27 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada oo si lama filaan ah u beddelay mowqifkiisii doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka, oo muddo ku adkeysanayey qabashada doorasho aan heshiis lagu aheyn, ayaa u muuqda inuu beddelay mowqfikiisa, sida ka muuqata qoraal caawa kasoo baxay.

Guddiga, oo ku xiran madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana saddex goor ku fashilmay jadwal doorasho oo uu soo saaray, ayaa qoraalka caawa kasoo baxay ku caddeeyey inuu ka war-sugayo in dhinacyada isku haya doorashada dalka ay marka hore ku heshiiyaan.

“Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiha.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay inay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay.”

Guddiga lagu muransan yahay ayaa ugu dambeyn sheegay inuu bogaadinayo dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorashada lagu heshiiyey.

Ma cadda sababta keentay isbeddelka mowqif ee guddiga hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay beesha caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah, iyo maamul goboleedyadii ku xirnaa Villa Somalia ee la rabay inay doorashada billaabaan oo ka cago jiiday.

Khilaafka ugu weyn ee ka taagan doorashada ayaa salka ku haya guddigan, waxayna musharaxiintu ku adkeysanayaan inay ku jiraan xubno laga soo kala xulay NISA iyo shaqaalaha dowaldda, sidoo kale arrinta gobolka Gedo iyo hanaanka doorashada kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi ayaa la isku hayaa.

 

Maxaa kasoo kordhay xaaladda R/W Abiy Axmed?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, xilli maalmihii la soo dhafay baraha bulshada dalkaas la isla dhexmarayay warar ku saabsan xaaladiisa caafimaad.

Bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa lasoo dhigay qoraallo uu ku amaanayo hogaamiyeyaasha maamullada Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa madaxda maamulladaas ku ammaanay tageerada ay u muujiyeen dowladda dhexe ee Itoobiya, waxayna dhawaan xukuumadiisu soo afjartay dagaal ay ku qaaday gobolka Tigray, kaas oo meesha looga saaray maamulkii TPLF ee maamuli jiray gobolkaas.

Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa la waayay warka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, maadaama aanan lagu arkin fagaarayaasha ama baraha bulshada, waxayna bulshada dalkaas muujiyeen tuhunno badan.

Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa baraha bulshada ee Internet-ka maalmihii la soo dhaafay ku faafiyey warar kala duwan oo la xariira xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaare Abiy.

Hey’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, oo xalay qoraal soo saartay ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku faafiya waxay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha.

Warka hanjabaada ah hey’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa sii abuuray hadal heyn hor leh, waxaana ka dhashay weydiimo ah halka uu jiro Abiy Axmed.

Wararka ugu badan ee laga faafiyey Abiy Axmed waxay sheegayeen in dalka dibadiisa loogu qaaday caafimaad, si gaar ah dalka Talyaaniga, balse dowladdu waa beenisay welina sooma bandhigin xaqiiqooyin tuhunka jira looga qanciyo dadka.

Daawo: Gabar 8 jir aheyd oo lagu kufsaday kadibna lagu dilay duleedka Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidamada booliska Soomaaliya ayaa war ka soo saaray nin la sheegay inuu kufsi iyo dil duleedka Muqdisho ugu geystay gabar 8 sano jir aheyd, kaas oo hatan ku jira gacanta hey’adaha ammaanka.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jara’id ku qabtay xaruunta dambi baarista booliska ee CID-da, ayaa sheegay in baaritaano ay ku socdaan ninkaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ninka la hayo uu qirtay dilka iyo kufsiga loo geystay gabadha yar, isla markaana dhawaan cadaaladda lasoo taagi doono.

Afhayeenka ayaa sheegay in ninkaas lagu magacaabo Bashiir Maxamed Qaasim, waxuuna falkaas ka dhacay deegaanka Calamada ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dhacdada lagu dilay gabadhan oo saacadihii lasoo dhaafay si aad ah baraha bulshada loogu faafiyey ayaa noqotay mid laga argagaxay, waxayna gabadha yar aheyd Agoon.

Goortii la dilayey gabadha hooyadeed ayaa ka maqneed xaafadda, waxayna warbaahinta u sheegtay inay aaday deegaanka Ceelasha Biyaha, si ay dharka ugu soo dhaqdo cidaha, waxayna shaqadaas ku  maarey jirtay noloshooda.

Hoos ka Daawo Afhayeen

Xog cusub oo laga helayo baaritaanka lagu hayo dilka guddoomiyihii D/Hodan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan booliska Soomaaliya islamarkaana ku dhow xarunta dambi baatista ee CID, ayaa Caasimada Online sheegay in warar hordhac ah laga helay baaritaanka dalkii guddoomiyaha degmada Hodan. 

Saraakiisha booliska ee xiran iyo ciidanka booliska ee falkaas loo qabtay ayaa sheegay in gaariga ay ku qaldameen islamarkaana ay raadinayeen gaari qaad wada. 

Saraakiisha iyo ciidanka xiran oo mid mid loo wareestay ayaa qirtay dilka iyo bixinta amarka balse ay waxey sheegeen laba qodob oo kala ah. 

1- In ay qabeen amar ah in la soo qabto gaari qaad wado oo Muqdisho ku jiro, kaas oo baadi goob lagu hayey. 

2- Iyo markii la istaajiyay gaariga guddoomiyaha ay rasaas rideen ciidankii la socday, inkaatoo qodobkaan dood adag wali ka taagan tahay, islamarkaana aan loo hayn wax caddeyn ah.

Baaritaanka kiiskaan ayaa aad u adag waxaana ku soo jeeda indhaha dowladda oo dhan iyo xubno siyaasiin ah oo ku beel ah marxuumka ah, kuwaas oo raba in xukunka si cadaalad ah u dhaco. 

Dilka guddoomiyaha degmada Hodan ayaa bar madow ku reebay gudaha hay’adaha dowlada, waxaana kordhay cabsida ay qabaan shaqaalaha iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Gobolka Banaadir.

Baaritaanka kiiska ayaa weli socda, waxaana la filayaa in dhowaan laga soo saaro warbixin rasmi ah. 

Madaxweyna Lafta-Gareen oo dalka kusoo laabtay, direyna hanjabaad culus

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaas, kadib safar uu ugu maqnaa maalmihii u dambeeyay dalka Turkiga.

Lafta-Gareen ayaa ka hadlay xaalada amni ee deegaanada maamulka Koonfur Galbeed iyo howl-galadii u dambeeyay ee qaadeen ciidamada Koonfur Galbeed oo gacan ka helaya kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu ku baaqay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isagoona hanjabaad hawada u mariyay dagaalamayaasha kooxdaasi, oo uu sheegay inuu maamulkiisu u diyaarsan yahay la dagaalanka ururka Al-Shabaab, oo muddooyinkii dambe dhaq-dhaqaaq xoogan ka waday deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxa uu u hambaleeyay howl-galadii ay sida wada-jirka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed uga fuliyeen deegaanka Seydheelow ee Gobolka Baay, oo la sheegay in 7 dagaalame oo kooxda Al-Shabaab lagu dilay.

Deegaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxay go’doon geliyeen deegaano ka tirsan maamulkaas, iyada oo mararka qaar ay ka fuliyaan weeraro ka dhan ah amaanka.

Maamulka Koonfur Galbeed ee hogaamiyo Lafta-Gareen ayaa muddooyinkii dambe bilaabay dar-dar gelinta dagaalka Al-Shabaab, iyada oo ay xusid mudan tahay in uu dhawaan tagay magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool  oo xaalad adag oo go’doomin ah ay ka jirtay.

Sawirro: Britain oo wasiir sare usoo dirtay Muqdisho – Muxuu kala hadlay Farmaajo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalak Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Wasiirka Difaaca Boqortooyada UK, Ben Wallace oo booqasho ku yimid dalka.

Kulankaan oo uu qeyb ka ahaa Safiirka UK ee Soomaaliya, Ben Fender ayaa waxa diirada lagu saaray iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaalanka argagixisada, oo faro ba’an ku haya Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay Wasiirka difaaca Boqortooyada UK qorsheyaasha hirgalay ee dowladda federaalka Soomaaliya ay ka xaqiijisay hannaanka dib u dhiska Ciidamada, amniga, dib u heshiisiinta iyo la dagaallanka argagixisada Al Shabaab, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Wasiirka Difaaca Boqortooyada UK ayaa isagna dhankiisa bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsadeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan dib u dhiska ciidamada iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Xasan Xuseen Xaaji oo kulankaasi ka qeyb-galay ayaa ugu dambeyntiina ka warbixiyey kulankaas, wuxuuna sheegay in la isla qaatay adkeynta iskaashiga labada dal ee dhanka Amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an adkeynta amniga dalka iyo ciribtirka Argagixisada Alshabaab, iyadoo kaashaneysa saaxiibbadeeda caalamka ee ay UK ka mid tahay,” ayuu yiri Wasiir Xasan Xaaji.

Waxa uu intaas kusii daray “Labada dowladood waxa ay isla qaateen dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada, kor u qaadidda tababarrada iyo hannaank dib u dhiska ciidamada Qaranka Soomaaliyeed.”

Kenya oo jawaab ka bixisay warbixintii guddiga IGAD uu kasoo saaray khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa soo dhoweysay warbixin ay soo saareen guddiga xaqiiqda raadinta ee ururka goboleedka IGAD uu u diray xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya.

Guddigaas, oo xuduudda labada dal booqday intii u hdaxeysay 9-kii iyo 13-kii Janaayo, ayaa sheegay inay wax caddeymo ah u waayeen inta badan eedihii ay Soomaaliya u jeedisay Kenya, waxayna yiraahdeen “Guddigu wuxuu u arkaa cabashooyinka ka yimid Dowladda Soomaaliya, oo qaarkood soo jireen ahaa, inaysan u muuqan inay ku filnaan karaan in loogu cudur-daaro in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa sheegtay in guddiga la siiyey, intii lagu guda jiray howlgalka xaqiiqo raadinta, caddeymo aan dood laga keeni karin “oo Kenya ka bari yeelaya dhammaan eedaha loo jeediyey.”

Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in warbixinta guddiga ay caddeyn u tahay in eedeymaha Soomaaliya ay ka dhanka ah Kenya ay yihiin “kuwa aan sal laheyn”.

Waxay kale oo intaas ay ku dartay inay caddeyn u tahay in go’aanka ay Soomaaliya xiriirka ugu jartay Kenya uu ahaa mid qiil laheyn oo saameyn taban ku yeeshey Soomaalida gargaarka iyo adeegyada kale u raaadsada Kenya, howlgalka Amisom iyo nolosha shacabka labada dal.

“Waxaa taas kasii muhiimsan in hadda ay caddahay in xasaradaha ay abuurtay Soomaaliya aysan horumarineyn aragtida IGAD ee ah ku guuleysashada nabadda, baraaraha iyo is-dhexgalka gobolka,” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda arrimaha dibedda Kenya.

“Warbixintan waa warbixin dhex-dhexaad ah oo soo afjareysa arrintan. Kenya lugaha looma gelin doono olole mas’uuliyad darro ah, oo ujeedkiisa guud uu yahay in guul siyaasadeed oo gudaha ah lagu gaaro.

Ciidamo militari ah oo lagu laayay duleedka Balcad

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Wararka naga soo gaaray gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in duleedka degmada Balcad lagu dilay ciidamo millateri ah oo marayay halkaas.

Wararka hordhac ah ee aan ka helayno weerarkaasi ayaa sheegaya in ciidamada millaterigu ay ku socdaalayeen duleedka Balcad, iyaga oo watay baabuur, waxaana lagu soo waramayaa in laga dilay ugu yaraan toban ka tirsan ciidankaas.

Weerarkan oo gaadmo ahaa ayaa waxaa sidoo kale lagu gubay baabuur la sheegay inuu usoo gurmaday ciidamada millateriga oo xiligaasi la kulmay weerarka ay uga dhinteen toban kamid ah.

Ilaa hadda majirto faah-faahin rasmi ah oo kasoo baxeysa weerarkaas lagu qaaday qaar kamid ah ciidamada millateriga. Mana jirto ilaa hadda cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaas.

Weerarkan noocan oo kale ah ayaa inta badan waxa fuliya dagaalyahanada Al-Shabaab, oo iyagu dagaal adag kula jira ciidamada dowladda, inkasta oo ay ilaa hadda jirin sheegasho dhankooda ah.

Wixii kasoo kordha weerarkan isha ku hay Caasimada Online.

Xog: Maamul goboleedyada iyo DF oo u hogaansamay cadaadiska B/CAALAMKA

Baydhaba (Caasimada Online) – Xog ah heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in dowladda federaalka Soomaaliya, maamul gobaleedyada iyo xubnaha beesha caalamka ay isku raaceen in 1-da bisha Febraayo ee sanadkaan shir isugu yimaadaan, kadib cadaadis xooggan oo beesha caalmka ay saartay dhinacyada Soomaalida.

Shirkaas ayey u badan tahay in lagu qabto magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Baay, inkasta oo weli aan taas si rasmi ah la  isugu raacin.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in shirkaan diirada lagu saari doono arrimaha doorashada Soomaaliya iyo xal u helida qodobada muranka ka taagan yahay ee doorashada dalka.

Wararka aan helnay ayaa tilmaamayo in aan ilaa hadda heshiis la gaarin doorashada, islamarkaana wali ay jiraan caqabado ku hor gudbin waan waanta ay wadaan xubnaha beesha caalamka.

Shirkan ayaa imanaya ayada oo wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan uu booqasho ku tegay caasimadaha maamul goboleedyada, si uu madax goboleedyada ugu cadaadiyo inay heshiis ka gaaraan doorashada.

Sidoo kale, Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal.

Lama oga sida ay ku dameyn doonto doorashada Soomaaliya iyo xaaladda guud ee dalka oo aan xiligaan ka jirin daganaan leesku haleen karo.

Shaqaalaha dhisaya jidka Muqdisho iyo Afgooye oo la qarxiyey + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Gaari ay la socdeen shaqaalaha Soomaalida ah ee la shaqeeya injineerada Turkida ah ee dhismaha ku wada wadada xariirisa Muqdisho iyo Afgooye ayaa goor dhaw lagu qarxiyey degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyey hal qof shacab ah oo wadada marayey ayaa ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kale qof kale ayaa ku dhaawacmay, waxaana ka badbaaday shaqaalihii lala beegsaday ee la socday gaariga.

Qaraxa oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa shaqaalaha Soomaalida ah ee wax ka dhisa laamiga xariiriya Muqdisho iyo Afgooye ku haleelay aagga beerta qaadka, waxaa halkaas ku burburay gaarigii ay wateen oo ahaa HILUX.

Goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in khasaare uusan soo gaarin xubnihii la socday gaariga oo sida la aaminsanyahay uu bartilmaameedku ahaa.

Sidoo kale dadka noo waramay waxay noo xaqiijiyeen in laba qof wadada maraysay uu haleelay qaraxaas, kuwaas oo mid goobta ku geeriyooday midna ku dhaawacmay.

Al-Shabaab ayaa inta badan beegsada shaqaalaha iyo injineerada Turkida ah ee dhisaya wadada laamiga ah ee xariirasa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxaana ahaatan meel gaba-gabo ah maraya dhismaha laamiga oo ku sii dhaw Afgooye.

Daawo: dowlada Soomaaliya oo JABUUTI ku eedeysay inay kala safatay KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guddigii xaqiiqa raadinta ahaa ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, uu la saftay dowladda Kenya.

Guddigaas oo laga iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti ayaa loo diray xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay jabhad ka abaabuleyso xuduuda ay wadaagaan labada dal.

Guddiga oo shalay soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya.

Wasiir Dubbe ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warbixintii guddiga, isagoo ku eedeeyey in aysan dhexdhaxaad aheyn oo ay soo saareen warbixin hal dhinac ah.

“Markii uu xumaaday xiriirkii aan la laheyn Kenya waxaa la isugu tegay shirkii Jabuuti, waxaa lagu heshiiyey in guddi loo saaro arrinta, Soomaaliya way ku faraxday markii Jabuuti loo xil saaray baaritaankaas, warbixintii waa soo baxday, balse dowladda Soomaaliya waxuu ku noqday fajac iyo amakaag, wax kasta oo Soomaaliya ay dhibsatay oo ay ka dacwootay guddigu waxa uu ka dhigay waxba kama jiraa,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Waxa uu sheegay in guddigu uu Soomaaliya qaladka saaray, isla markaana ay qoreen in arrinta cilaaqaadka xumeysay ay tahay mid hore, haatana aysan jirin wax ka dhaxeeya labada dal oo aan aheyn arrinta badda.

“Warbixinta guddiga nuqul kasta waxaa ku qoran ‘wasiirka difaaca Kenya ayaa noo sheegtay’ dhaliisheenu waxay tahay hal dhinac ayey warkeeda qaateen, waana diiday guddigu inuu tago dhulka Soomaaliyeed oo laba jeer ayey gudaha Kenya ku noqdeen, waxaan ku bariran Beled-Xaawo u soo gudba waana diideen, mar ay Muqdisho noogu yimaadeen waxay sidoo kale waxay naga diideen inaan diyaarad ku qaadno oo Beled-Xaawo geyno, shaki ayaa markiiba na galay, hadana warxibintooda waxay ku soo aadiyeen dagaalkii Beled-Xaawo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Dubbe.

Wasiirka ayaa sheegay in ururka Midowga Afrika uu qiray in dagaalkii Beled-Xaawo uu u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Kenya, balse dowladda Jabuuti oo aan walaalo nahay ay intaas awoodi weysay.

“Marabo in arrintu naga noqoto Soomaaliya iyo Jabuuti, warkeenu waxuu ku kooban yahay warbixintaas qaldan, guddigu waa qaldami karaa oo waa bini’aadan, laakiin Jabuuti waa walaaleheen aan soo korinay oo xornimadooda aan dhib badan u marnay,” ayuu yiri wasiirka warfaafinta Soomaaliya Cismaan Aadan Dubbe.

Xubnaha guddiga loo diray xuduuda oo ah 7-qof oo lix ka mid ah ay Jabuuti ka socdaan waxaa ka mid ah, Yacin Elmi Bouh, oo ah safiirka Jabuuti ee Kenya, Aden Hassan Aden, oo ah safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, General Taher Ali Mohamed, Colonel Ali Aden Houmed, Colonel Mohamed Barkad Aden, iyo Taliye Houssein Idriss Egueh, oo ka wada tirsan ciidamada Jabuuti, iyo Taliye Abebe Muluneh, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee IGAD.

Hoos ka Daawo

Xog: Ciidankii lagu qabtay dagaalkii Beled-Xaawo oo meel kale loo wareejiyey

0

Doolow (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay xilli dambe degmada Doolow ee gobolka Gedo geysay ciidamadii maamulka Jubbland ee dhawaan lagu qabtay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay magaalada Beled-Xaawo, kaas oo u dhaxeeyey ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka.

Dad ku sugan degmada Doolow ayaa Caasimada Online u sheegay in gaadiidka waaweyn ee Soomaalidu u taqaano Waaraadka lagu daabulay ciidamada, isla markaana lagu xareeyay xero ciidan oo ku taalla degaan u dhow Doolow oo lagu magacaabo Buundo-Garas.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in ciidamadaas ay dhawaan booqan doonaan mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan tegaya gobolka Gedo.

Dowladda Soomaaliya weli ma shaacin sida laga yeelayo ciidamadaas dagaalka lagu qabtay, hasa yeeshee wararka la helayo ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in dhawaan loo soo qaado magaalada Muqdisho.

Degmada Beled-Xaawo oo ciidankan lagu qabtay maalin ka hor waxaa ka dhacay dagaal dad badan ay ku dhinteen oo halkaas ku dhexmaray ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan wasiirka amniga Jubbaland iyo kuwa dowladda federaalka ee la geeyey gobolka Gedo.

In ka badan 30-of ayaa ku geeriyootay dagaalkaas, halka ugu yaraan 40 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dhaawacyada qaar la soo gaarsiiyey magaalada Muqdisho.

Dadkii lagu dilay dagaalkaas oo dhacay Isniintii waxaa ka mid ahaa Xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka Jubbaland iyo 14 qof oo isku qoys ahaa.

Xaaladda magaalada Beled-Xaawo ayaa hadda degan, waxaana ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Ethiopia oo go’aan kasoo saartay wararka la xiriira xaaladda R/W Abiy Ahmed

Addis Ababa (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta dalka Itoobiya ayaa soo saaray go’aan ay ku mamnuuceen in laga hadlo xaaladda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waxayna dadka isticmaala baraha bulshada uga digeen wararka la faafinayo ee la xiriira xaaladdiisa caafimaad, xilli aan muddo labo isbuuc ah lagu arkin fagaareyaasha.

Hey’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku share gareeya wax ay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” ee ku saabsan caafimaadka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

Digniinta hey’adda sirdoonka NISS ayaa lagu sheegay in wararrada noocaas ah ay khalkhal galinayaan ammaanka wadanka.

Goor sii horreysay ayaa warbixin laga soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha shacabka looga dalbaday in ay ka feejignaadaan “wararka la isla dhex marayo ee aan xaqiiqada ahayn”.

“Waxaan jecelnahay inaan dadweynaha la wadaagno in wararka la isla dhex-marayo ee la xiriira badqabka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay yihiin kuwa been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray barta Twitter-ka ee Xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maalmihii u dambeeyay la arkin, iyada oo ay xusid mudan tahay in uusan la kulmin Wasiirka arrimaha dibedda UK oo booqasho ku tagay dalkiisa, midaasi oo sarre u qaaday tuhunka la xiriira xaaladiisa caafimaad.

Itoobiya ayaa wajaheysa xiisad siyaasadeed oo xoogan, kadib markii xukuumadda Abiy Axmed ay dagaal ku qaaday maamulka TPLF, oo ugu dambeyntii duurka galay, kuna dhawaaqay dagaal jabhadeysan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Xog: Madaxweyne QOOR QOOR oo war quus ah siiyey odayaasha beesha Ceyr

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa qiray in magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulkiisa ay qarka u saarantahay inay Al-Shabaab qabsadaan, maamulkiisana uusan awoodin inuu ka difaaco.

Hadalkaan Qoor Qoor waxa uu ka sheegay kulan uu la yeeshay odayaasha dhaqanka magaalada Dhuusamareeb.

Qaar ka mid ah odayaashii la kulmay Qoor Qoor ayaa Caasimada Online u sheegay in markii hore ay madaxweynaha ugu tageen dhexdhaxaadinta khilaaf iyaga dhexdooda ah oo salka ku haya qaabka loo qeybsanayo xubnaha golaha deegaanka magaalada Dhuusamareeb.

Si gaar ah odayaasha la kulmay Qoor Qoor ayaa ka soo jeeda beesha Ceyr, waxayna isku dayeen in kulankaas ay uga faa’iideystaan ka hadalka ammaanka faraha ka siibaxaya ee deegaanada Galmudug, gaar ahaa Dhuusamareeb oo habeen kasta deegaanada u dhaw ay Al-Shabaab yimaadaan.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa odayaasha u sheegay inuu la socdo in gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug ay soo buux dhaafiyeen Al-Shabaab, balse Galmudug aysan heysan ciidan lagu tasha karo oo iska dhiciya Al-Shabaab.

Madaxweynaha Galmudug ayaa odayaashii u yimid ee Dhuusamareeb ka soo jeeday u sheegay in deegaanka ay ka difaacdaan Al-Shabaab, maadaama uusan maamulkiisu laheyn ciidan difaaca.

Intaas kadib odayaasha oo ka carooday jawaabta Madaxweyne Qoor Qoor, ayaa u sheegay in sanad ka hor markii uu xilka qabtay aysan Al-Shabaab Ceelbuur ka sokeyn, balse maanta aysan waxaba la aheyn inay qabsadaan Dhuusamareeb, difaacuna uu yahay mas’uuliyad saran maamulka.

Odayaasha aan la hadalnay waxay Caasimada Online u sheegeen, in markii halkaas la kala taagan yahay kulankii lagu kala dareeray, isla markaana uu ku sii batay walaaca ay ka qabaan xaaladda ammaan ee deegaanadooda.

Al-Shabaab ayaa habeenadii lasoo dhaafay isaga daba leebtay deegaanka Ceeldheere oo wax ka yar 30 KM u jira Dhuusamareeb, isla markaana uu maro laamiga dheer ee xariiriya Gurceel iyo Dhuusamareeb, iskuna mara gobollada koofureed, bartamaha iyo kuwa waqooyi ee dalka.

Habeenkii hore, oo ah habeenkii u dambeeyey ee Al-Shabaab ay gudaha u galeen Ceeldheere waxay ku sugnaayeen saacado badan, waxayna Bar-control oo ciidamo tiro yar ay ka carareen ku aaseen qarax miino, kaas oo sababay geerida laba askari oo ka tirsanaa booliska deegaanka Ceeldheere.

Guddigii loo xil-saaray eedeynta ay Soomaaliya u jeedisay KENYA oo soo saaray warbixin yaab leh

Jabuuti (Caasimada Online) – Kooxdii loo xil saaray inay baaraan eedeynta Soomaaliya ee ah in Kenya faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha ayaa warbixin ay soo saareen waxay uga jawaabeen eedeymo dhowr ah oo ay Soomaaliya u jeedisay Kenya. 

Guddigan ayaa waxaa lagu magacaabay shirkii madaxda ururka goboleedka IGAD ay 20-kii December ku yeesheen magaalada Jabuuti kadib markii dowladda Soomaaliya ay gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya. 

Guddiga ayaa sheegay inay jiraan caddeymo ku filan in diyaaradaha Kenya ay ku xad-gudbeen xuduudda Soomaaliya, ayaga oo jebinaya xeerka caalamiga ah ee duulimaadyada rayidka ah ee 7-dii December 1944 lagu saxiixay magaalada Chicago.

“Dowladda federaalka waxay amartay in dhammaan diyaaradaha tegaya Kismaayo ay soo maraan Muqdisho. Si kastaba diyaaradaha Kenya ayaa diiday amarkaas, mana jiro fasax si gaar ah loo siiyey oo leh wax sabab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin caddeymo muujinaya in Kenya ay aqoonsatay maamulka Jubaland. 

“Ka qeyb-galka laba xildhibaan oo miisaan ku leh Kenya, Aadan barre Ducaale iyo Yuusuf Xaaji, ee caleemo-saarkii madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe kama dhigna aqoonsi,” ayaa lagu yiri warbixinta guddiga.

Marka ay noqoto eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah in dhulka Kenya lagu hubeeyey laguna tababaray jabhad uu hoggaamniyo Cabdirashiid Janan, guddiga ayaa sheegay inay xaqiijiyeen in Janan uu yahay wasiir ka tirsan maamulka Jubaland, islamarkaana ciidankiisa ay hoos tagaan ciiamada maamulkaas.

“Waxaa xusid mudan in shirkii London ee May 17, 2017, hab dhismeedka amniga Soomaaliya lagu daray ciidamada gobollada iyo booliska gobollada,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Eedeymaha Soomaaliya ayaa sababay in khilaaf diblomaasiyadeed uu dhexmaro Kenya iyo Soomaaliya, taas oo keentay in dib loogu celiyo Kenya diblomaasiyiintii ka joogay Soomaaliya, hase yeeshee guddiga ayaa diiday in labada dal ay xiriirka isku jaraan

“Guddigu wuxuu u arkaa cabashooyinka ka yimid Dowladda Soomaaliya, oo qaarkood soo jireen ahaa, inaysan u muuqan inay ku filnaan karaan in loogu cudur-daaro in la gooyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya iyo Soomaaliya. Waa run in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u madax-bannaan tahay go’aannadeedda,”ayaa lagu yiri qayb ka mid ah warbixin ay soo saartay kooxdan.

Waxay intaas ku dareen in khilaafkaasi uu saameeyay lagana dhaxlay cawaaqib xumo ah, in 3,000 oo caruur Soomaaliyeed ah oo dhigta iskuullada Kenya, ayaga oo ka tallaabada xuduudda ay waxbarashada ka haraan.

Xubnaha guddiga ayaa waxaa ku jira Yacin Elmi Bouh, oo ah safiirka Jabuuti ee Kenya, Aden Hassan Aden, oo ah safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, General Taher Ali Mohamed, Colonel Ali Aden Houmed, Colonel Mohamed Barkad Aden, iyo Taliye Houssein Idriss Egueh, oo ka wada tirsan ciidamada Jabuuti, iyo Taliye Abebe Muluneh, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee IGAD.

MAXKAMAD go’aan ka gaartay 3-dii nin ee qarxin rabay dhismaha Soomaalida

Kansas (Caasimada Online) – Maxkamad racfaan oo Mareykan ah ayaa joogteysay xukun dambi ku helis iyo xabsi ah oo horey loogu riday saddex nin oo caddaan ah oo isku dayey inay qarxiyaan dhisme ku yaalla gobolka Kansas ee Mareykanka oo ay Soomaalida degan yihiin iyo Masjid.

Maxkamadda ayaa diidday doodda saddexdan nin oo aheyd in hay’adda FBI-da ay qiyaameysay. 

Curtis Allen, Gavin Wright iyo Patrick Eugene Stein ayaa waxay xeer-beegtida maxkamadda federaalka ee Kansas 2018-kii ku heleen dambiyo ay ka mid yihiin; shiurqoolka istcimaalka hubka sida weyn wax u burburiya, iyo ku-xadgudubka xuquuqda madaniga ah ee Muslimiinta ku nool magaalada Garden City ee gobolka Kansas.

Bishii Janaayo 2019, garsoore Eric Melgren ayaa ku xukumay Allen 25 sano oo xabsi ah, Wright 26 sano oo xabsi ah iyo Stein 30 sano oo xabsi ah.

Saddexda nin ayaa racfaan u qaatay Maxkamadda 10-aad ee Mareykanka ayaga oo ku doodaya in garsooraha uu diiday codsigooda ah inay isku difaacaan doodda ah in FBI-da ay shirqooshay. Waxay sidoo kale sheegeen in xeer-beegtida maxkamadda loo soo xulay si aan dhex-dhexaad aheyn

Saddex garsoore oo ka tirsan maxkamadda racfaanka ayaa Isniinti diiday doodda saddexda nin. Guddiga ayaa sheegay in saddexda nin aysan dood uga keenin xulista xeer-beegtida muddadii 7-da maalin aheyd ee uu sharciga u ogolaanayey.

FBI-da ayaa adeegsatay jaajuus iska dhigay inuu hubka iibiyo, kaasi oo la macaamilay saddexda nin, waxayna ku doodeen in taasi ay aheyd shirqool loo dhigay. 

Maxkamadda ayaa sheegtay in difaaca ah in FBI-da qiyaameysay ay aheyd in lagu muujiyo caddeyn ah in raggan aysan wax qorshe ah ka laheyn inay qarax fuliyaan, taasi oo ay ku guul-darreysteen. 

Video: Puntland oo war ka soo saartay kiiska saraakiil xabsiga ka daayey Shabaab

0

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ay xilkooda ku waayeen, loona xiray in ay siidaayeen dad ku eedeeysan inay ka tirsanaayeen Al-shabaab.

Wasiir Dhabancad wuxuu sheegay in mas’uuliyiintaan oo ka howlgalayay magaalada Gaalkacyo ay hadda ku socdaan baaritaano lagu ogaanayo sababta ay kusii daayeen dad Shababnimo ku eedeeysnaa.

Dhinaca kale, wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa sheegay in ay jiraan odayaal reer Puntland ah oo ku sugan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo amarrada ka qaata Al-Shabaab, isla markaana uu maamulku si dhow ula socdo dhaqdhaqaaqa odayaashaas.

“Waxaa jiray shakhsiyaad taleefanadooda la dhegaystay oo amarrada kasoo qaata meelo kale. Dadka noocaas ah ciddii koofiyada saaratay, haddii ay ogaan la haayeen shaqooyinka ay qabtaan xaaladdu si kale ayay noqon lahayd,” ayuu yiri wasiir Dhabancad.

Sidoo kale Wasiir arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland wuxuu tilmaamay in sanadkii 2019-kii, mar uu madaxweyne Deni booqasho ku tagay magaalada Gaalkacyo qaar kamid ah odayaasha magaaladaas inay diideen in madaxweynaha ay la kulmaan.

Tallaabadaas ayuu wasiir Dhabancad ku macneeyey in odayaashu ilaalinayeen awaamiir ay ka haysteen Al-Shabaab, waxuuna wareysigan siiyey warbaahinta Daljir.

Ururka Al-Shabaab ayaa deegaanada ay dalka ka maamulaan uga yeera waxgaradka iyo ganacsatada ku nool magaalooyinka xorta ah, iyagoo kii ka dhaga adeyga ka qaata go’aan dil ah, waxaana marar badan dhacday in la dilay odayaal iska diiday dalabka kooxda.

Hoos ka daawo wasiirka

 

Tacsi ku socota Reer Maxamed Cariif

Adeer Abuukar Sheekh Axmed Maataan iyo adeer Xamuu Caddey Sheekh Axmed Mataan iyo dhammaan faraca reer Sheekh Axmed Mataan, gaar ahaan reer Siid Axmed Sheekh Axmed Mataan oo kala ah Aba Cali Siid Axmed iyo xaaskiisa Amina Daa’uud Axmed, Jamiila Siid Axmed, Seynab Siid Axmed iyo Seygeeda Cabdi Maxamuud Geedi iyo Ruqiyo Siid Axmed, Reer Cumar Xuseen Jimcaale Juungal, gaar ahaan Cabdicasiis Cumar Xuseen Juungal, Abuukar Nuur Muudey, Lemon Cabdulle Sabriye, iyo Seygeeda Cabaas Cabdi Maxaa Ciise, Reer Maxamud Gacal, gaar ahaan Baashi Maxamuud Gacal iyo xaaskiisa Fadumina Rooble, Sayid Caraaye, Abuukar Cariif, Reer Maxamed Cumar Afarx, iyo Reer Maxamed Xasan.

Dhammaan dadkaasi, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Jamiila Maxamed Cariif, Hindiya Maxamed Cariif, Abuukar Maxamed Cariif iyo dhammaan Reer Maxamed Cariif, ayaga oo uga tacsiyeynaya geerida Xabiiba Maxamed Cariif, oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Waxay leeyihiin dhammaan Samir iyo ammaan allaha naga siiyo marxuumaddana jannada fardowsa Allah ha ka waraabiyo. إِنَّا لِلَّهِ وَإِنَّ إِلَيْهِ رَاجِعُونَ

Gawaari casri ah oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo laga keenayo Turkiga

0

Nairobi (Caasimdda Online) – Wargeyska The Star ayaa baahiyay in dowladda Kenya aya qorsheyneyso iney in ka badan 100 gawaarida aan xabadda karin ah kasoo iibsato dalka Turkiga si ay u isticmaalaan ciidamada Militariga.

Wargeyska wuxuu xusay in ujeedada dowladda Kenya uu yahay iney ku xoojiso ciidamada dagaalka kula jira dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku xoogan gudaha Soomaaliya.

Inkastoo aan la shaacin shirkadda ay ka iibsneyso hadana afhayeen u hadlay ciidamada difaaca Kenya ayaa sheegay in heshiiska ay qalabkaas Militari kusoo iibsanayaan uu ku dhaw yahay dhamaad.

Afhayeenka oo magaciisa lagu sheegay Zipporah Kioko ayaan carabka ku dhufan waqtiga rasmiga ah ee ay gawaaridaas kala soo wareegi doonaan dowladda Turkiga, wuxuuse qiray iney kaga hortagayaan qaraxyada Miinooyinka dhulka lagu aaso.

Wargeyska wuxuu kaloo qishay in lacag dhan 70 Malyan oo Doolar ay kaga baxeyso Kenya iibka gaadiidka aan xabadda karin oo lagu sheegay 118 xabo.

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya waxey qeyb ka yahiin ciidanka nabad ilaalinta AMISOM, waxaana tiradooda lagu sheegaa 3,000 (Saddex kun) waxeyna intooda badan ka hawlgalaan gobollada Jubbooyinka.

Sidoo kale ciidamada Kenya waxey baacsi ku hayaan dagaalyahanada Al-Shabaab oo badi ka gudba xadka labada dal, waxeyna weeraro, afduub iyo qaraxyo ka geystaan gobolka waqooyi Bari, taasna waxey kordhisay walaaca ay dowladda Kenya ka qabto iney Al-Shabaab halis badan sii galiso shacabkeeda.

Itoobiya oo shuruud cusub ku xirtay Sudan iyo wararkii ugu dambeeyay xiisadda

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markale ku celisay in Suudan ay kusoo xad-gudubtay dhulkeeda, iyadoo shuruud uga dhigtay wada-hadal ay la gasho Sudan inay dib uga laabato dhulalka lagu muransan yahay ee ay ciidamadeedu joogeen tan iyo dabayaaqadii sanadkii hore.

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Dina Mufti oo maanta warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in wada xaajood kasta oo laga galayo xiisada kala dhaxeysa Suudan ay ka horeyso inay ciidamadeeda la baxdo.

Mufti ayaa ku doodaya in Suudan ay kusoo xad-gudubtay dhulka Itoobiya, halka midaasi bedelkeeda ay ku andacooneyso Suudan, kuwaasi oo isku haya dhul beeraha hodanka ku ah oo lagu magacaabo Al-Fashqa.

Afhayeenka ayaa xusay inaysan Itoobiya diidaneyn in wada-hadal la gasho Suudan, balse ay rabto inay dib uga laabato dhulkeeda oo ay ku soo xad-gudubtay, sida uu hadalka  u dhigay.

“Itoobiya waxaa ka go’an inay xal nabadeed ka gaarto khilaafaadka xuduudaha ee kala dhexeeya Suudaan,” ayuu warbaahinta u sheegay Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo diblumaasiyadeed oo ay ku rabtay in ciidamada Suudan looga saaro aaga lagu muransan yahay ee Al-Fashqa, mana jirto jawaab kasoo yeertay hogaamiyeyaasha millateriga Suudan oo ku aadan baaqa ah “inay ka baxaan dhulkaas”.

Suudan ayaa iyadu lasoo warinayaa inay ciidamadeedu dhaqaaqeen ilaa 40-KM (25-mayl) dhulalkii ay Itoobiya haysatay, xiligii ay xukuumada Abiy ku howlaneyd howl-galkii millateri ee TPLF.

Muranka dhuleed ee Suudan iyo Itoobiya ayaa muddo badan soo jiitamayey, inkasta oo uu sarre u kacay dabayaaqadii sanadkii hore, kadib markii ciidamada Suudan ay xoog ku qabsadeen dhulka lagu muransan yahay.