25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

189 Al-Shabaab ‘oo lagu dilay’ weerar lagu qaaday goob ay ku shirayeen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Militeriga dalka Uganda ee katirsan howlgalka AMISOM ayaa sheegay iney dileen 189 ka tirsan ururka Al-Shabaab kadib markii ay ku qaadeen weerar lama filaan ah, iyagoo ku shiraya xaafada Siigaale oo 100 KM kaga beegan Koonfur Bari caasimadda Muqdisho, kana tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Militeriga Uganda ayaa sheegay iney Shabaabka ku shirayeen meel howd ah, islamarkana ay burburiyeen gawaari Militeri oo kooxda ay leedahay iyagoo intaa ku daray in howlgallo kala duwan ay ka sameeyeen gobalka Shabeellada Hoose.

Waxay intaas ku dareen inay  howlgallada kusoo xireen Laba taliye oo Al-Shabaab ka tirsan, kuwaas oo, sida ay sheegeen, lagu wareejiyay ciidamada dowladda Soomaaliya.

Afayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Col. Deo Akiiki ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in wax khasaaro ah aysan gaarsiinin dad shacab ah balse ay dileen askar iyo xubno sar sare oo Al-Shabaab ka tirsan kadib markii ay ku weerareen hubka u dhaca daran doorig.

Sidoo kale wuxuu afayeenka xusay in iyaga wax khasaaro ah aysan soo gaarin, waxaana howlgalka ka qeyb qaatay Brig. Don Nabasa oo ahaa taliyaha ciidanka dhulka ee ciidmada Uganda.

Ma jirto ilo madax banaan oo cadeynaya sheegashada khasaaraha faraha badan ee Al-Shabaab ka soo gaaray weerarka ay ku qaadeen ciidamada Uganda.

Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ka socda Midowga Afrika (AMISOM) ayaa kaalin weyn horay uga qaatay in Al-Shabaab laga saaro magaalada Muqdisho iyo deegaanada ku dhaw dhaw.

Xigasho: Wakaaladda wararka ee AP
Waxaa Turjumay: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal)
Gmail: [email protected]

Canada oo Soomaali ku tilmaantay inaysan ahayn madow sax ah + Sababta

Mas’uuliyiinta hayada u adeegta bulshada Soomaalida oo ka dhisan magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa sheegay in ay la fajaceen go’aan ay waax ka tirsan dowladda ugu diidday dhaqaale loogu talagalay, kaddib markii ay ku tilmaantay in Soomaalidu aysan ahayn madow sax ah, sida uu shaaciyay telefishinka CBC.

“Maanta xilligan uu adduunka marayo in wax noocaas oo kale ah lala kulmo waa arrin aad iyo aad iyo aad looga naxo,” ayuu yidhi Maxamuud Xaaji Aadan oo ka mid ah aasaaseyaasha hayadda Soomaalida caawisa ee dhaqaalaha loo diiday.

“Dadka go’aannadan ay kasoo baxeen ama waxay kasoo jeedaan duni kale ama kama tirsana bulshada madowga ah,” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Waxay hayaddooda ka mid ahayd boqollaal hayadood oo dowladda Canada ay codsigooda dhaqaale ku gacan seyrtay maadaama ay kasoo bixi waayeen shuruudihii looga baahnaa.

Sidoo kale Agaasimaha hayaddan Soomaalida caawisa, Cabdirisaaq Karod, oo bartamihii sanadkii hore codsiga dhaqaalaha u gudbiyay xafiiska dowladda ee bixiya kharashka lagu hormariyo bulshooyinka madowga ah ee dalkaas, ayaa sheegay in uu marnaba aamini waayay jawaabta diidmada ah ee lagu soo celiyay iyo sababta loo cuskaday toona.

Lacagta ay dalbadeen ayuu sheegay in dadka lagu caawiyo loogu iibiyo qalabka shaqada – sida kumbuyuutarrada – sidoo kalena loogu fuliyo adeegyo kale oo aasaasi ah.

Cabdirisaaq Karod

“Waxaan helay email lagu dhahayo in hayaddeenna aysan ahayn mid ay madow hoggaamiyaan,” ayuu yidhi Karod. “Ma aanan rumeysanin wixii aan aqriyay. I rumeyso ilaa saddex jeer ayaan aqriyay warqadda.”

Wasiirka Arrimaha qoyska, Carruurta iyo Horumarka Bulshada ee dowladda Canada, Axmed Xuseen ayaa sheegay in warqadda hayadda Soomaalida ah loogu diiday dhaqaalaha qodobka loo sababeeyay uu yahay mid aan la aqbali karin.

“Warqaddii dhawaan ay dirtay waaxdeyda oo la gaarsiiyay hayadda ku guul darreysatay codsigeeda shaqaale raadinta ah waxay ahayd mid aan gabi ahaanba la aqbali karin,” ayuu bartiisa Twitter-ka kusoo qoray Wasiirka, oo qudhiisa ku dhashay Soomaaliya.

Wuxuu intaas kusii daray: “Islamarkii warqaddaas la i tusayba, si deg deg ah ayaan u dalbaday in laga noqdo go’aankaas, waxaana la kulmay saraakiisheyda si aan ugala hadlo khadalka dhacay iyo sidii uu markii horeba ku yimid.”

 Laakiin hadalka kasoo baxay wasiirka ma aha mid ku filan daweynta dhaawaca dhankooda soo gaadhay, sida uu qabo Maxamuud Xaaji Aadan.

“Sidee bay waaxda dowladda ee magaceeda loo soo gaabiyo ESDC u hagaajin doontaa dhaawaca soo gaadhay xiriirkii ka dhaxeeyay iyada iyo bulshada madowga ah? Waxaa na heysta caqabado aad u badan iy dhibaatooyin badan. Kalsoonidii aan hannaanka dowladda ku qabtay dhaawac weyn ayaa gaadhay,” ayuu yidhi.

Bishii October ayey hadal heyn ballaaran ka dhalatay daraasad Soomaalida ku dartay bulshooyinka caddaanka ah.

Warbixin kasoo baxday Jaamacadda California ee dalka Mareykanka – oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waaweyn caalamka – ayaa bulshada soomaalida ah ku dartay liiska jinsiyadaha caddaanka ah.

“Jaamacadda California iyo dhammaan xarumaha waxbarasho ee ka qeyb qaata barnaamijyada samafalka ee ardayda ayaa codsaday in loo soo gudbiyo xog ku saabsan faraca jinsiyadeed ee ardayda dhigata waxbarashada ka sarreysa dugsiyada sare. Hase yeeshee xogta lagu qeexay ardaydaas waxay ka duwan tahay midda taariikhiga ah ee ay heyso Jaamacadda California, sababo la xidhiidha isbadalladii la sameeyay 2010-kii,” ayaa lagu yidhi qoraal ay jaamacadda ku daabacday boggeeda internet-ka.

Cilmibaadhistan waxaa la sheegay in lagu eegay lafta ku jirta madaxa dadka, taasoo dib loo tix raacay ilaa qarniyo hore.

Shan qeybood ayaa loo kala dhigay liiska asalka jinsiyadaha, sida ku cad warbixinta jaamacadda.

  • Mareyykanka Madow ama Kuwa Afrika
  • Mareykanka Hindiga ah ama dadka u dhashay Alaska
  • Reer Aasiya
  • Dadka la yiraahdo Pacific Islander ama muwaadiniinta Hawaii
  • Caddaan

Liiska Cadaanka waxaa sidoo kale ku jira Jabuuti, Suudaan, Masar iyo dalalka kale ee Carabta.

Isha: BBC SOMALI

Sawirro: Halkee marayaa cadaadiska ay B/Caalamka ee madax goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa weli wadda dadaallo xal loogu helayo muranka ka taagan doorashada Soomaaliya, ayada oo safiirada dalalka reer galbeedka ay si gaar gaar ah ula kulmayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalka. 

Safiirka Dowlada Sweden u fadhiya dalka Soomaaliya, Amb. Staffing Tillander ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula yeelatay Madaxweynaha maamulka HirShabeelle, Cali Guudlaawe.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xiisada doorashada dalka, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo mucaaridka oo iyagu qaadacay guddiga doorashada oo bilaabay qabashada doorasho hal dhinac ah oo aysan u dhameyn saamileyda siyaasada.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo maalmahan socday oo madaxda dowlad goboleeedyada ay la yeelanayeen wakiilada caalamka ayada oo lagu cadaadinayo inay heshiis buuxa ka galaan muranka ka taagan doorashada dalka.

Cali Guudlaawe oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa kulamo kala duwan la qaadanayay beesha caalamka, kuwaasi oo la xiriirka xiisadii ka dhalatay doorashada maamulkaas iyo mashaariicda horumarineed ee HirShabeelle.

Kulanka Guudlaawe iyo danjire Staffing Tillander ayaa sidoo kale looga hadlay xiisada maamulka HirShabeelle, xal u helida fatahaadaha sida; dayactirka Biyo xireenka, dib u heshiinta, hirgelinta mashaariicda muhiimka ee maamulkaas.

Labada mas’uul ayaa isla qaatay muhiimada ay leedahay ka hortaga fatahaada wabiga Shabeelle oo sanad walba ku fataha deegaano badan oo maamulkaas, midaasi oo saameyn xoogan ku yeesha dadka deegaankaas.

Deegaano badan oo ka tirsan maamulka HirShabeelle ayaa waxa saameyn dhibaato xoogan ku haya fatahaadaha wabiga HirShabeelle oo sanad walba fatahaad hor leh ka sameeya deeganada, waana arrinta u weyn ee uu Guudlaawe kala hadlo saaxiibada caalamka.

Khadiija Diiriye: “Farmaajo wuu soo laabanaya, iyada oo muddo xileedkiisu dhamaan”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka gargaarka dowladda federaalka Soomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye ayaa markale u muujisay madaxweyne Farmaajo taageero balaadhan, iyadoona sheegtay in uu dib usoo laaban doono.

Khadiijo ayaa ku dooday in madaxweynaha dalka ee xiligan uu yahay mid wax badan qabtay, xili ay dul hoganayaan dhaliilo badan, waxayna sheegtay inay u muuqato in dib loo dooranayo madaxweyne Farmaajo, maadama uu wax badan u qabtay dalka, sida ay hadalka u dhigtay.

“Madaxweyne Farmaajo waa madaxweynaha kaliya oo aan hadda muddo xileedkiisa dhamaysan ay caddahay soo noqoshadiisa,” ayay tiri Khadiijo Maxamed Diiriye oo wareysi siisay telefishanka Somali Cable.

Sidoo kale waxay si cad u sheegtay inay habeen iyo maalin taageersan tahay oo ay u codeyn doonto madaxweyne Farmaajo haddii ay cod yeelato.

“Adeegyadii bulshada, dhaqalihii, ciidankii cadaaladii afartii sano ee la soo dhaafay guryo badan ayaa la soo celiyay, wadooyinka ayuu dhisay illaa Afgooye ayaa wadadii la dhisay,” ayay tiri Wasiir Khadiijo.

Marka laga imaado taageerada ay Wasiir Khadiijo u muujisay madaxweyne Farmaajo, waxa dalka ka taagan xiisad xoogan oo la xiriirta hanaanka doorashada, iyada oo dowladda gadaal ka riixeyso doorasho ay wadaan guddiga lagu muransan yahay ee doorashada.

Muranka doorashada dalka ayaa xaalad cakiran ka abuuray dalka, lamana oga in doorashada ay ku qabsoomi doonto xiligeeda, maadama ay dowladda iyo saamileyda siyaasadda aysan xal kama dambeys ah ka gaarin doorashada dalka oo muddo kooban ka harsan tahay.

DF Somalia oo war kasoo saartay qarax dad badan ku dhinteen oo shalay dhacay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si weyn u cambaareysay qaraxyo ismiidaamin oo shalay ka dhacay dalka Ciraaq, kuwaasi oo ay ka dhasheen khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Xukuumadda ayaa qaraxyadaas ku tilmaamtay kuwo fuleynimo leh oo lala beegsaday suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaala fagaaraha duulimaadka ee bartmaha caasimada Ciraaq ee Bagdaad, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda.

Sidoo kale waxa qoraalkaas lagu sheegay in dowladda Soomaaliya ay la dareemayso dhibtaada ay xagjirku u geysteen shacabka Ciraaq, iyadoona uga tacsiyadeysay qoysaska dhibanayaasha, halka dhaacawa ay u rajeysay kasoo kabasho deg-deg ah.

“Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si adag u cambaaraynaysaa labo is-qarxin argagaxiso fulaynimo leh oo lala beegsaday maanta suuq bulsho oo lagu iibiyo dharka celiska ah oo ku yaalla fagaaraha duulimaadka ee bartmaha Caasimadda Ciraaq ee Bagdaad, oo sababay geerida iyo dhaawaca dad rayid ah oo aan waxba galabsan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri: “Soomaaliya oo xanuunka iyo murugada la qeybsanaysa Dowladda iyo Dadka Ciraaq ayaa waxa ay markale ku celinaysaa inay ku garab taaggantahay walaalaha Ciraaq dadaalka ay ku doonayaan in ay ku sugaan nabadda iyo deganaanshaha, ugana hortagaan nooc kasta oo argagaxiso iyo xagjirnimo.”

“Waxay muujineysaa inay ka damqanayso dhibtaasi, uguna tacsiyeynayso qoysaska dhibbanayaasha, iyadoo u rajeynaysa dadka ku dhaawacmay soo kabasho deg-deg ah.”

Qaraxan oo ismiidaamin ahaa ayaa shalay ka dhacay caasimadda Ciraaq ee Baghdad, kaas oo ay ku dhinteen dad ka badan 32 qof, halka ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

Waxa uu Bartilmaameedka qaraxaas ahaa Shiicada Muslimiinta ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay wakaaladda wararka kooxdan Sunniga ah ee Amaq.

Waxay noqonayaan qaraxyadii ismiidaaminta ee ugu cuslaa Baghdad muddo saddex sano ah.

Xog: Shanta madaxweyne goboleed oo xalay shiray xilli DF ay wajaheyso cadaadis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya iin shanta madaxweyne dowlad Goboleed ee Soomaaliya ay xalay yeesheen shir khadka taleefonka ah. 

Shirkan ayaa looga hadlay is-mari waaga ka taagan doorashada Soomaaliya, xilli uu gabaabsi yahay muddo xileedka madaxweyne Farmaajo oo ay ka hartay kaliya laba asbuuc, lagana cabsi qabo in firaaq maamul uu dalka ka dhaco.

Waxa uu shirka yimid kadib markii Wakiilada Beesha Caalamka ay shalay iyo dorraad si kala gaar ah ay kulamo dhanka qadka Zoom-ka ula yeesheen Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo musharaxiinta mucaaradka, ayaga oo xal u raadinaya muranka ka taagan qabashada doorashada Sooomaaliya.

Shirka dhanka taleefanka ee Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa looga hadlay sidii looga gudbi lahaa caqabadaha ka taagan doorashada iyo inay meel-dhexe isugu yimaadaan. Madaxweynayaasha HirShabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa ku xiran Villa Somalia, halka kuwa Jubaland iyo Puntland ay ku dhow yihiin musharaxiinta mucaaradka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jira sidii shir la isugu imaan lahaa, si loo xaliyo is mari waaga taagan, waxaana muuqata in dowladda Federaalka ay wajaheyso cadaadis uga imaanaya Beesha Caalamka ayna ku qasban tahay inay aqbasho wada-hadal.

Dhowaan ayaa Safiirka UK u qaabilsan QM oo la kulantay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya waxay u sheegtay in waqtiga gabagabo yahay, loona baahan yahay in la bilaabo doorashada, waxaana ay ugu baaqday in dowladda Federaalka ay raadiso dowlad Goboleedyada lana gaaro doorasho wadar ogol ah.

Ethiopia oo war rasmi kasoo saartay askarta Soomaalida ee la sheegay inay gobolka Tigray ka dagaalameen

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa maanta beenisay in ciidamo Soomaali ah ay ciidamadeeda kula garab dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

Arrintan ayaa timid kadib markii guddiga arrimaha dibedda ee baarlamanka Soomaaliya uu shalay warqad uu u diray madaxweyne Farmaajo, taas oo looga dalbaday inuu ka jawaabo cabashada waalidiinta ee ah in caruurtooda la waayey ayaga oo ka dagaalamaya gobolka Tigray.

“Waxaan aragnay warar sheegaya in ciidamada Eritrea ay usoo gudbeen xuduudda Ethiopia. Waxaan sidoo kale aragnay warar la mid ah oo sheegaya in askar Soomaali ah ay ka qeyb-galayaan dagaalka. Labada sheeko waa been abuur aan sal laheyn,” waxaa sidaas yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti. 

Ku lug lahaanshaha ciidamada Soomaalida ee dagaalka Tigray, haddii la xaqiijiyo, waxay ka iman kartaa heshiiska saddex geesoodka ah ee ay sanadii 2018 saxiixdeen hogaamiyeyaasha Ethiopia, Somalia iyo Eritrea, kaasi oo ujeedkiisu yahay xoojinta xiriirka amni iyo dhaqaale, sida uu sheegay Omar Mahmood oo ah fallanqeeye sare oo ka tirsan Kooxda Xasaradaha Caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG).

“Mid ka mid ah natiijooyinka arrintan waxay tahay in Eritrea ay tababareyso ciidamo Soomaali ah. Waana ciidamada kuwa hadda la tuhunsan yahay inay ku jiireen dagaalka Tigray, uuna soo gaaray khasaare xooggan,” ayuu yiri Omar Mahmood.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Cumaan Dubbe ayaa weriyayaasha ugu sheegay Muqdisho in wararka sheegaya in ciidan Soomaali ah lagu la’yahay Tigray ay yihiin “kuwa loo been abuuray” ujeedo siyaasadeed.

Awoodda Ciidanka Somalia: Wax ka ogow dalalka Afrika ee ay ka xoog badan tahay

Wargeyska ka faallooda awoodaha milatari ee dalalka caalamka “Golobal Firepower ayaa sanadkan 2021-ka soo saaray liis uu ku xusay sida ay waddamada u kala awood badan yihiin, si gaar ahna qaaradda Afrika ayuu kasoo xushay 35 waddan.

Sidii badanaaba ay horay u ahaan jirtay, Soomaaliya ma aha dalka ugu hooseeya liiskaas, inkastoo aysan ka muuqanin kaalmaha ugu wanaagsan.

Masar ayaa ah waddanka militari ahaan ugu awoodda badanqaaradda Afrika, waxaana ku xiga dalalka Aljeeriya iyo Koonfur Afrika.

Dalalka Nigeria, Morocco, Itoobiya, Angola, Liibiya, Tuniisiya iyo Suudaan ayaa sida ay isugu xigaan u buuxinaya 10-ka waddan ee ugu milatariga fiican qaaradda Afrika.

Inkastoo ay jiraan dalal ay awoodda militariga aad isugu dhawyihiin, farqi sidaas u weynna uusan u dhaxeynin – sida Sierra Leone, Gabon iyo Afrikada Dhexe, haddana waddanka ku yaalla cirifka ugu dambeeya ee geeska Afrika, Soomalaiya, ayaa ku jira kaalinta 34-aad.dd

Soomaaliya ayaa militari ahaan dhinac walba uga awood badan waddanka Liberia, oo ku jira kaalinta ugu dambeysa ee 35-aad.

Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in la sheegay 35 waddan oo kaliya, halka dalalka Afrika ay ka badan yihiin 50 waddan. Taasi micnaheeda waa in dalalka aan liiska lagu soo darin aysan militari ahaan u dhisneyn.

Halkaasna waxaa ka cad in Soomaaliya iyo Liberia labaduba ay ka awood badan yihiin dalalka kale ee Afrika, ee aan liiskan xogtooda lagu sheegin.

Liiska 35-ta waddan ee Afrika iyo sida ay u kala horreeyaan

  • Masar
  • Aljeeriya
  • Koonfur Afrika
  • Nigeria
  • Morocco
  • Itoobiya
  • Angola
  • Liibiya
  • Tuniisiya
  • Suudaan
  • Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Kongo
  • Kenya
  • Zambia
  • Uganda
  • Chad
  • Zimbabwe
  • Ghana
  • Niger
  • Mali
  • Botswana
  • Cameroon
  • Suudaanta Koonfureed
  • Tanzania
  • Ivory Coast
  • Mozambique
  • Jamhuuriyadda Kongo
  • Madagascar
  • Muritaaniya
  • Namibia
  • Burkina Faso
  • Afrikada Dhexe
  • Gabon
  • Sierra Leone
  • Soomaaliya
  • Liberia

Awoodda militari ee Soomaaliya

Soomaaliya waxay kaalinta 136-aad uga jirtaa liiska lagu qiimeeyay awoodaha milatari ee waddamada, oo ka kooban 138 dal.

Sida ku xusan warbixinta uu diyaariyay wargeyska Global FirePower, tirada shacabka Soomaaliya qiyaas ahaan waa 11,258,029.

Tirada dadka ku biiri kara ciidamada waxaa lagu qiyaasay 2,702,167 ruux, oo u dhigma 24.0%, oo ka mid ah shacabka guud.

1,621,300 oo qof ayaa awood buuxda u leh inay ka mid noqdaan ciidanka.

Sanad kasta tirada dadka ay da’dooda soo gaadho heer ay ciidanka ku biiraan waa 121,598 qof.

Tirada ciidanka milatariga Soomaaliya ee hadda shaqeeya waa qiyaastii 20,000 oo askari, sida lagu xusay warbixinta wargeyska Global FirePower. Ma jiro ciidan keyd u ah milatarga Soomaaliya

Awoodda Ciidanka Cirka – Soomaaliya

Soomaaliya xilligan ma laha awood dhinaca ciidanka cirka ah, sida uu xogtiisa kusoo bandhigay wargeyska sanad kasta qiimeeya awoodda milatari ee wadamada caalamka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya aysan lahayn ciidan kuwa cirka ah iyo diyaarado toona.

Awoodda Ciidamada Dhulka – Soomaaliya

Soomaaliya waxay leedahay

10 taangi.

100 gawaadhida gaashaaman.

Soomaaliya ma laha madaafiicda iskood isu haga ah.

30 madaafiicda la jiido ah.

10 qalabka lagu rikabo gantaallada.

Awoodda Ciidamada Badda – Soomaaliya

Hantida guud ee Ciidanka Badda ee dalka Soomaaliya guud ahaan waxaa lagu sheegay 3.

11 doomood ayaa sameeya kormeerka biyaha ee joogtada ah.

Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, maraakiibta dagaalka ka yar kuwa wax burbirya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka baadha.

Waxa soo saarka Saliidda – Soomaaliya

Ma jirto saliid laga soo saaro Soomaaliya.

Saliidda la isticmaalo waa 6,200 bbl.

Ma jirto saliid keyd ah oo la xaqiijiyay.

Dhaqaalaha ku baxa dhinaca milatariga – Soomaaliya

Miisaaniyadda loo qoondeeyo howlaha gaashaandhigga ama difaaca ee dalka Soomaaliya waa $62,200,000 oo doolar.

Deynta dibadda waa $5,300,000,000.

Muhiimadda Juqraafi ahaan – Soomaaliya

Baaxadda dhulka ee labo jibbaaran waa 637,657 km.

Dhulka xeebta ku teedsan waa 3,025 km.

Xuduudda ay waddamada kale la wadaagto waa 2,385 km.

Soomaaliya ma laha marin biyoodyo la isticmaali karo.

Xigasho: BBC

Yaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyada lagu hoobtay ee ka dhacay Baqdaad?

Baghdad (Caasimadda Online) – Kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka (IS) ayaa sheegtay inay ka dambeysay qaraxyo ismiidaamin ahaa oo shalay ka dhacay caasimadda Ciraaq ee Baghdad, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 32 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof.

Bartilmaameedku wuxuu ahaa Shiicada Muslimiinta ah, sida lagu sheegay war ka soo baxay wakaaladda wararka kooxdan Sunniga ah ee Amaq.

Waa qaraxyadii ismiidaaminta ee ugu cuslaa Baghdad muddo saddex sano ah.

Kuwa fuliyay ayaa isku dhex qarxiyay meel ay dhoobnaayeen dad ka dukaameysanayay suuqa Tayaran Square.

Qirashada kooxda jihaad doonka ah, ee bartooda Telegram-ka, ayaa timid saacado kaddib weerarka.

Qaraxyada ismiidaaminta ah kuma badneyn Baghdad tan iyo intii IS looga adkaaday gobolka sanadkii 2017.

IS ayaa mar gacanta ku heyn jirtay 88,000 isku wareeg km (34,000 isku wareeg meyl) oo dhul ah laga soo bilaabo bariga Ciraaq ilaa galbeedka Suuriya waxayna xukunkooda adag ku soo rogeen ilaa siddeed milyan oo qof.

Inkastoo IS looga adkaaday dagaalka, warbixin ay bishii August soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in in ka badan 10,000 oo dagaal yahanno IS ah ay ku sugan yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Ma laga yaabaa in Biden uu Soomaaliya kusoo celiyo ciidankii uu Trump la baxay?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynihii Mareykanka ee xilka ka degay, Donald Trump ayaa 15-kii bishan amray in ciidamada Mareykanka ka jooga Soomaaliya laga soo saaro.

Mareykanka waxaa Soomaaliya ka joogay 700 oo ciidamo ah, kuwaas oo ciidamada Soomaaliya ka caawiya la dagaallanka al-Shabab iyo mintidinta kooxda isku magacowday Dowladda Islaamka.

Diblomaasiyiinta iyo kooxaha korjoogtada ah ayaa ka digaya in – dalkan oo muddo soddon sano ku jiray xaalado jahwareer leh – uu mar kale qarka u saaran yahay fowdo, iyadoo dadaalka dib u dhiska Soomaaliya uu haatan khatar ku jiro

Xilliga uu Mareykanka ciidankiisa kala baxay Soomaaliya ayaa ku soo aadey iyadoo doorasho ay ku soo fool leedahay dalka, lagana baqayo in khilaafka ka taagan hannaanka doorashada uu dhibaato horseedo.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa xilli muhiim ah,” Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swann, ayaa sidaas BBC-da u sheegay, isagoo ka digay in dhaqanka hoggaamiyeyaasha qaranka iyo kuwa gobollada – ee isku haya hannaanka doorashada baarlamaaniga ah ee dadban- uu horseedi karo rabshado.

Go’aanka Trump ayaa ka nixiyay qaar ka mid ah Soomaalida gudaha dalka ku sugan, kuwaas oo madaxweynaha cusub Joe Biden ka codsaday inuu wax ka beddelo arrintaas.

Sanator Ayuub Ismaaciil Yuusuf ayaa go’aankaas ku tilmaamay “mid aad looga shalleyn karo”. Wuxuu sheegay in ciidamada Mareykanka ay wax weyn ka qabteen tababarka iyo tayada ciidamada Soomaaliya.

Milkiilaha hoteelka Elite ee magaalada Muqdisho, xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur, oo weerar lagu qaaday hoteelkiisa bishii August ee sanadkii hore ay ku dhinteen 15 qof, ayaa walaac weyn ka muujiyay in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya.

“Aad ayay inoo dhibeysaa,” ayuu yiri milkiilaha hoteelka. “Weli waan u baahannahay Ameerikaanka, gaar ahaan dhanka ammaanka.”

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa bilaabay inuu wax ka beddelo qaar ka mid a siyaasadihii ugu waaweynaa Donald Trump, saacado kaddib markii la dhaariyay

“Ma jiro waqti la luminayo marka ay timaaddo wax ka qabashada xasaradaha aan wajaheyno,” ayuu barta Twitter-ka ku soo qoray xilli uu ku sii jeeday Aqalka Cad.

Sharciyada horyaalla waxaa ka mid ah kan muranka badan dhaliyay ee mamnuucista safarka lagu tagi karo Mareykanka, ee dalalka qaar oo Soomaaliya ay ka mid tahay uu kusoo rogay madaxweynaha isaga xilka uu kala wareegay ee Donald Trump.

Madxaweyne Biden ayaa khudbadiisii caleema saarka ku sheegay in Mareykanka uu hagaajin doono xiriirka caalamka, iyadoo mararka qaar ay khudbadiisa u muuqatay mid uu ku durayo siyaasadda maamulkii ka horreeyay ee Trump.

“Dib baan u hagaajin doonnaa xulafadeennaa dunidana mar kale ayaan la macaamili doonnaa,” ayuu yiri.

Biden wuxuu bishii Oktoobar ee sanadkii hore cambaareeyay go’aankii uu Donald Trump ciidamada Mareykanka uga saaray Suuriya.

Iyadoo 100-ka maalmood ee ugu horreeya madaxtinnimadiisa uu qorsheynayo inuu wax badan ka beddelo qaar ka mid ah siyaasadihii Donald Trump, haddana ma cadda inuu xisaabta ku darsan doono ciidamada Mareykanka ee laga saaray dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Afhayeenka Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika Col. Chris Karns oo la weydiiyay in maamulka Madaxweyne Joe Biden uu wax ka beddeli doono arrintaas, ayaa sheegay inaan hadda la saadaalin karin.

Al-Shabaab oo soo buux dhaafiyey deegaano ka tirsan Shabeellada Dhexe

0

Jowhar (Caasimadda Online) – Wararka ka imaanaya gobolka shabeellada dhexe ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Milateriga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay  ku baxeen  tuulooyin ku yaala baadiyaha degmada Raaga-ceelle oo laga soo sheegay  dhaq-dhaqaaq ay wadaan dagaalameyaasha Al-shabaab.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay in ay baadi goobayaan  dagaalamayaashii Al-shabaab ee sida dhuumaaleysiga ku tagay tuulooyinkaas waxaana hada dagan xaalada degmada Raaga-celle.

Guddoomiyaha degmada Raaga-ceelle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan jirin wax cabsi ah oo laga qabo Al-shabaab amnigana wanaagsanyahay.

Dhinaca kale, dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa wali ku sugan tuulooyin ka tirsan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Jowhar ayaa soo sheegaya in Al-shabaab ay ku suganyihiin tuulooyinka kala ah Warciise, Doondheere iyo Shamiindo.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka HirShabeelle, waxaana muuqato in kooxda Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xooggan ay ka wado deegaano ka tirsan Gobolkaas.

UNHCR oo sheegtay inay Soomaaliya marti galisay qaxooti badan sanadki 2020

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ka mid aheyd dalalka Afrika ee sanadkii lasoo dhaafay martigaliyay Qaxootiga faraha badan.

War kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in Qaxootigaasi ay kala socdeen Afrika iyo Aasiya ayna dalalka ay ka yimaadeen ka jireen dhibaatooyin dhanka Amniga.

In ka badan 24,000 qof oo ajnabi ah ayaa sanadkii 2020 soomaaliya nabad galyo u raadsaday sida ay sheegtay heyada UNHCR .

Dadkaas waxay badankood ka yimaadeen wadamada Ethiopia, Syria Iyo Yemen sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxday hey’adaan.

Gobalada waqooyi galbeed, Bari iyo gobalka Banaadir ayaa ah meelaha ugu badan oo ay qaxootiga joogaan

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in lixdii sano ee la soo dhaafay ay dib ugu laabteen dalka Soomaaliya in ku dhow boqol kun oo qaxooti ah kuwaasi oo hore ugaga cararay dagaalada sokeeye ee dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab oo la wareegay caawa deegaano hoos taga Jowhar iyo Raaga-Ceelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saacadihii lasoo dhaafay la wareegeen deegaano dhowr ah oo hoos taga degmooyinka Jowhar iyo Raaga-Ceelle ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Tuulooyinka ay qabsadaan Al-Shabaab waxaa kamid ah Warciise oo Jowhar u jirta 15 ilaa 20 KM iyo sidoo kale tuulooyinka Qoordheere, Geyfo, Jabada-Carbeed, iyo Daba-gaab oo hoos taga degmada Raaga-Ceelle.

Al-Shabaab waxay caawa 10-KM u jiraan degmada Raaga-Ceelle, halka Jowhar-na ay ka qabsadeen tuulo hoos tagta oo lagu magacaabo Warciise, taas oo markii hore ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Xaalad cabsi ah ayaa caawa ka taagan qeybo badan oo gobolka Shabeellada Dhexe ah, lamana oga sida uu xaalku noqon doono.

Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale maalin ka hor ula wareegay deegaanka Mashallaay oo hoos taga degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ku sugnaa seddaxdii sano ee lasoo dhaafay.

Mashallaay oo dhacda inta u dhaxeysa magaalooyinka Qoryooley iyo Buulo-Mareer ayaa ah deegaan istaraatiiji ah, isla markaana muhiin u ah isu-socodka labadaas magaalo.

Iska daa inay weerar tagaane, ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey soo baneynayey fariisimo muhiim ah, iyadoo markii ay ka baxaan ay dib ula wareegayeen Al-Shabaab.

Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyey guddi muhiim ah

0

Muqdisho (Caasimada Onlinee) – Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Guddiga sare ee maamulka Hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed, xubin ka bannaanatay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka iyo xubin laga saaray guddiga maamulka hay’adda batroolka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in Ciidanka qaranku ay u diyaarsan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amniga iyo xoreynta dalka.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa wadajir uga tacsiyeyeey geerida guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo xalay ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo ka dhacay Muqdisho, waxayna fareen hay’adaha ammaanka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sababaha keenay dhacdadan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay warbixinnadii ugu danbeeyey ee caabuqa karoona iyo dadaalka ay waddo dowladdu ee la xiriira sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhibaatada uu leeyahay xanuunkan.

Video: DF Somalia oo war cusub kasoo saartay dilkii guddoomiye Dhagajuun

0

Muqdishoi (Caasimada Onlin) – Wasaaradda amniga Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay dilkii xalay Muqdisho loogu geystay guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya Farxaan Cali Axmed oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa marka hore ka tacsiyeeyey geerida marxuumka, wuxuuna sheegay in wax laga naxo ay tahay inuu ku baxay gacanta ciidanka amniga.

Farxaan Cali Axmed ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay saraakiishii iyo askartii ku sugneyd goobta uu dilku ka dhacaym, isaga oo shaaciyey in haatan ay ku xiran yihiin xarunta hay’adda CID-da, islamarkaana lagu weydiinayo su’aallo dheeri ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciddii ku lug yeelataa dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan la horgeyn doono sharciga, lagana qaadi doono tallaabo adag.

“Waa wax laga naxo in ciidamadeenii uu gacantooda ku baxo, waxaan caddeyneynaa in saraakiishii iyo ciidamadii ku lugta lahaa dilka guddoomiyihii degmada Hodan Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise in gacanta lagu dhigay oo baaritaan ay CID-da u joogaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu wasiiru dowlaha intaasi sii raaciyey “Ciddii ku lug yeelataa sharciga ayaa la horgeyn doonaa,”.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed inay is dajiyaan, kana war sugayaan natiijada baaritaanada socda ee ay wado dowladda Soomaaliya.

Allaha u naxariistee Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun oo shalay ku soo laabtay dalka, kadib dhaawicii loogu qaaday Turkiga ayaa xalay lagu dilay agagaarka isgoyska Howl-wadaag, kadib is-rasaaseyn dhex-martay ciidamada ammaanka iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

 

Biden oo qaaday tallaabo ka farxineysa Soomaali badan

0

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dalka Mareykanka, Joe Biden oo xilka si rasmi ah ula wareegay ayaa xafladdiisa dhaarinta kadib saxiixay wareegtooyin madaxaweyne oo uu ku laalay go’aano uu horey u dhaqangeliyay Trump.

Joe Biden ayaa wareegtooyinka uu saxiixay waxaa ka mid ah inuu hakiyey xayiraaddii saarneyd illaa todobo dal oo Muslimiin ah, kuwaas oo Soomaaliya ay ka mid tahay, islamarkaana uu horey Trump dadkooda uga mamnuucay inay u safraan Mareykanka.

Go’aankaasi ayaa afartii sano ee la soo dhaafay saameyn ballaaran ku yeeshay muwaadiniinta dalalka lagu soo rigay xayiraadda, balse hadda laga qaaday.

Sidoo kale madaxweynaha cusub ee Mareykanka ayaa hakiyey darbigii uu Trump ka dhisayey xadka u dhexeeya dalalka Mareykanka & Mexico.

Mr Biden ayaa sidoo kale dib ugu celiyey heshiiskii cimilada ee Paris, wuxuuna ka laabtay dhammaan xeerarkii uu Trump ku qafiifiyay wasaqoyga hawada.

Tani ayaa noqoneyso tallaabadii ugu horreysay ee uu qaaday Joe Biden, isaga oo sidoo kale sameyn doono is-bedallo kale oo ballaaran.

Sawirro: SHACAB careysan oo maanta banaan-bax ka dhigay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dadweyne fara badan oo ka careysan dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun) ayaa maanta dibad-bax ka dhigay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho, iyaga oo hakad-geliyey dhaq-dhaqaaqa dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Sidoo kale dadka dhigayey dibad-baxa ayaa taayaro ku gubay laamiga, sidoo kalena biro iyo dhagaxaan ku gooyey.

Qaar ka mid ah dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin dilka guddoomiyaha, iyaga oo cadaalad ka dalbadayadowladda Soomaaliya.

Shacabkan isugu soo baxay Taraboonka ayaa sidoo kale wax lagu xumaado ku tilmaamay hadalka guddoomiyaha gobolka Banaadir ee ahaa inuu iska hor imaad ku dhintay guddoomiye Cabdixakiin Dhagajuun oo shalay uun ku soo laabtay dalka.

Si kastaba dilka guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ayaa dhaliyey xiisad xoogan, iyadoo haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkiisa, waxaana loo xiray illaa 9 askari oo labo ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya.

 

Sawirro: Maxaa kasoo baxay kulankii SWAN iyo DENI?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta kulan la yeeshay wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud eee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. James Swan.

Kulanka oo ahaa mid hab maqal iyo muuqaal ah ayaa labada dhinac waxay uga wada-haleen xaaladda dalka iyo doorashooyinka 2021-ka.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diirada u saaray xal u helida tabashooyinka la xiriira doorashada dalka.

Swan ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka 2021-ka, isaga oo shalay kulan kan la mid ah la yeeshay Axmed Madoobe.

Maamullada Jubbaland iyo Puntland oo weli diidan hannaanka ay doorashada ku wajaheyso dowladda Soomaaliya ayaan soo magacaaabin guddiyadooda doorashada.

Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo uu waqtigu yahay mid gabagabo ah, balse beesha caalamka ayaa wada qorshe lagu qabanayo shirweyne kale.

R/W ROOBLE oo shaaciyey in fal nasiib darro ah uu ku dhintay gudoomiyihii Hodan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa war kasoo saaray dilkii xalay Muqdisho loogu geystay AUN guddoomiyihii degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiin Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa ugu horreyn tacsi u diray qoyskii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddoomiyaha uu ku dhintay fal uu nasiib darro ku tilmaamay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u darayaa qoyskii iyo asxaabtii Marxuum Cabdixakiin Dhagajuun guddoomiyihii degmada Hodan oo ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo xalay ka dhacay Muqdisho. Waxaa Eebbe uga baryayaa in uu naxariistii Janno ka waraabiyo ehelka iyo asxaabtana Samir iyo iimaan ka siiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaare Rooble ayaa faray laamaha amniga inay baaris dhab ah ku sameeyaan dilka guddoomiyihii maamulka degmada Hodan.

“Waxaan farayaa hay’adaha  ammaanka ee ku shaqada leh in ay baaritaan rasmi ah oo dhammeys tiran ku sameeyaan dhacdadadaas nasiib darrada ah,” ayuu sii raaciyey.

AUN Cabdixakiin Dhagajuun oo xalay saq-dhexe lagu toogtay agagaarka isgyska Howlwadaaga yaa shalay uun dib ugu soo laabtay dalka, isagoo ka yimid dalka Turkiga oo caafimaad ahaan loogu qaaday kadib dhaawac ka soo qaara qarax miino oo lala eegtay.

Mahad Salaad oo waji kale u yeelay dilkii Dhagajuun, weerarna ku qaaday Filish

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa si adag uga hadlay dilkii loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan, Cabdixakiin Dhagajuun oo xalay lagu toogtay Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa marka hore cambaareeyey hadal ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa magaalada Muqdisho ee ahaa in guddoomiyaha uu ku dhintay is-rasaaseyn dhex-martay ciidamada ammaanka iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Xildhibaanka ayaa hadalka Cumar Filish ku tilmaamay inuu yahay gaf weyn oo ka soo yeeray, islamarkaana ka fog xaqiiqada & sida ay wax u dhaceen.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inay hadalkan uu yahay mid raad tirasho ah oo lagu qarinayo dadkii ka dambeeyey dilka guddoomiyaha, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan cambaareynayaa hadalka gafka ah ee ka soo yeeray Gudoomiye Cumar Finish ee ah Gudoomiye Cabdihakiin Dhagajuun is-rasaasayn ayuu ku dhintay. Waxaanan u aragnaa in Gudoomiye Cumar iyo maamulkiisu bilaabeen raadtirasho si loo qariyo raadka dambiileyaasha falkaas geystay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaanka.

Mahad Salaad ayaa intaasi sii raaciyey “Gaari la hubiyay markii uu gudbayay, soo laabashadiisana loo diyaar garoobay, ciidamo xoojin ahna loo diray sida ay ii sheegeen saraakiisha tagay goobta falku ka dhacay sabab loogu sheego is-rasaasayn ayay ahayd waa wax aan la qaadan karin.  Gudoomiye Cumar na waxaan ugu baaqaynaa in uu cudurdaar ka bixiyo hadalkaas,”.

Ugu dambeyn wuxuu ku baaqay in si deg-deg ah cadaaladda loo horkeeno saraakiishii & askartii ka dambeysay toogashada loo geystay guddoomiyihii degmada Hodan.

“Waxaan ku baaqaynaa mar labaad in cadaalada la horkeeno saraakiisha amarka bixiyay iyo askartii fulisay falkaas foosha xun ee lagu qaarajiyay Gudoomiye Cabdixakiin,”.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, iyada oo xabsiga la dhigay saraakiil & askar ka tirsan ciidamada Booliiska.