25.3 C
Mogadishu
Wednesday, July 22, 2026

Koofi: Warka Xasan Sheekh wuxuu la mid yahay daawo dhacday oo suuqa taalla

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xoghayaha Madasha Samatabixinta Mucaaradka, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo qoraal soo saaray ayaa jawaab adag siiyay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay ka hadlay hubka culus ee lagu dhex wato caasimadda.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyay kaga hadlay arrinta hubka, wuxuuna sheegay in isaga oo 5 jeer ka badbaaday isku dil uu haddana iska diiday in lagu waardiyeeyo gaadiid dagaal iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa farriin culus u diray madaxda kale iyo mucaaradka oo uu ugu baaqay inay hubka iska dhigaan, maadaama uu haatan soo hagaagay amniga magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

“Ma ahayn dadka ku xarakooda hubka iyo qoryaha haddana weli ma ahi, waxaana taaganahay hubka hala dhigo. Mas’uul ayaan ahay 5 jeer ayaa cadowga Khawaarijta inay i dilaan isku dayeen oo la wada ogyahay magaalada Muqdisho iyo bannaakeeda intaba saas oo ay tahay maanta waxaan joogaa baabuur ciidan ah oo qoryo ka raaracaan inaanu i daba kicin oo i ilaalin,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Waxaa kle oo uu kusii daray “Dadka baabuurka, hubka iyo qorayaha ay xaragada ka noqotay war markaad fiican tahay ayaa lagu arkaayee ee marka balaayo tahay laguma arko”.

Intaas kadib waxaa soo jawaabay Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) oo kamid ah xubnaha mucaaradka, wuxuuna warka Madaxweynaha ku tilmaamay inuu lamid yahay daawo dhacday oo kale, sida uu hadalka u dhigay.

“Warka Xasan Sheekh wuxuu la mid yahay daawo dhacday oo suuqa taalla, qofkii qaata waxay ka jaran tahay caafimaadkiisa iyo mustaqbalkiisa!”.

Dhanka kale, waxaa jira go’aan kale oo maanta kasoo baxay dowladda oo ku aadan mamnuucidda hubka culus ee lagu dhex wato magaalada Muqdisho, kaas oo uu shaaciyay Wasiirka Amniga, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).

“Soomaaliya waa ka gudubtay in Wasiirada wataan hub waa wayn, waxaa kaliya ku filan laba askari oo wata hub fudud, sida Bastooladaha” ayuu yiri Wasiirku.

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda aya waday howlgal ballaaran oo hub ka dhigis ah, iyadoo inta badan lagu beegsaday xubnaha mucaaradka ee dhawaan magaalada Muqdisho dagaalka kula galay hay’adaha ammaanka.

DF oo ku dhawaaqday go’aan saameynaya mucaaradka dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay go’aan culus ayaa mamnuucday in maanta kadib hub culus lagu dhex wato magaaada Muqdisho, kaas oo si isku mid ah u saameynaya mas’uuliyiinta xilalka haya iyo kuwa mucaaradka.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo maanta guddoomiyay shir muhiim ah ayaa soo hadal qaaday arrinta hubka, wuxuuna sheegay in si rasmi ah looga joojiyay Muqdisho.

Fartaag ayaa sheegay in haatan uu soo hagaagay amniga caasimada, isla markaana muhiimaddu ay tahay in loo hogaansamo amarka soo baxay, si looga looga hortago in muuqaallo aan wanaagsaneyn laga gudbiyo dalka.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in xittaa Golaha Wasiirrada ay isticmaali doonaan ilaalo kooban, isla markaana lagu waardiyeyn doono Bistoolado.

“Soomaaliya waa ka gudubtay in Wasiirada wataan hub waa wayn, waxaa kaliya ku filan laba askari oo wata hub fudud, sida Bastooladaha” ayuu yiri Wasiirku.

Dhanka kale, waxa uu hoosta ka xariiqay inuu socdo qorshe guud oo lagu dhimmayo tirada ilaalada gaarka ah ee la socota masuuliyiinta dowladda iyo gaadiidka dagaalka ee ay isticmaalaan ma’uuliyiinta iyo xubnaha mucaaradka.

Maalmihii u dambeeyay dowladda Soomaaliya ayaa wadday howlgal ballaaran oo hub ka dhigis ah, iyadoo inta badan lagu beegsaday xubnaha mucaaradka ee dhawaan dagaalka culus Muqdisho kula galay ciidamada ammaanka.

Si kastaba, tallaabadan ayaa kusoo aadeyso, xilli xasaasi ah oo ay taagan xiisad culus oo u dhexeyso Villa Somalia iyo mucaaradka oo isku hayan hannaanka loo wajahayo doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka.

Daawo: Xasan iyo Ruto oo ku kulmay beer ku taalla magaalada Narok

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta booqasho shaqo ku gaaray dalka Kenya ayaa goordhow kulan muhiim ah la yeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane William Ruto.

Kulanka oo ka dhacay beer ku taalla magaalada Narok ayaa labada Madaxweyne waxay diiradda ku saareen arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadista iskaashiga iyo wadashaqaynta labada dal.

Sidoo kale waxaa kulanka madaxda Soomaaliya iyo Kenya lagu soo qaaday ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo guud ahaan horumarka gobolka, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya oo baahisay muuqaalka labada Madaxweyne.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in inta uu joogo dalka Kenya inuu la shiro wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee sida dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulamadaas.

Kenya ayaa ka mid ah waddamada dariska ah ee xiriirka wanaagsan la leh Soomaaliya, waxayna sidoo kale ka qayb-qaadataa howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika, kaas oo xooga saaro amniga iyo la dagaallanka Al-Shabaab.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli ay mucaaradka Soomaaliya ku baaqeen qabashada doorashooyin toos ah oo degdeg ah, iyagoo dalbanaya in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.

Doodaha ku saabsan nooca doorashada iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xoogeysanayay, iyadoo dowladda federaalka iyo mucaaradkuba ay soo bandhigayaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.

War cusub oo kasoo kordhay gabadhii lagu dhibaateeyay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay falkii lagu dhibaateeyay gabar Soomaaliyeed oo ku sugneyd goob fagaare ah oo lagu soo dhaweynayay mid kamid gabdhaha isticmaala baraha bulshada oo kusoo laabatay Muqdisho.

Xeer Ilaalinta ayaa shaaca ka qaaday inay wado baaris ku aadan dhacdadaas, oo ay si weyn uga xumaadeen dadka Soomaaliyeed, kadib markii muqaalka gabadha yar lagu baahiyay baraha bulshada, iyadoo toos loogu xagdudbayo.

“Xafiisku wuxuu si gaar ah baaris ugu wadaa dhacdo foolxun oo ka dhacday baraha bulshada, taas oo ay geysteen dhalinyaro kuwaas oo ku xadgudbay gabadh Soomaaliyeed oo ku sugan magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in tallaabo adag oo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo kiiskaasi.

Waxaa kale oo uu xafiisku digniin adag u diray dhammaan shaqsiyaadka isticmaala baraha bulshada oo uu uga digay waxyaalaha dhaqan xumada ah.

Dhinaca kale, Taliyaha Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, Macallin Mahdi ayaa farriin u diray dadweynaha Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay inay la raadinayaan dambiileyaasha oo ay baadi goobayaan laamaha amniga.

Macallin Mahdi ayaa sheegay inay ka go’an tahay in cadaaladda la horgeeyo ragga sameeyay xadgudubka, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

“Muwaadin, haddii aad la kulanto ama aad hesho xog ku saabsan dhalinyaradii ku kacay falkii Anshax xumada ahaay ee lagula kacay, gabar Soomaaliyeed, fadla soo wac 991 amm199,” ayuu isna yiri Taliye Macallin Mahdi.

Soomaaliya oo maanta diiwaangelisay dhacdo taariikhi ah kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa maanta diiwaangelisay dhacdo taariikhi ah oo geli doonto kaydka dowladnimada, kadib markii guddoomiyaha kumeel gaarka ah ee baarlamaanka, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ay maanta markii ugu horreysay noqotay ku-simaha Madaxweynaha, maadaama uu safar galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saaka u amba-baxay dalka Kenya, halkaasi oo la filayo inuu kula kulmo dhiggiisa Wiliam Ruto.

Marwo Sacdiya ayaa hadda hoggaamineysa dalka, waxayna shaqada sii qaban doontaa iyada oo ah ku-sime, maadaama uu dalka ka maqan yahay Madaxweynaha.

Tani ayaa ka dhigan markii ugu horreysay ee taariikhda in Soomaaliya ay haweeney ka noqoto ku-sime Madaxweyne, waxayna Sacdiya fursadan ku heshay markii ay shalay la wareegtay xilka guddoomiyaha baarlamaanka oo uu si kumeel gaar ah ugu wareejiyay Sheekh Aadan Madoobe oo maalmo kahor loo doortay hoggaamiyaha Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed.

Sacdiya Yaasiin ayaa isla markiiba qaaday tallaabadii ugu horreysay, waxayna bayaan kasoo saartay dagaalka ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, iyada oo baaq nabadeed u dirtay beelaha dagaalamaya.

“Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo, waxa uuna dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka” ayey tiri Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “Annaga oo ah Gudoonka Golaha shacabka, waxaan caddeynaynaa inaan garab taagannahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda iyo walaaltinimada shacabka deegaanka”

Ugu dambeyn, waxa ay sheegtay inay waajib tahay in la ilaaliyo nabadda, lana joojiyo waxkasta oo horseedi kara colaad horleh, sidoo kalena danta guud iyo wada noolaanshaha bulshada ay ka muhiimsanyihiin wax walba

Wakiilka Somaliland ee Yemen oo lagu xiray Sanca kadib heshiiska Israa’iil

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Idiris Aadan Raage oo ahaa wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Yemen ayaa lagu afduubtay gudaha magaalada Sanca, sida ay sheegeen qoyska Idiris.

Ehelada Idiris ayaa sheegay in mas’uulkan uu ku jiro xabsi tan iyo 13-kii June, iyadoo illaa iyo hadda aan la helin wax xiriir ah ama xog rasmi ah oo ku saabsan halka lagu hayo iyo xaaladdiisa caafimaad iyo amni toona.

Qoyska ayaa sidoo kale sheegay in tan iyo markii la xiray aan loo oggolaan inuu la xiriiro qoyskiisa, isla markaana aysan jirin cid si rasmi ah ugu sheegtay sababta ka dambeysa xariggiisa.

“Idiris wuxuu ahaa wakiil rasmi ah oo haysta ruqsad sharci ah oo uu ku gudanayay waajibaadkiisa, taas oo kiiskan siinaysa dhinac diblomaasiyadeed oo u baahan hufnaan iyo faahfaahin dheeraad ah,” ayey sheegeen ehelada mas’uulkan.

Ilaa hadda, mas’uuliyiinta Yemen ma aysan soo saarin wax war ah oo ku saabsan sababta loo xiray wakiilka Somaliland ama tallaabooyinka sharci ee laga qaaday, taas oo sii kordhisay walaaca qoyskiisa iyo dadka la socda xaaladdiisa.

Qoyska Idiris Aadan Raage ayaa ugu baaqay hay’adaha ay khusayso inay si degdeg ah u sheegaan halka uu ku sugan yahay iyo xaaladdiisa, loona oggolaado inuu la xiriiro ehelkiisa, iyagoo ku adkeeyay in arrinta loo maareeyo si waafaqsan sharciga iyo mabaadi’da bani’aadannimada.

Xarigga Idiris ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeystay xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, isla markaana uu Madaxweynaha Somaliland safar ku tegay Israa’iil, isagoo magaalada Qudus ka furay xafiis uu ku sheegay safaaradda Somaliland ee Israa’iil.

Si kastaba, illaa iyo hadda ma jirto wax faah-faahin rasmi ah oo ka soo baxday dowladda Yemen oo xaqiijineysa ama sharaxeysa xarigga Idiris Aadan Raage, waxaana xaaladda mas’uulkan weli hareeyay su’aalo iyo hubanti la’aan ku saabsan halka uu ku sugan yahay iyo sababta loo xiray.

Xasan Sheekh oo safar aan la shaacin ugu baxay dalka…

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar aan hore loo shaacin ugu ambabaxay dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu halkaas kulammo kula yeesho madaxda dalkaas iyo mas’uuliyiin ka socota beesha caalamka.

Wararka laga helayo ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegaya in safarkan uu diiradda saarayo arrimo la xiriira amniga, siyaasadda gudaha Soomaaliya iyo xaaladda guud ee gobolka, xilli ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu magaalada Nairobi kula kulmo madax ka tirsan dowladda Kenya iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah ee sida dhow ula socda xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin ajandaha kulamadaas.

Safarkan ayaa ku soo aadaya xilli ay mucaaradka Soomaaliya ku baaqeen qabashada doorashooyin toos ah oo degdeg ah, iyagoo dalbanaya in la helo hannaan doorasho oo ay ku wada qanacsan yihiin dhinacyada siyaasadda dalka.

Doodaha ku saabsan nooca doorashada iyo hannaanka siyaasadeed ee dalka ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay sii xoogeysanayay, iyadoo dowladda federaalka iyo mucaaradkuba ay soo bandhigayaan aragtiyo kala duwan oo ku saabsan mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.

Ilaa iyo hadda, Villa Soomaaliya kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan safarka madaxweynaha ee Kenya iyo ujeeddooyinka rasmiga ah ee ka dambeeya. Hase yeeshee, safarkan ayaa imanaya xilli dalka uu wajahayo xiisad siyaasadeed oo xasaasi ah iyo muranka la xiriira doorashooyinka.

Si kastaba, Soomaaliya iyo Kenya ayaa leh xiriir wanaagsan oo labada dhinacba muhiimad gaar ah u leh, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga, siyaasadda iyo waxbarashada.

Iiraan oo mar kale xirtay Marinka Hormuz + Sababta

Tehran (Caasimada Online) – Taliska sare ee ciidamada Iiraan ayaa ku dhowaaqay inay mar kale xireen Marinka Hormuz, iyagoo ku eedeeyay Mareykanka iyo Israa’iil inay ku xad-gudbeen heshiiskii xabbad-joojinta ee dhawaan la gaaray, kaas oo la filayay inuu yareeyo xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Iiraan ayaa lagu sheegay in go’aanka lagu xiray marinka uu yimid kadib markii, sida ay sheegeen, la jebiyay qodobbo muhiim ah oo ka mid ahaa heshiisyadii lagu doonayay in lagu joojiyo dagaallada iyo weerarrada ka socda gobolka.

Iiraan ayaa si gaar ah ugu eedeysay Israa’iil inay sii waddo duqeymaha ay ka fulineyso koonfurta dalka Lubnaan, inkastoo uu jiray heshiis xabbad-joojin ah oo la filayay inuu dhaqangalo maalmo ka hor.

Tehran waxay ku doodday in weerarradaasi ay si toos ah u dhaawaceen dadaalladii diblomaasiyadeed ee socday.

Bayaanka taliska ciidamada Iiraan ayaa lagu sheegay in lagu xad-gudbay qodobkii ugu horreeyay ee heshiiska, kaas oo dhigaya in aan la weerarin dhulka Lubnaan. Mas’uuliyiinta Iiraan ayaa sheegay inay qaadi doonaan tallaabooyin ay ku difaacayaan amniga gobolka iyo danahooda istaraatiijiga ah.

Dhanka kale, Israa’iil ayaa weli sii wadda weerarro ay ka fulineyso qeybo ka mid ah koonfurta Lubnaan, iyadoo sheegaysa inay beegsaneyso saldhigyo iyo xubno ka tirsan Xisbullah. Arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in heshiisyadii la gaaray ay burburaan.

Marinka Hormuz ayaa ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee dhoofinta tamarta caalamka, waxaana mara qiyaastii shan meelood meel saliidda iyo gaaska dabiiciga ah ee dunida laga isticmaalo.

Dalalka Khaliijka ee saliidda dhoofiya ayaa si weyn ugu tiirsan marinkan, waxaana xiritaankiisu saameyn toos ah ku yeelan karaa dhaqaalaha adduunka.

Sida ay hore u sheegeen hay’adaha tamarta caalamiga ah, oo ay ku jiraan Hay’adda Tamarta Caalamiga ah (IEA) iyo Maamulka Macluumaadka Tamarta Mareykanka (EIA) mar kasta oo ay xiisad ka dhalato Marinka Hormuz waxaa sare u kaca qiimaha shidaalka iyo walaaca la xiriira sahayda tamarta ee caalamka.

Maraakiibta ganacsiga ayaa dib u billaabay inay isticmaalaan marinkan kadib heshiis ku-meel-gaar ah oo toddobaadkan ay wada gaareen Mareykanka iyo Iiraan. Hase yeeshee, go’aanka cusub ee Tehran ayaa la filayaa inuu dib u kiciyo walaaca suuqyada caalamiga ah, iyadoo falanqeeyayaasha ay ka digayaan in xaaladdu ay horseedi karto qalqal cusub oo ka dhaca suuqyada tamarta iyo ganacsiga caalamiga ah.

Xogta wada-hadallada Qoor-Qoor iyo taliye Mahad Salaad

0

Dhuusamareeb (Caasimada Onlien) – Waxaa magaalada Dhuusamareeb weli ka socda wada-hadallo xasaasi ah oo galay maalintii labaad, kuwaas oo u dhexeeya Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, Mahad Maxamed Salaad.

Wada-hadalladan oo socday shalay iyo maanta ayaan weli laga gaarin wax natiijo ah oo la taaban karo, iyadoo dhinacyadu ay isku mari la’ yihiin habka loo maareynayo xilliga kala-guurka ah ee Galmudug iyo in Qoorqoor uu ka tanaasulo tartanka doorashada madaxweynaha Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa ku adkeysanaya inuu diyaar u yahay tartan doorasho oo furan, isagoo caddeeyay inuu soo dhoweynayo musharrax kasta oo la tartamaya, balse uusan marnaba ka tanaasuli doonin ka qeybgalka tartanka madaxtinnimada.

Labada dhinac ayaa weli isku khilaafsan hannaanka iyo mudeynta doorashada soo socota, taas oo keentay in wada-hadalladu ay jiitamaan.

Maadaama aan weli wax isku soo dhowaansho ah laga gaarin is-afgaradka, labada dhinac ayaa ku ballamay inay kulamo kale isugu soo laabtaan maalinta berri ah, si loo sii ambaqaado wada-hadallada, loona raadiyo xal siyaasadeed oo lagu kalsoonaan karo.

Dhinaca kale, khilaafkan taagan ayaa si toos ah u saameeyay qorshihii safarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ee uu ku tegi lahaa magaalada Dhuusamareeb.

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Taliyaha NISA, Mahad Salaad, oo la sheegay inuu taageerayo musharraxa Villa Somalia ee madaxtinnimada Galmudug, ganacsade Liibaan Shuluq, uu doonayo in Qoorqoor looga dhaadhiciyo inuu ka tanaasulo musharraxnimadiisa, iyadoo taas beddelkeeda loo bandhigayo shuruudo iyo ballanqaadyo dhaqaale. Arrintan ayaa weli la isku fahmi la’ yahay.

Waxaa markii saddexaad dib u dhac ku yimid safarka Ra’iisul Wasaaraha, iyadoo imaatinkiisa lagu xiray in marka hore xal waara laga gaaro wada-hadallada u dhexeeya Qoorqoor iyo Mahad Salaad.

Siyaasadda Galmudug ayaa hadda mareysa marxalad xasaasi ah, waxaana isha ku haya shacabka iyo madaxda heer federaal, iyadoo la dhowrayo isbeddelka ay keeni karaan kulamada berri loo qorsheeyay.

Puntland oo heegan gelisay ciidankeeda iyo Jen. Jimcaale oo Muqdisho u jooga fulinta…

Garoowe (Caasimada Online) – Gobollada Puntland waxaa xilligan laga dareemayaa xiisad amni iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo iska soo horjeeda, kuwaas oo salka ku haya khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa si weyn u adkeeyay ammaanka magaalooyinka waaweyn ee Garoowe, Gaalkacyo iyo Boosaaso. Ciidamo dheeraad ah iyo gaadiid dagaal ayaa la dhigay baraha koontaroolka iyo marinnada laga soo galo magaalooyinkaas, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada hubka iyo ciidamada kala gudbaya.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Golaha Wasiirrada Puntland uu soo saaray amar adag oo lagu mamnuucayo in ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isaga gudbaan deegaannada Puntland.

Go’aankan ayaa muujinaya kalsooni-darrada dhalatay iyo is-hortaagga tooska ah ee lagu sameynayo saameynta ciidan ee dowladda dhexe ku leedahay Puntland.

Dhanka kale, cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda federaalka oo horey ugu sugnaa gudaha iyo hareeraha magaalooyinka Gaalkacyo, Garoowe iyo Boosaaso ayaa bilaabay diyaargarow iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan. Arrintan ayaa dhalisay cabsi laga qabo in ay isku dhacaan ciidamada maxalliga ah ee Puntland iyo kuwa federaalka, maadaama labada dhinacba ay ku jiraan heegan buuxa.

Magacaabista Gen. Jimcaale iyo qorshaha saanadda ciidan

Xudunta xiisaddan cusub ayaa si weyn ugu xiran magacaabistii dhowaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya Gen. Jimcaale Jaamac Takar ugu magacowday Taliyaha Qaybta 54-aad ee fadhigeedu yahay Garoowe. Qorshaha dowladda federaalka ayaa ah in dhammaan ciidamada federaalka ee ku sugan Puntland la hoos geeyo hal talis oo uu isagu hoggaaminayo.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Gen. Jimcaale iyo saraakiil kale oo hadda ku sugan Muqdisho ay qorsheynayaan inay dhowaan gaaraan Puntland, iyagoo wata saanad ciidan iyo agab hub ah oo loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidamada federaalka ee gobolka ku sugan. Arrintan ayaa keentay in Puntland ay sii adkeyso baraha laga soo galo magaalooyinka, si looga hortago imaanshaha saanaddaas.

Haddii ciidamada Puntland iyo kuwa federaalka ay ku kulmaan baraha koontaroolka, iyadoo amarku yahay in aan la isu gudbin, waxay taasi keeni kartaa isku dhac gacan ka hadal ah.

Shacabka ku nool magaalooyinka Garoowe, Boosaaso iyo Gaalkacyo ayaa dareemaya walaac xooggan, maadaama ciidamo dheeraad ah lagu arkayo gudaha magaalooyinka. Xaaladdan ayaa sidoo kale saameyn karta ganacsiga, isu-socodka dadka iyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka.

Xaaladda Puntland waxay xilligan mareysaa marxalad xasaasi ah. Sida kaliya ee looga baaqsan karo isku dhac waa in la helo dhexdhexaadin iyo wada-hadal siyaasadeed oo lagu xalliyo khilaafka la xiriira taliska iyo maamulka ciidamada ee u dhexeeya labada dhinac.

Cartan oo aqbalay inuu qabto ciyaarta finalka horyaalka…

0

Kayfan (Caasimada Online) – Xiriirka Kubadda Cagta Kuwayt ayaa ku martiqaaday garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cartan inuu agaasimo ciyaarta finalka ee horyaalka Zain Premier League, taas oo dhexmari doonta kooxaha Kuwait SC iyo Qadsia SC 29-ka June, 2026.

Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed iyo garsoore Cumar Cartan ayaa aqbalay martiqaadkan, iyagoo u mahad celiyey dadaalkan, sida uu KFA ku sheegay bayaan soo baxay Sabtidii. Ciyaartan oo ah finalka horyaalka Zain Premier League ee xilli-ciyaareedka 2025/2026.

Tani waa guul weyn oo taariikhi ah oo u soo hoyatay Cumar Cartan. Martiqaadkani wuxuu muujinayaa maqaamkiisa sii kordhaya ee mid ka mid ah garsoorayaasha aadka loo ixtiraamo ee kubadda cagta caalamiga ah, gaar ahaan bil aad u mashquul badan oo ku weyn waayihiisa ciyaareed.

Kadib markii uu dhowaan la kulmay dib-u-dhac horseeday inuu seego Koobka Adduunka ee FIFA 2026 sababo la xiriira dhibaatooyin xagga fiisaha Mareykanka ah iyo xayiraada maamulka Trump, Cartan wuxuu helay garab istaag ballaaran iyo aqoonsi weyn oo uga yimid dunida kubadda cagta:

Ciyaartan xamaasadda badan ee dhici doonta 29-ka June ee dhexmari doonta Kuwait SC iyo Qadsia SC waxay dhabaha u xaaraysaa madal kale oo weyn oo uu Garsooraha Sanadka ee Ragga CAF 2025 ku soo bandhigi karo xirfaddiisa garsoornimo ee heerka caalami.

Waa tallaabo iskaashi oo aad u wanaagsan oo dhexmartay Xiriirka Kubadda Cagta Kuwayt iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, taas oo hubinaysa in ciyaarta taariikhiga ah ee lagu caleemo-saarayo horyaalka Kuwait SC uu maamulo garsoore heer sare ah.

Waxaa dhowaan u magacaabay xiriirka UEFA inuu garsoore ka noqdo ciyaarta sharafta leh ee dhexmari doonta Paris Saint-Germain iyo Aston Villa oo ka dhici doonta magaalada Salzburg bisha Agoosto ee soo socota.

Trump oo si xun u weeraray Giorgia Meloni xilli uu sii xoogeystay dagaalkooda

Rome (Caasimada Online) — Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa mar kale si kulul ugu jawaabtay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kadib markii uu baraha bulshada ku weeraray, su’aalna geliyay heerka taageeradeeda siyaasadeed ee gudaha Talyaaniga.

Muranka cusub ayaa sii xoojiyay khilaaf si tartiib ah uga dhex muuqday labada hoggaamiye, kuwaas oo horey loogu arkayay inay leeyihiin xiriir siyaasadeed oo dhow, balse hadda isku haya arrimo ay ka mid yihiin dagaalka Iran, isticmaalka saldhigyada Talyaaniga iyo hadallo shaqsi ah oo Trump ka sheegay kulankii G7.

Trump ayaa Sabtidii sheegay in Meloni ay “si liidata uga shaqeyneyso Talyaaniga marka la eego heerka taageeradeeda,” wuxuuna sidoo kale ku eedeeyay inaysan taageerin dadaallada Mareykanka ee looga hortagayo in Iran ay hesho ama horumariso hub nukliyeer ah.

Meloni ayaa qoraal ay soo dhigtay Instagram ku sheegtay in weerarrada joogtada ah ee Trump ay yihiin kuwo aan sabab lahayn oo aan macno sameynayn.

“Marka laga hadlayo taageeradeyda, saaxiibtinimadaada dhab ahaantii ima aysan caawin, mana ku xirna xiriirka aan adiga kula leeyahay,” ayay tiri Meloni.

“Taageeradeyda adiga shaqo kuguma laha. Waxaan kugula talinayaa inaad xoogga saarto taada,” ayay raacisay.

Hadalka Meloni ayaa yimid kadib markii Trump uu mar kale ku celiyay sheegashadiisii ahayd in ra’iisul wasaaraha Talyaaniga ay “marar badan” ka codsatay inay sawir wada galaan intii uu socday shirkii G7 ee toddobaadkan ka dhacay Faransiiska.

Trump ayaa horey wareysi uu siiyay telefishinka Talyaaniga ee La7 ku sheegay in Meloni ay “ka baryaysay” sawir, isla markaana uu “u naxay” kadibna oggolaaday.

“Waxay si aad ah u rabtay inay sawir ila gasho; waan u naxay,” ayuu Trump ku sheegay wareysigaas, sida ay baahiyeen warbaahinta Talyaaniga.

Meloni ayaa Jimcihii sheegashadaas ku tilmaantay mid yaab leh, iyadoo muuqaal ay soo dhigtay Instagram ku tiri inay “si dhab ah ula yaabtay” hadalka Trump.

“Ma garanayo sababta madaxweynaha Mareykanka uu sidan ugula dhaqmo xulafada,” ayay tiri Meloni, iyadoo intaas ku dartay in tani aysan ahayn markii ugu horreysay ee arrintan oo kale dhacdo.

“Laakiin hal arrin waa inuu xusuustaa: aniga iyo Talyaaniga midkeenna waligiis ma baryo,” ayay raacisay.

Khilaafka ayaa sii xoogeystay markii Trump uu sheegay in Meloni ay Mareykanka ku keentay “caqabad weyn oo dhanka saadka ah,” kadib markii Talyaanigu uu diiday in Mareykanku isticmaalo xarumo diyaaradeed oo Talyaani ah si uu howlgallo militari uga fuliyo Iran.

Meloni ayaa sheegtay in isticmaalka saldhigyada Talyaaniga uu ku dhisan yahay heshiisyo dowladeed oo jira, isla markaana aan la jebin karin inta ay iyadu xafiiska joogto.

“Isticmaalka saldhigyada Talyaaniga waxaa maamula heshiisyo aan mar walba ixtiraamnay, kuwaas oo aan la jebin karin inta aan anigu ra’iisul wasaare ahay,” ayay tiri.

Isdhaafsigan ayaa muujiyay kala fogaansho sii kordheysa oo u dhaxeysa Washington iyo Rome, gaar ahaan tan iyo markii Mareykanka uu qaaday tallaabooyin militari oo ka dhan ah Iran sanadkan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani ayaa sidoo kale baajiyay safar uu ku tegi lahaa Mareykanka horraanta toddobaadka soo socda, arrintaas oo loo arkay calaamad muujineysa sida Rome uga carootay hadallada Trump.

Trump iyo Meloni ayaa lagu arkay iyagoo si dhow u wada hadlaya intii lagu jiray shirkii G7, waxaana Meloni ay markii hore weriyeyaasha u sheegtay in xiriirkooda uusan is beddelin, isla markaana aysan jirin “eedeyn” dhex martay.

Laakiin wax yar kadib, Trump ayaa wareysiga uu siiyay La7 ku sheegay hadallo sababay caro siyaasadeed oo ka dhalatay Talyaaniga, iyadoo siyaasiyiin ka kala tirsan xisbiyada kala duwan ay taageero u muujiyeen Meloni.

Muran kale oo hore ayaa labada hoggaamiye dhex maray sanadkan, kadib markii Trump uu baraha bulshada ku weeraray Pope Leo XIV, isaga oo ku tilmaamay mid “daciif ah marka loo eego wax ka qabashada dembiyada” isla markaana ku xun siyaasadda dibadda. Meloni ayaa markaas ku tilmaantay hadalkaas mid “aan la aqbali karin.”

Labada hoggaamiye ayaa horey u lahaa xiriir siyaasadeed oo dhow, iyadoo Meloni ay ahayd hoggaamiyihii keliya ee Yurub ka socday ee ka qeyb galay caleemo-saarkii Trump bishii Janaayo 2025.

Hase yeeshee, muranka hadda soo baxay ayaa muujinaya in xiriirkaas uu wajahayo tijaabadii ugu adkeyd, iyadoo Meloni ay isku dayeyso inay difaacdo sharafta Talyaaniga, halka Trump uu sii wado weerarro shaqsi iyo siyaasadeed oo ka dhan ah mid ka mid ah xulafadii ugu dhoweyd ee Yurub.

Mareykanka iyo Qatar oo billaabay tallaabo ay Iiraan ku heleyso balaayiin dollar

Washington (Caasimada Online — Mareykanka ayaa Qatar kala shaqeynaya qorshe Iran loogu oggolaanayo inay hesho balaayiin dollar oo lacago xayiran ah, si loogu adeegsado kharashaad bani’aadannimo, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah wada-hadallada.

Qorshahan, oo aan weli la dhameystirin, ayaa qeyb ka ah dhiirrigelin dhaqaale oo hore loogu daray heshiiskii dhowaan la saxiixay ee lagu joojinayay dagaalka, isla markaana dib loogu furayay wadahadallada la xiriira barnaamijka nukliyeerka Iran.

Sida qorshuhu dhigayo, Iran ayaa marka hore heli karta awood ay ku isticmaasho $6 bilyan oo dollar oo ku xayiran Qatar. Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa iibsiga cunto, dawo iyo agab kale oo bani’aadannimo, iyadoo dalabyada ay sameyn doonto bankiga dhexe ee Iran, halka Qatar ay maamuli doonto habka lacagta loogu bixinayo alaabahaas.

Lacagahan ayaa intooda badan ka yimid iibka saliidda Iran, balse waxaa muddo dheer lagu xanibay dalal dibadda ah sababo la xiriira cunaqabateyn Mareykan ah. Dadka xogta haya ayaa sheegay in habkan Qatar laga hirgelinayo uu noqon karo tusaale lagu maareeyo lacago kale oo Iran uga xayiran dalal kala duwan.

Tehran ayaa lagu qiyaasaa inay dunida ka xayiran yihiin ku dhowaad $100 bilyan oo dollar, halka ay si degdeg ah u dooneyso in loo fasaxo ugu yaraan $24 bilyan oo ka mid ah lacagahaas.

Si kastaba, Iran weli ma aysan aqbalin habka cusub ee la doonayo in lagu sii daayo lacagaha ku xayiran Qatar. Qorshahan ayaa ka mid ah fikrado dhowr ah oo Washington la filayo inay miiska keento labada bilood ee soo socda, xilli Mareykanka iyo Iran ay dib u bilaabayaan wada-hadallo nukliyeer oo daba socda heshiiska lagu hakiyay dagaalka.

Sanam Vakil, oo ah agaasimaha Bariga Dhexe ee machadka Chatham House ee London, ayaa sheegtay in xitaa sii deynta xaddidan ee lacagaha xayiran ay Iran u noqon karto neef dhaqaale, isla markaana ay xambaarsan tahay farriin siyaasadeed oo muujineysa dejin xiisadeed.

“Xitaa sii deynta xaddidan ee hantida xayiran waxay u shaqeysaa sidii halbowlayaal dhaqaale iyo farriimo siyaasadeed oo muujinaya xiisad yareyn,” ayay tiri Vakil. Waxay intaas ku dartay in tani ay ka mid tahay dhiirrigelinnada la taaban karo ee Iran ka heli karto Washington, si ay u dejiso lacagta gudaha una yareyso cadaadiska dhaqaale ee ka jira dalka.

Hase yeeshee, qorshahan ayaa weli wajahaya caqabado badan. Hoggaamiyaha sare ee Iran, Mojtaba Khamenei, ayaa Khamiistii sheegay in Madaxweyne Donald Trump uu aqbalay in la hakiyo colaadda sababo la xiriira “quus.”

Hadalkaas ayaa u muuqday inuu caro geliyay Trump, oo qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay: “Annaga ma aanan kulmin quus, Iran ayaa sidaas sameysay. Way dhammaadeen. Waxaan sugaynaa 60-ka maalmood. Wax lacag ah ma helayaan, xitaa toban senti ma helayaan.”

Heshiiska uu Trump Arbacadii saxiixay ayaa dhigaya in Mareykanka uu ka shaqeyn doono in hantida Iran ee xayiran si buuxda loogu diyaariyo adeegsigeeda, iyadoo labada dhinac ay ka wada-hadli doonaan habka arrintaas loo fulinayo.

Mas’uul Mareykan ah ayaa sheegay in lacagaha ay dhaqaaqi doonaan haddii Iran ay si wax ku ool ah uga qeyb qaadato wada-hadallada. Qorshaha Qatar ayaa sidaas darteed noqonaya tijaabo hore oo lagu cabbirayo sida Washington ay u siin karto Tehran marin dhaqaale, iyadoo weli gacanta ku haysa kormeerka iyo xakameynta habka lacagta loo adeegsanayo.

Qorshahan ayaa sidoo kale ka baxsan lacagaha kale ee Iran la filayo inay ka hesho iibka saliidda, kadib markii Washington ay oggolaatay in la fududeeyo xayiraadaha qaarkood isla markii heshiiska la saxiixay. Labada arrimoodba, Mareykanka ayaa la filayaa inuu bixiyo ka-dhaafisyo cunaqabateyn iyo oggolaansho sharci oo fududeynaya macaamillada.

Dadka dhaliilsan heshiiska ayaa ku doodaya in Washington ay Tehran siineyso faa’iidooyin dhaqaale oo waaweyn ka hor inta aysan Iran sameyn tanaasul dhab ah oo ku saabsan barnaamijkeeda nukliyeerka.

Hase yeeshee, Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance iyo mas’uuliyiin kale oo difaacaya heshiiska ayaa sheegaya in tallaabadu ay yareyn karto cadaadiska saaran dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan haddii ay gacan ka geysato furitaanka marin-biyoodka Hormuz, oo muhiim u ah saliidda dunida.

Waxay sidoo kale ku doodayaan in qorshahan uu ka hortagi karo dagaal kale, isla markaana uu xaddidi karo faa’iidooyinka dhaqaale ee Iran ilaa ay horumar ka sameyso dalabaadka Mareykanka.

Trump ayaa Arbacadii, isagoo ka hadlayay shirkii G7 ee ka dhacay Faransiiska, sheegay in lacagahan ay asal ahaan leeyihiin Iran, inkastoo Mareykanku uu xayiray.

“Lacagtooda ayaan qaadnay, ma ahan lacagteena, waa lacagtooda, waana xayirnay,” ayuu Trump u sheegay wariyeyaasha. “Mar uun waxaan filayaa inaan dib ugu celin doonno.”

Lacagaha Iran ayaa ku xayiran dalal ay ka mid yihiin China, India, Iraq iyo Qatar. Sanadkii 2023, maamulka madaxweyne Joe Biden ayaa bixiyay ka-dhaafis cunaqabateyn oo oggolaaday in $6 bilyan oo dollar oo ka yimid iibka saliidda Iran laga soo wareejiyo South Korea loona gudbiyo Qatar.

Arrintaas ayaa qeyb ka ahayd heshiis Iran ku sii deysay shan muwaadin oo Mareykan ah oo ay haysatay. Lacagahaas waxaa loogu talagalay in lagu iibsado alaabo bani’aadannimo, balse Biden ayaa dib u xayiray kadib weerarradii 7-dii October 2023 ee Xamaas ku qaaday koonfurta Israel.

Wada-hadallada cusub ee lagu doonayo in lacagaha Qatar yaalla dib loogu hawlgeliyo ayaa bilaabmay dhammaadkii May, markii guddoomiyaha baarlamaanka Iran ahna wada-xaajoodaha sare, Mohammad Bagher Ghalibaf, uu wafdi u hoggaamiyay Doha, sida ay sheegeen dadka xog-ogaalka ah.

Wadahadalladaas ayaa la sheegay inay dib u kiciyeen dadaalladii lagu gaarayay heshiiska is-afgaradka ah ee Mareykanka iyo Iran.

Iran ayaa si weyn ugu baahan lacag adag oo ajnabi ah, xilli dalkaas uu wajahayo sicir-barar xooggan, hoos u dhac ku yimid lacagtiisa gudaha iyo cadaadis dhaqaale oo ballaaran.

Helitaanka qayb ka mid ah lacagaha xayiran ayaa Tehran ka caawin karta inay soo iibsato alaabooyin muhiim ah, balse falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in dib-u-habaynta dhabta ah ee dhaqaalaha Iran ay u baahan tahay qaadista cunaqabateyn ballaaran.

Aadan Madoobe oo ka hadlay khilaafka taagan iyo dhamaadka muddo xileedka…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo haatan ah Madaxweynaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka, gaar ahaan khiaafka siyaasadeed ee taagan iyo dagaalka Al-Shabaab.

Ugu horreyn Sheekh Aadan Madoobe ayaa qiray in dalka ay ka jiraan xaalado adag, sida in Al-Shabaab ay weli haystaan meelo badan, iyo sidoo kale inuu weli jiro is qab-qabsi u dhexeeyo madaxda Soomaaliyeed, balse waxa uu tilmaamay in ka baarlamaan ahaan ay xalliyeen arrimo culus oo xasaasi ah.

“Waxyaalo yar yar waa iska jiraan argagixiso meel kamid ah dalka haysata iyo khiaafaad yar yar waa iska jiraan bani’aadan ayaana loo yahay,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay arrimo ku aadan muddo xileedka labada gole ee baarlamaanka, isaga oo sheegay in mandate-kii hore uu dhammaaday, balse hadda uu bilowday mandate cusub oo ka dhashay ansixintii dastuurka cusub oo ogolanaayo muddo hal sano ah, sidaas daraadeed wuxuu kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan shaqooyinkooda muhiimka ah.

“Muddadii hore ee muddo xileedka u ahaa waa dhammaaday hadda waxaan ku jirnaaa muddo xileedkii dambe oo dastuuriyan ay sharci noqotay 5-ta sano, halka sano ee inoo haray wixii daruufi ku darto waa gaarkeed,” ayuu raaciyay.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta si rasmi ah xilka guddoomiyenimo ugu wareejiyey guddoomiye ku-xigeenka koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, taas oo si ku meel gaar ah u sii hayn doonta xilka, ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha oo sii ahaan doonta sii hayaha xilka Guddoomiyaha ku wareejiyey warbixinta guud ee Golaha Shacabka, habraaca maamul ee u gaarka ah Golaha iyo qorshaha istraajiyada, iyadoo shahaado sharaf la guddoonsiiyey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Siciid Maxamed Cadow oo lagu abaalmariyey hufnaantiisa shaqo iyo maareynta maamulka iyo maaliyadda Golaha.

Ugu dambeyn, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa dhankeeda xaqiijisay in guddoonka Golaha Shacabku sii wadi doono gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha, isla markaana uu xoogga saari doono dardargelinta howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed inta laga soo dooranayo guddoomiye cusub.

Xildhibaannada Galmudug oo mushaarka laga goostay kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa ka cabanaya xuquuq la’aan, iyaga oo sheegay in muddo dheer aysan helin wax mushaaraad ah.

Xildhibaan Cabdiweli Cali Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in muddo saddex bilood ah aysan qaadan wax mushaar ah, isla markaana ay Madaxtooyada ka goosatay lacagaha, sida uu hadalka u dhigay.

Cabdiweli oo wareysi siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in Baarlamaanka ay saameysay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug, maadaama la galay xilli kala guur ah, la’iskuna diyaarinayo doorashada hoggaanka sare.

“Mushaar maba jirin gunno yar bey ahayd gunnadii saddex bilood ayay maqan tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiweli Cali Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu ku eedeeyay Madaxweyne Qoor Qoor inuu lacagahaas si gaar ah u isticmaalayo, maadaama canshuurihii la qaadi jiray aysan usoo xaroon sidii la rabay.

Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata ayaa farriin diray, wuxuuna ku baaqay in loo diyaar garoobo isbeddal iyo doorashada kusoo foodka leh Galmudug, isaga oo dhanka kale Axmed Qoor Qoor ka dalbaday inuu u tanaasulo shacabka.

“Waxaan direynaa Galmudug waa State jira oo horumar ku tallaabsaday waqtigii uu Iaahey u qoray Axmed Qoor Qoor wuu joogay cimri tegay yuu ceeb ku sagootin baan oran lahaa,” ayuu mar kale wareysiga ku yiri Xildhibaanku.

Xaaladda siyaasadeed ee Galmudug ayaa haatan kacsan, waxaana haatan magaalada Dhuusamareeb ku sugan Agaasimaha Hay’adda NISA, Mahad Salaad oo isku dabaridaya qorshasha ay dowladda dhexe ee Galmudug.

Golaha Mustaqbalka oo ansixiyay hannaan doorasho toos ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Golaha Mustaqablka Soomaaliya oo goordhow bayaan soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inay asnixiyeen hannaan doorasho toos ah oo dalka looga samatabixinayo marxaladda kala guurka siyaasadeed ee xilligan adag uu ku jiro.

Golaha Mustaqbalka ayaa sheegay in go’aankan uu ku yimid tanaasul ay sameeyeen, iyaga u turaya shacabka, si looga heshiiyo khilaafka taagan.

“Go’aanka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxaa saldhig u ah tanaasul siyaasadeed iyo u turida shacabka Soomaaliyeed ee hammuunta u qaba in si deg-deg ah looga heshiiyo khilaafka doorashooyinka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xubnaha Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale bayaankooda ku sheegay in hannaankan cusub uu iswaafajinayo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin inay si xor ah oo toos u doortaan wakiilladooda, iyadoo la ilaalinayo hab-qaybsiga matelaadda beelaha ee 4.5.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in faah-faahinta qorshahan ay soo bandhigi doonaan marka ay bilowdaan wadahadallada siyaasadeed ee xalka loogu raadinayo khilaafka muddada dheer hareeyay hannaanka doorashooyinka.

Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka ayaa farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ka dalbadeen inuu marka hore joojiyo doorashooyinka uu ku howlan yahay oo ay tilmaameen in natiijadooda ay yihiin kuwa lasii ogyahay.

“Goluhu wuxuu adkeynayaa in la joojiyo doorashooyinka hal dhinac ah ee natiijadooda horay loo sii asteeyay ee uu wado Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, si loo najixiyo wadahadalkada hannaanka doorashada tooska ah, kaas oo xaqiijin kara in codka shacabka Soomaaliyeed uu noqdo saldhigga sharciyadda siyaasadeed,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Go’aankan ay soo saareen xubnaha mucaaradka, Jubbaland iyo Puntland oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah, isla markaana ay socdaan dadaallo ay garwadeen ka tahay beesha caalamka, kuwaas oo lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad xasaasi ah, iyada oo khilaafka mucaaradka iyo dowladda uu isku rogay gacan ka hadal, kadib dagaal dhawaan ku dhex-maray xaafado ka tirsan Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare xooggan.

Screenshot

Maxay DF Soomaaliya ka tiri dagaalka ka socda degmada Jalalaqsi?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan culus kasoo saartay dagaalka ka socda degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, isla markaana sababay khasaare leh dhimasho, dhaawac iyadoo la gubay guryo ku yaalay magaalada.

Bayaanka oo kasoo bxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladdu ay la socoto colaadda ka taagan degmada Jalalaqsi, ayna ka xun tahay falalka gurracan ee ay isku gaysanayaan labada dhinac.

“Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta waxay si dhow ula socotaa, kana muujinaysaa walaac iyo murugo qoto-dheer colaadda iyo beegsiga ka baxsan shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed taasi oo sababtay khasaare naf iyo maalba leh oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku dhex maray beelo walaalo ah Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan,” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa si deg-deg ah ugu baaqday in dagaalka la joojiyo, isla markaana laga wada hadlo waxa keenay khilaafka.

“Wasaaraddu waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadda iyo falalka beegsiga ah ee sababay dhimasho, dhaawac, gubid, dhac hantiyeed iyo sidoo kale barakac baahsan oo soo gaaray shacabka deegaanka,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka.

Waxaa kale oo ay Wasaaraddu digniin adag u dirtay dadka faafinaya falalka foosha xun, isla markaana sii hurinaya xiisadda labada beelood. “Waxaa tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadayaa dadka Baraha Bulshada ku faafinaya falalka foosha xun ee kicinta iyo iskudirka bulshada xambaarsan”.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Haweenka, Dhallinyarada, Waxgaradka deegaanka iyo Dowlad Goboleedka Hirshabelle inay door muuqda ka qaataan joojinta colaadda, adkaynta nabadda, xoojinta wada noolaanshaha bulshada iyo ka shaqaynta xal waara oo lagu soo afjaro khilaafaadka jira.

“Wasaaraddu waxay Alle SWT uga baryaysaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo dhammaan intii ku geeriyootay dhacdooyinkan murugada leh, dhaawacyadana u boogo-dhayo, shacabka ay dhibaatadu saameysayna ka dulqaado xaaladaha adag ee ay wajahayaan,” ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka.

Sacdiya Yaasiin oo la wareegtay xilka Guddoomiyaha BF + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta si kumeel gaar ah ula wareegtay xilka guddoomiyaha, kadib markii Sheekh Aadan Madoobe loo doortay Madaxweynaha cusub ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ayaa maanta xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ku yeeshay kulan aan caadi ahayn, kaas oo ajandihiisu ahaa xil wareejinta guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), kaas oo si rasmi ah xilkaugu wareejiyey Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, taas oo si ku meel gaar ah u sii hayn doonta xilka, ilaa laga soo dooranayo guddoomiye cusub, si waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha Shacabka.

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo si weyn ugu mahadceliyey guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka hoggaamintii hufneyd iyo doorkii muuqday ee uu ka qaatay horumarinta shaqada Golaha muddadii uu xilka hayey.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in Sheekh Aadan Madoobe uu door muhiim ah ka qaatay dardargelinta howlaha sharci-dejinta, kor u qaadista wada-shaqeynta Golaha iyo ilaalinta nidaamka Golaha.

Dhankiisa, guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey xubnaha Guddoonka iyo guud ahaan Xildhibaannada Golaha Shacabka wada shaqeyntii iyo taageeradii ay u muujiyeen muddadii uu xilka guddoomiyenimada hayey, isagoo xusay in guulaha la gaaray ay ahaayeen kuwo ku yimid iskaashi, wadajir iyo dadaal ay si wadajir ah u muujiyeen dhammaan xubnaha Golaha.

Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ahna Siihayahaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa dhankeeda uga mahadcelisay guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka shaqadii iyo hoggaamintii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay, waxayna ku ammaantay dadaalladii uu ku bixiyey horumarinta Golaha Shacabka iyo kor u qaadista doorka Golaha ee geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.

Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa sidoo kale xaqiijisay in guddoonka Golaha Shacabku sii wadi doono gudashada waajibaadka dastuuriga ah ee Golaha, isla markaana uu xoogga saari doono dardargelinta howlaha sharci-dejinta, korjoogteynta iyo matalaadda shacabka Soomaaliyeed inta laga soo dooranayo guddoomiye cusub.

Ugu dambeyn, guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha oo sii ahaan doonta sii hayaha xilka Guddoomiyaha ku wareejiyey warbixinta guud ee Golaha Shacabka, habraaca maamul ee u gaarka ah Golaha iyo qorshaha istraajiyada, iyadoo shahaado sharaf la guddoonsiiyey Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Golaha Shacabka Mudane Siciid Maxamed Cadow oo lagu abaalmariyey hufnaantiisa shaqo iyo maareynta maamulka iyo maaliyadda Golaha.

Ciidanka Danab oo nolosha ku qabtay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay maanta ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ka sameeyeen qaybo kamid ah gobolka Jubbada Hoose, kaas oo lagu soo qabtay xubin ka tirsan kooxda AL-Shabaab.

Ciidamada howlgalka sameeyay oo si gaar ah uga tirsan Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab ayaa ninkan kasoo soo qabtay deegaanka Harboole, waxaana magaciisa lagu sheegay Aadan Maxamed Aadan oo magaciisa afgarashada uu yahay (Haashim).

Sida ay sheegeen saraakiisha ninkan ayaa xilliga la qabanayay ku sugnaa xaalad jahwareer ah, wuxuuna watay qori noociisu yahay AK-47, oo ay soo bandhigeen ciidamada gacanta kusoo dhigay.

Aadan Maxamed oo la wareystay ayaa sidoo kale sheegay in kooxda ay haatan wajaheyso culeysyo xooggan, gaar ahaan todobaadyo dagaallo iyo duqeymo ah, isla markaana raggii ay wada joogeen ay kala firaxadeen.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in howlgalladii ugu dambeeyay ee lagu beegsaday Khawaarijta ay sababeen khasaarooyin isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray xubnaha kooxda iyo horjoogayaal sar sare.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa dhanka kale lagu sheegay in howlgalladu sii socon doonaan, lana beegsan doono argagixisada.

“Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgalada joogtada ah ee Ciidanka Kumaandooska Danab ay ka wadaan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo lagu beegsanayo haraadiga Khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga loogana ciribtiro kooxaha argagixisada,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah.

Muddooyinkii ugu dambeeyay ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ayaa waday howlgallo aan kala joogsi laheyn oo lagu beegsanayo maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugan gobollada Jubbooyinka.

Shariif oo war kasoo saaray xaaladda kasoo korortay HirShabelle kadib dagaalka ka qarxay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ka ahayd Sheekh Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda kasoo cusboonaatay dowlad-goboleedka HirShabelle, gaar ahaan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyay labada maleeshiyo beeleed oo wada daga degmadaasi.

Shariif ayaa marka hore shaaca ka qaaday inuu ka xun yahay khasaaraha baaxadda leh ee ka dhashay dagaalladan oo galay maalintii saddexaad, wuxuuna ugu baaqay labada dhinac inay si deg-deg ah ku joojiyaan.

“Waxaan baaq nabbadeed u dirayaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, anigoo aad uga xun khasaaraha naf iyo maalba leh ee colaadaas sokeeye ka dhashay,” ayuuu yiri Madaxweynihii hore.

Sidoo kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa odayaasha, waxgaradka iyo dhalinyarada ka dalbaday inay qaataan kaalintooda ku aadan sidii looga hortagi lahaa colaadaas oo saameynteeda laga dareemay gobolka Hiiraan.

Waxaa kale oo uu soo jeediyay in loo gurmado dadka rayidka ah ee ay saameysay colaadda, maadaama ay ka barakaceen guryahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta dagaalka beeleedka ka qarxay Jalalaqsi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyada oo maleeshiyaadka labada dhinac ay saaka isku horfadhiyaan gudaha Jalalaqsi, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale dhinacyadu ay sku fara saaraan halkaas, maadaama ay wadaan is uruursi ciidan.

Intii ay socdeen dagaalladan oo ahaa kuwa qaraar waxaa dhashay gabood fallo waa wayn, iyada oo dhimashada iyo dhaawaca uu tiro beel yahay. Waxaa sidoo kale la gubay guryo badan oo ku yaallay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegayaan ilo dadka deegaanka oo lagu kalsoonaan karo.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo maleeshiyaadka iyo dad kale oo shacab ah oo gubaya guryo laga barakacay, waxaynta taas kordhisay saameynta dagaalkan oo kusii fidaya aagga degmada Jalalaqsi.