26.5 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Aqriso: Liiska xubnaha golaha shacabka ku metelaya gudiga doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha goalah shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa soo saaray liiska 10 xubnood ee xildhibaanada golaha shacabka ku metelaya qaban-qaabada doorashada madaxweynaha dalka.

10-ka xildhibaan ee golaha shacabka ku metelaya guddigaas ayaa kala ah:

1 – Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud
2 – Xildhibaan Cali Xaaji Daahir Saleebaan
3 – Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed
4 – Xildhibaan Nuur Mustafe Mukhtaar
5 – Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Beerey
6 – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu
7 – Xildhibaan Cabdiqani Ismaaciil Saciid
8 – Xidhibaan Cabdiwahaab Cumar Caana-nuug
9 – Xildhibaan Cumar Yuusuf Qalaadiid
10 – Xildhibaan Fardowso Cusmaan Cigaal

Golaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale maanta soo magacaabay 6 xubnood oo guddigaan uga mid noqonaya, waxayna tirada guud ee gudigaan noqaneysaa 17 xubnood oo kala 10 golaha shacabka ah, 6 Aqalka Sare ah iyo hal xubin oo guddoomiye Aadan Madoobe uu soo magacaabayo.

Xubnaha guddigaan ayaa looga fadhiyaa qorshihii lagu dooran lahaa madaxweynaha muddo kooban. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa maanta sheegay in guddigaan laga rabo inay keenaan habraacii iyo wax walba oo ku aadan qabsoomidda doorashada Madaxweynaha, ka hor 17-ka bishaan, taasi oo ku siman wax ka yar labo toddobaad.

Wasiirkii hore ee ganacsiga oo kusoo biiray murashaxiinta madaxweynaha Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)– Eng. C/llaahi Cali Xasan, wasiirkii hore ee Ganacsiga iyo Warshadaha Somalia ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay murashax madaxweyne, wuxuuna sharaxaad ka bixiyay sababaha ku kalifay in xilkaan u istaago xiligaan.

Murashax C/llaahi Cali Xasan ayaa sheegay in 62 sano kadib markii gumeystihii xornimada laga qaatay in shacabka Soomaaliyeed ay heystaan daruufo qalafsan oo ay la dhibaateysan yihiin kuwaasoo isugu jira abaaro, faqri, amni daro, maamul xumo iyo caddaalad daro, isagoo sheegay in dhamaan arrimahaasi ay sababeen dowlad xumo, ku-takrifal awoodeed iyo khilaaf siyaasadeed oo soo noqnoqday 62 sano tan iyo markaan xornimada qaadanay.

Murashaxa ayaa intaa raaciyay in dhibaatooyinkaasi shacabka haysta in looga bixi karo iyo xal u helidooda inay tahay arrin u taal dadka Soomaaliyeed oo ugu horeeyo hoggaanka dhawaan la dooran doono, madaxda kale ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed, oo uu sheegay in mustaqbalkooda cida go’aamin karta ay shacabka yihiin.

Eng. C/llaahi ayaa sheegay in uu aaminsan yahay in dowladnimadu aysan aheyn mid loogu adeego danaha koox ama shaqsi gaar ah, balse ay tahay mid dadku wada leeyahay, dowladooduna tahay mid shacabka danahiisa iyo maslaxadiisa guud ahaan ka shaqeysa.

Murashaxa ayaa sheegay in loo baahan yahay isbadal dhab ah iyo hoggaan hufan tallo wadaag ah, karti leh, hoggaan aqoon iyo waaya aragnimo leh, hoggaan amaano leh oo  caddaalad ku hoggaamin kara dalka iyo hoggaan dadka xilka u dhiibteen u gudan kara si caddaalad alle ka cabsi leh, hadii uu gudan waayana xilkaasi guuldaradiisa aan dadka kale u saarin ee shacabka kusoo celiya amaanadii ay u dhiibteen.

Eng. C/llaahi Cali Xasan ayaa sidoo kale sheegay in uu fahamsan yahay daruufaha adag ee dadkeena haysta iyo sida looga gudbi karo iyo horumarka la doonayo iyo waajibaadka adag ee laga sugaayo madaxweynaha cusub ee la dooran doono.

Murashaxa ayaa sheegay inuu aaminsan yahay aqoonta iyo kartida uu u leeyahay hoggaaminta dalka haddii ay noqon laheyd aqoon, karti, ammaano, iyo waaya aragnimo uu ku gudan karo xilka madaxweynenimo haddii loo doorto.

Guddiga baarlamanka ee maanta la magacaabay oo loo qabtay ilaa 17-ka May

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni-gooni ah oo ay maanta yeesheen waxay iska soo xuleen guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 17 xubnood ayaa 10 kamid ah waxaa iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Doorashada Xubnahaan ayaa waxaa looga fadhiya qorshihii lagu dooran lahaa madaxweynaha muddo kooban, sida uu sheegay Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

Xidig ayaa sidoo kale sheegay in Xubnahaan laga rabo inay keenaan habraaci iyo wax walba oo ku aadan doorashada, ka hor 17-ka bishaan, taasi oo ku siman wax ka yar labo toddobaad.

“Waxaa looga fadhiya inay la yimaadan qorshihii iyo habraaci lagu dooran lahaa madaxweynaha, marka taas ayuu guddiga ka shaqeyn doona,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig.

“Sababta aan u dadajinayno waa in si wadanka uusan dib ugu noqon tallaabooyinka uu soo qaaday. Guddiga awood gaar ah malaha waa in kaliya uu habraaca iyo xeer hoosaadka ku dhaqmo oo hoolka doorashada abaabulo.”

Xildhibaan Xidig ayaa ugu dambeyntiina sheegay in uu ka xun yahay in gobolka Gedo uusan metelaad laheyn, maadama xubno is-khilaafsan ay kasoo baxeen gobolkaas, taasi oo dhawaan xal laga gaari doono khilaafkaas.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa go’aanka u dambeeya ka qaadan doona isqab-qabsi xubnaha uu ka taagan yahay, ayada oo maanta qaarkood ay ku sugnaayeen kalfadhigii golaha, oo aan laga saarin.

Burundi oo shaacisay tirada looga dilay weerarkii Shabaab iyo kuwa nolosha lagu watay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi ayaa ka hadlay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Bara fee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Saldhigga ayaa waxaa dagaal xooggan oo lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa Burundi ee qeybta ka ah howlgalka ATMIS, ayada oo kooxda Al-Shabaab ay gebi ahaan cagta marisay.

Sarkaalkaan oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in weerarkaas ciidamada Burundi looga dilay 30 askari halka uu sheegay in dhaawaca uu gaarayo illaa 20.

Sidoo kale, sarkaalkaan ayaa sheegay in nolol iyo geeri lagu la’yahay tobanaeeyo kale, waxayna xogta la helay sheegeysaa in kooxd Al-Shabaab ay nolosha ku wadatay 15 askari oo ka tirsan kuwa ciidamada Burundi.

Ciidamada AMISOM ayaa u diray diyaarado nooca qumaatiga u kaca ah kadib weerarkii subaxnimadii hore ee shalay lagu qaaday xero ay ku sugnaayeen ciidamada Burundi oo ku dhow deegaanka Ceel-Baraf.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in ku dhawaad 400 oo dagaalyahano Al-Shabaab ah ay gudaha u galeen saldhiga kadib markii ay qarxiyeen labo baabuur oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Sidoo kale hoggaanka sare ee Al-Shabaab ayaa dadka ku nool degaanka Ceel-Baraf iyo hareerihiisa waxay ku fasaxeen inay qaataan agabkii yaallay xerada ay kala wareegeen ciidamada Burundi oo aad loogu laayey gudaha iyo hareeraha xerada.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Guddiga doorashada ee madaxweynaha Soomaaliya oo maanta la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni gooni ah oo ay Maanta yeesheen waxaa ay iska soo xuleen guddiga qaban qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Guddiga oo ka kooban 17 xubnood ayaa 10 ka mid ah waxaa iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Xubnaha Guddigan ayaa waxaa ay diyaarin doonaan qorshihii lagu dooran lahaa Madaxweynaha muddo kooban, waxaana magacyada 17 Xubnood ee guddiga ka kooban yahay ay kala yihiin.

Xubnaha ka socda Golaha Shacabka ayaa waxaa ay yihiin.

1- Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamed.
2- Xildhibaan Cali Xaaji Daahir.
3- Xildhibaan Nuur Mustaf Mukhtaar.
4- Xildhibaan Beerey.
5- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimuu.
6- Xildhibaan Maxamed Caananuug.
7- Xildhibaan Cumar Yuusuf.
8- Xildhibaan Fardowsa Maxamed Cigaal.

Saddex Xubnood ayaa ka dhiman Xubnaha Guddiga ee ka socda Golaha Shacabka, wuxuuna Guddoomiyaha sheegay inay soo dhameystiri doonaan illaa caawa.

Dhinaca kale, Aqalka Sare ayaa maanta yeeshay kalfadhiga koowaad kulankiisa afaraad kaas oo ay uga hadlayeen dhismaha iyo Ansixinta Guddiga Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo lagu wado doorashadiisa in ay dhacdo bishan.

Kulanka Golaha ayaa waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Senenatar Cali Shacbaan Ibraahin iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde).

“Sida sharciga ah oo xeer hoosaadka dhigayo magacaabista guddiga waxaa leh guddoonka, balse Golaha waxaa ku jira 39 xubnood oo cusub kuwaas oo aan xeerarkaas la socono sidaas ayaana u ogolaanay inay Golaha iska soo saaraan,” ayuu yiri.

Halkaan hoose ka akhriso xubnaha la magacaabay

1- Cali Maxamuud Gacal (Koonfur Galbeed)
2- Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar (Somaliland)
3- Cabdiqani Geelle Maxamed (Puntland)
4- Farxaan Cali Maxamuud (Galmudug)
5- Ibraahim Awgaab Cusmaan (Jubbaland)
6- Samsam Cabdullaahi Axmed (HirShabeelle)

Sheekh Aadan Madoobe oo go’aan ka gaaray arrinta xildhibaannada GEDO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa goor dhaweyd furay kal-fadhiga kowaad, kulankiisa siddedaad ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana kasoo qeyb galay 157 xildhibaan, kuwaas oo ansixiyay ajandaha maanta oo ah xulista guddiga doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inay shaqada ugu weyn ee hortaalla Baarlamaanka inay tahay doorashada madaxweynaha, isla markaana uu doonayo inay si deg deg ah ay u qabsoonto.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa xildhibaannada ka codsaday inay 10 xubnood ay iska dhex doortaan ‘si waafaqsan nidaam dheelli tiran.’ Wuxuu sidoo sheegay in lix xubnood oo ku saleysan metelaadda maamul goboleeyada ay sidoo kale uga imaan doonaan dhinaca Aqalka Sare oo isna goor dhaweyd uu u bilowday kulan ay ku dooranayaan guddiga doorashada madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa intaas ku daray in maadaama ay tirada guud ee guddigan ay noqon doonto 17 xubnood uu guddoonka Baarlamaanku magacaabi doono xubinta dheeriga ah.

Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegay inay golaha soo xaadireen xildhibanno uu ku sheegay in uu ka jiro isqab-qabsi, wuxuuna ku wargeliyay ‘inuu go’aan ka gaari doono’ wixii maanta ka dambeeya.

Wuxuu Caddeeyay inay Golaha fariisan doonaan oo kaliya xildhibaannada aanu khilaafka ku jirin, kooramkana aan lagu dari doonin xildhibananada la isku khilaafsan yahay, inta go’aanka kaam dambeysta ah laga gaarayo arrintooda.

Kulanka maanta ayuu Guddoomiye Aadan Madoobe shaaciyey inaan Golaha laga saareynin xildhibaannada wada fadhiya ee is khilaafsan, kana yimid Gobolka Gedo.

Xubnaha golaha ayaa hadda ku maqan xulista xildhibaannada ka mid noqon doona guddiga doorashada Madaxweynaha.

Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigtay jab culus oo ay gaarsiiyeen ciidanka Burundi

Ceel-Baraf (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Sidoo kale hoggaanka sare ee Al-Shabaab ayaa dadka ku nool degaanka Ceel-Baraf iyo hareerihiisa waxay ku fasaxeen inay qaataan agabkii yaallay xerada ay kala wareegeen ciidamada Burundi oo aad loogu laayey gudaha iyo hareeraha xerada.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Waaberigii hore ee Talaadadii shalay ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Intii la dilay maahane askartii kale ku sugneed xerada ayaa u baxsatay dhulka howdka ah, waxayna Al-Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay daba galaan ciidanka firxaday oo qoryaha ka soo furtaan, iyagoo u sheegay in qof kasta qorigii uu soo furto uu isagu leeyahay.

Durbadiiba shacabku waxay bilaabeen inay fuqsadaan guryihii ciidanka ee ku dhex yaallay xerada ay Al-Shabaab la wareegeen, waxaana sawirradii la qaaday ka soo muuqday dad badan oo shacabkii deegaanka ah oo xerada bililiqeysanaya.

Sidoo kale warbaahinta kooxda ayaa baahisay sawirro badan oo laga qaaday meydadka ciidankii ATMIS ee la laayey oo daadsan xerada, gaadiid, rasaas iyo dhamaan sahaydii ciidanka ee xeradaas taallay ayaa gacanta u gashay kooxda Al-Shabaab.

Hoos ka eeg sawirrada

Qoor-Qoor oo Xamar ‘looga kireeyay guri uu uga ololeeyo’ musharax madaxweyne

Muqdisho (Caasimada Onlie) – Xildhibaan Cabdicaziz Cilmi Cali oo kamid ahaa xildhibaanada kasoo jeedo Galmudug ee kuraastooda dad kale la siiyey haddana kamid ah Golaha badbaadada Galmudug ayaa eedeyn culus usoo jeediyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).

“Waxaan halkaan isugu nimid anagoo mataleyno Galmudug, maadaama aan la baxnay oo aan u istaagnay howshaan runtii u baahan in loo istaago oo badbaadada Galmudug ah, waxaan isugu imaanay wixii nagu soo kordhay iyo wixii naga halaabayba inaan Bulshadeena la wadaagno,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdicaziz Cilmi Cali.

Cabdicasiis ayaa madaxweynaha Galmudug ku eedeyey inuu dayacay shaqadii iyo mas’uuliyadii loo dhibtay isla markaasna uu ku fashilmay sugidda amniga, isagoo Shacabka ugu baaqay inay tashadaan.

“Bulshadeena Galmudug waxaan dareensanahay in Abaaro ba’an weli hayaan Alle haka dul qaadee, sidoo kalana har iyo habeen ayaa waxaa ku socdo weerar, waxaana muuqata in maamulka Galmudug uusan diyaarin ciidamadii amniga sugi lahaa, waxaana ku baaqeynaa in Bulshada Galmudug ay isku tashadaan si ay ammaankooda u sugtaan garabna u siiyaan walaalahooda tabaaleysan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Sidoo kale Cabdicasiis ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Galmudug inay si sax ah ula xisaabtamaan madaxweyne Qoor Qoor oo uu ku eedeeyey inuu Muqdisho ka wado ololaha dib usoo doorashada Farmaajo xilli deegaanada uu madaxda u yahay ay halis uga imaaneyso kooxda Al-Shabaab.

“Xildhibaanada maamul Goboleedka Galmudug waa inay la xisaabtamaan madaxda talada heysa oo uu Axmed Qoor Qoor ugu hooreeyo kaasoo kaambeyn u fadhiyo Xamar, iyadoo ay bulshadiisa dayacan tahay, waxaa nasiib darr ah runtii oo wax taariikhdu qoreyso ah in Abaarta jirta iyo amni darada jirta aysan xanuun iyo kuluul midna ku heyn madaxweynaha Galmudug, xanuunka ugu badan ee Maanta hayo waa Ahlu Sunna markii loo sheego in Al-Shabaab soo weerartay deegaanada wuxuu ku jawaabayaa amaa Bohol laga soo dhaqaaqay,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeybti xildhibaan Cabdicasiis ayaa yiri “ Waxaa sidoo kale siyaasiyan khasaaro ku ah ummadda kasoo jeedo Galmudug inaysan heysan madaxweyne ka fakaraya aayahooda waxaana taas tusaale kuugu filan in Galmudug ay weysay hoggaanka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

DF Somalia oo dalab culus soo saartay, kadib weerarkii Al-Shabaab ee Ceel Baraf

0

Jowhar (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii ay kooxda Al-Shabaab waabarigii hore ee Taladaada ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaas oo ku billowday qaraxyo uu ahaa mid ‘fool xun’ iyadoo sidoo kale tacsi uga dirtay shacabka iyo dowladda Burundi waxyeellada kasoo gaartay ciidankooda.

Warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale beesha caalamka looga inay kordhiyaan taageerada ay siiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika  ee wada howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab

Dowladda Soomaaliya faah-faahin dheeraad ah kama bixin khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan oo ay guullo ka sheegtay kooxda Al-Shabaab.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin Al-Shabaab.

Waaberigii hore ee Talaadadii shalay ayey kooxdu jiho kasta ka soo weerartay xero weyn oo ciidamada Burundi ee ATMIS ay ku lahaayeen deegaanka, wuxuuna weerarkaasi ku bilowday qaraxyo is-miidaamin ah.

Intii la dilay maahane askartii kale ku sugneed xerada ayaa u baxsatay dhulka howdka ah, waxayna Al-Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay daba galaan ciidanka firxaday oo qoryaha ka soo furtaan, iyagoo u sheegay in qof kasta qorigii uu soo furto uu isagu leeyahay.

Warbaahinta kooxda ayaa baahisay sawirro badan oo laga qaaday meydadka ciidankii ATMIS ee la laayey oo daadsan xerada, gaadiid, rasaas iyo dhamaan sahaydii ciidanka ee xeradaas taallay ayaa gacanta u gashay kooxda Al-Shabaab.

Sawirro: Aadan Madoobe oo kulamo xasaasi ah ka wada Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa weli kulamo ka wada magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo looga hadlayo dhammeystirka doorashada.

Aadan Madoobe ayaa xalay qaabilay madax kala duwan oo uu ka mid yahay  madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Qoor Qoor oo booqasho ugu tegay.

Kulanka wuxuu ujeedkiisu ahaa salaan iyo hambalyo, waxaana uu Eebbe uga baryey in uu u fududeeyo xilka culus ee loo doortay.

Sidoo kale Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa hoygiisa ku qaabilay ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Xildhibaan Mahdi Maxamed Guleed.

Labada mas’uul ayaa waxa ay ka wada hadlay marxaladda kala guurka ah ee doorashada dalka.

Raiisul Wasaare ku xigeen, Xildhibaan Mahdi Guleed oo u hambalyeeyay Guddoonka Baarlamaanka 11-aad ayaa waxa uu sidoo kale bogaadiyay dadaalada socda ee looga gol leeyahay dhameystirka doorashooyinka iyo soo af-jaridda marxaladda kala guurka.

Waxaa kale oo uu guddoomiyuhu qaabilay musharrax madaxweyne Cabdinuur Sheekh Maxamed oo isna xalay booqasho ugu tegay gudoomiyaha.

Cabdinuur ayaa hambalyo, kadin, waxaana ay isla soo qaadeen dedejinta doorashada madaxweynaha dalka.

Kulamadan ayaa qayb ka noqonaya dadaallada lagu dhammeystirayo doorashada, gaar ahaan mida madaxweynaha oo la qabanayo maalmaha soo socda.

Safiirkii DF ee Talyaaniga oo soo saaray qoraal xasaasi ah oo jawaab u ah Cabdisaciid

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii Safaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Cabdiraxmaan Sheekh Ciise ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku sharaxayo sababta uu ku yimid khilaafka u dhaxeeya asaga iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, oo sheegay inuu xilka ka qaaday, wuxuuna Safiirku eedeymo culus u soo jeediyey wasiirka.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Danjire Cabdiraxmaan Sheekh Ciise

KA JAWAABID WARSAXAAFADEEKA WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA JFS EE 1da MAY 2022

Waxaan warbaahinta maxaliga ee dalka Soomaliya ka akhristay War-Saxaafadeed ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga (WADIC) J.F.S. soo saartay 1da May 2022 oo ay ku cambaareynayeen Danjire Cabdiraxmaan Sheikh Ciise, Safiirka Ambabaxaya (Out-going Ambassador) ee Safaaradda Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Rome ee dalka Talyaaniga.

Waxaa nasiib darro ah in War-Saxaafadeedka Wasaaradda, oo dabcan lagu soo saaray amarka Wasiirka, Mdn. Cabdisaciid Muuse Cali, lagu dafiray in War saxaafadeedkaasi lagu xusi waayo dhacdadii foosha-xumayd ee sumcadda Qaranka Soomaaliyeed meel looga dhacay. Waxaa xaqiiqo ah in xoog kula wareegidda Safaaradda uu dhacay habeenimada 7da April, 2022, waxaana hormuud ka ahaa Sii-Hayaha Safaaradda Magacaaban (The Designated Charge Affairs) Mdn. Axmed Cabdiraxmaan Sheikh Nuur, isagoo kaashanaaya seddax diblomasiyiin kale.

Waxa aroornimada April 8, 2022 ay beddeleen furooyinka xafiisyada safaaradda, waxayna hore u qaateena furooyinka Baabuurta Safaaradda lahayd. Waxaa kaloo xaqiiqo dhab ah in anigoo ah safiirkii hore ee Safaradda Talyaaniga aanay jirin meel aan xilkii safaaradda si rasmi ah ugu wareejiyay Mdn. Axmed Cabdiraxmaan Sheikh Nuur. Arrintaas oo wali taagan waxeyna caddayn u tahay in safaaradda sifo aan sharci ahayn loola wareegay eraybixinti la doono haloo fasirtee (inqilab, xoog kula wareegid, iwm).

Isla markii ay sidaasi wax u dhaceen, waxaan warbixin qoraal ah u diyaariyay una diray Wasiirka Arrimaha Dibadda, Wasiir-Ku-xigenka iyo Wasiiru-Dowlahaba, Ogeysiisna u siiyay Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha JFS. (Eeg warqadda Sumadeedu tahay Prot: SER/I/50/2022 ee April 11, 2022,)

Arrinta la xiriita u yeerista safiirka, waxey aheyd u yeerid wadareed oo lix Diblomaasiyiin oo ka tirsan Safaaradda Rome loogu yeeray iney hal mar soo wada galaan Muqdisho 25-ka December 2021. Safiirka, wuxuu talo qoraal ah u gudbiyay Wasaaradda, maadaama soo gelitaanka wadareed ay kalifeyso in Safaaradda la xiro, lagana yaabo inay abuurto mushkilo firaaq u adeegidda bulshada iyo tuhun ka dhalan kara cilaaqaadka Talyaaniga iyo Somaliya. (Eeg Warqadda Prot: SER/I/149/2021 ee 13/12/2021).

1 Waxaa kalo xusid mudan, in habeenimada 13-ka April 2022 inuu Madaxweynaha JFS, Mdn. Maxamed Cabdulaahi Maxamed uu ila soo xiriiray isagoo muujiyay in uu aad ula fajacay sida ay wax u dhaceen iyo isbeddelka Safaradda lagu sameeyay. Wuxuuna igu yiri “Waa arrin fool-xun dib ayaa lagaala soo xiriiri doonaa”. Wax yar kadib, waxaa teleefoon igu soo wacay Wasiir Cabdisaciid Muuse oo markale si faahfaahsan aan sharaxaad waafi ah uga siiyay nuxurka warbixintii qoraalka aan horay ugu diray taariikhda April 11, 2022, haseyeeshee uu doorbiday in aanu ka soo jawaabin arrinta la xiriirta Xoog kula wareegidda safaaradda.

Waxa aan aad ugu dadaalay in arrintaasi aanay faraha ka bixin, sidaas darteed waxaa si aan mugdi ku jirin, isku afgaranay aniga (Safiirka) iyo Wasiir Cabdisaciid Muuse, qoraal noqda raad-raac (memorandum) oo ku qoran qodobada muhiimka ee soo socda: (1) In sida ugu dhaqsi badan Safaaradda loogu soo celiyo jawigii caadiga ahaa ay ku howlgeli jirtay; (2) Furooyinka Safaaradda dib loogu soo celiyo Abukar Gacal oo ahaa ilaaliyaha safaaradda muddo 30 sano; (3) In Safiirku dib ugu soo laabto Safaaradda, si uu xilka u wareejiyo; (4) In Danjiraha Cabdiraxmaan Sheikh Ciisa uu ambabaxayo marka uu xilka wareejiyo; (5) In Mushaharadii Saddexbiloodlaha 2022 (Jan-Feb-Mar) oo Wasiirku hore u Joojiyay loo soo diro Safiirka. (Eeg Warqadda Prot: SER/I/87/2022 ee 14 April 2022).

Waxaase nasiib darro ah in Wasiir Cabdisaciid Muuse uu doorbiday isagoo marin- habaabinaya dadweynaha Soomaaliyeed inuu Warsaxaafadeeka uu soo saaray cinwaan uga dhigay in: “Safaaradda Soomaliya aanu afgembi ka dhacin”. Isagoo og in safaaradda xoog lagula wareegay.

Waa dhab in Wasiirku soo magacaabay Sii-Hayaha Safaaradda, isla markaana uu danjarahii horena la beddelay. Sidaas darteed, waxaa lama huraan ah, in labada shaqsi ay Xil-wareejin damestiran ku kala qaataan Amanaada Qaranka oo maamulkeeda loo xilsaaray. Nasiib darase, taasi ma dhicin maadaama Sii-Hayaha Safaaradda uu si aan leex-leexad lahayn xoog kula waregay Safaaradda, xilwareejina diiday.

Waxaan ku dadaalay in bulshadii aan u adeegi jirnay oo ka carootay sida wax u dhaceen inaan dejiyo, una sheego in isbedelkuna uu meerto yahay. Waxa dhab ah in Wasiir Cabdisaciid uu ilaa hadda uu ka gaabiyay xilkii kaga aadanaa xalinta mushkiladaas. Dareenkeyga shaqsiga ah iyo xogta jirta waxay muujinaysaa in Wasiir Cabdisaciid Muuse uu dabada ka riixayay in xoog lagula wareego safaaradda.

2 Arrinta ku sabsan ku takrifal awoodeed iyo maamulka safaaradda waa wax kama jiraan. Shantii sano iyo bar oon Safaaradda Rome aan mas’uul ka ahaa, kama dhicin wax dhaliil ah, waxaana isoo martay shan Wasiir Arrimo Dibadeed. Sidaas darteed, arrinta uu wasiirka hadda lasoo booday waa wax kama jiraan. Waxaase looga fadhiyaa inuu Wasiirku uu marag-muujin cad inuu kasoo bandhigo. Haseyeeshee, maamulka u bahan in la saxo waa dhibta ka taagan Wasaaradda oo ugu horeyso xulashada iyo magacaabidda diblomaasiyiinta, taasoo Wasaaradda ay ka gaabisay inay mudnaanta siiso aqoonta guud iyo midda xirfadeedka shaqsiga, kartida, waayo aragnimada iyo hufnaanta shaqsiga.

Safaaradda Rome, waxaa hadda ku sugan Diblomaasiyiin aan shaqeyn karin, oon laheyna hab dhaqan-shaqo (work ethics), balse aaminsan iney Safaaradda ku joogaan 4.5. Arrintaas oo markuu bishii December 2021 uu Wasiir Cabdisaciid Muuse booqasho ku yimid Talyaaniga uu indhahiisa ku arkay kadib kulankii uu la yeeshay Diblomaasiyiinta Safaaradda Rome. Waxaa kulankaasi wasiirka ku weheliyay, goob joog iyo marqaatina ka ahaa Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, Mudane Cabdulaahi Abukar Xaaji.

Gunaanadkeena waxuu yahay, sida kor lagu soo xusay, fekerka ay Wasaaradda dooneyso iney shicibka usoo gudbiso waa mid aan sal laheyn. Anigu waxaan shaqsi ahaan Qaranka Soomaaliyed usoo shaqeynayay muddo aad u dheer, waxaan waayo aragnimo u leeyahay: dad-wadeednimo (leadership), qancin, samir, hal-abuur, maamul iyo maareyn wanaag iyo dishiblin, taasoo marqaati buuxda ka yihiin intii aan la soo shaqeeyay.

Sidaas darteed, waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha JFS iyo Ra’isul Wasaaraha JFS, iney tilmaan cad iga soo siiyaan wixii aan ka yeeli lahaa Xilwareejinta la diiday. Siiba, mas’uuliyadda hantida Safaaradda ku leedahay dalka Talyaaniga oo ah hanti Qaran oo qeymo leh.

 

———— DHAMAAD ————

 

Midowga Afrika oo war kasoo saaray weerarkii Shabaab ee saldhiga ciidanka Burundi

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa si adag uga hadlay weerarkii cuslaa ee ay shalay kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah ATMIS ay ku lahayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo 65 KM u jira caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ee Jowhar.

Guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo bayaan kasoo saaray weerarkaasi ayaa cambaareeyey, wuxuuna sheegay in uusan hoos u dhigi doonin howlgallada ciidamada ATMIS ee jooga Soomaaliya.

Faki Mahamat ayaa sidoo lale khadka taleefoonka kula xiriiray madaxweynaha waddanka Burundi General Neva, wuxuuna uga tacsiyeeyet askarta looga dilay weerarkaas oo qaraxyo ku bilowday,  isagoo kuwa dhaawaca ahna u rajeeyey caafimaad deg deg ah.

Al-Shabaab ayaa dhankeeda soo bandhigtay sawirro muujinaya jab xoog leh oo ciidanka ATMIS qeybtiisa Burundi ee fadhigoodu ahaa degaanka Ceel-Baraf ay u geysteen, kadib weerar culus oo waaberigii hore ee shalay ay ku qaadeen.

Sida ay werisay warbaahinta taageerta Al-Shabaab 173 askari ayaa ciidanka Burundi looga dilay weerarkii Ceel-Baraf, waxaana jirta askar nolosha lagu qabtay, inkastoo aysan tiradooda shaacin kooxda Al-Shabaab.

Intii la dilay maahane askartii kale ku sugneed xerada ayaa u baxsatay dhulka howdka ah, waxayna Al-Shabaab dadka deegaanka ku amreen inay daba galaan ciidanka firxaday oo qoryaha ka soo furtaan, iyagoo u sheegay in qof kasta qorigii uu soo furto uu isagu leeyahay.

Farmaajo oo soo saaray amar madaxweyne oo uu uga horyimid tallaabooyin uu qaaday Rooble

Muqdisho (Caasimada Online)-  Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa soo saaray qoraal uu ku jebinayo go’aano horay uga soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sidoo kale qoraalka Farmaajo ayaa u muuqda mid jawaab u ah tallaabadii uu galabta qaaday guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo taliyayaasha ciidamada amray inay hadda kadib isaga ka amar qaataan.

Farmaajo ayaa qoraalkiisa ku xusay laba Agaasime wasaaradeed oo dhawaan xilalka laga qaaday, kuwaas oo xil ka qaadistooda uu waxaba kama jiraan kasoo qaaday.

Hoos ka akhriso qoraalkaan ka soo baxay xafiiska Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya ku takri-falka awoodda dowladnimada, musuqmaasuqa maamul iyo xadgudubka ka dhanka ah shaqaalaha qaranka;

Madaxweynaha oo tixraacaya Xeerarka jiheynayey maamul wanaagga iyo ilaalinta danta guud ee uu soo saaray 18-kii Janaayo, 2018 iyo 7dii Ogoosto 2021;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya cabashooyinka iyo khilaafaadka ka taagan isku dayada in isbeddel maamul iyo shaqaale lagu sameeyo qaar ka mid ah Hay’adaha dowladda, iyada oo la ogsoon yahay xaaladda doorasho ee uu dalku ku jiro;

Waxa uu soo saaray Xeerkan;

1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey dhammaan go’aammada ku saabsan isbeddelada maamul iyo shaqaale ee Hay’adaha Dowladda, inta lagu guda jiro dhammeystirka doorashooyinka.

2. Madaxweynuhu waxa uu baabi’iyey dhammaan wixii magacaabis iyo go’aan maamul ah oo taabanaya wax ka beddelka Hay’adaha gudaha ee dowladda iyo shaqaalaha Rayidka ah, laga soo bilaabo maalintii la dhaariyey Xildhibaannada Baarlamaanka ee 14-ka Abriil 2022.

3. Xeerkan Madaxweyne wuxuu baabi’inayaa isbeddelada maamul ee lagu sameeyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Ku-simaha Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka iyo Hay’adda Tayo Dhawrka Qaranka.

4. Madaxweynuhu wuxuu mar kale farayaa dhammaan hay’adaha Dowladda inay ka fogaadaan xilligan xaasaasiga ah in xilalka iyo hantida dadweynaha looga faa’iideysto dano gaar ah iyo si aan u adeegayn danta guud ee dalka, qof walbana lagula xisaabtamayo ku takrifalka hantida iyo awoodda qaran.

5. Madaxweynuhu wuxuu adkaynayaa in hay’adaha dowladda ay ka fogaadaan tallaabo kasta oo dhaawici karta sumacadda dowladda iyo hay’adaheeda.

DHAMMAAD

Kulanka golaha shacabka ee berri oo go’aan looga gaari doono guddi muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Labada Aqal ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ayaa berri yeelanaya kulan wadajir ah, kadib fasaxii gaabnaa ee maalmaha Ciida. 

Ajendaha kula berri ayaa ah, “Doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal ee BFS ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS.”

Kulanka ayaa ka dhacaya xarunta Golaha Shacabka ee Villa Hargeisa oo ku dhex taalla Villa Somalia.

Xildhibaanada ayaa fasax gaaban la siiyey maalintii ka horeysay ciida, waxaana socota dardar gelinta doorashada Madaxweynaha dalka.

Waxaa xusid mudan in weli aan xal laga gaarin khilaafkii ka dhashay xildhibaanadii buuqa ka kiciyey xarunta golaha kulankoodii ugu dambeeyey.

Xildhibaanadaas oo gaaraya 32 xubnood ayaa laga soo kala doortay magaalooyinka Ceelwaaq iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo, waxayna kulankii ugu dambeeyey isugu tageen hoolka golaha shacabka, halkaas oo buuq xooggan uu ka dhacay.

Lama oga tallaabada ay berri qaadi doonaan Xildhibaanadaas golaha ka soo galay gobolka Gedo, kuwaas oo dhawaan Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe uu sheegay inuu ku xali doono hanaan lagu wada qanacsan yahay, kadib markii uu sameeyo la tashiyo badan.

Aadan Madoobe oo amniga doorashada la wareegay, soona rogay amar culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulka amniga doorashada dalka, kadib aan caadi aheyn oo uu maanta qaaday.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida, kuwaas oo uu la yeeshay shir diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka.

“Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay golaha shacabka. 

Amarka kasoo baxay Aadan Madoobe ee uu kula wareegay amniga doorashada ayaa imanaya ayada oo la filayo inay bishan gudaheed ku dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashadii guddoonka Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Aadan Madoobe ayaa waxaa hareeyey muran xooggan kadib markii taliyaha booliska Jeneraal Xijaar uu isku dayey inuu dib u dhigo, taasi oo ay diideen ra’iisul wasaare Rooble iyo mucaaradka.

Ma cadda haddii saraakiisha ciidamada ay u hogaansami doonaan amarka Aadan Madoobe, ayada oo la ogyahay in intooda badan ay ku xiran yihiin madaxweyne Farmaajo. 

Daawo: Booliska oo shaaca ka qaaday lacagta ku jirtay akoonada Atooraha Badda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa soo bandhigay tirada lacagta ku jirtay Akoonada Sarkaalkii ka tirsanaa ee Cismaan Salaad Daahir oo ku magac dheeraa “Atooraha Badda Liido”.

Afhayeenka ayaa sheegay in labo Akoon oo ay baaris ku sameeyen ay ku ogaadeen in midkood ay ku jirto lacag dhan 50kun oo dollar (50,000), halka mid kale ay ku jirtay lacag gaareyso 3,300 dollar.

Akoonka koowaad oo ah midka ay ku jirto lacagta 50kun dollar ayaa waxaa furay ninka dilka geystay oo uu hore Afhayeenka Booliska u sheegay in uu Atooraha Badda isku qabsadeen lacagtaas, taasi oo markii dambe sababtay in uu murankaas ku baxo Atooraha, oo ahaa saaxiibkii.

Ninkaan oo lagu magacaabo Shuceyb Leeleefow ayaa waxa uu hadda ku jira gacanta Booliska.

“Waxaa weli aan la baarin akoonada eDahab-ta iyo shirkada Taaj, inta uu Booliska Soomaaliyeed gacanta ku hayo telefoonada lacag ayaa kusoo dhaceysa, 150 dollar shalay ayay soo dhacday,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Soomaaliyeed.

“Waxaa u xaqiijinaya bulshada Soomaaliyeed inay ku kalsoonadaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo aqoontana waa leenahay. Haddii aan dhaqaale ahaan ka liidano dalalka caalamka, aqoon ahaan waa la simanahay oo maalin baa gaadhi doona meel walba kaamirooyin ku xiran tahay oo wax walba la cadeyn doono.”

Sidoo kale wiil la dhashay Atooraha Badda AUN ayaa asaguna goobta ka cadeeyay inay ku qanceen, lana tusay akoonada lacagaha ay ku jiraan, maadama markii hore ay shaki badan ka qabeen in Atooraha Badda uu ku baxay muran lacageed.

“Xooga is-faham la’aan aniga iyo afhayeenka Booliska na dhex-martay ayaa kadib waxaa tagnay xarunta Booliska, waxay ituseen akoomada uu wiilka lahaa lacago ku jiray iyo lacago kale oo dad boosas ugu gadayo oo kamaamka oo dadka meesha ugu tala-galay inuu wax ka siiyo.”

Afhayeenka Booliska ayaa hore u shaaciyay maalmo ka hor in Atooraha Badda iyo Saaxiibkiis Leeleefow uu soo kala dhex-galay muran lacageed oo gaaraya 60kun, kaasi oo markii dambe uu ku baxay AUN Atooraha Badda Liido.

Allaha unaxariiste Marxuumka ayaa waxaa uu ka mid ahaa ciidanka booliska Soomaaliyeed, wuxuuna ahaa darajadiisa Isbatoore, wuxuuna ku howlanaa inuu ciida ka farxiyo caruur agoon ah iyo kuwa aan waxba haysan oo uu ciidsiiyo.

Xog: Xiisad ka taagan kursiga HOP141 ee DUCAALE iyo doorashadii oo dib loo dhigay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle waxaa ka taagan xiisad xooggan oo ka dhalatay qabashada doorashada kursiga HOP141 ee Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo uu 12-kii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey wasiirkii hore ee amniga gudaha Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale).

Kursigan oo ka mid ah laba kursi oo ku hartay HirShabelle ayaa waxaa hareeyey dood xoogan iyo murano sababay dib u dhaca doorashada kursigan, waxaana si weyn isugu haya xildhibaankii horey ugu fadhiyey ee Ducaale oo markale u sharraxan iyo 5 musharrax oo iyaguna ku dhowaaaqay inay yihiin isbedal doon, kuwaas oo kala ah:-

1- Dr. Guuleed Cabdi Sheekh Cali oo ah dhaqtar iyo ganacsade, 2-Dr Axmed Gacal Cali Carabow oo soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya, 3-Marwo Madiino Caamir Maxamed oo soo noqotay agaasimihii shirkadda diyaaradaha ee Soomaali Airline 4-Maxamed Cali Dhiilow oo ah agaasimaha qorsheynta wasaaradda amniga Soomaaliya 5-Sheekh Cumar Xuseen Indhoy oo soo noqday kaaliyihii duqa Muqdisho, sidoo kalena lasoo shaqeeyey World Bank.

Murashixiinta isbeddalka doonka ayaa diidan liiska guddiga xulista ergada ee kursiga HOP141 ee uu dhowaan shaaciyey guddiga SEIT ee HirShabelle, waxayna musharxiiintu cabashadooda toos ugu gudbiyeen madaxweyne Cali Guudlaawe, kadib kulan ay kula yeesheen madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle, taas oo keentay in la hakiyo doorashada inta xal laga gaarayo.

Xubnaha la gudbiyey oo ka kooban 5 xubnood ayaa waxaa kasoo muuqday rag aad ugu dhow wasiirkii hore ee amniga gudaha, ayna ku jiraan shaqaalihiisa, iyada oo laga tegay odayaashii rasmiga ahaa, sida ay ku doodayaan musharixiinta garabka isbeddal doonka.

Dhankiisa Ducaale, oo hadda ah madaxa ololaha Xasan Cali Kheyre, kuna sugan magaalada Jowhar ayaa billaabay kulamo siyaasadeed iyo dadaallo uu ku doonayo in lagu qabto doorashada kursigaas, si loogu xiro.

Magaalada Jowhar ayaa sidoo kale la ciir ciireysa siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ergo iyo marti sharaf kale oo dooneysa inay goobjoog ka ahaadaan doorashada, waxaana magaalada laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq siyaasadeed iyo mid ciidan.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana isoo taraya baaqyada kala duwan ee la dirayo ee ku aadan in la dadajiyo doorashada, waxna laga qabto tabashada jirta, maadaama ay soo dhowaatay doorashada madaxweynaha.

Si kastaba, arrintan ayaa waxaa looga fadhiyaa inuu dhammeystiro, isla-markaana uu go’aan kasoo saaro madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen oo kaashanaya SEIT, maadaama kursiga HOP141 iyo kursiga kale ee HOP135 ay xujo ku noqotay HirShabelle oo noqotay dowlad goboleedka kaliya ee ay haatan ku harsan yihiin kuraas ka mid ah baarlamaanka.

Najmo Cabdullahi oo lagu dilay bartamaha Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay bartamaha magaalada Hargeysa lagu toogtay Najmo Cabdullahi, xilli ay ku socdaaleysay bartamaha magaaladaas oo xarun u ah Somaliland.

Najmo oo wadatay gaari nooca raaxada ah, ayaa iyadoo mareysa agagaarka maxkamadaha waxaa rasaas ku furay askari ka tirsan ciidamada Somaliland, kaas oo isku dayey inuu baxsado, balse waxaa gacanta ku dhigay ciidamo ka agdhowaa halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in Meydka Najmo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda lagu aaso magaaladaasi.

Marxuumadda ayaa aheyd gabar dhalinyaro ah, kana tirsanayd shaqaalaha wasaaradda beeraha ee xukuumadda Somaliland.

Dilkan ayaa waxaa sidoo kale si weyn uga carooday dadweynaha ku dhaqan Hargeysa, waxaana ururada bulshada rayidka ah ay Somalilan ku eedeeyeen inaysan tixgelin xuquuqda aadanaha.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka iyo mas’uuliyiinta maamulka oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, dhacdadan ma ah mid ugub ku ah Somaliland, waxaana dhowr jeer magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi ka dhacay dilal ay geysteen askar ka tirsan Booliska Somaliland, kuwaas oo qaarkood la xiray, kuwa kalena lagu ridday xukuno adag.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkii uu Cali Xarbi ku dilay xildhibaan Amess

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay war kasoo saartay weerarkii ka dhacay dalka UK ee wiil Soomaali ah ku dilay xildhibaan ka tirsanaa baarlamanka dalkaas.

Cali Xarbi Cali oo ah 26 jir Soomaali ah ayaa 11-kii April lagu helay dambi ah inuu dilay xildhibaan David Amess oo ka tirsanaa baarlamanka UK, kaasi oo uu ku weeraray kaniisad uu kula kulmayey cod-bixiyeyaal.

Ali ayaa dhowr jeer mindo ku dhuftay xildhibaan David Amess markii uu kaniisadda ku weeraray bishii October 2021, werarkaas oo uu ku qeexay mid uu uga aargudanayey taageero uu xildhibaanka siiyey duqeymo laga fuliyey Syria.

Al-Shabaab ayaa muuqaal ay soo saartay oo ka hadlay dagaal-yahanada kooxdaas ee weerarada gaystay waxay kusoo dareen Cali Xarbi, kaasi oo si weyn loogu amaanay wiilkan. 

“Cali Xarbi Cali, waa halyeeygii dilay xildhibaan David Amess, Allaah xabsiga haka soo daayo,” ayaa lagu yiri muuqaalka ay soo saartay kooxda Al-Shabaab. 

Lama oga xiriirka Al-Shabaab kala dhexeeya Cali Xarbi, iyaguna ma aysan bixin wax tafaasiil ah balse waxaa filimka ka muuqanaya inay u riyaaqeen weerarkaas, ayna ku baaqayeen weeraro kuwaas la mid ah.

Cali Xarbi ayaa si kastaba markii uu maxkamadda hortagay sheegay in dilka xildhibaan David Amess uu kaga aargudanayey weerarada iyo duqeymaha ka dhanka ah kooxda Daacish ee Syria ee ay fuliyeen reer galbeedka, taasi oo muujineysa inuu ama kooxdan ka tirsanaa ama taageere u ahaa.

Calili ayaa sidoo kale Maxkamadda u sheegay inuu doonayey inuu ku biiro Daacish, islamarkaana uu rumeysan yahay in ficilladiisa ay caawin doonaan Muslimiinta, isaga oo isku qeexay Muslim “qunyar socod ah.”

“Haddii ay ila tahay in waxa aan sameynayo ay khalad yihiin, ma sameyn laheyn,” ayuu maxkamadda u sheegay.

Dilka Amess oo ahaa xaasle 69 jir ah oo dhalay shan caruur ah, kana tirsanaa xisbiga Conservative-ka ee ra’iisul wasaare Boris Johnson, ayaa mowjado argagax leh u diray baarlamanka, wuxuuna horseeday baaqyo ku saabsan in amni wanaagsan la siiyo xildhibaanada.

Xildhibaanada British-ka ayaa inta badan kulmada dadweyne qabta ayaga oo haysto ilaalo aad u yar amaba aan haysan mararka qaar.

Cali ayaa dambi baarayaasha u sheegay inuu sanado qorsheynayey inuu dilo xildhibaan, islamarkaana uu indho indheyn ku sameeyey xarunta Baarlamanka iyo laba xildhibaan oo kale, oo uu ku jro Michael Gove, oo sidoo kale wasiir ah.

Wuxuu sheegay inuu “ku fashilmay” weeraradii hore kadibna uu ishaareystay Amess, sababtoo ah buu yiri ,“wuxuu ahaa kan ugu fudud.”

Weerar ku billowday qaraxyo oo lagu galay saldhig ay leeyihiin ciidamada ATMIS

0

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khawaaraha ka dhashay weerar culus oo saaka dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhig ciidamada Burundi ee qaybta howlgalka ATMIS ex AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Weerarka ayaa wuxuu ku bilowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Burundi ee ku sugnaa saldhigga la weeraray iyo xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale waxaa dagaalka mar dambe ku biiray ciidamo ka tirsan kuwa milatariga Soomaaliya, kuwaas oo gurmad ahaan ugu tegay ciidamada ATMIS ee lagu weeraray halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan lagu dilay ugu yaraan illaa 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Al-Shabaab oo dhankeeda ka hadashay weerarka waxa ay shaacisay inay dagaalyahanadeeda gudaha u galeen saldhigga, ayna la wareegeen, sida ay hadalka u dhigtay.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaan weli dhaq-dhaqaaqyo culus laga dareemayaa duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Inta badan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka ATMIS ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.