25 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Qarrax xoogan oo mar kale ka dhacay..

Buurdhuubo (Caasimada Online) – War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarrax xooggan uu ka dhcay degmada Buurdhuubo ee gobalka Gedo.

Qarraxa ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla bartamaha magaalada waxaana halkaas joogay ciidamo ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah.

Sidda ay lee dadka deeganka, qarraxa oo loo adeegsaday miinada nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga haggo, ayaa u muuqaday mid horrey loogu sii diyaariyay maqaaxidda dhexdeeda.

Waxaa la soo sheegayaa in qaraxa uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh, balse xog badan lagama hayo inta uu gaarsiisan yahay.

Ciidanka Dowladda iyo Amisom, ayaa u gurmaday dadka ku dhintay, kuna dhaawacmay qaraxa miino ee lagu sii diyaariyay maqaaxida ku taala Degmada Buurdhuubo.

Saraakiisha Dowladda ee ka hawlgala Degmada Buurdhuubo, ayaan weli ka hadlin qaraxa Ciidamada Dowladda iyo dadka rayidka ah lagula eegtay maqaaxidda.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco Caasimada Online

Sawirro: Dr Beileh oo gaaray Nairobi

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasirka Arrimaha Dibedda ee Somalia Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa barqanimadii manta gaaray Magaalada Nairobi ee wadanka Kenya.

Wasiirka ayaa booqasho dhowr maalmood ku  joogi doono wadanka Kenya kadib markii uu ka helay Casuumaad rasmi ah dhigiisa wadanka Kenya waa Wasirka Arrimaha Dibedda ee Kenya Amina Mohamed.

Wafdiga Wasiirka ayaa waxaa Garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyay Ambasadorka Somalia u fadhiya Wadanka Kenya Mohamed Ali Nuur “Ameriko” iyo Madax ka tirsan Wadanka Kenya.

bey bey1 bey2

Ciidamo ka tagay Muqdisho oo gaaray Kismaayo iyo xaalad is-beddel ah oo..

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada kismaayo waxaa shalay galab soo garay Ciidamo in mudo ah la sugayay kuwaas oo ka socday Wadanka Burundi ee qaybta ka ah Amisom, oo ka tagay Muqdisho.

Ciidamada, ayaa waxaay badali doonan Ciidamadii Kenya ee intooda badan iskaga baxay Magaalada Kismaayo bishii hore, kadib markii lagu edeyay in ay la kala safteen beelaha Soomaaliyeed ee Gobollada Jubboyinka wada daga.

Bixitaanka Ciidamada Kenya iyo imanshaha Ciidamada Burundi ee Magaalaada Kismaayo, ayaa waxaay guud ahaan badalaysa xaalada guud ee Magaalada Kismaayo iyo Sameynta ay dowlada Somalia ku leedahay Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Magaalada Kismaayo oo sanadihii la soo dhafay ahayd meel ka go’ doonsan Wadanka Somalia ayaa waxaa hadda lagu wada in ay noqo to meel furan oo ay Mas’uuliyiinta Dowlada Somalia iyo shacabka Somaliyeedba u safri karaan ayado aan la marinayn kadeedkii horay u haystay.

Imaanshaha Ciidamada Burundi, ayaa waxaa soo dadajiyay Wafdi Dowlada Somalia ka socday oo la rabay maalmo ka hor in ay boqdan Kismaayo oo isku amini wayay ciidamada yar ee Kenya uga haray Kismaayo, waxayna door bideen in aysan Kismaayo u socdaalin ila Ciidamo ka amar qaata dowlada Somalia ay Kismaayo yimadan

Maalmaha fooda inagu soo haya, sidoo kale waxaa la filayaa guuto kale oo ka tirsan Ciidamada Burundi in ay soo garaan Magaalada Kismaayo, waxaana guud ahaan Ciidamada Burundi iyo kuwa Seara Leone ay noqon doonan kuwa la wareega qeybta 5-naad ee howlgalka Amisom.

Sidoo kale, Ciidamada Dowlada Somalia ee ku sugan deeganka Gobweyn, ayaa ayaguna soo gali doona Magaalada Kismaayo maalmaha soo adan waxaayna si qaas ah ula shaqayn doonan Ciidamada Burundi.

Isha: Kismaayo24

Norway oo war kasoo saartay odaygii ka yimid dalkeed ee isku qarxiyey B/B

Oslo (Caasimada Online) – Dowladda Norway ayaa baareysa wararka sheegaya nin Soomaali ah oo ka tagay dalkeeda in uu isku qarxiyay weerar ka dhacay magaalada Buuloburde ee gobalka Hiiraan.

Ninka is qarxiyay oo lagu magacaabi jiray Cabdulaahi Axmed Cabdulle, waa 60-jir la sheegay in uu ka tagay Norway iskuna qarxiyay Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay hey’adda sirdoonka Norway PST ayaa sheegtay in warka ku saabsan ninka is qarxiyay uu cusub yahay isla markaana hadda uun lee baaritaan ay billaabeen balse aaney wax faah faahin kale ka bixin karin.

Dhinaca kale, Wargeyska ugu afka dheer dalka Norway ayaa qoray isna in ninkan uu sannadkii 1998-dii uu yimid dalkan Norway isagoona xilligaas loo qaabilay qoxooti ahaan, balse shan sannno kaddib ayuu u guuray dalka Swaden faah faahin intaas dhaafsiisan ma sheegin wargeyska isagana.

Si kastaba, ninkan ayaa la sheegay in ilaa hadda aaney Soomaalida aqoonsan balse gabar uu Abti u yahay ayaa deggan meel tuulo ah oo ku taalla dalkan Norway, sidda ay lee yihiin jaaliyada dalkan.

Waxaa hubaal ah haddii warkan uu xaqiiqo noqdo in Soomaalida ku nool dalkan, uu saameyn ku yeelan doono warkaas, waayo horrey waxaa walwal ku hayay Wiil Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xasan Dhuxulow oo ka tagay Norway in uu ka mid ahaa dadkii isku qarxiyay xarunta ganacsiga Wastgate ee Nairobi bishii September.

Waxaa la magacaabay guddi ka kooban shan xubnood oo Soomaali ah kuwaasoo baara warka ku saabsan in ninka isku qarxiyay Buuloburde uu ahaa 60 jir ka tagay dalkan Norway.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Oslo 
[email protected]

Qatar cusub oo midnimada dalka soo wajahday & 5 qodob oo lagu xalin karo

Nidaamka Federaalism-ka oo abuuray mishkilad hor leh islamarkaana qatar ku ah Midnimada dalka‏

Ka dib markii ay dhacday Dowladdii Dhexe ee Soomaaliyeed, Waxa uu Wadanku galay dagaalo sokeeye oo galaaftay nolosha Kumaanan Kun isla markaana ka barakiciyey guryahooda Malaayiin Soomaaliyeed,Kuwaas oo qaarkood ku rafaadsan dunida dacaladeeda gaar ahaan Xeryaha Qaxootiga.

Iskudayo dhowr ah oo la isku dayey in mar kale la isku keeno Siyaasiyiintii horboodeysey Beelaha ayaanan waxba ka soo bixin ilaa la qabtay dhowr iyo Toban Shir oo mid kasta lagu sheegay Shir dib u heshiisiin,ilaa laga soo gaaray 2000 halkaas lagu qabtay Shir dib u heshiisiin Qaran oo ay garwadeen ka ahayd Dowladda Jabuuti ee aan Walaalaha nahay.

Ka dib burburkii ku dhacay Dowladdii Dhexe ee dalku lahaa iyo dagaaladii sokeeye ee xigay, Waxa soo baxay dad Soomaali ah oo ku doodayo in Nidaamka kaliya ee isu keeeni kara dadka Soomaaliyeed ee is laayey uu yahay Nidaamka Federaalka oo kaliya, Waxa ayna dadkani ku doodayaan in ay dadka Soomaalidu kala aaminbaxeen ka dib dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Kooxdan Federaal doonka ah ayaanan wax badan ka fikirin Mustaqblka Umadda Soomaaliyeed, Waxa ayna wax walba ku qiimeeyeen Waqtiga la jooga iyo danaha Beelahooda,Waxa ayna tusaale u soo qaataan dalal wax badan ka duwan Soomaaliya iyo mishkiladdeeda.Maangaaybo iga dheh Iyaga iyo Ookiyaalayasha ay sitaanba.

Laakiin dhinaca kale waxaa jira dad badan oo Soomaaliyeed oo ku doodayo in ay dadka Soomaalidu yihiin Qoys qura ah oo wadaago Diin,Af iyo Dhaqan Sidaa daraadeedna aan loo baahneyn Nidaamka Federaalism-ka ah,Waxa ayna dadkani aaminsan yihiin maadaama dadka Soomaalidu ay cadaawadi kala dhaxeyso dalal ka haysta dhul iyo dad aan loo baahneyn Nidaam Federaal ah oo jilacsan.

Doodahan ayaa muddo ku dhex wareeganayey Mujtamaca Soomaaliyeed gudihiisa gaar ahaan dadka Siyaasiyiinta ah,Waxaana ugu danbeyn lagu kala baxay 2004,Halkaaso Siyaasiyintii burburiyey dalka ee ka qeyb galay Shirkii Embagati ay ku heshiiyeen in la dhiso Dowlad Federaal ah Iyadoo aan afti laga qaadan Shacabka Soomaaliyeed.

Kooxdan aaminsan Nidaamka Federaalism-ka aayaa waxaa daba ka riixayo dalal cadow ku ah dadka Soomaaliyeed,Waxa ayna dalalkaasi aaminsan yihiin in Nidaamka Federaalka uu daciifinayo awoodda Dowladd kasta oo uu dalku leeyahay maadaama ay awoodaha u kala qeybsan yihiin Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Calaa kulixaal waa la qaatay Nidaamkii Federaalka inkasta oo uusan dhameystirneyn Sidoo kalena aan la aqoon nooca Federaal ee la qaatay maadaama Federaalism-ku uu noocyo badan yahay.Hadaba marka aad fiiriso xaalka uu dalka marayo iyo Maamul Goboleedyada iska soo daba dhacayo ee aad moodda Tusbax go’ay,Hadaba ma la oron kara Federaalism-ku waa Nidaamka ku haboon Soomaaliya?

Jawaabtu waa maya and maya sababtoo ah inta aan hadda ka aragnay Nidaamkan Federaalka ee lagu waashay waa nagu filan yahay,Waxaana oron karaa Nidaamkan kheyr ma keenin mana soo wado, Waxaana tusaale u ah waxa dalka ka jira.Bal arag Gobalka Galgaduud iyo Mudug Waxaa ka jira ilaa dhowr Maamul Goboleed oo aan waafaqsanayn Dastuurka dalka sida Puntland,Galmudug,Ximan iyo Xeeb,Central State iyo Suufi State hadana dhamaantood waxa ay sheeganayaan Maamul Goboleedyo, Fowda iga dheh.

Dhinaca Jubooyinka waxa is aruursaday Hal Beel oo xoog isbiday waxa ayna ku dhawaaqday Maamul Goboleed ku salaysan Qabiil Iyagoo waliba kaashanayo dowlado Shisheeye.Dhinacan Baydhabo waxaa looga dhawaaqay Maamul Goboleed ka kooban Lix Gobol oo ay Jubooyinka ku jiraan,Isla Baydhabo waxaa ka socda Shir lagu dhisayo Maamul ka kooban Sedex Gobol.

Dhinaca Shabeelooyinka iyo Banaadir waxaa ka soo socda ugu yaraan Labo ama Sedex Maamul Goboleed oo dhamaantood aan waafaqsaneyn Dastuurka dalka u yaallo.Hadaba Su’aasha meesha taalaa waxaa weeye Nidaamkan federaalism-ku ma xal buu keenay mise waxa uu abuuray Mishkilad hor leh ?

Jawaabu waa caddahay, Waxaana oron karnaa in uu abuuray Nidaamka Federaalism-ka ah Mishkilad hor leh taasoo keeni karta dagaalo sokeeye oo lagu hoobto hadaanan Maanta laga hortagin.Dhinaca kale Maamul Goboleedyadan lagu waashay ee ay dabada ka riixeyso Xabishida iyo kuwa la midka ah waxa uu qatar ku yahay Midnimada Wadanka hadaanan Maanta laga hortagin.

Hadaba hadaan aragnay fuulxumada uu leeyahay Nidaamkan Federaalism-ka iyo qataraha uu wato Mustaqbalka maxaa xal ah ?

Anigu waxa aan ku talin lahaa Anigoo fiirinayo Mustaqbalka Umadda Soomaaliyeed iyo isbadalada ka socda Caalamkan Saban Aakhirka jooga, in la iska daayo Federaalism iyo qurankiisa lana qaato Nidaamka Dowlad Dhexe,Maxaa yeelay waa midka kaliya ee ilaalin kara Maslaxadda Umadda Soomaaliyeed sidoo kalena abuuri kara dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh.

Maadaama aan ku naalno goob Istiraatiijig ah, Sidoo kalena ay naga maqan yihiin dhul iyo dad waxa aan u baahannahay inaan wax badan ka fikirno si aan Mustaqbalka u shalaynin waa sida ay Aniga ila tahay. Waa inaan ka fikirnaa Jiilasha soo koroyo oo aan uga tagnaa dhaxal wanaagsan.

Hadaba waxaan soo jeedinayaa Talooyinkaan soo socda.

1-In la qaato Nidaamka Dowlad Dhexe si loo helo dowlad Soomaaliyeed oo xoog leh taasoo difaacdda danaha Umadda Soomaaliyeed.

2-In dalka loo sameeyo Madaxweyne iyo Madaxweyn ku-xigeen si looga badbaado khilaafkaad Siyaasadeed iyo loolan xagga awoodaha ah.

3-In Caasimadda loo wareejiyo Magaalo kale oo aan Muqdisho ahayn si meesha looga saaro tuhunka ay qabaan Beelaha qaar.

4-In la qoro Dastuur cusub oo ka turjumayo danaha dadka Soomaaliyeed sidoo kale aan ka hor imaaneynin Diinta iyo Dhaqanka Umadda Soomaaliyeed.

5-Waa in loo maraa dhamaan Khilaafaadka u dhaxeeyo dadka Soomaalida wadahadal iyo dib-uheshiisiin si uusan u daadan dhiig danbe.

W/Q:Abdullahi Ibrahim Cumar
[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Nairobi: 100 Soomali oo xaflad diini ah ka qeyb galayey oo la kulmay dhacdo..

Nairobi (Caasimada Online) – Boliska dalka Kenya ayaa diyaariyey dacwaddo lagu soo oogayo dad Soomaali oo lagu soo qabtay hawlgal ka sameeyey Xarun ay leedahay Hay’ad Islaami ah oo ku taalla Nairobi, oo ay ka dhaceysay xaflad.

Ciiddanka Boliska waxay si gaar ah u abaareenn Dugsiga lagu magacaabo Mahamudai Islamic School oo ku yaalla Xaafadda Macknon, meel ku dhow Jidka dheer ee isku xira Nairobi iyo Mombasa.

Hawlgalkaasi ayaa la sheegay in lagu soo qabtay 94 Soomaali ah oo ay ku jiraan 41 dhallinyarro yaryar, kuwaasi oo lagu eedeynayo inay si sharci-darro ah ku joogaan dalka Kenya.

Afhayeen u hadlay Boliska Kenya ayaa sheegay inay hawlgalkaasi qaadeen, kadib, markii la soo gaarsiiyey xog ku saabsan inay Dugsigaasi joogaan waxa ay ugu yeereen dhallinyarro Xag-jirayaal ah.

Dadka la soo qabtay ayaa la sheegay inay u badnaayeen dad marti ahaa oo lagu casuumay Munaasabad lagu qabtay Dugsigaas.

Dhinaca kale, dadka Soomaalida ee lagu soo qabtay Hawlgalkaasi ayaa loo gudbiyey Maxkamadda Kwale , iyadoo ay Xeer beegtidamray in la sii daayo daayeen carruurtii lagu soo qabtay Hawlgalkaasi.

Waxa kaloo Boliska lagu amray in dadka kale ee la soo qabtay oo ay ku jireen Hooyooyin lagu sii hayo Xabsiga, ilaa laga soo dhamaystirayo gal-dacwadeedkooda.

Waxaana la wadaa in mar kale Maxkmaadda la soo taago bisha May 2-da.

Qaar ka mid ah dadka la soo qabtay ayaa lagu xukumay ganaax lacageed dhan afar kun oo Lacagta Kenya ah ama lix bilood oo xarig ahaa.

Mid ka mid ah Garsoorayaasha ayaa Saxaafadda u sheegay in dadka shisheeyaha ee lagu soo qabtay hawlgalkaasi ahaayeen dad aan wax Dukumenti ama Aqoonsi u gaar ah wadanin.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Ciiddanka Boliska Kenya xiraan Muwaadiniinta Soomaalida ee ku nool dalka Kenya, gaar ahaan caasimadda Nairobi.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Axmed Madoobe oo war cusub ka soo saaray sababta DF loogu loo wareejin la’ yaahay garoonka iyo dekedda

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee Jubba ee Axmed Madoobe, ayaa war cusub ka soo saaray sababta loo wareejin la’yahay garoonka iyo dekedda Kismaayo, taasoo ahayd in shan bilood kaddib xilligii la saxiixay heshiiskii dowladda iyo Axmed Madoobe ku gaareenAddis Ababa in lagu wareejiyo.

Guddoomiyaha degmada Kismaayo, Ibraahim Maxamed Yuusuf Timajilic ayaa sheegay in uu u arkeenin wax caqabad ah in la wareejiyo garoonka iyo dekedda waayo wuxuu lee yahay waa ay shaqeeyaan hadda dowladdana waa la siiyaan wixiii warbixin ah oo ku saabsan sidda ay u shaqeeyaan.

“Uma arko wax caqabad ah in la wareejiyo garoonka iyo dekedda oo waxaa leh Jamhuuriyada Soomaaliya, dadka hadda gacanta ku hayana waa dad ka tirsan Jamhuuriyada Soomaaliya, dowladda xittaa haddii ay gacanteeda lagu wareejiyo dadkii loo dhiibi lahaa garoonka iyo dekedda ayaa hadda gacanta ku haya” ayuu yiri Timajilic.

Guddoomiyuhu wuxuu kaloo sheegay in maamulka Kismaayo ka dhisan uu wada shaqeyn la lee yahay dowladda dhexe, marka wax dhib ah oo meeshaa ka jirra ma lahan ayuu yiri.

Si kastaba, waxaa muuqata in maamulka KMG ah ee Jubba uu weli ka goos adeegayo in uu soo wareejiyo garoonka iyo dekedda Kismaayo, maadama siddaas uu ahaa heshiiskii lagu kala saxiixday Addis Ababa dhowr bilood ka hor.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

WAR FARXAD LEH: Somalia oo noqotay dalka labaad ee dunidda u dhoofiya…

Dubai (Caasimada Online) – Magaalada Dubai ee dalka isku taga Imaaraadka Carabta waxaa maanta oo Arbaca ah lagu soo gabagabeenayaa shirweyne caalami ah oo looga hadlaayo wax soo saarka Soomaalida, sidda beeraha, xoolaha iyo badda.

Shirkan oo maalintii Isniinta ka furmay xarunta ganacsiga ee Dubai, waxaa ka qaybgalaya hey’addo iyo ganacsato caalami ah, xubno ka tirsan dowladda federaalka iyo maamullada Soomaaliya.

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay si weyn looga hadlay bal sidda loo horrumarin karo wax-soo-saarka Soomaaliya sida xoolaha, beeraha iyo kalluunka.

Waxaa kaloo la soo qaatay maxay tahay sababta heesata in wax soo saarka Soomaalida aanu heli maalgalin caalami ah ama dunidda kale lagu xirro.

Shakhiyaad iyo hey’addo meesha ka hadlay waxa ay muujiyeen in sababo badan ay keeneyso in Soomaaliya aan la maalgashan taasoo ay ugu horreeso ammaanka, oo maan la isku haleeyo kama jirro dalka waxaa kaloo ay lee yihiin ganacsatada caalamiga meel aan dhigano lacagta ee baann caalami ah kuma yaallo dalla.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan beeraha ee FAO oo ka mid ah hay’adaha shirka soo qaban-qaabiyey ayaa sheegay in ujeeddada shirku tahay in hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca dhaqaalaha iyo ganacsatada dunida loo bandhigo wax-soo-saarka Soomaalida.

Hay’adaha soo qaban-qaabiyey shirka ayaa sheegay in waxyaabaha ay dhoofiyaan ganacsatada Soomaalida ah sida xoolaha iyo muuska sanadihii ugu dambeeyey ay aad  u kordheen,  loona baahan yahay in loo helo suuq-geyn muhiim ah.

Si kastaba, warka ugu farxada badan ee meesha laga sheegay waxa weeye in Soomaaliya ay noqotay dalka labaad ee dunidda u dhoofiya xoolaha nool.

Sannadkan kaliya Soomaaliya waxa ay adduunyada u dhoofin doontaa Shan Milyan oo xoolo nool ah, waxaa ka horeeya dalka Australia oo ah dalka ugu dhoofinta badan badan xoolaha dunidda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]

MADAXWEYNE XASAN oo laga faafiyey sawir dood badan dhaliyey (Arag)

Muqdisho (Caasimada Online) – Baraha Internet-ka ee Soomaalida iyo kuwa bulshada ee facebook iyo twitter, ayaa lagu faafiyey sawir laga qaaday madaxweyne Xasan Sheekh iyo waftigii la socday, intii ay la kulmayeen madaxda waddanka Japan, oo ay booqdeen.

Sawirka, ayaa waxaa ka muuqda laba saf, oo saf ay kasoo jeedaa waftiga Soomaalida iyo safka kale, oo ah waftiga dowladda Japan.

Arrinta xiisaha leh ee sheekooyinka badan dhalisay, ayaa ah in waftiga dowladda Somalia ay gacmo maran yihiin, halkan kuwa Japan ay wataan warqado iyo qalimaan.

Fikradi kala duwan, ayaa laga bixiyey sawirka. Dadka qaar waxa ay ku macneeyeen in waftiga Japan ay ahaayeen dad ajendayaal wata una diyaarsan inay qortaan waxa ay ku wada hadlayaan labada dhinaca, halka kuwa Soomaalida ay u muuqdaan dad soo sheeko tagay.

Dad kale, ayaa Iyana qaba fikir kaa duwan, oo u arka inay taasi wax aan macno badan sameyneyn ay tahay, loona baahan yahay inaan la buun buunin.

Si kastaba, bal aqrsite sawirka hoose ka arag kadibna fikirkaaga ka dhiibo qeybo ra’yiga. Mahadsanid.

Wafdigii-Japan

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Axmed Madoobe oo amray in dad gaar ah ay isaga guuraan Kismaayo, Sabab?

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaaamiyaha maamulka Jubba Axmed Madoobe, ayaa ku armay qaar ka tirsan Shacabka ku nool Magaalada in ay si DEG DEG ah uga guuraan Magaalada, haddii kale si Qasab ah looga saarayo.

Axmed Madoobe, ayaa Fariintan usoo mariyay Shacabka Ninka ugu magacaaban Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo Ibrahim Maxamed Yuusuf oo Saxaafada la hadlay.

Ibrahim Maxamed Yuusuf, ayaa u gudbiyay Shacabka Fariin Digniin Xambaarsan, oo u muuqatay mid uu ku doonayo Axmed Madoobe in Dadka aan ku “Heeb/Qabiil” ahayn in la saaro Magaalada Kismaayo, ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Xaafado qaar oo ka tirsan Kismaayo, ayaa ka socda Barakac xoogan, waxaana ay Dadka ka Cabsi qabaan in Dhibaatooyin u gaystaan Maleeshiyada Raas Kambooni ee Axmed Madoobe.

Mid kamid ah Dadka Deegaanka, ayaa sheegay in Goobaha Baabuurta laga raaco Magaalada ay yihiin kuwa Mashquul badan oo ay isaga baxayaan Magaalada Dadka.

Bilooyin kahor, Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Kismaayo uusan ku noolaan doonin Qofkii kasoo horjeeda Maamulkiisa iyo Qofkii uu Qarax ama Dil ka dhaco Gurigiisa Meel u dhow.

Maalmihii ugu dambeeyey qaar ka mid ah beelaha dega Kismaayo, ayaa ka cabanayey in si gaar ah bartilmaaameed ay ugu yihiin maleeshiyada Raaskambooni, waxaana maalin kasta magaalada ka dhaca dilal qorsheysan, oo ka dhan ah dad gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Video: Wiil Somali ah oo dhaqan cajiib ah taariikh guul ah kaga dhigay Africa

Cape Town (Caasimada Online) – Ugaas Cali waxa uu ku nool yahay magaalada Cape town ee dalka Koonfur Africa wuxuuna galay kaalinta koowaad tartan ay ka qeyb galeen dhamaan wadamada qaarada Africa wuxuuna noqday ninka sida weyn usoo jiitay dhamaan kasoo qeyb galayaashii xaflada maamuuska iyo welibga dadka banaanka maraya hadaba daawadood adigaa yaabi doonee daawo muuqaalkani quruxda badan oo sida caalamiga ah loo duubay video gaaban.

Barnaamijkani oo la magac baxay Sahanka Nolosha ayaa xalqadiisii koowaad uu ka baxay tv-ga Universal waxaana daadihiye ah Wariye Maxamed Deeq Muuse Nuur (Deeqdarajo) waxana barnaamijkani lagu soo qaadan doonaa shaqsiyaadka Soomaaliyeed oo hormarka ka sameeyey dalka iyo dibadda wuxuuna noqon doonaa barnaamij joogto ah.

HALKANI KA DAAWO VIDEO

MAQAL: Beesha SADE oo ka shireysa aayaha Jubooyinka & Axmed Madoobe

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka soconaya shirar ay lee yihiin qaar kamid ah waxgaradka iyo siyaasiyiinta Beesha Sade ee ku dhaqan gobolka Banaadir.

Shirarkaasi, ayaa waxa ay uga hadlayaan aayaha danbe ee beesha iyo sidii la iskugu keeni lahaa waxgaradka iyo hogaanka siyaasada ee beeshaasi, si go’aan isku xiran ay uga qaataan aayaha Jubbooyinka iyo xaalka Kismaayo.

Kulamada oo ka dhacay qaybo kamid ah Muqdisho, ayaa waxaa dhawaan la filayaa inuu qabsoomo shirwayne la doonayo in loogu go-gol xaaro shir kale oo isna ka dhici doono gobolkaasi Gedo.

Maxamed Xaashi Cabdi Caraabey oo xubin ka ah gudi loo xil saaray shirka, ayaa sheegay in ujeedka shirka loo qabanayo inuu yahay sidii midnimada beesha looga wada shaqayn lahaa.

Caraabey ayaa xusay ujeedka ay ka leeyihiin shirkani inuu yahay sidii ay beeshu u yeelan lahayd Hogaan lagu wada kalsoon yahay isla markaana dhanka dhaqanka looga hagaajin lahaa.

Kullamadan ayaa imanaya xilli beesha Sade ay dhowaanahan ka cabaneysa in dadka beeshaas u dhashay si gaar ah loogu bartilmaameedsado magaalada Kismaayo, ayna dilal qorsheysa kala kulmaan maleeshiyada Raaskambooni ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.

Halkan ka dhageyso wareysiga Carabey

sade muqdisho

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Video: Horumarka sanadka ee XAMAR

Magaalada Muqdisho waxaa sanadkaan ka hir gelay Horumar baaxad weyn leh oo dhan walba isugu jiro waxaana laga dareemayaa Bilicda Caasimadda oo wax weyn iska badaleyn.

Muuqaalkani waa mid kooban oo la isku keen keenay waxuuna ka hadlayaa Horumarka sanadkaan ka hir galay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

XOG-Warran: Xiisado colaadeed oo ka dhex taagan Puntland iyo Somaliland

Xiisado Colaadeed ayaa ka dhex-taagan Maamulada Somaliland iyo Puntland, taasi oo ka dhalatay Booqashadii lama filaanka ahayd ee uu dorraad ku tagay Madaxweyne Siilaanyo Degmada Laas Qorey ee Gobolka Sanaag.

Booqashada Siilaanyo oo ahayd tii ugu horeysay oo Madaxweyne ka socda Maamulka Somaliland oo ku tago Degmada Laas Qorey, waxaana markii uu tagay la sheegay in uu kala kulmay Shacabka soo dhaweyn aad u ballaaran.

Markii uu tagay Siilaanyo Degmada, isaga iyo Wafdi Wasiiro ay ku jiraan ayaa waxa ay Shacabka Laas Qorey u sameeyeen Ballan-qaadyo ku aadan in Maamulka Somaliland uu Mashaariic Caafimaad iyo Waxbarasho ka fulin doonaan Degmada.

Madaxweyne Siilaanyo waxaa ku weheliyay Safarkiisa qaar kamid ah Golihiisa Wasiiradda oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intii uu joogay degmadaasi wuxuu dhagax dhigay dekad laga hirgelinayo degmadda Laasqoray sidaasi oo kale wuxuu dhagax dhigay goobo Waxbarasho iyo Caafimaad.

Mudo Lix Saac ayuu dhex joogay Siilaanyo Gudaha Degmada Laasqoray, oo uu la kulmayay qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaasi. Wararku waxa ay sheegayaan in Siilaanyo uu wali ku sugan yahay Gobolka Sanaag oo uu booqanayo Deegaano kale oo Puntland sheegato.

Puntland oo ka argagaxday Imaatinka Siilaanyo ee Laasqoray

Shacabka iyo Madaxda Maamulka Puntland ayaa Layaab iyo Argagax ku noqatay Booqashada Siilaanyo uu ku tagay dorrad Laasqoray, oo ah Degmo Xeeb ku taalla una dhaw Magaalada Boosaaso.

Saacado kadib, waxaa Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Indhaguran, waxaana uu sheegay inay aad uga argagaxeen imaatinka Siilaanyo ee Laasqoray.

Wuxuuna intaasi uu ku sii daray inaysan marnaba filayn in Madaxweynaha Somaliland uu imaanayo degmadda Laasqoray oo uu Wasiirku sheegay inay kaabiga ku hayso magaalo Ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso.

“Runtii Aad baan uga argagaxnay in Madaxweyne Siilaanyo uu yimaado Laasqoray, mana anan ogayn imaatinkiisa, Laasqorayna waa magaalo Puntland ka tirsan,” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlayay warfidiyeenka dhowr Saacadood kadib markii Siilaanyo uu ka laabtay Laasqoray.

Maamuladda Somaliland, Puntland & Khaatumo, ayaa ku muransan Lahaanshaha Goboladda Sool, Sanaag & Degmadda Buuhoodle, waxaana Murankaasi oo Muddo soo jiitamay uu sababay in dhowr Sano kahor magaalada Laascaanood oo xarunta u ah Gobolka Sool ay gacanta u gasho Maamulka Somaliland.

Isha: KON

Xog: Sirdoonka waddanka Holland oo dhageysta taleefonnada Soomaaliya

Amsterdam (Caasimada Online) – Hay’adda Adeegga Ammaanka (MIVD) iyo Sirdoonka Milliteriga dalka Holland ayaa la sheegay inay si sharci-darro ah u raad-raacaan Xogaha ama Daatooyinka Telefoonadda iyo Kombiyuutaradda ay dadka Soomaalida adeegsadaan.

Aqalka Wakiilladda ee Barlamaanka Holland, ayaa tilmaamay inay sharci-darro tahay in fasax la’aan la dhegeysto ama la dabagalo Telefoonadda iyo Xogaha ku kaydsan Telefoonadda iyo Kombiyuutaradda ay dalalka Shisheeye leeyihiin.

Wargeyska NRC Handelsblad ee ka soo baxa caasimadda dalka Holland ee Amesterdam ayaa lagu soo daabacay Labo Dukumenti oo cusub oo uu soo bandhigay Khabiir u dhashay dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Edward Snowden, laguna qeexay inay Hay’adaha Sirdoonka Hollad si toos ah u dhegeystaan una turjuntaan Telefoonadda Soomaaliya.

Edward Snowden oo ahaan jirey Qandaraasle u shaqeyn jirey Hay’adda Ammaanka Qaranka Maraykanka (NSA), haatan magangeliyo ahaan ugu nool dalka Raashiya ayaa qoraalladiisa ku soo bandhigay inay Hay’adaha Sirdoonka ee Holland iyo kuwa Maraykanka is-dhaafsadaan Xogaha ama Daatooyinka Shirkadaha Telefoonadda Somalia iyo in la turjumo wada-sheekeysiga dadka Soomaalida ee Holland ka soo hadla.

Wargeyska ayaa qoray in ay Hay’adda NSO ee Holland turjumaan Xogaha la dhegeysto, iyadoo Hay’addaasi isbahaysi la ah Labada Hay’addood oo Holland ugu qaabilsan Hawlaha Sirdoonka, kuwaasi oo Hay’adda Guud ee Adeegyadda Sirdoonka (AIVD) iyo Hay’adda Ammaanka Holland (MIVD).

Warbixinta uu Edward Snowden ku qoray Wargeyskaas ka soo baxa Holland, ayaa lagu inay Dowladda Holland u adeegsadaan Sirdoonka dhegeysiga Telefoonadda Somalia si ay ula socdaan Hawlgalladda Burcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha dalka Somalia.

Warbixinta waxa kaloo lagu xusay inay suurto-gal tahay inay Maraykanka u urursadaan Xogaha Telefoonadda si ay Diyaaradaha aan Duuliyaha Lahayn ee Drones-ka bar-tilmaameed uga dhigtaan Shaqsiyaadka lagu tuhunsan yahay inay xubno ka yihiin waxa ay Reer Galbeedka ugu yeeraan Kooxaha Argagixisadda.

Dhinaca kale, Hay’adda Guud ee Adeegyadda Sirdoonka dalka Holland (AIVD) ayaa la sheegay inay jabsadeen Website-yo ay leeyihiin Kooxaha Islaamiyiinta Somalia, waxaana falkaasi lagu tilmaamay mid looga dan lahaa in lagu raad-raaco Xogaha ku kaydsanaa Website-yadaasi oo aan magacyadooda la shaacinin.

Xigasho: NRC Handelsblad

SAWIRRO: Shirweyne caalami oo looga hadlayo SOMALIA oo ka furmay Dubai

Dubai (Caasimada Online) – Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay shirweyne caalami ah oo looga hadlaayo wax soo saarka Soomaaliya ee xagga beeraha, badda iyo xoolaha.

Shirka oo ka furmay xarunta ganacsiga ee Dubai. waxaa ka qaybgalay hey’addo caalami ah, mas’uuliyiin ka socda maamulada Soomaalida, diplomaasiyiin iyo ganacsato caalami ah oo doonaya in ay maalgashi ka sameestaan Soomaaliya.

Shirkan sidda ay sheegeen dadka soo qaban qaabiyay wuxuu socom doonaa muddo seddax cisho ah, waxaana lagu soo bandhigi doonaa fursadaha ay Soomaalida u heli karaan in ay suuq geyn iyo maalgashi ballaaran ay u helaan wax yaabaha ay soo saaraan.

Waxaa shirka furmay wasiirka ganacsiga dowladda Soomaaliya.

Waa shirkii ugu horeeyay ee la qabto tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladii dhexe ee Soomaaliya.

Inta uu socdo waxaa kaloo lagu soo bandhigi doonaa Soomaalida wax yaabaha ay soo saaraan tusaale beeraha Muuska, badda Kalluunka iyo wixii la mid ah iyo xagga xoolaha oo Soomaalida ay tahay waddanka labaad ee dunidda ee dhoofiya xoolo.

In shirkan la qabto waxaa hadda keentay sidda ay lee yihiin qaban qaabiyaasha isbadal xagga nabadda ee ka jirta Soomaaliya iyo deegannada kale ay degto Soomaalida sidda Kenya iyo Ethiopia.

1888474_10152104506249475_65140079_n

1899987_10152104506389475_749749016_n

998434_10152104506199475_1320344403_n

1899987_10152104506389475_749749016_n

Xuquuqda Sawirrada waxaa leh BBC Somalia iyo Farxaan Maxamed Jimcaale

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Khaliijka

[email protected]