Muqdisho (Caasimada Online) – Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge oo loo soo xiray kamid ahaanshaha Shabaab iyo jaajuusida ciidanka xoogga dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka iyo weliba weerarkii lagu dilay Taliye Xasan Tuure ayaa maanta lasoo gaba-gabeeyay maxkamadeyntiisa.
Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo ciidanka gaarka ah ee DANAB kamid ah, isaga oo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howl-galada uu u dusiyo Al-Shabaab, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).
Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku shahiiday Abaanduullihii DANAB Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuure).
Sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka iyo in aysan hawada ku jirin diyaaradaha saaxiibada DANAB (Drones) dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca.
Waxa uu dhabar jabin ku sameeyay ciidanka, gaar ahaan dagaalkii Budbud kadib markii uu difaaca ka saaray horintii uu xukumayey. Sidoo kale waxa uu sahmiyay saldhigyadda Military ee Beli-doogle iyo Xero Nac-Nac, isaggoo la wadaagay Cabdullahi Hiiraan xogta ciidanka ku jira iyo koolba waardiyaasha xerooyinkaasi.
Mucaawiye ayaa intii ku howl jiray howlgalka jaajuusnimo adeegsanayey ereyo afgarasho ah oo ay isla yaqaaneen Cabdullahi Hiiraan, ayna ka mid yihiin, Adeer (saaxiibada DANAB ee Mareykanka), Ilmaha Adeer (Speacial DANAB), Abaayo (Beli-doogle), Hooyo (Muqdisho), meeshii hore (howlgalkii hore) iyo ereyo kale, sida uu sheegay xafiiska xeer ilaalinta.
Ninkaan ayaa sidoo kale la sheegay in kooxda u adeegsatay soo iibinta Drone, ookiyaalaha aragga habeenkii (Night Vision) iyo agabyo kale oo ciidan oo aan u suurta-gelin.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday 14-kii bishaan, iyaga oo maxkamadda horkeenay cadeymo ku saabsan kiiskaan oo ay ka mid yihiin marag-fur iyo saraakiishii ka sarreysay Mucaawiye oo marqaati ahaan maxkamaddu ay u dhageystay.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku xukuntay Ex- Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge 10 sano oo xabsi ciidan ah.
Sidoo kale waxaa laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka, sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute.