u hogaansamida habraacyada iyo natiijada doorashada;.

Ugu danbeyntii guddiga qabanqaabada doorashada madaxweynaha ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa faray murashaxiinta inay soo dhameystiraan dhamaan shuruudaha kor ku xusan, si loo guddoon siiyo shahaadada murashaxnimo.

Goobta ay ka billaabaneyso diiwaan gelinta musharaxiinta madaxweyne oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la shaaciyey goobta lagu diiwaan-gelinyo murashaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo koontada lagu shubayo lacagta is diiwaan gelinta Musharaxiinta.

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha ayaa soo saaray warqad ay ku shaaciyeen in diiwaan-gelinta Musharaxiinta ay berri 9:00 am – barqanimo ka bilaabaneyso xarunta Golaha Aqalka Sare.

Sidoo kale warqadaan waxaa lagu soo bandhigay tilmaamaha koontada lagu shubayo lacaga is diiwaan gelinta musharaxiinta oo gaaraya 40 kun oo dollar, waana Bangiga Dhexe ee dowladda.

Guddigaan ayaa galabta soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta xilka madaxweynaha, waxayna shuruudahaasi ka kooban yihiin 9 qodob, kuwaas oo kala ah:

  1. Warqada aqoonsiga (ID ama Passport).
  2. Warqada codsiga murashaxnimo.
  3. Warqada soo jeedinta murashaxa. Qodobkaan ayaa laga rabaa murashax kasta in uu soo saxiixo form 20 xildhibaan, xildhibaan kastana waxaa loo ogol yahay inuu sadax murashax u saxiixo.
  4. Warqada caddeynta buuxinta shuruudaha murashaxnimo.
  5. Afar boqol nuqul oo barnaamijkiisa doorasho oo daabacan iyo nuqul elektoroonik ah ka hor maalinta hadal jeedinta.
  6. Taariikh Nololeed (CV).
  7. Labo sawir Teesaro ah.
  8. Warqadda cadeynta lacag qabashada.
  9. Warqadda aqbalaadda iyo u hogaansamida habraacyada iyo natiijada doorashada.                                                                                                                                    Hoos ka eeg warqada guddiga

Wararkii ugu dambeeyey ololaha doorashada iyo sida ay wax u socdaan hadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa muddo 8 maalin ah ay ka hartay maalintii loo asteeyay in la qabto doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, taas oo waqti dheer soo jiitamaysay.

Doorashadaan oo ay illa iyo hadda isku soo taageen in ka badan 15 musharax ayaa waxaa maalinta berri ah ee Axadda la filayaa in ay bilaabato tiiwaan gelinta iyo shahaado siinta rasmiga ah ee musharixiinta dooneysa in ay u tartamaan xilka ugu sareeya dalka.

Siyaayisiin xilal kala duwan horay dowladda uga soo qabtay iyo kuwa ku cusub saaxadda siyaasadda iyo hoggaanka ayaa todobaad kadib isku herdin doonna loolanka hanashada xilka madaxweynaha.

Muqdisho oo ay inta badan ku sugan yihiin musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynanimada ee dalka ayaa waxaa ka socda kulama iyo shirar gooni gooni ah oo u dhaxeeya musharixiinta iyo xildhibaannada labada aqal.

Waxaa billowday shukaaminta xildhibaanada iyo iibsiga codadka, ayada oo la filayo in codadka xildhibaanada ay noqdaan kuwii ugu qaalisanaa abid, oo ay gaari karaan illaa 100,000 oo dollar halkii codba.

Si kastaba, musharaxiinta qaar ayaa ka caga jiidaya inay lacag bixiyaan sababtoo ah, waxaan hubneyn in xildhibaanka lacagta qaadanaya uu codka siin doono, sida marar badan horey u dhacday oo cashar laga barta.

8 illa 10-ka bisha ayaa la filaya in ay guddiga doorashada madaxweynaha ay musharixiinta soo dhameystirta shuruudaha laga rabo ay siiyaan shahaadooyinkooda.

11-ka iyo 12-ka bisha ayaa sidoo kale la dhageysan doonna khudbadaha musharixiinta u tartamaysa xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Sikastaba doorashada madaxweynaha ayaa la qabanayaa 15-ka bisha May, oo sidoo kale ah maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee gobannimada doonka SYL.

Baarlamanka Puntland oo war kasoo saaray khilaafka Saciid Deni iyo Karaash

Garoowe (Caasimada Online) – Baarlamaanka maamul Goboleedka Puntland ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah uga hadlay khilaafka ka dhex dilaacay madaxweynaha maamulkaas Saciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash kaasoo bilowday markii uu Deni ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Puntland, Abuukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa rajo xumo ka muujiyey dadaalo lagu doonayey in lagu soo afjaro khilaafka u dhaxeeyo labada mas’uul oo la rumeysan yahay inay ku lug leedahay Villa Somalia.

Abuukaate Cabdicasiis ayaa sheegay inay Deni iyo Karaash labadaba qadka taleefoonka ku wada hadleen, kana aqbaleen in baarlamaanka bilaabo dadaallo lagu xalinayo khilaafka iyadoo loo marayo hab waafaqsan sharciga iyo mid siyaasadeedba.

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa madaxweyne ku-xigeenka Puntland ku eedeeyey inuu xagal daaciyey dadaaladii socday ee uu waday Baarlamaanka.

Wuxuu ku eedeeyey inuu qaaday tallaabooyin uu xilka kaga qaaday saddex kamid ah wasiiradda Puntland iyadoo uu wada-hadalku socdo, taasoo uu sheegay inay fashilisay howshii ay wadeen.

“Ballanta waxay aheyd in Maanta oo Sabti ah aan isugu imaano Garoowe si aan horey ugu sii wadno wada-hadalada aan dooneyno inaan isugu soo dhaweynayo labada mas’uul. Runtii waxaad moodaa wareegtadii kasoo baxday madaxweyne ku xigeenka inay xagal ddaacisay waan-waantii aa dhinaca ka aheyn,” ayuu yiri Abuukaate Cabdicasiis. https://thedentallounge.com/

Hadalka barlamaanka ayaa kusoo beegmaya iyadoo haatan magaalada Boosaaso ay ka taagan yihiin xiisado ka dhashay xil ka qaadista uu Axmed Karaash sameeyay, iyadoo ciidamo badan lagu daad gureeyay xarumaha dowliga ah ee Boosaaso, si looga hortago inay dhaqan gasho tallaabooyinka Axmed Karaash.

Kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inay Karaash u adeegsaneyso si ay ugu dhaawacdo musharaxnimada Saciid Deni, waxayna xogaha sheegayaan in madaxweyne ku xigeenka uu weli ku guuleysan la’yahay inuu gacanta ku dhigo maamulka Puntland.

Waxyaabaha Saciid Deni ka saaciday inaan weli lagala wareegin awooda maamulka Puntland ayaa waxaa kamid ah inuu gacanta ku heysto guddoona Baarlamaanka maamulkaas oo qaarkood ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan ololahiisa.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ka harsan wax ka yar 10 Maalin, wuxuuna Saciid Deni qorsheenayaa inuu dib ugu laabto Garoowe haddii uu waayo kursiga madaxweynimo ee Soomaaliya.

Sawirro: Ciidamada DF oo furay waddooyin 10 sano u xirnaa kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka oo Maanta howlgal qorsheysan sameeyey ayaa ku guuleystay inay furaan waddooyin kooxda Al-Shabaab u xirnaa muddo 10 sano ah.

Waddooyinka ay ciidamada Xoogga fureen ayaa waxay isku xiraan degmooyinka Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere oo gobolada Baay iyo Bakool ka kala tirsan.

Ciidamada howlgalkaan fuiyey oo ka tirsan ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga ayaa u awood sheegtay xubno ka tirsan Al-Shabaab oo waddooyinkaas ku sugnaa kuwaas oo diiday inay gawaarida isaga gudbaan.

Howlgalkaas ay guusha weyn ka gaareen Ciidanka ayaa waxaa hogaaminayay Abaanduulaha ururka 45-aad, guutada 8-aad, qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Maxamed Nuur Gurey.

Kooxda Al-Shabaab ayaa go’doon gelisay degmooyinkaas 10 sano ka hor, waxayna dhowr jeer gubeen gawaari raashin u waday Waajid, Tiyeeglow iyo Qansaxdheere taasoo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka ku nool degmooyinkaas.

Sidoo kale saameynta ka dhalatay tallaabada ay Al-Shabaab ku go’doomiyeen degmooyinkaas ayaa waxaa kamid ah inay sare u kacday maciishada maadaama mararka qaar raashinka lagu geynayey diyaaradaha AMISOM.

Al-Shabaab ayaa horey u sheegtay inay jidadkaas xirnaan doonaan inta ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku sugan yihiin degmooyinkaas.

Lama oga haddii ay ciidamada Dowladda kusii sugnaan doonaan jidadka ay Maanta fureen, waxaana jirta cabsi ku aadan inay kooxda soo qaado weeraro gaadmo ah si ay ciidamada Dowladda ugu qabsaan inay dib ugu noqdaan halkii ay ka imaadeen.

Kooxda ololaha Farmaajo oo falsafado cusub kusoo galay suuqa doorashada – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda ololaha madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa suuqa ololaha doorashada madaxweynaha lasoo galay falsafado cusub si ay mar kale Villada ugu soo noqdaan.

Kooxda Ololaha oo kulan isugu yimid ayaa go’aamiyey in maalin kasta ay sameeyaan hadal heyn xooggan (Trending) oo 24 saac ee maalin kasta la hadal hayo inta laga gaarayo doorashada, waxayna taas shalay ka billaabeen inay adeegsadaan hal ku dhigyada mucaaradka ee ah Isbeddel doon taasoo la hadal hayey 24-tii saac ee lasoo dhaafay.

Sidoo kale, waxyaabaha ay kooxda ololaha madaxweyne Farmaajo go’aamiyeen waxaa kamid ah inay sare u qaadaan qiimaha lacagta la siinayo xildhibaanada si musharixiinta kale sicirka loogu qaaliyeeyo.

Kooxda ayaa go’aamisay in halkii xildhibaan la siiyo 100 Kun oo dollar, sidoo kalana waxaa loo ballan qaaday oo meel loo dhigay 200K oo kale oo la siinayo marka uu Farmaajo guuleysto taasoo ah wax aan horey looga isticmaalin doorashada Soomaaliya.

Lacagtaas ayaa ah mid aad u badan oo ay adag tahay in mucaaradka inay bixiyaan iska dhaaf’e xitaa aanay usoo dhowaan karin.

Waxyaabaha kale oo ay sameeyeen waxaa kamid ah inay xildhibaanada isugu xir xiranaa koox koox loona sameeyo hal qof oo hoggaamiye u ah kaasoo loogu dhiibi doono 200 Kun oo dollar ee la siin doono marka uu guuleysto Farmaajo, taasi oo xaqiijin karta inaan la qiyaamin.

Kooxda ayaa ka fogaaneyso qorshayaashii hore ee looga adkaaday madaxweynayaashii xilka soo hayey maadaama inta lacag laga qaato laga coddeeyey, waxayna ku dadaalayaan inay xildhibaanada kusoo jiitaan 200K oo dollar oo meel loo dhigayo taasoo muujineyso inay kala aamin baxeyn xildhibaanada iyo kooxda Villa Somalia.

Ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, waxaana socda dadaallo lagu kala jeedinayo xildhibaanada, waxaana waxyaabaha ugu badan ee loo adeegsanayo ololaha kamid ah lacag kaash ah, mid ballan qaad ah iyo xilal.

Doorashada Soomaaliya ayaa loo asteeyey inay dhacdo 15 Bishaan, waxaana adag in lasii saadaaliyo cidda ku guuleysan karto, balse waxaa doorashooyinkii hore laga bartay in meesha laga saaro madaxweynaha talada hayey lamana ogo haddii uu jidkaas soo xirmi doono.

Sawirro: Muxuu ahaa ujeedka kulanka Aadan Madoobe iyo Safiirka Imaaraadka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta, Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay  arrimo dhowr ah, sida doorashooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Al Hammadi oo kulanka ka hadlay ayaa guddoomiyaha la wadaagay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Dhankiisa Aadan Madoobe ayaa danjiraha Imaaraadka  kula dardaarmay in ay sii laba jibaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, walow 5 tii sano ee lasoo dhaafay uu xumaa xiriirka xukuumadaha Abu Dhabi iyo Muqdisho, sababo la xiriir khilaaf diblomaasiyadeed oo soo kala dhex-galay dowladda Farmaajo iyo Imaaraadka.

Kulankan ayaa ku soo aadayo, xilli 15-ka bishaan May loo ballansan yahay in la qabto doorashada madaxweynaha, taas oo qaban qaabadeeda ay ka socoto magaalada Muqdisho.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku daahday xaaladda adag ee ka dhalatay waqtiga kala guurka, maadaama ay marar badan ay dib u dhaceen jadwallada doorashooyinka dalka.

Cabdirashiid Duqa oo war lama filaan ah ka soo saaray dib u doorashada Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdirashiid Maxamed Xaashi (Duqa) oo ah afhayeenka madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa ka hadlay doorashada guud ee madaxweynaha, taas oo loo madalsan yahay 15-ka bishaan aynu ku jirno May ee 2022-ka.

Cabdirashiid oo hadal ka jeediyey munaasabad gaar ah oo xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa ku dhowaaqay erayo lama filaan ah, sida madaxweynaha dib loo doortay, isaga oo tusaaleysanaya doorashada madaxweynaha ee dhici doonto maalmaha soo socda.

“Aniga waxaan tusaaleysanayey 15-ka May oo ah maalinta loo madlay in la doorto madaxweynaha, iyaga oo kasoo warramaya goobta baarlamaanka Wariye ka mid ah gabar iyo wiil koo doono ha ahaadee oo ku dhowaaqaya madaxweynaha jamhuuriyadda ee la doortay ama dib loo doortay si ay ahaataba,” ayuu yiri afhayeenka Villa Soomaaliya.

Hadalkan ayaa waxaa ka falceliyey dadweyne fara badan oo siyaabo kala duwan uga hadlay damaca ku jira kooxda Villa Soomaaliya ee ku aadan dib doorashada Farmaajo.

Villa Soomaaliya ayaa si rasmi ah u daah-furtay ololihiisa doorashada ee Farmaajo kadib markii guddiga doorashada ay ku dhowaaqeen in doorashada la qabanayo 15-ka May.

Sidoo kale kooxda ayaa adeegsatay halku dhigga “Isbeddel Doonka Socda” oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Si kastaba, Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo uu daah fur weyn u sameeyo ololihiisa doorashada xilli ay hal usbuuc kaliya ka hartay taariikhda loo asteeyay inay dhacda doorashada guud ee xilka madaxweynaha, taas oo loo geli doono loolan culus.

Xog: Murashaxiin doonaya in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah murashaxiinta madaxweyne ayaa wada isku-day ay ku doonayaan in wax laga beddelo jadwalka doorashada madaxweyne ee loo qorsheeyay inay qabsoonto 15-ka bisha May, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Murashaxiintaan ayaa doonaya in maalinta ay qabsoomeyso doorashada laga dhigo 25-ka May, hase ahaatee qorshahaan ay wadaan murashaxiinta qaarkood ayaa aheyn mid xooggan.

Ma muuqato astaan muujineyso dib u dhac ama qorshe isbeddel lagu sameynaayo maalinta loo asteeyay inay qabsoonto doorashada madaxtinimada ee 15-ka May.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Madaxwenaha Soomaaliya Cabdiqani Geelle ayaa sheegay in muddada tobanka maalmood ah ee soo socota ay ku qaban doonaan doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayna ku filan tahay musharixiinta in ay isku diyaariyaan.

Guddoomiyaha ayaa yiri “Waxaan tixraac ku sameynay tii gudoonka baarlamaanka oo tiradu intaa ka badnayd, waqtiguna uu intaa aad iyo aad ugaa koobnaa, waan isbarbar dhignay, waxaana noo soo baxday inay ku filan tahay waqtiga aan u qabanay.”

Mar wax laga waydiyey waxa u qorsheysan inay sameeyaan haddii doorashada ay ku dhici weyso waqtigii ay u qabteen ayuu ku jawaabay “ Inshaa Allah way ku dhici doontaa, musharixiinta tartamayo waa la yaqaan waa ay isku key dul saaran yihiin, mana jirto waqti aan anaga luminay, musharixiinta iyo xidhibaanada dhan waa ogol yihiin, waxaana xataa la shaqeyn karaa habeen, wax naga qaldan ma jiraan haddiiba ay noo joogaan musharixiintii, guddoonkii baarlamaanka iyo xildhibaanadii, ilaahey kama rajeeneyno dib u dhac iyo in waqtii aan qabanay wax ku dhici waayaan” .

Dowladda Soomaaliya ayaa lumin doonta haddii doorashada ay ka dib dhacdo 17-ka May taageerada dhaqaale ee beesha caalamka iyo hay’adda lacagta adduunka “IMF” ku kabto Soomaaliya, sidoo kale waxaa xiligaasi dhaceyso waqtiga dib u eegista qorshaha dib u eegista  

Dowladda federaalka ayaa ka codsatay hay’adda lacagta aduunka IMF in ay kordhiso mudada ay joogsaneyso dhaqaalaha dalku ka helo deeq-bixiyeyaasha oo dhacaysa 17-ka bisha May.

Wasaaradda maaliyadda iyo bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ka dalbaday IMF in ay tixgeliso codsiga dowladda Soomaaliya, maadaama bey yiraahdaan horumar baaxad leh laga gaaray doorashooyinka dalka.