27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Ronaldo oo 1.5 milyan ugu deeqay caruurta Palestine.

Weeraryahanka kooxda Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa Koobtiisii dahabka aheyd ee abaal marinta loo siiyey markii uu ku guuleystay gool dhalinta Yurub 2011kii, inta uu iibiyey ugu deeqay caruurta ku dhibaateysan Gaza, ee dalka Palestine, sida laga soo xigtay RT.com.

Sida lasoo sheegayo, barnaamijka la yiraa Real Madrid Foundation ayaa caawimaad ku bixisay dhismaha 167 School oo ku kala yaala 66 dal oo kala duwan.

Real Madrid Foundation (FRM) ayaa dhowaan heshiis la gashay Memorandum of Understanding (MoU) kooxda Santiago Bernabeu ayaana heshiiskaas ugu talo gashay in laba School oo Sport-ga lagu barto ay ka furto dalka Pakistan.

Ronaldo ayaase deeqdaan uu bixiyey waxay tahay mid isaga u gaar ah waxayna gaareysaa 1.5 milyan oo euro. Wuxuuna ugu talo galay in lagu kaalmeeyo caruurta ku dhibaateysan Gaza.

Sanadkii lasoo dhaafay ayuu sidaan oo kale u iibiyey kobihiisii ugu qaalisanaa wuxuuna ku deeqay caruur dhibaateysan, Cristiano ayaa waayadii dambe saameyn ku lahaa xittaa Cubitaalada ay ku jiraan caruurta Kansarka qabta, wuxuuna dhowaan booqday Cusbital ay caruur cudurkas qabtaku jiraan mar uu xulkiisa kala qeyb qaadanaayey kulankii isreebreebka Koobka aduunka.

Ronaldo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa ee abid lagu kala iibsado kubada cagta markii ay Real Madrid 2009kii kula wareegtay aduun dhan 94 milyan oo euro. Wuxuuna sanadkii mushaar ahaan uga qaataa 12 milyan oo euro.

Maxaad ka dhihi laheyd caawinaadaan uu Ronaldo u sameeyey caruurta dhibaateysan ee Palestine?

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Messi: Pep Guardiola waa macalinka caalamka ugu fiican.

Lionel Messi ayaa sheegay in macalinka laga doondoonayo Premier League horyana usoo leyliyey Barcelona Pep Guardiola uu guul ku gaari karo meel walba oo uu tago.

Ninka sedaxda mar ee isku xigta ku guuleystay Laacibka caalamka ugu fiican ayaa rajeynaya inuu mar kale gacanta ku dhigo abaal marintaas, wuxuuna macalinkiisii hore u rajeeyey inuu guulo gaari doono.

“Guardiola wuu guuleysan doonaa meel walba oo uu tago. Caadiyan waa mid ka mid ah tababareyaasha caalamka ugu fiican,” ayuu yiri Lionel Messi.

“Aniga ahaan wuxuu ii yahay macalinka caalamka ugu wanaagsan wuu guuleysan doonaa midaas shaki iigama jiro. Wuxuu aadi doonaa meel walba oo uu rabo nasiib wacan ayaan u rajeynayaa.”

Messi ayaa ku dhow inuu jebiyo Rikoorka gool dhalinta Gerhard Müller ee halka sano wuxuuna dhaliyey xidiga Barcelona 80 gool laga soo bilaabo Janaayo sanadkii hore halka uu xidigii hore ee Bayern Munich horay u dhaliyey 85 gool, Lionel ayaana loo arkaa inuu fursad badan heysto oo uu ku jebiyo Rikoorkaas.

“Keliya waxaan arkay sawiradiisa isagoo ciyaaraya. Waxaad u arkeysaa inay yareyd fursad uu ku helo inuu gool dhaliyo.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Juan Mata oo soo dhoweeyey magacaabista Rafa Benitez.

Juan Mata ayaa Chelsea kusoo dhoweeyey tababaraha ay isku wadanka yihiin ee Rafa Benitez ka dib markii kooxda laga raacdeeyey Roberto De Matteo.

Blues ayaa Benitez u magacaawday tababareheeda ku meel gaarka ah shalay ka dib ceyritii RDM.

Mata, oo 24 jir ah ayaa si deg deg ah bogagiisa Twitter iyo Facebook ugu mahad celiyey ninkii reer Talyaani markii uu Chelsea ku hugaamiyey FA Cup iyo Champions League.

Laakiin wuxuu sheegay inuu Benitez yahay tababare khibrad leh kooxdana guulo ku hugaamin kara.

Mata ayaa yiri: “Benitez waa tababare weyn.

“Wuxuu leeyahay khibrad fara badan wuxuuna ku guuleystay koobab badan intii uu joogay Liverpool, waxaan filyaan inuu yahay macalin heer sare ah.

“Sidoo kale wuxuu garanayaa horyaalka Premier League.”

Tababaraha reer Spain ee lixda sano lasoo joogay Liverpool ayaa isna ka hadlay kooxda Stamford Bridge oo qandaraas waqti kooban ah siisay ka dib eryidii Roberto Di Matteo.

“Waxaan u maleynayaa waa koox sare kuwaas oo doonaya inay koobab u tartamaan. Waxaan ka fikiri doonaa hal kulan waxaan hada isku deyeynaa inaan guuleysano kulankeena soo aadan.”

52 jirkaan ayaa sidoo kale ka hadlay taageerayaasha Chelsea oo  markii ay magacawgiisa maqleen ku mudaharaaday, sheegayna inaysan u baahneyn.

“Taageerayaasha dhan waxay tababaraha ka doonayaan hal sheey, taasina waa guusha.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Aw-Libaax iyo Wafti la socda oo ka degay magaalada Kismaayo.

Wararka naga soo garaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada hoose ayaa waxaay tibaxayaan in manta magaaladaasi uu ka soo dagay Wafdi balaraan oo uu hogaaminayo gudomiyaha Maamul usameynta Gobolada Jubboyinka iyo Gedo  Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf.

Wafdigaan ayaa waxaay saaka ka dhoofeen magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya waxaayna ka kobnayeen 8 xubnood oo iskugu  jira Gudiga Farsamada iyo waliba saxiixeyaasha Qorshaha Nabad ee Jubbaland xubnaha aan magacyadooda helnay ee wafdigaan ku jira ayaa waxaa ka mid ah Muqtar Sahal  Muqtaar dheere iyo Cabdicasiis.

Wafdigaan ayaa waxa si heer sare ah  lagu soo dhaweyay Garoonka  Magaalada Kismaayo halkaas oo la arkayay  dadweyne Caleemo qoyaan ku soo dhaweynaya wafdigaan.
So dhaweynta wafdigaan waxaa qayb weyn ka qatay Maamulka kmg ah ee Magaalada Kismaayo iyo Guud ahaan  Shacabka Magaalada Kismaayo.
Xubnaha wafdigaan oo ah kuwa sida rasmiga ah  gacanta ugula jira Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo ayaa waxa lagu wada  in ay xaliyaan madmadow soo kala dhexgalay  beelaha dagan Gobolada Jubboyinka iyo Gedo oo ku saabsan kala aragti duwanan  ka jirta  dhismaha Maamulka iyo isku dheelitirka Ciidamada ka howlgala Magaalada Kismaayo.
Dhanka kale  Socdaal wafdigaan ay ku yimadeen  magaalada Kismaayo ayaa ah mid qadanayo mudo  waxaana xubnahaan hor yaala howl culus oo ay ugu horeyso .
Xalinta Khilafadka Jira
Casumida Ergoyinka shirka ka qayb galaya
Diyaarinta qorshaha uu shirka ku soconaayo
Furida Shirweynaha  Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo
qabashada Doorashada Madaxweynaha Jubbaland iyo  Arimo kale oo badan waxaana  arimahaasi oo dhan ay noqonayaan kuwa  howl badan ay ka so keeyso.
Ugu  danbeyn Shacabka Magaalada Kismaayo ee qaybta  ka qatay so dhaweynta Masuliyintaani ayaa waxaay rajo weyn ka mujiyeen  Dhismaha Maamul Goboleedka Jubbaland Staet  ee lagu wado in ay ku midobaan Gobolada Jubbada hoose Jubbada dhexe iyo Gedo.

Giorgio Chiellini oo shaki ku jiro inuu ciyaaro kulanka Milan.

Daafaca kooxda Juventus Giorgio Chiellini ayaa shaki ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka ay kooxdiisu sabtida wajaheyso kooxda Milan sababo la xiriira dhaawac.

Daafacaan halbowlaha dhexe ayaa si aan caadi aheyn u ciyaray kulankii ay talaadada kooxdiisa 3-0 ku garaacday Chelsea, laakiin wuxuu garoonka iski uga baxay ciyaarta oo sii idlaaneysa.

Chiellini ayaa waxaa soo gaaray dhaawac kubka ah, sida laga soo xigtay wargeyska Gazzetta dello Sport, dhaawacaas ayaa weli looga welwelayaa.

Ciyaaryahankii hore ee kooxda Fiorentina ayaa laga cabsi qabaa inuu seego kulanka San Siro.

28 jirkaan, ayaana xilli ciyaareedkaan bilowgiisii garoomada uga maqnaa dhaawac uu kasoo kabsanaayey, wuxuuna 11 kulan ciyaaray sanadkaan.

Tababaraha kooxda Juventus Antonio Conte ayaa booskaan u isticmali kara Martin Caceres, Lucio ama xittaa Luca Marrone hadii uu Chiellini garoomada ka maqnaado.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Rafa Benitez oo caawiyihiisa Chelsea ka dhigtay Zenden.

Rafa Benitez  ayaa caawiyhiisa u Chelsea u magacaabay ciyaaryahankii hore ee kooxda Boudewijn Zenden ka hor kulanka uu maanta la qaadanayo ciyaartoyda Blues.

Benitez ayaa kooxda looga dhigay tababare ku meel gaar ah ka dib markii xilka laga qaaday Roberto Di Matteo.

Wuxuuna keensaday ciyaaryahankii hore ee Chelsea Zenden, kaasoo sidoo kale macalinkaan kasoo hoos ciyaaray waqtigiisii Liverpool, wuxuuna noqon doona hada caawiyihiisa Stamford Bridge. Waana markiisii ugu horeysay ee uu xil tababarenimo ka shaqeynaayo tan iyo markii uu kubada cagta ka fariistay.

Zenden ayaa sedax sano ka ciyaarayey Stamford Bridge ka dib markii ay Barcelona  kala soo saxiixdeen 2001dii. Wuxuun ku biiray Middlesbrough laakiin wuxuu u saxiixay Liverpool, halkaas oo uu kaga soo hoos ciyaaray Benitez .

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Ciidanka DF oo la wareegay deegaano hoos taga Jowhar + Xaalka Jowhar.

Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay la wareegeen deegaan Istaraatiiji u ah Howlgalka ay kula wareegayaan magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelaha dhexe.

Wararka Gobolka Shabeelaha dhexe laga helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Huwanta ay la wareegeen iyadoo dagaal uusan dhicin deegaan lagu magacaabo Xawaadley oo Balcad iyo Jowhar u kala dhow.

Deegaanka ay la wareegeen Ciidamada huwanta ayaa waxaa uu ka dhigayaa in Jowhar ay ka weeraraan labo dhinac oo kala ah dhanka Wabiga oo Xawaadley laga galo iyo wadada sida tooska kaaga ridaysa isla Jowhar.

Qabsashada deegaanka Xawaadley waxaa noo xaqiijiyay dad kusugan deegaankaas oo sheegay inay arkeen Ciidamada oo horay ugu sii dhaafay Jowhar.

Saraakiisha Dowlada ayaa sheegay in qabsashada Xawaadley ay qayb ka tahay howlgalka ay ku wajahayaan Jowhar.

Maxaa maanta la isla dhex marayaa suuqa kala iibsiga?

Iyadoo uusan weli furmin suuqa kala iibsiga ciyaartoydu waxaa jira warar aan dhamaan maalin walba, kuwaas oo ah in koox walba ciyaaryahan lagu xanto inay soo iibsaneyso marka uu suuqu furmo.

Si kastaba, maalin kasta 1:30 PM Caasimada Online waxay idiin balan qaadeysa inay idiin soo gudbiso wararka xanta ah oo ay suuqa ka qoraan saxaafada England.

Marka la gaaro 1da bisha Janaayo hadii Allah idmo waxaa inoo bilaan doona wararkii ay wargeysyada Yurub ka qoreen Suuqa kala iibsig, laakiin inta ka horeysa waxaan idinka haqab tireynaa wararka xanta ah.

Aan ku bilowno.

Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay weeraryahankoodii hore ee Thierry Henry, oo 35 jir ah, kusoo qaataan waqti yar oo amaah ah balse waxay ku dhowdahay inay arinkaas ka biyo diido kooxdiisa New York Red Bulls (Daily Star).

Gunners ayaa sidoo kale xiiseyneysa inay lasoo saxiixato daafaca dambeedka bidix ee kooxda PSV Eindhoven Jetro Willems. Isagoo 18 jir ku ciyaaray koobkii qaramada Yurub ee 2012 wuxuu noqonayaa ciyaaryahanki abid ugu da’da yaraa ee ciyaara koobkas (Daily Express).

Ciyaaryahanka qadka dhexe ee dalka Belgium Marouane Fellaini, ayaa sheegay inuu sii joogayo kooxdiisa Everton hadii ay usoo baxaan Champions League (Daily Mirror).

Atletico Madrid ayaan dirin weli wax dalab ah oo ay kusoo dhaqaajineyso weeraryahanka 25 jirka ah ee Napoli Edinson Cavani, sida laga soo xigtay wakiilka ciyaaryahanka. Ninka reer Uruguay ayaa noqon kara bedelka ninka diirada u saaran Chelsea iyo Manchester City Radamel Falcao, oo 26 jir ah (skysports.com).

Manchester United ayaa diyaar u ah inay lasoo wareegto ciyaaryahanka 22 jirka ah Kevin Strootman – PSV ayaana horaan qorsheysay inuu ka tegaayo ninka lagu qiimeeyo 14 milyan oo ginni waxaa sidaas qoray wargeyska dalka Holland kasoo baxa ee (Soccernews.nl).

Manchester City ayaa isku diyarineysa inay 7 milyan oo ginni ku qarash gareyso 16 jirka qadka dhexe ee weerarka ka ciyaara Alen Halilovic, waana ciyaaryahanka ugu wanaagsan Asaagiisa, wuxuuna u ciyaaraa kooxda Croatian ka dhisan ee Dinamo Zagreb (Daily Mirror).

Liverpool iyo Arsenal ayaa dagaal ku dhex mari doonaa helitaanka 22 jirka weerarka uga ciyaara qaranka South Korean Heung-Min Son, kaasoo sheegay inuu ka tegaayo kooxdiisa Hamburg waxaa sidaas qoray wargeyska Jarmlka kasoo baxa ee (Sport1).

Goolhayaha kooxda Stoke City Asmir Begovic ayaa diirada u saaran tababaraha kooxda Liverpool Brendan Rodgers (The Sun).

Maareeyaha guud ee kooxda Schalke Horst Heldt ayaa gaashaanka ku dhuftay wararka weeraryahankooda Klaas-Jan Huntelaar la xiriirinaya inuu u dhaqaaqayo kooxda Arsenal (Goal.com).

Ma jeceshahay inaad maalin walba ogaato wararka xanta ah ee la isla dhex maraayo suuqa kala iibsiga, iyo hadal heynta saxaafada England ? hadii jawaabtaadu haa tahay maalin walba kala soco www.caasimada.net

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Mourinho: Kaalinta labaad ayaa ii sheegta inaan qaadayo UCL.

Jose Mourinho ayaa diiday in si aad ah looga hadlo inay Real Madrid kaalinta labaad uga soo baxdo wareega Group-ka ee Champions League, wuxuuna sheegay inuu rajo ka qabo inuu koobkaan ku guuleysto maadamaa uu laba jeer horay ugu soo guuleystay isago kusoo baxay kaalinta labaad waqtiyadiisii Porto iyo Inter Milan.

Madrid ayaa u diiday Manchester City fursad ay ugu soo baxdo 16ka ka dib markii ay Arbacadii barbaro la galeen, Borussia Dortmund ayaana kusoo baxday kaalinta koowaad ee Group-ka ka dib markii ay 4-1 ku cabtay Ajax.

“Laba mar oo aan ku dhameystay kaalinta labaad ee heer Group-ka, labadiiba waan ku guuleystay Champions League,” ayuu Jose u sheegay Sky Sports.

“Kaalinta labaad ayaan ku dhameystay inagoo ka dambeyna Real Madrid watigii aan hayey Porto, xiligii aan Inter la joogayna kaalinta labaad ayaan ku dhameystay anigoo ka dambeeya Barcelona labadaas marba waan ku guulestay.

“Xiliyada kale ee aan ku dhameysto kaalinta koowaad, weligeey kuma guuleysan Tartanka. Khibradeyda aan u leeyahay waxay I tusineysaa inaysan micno badan laheyn.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Mancini oo aan ka cabsi qabin in laga ceyriyo Man City.

Roberto Mancini ayaa sheegay inuusan ka cabsi qabin in shaqadiisa Manchester City laga raacdeeyo ka dib markii uu laba sano oo isku xigta ku fashilmay inuu kooxda usoo saaro Wareega 16ka Uefa Champions League.

Laakiin tababarihii kasoo hojeeday Jose Mourinho ayaa sheegay inuusan heysan laheyn nolol sii dheeraata oo koobka kooxaha Yurub ah sidaas darteed ay kooxdiisa Real Madrid noqotay aanfadii koobkanka suulisay Sky Blue.

City oo sanadkii labaad ee isku xigta koobkaan uga baxday wareega Group-ka ayuusan cabsi ka qabin in shaqadiisa laga raacdeeyo Mancini: “Maka kabsanaayo midaas. Qof walba oo halkaan joogaahi wuu ogyahay inay waxaani kubad cag yihiin.

“Xilli ciyaareedku wuu dheer yahay. Waxaad heysataa Europe League, FA Cup iyo Premier League.

“Hadii aan ku fikirno inaan Champions League ku guuleysan karno ka dib laba sano markaan waan waalanahay.

“Chelsea toban sano ayey isku deyeysay sanadahoodii ugu fiicnaa kuma aysan guuleysay. Waxaan u baahanahay dul qaad, waxaan u baahanahay inaan kor u qaadno kooxdeena.”

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Xubno ka tirsan Barlamanka Somalia oo booqanaya magaalada Gaza.

Masuuliyiin kamid ah Baarlamanka Soomaaliya  ayaa lagu wadaa in maanta ay gaaraan Gaza halkaas oo duqaynta arxandara ah ay Yahuudu ka gaysteen.

Xubno kamid ah jamaacada carabto oo Soomaaliya ay kamid tahay ayaa booqon doona Gaza si ay Falastiin ay ugu muujiyaan inay aad kaga xunyihiin dhibaatada soo gaartay.

Maxamad Cumar dalxa oo mudane ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka qaybgalaya booqashada waxaana isagoo jooga Qaahira uu waraysi siiyay Radio Muqdisho.

Dalxa ayaa sheegay in Gaza sababta ay u booqonayaan ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa heshiiska xabad joojinta ee ay gaareen Yahuuda iyo walaalaha Falastin ee lagu gardaroonayo.

Duqayn diyaaradaha Yahuuda ay ka gaysteen Gaza ayaa waxaa ku dhinrtay 160 qof dhaawaca kun qof ayuu gaaray.

Liverpool oo Janaayo dalab u direysa Leandro Damiao.

Liverpool ayaa lasoo werinayaa inay ka fikireyso inay Janaayo dalab u dirto weeraryahanka aadka loo qiimeeyo ee reer Brazil Leandro Damiao iyadoo uu tababare Brendan Rodgers doonayo inuu weerarka kooxda ka xoojiyo.

Macalinka Anfield ayaa lasoo jeedinaayey inuu doonayo weeraryahan caalami ah marka uu suuqu dib u furmo bisha Janaayo iyadoo kooxdu ay aragto in weerarkeedu ku dhisan yahay Luis Suarez, halka Fabio Borini uu isna dhaawac qabo.

Lucas Leiva oo u ciyaara Liverpool ayna xidigaan isku Koolej kasoo bexeen ayaa aaminsan inuu 23 jirkaani yahay weeraryahan ku haboon Reds.

“Wuxuu la qabsan lahaa Premier League si wanaagsan, waa ciyaryahan weerar dhexe ah oo xoogan kaasoo si fiican kubada u dhameystiri kara wuxuuna yaqaanaa sida loo ciyaaro afaafka goola,” ayuu yiri Lucas Leiva.

Damiao ayaa 74 gool ku dhaliyey 126 kulan waana weeraryahan inta badan ku wanaagsan kubadaha dhaadheer ee madax ah.

Tababre Brendan Rodgers ayaana rajo ka qaba inuu xidigaan bisha Janaayo usoo dhaqajiyo gegeda Anfield.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Kompany oo shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulanka Chelsea.

Kabtanka kooxda Manchester City Vincent Kompany ayaa shaki weyn ku jiraa inuu kooxda difaacaneysa Horyaalka Ingiriiska u safto kulanka ay booqanayaan kooxda Chelsea ciyaar Barclays Premier ah dhamaadka isbuucaan.

Daafacaan ayaa lasoo werinayaa inuu ka tegay Etihad Stadium ka dib markii uu dhaawac canqawga kasoo gaaray qeybtii labaa ciyaartii ay barbaraha City la dhaafi weysay Real Madrid kulankii Champions League-ga.

26 jirkaan ayaa sida laso sheegayo wuxuu dhaawac soo gaaray ciyaarta oo mareysa toban daqiioqo laakiin wuuxu ciyaaray ilaa ciyaartu kasoo dhamaaneysay.

Kompany received further treatment after the final whistle and was unable to conduct post-match interviews with the press.

Waxaana lasoo jeedinayaa in xidigaan shaki ku jiro inuu ciyaari karo kulanka ay booqanayaan Samford Bridge.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

 

Wariyaasha Soomaalida oo loo digay.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Soomaalya ayaa ugu digtay Warbaahinta Soomaaliyeed inaysan ka been abuuran dowlada hadii kalana ay xeri doonaan sharcigana ku qaadi doonaan.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka Sida ayaa kawarbixiyay Xarig maalintii shalay loo gaystay Wariyaha Bbc-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan oo lagu eedeeyay inuu ka been abuuray Xukunada ay fuliso maxkamada Qalabka Sida.

Wariyaha ayaa xalay ku hoyday Xabsiga dhexe waxaana Liibaan Cali Yaroow Gudoomiyaha Maxkamada uu sheegay in Wariyaha war kuturu kutay uu ka gudbiyay Maxkamada kadib markii uu soo xigtay Qof Balcad jooga oo Maxkamada wax u dhimayo sheeganaya in Cadaalad aan laysku xukumim lana siidaayo dadka Xukunada ku qoron.

Gudoomiyaha Maxkamada waxaa uu sheegay Ibraahin fursad ay u siiyeen inuu marqaati u keeno hadalkii uu u gudbiyay Bbc-da laakiin uu keeni waayay maalmo loo qabtay.

Wariyaha Bbc-da ayaa qirtay sida uu gudoomiyaha sheegayo inuu warkaas been ahaa laakiin Wariyaha waxaa uu ka soo horjeestay in Bbc-da uu ka beeniyo warkaas,waxaana uu sheegay in taas uu shaqadiisa ku waynayo xalayno uu ku hoyday Xabsiga.

dhanka kale Wariyaasha Soomaaliyeed ayuu kaga digay inay ka fogaadaan Cadaalada oo ay borobogando ay ku badalaan wanaaga ay Dowlada hayso sida uu hadalka u dhigay.

“Cid walba oo Dowlada waxaysan samayn ka faafiyo sharciga ayaa noo madal ah,Anaga waxaan dhowraynaa anshaxa Saxaafada taa mid lamid wariyaha ayaa laga doonayaa inuu sameeyo”Sidaas waxaa sheegay gudoomiyaha Maxkamada.

Man City, Real Marid iyo Man Utd oo isku heysta Modric yare.

Manchester City ayaa dooneysa inay Manchester United iyo Real Madrid ku garaacdo saxiixa ciyaaryahanka lagu niinaaso Modric yare ee qadka dhexe uga ciyaara kooxda Dinamo Zagreb Alen Halilovic.

Sedax wakiil oo ka socda City ayaa Croatia u safray dhamaadkii isbuucaan si ay wada xaajood ula furaan Zagreb oo ku aadan sidii ay 16 jirkaan ugu soo kaxeyn lahaayeen Horyaalka England.

Halilovic ayaa dhowaan loo ogolaaday inuu tababar la qaato Real Madrid, wargeyska Sportsmail ayaana ogaaday bishii lasoo dhaafay, inuu ciyaaryahankaani sidoo kale soo jiitay Manchester United iyo Barcelona.

City ayaa dooneysa inay soo afjarto tartanka iyagoo xidigaan ku doonaya 6 milyan oo ginni laakiin waxaa la rumeysan yahay inay Zagreb lacag intaas ka badan ku rabto  Halilovic oo ah ciyaaryahan mustaqbal ku leh kubda cagta.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Real Madrid oo dooneysa inay soo ceshato David Beckham.

Real Madrid ayey macquul tahay in si aan la maleysaneyn ay David Beckham dib ugu celiso Spain, sida uu qoray wargeyska Daily Mail.

Fikradaan ayaa ka timid sida la sheegyo madaxweynaha kooxdaas Florentino Perez kaasoo og baahida ay kooxdiisu u qabto Beckham.

Beckham ayaa dhamaadka sanadka isaga tegaaya kooxda mareykanka ka dhisan ee LA Galaxy, ciyaaryahankii hore ee Manchester United ayaana doonaya inuu hal horyaal oo kale ka ciyaaro inta uusan xirfadiisa soo afjarin.

Laakiin waxaa lasoo sheegayaa in Real ay dooneyso inuu kobihiisa ku siibo caasimada Spain.

Waxaa xidigaan ku dagaalamaya kooxo ay ka mid yihiin Paris St Germain, Flamengo, Corinthians, halka ay sidoo kale jiraan kooxo kale oo ka daneynaya China, Australia iyo Bariga dhexe.

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

Masuuliyiin sare oo Kenyan ah oo loo xirayo rabshadihii Gaarisa iyo Islii.

Dowlada Kenya ayaa ku hanjabtay in Masuuliyiin Sar sare oo Dowladooda ka tirsan inay xilkooda ku wayn doonaan rabshadahii ka dhacy Magaalada Gaarisa iyo Waliba kii ka dhacay Xaafaada Islii.

Gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka dalka Kenya Faarax Macalin oo la hadlay Warbaahinta soomaalida gaar ahaan kuwa Muqdisho ayaa sheegay in layskula xisaabtami doono dhibaatadii soomaalida ku gaartay Gaarisa iyo Islii.

Faarax Macalin ayaa carabaabay inay baarayaan Cida kulug leh rabshadaha ka dhacay Kenya hadii uu Masuul Dowlada Katirsan uu noqdana waxaa lagu qaadayaa ayuu yiri Sharciga u dagan Dowlada.

Warar ayaa sheegayay in Masuuliyiin Kenya ah arimo Siyaasad ah ay ku beegsadeen dadka Shacabka ah laakiin Faarax Macalin ayaa ku nuux nuuxsaday in dalka uu sharci kajiro kaas oo qabanaya Madaxwayne ilaa Wasiir.

Waxaa uu sheegay in gudi ay u sareen baaritaanka Waxyabaha ka dhacay Gaarisa iyo Islii oo dadka Soomaalida boob iyo Kufsi loogu gaystay.

Benitez oo loo magacaabay Tababaraha Chelsea.

Rafael Benitez ayaa la xaqiijiyey inuu noqonaayo tababaraha cusub ee kooxda Chelsea, ka dib markii ay kooxdu iska ceyrisay tababareheedii Roberto Di Matteo markii ay guul darro 3-0 ah kasoo gaartay kooxda Juventus ciyaar ka tirsan Champions League.

52 jirkaan ayaa si ku meel gaar ahaan ah inta xilli ciyaareedkaan ka dhiman u qabanaaya kooxda difaacaneysa koobka kooxaha Yurub ka dib markii uu ku dhowaad laba sano shaqada tababarenimo ka maqnaa markii laga raacdeeyey Inter Milan.

Warbixin lagu qoray Website-ka ramiga ah ee Chelsea ayaa oraneysa: “Milkiilaha iyo gudiga kooxdu waxay aaminsan yihiin in Benitez uu noo noqonaayo macalin qibrad leh tan ugu sareysa kubada cagta, kaasoo naga caaqin kara ujeedkeena.

“52 jirkaan reer Spain ayaa la kulmay Gudiga iyo Milkiilha ciyaartoydana wuxuu ugu tegay xerada tababarka Cobham galabnimadii Khamiista.”

Benitez ayaa markiisii labaad kusoo laaban doona koox Horyaalka Premier Leaguea ah ka dib markii uu lix sano guulo ku hugaamiyey Liverpool intii u dhexeysay 2004 ilaa 2010kii.

Macalinka reer Spain Benitez ayaa noqonaaya macalinkii sagaalaad ee Blues qabta inta uu hugaamiyo Roman Abramovich.

Hadaba Su’aashu waxay tahay sideed tababare ka dib yaa noqon doona tababaraha ay ceshato Chelsea.?

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: [email protected]

Caasimada – Mogadishu.

L’Express:- Mareykanka oo afduubay Computer-ada Madaxtooyada France.

Wargeys kasoo baxa France ayaa ku eedeeyay Dowladda Mareykanka inay afduubatay (Hack) Computer-da xafiiska madaxweynihii hore ee dalkaas Nicolas Sarkozy, toddobaadydii ugu dambeeyay madaxtinimadiisa.

L’Express ayaa sheegay in hay’ad qaabilsan dagaalka internet-ka oo shaqadeedu ay tahay inay ka hor tagto afduubka Computer-ada ay heshay virus lagu shubay computer-ada xarunta madaxtooyada Elysee Palace.

Madaxtooyada ayaa markaa kadib xaqiijisay in weerar lagu soo qaaday computer-ada.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Paris ayaa si xoogan u beenisay in Dowladda Mareykanka ay ku lug lahayd weerar dhinaca Internet-ka ah oo lagu qaaday Dowladda Faransiiska.

Xoghayaha Ammaanka gudaha Mareykanka Janet Napolitano ayaan xaqiijin weerarka ama beenin, waxaana ay u sheegtay wargeyska L’Express kaliya in Mareykanka uusan lahayn saaxiib ka weyn kana muhiimsan France.

Virus-ka ay ka hor tageen mas’uuliyiinta France ayaa lagu magacaabaa Flame.

$500 oo Milyan waa lagu waayay UCL (Man City oo guriga loo diray)

Xittaa haddii ay qarash gareeyeen in ka badan 500 oo Milyan oo dollar, tan iyo markii tujaarta carbeed ay iibsadeen, Manchester City waa ay soo dhaafi la’dahay wejiga koowaad ee koobka Horyaalada Yurub.

City ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah waxaa lagu soo reebay wareega group-yada, kadib markii ay bar bar dhac la dhaafi weyday Real Madrid, cayaar ka dhacday garoonka Etihad ee magaalada Manchester.

Kooxda tababare Mancini ayaa u baahneyd guul, si ay rajadeeda usoo bixid ee wareega 16-ka biyo dhuunta ugu qabato, hase yeeshee gool uu aroor hore saxiixay Karim Benzema ayaa gadaal mariyay.

Real ayaa halis gelisay City, ayada oo xiddigii hore ee Manchester United Cristiano Ronaldo oo colaad lagu soo dhoweeyay uu fursad wanaagsan lumiyay. Sidoo kale Sami Khadira ayaa 3 fursad khasiray.

Xeeladda tabbare Mancini uu ku cayaaray saddex daafac, ayaa waxaa war ka keenay weerarka Real, hase yeeshee markii dambe City ayaa saldhigatay oo cayaarta maamulkeeda la wareegtay.

Daqiiqadii 73-aad ayaa gool ku laad waxaa u saxiixay Sergio Aguero, kadib markii Alvaro Arbeloa calaamad guduudan lagu saaray.

Taa beddelkeedana, si xeeladeysan u adeegatooy iyo lacag badan ma bixisooy Arsenal ayaa u gudbtay wareega 16, kadib markii ay garaacday Montpelier, islamarkaana ay caawimaad ka heshay Schalke oo tuntay Olympiakos.

Natiijooyinkii kalena waxa ay ahaayeen sidan;-

Champions League – Group ANovember 21

FT

DynamoKiev

0 – 2

ParisSaint Germain

FT

FC Porto

3 – 0

Dinamo Zagreb

Champions League – Group BNovember 21

FT

Arsenal

2 – 0

Montpellier

FT

Schalke 04

1 – 0

Olympiakos

Champions League – Group CNovember 21

FT

Zenit Petersburg

2 – 2

Malaga

FT

Anderlecht

1 – 3

AC Milan

Champions League – Group DNovember 21

FT

Ajax

1 – 4

Borussia Dortmund

FT

ManchesterCity

1 – 1

RealMadrid

W/D: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online
www.facebook.com/alxmed