26.2 C
Mogadishu
Thursday, July 9, 2026

Koox awood leh oo xulufo la noqotay ciidanka Tigray-ga, kuna sii jeeda Addis Ababa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Hoggaamiye xagjir ah oo Itoobiyaan ah ayaa sheegay in kooxdiisa ay isbaheysi Militari la sameysatay ciidamada Tigrayga oo hadda kusii jeeda caasimadda dalkaas ee Addis Ababa, xilli colaadii ka qaraxday gobolka Tigray sanadkii hore ay ku fidday qaybaha kale ee dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan.

“Xalka kaliya ee hadda jira ayaa ah in dowladdan si milatari ah loo afgembiyo, laguna hadlo luuqadda ay rabaan in lagula hadlo,” ayuu yiri hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada Kumsa Diriba, oo sidoo kale loo yaqaan Jaal Marroo, xilli uu wareysi siiyey Associated Press.

Isbaheysiga cusub oo uu hoggaamiyahaan la yeelanayo kooxda TPLF ayaa ah astaan muujineyso in collaadii kasoo bilaabatay dhulka Tigreyga Bishii November ay gaartay meel xun, wuxuuna dagaalkaan markii hore kasoo bilowday khilaaf siyaasadeed oo soo kala dhex galay Ra’isuwasaare Abiy Ahmed iyo hoggaamiyeyaasha Tigreega oo xukumayey dawladda Itoobiya ku dhawaad 30 sano.

Kumanaan qof ayaa lagu dilay dagaalka sagaalka bilood socday gobolka Tigray, waxaana ciidamada Dowladda Itoobiya lagu eedeeyey inay deegaanada qowmiyadda Tigreega ka geysteen  kufsi wadareedyo, sidoo kalana waxaa dagaalka ka dhashay macluul iyo barakac xooggan.

Hoggaamiyaha Ciidanka Xoreynta Oromada ayaa sheegay in heshiiska uu la galay TPLF la gaaray dhowr todobaad ka hor kadib markii ay hoggaamiyaasha Tigreega sidaas soo jeediyeen.

“Waxaan ku heshiinnay heer isfaham si aan isaga kaashanno hal cadow, gaar ahaan iskaashiga dhanka milateri, waxaan wadaagnaa macluumaadka goobta dagaalka waxaana u dagaallanaa si isbarbar socda,” ayuu yiri Diriba.

Sidoo kale, hoggaamiyaha ayaa sheegay inuu socdo wadahadal isbaheysi dhanka siyaasadda ah, wuxuuna tilmaamay inay jiraan kooxo kale oo wada-hadal lagula jiro isagoo carabka kusii adkeeyey inay jiri doonaan isbaheysiyo waaweyn oo ka dhan ah taliska Abiy Axmed.

Isbahaysigaan ayaa waxaa ku midoobayo Jabhadda Xoreynta Dadweynaha Tigray, oo hore udub dhexaad u aheyd dowladdii Itoobiya balse si weyn uga hor timid midda uu hoggaamiyo Abiy Axmed iyo Oromo Liberation Army oo sanadkii hore ka go’day xisbiga mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front, waxaana xusid mudan in qowmiyadda Oromada ay tahay qowmiyadda ugu badan Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa horaantii sanadkaan ku dhawaaqday in labadaan urur ee TPLF iyo OLA ay yihiin ururo argagixiso oo ay tahay in laga ciribtiro dalka Itoobiya.

Hoggaamiyaha ciidamada TPLF Gen. Tsadkan Gebretensae iyo afhayeenka xukuumadda Ra’isuwasaare Abiy weli kama aysan hadlin hadalka kasoo yeeray hoggaamiyaha OLA oo uu ku sheegay inuu isbaheysi Militari la sameystay TPLF.

Hoggaamiyaha OLA ayaa hadlay maalin kadib markii Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ugu baaqay dhammaan dadka Itoobiyaanka ah ee kartida leh inay ku biiraan milateriga si ay uga hortagaan ciidamada Tigray ka dib markii ay dib ula wareegeen inta badan gobolka Tigray toddobaadyadii la soo dhaafay oo ay u tallaabeen gobollada deriska ah ee Amxaarada iyo Canfarta.

Afhayeenka ciidamada Tigreega Getachew Reda ayaa AP u sheegay inay u dagaalamayaan sidii ay u sugi lahaayeen gobolkooda oo muddo dheer go’doonsanaa.

Iyada oo la sii xaddidayo gelitaanka qaybo ka mid ah Itoobiya isla markaasna saxaafadda loo diiday, way adag tahay in la sheego sida muwaadiniintu uga jawaabi doonaan baaqa Ra’isulwasaaraha, ama haddii ay ku biiri doonaan dagaalka ka dhanka ah isaga.

Xog: Sida Qoor Qoor u kala qeybiyey lixda kursi iyo dhinacyada uu qanciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug.

Qoor Qoor ayaa dib usoo celiyey saddex ka mid ah xubnaha hadda ku jira Aqalka Sare, wuxuuna meesha ka saaray saddex kale, oo uu ugu weyn yahay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, ayna wehliyaan Abuukar Axmed Xaashi iyo Jawaahir Axmed Cilmi.

Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yihiin; Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Marka aad eeegto liiska, iyo sida uu Qoor Qoor u maareeyey, waxaa muuqata in Qoor Qoor uusan si gaar ah ugu daneyn dhinac, balse uu dhinacyo badan qanciyey, abaal-mariyey saaxiibadiis, islamarkaana wax isku xeeriyey.

Haddaba aan eegno, xubnaha uu sharxay Qoor Qoor, beelaha ay kasoo jeedaan iyo dhinacyada ay raacsan yihiin siyaasad ahaan, innaga oo xooga saareynaa lixda xubnood ee aan hubno in la dooran doono, oo aan isku dhibi doonin xubnaha malxiisayaasha ah.

Kursiga koowaad: Waxaa u sharaxan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer iyo Nuur Xasan Guutaale, oo kasoo jeeda beesha Murusade. Kursigan waxaa mar kale ku guuleysan doona oo la salxay Dhagdheer oo hadda ku fadhiya, ayada oo laga reebay musharaxiintii uu loolanka ugu adag kala kulmi lahaa, oo kala ah; Sheekh Yuusuf Cali Caynte iyo Jaahweyn.

Xulashada Dhagdheer, wuxuu Qoor Qoor ku saleeyey saaxiibtinimada ka dhaxeysa isaga Dhagdheer oo isku ah kooxda Waayo Arag. Si kastaba, waxaa si kale xulashadan uga faa’iideysanaya Xasan Cali Kheyre oo Dhagdheer ay isku dhow yihiin.

Kursiga labaad: Kursigan waxaa u sharaxan Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow oo kasoo jeeda beesha Duduble. Yuusuf Geelle oo hadda kursigan ku fadhiya ayaa mar kale dib u qaadan doona dhib la’aan. Yuusuf Geelle, oo mar damcay inuu u wareegto Golaha Shacabka, ayaa xilli dambe is-beddelay, si uu Aqalka Sare usii joogo.

Si la mid ah Dhagdheer, Yuusuf Geelle wuxuu ka tirsan kooxda Waayo Arag, wuxuuna aad ugu dhow yahay madaxweyne Qoor Qoor. Inkasta oo lagu riixo Kheyre iyo Guuleed, haddana waxaa la rumeysan yahay in waxa kaliya ee ka huban Yuusuf Geelle ay tahay inuu si weyn u macaaradsan yahay Farmaajo.

Kursiga saddexaad: Qoor Qoor ayaa kursigan u sharxay Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed, oo kasoo jeeda beesha Saleebaan. Kursigan, oo uu ku guuleysan doono Saciid Siyaad Shirwac, waxaa horey ugu fadhiyey guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari, oo aan liiska lagu soo darin.

Saciid Siyaad waxay isku dhow yihiin Cabdikariim Guuleed, hase yeeshee sidoo kale wuxuu saaxiib la yaay Qoor Qoor, waxaana xulashadiisa ay qancisay labadaas dhinac. 

Soo saarista Saciid Siyaad, waxaa kursigiisa golaha shacabka ku weyn doona Abtidoon Yare, oo ay jufo ahaan wadaagaan hal kursi, taasi oo macnaheedu yahay in Abshir Bukhaari uu hadda u tartami karo kursi Golaha Shacabka ah.

Kursiga Afaraad: Kursigan waxaa loo sharxay Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure, oo kasoo jeeda beesha Waceysle, waxaana la filayaa inay dib ugu guuleysato Samsam oo hadda kursiga ku fadhisa.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa kursigan ku qanciyey madaxweyne Farmaajo oo Samsam taageero ay u aheyd intii uu kursiga fadhiyey, taasi oo muujineysa sida Farmaajo weli saameyn ugu leeyahay Qoor Qoor.

Kursiga shanaad: Kursigan wuxuu Qoor Qoor u sharxay Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen, oo kasoo jeeda beesha Ceyr, waxaana la filayaa inuu ku guuleysto Cabdixakiim. Kursigan waxaa hadda ku fadhisa Jawaahir Axmed Cilmi.

Kursigan wuxuu Qoor Qoor si cad ugu qanciyey Farmaajo, sababtoo ah Cabdixakiim wuxuu taageero aan gabasho laheyn u muujiyey muddo kororsigii Farmaajo, waxaana ku nacay oo soo eryey tolkiisa. Maadaama, xildhibaanada golaha shacabka ay soo sharxaan qabaa’ilka, oo Cabdixakiin uusan taageero ka heleyn, waxaa Qoor Qoor lagu qasbay inuu Cabdixakiim siiyo kursi Aqal Sare ah.

Kursiga lixaad: Qoor Qoor wuxuu kursigan u sharaxay Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq, oo kasoo jeeda beesha Dir, waxaana ku guuleysan doonta Duniya, oo hadda ah xildhibaan ka tirsan golaha shacabka. Kursigan waxaa hadda ku fadhiya Abuukar Axmed Xaashi.

Qoor Qoor kursigan kuma qancin cid gaar ah, wuxuuna xulashada Duniya ku saleeyey abaal ay u gashay, mar ay ka furfurtay cadaadis ka saarnaa beesha Dir ee degta Galmudug. Ma jirto cid ka mid ah musharaxiinta oo Dunida ay si aad ah ugu dhowdahay, waxaase lagu tiriyaa dhanka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. 

Baarlamanka Galmudug oo maanta qaaday TALLAABO culus oo looga hortagayo musharaxiinta malxiiska ah

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddiga qabashada Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaamka Galmudug ayaa soo saaray Habraaca Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, kaasoo ay qodobadiisu yihiin kuwo ka adag habraacii maamul goboleedyada kale.

Qodobka ugu culus ee habraacan ayaa ah inaan cod gacan taag ah loogu codeyn musharaxii loo tanaasulo, balse uu ka raadsado xildhibaanada cod kalsooni ah.

“Haddii musharax uu u tanaasulo musharax kale, waxaa qasab ku ah musharaxa loo tanaasuley in sanduuqa cod qarsoodi ah loogu codeeyo, oo hadii uu waayo 50+1 tirada guud ee Baarlamaanka Galmudug loo celiyo madaxwaynaha markale,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay guddiga qabashada doorashada Galmudug.

Go’aanka kasoo baxay guddiga doorashada Galmudug ayaa ah mid looga hortagayo in musharax loo tanaasulo kadibna midka kale uu si toos ah usoo baxo, taasoo ka dhacday maamul Goboleedyada kale oo ay ugu dambeysay Puntland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa muddo badan u ololeenayey inaan kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug loo xirin shakhsiyaad gaar ah, balse waxaa muuqato in arrintaan looga adkaaday kadib markii madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor uu kuraasta u xiray shakhsiyaad isaga aad ugu dhow, waxayna shuruudaan adag u muuqataa mid looga jawaabayo taallabada uu qaaday.

Doorashada Lix kursi oo kamid ah kuraasta Aqalka sare ee Galmudug ayaa la filayaa in Maalinta Berri ah lagu qabto Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas, waxaana ku tartamayo illaa 12 musharax oo 6 kamid ah ay yihiin malxiis lana filayo inay tanaasulaan marka doorashada bilaabato.

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday guddiga doorashada Baarlamaanka Galmudug

 

 

Sheekh Yuusuf Caynte oo jawaab culus kasoo saaray liiskii kasoo baxay Qoorqoor

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dr. Sheekh Yuusuf Cali Caynte, oo kamid ahaa musharixiintii laga reebay liiska dadka u tartamayo xubnaha Aqalka Sare ee kasoo galayo maamulka Galmudug, ayaa ka hadlay go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor.

Sheekh Yuusuf ayaa sheegay inuu buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa qofka musharaxa ah, wuxuuna xusay inaysan jirin sifo sharci ah oo looga hor istaagay inuu isku soo sharaxo xilkaas.

Sheekh ayaa Shacabka Soomaaliyeed u sheegay in go’aanka uu qaatay madaxweynaha Galmudug uu yahay ku takrifal awoodeed iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Sheekh Yuusuf ayaa tilmaamay in madaxweynaha Galmudug uu diidan yahay rabitaanka Baarlamaanka, isagoo xusay inuu hubo in cod aqlabiyad leh lagu dooran lahaa haddii si xor iyo xalaal ah loo tartami lahaa.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu Sheekh Yuusuf kusoo daabacay barteeda Facebook

Bismillahi Raxmani Raxiim.

Waxaan codkeyga ku biirinayaa inta ka dhiidhisay sida uu madaxweynaha Galmudug u maamulay doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Go’aanka uu madaxweyne Axmed Qoorqoor ku qaatay inuu muwaadiniin Soomaaliyeed duudsiiyo xuquuqdooda dastuuriga ah waa mid baal-marsan dastuurka dalka, midka Galmudug Ivo dhaqanka suubban ee Soomaalida.

Waxaan kamid ahaa muwaadiinta Soomaaliyeed ee isku soo taagay xilka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaanna buuxiyey dhammaan shuruudaha looga baahan yahay murashaxa. Ma jirto sifo sharci ah oo la iiga hor istaagi karay inaan isku sharroxo xilkaas. Sidaas darteed, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa in go’aanka kasoo baxay Madaxweyne Axmed Qoorqoor uu yahay ku takrifal awoodeed iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.

Mar haddii si sharci darro ah la iiga hor istaagay inaan waxqabadkeyga iyo barnaamijkeyga siyaasadeed horgeeyo mudanayaasha baarlamaanka Galmudug, waxaa meeshaas ka caddaatay in la diiddan yahay rabitaanka baarlamaanka Galmudug, oo aan hubo iney cod aqlabiyad ah igu dooran lahaayeen haddii aan si xor ah oo xalaal ah u tartarmi lahaa.

Ugu dambeyntii, waxaan ka digayaa cawaaqib xumada ka dhalan karta booobka doorashooyinka iyo ku takarifalka awoodda siyaasadda. Waxaan ugu baaqayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Galmudug, iney had iyo goor u hiilliyaan xaqa Ivo caddaaladda.

Allaa mahad leh.

Madaxii xabsiyada ee Al-Shabab oo u gacan galay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Idiris Cabdullaahi Macalin oo loo garan ogyahay “Food Cade” ayaa waxa uu kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, wuxuuna isku soo dhiibay ciidamada dowladda, sida uu shaaciyey Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60-aad ayaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kusoo bandhigay Sarkaalkan kasoo goostay Al-Shabaab, kaasi oo ahaa madaxii ilaalinta xabsiyada.

Food Cade ayaa waxa uu ka howl-gali jiray degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, wuxuuna xarakada ka tirsanaa muddo lagu sheegay 7 sanno, isagoo oo ka qeyb galay dagaalo faro badan oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Sarkaalkan ayaa dib uga laabtay fikirkii uu hore dadka ugu gumaadi jiray, wuxuuna warbaahinta u mariyey xubnaha kale ee ka tirsan kooxda Al-Shabaab inay isaga soo tagaan oo aan loo adeegsan daadinta dhiiga shacabkooda.

Ma aha markii u horeysay ee ciidamada dowladda ay soo bandhigaan Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo u soo goostay dhanka dowladda, waxayna kusoo aadeysa xili ay socdaan howl-galo ballaaran oo dagaalyahanada kooxdaas looga xoreynayo dalka.

DAAWO: Qoysaska DADKII lagu xasuuqay Sh/Hoose oo diiday in la aaso meydadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dibadda Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho waxaa isu soo bax ka dhigay ehellada toddoba qof oo shalay lagu dilay gobolka Shabeellada Hoose kadib markii uu dagaal dhaxmaray ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Uganda iyo kuwa Al-Shabaab.

Ehellada dadka la laayay ayaa ku eedeeyay ciidamada Uganda inay si bareer ah u dileen toddobada qof oo ay dhamaantood ku sheegeen inay ahaayeen rayid aan waxba galabsan. Ehelladu waxa kaloo ay sheegeen inaan la aasin doonin maydadka inta ay caddaalad ka helayaan.

Maydadka toddobada qof ayaa hadda lagu hayaa qaboojiyaha isbitaalka Digfeer, iyadoo xalayna baaris loogu diray xarunta dambi baarista booliska ee magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah qoysaska dadkii shaley lagu dilay Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in meydadka aanan la aasi doono tan iyo inta caddaaladda ka helayaan.

“Dowladda waa inay kasoo jawaabtaa codsigeena, intaa umadda waxay maanta meeshan isugu timid waa in aan caddaalad helnaa..waxaan usoo banaanbaxnay oo aan meeshan u nimid meydka aan u aasi la’nahay caddaalad baan u baahanahay” ayuu yiri Axmed Maxamuud Xaashi oo walaalkii kamid ahaa dadkii lagu dilay Golweyn.

FILISH oo xilalkii ka qaaday dhowr guddoomiye degmo

0

Muqdisho ( Caasimada Online) – Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, Cumar Maxamed Maxamed (Filish) ayaa maanta xilalkii ka qaaday afar guddoomiye degmo, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisa, taas oo ay aragtay shabakadda wararka ee Caasimada.

Guddoomiyeyaasha xilalka laga qaaday ayaa kala ah guddoomiyaha degmada Xamarweyne Cabdiqaadir Maxamed Cabdiqaadir, guddoomiyaha Kaaraan Abshir Kaaraan, guddoomiyaha Waabari Cabdicasiis Cismaan Jaamac & guddoomiyaha Hiliwaa Cabdixakiin Cumar Cabdulle.

Sidoo kale duqa magaalada Muqdisho ayaa guddoomiyaha cusub ee maamulka degmada Heliwaa u magacaabay, Mire Salaad Dhuxulow, halka ku simeyaal guddoomiye loo magacaabay degmooyinka kale ee Xamarweyne, Kaaraan iyo Waabari ee gobolka Banaadir.

Xilka guddoomiyaha Xamarweyne ayaa waxaa sii heynaya Maxamed Axmed Idow oo ah ku xigeenka dhinaca amniga ee degmadaasi, sidoo kale waxaa sina si kumeel gaar ah xilka guddoomiyaha Waabari loogu magacaabay Jamaal Cali Maxamed isna ah ku xigeenka amniga degmada, halka Kaaraan ku sime looga dhigay Deeq Xasan Sheekow oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga ee degmadaasi.

Tallaabada xilka qaadista ee uu qaaday Cumar Filish ayaa aheyd mid la filayey, isla-markaana si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada ee Internet-ka.

Senatarada Puntland ee Aqalka Sare oo lagu doortay Garoowe + Magacyada

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa maanta lagu qabtay doorashada 11- Senatar ee ka imaanaya dhanka Puntland, waxaana golaha wakiilada maamulkaas ay doorteen xildhibaankii ugu horreeeyey Puntland ee Golaha Aqalka Sare

Doorashada kursigii ugu horreeyey Senatarada Puntland ee la qabtay ee ayaa waxaa ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) oo markale difaacday kursigiisa.

Faroole ayaa noqday Senatarkii ugu horreeyey ee ka soo baxa dhanka Puntland, waxaana la tartamay musharrax Maxamed Cismaan Colaad oo laga adkaaday.

Sida uu shaaciyey guddoomiyaha golaha wakiilada Puntland, Faroole ayaa helay 54 cod, halka musharraxa laga guuleystay ee Colaad uu helay 11 cod, sidaasna waxay guusha ku raacday Senator Faroole oo markale 4 sano ee socota ka mid noqonaya Aqalka Sare.

Cabdiraxmaan Faroole waa madaxweynihii hore ee Puntland, waana siyaasi saameyn mug-leh ku leh Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, waxaana guushiisu ay aheyd mid lasii ogaa oo la saadaalinayey, tan iyo markii uu Saciid Deni kusoo diray liiska musharraxiinta.

Sidoo kale kuraasta kale ayaa doorashadooda loo qabtay qaab codeyn gacan taag ah, kadib markii ay tanaasuleen qaar ka mid ah musharraxiinta tartami ahaa, waxaana doorashada ku soo baxay illaa 11 musharrax oo Puntland ku metalaya Aqalka Sare waxana kala yihiin:

1- Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole
2- Maxamed Cali Yuusuf Gagaab
3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino)
4- Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde)
5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan).
6- Daahir Ayaanle Siciid
7- Farxaan Cali Xuseen
8- Saynab Ismaaciil Maxamed (Tiimbiye)
9- Cabdiqani Geelle Maxamed
10-Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad
11-Sareedo Maxamed Xasan (Jeyte).

Natiijada soo baxday doorashadan ayey aheyd mid hore loo sii ogaa oo loo saadaalinayey xubnaha ku guuleystay oo si aad ugu dhow madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Puntland ayaa noqotay maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Xog: Farmaajo oo heshiis ka dalbaday R/Wasaare Rooble 

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo kala duwan ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu heshiis ka dalbaday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kadib khilaaf culus oo soo kala dhaxgalay labada masuul. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in uu xiriir la sameeyay Rooble kadib markii uu ka jawaabay warqadii dhowaan ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha, kana dalbaday inay xiisadda dejiyaan.

Farmaajo ayaa la sheegay inuusan fileyn jawaabtii uu Rooble bixiyey iyo dhiiranaantiisa, taasi oo wacaa ku abuurtay. Waxaa lagu warramay inuu ka cabsi qabo in haddii ay sii socoto xiisadda, uu Rooble qaadi karo tallaabooyin ay ka mid yihiin inuu xilalka ka qaado taliyayaasha ciidamada, beddelo wasiirada ku dhow Farmaajo, islamarkaana kusii dhowaado xubnaha mucaaradka. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la sheegay inuusan weli u jawaabin Farmaajo, waxaana wararku sheegayaan  inuu cabsi weyn ka qabo Villa Somalia, islamarkaana uu aaminsan yahay in dalabka heshiiska uusan daacad ka aheyn balse kaliya la rabo in lagu damiyo xiisad kadibna loo dhigo qiyaanooyin siyaasadeed culus.

Xog aan helnay ayaa tilmaamaysa in Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu bilaabay in uu digniin u jeediyo dhamaan shaqsiyaadka ku dhow dhow Madaxweyne Farmaajo iyo taliyayaasha ciidamada, islamarkaana uu Madaxweynaha dareemay in culeys badan saaranyahay, kaasoo wax u dhimi kara rajadiisa doorashada Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa soo warinaya in Rooble uusan wali aqbalin dalabkaas islamarkaana uu jawaab ka bixin doono markii uu ka soo laabta dalka Kenya oo shalay ay ugu bilaabatay booqasho rasmi ah, taasoo qeyb ka ah waxyaabihii ay isku fahmi waayeen isaga iyo Madaxweyne Farmaajo. 

GALMUDUG oo shaaca ka qaaday xilliga ay qabaneyso doorashada AQALKA SARE

0

Dhuusamareeb (Caasimada Oline) – Guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee maamulkaasi, kadib markii xalay madaxweyne Qoor Qoor uu shaaciyey liiska lix ka mid ah kuraasta taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug.

Warqad ka soo baxday guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in maanta ay si rasmi ah u billaaban doonto diiwaan-gelinta musharraxiinta liiskooda la shaaciyey ee lixda kursi.

Sidoo kale guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in doorashada xubnahaasi ee Aqalka Sare la qabanayo beri oo ay ku beegan tahay 12-8-2021-ka.

“Iyadoo la fulinayo waajibaadka jadwal ee doorasho heer dowladda dhexe ay soo saareen guddiga dhexe doorashooyinkla (FITT) 16-07-2021 oo ku saabsaneyd qabashada doorashada Aqalka Sare. Haddaba guddiga hirgelinta doorashooyinka Galmudug ee (GSS-SEIT) wuxuu halkan kusoo gudbinayaa jadwalka faah faahsan ee qabashada doorashada Aqalka Sare.” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga doorashada ee Galmudug.

Tani ayaa qeyb ka ah dardar-gelinta doorashooyinka dalka, waxaana Puntland iyo Galmudug ay haatan cagta saareen dhabihii qabashada ee doorashada Aqalka Sare.

Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa horey u guda-galay doorashadan, waxaana Senataro cusub lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ka kala tirsan maamuladaas.

Maxaa dib loogu dhigay kursiga Xaaf iyo Qeybdiid?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa dib u dhigay shaacinta musharraxiinta laba kursi oo ka mid ah sideeda xubnood oo uu maamulkaasi ku leeyahay Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Qoor Qoor ayaa ku dhowaaqay liiska lix ka mid ah kuraastaasi oo ay ku tartami doonaan illaa 12 musharrax, labada kursi ee dhimman ayaa waxaa haatan ku fadhiya Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) & sidoo kale Senator Cabdiwaaxid Cilmi oo loo yaqaan Goonjeex.

Wararka ayaa sheegaya in sababta ugu weyn ee dib loogu dhigay labadan kursi ay tahay in weli la’isku dhagan yahay, isla-markaana uu Qoor Qoor wado wada-tashiyo ku aadan kuraastaas, si xal looga gaaro muranka ka taagan, loona kala saaro musharraxiinta.

Kursi ka mid ah labdaan kursi waxaa ku hardamaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) oo horey digniin culus u jeediyey iyo Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo haatan ku sugan jiida dagaalka, isaga oo doonayo inuu difaacdo kursigiisa.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug laguma shaacin, xilliga rasmiga ah ee lagu dhawaaqi doono musharraxiinta kuraastaas oo ka mid ah kuwa ugu saameynta ee badan, marka loo eegto siddeeda kursi ee taalla magaalada Dhuusamareeb.

Dhinaca kale waxaa kursigiisii waayey guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari), kadib markii laga reebay liiska musharraxiinta, waxaase lagu soo daray saddex ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee iminka, kuwaas oo kala ah, Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer), Yuusuf Geelle Ugaas iyo Samsam Daahir Maxamuud.

Bukhaari ayaa ka mid ahaa Senatorada mucaaradka ah ee sida weyn uga soo horjeedo Villa Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu la safnaa guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli mudooyinkii lasoo dhaafay aad loo hadal hayey muranka ka taagan kuraasta qaar ee Galmudug, waana mida dhalisay in Qoor Qoor uu lasoo daaho liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamay kuraasta Galmudug ee Golaha Aqalka Sare.

Dood weyn oo ka dhalatay $30 milyan oo uu Turkiga ugu deeqay Soomaaliya

0

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkiga ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ugu deeqday 30 milyan oo dollar, taasi oo ay kala kulantay dhaleeceyn xoog leh kadib markii ay arrintaan kusoo aaday marki ay dhawaan Dowladda Turkiga sheegtay inaysan heysan wax diyaarad dab-damis ah xilli dhowr magaalo oo ku yaal dalkaas uu ka kacay dab xoog leh.

Lacagta ay Ankara ugu deeqday Soomaaliya, oo bil walba la bixin doono 2.5 milyan oo dollar illaa muddo sanad ah, ayaa loo adeegsan doonaa “kabidda miisaaniyadda iyo dhisidda xarumaha Dowladda,” waxayna qeyb ka tahay heshiis ay labada dal kala saxiixdeen bishii hore.

Tan iyo markii uu Turkiga sanadki 2005 u aqoonsaday “Sannadka Afrika,” Turkigu wuxuu si xooggan ula shaqeeyay Soomaaliya, wuxuuna kor u qaaday xiriirka labada dhinac ee siyaasadda, Militariga, Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.

Taageerada Turkiga uu siiyey Soomaaliya ayaa waxay dhiirigelisay fikirka iyo rabitaanka Ankara ee ah inay kor u qaaddo saamaynta juqraafi ahaan, laakiin qaar ka mid ah indha -indheeyayaasha ayaa su’aal geliyey illaa inta ay socon karto saameyntiisa Gobolka marka la eego duruufaha dhaqaale ee Turkiga.

Dowladda Turkiga ayaa lixdii sano ee lasoo dhaafay waxay Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareyso 117 Milyan oo Dollar, waxaana xusid mudan in Turkiga uu sanadkii lasoo dhaafay iyadoo ay jirto dhaqaale xumo ka dhalatay cudurka COVID19 inuu gacan ka geystay deyn-cafinta Soomaaliya isagoo ballan qaaday ku dhawaad $ 2.4 Milyan, wuxuuna kamid noqday 116 dal oo gacan ka geystay deyn cafinta.

Sanadkii lasoo dhaafay, dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya usoo dhoofisay ganacsi qiimo ahaan gaaraya $272.76 milyan halka shirkadaha laga leeyahay Turkiga ay Soomaaliya ku maal gashadeen $100 milyan.

Saldhigga milatari ee ugu weyn ee Turkigu ku leeyahay dibadda ayaa ku yaalo Soomaaliya, waxaana halkaas lagu tababaraa askar Soomaaliyeed. Si kastaba ha ahaatee deeqdii ugu dambeysay ayaa qaar ka mid ah dadka Turkiga waxay ku tilmaameyn inay tahay mid xad dhaaf, maadaama ay kusoo aaday xilli Dowladda Turkiga ay awoodi la’dahay inay soo iibsato diyaarado lagu caawiyo dadaallada dab -damiska.

“Wadar ahaan lix diyaaradood oo dab-damis ah ayaa lagu iibsan lahaa lacagtan,” ayuu yiri Alpay Antmen oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Republican People’s Party.

Qaar kale oo ka tirsan dadka Turkiga ayaa soo dhoweeyay deeqdan oo ay ku tilmaameyn inay tahay mid wax badan u tari karta dal muddo tobanaan sano ah la il darnaa macluul, abaaro iyo dagaallo sokeeye.

Cabdirashiid Xaashi oo horey usoo noqday wasiir iyo agaasimihii hore ee Machadka Heritage ee Daraasaadka Siyaasadda, oo ah hay’ad cilmi baaris ku leh Soomaaliya, ayaa sheegay in inta badan kheyraadka qaranka ee dalka la geliyo meelaha mudnaanta leh, sidaas darteedna maalgelinta istaraatiijiyadeed ay dhaqaale uga baahan tahay dibadda.

“Taageerada miisaaniyadda ee $ 30-ka milyan ah ee Turkigu ku bixinayo dadaalka dowlad-dhisidda Soomaaliya waa mid ka mid ah maalgelinta, waxayna micno weyn u leedahay Soomaaliya, oo u aragta Ankara inay tahay mid ka mid ah xulafadeeda ugu dhow,” ayuu u sheegay Arab News.

“Turkigu wuxuu u arkaa inuu dib ugu soo laabanayo maalgashigiisii Soomaaliya oo ahaa qaab mug weyn oo ganacsi oo u dhexeeya labada dal,” ayuu Xaashi ku daray.

Sanadkii la soo dhaafay, shirkad Turki ah ayaa saxiixday qandaraas 14 sano ah oo lagu maamulayo laguna hagaajinayo dekedda caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Soomaaliya waxay sidoo kale kaalmo ka heshaa Ankara, gaar ahaan mashaariicda horumarinta iyo arrimaha bulshada, iyadoo loo marinayo Wakaaladda Iskaashiga iyo Xiriirinta Turkiga.

Turkiga ayaa isbitaal ka dhistay dalka, wuxuuna dib u dhisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda.

Soner Cagaptay, oo ah aqoonyahan Turki ah oo ka tirsan Machadka Washington ee Siyaasadda Bariga -dhow, ayaa sheegay in ballaarinta Turkiga ee Afrika ay tahay arrin mudan in lagu ammaano Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

“Turkigu runtii wuxuu iska indho tiray Afrikada ka hooseysa Saxaraha inta badan ilaa uu ka imaaday Erdogan,” ayuu u sheegay Arab News.

QOOR QOOR oo shaaciyey liiska musharaxiinta 6 kursi oo ka mid ah Aqalka Sare

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta 6 ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. 

Qoor Qoor ayaa dib u dhigay shaacinta musharaxiinta laba ka mid ah kuraasta, oo ay ku kala fadhiyaan Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.

Waxa uu Qoor Qoor meesha ka saaray guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Abshir Bukhaari, hase yeeshee wuxuu liiska kusoo daray saddex ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee iminka.

Xubnaha lasoo celiyey waxa ay kala yihiin Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, iyo Samsam Daahir Maxamuud. 

Waxaa sidoo kale liiska ku jira xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed oo hadda ka tirsan golaha shacabka, kana mid ah taageerayaasha Farmaajo, kaasi oo loo soo wareejiyey Aqalka Sare kadib markii beeshiisa ay sheegtay inuusan kursi ka heli doonin. 

LIiska musharaxiinta iyo sida ay isugu aadayaan ayaa kala ah:

1- Cabdi Axmed Dhuxulow iyo Nuur Xasan Guutaale
2- Yuusuf Geelle Ugaas iyo Daahir Faarax Fiidow
3- Saciid Siyaad Shirwac iyo Maxamed Daahir Maxamed
4- Samsam Daahir Maxamuud iyo Farxiya Maxamed Guure
5- Cabdixakiim Macallin Axmed iyo Ismahaan Cabdi Xuseen
6- Duniyo Maxamed Cali iyo Qadra Cabdullahi Isxaaq

Garoonka Baydhaba oo laga dhax dhisay xabsi loogu talo-galay mucaaradka – Xog

Baydhaba (Caasimada Online) – Dhowaan waxaa magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay laga dhisay xabsi ku yaalla gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada, kaas oo ay soo baxayaan warar dheeraad ah oo ku saabsan ujeedada laga leeyahay. 

Siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo xubno kamid ah hay’adaha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in uu jiro xabsigaas, islamarkaana loo qorsheeyay in lagu xiro dadka ka soo daga garoonka iyo kuwa ka duulaya ee maamulka u arko in ay halis ku yihiin ammaanka.

Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan siyaasiyiinta mucaaradka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta gudaha Muqdisho u xaqiijiyay jiritaanka xabsiga iyo walaaca ay qabaan Murashaxiinta mucaaradka ah. 

“Waxaan xaqiijinayaa in dhowaan xarigga laga jaray xabsi weyn oo ku dhax-yaala garoonka Shaati Gaduud ee magaalada Baydhaba, waxaana loogu talagalay siyaasiyiinta ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Lafta-gareen,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal oo la hadlay warbaahinta Muqdisho. 

Maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa lagu tilmaamaa in uu yahay maamul aad u caburiya dadka aan ku aragtida aheyn hoggaanka Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. 

Lafta-gareen sidoo kale waa madaxweyne goboleedka ugu daacadsan taabiciyiinta Farmaajo, waxaana la filayaa in xildhibaanada Koonfur Galbeed badankood uu ka dhigo kuwa uu soo qoranayo Farmaajo.

Musharraxiin tanaasulay, ka hor doorashada Puntland ee Aqalka Sare ee Soomaaliya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xarunta baarlamaanka Puntland waxaa haatan ka socota hadal jeedinta musharraxiinta u taagan ka mid ah noqoshada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, kuwaas oo uu horey u shaaciyey madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Sentorada khudbadahooda jeediyey waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Mudane Cabdiraxmaan Faroole oo markale doonaya inuu difaacdo kursigiisa Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Faroole ayaa khudbadiisa uga hadlay arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda dalka iyo tan Puntland, wuxuuna kadib ka codsaday golaha wakiilada inay codkooda siiyaan.

Aamino Jaamac Ibraahim ayaa sidoo kale hadal kooban oo ku aadan musharraxnimadeeda ka jeedisay golaha, taas oo muddo fog ka soo shaqeynesay arrimaha bulshada, waxayna si xushmad leh xildhibaanada Soomaaliyeed ee Puntland uga codsatay inay siiyaan codkooda.

Sidoo kale goobta waxaa ka hadlay musharraxiinta kala ah Kowsar Cabdullaahi Xirsi iyo Maxamed Geed Maxamuud oo shaaciyeyn inay tanaasuleen, iyaga oo u mahadceliyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Deni & baarlamaanka Puntland.

Kowsar ayaa u tanaasushay madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Mudane Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab), halka Maxamed Geed Maxamuud uu u tanaasulay wasiirka dekedaha maamulkaasi, Mudane Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino).

Doorashada ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay ka bilaabato Garoowe, si loo doorto 11 Senator oo ay Puntland ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Puntland ee xubnaha AQALKA SARE

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa haatan ka socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada Aqalka Sare oo maanta ka dhaceysa gudaha magaaladaasi oo xarun u ah maamulka Puntland.

Sida qorshaha uu yahay xildhibaanada Puntland ayaa maanta dooran doono 11-ka Senator ee ka imaanaya maamulkaasi, waxaana u tartamaya illaa 22 musharrax oo kala ah:-

Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (faroole), Maxamed Cusmaan Colaad, Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab), Kawsar Cabdulaahi Xirsi, Maxamed cabdi cisman (Majiino), Maxamed Geedi Maxamuud, Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade), Cabdulahi Maxamed Xaashi Nuur, Cabdisamad Yusuf Maxamed (Abwaan), Ismacil Mire Muumin, Daahir Ayaanle Saciid, Maxamed Cumar Maxamed, Farxaan Cali Xuseen, Hodan Isxaaq Maxamed, Saynab Ismacil Maxame, Amina Jamac Ibraahim, Cabdiqani Geele Maxamed, Cabduqadir Maxamad Yusuf, Samiro Maxamuud Xaaji Cawad, Nacima Axmad Bakar, Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yusuf Jamac.

Xubnaha tartami doono ayaa waxaa ku jira siyaasiyiin haatan xilal ka haya Puntland, sida wasiirka warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde), wasiirka dekedaha Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamed Abwaan.

Dhinaca kale ammaanka ayaa loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay meelaha muhiimka ah ee magaalada Garoowe.

Puntland ayaa noqoneyso maamulkii saddexaad ee qabta doorashada Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo doorashadaas bilaabay Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Qodob ku saabsanaa badda oo laga saaray war-saxaafadeedkii Uhuru iyo Rooble kadib carada Soomaaliya

Mombasa (Caasimada Online) – Madaxtooyada Kenya ayaa beddeshay jumlad ku saabsan arrinta badda oo ku jirtay war-saxaafadeedkii laga soo saaray kulanka Rooble iyo Uhuru Kenyatta kadib markii ay ka caroodeen wafdiga Soomaaliya.

Qodobkaas ayaa u dhignaa sidan: “Wuxuu [Uhuru] soo dhoweeyey soo celinta xiriirka diblomaasi ee labada dal, wuxuuna ku baaqay xal saaxiibtinimo ah oo laga gaaro muranka badda.”

Waxaa hadda ay u beddeshay sidan: “Wuxuu [Uhuru] soo dhoweeyey soo celinta xiriirka diblomaasi ee labada dal, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda xasiloonida qaranka iyo horumarinta gobolka, isaga oo sheegay kobac dhaqaale uu suurta-gal ka yahay kaliya deegaan nabad ah.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in war-saxaafadeedka oo lagu daabacay website-ka madaxtooyada Kenya aysan waxba ka ogeyn wafdigii Soomaalida, markii ay ka war heleenna ay dalbadeen in laga saaro, Kenyan-kuna ay aqbaleen. 

Mas’uuliyiinta Soomaalidu iyagu waxay horey ugu adkaysteen in muranka badda ay dhagaysatay maxkamadda caalamiga ah ee garsoorka ayna go’aanka maxkamadda uun sugayaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah wafdiga Ra’isul Wasaare Rooble ayaa “Inta aan ku jirno safarka Kenya, ka mid maahan in laga hadlo ama dib loo furo arrimaha khuseeya badda, oo ah kiis dhammaaday oo maxkamaddu go’aankeeda sii deyn doonto. Soomaaliya, Kenya, iyo Midowoga Africa midkoodna uma furna inay ka hadlaan kiiskan ilaa Maxkamaddu go’aankaas gaarto.”

Sawirro: Bayaan laga soo saaray kulankii Mombasa ee Rooble iyo Uhuru Kenyatta

0

Mombasa (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa maanta aqalka madaxtooyada Kenya ee magaalada Mombasa kulan kula yeeshay wafdigii ka socday dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, waxaana bayaan kasoo baxay madaxtooyada Kenya lagu shaaciyey in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dib loo soo celiyo xiriirka Kenya iyo Soomaaliya.

Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay in ay muhiim tahay in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyo badan sida amniga, ganacsiga iyo maalgashiga, iyadoo si buuxda loo hirgelinayo guddiga wadajirka ah ee iskaashiga, kaas oo labada dowladood ay ku heshiiyeen in la aas-aaso sanadkii 2015-kii.

Sidoo kale Uhuru Kenyatta ayaa soo dhoweeyay dadaallada Rooble ee soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, isagoo ku baaqay in si wanaagsan loo xalliyo muranka soohdinta badda, balse baaqaas Ra’iisul wasaare Rooble ma aqbalin, isagoo cadeeyey in wax wadahadal ah aysan ka geli doonin arrinta badda, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

“Waa inaan xoogga saarno u adeegidda dadkeenna. Tani waxay suurtogal noqon kartaa oo kaliya haddii aan si wadajir ah uga wada shaqeyno sidii aan u cirib tiri lahayn argagixisada. Waxaa la joogaa waqtigii la hagaajin lahaa ganacsiga oo la xallin lahaa arrimaha socdaalka, si loo oggolaado is-dhexgalka dadka iyo dadka,” ayuu yiri Madaxweynaha Kenya.

Sida lagu sheegay bayaankaan ay baahisay madaxtooyada Kenya Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa cadeeyey in xiriirka xumaaday ee labada dowladood laga haboonaa, isagoo sheegay in saaxiibtinimadu ay ku dhisan tahay “deris wanaag, iskaashi, xasilooni iyo is ixtiraam.”

“Maanta waa bilowgii xiriir xooggan oo qoto dheer oo walaaltinnimo. Soomaaliya waxay ku dadaali doontaa sidii loo xoojin lahaa Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga oo dan u ah labada shacab, midnimadooda iyo xasiloonidooda iyo wixii ka baxsan gobolka iyo qaaradda,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan raadin doonnaa fursado horseeda xasillooni waarta iyo wada noolaansho nabdoon oo ku dhisan is ixtiraam iyo iskaashi dhab ah, annaga oo ka fogaaneyna wax kasta oo dhaawici kara xiriirkaas.”

Wararkii ugu dambeeyey ee SHACABKII ay xasuuqeen ciidanka Amisom (Dhageyso)

0

Golweyn (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dad badan oo shacab ah oo ciidamada AMISOM ay galabta ku dileen deegaanka ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo markii dadkaas ay dileen kadib miino ku qarxiyey meydkooda.

Guddoomiyaha deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose Maadey Sheekh Cusmaan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyey geerida 7-qof oo ciidamada AMISOM ay gelinkii dambe ee maanta ku dileen deegaan lagu magacaabo Faarax oo 4-KM u jira Golweyn.

Afar ka mid ah dadka la dilay waxay ciidamada AMISOM ka soo dhex wateen beer ay ka shaqeynayeen oo ku taalla deegaanka, halka seddaxda kale ay ku howlanaayeen sameynta gaari uga halaabay deegaanka uu falkaan ka dhacay oo magaciisa lagu sheegay ‘Faarax’.

Guddoomiye Maadey waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay isku dayeen in taliska AMISOM ee deegaankaas ay kala hadlaan falkaan ay ku beegsadeen dadka rayidka ah, balse ay diideen inay kala hadlaan.

“Todoba qof ayay dileen ciidanka AMISOM seddax ka mid ah makaanik ayay ahaayeen oo u yimid sameynta gaari goobta ku halaabay, halka afarta kale ay yihiin dadka deeganka. Maamulka deegaanka wuxuu isku dayey in Taliska AMISOM ee Golweyn lagala hadlo dadkii ay dileen, hase yeeshee saraakiisha AMISOM ee joogta Golweyn weydiideen kulankaas,” ayuu yiri Guddoomiyaha Golweyn Maadey Sheekh Cusmaan.

Ciidamada AMISOM markii ay dileen dadkaan waxay isugu keeneen hal goob, kadibna waxay ku qarxiyeen miino, sida ay dadka deegaanka u xaqiijyeen Caasimada Online.

Aabe Maxamed Yoonis Aadan oo dhalay wiil ka mid ahaa todobada qof ee la dilay ayaa warbaahinta u sheegay, “Wiilkeyga iyo 6-qof oo kale ayay ciidanka AMISOM qabteen oo ay garbaduub u xireen, kadib goobta ayay ku dileen, dadka la dilay waxaa ku jiray qoysii iska lahaa beerta uu wiilkeyga ka shaqeynayay iyo dhallinyaro kale oo gaari goobta uga halaabay, markii ay toogteen kadib waxa ay dulgeeyeen miino waana ku qarxiyeen, meydadkooda aad ayey u googo’een, waxaan dowladda Soomaaliya ka codsaneynaa in dadkeenii la laayey ay cadaalad helaan.”

Caasimada Online waxay ogaatay in askarta AMISOM ee galabta dishay dadkaan rayidka ah ay weerar jid gal ah oo culus kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, intii ay u soo socdeen fariisin weyn oo ay ku leeyihiin Golweyn.

Hoos ka dhageyso wareysiyada guddoomiyaha iyo Aabaha dhalay wiil ku jiray dadkii la dilay.

Xog: Saciid Deni oo kursiga Jambeel Koombe u wareejiyey Majeerteen + Liiska beelaha

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa soo saaray liiska aqalka saree e BF u matali doona maamulkiisa, liiskan oo aaney kasoo dhex muuqan Sanatarro waa waaweyn, sida Cumar Cabdirashiid, Cabdirisaaq Jurille iyo Maxamuud Mashruuc.

Waxaa kale oo xusid mudan in kursiga beesha Jambeel Koombe ku laheyd aqalka sare loo wareejiyey beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen, teeda kale kuraasta haweenka loo xiray, hal kursi ayaa Majeerteen ah halka labada kale ay yihiin Warsangeli iyo Dhulbahante.

Labo Senator keliya ayuu kasoo celiyey baarlamaankii 10-aad isaga oo badalay sagaalka kale. Labada uu soo celiyey waa Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Farxaan Cali Xuseen.

Haddaba waa kuwan faah-faahinta kuraasta Aqalka Sare ee liiska cusub

Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole), oo ah Senator ku fadhiya kusriga sumadiisu tahay UH52, oo ay leedahay beesha Ciise Maxamuud oo ka tirsan Majeerteen ayaa mar kale kusoo baxay liiska musharaxiinta aqalka sare ee federaalka ah ee laga soo dooranayo Puntland, waxaa la tartami doona Maxamed Cismaan Colaad.

Farxaan Cali Xuseen, oo ah Senator ku fadhiya kursiga sumaddiisu tahay UH11, oo ay leedahay beesha Leelkase ayaa sidoo kale ka mid noqday liiska musharaxiinta ee uu Puntland kasoo saaray madaxweyne Deni, waxaa hadda la tartameyso Hodan Isxaaq Maxamed.

Senator Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu ahaa UH41, oo aheyd laheyd beesha Cusmaan Maxamuud ayaa inkasta oo isla beesha la siiyey, haddana isaga laga reebay, kursiga hadda waxaa ku tartami doona Daahir Ayaanle Siciid iyo Maxamed Cumar Maxamed.

Senator Cabdirisaaq Cismaan Jurile oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu ahaa UH27, oo ay laheyd Dashiishe ayaa isla beesha lagu celiyey, laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya kusriga Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo Maxamed Geedi Maxamuud.

Senator Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu aheyd UH39, ee Beesha Cali Saleebaan, Majeerteen ayaa isla beesha lagu celiyey laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) iyo Ismaaciil Mire Muumin.

Senator Siciido Xasan Cismaan oo ku fadhisay kursiga sumadiisu aheyd UH23 ee beesha Warsangeli ayaa laga reebay liiska aqalka sare, waxaana kusoo baxay gabdho ay isku beel yihiin sida Seynab Ismaaciil Maxamed iyo Aamina Jaamac Ibraahim.

Senator Hodan Maxamuud Cismaan oo ku fadhisay kursiga summadiisu tahay UH40, oo ay laheyd beesha Dhulbahante ayaa inkasta oo isla beesha la siiyey hadana iyada laga reebay liiska aqalka sare, waxaa hadda ku tartami doona Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad iyo Naciimo Axmed Bakar.

Bootaan Barre Samatar oo isna ku fadhiyey kursiga summadiisu aheyd UH42, oo ay laheyd Jambeel Koombe ayaa laga reebay liiska aqalka sare, waxaa hadda tartami-doona Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yuusuf Jaamac, oo u dhashay beesha Maxamuud Ibraahim ee Majeerteen.

Senator Shukri Aadan Maxamed oo ku fadhisay kusriga sumaddiisu ahaa UH28 ee ay leedahay beesha Cumar Maxamuud, Majeerteen ayaa beesha lagu celiyey balse iyada laga reebay, waxaa hadda ku tartamaya Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab) iyo Kowsar Cabdullaahi Xirsi.

Senator Cabdisalaan Xaaji Maxamuud oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu tahay UH25, ee Dhulbahante ayaa isla beesha kusriga lagu celiyey balse isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) iyo Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur.

Senator Mahdi Daahir Sheekh Nuur oo ku fadhiyey kursiga sumaddiisu tahay UH 36, ee ay leedahay Awrtable ayaa isla beesha la siiyey, laakin isaga ayaa laga reebay liiska, waxaa hadda ku tartamaya Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Cabdiqaadir Maxamed Yuusuf.

Waxaa xusid mudan in madaxweyne Deni uu liiska aqalka sare ku daray siddeed gabar, oo saddex kursi si gaar ah loogu xiray, oo ay ku iyaga uun ku tartamayaan, halka labo kursi ay rag kula tartami doonaan.

Dhanka kale, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Gudoomiyaha golaha wakiilada dowlad gobaleedka Puntland ayaa soo saaray ilaa 5 xubin oo ka tirsan golihiisa, kuwaas oo hoggaamin doona doorashada aqalka sare, waxaana guddoomiye u ah guddiga Xildhibaan Axmed Jaamac Cabdulle

Waxaa sidoo kale xubno ka ah Xildhibaan Sharma’arke Cilmi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Jaabiri, Xildibaan Cabdirisaq Sahal, Xildhibaan Cabdiqani Faarax.

Murasharaxiinta aqalka sare ayaa lagu wadaa in berri oo arbaco ah ay hortagaan golaha wakiillada Puntland, iyaga oo khudabadaha jeedin doona, waxaana la filayaa in doorashada isla berri ay dhacdo.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye iyo Yaxye Soocadde