25.6 C
Mogadishu
Friday, June 26, 2026

DF oo caawa howl-gal ku dishay horjooge Cali Axmed Guure

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-gal aad loo qorsheeyay oo goordhow ka dhacay deegaanka Mubaax ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay Horjooge Cali Axmed Guure oo loo yaqaanay (Cali Qoyane), sida ay shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horjoogahan ayey dowladdu sheegtay inuu kamid yahay madaxda sare ee kooxda, iyadoo ku tilmaamtay “dhiigyo cab” dhibaatooyin badan ka gaystay gobolka Hiiraan.

Dowladda ma faah-faahin nooca howl-galka dhacay caawa ee lagu dilay horjoogahan, balse xogo hordhac ah oo aan helayno ayaa sheegaya in duqeyn lagu dilay Cali Qoyane.

“Goordhow la soco faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan howl-galka iyo xogta horjoogaha Khawaarijka ahaa,” ayaa lagu yiri faafin deg-deg ah oo kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay ku guuleysteen dilka horjoogayaal iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-gal qorsheysan oo Talaadadii laga fuliyay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab.

Howl-galkaas ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaawacay saddex xubnood oo kale kadib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goob ay isku aruursaneyeen Shabaabka la weeraray, sida ay sheegtay NISA.

Howl-galka ayaa la qaaday markii la helay xog sirdoon oo xaqiijisay in Shabaabka ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.

“Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

Howl-galkaas ayaa markaas ku idlaaday si guul ah, iyada oo ciidanka NISA ay si buuxda uga hortageen qorshihii Shabaabku ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso, sida ay sheegtay hay’addu.

Mucaaradka DF oo dalab deg-deg ah kasoo saaray agaasimeyaal la xiray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u cambaareeyay xariga agaasimayaal warbaahineed oo maanta lagu xiray magaalada Muqdisho.

Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed oo sheegay sida uu uga xun yahay xarigaan ayaa dalbaday in si deg-deg ah loo sii daayo Agaasimaha Himilo TV, Axmed Maxamed Aaden iyo Agaasime Ku-xigeenkiisa, Khadar Cabdiraxiin Ibraahim.

“Waxaan aad uga xumahay tacadiyada joogtada ah ee lagu hayo warbaahinta gudaha kuwaas oo maalin walba la diiwaangeliyo iyadoo la isku dayayo in la aamusiyo Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ka howlgala Magaalada Muqdisho,” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan codkayga ku biirinayaa baaqyada lagu dalbanayo in si deg-deg ah loogu sii daayo Agaasimaha Himilo TV iyo Agaasime Ku-xigeenkiisa oo maanta si sharci darro ah loo xiray.”

Shariifka ayaa madaxda dowladda ugu baaqay ilaalinta dastuurka, oo uu sheegay inuu si buuxda u dammaanad qaadayo warbaahinta xorta ah. “Madaxda dowladda iyo Hay’addaha amniga waxaa saaran waajib qaran, maadama dastuurka dalkeenu uu si buuxda u dammaanad qaadayo warbaahinta xorta ah iyo badqabka Suxufiyiinta,” ayuu yiri.

Sidoo kale, Xisbiga Himilo Qaran ayaa faafin rasmi oo uu soo saaray si adag ugu cambaareyay xariga iyo handadaad uu sheegay in lagula kacay agaasimeyaasha warbaahineed ee la xiray, kuwaas oo gudanayay waajibaadkooda shaqo ee saxaafadeed.

“Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha amniga iyo masuuliyiinta xukuumadda inay joojiyaan cabburinta warbaahinta xorta ah iyo xariga sharci darrada ah ee loo gaysanayo weriyeyaasaha Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xisbiga Himilo Qaran

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Xisbiga Himilo Qaran waxa uu si adag u cambaareynayaa xariga iyo handadaadda lagu kacay agaasimaha telefishinka Himilo TV Axmed Maxamed Aaden & agaasime ku-xigeenkiisa Khader Cabdiraxiin Ibraahim, kuwaas oo gudanayay waajibaadkooda shaqo ee saxaafadeed.

Falkaan wuxuu qayb ka yahay ku xadgudubka xorriyadda hadalka iyo warbaahinta xorta ah ee ay caddeysatay xukuumadda Federaalka ah oo si qaldan u adeegsanaysa ciidamada amniga iyo awoodda dowladda.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu aaminsan yahay in Saxaafaddu ay tahay codka bulshada waana tiir muhiim u ah dimuqraadiyada, dowladnimo ku dhisan cadaalad, isla-xisaabtan iyo hufnaan waxaana dowladda saaran waajibaad cad si loo ilaaliyo badqabka suxufiyiinta.

Xisbigu wuxuu ugu baaqayaa hay’adaha amniga iyo masuuliyiinta xukuumadda inay joojiyaan cabburinta warbaahinta xorta ah iyo xariga sharci darrada ah ee loo gaysanayo weriyeyaasaha Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, waa in si deg-deg ah xorriyadooda loogu siiyo weriyeyaasaha la xiray wuxuuna xisbigu mar kale xusuusinayaa madaxda xukuumadda Federaalka ah inay ilaaliyaan sharciga iyo dastuurka oo dammaanad qaadanaya xorriyatul qowlka & madax-bannaanida warbaahinta.

Kadib heshiiskii Nairobi, Waqooyi Bari oo shaacisay heshiis iskaashi oo ay la gashay…

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa shaaciyay in maanta ay heshiis cusub wada gaareen dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya.

Sida uu shaaciyay telefishanka maamulka Waqooyi Bari, heshiiskan ayaa ku qotoma iskaashi amni oo labada dhinac yeelanayaan, kaasi oo la gaaray kadib kulamo ay yeesheen mas’uuliyiin ka socotay labada dhinac.

“Kulan lagaga tashanayo iskaashiga amniga labada dawladood aya dhex maray masuuliyiinta Dawladda Waqooyi Bari iyo wefti sare oo ka socda Dawlad Deegaanka Soomaalida. Masuuliyiinta labada dhinac ayaa isku raacay muhiimada ay leedahay kor u qaadista amniga iyo ilaalinta nabadda mandiqadda,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta maamulka.

Mas’uuliyiinta labada dhinaca ayaa isla qaatay iskaashi amni oo ku qotoma ilaalinta danaha amni iyo nabad-galyo ee labada dowladelood, iyadoo la gaaray illaa 6 qodob oo muhiim ah.

Qodobada la gaaray ayaa waxay kala yihiin:

  1. Iskaashi buuxa oo ku aaddan sugidda amniga xuduudda dheer ee ay wadaagan labada dowladood
  2. Iskaashi dhex mara hay’ahada amniga labada dowladood
  3. Isweydaarsiga xogaha iyo wadaaga macluumadka amni
  4. Ka hortagga tahriibka iyo tahriibinta
  5. Ka hortagga denbiyada abaabulan
  6. Joogtaynta kulamada amni ee masuuliyiinta labada dhinac

Ugu damebyntiina, Masuuliyiinta dowlad deegaanka ayaa bogaadiyey maamulka cusub ee Waqooyi Bari, dhankooda mas’uuliyiinta dowladda Waqooyi Bari ayaa ka mahad-celiyey iskaashiga amni, ganacsi ee dowladda deegaanku la leedahay Waqooyi Bari.

Iskaashigan cusub ayaa imanaya xilli ay dhawaan maamullada Somaliland iyo Puntland ay magaalada Nairobi ku gaareen heshiis ku qotoma iskaashi amni, kaasi oo loo fasiray “mid labada maamul ugu midoobayaan diidmada maamulka cusub ee Waqooyi Bari”.

Heshiiska Nairobi ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo ay gaaraan maamullada Puntland iyo Somaliland. Labada maamul ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga amniga, nabadda iyo horumarinta bulshada.

Shirkan oo ay ka qayb-galeen wasiirro iyo saraakiil sare oo ka kala socday labada dhinac ayaa lagu falanqeeyay xaaladda amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan sida loo xoojin karo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo iskaashiga dhinacyada la-dagaalanka argagixisada.

Bayaanka ayaa sidoo kale xusay in labada dhinac ay isla qaateen in la xoojiyo iskaashiga amniga badda, iyadoo diiradda la saarayo la-dagaalanka dambiyada badda iyo tahriibka.

Waxaa lagu heshiiyey in la dhiso guddiyo amni oo wadajir ah si loo xaqiijiyo bad-qabashada iyo isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee dhex-marta xeebaha labada maamul.

Maamullada Puntland iyo Somaliland ayaa si weyn iskugu soo dhawaaday kadib markii ay dowladda federaalka u dhaqaaqday dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo ay u aragto maamul ay uga adkaan karto maamulka uu hoggaamiyo Saciid Deni, oo muddo uu ka dhaxeeyay khilaaf siyaasadeed xooggan.

Heshiiska Nairobi ayaa haatan xoojinaya cilaaqaadka Somaliland iyo Puntland, iyadoo labada maamul ay isla qaateen muhiimadda ay leedahay in si buuxda loo soo afjaro colaadihii ka dhacay Ceerigaabo iyo deegaannada hoos yimaada, lana fududeeyo dib-u-celinta dadka barakacay, iyadoo dadka deegaanka loogu baaqay ka qeyb qaadashada dadaallada lagu xoojinayo deganaanshaha.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa sidoo kale ku heshiiyey in la xoojiyo isu-socodka bulshada iyo ganacsiga, lana hirgeliyo kaabayaal dhaqaale oo kor u qaada xiriirka ganacsi ee labada dhinac.

DAGAAL ka dhex qarxay Afghanistan iyo Pakistan iyo boqolaal qof oo ku dhintay

Kabul (Caasimada Online) – Tobannaan dagaallame ayaa ku dhintay iska hor imaad xuduudeed oo habeenimadii dhexmaray Pakistan iyo Afghanistan, sida ay labada dhinacba sheegeen Axadda maanta ah.

Waa dagaalkii ugu cuslaa ee dhexmara labada dal ee deriska ah tan iyo markii Taalibaan ay la wareegtay awoodda Kabul. Ciidanka millateriga Pakistan waxay sheegeen in 23 askari oo ka tirsan looga dilay iskahorimaadka. Halka Taalibaan ay sheegtay in sagaal qof oo dhankooda ah ay dhinteen.

Xiisadda ayaa sii korortay kaddib markii Islamabad ay ka dalbatay Taalibaan inay tallaabo ka qaaddo maleeshiyaadka kordhiyay weerarrada ay ka geystaan gudaha Pakistan, iyadoo sheegtay inay ka soo howl galaan saldhigyo ay ku leeyihiin Afghanistan. Maamulka Taalibaan, oo awoodda la wareegay 2021-kii, ayaa beeniyay in maleeshiyaad u dhashay Pakistan ay ku sugan yihiin dhulkooda.

Dhinac walba wuxuu sheegtay inuu khasaare aad uga badan gaarsiiyay dhinaca kale, iyagoo aan soo bandhigin wax caddeyn ah. Pakistan waxay sheegtay inay dishay in ka badan 200 oo dagaallameyaal Taalibaan iyo xulafadooda ah, halka Afghanistan ay sheegtay inay dishay 58 askari oo Pakistani ah. Si madax bannaan looma xaqiijin karo tirakoobyadaas.

Duqeymaha Pakistan oo sababay weerarro jawaab celin ah

Khamiistii, Pakistan waxay duqeymo cirka ah ka fulisay Kabul iyo suuq ku yaalla bariga Afghanistan, sida ay sheegeen saraakiisha amniga Pakistan iyo Taalibaan, taasoo horseedday weerarro aargoosi ah oo ay qaadday Taalibaan. Pakistan si rasmi ah uma aysan qiran duqeymahaas cirka ah.

Ciidamada Afghanistan ayaa Sabtidii xilli dambe rasaas ku furay fariisimo xuduudeed oo ay leedahay Pakistan. Pakistan waxay sheegtay inay kaga jawaabtay rasaas iyo madaafiic. Labada dalba waxay sheegteen inay burburiyeen fariisimo xuduudeed oo uu lahaa dhinaca kale. Saraakiisha amniga ee Pakistan ayaa baahiyay muuqaal ay sheegeen inuu muujinayo fariisimaha Afghanistan oo la beegsanayo.

Iska horimaadku wuxuu inta badan istaagay subaxnimadii Axadda, sida ay sheegeen saraakiisha amniga ee Pakistan. Laakiin deegaanka Kurram ee dalka Pakistan, rasaas goos goos ah ayaa weli socotay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka iyo dadka deggan. Wasaaradda gaashaandhigga ee Afghanistan ayaa horay u sheegtay in howlgalkoodu uu dhammaaday saqdii dhexe ee xilliga dalkaas.

Kabul waxay Axaddii sheegtay inay joojisay weerarrada kaddib codsi uga yimid Qatar iyo Sacuudi Carabiya. Labada dal ee Khaliijka Carbeed ayaa soo saaray bayaan ay walaac kaga muujinayaan iska horimaadyada.

“Ma jirto wax khatar ah oo ka taagan meel ka mid ah dhulka Afghanistan,” ayuu yiri afhayeenka maamulka Taalibaan, Zabihullah Mujahid, Axaddii. “Imaarada Islaamiga ah iyo shacabka Afghanistan waxay difaaci doonaan dhulkooda, waxayna ku adkeysanayaan difaacaas.” Mujahid wuxuu sheegay in dagaalku uu weli ka socdo meelaha qaar.

Isgoysyada xuduudda oo la xiray

Saraakiisha Pakistan ayaa Axaddii sheegay in Pakistan ay xirtay goobaha looga gudbo xuduudda dhererkeedu yahay 2,600 km (1,600 mayl) ee ay la wadaagto Afghanistan, xuduuddaas oo ah mid lagu muransan yahay oo xilligii gumeysiga loo bixiyay Khadka Durand, taasoo uu jeexay gumeystihii Ingiriiska sannadkii 1893-kii.

Labada isgoys ee waaweyn ee xuduudda Afghanistan, ee Torkham iyo Chaman, iyo ugu yaraan saddex isgoys oo kale oo yaryar, oo kala ah Kharlachi, Angoor Adda iyo Ghulam Khan, ayaa la xiray Axaddii, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta deegaanka.

Duqeymaha cirka ee Pakistan waxay ku soo beegmeen booqasho naadir ah oo uu hoggaamiye ka tirsan Taalibaan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Amir Khan Muttaqi, uu ku tagay dalka India, taasoo keentay in India ay Jimcihii ku dhawaaqdo inay sare u qaadayso xiriirka.

India waa dal ay Pakistan is hayaan muddo dheer, waxaana socdaalkaasi uu walaac ka dhaliyay Islamabad.

Muxuu yahay shirka wadatashiga qaran ee ka furmay Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) ayaa maanta furtay Wadatashi Qaran oo socon doona muddo laba maalmood ah.

Shirweynahan ayaa looga hadlayaa Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ee Soomaaliya (2025-2030). Kulankan ayaa isugu keenay wakiillo ka kala socda wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda iyo sidoo kale shirkadaha isgaarsiinta.

Inta uu socdo shirkan waxaa dib u eegis iyo turxaan bixin lagu sameyn doonaa khariidadda dhijitaalka ah ee dalka oo lagu horumarinayo koboc loo dhan yahay, hal-abuurnimo iyo adeegyo casri ah.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mustafa Yaasiin Sheekh, oo ka hadlay furitaanka Wadatashiga ayaa sheegay in istaraatiijiyadda ay tahay calaamad muujinaysa tallaabo muhiim ah oo lagu gaarayo horumar dhijitaal oo waara.

Tan ayuu sheegay inay muujinayso sida dalkeennu uga go’an tahay dhismaha nidaam dhijitaal ah oo adkeysi leh oo loo dhan yahay.

Wuxuu sidoo kale xoojiyay muhiimadda iskaashi xooggan oo dhex-mara dowladda, shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bah-wadaagta horumarka si loo hirgeliyo loona sii wado waaritaankiisa.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa tilmaamay in Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka ay noqon doonto hagaha guud ee mideynaya dhammaan hindisayaasha la xiriira ICT-da ee ka socda qaybaha kala duwan ee dalka.

Sidoo kale wuxuu xusay sida ay dowladda uga go’an tahay isku-duwidda siyaasadaha, maalgelinta kaabayaasha dhijitaalka ah iyo horumarinta awoodda shaqaalaha si loo dardar-geliyo adeeg bixinta iyo kobaca dhaqaalaha.

Inta lagu guda jiro labada maalmood ee wada-tashigu socdo, ka qayb-galayaashu waxay ka doodi doonaan aragtida dhijitaalka ee Soomaaliya, tiirarka istaraatiijiyadda iyo qorshaha hirgelinta.

Waxa kale oo xoogga lagu saari doonaa qaab-dhismeedka maamul, hababka maalgelinta iyo waafaqsanaanta istaraatiijiyadeed ee Ururka Midowga Afrika (AU) iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Maxay tahay farriinta ay Xasan Sheekh iyo Xamza usoo direen shacabka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maanta dhambaal hambalyo usoo direy shacabka Soomaaliyeed, kaas oo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda,” ayuu yiri Madaxweynaha.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa isna dhankiisa sheegay in maalintani ay tahay mid qiimo weyn ku leh ummadda Soomaaliyeed, oo ay ku beeggan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-tii la gardaadiyey Calanka Jamhuuriyadda oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

“Hambalyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, xuska maalinta Calanka Soomaaliyeed waa astaan u taagan wadajir iyo midnimada bulshadeenna,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza.

Waxa uu intaas kusii daray “Gobannimada Soomaaliyeed ee aan maanta ku naaloonayno waxa ay ku timid halgankii ay galeen geesiyadii u istaagay difaaca, sharafka iyo karaamada ummaddeenna, si aan u xaqiijiyo mirihii ka dhashay gobannimada ay dhaliyeen geesiyaashaas, waa in aan dhammaanteen u midownaa cadowga dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in ay ilaashadaan guushii uu dhiigga badan u daatay ee dalkeennu loogu dhaliyey xornimadiisa, kana gudbaan wax kasta oo keenni kara kala qeybsanaan iyo midnimo la’aan bulsho.

Sawirro: DF oo dhambaal u dirtay Qatar kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhambaal u dirtay dowladda Qatar iyo shacabkeeda, kadib kulan maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya, Dr. Abdullah Bin Salem Al Nuaimi. Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaagay dhambaal tacsi rasmi ah oo ay dowladda Soomaaliya u direyso dowladda iyo shacabka walaalaha Qatar, kadib shilkii gaari ee naxdinta lahaa ee ka dhacay dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar.

Shilkaas ayaa waxaa ku geerida saddex muwaadin oo u dhashay Qatar iyo dhaawaca qaar kale. Ra’iisul Wasaaraha ayaa safiirka u xaqiijiyay in Soomaaliya ay marwalba garab taagan tahay walaalahooda Qatar.

Kulanka labada mas’uul ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo horumarinta.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay Dowladda iyo shacabka aannu walaalaha nahay ee Qatar, uga tacsiyeyneysaa geeridii naxdinta lahayd ee ku timid muwaadiniin u dhashay dalkaas oo ku geeriyooday shil gaari oo saaka ka dhacay meel ku dhow magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan alle uga rajeynayaa in uu u naxariisto intii dhimatay, kuwa dhaawaca ahna uu bogsiimo degdeg ah siiyo.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay sida Soomaaliya ay mar kasta ugu garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Qatar, isaga oo ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay Qatar ka qaataan taageerada joogtada ah ee ay siiyaan dalkeenna.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeya xiriir diblomaasiyadeed oo aad u wanaagsan. Qatar ayaa kamid ah dalalka Carbeed ee taageera Soomaaliya, waxayna ka fulisa dalka mashaariicyo kala duwan.

Sidoo kale waxay xukuumadda Dooxa door muuqda ka qaadata taageerada ciidamada iyo dhanka arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

Shabaabkii ugu badnaa oo u soo gacan galay DF + Sawirro

0

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa Nabad Sugidda ayaa maanta Baydhaba ku soo bandhigay xubno ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo isa soo dhiibay, sida ay sheegtay hay’addu.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in ay isa soo dhiibeen illaan 12 xubnood, kuwaas oo lagu soo bandhigay magaalada Baydhaba, iyada oo sawirradooda lasoo bandhigay

Raggan ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybaha jabhadaha, amniyaadka, aruurinta lacagaha baadda, iyo xisbada, sida ay shaaca ka qaaday hay’adda Nabad Sugidda.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dartay in xubnahan ay kasoo howlgaleen inta badan gobollada, ayna ka qayb qaateen howlgallo iyo dagaallo kala duwan oo ay kooxda fulisay.

Qaar kamid ah raggan oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsanyihiin in ay dib ula midoobaan dadkooda, ayna dalbanayaan cafis guud.

Waxaa kale oo ay sheegeen inay uga soo baxeen Ururka Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, ayna qudhooda u adkeysan waayeen xaaladda ay ku sugnaayeen, kahor inta aanay kasoo tagin kooxaha Khawaarijta.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana weeraro iyo qaraxyo ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa horay sidana oo kale usoo bandhigtay maleeshiyaad badan oo kasoo goostay Al-Shabaab, waxaana la marsiiyay habraacyo ay dowladdu dajisay, kadibna waxaa loo sii gudbiyaa xarumaa gaarka ah ee dhaqan celiska oo muddo lagu hayo.

DF oo weerar ku qaaday sarkaal hub culus lasoo galay Muqdisho kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal lagu beegsaday sarkaal horay uga tirsanaa ciidanka Xoogga dalka, kaas oo lagu magacaabo Col. Cali Xuubeey, kadib markii hub iyo gaadiid uu lasoo galay Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa weeraray Col. Cali Xuubeey, xilli uu ku sugnaa aagga Xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxayna kala wareegeen gaadiid dagaal oo uu watay, sarkaalkan oo xilal kala duwan soo qabtay, gaar ahan dhanka HirShabelle.

Gaadiidka la gala wareegay ayaa waxaa ku buufsanaa astaanta ciidanka Xoogga dalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo lagu kalsoonaan karo.

Col. Cali Xuubeey oo qudhiisa oo qoraal kooban soo saaray ayaa caddeeyay in lasoo weeraray, balse waxa uu ku goodiyay in maalinteeda uu sugayo, isla markaana aanu ka hari doonin cidda kala wareegtay gaadiidka.

Arrintan ayaa u muuqata mid daba socota digniintii dhawaan kasoo baxday Taliska Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gebi ahaan mamnuucay in la is ticmaalo gaadiidka ciidanka, astaantooda iyo dareeska intaba.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in qof kasta oo lagu qabto isagoo si sharci-darro ah u adeegsanaya dareeska, astaamaha ama darajooyinka Ciidanka Xoogga Dalka laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan xeerarka ciidamada iyo sharciga dalka.

Digniintan ayaa u muuqata mid ku socota siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku sugan Muqdisho, maadaama ciidamo badan oo ka tirsan Xoogga Dalka ay hadda ilaaliyaan siyaasiyiin mucaarad oo ku beel ah. Sidoo kale, waxaa jira ciidamo kale oo aan ka tirsaneyn Xoogga, balse adeegsada dharka iyo gaadiidka u eg kuwa CXDS.

Si kastaba, Sarkaalka hadda lagu bilaabay howlgalka ayaa kamid ah xubnaha aadka ugu dhow mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Xog: Xasan oo ka dagay Addis Ababa + Qorshihiisa

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxmauud ayaa saaka goor sii horreysay ka dagay magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu kula kulmi doono Abiy Axmed.

Safarkan oo aan horay loo sii shaacin ayaa lasoo warinayaa in Madaxweynuhu kaligiis u baxay, wuxuuna diyaarad gaar ka qaatay Muqdisho, isaga oo ka dagay Addis Ababa.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka wada-hadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka labada dal, daris wanaaggga iyo xaaladda gobolka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labada dhinac ay sidoo kale kulankooda diiradda ku saari doonaan xaalada Jubbaland, si xal loogu helo khilaafka taagan ee labada dhinac, kasoo kasii daray markii dhawaan lagu kala kacay wada-hadalladii u dhexeeyay labada dhinac.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegaya in Abiy uu Xasan ku qancinayo in wada-hadallada sii socdaan, si ay u miro dhalaan wada-hadallada bilowday ee aan illaa hadda aan laga gaarin wax natiijo ah.

Waxaa kale oo suuragal ah in Madaxweynaha Soomaaliya uu cagta soo mariyo dalka Kenya, isaga oo wada-hadallo kuwaan lamid ah uu lasoo yeelan doono William Ruto.

Kenya ayaa door muuqdo oo dhex-dhexaadin ah ku lahayd, wada-hadalladii ka dhacay Ksimaayo, waxaana goobjoog ahaa taliyaheeda sirdoonka, inkastoo markii la kala kacay uu dib ugu laabtay caasimada Nairobi.

Sidoo kale, xogta ayaa intaasi kusii dareysa in qorshuhu yahay in mar kale la’is arko, lana sii amba qaado wada-hadallada, waxaana horay sidaas ugu ballamay Dowladdda Federaalka iyo Jubbaland oo dhawaan warsaxaafadeedyo kasoo saaray wada-hadalladoodii.

Safarkan lasii qorsheeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo aadayo, iyadoo haatan xukuumadda Soomaaliya ay waddo qorshe culus oo au ku dooneyso in maamul cusub oo ka madax banaan Jubbaland ay ka dhisto Gedo, kaas oo haysta sharciyadda dowladda.

Si kastaba, ha’ahaatee lama oga sida ay wax noqon doonaan waxaana la eegi doonaa halka ay ku dambeeyaan dadaallada socda ee ay qaybta ka yihiin waddamada dariska ah ee Kenya iyo Itoobiya.

 

CIA, Al-Qaacida iyo dagaal-kii Muqdisho ka dhacay ee abid beddelay Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Warbixin cusub oo dib u eegis taariikhi ah ayaa iftiiminaysa doorka Al-Qaacida ee “Dagaalkii Muqdisho” 3–4 October 1993, khasaaraha milatari ee Maraykanka, iyo sida dhacdadu u beddeshay jihada siyaasadda dibadda ee Washington sannadihii xigay.

Qoraalka, oo lagu daabacay The National Interest, ayaa xusay in ugu yaraan 10 xubnood oo Al-Qaacida  ah ay ka taageereen dagaalyahannada Soomaaliyeed ee Jeneraal Caydiid dagaalka ka dhacay caasimadda. Tani waxay la jaanqaadaysaa sheegashooyin hore oo ka yimid khubaro amni iyo saraakiil CIA ah oo sheegay in shabakadda Osama bin Laden ay tababbar farsamo siisay maleeshiyada la-dagaallamay Maraykanka.

Asalka howlgalka wuxuu ka bilowday gargaarka bini’aadannimo ee ay horseedeen marines-ka Mareykanka dhammaadkii maamulka George H. W. Bush, si looga hortago gaajada ka dhalatay burburkii dowladdii Maxamed Siyaad Barre iyo dagaalladii sokeeye.

Markii Bill Clinton xafiiska yimid 1993, howlgalka waa la ballaariyey, iyadoo US Army Rangers iyo DELTA Force lagu amray in ay beegsadaan hoggaamiyeyaasha dagaalka ee lagu eedeeyay xadgudubyada, gaar ahaan kooxda uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid.

Howlgal maalmeed lagu bartilmaameedsaday kulan hoggaamineed oo magaalada dhexdeeda ka dhacay ayaa isu beddelay dagaal culus. Laba diyaarad oo nooca Black Hawk ah ayaa la riday, 18 askari oo Mareykan ah ayaa dhintay, ku dhowaad 80 waa ku dhaawacmeen, duuliyihii Mike Durantna waa la qabsaday. Pentagon wuxuu hore uga digay khatarta hawlgalka, balse taageero gaashaandhig lama bixin. Kaddib, Aqalka Cad wuxuu doortay bixitaan degdeg ah, taas oo dhalisay dood siyaasadeed oo gudaha ah.

Khubarada amniga ayaa tilmaamay in farsamadii lagu riday Black Hawk-yada, oo ahayd in RPG lagu dhufto diyaaradaha si hoose u duulaya, ay ahayd xeelad Al-Qaacida  ka soo baratay dagaalkii ka dhanka ahaa Soofiyeetka ee Afghanistan 1980-meeyadii. Osama bin Laden ayaa hadallo uu ka jeediyay kadib sheegay in ujeeddadiisu ahayd “ceebeyn fagaare ah” si loo abuuro “Somalia Syndrome,” oo la mid ah kalsooni-yaraan siyaasadeed ee ka dhalatay jabkii Mareykanka ee dagaalka Vietnam.

Saameynta siyaasadeed ee dhacdada waxay dhaaftay Soomaaliya. Fadeexaddii Muqdisho ayaa gundhig u noqotay ka fogaanshihii Maraykanka ee faragelinta xasuuqii Rwanda 1994, inkastoo siyaasadda Washington ay mar dambe dib ugu noqotay faragelin, iyadoo ku lug yeelatay Balkans iyo, dabadeed, dagaalladii Afghanistan iyo Iraq kadib weerarradii 9/11.

Qoraaga The National Interest ayaa ku dooday in khaladaadkii qorshaynta iyo qiimaynta dagaal-yahannadii Muqdisho dib ugu soo noqdeen “Global War on Terror,” balse heer ballaaran.

Warbixintu waxay soo jeedisay saddex cashar oo muhiim ah. Midda koowaad, kala saarid cad oo u dhexeysa hawlgallada gargaarka iyo kuwa militari, si aan looga beddelmin dhexdhexaadnimo una noqon bartilmaameed colaadeed. Midda labaad, qiimayn sax ah oo ku saabsan awoodda cadowga iyo deegaanka dagaalka, gaar ahaan dagaal-xeerarka magaalooyinka. Midda saddexaad, diyaarinta sahay iyo taageero gaashaandhig oo ku filan hawlgallada khatarta sare leh, si looga hortago go’doomin iyo khasaaro badan.

In kasta oo Maraykanku dagaalka ku sababeeyay khasaare culus oo soo gaaray dhinaca Soomaalida, dhacdadu waxay dhaawacday sumcaddii milatari ee Washington xilligii ay ku faani jirtay “quwada koowaad” ee dunida. Taasi waxay siineysay Al-Qaacida dhiirogelin iyo dhiiranaan soo jiidatay taageerayaal cusub, iyadoo abuuraysa sheeko ku saabsan “Maraykan warqad ah.”

Soddon sano kadib, Dagaalkii Muqdisho wuxuu weli u taagan yahay xusuus murugo leh oo laba dhinac leh, midda bini’aadannimo ee asalka ahayd iyo midda militari ee kusoo rogmeysa. Waxaa ka dhashay su’aalo ku saabsan goorta iyo sida loo kala hormariyo gargaarka, danaha amni, iyo xadka faragelinta. Waxaa kale oo uu xasuusinayaa halista ay leedahay in lagu dhaqaaqo hawlgallo adag iyadoo aan lahayn faham qoto dheer oo “deegaanka iyo cadowga ah”, ama aan la haysan qalab iyo qorshe baxsad oo dhammaystiran.

Dhacdadaas ayaa weli lagu qiimeeyaa cashar ku saabsan isku xirnaanta xeeladaha dagaal, halista siyaasadda, iyo saamaynta muuqaalka awoodda ee go’aannada Washington. 

Rag ay Shabaab usoo direen Muqdisho oo la qabtay

0

Afgooye (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gacanta ku dhigay laba xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo kusoo socday magaalada Muqdisho, si ay weeraro uga fuliyaan.

Saraakiisha amniga oo ka hadlay qabashada labada nin ayaa sheegay in wareysiyo laga qaaday ay ku qirteen in loo soo diray Muqdisho, si ay u dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda qabashada raggan ayaa ku timid xooraansi ay sameeyene ciidanka, kadibna uu xigay howlgal loo fuliyay si xirfadeysan.

“Howlgalka Ciidanku sida xeeladeysan u fuliyeen ee lagu qabtay dhagarqabayaasha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida Dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Ciidanka Xoogga Dalka oo dedaal ugu jira difaaca shacabka ayaa markale muujiyay feejignaan, karti iyo geesinimo ay kaga hortegayaan dhagar kasta oo cadowgu soo maleego, taas oo cadeyneysa sida Ciidanku ugu heellanyihiin sugidda amniga iyo badbaadada shacabkooda”.

Qabashada xubnahan ka tirsan Al-Shabaab ayaa kusoo aadeysa, iyada oo todobaadkii hore ay kooxda Muqdisho ka fulisay weerar si xeeladeysayn loo qorsheeyay oo ay ku beegsatay Godka Jilacow, kadib markii uu gudaha u galay gaari Cabdi Bile ah oo loo soo ekeysiiyay kan gaadiidka Hay’adda NISA, kadibna waxaa sidaas gudaha kusii galay rag hubeysan.

Al-Shabaab ayaa u muuqata in haatan ay xoogga soo saareyso gudaha caasimada oo bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada argagixisada, waxaana tan iyo markii uu dhacay weerarkii Godka Jilacow, lasii xoojiyay amniga iyada oo lasii laba jibaaray howlgallada.

Waxaa sidoo kale, la kordhiyay dhaq-dhaqaaqa ka socda daafaha Muqdisho iyo labada Shabelle, halkaas oo ay dowladdu gaysay ciidamo dheeraad ah oo suga amniga.

Howlgalladaas ayaa sidoo kale lagu qabtay degmada Awdheegle iyo deegaanno kale oo ay horay u joogeen Al-Shabaab, kana soo abaabuli jireen weerarradooda halista ah.

 

DF: Axmed Madoobe wuxuu rabaa inuu 21 sano sii joogo, waa in degdeg la isaga qabtaa

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha Wasaaradda Difaaca Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cali Cabdi, ayaa sheegay in madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe, uu wajahayo qorshe dowladeed oo lagu beddelayo hoggaanka maamulkaas.

Wuxuu sheegay in Axmed Madoobe muddo dheer hayay awoodda Jubaland, isla markaana la gaaray xilligii isbeddelka, iyo dhammaadkii xukunkiisa.

“Axmed Madoobe wuxuu rabaa inuu 21 sano joogo Jubaland, waa in lala dagaallamo. Maanta ayay ugu dhowdahay inaan ka saarno Jubaland,” ayuu yiri Cumar Cali Cabdi, isagoo hadal adag ku dhaliilaya hoggaamiyaha Jubaland.

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu isku dayay inuu khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland ku dhameeyo xal nabadeed, balse dadaalladaas ay ku dhammaadeen natiijo la’aan.

Cumar Cali Cabdi ayaa ku adkaystay in Axmed Madoobe uusan sharci ahaan ahayn madaxweynaha Jubbaland, isaga oo ugu baaqay shacabka deegaankaas inay iska qabtaan oo ay la dagaallamaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in warqaddii lagu amray soo xiridda Axmed Madoobe ay weli shaqaynayso, isla markaana ciidamada amniga ay qaban doonaan mar kasta oo ay fursad u helaan.

Hadalka wasiirka ayaa imanaya xilli khilaafka dowladda federaalka iyo maamulka Jubaland uu cirka isku shareeray, kaddib markii wada hadalladii Kismaayo ku fashilmeen, halka dowladda federaalka ay hadda waddo qorshe ay hoggaan cusub ugu dhisayso Jubaland, iyadoo diiradda saaraysa gobolka Gedo.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo aaladda fogaan-aragga kulan kula yeeshay mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa u gudbiyay ashtako ka dhan ah dowladda dhexe.

Sayid Aadan ayaa warbixin dheer ka siiyey mas’uuliyiinta xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dhibaatooyin uu sheegay inay ka dhasheen tallaabooyinkii ay qaaday Dowladda Federaalka, gaar ahaan xayiraadda garoomada diyaaradaha, joojinta mashaariicdii iyo adeegyadii bulshada ee ka socday gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa intaasi kusii daray in cawaaqib xumo ay ka imaan karto haddii aan si deg-deg ah looga hortagin ficillada Villa Somalia ay ka waddo Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ay meesha ka saartay dastuurkii heshiiskii lagu wada ahaa, ayna halis gelineyso wadajirka Ummadda Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirada oo soo saaraya go’aanno culus oo saameynaya mucaaradka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan soo saari doono go’aanno culus oo ka dhaqan galaya gudaha caasimada, isla markaana si gaar ah u saameyn doono xubnaha mucaaradka, sida uu shaaciyay Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Wasiirka oo hadal jeediyay munaasabad xalay ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in la diyaariyay qaraar la xiriira xakamaynta hubka, dharka ciidanka iyo gaadiidka summadaha leh ee ciidanka dowladda, ayna shaacin doonaan Golaha Wasiirada.

Fiqi ayaa hoosta ka xariiqay in xilligan aysan suuragal noqon karin in hub waa wayn lagu dhex qaado Muqdisho, sidoo kalena aan la adeegsan karin gaadiidka ciidamada, si looga fogaado in Al-Shabaab ay ka dhex faa’iideysato, sida ay sameysay weerarkii Godka Jilacow.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in Al-Shabaab markii dhinac kasta looga adkaaday ay bilaabeen inay isku ekeysiiyaan ciidanka, balse haatan laga hortagAYo qorshahooda.

“Ma jiri doonno gaari ciidan, askari iyo hub aan hayb lahayn oo iska dhex-mara wadooyinka magaalada Muqdisho, baabuurtii shacabka markii ay kasoo dhammaadeen ayay isku ekeysiiyeen ciidanka, Golaha Wasiirrada ayaa xeer kasoo saari doonna” ayuu yiri Wasiirku.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahan yahay in loo hoggaansamo awaamiirta kasoo baxaysa hay’adaha amniga oo haatan bilaabay inay baaraan gaadiidka ciidamada ee dhex-maraya magaalada, si loo ogaado cidda wadata iyo sidoo kale ciidamada saaran.

Qaraarka xakamaynta xhubka oo mar hore la diyaariyay ayaa haatan qorshuhu yahay in la dhaqangeliyo, si loo joojiyo hubka waa wayn ee lagu dhex wato gudaha caasimada, loogana hortago isku dhacyada hubeysan ee mararka qaar ka dhaca magaalada dhexdeeda.

Tan iyo markii uu dhacay weerarkii Godka Jilacow iyo dagaalkii saldhigga degmada Warta Nabadda ee u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo kuwa mucaaradka ayaa la dardargelinayay xeerkan, si ay dowladda u adkeyso amniga guud ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

 

Muxuu Putin ka yiri in Trump la dhaafiyey abaal-marinta Nobel Peace Prize?

Moscow (Caasimada Online) – Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in Donald Trump uu “wax badan ka qabanayo” nabadda adduunka, wuxuuna dhaleeceeyay guddiga Nobel kadib markii ay diideen inay abaalmarintooda ugu sarraysa guddoonsiiyaan hoggaamiyaha Mareykanka.

Hay’adda fadhigeedu yahay Norway ayaa Jimcihii abaalmarinteeda caanka ah ee nabadda siisay hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela, María Corina Machado, taasoo dhabarjab ku noqotay Trump, oo si cad oo qaylo dheer ah ugu ololeeyay abaalmarintaas.

Shaacinta abaalmarinta ayaa keentay dhaleecayn uga timid Putin, oo difaacay dhiggiisa Mareykanka, wuxuuna weriyeyaasha u sheegay isagoo booqanaya dalka Tajikistan in “kalsoonidii lagu qabay guddiga ay si weyn u luntay.”

“Waxaa jiray xaalado uu guddiga Nobel abaalmarinta siiyay dad aan waxba u qaban nabadda,” ayuu yiri Putin, isagoon cidna magacaabin. “Taasi waxay dhaawacday sharaftii abaalmarinta.”

In kasta oo uu ka gaabsaday inuu ka jawaabo su’aal ahayd inuu aaminsan yahay in Trump uu abaalmarinta u qalmay, madaxweynaha Ruushka, oo hadda wada dagaal dhiig badan ku daatay oo sanado socday oo ka socda Ukraine, ayna doonayso Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada (International Criminal Court) isagoo lagu eedeeyay dambiyo dagaal, ayaa sheegay in Trump uu “runtii wax badan ka qabanayo xallinta xiisado soo jiray sanado, xaaladaha qaarna tobanaan sano.”

Trump “si daacad ah ayuu u hiigsanayaa nabad” ka dhalata Ukraine, ayuu yiri Putin, isagoo intaas ku daray in “tusaalaha ugu cad” ee muujinaya kartidiisa nabadeynta “ay tahay xaaladda Bariga Dhexe.”

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Arbacadii ku dhawaaqay in Israel iyo Xamaas ay “meelmariyeen wejiga koowaad” ee heshiis lagu soo afjarayo dagaalka Gaza, Israel ayaana Jimcihii shaacisay in xabbad-joojin ay ka dhaqangashay gobolkaas go’doonsan.

Waa mid ka mid ah colaado badan oo Trump uu sheegtay inuu ka shaqeeyay soo afjariddooda intii lagu jiray muddadiisa labaad ee xafiiska, inkastoo wakaaladda wararka ee The Associated Press ay xaqiiq-raadin ku samaysay sheegashooyinkan intooda badan ayna ku tilmaantay been.

“Haddii Donald uu ku guulaysto inuu fuliyo wax kasta oo uu hiigsanayo, wax kasta oo uu ka hadlay iyo waxa uu isku dayayo inuu sameeyo, waxay noqon doontaa xilli taariikhi ah,” ayuu si xamaasad leh u yiri madaxweynaha Ruushka.

Machado, oo si weyn u dhaleecaysa nidaamka kaligii-taliyaha Venezuela Nicolás Maduro, ayaa sanadkii la soo dhaafay ku noolayd si dhuumasho ah gudaha Venezuela, waxayna “u hadashay madaxbannaanida garsoorka, xuquuqda aadanaha, iyo matalaadda shacabka,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Nobel, Jørgen Watne Frydnes, Jimcihii markii uu ku dhawaaqayay inay ku guulaysatay abaalmarinta.

Afar madaxweyne oo Mareykan ah iyo hal madaxweyne ku xigeen ayaa ku guuleystay abaalmarinta nabadda, waxaana ka mid ah madaxweyneyaashii hore ee Barack Obama, Jimmy Carter, Woodrow Wilson iyo Theodore Roosevelt; iyo madaxweyne ku xigeenkii hore Al Gore.

Soomaaliya oo soo xuleysa xubnaha ku matalaya….

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo wareegto soo saaray ayaa magacaabay guddiga soo xulista xubnahaha Soomaaliya ku metalaya baarlamaanka bulshada Bariga Afrika oo dhowaan ay ku biirtay Soomaaliya.

Warqad ay si wadajir ah usoo saareen guddoomiyeyaasha labada Aqal Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu magacaabay guddi laga soo dhex xulay labada Gole oo loo xilsaaray soo xulista xubnaha u tartamaya xubinnimada Baarlamaanka EAC.

Guddiggan oo ka kooban 5 xubnood, ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay Xildhibaan Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux), halka ku xigeen ay tahay Senator Zamzam Ibraahim Cali.

Sidoo kale waxaa guddiga xubno ka ah Xildhibaan Cabdi Ibraahim Warsame Qowdhan, Senator Iftin Xasan Imaan (Baasto) iyo Xildhibaan Guuleed Biixi Cabdi.

“Xubnaha guddiga waxaa la farayaa inay si degdeg ah u howlgaan” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxay guddoonka sare ee labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Shaqada guddiga ayaa waxaa kamid noqon doono inay soo xulaan xubnaha u tartamayaasha xildhibaannada baarlamaanka urur goboleedka bulshada bariga Afrika, diyaarinta liiska musharrixiinta soo buuxiyay shuruudaha loo baahan yahay iyo inay liiska horgeeyaan Baarlamaanka, si uu uga guto waajibaadkiisa.

Tirada xubnaha baarlamaanka Bulshada Bariga Afrika ee la soo doorto ayaa haatan kordheysa maadaama ay xubno ku yeelaneyso Soomaaliya oo dhowaan ku biirtay. Ka dib markii si rasmi ah loogu soo dhaweeyay Soomaaliya ururka Bariga Afrika ayaa waxaa tirada baarlamaanka Bariga Afrika ay noqon doontaa 82 xildhibaan.

Waxaa sidoo kale Soomaaliya laga filayaa in ay soo magacaabaan garsoore ka mid noqon doona xubnaha garsoorayaasha ee maxkamada caddaaladda Bbariga Afrika.

Soomaaliya oo ka mid noqoshadeeda Bariga Afrika ay madaxda ururka ay si rasmi ah u ansixiyeen bishii November ee sanadiii aanu soo dhaaafnay ayaa waxaa sidoo kale laga doonayaa in ay soo magacaabaan wasiirka hormarinta Bariga Afrika.

Maydadka maleeshiyaad qalalay oo loogu tegay godad ku yaalla…

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal cir iyo dhul oo xalay iyo shalay ka dhacay qaybo kamid ah buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka difaaca Puntland iyo saaxibada caalamiga ah ayaa waxaa lagu beegsaday godad ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisada.

Sidoo kale, ciidamada howlgalka sameeay ayaa dul tegay maydadka xubno Daacish oo qalalay, isla markaana looga tegay godad ku yaall buuraha hoostooda, sida ay shaacisay Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay.

“Maydadka Argagixisada Daacish ee lagu laayay Hawlgalka Calmiskaad, ayaa loogu tegay Godadka iyagoo qalalay, ciidanka ayaa weli sifeynaya Firxadka” ayaa lasii raaciyay.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in weli ciidamadu ay sii baacsanayaan firxadka kooxaha argagixisada ee ku dhuumaaneysanayaa buuraha hoostooda ee gobolka Bari.

“Hawlgalku waa cir iyo dhul. Firxadka Argagixisada ayaa laga sifeynayaa Godadka harsan ee ay ku dhuumaalaysanayaan” ayaa lasii raaciyay qoraalka  kasoo baxay Puntland.

Howlgalladan waxaa barbar socda dagaallo toos ah, waxaana ugu dambeeyay iska hor imaadkii xoogganaa ee shalay ka dhacay Togga Walisoor ee gobolka Bari, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil u hadashay Puntland ayaa guul ka sheegtay dagaalkaas, waxaana ay shaaciyeen in ay khaarijiyeen xubno ka tirsanaa Daacish, ayna sidoo kale qabsadeen halka lagu diriray.

Sidoo kale waxaa jira khasaare ay dagaalkan kala kulmeen ciidanka Puntland, waxaana illaa iyo hadda la xaqiijiyay dhimashada Nabadoon Cabdi Hayaan oo kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka ee ku biiray howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee ka socda Calmiskaad.

Dagaalka Puntland oo maraya wajigiisa saddexaad ayaa haatan lasii xoojiyay, waxaana dhawaan maamulka uu sheegay inuu u baahan yahay in lagu garab istaago howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka dhaca dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad.

Daawo: Jubaland oo ‘bilowday qorshe halis ah oo ay isaga horkeeneyso’ DF iyo Kenya

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Taliyaha Nabad-sugidda gobolka Gedo, Cabdirashiid Xasan Nuur (Janan) oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Beledxaawo ayaa eedeymo culus u jeediyay ciidamada Jubbaland ee u firxaday gudaha dalka Kenya.

Janan ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadaas oo wata gaadiidka dagaalka ay dhibaato horleh u horseedeen shacabka ku dhaqan xadka labada dal, isla markaana ay bilaabeen qorshe halis ah oo uu tilmaamay inay isaga horkeenayaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ugu horreyn taliyaha ayaa sheegay in ciidamadan oo dhuumaaleysi kusoo baxay ay dhac ka bilaabeen deegaanka, isla markaana saddexdii habeen u dambeysay ay dhaceen shacab.

“Magaaladan cabasho ayaa ka timid saddexdii habeen ee lasoo dhaafay ribootka nasoo gaaray waxaan ku xaqiijinay shacab la baartay oo xaafadahooda loo dhacay oo moobeelo laga qaatay raadkii marka la qaaday wuxuu galay ciidamadaas degan biibi one, waa la yaab in askari dalkiisii qaribay oo cararay oo dal kale dhex joogo oo haddane intuu dib ugu soo noqdo uu shacabkii baarto waa caqabad dheeraad ah” ayuu yiri Taliye Cabdirashiid Janan.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in ay rasaas ku fureen xerada ay dagan yihiin ciidanka Kenya iyo dhanka ay joogaan ciidanka dowladda, ayna kadib ku laabteen xeradooda, balse waxa uu tilmaamay in raadkooda la xaqiijiyay, illaa ay ka galen xeradooda.

“Intaas kuma ekaan way soo baxeen xaduuda ayay yimaadeen waxay xabado dib ugu rideen ciidanka Kenya xabada kalena waxay usoo rideen dhanka ay joogaan ciidamadeenna arrintaas waa isku dhex mar ay daneynayeen iyo aqli aad u liito oo ah dowladda Kenya inay dowladda Soomaaliya ciidamadeeda soo xabadeeyeen ha aaminto ciidamada Kenya xabado hasoo rideen kadib sidaas la’isugu dhaco” ayuu mar kale yiri Cabdirashiid Xasan Nuur.

Waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in ujeedkooda uu ahaa in dagaal ay ka dhex abuuraan labada dowladood ee dariska ah, basle Kenya ay dhankeeda qaaday tallaabadii ugu habooneyd, ayna ku ogaatay cidda ka dambeysay rasaasta lagu furay ciidankeeda.

“Isla xalay laamaha ammaanka Kenya waxay xaqiijiyeen raadkiibaa intay qaadeen bey xeradii ciidanka geeyeen iyo meeshii ay daganaayeen” ayuu sii raaciyay.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay saraakiisha amniga Kenya inay iska qabtaan ciidamadaas, ayna ka hortagaan dhibaatada ay ka wadaandalkaasi  “Nin gurigiisa soo gubay inuu kaaga gubo sax maaha”. ayuu mar kale yiri Janan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan uu meel xun gaaray khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland, waxaana gabi ahaan burburay wada-hadalladii labada dhinac.

AQALKA SARE oo si yaab leh isaga indho-tiray Senator-ka weli u xiran Axmed Madoobe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Beddel Gaboose oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu ilaabay xabsi guri uu geliyay Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Ninkan oo isku sharraxay xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa albaabadu ay kasoo xirmeen kadib doorashadii isu-caano-shubka aheyd ee ka dhacday Kismaayo, waxaana kadib sidaas ku xiray Axmed Madoobe oo weli khilaaf uu kala dhexeeyo dowladda dhexe.

Golaha Aqalka Sare oo uu ka tirsan yahay Senatorka ayaa sidoo kale iska indha tiray xaaladdiisa, maadaama illaa iyo hadda aanu qaadin tallaabadii ku habooneyd ee xarigiisa.

Senator Saciid Siyaad Shirwac oo wax laga waydiiyay arrinta “maxbuuska” ayaa sheegay inuu u xiran yahay maamulkii soo doortay, isaguna aanu ka hadlin karin sababteeda.

“Annaga nooma xirno Senatorku meesha laga soo doortay ayuu ku xiran yahay arrintaasna ma rabo inaan gudaha usii galo”. ayuu yiri Saciid Siyaad Shirwac.

Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Aqalka Sare waa magac sare oo aan laga sarreyn anagu ma nihin kuwa iska jooga ee waxaan rabnaa in Aqalkan uu yeesho go’aanka sare intaas uubnaa ka shaqeyneynaa”.

Iyaas Gaboose oo markiisii ugu dambeysay qoraal soo saaray ayaa walaac ka muujiyay xaaladdiisa caafimaad, isaga oo fariin usoo diray dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu xilligaas xaqiijiyay inuu afduuban yahay, isla markaana laga qaaday xorriyadda, sida uu ku caddeeyay warsaxaafadeedkiisii u dambeeyay.

“Hadda calaacal ma rabno, laakiin xaalad noocaas ah waa garan kartaan. Anagu waa afduubanahay, nin baa u afduubanahay oo wixii dadku lahaa oo ciidan ahaa ee la wada dhisanayay si qaldan u isticmaalay. Xaaladayadu sidaas weeyi.” ayuu horay u yiri Ilyaas.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo magacaabay laba xil oo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta magacaabay laba agaasime wasaaradeed oo cusub, kadib wareegto kasoo baxday xafiiskiisaa, taas oo goordhow la baahiyay.

Xamza ayaa wareegtada uu soo saaray ku magacaabay agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta iyo wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Faarax Cabdinuur Axmed ayaa loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda howlaha guud, dib-u-dhiska iyo guriyeynta, halka Mahdi Sheekh Cabdullaahi Cumar isna loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda isgaarsiinta iyo tiknoloojiyadda.

Agaasimeyaasha cusub ayaa sidoo kale al faray in si deg-deg ah xilalka ula wareegaan, isla markaana ay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale uu Ra’iisul wasaaraha u magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo waraabka ee XFS, waxaana xilkaas loo dhiibay Mudane Maxamed Xasan Cabdulle.

Magacaabista ka socota xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa la xiriirta isbeddal wayn ee ay waddo xukuumadda DanQan oo saddex sano jirstay, si loo dardargeliyo shaqadeeda.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo kormeer ku tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.

Waxaa kale ra’iisul wasaaruhu xalliyay cabashooyin badan oo ka yimid wasaaradaha qaar oo shaqaaluhu ay kasoo cawdeen, isagoo toos u farogelinay, waxna ka qabtay arrimahaasi.

Xeeladdii Xasan Sheekh ee Kismaayo