26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Daawo: Xamza oo Farmaajo iyo kooxdiisa kula taliyey inay cafis weydiistaan dadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa u nasteexeeyey madaxweyne Farmaajo, isagoo kula taliyey in dadka Soomaaliyeed ee lagu dhibaateeyey xukunkiisa uu cafis weydiisto, inta lagu jiro bishaan qiimaha badan ee Ramadaan.

Inkastoo magaca Farmaajo uusan carrabkiisa ku dhufan, hadana Xamza Cabdi Barre wuxuu soo tiriyey qaar ka mid ah gabood-falladii ay geystay dowladii Farmaajo, isagoo wax lala yaabo ku tilmaamay sida uu weli iskula saxan yahay.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in mudadii ay raggaas uu kooxda Farmaajo kala jeedo ay xukunka joogeen ay dalka ka geysteen jariimooyin uu ka xusay in madaxdii hore ee dalka shil diyaaradeed loo qorsheeyey, in kabaha lagu aasay dad la laayey oo dabcan uu kala jeeday askartii lagu laayey guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Sidoo kale Xamsa ayaa sheegay in xiligaas la waayey muwaadiniin ay haween ku jireen oo dabcan uu kala jeeday Ikraan Tahliil, in la cunaqabateeyey oo dhiigbax iyo gaajo loo dilay dadkii ku noolaa gobollada dalka qaar oo dabcan uu Gedo iyo Jubbooyinka kala jeedo.

“Waxyaabahaas oo dhan waa dhaawacyo aad geysteen, hadiiba aad nasiib u yeelateen in idinkoo nool aad dalka dib ugu soo laabateen, in bisha Ramadaan waxaa idiin fiicneed inaad dib u dhaydaan dhibaatooyinkaa geysateen oo dadkiina cafis weydiisataan, waa hadii umadaan aad rajo dambe ka qabto, in wixii aad geysatay hilmaanto oo hadda aad wax sii qasto, runtii ma qurux badna, marka waxaan soo jeedinayaa in dadka cafis la weydiisto,” ayuu yiri Xamza Barre.

Ra’iisul Wasaaraha oo hadalkaan ka jeediyey kulan ciwaankiisu ahaa “Afur wadareedka is aragga xukuumadda iyo bulshada” ayaa dhinaca kale ka hadlay arrinta muranka badan uu ka taagan yahay ee dhameystirka dastuurka dalka, isagoo sheegay in dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah.

“Walaalayaal dastuurku maanta wuxuu jiraa gacan aamin ah, qof kasta meel ayuu ka daneynayaan dastuurka, laakiin waxaan idin leeyahay qof kasta shaqadiisa haloo daayo, dhameystirkiisa waxaa ku xiran karaamada iyo dowladnimadeena, qof kasta oo xil idinka raba wuxuu dhihi jiray dastuurka ayaan dhameynayaa, balse maanta ayagii ayaa diidan inaan dhameystirno,” ayuu yiri Xamza.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo hadal qaaday dooda haweenka oo maalmahaan dalbanayey in dastuurka lagu cadeeyo oo qodob dhan laga dhigo qoondada haweenka oo 30% ah, isagoo sheegay in gabdhaha Soomaaliyeed ay xukuumadiisu u ogoshahay wax kasta oo ay dalbanayaan, isagoo haweenka kula taliyey in hanaan sharci ah ay xuquuqdooda ku raadsadaan oo buuq ka fogaadaan.

Hoos ka daawo

Daawo: Xamza oo u jawaabay raggii sheegay in SYL ‘looga xaday Qalin iyo Dahab’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay sida uu u soo hagaagayo amniga caasimadda Muqdisho, isagoo tusaale u soo qaatay arrimo ka dhashay weerarkii Hotel SYL ay Shabaab ka geysteen.

Labo nin oo warbaahinta la hadlay maalin kadib markii uu weerarkaasi dhacay ayaa sheegay inay ka maqan tahay Alaab ay uga carareen Hotelka, iyagoo ciidamada ammaanka ku eedeeyey inay alaabtaas qaateen.

Nin safiir soo noqday ayaa ku jiray ragga xatooyada ku eedeeyey ciidamada amniga ee Shabaab ka badbaadiyey dadkii lagu weeraray Hotelka, kaas oo sheegay in qalin laga xaday, halka ninka kale uu sheegay in dahab laga xaday, maadaama xaaskiisa ay la deganeed oo aroos ah ay ahaayeen.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo hadalladii ay warbaahinta mariyeen labadaas nin si tusaaleyn ah uga jawaabay ayaa sheegay in amniga dalkaan uu soo hagaagay oo la soo gaaray heer hanti iyo qalimaan laga fekero, inta lagu guuleystay badbaadinta naftii muwaadinka.

“Amniga uu Rabbi nagu maneystay, markii ay wax dhacaan waxaa la dhihi jiray qof ayaa iga dhintay iyo waa la baaba’ay, balse waxaan maanta mareynaa ‘qalin ayaa iga maqan, computer ayaa iga maqan iyo xaaskaa ila degeneed oo dahab ayaa ka lumay’ taasi waxay ku tusineysaa inaan meel fog ka nimid oo amniga dalkeenu soo hagaagay,” ayuu yiri Xamsa Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa duqa Muqdisho iyo hey’adaha ammaanka uga mahadceliyey dadaalka ay geliyeen sugidda amniga caasimada, isagoo ka dalbaday inay sii laba jibaaraan halganka amni xaqiijinta ah oo ay ku jiraan.

Sidoo kale, R/Wasaare Xamza ayaa ka hadlay dhaqanka bulshada, isagoo sheegay in mararka qaar ay soo gaaraan inuu magaalada ka jiro dhaqan aan wanaagsaneyn, sida isticmaalka maandooriyaha, soon la’aan, tumasho iyo waxyaabo kale oo diinteena suuban aysan ogoleyn, isagoo dalbaday in meel looga soo wadajeesto dhaqan xumada oo la suuliyo.

“Waxaan nahay dad dagaal ku jira, shacab iyo dowlad waxaa la rabaa inaan dadaalno, is dhigasho ayaa dhacda mararka qaar,  waa inaan amniga gacmaheena ku raadsanaa, aan tirtirno Khawaarijta, hadii ay towbad keeni waayaan, in Khawaarij dalkaan la dhaafiyo waxaa ku xiran dowladnimadeena, diinteena ilaalinteeda iyo wax kasta oo wanaagsan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xamza Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka jeediyey kulan ciwaankiisu ahaa “Afur wadareedka is aragga xukuumadda iyo bulshada” kaas oo wasaaradda arrimaha gudaha ay soo qabanqaabisay, laguna qabtay beerta nabadda ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo

Daawo: Xasan Sheekh oo si adag ugu jawaabay Sheekh Shariif iyo Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada ayaa si adag uga hadlay xiisadda ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka.

Madaxweynaha oo weli ku dhegan qorshihiisa dastuurka ayaa marka hore sheegay in la joogo xilligii loo guntan lahaa howsha dastuurka, maadaama uu sanado badan qabyo ahaa, ayna lagama maarman tahay in la dhaqaajiyo oo hore loo wado.

Madaxweynaha oo u jawaabay madaxdii hore oo meel adag iska taagay wax ka beddelka dastuurka ayaa ku dhaliilay sida ay u wajaheen arrintaan, isaga oo sheegay in iyaga xaq loogu leeyahay inay waajibkooda ka gutaan dastuurka, maadaama ay yihiin xildhibaanno ka tirsan BF.

“Masuuliyiinta maanta hadlaya qaarkood waa xildhibaano waajib waxaa loogu leeyahay Alle hortiis inta ay yimaadan baarlamaanka ay ra’yigooda meesha ka dhiibtan, baarlamaan wuxuu baarlamaan ku yahay nidaamkiisa in uu raaco,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas kusii daray “Baarlamaanka waa tagaya waxa rabo oo ila quman ayaa sheegaya waana in la qaata dhaqan baarlamaan, mid dimuqraadiyadeed iyo mid fiican toona maaha. Baarlamaanka Federaalka ayay kasoo dhex baxdaa shuruucda umadda lagu hayo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in nidaamka cusub ee lagu beddelayo haykalka dowladnimada iyo hanaanka arrimaha ay ku timid diidmo ka dhalatay hanaanka hadda, taasi oo uu sheegay inay ka timid dowlad-goboleedyada.

“Sidii hore hadaa rabin oo dowlad-goboleedkii uusan rabin, oo heshiiskan waxaa keenay hoggaanka dowlad-goboleedka oo waxaa lagu saleeyay wixii shalay laga bartay doorashadii dhacday. Mid sidaa isku dooran jirnay ka fiican ayaa isku dooran doona laakiin weli in lasii hormuriyo usii baahnan doonta ayaa isku dooran doona, waana dowladnimada.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku dheeraaday marxaladihii uu soo maray dastuurka KMG iyo sida dowladihii kala dambeeyay ay waxba uga qaban waayeen, isagoo ku tilmaamay mashruuc ay ku baxday malaayiin dollar.

“Dastuurka ayay ku cadahay cidda go’aanka wax ka beddelka iyo hore u socodsiintiisa iska leh. Sanad aan dastuurka laga shaqeynayn ma jirin, oo dastuurkan mashruuc ayuu ahaan jiray oo malaayiin ayaa ku bixi jirtay oo dibadda ayaa lagaga soo shaqey jiray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hoos ka daawo muuqaalka

Kalsoonida ay Xasan iyo kooxdiisa ku qabto in la meel-mariyo qorshaha dastuurka

Muqdisho (Caasimada Online) – Villa Somalia waxay shaqo xooggan ka wadaa gudaha Xildhibaannada labada aqal ee baarlaamka, si loo ansixiyo afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka, kuwaasi oo wax badan oo cusub lagu siyaadiyay.

72 Mudane oo ka tirsan baarlamaanka ayaa liiskooda la wadaagay warbaahinta iyo saaxiibada caalamiga ah, laakiin sidaas oo ay tahay kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay aaminsan yihiin in afartaan cutub la ansixin doono inta aanay bishaan dhamaanin.

Waxaa jira qaar u ololeynaya 23 bishaan oo Sabtida ku aadan in afartaan cutub la marin doono baarlamaanka, si gacan taag ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa labadii cisho ee lasoo dhaafay wuxuu dadaal ugu jiray inuu kala fur-furo Xildhibaannada diidan qorshihiisa dastuurka.

Madaxtooyadda ayaa dib u cusbooneysiisay ballan-qaadyadii Xildhibaannada ee la xiriiray isku shaandheynta Golaha Wasiirrada, waxaana kale oo qaar Xildhibaannada kamid ah la sheegay in laga xaliyay arrimo gaar ah oo farsamo maaliyadeed noqon kara.

Laakiin sidaas oo ay tahay kalsooni kale ayay qabaan kooxda madaxweynaha, waana guddoonka baarlamaanka. Villa Somalia waxay haystaan guddoonka labada aqal, kuwaasi oo dano shaqsi ah ugu xiran Madaxtooyada.

Marar badan waxaa la dhaliilay hab hoggaaminta guddoonka labada aqal, si gaar ah Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), laakiin taasi ma dabcin Sheekh Aadan waqtina ma uusan gelin cabashada Xildhibaannada dhaliilsan hab hoggaamintiisa, waxaana weli toos ugu xiran yahay Villa Somalia.

Iyada oo la xasuusto habkii aan sharciga aheyn ee loo mariyay ansixinta habraaca loo marayo dastuurka, ayaa haddana kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay ku faaneysa inay guddoonka haysato, sidaas awgeedna ay marwalba adkaan doonto cidda haysata guddoonka.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxa uu sheegay in mar aan dheereyn ay shaleyn doonaan guddoonka iyo xildhibaannada ballamada dartood ku meel-marinaya qodobada aan laga heshiinin ee dastuurka.

Ma ahan ugub in guddoon baarlamaan uu rabaayad siyaasadeed u noqdo Madaxtooyada. Guddoomiye baarlamaan oo aanay Madaxtooyada yeelan karin waxaa ugu dambeeyay Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, mid kamid ah sababihii loola diriray waxay aheyd inuu diiday in uu raaco qorshooyinka caqli-galka aheyn ee Madaxtooyada.

Madaxda maamulada qaar, hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo xildhibaannada diidan habka uu madaxweyne Xasan Sheekh u wado howsha dastuurka ayaa dhinaca kale rumeysan in aan wax badan la baajin karin waqtigan, marka la eego sida uu guddoonka baarlamaanka ugu milmay danaha Madaxtooyada.

Sabtida berri ah ayaa la eegaya xalka, laakiin kooxda madaxweyne Xasan Sheekh waxay leeyihiin ciddii guddoonka haysata ayaa adag.

Israel iyo Sacuudi Carabiya oo ku dhow inay xiriir yeeshaan – Maxaa soo kordhay?

Qaahira (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka Antony Blinken ayaa Khamiistii sheegay in waddada ku wajahan xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudi Carabiya, oo uu dib u dhigay dagaalka Gaza, ay hadda aragto horumar wanaagsan.”

Blinken ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Qaahira ku sheegay in booqashadii uu Sacuudiga ku tegay Arbacadii ay dhashay “wadahadal aad u wanaagsan,” oo uu la yeeshay dhaxal-suge Maxamed bin Salamaan iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Faisal bin Farhan.

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray dagaalka Gaza iyo xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga, halkaasi oo Blinken uu booqday saddex jeer tan iyo 7-dii October.

Diblomaasiga ugu sarreeya Mareykanka ayaa sheegay inuusan “waqtiyeyn karin” xiriir dhex-mara Israel iyo Sacuudiga, hase yeeshee wadaxaajoodyada “ay ku dhowaanayaan heer aan gaari doono heshiis.”

Sarkaal sare oo ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka, oo la hadlay AFP, ayaa sheegay in horumar dheeri ah ay ku xiran tahay xal laga gaaro arrimo dhowr ah.

Blinken ayaa sheegay inay u noqon doonto “fursad taariikhi ah labada dal iyo gobolka oo dhan.”

Washington ayaa xulufadeeda dalalka Carabta kala hadashay qorshayaal ku xeeran maamulidda Gaza ee dagaalka kadib iyo heshiisyo dheeri ah oo ay xiriir kula yeelanayaan Israel.

Mareykanka, oo ah dalka taageerada ugu weyn siiya Israel, ayaa muddo isku dayey inuu heshiis xiriir dhex-dhigo Sacuudi Carabiya iyo Israel, taasi oo sidoo kale Mareykanka uu ka damaanad qaadayo amniga Boqortooyada.

Riyadh ayaa si kastaba heshiis noocaas ah shuruud uga dhigtay aqoonsiga dal madax-banaan oo Falastiin — taasi oo Israel ay diiday.

Si kastaba, heshiiska ayaa u muuqday mid dhow sanadkii tegay, kahor inta aanu qarxin dagaalka Gaza.

Dagaalka ayaa waxaa sababay weerar ay Xamaas 7-dii October ku qaadeen Israel oo lagu dilay 1,160 qof oo badankood shacab ahaa.

Boqortooyada ayaa aad u dhaliileysay ololaha aargudashada militari ee Israel ay ka waddo Gaza, kaasi oo ay ku dhinteen 32,000 oo qof oo badankood ah haween iyo caruur, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Gaza.

Riyadh ayaa sheegtay inaysan xiriir la aas-aasi doonin Israel illaa ay ciidamada Israel ka baxaan Gaza, islamarkaana heshiis laga gaaro abuurista dal Falasiin oo madax-banaan.

Sacuudi Carabiya weligeed ma aqoonsan Israel, kumana biirin heshiiska Mareykanka uu ka shaqeeyey 2020 ee Abrahms Accord, kaasi oo dalalka Khaliijka ee Bahrain iyo Imaaraadka iyo sidoo kale Morocco ay xiriir kula sameysteen Israel.

AFP, VOA

Madaxweyne Museveni oo wiilkiisa u magacaabay xil sare xilli uu jiro tuhun xooggan

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa wiilkiisa General Muhozi Kainrugaba u magacaabay taliyaha ciidamada difaaca dalkaas, sida ay sheegtay dowladda Uganda.

Ku dhawaaqista wasaaradda gaashaandhigga ayaa daba socotay hadal heyn sanado badan socotay oo ku saabsan in Kainerugaba loo diyaarinayo xilka ugu sarreeya ee Uganda.

Inkastoo 49-jirkan uu horay u beeniyay wararka sheegaya inuu doonayo inuu xilka kala wareego aabihiis oo ah hoggaamiye muddo dheer soo xukumayay dalka Uganda, haddana wuxuu ku dakeynayaa dallacsiin deg-deg ah oo uu ka gaaray darajada ciidamada Uganda.

Hadal laga tiray sannadkii hore barta X (ex-Twitter) Kainerugaba wuxuu sheegay inuu damacsan yahay inuu u tartamo madaxweyne Uganda doorashada 2026.

Kadib muran 2022 ka dhashay qoraal uu Kainerugaba ugu hanjabay Kenya, Museveni oo 79 jir ah, ayaa damcay inuu xakameeyo wiilkiisa, isagoo u sheegay “inuu ka fogaado baraha bulshada marka ay timaado arrimaha gobolka.”

Si kastaba, Museveni oo Kenya ka raali-geliyay dhacdadaasi ayaa difaacay Wiilkiisa keliya ee uu dhalay, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay “Jeneraal aad u wanaagsan”, islamarkaana uu darajadaas gaadhsiiyay maalmo uun kaddib markii uu khilaafku soo shaac baxay.

Sawirro: Sheekh Shariif oo gaaray Garoowe iyo xogta qorshaha ka socda Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhoweyd gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Wafdiga Shariif ayaa waxaa kamid ah xildhibaano, waxaana garoonka diyaaradaha ee Garoowe kusoo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka.

Shariif iyo xubnaha uu horkacayo ayaa waxay halkaasi kaga qeyb galayaan shir wada-tashi ah oo ku saabsan xaaladda dalka, gaar ahaan arrinta dastuurka oo xiisad xooggan ka taagan tahay.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu dalka ku socdo waddo khaldan, isaga oo baaq u diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu ku eedeeyay inuu wado wax ka daran wixii ay horey uga diideen Farmaajo.

Safarka Shariif ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli ay Villa Somalia isku dayeyso in ay meel-mariso dastuurka dalka oo ay ka taagan tahay dood badan, uuna Garoowe ku sugan yahay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shariif iyo Farmaajo ayaa qorshahooda yahay sidii Saciid Deni oo miisaan siyaasadeed leh ugu soo dari lahaayeen isbaaheysi siyaasadeed mucaarad ah oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh.

Saddexda nin ayaa xilligaan ka mideysan diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee uu wado madaxweyne Xasan, waana qodobka la aaminsan yahay in uu ka bilaaban karo is-xulefysiga labada dhinac.

Si kastaba, socdaalka ay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka ku tageen Garoowe ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Deni kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh.

Xanuun dad badan dilay oo ka dillaacay Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 54 qof ayaa Soomaaliya ugu geeriyootay cudurka daacuunka bilihii lasoo dhaafay, iyada oo toddobaadkii lasoo dhaafay ay u geeriyoodeen dad gaaraya ilaa 9 ruux.

Tan ayaa ka dhigan in sanad gudihiis dadkii ugu badnaa ay hal toddobaad u geeriyoodeen xanuunkan.

Ilaa dhowr kun oo qof ayaa xanuunkan laga helay gudaha Soomaaliya, iyada oo badankood lala tacaalay, sida laga soo xiganayo howl-wadeennada caafimaad ee Muqdisho.

Kiisaska u badan ee xanuunkan ayaa laga soo warinaya kaamamka barakacayaasha, halkaasi oo inta badan lagu yaqaano in aysan helin biyo nadiif ah oo ku haboon cabitaanka, islamarkaana uu aad u hooseeyo adeega caafimaadka iyo gaar ahaan arrimaha la xiriira fayo-dhawrka.

Sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa daadadkii Soomaaliya ka dhacay, oo iyagu laftigooda keenay xanuunkan, oo meelaha qaarkood ay biyo fadhiisimo noqdeen.

Howl-wadeennada caafimaadka ayaa sidoo kale sheegaya in xanuunkan ay saameyn ku leeyihiin isku gudubka waddamada deriska, oo sanadkii hore qaarkood laga soo tabiyay kiisas hor leh.

Dowladda federaalka Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo deeq-bixiyayaasha caalamka ayey howl-wadeennada caafimaadka ugu baaqayaan “in arrintaan la dhayalsan oo la iskaashado wax ka qabashadeeda,” kahor inta aysan xaaladda gaarin meel halis.

Sawirro: MUUSE BIIXI oo dagaal gelinaya culimada Somaliland hal arrin darteed

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay qasriga madaxtooyada kulan casho iyo afur ah ugu sameeyey culimada waaweyn ee maamulka, ayaa hor dhigay dalab cusub.

Madaxweyne Biixi ayaa culimada ugu baaqay inay difaaca dalkooda oo ula jeedo Somaliland ay safka hore ka galaan, kuna dhiirradaan jawaab ka bixinta wax kasta oo deel-qaaf iyo qadaf ku ah qarannimada Somaliland, sida uu hadalka u dhigay.

“Culimadu hoosta uun bay ka duceeyaan ee culimada kale ee dalka farogelinaysa uma jawaabaane, taas halla ogaado oo culimadu qaybtooda dalka haka qaataan marka ay culimada kale soo farogelinayso,” ayuu yiri Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Munaasibaddan oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa madaxweyne Muuse Biixi kala qayb-galay madaxweyne-ku-xigeenka, xubno kamid ah golaha wasiiradda, xildhibaanno, siyaasiyiin, badiba culimada waaweyn ee dalka iyo marti-sharaf kale.

Sidoo kale waxaa laga jeediyey munaasibadda hadallo la xiriira kaalinta muhiimka ah ee culimadu ku leedahay horumarinta dalka iyo isdhex-galka bulshada.

Sheekh Cabdilaahi Sheekh Cali Jawhar oo halkaasi ka hadlay ayaa bulshada kula dardaarmay inay isku tashadaan, ku dhaqanka Diinta ku adkaadaan, dawladnimada iyo waxa ay umadda heshiiska ku tahayna la wada ilaashado.

Qaar kamid ah culimada iyo aqoonyahanka dalka oo ay kamid yihiin Cabdirashiid Maxamed Baaxeer, Sheekh Almis Xaaji Yaxye, Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Yaasiin iyo Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali (Makaawi) ayaa si isku mid ah ugu dheeraaday kaalinta culimada iyo waajibka ka saaran dhismaha dalkooda iyo kobcinta waxyiga ummadda, waxayna madaxweynaha uga mahad,naqeen kulanka ballaadhan ee uu culimada dalka u qabtay.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa isaguna dhankiisa madaxweynaha uga mahad-celiyay muhiimadda uu siinayo inuu la kulmo culimada waaweyn ee dalka, talooyinkooda iyo aragtiyahoodana dhegaysto, isaga oo culimadana ugu baaqay inay talooyinkooda bud-dhig uga dhigaan ilaalinta dawladnimada.

Kulanka madaxweynaha iyo culimada Somaliland oo ah mid sanad leh ah ayaa kusoo aaday xilli ay Somaliland la daala dhaceyso xaaladdo is-biirsaday, oo ay kamid yihiin arrimaha doorashooyinka, dagaallada gudaha iyo xiisadda ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa ee badda.

Farmaajo oo si yaab leh loogu weeraray safarkii Garoowe

Garoow (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shalay ka degay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, ayaa si yaab leh loogu weeraray socdaalkiisa.

Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Amniga ee gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), oo sidoo kalena horey uga tirsanaa kooxda Farmaajo ayaa madaxweynihii hore ku weeraray in uu lumiyay shacbiyaddii uu lahaa sanado kahor.

Cali Yare ayaa isbar-bar dhig yaab leh ku sameeyay safar hore oo 2018-kii uu Farmaajo ku tegay magaalada Garoowe iyo kii shalay, kuwaasi oo ka turjumaya laba waaqic oo kala fog.

Ninkan oo hadda si adag uga soo horjeeda Farmaajo, ayaa sidoo kale waxa uu arrintaan ku tilmaamay “fadeexad iyo hoos u dhac shacbiyeed oo qeylu xad ah”, maadaama uu sheegay in aan Farmaajo looga soo bixin mid kamid ah magaalooyinkii markii uu tallada qabtay sida weyn looga taageeray ee looga soo baxay.

“Siyaasi-kastoow ogoow dadweynuhu waa hanti aan la goyn karin markii ay dhabarka ku xijiyaanna waa ka quusashadaada qaranka ood xukunto haddii kale sidii saaxiibkeey ayay kugu dhici doontaa,” ayuu yiri Cali Yare.

Hoos ka aqriso qoraalka Cali Yare

April 2020 xilligii uu Farmaajo shacbiyadda lahaan jiray, qiimeeyn aan ku sameeynay taageerayaasheenna dunida dacalladeeda ku nool waxaa kaalinta koowaad galay degmada Garoowe, Labaad Muqdisho, seddexaad Boosaaso, afaraad ma xasuusto Beledweeyne iyo Caabudwaaq midkii ay aheyd.

Labadaan sawir kan koowaad waa barxadda Garoowe waana 07 Jan, 2018. Kan labaad waa maanta 21 March 2024.

Horay waxaan u aragnay in halkii ay saaxiibkeey ay boqolaal kun oo taageerayaasheenna ahi daawan jirtay uu aakhirkii soo gaaray 5 kun oo qura, taas oo aheeyd hoos dhac 90% ah, maantana markale barxadda sidaan u maran iyo fadeexadani waxay ka dhacday magaaladii soomaali idilkeed loogu taageerada badnaa oo aan ognahay in asbuuc laga shaqeeynayay in shacab badan banaanka loo soo saaro.

Lacagtiina waa la cunay 2 qofna barxaddii Ciise Ruushka waa la keeni waayay.

Siyaasi-kastoow ogoow dadweeynuhu waa hanti aan la gooyn karin markii ay dhabarka ku xijiyaanna waa waa ka quusashadaada qaranka ood xukunto haddii kale sidii saaxiibkeey ayay kugu dhici doontaa; From Xabiibul Malaayiin TO Xabiibul Tobnaad.

Hay’adda NISA oo bedeshay aragtida ‘marqaatiga nool’ ee Muqdisho kadib markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa qaaday tallaabo bedelaysa aragtidii qaldaneyd ee laga haystay ‘marqaatiga nool’ ee magaalada Muqdisho.

Kaamiradaha ammaanka ee lagu xiray qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa durba la haya natiijada mirahooda, kadib markii ay raad-raac lagu soo qabto noqdeen Shabaab magaalada ka geystay weeraro kala duwan.

Warbixin muuqaal ah oo uu xalay Telefishinka Qaranka uu sii daayay ayaa waxaa lagu soo bandhigay caddeymo ay duubeen kaamirooyinka amniga, kuwaas oo si dhammeystiran looga arkayo qaabkii ay argagixisada u fuliyeen qaraxyo ka dhacay suuqa Bakaaraha oo goobo ganacsi lagu beegsaday.

Dhowr qof oo ka mida raggii qaraxyada fuliyay iyo kuwii caawinayay ayaa muuqaallada laga arkayay dhaq-dhaqaaqooda ka hor inta aysan qaraxyada fulin iyo kadibba. Waxaana ay taasi fududeysay in wax badan laga ogaado falalka ay fuliyeen kooxdaas oo ka koobneyd lix qof.

Waxaa kale oo iyagana xogtooda iyo muuqaalladooda la helay koox argagaxisada kamida oo suuqa Bakaaraha ku daadinayay waraaqado ganacasatada looga digayo inay kaamirooyin isticmaalaan.

Arrinta xiisaha leh ayaa waxay tahay in aragtida ku saabsan isticmaalka kaamirooyinka ay billowgii hore la kulantay dhaleeceyn iyo tuhun ay faafinayeen argagaxisada iyo dad sabab aan la aqoon u caawinayay, kuwaasi oo ka midaysnaa inay diidayeen hirgelinta kaamirooyin amniga lagula socda, taasi oo markii lagu adkeystay hadda la wada arkay faa’iidadeeda.

Faa’iidooyinka kaamirooyinka ay sahleen in muddooyinkan falalka dhacay in ka-daba-tagooda la helayay, gaar ahaan fal dambiyeedkii dhacay bishii 21-kii Febraayo 2024 oo rag ka tirsan Ciidanka Booliska inta afduubteen ay dileen AUN Abukar Kaabax oo raadkii dilkiisa waxyaabaha lagu helay ay ka mid aheyd kaamiirooyinka Amniga.

Imaaraatka Carabta iyo amniga Soomaaliya – Maxaadan ogeyn?

Sida aad u malaynayso xaalka waa ka qotodheer yahay. Muddo 30 sano ka badan ayay dowladda Imaaraatka ku lug lahayd amniga Soomaaliya.  

Markii koowaad Imaaraatka waxa ay ciidamo ku biiriyeen hawlgalkii Rejo Soo Celinta ee Qaramada Midoobay sanadkii 1993-dii.  

Markii xigtay waxa ay ahayd sanadkii 2010-kii oo ay dhiseen ciidamada PMPF ee Puntland, kuwaas oo sanadkii ay ku bixi jirtay $50 milyan oo dollar. Hawshaas dhawr sano kadib ayay joogsatay, iyada oo Imaaraatka ay ciidankan ku sheegeen in ay la dagaalamayaan burcad badeedda. Markii dambe waxaa ciidankan loo adeegsaday rabshado siyaasadeed oo ka dhacay gudaha Puntland.  

2014-kii ayuu mar kale Imaaraatka oo Puntland kasoo digo rogtay la jaanqaaday dowladdii Xasan Sheekh Maxamuud, kalkii hore, waxayna tabobareen kumanaan ciidan ah.

Hawshan waxay socotay illaa sanadkii 2018-kii, markaas oo ay is qabteen dowladdii Farmaajo, taas oo keentay in Imaaraatka ay joojiyaan hawshii kaalmada ciidanka.

Markii madaxweyne Xasan Sheekh dib loo soo doortay, ayay isla cag heleen, waxayna tabobareen illaa 10 kun ciidan, iyaga oo bil kasta bixin jirey $9 malyuun oo dollar.  

Balse markan waxaa kasoo baxay natiijo wanaagsan, maadaamaa ciidamadii ay mushaarka siinayeen ay xasiliyeen caasimadda, sidoo kalena waxoogaa guulo ah laga soo hoyiyay furumaha dagaalka. 

Horaantii sanadkan ayay Imaaraatka qoonsadeen heshiis dhexmaray Dowladda Federaalka iyo Turkiga, waxayna jareen dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidanka federaalka.

Hadda waxa ay Imaaraatka ku hareen Jubbaland, halkaas oo hawlgalo ay sameeyeen ciidamada Jubaland ay ka taageereen dhanka duqeymaha diyaaradaha Drones-ka, iyaga oo tabobaraya kumanaan askar ah, mushaar fiicana siiya. Waxa ay saldhig weyn ka dhisanayaan meel Kismaayo u dhow.

Si kastaba, ciidankii uu Imaaraatka tabobaray ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa ugu fiican dhanka hawlgallada, marka la barbar dhig ciidamada dalalka kale. Lagama hadlayo unugyada tirada yar sida Danab iyo Gorgor oo ay kala tabobareen Maraykan iyo Turkiga.

Sheekh SHARIIF oo Xasan ku eedeeyay wax ka daran wixii ay ka diideen Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu ka shaqeynayo qabyaalad.

Shariif ayaa si cad u sheegay in Xasan Sheekh uu wado wax ka culus wixii ay shalay sida wada-jirka u diidanaayeen markii ay mucaaradka ahaayeen, uuna dalka ka socdo hadda.

“Shalay aniga Madaxweyne Xasan Sheekh iyo rag kale oo mucaarad ah halkan ayaan wada taagneyn annagoo ka horjeedno Farmaajo oo aan ku eedeyneynay hannaankii doorashada inuu afduubay , qabiilnimo ma aheyn waxa aan ku diidaneyn,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

“Maanta wixii aan barigaa wadajir u diidaneyn wax ka culus ayaa socda, dastuur ummaddu wada leedahay ayuu Madaxweynuhu leeyahay sidan rabo haleygu qoro,oo yaan leyga farafareyn, cidna kalama tashanayo.”

Xasan ayuu uga digay in uusan shaqeyn doonin qorshaha uu ka shaqeyno, haddii uu meel-marintiisa u adeegsado guddoonka, “Waxaan u sheegayaa walaalkeey xitaa hadii wax aan sax aheyn ay Baarlamaanka mariyaan ma shaqeyn doonaan”

Shariif ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in muddo ay isku dayayeen inay u caqli celiyaan madaxweynaha tallada haya, balse ay waxba soo kordhin weysay, islamarkaana ay qabyaaladdii gaartay meeshii u xumeyd, ayna hoos u dhacday is-aaminaadii, sida uu sheegay.

“Waxaa intaa dheer muddo ayaan uga caqli celineynay sanad ka badan Madaxweynaha inuu ka joogo ummadda wax ayan u dhameyn. Wax kasta waxa ay gaareen hadda heerkii ugu hooseeyay oo qabyaaladii baa xoogeysatay, is aaminaadii ayaa hoos u dhacday,” ayuu yiri madaxweynihii hore ee Shariif Sheekh Axmed.

“Waxaan leenahay Madaxweyne ku soo laabo waddada saxda ah, dalkaan ha gaarsiin meel aan laga soo celin karin , wixii shalay aad diidaneyd cid kaa yeeleysa ma jirto.”

Ugu dambeyntiina, Shariif oo si adag uga horyimid wax ka beddalka dastuurka ayaa sheegay in hanaanka loo wado wax ka beddelkiisa uu yahay “mid meesha ka saarayo dastuur loo mideysan yahay oo lagu dhaqmo”, islamarkaana uu dastuurka ka baxayo KMG keliya marka afti dadweyne loo qaado oo shacabka u coddeeyaan.

“Waxa socda ma ahan dhameystir dastuur ee waa dastuur beddel, maadaama qodobo aad u badan banaanka laga keenay, oo marka waxa lagu kordhinayo iyo waxa laga bixinayo bataan waxay noqoneysa dastuur beddel.”

NISA oo soo bandhigtay sawirrada rag dad badan ku laayey Muqdisho oo baxsad ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigay sawirrada rag Wanted ah oo la baadi goobayo, kuwaas la helay muuqaalkooda, iyagoo qaraxyo dhigaya goobo ganacsi oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Hey’adda Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa xalay baahisay sawirrada lix nin oo boorsooyin qaraxyo ah dhigay dad badana ku laayey tukaamo ku yaalla Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, raggaan ayaa muuqaalkooda laga helay kaamiradaha qarsoon ee CCTV-ga.

Qoraalkaan oo lagu baahiyey barta Twitter-ka ee NISA ayaa dadka Soomaaliyeed looga dalbaday in qofkii arka raggaas uu la xiriiro lambaro laga helo hey’adaha ammaanka oo lagu soo bandhigay qoraalkaan.

“Hay’adaha ammaanka waxay ku raad-joogaan dhagar-qabayaashaan oo ah kuwii qarxiyey ganacsatada Suuqa Bakaaraha, fadlan hadii aad xog ka hayso la xariir Numberadaan, 991/199 ama 0770747474/0620545454,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay NISA.

Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa sidoo kale baahiyay muuqaal Documentary ah oo ku saabsan qaraxyadii is xig-xigay ee 6-dii bishii Febraayo ee sanakan ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo soo gaaray dad shacab ah oo aan waxaba galabsan.

Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV oo ku xiraa goobaha ganacsi ee la qarxiyey ayaa laga helay muuqaalada sida ay u dhaceen qaraxyadaas iyo raggii fuliyay oo toos looga arki karo muqaalada la baahiyay.

Warbixin dhameystiran oo xalay uu baahiyey SNTV ayaa lagu sheegay in qaraxyadan boorsooyin looga keenay Ceelasha Biyaha, kadibna lagu beesaday Bakaaraha, iyadoo xubnaha geeyey loogu dhiibay gudaha Masjidka Abuuhureyra oo ku yaalla Bakaaraha.

Muuqaalka waxaa laga arki karaa rag wada boorsooyin oo iska dhigaya inay wax iibsanayaan, kuwaas oo qaraxyada dhigaya gudaha tukaamada la bartilmaameedsaday.

Sidoo kale waxaa Kaamirooyinka laga arkayaa nin taagan meel banaan ah oo toos Romuud ugu qarxinaya miinooyinka la dhigay tukaamada lagu dhex laayey shacabka, kuwaas oo ku jiray booqsooyin.

Goobaha la qarxiyay ee boorsooyinka la dhigay waxaa kamid ah xarumaha Bedar, Kaamil, Sanguuni, Waayo Arag iyo dhismo qabyo ah oo ku yaalla gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Hoos ka daawo muuqaalka oo dhameystiran:

MUQDISHO: Magaalo aan laheyn maamul u shaqeeya

Magaalada Muqdisho waxey u baahan tahay shaqo badan, laakiin nasiib daro ma helin ninkii magaaladan ka naxaayey oo shaqo fiican ka qaban lahaa soona celin lahaa quruxdii ey laheed. Waxaa gudoomiye looga dhigey magaaladan qof aan qibrad laheyn oo aan fahamsaneyn ahmiyadda magaalada.

Magaaladan waa la dayacey, dhibaatada jirta ayaa waxey tahay marka uusan laheyn qofka fikir, qibrad, iyo aragti dheer oo uusan la socon magaalooyinka adduunka sida ey u dhisan yihiin, (like city planning) dhibkeeda ayey leedahay.

Aasaaskii dadweynaha u baahan yihiin oo dhan ayaa ka maqan caasimada sida, nadaafad xumo, jidadka oo jajaban, iyo baabuurta oo saxmo ah maxaa yeelay jidkii ayaa qof gaarigacan dhigtey oo wax ku gadanaayo. Waa tusaalooyin yar intaas, dhibaatooyin badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin ayaa haysta shacabka. Xamarweyne jidadka ayaa wax lagu gadaa, dadkii meel ay maraan ma leh. Bal suuqii bacadlaha maxaa ku dhacey? 

Dhibaatada kale ee jirta ayaa waxey tahay shacabka waxaa laga qaadaa canshuur guryaha, Bajaajyada canshuur ayaa laga qaadaa, aawey lacagtaas. Waxaa intaas sii dheer degmooyinka qaar sida degmada hodon in dadka la dhahay Laami ayaa la iidiin saaraayaa ee keena lacag. Hadana waxaa socoto isla degmadaas InterLock ayaa la iidiin dhigaa ee keena lacag, calaa guri $3000-$7000 isku celcelis waxey ku xiran tahay gurigaaga meesha uu ku yaalo.

War yaa Muslim ah dadkan intey ka keenaayaan lacagtaas. Gudomiyaha maxaa ka qaldan. Dadkaan weligood ma arkin lacagtaas ay sheegaayaan. Shacabka intiisa badan ma shaqeeyo, kuwa shaqeeyana xataa lacagtaas ma qaataan. Mida kale Lacagta canshuurta laga qaado dadweynaha maa lagu dhiso magaalada. 

Gudoomiye Madaale isagoo ay sugaayaan shaqooyin badan ayuu habeenkii hanti ganacsato leedahay ul ku tumaa dadka. Gudoomiye Madaale intee ka keenay waqtigaas uu ku aadaayo hoteellada.

Waxaan soo jeedin lahaa aniga in guddoomiyaha uu dadka wax u qabto (Service delivery) ee ma aha in uu lacag badan ka qaado isagoo dhahaayo interlock aa la idiin dhigaa. Somalia waa wadan dadkiisa inta badan faqri yihiin oo nolol maalmeedka la dagaalamaayo ee dhib kale ha ugu sii darin. 

Waxaan kale oo kula talin lahaa Gobolka hadii uu rabo in uu (Revenue) lacag sameeyo dhoocyo kale duwan oo loo sameeyo ayaa jira adigoon shacabka dhibin hadan shaqo fiican u qabanaayo. Tusaale, waxaan arkey dhowr mar guri la dayactirayo oo qofkii lahaa quruxsanayo ayaa minishiibiyo u imaanee oo lacag weydiisanee. Laakiin kan qashinka ku soo daadinaayo laamiga iyo meelaha kale lama ganaaxaayo. Aniga ma fahmin caqligaas. Hadiiba aa lacag rabtid kuwa laamiga wax ku shubaayo lacag ka samee oo ganaax iyo kuwa Xamarweyne jidadka gaarigacanka wax ku gadaayo. Suuq u fur Ijaar yar oo (Incentive) ahna ka qaad, ee Minishiibiyada dhibka ha ka dhaafto dadka guryahooda dhisanaayo Please.

W/Q: Abdiaziz Abdulle

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid. 

Sawirro: 116 MAXBUUS oo laga sii daayay xabsiyada Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa xabsiyo ku yaalla magaalada Muqdisho ka sii daayay 116 Maxbuus.

Maxaabiista lasii daayay oo ku xernaa Xabsiga Dhexe ee Xamar iyo Xabsiga MBCC ee Ex-Control Afgooye ayaa lagu sii daayay cafis madaxweyne, munaasabadda bisha barakeysan ee Ramadaan.

Maxaabiistan lagu sii daayay cafiska madaxweyne ayaa u xirnaa dambiyo kala duwan oo fudud, halka qaarkoodna la sheegay inay dhameysteen inta badan xukunadooda.

Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Farxaan Xuseen Maxamed oo fagaare kula hadlay maxaabiista la sii daayay ayaa kula dardaarmay iney ka faa’iideystaan fursada la siiyay, isagoona u mahad-celiyay madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud.

“Waxaan idin sheegeynaa in cafiska aad ku baxdeen uu idin fidiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabadda bisha Barakeysan awgeed, qof walba waxaa laga rabaa in uusan u laaban waxii loo soo xiray” ayuu yiri Xeer Ilaaliye ku-xigeenka Farxaan Xuseen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in maxaabiistan xabsiyada ay ku jireen ku heleen adeegyo cafimaad oo bilaash ah, waxbarasho iyo goobo kale oo lagu ciyaaro.

Maxaabiista la sii daayay ee fursada cafiska madaxweyne dib ugu helay xoriyadooda ayaa ahaa kuwa u badan dhallinyaro aad u da’yar oo badanaa ku eedeysnaa dambiyo fudud.

Daawo: Dowladda oo soo bandhigtay muuqaalka raggii qarxiyey Suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa baahiyay muuqaal Documentary ah oo ku saabsan qaraxyadii is xig-xigay ee 6-dii bishii Febraayo ee sanakan ka dhacay gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV ayaa laga helay muuqaalada sida ay u dhaceen qaraxyadaas iyo raggii fuliyay oo toos looga arki karo muqaalada la baahiyay.

Warbixin dhameystiran oo caawa uu baahiyey SNTV ayaa lagu sheegay in qaraxyadan boorsooyin looga keenay Ceelasha Biyaha, kadibna lagu beesaday Bakaaraha, iyadoo xubnaha geeyey loogu dhiibay gudaha Masjidka Abuuhureyra.

Muuqaalka waxaa laga arki karaa rag wada boorsooyin oo iska dhigaya inay wax iibsanayaan oo qaraxyada dhigaya gudaha tukaamada la bartilmaameedsaday.

Sidoo kale waxaa Kaamirooyinka laga arkayaa nin taagan banaanka, isla markaana toos Romuud ugu qarxinaya miinooyinka la dhigay tukaamada lagu dhex laayey shacabka.

Goobaha la qarxiyay ee boorsooyinka la dhigay waxaa kamid ah xarumaha Bedar, Kaamil, Sanguuni, Waayo Arag iyo dhismo qabyo ah oo ku yaalla gudaha suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Warbixintaan waxaa ka soo muuqanaya qaar ka mid ah raggii keenay qaraxyada oo lasoo qabtay, kuwaas oo sharaxaya sidii ay qaraxyadaas ku keeneen Meesha iyo dhagarta ay u maleegeen shacabkii lagu laayey suuqa Bakaaraha.

Wasiir Al-Cadaala, Sheekh Cabdiqani Qorane, Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Cali Wajiid, Wasiir ku xigeenka diinta Sheekh Saalax iyo xubno kale ayaa ka soo muuqanaya warbixintaan, kuwaas oo falanqeynaya sida ay Shabaab u dhagreen.

Hoos ka daawo Documentary

Sarkaalka loo haysto weerarkii lagu dilay Taliye Tuure oo xukun adag lagu riday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge oo loo soo xiray kamid ahaanshaha Shabaab iyo jaajuusida ciidanka xoogga dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka iyo weliba weerarkii lagu dilay Taliye Xasan Tuure ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay maxkamadeyntiisa.

Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo ciidanka gaarka ah ee DANAB kamid ah, isaga oo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howl-galada uu u dusiyo Al-Shabaab, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).

Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku shahiiday Abaanduullihii DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure).

Sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka iyo in aysan hawada ku jirin diyaaradaha saaxiibada DANAB (Drones) dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca.

Waxa uu dhabar jabin ku sameeyay ciidanka, gaar ahaan dagaalkii Budbud kadib markii uu difaaca ka saaray horintii uu xukumayey. Sidoo kale waxa uu sahmiyay saldhigyadda Military ee Beli-doogle iyo Xero Nac-Nac, isaggoo la wadaagay Cabdullahi Hiiraan xogta ciidanka ku jira iyo koolba waardiyaasha xerooyinkaasi.


Mucaawiye ayaa intii ku howl jiray howlgalka jaajuusnimo adeegsanayey ereyo afgarasho ah oo ay isla yaqaaneen Cabdullahi Hiiraan, ayna ka mid yihiin, Adeer (saaxiibada DANAB ee Mareykanka), Ilmaha Adeer (Speacial DANAB), Abaayo (Beli-doogle), Hooyo (Muqdisho), meeshii hore (howlgalkii hore) iyo ereyo kale, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalinta.

Ninkaan ayaa sidoo kale la sheegay in kooxda u adeegsatay soo iibinta Drone, ookiyaalaha aragga habeenkii (Night Vision) iyo agabyo kale oo ciidan oo aan u suurta-gelin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday 14-kii bishaan, iyaga oo maxkamadda horkeenay cadeymo ku saabsan kiiskaan oo ay ka mid yihiin marag-fur iyo saraakiishii ka sarreysay Mucaawiye oo marqaati ahaan maxkamaddu ay u dhageystay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex- Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxaa laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute.

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo daah-furay tartan muhiim ah oo uu maal-gelinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qayb galay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah ee Bisha Barakaysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha oo munaasabadii tartanka lagu daahfuray ka hadlay ayaa tilmaamay in dowladdu ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta xarumaha waxbarashada diiniga ah.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay dowladnimada Soomaaliyeed ay aas-aas u tahay ilaalinta diinta iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyay wiilasha iyo gabdhaha ka qeyb-galaya Tartanka Quraanka Kariimka ah ee uu taaba geliyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Tartankaan waxaa soo qaban qaabiyey culimada iyo Wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee XFS.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in sida loo daneynayo tartankaan ay ka tarjumeyso sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ugu dheggan yihiin diintooda suubban, ugana shaqeynayaan barashadeeda iyo ku dhaqankeeda.

Sanadkii hore ayuu madaxweynaha Soomaaliya balan qaaday in sanad kasta uu taaba-geli doono tartan Qur’aan Akhris ah oo loo qabanayo ardayda xaafidul Qur’aanka ah.

Abaalmarino qaali ah ayuu sanadkii hore madaxweynuhu siiyey wiilashii iyo gabdhihii galay kaalimaha hore, kadib markii sidaan oo kale loogu tartamay aqrinta Qur’aanka Kariimka.

Tartankaan oo maalmo ka soco doona Muqdisho ayaa markii lasoo gabagabeeyo waxaa la soo bandhigayaa natiijada, waxaana guuleystayaasha la sii doonaa abaalmarinta uu ugu talagalay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sawirro: Farmaajo oo gaaray Garoowe iyo xog ku saabsan qorshaha isaga iyo Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo masuuliyiinta kala duwan ee maamulka, ayada oo loo sii gudbiyay Qasriga Madaxtooyada.

Madaxweynihii hore ee dalka iyo Saciid Deni ayaa waxaa u bilaabanaya kulamo wadi tashi, xilli ay sii xoogeysaneyso xiisadda siyaasadeed ee wax ka beddelka dastuurka oo ay weli ku dhegan tahay Villa Soomaaliya.

Sida aan xog ku helnay Farmaajo iyo Deni ayaa ka hadli doona arrimaha siyaasadda iyo amniga dalka, iyo muranka ka taagan dib u eegista dastuurka dalka, oo labadaba ay kasoo horjeedaan.

Deni iyo Farmaajo ayaa aad u kala fogaa siyaasad ahaan xilligii uu Farmaajo ka arriminayay Villa Somalia, wuxuuna madaxweynaha Puntland ka mid ahaa raggii sida adaga ula dagaalamay Farmaajo, ugu dambeyna ka saaray Villada.

Sida ay horey u baahisay Caasimada Online, Farmaajo ayaa isku dayaya xilligaan in Saciid Deni uu ku qanciyo isbaaheysi siyaasadeed mucaarad ah oo ka dhan ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, kaasi oo ay ka wada socdaan madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed.

Labada nin ayaa xilligaan ka mideysan diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee uu wado madaxweyne Xasan, waana qodobka la aaminsan yahay in uu ka bilaaban karo is-xulefysiga labada dhinac.

Socdaalka uu madaxweynihii hore ee Farmaajo uu ku tegay Garoowe ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Deni kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wararka ayaa shegaya in madaxweynihii hore ee KMG Shariif Sheekh Axmed uu isna tegayo magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Si kastaba, waxaa si weyn looga dhursugaya waxa kasoo bixi doona shirarka ay Garoowe ku leeyihiin Farmaajo iyo Deni, kaasi oo kusoo aadaya xilli xasaasi ah oo madaxweyne Xasan uu ku dhagan yahay qorshaha wax ka beddelka dastuurka, ayna baarlamaanka ka socoto dooddiisa, si loo meel-mariyo.