27 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Muxuu CC Shakuur ka yiri 13-ka kursi ee uu Farmaajo saxiixay ee G/Banaadir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo aad ugu dhaliilay 13-kii kursi ee uu galabta u saxiixay gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo saaray ayaa ku doodaya in madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay dejinta hanaankii loo soo dooran lahaa 329-xubnood ee uu ka koobnaa baarlamaankii hore, balse uu hadda ku soo daray kuwo hor leh oo aan dastuurka waafaqsaneyn.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku fashilmay sidii loo dooran lahaa 329 kursi oo heshiis lagu yahay dastuurkana ku dhigan. Wuxuu maanta soo tuuray 13 kursi oo aysan caddayn cida qaybinaysa, sida loo qaybinayo iyo yaa dooranaya,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweynaha 13 kan kursi ee la soo gemay, sooma xasuusan xilligii ay socdeen shirarkii Dhuusamarreeb 1, 2, 3 iyo kii Muqdisho ee lagu gaaray heshiiskii 17-kii September.”

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay hadda madaxweyne Farmaajo ay ka soo xirmeen dhamaan irdihii siyaasadda, sida hadalka uu u dhigay, taasna ay ku kaliftay inuu Bambo u soo tuuro 13-kan kursi.

“Maanta oo ay irdihii oo idil ka soo xirmeen in uu 13 kursi bambo F1 ah u soo tuuro waa siyaasad Ciyaal-faa-cali oo kale ah (qarshaa ii jabsan, waanna bannaday)” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasigan.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa galabta saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare, kadib mudo todoba bilood ah oo qaraarkaas uu u xayirnaa saxiixiisa.

“Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, Madaxweynaha wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Dowladda Jabuuti oo war kasoo saartay eedeyntii DF iyo warbixintii ka careysiisay

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ganafka ku dhufatay eedeymihii ay dowladda federaalka u jeedisay guddigii xaqiiqo raadinta ee ururka IGAD u saaray xiisada Soomaaliya iyo Kenya, midaasi oo Soomaaliya ku sheegtay mid dhinaca saaray dowladda Kenya oo ay is hayaan.

Jabuuti ayaa war-saxaafadeed soo saartay ku sheegtay in warbixinta guddiga xaqiiqo raadintu ay tahay “mid dhex-dhexaad ah oo xaqiiqda ku qotonta”, isla markaana looga howl-galay xiisada labada dhinac qaab aan eex laheyn oo hufnaan ah.

“Marka la eego sida howshu u dhacday, waxaan shaki ku jirin in loo qabtay si xirfad iyo dhex-dhexaadnimo ah,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda Jabuuti.

“Jabuuti waxay had iyo jeer ku dadaashaa nabada iyo xasiloonida gobolka oo ay ka samayso dadaal badan si looga qayb-qaato nabad-gelyada, xasiloonida iyo nabadeynta Soomaaliya, welina way ka go’an tahay inay sii wado dadaalkan.”

Sidoo kale waxa lagu sheegay in warbixintaas uu guddiga u gudbiyay golaha sarre ee urur goboleedka IGAD, oo markii hore u xil saaray guddigaasi xaqiiqo raadinta ah ee ay ka biyo diiday natiijada kasoo baxday dowladda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina waxa qoraalka lagu sheegay in dowladda Jabuuti ay tix-gelinayso in go’aan ka gaarida warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ay hortaalo golaha IGAD, taasi oo xal kama dambeys ah looga gaarayo xiisada ka dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shalay dhigeeda Jabuuti ku eedeysay inay la safatay dowladda Kenya, maadama guddigaasi xaqiiqa raadinta ah ee loo diray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, ooay  badankoodu ka socdaan Jabuuti.

Guddigaas ayaa waxa lagu iclaamiyey shirkii 20-kii bishii December ay madaxda IGAD ku yeesheen dalka Jabuuti, kaasi oo loo diray xuduuda si loo baaro waxa ka jira cabashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay jabhad ka abaabuleyso xuduuda ay wadaagaan labada dal.

Guddiga oo shalay soo saaray warbixin ayaa sheegay in xuduuda aysan ku soo arkin wax cadeynaya sheegashada Soomaaliya ee ah in Kenya ay abaabuleyso jabhad weerarro uga fulisa gudaha Soomaaliya, midaasi oo wax lala yaabo ay ku tilmaamtaay warbixintii guddiga, iyadoo wasiir Dubbe oo u hadlay dowladda uu ku eedeeyey inaysan dhexdhaxaad aheyn oo ay soo saareen warbixin hal dhinac ah.

“Markii uu xumaaday xiriirkii aan la laheyn Kenya waxaa la isugu tegay shirkii Jabuuti, waxaa lagu heshiiyey in guddi loo saaro arrinta, Soomaaliya way ku faraxday markii Jabuuti loo xil saaray baaritaankaas, warbixintii waa soo baxday, balse dowladda Soomaaliya waxuu ku noqday fajac iyo amakaag, wax kasta oo Soomaaliya ay dhibsatay oo ay ka dacwootay guddigu waxa uu ka dhigay waxba kama jiraa,” ayuu yiri wasiir Dubbe oo u hadlay dowladda.

Waxa kala oo uu sheegay in guddigu uu Soomaaliya qaladka saaray, isla markaana ay qoreen in arrinta cilaaqaadka xumeysay ay tahay mid hore, haatana aysan jirin wax ka dhaxeeya labada dal oo aan aheyn arrinta badda.

Xubnaha guddiga loo diray xuduuda oo ah 7-qof oo lix ka mid ah ay Jabuuti ka socdaan waxaa ka mid ah, Yacin Elmi Bouh, oo ah safiirka Jabuuti ee Kenya, Aden Hassan Aden, oo ah safiirka Jabuuti ee Soomaaliya, General Taher Ali Mohamed, Colonel Ali Aden Houmed, Colonel Mohamed Barkad Aden, iyo Taliye Houssein Idriss Egueh, oo ka wada tirsan ciidamada Jabuuti, iyo Taliye Abebe Muluneh, oo ah agaasimaha waaxda amniga ee IGAD.

James Swan oo war kasoo saaray guddiyada ay diiday DF ee ay soo magacaabeen Jubaland iyo Puntland

Jowhar (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan oo maanta gaaray magaalada Jowhar, ayaa ka hadlay guddiyadii ay magacaabeen maamulada Puntland iyo Jubbaland, oo hore u diiday in xubnahooda ay kusoo daraan guddiga doorashada ee lagu muransan-yahay.

James oo ay wehliyaan wakiillo ka socda Hay’adda Beeraha iyo Cunnada ee FAO iyo Madaxa Booliska UNSOM ayaa markii ay gaareen magaalada Jowhar la kulmay Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Xuseen Guudlaawe iyo golahiisa wasiirradda.

Kulankan ayaa waxaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan, gaar ahaan is-mari-waaga doorashada ee u dhaxeeya dowladda federaalka, maamulada dalka iyo musharaxiinta mucaaridka oo iyaguna dhinac ah.

Sidoo kale waxa kulankaas looga hadlay taageerada Qaramada Midoobay ee Hirshabeelle, taas oo dhinacyo badan leh, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaas.

James oo kulankaas kadib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo magacaabista Puntland iyo Jubbaland ee guddiyada doorashooyinka, kuwaasi oo ku tilmaamay kuwo “wax ku ool ah”.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in kulanka ay madaxda labada maamul ku baaqeen ee madaxda dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uu yahay mid waxtar leh oo xal looga gaari karo khilaafka doorashada, xili ay muddo yar ka harsan tahay muddo xileedka madaxweynaha.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay maanta Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sharci darro ku sheegtay hanaanka ay madaxda Puntland iyo Jubbaland u magacaabeen xubnaha guddiga doorashooyinka, kuwaasi oo ku yimid cadaadis beesha caalamka ah.

“Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta waxay mar kale ku celinaysaa in guddiyada ay shaaciyeen Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay yihiin kuwo baalmarsan hanaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada,” ayaa lagu yiri qoraal ay DF soo saartay.

Si kastaba, mowqifka ay dowladda federaalka ka qaadatay arrintan ayaa markale walaac laga muujinaya inay sii fogeyso labada maamul goboleed ee kusoo dabcay waan-waanta beesha caalamka, oo iyagu ka dambeeyey magacaabista cago jiidka ah ee ay sameeyen.

Farmaajo oo saxiixay 13-ka kursi ee gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.”

“Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Golaha Xukuumadda in ay xeeriyaan habraac u gaar ah matalaadda Gobolka Banaadir oo ay ka muuqato isku dheelitirnaan bulshada Soomaaliyeed, iyada oo qaddarin gaar ah laga siinayo deegaanka Caasimadda lana fulinayo inta lagu guda jiro doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad.

Tallaabada uu qaaday madaxweyne Farmaajo ayaa imaneysa ayada oo dood xooggan ay ka taagan doorashada dalka, waxaana suurta gal in arrintan ay sii kordhiso muranka doorashada, maadaama Puntland iyo Jubaland ay horey u diideen in gobolka Banaadir uu helo matalaad.

KENYA oo war cusub kasoo saartay xiisadda Soomaaliya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Afhayeenka dowladda Kenya, Cyrus Oguna oo maanta shir jar’aaid ku qabtay Nairobi ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Beledxaawo iyo xiisadda xoogan ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Oguna ayaa shaaciyey in dagaallada soo noq-noqday ee ka dhacay xadka labada dal ay u dhexeeyaan ciidanka Soomaaliya, islamarkaana aysan shaqo ku laheyn kuwa Kenya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dagaalladaas ay ragagax weyn ku reebeen shacabka Mandera, sidoo kalena ay ku barakaceen dad kale oo rayid ah oo degan gobolka Gedo.

“Iska horimaadyada soo noqnoqday ee u dhexeeya ciidamada Soomaaliya, kaliya ma ahan inay cabsi iyo argagax ku abuuraan dadkeenna Mandheera laakiin sidoo kale waxay horseedeysaa in dadka rayidka ah ay ka barakacaan gobolka Gedo,” ayuu yiri Mr Oguna.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa dhinaca kale dowladda Soomaaliya ugu baaqay inay ka waan-towdo eedeynta ka dhanka ah Kenya ee ku aadan arrimaha faro-gelinta.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan xiisada labada dal ay tahay mid aad u kacsan, sidoo kalena IGAD ay waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha Soomaaliya.

DF Somalia oo sharci-darro ku tilmaamtay guddiyada ay xalay magacaabeen Puntland iyo Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war kasoo saartay magacaabista guddiyada doorashooyinka ee ay sameeyen madaxda maamulada Jubbaland iyo Puntland, kadib waan-waan ay beesha caalamka ka dhex sameysay dhinacyada isku haya doorashada.

War-saxaafadeed goordhoweyd kasoo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dib u heshiisinta Soomaaliya, oo ku saxiixnaa wasiir Mukhtaar Afrax, ayaa lagu sheegay in ra’iisal wasaaraha iyo wasaaradda arrimaha gudaha aysan mid soo gaarin magacaabista guddiyada dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ee maamulaya doorashooyinka heer dowlad goboleed.

Sidoo kale waxa war-saxaafadeedka lagu sheegay inuusan sax aheyn hanaanka ay maamulada Puntland iyo Jubbaland ku magacaabeen guddiyadii doorashooyinka.

“Heshiiskii dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ay ku gaareen magaalada Muqdisho 17-kii Sep 2020 oo ay meel-mariyeen golaha shacabka iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee sida wada-jirka ah loo saxiixay 1-dii Oct, 2020 waxay qeexayeen hanaanka lagu magacaabayo guddiayda Heer-Federaal iyo Heer dowlad goboleed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta waxay mar kale ku celinaysaa in guddiyada ay shaaciyeen Madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay yihiin kuwo baalmarsan hanaanka sharciga ah ee loo maro magacaabista guddiyada.”

Arrintan ayaa imaneysa xili ay madaxda maamulada Puntland iyo Jubbaland ay bogagooda ku shaaciyeen magacaabista xubnaha guddiyada doorashooyinka, xili ay xiisada hanaanka doorashooyinka ay ka taagan tahay dalka.

Labada maamul goboleed ayaa sidoo kale ku baaqay wada-hadal ka hor inta aysan dhamaan bishan, kamana hadal arrintaas dowladda federaalka, marka laga reebo inay ku gacan seyrtay guddiga ay magacaabeen labada madaxweyne.

Si kastaba, arrintan ayaa markale walaac laga muujinaya inay sii fogeyso labada maamul goboleed ee kusoo dabcay waan-waanta beesha caalamka, oo iyagu ka dambeeyey magacaabista cago jiidka ah ee ay sameeyen.

Hoos ka aqriso warqadda wasiir Mukhtaar

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Abiy + Sawirro

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaradaha Itoobiya ayaa maanta ka soo muuqday warbaahinta, isaga oo shaki la gelinayey xaaladdiisa caafimaad.

Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay, tan iyo markii ay soo if-baxeen wararka laga faafiyey caafimaadkiisa waxaa maanta lagu arkay xarunta qalabka dadka naafada ah ee isbitaalka la yiraahdo St. Paul ee caasimadda Addis Ababa ee xarunta wadanka Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha oo hadal kooban siiyey warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in xaruntan ay howl wanaagsan u hayso ciidamada iyo shacabka wadankaasi.

Horey hay’adda sirdoonka qaranka & nabad-sugidda ee Itoobiya ee NISS ayaa beenisay wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee Iternet-ka ee ku saabsan xaaladda Abiy.

NISS ayaa shaaca ka qaaday in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada geliya wararka marin habaabinta ah ee xaaladda caafimaad ee ra’iisul wasaaraha.

Si kastaba labadii toddobaad ee u dambeysay ayey soo shaac baxeen wararka laga baahiyey xaaladda Abiy Axmed, kadib markii laga waayey goobaha fagaareyaasha.

Wasiiro ka socda dowladda oo gaaray GEDO + Ujeedka

0

Doolow (Caasimada Online) – Wafdi culus oo ka socda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray degmada Doolow oo ka tirsan gobolka Gedo.

Wafdigan oo ka kooban wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyey degmada Doolow ee gobolkaasi.

Wasiirada Doolow tegay ayaa waxaa ka mid ah wasiirka cadaaladda, wasiirka gaanshaandhigga, wasiirka warfaafinta iyo saraakiil ka tirsan Xoogga dalka.

Sidoo kale wasiirada iyo saraakiisha la socda ayaa kulan la qaatay maamulka degmada Doolow iyo waxgaradka deegaanka, kaas oo ahaa mid is xog-wareysi ah.

Intaasi kadib wafdiga ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa u sii socdaalayey dhinaca degmada Beledxaawo oo uu dhowaan ka dhacay dagaal culus oo khasaare geystay.

Xubnahan ayaa marka ay tegaan degmada Beledxaawo qiimeyn dhab ku soo sameyn doono saameynta ka dhalatay dagaalkii cuslaa ee ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa wasiir Janan ku dhexmaray magaaladaasi iyo xaaladda guud sida ay haatan tahay.

Xaaladda Beledxaawo ayaa saacadihii ugu dambeeyey aheyd mid degan, waxaana magaalada oo dhan iyo duleedka ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Midowga Musharraxiinta oo ka jawaabay tallaabada Puntland iyo Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed maanta ka soo baxay midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan go’aanadii ugu dambeeyey ee kasoo baxay dowlad goboleedyada Jubbaland & Puntland.

Ugu horreyn golaha ayaa soo dhoweeyey magacaabista guddiyada doorashada ee labadaasi maamul iyo shirka ay ku baaqeen in markale la’isugu yimaado Muqdisho.

Musharraxiinta mucaaraadka ayaa sidoo kale shaaciyey inay soo dhammeystireen turxaan bixinta guddiyada doorashooyinka, ayna diyaar u yihiin soo bandhigista liiska, haddii la helo goob iyo qaab loo hubiyo xubnaha guddigaaas ee walaaca laga muujinayo.

Sidoo kale golaha ayaa ugu baaqay beesha caalamka inay sii laba jibaarto dadaalkeeda ku aadan xal ka gaarista muranka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Ugu dmabeyn golaha midowga musharraxiinta ayaa markale uga digay in dowladda federaalka inay qabato doorasho hal dhinac ah oo sababi karto xasilooni darro hor leh.

Muxuu Gaas ka yiri xiisadda degmada Beledxaawo?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo bixiyey wareysi cusub ayaa si adag uga hadlay xiisada gobolka gobolka Gdo, gaar ahaan dagaalkii xooganaa ee ka dhacay Beledxaawo.

Gaas ayaa marka hore colaadaasi ku dhaliilay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) iyo hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in si macno darro loo daadiyo dhiiga dadka shacabka ah ee lagu dul dagaalamayo.

Cabdiweli Gaas oo hore ra’iisul wasaare uga soo noqday dalka ayaa lagu baaqay madaxweyne Farmaajo & Axmed Madoobe inay ka heshiiyaan xiisada Gedo.

“Waa nasiib darro in saacadaan colaad aan micno ku dhisneyn ay u dhintaan dad Soomaaliyeed, Madaxweyne farmaajo iyo Axmed Madoobe labaduba gobolka Gedo mas’uuliyad ayaa ka saaraan ee waa inay ka heshiiyaan,” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Si kastaba arrinta Gedo ayaa noqotay xudunta khilaafka xoogan ee xilligan ka jira dalka, waxayna sidoo kale saameyn ku yeelatay hore u socodka doorashada dalka ee 2021-ka.

Xog: Kheyre oo Wasiirkiisii Amniga xildhibaan Ducaale u dhiibay xil muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo hada kamid ah Midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in wasiirkii amniga Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale u dhiibay xil muhiim ah.

Maxamed Abuukar Islow oo ay saaxiibo dhow ahaayeen Xasan Cali Kheyre ayaa noqday madaxa olalaha ee musharax Madaxweyne Xasan Cali Kheyrre. Si gaar ah waxa uu qaabilsan-yahay ka dhaadhaacinta siyaasiinta in ay taageeraan Musharax Xasan Cali Kheyre.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in howshaan badankeeda laga dhax-raadin doono Xildhibaano imaan doono islamarkaana haddii uu soo laabta Xildhibaan Ducaale uu qaban doono qeybta ugu muhiimsan ee shaqadaan maadaama la rabo inuu codad ka raadiyo Xildhibaanada soo socda.

Maxamed Abuukar Islow oo wasiirka amniga Soomaaliya ahaa mudadii ay jirtay xukuumada Xasan Cali Kheyre saaxiib dhow la ah Xasan Cali Kheyre, waxa uuna kamid ahaa wasiiro tiro kooban oo aan xil ka qaadis lagu sameynin islamarkaana si weyn u difaacay maalintii xil ka qaadistiisa.

Ducaale ayaa laga reebay xukuumaddii uu soo dhisay ra’iisul wasaare Rooble, sababo la xiriira inuu aad ugu dhow yahay Kheyre, waxaana lagu beddelay Xasan Xundubey oo ay isku beel yihiin.

Ducaale ayaa la sheegaa inuu yahay nin aad u degan, hadal gaaban, oo aan galgal badneyn, taasi oo su’aal gelineysa xeeladda ololaha Kheyre iyo sida uu u filayo in qof aan siyaasad ahaan laheyn xulufo badan uu codad ugu soo dhicin doono.

Xildhibaan Mahad Salaad oo dalab xasaasi ah u diray madaxweyne FARMAAJO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii wadajirka ahaa ee ka soo baxay ubbaland iyo Puntland oo ku baaqay in markale la’isugu yimaado shirweyne.

Mahad Salaad ayaa soo dhoweeyey qabashada go’aankaas, isaga oo ugu baaqay madaxweynaha Soomaaliya inuu aqbalo shirkaan & muddada uu soconayo.

“Koley Madaxweynow maragtii lagugu fur oo taladii shalay ku seegtay walaalahaa ayaa maanta toosiyay ee ku dhaqso aqbalaada talada laguu soo jeediyay, dalka iyo dadkana waqti dambe haka luminin!,” ayuu qoraalkiisa ku yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tani ay tahay fursaddii ugu dambeysay, loona baahayan inuu madaxweynuhu u turo dadka iyo dalkaba.

Halkan hoose ka aqriso:-

Taladu waa mar aad garan weydo iyo mar aad gaari weydo. MW Farmaajo FAR WAAWEYN AYAA XALAY WAX LOOGU DHIGAY‼️

Magacaabista Gudiyada Doorashada iyo soo jeedinta shir in la isugu yimaado 30-ka bisha ee lagu sheegay war-murtiyeedka PL iyo JL waxay banaanka keentay talo xumida iyo tabar yarida MW Farmaajo. Waliba si kaloo wax loogu sheego inta la garan waayay ayaa sidiisii xalay saqdii dhaxe waraaq wiifto ah lagu dul yeeriyay  iyadoo waliba far waaweyn ku qoran. Sida muuqatana MW Farmaajo uma harin fursad aan ahayn in uu kala doorto maalinta shirka la qabanayo iyo muddada uu socon doono.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa walaalkaa maragga ku fur, magtana la bixi. Koley Madaxweynow maragtii lagugu fur oo taladii shalay ku seegtay walaalahaa ayaa maanta toosiyay ee ku dhaqso aqbalaada talada laguu soo jeediyay, dalka iyo dadkana waqti dambe haka luminin!

Hon. Mahad Salad

Aqri: Magacyada guddiyada doorasho ee ay shaaciyeen Jubaland iyo Puntland

0

Kismaayo (Caasimada Onine) – Maamullada Jubbaland iyo Puntland ayaa ugu dambeyn soo magacaabay guddiyadooda doorashada ee heer dowlad goboleed ee ku metalaya doorashooyinka ka dhacaya dalka, kuwaas oo muddaba laga sugayey.

Magacaabista labadaan guddi oo ka kooban mid 8 xubnood ayaa ka mid ahaa qodobadii la’isku hayey ee doorashooyinka dalka ee 2021-ka, iyada oo dadaal ay saameysay beesha caalamka, gaar ahaan wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay, kadib la qanciyey labadaasi maamul, inkastoo weli qodobada qaar ee doorashada la’isku hayo.

Sidoo kale waxaa la filayaa in magacaabista guddiyada Jubbaland iyo Puntland, kadib la’isugu imaan doono shirkii ugu dambeeyey oo xal looga gaarayo khilaafka dalka.

Arrintan ayaa ah mid sahleysa isku soo dhowaashaha Jubbaland, Puntland iyo dowladda federaalka oo si weyn isugu hayey hanaanka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

Liiska Guddiyada doorashada Jubbaland iyo Puntland oo kala ah:-

Guddiga Jubbaland

1- Siyaas Maxamed Mursal
2- Axmed Maxamuud Cumar
3- Axmed Cabdi Nuur
4- Zamzam Faarax Abuukar
5- Maxamed Cusmaan Gaab
6- Ibraahim Aadan Ibraahim
7- Axmed Yuusuf Maxamed
8- Abuukar Nuur Cabdi

Guddiga Puntland

1- Cabdikariim Muuse Maxamuud
2- Muuse Cabdulqaadir Ducaale
3- Axmed Cabdi Maxamuud
4- Caynaanshe Yuusuf Xuseen
5- Caydaruus Axmed Faarax
6- Cabdirisaaq Cabdulle Faarax
7-Farxiya Xuseen Maxamuud
8- Canab Xaaji Saleebaan Warsame

Puntland iyo Jubaland oo go’aan wada jir ah oo cusub kasoo saaray doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland ayaa shaaca ka qaaday inay ogolaadeen inay soo gudbiyeen xubnaha guddiyada doorashada heer gobol ee muddo ay diidanayeen, si ay taas ugu gogol xaarto in la qabto shir lagu xalinayo muranka ka taagan doorashada.

Qodobkan ayaa ahaa mid dowladda federaalka ay ku adkeysaneysay islamarkaana shuruud uga dhigeysay inay aqbasho shirka, oo ay gadaal ka riixeyso beesha caalamka.

Qoraalka kasoo baxay ayey Jubaland iyo Puntland ku baaqeen in shir la isugu yimaado 30-ka bisha kaasi oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, hase yeeshee waxay sheegeen in dowladda federaalka ay weli ka cago-jiideyso shirkaas.

Puntland iyo Jubaland ayaa qoraalka ay soo saareen ku sheegay in beesha caalamka ay door muhiim ah ka qaadatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xallin lahaa khilaafka jira iyo in Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada, si ay taas qeyb uga noqoto qabsoomida shir lagu wadatashi oo si guud loogu xalliyo dhammaan qodobada lagu muransan yahay.

Waxaa ay ugu baaqeen Beesha Caalamka in gacan ka geystaan in dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasillooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021, iyadoo heshiis laga gaarin qabsoomida doorashada.

Hadaba hoos ka aqriso qoraalka ka baxay Puntland iyo Jubaland. 

Kadib dadaalo is daba jooga ah oo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka wadeen, waxaa qabsoomay shirarkii Dhusamareeb 1, 2, 3 iyo shirkii wadatashiga ee ka dhacay Magaalada Mogadishu September 2020, ayna isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.

Madaxda Guddiga Wadatashiga Qaranka ayaa 17 September 2020 heshiis ka gaaray qabsoomidda doorashada Dalka, isla markaasna 1dii October 2020 soo saaray habraacyada magacaabista iyo maamulka Guddiyada doorashooyinka.

Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa dhamaantood soo magacaabay xubnaha ka qaybgalaya Guddiga doorashada ee Dowladda dhexe (FIEIT), halka ay Dowladaha Xubnaha ka ah qaarkood soo magacaabeen guddiyada maamulka doorashada ee heer Dowlad Goboleed (SIEIT).

Magacaabista Xubnaha Guddiga Dowladda Federaalka ah iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ay soo gudbiyeen ayaa hareer marsanaa habraacyadii lagu heshiiyey ee magacaabista iyo maamulka guddiyada doorashada. Dowladda Federaalka ah ayaa sidoo kale wadatashi la’aan ku magacawday Guddiga Maamulka doorashada kuraasta Somaliland iyo in Dowladdu khal khal amni ka abuurtay sidii doorasho uga qabsoomi lahayd Gobolka Gedo. Arrimahaan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf sababay in uu dib u dhaco fulinta heshiiskii 17 September 2020 lagu gaaray Magaalada Mogadishu.

Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dareen ka muujiyeen qodobada abuuray khilaafka ee hareeyey fulinta heshiiskii 17 September 2020 iyo habraacyadii lagu heshiiyey. Dowladaha Puntland iyo Jubbaland waxay dib u dhigeen magacaabista guddiyada maamulka doorashada ee heer Puntland iyo Jubbaland inta laga wada hadlayo arrimaha laysku khilaafsan yahay.

Xubnaha Beesha Caalamka oo uu ugu horeeyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midowbay James Swan ayaa door muhiim ah ka qaatay sidii Madaxda Wadatashiga Qaranka ay shir isugu imaan lahaayeen, loona xalin lahaa khilaafka jira iyo in Dowladaha Puntland iyo Jubbaland ay soo magacaabaan Guddiyada si ay qayb uga noqoto qabsoomidda shir wadatashi oo si guud loogu xaliyo dhamaan qodobada lagu muransan yahay.

Dowladaha Jubbaland iyo Puntland ayagoo tixgalinaya wakhtiga xasaasiga ah ee lagu jiro, una gogol xaaraya qabsoomidda shir loo dhan yahay, waxay shaaciyeen Guddiyada Maamulka doorashada ee SIEIT. Haseyeeshee, waxaa nasiib darro ah in Madaxda Dowladda Federaalka ah ay ka cago jiidayso qabsoomidda shir lagu xaliyo khilaafka ka jira qabsoomidda doorashada Dalka.

Haddaba, waxaan dhamaan Ummadda Soomaaliyeed, Saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo Beesha Caalamkaba la socodsiinaynaa in Puntland iyo Jubbaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan yahay oo lagu wada kalsoonaan karo ay Dalka uga dhici lahayd si ay u abuurto daganaansho siyaasadeed oo horay u sii wada hannaanka dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Sidaa darteed, waxaan Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ugu baaqaynaa in shir deg deg ah laysugu yimaado Magaalada Mogadishu 30ka January 2021 si loo xaliyo arrimaha hortaagan doorashada.

Waxaan sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka geystaan in Dalka laga badbaadiyo khatar amni iyo xasilooni darro siyaasadeed oo uu wajihi karo haddii la gaaro 8 February 2021 ayadoon heshiis laga gaarin qabsoomidda doorashada.

Inta badan gudoomiyaasha degmooyinka G/Banaadir oo Muqdisho isaga baxaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa ogaatay in inta badan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir ay ka baxayaan magaalada Muqdisho muddo todobaad gudihiisa ah.

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa tilmaameysa in guddoomiyaasha degmooyinka Xamar Weyne, Shangaani, Howl-wadaag, Shibis, Cabdicasiis, Waabari, Heliwaa iyo degmooyinka kale ay safar u yihiin dalka Turkiga, islamarkaana ay qaateen fasax nasiino ah, kaas oo aan waqti go’an laheyn. 

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in arrintaan ay ka dambeysay kadib cabsi soo wajahday guddoomiyaasha oo dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay wajahayay weeraro qaraxyo ah iyo dilalkii guddoomiyaha degmada Hodan. 

Qaar kamid ah guddoomiyaasha  degmooyinka ee safarka ah oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in magaalada xumaatay oo aan la sii joogi karin inta lagu guda jiro waqtiga kala guurka ah. 

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa tilmaamaya in sidoo kale ay bixi doonaan guddoomiye ku xigeeno degmooyinka gobalka Banaadir ah.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaan inta badan amnigood adkeyn, mana haystaan baabuurta aanay xabadda karin ee wasiirada iyo xildhibaanada qaar ay wataan, taasi oo ka dhigtay kuwa u nugul weerarada Al-Shabaab.

Weerar khasaare geystay oo ka dhacay WANLAWEYN

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qarax oo xalay ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/Hoose.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan, islamarkaana ay fuliyeen rag hubeysan ayaa ka dhacay bar-koontarool oo ciidamada Koonfur Galbeed ay ku leeyihiin degmadaasi.

Ragga hubeysan ayaa bambo-gacmeed ku tuuray fariisin ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin dhanka galbeed ee magaalada, gaar ahaan waddada aada Baydhabo.

Ugu yaraan illaa 5 askari ayaa ku dhaawacantay weerarkan, kuwaas oo la dhigay xarun caafimaad oo ku taalla isla degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelah Dhexe.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa sameeyey baaritaano kooban, kadib qaraxaasi, mana jiro weli wax faah faahin oo laga bixiyey howl-galka iyo weerarka ka horreeyey.

Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro kala duwan ka fuliya gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Cali Guudlaawe oo dib ugu laabtay Jowhar iyo Swan oo kusii jeeda magaaladaas

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa maanta ku laabtay magaalada Jowhar ee caasimada maamulkaasi, isaga oo ka amba-baxay Muqdisho oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa garoonka Jowhar ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole ee HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Jowhar.

Intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho wuxuu kulamo la yeehay madaxda dowladda federaalka & qaar ka mid ah musharraxiinta, iyaga oo ka wada-hadlay doorashada.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in maanta magaalada Jowhar uu ku wajahan yahay wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, James Swan, isaga oo garoonka diyaaradaha magaaladaasi kulan kula yeelan doono madaxweyne Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) oo ku laabtay caasimada dowlad goboleedka HirShabelle.

Labada mas’uul ayaa ka wada arrinsan-doono xaaladaha ka jira deegaanada maamulka HirShabelle iyo muranka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Muddooyinkii u dambeeyey Amb. James Swan ayaa waday dadaallo ballaaran oo uu xal ugu raadinayo khilaafka siyaasadeed ee haatan ka jira doorashooyinka dalka, isaga oo kulamo gaar ah la yeeshay madaxweynayaasha maamullada Jubbaland, Puntland iyo Galmduug.

Xog: Muuse Biixi oo qeyb ka noqday xiisad xooggan oo ka taagan Hargeysa

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa markii u horeysay qeyb ka noqday xiisad xoogan oo ka dhex aloosan siyaasiyiin isku haya musharaxnimada doorashada la filayo inay ka qabsoomto Somaliland.

Sida ay xog ku heshay Caasimada Online, madaxweyne Biixi ayaa garabka saaray maayarka ay mudada ka dhamaatay ee magaalada Hargeysa, Cabdiraxmaan Solteco, halka uu gaashanka u daruuray siyaasiga rug cadaaga ah ee Cabdikariin Axmed Mooge.

Solteco iyo Cabdikariin Mooge ayaa muddooyinkii dambe waxa ka dhex aloosneyd xiisad xoogan oo la xiriirta xilka maayirka Hargeysa oo uu xiligan hayo Solteco, oo raba inuu markale kusoo laabto xilkan uu mudada badan hayay.

Cabdikariin Mooge oo hore wasiir kuxigeen uga soo noqday xukuumadda Axmed Siilaanyo, ayaa dhawaan kulan la qaatay madaxweynaha Somaliland, wuxuuna Biixi u sheegay in uusan gacan ka geysaneyn xilka uu u tartamayo, sida ay ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online.

“Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu u dhaxeeyey sadexda xisbi isaga oo sheegay inuu doonayo maayarka magaalada Hargeysa, wuu u tagay xisbiga Kulmiye oo uu ugu jeclaa inuu ka soo tartamo, wuxuuna hor fariistay Biixi oo u sheegay hankiisa, balse nasiib darro wuu ku gacan seyray,” ayuu yiri sarkaal la hadlay Caasimada Online.

“Madaxweynuhu wuxuu ku yiri ‘ma jiraan wax aan ku balan-qaadayo’, halkaasna waxa ka dhacay kala kac oo Cabdikariim waxa uu ku yiri ‘madaxweynaha waad ka shaqayn kartaa waanad ka shaqayn doontaa cida noqonaysa’, Cabdikariim ayuu diidaanaa madaxweynaha oo waa la ogyahay inuu saamayn ku leeyahay maayarka soo bixi doona, waxaanu Muuse Biixi ku dedaalayaa in maayarka laga dhigo qofka uu isagu doonayo.”

Muuse Biixi ayaa dadaal badan ku bixinaya in siyaasiyiga qabanaya xilka maayirka caasimada Hargeysa uu noqdo mid uu gacanta ku hayo, iyada oo ilo xogagaal ah u sheegen Caasimada Online, in madaxweynaha uu dabada ka riixayo dib u doorashada Solteco.

Mana aha markii u horeysay ee madaxweyne Muuse Biixi uu go’aan dhex-dhexaadnimada ka baxsan ka qaato siyaasiyiinta hirdanka ugu jira doorashooyinka Somaliland, iyada oo ay xusid mudan tahay inuu siyaasiyiin badan ka ceyriyay xisbiga Kulmiye.

Guddiga lagu muransan yahay ee doorashada oo si lama filaan ah u beddelay mowqifkiisii doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka, oo muddo ku adkeysanayey qabashada doorasho aan heshiis lagu aheyn, ayaa u muuqda inuu beddelay mowqfikiisa, sida ka muuqata qoraal caawa kasoo baxay.

Guddiga, oo ku xiran madaxtooyada Soomaaliya, islamarkaana saddex goor ku fashilmay jadwal doorasho oo uu soo saaray, ayaa qoraalka caawa kasoo baxay ku caddeeyey inuu ka war-sugayo in dhinacyada isku haya doorashada dalka ay marka hore ku heshiiyaan.

“Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiha.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay inay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay.”

Guddiga lagu muransan yahay ayaa ugu dambeyn sheegay inuu bogaadinayo dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorashada lagu heshiiyey.

Ma cadda sababta keentay isbeddelka mowqif ee guddiga hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay beesha caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah, iyo maamul goboleedyadii ku xirnaa Villa Somalia ee la rabay inay doorashada billaabaan oo ka cago jiiday.

Khilaafka ugu weyn ee ka taagan doorashada ayaa salka ku haya guddigan, waxayna musharaxiintu ku adkeysanayaan inay ku jiraan xubno laga soo kala xulay NISA iyo shaqaalaha dowaldda, sidoo kale arrinta gobolka Gedo iyo hanaanka doorashada kuraasta baarlamaanka ee gobollada waqooyi ayaa la isku hayaa.

 

Maxaa kasoo kordhay xaaladda R/W Abiy Axmed?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa markii ugu horreysay qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka, xilli maalmihii la soo dhafay baraha bulshada dalkaas la isla dhexmarayay warar ku saabsan xaaladiisa caafimaad.

Bartiisa gaarka ah ee Twitter-ka Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa lasoo dhigay qoraallo uu ku amaanayo hogaamiyeyaasha maamullada Oromada iyo Soomaalida dalka Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa madaxda maamulladaas ku ammaanay tageerada ay u muujiyeen dowladda dhexe ee Itoobiya, waxayna dhawaan xukuumadiisu soo afjartay dagaal ay ku qaaday gobolka Tigray, kaas oo meesha looga saaray maamulkii TPLF ee maamuli jiray gobolkaas.

Labadii toddobaad ee lasoo dhaafay waxaa la waayay warka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, maadaama aanan lagu arkin fagaarayaasha ama baraha bulshada, waxayna bulshada dalkaas muujiyeen tuhunno badan.

Dad badan oo Itoobiyaan ah ayaa baraha bulshada ee Internet-ka maalmihii la soo dhaafay ku faafiyey warar kala duwan oo la xariira xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaare Abiy.

Hey’adda sirdoonka qaranka iyo nabad-sugidda ee Itoobiya, oo magaceeda loo soo gaabiyo NISS, oo xalay qoraal soo saartay ayaa wacad ku martay in ay la xisaabtami doonto qof walba oo baraha bulshada ku daabaca ama ku faafiya waxay ugu yeertay “wararka marin-habaabinta ah” oo ku saabsan xaaladda caafimaad ee Ra’iisul Wasaaraha.

Warka hanjabaada ah hey’adda Sirdoonka Itoobiya ee NISS ayaa sii abuuray hadal heyn hor leh, waxaana ka dhashay weydiimo ah halka uu jiro Abiy Axmed.

Wararka ugu badan ee laga faafiyey Abiy Axmed waxay sheegayeen in dalka dibadiisa loogu qaaday caafimaad, si gaar ah dalka Talyaaniga, balse dowladdu waa beenisay welina sooma bandhigin xaqiiqooyin tuhunka jira looga qanciyo dadka.