26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Wax ka ogow shanta dhinac ee safarkii Sheekh Shariif iyo FARMAAJO ee Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Labadii cisho ee lasoo dhaafay waxaa magaalada Garoowe joogay labadii madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxay la kulmeen hoggaanka maamulka Puntland, kadibna waxay soo saareen war-murtiyeed ka hooseeyay shirarkii jaraa’id ee ay gaar gaarka ugu qabteen magaalada Muqdisho intii aanay aadin magaalada Garoowe.

Socdaalkoodii Garoowe iyo farriintii ay wada-jirka usoo saareen Farmaajo iyo Shariif ayaa dhowr jiho ka eegayna xilli ay Puntland diiday inay war-saxaafadeedka qeyb ka noqoto.

1. Xiisadda iyo buuqa dastuurka

Socdaalka labada nin ee Garoowe wuxuu xoogga kor u qaaday baraaruga dhanka diidmada dastuurka. Soomaali ahaan iyo beesha caalamkaba inay wax ka beddelka dastuurka qalad uga dhex jeedaan laba madaxweyne oo hore waxay mowduuca u yeeshay muuqaal intii hore ka weyn.

Laakiin haddii aad is-weydiinayso buuqan iyo socdaalkan ma lagu joojin karaa Xasan Sheekh, jawaabtu waa uma badna.

2. Puntland oo aan deg deg ku jirin

Labadaa madaxweyne ee hore waxaa la sheegay inay Saciid Deni aad ugu cadaadiyeen inay u tagaan, balse uu isagu xooga cago jiid ah qabay.

Habkii soo dhaweynta, nooca farriinta iyo Puntland oo ka baaqsatay inay warkeeda ku darsatay waxay muujinayaan in uusan maamulka deg deg qabin ama go’aansaday inuu gaar u ugaarsado oo rag dano leh aanay isticmaalin.

3. Deni oo diiday in markale lagu dhex tahriibo

Sida iska cad Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu musharax u yahay Villa Somalia 2026, sidoo kale labada nin ee martida u ahaa iyaguna waa musharaxiin.

Waxaana gaab-gaabsiga Saciid Deni laga dareemay in uusan rabin in markale xooggiisa ay qolo kale ku macaashto. Mowduucii ahaa hebel ha baxo ciddii rabtana ha qaadato kursiga wuxuu u muuqda mid uu Deni ka gudbay iyo inuu hadda qaab kale u qaraabanayo isaga oo cid kale u rarneyn.

4. Lumintii doorka odeytinimada

Shariif iyo Farmaajo waxay markii hore fursad siyaasadeed ka dhex raadinayeen waan-waanta Xasan Sheekh iyo Saciid Deni, laakiin farriintoodii u dambeysay ayaa taas soo afjartay, iyada oo ay jiraan warar sheegaya inay wada-hadallo gaar ah u socdaan Xassan Sheekh iyo Saciid Deni, haddana labadii madaxweyne ee hore waa ugu dhamaatay qeybta odeyaynta siyaasadda, waana inay hadda inta ka dhiman waqtiga toos ugu bareeraan dagaalka Xasan Sheekh.

5. Qabashada gogol siyaasadeed oo loo dhameyn

Farmaajo iyo Shariif waxay soo jeediyeen shirweyne qaran, laakiin dowladdii xukunka haysatay wey kala dhinteen oo shir uguma yeeri karaan, markii horena sharciyadaas maba laheyn. Mucaaradkana qaar waa diidan yihiin labada nin, taasina waxay ka dhigan tahay in shir aan dowladda dhexe joogin, maamul goboleedyada badi rabin, mucaraadka ku kala qeybsan yahay in uusan qabsoomi doonin, ama haddii uu qabsoomo in uusan macno badan yeelan doonin.

Maxkamadda ciidamada oo shaacisay xukunka Taakeeye

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye) oo lagu soo eedeeyey aas-aasida xisbi uu ugu magacdaray Talo-kunool, oo xambaarsan fikrad xagjir ah ayaa maanta la xukumay.

Ninkan oo loo soo xiray faafinta fikradaha gurracan ee lidka ku ah Diinta, dalka iyo dowladnimmada iyo sidoo kale taageeridda ficilada foosha xun ee argagixisada, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya 28-kii September 2023.

Taakeeye ayaa waxa uu baraha bulshada ku gudbin jiray fikirkiisa gurracan ee gaaleysiinta ah, isaggoo ku tashkiilin jiray caamada in ay soo raacaan xisbigiisa Talo-kunool.

Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa isna kaga biiray kooxda Taakeeye qaab online ah, isaggoo Whatsapp-ka ku faafiyey fariimo lid ku ah dowladnimmada iyo inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, isna waxaa la qabtay 28-kii bishii September 2023.

Maxamed Cabdulqaadir Cali Nuur (Sandheere) ayaa isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay online ka, Waxa uu isku dayey in uu marin habaabiyo laamaha amniga isaga oo sheegtay in uu yahay isa-soo dhiibe Shabaab ah, waxaana la xiray 20-kii bishii December 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday 14-kii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray saddexda eedeysane, Sufyaan Taakeeye waxaana lagu xukumay 2 sano oo il ku hayn ah, halka ex-Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle isna laga saaray ka mid ahaanshiyaha ciidanka xoogga.

Sidoo kale maxkamadda waxa ay sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere), sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamadda qalabka sida.

Kadib weerarkii Moscow, Ruushka oo qaba tuhun xooggan oo la xiriira…

Moscow (Caasimada Online) – Aqalka looga arrimiyo Ruushka ee Kremlinka ayaa sheegay inuusan jawaab ka bixineyn sheegashada kooxda Daacish ee ah inay ka dambeysay weerarkii dadka badan lagu laayey ee lagu qaaday hool ku yaalla Moscow.

Ugu yaraan 137 qof ayaa la dilay kadib markii rag hubeysan oo xiran dharka militariga ay gudaha u galeen hoolka Crocus City, iyagoo toogtay dad daawanayay bandhig faneedka, ka hor inta aysan gubin dhismaha.

Daacish ayaa dhowr jeer tan iyo Jimcihii sheegatay in ay weerarka fuliyeen, waxaana warbaahinta xiriirka la leh Daacish ay baahiyeen muuqaallo ay ka duubeen raggii hubeysnaa oo gudaha goobta ku tooganaya dad daawanayay bandhig faneedka.

Hase yeeshee, madaxweyne Vladimir Putin ayaa tilmaamay in weerarka uu xiriir kala dhaxeyn karo Ukrane, isaga oo sheegay in afarta eedeysane la xiray xilli ay ku wajahnaayeen dalkaas.

Kremlin-ka ayaa sheegay in baaritaanka weerarka uu weli socdo. “Baaritaanku wuu socdaa. Ma jiro weli wax la isku raacsan yahay.

Waxaan ka hadlaynaa oo kaliya xog horudhac ah,” waxaa sidaas weriyayaasha u sheegay afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov.

Peskov ayaa intaas ku daray in madaxweyne Vladimir Putin uusan qorsheyneyn inuu booqdo goobta weerarka uu ka dhacay.

Ruushka ayaa amray in afarta qof ee ku eedeysan weerarka xabsiga loogu sii hayo “argagixisanimo.”

Weerarka oo illaa hadda la xaqiijiyey inay ku dhinteen 137 qof, ayaa la filayaa in dhimashada ay intaas kasii badato, ayada oo in ka badan 100 qof ay weli isbitaalka ku jiraan.

Ragga loo qabtay weerarka ayaa wajahaya xabsi daa’in, inkasta oo saraakiisha Ruushka ay dalbadeen in la qaado hakinta lagu sameeyey dilka toogaso, si xukun adag loogu rido.

Hoolka weerarka lagu qaaday ee Crocus City Hall ayaa waxaa ku sugnaa 5,000 oo qof, sida ay ku warrantay warbaahinta Ruushka oo soo xiganeysa afhayeenka milkiilaha hoolka.

Wuxuu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa ee lagu qaado Ruushka muddo ka badan 20 sano, iyo kii ugu dhimashada badnaa Yurub ee ay sheegato kooxda Daacish.

Ruushka ayaa Sabtidii sheegay inay xireen 11 qof oo lala xiriirinayo weerarka. Weli wax xog ah lagama hayo toddobada kale.

Afarta qof ee illaa hadda la shaaciyey ayaa dhammaantood ah muwadiniin u dhashay dalka Tajikistan, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka.

Sawirro: Soomaaliya iyo QM oo gaaray isfaham muhiim ah kadib kulan ka dhacay Xalane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Catriona Laing.

Kulankaan oo ka dhacay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid miro-dhal ah oo looga wada-hadlay arrimaha horumarinta maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulanka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu soo qaaday guushii dowladda Soomaaliyaha ee nnaanka deyn cafinta oo muddo dheer kadib soo gaba-gaboobay daba-yaaqadda sanadkii tegay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo soo saaray qoraal kooban bartiisa X (ex-Twitter) ayaa waxa uu ku sheegay in ay isla meel dhigeen Wakiilka UN-ka ahmiyadda ay leedahay in ay ka wada-shaqeeyaan horumarinta iyo kobcinta dakhliga gudaha ee dowladda Soomaaliya.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona ayaa dhankeeda sheegtay in Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu diyaar u yahay xoojinta wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay hoosta ka xariiqday sida ay Qaramada Midoobay dadaal ugu bixinayso kor u qaadista taageeridda qorshayaasha dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay horumarka ka sameeynaysay dib-u-habaynta dhaqaalaha, koboca dakhliga gudaha, ayada oo dowladda Xasan Sheekh ay ballan-qaaday xoojinta la-dagaallanka musuqa iyo ka miraa-dhalinta hiigsiga “isku filnaansho dhaqaale”.

Daawo: War cusub oo kasoo kordhay kiiska Luul C/casiis

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Banaadir, Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) oo xalay ka qayb-galay afu wadareed lagu sameeyay degmada Dharkenley ayaa war cusub kasoo saaray kiiska xasaasiga ah ee Luul Cabdicasiis.

Macallin Mahdi oo kulanka afurka ah ka jeediyay khudbad ayaa soo hadal qaaday kiiska marxuumadda, waxaana goobta ku sugnaa aabaheed iyo carruurteeda.

Taliyaha ayaa sheegay inay is wareysteen aabe Cabdicasiis, uuna u sheegay in maanta ay uga duwan tahay kulankoodii hore oo ay is arkayeen, maadaama la xukumay Sayid Cali.

“Waxaa dadka halkan jooga ee reer Dharkenley ee xafladdan kasoo qayb-galay Luul Cabdicasiis Aabaheed iyo carruurteeda sharaf ayay noo tahay inaan maanta aragno maalintii ugu dambeysay sida ay ahaayeen si ka duwan ah runtii” ayuu yiri taliyuhu.

Sidoo kale wyuxuu intaasi ku daray in laamaha amniga iyo maamulka gobolka oo is kaashanayo ay ka dhabeeyeen ballan qaadkoodii ahaa in lasoo qabanayo Sayid Cali.

“Aniga, guddoomiyaha iyo saraakiisha kale dhammaan waxaan u ballan qaadnay in ninkaa lasoo qaban doono meesha uu tagaba, waana lasoo qabtay” ayuu sii raaciyay.

Generaal Mahdi oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in qoyska uu mar kale dalbadeen in marka la tooganayo xukunsanaha oo hadda racfaan qaatay in la tuso marka tiirka la geynayo, si ay u hubiyaan inuu isaga yahay iyo in kale.

“Waxa ay yiraahdeen waxaa sugeynaa hadda in tiirka la geeyo, maalinta la gaynaayana in Sayid Cali uu yahay inuu qof kale yahay inaan iska hubino ayaan rabnaa, marka waa ilaahey mahadiis” ayuu mar kale yiri taliyaha qaybta Booliska ee Gobolka Banaadir.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan la aasay marxuumad Luul Cabdicasiis oo mudd bil ah ku jirtay firinjeer, kadib markii la xukumay seygeeda oo ku lagu helay gubideeda.

Sawirro: Dibadbax weyn oo ka dhacay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay dibad-bax ballaaran oo lagu taageerayay qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ah ee dalka, kaas oo haatan maraya marxaladii u dambaysay ee ansixinta.

Dibad-baxan waxaa soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana ka qayb-galay shacab isaga kala yimid degmooyinka gobolka iyo mas’uul kala duwan.

Mas’uuliyiinta goobta tegay waxaa kamid ah madaxda maamulka gobolka, xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda dhexe oo hadallo ka jeediyay halkaasi.

Duqa Muqdisho Yuusuf Madaale ayaa khudbad uu ka jeediyay dibada-baxan oo si gaar ah uga qabsoomay Taalada Daljirka Daahsoon ayaa sheegay in dhameystirka dastuurka uu muhiim u yahay guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, ayna wakiil uga yihiin xildhibaanada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ansixinta dastuurka ay ka dhigan tahay in shacabka ay heli doonaan xuquuqdooda, gaar ahaan gobolka Banaadir.

“Soomaaliya waxaa dastuurka wakiil uga ah labada Aqal ee baarlamaanka, go’aanka iyaga ayaa iska leh, xubnaha diidan shaqada socota aragtidooda ha geeyaan kulamada Baarlamaanka.” ayuu khudbadiisa yiri guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa isna ugu baaqay shacabka Muqdisho inay garab istaan dowlada Soomaaliya, si uu u dhaqan galo qorshaheeda ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah.

Dhankiisa wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo kamid ah wasiirada ka qayb-galay dibad-baxa ayaa weerar afka ah ku qaaday xubnaha mucaaradka ee diidan wax ka beddelka dastuurka, isaga oo ku eedeeyay inay hortaana yihiin xuquuqda shacabka iyo dalka horumarkiisa.

“Qof kasta ha ogaado, dadka diidan dhameystirka dastuurka waxay hortaagan yihiin xuquuqdiina, waa in laga gudbo looma dhama iyo marin habaabinta kooxaha diidan in dalkaan dowladnimo ka hana qaado.” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.

Isku soo baxan ayaa kusoo aaday, xilli haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay dhameystirka dastuurka oo ay isku hayaan madaxweyne Xasan iyo xubnaha mucaaradka.

Daawo: Dekedda Muqdisho oo lagu qabtay konteenar ay ku jiraan alaab halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dekedda wayn ee magaalada Muqdisho ayaa mar kale lagu qabtay kunteenar uu ku jiray maandooriye halis ku ah dhalinyarada Soomaaliyeed, kaas oo la doonayay in la geeyo suuqyada dalka, si loo iib geeyo.

Maandooriyahan oo la qabtay 23-kii bishan ayaa maanta Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed waxa ay kusoo bandhigtay dekedda wayn ee Xamar, kadib markii uu soo galay ganacteeda.

Sarkaal u hadlay maamulka hay’adda ayaa xaqiijiyay inay la wareegaan maandooriyahan oo uu noociisu yahay Taabuu, kaas oo halis ku ah caafimaadka qofka.

“Warqad kasoo baxday xafiiska maareeyaha Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed ujeedadnuna ay tahay wareejin maandooriye, ayada oo laga duulayo sharciga lambar 27 ee jaangoynta iyo taya-dhowrka Soomaaliyeed qodobkiisa 4-aad, farqaddiisa 2-aad iyo qodobka 9-aad, farqaddiisa 1-aad ee xeer nidaamiyaha baaritaanka iyo xaqiijinta badeecadaha” ayuu yiri sarkaalka u hadlay Hay’adda Tayadhowrka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Haddaba Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed 23-kii bishan, 2024-ka dekedda Muqdisho ku qabatay maandooriye noociisu yahay Taabuu oo qatar ku ah caafimaadka qofka” .

Hay’adda waxa ay sheegtay in haatan maandooriyaha lagu wareejiyay ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana uu mari doono sharciga.

“Maandooriyaha waxaa lagu wareejiyay saldhigga booliska ee dekedda Xamar, gacanta booliska ayuu ku jiraa sharciga ayuuna mari doonaa” ayaa lagu soo gabagabeeyay.

Hay’adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed ayaa horay uga digtay in dalka lasoo geliyo badeeco halis ah, waxayna si gaar ah digniintaas ugu dirtay guud ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Todobaadkii hore ayaa sidan oo kale dekedda Muqdisho loogu qabtay 7 konteenar oo siday bur dhacay, sida ay sheegtay hay’adda Taya-dhowrka dalka.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in burkan ay ganacsato Soomaaliyeed kasoo iibsadeen dalka Turkiga, isla markaana ay doonayeen inay soo galiyaan suuqyada, si loo sii iibiyo.

Kadib geeridii Taliye Golcad wasiirka difaaca oo qoraal laga yaabay soo saaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa qoraalka dadka ka yaabshay bartiisa Facebook soo dhigay, saacado kadib markii la dilay sarkaal sare oo xoogga dalka ka tirsanaa iyo ciidankii uu watay, qaar kalane ilaa hada nolal iyo geeri lagu la’yahay.

Qoraalka Wasiirka ayaa u muuqday mid uu ku difaacayo Xukuumadda uu katirsan, kuna mashquulay arrimaha siyaasadda, halkii uu xoogga saari lahaa shaqadii loo xilsaaray ee wasaaradda gaashaandhigga oo kaalinteedii ku fashilan.

Sarkaalkii labaad ee ugu sareeyey ciidanka xasilinta caasimadda iyo askar badan ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Busley ee gobolka Shabeellada Hoose, waxayna dadku aad ula yaabeen warkii uu soo qoray Wasiir Jaamac, xilli tacsida sarkaalkaas ay buux dhaafisay baraha bulshada.

Wasiirka ayaa qoraalka dadka ka yaabiyay ku yiri “Nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin horaa loo yiri, hadda aber miyaa?” Hadii aragtidooda ka dhiibtay qoraalkaan waxay wasiirka u sheegeen nin aan wax arxan ah u heyn ciidamada qaranka ee loo dhiibay.

Qoraalkaan waxaa la qiyaasay in wasiir Jaamac oo ku cabitaayey dareenkiisa dooda ka taagan dhameystirka dastuur, balse waxaa u taalla shaqo ka baaxad weyn tan dastuur oo dowladdu u xil-saaratay, laakiin dayacaad weyn ay ka muuqato.

Xaaladda siyaasadda Soomaaliya ayaa kasii dareysa maalmihii dambe, waxaana hadalo kulul warbaahinta isu marinaya madaxda dowladda iyo madaxdii hore ee dalka, waxayna dhamaan doodahaan iyo khilaafaadka jira ka dhasheen wax ka bedalka Dastuurka oo doodiisa ay ka socoto baarlamaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa saraakiil badan ku weysay dagaalka labada sano ka socda dalka, lix sarkaal oo muhiim ah oo Liibaan Golcad oo Sabtidii la dilay uu ugu dambeeyey ayaa lagu dilay weerarro isku nooc ah oo Shabaab ay ku soo qaadeen ciidamada qaranka.

Habac weyn ayaa heysta wasaaradda gaashaandhigga, wasiirka iyo taliyaha xoogga ayaa isku dhacay, taasina waxay qalqal gelisay jiritaanka ciidanka xoogga dalka, maadaama ciidamada qaar dagaalo qaraar ay la kulmeen, halka ciidamada qaar ay waayeen mushaarkoodii.

DF oo maanta xabsiga kasii deysay ajaaniibtii u badnayd

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xabsi ku yaalla Muqdisho kasii deysay ajaaniib u dhalatay dalka Iran oo kalluumeysato ah, kuwaas oo ay horay u xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir.

Kalluumeysatadan oo gaareysa illaa 33 ayaa waxaa horay u xukuntay maxkamadda gobolka Banaadir oo ku heshay inay si sharci darro ah kusoo galeen xeebaha Soomaaliya.

Sida uu xaqiijiyay safiirka Iran ee Kenya, Ali Gholampour kalluumeysatadan ayaa haatan dib ugu laabanaya dalkooda, maadaama dib loogu celiyay xoriyadooda.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Soomaaliya ay shaaciyeen in ay diyaar u yihiin in loo gudbo hannaanka dib u soo nooleynta xiriirka labada dal oo go’ay dhowr sano ka hor.

Ajaanibtaan ayaa waxaa horay looga soo qabtay xeebta degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Maxkamadda gobolka waxay horay ugu xukuntay ganaax lacageed oo dhan midkiiba 297 milyan oo Shilin Soomaali ah, una dhiganta 11 kun oo dollar, taas oo wadartooda ay noqoneyso $396 kun.

Sidoo kale waxaa lagu ridday $30 kun oo magdhow ah, taas oo ah kalluunkii ay ka qaateen xeebaha Soomaaliya, isla-markaana la geeyay dalka Cumaan, 29-11-2022-kii.

Si kastaba, xeebaha Soomaaliya ayaa waxaaa sanado badan dhibaato ku hayo maraakiib shisheeye oo si sharci darro ah uga kalluumeysatay xeebaha dalka Soomaaliya.

Qarax ay dad ku dhinteen oo maanta ka dhacay Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in uu qarax xooggan ka dhacay halkaasi.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya qaraxa ayaa sheegaya in uu ka dhacay bartamaha magaalada, si gaar ahna hotel yar oo ku dhow saldhiga booliska degmada.

Qaraxan ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay khasaare kala duwan, islamarkaana ay dad ku dhinteen, inkasta oo weli si rasmi ah loo xaqiijin inta uu le’eg yahay khasaaraha

Weli faah-faahin dheeraad ah lama helin, iyada oo la werinayo inay jiraan dhimasho iyo dhaawac, ayadoo dadkii ku waxyeeloobay loo qaaday isbitaalka degmada, si loogu dabiibo halkaasi.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay ismaamulka oo ku aadan qaraxaan, sidoo kalena majirto cid sheegatay masuuliyadda weerarka, inkasta oo durba lala xiriirinayo kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa mararka qaar weeraro noocaan ah ka fulisa gudaha Kenya, ayada oo muddooyinkii dambe kordhisay weerarada argagixiso, xilli uu hoos u dhac ku yimid gulufka dagaal ee ka dhanka ah kooxda ee ka socday gudaha Soomaaliya.

Wixii kasoo kordha isha ku hay Caasimada Online

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday xerada ATMIS ee duleedka Baraawe

0

Baraawe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay xalay maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baraawe ee Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda oo degan xerada iyo xubnihii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday halkaasi.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta iyo hub culus oo ay is weydaarsadeen labada dhinac, inta uu socday dagaalka dhex maray.

Ciidamada ATMIS ayaa lasoo wariyay in iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, waxaana ugu dambeyn dib u laabtay maleeshiyadii Al-Shabaab ee beegsatay saldhiggaasi.

Kooxda oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay barahooda bulshada ku sheegtay inay weerartay saldhig ay leeyihiin ciidanka Uganda, ayna khasaare gaarsiisay, inkastoo aysan shaacin tiro rasmi ah.

Dhankooda ciidamada ATMIS oo kaashanaya kuwa Xoogga dalka ayaa dagaalka kadib howlgallo ay ku baacsanayaan ragga soo weeraray ka sameeyay aagga Baraawe

Xaalada ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca ATMIS iyo saraakiisha dowladda oo ku aadan dagaalkaas iyo howlgallada.

Ciidamada Uganda ayaa marar badan weeraro kala kulmay Al-Shabaab, waxaana aad loo xasuustaa weerarki askarta badan looga dilay ee horraantii  2023-kii ka dhacay magaaalada Buulo-mareer.

Maalmihii u dambeeyay Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada ay ka fulineyso gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarkii ugu dambeeyay oo lagu dilay askar iyo saraakiil uu kamid ahaa Liibaan Golcad uu ka dhacay deegaanka Dhanaane oo tirsan gobolkaasi.

Ujeedka abaabulka culus oo saaka ka socda Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa saaka ka socda abaabul culus oo ku aadan dibad-bax uu soo qaban-qaabiyay maamulka gobolka Banaadir, kaas oo ka dhacaya taalada Daljirka Daahsoone e degmada Boondheere.

Dibad-baxan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa lagu taaageeeyaa wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka, kaas oo ay qorshihiisu waddo Villa Soomaaliya.

Waxaa la filayaa in dibad-baxa ay ka qayb-galaan boqolaal dadweyne ah oo isaga kala imaanaya degmooyinka gobolka, si ay u muujiyaan dareenkooda ku aadan dhameystirka dastuurka dalka.

Sidoo kale waxaa dadkaas la hadli doono mas’uuliyiinta gobolka, wasiiro iyo xildhibaano iyaguna ka qayb-galaya banaanbaxa hadda qaban qaabadiisau ay ka socoto caasimada.

Dhinaca kale waxaa la xiray qaar kamid ah jidadka muhiimka ah, gaar ahaan kuwa gala taalada Daljirka Daahsoon oo ah fagaaraha loo qorsheeyay in lagu qabto dibad-baxa, halkaas oo la dhigay ciidamo dheeraad ah oo sugaya amniga.

Horay guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa iclaamiyay dibad-baxan oo uu tilmaamay in lagu garab istaagayo qorshaha madaxweynaha ee ku aadan dastuurka, kaas oo dhaliyay khilaaf siyaasadeed oo horleh.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ka doodaya arrinta dastuurka, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda uu u codeeyo afarta cutub ee ugu horreyso dastuurka KMG ka ah ee dalka.

Si kastaba, waxaa iyana dhankooda diidan qorshahan xubnaha mucaaradka ah oo ay hadda hoggaaminayaan Shariif, Farmaajo iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Xog: Qaabkee loo dilaa saraakiisha ciidanka DF? – 6 sarkaal oo lagu dilay labo sano

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka ka socda Soomaaliya ayaa labadii sano ee ugu dambeysay galaafta nolosha saraakiil sare oo muhiim ahaa, kuwaas oo lagu dilay weerar isku nooc ah, hadaba maxaa is bedelay?

Dowladda Soomaaliya labo xilli ayey si weyn ula dagaalantay kooxda Al-Shabaab, labada jeerba waxaa xukunka joogay madaxweyne Xasan Sheekh, balse muddo xileedkaan waxaa sii badaneysa saraakiisha lagu dilayo dagaallada.

Muddo xileedkii hore ee Xasan Sheekh, dowladda Soomaaliya waa ka gacan sareysay Al-Shabaab, waxaana lagu guuleystay xiligaas in laga saaro degmooyin qadiimi ah iyo deegaamo muhiim ah, iyadoo khasaare badan uusan soo gaareynin ciidanka dowladda.

Hadda dowladdu waxay gaari la’dahay qaar ka mid deegaanadii ay Shabaab ka xoreysay 10 sano ka hor, sida Ceelbuur, dagaal kasta oo dhaca khasaaraha ugu badan wuxuu gaaraa ciidanka, halka markii hore dagaal kasta lagu jebi jiray Shabaab-ka.

Caasimada Online waxay baartay qisada ka dambeysa qabadda dagaalka ka heysta dowladda ee mar kasta ciidanka loo jebiyo, waxaana soo baxday in Shabaab bedeleen qorshahooda dagaalka, halka dowladdu aysan bedelin sidii ay ula dagaalami jirtay Al-Shabaab.

Markii laga soo tago dejinta kaartooyinka dagaal ee Shabaab iyo dowladda, waxay cadeyno buuxa loo helay Shabaab aysan ku dagaalamin deegaanada ay ku weeraraan ciidamada dowladda.

Markii ciidanku weeraro deegaan waxaa isaga baxda kooxda Al-Shabaab todobaadyo ama maalmo kadib ayey dib u soo weeraraan, iyagoo mar kasta ku jebiya ciidanka.

Weerarrada ay fuliyaan Al-Shabaab waxay dhacaan hal waqti, sida inta aan la gaarin salaadda Subax, waxayna ku bilaabaan qaraxyo ay ku argagax geliyaan ciidanka, taasi waxay ka saamaxdaa in ciidamada dowladda ay ku jebiyaan dagaallada.

Weerarkii ugu dambeeyey wuxuu shalay ka dhacay deegaanka Busley oo qiyaastii dhowr iyo 40 KM koonfur ka xiga Muqdisho, halkaas waxaa lagu dilay sarkaalkii labaad ee ugu sareeyey ciidanka xasilinta caasimadda iyo askar badan, waxaana ciidanka qaranka looga furtay gaadiid dagaal.

Tan iyo markii uu bilowday dagaalkaan labo sano ka hor dowladda Soomaaliya waxay ku weysay ugu yaraan lix sarkaal oo kuwii ugu waaweynaa ah ciidanka qaranka, waxaana saraakiisha shahiiday mudadii dagaalkaan lagu jiray ka mid ah:

Jeneraal Farxaan maxamuud Aadan (Qaroole) oo 30-kii bishii Sebtembar ee sannadkii 2022 lagu dilay deegaanka Basra ee duleedka Balcad, wuxuu ahaa Taliyihii ciidamada Booliska gobolka Benaadir.

Korneyl Abshir Xasan Shataqey 17-kii Janaayo ee 2023 ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Xawaadley ee duleedka Balcad, wuxuu ahaa sarkaalkkii ugu sareeyey ciidankii ka dagaalamayey furintaas.

Gaashaanle Xasan Tuure ayaa 20-kii bishii Janaayo ee 2023 lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud, wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey aagaas, sidoo kale wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii ciidamada kumaandoosta ah ee Danab.

Agoosto 2023 Gaashaanle Mukhtaar Xasan Tifow (Shaah-macabe) oo ahaa taliyaha Guutada 25-aad ee Cumar Bin Khataab ayaa ‘nolol iyo geeri ba’ lagu la’ yahay wixii ka dambeeyay weerarkii Al-Shabaab ee deegaanka Cowsweyne oo ku dhow degmada Ceeldheer, gobolka Galgaduud, wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidankii ka dagaalamay Cowsweyne.

6-Janaayo 2024 waxaa duleedka deegaanka Caad ee gobolka Mudug lagu dilay Abaanduulihii guutada 18-aad ee Gorgor Gaashaanle Cabdi Maxamed Sheekh Xasan (Suulnuug), wuxuu ahaa sarkaalkii ugu sareeyey ciidamadii ka dagaalamayey koonfurta gobolka Mudug.

Shalay oo aheyd 23-kii bishan Maarso 2024 Gaashaanle Liibaan Golcad ayaa lagu dilay dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Busley gobolka Shabeellada Hoose oo hoos taga degmada Afgooye, Liibaan wuxuu ahaa sarkaalkii labaad ee ugu sareeyey ciidanka xasilinta caasimadda Muqdisho.

Cali GEEDI oo qoraal kulul ugu jawaabay Shariif iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi ayaa soo saaray qoraal dheer oo jawaab u ah diidmada ay madaxweynayaal hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ka muujiyeen wax ka beddelka dastuurka, iyo dadka doodda ka dhigtay maqnaanshaha Puntland. Hoos ka aqriso qoraalka Geedi.

Is-hortaagga wax ka beddelka dastuurku, waa is-hortaagga horumarka dadka iyo dalka Soomaaliyeed

Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sheegeen in aan dastuurka la dhamaystiri karin inta ay maqan yihiin Puntland iyo Somaliland.

Puntland iyo Somaliland ma maqna ee wakiilladii matalayay labada aqal ee baarlamaanka ayay dhex fadhiyaan oo ka shaqaynayaan; sidoo kale waxay ka mid yihiin golaha xukuumadda ee lagu jaangooyo siyaasadda qaranka. Mudane Shariif iyo Mudane Farmaajo waxay la hadlayaan mudaneyaasha labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isla markaasna waxay xaqirayaan oo iska indhatirayaan in xildhibaannada iyo senatarradu ay matalaan shacabka iyo dowlad-goboleedyada Soomaaliyeed.

Marka hore labada Madaxweyne waxaan kula talinayaa, waa xildhibaannee, in afkaartooda iyo aragtidooda ay baarlamaanka geeyaan. Midda kale, siyaasadi waa matalaad, madaxda dowlad-goboleedyaduna iyaga ayaa shacabkeenna u soo dooray wakiillada siyaasadda ee goleyaasha qaranka oo iyagu xaq u leh wax ka beddelka dastuurka. Inteenna kale ee siyaasiyiin ama waxgarad kale ah talooyin ayaan ku kordhin karnaa, go’aankase baarlamaanka ayaa iska leh.

Musalsalkii wax ka beddelka Axdigii federaalka KMG ahaa:

1) Axdi-qarameedkii federaalka ku meelgaarka ahaa ee baarlaamaankii 7aad ayaa ka beddelay qodobkii ku koobayay in xubnaha golaha wasiirrada laga dhex magacaabo baarlamaanka,  kaddib soo jeedintii shirweynihii ergadii saddexda kun (3,000) ee dib u heshiisiintii bulshada rayidka ah, Muqdisho 2007 uuna shirguddoomiyay AUN Madaxweyne Cali Mahdi Maxamed. Go’aankaas waa lagu caano maalay oo waxaa meel martay in la magacaabi karo wasiirro aqoonyahanno – waayo-aragyo ah oo aan xildhibaanno ahayn.

2) Sannadkii 2012 markii dowladda laga saarayay kumeelgaanimada, dowladdii MW Shariif iyo ergooyinkii 825-kii xubnood ahaa ee shirweynahaasi waxay beddeleen muddo xileedkii dowladda ee 5ta sano oo ku qornaa Axdigii Federaalka KMG ahaa, waxayna u beddeleen muddo xileed 4 sano ah. Go’aankaas laguma faa’iidin oo wuxuu yareeyay muddada loo adeegayo shacabka Soomaaliyeed; sababtoo ah sannadka 1aad wuxuu ku dhamaadaa dowlad dhis ilaa xukuumad cusub, xilal kala wareejin iyo in maamulka cusubi uu la qabsato nidaamka shaqada iyo hawlaha la xiriira ee gudaha iyo dibedda; sannadka dambena waxaa qaata olole doorasho.

Haddaba, sow ma habboonayn in aan la beddelin muddo xileedkii 5ta sano ahaa si bulshada loogu shaqeeyo saddex (3) sano ? Halka lagu soo koobay laba (2) sannadood ?

3) Wax ka beddelka dastuurku waa waajib shaqo qaran oo saaran mudaneyaasha laba aqal ee baarlamaanka 11aad; halka is hortaagga siyaasiyiinta ay ugu horreeyaan labada Madaxweyne ee hore Shariif iyo Farmaajo uu yahay curyaaminta danta ummadda Soomaaliyeed iyo jiilalkeeda mustaqbalka. Cid laga yeelayo ma jirto shaqadii aan anigu qaban waayay ama dayacay, yaanay qabanin cid kale. Waa ayaan darro in 17 sannadood kaddib goob lala soo istaago dastuurka yaan la dhamaystirin iyadoo aan wada ognahay in musharrax madaxweyne kasta uu ku soo olaleeyay “haddii lay doorto, dastuurka waan dhamaystirayaa”. Ballanqaadkani ma waxaa laga dhiganayay jaranjaro lagu koro kursiga talada dalka kaddibna layska tuuro?

Haddii Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud uu ka dhabeeyay ballanqaadkii ololihiisii doorashada, ma lugaha ayaa la qabanayaa?

Sidaas darteed, shacabka Soomaaliyeedow garo dantaada oo ku taageer baarlamaanka ku matala gudashada waajibkiisa dastuuriga ah, ilaalinta dantaada iyo qaranimada Soomaaliyeed guud ahaan.

W/Q: Cali Maxamed Geedi, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

‘Halista aan lagu baraarugin ee ka dhalan karta qorshaha Xasan Sheekh ee dastuurka’

Muqdisho (Caasimada Online) – Xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka ayaa mareysa meel xasaasi ah, ayada oo si weyn looga deyrinayo halka ay sal dhigan doonto.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo horjeeda qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee wax ka beddelka dastuurka, ayaa ka digay halis aan lagu baraarugsaneyn oo ka dhalan karta arrintaan.

Cabdiraxmaan ayaa tilmaamay in xaalka uu ku dambeyn doono in dhufeysyo laga qato Muqdisho, si lamid ah xilligii Farmaajo laga diiday qorshihiisi guracnaa, inkasta oo weli sanado u dhiman yihiin muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

“Haddii guddoonkii Baarlamaanka uu wax kasta ansax yiraa, tixgelin waayoo dastuurka, xeerhoosaadka Golaha, iyo habraaca ansixinta dastuurka, Madaxweynihiina Masjidka ka soo goodiyo, lana diiday in dalka Maxkamad Dastuuri loo dhiso, shacabkiina talada waxba ku lahayn, sow masiirku uma muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey?,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale waxa uu sheegay in aan xilligaan looga fadhin Xasan in uu beddelo wixii heshiiska lagu ahaa, balse la rabay in la qabyo tiro dastuurka oo waxa ka dhiman la dhammaystiro.

Waxa uu ka dhigay cawaaqibta ka dhalan karta qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee uu weli ku dhagan yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, “Dastuurkeena meelna ugama qorna in madaxweynaha uu wax ka beddelka dastuurka horboodo, mana ogolo in talada wax ka beddelka isaga ka bilaabato.ee waa ilaaliyaha dastuurka iyo marjicii ay ku soo dhammaan lahayd.”

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan oo dhameystiran

Madaxweynaha Senegal Maki Sally ayaa 05 Febraayo ee sanadkan Baarlamaanka dalkiisa ka ansaxsaday in doorashada madaxtinimada oo la qaban lahaa 15ka Febraayo dib loo dhigo. Laakiin mucaaradka iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka ayaa dacwad ka dhan ah go’aanka u gudbiyey Maxkamada Dastuuriga ah ee dalkaas oo 15 kii Febraayo go’aamisay in aan dib loo dhigi karin doorashada, iyadoo amartay in la qabto 24-ka Maarso oo maanta ku beegan.

Sidoo kale, ayaa 31 Maarso sanadkii 2022 Maxkamadda Sare ee Kenya ka diiday Madaxweynihii hore ee dalkaas, Uhuru Kenyatta isku day uu ku doonayey in uu dastuurka ku beddelo. Maxkamadda ayaa go’aanka diidmada ku sababaysay in Madaxweynaha uu horboodayey wax ka beddelka dastuurka, halkii laga doonayey in muwaadiniintu horseed ka noqondaan.

Waxaa halkaa ka cad muhiimadda ay leedahay Maxkamad Dastuuri ah oo laanta fulinta ka madaxbanaan iyo in la kala saaro dastuurka iyo danaha shakhsiga ah.

Dhammaystirka dastuurka ee murashaxiinta uu madaxweynaha ka mid ahaa balanqaadeen waxay ahayd in la qabyo tiro, waxa ka dhiman la dhammaystiro ee ma ahayn in wixii heshiiska lagu ahaa la beddelo.

Dastuurkeena meelna ugama qorna in Madaxweynaha uu wax ka beddelka dastuurka horboodo, mana ogolo in talada wax ka beddelka isaga ka bilaabato ee waa ilaaliyaha dastuurka iyo marjicii ay ku soo dhammaan lahayd.

Haddaba, haddii guddoonkii Baarlamaanka uu wax kasta ansax yiraa, tixgelin waayoo dastuurka, xeerhoosaadka Golaha, iyo habraaca ansixinta dastuurka, Madaxweynihiina Masjidka ka soo goodiyo, lana diiday in dalka Maxkamad Dastuuri loo dhiso, shacabkiina talada waxba ku lahayn, sow masiirku uma muuqdo Marinaayo iyo halkii uu Madaxweynuhu ka soo jabhadeeyey?

Cumar Cabdirashiid oo soo saaray digniin culus ka hor ansixinta qorshaha Villada

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa si adag uga hadlay wax ka beddelka dastuurka, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda ka dhalatay isku-day ay Villa Somalia ku dooneyso inay baarlamaanka ku mariso qorshaheeda.

Ra’iisul wasaarihii hore ayaa ugu horreyn dhaliilay sida ay dowladda Xasan Sheekh u wado arrinta dastuurka, isaga oo ka digay cawaaqib xumo ka dhalata wax ka beddelka uu rabo madaxweynaha.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay dabada ka riixaysaa dastuur cusub iyada oo og in uu ka maqan yahay guud ahaan in dadka iska leh lagu wada qanciyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo qoraal soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter).

Waxa uu tilmaamay in ficilada madaxda dowladda federaalka “ee ku aaddan soo saarida dastuur cusub” oo aan heshiis lagu ahayn ay albaabada u furayaan fara-galinta beesha caalamka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in cod baarlamaanka uusan xal u noqon karin xaaladda Soomaaliya, isagoona ka digay qalalaase siyaasadeed oo albaabada u fura fara-gelin shisheeye.

“Baarlamaanka 11-aad oo cadaadis saaran yahay ayaa laga yaaba inuu meel-mariyo nooca cusub ee dastuurka la soo jeediyay, laakiin ma ahan mid ku dhisan wada-tashi qaran, natiijadaas oo kale waxay noo horseedi kartaa qalalaase siyaasadeed oo albaabada u furi doona fara-gelinta beesha caalamka.”

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa ku adkeysanaya in dhameystirka dastuurka u baahan yahay is-afgarad ballaaran, balse ay sax aheyn wadada ay ku wado dowladda hadda talada haysa ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka ra’iisul wasaarihii hore ayaa imanaya xilli ay wax ka beddelka dastuurka meel adag ka istaageen madaxweynayaashii hore ee dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka, oo madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay in uu meesha ka saarayo dastuurkii heshiiska lagu ahaa.

Xogta sarkaal muddo fog ka tirsanaa DF oo Al-Shabaab u jaajusay saraakiil sar-sare

0

Muqdisho (Caasimada) – Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) oo ka tirsan ciidanka minishiibiyada ee degmadda Afgooye ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Al-Shabaab, gaar ahaan qeybta istidlaaca (Jaajuusnimo) isagoo xogaha saraakiisha, shaqaallaha iyo maamulka degmadaasi u gudbin jiray kooxda.

Xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay maamulka degmadda Afgooye, ciidannimadana waxa uu qortay sanadkii 2005, isaggoo Al-Shabaab ku biiray 2017, waxaana uu la shaqeyn jiray madaxii amniyaadka gobolka Shabeellaha Hoose oo magaciisa afgarashada uu yahay ‘Abtiga’.

Abtiga ayaa la sheegay inuu markii hore ku tashkiiliyey kamid ahaanshiyaha maleeshiyada, is-faham kadibna waxaa lagu soo xiray labo dhagar-qabe oo amniyaadka kooxda u jooga Afgooye kamid ah.


Ninkan ayaa si joogto ah Al-Shabaab ugu gudbin jiray xogaha iyo dhaq-dhaqaaqyada maamulka iyo saraakiisha amniga degmadda Afgooye, isaga oo qeyb ka ahaa shirqool lagu dilay guddoomiye ku-xiggeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil August 2022, dilkaasna waxaa kala shaqeeyey nin lagu magacaabo Yaasir Jiis oo hadda ah Horjoogaha guud ee ee maleeshiyada ku dhuumaalaysata gobolka Shabeellaha Hoose.

Muddadii uu shaqeynayey waxa uu Al-Shabaab la wadaagay xogaha shaqo ee shaqsiyaad ay kamid yihiin Taliyihii hore ee booliska Afgooye, Taliye ku-xiggeenka saldhiga degmadda iyo guddoomiye waaxeedka 21-Octobar, kuwaasi oo xogo dhameystiran uu ka bixiyey.

Sidoo kale Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage mar uu kormeer shaqo ku tagey xerooyinka Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin Afgooye, ayuu xogo ku saabsan kormeerkiisa la wadaagay kooxda Al-Shabaab, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalinta.

Ciidanka NISA oo ku raad-joogay Daahir Garboole ayaa shan iyo tobankii bishii October 2023-kii ku qabtay gudaha degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday 7-dii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex-Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) 10 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamadda qalabka sida.

Xog: Sheekh Shariif iyo Farmaajo oo ku hungoobay safarkii Garoowe iyo Deni oo…

Garoowe (Caasimada Online) – Shirkii Garoowe ee madaxdii hore ee dalka iyo madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sidii la filayay aan noqon, ayada oo Deni uu ka maquurtay in madaxweynayaashii hore ee dalka uu la soo saaro bayaan wada-jir ah.

Madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo xalay bayaan kasoo saaray shirka Garoowe ayaa ku xusin wax weyn oo la iskula qaatay marka laga reebo in shirar wada-tashi oo kale la isugu imaan doono, ayada oo bayaanka ay ku xusnaayeen “labada madaxweyne” taasi oo ka dhigan in Deni uusan kula jirin bayaankaas.

Bayaankan ay madaxweynayaashii hore keligood kasoo saareen Garoowe, iyada oo uu ka maqan yahay hoggaamiyihii shirka marti-geliyay ayaa imaneysa kadib markii madaxdii hore iyo Saciid Deni is-faham buuran ka gaari waayeen arrimihii laga wada-hadlay, sida ay ogaatay Caasimada Online.

“Madaxdu waxay isku afgarteen in la sameeyo guddi qaban-qaabo shirwayne wada,tashi oo ka shaqeeyaa farsamada iyo qabsoomidda shirka,” ayaa lagu yiri bayaanka madaxweynayaashii hore ee shirka Garoowe.

Illo-wareedyo ka agdhawaa dhinacyada ayaa sheegay in Saciid Deni iyo madaxdii hore ay isla qaateen hadda in keliya laga shaqeeyo curyaaminta qorshaha dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh, balse aan weli is-faham laga gaarin isbaheysiga ay Shariif iyo Farmaajo wataan in uu dhankiisa uga soo biiro Saciid Deni, oo xilligaan saameyn siyaasadeed leh.

“Labada Madaxweyne waxa ay ku celiyeen mowqifka adag ee ay ka taagan yihiin qorshaha aan sharciga ahayn ee lagu beddelayo dastuurka dalka, kaas oo halis gelinaya dowladnimada iyo midnimada dadka Soomaaliyeed,” ayaa qodob kamid ah bayaanka labada madaxweyne lagu yiri markale.

Isbaheysiga mucaaradka ee labada nin dhisayaan ayaa waxaa hore uga gaabsaday siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, oo ayagu diidan in ay wax ku darsadaan Farmaajo, waxayna kala qeybsanaanta mucaaradka markale fursad u noqon kartaa madaxweynaha tallada haya.

Farmaajo iyo Shariif oo hadda xulafo siyaasadeed ah ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii ay u heli lahaayeen garbo adag oo qeyb kala noqdo dagaalka Xasan, inkasta oo ay weli siyaasiyiinta mucaaradka ee miisaanka leh ay dib uga joogaan isbaheysiga labada nin inay qeyb ka noqdaan.

Si kastaba, madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa maanta kasoo dhoofay Garoowe ayaga oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, lamana oga waxa uu shirka Garoowe ka goyn doono qorshaha wax ka beddelka dastuurka oo weli ay Villa Somalia ku adkeysaneyso meel-marintiisa.

Sawirro: Ujeeddada kulan aan caadi aheyn oo uu maanta guddoomiyay R/W Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan aan caadi aheyn oo ka dhacay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Kulankaan ayaa looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha xukuumadda Dan-Qaran ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradaha wax-soo-saarka looga fadhiyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale, isaga oo kula dardaarmay in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow.

Waxa uu hoosta ka xariiqay sirii wada-jir loogu xaqiijin lahaa hadafka xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.

Kulanka ayaa ugu dambeyntiina lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs’ka wasaaradaha wax-soo-saara dalka.

Kulankaan ayaa imanaya xilli ay Soomaaliya horraantii bishaan ay heshiis maal-gelin dhanka wax soo sarka ah la saxiixatay Sanduuqa Horumarinta Beeraha Caalamka (IFAD), kaasi oo taageeri doona wax soo saarka beeraha dalkeenna, oo hadii ay helaan maal-galin rasmi ah qeyb weyn ka qaadan doona sare u qaadidda dakhliga dowladda.

Si kastaba, kor u qaadista wax soo saarka dalkeenna, gaar ahaan dalagyada kasoo go’a beeraha ayaa wax badan ka tari kari ah baaqashada masiibooyinka ay abaartu ka mid tahay, oo dhowr jeer kusoo laab-laabtay dalkeenna.

Sidee ayaa looga fal-celiyay tallaabadii FARMAAJO?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay inuu dhowaan booqanayo deegaano ka tirsan SSC-Khaatumo oo ay ugu horreyso magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa xaqiijiyay safarkiisa, wuxuuna sheegay inuu kala hadlay hoggaamiyaha KMG ka ah ee maamulka SSC, Mudane Cabdulqaadir Firdhiye oo ay ku wada kulmeen magaalada Garoowe caasimada maamulka Puntland

Madaxweynihii hore  oo hadda ku sugan Garoowe ayaa tilmaamay in marka hore uu kusoo laabanayo Muqdisho, kadibna socdaalkiisa dambe uu ugu sii gudbi doono Laascaanood.

“Aniga iyo hoggaamiye Cabdulqaadir Firdhiye waxaan ka wada-hadalnay oo aan isku sheegnay inay qurxoon tahay inaan dib usoo noqdo marka kulanka uu halkan ka dhacaayo aan waqti fiican ku imaado Khaatumo,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Waxaan ka bilaabeynaa magaalada Laascaanood, Buuhoodle, Guumeys, Carooley iyo wixii suurtagal ah oo deegaanadaas ah oo aan dadka la kulano”.

Hadda sidee looga falceliyay booqashada uu Farmaajo ku tegayo Laascaanood?

Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay booqashada uu sheegay in Farmaajo uu ku gaarayo deegaanada SSC.

Cabdifitaax Maxamed “SSC-dii aad marka maamulka haysay aad dhagaha ka daboolatay, weliba xittaa oran waysay waa shacab dulman miyaad maanta naf ka raadinee?”

Cabdikarim Ibrahim Aadam ayaa isaguna falcelintiisa ku yiri “Puntland iyo SSC hadhow haku doortaan”.

Maxamed Deyr “Farmaajo berigi hore waxaan is odhan jiray waa Nin waddani ah oo waaqica Soomalida dhexdeeda yaala fahansan, laakiin waxaad u xuub siibatay dhaqankii xumaa ee siyaasiga Soomaaliga ah lagu yaqanay”.

Maxamed Cali “Madaxweyne Welcome SSC, waana lagu sugayaa dadkaaga baa ku heegan ah”

Daahir Xasan ” Khaatumo sow tii aad tiri dib hala iigu dhigo Jawaabteeda, Maxamedow ma annagaa na waalee?”

Mowliid Cabdulqaadir “Masha Allah soo dhowoow mudane Madaxweyne Maxamed Farmaajo Xabiibul Malaayiin”.