25 C
Mogadishu
Monday, June 22, 2026

Saddex qof oo lagu dilay weerar ka dhacay ISRAEL

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasaaradda Caafimaadka Israel oo war bixin soo saartay ayaa sheegtay in 3 qof oo yahuud ah lagu dilay weerar ka dhaca Magaalada El’ad oo u dhow Magaalada Tel Aviv.

Warbixinta kasoo baxday wasaaradda caafimaadka ayaa kusoo aadeysa xilli booliska Israel uu ku sifeyey weerarkaan inuu ahaa mid lasoo qorsheeyey, mana ka hadlin saraakiisha booliska khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

Booliska ayaa ku hanjabay inay jawaab kulul ka bixin doonaan weerar lagu soo qaaday dadka Yahuud ah ee ku sugan dhulka reer Falastiin ee xoogga lagu heysto.

Kooxda Xamaar oo kamid ah kooxaha ka dagaalamo gudaha Falastiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, wuxuuna ururka sheegay in looga jawaabayey dhibaatada ay booliska Israa’iil ka wadaan Masjidka Barakeysan ee Al-Aqa oo ku yaala Magaalada Qudus.

Warka kasoo baxay Xamaas ayaa lagu sheegay in weerarkaan khasaaro xooggan oo dhimasho iyo dhaawac ah lagu gaarsiiyay Israel.

Ssarkaal ka tirsan kooxda Xamaas ayaa tilmaamay in todobaadyadii tagay weeraro kala duwan ay kooxdu geysatay, isla markaasna ay weli qorsheeneyso weeraro badan inta Israa’iil laga saarayo dhulalka ay xoogga ku qabsatay.

Ciidamada Booliska Israa’iil ayaa Bishii soo dhammaatay ee April oo ku beegneyd bishii barakeysneyd ee Ramadan waxay dhibaato xoog leh ka geysteen masjidka Aqsa taasoo keentay inuu dhasho kacdoon ay sameenayeen shacabka Falastiin.

Yaa kusoo baxay doorashada kursigii xildhibaan Aamina?

Jowhar (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Daahir (Caanoy) ayaa caawa ku guuleystay kursiga #HOP135, kaasoo ay ku fadhisay Xildhibaan Amina Maxamed Cabdi.

Maxamed Caanoy ayaa ka mid ahaa illaa saddex musharax, oo Guddiga Doorashada Hirshabelle ay u diiwaangeliyeen kursigaasi.

Qoraal lagu baahiyay bogga Guddiga Doorashada Hirshabelle ayaa lagu yiri “Murashax Maxamed Aadan Daahir ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay #HOP135 ee BFS oo doorashadiisa ka qabsoontay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowladda Hirshabelle.”

Maxamed Caanoy oo nin dhallinyaro ah ayaa muddooyinkii ugu dambeysay ka hawlgalayay Safaaradda Somaliya ee Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Tani ayaa ka dhigan in Guddiga Doorashada Hirshabelle ay soo geba-gabeeyeen Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, walow ay tahay in lagu celiyo kursigii uu ku guuleystay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, sida ay shaaciyeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal.

DF oo ka hortimid doodda musharaxiinta madaxweyne, shaacisayna sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa shaacisay in hay’adda la baxday Somali Debates aysan haysan sharciyad warbaahineed, kadib markii dhawaan ay qaban-qaabineysay dood ku saabsan doorashada iyo musharaxiinta.

Qoraalka kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta ayaa waxay uga digtay Somali Debates inay faraha kala baxdo waxyaabaha ay ku howlan tahay ee kamid yihiin barnaamijyada ku aadan doorashada.

Sidoo kale waxay ku war-gelisay Saaxiibada Beesha Caalamka, gaar ahaan ATMIS iyo UNSOM inaysan kala shaqeyn arrimaha warbaahinta cidaan fasax ka wadan Wasaarada Warfaafinta.

“Wasaarada Warfaafinta oo ka war heshay in hey’ada la baxday Somali Debates ku hawlan tahay waxyaalo ku saabsan Doorashada Madaxtinimada iyo doodaha musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxwaynaha ay lugaha kujirto, Somali Debates ma haysato sharciyad warbaahineed oo ay dooda ku qabtaan waxna ku tebiyaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaarada ayaa ku wargelisay Hay’addaha Amnig iyo Booliiska gobolka Banaadir inay ka gutaan waajibkooda shaqo, ayna ka joojiyaan barnaamijyadaas ay wadaan illaa inta ay ka helayaan sharci ay wax ku tebiyaan.

“Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS oo gudanaysa waajibaadkeeda shaqo, dhowraysana xoriyada hadalka maadama uu dalku ku jiro xili doorasho oo dhawaan la filayo inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.”

10 cisho ma lagu qaban karaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya Cabdiqani Geelle ayaa sheegay in mudada 10-ka maalmood ah ee soo socota ay ku qaban karaan doorashada madaxweynaha dalka, taas oo la qorsheeyey inay dhacdo 15-ka bishaan May.

Guddoomiye Cabdiqani oo BBC la hadlay ayaa sheegay in musharaxiinta ay ku filan tahay labada maalmood ee la siiyey inay khudbadahooda ku jeediyaan, isagoo rajo weyn ka muujiyey in wixii ka dambeeya 15-ka bishaan uu dalku madaxweyne yeela doono.

“Waxaan tusaale ka soo qaadanay doorashadii guddoonka baarlamaanka, oo tirada kuraasta la doortay ay badneyd, waqtiguna uu aad intaan uga koobnaa, markaan is barbar dhignay waxaa noo soo baxday in 10-kaan cisho ay nagu filan tahay,” ayuu yiri guddoomiye Cabdiqani.

Mar  la waydiiyay sida mudadaas kooban ay ugu qaban karaan doorasho ay ku tartamayaan ku dhawaad 30 musharrax, ayuu ku jawaabay, “Musharaxiintii xilka madaxweynaha waa wada joogaan dalka, goobtii doorashadu waa noo diyaar, amnigana waan ku kalsoonahay, waqtiga aan sheegnay waa maalmo, laakiin habeenkii xitaan waan shaqey doonaa, si waqtigaas kooban aan doorashada ugu qabano.”

Maalinta loo qorsheeyey doorashada ee 15-ka bishaan May ayaa ku beegan Axada soo socota Axadeeda kale, waxaana maalintaas lagu rajo weyn yahay in lasoo af-jari mashruucii doorashadaan oo waqtigii loogu talo galay dhaaftay mudo sanad iyo lix bilood ah.

Musharaxiinta ayaa is diiwaan geli doona 8-da ilaa 10-ka bishaan, iyagoo 11-ka ilaa 12-ka khudbadahooda jeedin doona, laba maalmood oo nasiino ah kadib, waxaa maalinta 15-aad ee bishaan la qaban doonaa doorashada madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Waalidka Najma oo hanjabaad culus soo saaray, kadib dilkii gabadhooda

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Labo maalmood ka hor ayey aheyd markii Najma Cabdillaahi Maxamed Cali oo aheyd Gabadh da’yar oo ka tirsaneyd Wasaarada Beeraha Somaliland uu toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsan ciidanka Somaliland gudaha magaalada Hargeysa.

Najma Aabaheed oo la hadlay warbaahinta ayaa ku hanjabay inaysan aasi doonin illaa inta sharciga la hor keenayo Ninka dilay Gabadhiisa, oo rasaas ku furay xili ay saarneyd gaarigeeda.

“Waa in cadaalada hesho Gabadheyda Najma, waxaa ku daba taaganahay howshaas Maxamed Kaahin iyo Muuse Biixi waa in sharciga sideeda u mariyaan. Waxaa la aasaya marka kiiskeeda lasoo dhameeyo,” ayuu yiri Cabdillaahi oo ah Aabaha dhalay Najma.

Sidoo kale waxa uu sheegay in kiiska dilka Najma uu kasoo dhamaaday CID-da, islamarkaana loo wareejinayo Maxkamadda Ciidanka Qaranka, maadama Ninka dilay uu ka tirsanaa Ciidanka Somaliland.

Najma Cabdillaahi Maxamed Cali ayaa sidoo kale aheyd Aroosad cusub, ayada oo aqal-galkeeda loo ballansanaa bacda ciida, sida ay noo sheegen qaar kamid ah qoyskeedu.

Si kastaba, Ninka ay gacantiisa ku baxday Marxuumada ayaa markii uu dilka geystay isku dhiibay Xarunta Ciidanka Dab-damiska, ayada oo markii dambe ay la wareegen ciidanka Booliska oo hadda gacantooda ku jiro.

Hanti-dhawrka Qaranka oo go’aan culus kasoo saaray heshiisyada dowladda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa gebi ahaanba joojiyay galitaanka ama bilaabada dhaqan-galinta heshiisyada dheef-wadaaga, inta lagu guda jiro xilliga doorashada.

Qoraal uu soo saaray Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa waxa looga digay hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya inay qaadan tallaabo kasta oo saameyn mug leh ku yeelanaysa Hantida Umadda Soomaaliyeed illaa inta uu dalka ka yeelanayo xukuumad cusub oo xilka la wareegta.

“Heshiisyada (Concession Agreements) ee ay hay’adaha Dowladdu galeen wixii ka dambeeyay intii ay bilaabatay doorashada guud ee dalka ee weli fulintooda aysan bilaaban, waxaa lagu wargalinayaa in aan la bilaabi karin fulin heshiisyadaas illaa laga soo gaba-gabeynayo doorashada, dalkana uu ka yeelanayo xukuumad cusub,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa uu dalbaday Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka in dib u eegis deg-deg ah lagu sameeyo heshiisyadii hay’adaha dowladu galeen wixii ka dambeeyay intii ay bilaabatay doorashada guud ee dalka, kuwaasi oo fulintooda bilaabtay.

“Waxaa xukuumadda cusub ee xilka la wareegi doonta doorashada kadib iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka kula talinaynaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyadaas, maadama ay saameyn ku leeyihiin hantida iyo horumarka Umadda Soomaaliyeed, iyo habsami u socodka nidaamkeena dawliga ah ee hadda soo kabanaya.”

Hanti-dhawrka ayaa ka dalbaday hay’addaha galay heshiisyada kadib intii ay bilaabatay doorashada guud ee dalka inay macluumaadka heshiisyadaas ay u soo gudbiyaan xafiiska Hanti-dhawrka Guud afar maalmood gudahood ah.

Ugu dambeyntii waxa qoraalka lagu sheegay in hay’addii dowladeed ee gasha ama fulisa heshiiysada uu ka digay Hanti-dhawrka Guud, khasaaraha ka dhashay ay mas’uuliyadooda qaadi doonaan mas’uuliyiinta ku saxiixan ama fuliyay iyo dhamaan shaqsiyaadka kale ee kala shaqeeyay arrintaas.

Jadwalka rasmiga ah ee doorashada madaxweynaha oo lasoo saaray (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay in 15-ka May ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha.

Guddiga Labada Gole BFS ee Qaban-qaabada Doorashada Madaxwaynaha ayaa jadwal ay soo saareen maanta sidoo kale ku sheegay in diiwan-galinta Musharaxiinta Madaxweynaha ay bilaaban doonto 8-da bishaan ayna socon doonto illaa 10-ka bishaan.

Hadal jeedinta Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa dhici doonto 11 illaa 12 May, ayada oo 13-ka iyo 14-ka bishaan uu guddiga soo dhameystiri doono u diyaar-garowga doorashada, islamarkaana maalinta ku xigta ay dhici doonto doorashada madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa yeelan doonta madaxweyne cusub 10 maalmood gudahood, haddii uu sidiisa u fulo jadwalka uu guddigaan shaaciyay.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay ku timid cadaadiska Beesha Caalamka, oo hakad galiyay dhaqaalihii & deeqihii ay siin jirtay Soomaaliya iyo weliba culeysada kale ee ka dhashay daaha doorashada.

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa shalay soo xulay Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo durtaba bilaabay dardar xoogan oo ku aadan qabsoomida doorashada.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha ayaa dhan 17 xubnood waxayna 10 kamid ah iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaalada kala guurka, ayada oo hanaanka doorashooyinka ay wajaheen culeyso iyo khilaafyo hor leh oo markii dambe badankooda xal laga gaaray.

Sawirro: Sheekh Shariif oo maanta la guddoon siiyay shahaadada xildhibaanimo

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa maanta guddoon siiyay shahaadada xildhibaano madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed oo dhawaan kursiga tirsigiisu yahay #HOP146 kasoo qaatay magaalada Jowhar.

Sheekh Shariif ayaa u mahad celiyay guddiga doorashooyinka, madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo bulshada leh kursiga ee u gartay in uu ku madalo baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

“Waxaan rajeynayaa in doorashada Madaxweynaha si nabad ah noogu qabsoonto,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo rajo ka muujiyay in dib u dhac uusan ku imaan doonin waqtiga loo qabtay in lagu soo doorto madaxweynaha cusub ee Somalia. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo kursiga xildhibaano ay beeshiisa ugu tanaasushay inuu ku fadhiisto maadaama uu ka md yahay murashaxiinta madaxweynaha kuwooda muuqda.

Waxaa kursigaan horay ugu sharaxnaa wasiirka amniga DF C/llaahi Maxamed Nuur, balse heshiis hoose oo dhex maray kadib la siiyay Sheekh Shariif si uu ololahiisa doorashada ee gudaha baarlamaanka ugu adeegto.

Guddiga doorashada madaxweynaha oo doortay guddoomiye iyo ku-xigeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa si rasmi ah uga bilaabatay qaban qaabada doorashada madaxweynaha, taas oo la filayo inay qabsoonto maalmaha soo socda, si loo dhammeystiro guud ahaan doorashooyinka.

Guddiga dooorashada madaxweynaha ee labada Aqal ee Baarlamaanka ee shalay la soo saaray ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyey, waxaana guddoomiyey Senator Cali Shacbaan Ibraahim oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Aqalka Sare.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka xildhibaan Cabdullahi Cumar Abshirow, iyada oo guddoomiye loo doortay Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo Golaha kasoo galay Puntkand, wuxuuna helayb 10 cod.

Sidoo kale Xildhibaan Maxamed Axmed Beerey oo tartanka qayb ka ahaa ayaa helay 5 cod, halka Senator Cabdi ismaaciil samatar uu isna helay 2 Cod oo kaliya

Xilka guddoomiye ku xigeenka guddiga ayaa isna waxaa loo doortay Maxamed Keerow Maxamed oo helay 9 cod, halka Maxamed Ibraahim Macallimuu oo la tartamay uu helay 7 cod oo ka mid ah xubnaha guddigaasi.

Guddiga ayaa looga fadhiyaa inuu dadajiyo doorashada, isla-markaana uu soo saaro habraaca iyo jadwalka doorashada madaxweynaha oo si weyn loogu loolami doono.

Dhinaca kale waxaa caasimada ka socda kulamo ballaaran oo siyaasadeed, isla-markaana qayb ka ah ololaha doorashada madaxweynaha, kuwaas oo ay wadaan musharixiinta madaxweynaha oo hadba dhinac u kala jeedinaya xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka.

Doorashada Soomaaliya ayaa guud ahaan daahday, kadib markii ay marar badan dib u dhaceen jadwalladii lasoo saaray, taas oo uga sii dartay xaaladda adag ee lagu jiro.

Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay MUQDISHO + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay iska hor imaad maanta ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Israsaaseynta oo u dhexeysay askar ka wada tirsan milatariga Soomaaliya ayaa ka dhacday xaafadda Tarabuushka ee degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Dhawaqa rasaasta oo muddo kooban socotay ayaa si xoogan laga maqlay xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmada Wadajir, iyadoo cabsi ay soo wajahday shacabka ku dhaqan halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa shaqaaqadan ku dhintay ugu yaraan 1 askari, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale oo ka mid ah dhinacyada dagaalamay.

Wararka ayaa sheegaya in askariga geeriyooday iyo kuwa dhaawaca ah ee diriray ay yihiin qaraabo, gaar ahaan walaalo ilmo adeero ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online dagaalkan wuxuu yimid kadib muran iyo is qab qabsi ka dhashay guri uu mid ka mid ah askarta dagaalantay uu ka dhistay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo mas’uuliyiinta degmada oo ku aadan dhacdadaasi sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Inta badan ciidamada dowladda ayaa ku dagaalama gudaha caasimada, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaaraa dadka shacabka ee mar kasta lagu kor dagaalamo.

Murashaxiinta mucaaradka oo dhexdooda is kala reebaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka aqalka hoose iyo aqalka sare, ayaa bannaanka keentay guuldaro siyaasadeed oo soo wajahday murashaxiintii Nabad iyo Nolol. 

Kooxaha mucaaradka ee u midoobay ayaa qaatay dhammaan kuraasti guddoonka ayada oo doorashooyinkaasi aysan kusoo bixin wax musharax Nabad iyo Nolol ah, taasi oo mucaardka ay u arkaan mid bilow fiican u ah in dhabarka la jabiyo Nabad iyo Nolol.

Mucaaradka waxay is-bideen guul siyaasadeed inay gaareen, iyagoona iska dhaadhiciyay in laga guuleystay Nabad iyo Nolol, guuldarada ku dhacdayna laga tixraaci karo doorashada madaxweynaha qaabka ay noqon karto, waxayna xaqiiqsadeen guul aan la hubin halka ay ku danbeyn doonto.

Guddoomiyaha baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo ah mucaaradka, gaar ahaan xisbiga Himilo Qaran, islamarkaana guddoomiyenimadii uu ka hayey maalmo kahor iska casilay ayaa guushiisa waxay xaqiijisay in Sheekh Shariif Sheekh Axmed boorka iska jafo, waxayna kooxdiisa ololaha doorashada dhexdooda qireen in madaxweynaha soo socda saadaaliyaan inuu Shariifka yahay, waxay bilaabeen dacaayado iyo dagaal hoose oo murashaxiinta kale ku fogeynayaan.

Kooxda Sheekh Shariif ee dhinaca warbaahinta u qaabilsan ayaa waxay sidoo kale billaabeen borobogaando ay ku marin habaabinayaan shacabka, iyagoo adeegsanaya sawirrada kulamada siyaasadeed ee madaxda iyo ra’iisul wasaare Rooble la yeelanaya, iyagoo ka dhigaya Sheekh Shariif murashaxa hoggaaminaayo kulamada siyaasadeed iyo arrimaha doorashooyinka ee mucaaradka lagala tashanayo.

Xafiiltanka siyaasadeed ee murashaxiinta ayaa ah kan ugu daran mid ay kooxda ololaha ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre ku qaadayaan madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada dhinac ayaa ololahooda si xowli ah u socdaa, wuxuuna mid walba ku jiraa dagaal hoose oo laga warqabin, kaasoo guntiisa tahay colaadii hore iyo in Xasan Cali Kheyre lagu riixaayo Nabad iyo Nolol oo horay ugu tirsanaa. Sidoo kalena saadaasha mucaaradka kale ay tahay in haddii Farmaajo wareega koowaad ku guuldareysto in codkiisa ugu shubi doono Xasan Cali Kheyre si walbo haku dhacdee.

Xasan Cali Kheyre oo eed siyaasadeed iyo colaad kaleba kala dhaxeysay mucaaradka intii uu ahaa Nabad iyo Nolol ma jirto meel uu cudur daar ku siiyay madaxweyneyaashii hore ee Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed, waana sababta xifaaltanka keenay taasi.

Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland ee farqaha la haysto, waxaa culeys siyaasadeed uu ka heystaa deegaankii uu ka yimid ee Puntland, Deni ololahiisa doorashada waa siyaasiga kaliya ee suuqa soo geliyay dhaqaalaha ugu badan.

Hamigiisa doorasho, marka laga soo tago, colaada uu u haayo Farmaajo waa mid gaamurtay, ololahiisana waxaa qeyb ka ah dagaal uu ugu jiro inaan dib danbe loo dooran Farmaajo.

Xiriirka kala dhaxeeya murashaxiinta kale waa mid aan cago badan ku taagneyn oo mar walbo la filan karo inuu lugta uu kula jiro mucaaradka kala baxo, waxaase loo arkaa murashax codkiisa gorgortan siyaasadeed aakhirka ku gala.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ololahiisa la dhayalsan karin waa hoggaamiyaha kaliya ee shantii sano lasoo dhaafay kaligiis cindiyaha kula dagaalamay Farmaajo, hadda wuxuu u muuqdaa inuu dhabarka jeedin doono kooxdii uu ka tirsanaa ee mucaaradka, wuxuu bilaabay ololeysi ku dhisan qabiileysi iyo in uu soo dhoweysto xubnaha ku madalaayo baarlamaanka Somalia.

Wuxuu kalsooni ka raadsaday madaxweynaha Galmudug, ra’iisul wasaare Rooble iyo cid kasta oo uu u arko inay iibin karaan.

Murashaxiinta miisaanka leh, sida Dahir Maxamuud Geelle, Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdulqaadir Cosoble ayaa ah kuwo qunyur socod ah oo gooni daaq ah, mid walbana wuxuu ku mashquulsan yahay sidii uu u kasban lahaa xildhibaanada cusub ee qaangaarka aheyn.

Gabagabadii, murashaxiintii u midowday Farmaajo ee wacdaha dhigay doorashadii guddoonka baarlamaanka, maanta uma muuqdaan kuwo ku mideysnaan doono in xilka la dhaafsiiyo Farmaajo, isku maqnaanshahooduse waxay fursad dahabi ah u noqon kartaa Nabad iyo Nolol.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online

Karaash oo xilalka ka qaaday wasiiradii ku dhowaa Deni xilli ay kasii dartay xiisadda

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (Karaash) ayaa xiisaddii u dhaxeysay isaga iyo Saciid Deni ugu sii daray kadib markii caawa saqdii dhexe soo saaray wareegto uu ku magacaabay wasiir cusub.

Axmed Karaash ayaa wasiirada uu magacaabay wuxuu ku beddelay kuwo aad ugu dhowaa Saciid Deni, isaga oo aan shaacin xil ka qaadistooda, waxaana ka mid ah wasiirada arrimaha gudaha, maaliyada iyo amniga.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa wuxuu u magacaabay Cabdiqani Xaashi Cali Ciise (Bumbo)

Wasiirka wasaaradda amniga iyo DDR-ta Puntland waxaa waxaa loo magacaabay Axmed Xaaji Ibraahim Cartan (Bakiin), halka C/risaaq Mire Xassan (Gaawiido) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Puntland.

Magacaabistaan ayaa waxay dhaqan galeysaa isla caawa oo uu saxiixay ku-simaha madaxweynaha Puntland Axmed Karaash.

Puntland ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed iyadoo khilaafka madaxweyne ku-xigeenka iyo Saciid Deni ay ka dhalatay go’aanka is sharaxaada xilka madaxweynaha Soomaaliya ee Deni isagoo aan xilka wareejin, waxayna taasi keentay khilaaf hay’addaha dowliga iyo maamulka ee Puntland dhexdooda.

Saciid Deni ayaa magaalada Muqdisho usoo kaxeystay guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, si aan kalsooni looga keenin iyo in xarigiisa laga fur furo, taasoo uu ku guuleystay.

Ciidamo ka yimid Itoobiya oo qaraxyo lagula eegtay Gedo

0

Luuq ((Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya weeraro qaraxyo ah lagula beegsaday inta u dhexeysa degmooyinka Luuqa iyo Duulow ee gobolkaasi oo dhaca koonfurta Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo u dhexeeyey ciidamada la qarxiyey iyo xoogag ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Shaatoolow oo ah meesha lagu weeraray ciidamadaasi.

Ciidamada qaraxyada lala beegsaday ayaa ka yimid dhanka Itoobiya,waxayna ku sii jeedeen dhinaca degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay waraabhinta ayaa sheegay inay soo wajahday cabsi xoogan, kadib qaraxyadaasi oo ay xigeen howlgallo ballaaran oo ay sameeyeen ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan halkaasi iyo kuwa dowladda.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarkan waxa ay shaacisay in qaraxa koowaad uu haleelay mid ka mid ah kolonyada gaadiidka ee ay wateen ciidanka Itoobiya, halka midka labaadna uu ku qarxay ciidamo lugeynayey, sida ay ku baahisay baraha bulshada ee Internet-ka.

Ma shaacin kooxda Al-Shabaab khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaasi iyo weerarka tooska ah ee xigay, sidoo kalena ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Itoobiya.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan xaaladdu ay dagan tahay, waxaana lagu soo warrinayaa in ciidamada Itoobiya ay socdaakoodii horey usii wateen.

Maalmihii u dambeeyey kooxda Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha Soomaaliya, waxaana ugu dambeeyey weerarkii maalin ka hore lagu qaaday ciidamada Burundi ee ku sugnaa deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo sababay khasaare lixaad leh iyo burbur xoogan.

Puntland oo shaacisay inay qabatay shabakad arrimo xasaasi ka shaqeysa + Video

Garowe (Caasimada Online) – Puntland ayaa shaacisay inay qabatay shabakad dalka ka dhoofi jirtay dhirta ama geedaha dalka ka baxa qaar, kuwaas oo laga guri jiray deegaano ka kala tirsan gobollada Puntland, Galmudug, Somaliland iyo dhulka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.

Agaasimaha wasaaradda deegaanka Puntland Cabdicasiis Cilmi Nuur oo wareysi siiyey TV-ga SBC ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen nin Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Tanzania, kaas oo ku eedaysan mashruuca dhoofinta dhirta Soomaaliya.

Agaasimaha ayaa sheegay in ninka ay hayaan uu yahay maskaxdii ka dambeysay ganacsigan sharci darrada ah, islamarkaana ay baaritaan ku hayeen mudo bil ah.

Sidoo kale, Agaasime Cabdicasiis Cilmi ayaa sheegay in kiiskaan ay soo galeen masuuliyiin ka tirsan Puntland, kadib baaritaan dheer oo la sameeyey, todobaadka dambe ayuu sheegay in ninkaan iyo ragii la shaqeysa jiray ay maxkamad soo taagi doonaan.

Ninka la qabtay ayaa mar isku deyey inuu xabsiga ka baxsado, sida uu sheegay Agaasimuhu, balse ay ciidamada ammaanku ku guuleysteen inay qabtaan iyagoo aan waxaba gaarsiin.

“Wuxuu ahaa nin lacag tiro badan wata oo howshaan aad u caadeystay, lana saaxiibay ciidmada qaar iyo masuuliyiin dowladeed, waxaan xog ku helnay in shixnad kartoomeysan oo dhir ah uu dalka ka dhoofinayo, inuu baxsado ayuu isku deyey, balse waxaa lagu qabtay Qardho,” ayuu yiri Agaasimaha wasaaradda deegaanka Puntland.

Hoos ka daawo wareysiga

Yaasiin Farey ma xildhibaan baa mise Taliyaha NISA?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee NISA Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Fareey), haddana ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya, ayaa kasoo dhex muuqday dhawaan kullankii guddoomiyaha baarlamaanka uu ku shaacinayay inuu mas’uuliyadda amniga iyo doorashooyinka la wareegay.

Sida uu qabo dastuurka KMG ah ee dalka iyo habraacii loo sameeyay doorashada xildhibaanada, waxaa mamnuuc ka ah saraakiisha iyo ciidamada inay qabtaan xil dowladeed ilaa ay iska casilaan toddoba maalmood kahor, iyadoo taasina ay meesha ka baxday xiligaan in la dhowro dastuurkii lagu heshiiyay iyo habraacyadii lagu soo xulay baarlamaanka cusub.

Yaasiin Fareey oo aheyd intii uusan marin dhaarta xildhibaanimo inuu xilka wareejiyo ayaa maalintii uu dhaartay kadib waxaa uu si caadi ah u watay howlihiisii taliyenimo, taasina waxay ka hor imaaneysaa dastuurkii iyo sharcigii uu ku dhaartay inuu ilaalinaayo.

Kullankii guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ee uu kula wareegay mas’uuliyadda ammaanka iyo doorashada wuxuu Yaasiin Fareey ugu qeyb galay isagoo ah taliyaha NISA, halka saraakiishii kale ee ciidamada ee ka qeybgalay waxba ka duwaneyn, shaarkii xildhibaanimana siibtay.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa laga rabay inuu jawaab ka bixiyo ku xadgudubka dastuur ee xildhibaan Yaasiin Fareey la hortegay guddoomiye Aadan Madoobe maadaama uu yahay ilaaliyaha sharciga iyo dastuurka dalka.

Tallaabadaasi ayaa waxay muujineysaa gef iyo xadgudub dastuuri ah oo bilow u ah baarlamaanka cusub.

Lama oga sababta uu weli Yaasiin Fareey ugu dhegan yahay inuu sii ahaado taliyaha NISA, hase ahaatee waxaa lagu waramayaa in madaxtooyadda Villa Somalia ay weli la dhacsan tahay Yaasiin Fareey inuu howsha sii maamulo ilaa mudo aan caddeyn.

Taliyaha NISA ayaa xiligaan in uu magacaabo madaxweyne Farmaajo waxay ka dhigan tahay khilaaf hor leh oo mucaaradka iyo RW Rooble u arki karaan inuu ku carqaladeynaayo doorashada gabagabada mareysa ee harsan in la doorto madaxweyne cusub.

Ganacsade Soomaali ah oo lagu dilay Koonfur Afrika iyo mid ku geeriyooday…

0

Cape Town (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar qorsheysan oo lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo ku sugnaa tuulada Phillipi oo ka tirsan magaalada Cape Town ee waddanka Koonfur Afrika.

Koox burcad Afrikaan ayaa lagu soo warramayaa inay toogasho ku dileen marxuumka, kadibna ay goobta isaga baxsadeen.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Mowliid Xuseen Gacal, waxaana xilliga la dilayey uu waday gaari siday adeeg ganacsi oo kala duwan.

Dilka kadib waxaa goobta ay wax ka dhaceen gaaray ciidan ka tirsan Booliska Koonfur Afrika oo sameeyey howlgallo kooban, balse ma jiraan cid ay gacanta kusoo dhigeen.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan Cape Town oo ka hadlay dilka Mowliid ayaa sheegay inay xanuun ku reebtay dhacdadan, isla-markaana ay ka wal-waleen falka lagu dilay marxuumka oo ka mid ah ganacsatada firfircoon ee ku dhaqan halkaasi.

Dhinaca kale muwaadin kale oo Soomaaliyeed, isla-markaana lagu magacaabi jiray Saacid Maxamed Xasan ayaa isna geeriyooday, kadib markii gaarigii uu waday uu Buundo kala dhacay, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid saaxibadiisa.

Saacid ayaa shilka ku galay wadada ka timaadda Fish Hoek oo ka tirsan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, wuxuuna ka mid ahaa darawalada gaawrida ee Uber Taxis.

Inta badan Koonfur Afrika waxaa ka dhaca weeraro ka dhan ah Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, kuwaas oo wajahaya dil, dhaawac iyo boob ay u geysanayaan burcad hubeysan.

Muxuu Antonio Guterres ka yiri weerarkii Ceel Baraf?

0

New York (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa si adag looga hadlay weerar ay waabarigii Talaadada kooxda Al-Shabaab ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Antonio Guterres wuxu marka hore si kulul u cambaareeyey weerarkaasi oo lagu laayey askar badan oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Burundi oo ku sugnaa halkaasi.

Sidoo kale waxaa tacsi tiiraanyo leh qoraalkan loogu diray dowladda iyo shacabka Burundi, wuxuuna xoghayaha sidoo kale caafimaad deg deg ah u rajeeyey askarta dhaawacantay.

“Xoghayaha Guud wuxuu tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska dadkii lagu laayay, sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda iyo shacabka Burundi. Wuxuu u rajeeyay caafimaad degdeg ah inta ku dhaawacantay weerarkaas.” ayaa lagu yiri  arsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka xoghayaha Stéphane Dujarric.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Xog-hayaha guud waxa uu bogaadinayaa dhammaan ciidamada ATMIS, waxa uuna si qoto dheer uga mahadcelinayaa adeeggooda iyo sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga iyo amniga Soomaaliya”.

Ugu dambeyn Antonio Guterres ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay kordhiso taageerada ay siiso howlgalka ATMIS, ex AMISOM, si looga adkaado Al-Shabaab.

“Xog-hayaha guud waxa uu mar kale ka codsanayaa beesha caalamka in ay taageero dhan walba ah siiyaan ATMIS iyo ciidamada amaanka ee Soomaaliya, dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.” ayaa markale lagu yiri.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa shaacisay in weerarkan oo qaraxyo ku billowday ay ku dishay illaa 173 askari oo ka tirsanaa ciidanka Burundi, waxaana jirta askar kale oo nolosha lagu qabtay, inkastoo aan tiradooda la shaacin.

Sanado kadib Maxamuud Sayid Adan oo Muqdisho ka soo degay + Ujeedka safarkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degay Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Inta badan sanadihii uu Farmaajo xukunka dalka hayey suurta gal ma aheyn in mas’uuliyiinta Jubbaland ee ka soo jeeda gobolka Gedo, kana aragtida duwan Madaxweyne Farmaajo ay Muqdisho yimaadaan, laguna soo dhoweeyo garoonka.

Arrintaan waxay ka mid tahay is bedellada maamul ee ka bilowday Soomaaliya shan sano iyo bilo kadib, intaas oo Farmaajo uu dagaal culus kula jiray hoggaanka Jubbaland, taas oo ugu dambeytii laga dhaxlay khilaafka sababay in gobolka Gedo uusan metelaad ku yeelan doorashadii guddoonka golaha shacabka. Kadib markii Garbahaarey iyo Ceelwaaq xildhibaano isku heyb ah lagu kala doortay.

Sidoo kale in maanta ay madaxdii Jubbaland Muqdisho ka soo degto waxaa sahlay tallaabooyinkii uu kol hore qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble oo garoonka Aadan Cadde ka dhigay mid ay cabsi la’aan siyaasiyiintu uga soo degi karaan.

Tallaabooyinkaas waxaa qeyb ka ahaa xil ka qaadistii Cabdullaahi Kulane oo ahaa Taliyihii NISA ee garoonka Aadan Cadde, aadna u baacsa jiray siyaasiinta ku heybta ah ee gobolka Gedo ka soo jeeda iyo Agaasimihii hore NISA Fahad Yaasiin oo awood badan ku lahaa garoonka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan wuxuu Muqdisho u yimid arrimo ku saabsan muranka la geliyey xildhibaanadii 16-ka ahaa ee lagu soo doortay degmada Ceelwaaq, kuwaas oo kooxda Farmaajo ay ka garab dhistay xubno lagu soo doortay Garbahaarey.

Maxamuud Sayid Aadan oo Farmaajo ay isku heyb yihiin ayaa Ceelwaaq kalmado garnaqsi ah Farmaajo uga soo diray maalintii la doortay xildhibaanada muranka la geliyey, isagoo ka codsaday in dhibaato dambe uusan u celin dadkiisa reer Gedo oo Jubbaland inteeda kale uu ka jaray.

Doorashadii guddoonka golaha shacabka wax metelaad ah kuma laheyn gobolka Gedo, waxaana taasi inay dhacdo dadaal xoog leh ku bixiyey madaxweyne Farmaajo oo ka shaqeynaya danihiisa dib u doorashada, waxaana macquul ah in doorashada Madaxweynaha dalka aysan Gedo metelaad ku yeelan hadii uusan go’aan dhaqan gal ah soo saarin guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe oo arrintaan la wareegay.

Daawo: Xildhibaannadii Garbahaarey oo hal arrin ka codsaday Aadan Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Maxamed oo ka mid ah xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa guddoomiyaha golaha shacabka ka codsaday inuu u hiiliyo, isla markaana uu aqbalo inay baarlamaanka si rasmi ah uga mid noqdaan.

Wuxuu ku cataabay in xildhibaanadii lagu soo doortay Ceelwaaq ay heystaan garab siyaasadeed, balse aysan aheyn kuwo sharci ah oo dhul Saamaaliyeed lagu soo doortay, isagoo tilmaamay in deegaan ka tirsan Kenya lagu soo doortay.

Sidoo kale Axmed Buulle ayaa aad u eedeeyey guddoomiyihii KMG ahaa ee golaha shacabka Cabdisalaan Dhabancad, isagoo Aadan Madoobe ka codsaday in xarunta baarlamaanka aysan soo gelin Xildhibaanadii laga soo doortay Ceelwaaq.

“Dhibaatadii aan ka soo marnay Rooble iyo Dhabancad, Sheekh Aadan Madoobow wax ka qabo, nin wanaagsan oo aan saaxiibo dhow nahay ayaa tahay ee maanta noo hiili,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buule oo ka mid ah xildhibaanada doorashadoodii muranka la geliyey.

Wuxuu sheegay in xildhibaanadii ka soo baxay Ceelwaaq ay heystaan garab siyaasadeed oo xoog leh, balse aysan sharci aheyn oo ayagu ay sharci ku yimaadeen golaha, laguan soo doortay heshiiskii doorashada ee 17-kii September, “Qofka maanta laga rabo in arrintaan uu cadaalad ka sameeyo Sheekh Aadan waa adiga,” ayuu yiri.

Sidoo kale Axmed Buulle ayaa sheegay in hadda ka hor uu la taliyey Guddoomiyihii KMG ahaa Dhabancad, balse uusan ka hoos qaadin codsigii iyo taladii uu u soo jeediyey.

“Dhabancad u jeedadii uu naga lahaa hadda waa soo dhamaatay, laakiin maanta adigaa meesha noo jooga Sheekh Aadan, waxaan baarlamaanka ka codsanyaa inay noogu hiiliyaan cadaalad darrada metelaadeenii lagu hayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Axmed Buule oo ka mid ahaa xubnihii maanta looga digay inay mar dambe yimaadaan xarunta golaha, iyadoo aan go’aan laga soo saarin kiiskooda.

Hoos ka daawo

Aqriso: Liiska xubnaha golaha shacabka ku metelaya gudiga doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha goalah shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa soo saaray liiska 10 xubnood ee xildhibaanada golaha shacabka ku metelaya qaban-qaabada doorashada madaxweynaha dalka.

10-ka xildhibaan ee golaha shacabka ku metelaya guddigaas ayaa kala ah:

1 – Xildhibaan Mowliid Cabdi Maxamuud
2 – Xildhibaan Cali Xaaji Daahir Saleebaan
3 – Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed
4 – Xildhibaan Nuur Mustafe Mukhtaar
5 – Xildhibaan Maxamed Axmed Maxamed Beerey
6 – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu
7 – Xildhibaan Cabdiqani Ismaaciil Saciid
8 – Xidhibaan Cabdiwahaab Cumar Caana-nuug
9 – Xildhibaan Cumar Yuusuf Qalaadiid
10 – Xildhibaan Fardowso Cusmaan Cigaal

Golaha Aqalka Sare ayaa sidoo kale maanta soo magacaabay 6 xubnood oo guddigaan uga mid noqonaya, waxayna tirada guud ee gudigaan noqaneysaa 17 xubnood oo kala 10 golaha shacabka ah, 6 Aqalka Sare ah iyo hal xubin oo guddoomiye Aadan Madoobe uu soo magacaabayo.

Xubnaha guddigaan ayaa looga fadhiyaa qorshihii lagu dooran lahaa madaxweynaha muddo kooban. Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig ayaa maanta sheegay in guddigaan laga rabo inay keenaan habraacii iyo wax walba oo ku aadan qabsoomidda doorashada Madaxweynaha, ka hor 17-ka bishaan, taasi oo ku siman wax ka yar labo toddobaad.