27 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Daawo: Imaamka Mudullood oo jeediyey digniin la xiriirta 13-ka kursi ee G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay 13-Kursi ee uu madaxweyne Farmaajo shalay saxiixay ee gobolka Banaadir, midaasi oo hore u meel-mariyeen mudaneyaasha golaha shacabka.

Imaan Maxamed Yuusuf ayaa ugu horeyntii wax lagu farxo ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Farmaajo, wuxuuna sheegay in gobolka Banaadir uu yahay midka ugu canshuurta badan dalka ee dowladdu ku dhaqan tahay.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in metelaada gobolka ay soo martay marxalado kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in si siman loo qeybsado kuraasta gobolka.

“Waan ku faraxsanahay dhawaaqistaas, maadama aan ahay odeygii Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir ama Koonfurta aan ahay  waxaa ku talinayaa in umadda joogta ee xaqa u leh loo qeybiyo oo aysan qeybtood xumaan,” ayuu yiri Imaamka Mudullood.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ku talinayaa in uusan sad-bursi ka dhicin oo lagu kala sii fogaanin, muddo ayey jiitameysay hadda Ilaahaya keenay, madaxweynuhuna waa ku dhiiraday sababto tahay dad badana ka horeeyay kumana dhiiranan, asaguna waa ku mahadsan yahay, baarlamaankuna waa ku mahadsan-yahay.”

Waxa kale oo uu ka digay in kuraasta gobolka Banaadir aysan horseedin khilaaf cusub, isla markaana loo baahan yahay in si siman loogu qeybiyo dadka gobolka.

Ugu dambeyntiina waxa uu Imaamka Mudullood ku baaqay in la joojiyo dagaalka Beled-Xaawo oo meel xasaasiya maraya, kaasi oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Cali Xuseen Soomaali oo ka bad-baaday isku day dil

0

Badhan (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu qaaday hoyga uu degmada Badhan ka dagan yahay guddoomiyaha gobolkaasi ee Puntland, Mudane Cali Xuseen Soomaali.

Rag hubeysan ayaa rasaas huwiyey guriga guddoomiyaha, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray ilaalada guddoomiyaha iyo kooxda weerarka soo qaaday.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaadka uu socday muddo kooban, islamarkaana uu ka bad-baaday guddoomiye Cali Xuseen Soomaali.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkan, marka laga reebo burbur gaaray dhismaha guriga guddoomiyaha.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay baxsadeen kooxihii ka dambeyey falkaasi dhacdada kadib.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada amaanka ayaa haatan wada howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeyey weerarkaasi.

Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan oo duqeyn lagu laayey

0

Xudur (Caasimada Online) – Faag faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Somalia, gaar ahaan duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

Duqeynta ayaa lagu soo warramayaa in si gaar ah looga fuliyey deegaanka Ma’madoow oo 40km u jira degmadaasi, kaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegay in duqeynta lalal bartimaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxdaasi.

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay weerarkan dhanka cirka ah ayaa shaaca ka qaaday in lagu laayey saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, walow aysan tirada shaacin.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi.

Si kastaba duqeyntan ayaa ku soo beegmeysa, xilli ciidamada huwanta ay qorsheynayaan inay go’doonka ka qaadaan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Xog: Beesha caalamka oo kulan xasaasi la yeelaneysa Farmaajo iyo farriin loo sido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maanta oo Sabti ah uu xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan xasaasi ah kula yeesho wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Xubnaha uu madaxweynaha la filayo inuu la kulmo ayaa waxaa ka mid ah ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, safiirka Mareykanka Donald Yamamoto, safiirka UK ee xilka kasii degaya Ben Fender, ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Fransisco Madeira, iyo safiirada dalalka kale.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ka heshay madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka uu ku yimid codsiga wakiilada beesha caalamka, waxaana lagu warramay inay madaxweynaha u sidaan farriin la xiriirta arrimaha doorashada.

Inkasta oo aanay caddeyn waxay tahay fariintaas ayaa haddana waxaa loo badinayaa inay ku cadaaddiyaan inuu aqbalo shir uu la yeesho madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si xal looga gaaro muranka doorashada.

Shirkan oo markii hore dowladda ay aqbashay kuna xirtay in marka hore ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay soo magacaabaan guddiyada doorashada, ayaa shaki uu galay kadib markii dowladda ay ku gacan seertay habka loo magacaabay guddiyadaas, kuna tilmaamtay sharci-darrada

Beesha Caalamka ayaa dhankeeda war ay soo saareen shalay waxay ku taageerayaan guddiyada ay magacaabeen Puntalnd iyo Jubaland iyo qabashada shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey saameynta iyo dhaq-dhaqaaqyada beesha caalamka ee ku wajahan is-mari waaga siyaasadeed ee dalka, waxaana la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay in Farmaajo waqtiga kasii dhamaanayo, taasi oo awooddiisa sii yareysay.

Madaxweyne Farmaajo iyo beesha caalamka oo uu shir uga furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saaxiibada beesha caalamka taas oo looga arinsanayo arrimo la xiriira doorashooyinka.

Kulanka ayaa waxaan qeyb ka aheyn safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Diblomaasiyiinta Mareykanka ee jooga Soomaaliya fasax uma heystaan iney ka baxaan aagga aadka loo ilaaliyo ee xarunta Xalane oo ku talla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ka heshay madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka uu ku yimid codsiga wakiilada beesha caalamka, waxaana lagu warramay inay madaxweynaha u sidaan farriin la xiriirta arrimaha doorashada.

Inkasta oo aanay caddeyn waxay tahay fariintaas ayaa haddana waxaa loo badinayaa inay ku cadaaddiyaan inuu aqbalo shir uu la yeesho madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si xal looga gaaro muranka doorashada.

Shirkan oo markii hore dowladda ay aqbashay kuna xirtay in marka hore ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay soo magacaabaan guddiyada doorashada, ayaa shaki uu galay kadib markii dowladda ay ku gacan seertay habka loo magacaabay guddiyadaas, kuna tilmaamtay sharci-darrada

Beesha Caalamka ayaa dhankeeda war ay soo saareen shalay waxay ku taageerayaan guddiyada ay magacaabeen Puntalnd iyo Jubaland iyo qabashada shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey saameynta iyo dhaq-dhaqaaqyada beesha caalamka ee ku wajahan is-mari waaga siyaasadeed ee dalka, waxaana la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay in Farmaajo waqtiga kasii dhamaanayo, taasi oo awooddiisa sii yareysay.

Wixii shirkaan kasoo baxa kala soco Caasimadda Online

Mashruuc: “Garashada reer Muqdisho yaan loo gefin, BF ee 11-aad waxaa kaliya kusoo biiri kara hal xubin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senetor Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu dastuurka ka horimanay 13-Kursi ee gobolka Banaadir laga siinayo Aqalka Sare, taasi oo uu shalay saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay in uusan kuraasta helayn gobolka Banaadir ilaa wax laga bedelo dastuurka dalka, kaasi oo dhigaya in baarlamaanka 11-aad ay kusoo biiri karto hal xubin sharafeed oo ah madaxweynaha xilka kasii dhamaanayo.

Mashruuc ayaa hadalkii Villa Somalia ee saxiixista kuraasta ku tilmaamay gef loo geysanayo garashada reer Muqdisho, maadama uu ku doodayo in xubnahaasi kamid noqon karin baarlamaanka soo socda ee 11-aad.

“Garashada reer Mogadishu yaan loo gefin. Illaa dastuurka wax laga baddelo Baarlamaanka 11aad waxa kaliya ku soo biiri kara hal xubin sharafeed oo ah Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waana haddii 9 cisho dhiman si buuxda u dhameysto,” ayuu  Mashruuc ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.”

“Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka, midaasi oo uu ka hor yimid Senator Mashruuc.

Caasimada Online ayaa horey u qortay in qorshaha kuraasta gobolka Banaadir hadda loo soo nooleyey uu yahay mid la isaga horkeenayo beelaha Hawiye iyo Axmed Madoobe iyo Deni. Halkan ka aqriso xogtan.

Daawo: Xildhibaan Jeesow: “Maanta waxay iila mid tahay anigoo jooga buurtii Uxud”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jeesoow ayaa maanta ka qeyb-galay banaanbax lagu taageerayay 13-kii Kursi ee gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka sarre, kaasi oo uu shalay saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Jeesoow ayaa sheegay in kuraasta gobolka Banaadir loo soo maray rafaad badan, taasi oo uu ugu dambeyntii ka dhabeeyay madaxweyne Farmaajo, kadib markii golaha uu meel-mariyay.

Xildhibaanka oo ku dheeraaday marxaladihii loo soo maray matalada gobolka Banaadir ayaa ugu mahad celiyay cidkasta oo kasoo shaqeysay in gobolka uu Aqalka sarre ku yeesho 13-kursi.

Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in gobolka Banaadir uu doorkan helo metelaad dhab, kadib dadaal dheer oo loo huray in kuraastaas uu helo.

“Maanta aniga waxay iila mid tahay anigoo Buurtii Uxud jooga oo cibaadeysanaya xaqiiqatan, berkee waxaa noo dhashay wax aan muddo badan ku taameynay oo habeen iyo maalin aan usoo jeednay ayaa maanta noogala dhabeeyay,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in metelaada gobolka ay cadow badan ka hor istaageen inay dhaqan gasho, wuxuuna ku booriyay shacabka gobolka Banaadir inay ka difaacdaan waxa uu ugu yeeray “cadowga diidan metelaada gobolka”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.”

Arrinkaan ayaa imaneya iyada oo dood xooggan ay ka taagan doorashada dalka, waxaana suurta gal in arrintan ay sii kordhiso muranka doorashada, maadaama Puntland iyo Jubaland ay horey u diideen in gobolka Banaadir uu helo matalaad.

Hoos ka daawo Jeesow

Mareykanka oo farriin culus iyo digniin u diray Farmaajo iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta fariin culus oo la xiriirta doorashada dalka u dirtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo shanta madaxweyne goboleed ee dalka.

Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay barteeda twitter-ka ayey ugu baaqday madaxda Soomaalida inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso in dalka doorasho ay ka dhacdo, waxayna diiday doorasho hal dhinac ah iyo doorashooyi is-barbar socda.

“Waxaan ugu baaqeynaa Farmaajo, Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso inay dalka ka dhacdo doorasho nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay u qalmaan. Maya doorasho hal dhinac ah ama doorashooyin is-barbar socda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Mareykanka ayaa yimid ayada oo sidoo kale beesha caalamka ay maanta soo saartay qoraal ay ku diidan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho dhinac ah iyo kuwa is-barbar socda.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay taageereyso inay shir isugu yimaadaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay tallaabadii Puntland iyo Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Beesha caalamka ee saaxiibada Soomaaliya ayaa waxay si weyn usoo dhaweeyen magacaabidda xubnihii ku dhinaa ee ay sameeyen maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa sheegay inay tahay magacaabista guddiyadaas tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horu socodka, inkastoo ay ku tilmaameen mid lala soo daahay, balse xiligan si deg-deg ah wax uga bedeli karta khilaafka ka taagan hanaanka doorashada dalka.

Sidok kale waxay xoojiyeen baaqii labada maamul ee ahaa in shir wada-jir ah la iskugu yimaado, midaasi oo ay ku sheegtay inay meesha ka saarayso doorasho hal dhinac ah ama isbar-bar yaac doorasho oo dhaca.

Hoos ka aqriso qoraalka saaxiibada beesha caalamka oo dhameystiran.

Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo. Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran.

In la qabto doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo waa arrin aad muhim ugu ah iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Saaxiibada beesha caalamku waxay ku boorinayaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay sameeyaan isu tanaasul gar ah oo lagama maarmaan u ah in la xaqiijiyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.

Beesha Caalamka ee soo saaray qoraalkan ayaa waxaa ay ka kooban yihiin Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

CC Shakuur oo mudac uu Farmaajo wato ku tilmaamay siyaasada A/dibadda Somalia

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mudac uu Farmaajo cid walba ku mudo.

Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in warqadaha wiiftada ah iyo wararka deg-degga lagu tabiyo aysan lahey meel loo celiyo ama cid kale oo talo ku darsata isagoo soo hadal qaaday golaha wasiirada, gole amni qaran, guddiyada arrimaha dibadda iyo labada aqal ee Baarlamaanka.

Wuxuu usoo jeediyay dowladda Soomaaliya in siyaasadda arrimaha dibadda ay ku qotonto danta qaranka, sidoo kale wuxuu u sheegay madaxda uu wakhtigooda sii dhamaanayo inaan wakhti walba la lumin saaxiib balse ay siyaasadda arrimaha dibadda kasbataa saaxiibo cusub oo ay yareysaa cadawga.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA C/RAXMAAN C/SHAKUUR:

Siyaasaddii arrimaha dibedda dalkeena waxey noqotay mudac uu Madaxweyne Farmaajo cid walba ku mudo. Warqad wiifta ah iyo war degdeg ahna lagu tebiyo. Intii go’aan la soo saarayey ma jirin masdar uu ka soo fulay iyo marjic loo celiyo. Ma jirto meel ay gole wasiirro, gole amni qaran, guddiyo arrimo dibadeed iyo gaashaandhig ee labada aqal ee Baarlamaanka iyo gole wadatashi qaran midkoodna talo ku lahaayeen.

Siyaasadda arrimaha dibedda waa in ay dan qaran ku qotontaa, dowladduna waa in ay saaxiib soo kasbataa ama cadaawad soo dhintaa, ma aha in ay subax walba saaxib lumisaa ama cadaw soo kasbataa.

Cabdirashiid Janaan oo ku dhawaaqay dagaal cusub

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Jubbaland ayaa si kulul uga hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal saacado socday Isniintii.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, xildhibaano k tirsan maamulka, maamulka gobolka Gedo ee dhinaca Jubbaland iyo saraakiisha ciidamada Daraawiishta ayaa kulan ay isugu yimaadeen waxey kaga hadleen xaaladda hadda jirta.

Cabdirashiid Janan wuxuu ka dhawaajiyay ineysan u dulqaadan doonin wixii ka dhacay Beledxaawo isla markaana ay tallaabo qaadi doonaan.

Janan wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Beledxaawo, wuxuuna shacabka deegaanka ugu baaqay iney isaga baxaan magaalada si aysan dhibaato usoo gaarin.

Wasiirka wuxuu eedeyn usoo jeediyay madaxweynaha wakhtigiisa sii dhamanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna ku eedeeyay inuu hurinayo dhibaatooyinka ka jira magaalada Beledxaawo.

Magaalada Beledxaawo waxaa dhawaan ka dhacay dagaal saacado socday kaas oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo uu hogaaminayo wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

Dowladda Soomaaliya waxey dagaalka ku eedeysay iney soo abaabushay dowladda Kenya, balse eedeyntaas wey ka jawaabeen Kenya iyagoo sheegay iney ka madax bannaan yahiin waxa ka socda Gedo.

Sawiro: Maxaa looga hadlay kulankii wasiirada A/dibedda Soomaaliya iyo Ethiopia?

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo socdaal ku tagay dalka Itoobiya, ayaa magaalada Addis Ababa kula kulmay dhigiisa Itoobiya.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Itoobiya ahna Wasiirka arrimaha bibadda dalkaas, Demeke Mekonne iyo dhigiisa Soomaaliya ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dhinaca u dhaxeeya.

Sidoo kale waxa kulankaas diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga Itoobiya iyo Soomaaliya, iyada oo la dar-dar gelinayo isfahanada iyo habmaamusyadii ay labada dhinac hore ugu heshiiyeen.

Labada mas’uul ayaa waxa kale oo ay isla falanqeeyeen arrimaha gobolka ka taagan ee danta guud ah iyo kuwa dunida inteeda kale, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay kulankaas.

Dowladda Soomaaliya ayaa saaxiib dhow u ah Itoobiya oo xiligan waiahaysa qalaalase siyaasadeed oo gudaheeda, iyada oo mid kaas lamid ahna uu ka taagan yahay gudaha dalka.

DF: Waa luntay kalsoonidii aan ku qabnay ciidamada Kenya ee ku jira AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay in ciidamada KDF ee Kenya ay awood u leeyihiin inay taageeraan dadaallada lagu xasilinayo Soomaaliya.

Arrintan ayey Soomaaliya ku shaacisay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda oo ay ku diiday warbixinta guddiga xaqiiqo raadinta ee IGAD ay usoo direen xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.

Soomaaliya ayaa ku eedeysay in dowladda Kenya ay joogitaankeeda Soomaaliya uga faa’iideysaneyso inay sare ugu sii qaaddo danaheeda qaran ee gaarka ah ee ay ka leedahay Somaaliya. 

“Haddii aan si fudud u dhigno, ciidamada KDF ma taageeri karaan xasilloonida Soomaaliya ayaga oo dhanka kalena hurinaya xasillooni darrada Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda. 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si xooggan u cambaareysay “faro-gelinta tooska ah ee Kenya ay ku hayso Soomaaliya, ayada oo taageereysa maleeshiyo sharci-darro ah oo argagax gelinaya” shacabka Soomaaliya.

Inkasta oo Soomaaliya aysan si toos ah u dalban in ciidamada Kenya ay ka baxaan dalka, ayaa haddana qoraalkan wuxuu noqonayaa kii ugu adkaa ee ka dhanka ah joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa horey u shaacisay inuu fashilmay qorshe iyo isku day ay dowladda Kenya ku dooneysay inay ku maamusho qeybo ka mid ah Soomaaliya, markii ay ciidanka ay taageerto ee Cabdirashiid Janan ay soo weerareen Beled-Xaawo. 

DF oo dalab xasaasi ah u dirtay IGAD kadib warbixintii guddiga xaqiiqo raadinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday urur goboleedka IGAD inuu baabi’iyo warbixinta ay soo gudbiyeen guddiga xaqiiqo raadinta ee ururka uu u diray xuduudda ay la wadaagto Kenya, ayada oo sheegtay in warbixintaas ay si weyn saameyn ugu yeelatay Kenya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arirmaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay dhowr qodob oo muujinaya in guddiga reer Jabuuti ay u eexdeen Kenya, sida ay rumeysan tahay Soomaaliya.

Waxaa qodobadaas ka mid ah in wasaaraddu ay sheegtay in tan iyo markii guddiga uu howshiisa billaabay 9-kii Janaayo uu dhowr mar oo is-xigxigay booqday Kenya, halka uu Soomaaliya u yimid si kooban oo kaliya.

“Guddiga wuxuu sidoo kale warbixintiisa ku qirtay in lagu qaaday diyaaradaha helicopter-ka ee ciidamada Kenya, xilli guddiggu ku guda jiray shaqo xaqiiqo raadin ah oo la xiriirtay ciidamada ay Kenya soo dhoobtay xuduudda. Taas waa qirasho qeexeysa eexda guddiga, islamarkaana dhaawaceysa isku haleynta iyo sidoo kale dhex-dhexaadnimada dowladda Jabuuti, taasi oo sidoo kale dhaawac ku ah IGAD,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in guddiga ay diideen inay ayaga oo ay wehliyaan wafdi wasiiro ah booqdaan magaalada Beled-Xaawo, taasi oo ay xigtay dagaalkii xuduudda ka dhacay 25-kii bishan. Diidmadaas ayay Soomaaliya sheegtay inay Kenya ku dhiiri-gelisay inay mar kale soo weerarato ciidanka Soomaaliya ayada oo garab siineysa ciidamada wasiirka Amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.

 “Ciidanka weerarka soo qaaday waxaa tababaray, quudiyey oo taageerayey ciidanka KDF ee Kenya. Waxaana taas TV-yada Kenya ka xaqiijiyey xildhibaanada laga soo doorto NFD. Hase yeeshee guddiga wuxuu aad xiiso ugu qabay inuu qariyo halka ay joogaan maleeshiyada si uu qanciyo dowladda Kenya,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

“Sidaas darteed la yaab ma lahan in natiijada howlgalka xaqiiqo raadinta guddiga ay noqoto mid dhan u janteerta, qabyo ah, oo aan sal laheyn, waxayna muujineysaa inay si cad u faro-gelisay dowladda Kenya, saameyna ugu yeelatay warbixinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in warbixinta guddiga ay si weyn u dhaawaceyso dhex-dhexaadnimada iyo maqaamkii Jabuuti ee ahaa saaxiib la aaminay oo dhex-dhexaad ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidaas darteed ugu baaqday IGAD in warbixinta guddiga la baabi’iyo, islamarkaana IGAD uu soo diro guddi xaqiiqo raadin ah oo ka kooban dhowr dal. 

Haddii aanay IGAD sidaas sameyn, Soomaaliya ayaa sheegtay inay xaq u leedahay inay xuquuqdeeda ku raadiso hab diblomaasiyadeed ayada oo mareysa Midowga Afrika iyo Golaha Ammaanka QM, haddii loo baahdo.

Qarax ka dhacay waddo uu maro Farmaajo oo keentay in deg deg laami loo saaro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan mas’uuliyiinta amiga ee Madaxweyne Farmaajo ayaa amray maamulka garaash gaadiidka lagu xareeyo oo ku yaalla inta u dhaxeysa Ceel-gaabta iyo Isgoyska Xamar Jajab inuu laami saaro hortiisa kadib markii todobaadyo ka hor halkaas uu qarax ka dhacay. 

Wadadaan oo ah marinka kaliya ee Madaxweyne Farmaajo ayaa ka baxda Madaxtooyada iyadoo gasha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana markii ugu horreysay dhowaan ka dhacay qarax miino oo dhulka la geliyay.

Tan iyo markii uu dhacay qaraxaas, Madaxweynaha Soomaaliya kama uusan bixin Madaxtooyada waxaana hadda soo kordhay in laami la saaray meel bacaad ama carro cad ah oo laamiga dhinaciisa ah, halkaas oo la dhigay qaraxa waana garaash hortiisa. 

Sababta ayaa lagu sheegay in looga feejignaanayo in qarax dambe dhulka la geliyo si loo ilaaliyo amaanka Madaxweynaha oo la aaminsanyahay in mudooyinkaan uusan ka soo bixin Madaxtooyada sabab la xariirta arrintaan. 

Magaalada Muqdisho ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay marti gelineysay qaraxyo halis ah, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray mas’uuliyiin dowladeed, Saraakiil, Ciidan iyo Xildhibaano hore, waxayna arrimahaan abuureen wal wal badan oo dhanka ammaanka ah. 

Xog: Maxaa kusoo kordhay baaritaanka kiiska dilka guddoomiyihii D/Hodan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa guddi uu hogaaminayo Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalaka Sida Cabdllaahi Buula-kameey u saartay baaritaanka kiiska guddoomiyihii degmada Hodan ee gobalka Banaadir Cabdixakiin Dhagajuun iyadoo ay soo baxayaan warar hordhac oo arintaan ku saabsan.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in kiiskaan uu gaba-gaba marayo islamarkaana ay u badan tahay in la sii daayo taliyaasha Saldhigyada Howl-wadaag iyo Waabari, balse laga qaadi doono xilalkaas islamarkaana ay suurtagal tahay in ay darajooyinkooda ku waayaan amarka ay bixiyeen.

Warar kale ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay rabto in diyo laga dhiibo dilka guddoomiyaha kadib markii xogta baaritaanka lagu sheegay in falkaas uu udhacay si aan kutalagal aheyn oo la raadinayay gaari qaad waday. 

Sida ay noo sheegeen xubno kiiskaan xog ogaal ka ah Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ayaa ehelada qaar kula taliyay in arrintaan kawada hadlaan ka hor Maxkamada maadaama uu ahaa shil dhacay oo aan ku talagal loo toogan guddoomiyaha sida ay ku heleen baaritaan ay sheegeen in ay sameeyeen guddiga. 

Ugu yaraan 7 askari iyo laba taliye ciidan ayaa kiiskaan u xiran, waxaana wali gacanta dowladda ka maqan hal askari oo falkaan qeyb ku lahaa. 

ITOOBIYA oo gacanta ku dhigtay hogaamiyeyaal sare oo Tigray-ga ka tirsan

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay inay gacanta ku dhigtay tiradii ugu badneyd oo ka tirsan hogaamiyayaasha Jabhadda Xoreynta Tigray-ga, kuwaasi oo qeyb ka ahaa dagaalkii lagu hoobtay ee xukuumadda Abiy Axmed ku qaaday gobolka Tigray-ga.

Afhayeenka Ciidamada Itoobiya, Jeneraal Maxamed Tasim oo soo saaray war-saxaafadeed ayaa sheegay in 18 kamid ah hogaamiyayaasha ‘Jabhada xoreynta dadka Tigray’ ay gacanta ku soo dhigeen, isagoona sheegay in saraakiishan lasoo qabtay ay ku lug lahaayeen dagaalkii dabayaaqadii sanadkii hore ka dhacay gobolkaas.

Hogaamiyeyaashan uu shaaciyay afhayeenka ciidamada Itoobiya in lasoo qabtay ayaa waxa ku jira Korneelo iyo taliyayaal kale oo ka tirsanaa booliska Itoobiya, sida lagu sheegay qoraalka.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka TPLF oo ku aadan sheegashada dowladda, mana aha markii u horeysay ee xukuumadda Abiy Axmed ay sheegto inay gacanta kusoo dhigtay xubno ka tirsan Jabhada duur galeenka ah ee TPLF, tan iyo markii lagaga adkaaday dagaalkii Tigray.

Dabayaaqadii sanadkii dhamaaday ee 2020-kii ayaa waxa dalka Itoobiya ka qarxay dagaal u dhaxeeya maamulka maylka adag ee TPLF iyo ciidamada Itoobiya, kaasi oo sababay dhimashada dad badan iyo barakaca kumanaan ruux oo kale.

Intaas wixii ka dambeeyay maamulka TPLF ayaa isku badalay jabhada xoreynta dadka Tigray oo iyadu ku dooda inuusan weli istaagin dagaalkii Xukuumadda Abiy iyo TPLF, xili lagala wareegay caasimadii gobolka Tigray ee ay gacanta ku hayeen.

Qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho oo maanta xiran iyo banaanbax dhacaya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Banaanbax lagu taageerayo go’aanka uu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo uu ku ansixiyay in gobolka Banaadir uu 13 kursi ku yeesho mataalada Aqalka Sare ayaa maanta lagu wadaa inuu ka dhaco magaalada Muqdisho

Inta badan waddooyinka Muqdisho ayaa loo xiray banaan baxyada, si dadweynaha loogu sahlo inay isugu soo baxaan goobo loo cayimay oo ah inay isugu yimaadaan, iyadoo amnigooda la sugayo.

Banaan baxan oo uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo xalay la qaban qaabinayay, iyadoona la filayo inuu maanta ka dhaco Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir, xildhibaano iyo qeybaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya  ayaa la filayaa inay goobta ka jeeddiyaan khudbado ku aaddan dedaalladii loo galay matalaadda Aqalka sare ee Bulshada Gobolka Banaadir.

13 Senator oo ah mataalada gobalka Banaadir ayaa waxaa shalay ansixiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

DF oo abaal-marineysa ciidankii ka dagaalamay B/Xaawo – Maxay helayaan?

0

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay inay dalacsiineyso ciidamaddii iyo saraakiishii dagaalka ku galay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ee iska difaacay ciidankii ku soo weeraray.

Taliyaha qeybta 43-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Cali Bogmadow oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beled-Xaawo ayaa sheegay in dowladda dalacsiineyso ciidankii iyo saraakiishii difaacday Beled-Xaawo, in kastoo uusan shaacin tiro rasmi ah oo loo qorsheeyey in la dalacsiiyo.

Sidoo kale wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo ka mid ahaa wafdi wasiirro ah oo maanta gaaray Beled-Xaawo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay dalacsiin u qorsheysay saraakiishii iyo ciidankii difaacay magaalada Beled-Xaawo.

“Saraakiisha iyo ciidanka jooga Beled-Xaawo waxay muujiyeen dadaal dheeraad ah, waxay mudan yihiin in la abaal-mariyo, anigoo wasiirkii Gaashandhigga waxaan soo jeedinayaa in la dalacsiiyo, dhammaan ciidamada qalabka sida ee ku sugan magaaladaan,” ayuu yiri wasiir Xasan Xuseen Xaaji.

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta wafdi wasiirro ah u dirtay gobolka Gedo, waxuuna wafdigaas isku maray magaalooyinka Doolow iyo Beled-Xaawo.

Sidoo kale weriyeyaal ka socday warbaahinta madaxa-banaan ayey dowladdu maanta geysay gobolka Gedo, gaar ahaan Doolow, Beled-Xaawo iyo xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, si ay uga soo waramaan dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii Beled-Xaawo.

Wasiirrada gaashaandhigga, warfaafinta iyo cadaaladda ee xukuumadda Soomaaliya oo wafdigaas hoggaaminayey ayaa Doolow kula hadlay ciidamadii lagu qabtay dagaalkii Beled-Xaawo, waxayna u sheegeen in dowladdu cafisay oo la qarameynayo.

Sidoo kale wasiirradan ayaa ka dalbaday ciidamada kale ee la socda wasiir Janan inay isi-soo dhiibaan.

Isniintii todobaadkaan ayaa magaalada Beled-Xaawo waxaa goor habeen ah soo weeraray ciidamo la sheegay inay ka amar qaataan wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, kuwaas oo in ka badan 100 maxaabiis ah dagaalka looga qabtay.

Muxuu CC Shakuur ka yiri 13-ka kursi ee uu Farmaajo saxiixay ee G/Banaadir?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan golaha midowga musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxweyne Farmaajo aad ugu dhaliilay 13-kii kursi ee uu galabta u saxiixay gobolka Banaadir.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraal soo saaray ayaa ku doodaya in madaxweyne Farmaajo uu ku fashilmay dejinta hanaankii loo soo dooran lahaa 329-xubnood ee uu ka koobnaa baarlamaankii hore, balse uu hadda ku soo daray kuwo hor leh oo aan dastuurka waafaqsaneyn.

“Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku fashilmay sidii loo dooran lahaa 329 kursi oo heshiis lagu yahay dastuurkana ku dhigan. Wuxuu maanta soo tuuray 13 kursi oo aysan caddayn cida qaybinaysa, sida loo qaybinayo iyo yaa dooranaya,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Qoraalka Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Madaxweynaha 13 kan kursi ee la soo gemay, sooma xasuusan xilligii ay socdeen shirarkii Dhuusamarreeb 1, 2, 3 iyo kii Muqdisho ee lagu gaaray heshiiskii 17-kii September.”

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay hadda madaxweyne Farmaajo ay ka soo xirmeen dhamaan irdihii siyaasadda, sida hadalka uu u dhigay, taasna ay ku kaliftay inuu Bambo u soo tuuro 13-kan kursi.

“Maanta oo ay irdihii oo idil ka soo xirmeen in uu 13 kursi bambo F1 ah u soo tuuro waa siyaasad Ciyaal-faa-cali oo kale ah (qarshaa ii jabsan, waanna bannaday)” ayuu qoraalkiisa ku yiri siyaasigan.

Madaxweynaha Farmaajo ayaa galabta saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare, kadib mudo todoba bilood ah oo qaraarkaas uu u xayirnaa saxiixiisa.

“Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed, Madaxweynaha wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.