25.7 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Sheekh Maxamed Idiris oo shaaca ka qaaday 5 fursad ‘oo uu lumiyey’ FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada waaweyn ee Soomaalida, islamarkaana aad u taageera madaxweyne Farmaajo, ayaa tilmaamay shan fursad oo uu madaxweyne Farmaajo lumiyey afartii sano ee uu xilka hayey.

Sheekh Maxamed oo qoraal uu soo saaray waxyaabo badan kaga hadlay ayaa shaaciyey in shantaas fursad ay ahaayeen kuwa la rabay in madaxweynaha wakhtiga kasii dhamaanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka faa’iideysto balse ay dhaafeen, haddana waqtigu ka dhammaaday.

Fursadaha uu aaminsan yahay inuu Farmaajo lumiyay waxaa ka mid ah inuu mideyn waayay umadda kala irdhowday, sidoo kalana uu wax ka badali waayay nidaamka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Liiska Qodobada la sheegay inuu Farmaajo ku fashilmay:

1- Inuu lumiyay mideynta umadda kala irdhowday oo uu tago magaalo walba, dadka la fariisto, si la isku saamaxo, una hirgaliyo doorasho dhab ah.

2- Inuu lumiyay fursad uu uga faa’ideysan karay laba dowladood oo aad ugu dhaw, waana Qatar iyo Turkey, kuwaas oo midina ay tahay dowlad wax soo saar leh, midna ay tahay dowlad qani ah.

3- Inuu lumiyay fursad uu wax uga badalo nidaamka siyaasadeed ee dalka ka jira, iyo inuu doorasho guud dalka dhan ka hirgaliyo.

4- Inuu lumiyay taageeradii faraha badnaa oo ay shacabka Soomaaliyeed u hayeen, oo aanu helin madaxweyne ka horreeyay, wuxuuna helay taageero shacbi ah oo weyn.

5- Inuu lumiyay fursad uu ku dhisi karay ciidamo qaran iyo sugidda amniga iyo inuu wax ka qabto amniga magaalada Muqdisho.

WHO oo shaaca ka qaaday xilliga ay Soomaaliya heli doonto tallaalka COVID-19

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa heli doonta tallaalka cudurka COVID-19 bishan aynu ku jirno ee Febraayo, sida ay maanta shaaca ka qaaday hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO ee Soomaaliya Dr. Mamunur Rahman Malik ayaa sheegay in Soomaaliya ay heli doonto 1.2 milyan goojo oo ah tallaalka Oxford AstraZeneca.

Tallaalkaas ayaa iskugu jira gacanta hore iyo gacanta labaad, waxaana lagu tallaali doonaa 600,000 oo Soomaali ah.

Dr. Mamunur Rahman Malik waxa kale oo uu sheegay in bilaha Maarso iyo Abriil ay heli doonto tallaal kale oo lagu tallaalo 20% dadweynaha Soomaalida.

Daawooyinka lagu tallaali doono 20% dadka Soomaalida ah ayaa ah lacag la’aan, waxaana bixinaya xarunta Covax oo ay wada dhiseen Hay’adda Caafimaadka Adduunka WHO iyo Isbshaysiga Caalamiga ah ee GAVI. Xaruntaas waxa maalgeliyey Midowga Yurub.

Hase yeeshee dawladda Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay hesho kharashkii ay kusoo iibsan lahayd tallaalka lagu tallaali lahaa 80% ka kale ee dadweynaha Soomaaliya. Hay’adda WHO, UNICEF iyo Bankiga Adduunka ayaa la sheegay inay dawladda ka caawinayaan sidii kharashkaas lagu heli lahaa.

Tallaalka 1.2 milyan ayaa lagu tallaali doonaa shaqaalaha Caafimaadka, kuwa dawladaha hoose iyo kuwa safka hore, waxayna ku filan tahay 3% dadweynaha waddanka.

W/Q: Anab Mohamed Omar, Peace activist.

Sacuudiga oo dalkiisa ka manuucay muwaadiniinta labaatan dal (Aqriso liiska)

Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada Sacuudiga ayaa ku dhaawaqday inay dalkeeda ka mamnuucday inay soo galaan muwaadiniinta ku dhawaad 20 dal, kuwaasi oo ay ku jiraan Imaaraatka Carabta iyo Masar, sida lagu sheegay war kasoo baxay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga.

Dalalkan ayaa waxa muwaadiniintooda looga mamnuucay Sacuudiga sababo la xiriira ka hortaga fiditaanka cudurka Coronavirus, oo muddooyinkii dambe u muuqday mid kusoo labo kacleynaya dunida.

Sida ay ku warantay wakaalada wararka ee dowladda Sacuudiga xayiraada lagu soo rogay dalalkaas waa mid kumeel gaar ah oo si rasmi ah u dhaqan-galeysa maanta oo Arbaca ah.

Dalalka uu albaabada ka xirtay Sacuudiga, ayaa waxa ay kala yihiin: Argentina, Brazil, Egypt, France, Germany, India, Indonesia, Ireland, Italy, Japan, Lebanon, Pakistan, Portugal, South Africa, Sweden, Switzerland, Turkey, Imaaraadka Carabta, the UK iyo Mareykanka.

Arrintan ayaa sidoo kale waxay saameyn doonta dadka socdaalka kusoo maraya dalalkaas kor ku xusan ee raba inay galaan Sacuudiga, maadama ay dowlada Riyadh xayiraad dhanka socdaalka ah saartay dalalkaas.

Kiisaska cudurka Coronavirus ee Sacuudiga ayaa maalmihii udambeeyay sarre u kacay, iyada oo la diiwaan geliyay in ka badan 368,000 oo kiisas ah iyo dhimashada 6,400 qof, midaasi oo soo dadajisay xayiraada ay maanta ku dhawaaqday.

Dowladda Mareykanka oo ciidamo cusub keentay Soomaaliya + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska ciidamada Mareykanka u qaabilsan Africa ee AFRICOM ayaa go’aansaday inay dib usoo celiyaan ciidamada Mareykanka ee joogay Soomaaliya si ay uga falceliyaan duruufaha amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka.

Jennifer Mykins oo ah agaasimaha howlgallada taliska ayaa sheegtay iney diyaar u yahiin wada shaqeynta saaxiibadooda bariga Afrika sida Soomaaliya, ayna doonayaan iney ka hor tagaan khatar walba oo timaada.

Ciidamadaan ayaa kasoo safray magaalada Vicenza ee dalka Talyaaniga, waxeyna usoo duuleen dhanka Soomaaliya.

Jennifer Mykins ayaa tiri: “Inkasta oo aan dhowaan dib u celinay Ciidamada Mareykanka guud ahaan Bariga Afrika, balse dib u soo celinta ciidankaan waxa ay muujineysaa wada shaqeynteena Soomaaliya in aan sida ugu degdegsan uga falcelino duruufaha dhanka Amniga iyo badqabka shaqaalaha Mareykanka, qorshahaan waa qayb kamid ah sugidda amniga.”

Waxyaabaha ay ciidamadaan fulin karaan waxaa ka mid ah ilaalinta xarumaha diblomaasiyiinta, Gargaarka, musiibooyinka, hawlgallada Militari, la shaqeynta taliska Mareykanak AFRICOM, Saaxiibada Soomaaliya iyo ilaalinta shaqaalaha Samafalka.

Amar kasoo baxay madaxweynahii hore Mareykanka Donald Trump ayaa Soomaaliyga looga saaray ku dhawaad 700 askari oo ka joogay Soomaaliya, balse taliska Africom waxey sheegeen inuusan joogsan doonin hawlgallada ay ku bartilmaameedsadaan Al-Shabaab.

DAAWO SAWIRADA:

Villa Somalia oo war kasoo saartay shirka ka furmay Dhuusamareeb + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa maanta billowday shirkii uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee loogu talo-galay in looga hadlo arrimaha ku saabsan doorashooyinka, laguna xaliyo caqabadaha hortaagan sidii loo qaban lahaa doorasho la isla ogol yahay.

Agaasimaha Warfaafinta iyo Xidhiidhka Warbaahinta Madaxtooyada Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa sheegay in shirka uu furmay, ayna u dhan yahiin xubnahii lagu casuumay, isla markaana uu shir gudoominayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajao.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waxey tilmaameen muhiimadda ay Soomaalida u leedahay in wakhtigaan ay midnimo ku galaan doorashada.”

Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.”

Wuxuu sheegay in shirkaan oo dhan uu ku saabsan sidii loo hirgalin lahaa heshiisyadii lagu gaaray Muqdisho 17-kii September, loona dar-dar galin lahaa sidii uu dalka doorasho loo dhan yahay u gali lahaa.

Sidoo kale agaasimaha wuxuu sheegay in waxyaabaha la isku soo hadal qaaday marka hore ay ka mid ayeen yahiin dhaqaalaha iyo arrimaha amniga oo muhiim u ah doorashada, sidoo kalana madaxda ay waxyaabaha kale ee muhiimka ah ka wada hadli doonaan.

Inkastoo uusan faah-faahin ka bixin hadana wuxuu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu kulamo wada-tashi ah la yeeshay madaxdii joogtay Dhuusamareeb inta aaney imaan Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Si kastaba madaxtooyada waxey sheegtay in Farmaajo ay ka go’an tahay in heshiis lagu gaaro halkaan, walow dadka qaar ee siyaasadda ku jira aysan fileynin in madaxweynaha uu ka tanaasulayo waxyaabaha uu doonayo ee khilaafka dhaliyay.

Xildhibaanada Waqooyi oo saddex qodob kasoo saaray SHIRKA Dhuusamareeb

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehlinayaan siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa shir jaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho waxey ku qaadaceen shirka ka billowday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ibraahim Iidle Suleymaan oo horay usoo noqday gudoomiyaha Maxkamadda Sare, oo ay garab taagnaayeen xubno kasoo jeeda gobollada Waqooyi oo uu ugu horreeyo wasiirkii hore warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa faah-faahin ka bixiyay mowqifkooda ku aadan shirka magaalada Dhuusamareeb uga furmay Dowladda Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir.

Waxey soo bandhigeen dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen:

1- In Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu si rasmi ah ugu wargeliyay Madaxda Heer Federaal & Heer dowlad goboleed in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay doonayaan iney kasoo qeyb galaan shirka , balse Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu u sheegay in uusan kujirin Madaxda lagu casuumay shirkaas.

2- In ay si adag u diidan yihiin in aan loo dhameyn ka qeyb-galka shirka Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka maqan tahay matalaada gobolada Waqooyi ee (Somaliland).

3- In Madaxda shireysa, Ururada Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka ay ugu baaqayaan in la isugu yimaado shirweyne Qaran.

Intaas kadib gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan loo dhameyn shirka ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuusan wali aqoonsaneyn Aqalka Sare kaas oo dhex-dhexaad ka ah siyaasadda dalka.

Go’aanka siyaasiyiinta Waqooyi ayaa imaanaya xilli maanta uu magaalada Dhuusamareeb ka furmay shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka laguna xalinayo caqabadaha hortaagan in la qabto doorasho heshiis lagu wada yahay.

Indha-Cadde oo shaki weyn geliyey cidda dishay Gen. Galaal, shaaciyey xog culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha-cadde) ayaa shaaciyey tuhun ku saabsan cidda ka danbeysay dilka Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ku dhintay weerarkii Al-Shabaab ku qaaday Hotelka Afrik ee magaalada Muqdisho, 31 Janaayo 2021.

Yuusuf Indha-cadde ayaa su’aalo badan ka keenay qaabka wax uga dhaceen Hotelka Afrik, wixii lagu arkay meydkii Jeneraal Galaal iyo waxa uu ka aaminsan yahay cidda geysatay dilka Jeneraalka oo qolkiisa oo ka mida Hotelka Afrik loogu tegay meydkiisa.

Wuxuu sheegay in Jeneraal ay dishay hal xabbad oo qadaadka dhinaca danbe (Qoorta) looga dhuftay, taasina aysan suuragal ahayn qof dagaalamaya in gadaal laga toogtay, wuxuuna intaas ku daray arrimo shaki badan ku abuuray oo ah xaaladii loogu tagay Qolkii Jeneraalka.

“Jeneraalka wuxuu ku sugnaa barandada qolkiisa, Barandada waxaa loogu tegay oo yaallay meydka Jeneraal Galaal, waxaana kor saarnaa Nin Shabaab oo Bam F1 ah watay, waxaa kaloo meel 1 Mitir u jirta yaallay nin kale oo meyd Alshabaab ah, waxaan aaminsanaa inuusan ninkaasi meeshaas ku dhiman ee la keeenay meesha,” ayuu yiri Jeneraal Indha-cadde oo wareysi siiyey Idaacadda KNN ee Muqdisho.

Wuxu sheegay inuu dilka Jeneraal Galaal ku tuhunsan yahay ciidamada dowladda, taasina uu ku caddeynayo laba sabab. “Jananka iyo ninka Shabaabka ah ee watay bambada qol yar oo 2 Mitir ayey ku wada jireen..waxaa is-weydiin leh sidee dad dagaalamaya hal qof ugu wada dhinteen..?” ayuu yiri Yuusuf Indha-cadde.

Jeneraal Indha-cadde ayaa sheegay in sariirta ninka meydka ah ee Al-Shabaab lasoo dhigay lagu arkay faro dhiig leh oo cuskaday, kuna sawirmay sariirta, wuxuuna ku dooday in labada nin ee meydadka Al-Shabaab lasoo qaaday oo meesha la geeyay oo ah qolka Jeneraal Galaal.

Wuxuu qirtay in maleeshiyada Al-Shabaab markii ay galeen Hotelka ay toos u abaareen qolka uu deganaa Jeneraal Galaal, dagaalka uu dhex maray, wuxuuna intaas ku daray in Jeneraal Galaal uu diyaarsanaa, kuna hubeysnaa qori AK 47 ah iyo bambooyin, uuna aamiinsan yahay inuu raggaas Al-Shabaabka isagu dilay, sida uu yiri.

Isagoo ka hadlayey dagaalkii ay ciidamada dowladda ku galeen Hotelka ayuu caddeeyay in muddo markii aanay wax rasaas ah dhicin, mar kaliya xabado la maqlay, kadibna ciidamadu sheegeen in qofkii u dambeeyay la dilay oo lagu yaacay Hotelka.

Wuxuu Jeneraal Yuusuf Indha-cadde shaki badan ka muujiyey in qorigii Jeneraalka la qaatay iyo in Hotelka oo dhan ay ciidamadu xaalufiyeen wixii qaadmi karay oo dhan ka qaateen, ayna wax lala yaabo ahayd in Kaamerooyinkii ku xirnaa Hotelka la burburiyey oo waxba aan looga tegin.

“Ma dhahayo madaxda dowladda ayaa amartay in la dilo Jeneraal Galaal, laakiin waxaan dalbaneynaa in baaritaan lagu sameeyo sidii ay wax u dhaceen…” ayuu yiri Jeneraal Yuusuf Indha-cadde.

Hoos ka dhageyso wareysiga 

Guuleeed oo kashifay waxa uu Farmaajo ‘ka damacsan yahay’ kulanka xildhibaanada

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynahii hore Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed ahna hogaamiyaha xisbiga siyaasadeed ee SAHAN ayaa ka cabsi qaba in Farmaajo uu qorshe ka damacsan yahay kulanka uu isugu yeerayo labada aqal ee Baarlamaanka.

Guuleed oo qoraal ku daabacay bartiisa Facebook ayaa aaminsan in madaxweyne Farmaajo uu fadhigaas ku carqaladeynayo natiijada kasoo baxda shirka magaalada Dhuusamareeb, inkastoo uu soo dhaweeyay shirka Dhuusamareeb 4.

Sidoo kalana wuxuu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha baadi goob ugu jiro muddo kororsi, balse uu kalsooni ku qabo in Baarlamaanka uu muddo xileedkiisii dhamaaday uusan ku dhaqaaqi doonin tallaabo mudada loogu kordhinayo hogaan xiligiisii dhamaaday, kuna fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho iyo daganaasho siyaasadeed, sida uu yiri.

Dhanka Madaxweynahii hore Galmudug wuxuu Farmaajo ku bogaadiyay tallaabada wanaagsan ee uu u qaaday inuu shirka iclaamiyo, aheydna arrin mar hore loo baahnaa, isla markaana uu rajeynayo iney soo afjarto mushkiladda hareysay arrimaha doorashada.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu rajeynayo in si wanaagsan loo wada hadalo, la isku tanaasulo, lana keeno xal dhexe oo doorasho lagu wada qanci karo ay ka dhalato.

QORAALKA CABDIKARIIM HUSSEIN GUULEED AKHRISO:

Madaxweynuhu talaabo fiican ayuu qaaday hadii uu shir isugu yeeray madaxda maamul Gobolleedyada. Waxey aheyd arrin loo baahnaa xilli hore. Marar badan ayaan ugu baaqnay inuu dadka isku raadiyo oo uu odeynimo muujiyo inta uusan waqtigu ka idlaanin. Shirka Dhuusamareeb4 waa inuu noqdaa mid soo afjara mushkiladda doorashada oo ay markii horaba madaxtooyadu gacanteeda ku abuurtay.

Waxaan rajeyneynaa in dhab loo wada hadlo, la isu tanaasulo, lana keeno xal dhexe oo doorasho oo ay ku wada qanci karaan dadka Soomaaliyeed, si gaar ah waa in laga heshiiyaa saddexda mushkilad ee hortaagan doorashada. Waa Guddiyada, arrinta Gedo iyo maamulka kuraasta gobollada Waqooyi.

Dhinaca kale waxaa shaki iyo mugdi xambaarsan kulanka uu madaxweynuhu ugu yeeray labada Aqal 5ta Febraayo. Taas oo loo arko arrin la rabo in lagu carqaladeeyo wax walba oo kasoo baxa shirka Dhuusamareeb4, laguna baadi goobayo muddo korarsi. Waxaanse ku kalsoonahay in Baarlamaanka uu muddo xileedkiisii dhamaaday uusan ku dhaqaaqi doonin tilaabo mudada loogu kordhinayo hogaan xiligiisii dhamaaday kuna fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho iyo daganaasho siyaasadeed.

Haddaba madaxweyne waxaan leenahay fadlan adigoo aan arrintaas waqti ku lumin, fursadaadii ugu dambeysay waxey taalaa Dhuusamareeb ee ka faa’iideeyso.

Talaabo walba oo aan sharci aheyn, waxay dhali kartaa talaabo kale oo aan sharci aheyn. Waxaan si cad u leenahay madaxweynaha ka joogso jihadaas qaldan, oo ha khaarijin fursadda Qaranka.

Shabaab oo ku jabay weerar ay ku qaadeen saldhigga militeriga Somalia ee Bariire

0

Bariire (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in ciidanka xoogga dalka ay ku dileen dagaalamayaal badan oo ka tirsaa Al-Shabaab, kadib markii ay soo weerareen saldhig ay ciidamada dowladdu ku leeyihiin Bariire.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay inay ka war-heleen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku soo ah, isla markaana ay u diyaar garoobeen.

Ciidamada deganaa saldhigga Bariire oo ka tirsan Ururka 143-aad guutada 14-ka Oktoobar ee ciidanka xoogga dalka ayaa sii baacsaday dagaalamayaashii soo weeraray ee Al-Shabaab, waxayna saraakiisha ciidamadaas sheegeen in illaa 40 KM ay sii raacdeynayeen, isla maraana ay gaarsiiyey dhimasho iyo dhaawac badan.

Taliyaha ururka 143-aad guutada 14-ka Oktoobar Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab ka dileen 16 dagaalame.

Sidoo kale Taliyuhu waxa uu sheegay in ugu yaraan 20 kale ay uga dhaawaceen howlgalkii ay uga hor tageen weerarkaas ay Al-Shabaab ku soo qaadeen saldhigga militeriga Soomaaliya ee ku yaalla Bariire.

Taliyaha ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in hadda ay ciidamada dowladdu howlagllo ka dhan ah Al-Shabaab ka wadaan degaano hoos taga degmada Awdheegle, kuwaas oo ay ka midyihiin Shaam iyo Baladul-Aamiin oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Biixi oo shaaciyey maalinta doorashada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u meel-mariyay waqtiga ay deegaanada Somaliland ka qabsoomeyso doorashooyinka Golayaasha wakiilada iyo deegaanka, oo muddooyinkii dambe uu ka taagan muran hor leh.

Madaxweyne Biixi ayaa xeer madaxweyne ku meel-mariyey arrintaas, wuxuuna go’aamiyey in doorashooyinkaas ay ka dhacaan deegaanada Somaliland 31-ka bisha May ee sanadkan aynu ku jirno ee 2021-ka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Somaliland.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran:

Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Cayimaadda Muddada Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay: Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021. 

Galmudug oo ciidan geysay duleedka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay lagu daadiyey duleedka magaalada Dhuusamareeb ee  gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqy culus ka bilaabeen deegaanada hoos yimaadaan magaaladaas oo ay shir ku leeyihiin madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Ujeedka ah sidii ay ciidamadaasi uga hortegi lahaayeen weerarada hoobiyeyaasha ee ay dagaalamayaasha Al-Shabaab kasoo abaabulaan halkaasi.

Sidoo kale ciidamada ayaa howl-gallo ballaaran ka wada xaafadaha qaar ee magaalada Dhuusamareeb, kuwaas oo lagu sugayo amniga guud ee degmadaasi.

Dhuusamareeb ayaa waxaa maanta ka furmayashirka wada-tashiga dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo diirada lagu saarayo doorashada.

Si kastaba habeen hore ayey aheyd markii weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal Al-Shabaab ay ku qaadeen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud.

Al-Shabab oo weerar culus ka fulisay degmada Balcad

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Shabeelaha Dhex ayaa sheegaya in xalay weerar iyo dagaal toos ah uu ka dhacay degmada Balcad ee gobolkaasi.

Weerarka oo qaadeen dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ka dhacay bar-koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihin dhanka waqooyi e degmadaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in weerarka kaddib uu dagaal toos ah ka dhacay halkaasi, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhintay weerarkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmen tiro intaasi ka badan, sida ay xaqiijiyeen laamaha ammaanka ee degmada Balcad.

Xaaladda ayaa maanta ah mid deggan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidamada dowladda oo howl-gallo ka wada halkaasi.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ka fuliso inta u dhexeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Guddiga kheyraadka ee BF oo diiday xil ka qaadistii guddoomiye Ibraahim Cali

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga kheyraadka ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo war-saxaafadeed soo saaray ayaa sharic darro ku tilmaamay xilka qaadistii lagu sameeyay guddoomiyaha hay’adda batroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen, kaas oo xilka looga qaaday kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Guddiga ayaa qoraalkan Ra’iisul wasaare Rooble uga dalbaday in arrintaan uu dib ugu noqdo, maadaama xilka guddoomiyaha looga qaaday shirka golaha wasiiirrada 21-kii bishii Janaayo, taas oo ay ku tilmaameen tallaabo sharci darro ah.

“Guddiga kheyraadka Dabiicigaa & Bii’ada ee baarlamaanka federaalka waxaa soo gaartay khilaaf xoog leh oo mudo ka dhexjiray hay’adda Betroolka Soomaaliya iyo Wasiirka Batroolka, kaas oo ku saabsanaa kala madaxbanaanshaha hay’adda iyo wasaaradda, taas oo gabagabadii sababtay in xilkii laga qaaday gudoomiyihii hay’adda, xubinimadii guddigana laga saaray si aan sharciga waafaqsaneen” ayaa lagu yiri qoraalka guddiga.

“Guddiga asagoo gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah ee ku xusan Qodobada kala duwan dastuurka. Guddiga wuxuu soo saray qodobadan hoos ku xusan.”

  1. Arimaha la Xiriira xil ka qaadista:
  2. Guddiga markuu si qotodheer uga baaraandagay qodobada 116 (A iyo B) ee Dastuurka JFS, Xeer Madaxweyne Lr. 328 ee 22/11/2020 (Fiiri Lifaaqa 3aad) iyo Qod.19(3),(x) ee Sharciga Betroolka, Dhageysanay jawaabihii iyo warbixintii wasiirka ee la xiriiray xil ka qaadista Gudoomiyaha Hay’adda, guddiga waxaa u cadaatay in xil iyo xubin ka qaadistii loo geystay Guddoomiyaha Hay’adda aysan ku fadhinin wax sabab ah oo maangal ah oo sharciga waafaqsan.
  3. Sidaas daraadeed, Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka waxaa xaq sharci ah loogu leeyahay in arintaan uu dib u eegis ku sameeyo gudoomiyahana loo fasaxo in uu shaqadiisa sii wato si loo ilaaliyo kalsoonida Golaha sare ee Kheyraadka Dalka (Dawlad Goboleedyada) iyo Kalsoonida Maalgashadayaasha Caalamiga ah (Shirkadaha).
  4. Guddiga waxaa u muuqday in Wasaaraddu ku takrifal awoodeed ku qaadatay xilkii Hay’adda Betroolka Soomaaliyeed sida ku cad qod. 19 (14), Qod. 20aad, Qod 24aad (1), (2) ee Sharciga Batroolka JFS sidaa daraadeed waxaa la xasuusinayaa Ra’iisul wasaaraha JFS in uu si adag u korjoogteeyo uuna xaqiijiyo madaxbanaanida Hay’adda iyo in ay ka dhex abuuranto HBS iyo Wasaaradda xiriir iskaashi iyo wadashaqeyn damaanaq qaadaya Danta Guud iyo ka faa’iideysiga Kheyraadka Dalka.
  5. Arimaha Miisaaniyadda:
  6. a) Waxaa la farayaa Hantidhawraha Guud ee Qaranka in uu soo xaqiijiyo lacagtii 28% aheed ee la hubiyay in ay ka maqantahay gunada xubnaha Hay’adda Betroolka ee lagu ansixiyay miisaaniyadii ku celiska aheed ee 2020.
  7. b) Miisaaniyaddii 2021 ee Golaha Shacabka u ansixiyay Hay’adda Batroolka Soomaaloyeed madax maaliyadeed u madax banaantahay (Fiiri Lifaaqa 2aad) ayaa Wasiirka Betroolka si aan waafaqsaneyn xeerka Miisaaniyadda iyo shuruucda dalka kula soo wareegay miisaaniyadii sidaas daraadeed Waxaa la farayaa wasiirka wasaaradda Maaliyadda in qoondada Miisaaniyadii 2021 ee loo ansixiyay HBS uu dib uga soo celiyo kuna dhaqangaliyo siduu Golaha Shacabka ku ansixiyay.
  8. Guddigu wuxuu yaqiinsaday inay wasaaradda ka tageen ama shaqada laga eryay (Arag lifaaqa 4aad) mas’uuliyiin iyo khubaro ku xeel dheeraa arrimaha batroolka iyo maalmulkooda, wasaaradiina aqoon guur ku dhacay {Institutional Memory Lost} sidaas daraadeed waxaa Ra’iisul wasaraha lagula talinayaa in uu u kuurgalo habsami u socodka xiriirka shaqo ee u dhaxeeya quburada aan wasaaradda looga maarmin iyo Wasiirka

Wasaaradda Batroolka.

  1. Guddigu wuxuu yaqiinsaday saacada yar ka dib, markii lagu dhawaaqay xil ka qaadista Guddoomiyaha HBS in wasaaraaddu xirtay Mareegtii (Website) Hay’adda iyo Cinwaanadii (E-mail accounts) ee Guddiga Maamulka Hay’adda xilli ay socoto wadaxaajoodka iyo ku qancinta maalgashadayaasha in ay Dalka maalgashadaan. Sidaa daraadeed guddiga wuxuu farayaa Wasiirka Batroolka iyo Macdanta in uu si degdeg ah u furo Mareegtii (Website) Hay’adda, ciddii falkaas ka dambeysayna lagula xisaabtamo

(Arag lifaaqa 5aad).

  1. Maadaama uu dhamaaday mudo xileedkii Xukuumadda, xili doorashana lagu jiro, xeer nidaamiyayaashii sharciga Batroolka JFS farayay in la sameeyo aan weli la diyaarin (sida Fiscal regime, Environmental law, License Bill and others) sida ku cad Qod. 45 ee Sharciga Batroolka, sidaas daraadeed guddiga kheyraadka wxuu Ra’iisul wasaaraha JFS kula talinayaa in uusan ogolaanin in heshiis shidaal la galo si feejigana uga ilaaliyo in ay wasaaradda gasho heshiisyo calami ah oo aan waafaqsaneen danta guud , Qatarna galin kara ka faa’iideysiga kheyraadka Dalka.

DF SOOMAALIYA oo war kasoo saartay dib u dhaca ku yimid shirka Dhuusamareeb

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin guud ka bixiyey shirka wada-tashiga magaalada Dhuusamareeb iyo dib u dhaca xalay ku yimid.

Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in arrimo farsamo darteed uu u baaqday furitaanka shirka, gaar ahaan sababo la xiriira safarka madaxda qaarkood oo soo daahay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay daalanaayeen labada hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland oo shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.

Wasiirka warfaafinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in shirka uu si rasmi ah u furmi doono saacadaha soo socoda, islamarkaana laga wada-hadli doono doorashooyinka.

Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed inay is-dajiyaan, kuna kalsoonaadaan madaxda Soomaaliyeed ee haatan ku sugan caasimada Galmudug.

Shirweynahan ayaa lagu waday inuu dhaco 1 illaa 3 bishaan, si loo guda-gallo wada-hadallada ku saabsan doorashada dalka ee 2021-ka, hayeeshee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamullada ee taabacsan dowladda ayaa yeeshay kulamo gaar ah.

Dhuusamareeb waxaa haatan ku sugan madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha dalka, dhammaan madaxda dowlad goboleedyada iyo Duqa magaalada Muqdisho.

Xog: Deni iyo A/Madoobe oo go’aan laga gaarayo iyo wararkii u dambeeyey shirka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya shirka Dhuusamareeb ayaa sheegaya in madaxda ku sugan Dhuusamareeb markii laga reebo Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay go’aansadeen in shirka la furo 10:00 am – barqanimo ee maanta.

Sida aan xogta ku helay madaxweyne Farmaajo iyo xulufadiisa waxay isku raaceen in labadaas madaxweyne lagu qanciyo inay ka soo qeyb galaan furitaanka shirka hadii ay diidaana laga socdo.

Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa doonaya inta aan la furin shirka in xal laga gaaro shuruudo ay wataan. Shuruudahaas waxaa laga xusay inay doonayaan in shirka kahor la iska fahmo metelaada gobolka Banaadir, arrinta gobolka Gedo oo Axmed Madoobe doonayo in deg deg loo xaliyo iyo in deegaan doorashooyinka lagu soo koobo hal magaalo.

Axmed Qoor Qoor oo xalay loo diray labadan madaxweyne ayaa shuruudahaas kala kulmay Axmed Madoobe, halka Saciid Deni uu iska diiday inuu qaabilo, sida ay ii xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Dhinaca kale, waxaa xalay dhacay  kulan ay yeesheen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka. Inta badan kulamadaan waxay madaxdu isaga xog wareysteen khilaafka ka taagan doorashada dalka, inkastoo aan faahfaahino dheeraad ah laga helin, waxyaaba ilaa hada lagu go’aamiyey kulamadii xalay.

Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa xalay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ugu tegay guryaha ay ka degan yihiin magaalada Dhuusamareeb.

Ugu horeyn Qoor Qoor ayaa hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb ku booqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen, waxayna halkaas ku yeesheen shir mudo kooban socday oo saxaafadu ay dibad joog ka aheyd.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa isla xalay hoyga uu ka degan yahay Dhuusamareeb ugu tegay Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, isagoo la qaatay shir aan saxaafadda loo soo bandhigin waxyaabihii looga hadlay.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha iyo madaxweyne Farmaajo ayaa iyaguna shirar gaar gaar ah saacadihii la soo dhaafay magaalada Dhuuamareeb kula qaatay inta badan madaxda ka qeyb geleysa shirka Dhuusamareeb.

 

Taiwan iyo Somaliland oo bilaabay fulinta ‘qeyb ka mid ah’ heshiiski buuqa dhaliyay

Hargeysa (Caasimada Online) – Taiwan iyo Somaliland ayaa bilaabay hirgelinta qeybo kamid ah heshiiskii iskaashi ee hore u saxiixdeen, kaasi oo qeyb ka ah barnaamiyada horumarineed, isla markaana ku qotoma kor u qaadida wax soo-saarka beeraha Somaliland.

Wasaaradda beeraha Somalialnd iyo madax ka tirsan safaaradda Taiwan ayaa maanta kulan wada-jir ah ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay barnaamij cusub oo ay sheegen in beeralayda Somaliland uu sarre u qaadayo wax soo saarkooda.

Rooble Cabdi Muuse, Agaasimaha wasaaradda beeraha ee Somaliland ayaa sheegay in barnaamijkan uu qeyb ka yahay mashruucyo uu maamulka sheegta madax-banaanida ee Twain ka hirgelinayo Somaliland.

“Waa mashruuc loo qaabeeyay hab iskaashi, wasaaradda ay in ku dareyso, Taiwan ay inta kale la imaaneyso, wuxuu mashruucani kaga duwan yahay mashaariicdii kale waa mashruuc loo hirgelinayo hab tijaabo ah,” ayuu yiri Agaasime Rooble.

Waxa uu intaas kusii daray “Taiwan waxay dalka ka sameyn doontaa beer, beertaas oo u adeegi doonto hab soo bandhigeed, markaa beertaas iyadoo adeegsaneysa habab casri ah oo dhul yar laga soo saari karo wax badan.”

Mashruucan ayaa waxa beeralayda Somaliland ka caawin doona sidii ay usoo saari lahaayeen wax soo saar badan, iyaga oo dhul kooban wax ku beeraya, kaasi oo kor u qaaday dakhliga iyo wax soo saarka beeraha.

Xog: Dalabyo xasaasi ah oo ka yimid Deni iyo Axmed Madoobe oo caawa baajiyey furitaanka shirka

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Caawa 10:00 pm ee habeenimo waxaa lagu balansanaa in shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uu ka furmo Dhuusamareeb, balse maxaa dhacay?

Dhammaan madaxda federaalka iyo inta badan kuwa dowlad goboleedyada ayaa isugu tegay madaxtooyada Galmudug si loo furo shirka, balse cudur-daar ka yimid Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayuu caawa u baaqday furitaankii shirka.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Madaxweyne Qoor Qoor ayaa fiidkii hore ee caawa loo diray Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, si furitaanka shirka ay uga qeyb galaan, waxuuna ku hor maray Axmed Madoobe oo ka caga jiiday inuu aqbalo dalabka Qoor Qoor.

Sidoo kale madaxweyne Saciid Deni ayaa gabi ahaanba iska diiday inuu qaabilo madaxweyne Axmed Qoor Qoor oo loo diray, waxuuna u sheegay inuu daalanyahay.

Labadan madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa ka caga jiidaya in la furo shirkaas iyadoo aan is faham laga gaarin arrinta metelaada gobolka Banaadir iyo tan gobolka Gedo oo Axmed Madoobe uu dalbanayo in deg deg loo xaliyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowaan saxiixay sharci ka yimid baarlamanka oo 13 kursi oo Aqalka Sare ah siinaya gobolka Banaadir, waxaana aad loo rumeysnaa in tani ay kasoo horjeesan doonaan Saciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxaana muuqata inay hadda taas dhacday.

Arrinta gobolka Banaadir ayaa khilaafka kusii dareysa midd gobolka Gedo, oo horey u aheyd mid ka mid caqabadaha hortaagan in heshiis laga gaaro doorashada.

XOG: DF oo shirkadaha diyaaradaha ku amartay in aysan qaadin Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xalay Xukuumada Soomaaliya ay shirkadaha duulimaadyada amar ku siisay in aysan qaadi karin guddoomiyaha Aqalka Sare ee BF Cabdi Xaashi Cabdullaahi. 

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa xalay warqad u diray Madaxweyne Qoor-Qoor isagoo u sheegay in uu ku soo wajahan yahay Dhuusamareeb si uu uga qeybgalo shirka, oo aan lagu casuumin, wuxuuna qorshuhu ahaa inuu maanta baxo.

Si kastaba Cabdi Xaashi ayaa maanta shirkaas ka baaqday kamana bixin Muqdisho.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in diyaaradaha ay heleen amar kasoo baxay xukuumadda oo ay soo gudbisay wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, iyadoo kadibna lala wadaagay shirkadaha duulimaadyada dalka. 

Xubno ka mid ah Golaha Aqalka Sare ayaa Caasimada Online u sheegay in guddoomiyaha uu sidoo kale jawaab ka waayay Madaxweyne Qoor Qoor iyo islamarkaana uu dareemay in uusan madaxweyne Farmaajo ku qanacsaneen ka qeyb-galkiisa shirka Dhuusamareeb. 

Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha ayaa Caasimada Online u sheegay in amarkaan xalay uu soo gaaray islamarkaana ay fuliyeen. Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka bixin xafiiskiisa maanta lamana oga inuu xog helay iyo inuu iska joogay. 

Cabdi Xaashi ayaa ku adkeysanayey inuu shirkaas ka qeyb galo si uu wada-hadallada ugu matalo gobollada waqooyi, inkasta oo aan lagu casuumin.

Daawo: Muuse Biixi oo si adag uga hadlay dilkii Galaal iyo qaraxyada Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyey munaasabad lagu xusaayey 27 sano guuradii ka soo wareegatay markii la aas-aasay ciidanka militeriga Somaliland, ayaa ka hadlay qaraxyada Muqdisho iyo dilkii Jeneraal Galaal.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay inay ka xunyihiin dadka lagu laynayo magaalada Muqdisho, isagoo ka tacsiyadeeyey geeridii Jeneraal Galaal iyo dadkii lala dilay.

Madaxwaynaha Somaliland ayaa bulshada Soomaaliyeed, qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyey Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, isagoo tilmaamay Jananku ahaa oday Soomaaliyeed oo ka mid ahaa dadka ugu aqoonta badan arrimaha ciidanka.

“Jeneraal Galaal oo aan anigu shakhsiyan aad iyo aad u aqaanay oo oday Soomaaliyeed ahaa oo garanaya qadiyadda Somaliland waxay ku fadhido xog-ogaalna u ahaa, aad iyo aad ayaan ugu tacsiyadaynayaa qoyskiisii, dadkiisii iyo intii kale ee taqaanaba,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Madaxweynaha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaan aad iyo aad uga xunahay maalin walba dadka dhimanaya ee dhiigoodu daadanayo ee muslimka ah, ee aan mid mid u garanayno, kuwaas oo ay u dambeeyeen kuwii lagu laayey Hotelka Afriik.”

Madaxwaynaha Somaliland ayaa khudbadiisa sidoo kale ku sheegay in ay wax la qaban la haayeen madaxda Soomaaliya haddii ay ku fikiraan in Somaliland masiirkeeda ay u madax banaantahay.

“Soomaaliya waa dad aynu jaarnahay oo muslim ah, dhibaatada gaaree way na damqineysaa, haddii itaal wayn aynu leenahay, iyaguna ay garanayaan waxaan isku nahay, dadkooda iyo dowladooduna siday u fikirayaan si ka duwan u fikiraan. Maanta tabaaladooda iyo waxtarkooda dadka ugu dhow ee qaban lahaa ayaynu nahay,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.

Hoos ka Daawo

Weerar lagu dilay askar badan iyo darawalo oo ka dhacay gobolka Sh/HOOSE

0

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maanta weerer jidgal ah uu ka dhacay inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolkaas.

Weerarkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay Tuulada Doonka oo 10 KM u jirta Dagmada Afgooye, taas oo ay sii marto wadada dhinaca galbeed uga baxda Afgooye ee aadda Wanlaweyn.

Sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah, weerarka waxaa ku dhintay 9-qof oo laba ka mid ah ay ahaayen darawaliin waday gadiidka xamuulka ah ee Dhuxusha qaada.

Toddobada qof ee kale waxaa la sheegay inay ahaayeen ciidanka dowladda oo Al-Shabaab ka difaacayey gaadiidkaas si aysan u gubin.

Wararku waxay intaas ku darayaan in laba askari oo kale uu dhaawac ka soo gaaray weerarka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa inay rogmadeen seddax gaari oo ah kuwa Soomaalidu u taqaano Indha-Tareega (N3) oo dhuxul siday, kadib markii ay qalqaleen darawaliinta markii uu weeraku ku bilowday.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa Idaacadda VOA u sheegay inuu socdo baaritaan la xiriira weerarka wixii faahfaahin ahna ay dib ka soo sheegi doonaan.

Sidoo kale, Al-Shabaab oo loo maleynayo inay weerarkan geysteen ayaan weli wax war ah ka soo saarin.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore gobolka Shabeellada Hoose ku gubay gaadiid dhulxul u siday magaalada Muqdisho, sidoo kale waxay gubaan gaadiidka raashinka u qaaday gobollada ay go’doomiyeen ee Bay iyo Bakool.