25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Hindiya oo soo saartay digniin la xiriirta xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Hindiya ayaa markii ugu horreysay si faah faahsan uga hadashay xaaladda dalka & rabshadihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Safiirka Hindiya u qaabilsan Qaramada Midoobay TS Tirumurti Addresses ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay in xal deg-deg ah laga gaaro muranka doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu ka digay sii socoshada khilaafka ka jira dalka, isaga oo tilmaamay in culeyska uu kasii darayo, haddii aan meesha laga saarin muranka ka taagan dalka.

Mr. Tirumurti ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay wada-hadal ku dhammeeyaan xiisadda, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

“Hadii shakiga ku aadan in doorashooyinka aysan qabsoomeyn uu sii xoogeysto, waxaa sii cuslaaneysa xaaladda, waxaana muhiim ah in hoggamiyeyaasha Soomaalida ay ka heshiiyan khilafka doorashooyinka,” ayuu yiri Danjire TS Tirumurti.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in dib u dahc kasta ee ku yimaada doorashooyinka  ay ka faa’iideysan karaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee kajira Soomaaliya.

Si kasta digniinta kasoo baxday Hindiya ee xaaladda Soomaaliya ayaa kusoo aadeysa, xilli weli dalka uu ku jiro marxalad adag oo kala guur ah, islamarkaana aan weli heshiis dhab ah laga gaarin hanaanka doorashada dalka dhaceysa sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka.

Qof looga shakisan yahay inuu Al-Shabaab ka tirsan yahay oo lagu qabtay Turkey

0

Ankara (Caasimadda Online) – Qof lagu tuhunsan yahay in uu ka tirsan yahay Al Shabaab ayaa maanta oo Arbaco ah lagu xiray magaalada Ankara ee caasimadda dalka Turkiga.

Sida lagu daabacay Wakaaladda Wararka ee Anadolu, oo soo xigatay ilo wareedyo amni ayaa sheegtay in ruuxa la qabtay la ogaaday inuu kooxdaas u qaabilsanaa dalka Kenya.

Waxaa kaloo la sheegay in hawlgalka lagu qabtay ninkaan ay iska kaashadeen booliska dalka Turkiga iyo hay’adda sirdoonka dalkaas (MIT).

Inkastoo hay’adaha amniga ay magaciisa kusoo koobeen A.B. hadana wuxuu heystaa dhalashooyinka dalalka Jarmalka iyo Talyaaniga, waxaana lasoo xiray kadib markii booliska ay warqad kasoo qaateen maxkamadda.

Kooxda AL-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya ayaa gacan saar la leh ururka AL-Qaacida, waxeyna mar walba weeraro ka fuliyaan Koonfurta iyo Bartama Soomaaliya, sidoo kalana qeybo ka mid ah wadamada dariska ah sida Kenya.

Xasan Sheekh iyo Shariif oo qorshe dejinaya iyo DF oo xirtay waddo muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo xubno kale oo kamid ah Golaha midowga musharaxiinta ayaa caawa yeeshay shir saacado qaatay, kaas oo ay uga hadleen go’aankii xukuumadda ee lagu joojiyay banaanbaxyada iyo kulamada dadweynaha.

Midowga musharaxiinta ayaa dejiyay qorshayaal u suurta gelinaya in ay dhigaan banaanbaxa todobaadkaan, waxaana la filayaa in berri ay la hadlaan warbaahinta.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa wada shirar gaar gaar ah oo ay uga hadleyso abaabulka banaanbaxa mucaaradka iyo sidii loo joojin lahaa banaanbaxaas.

Wasiirro ka tirsan xukuumadda Rooble ayaa la kulmay siyaasiin ku heyb ah madaxweynayaashii hore ee dalka, waxayna ka dalbadeen in ay ka qeyb-qaataan baajinta banaambaxa la qorsheeyay ee ka dhacaya taallada Daljirka Dahsoon.

Durba Muqdisho waxaa laga dareemayaa culeys ciidan iyo dhaqaaqyo ka socda dhinaca dowladda, goobo hor leh ayaa ciidan la dhigay, waxaana jidadka caasimadda kuwooda muhiimka ah lagu baarayaa gaadiidka iyo dadweynaha.

Sidoo kale wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa caawa biro lagu gooyay, waxaana looa diiday inuu maro gaadiidkii u socday dhinaca garoonka.

Waxaa sii kordhaya wal-walka laga qabo in khilaafka ka taagan doorashada dalka uu sababo gacan ka hadal, waxayna musharaxiinta mucaaradka ah ku adkeysanayaan in Jimcaha ay qabanayaan banaanbax nabadeed, halka dowladdu ay si cad u sheegtay in aysan ogolaa doonin banaanbaxaas.

Mucaaradka oo jawaab ka bixiyey go’aankii maanta kasoo baxay DF Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo hadda ku magacaaban xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa ka fal-celiyey shirkii jaraa’id ee maanta wasiirka amniga xukuumadda xil-gaarsiinta Xasan Xundubey uu ku shaaciyey in dowladdu aysan ogolaa doonin in ‘banaanbax uu ka dhaco magaalada Muqdisho.’

Waxa uu sheegay in Xasan Xundubey ay is garanayeen mudo ku dhaw 30-sano, isla markaana uu ku yaqaanay inuu yahay nin go’aan leh, balse hadda uu is bedelay, isagoo sheegay in dhibkii ka dhasha amarkii uu bixiyey maanta uu dushiisa yahay.

Qoraalka uu Cabdiraxmaan Odawaa ugu jawaabay wasiir Xundubey ayaa ku bilaawday “Maanta waxaa shir jaraa’id qabtay Sii hayaha xilka Wasiirka Amniga Xasan Xundubeey Jimcaale oo sheegay in mudaaharaadku sharci darro yahay, taas oo khilaafsan qodbobka 20-aad ee dastuurka, arrinta is waydiinta mudan waxa ay tahay sharci darrada uu sheegayo sii hayuhu muxuu u cuskaday, mise isaga ayaa badalay qodobkaas dastuuriga ah oo xaqaasi ku xusan yahay. Sida aan wada ognahay dastuurka  waxaa wax looga badali karaa in saddax meelood labo barlamaanka Soomaliyeed ay ogolaadaan.”

“Xundubeey waxaan saxiibo nahay muddo 29 sano ah, sidaa si la mid ah isaga iyo Madaxweyne Sh Shariif (gudoomiyaha Midowga murashaxiinta) muddo intaa ka badan ayay is yaqaanaan.Mudadaasi Waxaan ku aqaanay nin mabda’u hago, aaminsan saraynta sharciga iyo nidaam ay asaas u tahay dhawrista xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka, waxa badalay koleey anigu ma garan isaguse waa og yahay,” ayuu yiri.

Qoraalka Odawaa ayaa intaas ku sii daray, “Waxaanse leeyahay  saaxiib la tasho damiirkaada koleey sidaas si ka gadisan ayuu ku farayaaye. Waxaadna ogaataa adiga iyo Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday midna xaq dastuuri ah oo muwaadinku leeyahay ma  diidi karo.”

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Odawaa waxuu qoraalkiisa ku yiri, “Hadalka maanta uu ka sheegtay Warbaahinta haddii ay  ciidamada Booliska iyo Nabad sugiddu dhaqan galiyaan dhibka  ka dhashaa cidda masuulka ka ah waa Xundubeey. Waxaana  xasuusinaa in uu afhayeen u noqon Madaxweyne  waqtigiisu dhammaaday in aysan ahayn  mid u cuntanta.”

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si cad u sheegay in mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya aan lagu qaban karin magaalada Muqdisho.

“Waxaan ugu baaqeynaa dadka banaanbaxa abaabulaya inay adeegsadaan 40-kaan kaamiro ee hadda i hor taagan, meel kasta ayaa la iga daawanayaa. Isku soo bax lama ogolaa doono, qof walba wixii uu qabo warbaahinta hanoo soo mariyo, caburin ma jirto, wasaaradda amniga oo aan masuul ka ahay ha u soo sheegto hadii ay jirto qof la caburiyey” ayuu maanta yiri wasiir Xundubey.

Beesha caalamka oo qoraal kasoo saartay rabshadihii Muqdisho iyo doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa mar kale soo saartay qoraal ku aaddan is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya iyo rabshadihii ka dhacay Muqdisho ee ciidamada dowladda ay ku weerareen dibad-baxayaal iyo xubno ka tirsan musharaxiinta mucaaradka.

Qoraalka ayaa markii ugu horreysay waxay beesha caalamka kaga dalbatay Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada inay joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran

Baaq Ku Aaddan Sii Socoshada Dadaallada Lagu Gaarayo Heshiis ay DFS-DGXF Ka Gaaraan Hirgelinta Doorashada

Muqdisho, 23 Febraayo 2021 – Saaxiibbada Soomaaliya ee beesha caalamka* waxay ugu baaqayaan dhamaan saxiixayaasha heshiiskii 17kii Sebtember inay si deg-deg ah isugu yimaadaan si loo dhamaystiro hirgelinta hannaanka doorashada, iyadoo laga amba-qaadayo howshii ay qabteen Guddiga Farsamada ee ku kulmay magaalada Baydhabo 15-16 Febraayo.

Madaxda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada waa inay sidoo kale joogteeyaan xiriir furan oo ay la yeeshaan madaxda kale ee siyaasadeed ee Soomaaliya iyo bulshada rayidka ah si loo xaqiijiyo in doorashadu ay hesho taageerada ugu ballaaran ee suurtagalka ah, isla markaana guddiyada doorashooyinku ay u hawlgalaan si ka madaxbanaan dano siyaasadeed.

Saaxiibada caalamku waxay ka walaacsan yihiin dhacdooyinkii rabshadaha watay ee ka dhacay Muqdisho 19kii Febraayo. Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan dhinacyada inay is-dejiyaan oo ay is xakameeyaan si loogu oggolaado wadahadalka siyaasadeed inuu horay usii socdo.

Hadda waxaa si kasii dhakhso badan sidii hore loogu baahanyahay in madaxda siyaasadeed ee Soomaaliya ay danta qaranka ka dhigaan tan koowaad, ayna ka wada shaqeeyaan sidii loo qaban lahaa doorashooyin leh taageero ballaaran oo ku qabsooma sida ugu dhakhsiyaha badan ee suurtagalka ah, si dalka horay loogusii dhaqaajiyo. Saaxiibada caalamku waxay si firfircoon uga taageerayaan dadka Soomaaliyeed sidii ay ku gaari lahaayeen natiijadaas.

* Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Norway, Qadar, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo geeriyooday iyo R/W ROOBLE oo ka hadlay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa geeriyooday Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ahaa ugaaska beesha Xawaadle.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu haleelay cudurka Coronavirus.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey geerida Ugaas Xasan, oo la sheegay in maalmihii u dambeeyey uu la il daraa xanuunka COVID-19.

Allaha u naxariistee Ugaaska ayaa ka mid ahaa dhaqanka Soomaaliyeed kuwooda ugu facaweyn, uguna saameynta badan, waxaana aad loogu xasuustaa doorkii uu ku lahaa yagleelidda maamul goboleedka HirShabeelle.

Ugaaska oo fadhigiisa ugu weyn uu ahaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waayihii dambe ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya oo caawa uu ku geeriyooday.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyey geerida Ugaas Xasan ayaa qoraa uu soo saaray ku yiri, “Waxaan Qoyskiisa,Asxaabtiisii & Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ka mid ahaa duubabka dhaqanka Soomaaliyeed. Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka & ummaddana sabir iyo iimaan Allaha ka siiyo.”

Dad badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ugu geeriyooday cudurkaan oo ku soo laba kacleeyey dalka, Faadumo Cali Nakruuma oo ka mid aheyd kuwooda ugu da’da weyn hobollada Qaranka Soomaaliyeed ee Waaberi ayaa ka mid aheyd dadkii u geeriyooday cudurka.

Mareykanka oo u muuqda in uu ku gacan seeray dalabkii Midowga Musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Mareykanka ayaa u muuqata inay ku gacan seertay dalabkii ay musharaxiinta mucaaradka gaarsiiyeen Golaha Ammaanka QM, kaas oo ahaa in la dhiso gole hogaamin oo xilka kala wareega sii-hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ay laba maalin ka hore u direen Golaha Ammaanka, ayey Midowga musharaxiinta ku dalbadeen in la dhiso gole loo dhan yahay oo xilka sii haya isla markaana dalka ka gudbiya marxaladaan kala guurka ah.

Hase yeeshee, dowladda Mareykanka ayaa taas u aragta inay dib u dhac u keeni karto Soomaaliya, islamarkaana ay haboon tahay in dowladda wakhtigeeda dhamaaday iyo maamul goboleedyada ay ka shaqeeyaan hanaanka doorashada.

Sii hayaha ergayga Mareykanka u jooga Qaramada Midoobay Richard Mills ayaa khudbadii uu ka jeediyay kulankii Golaha Ammaanka QM waxa ku sheegay in waddo walba oo ka leexsan hanaankii dhawaan lagu heshiiyay ay gadaal u celin karto Soomaalida, wuxuuna diiday xukun KMG ah.

“Aan idiin caddeeyo, doorasho dhinac ah, doorashooyin isbarbar socda, ama qaab kale oo hanaan doorasho ah oo uu ku jiro xukun KMG ah oo waqti qaata waxaa kaliya oo uu sii kordhin karaa xasillooni darada, wuxuuna dib u dhac ku noqonayaa Soomaaliya,” ayuu yiri Richard Mils.

Dowladda Mareykanka waxey taageersan tahay si la mid ah beesha caalamka in wax lagu wado sidii lagu heshiiyay 17-kii September, markaas oo ay dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ku heshiiyeen Muqdisho.

Go’aanka Mareykanka wuxuu dhabar jab ku noqonayaa midowga musharaxiinta kuwaas oo dalbaday in la dhiso gole hogaamin, maadaama ay diidan yahiin in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu yahay madaxweynaha Soomaaliya.

DF oo go’aan kasoo saartay dibad-baxa ay mucaaradka iclaamiyeen Jimcaha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mudaharaadka ay iclaamiyeen golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya, isagoo shaaciyey in aysan ogolaan doonin in banaanbax lagu qabto magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in dowladdu go’aamisay in gabi ahaanba la joojiyo isusoo baxyada iyo kulamada laga maarmi karo, go’aankuna uu sidaas ahaan doono.

“Sida aad ka war-qabtaan banaanbax waa la joojiyey ha noqdo mid dowladda lagu taageerayo ama ha noqdo mid looga soo hor jeedo, labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradka waxay xaq u leeyihiin inay banaanbax soo abaabulaan, laakiin hadda kuligood waa sharci darro, cidii sameysana iayada unbaa is xilqaantay,” ayuu yuri wasiir Xundubey.

Waxa uu sheegay in magaalada Muqdisho ay ka duwan tahay magaalooyinka kale ee dalka, isla markaana aysan ogolaa doonin inuu ka dhaco banaanbax ay dhigayaan dad hubeysan.

“Hadii ay dhaceyso in la ogolaado banaanbax waa inay soo baxdaa qiimeyn kale, cudurka oo naga yaraada iyo amniga oo ay wax iska bedelaan, waxaa jira dad is xil-qaamay oo isku dayey inay xaliyaan arrintaas, waxaana hadda socda wadahadal, sidii uu horay u sheegay ra’iisul wasaaruhu weli waxaa furan albaabka wadahadalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiir Xasan Xundubey.

Waxa uu sheegay in la joogo xilli wax kasta la isku gaarsii karo warbaahinta, isla markaana aan loo baahneyn banaanbax, “Waxaan ugu baaqeynaa dadka banaanbaxa abaabulaya inay adeegsadaan 40-kaan kaamiro ee hadda i hor taagan, meel kasta ayaa la iga daawanayaa,” ayuu yiri.

Isagoo sii hadlayey ayuu yiri, “Isku soo bax lama ogolaa doono qof walba wixii uu qabo warbaahinta hanoo soo mariyo caburin ma jirto, wasaaradda amniga oo aan masuul ka ahay ha u soo sheegto hadii ay jirto qof la caburiyey.”

Hoos ka Daawo

Wasiirka Arrimaha Dibedda DF oo laga helay COVID-19 isagoo dal kale ku sugan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa shaaciyey in maalinkii sideedaad uu ku karaantiilan yahay dalka Burundi, kadib markii laga helay cudurka Coronavirus.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay telefishinka dowladda ayaa sheegay in cudurku uu aad ugu faafay Soomaaliya, isla markaana uu ka soo qaaday Xamar, isla markaana laga helay markii uu tegay dalka Burundi.

“Cudurka Covid Soomaaliya aad ayuu ugu faafay aniga hadda waxaan ku suganahay dalka Burundi oo aan u imaaday shir, hadda maalinkii 8-aad waxaan ku jiraa karaantiil sababtoo ah waxaan Xamar ka soo qaaday cudurka Corona, shirna cid lama yeelan oo intaas waxaan ku xiranahay meel, daawo ayaa ii socota,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku celceliyey in cudurku aad ugu faafay gudaha dalka, isla markaana uu garanayo dad badan oo u dhintay iyo kuwo hadda la il daran.

Isagoo u muuqday inuu ka faa’iideysanayo fursadan ayuu sheegay inaysan macquul aheyn in hadda Muqdisho lagu dhigo banaanbax iyo isku imaatinno kale toona.

“Caqli ma keeneynin in la yiraahdo dibadbax hala isugu soo baxo, shirarkii golaha wasiirrada iyo isku imaatinadii oo dhan ayaa hadda la joojiyey, shirka ugu muhiimsan oo dad saas u badan aysan joogeyn waa kan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, sidaas darteed si loo dhowro nabad geliyada dadweynaha dowladda waxay mas’uuliyad ka saaran tahay in laga digtoonaado isku soo baxyada,” ayuu yiri wasiir  Maxamed Cabdirisaaq.

Hoos ka Daawo

Swan oo gaaray Kismaayo iyo B/caalamka oo cadaadis ku billowday A/Madoobe

0

Kismaayo (Caasimadda Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dagay magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.

Xubno ka tirsan xukuumadda Axmed Madoobe ayaa wafdigaan beesha caalamka ka socda kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Kismaayo iyadoo loo galbiyay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland.

James Swan ayaa kulan la leh madaxweynaha dowlad goboledka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), ayada oo beesha caalamka ay ku cadaadineyso inuu aqbalo shir kale oo dhex-mara madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada.

Beesha caalamka ayaa dooneysa in xal dhaqso ah laga gaaro arrimaha ku hareereysan doorashada ee wali la isku mari la’yahay, waxeyna dooneysaa iney shir isugu keento dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah si heshiis looga gaaro doorashada dalka.

Axmed Madoobe isagoo la safan Saciid Deni oo maamula Puntland waxey iska diideen iney kasoo qeyb galaan shir uu ku dhawaaqay sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maadaama ay kadib shaqaaqadii ka dhacday Muqdisho walaac ka muujiyeen xaaladda dalka iyo sida la isugu halleyn karo ammaanka.

Labada madaxweyne ee Jubbaland iyo Puntland waxey ku doodeen in lagu qabto shirka meel amnigeeda la isku halleyn karo, sidoo kalana la helo in beesha caalamka ay damaanad qaadi karto fulinta wax walba oo lagu heshiiyo.

Kulanka James Swan iyo Axmed Madoobe ayaa socda, waxaana isha lagu wada hayaa waxyaabaha kasoo bixi doona oo ay labada dhinacba ka hadli doonaan.

DF oo sheegtay in dalka uu ‘ka badbaaday afgambi’

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirka warfaafinta xukuumadda xilka sii heysa ee Soomaaliya Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in Jimcahii lasoo dhaafgay la isku dayay in dalka Afgabim lagu qabsado.

Wasiirka wuxuu sheegay in ciidamada amniga ay ka hortageen isku daygaas, balse la damacsanaa in dalka la qabsado, iyadoo jimcadii lasoo dhaafay ay dowladda hor istaagtay banaabax nabadeed oo ay ku baaqeen midowga musharaxiinta.

“19-kii bishaan waxaa Muqdisho ka dhacay isku day Afgambi, ciidamo hubeysan ayaa yimid meel u dhaw Villa Somalia waxeyna dhaheen dalka dowlad kama jirto, madaxweyne ma jiro, waxaase Alle mahadiis ah in laga hortagay isku daygaas,” ayuu yiri Dubbe.

Hadalka wasiirka wuxuu kusoo aadayaa xilli midowga musharaxiinta ay mar kale ku baaqeen in 26-ka February oo ku aadan jimcaha ay qaban qabaabinayaan banaabax nabadeed maadaama midkii hore ay dowladda hor istaagtay.

Sidoo kale sii hayaha wasiirka warfaafinta wuxuu sheegay in marnaba dowladda aysan ogolaan doonin in la isku yimaado, fursadda kaliya oo ay qof walba heysatana ay tahay iney TV-yada kasoo muuqdaan, taasoo muujineysa in mar kale dowladda ay diidi doonto banaanbax ka dhaca Muqdisho.

Mareykanka ayaa ku cel-celiyay in dowladaha aan laga yeeli doonin iney xuquuqul insaanka ku tuntaan iyagoo marmarsiyo ka dhiganaya xanuunka Covid19, hadana dowladda wali waxey ku adkeysaneysaa amarkeedii ahaa inaan la isku imaan karin.

17-kii bishaan ayey dowladda shir jaraa’id ku sheegtay inaan la isku imaan karin, maadaama uu si weyn u faafay xanuunka Covid19, sidaas darteed wali go’aankeeda ayey ku taagan tahay.

Wararkii ugu dambeeyey qarixii maanta ka dhacay Xamarweyne + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxa is-miidaamin ahaa oo barqanimadii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo jugtiisa si xoogan looga maqlay qeybo ka mid ah caasimada ayaa waxaa uu fuliyey ruux isku xiray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay saldhigga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay, xilli is-miidaamiyaha ay ceyrsanayeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo war qoraal soo saaray ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in ciidanka ammaanka ay ka shakiyeen ninka qaraxa fuliyey, kadibna uu cararay, isaga oo iska tuuray suunka oo goor dambe ku qarxay meel cidlo ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Nin wata suunka qarxa oo doonayay inuu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ayay ciidamadu ka shakiyeen, iyaga ceyrsanaya ayuu tuuray suunka qaraxa, ka dibna meel cidlo ah ayuu ku qarxay suunkii,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka amniga gobolka.

Cali Yare ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in qaraxan uu ku dhaawacmay hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliiska Soomaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in gacanta lagu dhigay qof laga shakinsan yahay oo ay qabteen ciidamada ammaanka qaraxa, kadib.

“Hal sarkaal ayaa ku dhaawacmay. Qof laga shakinsanyahay ayaa gacanta lagu hayaa.Aad ayaan ugu Mahadnaqeynaa ciidanka Amniga,” ayuu sii raaciyey.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha magaalada Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jiro dilal & qaraxyo kuwaas oo geystay khasaare kala duwan.

Waare oo fasiraad ka bixiyey kulankii golaha ammaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dmaamulka HirShabelle, Mudane Maxamed Cabdi Waare ayaa fasiraad ka bixiyey kulankii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee looga hadlay xaaladda adag ee Soomaaliya & doorashooyinka.

Waare ayaa shaaca ka qaaday inuu daawaday kulankaasi iyo nuxurka khudbadihii laga jeediyey, wuxuuna sheegay inuu ka fahmay fariin ku socota madaxda Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda Soomaaliyeed si gaar ah loola hadlay, islamarkaana ay muhiim tahay inay fahmaan sida ay tahay in loo wajo xaaladda adag.

“Waxaan fiirsaday shirkii UN Security Council ee arrimaha Soomaaliya. Soomaaliya madaxdeeda waa lala hadlay. wax nin rag la yiraa waxaa ugu liita in la yiraahdo xaaskaada iyo ilmahaadu waa dan-dareysan yihiin, mana fiirsan karnee saan u dhaan,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabelle oo qoraal soo saaray.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in loo wada istaago muxaafad & mucaarad, bad-baadinta dalka iyo dowladnimada, si xal looga gaaro khilaafka ka jira dalka.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada ergayga QM ee Soomaalida uu khudbad dheer ee uu kaga hadlay xaaladda dalka ka jeediyey kulanka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, wuxuuna shaaca ka qaaday in haatan Soomaaliya ay ku socoto wado halis ah.

Dubbe oo shaaciyey arrin loo ogolyahay mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo ka qeyb-galayey barnaamij gaar ah looga hadlayey xaaladda dalka ayaa markale ku celiyey in weli halkiisii uu yahay go’aankii lagu mamnuucay isku imaatinada dadka, si loo xakameyo xanuunka Covid-19.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in aysan dadka isugu imaan karin hal goob, islamarkaana loo baahan yahay in la raaco talooyinka caafimaad ee lagu xakameynayo Coronavirus.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta midowga musharraxiinta mucaaradka oo dibad-bax kale ka abaabulayo magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya aysan marnaba ogolaan doonin wax isku imaatin ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale intaasi ku daray in siyaasiyiinta ka aragtida duwan loo ogol-yahay iuu mid weliba tego xarumah TV-yada, kuna soo gudbin karo fikiradiisa.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in ka dowlad ahaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay bad-baadinta dadka Soomaaliyeed, xilli uu dalka ka jiro cudurka Covid-19.

Si kastaba hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo markale musharraxiinta mucaaradka ay ku baaqeen dibad-bax kale oo la qorsheynayo in Jimcaha uu ka dhaco magaalada Muqdisho.

Qoraallada Villa Somalia oo uu isbeddel ka muuqdo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa isbedel lama filaan ah ka sameysay hab qoraaleedka ay usoo saarto war-murtiyeedka madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Villa Somalia ayaa shalay qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook markii ugu horreysay ka reebtay inay ku sheegto Farmaajo ‘madaxweynaha dowlada federaalka’, marka loo eego qoraalladii horey uga soo bixi jiray.

Qoraalka shalay oo ay fariin ugu direysay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa waxaa shirka ku saabsan doorashada ugu yeerayey “madaxtooyada Soomaaliya,” halka qoraalkii hore ee isla kan oo kale ahaa oo soo baxay 17-kii Febraayo, uu u dhignaa inuu shirka ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka”.

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale ugu yeeraysaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland in ay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021,” ayaa lagu yiri qoraalka maanta sida sawirada hoose kaga muuqata.

Halka qoraalkii 17-kii Febraayo lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 15-16kii bishan Febaraayo waxa uu soo saaray go’aanadan: 1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.”

Ma cadda haddii arrintan ay ku timid si kam ah oo uu doortay qofka qoraalka sameeyey iyo inay tahay mid muujineysa in Farmaajo oo wajahaya cadaadis caalami ah uu aqbalay inuu muddo xileedkiisa dhammaaday. Hase yeeshee qoraallada xiga ayaa kala caddeyn doona.

Isku eeg labada qoraal

Xuseen Carab Ciise oo soo bandhigay 3 shardi in lagu xiro siyaasiyiinta Somaliland ee xilka ka qabanaya DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gudiga Difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa markii u horeysay si qoto dheer uga hadlay arrinta siyaasiyiinta reer Somaliland ee jooga magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii ay ku laabanayaan Somaliland ka tanaasula Midnimada umadda Soomaaliyeed.

Xuseen Carab ayaa soo jeediyay in shuruud lagu xiro siyaasiyiinta Somaliland ee imanaya Muqdisho, kuwaasi oo ugu yeeray ‘siyaasiyiinta shaqadoonka ah ee Somaliland ka yimaada’, si lamid ah sida ay Somaliland shuruudo hor leh ugu xirto siyaasiyiinta Soomaaliya ee u safraya deegaanadeeda.

“Siyaasiyiinta shaqadoonka ah ee Somaliland ka yimaada ayagoo shaqadu kala muhiimsan tahay qadiyadda midnimada. Maalintii ay shaqadu ka dhammaatana dib ugu noqda ayagoo cafis waydiisanaya Somaliland,” ayuu yiri Xuseen Carab.

Waxa uu soo jeediyay in saddex shardi lagu xiro siyaasiyiintaasi intii aanay xil ka qaban Soomaaliya, dalkana ku nolaadaan si toos ah 3 ilaa 5 sanadood si ay u kala bartaan dadka ay doonayaan in ay mansab u qabtaan kuwaasi oo kala ah; 1. In uu cafiso weydiisto Soomaaliya. 2. Haddii uu xil nooca uu doono ka hayo Somaliland iska casilo iyo 3. In uu caddeeyo inuu ka noqday fikirkii gooni-goosadka.

“Su’aasha u baahan la is weydiyaa waa, sidee buu qof system doonaya in uu naga go’o u soo dhaartay kitaabna gacanta u galiyay maanta noo oran karaa midnimo ayaan aminsanahay isaga oo aan shacabka Soomaaliyeed hortooda ka caddayn sida anigaba i qabta haddii aan is dhaho Somaliland tag”.

Sidoo kale waxa uu xusay in siyaasiga xil kasoo qabta Somaliland uu ku dhaarto qadiyada iyo dastuurkeeda dhigaya inay ka go’day Soomaaliya, midaasina ay lagama maarman uga dhigayso in la marsiiyo shuruudaha uu sheegay.

Xuseen Carab ayaa ku doodaya in siyaasiyiinta Somaliland loola dhaqmo sida ay xukuumadoodu ula macaamisho kuwa ka safraya magaalada Muqdisho, islamarkaana ay muhiim tahay in siyaasiyiinta ka imanaya Somaliland ay cadeeyan mowqifkooda midnimada, oo ay ka tanaasulaan qadiyada gooni-goosaadka.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in arrintan aysan khuseyn shacabka degan Somaliland ee aan mansab iyo mas’uuliyad soo qaban, kuwaasi oo iyagu la xuquuq ah Shacabka Soomaaliyeed meelka kasta oo ay joogaan.

Maxay Jubaland ku dooratay in shirka lagu qabto Xalane?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Cabdi xuseen Sheekh Maxamed oo la hadlay VOA ayaa faah faahin ka bixiyey shuruudaha ay ku xireen ka qeyb-galka shirka doorashooyinka ee ka dhacaya Muqdisho.

Wasiir Cabdi Xuseen ayaa shaaca ka qaaday in Jubbaland ay diyaar u tahay inay ka qeyb-gasho shirka, waa haddii lagu qabanayo goob amaan ah, gaar ahaan Xalane.

Sidoo kale wuxuu sababta ku sheegay inay cabsi ka muujiyaan ciidamada dowladda federaalka, kadib weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore ee dalka.

Wasiirka warfaafinta Jubbaland oo hadalkiisa sii wata in loo baahan yahay in la helo gacan saddexaad oo ka madax banaan saxiixayaasha heshiiska doorashooyinka.

“Wixii dhacay 19-kii Febaraayo waxa ay beertay xaalad kale, taasi dhibaato weyn oo dhacday ayay ahayd, diyaar ayaan u nahay ka qaybgalka Shirka balse waxaan dooneynaa goob amnigeedu sugan tahay, mar haddii la weeraray Musharixiinta la iskuma haleyn karo Dowladda, haddii aan la hureyn waxaan door-bideynaa Xerada Xalane oo saldhig u ah Wakiilada Beesha Caalamka” ayuu yiri wasiirka warfaafinta maamulka Jubbaland

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo kaliya Jubbaland & Puntland ay ka maqan yihiin shirka wada-tashiga doorashooyinka, kaas oo uu iclaamiyey madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, waxaana hada socda kulamo horudhac u ah shirkaasi oo ah mid xasaasi ah.

Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu si gaar ah uga dhacay nawaaxiga saldhiga Booliska degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Sidoo kale wararka horudhac ah ayaa sheegaya in nooca qaraxa uu ahaa is-miidaamin, kaas oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qaraxa.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo haatan xiray dhaq-dhaqaaqa meesha ay wax ka dhaceen.

Faah faahinta kala soco:caasimada.net

Wakiilka Mareykanka ee QM oo sheegay arrin ay tusaale u yihiin rabshadihii Muqdisho

0

New York (Caasimada Online) – Wakiilka dawladda Mareykanka ee Qaramada Midoobey Richard Mills oo khudbad ka jeediyey shirkii caawa golaha ammaanka ee QM ay ka yeesheen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka faa’iidaystaan fursadaha hor yaalla.

Richard Mills ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay sida ugu degdegga badan nabadda u hormariyaan, isagoo xusay in hubanti la’aanta ka taagan doorashada Soomaaliya ay dib u dhac ku noqotay wada-hadaladii Qaran.

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqooyinkii ka dhacay bartamaha Muqdisho todobaadkii hore ay yihiin tusaalihii ugu dambeeyey ee muujinaya inay imaan karto halis ah in dalku deganaansho la’aan galo.

Danjire Richard Mills waxuu carrabka ku adkeeyey in Mareykanku uu si adag uga soo horjeedo gacan ka hadalka.

Intii uu ku guda jiray khudbadiisa Richard waxuu ugu baaqay madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboeedyada inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu xallinayo is mari waaga siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in xaaladda hadda taagan ay halis ku tahay mustaqbalka Soomaaliya.

Richard Mills mar uu khudbadiisa ku soo hadal qaaday dhanka ammaanka Soomaaliya, waxuu sheegay in Al-Shabaab ay weli halis ku tahay amniga Soomaaliya, isagoo soo bandhigay liiska xubno ka tirsan kooxda oo Mareykanku uu Qaramada Midoobey ka doonayo in liiska cunaqabateynta lagu daro.

Seddax hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab, oo kala Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman iyo Mahad Karate ayuu soo jeediyey in Qaramada Midoobey ay ku daraan liiska cunaqabataynta argagixisada.

Soo jeedinta Maraykanka iyo Soomaaliya ee ah in saddexdaas shakhsi lagu daro liiska cunaqabataynta ayaa u baahan inay oggolaadaan dhammaan xubnaha Golala Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Hadii ay hir gasho oo goluhu ogolaado soo jeedinta Mareykanka, waxay ka dhigan tahay in xubnahaan lasoo bandhigay magacyadooda ee ka tirsan Al-Shabaab aysan safri karin, isla markaana la xayirayo hantidooda.

Musharaxiinta oo go’aan kasoo saaray hadalkii kasoo yeeray Yuusuf Indha-Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha midowga musharaxiinta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta hadal ka jeediyey shir jaraa’id oo musharaxiintu ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhow arrimood oo ku saabsan rabshadihii ka dhashay banaanbixii ay iclaamiyeen todobaadkii hore.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan jirin cid ay u wakiisheen ka hadalka aragtidooda, isla markaana aan dhiigooda loo baneysa karin hadal ka soo yeeray qof aan ka tirsaneyn golahooda.

“Cid aan u wakiilanay hadalkeena iyo aragtideena maanta ma jirto, waxaan nala yiraahdaa golaha musharaxiinta waxaa nawada khuseeya wixii aan wadajir u soo saarno, nama khuseeyaan wax ka yimid qof aan naga tirsaneyn dhiigeenana looma baneysan karo,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu goluhu isaga fogeynayo hadal habeenkii Jimcaha inta aysan rabshaduhu bilaaban uu tallada Daljirka ka sheegay Jeneraal Indhacadde oo tilmaamay in dalka aysan ka jirin wax dowlad ah oo Farmaajo iyo wasiirradiisu yihiin madax hore.

Hadalka Jeneraalka waxaa dhibsaday madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka, waxaana fagaare uga jawaabay iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamaya ra’iisul wasaaraha iyo wasiirkiisa warfaafinta.

Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayaa mar kale shaaciyey in maalinta Jimcaha ah ee soo socota ay qabanayaan banaanbax kale oo ka dhici doona isla goobtii loo diiday ee fagaaraha taallada Daljirka Daahsoon.

Waxa uu sheegay in banaanbaxaasi uu fure u yahay hanaanka dimuquraadiyadda dalka iyo mida doorashooyinka Soomaaliya xiligan la joogo.

Sheekh Shariif waxuu nasiib darro ku tilmaamay in madaxda dowladda federaalka aysan weli garowshiyo ka bixin, is hor-taagii ay ku sameysay banaanbixii nabadeed ee dadka reer Muqdisho ay sameyn lahaayeen todobadkii hore, kaas oo uu sheegay in dad lagu dilay kuwo kalena ay ku dhaawaceen ciidamada dowladda.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in aysan jirin cid ay wakiil uga yihiin banaanbaxyada ay abaabulayaan iyo dadaalka ay ugu jiraan in dalka ay ka dhacdo doorasho xor ah.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa sheegay in golaha midowga musharaxiinta ay aad ugu mahad celinayaan madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland oo uu sheegay in khataro badan oo dhanka hoggaanka ah ay u iftiimiyeen dadka Soomaaliyeed.

Hoos ka Daawo