25.7 C
Mogadishu
Thursday, June 25, 2026

Madaxda caalamka oo qalinka ku duugay nabad waarta oo Gaza ka dhacda

0

Sharma el-Sheikh (Caasimada Online) – Hoggaamiyaasha caalamka ayaa caawa qalinka ku duugey Nabad-waarta oo Gaza ka dhacda, taasi oo uu soo jeediyey Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Heshiiskan ayaa wajigiisa koowaad uu maanta bilowday dhaqan-galkiisa, iyadoo Trump inta lagu jirey sawir kooxeedka hoggaamiyeyaasha ka qeybgalay shirka nabadda Gaza uu yiri: “Dhammaantiin dhoola caddeeya, waanu saxiixnay heshiis weyn.

Sidoo kale isla maanta waxaa la xaqiijiyay wajiga labaad ee heshiiska wada-xaajoodkiisa, iyadoo oo ay ku jiraan qodobbo xasaasi, sida mustaqbalka Gaza, hub ka dhigista Xamaas, u dirista Gaza ciidan ka socda dalal dhowr ah iyo arrimo kale.

Tan ayaa imaneysa xilli ay dalalka Carabta ku guul-darraysteen in ay u hiiliyaan Falastiin oo gashay dagaalkii ugu adkaa laba sanno.

Heshiiskan ayaa ahaa mid taariikhi ah, iyadoo wargeyska Israel Hayom uu ku warramay in Netanyahu uu si weyn ugu xiiso qabay ka qeybgalka shirka nabadda Qasa ee Sharma el-Sheikh.

Si kastaba, heshiiskan nabadeed ee caawa la saxiixay ayaa ka dhigan dhammaadka rasmiga ah ee dagaalka, iyadoo Gaza ay sanado adag soo martay, ayna dadkeedu muujiyeen adkeysi u horseeday guul taariikhi.

Arrimahan ayaa imanaya xilli loo dhaqaaqay dhaqan-gelinta heshiiska Xamaas iyo Israa’iil, isla markaana ay kooxda Xamaas sii daysay qeybtii ugu horeysay maxaabiista Israa’iil oo ay ku wareejisay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

Illaa 7 maxbuus ayaa la daayay, kuwaas oo hadda kusii jeeda Israa’iil, waxaana haatan socda qorshe ay qeybta labaad ee maxaabiista Xamaas sii deyneyso, iyada oo lagu wareejinayo Laanqeyrta Cas.

Waxaa kale oo dhankeeda Israa’iil ay sii deyneysaa ilaa 1966 maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xukunnaa xabsi daa’iin, waxaana magaalada Daanta Galbeed iyo sido kale Marinka Gaza ka dhacay xaflado lagu soo dhaweynayo maxaabiista.

Ragga muhiimka ee lasoo daynayo waxaa kamid ah Naji al-Jafrawi oo la dhashay suxufigii Saleh al-Jafrawi oo shalay ay dileen kooxo hubeysan oo xiriir dhow la leh Israa’iil, iyada oo ujeedka uu yahay in qoyska reer Jafrawi ay helaan beddelka wiilkooda geeriyooday, sida ay werisey Quds News.

Sidoo kale, reer Gaza oo soo dhaweyn doono ku dhawaad labo kun oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xabsi daa’in ay ku xukuntay Israa’iil oo qasab loo soo furtay, kuwaas oo lagu beddelanayo 20 Israa’iiliyiin ah.

Mucaaradka DF oo caawa dalbaday in deg-deg loo joojiyo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa markale caawa si adag u cambaareysay dhul boob ay sheegeen inuu ka socdo magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqday inuu deg-deg u joojiyo arrimaha dhulka.

“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay markale Madaxweynaha dalka ugu baaqaysaa in uu deg-deg u joojiyo boobka, barakicinta, xarigga iyo handadaada lagu hayo danyarta iyo warbaahinta tabinaysa cabashadooda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed goordhoweyd kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Mucaaradka ayaa sidoo kale wax aan la aqbali karin ku tilmaamtay xariga xubnaha guddiga u dooda dadkii laga barakiciyey dhulkii Jaamacadda Gahayr oo xalay ku hoyday xabsan.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u canbaaraynaysaa xariigga iyo handadaada lagu hayo shacabka la barakiciyey ee u dooday xuquuqdooda laga boobay, iyo warbaahinta gudbinaysa cabashadooda oo maalmihii dambe si xowli uga socday magaalada Muqdisho.

Si gaar ah, waxay Madashu canbaaraynaysaa xariigga sharci darrada ah ee loo geystay Wariye Khadar Cabdirixiim oo ka tirsan Himilo TV oo maalinkii labaad ku afduuban Saldhigga Waberi iyo xubnaha guddiyadda u dooda xuquuqda dadkii laga boobay Suuqa Siinaay oo ay ka mid yihiin; Ibraahim Cabdi Gurey, Cabdullaahi Cali Raage iyo Daahir Maxamuud.

Sidoo kale, waxaa xadgudub iyo sharci darro aan la aqbali karin ah xariigga xubnaha guddiga u dooda dadkii laga barakiciyey dhulkii Jaamacadda Gahayr oo xalay ku hoyday xabsan aan sharciyad lahayn.

Diinteena Islaamka, Dastuurka KMG ah iyo shuruucda kale ee dalka ayaa dhammaantood qaaday sharafta, maalka iyo nafta muwaadinka.

Sidoo kale, Dastuurka dalka wuxuu dammaanad qaaday xorriyadda hadalka taas oo ah xuquuq aasaasi ah oo muwaaddin kasta leeyahay, awood dowladimanna aan looga horjoogsan karin loogana xadgudbi karin.

Danyarta la barakiciyey, lagana boobay dhulkoodii iyo hantidii kale ee u taalay, in xariig, handaad, iyo ma hadli kartid loogu daro ma aha wax la aqbali karo, waxayna xadgudub ku tahay xuquuqda aasaasiga ah ee muwaadinka.

Aragtiyada ka dambaysa jiritaanka ciidan amni, gaar ahaan Booliis waa ilaalinta sharciga dalka dhexeeya, haddii Booliiskii sharciga darro fulinayo ama samaynayo waxaa meesha ka baxaya ujeeddadii loo sameystay Booliiska.

Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay ka xun tahay waxa ka socda caasimadda dalka, waxayna Madaxwaynaha dalka markale ugu baaqaysaa in uu degdeg u joojiyo boobka, barakicinta, xariigga iyo handadaada lagu hayo danyarta iyo warbaahinta tabinaysa cabashadooda.

Masar oo nidaam difaac casri ah u adeegsaneysa sugidda shirka nabadda Gaza

0

Sharma el-Sheikh (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Sharma el-Sheikh ayaa sheegaya in dowladda Masar ay adeegsanayso nidaamyada difaaca cirka ee uu Ruushku leeyahay, si ay u xaqiijiso amniga goobta uu ka socdo shir madaxeedka nabadda Gasa.

Shirkan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa mid ay ka qeyb-galaya ku dhowaad 20 hoggaamiye caalami ah, oo uu ku jiro Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.

Sida ay werisey warbaahinta The New Arab, goobta shirka waxaa lagu arkay nidaamka difaaca cirka ee Buk-M2E, oo ah mid uu soo saaro Ruushka, kaas oo loo tixgeliyo nidaam difaac dhex dhexaad ah oo aad loogu amaano feejignaan sare iyo jawaab celin deg-deg ah.

Gantaallada uu nidaamkani rido ayaa gaari kara masaafad saddex jeer ka dheer inta uu gaari karo codka ay is dhaafsanayaan laba qof oo is horfadhiya.

Inkasta oo Masar ay horey u lahayd nidaamyada difaaca ee Mareykanka, sida Patriot iyo Hawk, haddana adeegsiga nidaamka Ruushka ayaa loo fasirtay farriin siyaasadeed oo culus oo muujinaysa madax-bannaanida go’aankeeda amni.

Warar hoose ayaa sheegaya in ciidamada Masar ay doorteen in ay hawl-geliyaan nidaamka Buk-M2E, kadib markii la helay xog sheegaysa in Israel ay damisay qayb ka mid ah nidaamyada difaaca Mareykanka inta lagu guda jiray weerarkii ay Dooxa ka geysatay toddobaadkii hore.

Tallaabadan ayaa loo arkaa digniin si toos ah ugu socota dhinacyada xiriirka dhow la leh Israel, iyadoo Masar ay muujineyso in aysan ku tiirsanaan hal isbahaysi difaac, isla markaana ay leedahay awood ay ku ilaaliso amnigeeda iyo martida heer caalami ee ku sugan Sharma el-Sheikh.

Shirka nabadda ee socda ayaa diiradda saaraya sidii loo joojin lahaa colaadda Gaza, iyadoo hoggaamiyeyaasha ka qeyb-galaya ay isku dayayaan in ay soo jeediyaan hannaan siyaasadeed oo lagu xaqiijinayo xabbad-joojin waarta iyo wada-hadal dhab ah oo u dhexeeya dhinacyada isku haya.

Qarax ka dhacay Qaahira xilli ay ku wajahan yihiin Trump iyo 20 hoggaamiye oo kale

0

Qaahira (Caasimada Online) – Qarax ayaa goordhoweyd ka dhacay bariga magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar.

Qaraxan ayaa dhacay saacado kahor furitaanka shir-madaxeedka Sharma el-Sheikh ee loogu saxiixayo heshiiska nabadda Gaza, halkaaas oo Madaxweyne Trump iyo 20 hoggaamiyeyaal oo kale ay tagayaan, sida ay werisay Al-Qahera Al-Ekhbariya.

Sarkaal ka tirsan hay’adaha ammaanka Masar oo la hadlay Sky News Arabia ayaa hoos u dhigay saameynta qaraxan.

Waxa uu sheegay in aysan jirin wax weerar ah ama khatar amni, balse lama faah-faahin weli waxa uu qaraxan ka dhashay.

Heshiiska taariikhiga ee Israa’iil iyo Xamaas ayaa imanaya kadib bilooyin is-mari-waa ah. Labada dhinac ayaa haatan bilaabay sii-daynta la haystayaash Israa’iiliyiinta oo lagu beddelanayo maxaabiis Falastiiniyiin ah, horumar weyn oo muddo la sugayay oo horseedi kara dhammaadka dagaalka labada sano ka socday Gaza.

Madaxweyne Trump oo gacan ka geystay dhex-dhexaadinta heshiiskan, ayaa Arbacadii baraha bulshada ku sheegay in labada dhinac ay isku raaceen wejiga koowaad ee qorshihiisa, taasoo ay ku jirto in Israel ay ciidamadeeda kala bixi doonto xariiq horey loogu heshiiyey.

Inkasto faah-faahinta heshiisku weli cadeyn oo ay ku jiraan nidaamka is-dhaafsiga iyo xariiqa ay ciidamada Israel ka baxayaan.

Ku-dhawaaqista Mr. Trump ee heshiisan ayaa timid wax yar ka hor 7-dii fiidnimo ee xilliga bariga Mareykanka — taasoo ku beegnayd ku dhawaad 2-dii aroornimo ee Khamiista ee waqtiga Falastiin.

Dalka Qatar oo ka mid ah dalalka gacan ka gaysanayay wada-hadallada, iyo ururka Xamaas ayaa war-saxaafadeedyo ay soo saareen ku tilmaamay in heshiisku uu oggolaanayo in gargaar bani’aadannimo la gaarsiiyo Gaza.

“Kani waa maalin WEYN oo u soo hoyatay Dunida Carabta iyo Muslimka, Israel, dhammaan dalalka deriska ah, iyo Mareykanka, waxaana u mahadcelineynaa dhex-dhexaadiyeyaasha ka socday Qatar, Masar, iyo Turkiga, oo nagala shaqeeyay sidii ay u hirgeli lahayd dhacdadatan taariikhiga ah ee aan hore loo arag,” ayuu Mr. Trump ku qoray bartiisa Truth Social.

Dabayaaqadii bishii September, Mr. Trump wuxuu shaaca ka qaaday qorshe ballaaran oo ka kooban 20 qodob oo lagu soo afjarayo dagaalka laguna sii deynayo la-haystayaasha harsan.

Sida ku cad qorshahaas, la-haystayaasha waxaa lagu beddelan lahaa 250 maxbuus oo Falastiiniyiin ah oo xabsi daa’in ku xukuman iyo 1,700 qof oo reer Gaza ah oo ay Israel xirtay intii uu dagaalku socday.

“Dhammaan la-haystayaasheena waa la soo celin doonaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, bayaan uu soo saaray kadib ku dhawaaqistii Trump, laakiin ma uusan bixin wax faahfaahin ah oo intaas dheer.

Inkastoo Israel iyo Xamaas ay hadda bulaabeen is-dhaafsiga maxaabiista, haddana weli ma cadda in dagaalka labada sano jiray ee Gaza uu dhammaan doono.

Dr. Majed al-Ansari, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda ee Qatar, ayaa sheegay in heshiisku “uu horseedi doono soo afjaridda dagaalka, sii-daynta la-haystayaasha Israel iyo maxaabiista Falastiiniyiinta, iyo sidoo kale fududeynta in gargaar la gaarsiiyo.”

Donald TRUMP oo magaalada barakeysan ee Qudus u aqoonsaday….

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump oo maanta gaaray Israa’iil ayaa ku dhawaaqayin magaalada barakaysan ee Quddus uu u aqoonsaday caasimadda Israa’iil.

Trump ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in magaalada Quddus u rarayo safaaradda Mareykanka ee hore ugu taallay Tel Aviv.

“Dalalka Gobolka oo dhan ayaa nagu raacay in Xamaas hubka dhan oo dhigto. Mar dambena looma hanjabi doono Israa’iil,” ayuu yiri Madaxweyne Trump.

Go’aankan oo u muuqda mid qaras ka tuurnimo ayaa durba muran badan dhaliyay, waana mid dhaawici kara wada-hadallada nabadda Bariga Dhexe.

Israa’iil oo muddo badan damacsaneyd go’aanka uu haatan ku dhawaaqay Madaxweynaha Mareykanka, iyadoo Netanyahu uu Trump ku sifeeyay Madaxweyne qabtay wax aan horey loogu qaban Israa’iil.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Trump uu siinayo billada Israa’iil oo aan la siin cid aan Yuhuud aheyn. “Ma jirto Madaxweyne Mareykan ah oo noo sameeyey waxa uu noo sameeyey Trump isagaa keeney nabadda; dagaalkii waa dhammaaday nabad ayaana bilaabatay, cid kasta gacanta nabadda ayaan u fidinaynaa,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil.

Arrimahan ayaa imanaya xilli loo dhaqaaqay dhaqan-gelinta heshiiska Xamaas iyo Israa’iil, isla markaana ay kooxda Xamaas sii daysay qeybtii ugu horeysay maxaabiista Israa’iil oo ay ku wareejisay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

Illaa 7 maxbuus ayaa la daayay, kuwaas oo hadda kusii jeeda Israa’iil, waxaana haatan socda qorshe ay qeybta labaad ee maxaabiista Xamaas sii deyneyso, iyada oo lagu wareejinayo Laanqeyrta Cas.

Waxaa kale oo dhankeeda Israa’iil ay sii deyneysaa ilaa 1966 maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xukunnaa xabsi daa’iin, waxaana haatan magaalada Daanta Galbeed iyo sido kale Marinka Gaza ka socda xaflado lagu soo dhaweynayo maxaabiista.

Ragga muhiimka ee lasoo daynayo waxaa kamid ah Naji al-Jafrawi oo la dhashay suxufigii Saleh al-Jafrawi oo shalay ay dileen kooxo hubeysan oo xiriir dhow la leh Israa’iil, iyada oo ujeedka uu yahay in qoyska reer Jafrawi ay helaan beddelka wiilkooda geeriyooday, sida ay werisey Quds News.

Sidoo kale, reer Gaza oo soo dhaweyn doono ku dhawaad labo kun oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xabsi daa’in ay ku xukuntay Israa’iil oo qasab loo soo furtay, kuwaas oo lagu beddelanayo 20 Israa’iiliyiin ah.

Yaa loo doortay kursiga banaana ee maanta uu buuxiyay Golaha Shacabka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka oo maanta yeeshay kalfadhiga 7-aad kulankiisa afaraad, ayaa waxay doorteen xubin ka bannaanayd guddiga dastuurka ee baarlamaanka 11-aad.

Kursigaan ayaa waxaa uu bannaan yahay muddo sanad ah kadib markii uu iska casilay Xildhibaan Mowliid.

Xildhibaan Cumar Cali Isxaaq (Balash) iyo Xidlhibaanad Luul Ibraahim Cumar ayaa u tartamay buuxinta kursigaan, iyagoo olole xooggan ka dhex sameeyay Xildhibaannada Baarlamaanka ka hor codaynta.

Tartanka kursigan oo u dhacay habka codeynta qarsoodiga ah ayaa waxaa ku guuleystay Xildhibaan Cumar Cali Isaaq (Balash) oo helay 92 cod.

Xildhibaan Luul Ibraahim Cumar oo la tartamaysay Cumar Balash ayaa iyaduna heshay 68-cod, sida uu shaaciyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Madoobe oo natiijada codeynta ku dhawaaqay.

Xildhibaan Balash ayaa loo dhaarin doonnaa kursigaan, isagoo haatan wixii ka dambeeya si rasmi ah ula shaqeyn doona guddiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ee u qaabilsan arrimaha Dastuurka.

Guddiga Dastuurka ayaa howshiisu tahay la kulanka hay’adaha kala duwan ee wadaagga ay ku yihiin arrimaha dastuurka, marka loo baahdo in loo gudbiyo baarlamaanka ayuu Guddigaan u gudbinayaa Golaha Shacabka oo marinaya habraacyada

Si kastaba, guddiga Dastuurka ee Golaha Shacabka ayaa ah mid door ku leh geeddi-socodka dib-u-eegista Dastuurka KMG ah ee dalka, waxaana howshiisa ka mid ah la-tashiyada hay’adaha qaranka iyo dowlad-goboleedyada, soo gudbinta talooyin iyo warbixinno lagu horgeeyo Golaha Shacabka si go’aan looga gaaro.

Tan ayaa imaneysa xili ansixinta afarta cutub ee ugu horreeya ee Dastuurka ay weli taagan tahay doodeedu, gaar ahaan cutubka 4-aad ee ku saabsan nidaamka doorashooyinka, taas oo mucaaradka iyo qaar ka mid ah dowlad-goboleedyadu ka muujiyeen walaac.

Kooxda Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka ayaa weli isku haya cutubka 4-aad ee dastuurka ee wax ka beddelka lagu sameeyay, iyadoo doodda mucaaradka ay halkeeda taagan tahay, ayna dalbanayaan in laga laabto wax ka beddelka.

Mucaaradka ayaa Madaxweynaha ka dalbaday tanaasul dhab ah oo aan leex-leexad lahayn, si ay u guuleystaan wada-hadallada loona soo gaba-gabeeyo shirarkooda oo daba dheeraaday.

Inkastoo Xasan uu isku dayayo inuu is-afgarad la gaaro xubnaha mucaaradka, haddana weli ma jiro is-faham buuxa oo labada dhinac ah, xilli uu weli sii socdo qorshaha wax ka beddelka dastuurka, oo si adag u diidan yihiin mucaaradka.

Maxaa kasoo baxay safarkii Cirro ku tegay Imaaraadka Carabta? + Sawirro

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa maanta dib uga soo laabtay magaalada Abu Dubai ee dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu ku tegay booqasho qaadatay dhowr cisho.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in ujeedka safarka Madaxweynaha uu ahaa mid shaqsi iyo shaqo ah, uuna kusoo dhamaaday si guul ah.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta dalka ku soo laabtay, kadib safar shaqsi iyo shaqo isugu jiray oo uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Madaxtooyada.

Waxaa kale oo bayaanka lagu sheegay in Madaxweynuhu muddadii uu ku sugnaa dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta uu si xooggan uga hawlgalay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee ay Somaliland la leedahay dalalka Caalamka, isaga oo kulamo kala duwan oo arintaasi lagu xoojinaayana la yeeshay masuulyiin sar sare.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidoo kale kal hadlay madaxda dalka Imaaraadka kordhinta mashaariicda ay ka helaan, si ay Somaliland iyo dadkeeda u helaan fursado muhiim ah.

Cirro ayaa sidoo kale intii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka Carabta, waxa uu ka qayb galay kulamo caalami ah, sida shirkii Afrika Debate ee lagu qabtay magaalada Dubai.

Sidoo kale, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay ganacsatada iyo Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool dalka Imaaraadka Carabta, isaga oo kala hadlay xoojinta xidhiidhka ganacsi iyo ka maalgashi ee dalkooda hooyo, iyo ka qayb qaadashada fursadaha horumarineed ee dalka Somaliland, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada.

Hargeysa iyo Abu Dubai ayaa waxaa ka dhexeeyax xiriir toos ah oo diblomaasiyadeed, kaas oo keenay in mar badan uu Madaxweyne Cabdiaxraam Ciro isaga daba laabtay gudaha dalka Imaaraadka, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga buuxa ee labada dhinac.

Soomaaliya oo heleysa 30 milyan oo dollar – Maxaa lagu qabanayaa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda lacagta aduunka ee IMF ayaa Soomaaliya siineysa lacag gaareysa 30 milyan oo dollar, sida ay ku heshiiyeen Dowladda Federaalka iyo Hay’adda.

Ujeedka ayaa ah si loo xoojiyo dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta maaliyadeed, sidoo kalena loo yaareeyo saameynta ka dhalatay jarista deeqaha shisheeye iyo isbeddelka cimilada oo saameeyay dhaqaalaha dalka.

Lacagtan loogu yaboohay Soomaaliya ayaa timid, kadib markii ay heshiis cusub gaareen IMF iyo DFS, kaas oo ku yimid wada-hadallo u socday labada dhinac intii u dhexeysay 16-kii Sebteembar ilaa 8-dii Oktoobar 2025, iyadoo ay si wadajir ah u hoggaamiyeen Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo madaxa kooxda IMF ee Soomaaliya, Ran Bi.

Warbixin kasoo baxday hay’ada ayaa sidoo kale lagu sheegay in lacagta soddonka milyan ah loo bixin doono laba qaybood, marka la dhammeeyo dib-u-eegista 4-aad iyo tan 5-aad ee barnaamijka Extended Credit Facility (ECF).

Sidoo kale tani ayaa wadarta guud ee lacagta barnaamijka waxay ka dhigeysaa $100 milyan, oo IMF ku taageerayso dadaallada Soomaaliya ee lagu xoojinayo dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadeed ee dalka, sida lagu caddeeyay warbixinta maanta la shaaciyay.

IMF ayaa ku amaantay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiimsan yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si wayn loogu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Dhanka kale, Wasiir Biixi Imaan Cige oo ku hadlayay afka dhammaan hey’adaha Dowladda ee sida gaarka ah ula shaqeeya IMF ayaa soo dhaweeyay warbixintaan, isaga oo si weyn uga mahadceliyay wada shaqeynta sare ee hay’adda ee sababay horumarrada la gaaray.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in warbixinta ay ku timid dadaal xoogan oo ay galiyeen hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in ay Dowladdu sii laba laabayso dadaalka horumarineed ee dhaqaalaha Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya.

Goob uu ku sugan yahay Cabdiraxmaan Faahiye oo la weeraray – Maxaa dhacay?

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta weerar dhowr jiho ah ku qaaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo hogaamiyeyaal sar sare oo ka tirsan kooxda Daacish, halkaas oo lasoo wariyay in lagu gaarsiiyay khasaare culus.

Ciidamada Difaaca ayaa duulaanka ku qaaday aagga Ceelka Il-abbal ee buuraleeyda Cal-miskaad oo ay ku dhuumaaleysanayaan hogaamiyeyaal sar sare iyo ilaaladooda.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobta la weeraray uu ku sugan yahay Cabdiraxmaan Faahiye oo kamid ah ragga ugu sarreeya Daacishta Soomaaliya, waxaana sidoo kale kula sugan goobta lagu beegsaday laba horjooge kale, oo iyana lagu raad joogo.

Weerarkan ayaa xog badan laga helin, maadaama weli ciidamadu ay wadaan howlgalkooda, waxaana ujeedka uu yahay in dhulkaas laga xoreeyay argagixisada.

Howlgalkan oo cir iyo dhul ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-qaadanaya saaxibada caalamiga ah oo iyana duqeyn ku garaacaya godadka ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Daacish

Sidoo kale, ciidamada howlgalka wada ayaa dul-tegay maydadka xubno Daacish oo qalalay, isla markaana looga tegay godad ku yaalla buuraha hoostooda, sida ay shaacisay Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay.

“Maydadka Argagixisada Daacish ee lagu laayay Hawlgalka Calmiskaad, ayaa loogu tegay Godadka iyagoo qalalay, ciidanka ayaa weli sifeynaya Firxadka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaalka Puntland oo maraya wajigiisa saddexaad ayaa haatan lasii xoojiyay, waxaana dhawaan maamulka uu sheegay inuu u baahan yahay in lagu garab istaago howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad.

Korneyl Macallin Cumar oo lagu dilay Muqdisho – Yaa ka dambeeyay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay kooxo hubeysan ay ka gaysteen gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu fuliyay Korneyl Cumar Cali Maxamuud (Macalin Cumar).

Marxuumka ayaa ahaa nin odey ah oo sidoo kale ahaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Laba nin oo ku hubeysan bistoolado, isla markaana la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa Macallin Cumar ku toogtay afaafka hore ee gurigiisa, xilli uu sii galayay, kadibna goobta ayay isaga baxsadeen ragga ka dambeeyay toogashadiisa.

Sarkaalka la dilay ayaa kasoo qayb-qaatay howlgallo xoreyn oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe, inkastoo haatan deegaannadaas ay dib u qabsadeen Al-Shabaab.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya ayaa goobta gaaray, waxaana ay sameeyeen baaritaanno kooban, balse ma jirto cid ay usoo qabteen dilka marxuumka.

Dhanka kale, ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilka iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen ciidanka amniga.

Dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhawaan ay Al-Shabaab Muqdisho ka fuliyeen weerar toos ah oo is qarxin ku billowday, kaas oo ay ku beegsadeen xarunta baarista NISA ee Godka Jilacow, halkaas oo uu ka dhacay dagaal toos ah oo saacado badan qaatay.

Waxaa sidoo kale jirtay in shalay nolosha lagu qabtay rag ay Muqdisho usoo direen Al-Shabaab, xilli ay kasoo baxeen dhinaca degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ujeedka raggaas ayaa ahaa inay weeraro iyo dilal qorsheysan ka fuliyaan gudaha caasimada, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

“Howlgalka Ciidanku sida xeeladeysan u fuliyeen ee lagu qabtay dhagarqabayaasha ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee isku dayaya inay carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida Dalka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Al-Shabaab ayaa u muuqata in haatan ay xoogga soo saareyso gudaha caasimada oo bilihii lasoo dhaafay ka caaganeyd weerarada argagixisada, inkastoo tan iyo markii uu dhacay weerarkii Godka Jilacow, lasii xoojiyay amniga iyada oo lasii laba jibaaray howlgallada.

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo ka walaacsan QATAR oo Mareykanka uu siiyey…

Washington (Caasimada Online) — Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, iyo Baxrayn ayaa walaac xooggan ka muujiyay hindise uu Mareykanku hoggaaminayo oo ku saabsan arrimaha Gaza dagaalka kadib, kaasoo ay sheegeen in uu awood siinayo dalka ay gobolka ku xifaaltamaan ee Qatar, taasoo halis gelinaysa in qorshuhu uu hirgalo.

Ilo dublamaasiyadeed oo Sacuudiyaan ah ayaa ka digay in ballaarinta heshiisyada difaaca ee Mareykanka uu la leeyahay Doha iyo in door udub-dhexaad ah la siiyo ay sababi karto in dadaalka oo dhan uu burburo, ayna u saamaxdo Xamaas inay awoodda dib ula wareegto.

Ismaandhaafkan wuxuu muujinayaa kala qaybsanaan sii kordheysa oo u dhexeysa saaxiibbada Carabta ee muhiimka u ah Washington.

In kasta oo ay taageersan yihiin hadafka guud ee soo afjaridda dagaalka, haddana waxay dareemayaan in la iska fogeeyay sababo la xiriira waxa ay u arkaan tanaasulaad waaweyn oo loo sameeyay Qatar, oo taageerta ururka Ikhwaanul Muslimiinka. “Waa qalad in lagu tiirsanaado Qatar,” ayuu sarkaalkaas Sacuudiga ah u sheegay wargeyska Israel Hayom.

Aragtida dalalka Khaliijka ee Gaza waxay si weyn ugu dhowdahay tan Israel marka la eego shuruudaha muhiimka ah. Waxay taageersan yihiin in Xamaas si buuxda hubka looga dhigo, waxayna ku adkaysanayaan in Maamulka Falastiin uu soo laaban karo oo keliya marka la sameeyo dib-u-habayn ballaaran iyo hannaan xagjirnimada lagaga saarayo.

Wadamadan ayaa horeyba u waday isbeddello gudaha ah oo dhinacyada waxbarashada iyo warbaahinta ah si kor loogu qaado xasilloonida gobolka.

Sarkaalkaas ayaa ku andacooday in danaha Qatar ay si toos ah uga hor imanayaan ujeeddooyinkan. “Ka qaybgalka xad-dhaafka ah ee Qatar ee marxaladaha xiga ee qorshaha iyo dib-u-dhiska Gaza waxay sababi doontaa in qorshaha Trump uu burburo,” ayuu sarkaalku sheegay.

Wuxuu intaas ku daray in Qatar “ay wiiqi doonto dadaallada xagjirnimada lagula dagaallamayo, ayna isku dayi doonto inay xaqiijiso in Xamaas ay saaxadda ku sii jirto oo ay awoodda dib ugu soo laabato mustaqbal aan sidaa u fogeyn.”

Khilaafka ku saabsan taageerada Mareykanka ee sii kordheysa ee Qatar wuxuu sii cakirayaa xaaladaha kale ee gobolka, oo ay ku jirto suurtagalnimada heshiis ay ku caadiyeynayaan xiriirka Sacuudiga iyo Israel. Sarkaalka Sacuudiga ah ayaa xaqiijiyay in xiriir la dhex dhigo labada dhinac ay weli suurtagal tahay, balse aysan ahayn mid dhow.

“Waa waddo dheer oo u baahan in la arko heshiiska oo si buuxda loo fulinayo, oo ay ku jiraan ballanqaadyada Israel ee ku aaddan Maamulka Falastiin iyo wadahadallo dhab ah oo loo qaado xalka labada dal,” ayuu yiri sarkaalku.

Riyadh waxay damacsan tahay inay labada dhinacba la xisaabtanto. “Waxaan xaqiijin doonnaa in Maamulka Falastiin uu ka soo baxo waajibaadkiisa, laakiin Israel, iyadoo aan loo eegin isbahaysiga ka taliya, waa inay fulisaa wixii uu Netanyahu oggolaaday,” ayuu sarkaalku sheegay.

Tani waxay cadaadis saaraysaa dowladda Israel, iyadoo sarkaalku uu intaa ku daray, “Netanyahu, ama dowladda xigta, waxay ku qasbanaan doontaa inay go’aansato inay taageerayso tallaabooyin xagjirnimo ah sida dhul-goosashada, ama inay dhab ahaan u rabto xal dhab ah.”

Dhanka kale, saraakiisha Israel ayaa walaac ka muujinaya diyaar garowga ay ugu jiraan marxaladda xigta. Qaar badan ayaa aaminsan in Xamaas ay diidi doonto inay hubka dhigto, ka tanaasusho maamulka Gaza, ayna joojiso howlaha hubaysan.

Tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee Xamaas, oo ay ku jiraan dhoolatusyo ciidan iyo dilka dad lagu eedeeyay inay ahaayeen basaasiin, ayaa sii xoojinaya tuhunkaas.

IMF oo soo saartay warbixin ay ku faraxday Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) –  Hay’adda Lacagta Adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaanno IMF ayaa warbixin dhammeystiran kasoo saartay horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, taas oo looga hadlay isbeddellada ay ku tallaabsatay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbixinta ay soo saartay IMF oo ah dib-u-eegista 4-aad ee barnaamijka wada-shaqaynta ah ee ay la leedahay Dowladda Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray horumarka la sameeyay ee dhanka dhaqaalaha.

Warbixintan ayaa ku timid kadib laba toddobaad kulan ah oo ay wada yeeesheen qaar kamid ah hay’adaha Dowladda oo uu hoggaaminayay Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige iyo xubno sare oo ka socday IMF oo ay ugu sareysay Mrs. Ran Bi oo ah wakiilka arrimaha Soomaaliya ee IMF.

Sidoo kale warbixinta ayaa daba socota ansixintii guddiga sare ee Hay’adda oo shir gaar ah ka yeeshay natiijadii ka soo baxday kulankii dhexmaray hey’adaha Dowladda iyo IMF, sida ay ka hor sheegtay Guddiga Mrs. Ran Bi oo tilmaamtay in ay la kulantay natiijo la taaban karo kadib kulankii ay la yeelatay Wasiirka Maaliyadda iyo wafdigii uu hoggaaminayay oo Nairobi kulamo ku yeeshay 16-kii September ilaa iyo 8-da bisha October 2025.

IMF ayaa ku amaantay dadaalka dowladda Soomaaliya ee horumarinta ilaha dhaqaalaha iyo dib-u-habeynta hannaanka maamulka maaliyadda dalka, oo ay ugu muhiimsan yihiin sare u qaadidda dakhliga gudaha iyo hagaajinta shuruucda maaliyadda.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale si wayn loogu bogaadiyay in ay ka go’an tahay sii wadidda arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda, xoojinta xeerarka maamulka canshuuraha iyo iibka Qaranka oo muhiim u ah sare u qaadidda dakhliga dalka.

Wasiir Biixi Imaan Cige oo ku hadlayay afka dhammaan hey’adaha Dowladda ee sida gaarka ah ula shaqeeya IMF ayaa soo dhaweeyay warbixintaan, isaga oo si weyn uga mahadceliyay wada shaqeynta sare ee hay’adda ee sababay horumarrada la gaaray.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in warbixinta ay ku timid dadaal xoogan oo ay galiyeen hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka. Wasiirka Maaliyadda ayaa tilmaamay in ay Dowladdu sii laba laabayso dadaalka horumarineed ee dhaqaalaha Soomaaliya oo hadda meel wanaagsan maraya.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay sameyneysay kobac dhaqaale oo wayn, waxaana isbeddellada dhacay ay horseedeen in lagu guuleystay barnaamijkii dayn cafinta dalka.

Askarta Imaaraadka uu ka keenay Colombia oo xog ka bixiyey saldhigga Boosaaso

Boosaaso (Caasimada Online) – Saldhig militari oo Imaaraadka Carabtu ku leeyahay magaalada dekadda ah ee Boosaaso ayaa loo isticmaalayaa xarun ay sii maraan calooshood-u-shaqaystayaal Colombian ah oo ka dagaallamaya dagaalka sokeeye ee Sudan, sida lagu sheegay baaritaan ay si wadajir ah u sameeyeen wargeyska The Guardian iyo warbaahinta Colombia ee La Silla Vacía.

Warbixinta ayaa lagu ogaaday in askar hore oo Colombian ah lagu qoray qandaraasyo amni oo gaar ah, lana soo marsiiyay Geeska Afrika si ay ugu biiraan Ciidanka Dhaqdhaqaaqa Degdegga ah (Rapid Support Forces – RSF), oo ah koox awood badan oo maleeshiyo ah oo lagu eedeeyay inay gabood-fallo ka geysteen gobolka Darfur ee dalka Sudan.

Mid ka mid ah dagaallamayaasha Colombian-ka, oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, ayaa sheegay in safarkiisu uu ka soo bilowday magaalada Bogotá, halkaas oo uu ku saxiixay heshiis mushaar bille ah oo dhan $2,600.

Waxaa diyaarad looga qaaday dalka Itoobiya, kaddibna loo wareejiyay saldhig uu Imaaraadku maamulo oo ku yaalla Boosaaso, ka hor inta aan la geyn magaalada Nyala ee gobolka Darfur ee dalka Sudan, sida uu sheegay.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer wajahayay eedeymo sheegaya inuu taageero oo uu hubeeyo ciidanka RSF, inkastoo Abu Dhabi ay iska fogeysay ku lug lahaanshaha colaadda. Si kastaba ha ahaatee, baaritaanno dhowr ah ayaa muujinaya doorka istaraatiijiyadeed ee Boosaaso ay ku leedahay hawlgallada gobolka ee Imaaraadka.

Xogta saldhigga Boosaaso

Sawirro dayax-gacmeed ah oo la daabacay bishii Abriil 2025 ayaa muujiyay diyaarado waaweyn oo xamuul ah oo taagan Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso, taasoo sii kicisay walaaca ah in goobtaasi ay noqotay xarun saadka looga daabulo RSF.

Saldhigga Boosaaso, oo markii hore uu Imaaraadku u dhisay xarun tababar oo loogu talagalay ciidanka badda ee Puntland, ayaa hadda la aaminsan yahay inuu yahay saldhig si buuxda uu Imaaraadku u maamulo oo aysan wax kormeer ah oo macno leh ku lahayn mas’uuliyiinta Soomaalida.

Dhanka kale, warar kale oo soo baxay ayaa sheegaya in falanqeeyayaal sirdoon ay horraantii sanadkan sheegeen inay arkeen Raadaarka Hawlaha Badan ee ELM-2084 (ELM-2084 Multi-Mission Radar) oo lagu sameeyay Israel, kaasoo la dhigay meel u dhow isla saldhiggaas.

Nidaamkan, oo ay samaysay shirkadda ELTA Systems ee laga leeyahay Israel oo awood u leh inuu la socdo in ka badan 1,000 bartilmaameed, ayaa waxaa loo malaynayaa inuu Imaaraadku rakibay iyadoo aysan ka warqabin dawladda federaalka Soomaaliya iyo baarlamaanka Puntland midna.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu oggolaaday meelaynta raadaarka iyadoo la raacayo heshiis qarsoodi ah oo lala galay Abu Dhabi.

Wararkan soo baxay waxay ku soo beegmayaan xilli ay jiraan caddeymo muujinaya istaraatiijiyad ballaaran oo Imaaraadku ku doonayo inuu saameyntiisa ku fidiyo guud ahaan Geeska Afrika.

Xulufo goboleedyada Imaaraadka

Falanqeeyayaasha amniga ayaa ku tilmaamay abuuritaanka Abu Dhabi ee wax ay ugu yeereen “isbahaysiga gooni-u-goosad”, oo ah shabakad ka kooban hoggaamiyeyaal maxalli ah oo awood leh iyo maamul-goboleedyo madaxbannaan sida Somaliland iyo Puntland, kuwaasoo loo adeegsado in lagu muujiyo awoodda Imaaraadka iyadoo laga tallaabsanayo dawladaha dhexe.

Warbixintaasi waxay faahfaahisay sida Imaaraadku u abuuray isbahaysiyo gobol oo uu u maray heshiisyo dekedo, shirkado amni oo gaar loo leeyahay, iyo shabakado maaliyadeed si uu u helo saameyn istaraatiiji ah oo ka soo billaabata Liibiya ilaa Yemen iyo Soomaaliya.

Waxa kale oo ay iftiiminaysaa raadka militari ee sii fidaysa ee Imaaraadka Carabta ee guud ahaan Geeska Afrika, oo ay ku jiraan xarumo militari oo ku fidsan jasiiradaha Suqadara ee Yemen ilaa Berbera oo ku taal Somaliland iyo Boosaaso oo ku taal Puntland.

Saraakiisha Colombian-ka ayaa qiray in boqollaal askari oo hore ay shaqaaleysiiyeen shirkado gaar loo leeyahay oo ku xiran colaadaha dibadda, iyadoo qaarkood la sheegay inay tababaraan askarta cusub ee RSF, oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaarin, sida ay sheegtay warbaahinta La Silla Vacía.

Wararkan soo shaac baxay ayaa su’aalo cusub ka keenay madaxbannaanida Soomaaliya iyo heerka dhulkeeda loo adeegsan karo hawlgallo militari oo shisheeye.

Dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland weli kama aysan hadlin eedeymahan, Imaaraadka Carabtuna weli jawaab rasmi ah kama uusan bixin.

Dagaalka Sudan wuxuu qarxay bishii Abriil 2023, wuxuuna u dhexeeyaa ciidanka RSF oo uu hoggaamiyo Janaraal Maxamed Xamdaan Dagalo (Xameti), iyo Ciidanka Qalabka Sida ee Sudan oo uu hoggaamiyo Janaraal Cabdifataax al-Burhan.

Colaaddu waxay barakicisay malaayiin qof, waxay sababtay macaluul baahsan, waxayna dhalisay in dib loogu kuurgalo doorka shisheeyaha ee lagu eedeeyay inay sii hurinayaan dagaalka.

DF oo arrimo xasaasi ah kala hadashay Yemen + Sawirro

0

Cadan (Caasimada Online) – Dowladaha Soomaaliya iyo Yemen oo isugu yimid kulan laba geesood ah ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga amniga iyo la dagaallanka tahriibka sharci darrada ah oo muhiim u ah labada dal.

Kulankan oo si gaar ah u dhex-maray safiirka Soomaaliya u fadhiya Yemen Cabdulxakiim Maxamed iyo wasiirka gaashaandhigga dalkaasi ayaa ka dhacay magaalada Cadan, waxayna ka wada-hadleen arrimo muhiim ah oo quseeya dalalka Soomaaliya iyo Yemen.

Intiisa badan waxaa kulanka diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta iskaashiga labada dal ee walaalaha ah, si ay u yeeshaan wada shaqeyn dhow.

Waxaa kale oo wada-hadallada lagu soo qaaday sidii looga hortagi lahaa tahriibka sharci darrada ah ee dhibaatada ku haya lada dal iyo kooxaha argagixisada ee ka faa’iideysta dhaq-dhaqaaqyadaas, maadaama ay isaga kala gooshi karaan lada waddan.

Sareeye Gaas Mohsen Al-Daari oo madasha ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen, wuxuuna hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loola tacaalo khataraha amni ee gobolka, si loo sugo xasilloonida iyo nabad-gelyada marin biyoodka badda ee istiraatiijiga ah.

Dhankiisa Danjiraha Soomaaliya ee Yemen ayaa uga mahadceliyay dowladda dalkaasi taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda Federaalka, wuxuu sidoo kale xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta wada shaqeynta labada dowladood.

Soomaaliya iyo Yemen ayaa haatan wajahaya caqabado waa wayn oo la xiriira amniga badda iyo dhaqdhaqaaqa kooxaha xagjirka ah ee ka jira gobolka.

Wada-hadalladan ayaa kusoo aadayo, iyada oo Xuutiyiinta, oo ah koox gacan ka hesha dowladda Iran ay haata doonayso in ay abuurto jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, sida ay dhowaan shaaca ka qaadeen Falanqeeyayaasha ku xeeldheer arrimaha amniga.

Inkastoo kooxahaan ay kala yihiin Shiico iyo Suni, ayaa waxaa haddana xiriirkooda loo sababeynayaa in Al-Shabaab ay aad u rabaan hub casri ah, halka Xuutiyiintu ay daneynayaan inay awood u yeeshaan maamulka Badweynta Hindiya.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa ka fikireysaa sidii ay uga hortegi laheyd in xiriirka Al-Shabaab iyo Xutiyiinta uu dhaqan galo, iyadoo kaashaneysa caalamka.

Al-Sisi oo ku dhowaaqay tallaabo ay qaadeyso Masar oo la xiriirta muranka Itoobiya

Qaahira (Caasimada Online) — Madaxweynaha Masar, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa Axaddii ku eedeeyay Ethiopia inay dhibaato u geysanayso dalalka webiga Nilke iyadoo ka shaqeysiinaysa biyo-xireenka weyn ee Webiga Niilka Buluugga ah.

Sisi ayaa falalka Itoobiya ku tilmaamay “ficillo taxadar la’aan ah” kuna boorriyay beesha caalamka inay ka hortagto.

Khudbad uu duubay oo uu u jeediyay Toddobaadkii 8-aad ee Biyaha Qaahira, ayuu El-Sisi ku sheegay in Masar ay qaadi doonto “tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah” si ay u ilaaliso danaha iyo sugnaanshaheeda biyaha.

Hadalladiisu waxay muujinayaan inay sii xoogeystay luuqadda adag ee la isku adeegsanayo ee ku aaddan khilaafka muddada dheer soo jiitamayay ee biyo-xireenka Niilka ee u dhexeeya Masar iyo Ethiopia, kaasoo marar badan hakad galay inkastoo ay jireen dadaallo dhex-dhexaadin caalami ah.

El-Sisi wuxuu sheegay in Ethiopia ay dhibaato geysatay iyadoo “sii daysay biyo aan joogto ahayn oo aan ogeysiis hore iyo isku-dubbarid midna lahayn.” Wuxuu ku adkeystay in dadaalladii diblomaasiyadeed ee sannadaha socday aan loo qaadan inay yihiin daciifnimo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in habkaasi uu ahaa “mid muujinaya awood, biseyl, iyo aaminaad lagu qabo wada-hadal iyo iskaashi si loo ilaaliyo danaha dhammaan dalalka Dooxada Niilka iyadoo aan midna halis la gelinayn.”

Xiisaddan ugu dambeysay ayaa timid kaddib markii la soo geba-gebeeyay wejigii ugu dambeeyay ee buuxinta keydka biyaha ee Biyo-xireenka Weyn ee Horumarka Ethiopia (GERD) horaantii sanadkan, tallaabadaas oo ay Masar iyo Sudan si isdaba-joog ah u cambaareeyeen, kuna tilmaameen xadgudub ka dhan ah mabaadi’da caalamiga ah.

Toban sano oo is-mari-waa ah

Khilaafkan wuxuu salka ku hayaa biyo-xireenka korontada laga dhaliyo ee ku kacay $4.6 bilyan, oo ah kan ugu weyn Afrika, kuna yaalla Webiga Niilka Buluugga ah ee Ethiopia, meel u dhow xudduudda Sudan. Dhismihiisa waxaa la bilaabay sanadkii 2011. Ethiopia waxay sheegtay in mashruucani uu muhiim u yahay horumarkeeda dhaqaale, uuna koronto siin doono malaayiin muwaadiniinteeda ah.

Masar, oo in ka badan 98 boqolkiiba biyaha ay isticmaasho ka hesha Webiga Niilka, ayaa ka cabsi qabta in biyo-xireenku uu si weyn u yareeyo biyaha ay hesho. Sudan, oo labada dal u dhaxaysa, waxay walaac ka muujisay badqabka hawlgalka biyo-xireenka iyo qulqulka biyaha ee soo gaara.

Wada-hadallo socday in ka badan toban sano, oo uu dhex-dhexaadinayay Midowga Afrika (AU), ayna goob-joog ka ahaayeen Mareykanka iyo Midowga Yurub, ayaa ku guuldarreystay inay soo saaraan heshiis dhammaystiran.

Qodobada ugu waaweyn ee la isku hayo waxaa ka mid ah sharciyada lagu maareynayo biyo-xireenka xilliyada abaaraha daba-dheeraada iyo in la sameeyo hab sharci ah oo lagu xalliyo khilaafaadka. Wareeggii ugu dambeeyay ee wada-hadallada ayaa burburay dabayaaqadii sanadkii 2023.

El-Sisi ayaa Axaddii carrabka ku adkeeyay in Masar ay martay “waddo diblomaasiyadeed oo caddaalad iyo xikmad ku dhisan,” isla markaana ay soo jeedisay xalal farsamo oo dhowr ah.

Wuxuu ku andacooday in soo-jeedimahaasi ay la kulmeen “madax-adayg aan lagu macnayn karin waxaan ahayn rabitaan siyaasadeed oo maqan iyo damac ah in la abuuro xaqiiqo dhinac qura ah oo ay wadaan dano siyaasadeed oo ciriiri ah.”

Deganaanshaha gobolka oo halis ku jira

El-Sisi wuxuu arrinta biyo-xireenka Niilka ee Masar iyo Ethiopia ku tilmaamay mid jiritaan ama baaba’ u ah in ka badan 100-ka milyan ee qof ee dalkiisa ku nool.

Wuxuu iftiimiyay in Masar ay ka mid tahay dalalka ugu biyo-yarida badan adduunka, iyadoo qofkiiba ay soo gaarto qiyaastii 500 oo mitir kuyuubik oo biyo ah, taasoo ah kala bar xadka faqriga biyaha ee caalamiga ah ee ay dejiyeen Qaramada Midoobay (UN).

Wuxuu diiday waxa uu ugu yeeray “sheegashooyinka beenta ah ee Ethiopia ee ah inay si gaar ah u leedahay madaxbannaanida Webiga Niilka,” isagoo sheegay in webigu uu yahay hanti ay wadaagaan dhammaan dalalka uu maro, oo aan la iska keliyeysan karin. Khudbaddiisu waxay si toos ah ugu baaqday faragelin caalami ah si wax looga qabto is-mari-waaga jira.

“Tallaabooyinkan taxadar la’aanta ah ee ay qaadeen maamulka Ethiopia waa in ay ka hortimaaddaa beesha caalamka guud ahaan, iyo gaar ahaan qaaradda Afrika,” ayuu yiri El-Sisi.

Falanqeeyayaashu waxay ka digeen in guuldarrada diblomaasiyaddu ay horseedi karto degganaansho la’aan weyn oo ka dhacda gobol markii horeba aan xasilloonayn.

Sawirro: Trump oo gaaray Israa’iil iyo isdhaafsiga maxaabiista oo bilowday

0

Tel Aviv (Caasimada Online) –  Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa maanta oo Isniin ah gaaray Israa’iil iyada oo dhinaca kale Qaza ay ka bilaabatay siideynta maxaabiista Israa’iil.

Diyaradda sidday Trump ayaa goordhow ka degtay garoonka Ben Gurion, oo ku yaalla duleedka magaalada Tel Aviv, wuxuuna si kooban socdaal ugu tegay halkaasi.

Trump ayaa la kulmi doono mas’uuliyiin uu kamid yahay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu iyo xaaskiisa Sara, ergeyga gaarka ah ee Mareykanka, Steve Witkof, Jared Kushner oo uu Trump sodog u yahay iyo gabadha uu Trump dhalay, Ivank trump.

Sidoo kale, Madaxweynaha Mareykanka ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo xarunta  Baarlamaanka Israa’iil ee loo yaqaan Kenneset, kadibna wuxuu berri tegi doonaa Masar, halkaas oo shir weyn uu kula yeelan doono madaxda 20 dal oo ka mid ah dalalka Carabta iyo Muslimiinta.

Dhinaca kale, kooxda Xamaas ayaa sii daysay qeybtii ugu horeysay maxaabiista Israa’iil oo ay ku wareejisay Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah.

Illaa 7 maxbuus ayaa la daayay, kuwaas oo hadda kusii jeeda Israa’iil, waxaana haatan socda qorshe ay qeybta labaad ee maxaabiista Xamaas sii deyneyso, iyada oo lagu wareejinayo Laanqeyrta Cas.

Waxaa kale oo dhankeeda Israa’iil ay sii deyneysaa ilaa 1966 maxaabiis oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xukunnaa xabsi daa’iin, waxaana haatan magaalada Daanta Galbeed iyo sido kale Marinka Gaza ka socda xaflado lagu soo dhaweynayo maxaabiista.

Ragga muhiimka ee lasoo daynayo waxaa kamid ah Naji al-Jafrawi oo la dhashay suxufigii Saleh al-Jafrawi oo shalay ay dileen kooxo hubeysan oo xiriir dhow la leh Israa’iil, iyada oo ujeedka uu yahay in qoyska reer Jafrawi ay helaan beddelka wiilkooda geeriyooday, sida ay werisey Quds News.

Farxad ayay maanta dareemayaan reer Qaza oo soo dhaweyn doono ku dhawaad labo kun oo maxaabiis Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan 250 oo xabsi daa’in ay ku xukuntay Israa’iil oo qasab loo soo furtay, kuwaas oo lagu beddelanayo 20 Israa’iiliyiin ah.

DF oo ku dhawaaqday mashruuc ballaaran oo ay ka fulineyso gudaha Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday mashruucii ugu ballaarnaa ee ay ka sameynayso gudaha Somaliland, kaasi oo ah dhismaha wadada muhiimka ah ee isku xirta magaalooyinka Saylac iyo Boorama.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa sheegay in mashruucan uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda ee lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku socodka shacabka Soomaaliyeed.

Wadadan ayaa ah mid istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka bulshada, ganacsiga iyo horumarinta gobollada Waqooyi-galbeed ee dalka.

Wasiir Cilmi ayaa sheegay in sahankii wadada uu soo dhammaaday, haddana ay fulinteedu diyaar tahay. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in dhismaha wadadan uu ka mid yahay mashaariicda mudnaanta leh ee ku jira Qorshaha Horumarinta Qaranka.

“Jidka isku xira Saylac illaa Boorama ayaa dhismaheeda dhawaan bilaaban doonta, oo laami ah ayaa laga dhigayaa. Jidkan waa lasoo dhameeyay daraasaddiisa,” ayuu yiri Wasiir Cilmi.

Wasiir Cilmi wuxuu intaas ku daray in ay jiraan waddooyin yaryar oo laga dhisayo Somaliland, sida jidka magaalooyiinka Oodweyne iyo Hargeysa isku xira.

“Meelo kale oo Oodweyne illaa Hargeysa ah ayaa iyaguna jira oo daraasad lagu wado. Marka mashruucani waa kan horumarinta Afrika weeye. Waxaa kale oo jira mashruuca Nagaad oo horumarinta magaalooyinka iyo biyo-mareennadooda ka shaqeynaya,” ayuu yiri wasiirka.

Inkastoo aan la caddeyn qaabka ay mashruucan Dowladda Federaalka Soomaaliya uga fulinayso gudaha Somaliland, haddana wasiirku wuxuu ku adkeystay inay dalka oo dhan ka shaqeeyaan.

Si kastaba, Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax-bannaan oo ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, ayaa la ogeyn waxa ay ka yeeli doonto mashruucan ay ku dhawaaqday Muqdisho, oo muhiim u ah bulshada gobollada Awdal iyo Salal.

Pakistan-Afghanistan border clashes kill dozens of soldiers

Islamabad, Pakistan – Dozens of soldiers were killed in heavy overnight fighting between Pakistan and Afghanistan, officials from both countries said Sunday, in the most serious clashes since the Taliban returned to power in 2021. The violence prompted Pakistan to close major border crossings.

The Pakistan military stated that 23 of its soldiers died. In contrast, the Taliban administration in Kabul said nine of its security forces were killed.

Each side claimed to have inflicted much higher casualties on the other, with Pakistan reporting it killed more than 200 Afghan fighters and Afghanistan claiming it killed 58 Pakistani soldiers. These figures could not be independently verified.

The fighting erupted late Saturday after Afghan forces opened fire on Pakistani border posts. The Taliban’s defense ministry described the move as a retaliatory operation for Pakistani airstrikes inside Afghanistan on Thursday.

Pakistan has not officially acknowledged the airstrikes, which Afghan officials said hit Kabul and a marketplace in the country’s east.

In response to the overnight attacks, Pakistan used gun and artillery fire. Both governments claimed to have destroyed border posts belonging to the other.

By Sunday morning, most of the heavy exchanges had stopped. However, intermittent gunfire continued in Pakistan’s Kurram district, according to local officials.

Border crossings closed 

Pakistan closed its main border crossings at Torkham and Chaman on Sunday, halting trade and civilian movement. At least three other smaller crossings were also shut, stranding people on both sides.

The 2,600-kilometer border, known as the Durand Line, is a colonial-era demarcation that Afghanistan has never formally recognized.

The recent Pakistan-Afghanistan border clashes are rooted in longstanding disputes. Islamabad has repeatedly demanded that the Taliban take action against Tehreek-i-Taliban Pakistan (TTP) militants, who Pakistan says operate from havens in Afghanistan to launch attacks on its soil.

The Taliban administration denies that it allows its territory to be used by militant groups. “There is no kind of threat in any part of Afghanistan’s territory,” Taliban spokesman Zabihullah Mujahid said at a news conference in Kabul on Sunday. He added that Afghan forces would defend their land.

Regional powers urge restraint

The violence drew calls for calm from regional powers. Saudi Arabia and Qatar both released statements expressing concern and urging dialogue to de-escalate the situation.

The Taliban’s spokesman said that Afghanistan halted its attacks late Saturday at the request of the two Gulf nations.

The fighting coincided with a visit by Taliban Foreign Minister Amir Khan Muttaqi to India, Pakistan’s regional rival. During the visit, India announced it would upgrade its diplomatic relations with Kabul.

Speaking from India, Muttaqi confirmed that the Taliban respected the calls for a halt to the fighting but maintained that Kabul reserves the right to self-defense.

“We want a peaceful resolution of the situation, but if the peace efforts don’t succeed, we have other options,” Muttaqi told reporters.

Pakistani Prime Minister Shehbaz Sharif condemned the Afghan attack and stated the country’s army “gave a befitting reply to Afghanistan’s provocations.”

The unresolved issues concerning militant groups and the disputed border suggest that while the immediate fighting has subsided, the potential for future conflict remains.

Madagascar President says coup attempt underway

Antananarivo, Madagascar – Madagascar’s president said Sunday that a coup attempt is underway, escalating a political crisis after an elite army unit joined weeks of youth-led protests and demanded his resignation.

President Andry Rajoelina’s office issued a statement that an “attempt to seize power illegally and by force” had been initiated. It did not name the individuals behind the effort. However, it condemned the “attempt at destabilization” and called on national forces to defend the constitutional order.

The announcement followed a dramatic turn on Saturday, when troops from the elite CAPSAT unit sided with protesters. A commander, Col. Michael Randrianirina, said his forces had exchanged fire with security personnel, resulting in the death of one of his soldiers.

The situation in the capital, Antananarivo, was tense on Sunday. The African Union Commission urged all parties to exercise calm. The United States Embassy advised its citizens to shelter in place, calling the environment “highly volatile and unpredictable.”

In a concrete sign of the instability, Air France suspended flights to the capital until October 13.

Military factions break ranks

The claimed coup attempt in Madagascar follows open defiance by key security units. The CAPSAT unit, which was instrumental in a 2009 coup that first brought Mr. Rajoelina to power, now opposes him.

On Saturday, Col. Randrianirina told crowds from an armored vehicle that the president and top government officials “must leave power. That’s all.”

On Sunday, CAPSAT officers claimed they had assumed command of the country’s security operations and appointed a new army chief. The government has not verified these claims.

Another security branch, a unit of the paramilitary gendarmerie, also broke with the government. The Intervention Forces of the National Gendarmerie said in a broadcast statement that it was coordinating with CAPSAT. It prohibited “all use of force and any improper behaviour towards our fellow citizens.”

Youth-led protests fuel crisis

The unrest stems from large-scale protests that began on September 25. A movement calling itself “Gen Z Madagascar” organized the demonstrations, which were initially focused on chronic water and electricity shortages.

The protests quickly expanded to address widespread grievances, including poverty, the cost of living, and alleged government corruption.

The United Nations said at least 22 people have died and dozens have been injured in the demonstrations. The government disputes this death toll. The protesters, who have organized online, say that similar youth-led movements in Nepal and Sri Lanka inspired them.

President Rajoelina attempted to quell the unrest on September 29 by dismissing his entire cabinet. He appointed a military general as the new prime minister, but the demonstrations continued to grow.

Madagascar, an island nation of 31 million people, has a long history of political crises. Mr. Rajoelina, 51, first took power in 2009 after a military-backed coup forced then-President Marc Ravalomanana to flee.

He was elected president in 2018 and reelected in 2023, in a vote boycotted by opposition parties.

The current crisis represents the most significant challenge to his rule since his reelection. Thousands of protesters, joined by church leaders and opposition figures including Mr. Ravalomanana, gathered peacefully in Antananarivo on Sunday to honor the soldier killed on Saturday.

The president’s current whereabouts are unknown, though his office insists he remains in the country and in control of national affairs.

DF oo caawa howl-gal ku dishay horjooge Cali Axmed Guure

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-gal aad loo qorsheeyay oo goordhow ka dhacay deegaanka Mubaax ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay Horjooge Cali Axmed Guure oo loo yaqaanay (Cali Qoyane), sida ay shaacisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Horjoogahan ayey dowladdu sheegtay inuu kamid yahay madaxda sare ee kooxda, iyadoo ku tilmaamtay “dhiigyo cab” dhibaatooyin badan ka gaystay gobolka Hiiraan.

Dowladda ma faah-faahin nooca howl-galka dhacay caawa ee lagu dilay horjoogahan, balse xogo hordhac ah oo aan helayno ayaa sheegaya in duqeyn lagu dilay Cali Qoyane.

“Goordhow la soco faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan howl-galka iyo xogta horjoogaha Khawaarijka ahaa,” ayaa lagu yiri faafin deg-deg ah oo kasoo baxday Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Toddobaadkii hore ayey aheyd markii ciidanka NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ay ku guuleysteen dilka horjoogayaal iyo xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Howl-gal qorsheysan oo Talaadadii laga fuliyay deegaanka Basra ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa lagu dilay toddobo xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Shabaab.

Howl-galkaas ayaa sidoo kale waxaa lagu dhaawacay saddex xubnood oo kale kadib markii si toos ah loo bartilmaameedsaday goob ay isku aruursaneyeen Shabaabka la weeraray, sida ay sheegtay NISA.

Howl-galka ayaa la qaaday markii la helay xog sirdoon oo xaqiijisay in Shabaabka ay qorsheynayeen falal amniga lagu carqaladeynayo oo ay ka sameenayaan inta u dhaxaysa Muqdisho iyo Balcad.

“Maleeshiyaad tiro ahaan gaarayay 40 xubnood ayaa lagu diyaarinayay goobta weerarka laga fuliyay, waxaana howlgalka lagu burburiyay teendhadii ay Khawaarijtu ku dhuumanayeen,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay hay’adda NISA.

Howl-galkaas ayaa markaas ku idlaaday si guul ah, iyada oo ciidanka NISA ay si buuxda uga hortageen qorshihii Shabaabku ay ku doonayeen in ay ku fuliyaan falal argagixiso, sida ay sheegtay hay’addu.