25 C
Mogadishu
Thursday, July 9, 2026

R/W Rooble oo meesha ka saaray walaac laga qabay

0

Mombasa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in marnaba uu madaxweynaha Kenya kala hadlin kiiska badda, oo yaala maxkamadda caalamiga ah.

Arrintan ayaa aheyd mid ka mid ah walaacyada ay shacabka ka qabaan kulanka, ayada oo sidoo kale xubno ku xiran madaxweyne Farmaajo ay wararka faafiyeen, kadib markii labada mas’uul ay isku qabteen safarka Rooble ee Kenya.

Rooble ayaa waxa uu sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada.

“Halkaan uma imaan in aan wax saxiixo, waxaan u imid inaan dhayo dhaawacyadii gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay kala joogto waxay ka mideysan tahay in dhulka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan,” ayuu yiri Rooble.

“Maanta iyo berriba igama filaneysaan in heshiis aan ka galo badda oo waxaan sugeynaa jawaabta maxkamadda, saaxiibkey madaxweyne Uhuru isagoo i hor fadhiya ayaan idaas ugu sheegay.”

Haddaba, dadka falanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in safarka Rooble uu quus geliyay rejadii uu Kenyatta ka qabay in ajendaha kulanka Mombasa ku dhex-maray ra’iisul wasaaraha lagu daro kiiska badda.

Casuumadda Kenyatta ee ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale aheyd mid xukuumadda Nairobi ay ku rabtay in indhaha caalamka u muujiso in Soomaaliya ay ogoshahay in muranka sanadaha badan taagna ee badda lagu xaliyo wada-hadal.

Qoraal ay madaxtooyada Kenya kasoo saartay xiligaas kulanka Rooble iyo Kenyatta ayaa waxaa lagu sheegay qeyb kamid ah in madaxweynaha Kenya uu dalbaday si saaxiibtinimo ah xal looga gaaro kiiska badda, ayada oo markii dambe qeybta la xiriirta badda laga jaray qoraalka.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Macalimuu ayaa dhankiisa sheegay in qoraalkaas oo lagu daabacay barta Facebook-ga ee Madaxtooyada Kenya uu ahaa mid qalad ah oo si dhakhso ah loo saxay.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xubnaha wafdigiisa ee kulanka la qaatay Madaxweynaha Kenya iyo xubnaha Dowladiisa waxa uu si cad ugu sheegay Ra’iisul Wasaare Rooble Madaxda Kenya in dacwada la xiriirta badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya jawaabteeda laga sugayo kaliya Maxkamada Caalamiga ee Caddaalada ICG ee ay hortaallo,oo aaney jirin haba yaraatee cid arintaasi gorgortan ka gali karta. Qoraal qalad ah oo lagu dabaacay Facebook Madaxtooyada Kenya dhaqso ayaa loo saxay oo laga garanayo,” ayuu yiri.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in marnaba aysan wax wada-hadal ah ka geli dooni kiiska badda, midaasi oo fashil kusoo afmeertay isku dayo badan oo dowladda Kenya ku dooneysay in kiiskaas laga soo celiyo maxkamadda ICJ.

Maxaa kasoo baxay kulankii Golaha Ammaanka QM uu ka yeeshay Soomaaliya?

New York (Caasimada Online) – Ergeyga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta warbixin kooban oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya siinayay Golaha Ammaanka QM, ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya.

Swan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu muujiyay hogaamiyenimo, isagoo kullamo wada tashi oo joogta ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada.

Waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ay ka bilaabatay maamul goboleedyada.

Swan ayaa intaas ku daray in kastoo guulo la taaban karo la gaaray, haddana loo baahanyahay in la xoojiyo ammaanka doorashada, oo uu sheegay in si gaar ah uu uga werwersanyahay. 

Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahanyahay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee dumarka, dhallinyarada, iyo dadka la takooro oo laga qeyb geliyo siyaasadda.

James Swan ayaa booriyay in caqabada mustaqbalka ka hor imaan kara doorashadan loo baahanyahay in lagu xaliyo si xasiloon iyo wada-hadal ku dhisan ismaqal.

Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay weli ku tahay halis amaanka Soomaaliya, isla markaana ay xafiiska QM ee Somaliya ee UNSOM uu diwaan geliyay sanadkan 2021-ka 708 qof oo rayid ah oo rabshadaha Soomaaliya wax ku noqday. Dadkaas ayuu sheegay in 321 ka mid ah ay dhinteen, 387 kalena la dhaawacay.

Swan ayaa sidoo kale sheegay in tacdiyada ka dhanka ah dumar ay kordheen, islamarkaana xaaladda bani’aadaminimo ay meel xun mareyso.

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay James Swan in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan howlaha doorashada, si buu yiri, waddanku uu xoogga u saaro dhinaca nabad gelyada iyo ahdaaftiisa horumarineed.

Loolanka Xaaf iyo Qeybdiid: Arrinta laga cabsida qabo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Qoor Qoor ayaa dib u dhigay shaacinta musharraxiinta laba kursi oo kamid ah sideeda xubnood oo uu maamulkaasi ku leeyahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa kal hore ku dhowaaqay liiska lix kamid ah kuraastaasi oo ay ku tartami doonaan illaa 12 musharrax, labada kursi ee dhimman ayaa waxaa haatan ku fadhiya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) iyo Senator Cabdiwaaxid Cilmi oo loo yaqaan Goonjeex.

Kursi kamid ah labadaan kursi ayaa waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, isaga oo doonayo inuu difaacdo kursigiisa.

Haddaba, Maxaa ka dhalan kara haddii midkooda uu kasoo muuqan waayo liiska musharaxiinta?

Cali Baashi Faarax Cali oo ah siyaasi kasoo jeeda Galmudug, horeyna uga tirsanaa maamulkii Ahlu-Sunna ee ka talin jiray maamulkaas, ayaa waxa uu sheegay in kursiga ay ku loomayaan Xaaf iyo Qeybdiid uu yahay mid muhiim ah oo loo baahan yahay in doorashadiisu ku dhacdo hab daah-furan oo nabdoon.

Waxa uu sheegay in cawaaqib xumo daran ay ka dhalan doonto haddii labada musharax ee ku loolamaya kursigaas uu midkood kasoo muuqan waayo liiska laga sugayo madaxweyne Qoor Qoor.

“Waa in kursigaan dhexda la dhigo oo ay u tartamaan dadka loo xulo oo ay sidaas guushu ku raacdo qofkii calafku u yeesha, waana arrin xal wanaagsan ah,” ayuu yiri Cali Baashi Faarax.

Sidoo kale waxa uu ka digay in hanashada kursigaas loo maro waddo khaldan, midaasi oo ay ka dhalan karaan cawaaqib xumo daran, sida uu sheegay.

Si kastaba, waxaa si weyn loo wada sugaya tallaabada uu qaadi doono Qoor Qoor oo gadaal u dhigtay kursiga ay isku hayaan Xaaf iyo Qeybdiid, iyo sida uu ka yeeli doono xifaaltanka u dhaxeeya labada musharax oo laga cabsi qabo in uu sababo xiisad dagaal.

Israel oo CIA-da u gudbisay arrin yaab leh oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee Iran

Tehran (Caasimada Online) – Israel oo isku dayeysa inay carqaladeyso wada-hadalla u dhexeeya Mareykanka iyo Iran ee ku saabsan heshiiska Nukliyeerka ayaa madaxa CIA-da Mareykanka u gudbisay warbixin yaab leh oo ku saabsan madaxweynaha cusub ee Iran, Ebrahim Raisi.

Israel ayaa CIA Mareykanka u sheegtay in madaxweynaha cusub ee Iran Ebrahim Raisi uu qabo cudur “Khalkhal maskaxda ah,” sidaas darteedna aan lagala hadli karin wax ku saabsan heshiiska nukliyeerka sida ay Maanta qortay Times of Israel.

Israel ayaa shalay martiqaad u sameysay madaxa CIA-da Mareykanka William Burns, waxayna ka wada hadleen arrimaha Iran.

Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in Israel ay ku dadaaleyso sidii ay u fashilin lahayd isu soo dhawaansho kasta oo dhex mari kara Washington iyo Tehran.

Walla News ayaa asaguna weriyay in Burns uu la kulmay ra’iisul wasaaraha Israel Naftali Bennett, madaxa hay’adda sirdoonka ee Mossad David Barnea iyo saraakiil kale oo sirdoon ah.

Sidoo kale, Wargeyska Israel Today oo soo xiganayo Channel 12 ayaa qoray in madaxa sirdoonka Mossad David Barnea uu madaxa CIA usoo bandhigay macluumaad muujinaya in Raisi aan la aamini karin, oo uusan awood u lahayn inuu ka gorgortamo heshiis cusub oo nukliyeer ah ama uu ku dhaganaado ballan-qaadyadiisii hore.

Sida uu sheegay Channel 12, Barnea ayaa sidoo kale Burns u gudbiyey warbixin uu ku sheegay in madaxweynaha Iran uu yahay mid xagjir ah, naxariis daran, musuq maasuq badan sidoo kalana aan xasilloonayn.

“Mossad waxay ku tilmaamtay madaxweynaha Iran inuu yahay qof maskaxda ka jiran (Dhimirka la’),” ayaa lagu yiri warbixinta uu qoray wargeyska Times of Israel oo soo xiganaya Channel 12.

Burns, oo ah diblomaasi xirfadle ah ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay isu soo dhawaanshaha Maraykanka iyo Iran oo horseeday heshiiskii Iran iyo quwadaha waaweyn, ee 2015 la gaaray, balse 2018 uu ka baxay madaxweyne Trump.

Yey yihiin, maxaase ka naqaan lixda Senator ee la doortay?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta lagu doortay Lix Senator oo kamid ah xubnaha maamulkaas ku metelaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya.

Haddaba, wax ka ogow taariikhda Senator-da maanta la doortay, kuwaasi oo dhamaantood ku soo baxay cod gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen musharaxiintii kula tartamayey kuraastaas.

1- Saciid Siyaad Shirwac – Saciid oo kasoo jeeda beesha Saleebaan, waxaa uu muddo 20 sano ah ku jiray siyaasadda, qeybna uu ka ahaa shirarka dib u heshiisiinta, hadda xisbi kama tirsana, waana wasiirka deegaanka.

Sidoo kale waxa uu hore u soo noqday wasiirka maaliyada, wuxuuna ku guuleystay kursigii koowaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, isagoo helay 87 kamid ah codadka xildhibaanada, kadib markii musharaxii la tartamayey Maxamed Daahir Maxamed uu tanaasulay. Waxaa diiday laba xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay.

2- Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) – Yuusuf oo kasoo jeeda beesha Duduble, waxaa uu hore uga tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka tirsan yahay kooxda Waayo-arag.

Sidoo kale waxa uu kaalinta hore kaga jiraa siyaasiyiinta la soo shaqeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor, waxa uu ku soo baxay 87 codad, ayada oo mid uu diiday midna uu ka aamusay. Waxaa tanaasulay Daahir Faarax Fiidow oo la tartamayey.

3- Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer – Dhagdheer oo kasoo jeeda beesha Murusade, waxa uu ahaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, wuxuuna xiligaan lagu tiriyaa inuu kamid yahay kooxda Waayo-arag.

Senator Dhagdheer ayaa waxa uu kamid yahay siyaasiyiinta la soo shaqeeyay madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor Qoor, waxaa uu ka guuleystayna Nuur Xasan Gutaale.

Dhagdheer ayaa waxa uu ku soo baxay 86 cod, waxaa diiday 2, halka uu mid keliya ka aamusay.

4- Zamzam Dahir Maxamuud – Zamzam oo kasoo jeeda beesha Waceysle, waxay hore u aheyd Senator ka tirsan baarlamaanka 10-aad, waxayna ku dhalatay Caabudwaaq 1984-kii.

Waxay waxbarasho ilaa heer jaamacad ku qaadatay Muqdisho, ayada oo Master ku sameysay dalka Maleysia, sidoo kale waxay kaalin hor leh ka ciyaarta arrimaha samafal.

Zamzam ayaa maanta markale noqotay haweeneydii u horeysay ee maamulka ku metelaysa Aqalka Sare, halka ay October 16, 2016-kii ay sidoo kale noqotay gabadhii ugu horeysay ee Senator loo doorto.

Waxay doorashada maanta kasoo hoysay 89 cod, waxayna sidaas ku hanatay kursiga Afaraad ee maamulka Galmudug ee Aqalka Sare. Waa loo tanaasulay.

5- Cabdixakiim Macalin Axmed – Cabdixakiim oo kasoo jeeda beesha Ceyr, waxa uu ku dhashay magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna ahaa xildhibaan ka tirsanaa golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad.

Waxa uu ka baxay Jaamacadda Culuumta iyo Tecnolojiyadda ee Yemen, wuxuuna xiligan xoghaye ka ahaa guddiga maamliyadda ee golaha shacabka iyo madaxa guddiga dhaliyarada ee baarlamaanka Afrika.

Cabdixakiin ka hor siyaasadda, Koonfurta Suudaan waxaa uu jaaliyadda u ahaa xoghayaha guud muddo 10 sano ah, waana ganacsade, wuxuuna maanta kusoo baxay oo uu helay codadka 86 xildhibaan, halka uu ka aamusay mid keli ah.

6- Duniyo Maxamed Cali – Duniya oo kasoo jeeda beesha Dir, waxay ku dhalatay magaalada Dhuusamareeb 1970-kii, waxayna hadda ka tirsaneyd golaha shacabka ee baarlamaanka 10-aad.

Waxay waxbarasho ilaa dugsi sare ku sameysay magaalada Dhuusamareeb, waxayna muddo lasoo shaqeysay madaxdii kala duwanaa ee Galmudug.

Sidoo kale waxaa lagu tiriyaa inay ka tirsan tahay kooxda Waayo-arag ee madaxweyne Qoor Qoor, waxayna maanta ku guuleystay kursiga lixaad ee maamulkaas ee Aqalka Sare, kadib markii ay u tanaasushay Qadro Abdullahi Isxaaq.

Erdogan oo sheegay hadal lama filaan ah oo la xiriira hogaamiyaha kooxda Taliban

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa si lama filaan ah Arbacadii u sheegay inuu diyaar u yahay inuu casuumo oo uu la kulmo hoggaamiyaha kooxda Taliban, si uu gacan uga geysto xaqiijinta nabadda Afghanistan.

Dagaal-yahanada Taliban ayaa wax kayar toddobaad gudihiis qabsaday afar meelood meel caasimad goboleedyada dalkaas.

Turkey ayaa waxaa Afghanistan ka jooga ciidamo qeyb ka ah NATO, waxayna yaboohday inay xaqiijiso amniga garoonka diyaaradaha Kabul, marka ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dhammaadka bishan.

Wada-hadallo ayaa u socda saraakiisha Turkishka iyo Mareykanka, waxaana Turkey ay sheegtay inay sugi doonto amniga garoonka, haddii shuruudaha diblomaasiyad, maaliyad iyo sahay laga soo baxo.

“Dhacdooyinkii ugu dambeeyey iyo xaaladda shacabka Afghanistan, runtii waa kuwa aad looga naxo,” ayuu Erdogan ku yiri wareysi uu siiyey taleefishinka CNN Turk.

“Waxaa xitaa laga yaabaa inaan soo dhoweeyo qofka hoggaamiya,” ayuu yiri Erdogan, kadib markii uu ka hadlay dadaallada ay wadaan saraakiisha Turkishka ee wada-hadallo lagula yeelanayo Taliban. 

Erdogan ayaa bishii tagtay sheegay in Turkey ay wada-hadallo la yeelan doonto Taliban, taasi oo qeyb ka ah hanaanka nabadda.

“Sababta waxay tahay, haddii aynan xaaladdan u xakameyn si heer sare ah, suurta-gal ma noqon doonto inaan xaqiijino nabadda Afghanistan xilligan,” ayuu yiri.

Wallaaca hadda taagan ee Erdogan ayaa ah cabsida shacabka Turkey ay ka qabaan shacabka kasoo qaxaya Afghanistan, xilli Taliban ay dhul badan qabsaneyso.

Turkey ayaa waxa ay hadda marti-gelisaa 3.6 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah, waxaana xilli dhaqaalaha Turkey uu sii xumaanayo sare u kacaya carada ka dhanka ah, ayada oo mucaaradkuna ay ku baaqayaan inay dalkooda ku laabtaan.

Erdogan ayaa sheegay in Turkey ay xaaladda xakameysay, ayada oo darbi ka dhistay xuduudaha bari iyo koonfureed ee dalkaas.

AFP + VOA

Baarlamanka Galmudug oo doortay 6 ka mid ah Senatora-da Aqalka Sare + Magacyada

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Baarlamanka Galmudug ayaa goordhoweyd doortay lix Senator oo maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare ee baarlamanka ee 11-aad ee Soomaaliya.

Saciid Siyaad Shirwac ayaa helay 87 ka mid ah codadka xildhibaanada kadib markii musharaxii la tartamayey Maxamed Daahir Maxamed uu tanaasulay. Waxaa diiday laba xildhibaan, mana jirin cid ka aamustay, ayada oo 89 xildhibaan ay codeeyeen.

Kursiga koowaad ee uu ku guuleystay Saciid Siyaad ayaa waxaa hadda ku fadhiya guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, waxaana leh beesha Saleebaan ee Habargidir.

Waxaa sidoo kale kursiga labaad loo doortay Senator Yuusuf Geelle Ugaas oo kursigan hadda ku fadhiya, wuxuuna helay 87 codad, ayada oo mid uu diiday midna uu ka aamusay. Waxaa tanaasulay Daahir Faarax Fiidow oo la tartamayey.

Kursiga saddexaad ayaa waxaa loo doortay Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, wuxuuna helay 86 cod, waxaa diiday 2, halka uu midna ka aamusay.

Kursiga afaraad ayaa sidoo kale waxaa loo doortay Zamzam Dahir Maxamuud oo ayadu heshay 89 cod, waana loo tanaasulay. Waxay noqoteyna Senator-kii u horeeeyay ee Haween oo loo doortay Aqalka Sare ee Baarlamaankii 10-aad ee muddo xileedkiisa dhammaaday.

Kusriga shanaad ayaa isaguna waxaa loo doortay Cabdixakiim Macalin Axmed, wuxuuna helay 86 cod, halka uu ka aamusay mid keli ah.

Kursiga lixaad ayaa waxaa loo doortay Duniyo Maxamed Cali, kadib markii ay u tanaasushay Qadro Cabdullaahi Isxaaq, waxayna ku guuleysatay cod gacan taag ah.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka socota Dhuusomareeb, ayaa la filayaa in lagu doorto shan kursi oo kale, oo ka harsan lixda kursi ee uu madaxweyne Qoor Qoor ku dhowaaqay musharaxiintooda.  

Galmudug ayaa noqoneysa maamulkii afaraad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Puntland, waxaana hadda harsan kaliya HirShabeelle.

Baarlamanka Galmudug oo ka noqday qodob ay ku diideen doorashada gacan taaga

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xarunta Baarlamaanka Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socota doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeyb kamid ah kuwa Maamulka Galmudug ku matalaya Aqalka Sare.

Goobta doorashada ayaa waxaa laga akhriyay habraaca doorashada, waxaana la sheegay in codeynta doorashada Aqalka sare ay tahay qarsoodi, kursi kastana ay ku tartamayaan laba xubnood, isla markaana hadii qof uu tanaasulo ay codeyntu noqon doonta gacan tag.

Shalay ayaa Guddiga Baarlamaanka Galmudug u qaabilsan doorashada Aqalka sare habraac ay soo saareen waxaa kujiray in hadii qof uu tanaasulo ay codeyntu noqon doonto qarsoodi taas oo walaac laga muujiyay.

Qodobka ugu culus ee habraacii Shalay lasoo saaray ayaa ah in aan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.

“Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa/cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug.

Musharaxiinta u tanaasulaya musharaxiinta kale ayaa laga dareemay doorashooyinkii kale ee ka dhacay magaalooyinka Baydhaba, Kismaayo iyo Garowe, waxaana ma rumeysan yahay in ka laabashada Baarlamaanka go’aankii Shalay uu ka dambeeyey madaxweyne Qoor Qoor oo xalay kulamo kala duwan ka sameeyey Magaalada Dhuusamareeb.

Waxyaabihii ay taleefoonka uga wada-hadleen Farmaajo iyo amiirka Qadar (Warbixin)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisa dastuuriga ah uu dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Khadka telefoonka kula xiriiray amiirka dalka Qadar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, sida ay warisay wakaalada wararka u faafisay Dooxa.

“Mudane Amiirka ayaa wicitaan dhanka telefoonka ah ka helay madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” ayaa lagu qoray barta Twitter-ka ee Qatar News Agency.

Qoraalka waxaa la raaciyey: “Marka laga soo tago in ay ka wada hadlaan arrimo badan oo ku saabsan horumarka gobolka iyo caalamka ee danaha wadajirka ah, intii lagu jiray wadaxaajoodyadda, waxay dib u eegeen xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya labada dal iyo siyaabaha kor loogu qaadi lahaa loona horumarin lahaa”.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan wadaxaajoodkan oo kasoo baxay dhanka Madaxtooyadda Soomaaliya.

Wadahadalkan ayaa kusoo aadaya iyadda oo dhowr arrimood ay jiraan. Tan koowaad uguna xiisaha badan waxay tahay socdaalka soo shaac-bixiyey khilaafka Farmaajo kala dhaxeeya ra’iisul wasaarihiisa xilgaarsiinta Rooble ku tagay dalka deriska ah ee Kenya.

Inkasta oo Rooble beeniyey in ay isku-dhacsan yihiin Farmaajo, haddana socdaalkiisa wuxuu dib boorka uga jafay xiisadii Farmaajo iyo Kenya xilli Villa Soomaaliya aysan soo bandhigin kulan asbuucii hore uu la qaatay wasiirka arrimaha dibada Kenya, Raychelle Omamo, oo booqatay Muqdisho todobaadkii aynu kasoo gudubnay.

Dooxa ayaa door firfircoon ka cayaartay isu-soo-dhaweynta hogaanka Soomaalida iyo Kenya si gaar ah go’aanka maamulka Farmaajo, oo ay Qadar maalgelisay ololihiisii doorashadii 2017-kii, uu kusoo celiyey cilaaqaadka diblumaasi ee Nairobi kaasoo uu gooyey.

Sidoo kale, wadaxaajoodkan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu guda galay doorasho ayna bilaabatay xulista mudaneyaasha Aqalka Sare. Dooxa waa mid kamid ah daneeyeyaasha ugu culus ee coddeynta. Balse, mugdi ayaa ku duugan in ay mar kale dhiseyso Farmaajo.

Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 10-ka October, 2021. Balse, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gelinta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May, 2021 la baalmaray taariikhaha qaar.

Madaxweyne Farmaajo oo lumiyey awoodihii yaraa ee ugu harsanaa dowladda

Haddii ay jirto hal dhaqan oo aan ku baranay madaxweyne Farmaajo afartii sano ee uu xilka hayey, waa siyaasadda qar iska tuurnimada ah, iyo go’aanada aan laga fiirsan ee uu qaato kadibna kusoo noqda.

Kasoo bilow dhiibiistii Qalbi-dhagax, dekadihii loo saxiixay Ethiopia, askartii la geeyey Eritrea, illaa isku daygii muddo kororsi ee fashilmay, Farmaajo caan kuma ahan go’aan qaadasho saxan.

Waxa uu mar kale ayuu toddobaadkan sidaas sameeyey kadib markii uu soo saaray amar uu isugu dayey inuu ku xakameeyo awoodaha fulinta ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, inkasta oo uu ogaa inuusan sharciyad u heysan.

Farmaajo ayaa wareegto ku sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.”

Hase yeeshee, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa si aan leex-leexad laheyn ugu jawaabay Farmaajo, una sheegay in awoodaha fulinta dalka ay leedahay xukuumadda, sida ku cad qodobka 97-aad ee dastuurka.

Maxaa dhacay kadib?

Qoraallada ay isugu jawaabeen Farmaajo iyo Rooble, waxaa xigay in Rooble uu Talaadadii u amba-baxay dalka Kenya, halkaasi oo uu heshiisyo ay ka mid yihiin dib usoo celinta xiriirka diblomaasi kula galay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Tallaabada uu Rooble qaaday intii uu ku sugnaa Mombasa, waxay ka dhigan tahay inuu qoraal ahaan iyo ficil ahaanba ugu gacan seeray isku daygii uu Farmaajo doonayey inuu ku xakameeyo.

Kaaga sii daran’e, waxaa la filayaa in Rooble marka uu dalka kusoo laabto uu si rasmi ah dib ugu fasaxo qaadka Kenya ee la keeni jiray Soomaaliya, oo uu Farmaajo xayiray, si xubno ka tirsan qoyskiisa ay dalka u keenaan qaadka Ethiopia ugana faa’iideystaan.

Maxay uga dhigan tahay Farmaajo?

In amar uu soo saaro la diido, waxay Farmaajo ku tahay dhaawac weyn oo soo gaaray awooddiisa fulineed, aadna u wiiqeysa in hadda iyo wixii ka dambeeyo amarkiisa uu dalka ka shaqeeyo. Sidoo kale waa bahdil shaqsiyeed oo uu ku sameeyey naftiisa iyo kursiga madaxweynenimo.

Diidmada iyo ficillada Rooble waxay si cad u muujiyeen in awoodda ugu sarreysa dalka uu maanta isaga leeyahay, kadib markii toddoba bilood kahor ay Farmaajo uu ka dhammaaday muddo xileedkii sharciyadda siinayey.

Way adkaan doontaa in amar dambe oo kasoo baxa Farmaajo, oo aanu Rooble raali ka aheyn uu dalka ka shaqeeyo inta ka harsan doorashada madaxweynaha cusub, waa haddiiba uu Farmaajo ku dhiirado mar kale.

Maxaa Farmaajo ku qasba siyaasadaha qalafsan?

Siyaasadaha iyo go’aanada qar iska tuurnimada ah ee marka uu Farmaajo qaato, waxaa loo aaneeyaa laba cilad oo ay adag tahay in xal loo helo.

Ciladda koowaad, waa Farmaajo oo madax adag, oo mar walba rabitaankiisa uu ka weyn yahay danta guud iyo waxa saxan. Ciladda labaadna waa la-taliyeyaasha ku hareereysan iyo kuwa xeendaabkiisa ku jira, oo aan awoodin inay u sheegaan marka uu qaldan yahay, balse ku raaca uguna sacab tuma go’aan kasta.

Xitaa markii uu Farmaajo go’aansaday muddo kororsigii fashilmay, waxaa la-taliyeyaashiisa ay u sheegayeen inay dagaal ku qabsan karaan Muqdisho oo ay haystaan ciidan ka fulin, ayaga oo ag in xaqiiqda ay taas ka duwaneyd, balse ay ka aheyd oo kaliya in dhegaha Farmaajo ay ku dhibciyaan erayo ay maqalkooda ku raaxeysanayaan. 

Waxaan hadda sugeynaa siyaasadda xigta ee qar iska tuurnimada ah ee uu qaato Farmaajo haddana dib ugu soo laabata. 

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

13 nin oo la sheegay inay damacsan yihiin qaraxyo oo soo galay Muqdisho – Xog

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan ciidamada booliska Soomaaliya iyo hay’adaha ammaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay ka bilaabeen baaritaan iyo feejignaan amni kadib xogo amni oo la helay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in ay heleen warbixino sheegaya in Muqdisho ay soo galeen ugu yaraan 13 qof oo rag ah, kuwaas oo dhamaantoodba la sheegay in ay u xeranyihiin Jaakadaha Qarxa islamarkaana damacsan in xiliyo kala duwan ay weeraro ka geestaan goobo kala duwan oo Muqdisho ah. 

Hoteelo ku yaala Muqdisho, Maqaayado, Saldhigyo ciidan iyo xarumo dowladeed ayaa aad looga cabsi qabaa in raggaan ay weeraro ka fuliyaan, waxaana aad feejignaan loo geliyay ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Xalay magaalada Muqdisho waxaa la xiray wadooyinka qaar iyadoo ilaa maanta aad loo baarayo gaadiidka raaxada ee gobalka Banaadir. Si gaar ah waxaa la baarayaa gaadiidka galaya Madaxtooyada Soomaaliya ama kuwa hormaraya Villa Somalia.

Baaritaanada iyo feejignaanta amni ee Muqdisho ayaa aad loo dareemay saacadihii la soo dhaafay, inkastoo dadka qaar ay u qaateen arrimo ciidan oo la xariira khilaafka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Tan iyo markii dowladda federaalka ay waddooyinka Muqdisho ku wada goysay dhagxaan, kooxda Al-Shabaab ayaa xeeladdeeda qaraxyada u wareejisay shaqsiyaadka isku xira jaakadaha qarxa, kuwaas oo ay adag tahay in laga hortago, waxaana kadib kordhay qaraxyada is-miidaaminta ah ee magaalada. 

Dadka fallanqeeya amniga ayaa dowladda ku eedeeyey inaysan laheyn wax qorshe amni ah oo aan ka aheyn in waddooyinka ku goysay dhagxaan. 

Qaramada Midoobay oo shir deg deg ah ka yeelaneysa xaaladda Soomaaliya

0

Washington (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo khamiis Gelinka dambe ay isugu yimaadaan shir ay ugu hadlayaan xaaladaha kajira xilligaan dalka  Soomaaliya & waxa u baahan in wax laga qabto si looga gudbo.

Shirka ayaa waxaa sigaar ah diirada loogu saari doonaa arrimaha dorashooyinka Soomaaliya oo qaarkood billowday, dhaqaalaha ku baxaya iyo sidoo kale arrimo ay kamid yihiin fatahaadaha.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo Madaxa AMISOM Danjire Francisco Madeira ayaa warbixin siin doona Xubnaha  shirka.

Wakiilada Qaramada Midoobay ee shirka ka qeyb geli doona oo dhankooda khudbad ka jeedin doona ayaa ka hadli doona balan qaadyo ay u sameyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si dowladda looga taageero dhinacyada amniga iyo doorashooyinka.

Kulanka Golaha Ammaanka ee QM ay Maanta ka yeelanayaan xaaladda Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu guda galay doorasho ayna bilaabatay xulista mudaneyaasha Aqalka Sare.

Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ayaa loo ballansan yahay in ay qabsoonto 10-ka October, 2021. Balse, waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gelinta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May, 2021 la baalmaray taariikhaha qaar.

Ugaaska Mudulood oo soo saaray farriin xasaasi oo ka dhan ah AMISOM (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisad xoog leh ayaa ka dhalatay dad shacab ah oo ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda ay Talaadadii ku xasuuqeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo meydkooda oo jawaano ku jira Muqdisho la keenay, waxayna ehelladii dadkaas diideen in la aaso meydadka, ilaa inta AMISOM ay mas’uuliyadda ka qaadaneyso.

Ugaaska beelaha Mudullood Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa si adag uga hadlay falkaas, isagoo fariin u diray umadda Soomaaliyeed iyo taliska ciidanka dhibkaan geystay ee AMISOM.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay waxyaabaha qaar lama qaadan karo, AMISOM mudadii ay dalkaan joogtay waxay geysatay dhacdooyin xanuun badan oo aad u foolxun, dad meyd ah oo ay dileen ayey miino ku qarxiyeen oo jarjareen, waxaan mari doonaa wado kasta oo sharcigu noo ogolyahay, waxaa kasta waxaa kasii fool xun AMISOM waxay bogeeda ku soo qortay in dadkii ay naga dishay ay ahaayeen Argagixiso, waxay soo sawireen qoryo duug ah oo beerta bahalada looga ilaalin jiray, waxaan heynaa warqadii October 2018-kii ay ugu fasaxday Xaajiga in qoryahaas duuga ah uu beertiisa ku ilaashan karo,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Ugaaska ayaa sheegay in dadka la dilay uu ku jiray Xaaji Cumar Garey oo iska lahaa beerta laga soo dhex watay qaar ka mid dadka la dilay, isla markaana ciidamada dilay ay aqoon u la haayeen.

“Dadkaas la dilay waxaa ugu magac dheeraa Xaaji Cumar Ganey oo ahaa nin ganacsade ah oo si weyn deegaanka looga yaqiinay, ciidanka xaquuqay ee AMISOM-na ay mudo dheer la yaqiineen, gurigiisa ayaa loogu tegay isaga iyo lix qof oo ehelkiisa u badnaa, dadkaas waa la dilay markii hore, kadibana miino ayaa la dul saaray, waana lagu qarxiyey, markii asaga laga reebo, lixdii kale hilbo ayey noqdeen, iyagoo seddax jawaan ku jira ayey hadda Farnjiyeer ku jiraan,” ayuu yiri Ugaas Maxamuud.

Ugaaska Mudullood oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waa wax aan la aqbali karin xasuuqa ciidanka AMISOM, gaar ahaan kuwa Uganda, hadaba anagoo ka jwaabeyna dhacdadaas waxaan la hadleynaa dowladda Soomaaliya, AMSIOM, UN-ka iyo cid kasta oo dhaqaale ku bixisa howlgalka AMISOM. Hadii nin Nabadoon ah oo 10-sano ay la macaamilayeen ay u dileen Argagixisaa tahay, waxay ka dhigantahay Soomaalida oo dhan ayaa argagixiso ah, mana aqbaleyno taas.”

Sidoo kale Ugaaska ayaa sheegay in aysan heynin meyd, balse ay hayaan hilbo, kuwaas oo uu sheegay inay Faranjiyeerka ku jiri doonaan, illaa jawaab laga helo cidii dishay oo mas’uuliyada wixii dhacay ay AMSIOM si cad u qaadaneyso.

Hoos ka daawo

Madaxweyne Cumar Xasan AL-BASHIIR oo loo gacan gelinayo maxkamadda ICC

Khartoum (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sudan Mariam al-Mahdi ayaa maanta sheegtay in madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir iyo saraakiil kale loo gacan gelin doono Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC), oo u dooneysa dambiyo la geystay intuu uu socday dagaalka gobolka Darfur. 

Al-Bashir oo 77 jir ah ayaa maxkamadda ICC waxay dooneysay in ka badan 10 sano, ayada oo loo haysto eedeymo ay ka mid yihiin xasuuq, dambiyo dagaal, iyo dambiyo ka dhan bani’aadaminimada oo ka dhacay gobolka Darfur. 

“Golaha Wasiirada wuxuu go’aansaday in saraakiisha la doonayo loo gacan geliyo ICC,” ayey Mariam u sheegtay warbaahinta dowladda, ayada oo aan shaacin xilliga. 

QM ayaa sheegta in 300,000 oo qof lagu dilay, 2.5 milyan oo kalena lagu barakiciyey dagaalka gobolka Darfur, oo qarxay sanadkii 2003.

Al-Bashir oo mudd ka badan 30 sano xukumayey Sudan kahor inta aan kacdoon dadweyne lagu ridin 2019-kii, ayaa wuxuu ku jiraa xabvsiga sida aadka ah loo ilaaliyo ee Kober ee magaalada Khartoum. 

Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ee fadhigeedu yahay Hague ayaa amar lagu soo xirayo Al-Bashir soo saartay 2009-kii, ayada oo ku eedeysay dambi dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bani’aadaminimada oo ka dhacay Darfur.

Waxay sanad kadib soo saartay amar xiritaan oo kale oo la xiriira xasuuq, hase yeeshee Al-Bashir ayaa iska indho tiray, wuxuuna si joogto ah ugu safri jiray dibedda.

Go’aanka Sudan ay ugu Al-Bashir ku dhiibeyso ayaa yimid ayada oo dacwad oogaha ugu sarreeya maxkamadda ICC Karim Khan uu booqanayo Sudan.  

Baarlamaanka Galmudug oo dooranaya lix senator oo ka tirsan Aqalka Sare ee dalka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad goboleedka Galmudug ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo doorashada musharraxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya u matali doonaa maamulkaas afarta sano ee soo socota.

Doorashada 6 kursi oo ka mid ah 8 kursi ee maamulku ku leeyahay aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhacay Dhuusamareeb waxaana la adkeeyay amaanka magaaladda gaar ahaan xarunta Baarlamaanka oo doorashadu ka dhacayso.

Ciidanka amaanka Galmudug, kuwa Faderaalka iyo Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa ku sugan goobta loo qorsheeyay codaynta.

Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul goboleedyada kale.

Qodobka ugu culus ee habraacan ayaa ah in aan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.

“Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa/cod qarsoodi ah loogu codeeyo oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale.”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug.

Doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Baydhabo,Kismaayo iyo Garowe, ayaa musharixiinta qaar kood waxa ay u taasuleen mudane-yaashii la tarmaayay taas oo doorashada ka dhigtay waxa loogu yeeray “musharax iyo malxiiskiisa”.

Daawo: Rooble oo ka hadlay khilaafkii isaga iyo Farmaajo iyo u jeedka safarkiisa Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin, waxa ka jira in khilaaf kala dhaxeeyo madaxweyne Farmaajo, inay wadahadal ka galeen kiiska badda, qaadka iyo hanaanka uu doonayo in loo maro soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu horeyn Rooble waxa uu yiri, “Doqoni halkii lagu dagaalay ayey ogeed ee meesha lagu heshiiyey ma oga, hadii aan lagu heshiin hoggaaminta dalku qar ayuu ka sii dhacayaa, sidaas darteed heshiis ayaan nahay aniga iyo madaxweynaha, waxa nasaaray waajib ah in dalka aan gaarsiino doorasho u dhacda si xasilooni ku jirto.”

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha iyo maamul goboleedyadu ay ku aamineen hoggaaminta doorashada, sidaas darteedna uusan hadda ku jirin han siyaasadeed. “Wax khilaaf ah ma jiro, aniga iyo madaxweynaha warqadaheena waad aragteen, cid aan ataagay ama aan is khilaafsanahay ma jirto,” ayuu yiri Rooble.

Waxa uu sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada.

“Halkaan uma imaan inaan wax saxiixo, waxaan u imid inaan dhayo dhaawacyadii gaaray xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay kala joogto waxay ka mideysan tahay in dhulka iyo badda Soomaaliyeed ay yihiin lama taabtaan, maanta iyo berriba igama filaneysaan in heshiis aan ka galo badda oo waxaan sugeynaa jawaabta maxkamadda, saaxiibkey madaxweyne Uhuru isagoo i hor fadhiya ayaan idaas ugu sheegay,” ayuu yiri R/Wasaare Rooble.

Waxa uu balan qaaday inta uu xukunka joogo in uusan ogolaan doonin in wadahadal laga galo kiiska badda, “Soomaalidu maadaama ay Muslimiin wada tahay, qofkii la rabo in la suurad xumeeyo waxaa lagu tilmaamaa Murtad, hadda markii siyaasadda la joogo waxaa la yiraahdaa badda ayuu soo saxiixayaa, cid badaan inay saxiixdo ku dhiiran karta ma jirto,” ayuu yiri Rooble.

Sidoo kale waxa uu cadeeyey Rooble in safarkiisa uusan la xariirin Qaadka, balse uu Kenya u tegay howl-gelinta guddigii ka shaqeyn doona soo celinta xiriirka xumaaday ee labada dal.

“Wixii ka soo baxa wadaxaajoodka labada guddi ee Soomaaliya iyo Kenya, qaad haku jiro ama wax kale haku heshiiyaane, guddigaas wixii ka soo baxa wadaxaajodkooda ayaa noo go’aan ah,” ayuu yiri.

Sidoo kale Rooble waxa uu sheegay in madaxweynaha Kenya uu kala hadlay fududeynta dal ku galka, isla markaana arrintaas guddi loo xil saaray.

“Waxaa ila socda Taliyaha hey’adda Socdaalka Soomaaliya Koofi, waxaa loo balamiyey dhigiisa waana kulmaayaan, wixii ka soo baxa wadahadalkooda kheyr allaha nooga dhigo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaare Rooble waxa uu sheegay in maadxweynaha Kenya uu kala hadlay dhibaatooyinka ay Soomaaliya ka geystaan ciidamada ka socda dalkaas ee qeybta ka ah AMISOM, isla markaana ay isla qaateen, si looga baaqsado dhibaatada soo gaarta shacabka in la dejiyo siyaasad ay ku wada howlgalaan labada ciidan ee Soomaaliya iyo Kenya.

Hadalkaan ayuu Rooble ka jeediyey goob uu kula kulmay Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, kuwaas oo warbixin guud uu siinayey xaaladda uu dalka marayo, doorashada ka socota iyo ujeedka safarkiisa Kenya.

Hoos ka daawo

Australia: Gabar Soomaali ah oo musharaxnimadeeda xildhibaan ku weyday wasiir ka tirsan DF oo lacag u diray

0

Melbourne (Caasimada Online) – Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Sahra Axmed Mustafe oo xubin ka aheyd xisbiga haya talada dalka Australia ayaa gebi ahaanba lagala noqday musharaxnimada kursiga Baarlamanka Federaalka ee xaafaddaas ay ku badanyihiin Soomalida dalkaas.

Sahra Axmed oo la hadashay idaacada VOA-da ayaa sheegtay in xubinimadii xisbiga iyo musharaxnimadii ay ku weyday lacag uu u soo diray adeerkeed oo Wasiir ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxay sharci darro ku tilmaamtay arrinta loo cuskaday xil ka xayuubinteeda, waxayna sheegtay in lacagta kasoo gaartay adeerkeeda wasiirka ah ay aheyd hadyad uu u soo direy ciyaalkeeda, sida ay sheegtay.

“Waxa dhacay waa wax qalad ah, inay i dhaheen ma tartameysid, waxyaabaha ay ii dhaheena ay tahay wasiir adeer ii ah oo lix billood ka hor wasiir ka noqday Soomaaliya uu ii soo diray, oo hadyad ahaan maalmaha ciida ah ugu soo diray ilmaheyga maadama aan hooyo keligeed ahay oo ilmaha aan aniga korsado.”

“Aniga ayaa u sheegay oo daacad ah, waxaan u sheegay labo billood ka hor si aan sharciga u jabin oo aan u ilaaliyo,” ayey tiri Sahra oo wax laga weydiiyay sida hogaanka Xisbigeeda uu ku ogaaday lacagta uu u soo diray wasiir ka tirsan dowladda federaalka.

Sidoo kale waxay carabka ku adkeysay inaysan lacag ka helin dowladda federaalka Soomaaliya, balse ay lacag hadyad ah ka heshay adeerkeed oo Wasiir ah, islamarkaana aysan aheyd mid ka hor imaaneysa shuruucda xisbigay ka tirsaneyd.

Si kastaba, Sahra Axmed Mustafe ayaa looga cayriyay xisbiga haya talada dalka Australia in dowlad kale ay dhaqaale ku bixineyso soo bixisteeda, taasi oo ka hor-imaaneysa shuruucda dalkaas.

Wafdiga Rooble oo war cusub kasoo saaray wada-hadalkii Kenyatta iyo arrinta badda

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo qeyb ka ah wafdiga safarka ku jooga dalka Kenya ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa faahfaahin ka bixiyey wadahadalladii ay la yeesheen madaxda Kenya.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ee xarunta dalkaas ayaa sheegay in shalay ay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta kula kulmeen magaalada Mombaasa, halkaas oo ay uga wadahadleen arrimo badan oo khuseeya soo celinta iyo xoojinta xiriirka labada dal.

“Arrimaha looga wadahadlay kulankeenii waxaa ka mid ahaa sida ugu fiican ee Soomaaliya iyo Kenya ay isula jaan qaadi karaan, inay soo ceshadaan xiriirkoodii derisnimo, walaalnimo, sida isu-socodka dadweynaha, ganacsiga, amiga iyo wixii lamid ah,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Sidoo kale Wasiirku waxa uu sheegay oo carrabka uu ku adkeeyey in kulankaas aan looga hadlin kiiska badda iyo waxyaabo lamid ah oo Soomaaliya aysan dani ugu jirin.

“Kulankeenii waxaa kaloo looga hadlay in dib loo soo celiyo guddi heer farsamo ah, guddigaas waxa uu ka shaqeyn doonaa arrimaha u baahan in si qota dheer looga xaajoodo, waxay ka soo baaraan degi doonaan sidii loo adkeyn lahaa xiriirka labada dalka oo hoos loogu daadejin lahaa,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in weli ay ka wada xaajoonayaan halka uu ka dhici doono kulanka kan xiga, isla markaana ay aad u daneynayaan oo ka shaqeynayaan inuu ka dhaco gudaha Soomaaliya.

“Hadda waxaan ka shaqeyneynaa guddiga heer farsamo cida Soomaaliya ku meteli doonta iyo xulashada wasaaradaha ay khuseyso arrintaan, sidoo kale waxaan ka wadahadalnay inta guddigu uusan howlgelin arrimo deg deg ah hadii ay soo baxaan, in wasaaradba, wasaaradda dhigeeyda ah ay howshaas kala shaaqeyso, anaga waxaa noogu muhiimsan wasaaradaha difaaca iyo amniga, berri inaan kulamo kale yeelano madaxda Kenya si arrimahaas aan u sii amba qadno way u badan tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii diray wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Hoos ka daawo

Koox awood leh oo xulufo la noqotay ciidanka Tigray-ga, kuna sii jeeda Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiye xagjir ah oo Itoobiyaan ah ayaa sheegay in kooxdiisa ay isbaheysi Militari la sameysatay ciidamada Tigrayga oo hadda kusii jeeda caasimadda dalkaas ee Addis Ababa, xilli colaadii ka qaraxday gobolka Tigray sanadkii hore ay ku fidday qaybaha kale ee dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan.

“Xalka kaliya ee hadda jira ayaa ah in dowladdan si milatari ah loo afgembiyo, laguna hadlo luuqadda ay rabaan in lagula hadlo,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada Kumsa Diriba, oo sidoo kale loo yaqaan Jaal Marroo, xilli uu wareysi siiyey Associated Press.

Isbaheysiga cusub oo uu hoggaamiyahaan la yeelanayo kooxda TPLF ayaa ah astaan muujineyso in collaadii kasoo bilaabatay dhulka Tigreyga Bishii November ay gaartay meel xun, wuxuuna dagaalkaan markii hore kasoo bilowday khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Ra’isuwasaare Abiy Ahmed iyo hoggaamiyeyaasha Tigreega oo xukumayey dawladda Itoobiya ku dhawaad 30 sano.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay dagaalka sagaalka bilood socday gobolka Tigray, waxaana ciidamada Dowladda Itoobiya lagu eedeeyey inay deegaanada qowmiyadda Tigreega ka geysteen  kufsi wadareedyo, sidoo kalana waxaa dagaalka ka dhashay macluul iyo barakac xooggan.

Hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada ayaa sheegay in heshiiska uu la galay TPLF la gaaray dhowr todobaad ka hor kadib markii ay hoggaamiyaasha Tigreega sidaas soo jeediyeen.

“Waxaan ku heshiinnay heer isfaham si aan isaga kaashanno hal cadow, gaar ahaan iskaashiga dhanka milateri, waxaan wadaagnaa macluumaadka goobta dagaalka waxaana u dagaallanaa si isbarbar socda,” ayuu yiri Diriba.

Sidoo kale, hoggaamiyaha ayaa sheegay inuu socdo wadahadal isbaheysi dhanka siyaasadda ah, wuxuuna tilmaamay inay jiraan kooxo kale oo wada-hadal lagula jiro isagoo carabka kusii adkeeyey inay jiri doonaan isbaheysiyo waaweyn oo ka dhan ah taliska Abiy Axmed.

Isbahaysigaan ayaa waxaa ku midoobayo Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigray, oo hore udub dhexaad u aheyd dowladdii Itoobiya balse si weyn uga hor timid midda uu hoggaamiyo Abiy Axmed iyo Oromo Liberation Army oo sanadkii hore ka go’day xisbiga mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front, waxaana xusid mudan in qowmiyadda Oromada ay tahay qowmiyadda ugu badan Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horaantii sanadkaan ku dhawaaqday in labadaan urur ee TPLF iyo OLA ay yihiin ururo argagixiso oo ay tahay in laga ciribtiro dalka Itoobiya.

Hoggaamiyaha ciidamada TPLF Gen. Tsadkan Gebretensae iyo afhayeenka xukuumadda Ra’isuwasaare Abiy weli kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray hoggaamiyaha OLA oo uu ku sheegay inuu isbaheysi Militari la sameystay TPLF.

Hoggaamiyaha OLA ayaa hadlay maalin kadib markii Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ugu baaqay dhammaan dadka Itoobiyaanka ah ee kartida leh inay ku biiraan milateriga si ay uga hortagaan ciidamada Tigray ka dib markii ay dib ula wareegeen inta badan gobolka Tigray toddobaadyadii la soo dhaafay oo ay u tallaabeen gobollada deriska ah ee Amxaarada iyo Canfarta.

Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaa AP u sheegay inay u dagaalamayaan sidii ay u sugi lahaayeen gobolkooda oo muddo dheer go’doonsanaa.

Iyada oo la sii xaddidayo gelitaanka qaybo ka mid ah Itoobiya isla markaasna saxaafadda loo diiday, way adag tahay in la sheego sida muwaadiniintu uga jawaabi doonaan baaqa Ra’isulwasaaraha, ama haddii ay ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah isaga.

Xog: Sida Qoor Qoor u kala qeybiyey lixda kursi iyo dhinacyada uu qanciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug.

Qoor Qoor ayaa dib usoo celiyey saddex ka mid ah xubnaha hadda ku jira Aqalka Sare, wuxuuna meesha ka saaray saddex kale, oo uu ugu weyn yahay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, ayna wehliyaan Abuukar Axmed Xaashi iyo Jawaahir Axmed Cilmi.

Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yihiin; Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Marka aad eeegto liiska, iyo sida uu Qoor Qoor u maareeyey, waxaa muuqata in Qoor Qoor uusan si gaar ah ugu daneyn dhinac, balse uu dhinacyo badan qanciyey, abaal-mariyey saaxiibadiis, islamarkaana wax isku xeeriyey.

Haddaba aan eegno, xubnaha uu sharxay Qoor Qoor, beelaha ay kasoo jeedaan iyo dhinacyada ay raacsan yihiin siyaasad ahaan, innaga oo xooga saareynaa lixda xubnood ee aan hubno in la dooran doono, oo aan isku dhibi doonin xubnaha malxiisayaasha ah.

Kursiga koowaad: Waxaa u sharaxan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer iyo Nuur Xasan Guutaale, oo kasoo jeeda beesha Murusade. Kursigan waxaa mar kale ku guuleysan doona oo la salxay Dhagdheer oo hadda ku fadhiya, ayada oo laga reebay musharaxiintii uu loolanka ugu adag kala kulmi lahaa, oo kala ah; Sheekh Yuusuf Cali Caynte iyo Jaahweyn.

Xulashada Dhagdheer, wuxuu Qoor Qoor ku saleeyey saaxiibtinimada ka dhaxeysa isaga Dhagdheer oo isku ah kooxda Waayo Arag. Si kastaba, waxaa si kale xulashadan uga faa’iideysanaya Xasan Cali Kheyre oo Dhagdheer ay isku dhow yihiin.

Kursiga labaad: Kursigan waxaa u sharaxan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow oo kasoo jeeda beesha Duduble. Yuusuf Geelle oo hadda kursigan ku fadhiya ayaa mar kale dib u qaadan doona dhib la’aan. Yuusuf Geelle, oo mar damcay inuu u wareegto Golaha Shacabka, ayaa xilli dambe is-beddelay, si uu Aqalka Sare usii joogo.

Si la mid ah Dhagdheer, Yuusuf Geelle wuxuu ka tirsan kooxda Waayo Arag, wuxuuna aad ugu dhow yahay madaxweyne Qoor Qoor. Inkasta oo lagu riixo Kheyre iyo Guuleed, haddana waxaa la rumeysan yahay in waxa kaliya ee ka huban Yuusuf Geelle ay tahay inuu si weyn u macaaradsan yahay Farmaajo.

Kursiga saddexaad: Qoor Qoor ayaa kursigan u sharxay Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan. Kursigan, oo uu ku guuleysan doono Saciid Siyaad Shirwac, waxaa horey ugu fadhiyey guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo aan liiska lagu soo darin.

Saciid Siyaad waxay isku dhow yihiin Cabdikariim Guuleed, hase yeeshee sidoo kale wuxuu saaxiib la yaay Qoor Qoor, waxaana xulashadiisa ay qancisay labadaas dhinac. 

Soo saarista Saciid Siyaad, waxaa kursigiisa golaha shacabka ku weyn doona Abtidoon Yare, oo ay jufo ahaan wadaagaan hal kursi, taasi oo macnaheedu yahay in Abshir Bukhaari uu hadda u tartami karo kursi Golaha Shacabka ah.

Kursiga Afaraad: Kursigan waxaa loo sharxay Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure, oo kasoo jeeda beesha Waceysle, waxaana la filayaa inay dib ugu guuleysato Samsam oo hadda kursiga ku fadhisa.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa kursigan ku qanciyey madaxweyne Farmaajo oo Samsam taageero ay u aheyd intii uu kursiga fadhiyey, taasi oo muujineysa sida Farmaajo weli saameyn ugu leeyahay Qoor Qoor.

Kursiga shanaad: Kursigan wuxuu Qoor Qoor u sharxay Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen, oo kasoo jeeda beesha Ceyr, waxaana la filayaa inuu ku guuleysto Cabdixakiim. Kursigan waxaa hadda ku fadhisa Jawaahir Axmed Cilmi.

Kursigan wuxuu Qoor Qoor si cad ugu qanciyey Farmaajo, sababtoo ah Cabdixakiim wuxuu taageero aan gabasho laheyn u muujiyey muddo kororsigii Farmaajo, waxaana ku nacay oo soo eryey tolkiisa. Maadaama, xildhibaanada golaha shacabka ay soo sharxaan qabaa’ilka, oo Cabdixakiin uusan taageero ka heleyn, waxaa Qoor Qoor lagu qasbay inuu Cabdixakiim siiyo kursi Aqal Sare ah.

Kursiga lixaad: Qoor Qoor wuxuu kursigan u sharaxay Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq, oo kasoo jeeda beesha Dir, waxaana ku guuleysan doonta Duniya, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Kursigan waxaa hadda ku fadhiya Abuukar Axmed Xaashi.

Qoor Qoor kursigan kuma qancin cid gaar ah, wuxuuna xulashada Duniya ku saleeyey abaal ay u gashay, mar ay ka furfurtay cadaadis ka saarnaa beesha Dir ee degta Galmudug. Ma jirto cid ka mid ah musharaxiinta oo Dunida ay si aad ah ugu dhowdahay, waxaase lagu tiriyaa dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.