25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Sawirro: Dayax iyo Macallin Mahdi oo iska xaadiriyey furimaha dagaalka kadib markii…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa gaaray deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihii saakay cashirka loogu dhigay Khawaarijta, waxayna saraakiisha iyo ciidanka sii baacsanaya Khawaarijta naf la caariga ah ku dhiirigeliyeen jihaadka xaqa ah oo ay ku jiraan.

Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa goor sii horeysay faahfaahin ka soo saaray weerarkii tooska ahaa ee shalay ay Shabaab kula jarmaadeen taliskii ciidamada isku dhafka ah ee dowladda ay ku la haayeen deegaanka Busley ee gobolka Shabeellada Hoose.

Weerar qaraxyo ku billowday ayey kooxda Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin dhowr deegaan oo hoos taga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas waxaa ka dhacay dagaal culus oo Shabaab khasaare culus lagu gaarsiiyey, sidoo kale dowladda looga dilay askar iyo saraakiil.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka hortageen ciidanka milatariga oo kaashanaya kuwa boolis milataaro oo iyana qayb ka ah howlgallada ka socda halkaasi.

“Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 22-aad eeBolisya milatare oo u diyaarsanaa weerarka khawaarijta ayaa iska caabiyay maleeshiyaadkii  weerarka  Nafla-caarinimada  ah ku soo qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay taliska.

Sidoo kale taliyaha ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isaga intaas ku daray in ciidamadu ay hayeen xogta weerarkaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu tiro beel yahay, balse ay soo bandhigi doonaan xogta rasmiga ah ee waxyeelada gaartay.

Saraakiisha ku geeriyootay dagaalkaas waxaa kamid ahaa sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Liibaan Golcad), kaas oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu talagalay sugida amniga magaalada Muqdishio agagaarkeeda.

Guddoomiyihii Hiiraan oo xilkii laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

0

Jowhar (Caasmada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka HirShabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta xilka qaadis ku sameeyay guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maalin Sufurow, isaga oo u magacaabay mas’uul cusub oo beddalaya.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa lagu shaaciyay xilka qaadista guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan oo in muddo ahba wajahayay diidmo adag.

“Waxaa Mudane C/laahi Axmed Maalin laga qaaday “Xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan”. ayaa lagu yiri wargeetada kasoo baxday madaxtooyada dowlad goboleedka HirShabelle.

Sidoo kale waxaa isla wareegtadan guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan loogu magacaabay Mudane Muuse Salaad Weheliye oo HirShabelle ka haayay xilka Wasiirka Wasaaradda Gaadiid Duulista iyo Hawada ee maamulkaasi.

“Waxaa Mudane Salaad Muuse Wehliye loo magacaabay “Xilka guddoomiyaha gobolka Hiiraan” ayaa mar kale lagu yiri wareegtada.

Lama sheegin sababta rasmiga ah ee xilka looga qaaday guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Mudane Cabdullahi Maalin Sufurow oo xilkan soo hayay  tan iyo bishii Juun ee sanad kii hore 2023, markaas oo uu badalay Cali Jeyte Cismaan.

Sufurow ayaa muddaba la tacaalayay mucaaradad xoog leh oo kaga imaanaysay qaar kamid ah siyaasiyiinta gobolka, oo uu kamid yahay Cali Jeyte oo diiday in uu xilka ku wareejiyo markii la soo magacaabay.

Dhawaan ayay ahayd markii Beledweyne laga saaray maamulkii taageersanaa HirShabeele, kaddib markii uu dagaal culus la galay maamulka kale ee la baxay ‘Hiiraan State’.

Si kastaba, Khilaafka ka jira Hiiran ayaa in mudda ahba soo taagnaa, waxana waxgaradka deegaanku saluug san yihiin habka awood qaybsiga ee maamulka Hirshabeelle.

 

Amarkii ugu dambeeyay oo la siiyay ciidanka ku sugan Shabellaha Hoose + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Datax Cabdi Cabdulle oo haatan ku sugan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa booqasho ku tegay Xerada Arbacow oo ku taalla duleedka Muqdisho.

Ujeedka safarka Dayax ayaa isugu jiray kormeer iyo dhiirogelin uu ugu tegay cutubyo ka tirsan Ciidanbka Xoogga dalka ee ku sugan halkaasi.

Taliyaha ayaa amray ciidamada ku jira xeradaas inay tegaan furimaha hore ee dagaalka, ayna sare u qaadaan howlgallada ka socda gobolkada Shabeelaha Hoose.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in looga fadhiyo inay kaalin mug leh ka qaataan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si looga ciribtiro gobolkaasi oo dhan.

Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa shalay sidaan oo kale u booqday deegaanka Dhanaane ee, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.

Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihi  cashirka loogu dhigay Al-Shabaab, waxayna saraakiisha iyo ciidanka  ku dhiirigeliyeen inay sii wadaan howlgalladooda.

Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha uu ka socdo dagaalka Al-Shabaab, waxaana kooxda ay weli haysataa deegaano ka tirsan gobolkan oo ay kasoo abaabusho weeraro.

Inta badan weerarada Al-Shabaab ayaa lagu beegsadaa xarumaha ciidamada, waxaana sidoo kale mararka qaarkood ay weeraradooda usoo gudbaan magaalada Muqdisho.

 

DF oo shaacisay in lasoo qabtay 16 qof oo fududeeyey weerarkii Hotel SYL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL ee magalaada Muqdisho ay Jimcihii hore Shabaab ku soo qaadeen.

16 qof oo eedeysanayaal ayaa loo hayaa weerarkaas, kuwaas oo baaritaano ku socdaan, dadkaas waxaa laga magacaabay Cabdinaasir Daahir Nuur oo ahaa ninkii gaadiidka qarxay magaalada soo geliyey, sida lagu sheegay warbixintaan.

Shan askari oo ka shaqeyneysay goobaha la soo marsiiyey gaadiidka qarxay iyo afar qof oo ku qoran milkiyadda gaadiidka Shabaab ay ku qarxiyeen Hotelka ayaa ku jira dadka gacanta lagu dhigay ee baaritaanku ku socdo.

Hoos ka akhriso warbixinta oo dhaneystiran:

Muqdisho, 23 March, 2024: Hay’adaha ammaanka ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii nafla caariga ahaa ee Khawaarijta ay ka gaysteen Hotel SYL ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gawaarida falka argagixiso lagu gaystay.

Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee Khawaarijtu u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.

Waxaa kale oo baaris ay ku socotaa Shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee Khawaarijtu ay ka soo gudbeen.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa  lala wadaagi doonaa caddaymo dhammaystiran kuwaas oo  muujinaya dhagarta Shabakaddan Khawaarijta ah iyo gungaarka hay’adaha baarista.

Dhammaan Shabakadda Khawaarijta ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan cadaaladda.

-Dhammaad-

Deni, Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo shirkoodii ka soo saaray 9 qodob oo xasaasi ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka kooban sagaal qodob ayaa laga soo saaray shirkii wadatashiga ahaa ee magaalada Garoowe uga socday Farmaajo, Sheekh Shariif iyo Saciid Deni, kaas oo diiradda lagu saaray marxaladda dalka iyo arrimaha siyaasad ahaan la isku haayo, sida dastuurka.

Dagaalka Al-Shabaab ayaa lagu bogaadiyey bayaankaan, waxaana loogu mahadceliyey ciidanka xoogga dalka, waxay dul istaageen dayac ay sheegeen in ciidanku wajahayo iyo halis soo wajahday midnimada dalka.

“Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay la wadaageen Madaxweynaha Puntland natiijada iyo caqabadaha waanwaantii ay ku jireen ee ku saleysnayd khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Puntland ee arrimaha dastuurka,” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah bayaankaan.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran:

Madaxweyneyaashii Hore ee dalka, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka ambaqaadaya doorka kaga aaddan xoojinta midnimada, wadajirka iyo dowladnimada Soomaaliyeed ayaa kulammo wadatashi ah kula qaatay magaalada Garoowe Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, muddadii u dhexaysey 21-ka Maarso – 23 Maarso 2024.

Labada Madaxweyne oo ka walaacsan saamaynta khilaafka arrimaha dastuurka, xaaladda amni ee dalka, khasaaraha ka dhashay weerarrada uu cadawgu ku beegsanayo ciidammadeenna iyo duruufaha halista ku ah jiritaanka iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed, waxa ay soo saareen qodobbadan:

1. Madaxdu waxay bogaadinayaan dadaallada naf-hurnimada leh ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ku wajahayaan argagixisada Alshabaab, iyaga oo shacabka iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey dhammaan halyeeyada u shahiiday difaaca dalka.

2. Madaxweyneyaashu waxa ay adkeeyeen dadaalladii muddada soo socday ee lagu bixiyey dib u dhiska Ciidamada Xogga Dalka Soomaaliyeed, waxayna Dowladda Federaalka ugu baaqeen inay dib ugu soo laabato dhabbaha dhismaha ciidanka iyo dib u xoreynta, iyadoo loo dhammeystirayo ciidamada agabka, qorshaha iyo saanadda ay u baahan yihiin si ay u xoreeyaan dalka.

3. Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa ay la wadaageen Madaxweynaha Puntland natiijada iyo caqabadaha waanwaantii ay ku jireen ee ku saleysnayd khilaafka Dowladda Federaalka ah iyo Puntland ee arrimaha dastuurka.

4. Labada Madaxweyne waxa ay ka xun yihiin in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ka cagajiiday ballantii ku saleysnayd isu soo dhaweynta labada dhinac, taas oo markii hore uu ergo ahaan uga codsaday in ay tagaan Garoowe, kana shaqeeyaan xallinta khilaafka u dhexeeya Puntland iyo dowlada Federaalka ah.

5. Labada Madaxweyne waxa ay sii wadi doonaan dadaalladooda ku aaddan isu soo dhaweynta, wadajirka iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed waxayna soo jeedinayaan qabsoomidda shir-wadatashi oo ku aaddan xaaladda adag iyo duruufaha khatarta ah ee ku xeeran midnimada iyo qarannimada dalka.

6. Madaxdu waxay isku afgarteen in la sameeyo guddi qabanqaabo shirwayne wadatashi oo ka shaqeeyaa farsamada iyo qabsoomidda shirka.

7. Labada Madaxweyne waxa ay ku celiyeen mowqifka adag ee ay ka taagan yihiin qorshaha aan sharciga ahayn ee lagu beddelayo dastuurka dalka, kaas oo halis gelinaya dowladnimada iyo midnimada dadka Soomaaliyeed.

8. Madaxdu waxay farriin u direen Guddoonka iyo Xubnaha Labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo kula dardaarmaya inay ka fogaadaan wax kasta oo kala qeybinaya midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, ayna ka joogsadaan hannaanka aan waafaqsanayn sharciga ee lagu bedelayo dastuurka dalka.

9. Madaxdu waxay uga digayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu kusii socdo dhabbahan qardajeexa ah ee beddelidda dastuurka, waxayna usoo jeedinayaan inuu kusoo laabto jidka sharciga iyo wadar-ogolka, ilaaliyana dastuurka uu isagu u dhaartay.

Ugu danbeyntii, Labada Madaxweyne waxay u mahadcelinayaan Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Goleyaasha dowladdiisa iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland soo dhaweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan.

DHAMMAAD

DF Soomaaliya oo war kasoo saartay dagaalkii Dhanaane

0

MUQDISHO (SMN) – Taliska Ciidamada Xoogga Dalka ayaa faahfaahi dheeraad ah ka bixiyay weerar toos ah oo qaraxyo ku billowday oo ay maanta maleeshiyaadka Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki oo hoostaga magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ka hortageen ciidanka milatariga oo kaashanaya kuwa boolis milataaro oo iyana qayb ka ah howlgallada ka socda halkaasi.

“Geesiyaasha ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed gaar ahaan guutada 22-aad eeBolisya milatare oo u diyaarsanaa weerarka khawaarijta  ayaa a iska Caabiyay maleeshiyaadkii  weerarka  Nafla-caarinimada  ah ku soo qaaday deegaanada Dhanaane iyo Aw-maki ee hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay dowladda.

Sidoo kale taliyaha ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas jab xoogan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, isaga intaas ku daray in ciidamadu ay hayeen xogta weerarkaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in khasaaraha gaaray Al-Shabaab uu tiro beel yahay, balse ay soo bandhigi doonaan xogta rasmiga ah ee waxyeelada gaartay.

Sarrreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ma soo hadal qaadin khasaaraha dhankooda soo gaaray, maadaama uu ahaa dagaalka mid culus oo ay ku dhinteen saraakiil iyo askar ka tirsanaa ciidamada ku sugnaa aagga lagu diraray oo u dhexeeya Muqdisho iyo Marka.

Saraakiisha dhimashadooda lasoo wariyay waxaa kamid ahaa sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Golcad), kaas oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu talagalay sugida amniga magaalada Muqdishio agagaarkeeda.

Taliyaha ayaa waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka soo weeraray.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ciidamada boolis milataaro iyo kuwa Xoogga dalka ay howlgalo ka waday duleedka magaalada Muqdisho.

R/W Xamza oo magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqeynaya doorashada…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo maanta soo saaray wareegto cusub ayaa magacaabay guddiga ka shaqeynaya loollanka ay Somalia ugu jirto doorashada hoggaanka Ururka Midowga Afrika.

Guddigan oo ka kooban lix xubnood oo wasiiro ah ayaa ka shaqeynayaa ololaha doorashada guddiga Midowga Afrika, ayaga oo taageero u raadinaya Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Soomaaliya ku meteleysa doorashada kursigaasi, taas oo horay u soo noqotay ra’iisul wasaare ku-Xigeen iyo wasiirka arrimaha dibedda.

“Wuxuu ra’iisul wasaaruhu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqeynaya qaban-qaabada ololaha doorashada guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika (Chairperson of the Afrika Union Commision) ee sanadaha 2025-2028” ayaa lagu yiri qoraalka Xamza.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:- Biixi Iimaan Cige, Daa’uud Aweys Jaamac, Cabdirsaaq Cumar Maxamed, Cabdullahi Axmed Jaamac, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) iyo Cali Maxamed Cumar.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa guddigan heerka wasiir faray inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si ay Soomaaliya door ugu yeelato hoggaanka Midowga Afrika.

“Xubnaha guddiga sare ku xusan waxaa la farayaa inay sida ugu dhaqsiyaha badan u dardargeliyaan howlaha loog igmaday, kana keenaan gungaar dhameystiran” ayaa mar kale lagu yiri warqadda kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lasii raaciyay “Magacaabistan waxa ay dhaqan-geleysaa marka uu saxiixo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Mudo xileedka hoggaanka sare ee Midowga Afrika ayaa ah afar sano, waxaana la rajaynayaa in doorashada soo wajahan ee Guddiga Golaha Midowga Africa ay dhex mari doonto Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga.

Puntland oo eedeyn yaab leh u jeedisay Xasan Sheekh

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe ee ku aadan arrimaha dastuurka dalka.

Ugu horreyn Juxa ayaa shaaca ka qaaday in aysan aqoonsan doonin wax ka beddel kasta oo lagu sameeyo dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Codkeennu sir maaha, waan ka hornimid haddii ay socotana taladeeda reer Puntland iyo annaga ayay noo taallaa” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay horay uga digeen arrimo socda, gaar ahaan beddelida dastuurka, welina ay diidan yihiin, maadaama aan kaga wada tashay.

Wasiir arrimaha gudaha Puntland oo hadalkiisa sii wata ayaa eedeyn yaab leh u jeediyay madaxweyne Xasan, wuxuuna sheegay  inuu ku howlan yahay inuu baab’iyo nidaamka federaalka, si uu awoodda usoo galiyo gacantiisa.

“Waxaa muuqata awood uruurin, taladii inay ku uruurto gacan qura oo wixii dhan ay gacanta u galaan, taasna waxaan ka diidnay raggii isaga ka horreysay” ayuu yiri Juxa.

Dhinaca kale wuxuu hoosta ka xariiqay inuu madaxweynuhu uu fashiliyay gogashii uu Garoowe dhigay madaxweynaha Puntland, taasoo looga hadli lahaa khilaafka taagan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo uu kasii darayo khilaafka Muqdisho iyo Garoowe, welina Villa Soomaaliya ay sii wato qorshaheeda ku aadan dhammeystirka dastuurka, waxaase diidan Puntland iyo madaxdii hore oo iyaguna maanta u furmay shir xasaasi ah.

Daawo: Buuq ka dhashay dastuurka oo hareeyay kulankii BF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka  federaalka Soomaaliya oo weli ka doodaya dhameystirka dastuurka ayaa maanta mar kale kulan xasaasi ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa, kaas oo uu hareeray buuq xoogan.

Buuqa ayaa ka dhashay dood si gaar ah u dhex-martay Senator Muuse Suudi Yalaxow iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waliid oo isku qabtay arrimo ku aadan dastuurka.

Xildhiban Waliid oo ka hor hadlayay golaha ayaa ka hadlay wax ka beddelka dastuurka, isaga oo su’aallo ka keenay qaabka wax loo qado, laakin waxaa hadalkaas ka horyimid oo xildhibaanka u jawaabay Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Senatorka ayaa shaaca ka qaaday in hadalkan oo kale aan la fileyn xildhibaanka, maadaama uu kamid ah guddiga dastuurka labada aqal ee baarlamaanka dalka.

“Ninkan wuxuu ka tirsan guddiga dastuurka inuu isaga dacwo kale keeno oo annaga naga horkeeno kuma haboona” ayuu yiri Senator Muuse Suudi Yalaxow.

Intaas kadib waxaa hadalka sii qaatay Xildhibaan Maxamed Waliid oo sheegay inuu xaq u leeyahay inuu ka hadlo fikirkiisa ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka.

“Aniga waa kamid ah guddiga dastuurka,laakiin xaq waxaan u leeyahay in aan waxa aan qabo ku daro” ayuu ku dooday Xildhibaan Waliid oo mar kale qaatay hadalka.

Sidoo kale wuxuu si adag ugu jawaabay Senator Muuse Suuid, isaga oo ay ka muuqato caro aad u xoogan oo ka dhalatay doodda dhex-martay labada nin.

“Ma ra’yigeyga ayaa ii diideysaa Senator ma sharci ayaad u haysataa adiga? yaa awooddaas ku siinaya” ayuu isna ugu jawaabay Xildhiban Waliid.

Waxaa kale oo uu Xildhibaan Maxamed Waliid khudbadiisa sii raaciyay Aad ayaa u khaldan tahay ee Akhlaaq yeelo”

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haatan ka doodaya cutubka 4-aad ee dastuurka, xilli ay weli diidan yihiin xubnaha mucaaradka iyo sidoo kale hoggaanka sare ee Puntland.

Dhacdo argagax leh oo ka dhacday DDS, kadib markii…

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhulka deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in maanta dhacdo argagax leh ay ka dhacday gudaha tuulada Waydkaal ee Degmada  Baaray oo ka tirsan Gobolka Afdheer ee ismaamulkaasi.

Dhacadaan oo lagu laayay dad shacab ah ayaa timid, kadib markii uu maran ka dhashay bixinta magta nin horay ugu dhintay shil baabuur oo labo beelood ay ku heshiin waayeen.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in beesha lagu leeyahay magta ay sheegtay inay bixineyso 44 neef oo Geel, balse waxaa taas diiday dhinaca kale oo dalbaday 100 neef, waxaana sidaas ku bilowday muranka labada beelood oo markaas magta u fadhiyay.

Intaas kadib ayaa waxaa heshiiskii u socday labada beelood ka kacay qoyska wiilka ka dhintay, ayada oo ciidamada ammaanka ay isku dayeen inay kusoo celiyaan goobta, balse waxaa sidaas kusii xoogeystay muranka oo isku beddalay gacan ka hadal toos ah.

Dhalinyaro careysan iyo ciidamada ayaa isku dhacay, taas oo keentay in laamaha amnigu ay rasaas adeegsadaan, waxaana isla goobta ku dhintay 5  qof oo isugu jira rag iyo dumar.

Sidoo kale waxaa jira dhaawac soo gaaray shacab iyo ciidan, ayada oo meesha ay ka dhacday mashaqo iyo masiibo ka wayn tii loo fadhiyay ee lagu heshiin la’aa.

War kasoo baxay ismaamulka deegaanka Soomaalida ayaa looga hadlay dhacdadan, waxaana lagu sheegay in dowladda ay waddo baaritaan ku aadan falkaasi argagaxa leh.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in marka uu soo dhammaado baaritaanka tallaabo laga qaadi doonto ciddii ka dambeysay sida ay waxu dhaceen.

Si kastaba, dhacdadan oo si aad ah looga hadlay haayo baraha bulshada ayaa waxaa si weyn uga argagaxay dadka deegaanka, maadaama ay abuurtay xiisad horleh.

Sawirro: Shir u dhexeeyo Farmaajo, Shariif iyo Saciid Deni oo ka furmay Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeyo madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni.

Shirkan aya waxaa sidoo kale goob joog ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka oo dood ay ka taagan tahay.

Dooda dastuurka ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, waxaana isku haya dhinacyada mucaaradka iyo kooxda Villa Soomaaliya oo garab ka heleyso guddoonka baarlamaanka.

,Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay hadlay ayaa sheegay in la joogo xilligii loo guntan lahaa howsha dastuurka, maadaama uu sanado badan qabyo ahaa, ayna lagama maarman tahay in la dhaqaajiyo oo hore loo wado.

Kulanka ka furmay ayaa kusoo aadaya, xilli ay Villa Somalia isku dayeyso in ay meel-mariso dastuurka dalka oo ay haatan ku howlan yihiin labada gole ee baarlamaanka dalka.

Shariif, Farmaajo iyo Deni ayaa qorshahooda yahay sidii ay u sameyn lahaayeen isbaaheysi siyaasadeed mucaarad ah oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, si ay uga hortegaan qorshihiisa ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Saddexda nin ayaa xilligaan ka mideysan diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee ay waddo Villa Soomaaliya, waana qodobka la aaminsan yahay in uu ka bilaaban karo is-xulefysiga labada dhinac.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqa ka socda Garoowe ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Deni kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh.

Sarkaal sare iyo askar kale oo lagu dilay weerar ka dhacay gobolka Shabellaha Hoose

0

Marka (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weeraro culus oo ay Al-Shabaab maanta ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaano dhaca dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Al-Shabaab ayaa weeraradan usoo abaabushay si qorsheysan, waxayna kula dheel-matay xilli hore oo ay hurdayeen inta badan ciidamada ku sugnaa goobaha la weeraray.

Weerarka koowaad ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu qaaday saldhig ay ciidamada Boolis Milataaro ku lahaayeen deegaanka Jilib Marka, halkaas oo uu ka dhacay dagaal foolka fool ah, kadib markii ay isku dhaceen ciidamada iyo xubnaha weerarka soo qaaday.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheega in weerarkaasi lagu dilay sarkaal sare oo lagu magacaabo Gaashaanle Liibaax Maxamed Cabdulle (Golcad), kaas oo kamid ah ciidamada boolis milataaro ee loogu talagalay sugida amniga Muqdishio agagaarkeeda.

Taliyaha ayaa waxaa la dhintay ku dhawaad 10 askari oo kale, kadib markii weerar toos ah iyo qaraxyo ay la beegsadeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka soo weeraray.

Sidoo kale weerarka labaad ayaa isna lagu qaaday fariisin ay ciidanka Harmacad ku leeyihiin deegaanka Dhanaane, halkaas oo iyana lasoo wariyay inuu ka dhacay dagaal kale.

Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay muddo kooban la wareegtay goobaha lagu dagaalamay, ayna dab qabadsiisay xerooyinka ciidamada ee ay la wareegtay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada lagu dagaalamay ee ay kusoo duuleen Al-Shabaab.

Ma jiro weli wa rasmi ah oo kasoo baxay dowladda oo ku aadan dagaalkaasi lagu dilay sarkaalka sare iyo qaar kamid ah askartii uu watay.

Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli maalmihii u dambeeyay ciidamada boolis milataaro iyo kuwa gaarka ah ee Haramcad ay howlgalo ka waday duleedka magaalada Muqdisho.

Sanad kahor Al-Shabaab ayaa sidan oo kale weerar loo adeegsaday qarax ugu dishay taliyihii booliska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole oo xilligaas oo howlgal ka waday inta u dhexeysa degmooyinka Balcad iyo Afgooye, gaar ahaan dhulka beeraha ee aagga Basra.

 

Sawirro: Weerar lagu laayey 115 qof oo lagu qaaday Moscow iyo koox sheegatay

Moscow (Caasimada Online) – Rag hubeysan ayaa xalay weerar ku qaaday masrax uu ka socday bandhig faneed oo ku yaalla duleedka magaalada Moscow ee caasimadda Ruushka, ayaga oo dilay ugu yaraan 115 qof, dhaawacayna 140 kale.

Dableyda oo soo xirtay dharka militariga ayaa soo galay dhismaha, ayaga oo furay rasaas xooggan islamarkaana tuuray bam gacmeedyo, sida uu sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka RIA Novosti oo ku sugnaa goobta.

Rasaasta ayaa kadib ku baahday hoolka xafladaha ee Crocus City ee xaafadda Krasnogorsk ee duleedka woqooyi ee Moscow, kaasi oo qaada kumanaan qof islamarkaana marti-geliyey heesaha fanaaniinta caalamiga ah.

“Sida ay sheegeyso xog horudhac ah, 115 qof ayaa la dilay, in ka badan 100 kalena waa dhaawac kadib weerarkii argagixisada ee hoolka Crocus City,” waxaa sidaas sheegtay hay’adda amniga Ruushka ee FSB, oo ay soo xigteen wakaaladda wararka Interfax iyo warbaahinta kale ee Ruushka.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in baaritaan “argagixiso” la billaabay, islamarkaana madaxweyne Vladimir Putin si joogto ah loola socodsiinayo xaaladda.

Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dagaal-yahanada Daacish “ayaa weeraray isku imaatin ballaaran oo ka socday duleedka caasimadda Ruushka ee Moscow,” ayey kooxda ku tiri bayaan ay soo dhigtay barta Telegram.

Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada ay “si nabad ah ugu laabteen saldhigyadooda.”

Ciidamada ilaalada qaranka Ruushka ayaa sheegay inay ku sugan yihiin goobta oo ay baadi goobayaan dambiilayaasha.

Alexei oo ah musikiiste ku sugnaa bandhigga ayaa AFP u sheegay “inuu maqlay rasaas si xooggan uga dhaceysa qoryaha darandooriga u dhaca, kadibna ooyin badan ay xigtay.”

Ciidamada ammaanka oo ay soo xigatay Interfax ayaa sheegay in qiyaastii laba illaa shan nin “oo xiran dharka militariga, islamarkaana wata qoryaha darandooriga u dhaca,” ay fuliyeen weerarka.

Muxuu Xamza ka yiri arrinta muranka badan uu ka taagan yahay ee dastuurka dalka?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabad Jimcihii ka dhacday magaalada Muqdisho, gaar ahaan madaxtooyada ayaa ka hadlay arrinta muranka badan uu ka taagan yahay ee dhammeystirka dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkaan ka jeediyey kulan ciwaankiisu ahaa “Afur wadareedka is aragga xukuumadda iyo bulshada” ayaa  sheegay in dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah.

Xamza ayaa shaaca ka qaaday in dhammeystirka dastuurka ay ku xiran tahay karaamada iyo dowladnimada Soomaaliyeed, sida uu ku dooday ra’iisul wasaaruhu.

“Walaalayaal dastuurku maanta wuxuu jiraa gacan aamin ah, qof kasta meel ayuu ka daneynayaan dastuurka, laakiin waxaan idin leeyahay qof kasta shaqadiisa haloo daayo, dhameystirkiisa waxaa ku xiran karaamada iyo dowladnimadeena, qof kasta oo xil idinka raba wuxuu dhihi jiray dastuurka ayaan dhameynayaa, balse maanta ayagii ayaa diidan inaan dhameystirno,” ayuu yiri Xamza.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray si aan dalku u gelin hubinta la’aan siyaasaddeed in ay muhiim tahay in hadda sameeyo shuruucdii hagi lahayd doorashooyinka dalka, si aan hadhow u imaan muran siyaasaddeed oo doorashooyinka la xiriira.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo sii hadlayay ayaa sheegay in dhammeystirka dastuurka KMG ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hortabin wadareed dadka Soomaaliyeed oo dhan u taalla, taas u baahan in la isku kaalmeysto ee aan u baahayn in la isku mucaarido.

“Muskhiladda jirta waa haddii aanan anigu fulinayn dastuurka sidiisa ha iska ahaado, berri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed sidii dhici jirtay,” ayuu mar kale yiri Xamza.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo hadal qaaday dooda haweenka oo maalmahaan dalbanayey in dastuurka lagu cadeeyo oo qodob dhan laga dhigo qoondada haweenka oo 30% ah, isagoo sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ay xukuumadiisu u ogoshahay wax kasta oo ay dalbanayaan, isagoo haweenka kula taliyey in hanaan sharci ah ay xuquuqdooda ku raadsadaan oo buuq ka fogaadaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli xubnaha mucaaradka ay diidan yihiin qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan wax ka beddalka dastuurka dalka, waxaana hormuud ah xubnaha diidan madaxweynayaashii hore iyo Deni oo haatan ku wada sugan Garoowe.

Nabadoonkii HARGEYSA ka yiri “Laftinagaa” oo gurigiisa lagu weeraray (Warbixin)

Hargeysa (Caasimada Online) – Goban Hoola oo ah oday dhaqameed ka tirsan qoomiyadda Oromada ee dalka Itoobiya, kana soo jeeda deegaanka Tulama ayaa sheegay in amnigiisa uu ka walaacsan yahay, kadib markii ciidamo ka socda ismaamulka Oromia ay baaritaan ku sameeyeen hoygiisa, iyaga oo aan wax ogolaansho ah ka wadan maxkamadda.

Nabadoon Gaban ayaa lagu xasuustaa eraygii (Laftinagaa) wuxuuna bilo ka hor ka mid ahaa odayaal ka socda Itoobiya oo soo booqday Somaliland, balse dadka Soomaaliyeed ay aad u dhibsanayeen, maadaama qorshahoodii laga fahmay inay doonayaan qeyb ka mid ah badda Soomaaliya.

Odagaan oo la hadlay BBC ayaa sheegay in ciidamada booliska ee Oromia ay hareereeyeen hoygiisa, iyagoo gudaha u galay qolkiisa jiifka, kadibna baaritaan culus ku sameeyey.

“Waxay gudaha u galeen qolkeygii jiifka iyaga oo u jeedkoodu ahaa in ay i dilaan, nasiib wanaag waan ka maqnaa guriga xilligaas, waxay qaateen shey aabaheey dhaxal ahaan ii siiyay, qoyskii oo dhanna way argagaxeen,” ayuu yiri.

Dhinaca kale, Madaxa Booliska magaalada Maqii ee Oromada ayaa beeniyay dhamaan eedaha uu soo jeediyay odey dhaqmeedkaan oo sheegay in la dili rabay, isagoo sheegay in gurigiisa aysan wax xabad ah ka dhicin isaguna uusanba meesha joogin.

Sidoo kale booliska ayaa ku dooday in maxkamadda ay fasax uga heysteen inay galaan guriga, isla markaana ay waayeen odaga qoyskiisana aysan wax dhibaato ah u geysan.

Goban Hoola ayaa lagu xasuustaa in uu sanadkaan bilowgiisa booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, isaga oo halkaas kulan kula qaatay odayaal dhaqmeed kale oo reer Somaliland ah.

Waxaa baraha bulshada hadal hayn wayn ka dhaliyay duco uu aqrinayay, taas oo eray ka mid ah uu ahaa “Laftinagaa” Dadka Soomaaliyeed ayaa aad u falanqeeyey eragaas, laakiin markii dambe waxaa la ogaaday inuu yahay duco lagu akhriyey afka Oromada.

Xasan Sheekh oo war culus kasoo saaray weerarka lagu hoobtay ee dalka Ruushka

0

Moscow (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa looga hadlay weerarkii Jimcihii ka dhacay magaalada Moscow ee caasimada dalka Ruushka, kaas oo lagu laayay illaa 40 qof, laguna dhaawacay 100 kale.

Weerarka oo ahaa mid argagixiso ayaa si gaar ah loola bartilmaameedsaday masrax uu ka socday bandhig faneed oo ku yaalla duleedka magaalada Moscow, kadib markii ay gudaha u galeen rag hubeysan oo rasaas ku furay hoolka.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay aad uga xun yihiin weerarkaasi, isla markaana ay cambaareynayaan nooc kasta oo argagixiso.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xilligan adag ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Ruushka oo khasaare xoogleh kala kulmay dhacdadaasi.

“Dowladda Soomaaliya xilligan adag waxa ay garab taagan tahay shacabka Ruushka, waxayna diiday dhammaan noocyada rabshadaha ee argagaxisada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.

Dableyda weerarka fulisay ayaa waxa ay soo xiratay dharka militariga waxayna kadib gashay dhismaha, ayaga oo furay rasaas xooggan isla markaana tuuray bam gacmeedyo, sida uu sheegay weriye ka tirsan wakaaladda wararka RIA Novosti oo ku sugnaa goobta.

Rasaasta ayaa kadib ku baahday hoolka xafladaha ee Crocus City ee xaafadda Krasnogorsk ee duleedka woqooyi ee Moscow, kaasi oo qaada kumanaan qof islamarkaana marti-geliyey heesaha fanaaniinta caalamiga ah.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in baaritaan “argagixiso” la billaabay, islamarkaana madaxweyne Vladimir Putin si joogto ah loola socodsiinayo xaaladda.

Dhinaca kale kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Dagaal-yahanada Daacish “ayaa weeraray isku imaatin ballaaran oo ka socday duleedka caasimadda Ruushka ee Moscow,” ayey kooxda ku tiri bayaan ay soo dhigtay barta Telegram.

Bayaanka Daacish ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada ay “si nabad ah ugu laabteen saldhigyadooda.”

 

Halkee la geeyay burcad badeeddii afduubatay markabka RUEN ee la qabtay?

Mumbai (Caasimada Online) – War cusub ayaa kasoo kordhay xaaladda burcad badeed Soomaali ah oo todobaadkii hore u gacan galay ciidamada badda Hindiya, kadib howlgal culus oo ka dhacay xeebaha bari ee maamulka Puntland.

Burcadda oo afduub ahaan u haysatay markab lagu magacaabo MV Ruen ayaa ugu dambeyn maanta la geeyay magaalada Mumbai, sida ay sheegeen ciidamada badda ee dalka Hindiya.

Markab nooca dagaalka ah oo lagu magacaabo INS Kolkata kooxdan geeyay magaalada Mumbai, kuwaas oo ay tiradoodu gaareyso illaa 35 burcad badeed ah.

Sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada badda Hindiya waxaa haatan brcad badeeddan lagu wareejiyay booliiska Mumbai, si xabsiga loo dhigo.

Sidoo kale waxaa bilaaban doonta maxkamadeyntooda, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“INS Kolkata, oo ay la socdaan 35-ka burcad badeedda ah ee la qabtay, waxay gaareen Mumbai 23-kii Maarso, waxayna ku wareejiyeen burcad-badeedda booliiska maxalliga ah si ay u qaadaan tallaabo sharci oo dheeri ah oo waafaqsan sharciyada Hindiya, gaar ahaan sharciga ka-hortagga burcad-badeedda ee 2022,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ciidanka badda Hindiya.

Howlgalka lagu soo qabtay kooxdan ayaa qaatay illaa 40 saacadood oo gacan ka hadal ah, waxaana fuliyey Markabka dagaalka ee INSSubhadra oo ay caawinayaan diyaaradaha qumaatiga u kaca iyo kuwa ilaalada ee aan duuliyaha lahayn.

Xilliga howlgalku dhacayey markabka ayaa ku sugnaa masaafo 1400 Nautical Miles u jirta xeebta badweynta Hindiya.

Markabka MV Ruen, ayaa waxaa laga leeyahay dalka Bulgaariya, balse ku gooshayey calanka dalka Malta, kaas oo burcad baddeed Soomaali ah ka soo afduubeen biyaha caalamiga ah dhammaadkii sanadkii 2023-kii.

Daawo: Xamza oo Farmaajo iyo kooxdiisa kula taliyey inay cafis weydiistaan dadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u nasteexeeyey madaxweyne Farmaajo, isagoo kula taliyey in dadka Soomaaliyeed ee lagu dhibaateeyey xukunkiisa uu cafis weydiisto, inta lagu jiro bishaan qiimaha badan ee Ramadaan.

Inkastoo magaca Farmaajo uusan carrabkiisa ku dhufan, hadana Xamza Cabdi Barre wuxuu soo tiriyey qaar ka mid ah gabood-falladii ay geystay dowladii Farmaajo, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay sida uu weli iskula saxan yahay.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in mudadii ay raggaas uu kooxda Farmaajo kala jeedo ay xukunka joogeen ay dalka ka geysteen jariimooyin uu ka xusay in madaxdii hore ee dalka shil diyaaradeed loo qorsheeyey, in kabaha lagu aasay dad la laayey oo dabcan uu kala jeeday askartii lagu laayey guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Xamsa ayaa sheegay in xiligaas la waayey muwaadiniin ay haween ku jireen oo dabcan uu kala jeeday Ikraan Tahliil, in la cunaqabateeyey oo dhiigbax iyo gaajo loo dilay dadkii ku noolaa gobollada dalka qaar oo dabcan uu Gedo iyo Jubbooyinka kala jeedo.

“Waxyaabahaas oo dhan waa dhaawacyo aad geysteen, hadiiba aad nasiib u yeelateen in idinkoo nool aad dalka dib ugu soo laabateen, in bisha Ramadaan waxaa idiin fiicneed inaad dib u dhaydaan dhibaatooyinkaa geysateen oo dadkiina cafis weydiisataan, waa hadii umadaan aad rajo dambe ka qabto, in wixii aad geysatay hilmaanto oo hadda aad wax sii qasto, runtii ma qurux badna, marka waxaan soo jeedinayaa in dadka cafis la weydiisto,” ayuu yiri Xamza Barre.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkaan ka jeediyey kulan ciwaankiisu ahaa “Afur wadareedka is aragga xukuumadda iyo bulshada” ayaa dhinaca kale ka hadlay arrinta muranka badan uu ka taagan yahay ee dhameystirka dastuurka dalka, isagoo sheegay in dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah.

“Walaalayaal dastuurku maanta wuxuu jiraa gacan aamin ah, qof kasta meel ayuu ka daneynayaan dastuurka, laakiin waxaan idin leeyahay qof kasta shaqadiisa haloo daayo, dhameystirkiisa waxaa ku xiran karaamada iyo dowladnimadeena, qof kasta oo xil idinka raba wuxuu dhihi jiray dastuurka ayaan dhameynayaa, balse maanta ayagii ayaa diidan inaan dhameystirno,” ayuu yiri Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo hadal qaaday dooda haweenka oo maalmahaan dalbanayey in dastuurka lagu cadeeyo oo qodob dhan laga dhigo qoondada haweenka oo 30% ah, isagoo sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ay xukuumadiisu u ogoshahay wax kasta oo ay dalbanayaan, isagoo haweenka kula taliyey in hanaan sharci ah ay xuquuqdooda ku raadsadaan oo buuq ka fogaadaan.

Hoos ka daawo

Daawo: Xamza oo u jawaabay raggii sheegay in SYL ‘looga xaday Qalin iyo Dahab’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay sida uu u soo hagaagayo amniga caasimadda Muqdisho, isagoo tusaale u soo qaatay arrimo ka dhashay weerarkii Hotel SYL ay Shabaab ka geysteen.

Labo nin oo warbaahinta la hadlay maalin kadib markii uu weerarkaasi dhacay ayaa sheegay inay ka maqan tahay Alaab ay uga carareen Hotelka, iyagoo ciidamada ammaanka ku eedeeyey inay alaabtaas qaateen.

Nin safiir soo noqday ayaa ku jiray ragga xatooyada ku eedeeyey ciidamada amniga ee Shabaab ka badbaadiyey dadkii lagu weeraray Hotelka, kaas oo sheegay in qalin laga xaday, halka ninka kale uu sheegay in dahab laga xaday, maadaama xaaskiisa ay la deganeed oo aroos ah ay ahaayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo hadalladii ay warbaahinta mariyeen labadaas nin si tusaaleyn ah uga jawaabay ayaa sheegay in amniga dalkaan uu soo hagaagay oo la soo gaaray heer hanti iyo qalimaan laga fekero, inta lagu guuleystay badbaadinta naftii muwaadinka.

“Amniga uu Rabbi nagu maneystay, markii ay wax dhacaan waxaa la dhihi jiray qof ayaa iga dhintay iyo waa la baaba’ay, balse waxaan maanta mareynaa ‘qalin ayaa iga maqan, computer ayaa iga maqan iyo xaaskaa ila degeneed oo dahab ayaa ka lumay’ taasi waxay ku tusineysaa inaan meel fog ka nimid oo amniga dalkeenu soo hagaagay,” ayuu yiri Xamsa Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa duqa Muqdisho iyo hey’adaha ammaanka uga mahadceliyey dadaalka ay geliyeen sugidda amniga caasimada, isagoo ka dalbaday inay sii laba jibaaraan halganka amni xaqiijinta ah oo ay ku jiraan.

Sidoo kale, R/Wasaare Xamza ayaa ka hadlay dhaqanka bulshada, isagoo sheegay in mararka qaar ay soo gaaraan inuu magaalada ka jiro dhaqan aan wanaagsaneyn, sida isticmaalka maandooriyaha, soon la’aan, tumasho iyo waxyaabo kale oo diinteena suuban aysan ogoleyn, isagoo dalbaday in meel looga soo wadajeesto dhaqan xumada oo la suuliyo.

“Waxaan nahay dad dagaal ku jira, shacab iyo dowlad waxaa la rabaa inaan dadaalno, is dhigasho ayaa dhacda mararka qaar,  waa inaan amniga gacmaheena ku raadsanaa, aan tirtirno Khawaarijta, hadii ay towbad keeni waayaan, in Khawaarij dalkaan la dhaafiyo waxaa ku xiran dowladnimadeena, diinteena ilaalinteeda iyo wax kasta oo wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan ciwaankiisu ahaa “Afur wadareedka is aragga xukuumadda iyo bulshada” kaas oo wasaaradda arrimaha gudaha ay soo qabanqaabisay, laguna qabtay beerta nabadda ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh oo si adag ugu jawaabay Sheekh Shariif iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka.

Madaxweynaha oo weli ku dhegan qorshihiisa dastuurka ayaa marka hore sheegay in la joogo xilligii loo guntan lahaa howsha dastuurka, maadaama uu sanado badan qabyo ahaa, ayna lagama maarman tahay in la dhaqaajiyo oo hore loo wado.

Madaxweynaha oo u jawaabay madaxdii hore oo meel adag iska taagay wax ka beddelka dastuurka ayaa ku dhaliilay sida ay u wajaheen arrintaan, isaga oo sheegay in iyaga xaq loogu leeyahay inay waajibkooda ka gutaan dastuurka, maadaama ay yihiin xildhibaanno ka tirsan BF.

“Masuuliyiinta maanta hadlaya qaarkood waa xildhibaano waajib waxaa loogu leeyahay Alle hortiis inta ay yimaadan baarlamaanka ay ra’yigooda meesha ka dhiibtan, baarlamaan wuxuu baarlamaan ku yahay nidaamkiisa in uu raaco,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Baarlamaanka waa tagaya waxa rabo oo ila quman ayaa sheegaya waana in la qaata dhaqan baarlamaan, mid dimuqraadiyadeed iyo mid fiican toona maaha. Baarlamaanka Federaalka ayay kasoo dhex baxdaa shuruucda umadda lagu hayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in nidaamka cusub ee lagu beddelayo haykalka dowladnimada iyo hanaanka arrimaha ay ku timid diidmo ka dhalatay hanaanka hadda, taasi oo uu sheegay inay ka timid dowlad-goboleedyada.

“Sidii hore hadaa rabin oo dowlad-goboleedkii uusan rabin, oo heshiiskan waxaa keenay hoggaanka dowlad-goboleedka oo waxaa lagu saleeyay wixii shalay laga bartay doorashadii dhacday. Mid sidaa isku dooran jirnay ka fiican ayaa isku dooran doona laakiin weli in lasii hormuriyo usii baahnan doonta ayaa isku dooran doona, waana dowladnimada.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday marxaladihii uu soo maray dastuurka KMG iyo sida dowladihii kala dambeeyay ay waxba uga qaban waayeen, isagoo ku tilmaamay mashruuc ay ku baxday malaayiin dollar.

“Dastuurka ayay ku cadahay cidda go’aanka wax ka beddelka iyo hore u socodsiintiisa iska leh. Sanad aan dastuurka laga shaqeynayn ma jirin, oo dastuurkan mashruuc ayuu ahaan jiray oo malaayiin ayaa ku bixi jirtay oo dibadda ayaa lagaga soo shaqey jiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka daawo muuqaalka