27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 14, 2026

Digniin laga bixiyey arrin ka dhalan karta is-beddelka xulufo ee ay sameysay DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Isbahaysiyada amni ee sii kordhaya ee Soomaaliya la yeelaneyso dalal shisheeye ayaa lagu eedeeyay inay kicinayaan xasillooni-darro cusub oo ka taagan Geeska Afrika, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka digeysa in isbeddelladan ay hurinayaan dagaallo wakiil ah, ayna carqaladeynayaan dadaallada nabadeed ee gobolka.

Warbixinta, oo Talaadadii lagu daabacay Georgetown Journal of International Affairs ee Mareykanka, waxaa si wadajir ah u qoray Dr. Mercy Fekadu Mulugeta iyo Leulseged Girma. Waxay si qoto dheer u falanqeynayaan is-afgaradyo amni oo aan caadi ahayn, kuwaasoo la xiriira dekedo, aqoonsi dowladeed, iyo joogitaanka ciidamo shisheeye. Qodobbadan, ayay warbixintu leedahay, waxay beddelayaan xuduudaha siyaasadeed ee gobolka, waxayna kordhinayaan khatarta dagaal caalami ah oo ka dhex dhaca waddamada gobolka.

Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay ciyaaryahan istiraatiiji ah oo doorkeeda cusub uu wax ka beddeli karo is-dheellitirnaanta awoodda ee gobolka.

Warbixintu waxay si gaar ah u tilmaantay heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Itoobiya iyo Somaliland bishii Janaayo 2024. Heshiiskaas ayaa Itoobiya u ogolaanaya inay hesho 19 km oo xeeb ah, iyadoo beddelkeedana ay Somaliland heleeyso aqoonsi siyaasadeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hor timid arrintan, iyadoo sheegtay in Somaliland weli tahay qayb suveran ah oo ka mid ah dhulkeeda. 

Isbahaysiyo cusub oo lid ku ah Itoobiya  

Iyadoo falcelin ka bixineysa heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, Soomaaliya waxay xoojisay xiriirkeeda milatari iyo diblomaasiyadeed ee ay la leedahay Masar iyo Eritrea – dalal si taariikhi ah ugu muransan Itoobiya.

Gaar ahaan, Masar ayaa sannadkan 2025 u dirtay Soomaaliya taageero ciidan, taasoo dhalisay walaac ah in taageeradaasi aysan si toos ah ugu wajahneyn la dagaalanka argagixisada, balse ay tahay mid lagaga hor tagayo saameynta Itoobiya ku leedahay biyaha Nile.

“Ka hortagga Al-Shabaab ma aha sababta dhabta ah ee ka dambeysa iskaashiga Soomaaliya iyo Masar; Masar waxay si istiraatiiji ah u doonaysaa inay Itoobiya kaga hor timaado qorshaheeda horumarinta webiga Nile,” ayaa lagu yiri warbixinta.

“Isbahaysiga cusub ee ay Soomaaliya samaynayso wuxuu ka tarjumayaa xurguf ballaaran oo ka taagan gobolka,” ayay tiri Dr. Mercy Fekadu Mulugeta, oo ah bare sare ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa iyo agaasimaha Xarunta ARUA ee Daraasaadka Bulshooyinka Kadib Colaadaha. “Waxyaabaha u muuqda inay yihiin siyaasado amni qaran, dhab ahaantii waa xeelado istiraatiiji ah oo la xiriira kala aragti duwanaansho gobolka oo dhan ah.”

Inkasta oo Soomaaliya iyo Itoobiya ay bishii Diseembar 2024 ku galeen wadahadallo nabadeed oo uu Turkigu garwadeen ka yahay – loona yaqaan Heshiiska Ankara – warbixintu waxay sheegtay in heshiiskaasi uu ahaa mid aan daahfurneyn, islamarkaana ay jiraan qodobo muhiim ah oo aan weli xal laga gaarin. Waxaa ka mid ah su’aasha ah in ciidamada Itoobiya ay sii ahaan doonaan qayb ka mid ah Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Qoraayaashu waxay carrabka ku adkeeyeen in ficillada Soomaaliya aysan ku dhicin go’doon. Gudaha dalka waxaa ka taagan dood culus, iyadoo qaar ka mid ah madaxda federaalka ay ku eedeeyeen Masar in ay Soomaaliya u adeegsato sidii aalad ku jirta dagaalkeeda istiraatiijiga ah ee ay la wado Itoobiya.

“Masar waxay dooneysaa inay naga dhigto laacib yar oo loogu adeegsanayo dagaalkooda weyn,” ayuu yiri wasiir ka tirsan dowladda federaalka, sida lagu xusay warbixinta.

Warbixintu waxay dhacdooyinkan gelisay xudunta khilaafka taariikhiga ah ee biyaha. Masar waxay muddo dheer ku adkeysaneysay ilaalinta heshiisyadii gumeysiga ee biyaha Nile, kuwaasoo si buuxda u hareer marsan Itoobiya. Itoobiya, dhankeeda, waxay heshiisyadaas ku tilmaantay kuwo duugoobay, waxayna dhistay biyo-xireenka weyn ee GERD si ay u hanato mustaqbalka tamarta dalka.

Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliya — si ula kac ah ama si aan toos ahayn — wuxuu muujinayaa sida ay dawladaha wabiga hoose ku yaal ay si isa soo taraysa ugu lug yeelanayaan khilaafka biyaha ee u dhexeeya Masar iyo Itoobiya.

Nabad ilaalin lagu milay dano siyaasadeed

Qoraayaashu waxay sidoo kale ka digeen in hawlgalada nabad ilaalinta gobolka, sida AUSSOM, ay noqdeen aalado ay dalalka saameynta leh u adeegsadaan danahooda siyaasadeed. Soomaaliya ayaa horey uga hor timid ka qaybgalka ciidamada Itoobiya ee AUSSOM, iyadoo ku dooday in ay jirto iskahorimaad danaha Itoobiya ee Somaliland la xiriira.

“Hawlgalada nabad ilaalinta waxaa si xad dhaaf ah ugu adeegsanaya dowlado doonaya inay gaaraan yoolal istiraatiiji ah oo siyaasadeed,” ayuu yiri Leulseged Girma, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ku takhasusay Geeska Afrika iyo mid ka mid ah qorayaasha warbixinta. “Arrintaasi waxay dhaawac u geysaneysaa xasilloonida Soomaaliya iyo kalsoonida nidaamka nabad ilaalinta caalamiga ah.”

Warbixintu waxay sheegtay in haddii Itoobiya si rasmi ah u aqoonsato Somaliland, tallaabadaasi ay yeelan doonto cawaaqib fog oo ka baxsan Muqdisho oo kaliya. Waxay abuuri kartaa xiisado cusub, dhiirrigelin kartaa dhaqdhaqaaqyo gooni-u-goosad ah oo kale, isla markaana beddeli kartaa isbahaysiyada marin-biyoodka Badda Cas.

Somaliland, oo ku dhawaaqday madax-bannaani 1991, wali ma helin aqoonsi caalami ah. Warbixintu waxay ugu baaqday Midowga Afrika iyo hay’adaha caalamiga ah inay dib u eegaan Warbixintii 2005 ee Guddiga Xaqiiqo Raadinta, ayna horumariyaan hab-raacyo caddaan ah oo lagu maareynayo xaaladda sharci iyo siyaasadeed ee dhulalka aan la aqoonsan.

Warbixintu waxay xustay in Soomaaliya ay xiriir diblomaasiyadeed ka raadineyso meelo ka baxsan saaxiibbadeedii hore. Waxaa si gaar ah loo tilmaamay in Muqdisho ay dooneyso iskaashi cusub oo ay la yeelato dalal ay ka mid yihiin Turkiga, Azerbaijan, iyo Tansaaniya – taasoo muujinaysa dadaal ay ku raadineyso taageero ay ka hesho xulafayaal cusub oo caalami ah.

Isla markaana, Geeska Afrika wuxuu noqday meel ay ku sii qulqulayaan quwadaha waaweyn. Dalalka sida Imaaraadka, Shiinaha, Ruushka iyo Turkiga ayaa si isa soo taraysa u ballaarinaya joogitaankooda gobolka iyagoo dhisaya dekedo, mashaariic horumarineed, iyo saldhigyo ciidan — taasoo sii adkaynaysa xal u helista khilaafaadka gudaha iyo kuwa gobolka.

Si looga hortago xiisadaha sii kordhaya, warbixintu waxay ugu baaqday BRICS, Midowga Afrika, iyo IGAD inay si degdeg ah u dhexgalaan. Waxay sidoo kale ku baaqday in si dhaqso ah loo dhexdhexaadiyo Masar iyo Itoobiya khilaafkooda biyaha Nile, iyo in la xoojiyo kormeerka iyo isla xisaabtanka hawlgalada nabad ilaalinta.

“Ahmiyadda istiraatiijiga ah ee Soomaaliya lama dafiri karo,” ayaa lagu soo gunaanaday warbixinta. “Laakiin haddii aysan jirin dadaal diblomaasiyadeed oo mideysan oo ka yimaada dalalka gobolka iyo kuwa caalamka, Soomaaliya waxay halis ugu jirtaa inay noqoto goob lagu hardamo oo colaado wakiil ah lagu furo – taasoo halis gelin karta xasilloonida guud ee Geeska Afrika.”

 

Toogasho lagu dilay dhowr qof oo ka dhacday Sweden

Gothenburg (Caasimada Online) – Booliiska Sweden ayaa Talaadadii sheegay in laba nin lagu dilay toogasho habeen hore ka dhacday magaalada labaad ee dalka ee Gothenburg. Warbaahinta gudaha ayaa ku warramay in weerarkan lala xiriirinayo dagaallo u dhexeeya kooxo burcad ah.

Booliisku waxay sheegeen in ay heleen warbixin ku saabsan toogasho dhacday wax yar kahor saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta.

“Markii ay booliisku gaareen goobta, waxay heleen labo nin oo da’doodu u dhaxayso 20 ilaa 25 sano kuwaasoo dhaawacyo ka soo gaareen rasaas. Waxaa loola cararay isbitaalka, balse way u dhinteen dhaawacyadii,” ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo kasoo baxay booliiska.

Baaritaan dil ah ayaa la furay, inkastoo booliisku sheegeen in aysan jirin cid loo qabtay dhacdadan ilaa iyo hadda.

Wargeyska Göteborgs-Posten ayaa qoray in weerarku uu suuragal tahay inuu la xiriiro aargoosi iyo colaado u dhexeeya kooxo burcad ah oo horey u dagaallamay.

Sidoo kale, wakaaladda wararka ee TT ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex toogasho iyo siddeed qarax laga soo sheegay magaalada Gothenburg tan iyo bilowgii sanadkan 2025.

Dalka Sweden ayaa sanadihii u dambeeyay wajahaya dhibaato xoogan oo la xiriirta kororka toogashooyinka iyo qaraxyada, kuwaasoo inta badan ka dhasha is-aargoosiga kooxaha dambiilayaasha ah ee iska soo horjeeda.

Inta badan falalka rabshadaha wata waxaa fuliya dhalinyaro da’doodu aad u yar tahay, gaar ahaan carruur ka hooseeya 15 sano — taasoo ah da’da mas’uuliyadda dambiyada ee dalka Sweden. Dhalinyaradan ayaa mararka qaar loo adeegsadaa dilal qandaraas ah sababo la xiriira in aysan si sharci ah dambiga ugu xisaabtamin.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Sweden ayaa sannadkii 2024 wajahaya hoos u dhac ku yimid tirada dilalka.

Warbixin uu bishii Maarso soo saaray Golaha Qaranka ee Kahortagga Dembiyada (Brå) ayaa muujisay in sanadkii hore la diiwaan geliyey 92 kiis oo dil ah — taasoo 29 kiis ka yar tiradii sanadkii 2023.

Booliiska Sweden ayaa sidoo kale bishii Janaayo sheegay in tirada toogashooyinka ay hoos u dhaceen sanadkii 2024, markii labaad oo xiriir ah. Waxaa la diiwaan geliyey 296 toogasho — hoos u dhac dhan 20% marka loo barbardhigo sanadkii ka horreeyay.

Booliiska ayaa hoos u dhacaasi ku sababeeyay kororka awoodohooda dhanka “ka hortagga iyo cabsi gelinta” falalka rabshadaha wata.

Kaalinta yaabka leh ee ay Somalia ka gashay qiimeynta awoodda militari ee caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa gashay kaalinta 142-aad ee awoodda militariga adduunka, 145 dal oo lagu qiimeeyey Global Firepower Index 2025, taasoo ka dhigan inay ka mid tahay dalalka leh ciidamada ugu liita dunida. Soomaaliya ayaa heshay dhibcaha awoodda 4.2037, ayadoo ka sarreysa oo kaliya Bhutan, Benin, iyo Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika.

Qiimeyntan sannadlaha ah waxay falanqeyneysaa awoodda milatari ee dalalka iyadoo lagu saleynayo in ka badan 60 qodob, oo ay ka mid yihiin tirada ciidamada, noocyada qalabka, miisaaniyadda difaaca, awoodda saadka, kheyraadka dabiiciga ah, iyo juqraafiyadda. Dhibcaha ugu hooseeya (0.0000) ayaa loo tixgeliyaa “ugu sarreeya,” iyadoo celceliska hoose uu muujinayo awood milatari oo xooggan.

Dalalka sida Mareykanka, Turkiga, Midowga Yurub, iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa si weyn u taageeray Soomaaliya iyagoo bixiyay tababbarro milatari iyo maalgelin. Si kastaba ha ahaatee, saameynta barnaamijyadan ayaa si weyn u xanniban sababo la xiriira khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha iyo istaraatijiyad qaran oo aan mideysneyn.

Inkasta oo ay jirto taageero caalami ah iyo guulo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, haddana ciidamada Soomaaliya weli waa kuwo aan haysan qalab ku filan, iskuna dhafan. Dalka ayaa weli wajahaya caqabado sida miisaaniyad xadidan, hannaan federaal oo jilicsan, iyo tabar-darro dhanka saadka ah oo wiiqeysa howlgallada milatari ee joogtada ah.

Falanqeeyayaasha amniga ayaa muujiyay in ku tiirsanaanta Soomaaliya ay ku tiirsan tahay tababbarrada shisheeye iyo taageerada nabad-ilaalinta — gaar ahaan hawlgalka Kumeelgaarka ah ee Midowga Afrika ee ATMIS — ay muujinayso nuglaanta istaraatiijiyadeed ee dalka.

Isbarbardhigga awoodda ciidamada Geeska Afrika

Itoobiya ayaa kaga jirta kaalinta 52-aad caalamka, isla markaana kaalinta shanaad ee Afrika, iyadoo leh dhibco dhan 0.9305. Dalkaasi wuxuu leeyahay in ka badan 160,000 askari firfircoon, wuxuuna sanadkiiba difaaciisa ku bixiya in ka badan $2 bilyan. Inkasta oo uu wajahayo qalalaase siyaasadeed, Itoobiya waxa ay haystaan ciidamo dhuleed iyo kuwo cirka oo si wanaagsan u qalabeysan.

Kenya oo ku jirta kaalinta 83-aad iyadoo heshay dhibco dhan 1.8135, ayaa leh ciidan milatari oo xirfadlayaal ah oo ka kooban qiyaastii 50,000 askari iyo 25,000 oo ka tirsan ciidanka sida militariga u tababaran. Dalkaasi wuxuu difaaciisa ku bixiya miisaaniyad dhan $1.3 bilyan sanadkii. Kenya waxa ay xoogga saartaa la dagaalanka argagixisada, gaar ahaan weerarada kasoo horjeeda Al-Shabaab ee saldhigga ku leh Soomaaliya.

Jabuuti looma darin qiimeynta 2025, hase yeeshee waxay leedahay muhiimad istiraatiiji ah oo ay u leedahay marin-biyoodka Bab el-Mandeb. Dalkaasi waxa uu martigeliyaa saldhigyo milatari oo ay leeyihiin Mareykanka, Shiinaha iyo Faransiiska, wuxuuna haystaa ciidan yar laakiin tababaran oo dhanka dhulka, cirka iyo badda ah.

Dalalka ugu awoodda badan Afrika iyo caalamka ee 2025

Shanta ciidan ee ugu awoodda badan Afrika ee 2025 waa:

  • Masar (19-aad, 0.3427)
  • Algeria (26-aad, 0.3589)
  • Nigeria (31-aad, 0.5771)
  • Koonfur Afrika (40-aad, 0.6889)
  • Itoobiya (52-aad)

Dalalkan waxay ka faa’iideystaan dhaqaale xooggan, noocyo hub oo kala duwan, iyo nidaam hoggaan ciidan oo waqti dheeraaday jiray.

Caalamka, shanta ciidan ee ugu awoodda badan waa:

  1. Mareykanka (0.0744)
  2. Ruushka (0.0788)
  3. Shiinaha (0.0788)
  4. Hindiya (0.1184)
  5. Koonfur Kuuriya (0.1656)

Soomaaliya oo u baahan dib-u-habeyn amni

Khubarada amniga ayaa sheegaya in darajada hoose ee Soomaaliya ay muujinayso baahida degdegga ah ee dib-u-habeyn lagu sameeyo qaab-dhismeedka ciidamada, in la helo hannaan hoggaan mideysan, iyo maalgelin joogto ah oo lagu horumarinayo hay’adaha amniga.

Ciidamada Soomaaliya ayaa weli ah kuwo kala firdhisan, iyadoo hoggaan isku dhafan la’aan u dhexeeyo ciidamada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, sida Puntland iyo Jubaland, taasoo adkaynaysa in la fuliyo howlgal qaran oo mideysan.

Dadaallada lagu dhisayo ciidan qaran oo mideysan ayaa marar badan hakad galay, iyadoo khilaaf siyaasadeed uu ka dhex taagan yahay dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah federaalka. Midowga Afrika ayaa si gaar ah u adkeeyay in la dhiso hannaan hoggaan cad oo mideysan, iyadoo lagu guda jiro hirgelinta howlgalka cusub ee AUSSOM.

Warbixin uu sanadkii 2022 soo saaray Machadka ACCORD (African Centre for the Constructive Resolution of Disputes) ayaa sheegtay in Soomaaliya ay halis ugu jirto inay weli ku sii tiirsanaato taageerada caalamka haddii aan la helin ciidan qaran oo mideysan, si wanaagsan loo maalgeliyey, isla markaana laga hago heer dhexe.

Khubarada amniga ayaa aaminsan in darajada liidata ee Soomaaliya ay muujinayso halista uu dalku ku sugan yahay marka la eego dhanka amniga gobolka. Inkasta oo barnaamijyo tababar iyo maalgelin caalami ah ay gacan ka geysteen horumarinta ciidamada sannadihii la soo dhaafay, haddana dagaallo gudaha ah iyo nidaam dawladnimo oo aan simaneyn ayaa hor istaagay dhismaha ciidan adag oo si rasmi ah u mideysan.

Daawo: DF oo shaacisay qorshaheeda maxaabiista Somaliland ee Muqdisho la keenay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka XFS Xasan Macalin, oo maanta lasoo wareegay maxaabiistii dagaalka ee Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha dowladda federaalka ee kala wareejinta maxaabiista dagaalka ee Somaliland iyo SSC-Khaatumo.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in SSC-Khaatumo aanay wax shuruud ah ku xirin maxaabiista ay soo deysay, waxayna SSC ugu baaqday Somaliland inay ku dayso oo iyaguna xoriyad helaan Maxaabiista uga xiran Hargeysa.

Wasiirka oo wareysi siiyay Warbaahinta Qaranka, ayaa faahfaahin ka bixiyay xaaladda maxaabiista ay Dowladda Soomaaliya kala soo wareegtay Maamulka SSC, kuwaas oo gaaraya 25 qof.

Sidoo kale, Xasan Macalin, ayaa sheegay in maxaabiista kale ee weli xiran ay booqdeen, isla markaana ay soo arkeen xaaladda ay ku sugan yihiin, “waxaan soo aragnay ciidan iyo saraakiil dagaal lagu qabtay,” ayuu yiri.

“Maxaabiista sida loola dhaqmo ayaan xog fiican ka soo helnay, saraakiisha xabsiga gacanta ku heysa iyo maxaabiistaba waan soo wareysanay, xuquuqda ay helaan waa fiicneed waxay noo sheegeen in xoriyadda kaliya ay ka maqan tahay,” ayuu yiri wasiir Xasan.

Sidoo kale, wasiirka cadaaladda ayaa sheegay in loo soo xulay saraakiishii iyo xubnihii ugu muhiimsanaa ee maxaabiista, “waxay noo sheegeen in raggii dagaalka geliyey ay xalka ka sugayaan.”

“Waxaan maxaabiista ka dhagaysanay warbixintii ay naga siiyeen xaaladooda, waxay ahaayeen dad dhogor qurxoon, waxay noo sheegeen in colaad nasiib darro ah ay dhex martay dadkaan ehelkooda ah ee ay u xiran yihiin,” ayuu yiri.

Maxaabiista ayaa galabta laga soo dejiyey Muqdisho, waxaana la geeyey goob ay ku nastaan, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maxaabiistaan ay qoysaskooda ku wareejineyso.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Soomaali laga soo tarxiilayo Mareykanka xilli uu maamulka Trump kordhiyey beegsiga

Baline (Caasimada Online) – Ciidanka xuduudaha Mareykanka ayaa xabsiga dhigay muwaadin Soomaali ah kaddib markii uu si sharci-darro ah uga soo gudbay dalka Canada, xilli maamulka Madaxweyne Donald Trump uu dib u billaabay ol’ole lagu adkaynayo siyaasadaha socdaalka ee dalka oo dhan.

Ninkan oo lagu magacaabo Yusuf Mohamed Ali ayaa la qabtay Khamiistii, 10-ka April, meel u dhow magaalada Blaine ee gobolka Washington, kaddib markii uu kasoo galay xadka dhinaca koonfureed ee Surrey, British Columbia, Canada.

Mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Ali uu horey ugu lahaa dalka taariikh la xiriirta socdaal sharci-darro ah iyo dambiyo kale, oo ay ku jiraan kuwa la xiriira maandooriyaha. Wuxuu wajahaya dacwad ku saabsan ku-soo-noqosho sharci-darro ah kaddib markii horey loo masaafuriyay (8 U.S. Code § 1326), waxaana la filayaa in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Xarigga Ali wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay socdaan isbeddello waaweyn oo ku aaddan siyaasadda socdaalka, kuwaasoo uu hormuud ka yahay Madaxweyne Trump, kaasoo dib usoo celiyay siyaasad adag oo lagula dhaqmo muhaajiriinta.

Horraantii sanadkan, maamulka Trump wuxuu ballaariyay xayiraadda socdaalka, isagoo ku daray in ka badan 40 dal oo ay ku jirto Soomaaliya. Waxa kale oo uu ku dhawaaqay qorshe ah in la masaafuriyo ilaa hal milyan oo muwaadiniin ah oo sharci la’aan ku jooga dalka sannadkii ugu horreeyay, taasoo dhalisay cambaareyn xooggan oo ka timid hay’adaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa u dooda muhaajiriinta.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed—oo intooda badan ku yimid Mareykanka iyagoo qaxooti ah ama helay magangalyo bani’aadamnimo—ayaa si gaar ah u saameeyay siyaasadaha cusub. Dib-u-eegista lagu sameeyay barnaamijyada Temporary Protected Status (TPS) iyo dib-u-dejinta qaxootiga ayaa sababay in boqolaal qof ay galaan xaalad sharciyeed oo aan caddayn, iyadoo cabsi laga qabo in dib loogu celiyo Soomaaliya ay sii kordhayso—dal weli wajahaya dagaallo, abaaro iyo xaalado dhaqaale oo adag.

Xarigga Ali wuxuu sidoo kale muujinayaa kororka socdaalka sharci-darrada ah ee ka socda xadka u dhexeeya Mareykanka iyo Canada, iyadoo dad badan ay isku dayayaan inay ka leexdaan nidaamyada adag ee fiisaha iyo waddooyinka sharciyeed. Magaalada Blaine—oo ah meel muhiim ah oo xuduud ah kana tirsan gobolka Pacific Northwest—ayaa sannadihii u dambeeyay noqotay meel ay si gaar ah isha ugu hayaan hay’adaha socdaalka.

Iyadoo baaritaanka la xiriira kiiskiisa uu weli socdo, mas’uuliyiinta socdaalka ayaa sheegay in la qaadi doono tallaabooyin degdeg ah oo lagu masaafurinayo, iyadoo la adeegsanayo nidaamka tarxiilka ee degdegga ah.

Hoggaamiyeyaasha bulshada iyo ururrada u dooda xuquuqda muhaajiriinta ayaa ugu baaqaya dowladda Mareykanka in ay bixiso taageero sharciyeed iyo dammaanad dheeraad ah si loo ilaaliyo muhaajiriinta nugul—gaar ahaan kuwa kasoo jeeda dalalka ay colaadu saameysey sida Soomaaliya—xilli siyaasadda adag ee maamulka Trump ay si weyn u saameyneyso jihada socdaalka Mareykanka.

Maxay SSC-Khaatumo ka yeeleysaa maxaabiista ay weli ka hayso Somaliland?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha KMG ah ee maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo hadal ka jeediyay magaalada Laascaanood ayaa faah-faahin ka bixiyay maxaabiista Somaliland ee ay sii deynaynayaan iyo sida ay ka yeelayaan kuwa weli u xiran ee haatan gacanta ugu jiro.

Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in ogolaanshaha sii deynta 25 kamid maxaabiista ay ku timid kadib kulamo wadatashi ah oo ay la yeesheen wafdiga Ra’iisul wasaaraha, ayna isla garteen in lasii daayo maxaabiista wajahayo daruufaha gaarka ah oo gaaraya illaa 25 maxabuus.

“Kulamo wadatashi ah kadib oo aan la yeelanay wafdiga Ra’iisul wasaaraha waxaa la’isku raacay in laga jawaabo codsiga Xamza Cabdi Barre, waana ka jawaabay 25 maxbuus oo xaalado gaar ah ku sugan oo ay ku jirto Hooyo Cadar baa lasii daynayaa, haddii uu Ilaahey ka dhigo,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali.

Sidoo kale wuxuu xaqiijiyey in maxaasbiista ay sii deynayeen aanay ku bedalaneyn maxaabiista laga haysto, balse ay iyagu go’aansadeen  inay fasaxaan 25-ka maxbuus.

“Maxaabiistaas uma aanan sii deynin hadeer inaan ku beddalano 25-kaas in naloo soo daayo 25-tankoodii kale ee waxaan usii daynay niyad samaan ay dadka reer SSC muujinayaan inay nabad-gelyo iyo daris wanaag ay diyaar u yihiin,” ayuu sii raaciyay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in sababta ugu wayn ay tahay in ku sharfaan Ra’iisul wasaare Xamza oo socdaal nabadeed ku gaaray magaalada Laascaanood, isla markaana ay isaga ku wareejiyeen maxaabiistaas, iyaga oo ilaalinayo nabadda iyo daris wanaagga.

“Haddii aan si kale u dhigo xukuumadda federaalka ah ee uu hoggaaminayo Xamza Cabdi Barre iyo wafdigiisu inay yimaadaan Laascaanood darbiyo waa wayn ayay soo jiireen ninkaanu ogeynow ogow,” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha SSC-Khaatumo.

Dhanka kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in weli ay maxaabiis badan ka hayaan maamulka Somaliland, ayna ku jiraan kuwa galay dambiyo waa wayn, isaga oo xusay in horgeeyn doonaan cadaaladda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Inta dambiilayaasha ah weli xabsiyadeenna ayay ka buuxaan kuwa nagala hayo kuwa 5 jeer ka badan ayaynu haysanaa, Ilaahey idankiisa, waa soo baxayaan kuweennu kuwa dambiilayaasha ahna cadaaladda ayaa la horgeyn doonaa,” ayuu mar kale yiri Firdhiye.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka ayaa Maamulka SSC-Khaatumo si rasmi ah ugu aqoonsatay dowlad-goboleed, ayna noqoto xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo deegaanadooduna ay yihiin qeyb aan muran ku jirin oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Hooyo Cadar oo ka mid noqotay maxaabiista ay sii deysay SSC-Khaatumo

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo ayaa maanta sii daayay 25 maxaabiis ah oo ay ku qabteen dagaalladii ay horay ula galeen Somaliland. Khaatumo ayaa maxaabiistaan ku wareejisay Ra’iisul wasaare Xamza oo booqasho laba casho ah ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Maxaabiistan la sii daayay ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin duruufo gaar ah, sidaas darteedna loo baahday in loo celiyo qoysaskooda.

Sida ay xaqiijisay Fahiimo Yuusuf Qooje oo reer Laascaanood ah waxaa kamid noqotay maxaabiista la sii daayay Hooyo Cadar oo lagu qabtay dagaalkii Goojacadde ee looga adkaaday ciidamada Somaliland, taas oo hadda dib ula midoobeyso carruurteeda.

“Cadar oo ahayd hooyo lagu qabtay dagaalki Goojacadde 25 Ogost ayaa kamida maxaabiista lasii daayay waan uga mahadcelinayaa maamulka SSC-khaatumo siidaynta hooyo Cadar sigaara waxaan mudnaanta usiinaya Raysal Wasaare Sayid Hamza Abdi Barre” ayuu tiri Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale waxa ay sii raacisay “Hooyo Cadar mudaday xidh nayd ba anigu waxaan cod dheer kulahaa siidaaya Cadar waa hooyo waayeela xarigeedu waxba inoo soo kordhin maaye”.

Arrintan ayaa ku timid wada-tashi lala yeeshay golayaasha dhaqanka iyo hoggaanka maamulka SSC-Khaatumo, kadib booqashadii uu ugu tegay Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre oo sidoo kale ku dhowaaqay aqoonsiga dowlad goboleedkaas.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sidoo kale xaqiijiyay in xukkumaddiisu ay SSC-Khaatumo kala wareegtay 25-ka maxbuus oo haatan loo soo qaaday magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

“Iyadoo la tixgelinayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo, oo la tashaday golayaasha maamulka, ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo ka mid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dad reer SSC-Khaatumo ah, kuwaas oo leh duruufo gaar ah,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxa intaas lagu sii daray bayaanka: “Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ayey ugu celin doontaa maxaabiistan ehelkoodii, iyagoo badqaba.”

Tirada maxaabiista ee lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa la filayaa inay qeyb ka tahay qorshe maxaabiis isdhaafsi ah oo u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn dhaqan-galka qorshahan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka ayaa Maamulka SSC-Khaatumo si rasmi ah ugu aqoonsatay dowlad-goboleed, ayna noqoto xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo deegaanadooduna ay yihiin qeyb aan muran ku jirin oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Imaaraadka oo Boosaaso ku rakibay raadaar militari oo ay sameysay Israel

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay nidaam raadaar oo casri ah geysay gobollada waqooyi-bari Soomaaliya, gaar ahaan Xarunta Taliska Ciidanka Badda Puntland oo ku teedsan Saldhigga Cirka ee Boosaaso, kaasoo uu Imaaraadku maamulo.

Nidaamkan la tilmaamayo waa Raadaarka ELM-2084 ee Israel samaysay, kaasoo ah qalab casri ah oo saddex-geesood (3D) ah, adeegsadana farsamada iskaanka elektaroonigga ah ee firfircoon (AESA), looguna talagalay hawlo badan sida dabagalka hawada iyo madaafiicda, iyo sidoo kale la socodka gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Tallaabadan, oo ay xuseen suxufiyiinta militariga ee Puntland, laguna faafiyay ilaha sirdoonka furan (OSINT), ayaa su’aalo ka keenaysa ujeeddooyinka istiraatiijiyadeed ee Imaaraadka ee gobolka Geeska Afrika ee xasillooni darridu ka jirto.

Rakibidda raadaarkan ee Puntland ayaa ku soo beegmaysa xilli uu jiro loolan juquraafi-siyaasadeed oo xoogeystay oo ka socda aagga, iyadoo quwadaha caalamku ay ku tartamayaan saamaynta ay ku yeelanayaan marinada badaha ee muhiimka ah. Inkastoo aan si cad loo ogayn ujeeddada rasmiga ah ee rakibidda raadaarkan, haddana waxay muujinaysaa sii xoogaysiga joogitaanka militari iyo istiraatiiji ee Imaaraadka ee gobol muhiim u ah ganacsiga iyo amniga adduunka.

Raadaarka ELM-2084, oo ay soo saarto shirkadda ELTA Systems, oo hoos tagta Israel Aerospace Industries, waa raadaar guurguura oo S-band ah, kuna caan baxay awooddiisa kala duwan iyo saxnaantiisa sare. Wuxuu isku mar ogaan karaa oo la socon karaa ilaa 1,100 bartilmaameed oo ku jira masaafo gaaraysa qiyaastii 470 kiiloomitir, isagoo bixinaya wacyigelin dhammaystiran oo xaaladda ku saabsan (situational awareness) oo 3D ah, waqtiga-dhabta ah (real-time).

Farsamadiisa iskaanka elektaroonigga ah ee firfircoon (AESA) ayaa u oggolaanaysa inuu soo ururiyo sawirka guud ee hawada iyadoon loo baahnayn wareeg farsamo, isagoo si firfircoon ula qabsanaya khataraha soo socda. Wuxuu ku fiican yahay doorar kala duwan: ogaanshaha diyaaradaha, la socodka gantaalaha ballistic-ga ah, helidda goobta madaafiicda laga soo riday, iyo bixinta hagidda dab-ridka ee nidaamyada difaaca hawada sida kuwa Israel ee Iron Dome iyo David’s Sling.

Waayo-aragnimadiisa dagaal ee la xaqiijiyay waxaa ka mid ah heerka guusha ee ka-hortagga oo lagu qiyaasay 90 boqolkiiba oo ay gaartay nidaamka Iron Dome oo ka hortagtay in ka badan 1,000 gantaal, sida lagu xusay xogta hawlgallada ee Ciidamada Difaaca Israel (IDF).

Awooddiisa guurguurista – oo ka kooban qeybta raadaarka, qeybta kontoroolka, nidaamka qaboojinta, iyo matoorka korontada – ayaa u suurtagelinaysa in lagu rakibo goobo kala duwan, taasoo ka dhigaysa mid ku habboon goobaha hawlgallada ee isbeddelaya sida Puntland.

Marka la barbardhigo nidaamyada kale, sida raadaarka Maraykanka ee AN/TPQ-53 ee ka-hortagga madaafiicda ama kan Ruushka ee 96L6E ee loo isticmaalo nidaamyada S-400, ELM-2084 wuxuu kaga duwan yahay awooddiisa fulinta hawlaha kala duwan, isagoo isku dhex daraya awoodaha difaaca hawada iyo ogaanshaha madaafiicda hal qalab gudihiis. Halka AN/TPQ-53 uu si gaar ah diiradda u saaro dabagalka rasaasta madaafiicda, 96L6E-na uu mudnaanta siiyo dabagalka hawada ee masaafo dheer, awoodda ELM-2084 ee uu ku wada qaban karo labada door ayaa siinaysa faa’iido gaar ah marka la joogo goobaha dagaalka ee cakiran.

Marka laga soo tago astaanta, awoodaha raadaarku waxay la jaanqaadayaan baahida Imaaraadka u qabo ilaalayn ama dabagal adag oo laga sameeyo gobol ay khataruhu u dhexeeyaan burcad-badeednimada fudud ilaa weerarrada casriga ah ee diyaaradaha drones-ka. Marka la barbardhigo, raadaarka Shiinaha ee Type 346, ee loo isticmaalo burburiyeyaasha badda, wuxuu bixiyaa tiknoolajiyad la mid ah (AESA) laakiin kama guurguura badna ELM-2084, waxaana si gaar ah loogu talagalay hawlaha badaha, halkii uu ka ahaan lahaa mid hawlo badan fuliya.

Nidaamka Nebo-M ee Ruushka, oo ah nidaam kale oo la mid ah, wuxuu bixiyaa ogaansho masaafo dheer laakiin ma laha isku xirnaanta uu ELM-2084 la leeyahay nidaamyada difaaca ee riddada gaaban sida Iron Dome. Sidaa darteed, doorashada Imaaraadka ee ELM-2084 waxay ka tarjumaysaa doorbididda habacsanaanta hawlgalka, taasoo ay u badan tahay inay sabab u tahay khataraha isku-dhafka ah ee ka jira Geeska Afrika.

Tan iyo markii la horumariyay 2002, taasoo ka dhalatay baahida Israel u qabtay ka hortagga khataraha gantaalaha ballistic-ga ah, raadaarka waxaa adeegsaday dhowr dal, oo ay ku jiraan Kanada, Singapore, iyo Jamhuuriyadda Czech, sida ay xustay shirkadda ELTA Systems.

Isticmaalkiisii ugu horreeyay ee dagaal wuxuu yimid intii lagu jiray hawlgalkii Israel ee Cast Lead sanadkii 2008, halkaas oo uu ku ogaaday duqeymihii madaafiicda ee Xamaas, digniin horena siiyay dadka rayidka ah. Azerbaijan gudaheeda, raadaarku wuxuu taageerayay hawlgallada ka-hortagga madaafiicda batteriga tan iyo 2019, sida lagu sheegay warbixin Janes soo saartay 2024.

Tusaalooyinkani waxay muujinayaan sida uu ula qabsan karo xaaladaha kala duwan, laga soo bilaabo dagaallada magaalooyinka ilaa furimaha dagaalka ee bannaan. Puntland gudaheeda, awoodda nidaamkan ee uu ku la socon karo diyaaradaha drones-ka ee hoos u duula ama doonyaha yaryar waxay noqon kartaa mid aad muhiim u ah, marka la eego sida gobolku ugu jilicsan yahay khataraha asymmetric-ga ah (aan isku dheellitirnayn).

Si ka duwan nidaamyadii hore, sida raadaaradii P-37 ee xilligii Soofiyeetka ee weli laga adeegsado qaar ka mid ah dalalka Afrika, qaab-dhismeedkiisa dhijitaalka ah iyo qaybihiisa ku shaqeeya tiknoolajiyadda GaN waxay xaqiijinayaan kalsoonidiisa iyo adkaysigiisa xaaladaha adag, taasoo ah arrin ay u badantahay inay saamayn ku yeelatay go’aanka Imaaraadka.

Ciidamada Soomaaliya oo taageero ka helay dowlad wayn oo ku dhowaaqday…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Soomaaliya oo xilligan ku jiro halgan adag oo ku aadan dagaalka argagixisada ayaa taageero wayn ka helay dowladda Ingiriiska oo ku dhowaaqday inay sii laba jibaareyso taageerada dhaqaale ee ay siiso ciidamada amniga Soomaaliya (SSF).

Boqortooyada Ingiriiska ayaa ciidamada Soomaaliya ugu deeqday illaa $3.9 milyan oo ay sheegtay in lagu hagaajinayo sanduuqa taageerada Soomaaliya SSF oo ay maamusho Qaramada Midoobay.

Sanduuqan ayaa si gaar ah u taageero illaa 18,900 oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Booliska Soomaaliyeed oo laf dhabar u ah amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab.

Safiirka UK ee Soomaaliya, Danjire Mike Nithavrianakis oo ka hadlay taageeradan dhaqaale ayaa sheegay in ay muujinayso sida ay uga go’aan tahay ka dowlad ahaan taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ballan qaaday inay sii wadi doonaan.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray saaxibada kale ee caalamiga ah, isaga oo ugu baaqay in ay iyaguna wax ku biiriyaan Sanduuqa SSF ee UNSOS.

“Waan ku faraxsanahay in aan ku dhawaaqo taageero dheeraad ah si loogu guuleysto dagaalka ka dhanka ah xagjirnimada rabshadaha wata. Waxaan ku dhiirigelinayaa saaxiibada kale inay iyaguna wax ku biiriyaan Sanduuqa SSF ee UNSOS, si ay u taageeraan geesiyaasha Ciidamada Amniga Soomaaliyeed si ay mustaqbal amni leh ugu suura geliyaan dadka Soomaaliyeed iyo gobolka oo dhan,” ayuu yiri Nithavrianakis.

Dhankiisa, Xuseen Sheekh Cali oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya oo soo dhaweeyay taageeradan cusub ayaa u mahadceliyay boqortooyada UK, wuxuuna sheegay in dowladdu ay ka go’an tahay in ay si mas’uuliyad leh u maamusho lacagta loogu yaboohay.

UK ayaa kamid ah dowladaha reer Yurub ee taageerada kala duwan siiya Soomaaliya, waxaana sanadkii 2024-kii oo keliya, dhaqaalaha UK suurta geliyay in UNSOS ay gaarsiiso ciidamada amniga Soomaaliya 6,000 tan oo ah raashin ciidan iyo 2,000 tan oo shidaal naafto ah, iyo sidoo kale daryeelka degdega ah ee dhaawacyada boqolaal askari.

Si kastaba ha’ahaatee, Xafiiska UNSOS ee Soomaaliya ayaa hadda u baahan ugu yaraan illaa $2 milyan oo bil walba ah, si uu u taageero kordhinta qorsheysan ee tirada ciidamada amniga Soomaaliya oo la gaarsiinayo illaa 20,900 askari, sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2767 (2024).

Soomaaliya ayaa hadda ku jirto marxalad dagaal, waxaana ciidamada dowladda ay howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Wararkii ugu dambeeyay ee diiwaan gelinta Muqdisho ka socota ee cod-bixiyeyaasha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga bilaaabatay diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, xilli uu weli taagan yahay muranka hanaanka doorasho ee Villa Soomaaliya ay gadaal ka riixeyso.

Degmada Shangaani ayaa noqotay degmadii u horreysay ee saaka lagu daahfuro is-diiwaangalinta codbixiyayaasha, waxaana safar dhaadheer u galay dadweyne fara badan oo la yimid xaafadaha degmadaas, kuwaas oo isugu jiro shacab iyo mas’uuliyiin.

Guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan oo goobta kula hadlay Wariyeyaasha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inay reer Muqdisho u dareeraan goobaha is diiwaangelinta una diyaar garoobaan qof iyo cod.

“Aniga oo ah guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka waxaan aad ugu faraxsanahay maanta in dadka gobolka Banaadir ay u dareeraan inay is diiwaangeliyaan, si ay u doortaan madaxdooda golaha deegaanka” ayuu yiri Cabdikariin.

Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in maanta ay diiwaangelinta usoo baxeen dadkii ugu badnaa, taas oo muujineyso sida ay doorashada ugu bisil yihiin shacabka.

“Dad fara badan ayaa yimid lambarka aan fileynay lambar ka badan ayaa yimid, waana billow” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka.

Dadka is diiwaangeliyay waxaa ku jira mas’uuliyiin sar sare, waxaaana ugu horreeyay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa noqday oo qaatay shahaada diiwaangelinta codbixiyeyaasha, wuxuuna farriin u diray dhammaan dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladan ka codsaneynaa in ay is diiwaangeliyaan anigu waa kaas waa markii ugu horreysay ee aan is diiwaangeliyay oo aan doorasho u diyaar ahay” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Axmed Amiir.

Sidoo kale, waxaana shahaadada is diiwaangelinta qaatay wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, sida wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, Marwo Khadiija Almakhzumi oo deegaan doorashadeeduna tahay isla degmada Shangaani.

“Maanta aniga oo deegaan doorashadaydu tahay degmada Shangaani waxaa alle i waafajiyay in aan iska diiwaangaliyo isdiiwaangalinta Doorashooyinka qof iyo codka ah.” ayay iyaduna tiri Wasiir Khadiija Almakhzumi.

Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso xilli weli siyaasiyiinta mucaaradka ay  meel adag ka taagan yihiin hanaanka doorashada qof iyo cod taas oo uu ku adkeysanayo madaxweyne Xasan Sheekh, halka mucaaradka u arkaan mid laga leeyahay dano xukun dheereysi.


U.S. to deport Somali man after Illegal border crossing

BLAINE, Washington — U.S. border authorities have arrested a Somali national who allegedly crossed into Washington state illegally from Canada as the Trump administration ramps up its nationwide immigration crackdown.

Yusuf Mohamed Ali was detained on April 10 near the city of Blaine, close to the southern edge of Surrey, British Columbia. According to U.S. Customs and Border Protection (CBP), Ali has a prior record of immigration violations and criminal offenses, including drug-related charges.

Ali now faces prosecution under 8 U.S. Code § 1326, a federal statute targeting illegal reentry after deportation. If convicted, he could face prison time before being deported to Somalia. Immigration officials say expedited removal proceedings are already underway.

Rising border crossings from Canada

Ali’s arrest highlights a growing number of unauthorized crossings along the northern U.S. border, particularly in the Pacific Northwest. Blaine, a key border town in Washington state, has become a focal point for migrants attempting to circumvent tighter restrictions at official ports of entry.

U.S. border agents have increased surveillance and patrols in response to the surge, noting that more migrants are now attempting entry from Canada as visa requirements and legal pathways in the U.S. become more restrictive.

The arrest comes amid President Trump’s renewed push to tighten immigration enforcement during his second term.

In early 2025, Trump signed a sweeping executive order reintroducing hardline policies similar to those seen during his first term. These measures include expanded use of expedited deportation and stricter penalties for unauthorized reentry.

The administration also broadened the list of countries subject to travel restrictions, now including more than 40 nations, including Somalia. Trump has pledged to deport over one million undocumented immigrants in his first year back in office, sparking widespread criticism from human rights organizations.

Advocacy groups warn that many affected migrants, including Somalis, face potential return to countries plagued by violence, drought, and humanitarian crises. Somalia remains one of the most unstable nations in the Horn of Africa, where militant group al-Shabaab continues to wage a deadly insurgency, and food insecurity remains widespread.

Vulnerable communities at risk

The Somali-American community, much of which arrived in the U.S. through refugee resettlement or humanitarian programs, has been especially impacted by changes to immigration policy.

Recent reviews of Temporary Protected Status (TPS) and refugee resettlement quotas have left hundreds in legal limbo, facing uncertainty over their right to remain in the country.

Ali’s arrest has drawn concern from immigrant rights advocates, who argue that such cases reflect the broader erosion of protections for vulnerable populations.

“We’re seeing asylum seekers and refugees criminalized instead of protected,” said a spokesperson for a Seattle-based immigration advocacy group. “People fleeing instability are being sent back into danger.”

International organizations, including the UN High Commissioner for Refugees, have urged the United States to ensure that asylum seekers and migrants have access to due process and are not returned to countries where their lives may be at risk.

With Ali’s deportation expected to proceed rapidly, legal experts caution that the lack of access to legal representation or a formal hearing could violate international norms. “Expedited removal strips migrants of the chance to seek protection or challenge their deportation,” said one immigration attorney familiar with the case.

Khaatumo oo R/W Xamza ku wareejisay qaar ka mid ah maxaabiistii Somaliland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah ula wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu caddeeyay war-murtiyeed kasoo baxay socdaalkiisii SSC.

Maxaabiistan waxaa Dowladda Federaalka lagu wareejin doonaa Maamulka SSC-Khaatumo, kaddib wadatashi lala yeeshay golayaasha maamulka. Maxaabiistan ayaa la sheegay inay ku sugan yihiin duruufo gaar ah, sidaas darteedna loo baahday in loo celiyo qoysaskooda.

“Iyadoo la tixgelinayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo, oo la tashaday golayaasha maamulka, ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo ka mid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dad reer SSC-Khaatumo ah, kuwaas oo leh duruufo gaar ah,” ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxa intaas lagu sii daray bayaanka: “Dowladda Federaalka Soomaaliya dib ayey ugu celin doontaa maxaabiistan ehelkoodii, iyagoo badqaba.”

Tirada maxaabiista ee lagu wareejiyay Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa la filayaa inay qeyb ka tahay qorshe maxaabiis isdhaafsi ah oo u dhexeeya Somaliland iyo SSC-Khaatumo, inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn dhaqan-galka qorshahan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Laascaanood ay ku xiran yihiin 283 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, halka magaalada Hargeysa-na ay hayso 67 maxbuus oo kasoo jeeda dhinaca SSC.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka ayaa Maamulka SSC-Khaatumo si rasmi ah ugu aqoonsatay dowlad-goboleed, ayna noqoto xubin buuxda oo ka tirsan Golaha Wadatashiga Qaranka, iyadoo deegaanadooduna ay yihiin qeyb aan muran ku jirin oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Maxaa maanta ka socda magaalada MUQDISHO?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabatay diiwaan-gelinta cod-bixiyayaasha, xilli uu weli taagan yahay muranka hanaanka doorasho ee Villa Somalia ay gadaal ka riixeyso.

Diiwaan-gelinta la bilaabay ayaa ah tallaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd billaabashada doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka, kuwaas oo guddiga doorashooyinka qaranka uu shaaciyay inay bilaabaneyso bisha Juun.

Degmada Shangaani ayaa noqotay degmadii u horreysay ee saaka lagu daahfuro is-diiwaangalinta codbixiyayaasha, waxaana safar dhaadheer u galay dadweyne fara badan oo la yimid xaafadaha Shingaani, dadkiinis diiwaangelinaya waxay isugu jiraan la shacabka degmada, maamulka iyo mas’uuliyiin badan oo degmada ku nool.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa noqday mas’uulkii u horreeyay oo maanta is-diiwaangeliyay, si u qaato kaarka codbixiyeyaasha.

Degmooyinka kale ee gobalka Banaadir ayaa iyaguna maalmaha soo socda marti-gelin doona is-diiwaangalinta oo soconaysa illaa laga gaaro maalinta codbixinta doorashada.

Sida ku cad xeerarka doorashada, waxaa la qorsheynayaa in ay doorashada golayaasha deegaanka ka qabsoomaan; Banaadir, SSC Khaatumo, HirShabelle, Koofur Galbeed iyo Galmudug, iyadoo maamulka Juballand oo billowgii heshiisyadan qeyb ka ahaa uu mar dambe isaga baxay kadib khilaaf siyaasadeed oo doorashada iyo hannaankeeda ka dhashay.

Arrimahan ayaa imanaya xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka meel adag iska taageen hanaanka doorashada qof iyo cod, taas oo uu weli ku adkeysanayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, halka mucaaradka u arkaan mid laga leeyahay dano xukun dheereysi.

Xamza oo 6 qodob ka soo saaray safarka Laascaanood, xaqiijiyey maamul goboleed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bayaan dheer kasoo saartay safarka taariikhiga ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre uu ku tegay magaalada Laascaanood ee xarunta KMG ee SSC-Khaatumo.

Ra’iisul Wasaare Xamza iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa 12-kii illaa 15-kii bishaan booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Laascaanood ee caasimadda maamulka SSC-Khaatumo, booqashadan ayaa looga gol lahaa xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisu intii uu joogay magaalada Laascaanood wuxuu kulammo kala duwan la yeeshay hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Firdhiye, Golaha wakiillada, Isimada Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyarada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna isla qaadaa dhigeen xaaladda deegaannada SSC-Khaatumo.

Xamza ayaa bogaadiyay sida ay reer SSC-Khaatumo uga go’an tahay ka shaqeynta nabadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, isla markaana waxa uu soo dhaweeyay sida mugga iyo milgaha leh ee ay maamulka, shacabka iyo ciidammada SSC-Khaatumo uga go’an tahay ilaalinta nabadda iyo u adeegidda bulshada.

“Maamulka iyo shacabka SSC-Khaatumo waxay si buuxda u taageereen dagaalka dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kula jiraan argagixisada Al-Shabaab iyo Daacish,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay bogaadisay amniga, xasilloonida iyo kala dambaynta ka jirta deegaanada maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo xukuumadda federaalka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan arrimaha dib u habaynta iyo horumarinta ciidamada SSC-Khaatumo, iyadoo la waafajinayo hannaanaka amniga qaranka.

“Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu taageeray barnaamijka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dadaallada xukuumadda Dan-Qaran ee dowlad-dhiska, horumarinta, nabadda, midnimada ralka, dimoqraadiyeynta iyo xaqiijinta xaqa muwaadinka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sidoo kale, waxaa bayaanka lagu sheegay in xukuumadda federaalka iyo maamulka SSC-Khaatumo ay isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa go’aankii 6dii February 2023 ee isimada dhaqanka iyo waxgaradka SSC-Khaatumo, go’aankii ay DFS ugu aqoonsatay maamul kumeel gaar ah 19kii Oktoobar 2023, waxa ay u kuur gashay arrimaha dib u dhiska maamulka SSC-Khaatumo, iyo wadajiraka dadkeeda, ka dib markii ay xaqiijiyen ka go’naanshaha dadka reer SSC-Khaatumo ee dhismaha hay’adaha dowladdaimada.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

Soomaaliya oo Mareykanka u bandhigtay in heshiiskii 1980-kii dib loo cusbooneysiiyo

Antalya (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu soo bandhigtay Dowladda Mareykanka inay isticmaasho saddex ka mid ah dekedahaheeda ugu muhiimsan dhanka istiraatiijiyadda – Muqdisho, Kismaayo, iyo Berbera – tallaabadan oo qayb ka ah dadaal ballaaran oo lagu xoojinayo iskaashiga dhanka difaaca ee labada dal iyo sidii Washington looga leexin lahaa inay aqoonsato sheegashada madaxbannaanida Somaliland.

Cali Maxamed Cumar, wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa wareysi uu siiyay TRT World ku xaqiijiyay in dowladdiisu ay soo jeedisay in dib loo cusbooneysiiyo heshiis militari oo Mareykanka lala galay xilligii Dagaalkii Qaboobaa.

Heshiiskaas asalka ahaa, oo la saxiixay sannadkii 1980-kii xilligii Madaxweyne Jimmy Carter, ayaa ciidamada Mareykanka u oggolaanayay inay isticmaalaan dekado iyo garoomo diyaaradeed oo Soomaaliya ku yaalla, oo uu ku jiro saldhigga militariga ee Berbera.

“Waxaan hadda Mareykanka ka codsanay inay cusbooneysiiyaan heshiiska si ay weli u sii isticmaali karaan saddexdaas dekedood—haddii ay kuwa kalena u baahdaanna, way isticmaali karaan,” ayuu yiri Cumar. “Waa tallaabo istiraatiiji ah oo aan ugu soo dhowaaneyno Mareykanka, sababtoo ah Ameerika aad ayay muhiim ugu tahay dagaalka aan kula jirno al-Shabaab. Waxaan u baahanahay taageeradooda, haddana way na caawinayaan.”

Soo jeedintan ayaa timid xilli ay sii kordhayaan xiisadaha ku saabsan Somaliland, jamhuuriyadda iskeed isku magacawday ee ku taalla waqooyi-galbeed Soomaaliya, taasoo si madax bannaan u shaqeyneysay tan iyo 1991-kii balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Warbaahinta Mareykanka ayaa dhowaan warisay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu warqad u diray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, isagoo ka codsanaya in Mareykanku uu la wareego kormeerka dekadaha iyo garoomada diyaaradaha ee Berbera iyo Boosaaso, taasoo beddelkeeda uu Mareykanku ballanqaadayo inuusan aqoonsan doonin Somaliland.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo baxay su’aalo ku saabsan suurta-galnimada hirgelinta soo jeedinta Soomaaliya. Dowladda federaalku hadda ma maamusho dekadda Berbera, oo ay maamusho Somaliland, sidoo kalena ma maamusho Kismaayo, oo ah xarunta dhaqaalaha ee maamul goboleedka ismaamulka ah ee Jubbaland. Labada dhulba waxay Muqdisho la leeyihiin xiriir xaddidan ama aan wanaagsanayn.

Ergeygii hore ee Gaarka ahaa ee Mareykanka u qaabilsanaa gobollada Saaxil iyo Harooyinka Waaweyn, ahna taageere weyn oo Somaliland ah, J. Peter Pham, oo xiriir dhow la leh Trump, ayaa dhaliilay soo jeedinta. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay soo bandhigayso maamulka dekado aanay xukumin, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay “aflagaaddo ku ah garaadka dadka Mareykanka.”

Isla wareysigaas uu siiyay TRT, Wasiir Cumar wuxuu ku nuux-nuuxsaday muhiimadda juquraafi-siyaasadeed ee ballaaran ee goobta istiraatiijiga ah ee ay Soomaaliya kaga taallo xeeb ahaan iyo doorkeeda ku aaddan istiraatiijiyadda amniga ee Mareykanka iyo xulafadiisa.

“Soomaaliya waxay leedahay xeebta ugu dheer Afrika,” ayuu yiri. “Xiriirka aan la leenahay Mareykanka aad ayuu u xooggan yahay. Waxay naga taageeraan la dagaallanka al-Shabaab ee koonfurta iyo Daacish ee waqooyiga.”

In kasta oo Washington aysan weli si rasmi ah uga jawaabin soo jeedinta ku saabsan dekedaha, haddana dowladda Soomaaliya waxay sii waddaa dadaalladeeda ku aaddan xoojinta madaxbannaanida qaranka, qotodheeraynta iskaashiga caalamiga ah, iyo ka hortagga wax kasta oo horumar diblomaasiyadeed ah oo sharciyad siin kara ololaha madaxbannaanida Somaliland.

Mareykanka iyo dalal Carab ah oo xayiraad ku soo rogay 15 Shabaab ah + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Talaabo muhiim ah oo lagu curyaaminayo kooxda argagixisada ee Al-Shabaab ayaa horseedday in cunaqabateyn lagu soo rogo 15 qof oo muhiim u ah shabakadaha maaliyadeed iyo howlgallada kooxda gudaha Soomaaliya.

Xarunta Bartilmaameedka Maalgelinta Argagixisada (TFTC), oo ah isbahaysi awood badan oo ka kooban toddobo waddan, ayaa ku dhawaaqday tallaabadan wadajirka ah, taasoo noqonaysa markii siddeedaad ee tallaabo noocaan ah la qaado, si loo ciriiriyo dhaqaalaha kooxda.

TFTC, oo la asaasay bishii Maajo 2017, ayaa isku keenta Maraykanka iyo dalalka xubnaha ka ah Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kuwaas oo kala ah: Sacuudi Carabiya, Imaaraadka Carabta, Baxrayn, Cumaan, Kuwayt iyo Qadar. Ujeeddada isbahaysigan ayaa ah inuu hakiyo maalgelinta argagixisada, isagoo adeegsanaya cunaqabateyn bartilmaameed ah, wadaagga xogta sirdoonka iyo kobcinta awoodaha.

War-saxaafadeed shalay kasoo baxay magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga ayaa lagu sheegay in shakhsiyaadka la bartilmaameedsaday ay si weyn ugu lug lahaayeen howlaha muhiimka u ah Al-Shabaab, sida ururinta qasabka ah ee dhaqaalaha iyo fidinta walxaha qarxa ee gacan-ku-samayska ah (IED).

“Olole naxariis darro ah oo Al-Shabaab ay ku hayso shacabka Soomaaliyeed, sida lacagaha qasabka ah ee laga qaado beeralayda iyo afduubka shacabka, ayaa wali wiiqaya xasilloonida guud ee gobolka,” ayay tiri Anna Morris, ku-simaha xoghayaha kaaliyaha arrimaha maal-gelinta argagixisada ee Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka.

“Tallaabada adag ee maanta ay qaadday TFTC waxaa loogu talagalay in lagu jaro xiriirka Al-Shabaab ay la leedahay nidaamyada dhaqaalaha ee gobolka iyo kuwa caalamiga ah, kuwaas oo ay ku tiirsan tahay si ay u maalgeliso rabshadaha, u qorshayso weerarrada, una joogteyso howlgalladeeda.”

Morris ayaa sidoo kale adkeysay waxtarka iskaashiga caalamiga ah, iyadoo sheegtay in “dalalka xubnaha ka ah TFTC ay muujiyeen inay wax badan qaban karaan marka ay si wadajir ah uga hortagaan khataraha ay kooxahani ku hayaan nidaamka dhaqaalaha caalamka. Waxaan sii wadeynaa cadaadiska xooggan ee lagu hayo kooxaha argagixisada iyo shabakadaha dhaqaalahooda.”

15-ka qof ee la bartilmaameedsaday ayaa ka howlgala gobollada Shabeellaha Hoose, Jubada Hoose, iyo Jubada Dhexe ee Soomaaliya, iyagoo door muhiim ah ka haya qaab-dhismeedka maaliyadeed iyo howlgal ee kooxda. Howlahooda waxaa kamid ah:

  • Ururinta qasabka ah: Lacago si sharci-darro ah qasab looga qaado shacabka, xoolaha nool ee lagu tilmaamo “tabarucaad,” iyo lacagaha lagu soo rogo ganacsiyada gudaha.
  • Cabsigelin iyo maamulid: Adeegsiga ciidanka Hisbah oo ah booliis sharci-darro ah oo kooxda Al-Shabaab leedahay, kaas oo shacabka lagu khasbo inay bixiyaan dhaqaalaha.
  • Afduubid: Qafaalashada shacabka si madax-furasho loo qaato iyo ujeeddooyin kale.
  • Taageeridda walxaha qarxa (IED): Fududeynta sameynta iyo adeegsiga walxaha qarxa ee gacan-ku-samayska ah.
  • Hoggaaminta howlgallada: Qorshaynta iyo fulinta weerarrada ka dhanka ah ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika, iyadoo loo adeegsanayo gaadiidka qarxa iyo hoobiyeyaasha.
  • Maamulka sirdoonka iyo dhaqaalaha: Kormeeridda howlaha sirdoonka iyo dhaqaalaha kooxda.
  • Faafinta fikirka kooxda: Ka-qayb qaadashada dadaallada lagu faafinayo fikirka kooxda Al-Shabaab.

Shakhsiyaadka ay bartilmaameedsatay TFTC ayaa kala ah:

  • Xasan Abshir Xuuroow (Xuuroow): Sarkaalka sirdoonka iyo dhaqaalaha ee Al-Shabaab; wuxuu hoggaaminayay ururinta tabarucaadka qasabka ah ee xoolaha nool ee Kismaayo.
  • Aadan Yuusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim): Mas’uul ka ah ururinta lacagaha qasabka ah ee Shabeellaha Hoose; wuxuu khasab lacag uga qaadi jiray iibka xoolaha iyo ganacsiga suuqyada.
  • Muumin Dheere (Dheere): Ku-xigeenka amiirka Wayanta ee Jubada Hoose; wuxuu isku dubbariday weerarro aargoosi ah iyo kuwa qorshaysan oo loo adeegsanayay gaadiidka qarxa iyo hoobiyeyaasha, isagoo weerarray garoonka diyaaradaha ee Kismaayo.
  • Macalin Burhaan (Burhaan): Taliyaha Hisbah ee Al-Shabaab ee deegaanka Wayanta, Jubada Hoose; wuxuu caan ku ahaa xarigga iyo xiritaanka in ka badan 80 qof oo shacab ah.
  • Cali Axmed Xuseen (Xuseen): Amiirka Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose; wuxuu lacag ka qaadi jiray beelaha deegaanka, isagoo sidoo kale fududeeyay dhaqdhaqaaqa dagaalyahanada iyo hubka kooxda.
  • Maxamed Cali (Cali): Taliye ciidan oo Al-Shabaab ah, isagoo hoggaaminayay 100 dagaalyahan oo hoos taga Dheere.
  • Axmed Kabadhe (Kabadhe): Amiirka Jubbaland ee Al-Shabaab; wuxuu soo abaabulay weerarro ka dhan ah ciidamada ammaanka ee deegaanka, wuxuuna qorsheeyay weerarro loo adeegsanayo gaadiidka qarxa.
  • Siyaad Ayuuto (Ayuuto): Taliyaha Hisbah ee Al-Shabaab ee Jubada Hoose; wuxuu horey u ahaa taliyaha Beer Xaani iyo amiirka howlgallada Kismaayo.
  • Xasan Yariisoow Aadan (Aadan): Taliye sare oo Al-Shabaab ah; wuxuu lacag ka qaadi jiray dadka deegaanka ee Shabeellaha Hoose si uu u maalgeliyo kooxda.
  • Siciid Cabdullaahi Aadan (Aadan): Khabiir Al-Shabaab u qaabilsan walxaha qarxa; sidoo kale wuxuu lacago qasab uga qaadi jiray shacabka deegaanka.
  • Maxamed Cabdullaahi Xirey (Xirey): Guddoomiyaha Al-Shabaab ee Jubada; wuxuu ka qayb qaadan jiray baahinta dacaayadaha kooxda.
  • Cabdi Roobow (Roobow): Taliye dhexe oo ka tirsan Al-Shabaab, kana hawlgala deegaanka Wayanta ee Jubada Hoose; wuxuu qorsheeyay weerarro isagoo la shaqeynayay Dheere.
  • Sheekh Aadan Abuukar Malayle (Malayle): Hoggaamiye Al-Shabaab ah; wuxuu mas’uul ka ahaa lacagaha khasabka ah ee Shabeellaha Hoose, oo loo adeegsan jiray hubka iyo sahayda kooxda.
  • Aadan Jiss (Jiss): Taliyaha Hisbah ee Al-Shabaab; wuxuu maamulayay xarun dadka lagu xiro oo hoos timaada maxkamadaha kooxda.
  • Cumar Guhaad: Taliye Al-Shabaab ee Shabeellaha Hoose; wuxuu amar ku bixiyay in beelaha deegaanka ay bixiyaan lacag badan oo ay kooxda ku taageeraan.

Dagaal culus oo ka dhacay Galgaduud kadib weerar ay Al-Shabaab ku qaadeen…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Haamcaduur, oo hoos taga magaalada Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeya kooxda Al-Shabaab iyo ciidamada deegaanka ee Baxdo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalku uu bilaabmay kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar dhowr jiho ah kusoo qaadeen Haamcaduur. Weerarkaasi ayaa sababay iska hor imaad xoogan oo dhex maray labada dhinac, iyadoo rasaas culus la is dhaafsaday.

Ciidamada deegaanka ee fadhigoodu yahay Baxdo ayaa si degdeg ah ugu gurmaday aagga lagu dagaalamay, iyagoo ujeedkoodu ahaa in ay ka hortagaan kooxda weerarka kusoo qaaday deegaanka, isla markaana ay sugaan ammaanka dadka deegaanka.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, balse wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in labada dhinacba ay khasaare kala kulmeen iska hor imaadka, inkastoo aan si rasmi ah loo caddeyn karin tirada dhimashada iyo dhaawaca.

Deegaanka Haamcaduur ayaa muhiim u ah ammaanka guud ee gobolka Galgaduud, maadaama uu ku yaallo meel istiraatiiji ah. Sidaa darteed, weerarro noocan oo kale ah ayaa marar badan lala beegsadaa si loo carqaladeeyo dadaallada amni ee ka socda gobolka.

Muddooyinkii u dambeeyay, ciidamada Milateriga Soomaaliya oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa waday howlgallo amni lagu xaqiijinayo, kuwaas oo ka socda deegaano dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud. Howlgalladan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo lagu xoojinayo amniga gobolka.

Dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ayaa wadajir ugu hawlan sidii loo xoojin lahaa nabadda iyo xasiloonida guud ee gobolka, iyadoo la tixraacayo khataraha joogtada ah ee kaga imanaya kooxaha argagixisada ee isku dayaya in ay carqaladeeyaan nolosha shacabka.

Mareykanka oo xiraya 36 safaarado iyo qunsuliyado oo caalamka ah + Sababta

Washington (Caasimada Online) – Maamulka Trump ayaa ka fakaraya inuu albaabada u laabo illaa 36 xarumood oo diblomaasiyadeed oo Mareykanku ku leeyahay caalamka oo dhan, taasoo qayb ka ah qorshe ballaaran oo lagu dhimayo ku dhawaad kala-bar miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda USAID, sida ay sheegeen saraakiil arrintan xog-ogaal u ah.

Yaraynta weyn ee joogitaanka diblomaasiyadeed ee Mareykanka ayaa lala kaashanayaa soo-jeedin lagu dhimayo miisaaniyadda guud ee labada hay’adood oo la gaarsiinayo $28.4 bilyan sanadka maaliyadeed ee 2026, taas oo si weyn uga yar $54.4 bilyan ee ansixinta loo sameeyay sanadka maaliyadeed ee 2025.

Xarumaha suuragalka ah in la xiro waxaa ka mid ah safaaradaha Mareykanka ee Koonfurta Afrika iyo gobolka Sahel, qunsuliyado ku yaalla Yurub, iyo safaarado dhowr ah oo ku yaal Oceania. Arrintan ayaa si toos ah uga dhalatay siyaasadda maamulka Trump ee ah in la dhimo kharashyada dowladda isla markaana dib loo qaabeeyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka.

Qorshaha miisaaniyadda ee sanadka 2026, oo lagu faahfaahiyay dokumenti ay heshay POLITICO, ayaa muujinaya in ku dhawaad 50% la dhimayo miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo USAID. Arrintan ayaa ka mid ah dhimista uu dalbaday Xafiiska Maamulka iyo Miisaaniyadda Aqalka Cad (OMB), iyadoo sidoo kale la qorsheynayo in gebi ahaanba la burburiyo USAID, barnaamijyadeedana lagu daro Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Marka laga soo tago xiritaanka suuragalka ah ee xarumaha diblomaasiyadeed, qorshahan ayaa sidoo kale qeexaya in gebi ahaan ama qayb weyn la baabi’iyo barnaamijyo badan oo muhiim u ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Barnaamijyadan waxaa kamid ah kuwa dhiirrigeliya dimuqraadiyadda, taageera is-weydaarsiga waxbarashada iyo dhaqanka, taageera hay’adaha caalamiga ah, dagaalka ka dhanka ah daroogada, iyo xal u helidda arrimaha caafimaadka ee caalamiga ah.

Barnaamijyada sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday waxaa kamid ah Sanduuqa Qaranka ee Dimoqraadiyadda (National Endowment for Democracy), Xarunta Bariga-Galbeedka (East-West Center), iyo Hay’adda Aasiya (Asia Foundation), kuwaas oo dhammaantood gebi ahaanba la joojin doono dhaqaalaha loo qoondeeyo. Sidoo kale, barnaamijka Caalamiga ah ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Dhaqan-gelinta Sharciga (International Narcotics Control & Law Enforcement), oo horey loo siin jiray lacag ka badan $1 bilyan ayaa gebi ahaanba la joojin doonaa.

Dokumentiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday barnaamij cusub oo loogu magac daray Sanduuqa Fursadaha Mareykanka Koowaad (America First Opportunities Fund), kaas oo loo qoondeeyay $2.1 bilyan, inkastoo aan dokumentigu faahfaahin ujeedkiisa.

Waxaa jira suurtagalnimo ah in Xoghayaha Arrimaha Dibedda Marco Rubio uu diido qaar ka mid ah dhimista la soo jeediyay, inkasta oo cadaadis xooggan kaga iman doono OMB.

Afhayeenada Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa ka gaabsaday inay jawaab degdeg ah ka bixiyaan arrintan markii lala xiriiray. Si kastaba ha ahaatee, Rachel Cauley oo ah afhayeenka OMB ayaa sheegtay in “aan wali la gaarin go’aammo kama dambeys ah oo ku saabsan maalgelinta.”

Wargeyska Washington Post ayaa horey uga warramay dokumenti sir ah oo qeexaya qaar ka mid ah dhimista la qorsheynayo.

Xitaa haddii soo-jeedimahan lagu daro qorshaha rasmi ah ee miisaaniyadda Madaxweyne Donald Trump ee sanadka maaliyadeed ee 2026, Kongareeska ayaa inta badan iska diida codsiyada Aqalka Cad, isagoo samaysta qorshayaashiisa gaarka ah ee kharash bixinta. Si kastaba ha ahaatee, qorshahan wuxuu muujinayaa sida maamulka Trump uu u doonayo inuu yareeyo xajmiga iyo kharashka dowladda. Horay ayaa loo arkay tallaabooyin lamid ah oo ay ka mid ahaayeen dhimis weyn oo lagu sameeyay kaalmada dibadda iyo burburinta wax-ku-oolka ah ee USAID, taasoo ay ka soo horjeesteen xubnaha Dimoqraadiga ee Kongareeska.

Dokumentiga ayaa sidoo kale muujinaya in maamulka Trump uu Kongareeska ka codsan doono inuu aqbalo ku dhawaad $20 bilyan oo lacag ah oo horey loo qoondeeyay balse aan la isticmaalin, taasoo dib loogu celinayo khasnadda dowladda. Dokumentigan ayaa ka duwan qorshaha kale oo OMB dhowaan soo bandhigi doono kaasoo ku saabsan dib u habaynta Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Waxaa sidoo kale qorshaha ku jira in in ka badan 50% laga dhimo kharashaadka barnaamijyada caafimaadka caalamiga ah, iyadoo guud ahaan la gaarsiinayo wax ka yar $5 bilyan. “Kaalmada horumarinta” ayaa gebi ahaanba la joojin doonaa, iyadoo horay u ahayd ku dhawaad $4 bilyan. Miisaaniyadda loogu talagalay socdaalka iyo qaxootiga ayaa kala-bar laga dhimayaa, waxaana la gaarsiin doonaa $1.5 bilyan oo keliya, taas oo loo isticmaali doono xaaladaha degdegga ah oo kaliya.

Waxa sidoo kale si weyn loo dhimayaa lacagta lagu bixiyo hay’adaha caalamiga ah, oo ay ku jiraan kuwa QM, iyadoo laga soo dhimi doono $1.5 bilyan, laguna koobi doono illaa $169 milyan oo keliya. Lacagaha loogu talagalay hawlgallada nabad ilaalinta caalamiga ah ayaa laga soo dhimi doonaa $1.2 bilyan ilaa eber.

Ilhaan oo shaacisay in aysan u tartami doonin Senate-ka

Minneapolis (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilhan Omar oo laga soo doorto gobolka Minnesota ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay markale u tartamayso kursigeeda Aqalka Wakiillada, taasoo meesha ka saaraysa saadaasha ahayd inay u hanqal taagayso kursiga Senate-ka ee bannaan doona sanadka 2026.

“Xilli ay xuquuqdeenna weerar wajahayaan, waa lama huraan in aan si adag uga hortagno fowdada, musuq-maasuqa, iyo arxandarrada maamulka Trump,” ayay Omar ku sheegtay wareysi ay siisay Idaacadda Minnesota Public Radio.

“Innaga oo ku sugan Minnesota, waxaan ognahay in dadka abaabulan ay mar walba ka adkaan doonaan lacagta abaabulan. Ololaheena wuxuu diyaar u yahay in uu sii xoojiyo dadaalladii abaabul ee hore si aan u gaarno ka-qaybgal doorasho oo rikoor ah oo aan dib ugu soo celinno aqlabiyadda,” ayay raacisay.

Doorashadii ugu dambeysay ee degmada 5-aad ayay si sahlan ugu guuleysatay, iyadoo 50 dhibcood kaga adkaatay weriye Republican ah oo asal ahaan kasoo jeeda Ciraaq, Dalia al-Aqidi.

Omar ayaa hore loogu tiri jiray dadka la hadal hayay inay beddeli karaan Sen. Tina Smith oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga, taasoo bishii hore ku dhawaaqday inaysan markale u tartami doonin xilka Senate-ka.

Isla markiiba, ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Minnesota, Peggy Flanagan, oo ah Dimoqraadi, ayaa shaacisay inay tartamayso, halka Omar iyo musharraxiin kale oo la filayay ay ka gaabsadeen in ay wax sheegaan.

Bishii Febraayo, Sen. Smith – oo markii hore xilka loogu magacaabay beddelkii Sen. Al Franken, kaasoo iscasilay kaddib eedo la xiriiray anshax xumo – ayaa sheegtay inay doonayso in ay waqti badan la qaadato qoyskeeda.

“Go’aankan mid siyaasadeysan ma ahan, waa mid shakhsi ah. Laakiin waan fahamsanahay in dalku maanta si ka badan sidii hore ugu baahan yahay hoggaan horusocod ah,” ayay tiri Smith.

Guddoomiyaha gobolka Minnesota, Tim Walz, ayaa sidoo kale sheegay in uusan tartami doonin, taasoo Peggy Flanagan ka dhigeysa musharraxa Dimoqraadiga ee ugu sumcadda dheer tartanka illaa iyo hadda.

“Waqtigan xaadirka ah, ma doonayo inaan saameyn ku yeesho tartanka,” ayuu yiri Walz bishii Febraayo. “Laakiin waan ogahay inaan leenahay dad karti leh oo diyaarsan,” ayuu raaciyay, isagoo tilmaamay in laga yaabo inuu u tartamo muddo-xileed saddexaad ee hogaaminta gobolka.

Haddii la doorto, Flanagan – oo ka tirsan qowmiyadda Ojibwe – waxay noqon doontaa senatorkii shanaad ee kasoo jeeda qowmiyadaha asaliga ah ee Mareykanka, iyo tii labaad ee xilka haya xilligan, iyadoo ay wehelinayso Senator-ka Jamhuuriga ah ee Oklahoma, Markwayne Mullin.

Dhinaca xisbiga Jamhuuriga, Adam Schwarze – oo horey uga tirsanaa ciidanka badda iyo ciiddanka gaarka ah ee Maraykanka – ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo kursiga, isagoo ku tilmaamay “howshiisa ugu muhiimsan ee noloshiisa.”

Sidoo kale, ciyaaryahankii hore ee Sacramento Kings, Royce White, ayaa isaguna shaaciyay inuu mar kale is sharaxayo. White ayaa hore ugu guuldarreystay doorashadii hordhaca ahayd ee Senet-ka xisbiga Jamhuuriga sanadkii 2024.

Tartankan lagu beddelayo Sen. Smith ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Senate-ka Minnesota ee kursi furan tan iyo 2006, markaasoo Gov. Mark Dayton uusan mar kale u tartamin, halkaasna ay Sen. Amy Klobuchar ku garaacday xildhibaan Mark Kennedy oo Jamhuuri ahaa, farqi dhan 19 dhibcood.

Sen. Al Franken ayaa si rasmi ah u taageeray musharraxnimada Flanagan.

US, Gulf countries sanction Al-Shabaab funding leaders

Mogadishu, Somalia – In a significant move to cripple the al-Shabaab terrorist group, an international coalition yesterday sanctioned 15 key individuals within its fundraising and operational networks in Somalia.

The Terrorist Financing Targeting Center (TFTC), a powerful alliance of seven nations, announced the joint designations, marking the eighth such coordinated action aimed at choking off the group’s resources.

The TFTC, established in May 2017, unites the United States with its Gulf Cooperation Council (GCC) partners: Bahrain, Kuwait, Oman, Qatar, Saudi Arabia, and the United Arab Emirates. This collaborative body focuses on disrupting terrorist financing through targeted sanctions, intelligence sharing, and capacity-building initiatives.

According to the press release issued from Riyadh, Saudi Arabia, the designated individuals were deeply involved in activities vital to al-Shabaab’s operations, including the coercive collection of funds and the proliferation of deadly Improvised Explosive Devices (IEDs).

“Al-Shabaab’s brutal campaign of terror against the Somali people, marked by the extortion of farmers and the kidnapping of civilians, continues to destabilize the wider region,” stated Anna Morris, Acting Assistant Secretary for Terrorist Financing at the U.S. Treasury.

“Today’s decisive action by the TFTC is intended to sever al-Shabaab’s access to the regional and international financial systems it relies upon to fund its violence, coordinate attacks, and sustain its operations.”

Morris underscored the effectiveness of international cooperation, noting that “TFTC member states are demonstrably stronger and more effective when working together to counter these shared threats to the global financial system. We remain steadfast in our commitment to maintain intensive pressure on terrorist actors and their financial networks.”

The 15 individuals targeted operate in the Lower Shabelle, Lower Juba, and Middle Juba regions of Somalia and hold key roles in al-Shabaab’s funding and operational structures. Their activities include:

  • Coercive Fundraising: Illegally collecting fees, extorting livestock as “donations,” and imposing charges on local commerce.
  • Intimidation and Control: Utilizing the Hisbah, al-Shabaab’s illegitimate “police force,” to enforce compliance and extract resources.
  • Kidnapping: Abducting civilians for ransom and other purposes.
  • IED Support: Facilitating the manufacture and deployment of Improvised Explosive Devices.
  • Operational Command: Planning and directing attacks against Somali and African Union security forces, including the use of VBIEDs and mortars.
  • Intelligence and Finance Management: Overseeing intelligence operations and the group’s financial affairs.
  • Propaganda Dissemination: Participating in efforts to promote al-Shabaab’s ideology.

The individuals designated by the TFTC are:

  • Hasaan Abshir Xuuroow (Xuuroow): Al-Shabaab intelligence and finance officer; led the collection of mandatory “donations,” including livestock, in Kismayo.
  • Aadan Yusuf Saciid Ibrahim (Ibrahim): Al-Shabaab mandatory donations collector in Lower Shabelle; enforced fee collection on livestock and market sales.
  • Mumin Dheere (Dheere): Deputy emir of Wayanta, Lower Juba; coordinated retaliatory attacks and planned VBIED and mortar attacks, including against Kismayo International Airport.
  • Macalin Burhan (Burhan): Al-Shabaab Hisbah commander of Wayanta, Lower Juba; known for imprisoning over 80 civilians.
  • Ali Ahmed Hussein (Hussein): Al-Shabaab emir in Lower Shabelle; demanded payments from clans and facilitated movement of fighters and weapons.
  • Maxamed Cali (Cali): Al-Shabaab company commander leading 100 fighters; reports to Dheere.
  • Ahmed Kabadhe (Kabadhe): Al-Shabaab emir in Jubaland; ordered attacks on local security forces and plotted VBIED attacks.
  • Siyaat Ayuto (Ayuto): Al-Shabaab Hisbah commander for Wiliyat, Lower Juba; former Hisbah commander of Beer Xaani and emir for Kismayo operations.
  • Hassan Yariisow Aadan (Aadan): Al-Shabaab commander; collected fees from locals in Lower Shabelle to support the group.
  • Siciid Abdullahi Aadan (Aadan): Al-Shabaab member; IED expert and facilitator; also extracted fees from the population.
  • Mohamed Abdullah Hirey (Hirey): Al-Shabaab Governor of the Juba Region; participated in pro-al-Shabaab propaganda.
  • Cabdi Roobow (Roobow): Mid-level al-Shabaab commander in charge of Wayanta, Lower Juba; planned attacks with Dheere.
  • Shiek Aadan Abuukar Malayle (Malayle): Al-Shabaab leader; oversaw fee collection in Lower Shabelle used to purchase weapons and supplies.
  • Aadan Jiss (Jiss): Al-Shabaab Hisbah commander; managed a detention center for the group’s “courts.”
  • Cumar Guhaad: Al-Shabaab commander in Lower Shabelle; ordered clans to pay large sums to support the group.