24.7 C
Mogadishu
Sunday, July 26, 2026

Mareykanka oo la heshiinaya Eritrea, farriin digniin culus ahna u diray dowladda Itoobiya

Muqdisho (Caasimada Online) — Mareykanka ayaa lagu wadaa inuu cunaqabateyn ka qaado Eritrea, sida lagu sheegay dokumenti gudaha dowladda Mareykanka ah oo ay aragtay Reuters, tallaabo falanqeeyayaashu ku xiriiriyeen muhiimadda istiraatiijiga ah ee dalkaas uu ku leeyahay marinka ganacsiga ee Badda Cas.

Go’aankan ayaa u muuqda isku day Washington ay ku hagaajineyso xiriirka Asmara, oo muddo dheer ahaa mid qabow, xilli Eritrea ay leedahay xeeb dheer oo ku teedsan Badda Cas, kana soo horjeedda xeebaha Sacuudiga.

Falanqeeyayaal ayaa sidoo kale sheegay in tallaabadan ay fariin u tahay Itoobiya, oo muddooyinkii dambe si cad u muujisay rabitaankeeda ah inay hesho marin badeed.

Dukumentiga gudaha ee dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay si cad Addis Ababa ugu gudbisay in aysan taageeri doonin isku day kasta oo lagu raadinayo marin badeed iyadoo xoog la adeegsanayo.

Fariintaas ayaa imaaneysa iyadoo xiisadda Itoobiya iyo Eritrea ay mar kale sare u kacday, kadib sannado ay labada dal mar xulafo ku ahaayeen dagaalkii Tigray, balse ay hadda ku kala fogaadeen danaha gobolka iyo arrinta Badda Cas.

Muhiimadda cusub ee Badda Cas 

Tallaabada Mareykanka ayaa kusoo beegmeysa xilli dagaalka Iran iyo xirnaanshaha Marinka Hormuz ay sare u qaadeen muhiimadda Badda Cas, oo ah marin muhiim u ah ganacsiga u dhexeeya Mediterranean-ka, Aasiya iyo Bariga Dhexe.

Marinka Hormuz, oo ku dhow xeebaha bari ee Sacuudiga, wuxuu ka mid yahay meelaha ugu xasaasisan ee shidaalka adduunka maro. Haddii marinkaas uu xirmo ama halis galo, Badda Cas iyo marinnada ku xiran waxay noqonayaan kuwo muhiim usii ah Mareykanka iyo xulafadiisa.

Eritrea waxay ku taallaa meel istiraatiiji ah oo ku dhow marinno badeed waaweyn, gaar ahaan jidka isku xira Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed, Badda Cas iyo Kanaalka Suweys. Taas ayaa Asmara ka dhigeysa dal aan si fudud la isaga indho-tiri karin, inkastoo ay muddo dheer ahayd dowlad go’doonsan oo lagu eedeeyo xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah.

Murithi Mutiga, oo ah agaasimaha barnaamijka Afrika ee International Crisis Group, ayaa sheegay in xirnaanshaha Hormuz uu ka dhigan yahay in Badda Cas ay noqon doonto goob loollanka ku sii weyn yahay, taasina ay muujineyso in Mareykanku doonayo inuu si xooggan ugu soo laabto gobolka.

Cunaqabateynta dagaalkii Tigray

Cunaqabateynta Eritrea waxaa sanadkii 2021 kusoo rogay maamulka madaxweyne Joe Biden, iyadoo lagu beegsaday militariga Eritrea, xisbiga talada haya ee People’s Front for Democracy and Justice, iyo saraakiil sare oo Eritrean ah.

Washington ayaa xilligaas sheegtay in tallaabadu la xiriirtay doorka Eritrea ee dagaalkii waqooyiga Itoobiya, halkaas oo ciidamadeedu ay garab siiyeen ciidamada federaalka Itoobiya ee la dagaallamay maamulka gobolka Tigray.

Dukomentiga ay Reuters aragtay ayaa sheegay in Mareykanku uu baabi’in doono amar fulineed oo Biden saxiixay, kaas oo saldhig u ahaa cunaqabateynta. Si kastaba, weli si rasmi ah looma shaacin waqtiga la qaadayo cunaqabateynta, mana jirin jawaab degdeg ah oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka, Wasaaradda Maaliyadda, Eritrea ama Itoobiya.

Dagaalkii Itoobiya ee 2020 ilaa 2022 ayaa noqday mid ka mid ah dagaalladii ugu dhiigga badnaa qarnigan, waxaana ku dhintay boqolaal kun oo qof, halka malaayiin kalena ay ku barakaceen. Ciidamada Eritrea ayaa lagu eedeeyay inay galeen dilal sharci-darro ah, afduubyo, dad la waayay iyo xadgudubyo ka dhan ah qaxooti Eritrean ah oo ku sugnaa Tigray.

Asmara ayaa muddo bilo ah beenisay in ciidamadeedu joogeen Tigray, balse markii dambe way qiratay joogitaankooda, iyadoo weli diiday eedeymaha xadgudubyada.

Tacaddiyada xuquuqda aadanaha  

Inkasta oo Mareykanku uu u muuqdo inuu doonayo dib-u-habeyn xiriir oo ku saleysan danaha amniga iyo istiraatiijiyadda, Eritrea weli waxay leedahay sumcad aad u liidata oo ku saabsan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda siyaasadeed.

Freedom House waxay Eritrea ku tilmaantay dowlad militari ku dhisan oo kali-talis ah, taas oo aan qaban doorasho qaran tan iyo markii ay xorriyadda ka qaadatay Itoobiya sanadkii 1993.

Ururku wuxuu sheegay in xisbiga PFDJ uu yahay xisbiga keliya ee dalka ka jira, isla markaana xarigga aan sharciga lahayn iyo adeegga qaran ee muddada dheer ay yihiin kuwo baahsan.

Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa dalka hoggaaminayay tan iyo madaxbannaanidii Eritrea, wuxuuna wajahaa eedeymo muddo dheer soo taagnaa oo la xiriira caburinta mucaaradka, warbaahinta madaxa bannaan iyo bulshada rayidka ah. Saraakiisha Asmara ayaa si joogto ah u beeniya eedeymahaas, iyagoo ku tilmaama olole siyaasadeed oo dibadda laga wado.

Fariin ku socota Itoobiya

Ka sokow isku dayga Washington ee ku wajahan Asmara, tallaabadan ayaa sidoo kale loo arkaa fariin loo dirayo Itoobiya, oo aan lahayn marin badeed tan iyo markii Eritrea ay madax-bannaani qaadatay 1993.

Itoobiya iyo Eritrea waxay soo mareen dagaallo qaraar, gaar ahaan dagaalkii xuduudda ee 1998 ilaa 2000, ka hor inta aysan 2018 heshiis nabadeed gaarin.

Hase yeeshee, xiriirka labada dal ayaa mar kale xumaaday kadib dhammaadkii dagaalkii Tigray. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa marar badan sheegay in dalkiisa uu xaq u leeyahay marin badeed, hadalladaas oo Eritrea iyo dalal kale oo gobolka ah u arkeen digniin qarsoon oo ku saabsan suurtagalnimada adeegsiga awood militari.

Eritrea ayaa bishii February si adag u beenisay eedeymo uga yimid Itoobiya oo la xiriiray gardarro militari iyo taageero ay siinayso kooxo hubeysan gudaha Itoobiya, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas kuwo “been abuur ah”.

Dokumentiga dowladda Mareykanka ayaa sheegay in Washington ay labada dalba uga digtay “doorka xasilooni-darrada ah” ee ay ku leeyihiin midba gudaha kan kale. Taas waxay muujineysaa in Mareykanku u arko xiisadda Itoobiya iyo Eritrea khatar ka weyn xiriirka labada dal, balse saamayn karta Badda Cas, Suudaan, Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Isbeddel ku dhisan dan  

Go’aanka Mareykanka ee ku aaddan qaadista cunaqabateynta Eritrea wuxuu muujinayaa isbeddel ka dhashay duruufo cusub oo amni iyo juqraafi-siyaasadeed ah. Washington waxay wajahaysaa gobol ay isku mar ka jiraan dagaalka Suudaan, xiisadaha Soomaaliya, hanjabaadaha marinnada badda, iyo cabsi laga qabo dagaal cusub oo ka qarxa Itoobiya iyo Eritrea.

Dhinaca Eritrea, tallaabadani waxay u noqon kartaa fursad ay kaga baxdo go’doon diblomaasiyadeed oo muddo dheer saarnaa. Dhinaca Mareykanka, waxay ka tarjumaysaa xisaabtan cusub oo ah in goobaha muhiimka ah ee Badda Cas aan looga tagi karin quwado kale, gaar ahaan xilli marinnada shidaalka iyo ganacsiga caalamka ay wajahayaan cadaadis kordhaya.

Si kastaba, qaadista cunaqabateynta ma tirtireyso su’aalaha adag ee weli ku xeeran Eritrea, kuwaas oo ay ka mid yihiin xuquuqda aadanaha, xukunka hal xisbi, adeegga militari ee muddada dheer, iyo doorka Asmara ee colaadaha gobolka.

Waxayse muujineysaa in Mareykanku, ugu yaraan hadda, uu mudnaanta siinayo amniga Badda Cas iyo xakameynta xiisadda Itoobiya iyo Eritrea, halkii uu si buuxda ugu adkeysan lahaa cadaadiskii xuquuqda aadanaha ee hore. 

Xasan Cali Kheyre oo ku eedeeyay madaxweyne Xasan inuu weerar ku qaaday Dayniile

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharrax madaxweyne Xasan Cali Kheyre ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu weerar ku qaaday degmada Dayniile, halkaas oo saacadihii u dambeeyay ay dowladdu geysay ciidamo tiro badan, kuwaas oo qeyb ka ah sugidda amniga howlgal burburin ah.

Xasan Cali Kheyre ayaa maamulka iyo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ugu yeeray talis arxan-daran oo ku jira maalmihiisii ugu dambeeyay, isaga oo ku eedeeyay inuu ku mashquulsan yahay xaalufinta dalka iyo boobka hantida qaranka.

“Waxaa ayaan-darro iyo musiibo qaran ah in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ay weerareyso shacabka, si ay uga barakiciso guryahooda, ciidankii qarankana ugu adeegsato dhul-boobka, barakicinta iyo gumaadka shacabka,” ayuu Kheyre ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale uga digay ciidamada ammaanka inay ka qeyb qaataan waxa uu ku sheegay boobka dhulka shacabka, gumaadka dadweynaha, barakicinta dadka danyarta ah iyo fulinta damaca gurracan ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu ku sheegay qoraalkiisa.

Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa dhacdadan ku tilmaamay fal dambiyeed u baahan in la iskula xisaabtamo.

“Waxaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay Xasan Sheekh Maxamuud aan xusuusinayaa in la soo gaaray marxalad halis ah oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takrifalka awoodda dowladda iyo boobka hantida ummadda,” ayuu Shariif ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Degmada Dayniile ayaa saacadihii u dambeeyay laga dareemayay xiisad ka dhalatay qorshe ay dowladdu ku burburineyso goobo dan guud ah oo ay deggenaayeen dad shacab ah. Dowladda ayaa dadkaas ugu baaqday inay ka guuraan goobahaas, balse way ka soo horjeesteen, taas oo keentay in ciidamo fara badan la geeyo xaafadaha Warlaliska iyo goobo kale.

Iska hor-imaadka xalay ka dhacay Deyniile ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, kaas oo illaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Dagaal culus oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo mucaaradka oo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xooggan ayaa caawa degmada Deyniile ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka iyo shacab careysan, kaas oo si adag u cambaareeyeen mucaaradka.

Iska hor-imaadkan oo ka dhacay xaafadda Warlaliska ee degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa salka ku haya howlaha banaynta dhulka danta guud ee dowladda federaalka Soomaaliya ka waddo caasimadda.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed, ahna hoggaamiyaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa dhacdada caawa ku tilmaamay fal dambiyeed u baahan in la iskula xisaabtamo.

“Waxaa Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay Xasan Sheekh Maxamuud aan xusuusinayaa in la soo gaaray marxalad halis ah oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takrifalka awoodda dowladda iyo boobka hantida ummadda,” ayuu Shariif ku yiri war-saxaafadeed uu soo saaray.

Iska hor-imaadka caawa ka dhacay Deyniile ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, kaas oo illaa hadda aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran:

Waxaan si adag u cambaareynayaa weerarka bahalnimo ee caawa lagu qaaday shacabka xaafadda War-laliska ee degmada Dayniile.

Waa fal dambiyeed u baahan in la iskula xisaabtamo waxaana Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaadka yahay Xasan Sheekh Maxamuud aan xusuusinayaa in la soo gaaray marxalad halis ah oo ay tahay inuu ka waantoobo ku takrifalka awoodda dowladdda iyo boobka hantida ummadda.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa waalidinta Musamil Yuusuf Cismaan oo ah wiil yar oo 3 jir ah, kuna dhintay weerarka caawa.

Ugu dambayn, waxaan ciidamada ammaanka uga digayaa ficillada foosha xun iyo weerarada bahalnimo ee ka dhanka ah nafta iyo maalka bulshada caasimadda, waana inay joojiyaan qaadashada amarrada qaldan ee looga horkeenayo shacabka.

SHARIF SHEIKH AHMED
Madaxweynihii 7-aad ee JFS

DF oo shaacisay eedeymo xasaasi ah oo ka dambeeya xariga Sacdiyo Bajaaj

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saaray kiiska Sacdiyo Macalin Cali oo loo yaqaan Sacdiyo Bajaaj, taas oo maalmihii la soo dhaafay ku xirneyd xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Bayaan ka soo baxay xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in dambiyada loo heysto Sacdiyo Macalin ay ka mid yihiin sumcad dil iyo kicin bulsho, kuwaas oo lagu tilmaamay eedeymo culus oo u baahan baaritaan dheeraad ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa caddeeyay in haatan ay wadaan baaris qoto dheer oo la xiriirta gal-dacwadeedka Sacdiyo, si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha eedeymaha loo jeediyay.

Sidoo kale, xeer ilaalinta ayaa sheegtay in marka la soo gabagabeeyo baarista, galka dacwadda loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh, si halkaas loogu qaado tallaabo sharci ah oo waafaqsan nidaamka cadaaladda dalka.

“Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu adkaynayaa in ilaalinta sharciga, ka hortagga dambiyada, iyo difaaca sumcaddu ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee xaqiijinaya nabad waarta iyo horumar bulsho,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu xusay in hay’addu ay ka go’an tahay fulinta waajibaadkeeda sharci iyadoo aan loo eegin cid gaar ah, si loo ilaaliyo kala dambeynta iyo cadaaladda guud ee bulshada.

Si kastaba, ilaa iyo hadda qareenka ama qoyska Sacdiyo Macalin Cali kama aysan hadlin eedeymaha ay u jeedisay xeer ilaalinta qaranka, mana jirto wax jawaab rasmi ah oo kasoo baxday.

Xariga Sacdiyo Bajaaj ayaa kor usii qaaday xiisadda siyaasadeed ee mucaaradka iyo dowladda, iyadoo siyaasiyiinta mucaaradka ay dalbadeen in si degdeg ah xorriyadeeda dib loogu soo celiyo.

Laba safiir oo maanta tegay Wasaaradda A/dibadda Soomaaliya + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirrada Masar iyo Suudaan ayaa maanta tegay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, halkaas oo kulan heer sare ah kula qaateen Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay).

Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xiriirka Soomaaliya ay la leedahay labadaasi dal iyo xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya saddexda dal.

Kulanka Masar

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Safiirka Jamhuuriyadda Carabta ee Masar u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Saalax Xasan Keshtah ayaa ka wada-hadlay sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, amniga gobolka, waxbarashada, iyo iskaashiga istaraatiijiga ah, taas oo ka tarjumaysa xiriirka adag ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, kulanka ayaa muujiyay dadaallada lagu xoojinayo iskaashi waara oo labada dhinac ay ka gaaraan danaha wadajirka ah.

Kulanka Suudaan

Wasiir Dhaay ayaa sidoo kale Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abakar Afandi kala hadlay xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha ka taagan gobolka, iyadoo labada mas’uul si gaar ah diiradda u saareen adkeynta xiriirka walaaltinimo ee taariikhiga ah ee mideeya Soomaaliya iyo Suudaan.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa si kalsooni leh dib u dhisaysa iskaashiyadeeda, waxayna sii xoojinaysaa xiriirrada gobolka, iyada oo horumarinaysa doorkeeda muhiimka ah ee diblomaasiyadda gobolka.

Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay in markii ugu horreysay…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Soomaaliya markii ugu horreysay laga furo Xafiiska Sare ee Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay (OHCHR).

Dowladda Soomaaliya oo ay metelayso Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi iyo Xafiiska Wakiilka Sare ee QM ee Xuquuqda Aadanaha ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Geneva ee dalka Switzerland ku kala saxiixday heshiis lagu hirgelinayo qaraarkii Golaha Xuquuqda Aadanaha ee QM.

Qaraarkaas oo lambarkiisu ahaa A/HRC/RES/60/28 ayaa ku suntanaa la soo wareegidda maareynta madaxa-bannaan ee xuquuqda aadanaha Soomaaliya, kaas oo tilmaamayay iskaashiga iyo taageerada farsamo ee ay u baahan tahay Soomaaliya si ay u horumariso xuquuqda aadanaha, isla markaana u maareyso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah.

Tani waxa ay ka dhigan tahay in Dowladda Federaalka Soomaaliya markale fagaarayaasha caalamka ka soo hoysay guul muhiim ah, iyadoo dowladdu ay dadaal xooggan u gashay in markii ugu horreysay taariikhda ay QM Soomaaliya ka furato Xafiiska Sare ee Xuquuqda Aadanaha (OHCHR), kaas oo dhowaan laga furi doono magaalada Muqdisho.

“Tan ayaa noqonaysa in markii ugu horreysay taariikhda QM ay u fuliso heshiis noociisa ah muddo, taas oo ku timid dadaalka iyo ka go’naanshaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay dowladda.

Soomaaliya waxaa heshiiskan u saxiixay Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, Amb. Khadiija Al-Makhzoumi, iyadoo dhanka QM uu u saxiixay Volker Türk, Madaxa Xafiiska Sare ee QM ee Xuquuqda Aadanaha. Heshiiskan ayaa ah mid Soomaaliya muhiimad gaar ah u leh, maadaama dalkeennu uu ku jiro marxalad soo kabasho ah.

Magaalada Geneva ee dalka Switzerland waxaa ku sugan wafdi sare oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay hoggaaminayso Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha, kaas oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, la-taliyeyaal iyo khubaro ka tirsan wasaaradda.

Si kastaba, guushan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda Soomaaliya ku bixisay sanad iyo barkii la soo dhaafay horumarinta xuquuqda aadanaha iyo maareynteeda, iyadoo ka sokow guushii weynayd ee October ay Soomaaliya ka gaartay shirkii xuquuqda aadanaha QM ee Geneva iyo dhismihii Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Qaranka ay tani tahay guul kale oo ballaaran.

R/W Xamza iyo Matthew oo yeeshay wada-hadallo muhiim ah + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), oo uu hoggaaminayey Mudane Matthew Hollingworth, oo ah ku-xigeenka Maareeyaha Guud ee WFP.

Kulankan ayaa waxay uga wada-hadleen sidii xal waara loogu heli lahaa xaaladda cunna-yarida, abaaraha, fatahaada iyo raadadka soo laa-laabta ee ka dhasha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey wafdiga ka socday WFP xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo horumarrada la gaaray, iyo sidoo kale dhibaatooyinka ay sababeen abaaraha, oo ay kamid tahay cunna-yaridu.

Waxa uu xusay baahida loo qabo in xal waara loo helo, maadaama xilligan la galay waqti roobaad, loona baahan yahay in si wadajir ah loogu istaago sidii reer guuraaga iyo beeraleyda dalka loogu jiheyn lahaa ka faa’iideysiga wax-soo-saarkooda, si looga maarmaamo ku tiirsanaanta gargaarka dibedda.

Mudane Xamza ayaa uga mahadceliyey WFP doorkooda muhiimka ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay xilligan ka soo kabanayso dhibaatooyinkii dalka ragaadiyey.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo ay diyaarisay qorshayaal xal waara u noqon kara dhibaatooyinka keena cunna-yarida, isaga oo hoosta ka xarriiqay sida ay lagama maarmaan u tahay in hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya gargaarka ay dowladda gacan ku siiyaan sidii loo gaari lahaa isku-filnaansho.

Dhankooda, madaxda ka socotay WFP ayaa bogaadiyey guulaha ay xaqiijisay xukuumaddu ee ku aaddan sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka soo laa-laabta ee keena cunna-yarida.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in ay diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen qorshayaasha dowladda ee ku aaddan in dalku gaaro isku-filnaansho, si looga maarmo gargaarka dibedda.

DF Soomaaliya oo ogolaatay banaanbaxa mucaaradka haddii hal mid laga helo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan diidaneyn bannaanbax ka dhaca magaalada Muqdisho, xilli mucaaradku uu qorsheynayo dibadbax weyn oo ka dhan ah dowladda.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay diidan tahay in hub la soo qaato, balse aysan ka soo horjeedin qabashada bannaanbax nabadeed.

“Bannaanbax lama diidin, dowladduna ma diidin. Waxa aan ka hadlaynay waa hubka dadka lagu hanjabayo, weli farriintas ayaa direyna in hub aan la soo qaadan karin. Wax hub ah oo la soo qaadan karana ma jirto,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Wuxuu intaas ku daray: “Bannaanbax aad tabeelahaaga wadatid oo shucuurtaada ku cabbiraysid waa kuu furan yahay. Dadna heli maysid oo dadna kusoo bixi maayaan.”

Sidoo kale, wasiirku wuxuu si weyn u dhaliilay habka ay siyaasiyiinta mucaaradku wax u wadaan, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay adeegsanayaan dalal shisheeye.

“Dalkaan wax ka haleysan ma leh, haddii aad qalad sameyso gacanta ayaa lagu qabanayaa,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka ayaa siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ku tilmaamay “xagjir siyaasadeed”, isagoo weerar aan loo meel-dayin ku qaaday mucaaradka.

Mucaaradka ayaa maanta iclaamiyay dibadbax weyn oo ay qaban doonaan 10-ka bishan, iyagoo reer Muqdisho, gaar ahaan dadkii la barakiciyay ugu baaqay inay si buuxda uga soo qayb-galaan banaanbaxa, isla markaana ay muujiyaan dareenkooda ku aadan ka dhiidhinta “dhul boobka ka socda gudaha caasimada.”

Hoggaanka mucaaradka ayaa uga digay ciidamada inay ku xad-gudbaan dadka isku soo baxaya, isaga oo sheegay in lagula xisaabtami doono fal kasta oo ay gaystaan.

Mucaaradka ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha Dowladda Federaalka uu ka dhamaaday muddo xileedka, isla markaana aysan haysan wax sharciyad ah.

Si kastaba, isla maalintan ay mucaaradka iclaamiyeen banaanbaxa ayaa ah maalintii uu Madaxweyne Xasan Sheekh qabsaday inay is arkaan isaga iyo mucaaradka, si looga wada-hadlo xaaladda sii cakirmeyso ee siyaasadda, iyadoo weli la isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

Shirkad Ingiriis ah oo raadinaysa iskaashiga Mareykanka si ay Somalia uga bilowdo…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkad shidaal oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa bilowday dadaallo ay ku raadineyso iskaashiga Mareykanka, si ay u ballaariso sahminta shidaalka ee xeebaha Soomaaliya.

Shirkadda Soma Oil and Gas oo ka shaqeysa sahminta shidaalka badda, lagana leeyahay Ingiriska ayaa hadda dooneysa la-hawlgalayaal cusub oo ka yimaada Mareykanka, si loo xoojiyo awoodda maalgashi iyo farsamo ee mashruucyada ay ka waddo Soomaaliya, sida lagu sheegay dukumeenti ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda Mareykanka.

Qoraalka ayaa sidoo kale tilmaamay in Sami Michl oo leh 10% saamiga shirkadda, uu riixayo in la sameeyo heshiisyo iskaashi, isla markaana qayb ka mid ah mashruuca loo wareejiyo shirkado kale, arrintaas oo loo yaqaan “farm-out”.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay jirto cadaadis sii kordhaya oo ku aaddan dardar-gelinta howlaha sahminta shidaalka, kuwaas oo muddo dheer dib u dhac ku yimid, inkastoo heshiisyo hore loo galay.

Warkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay Dowladda Federaalka Soomaaliya bishii April soo saartay digniin adag oo ku socota shirkadaha shidaalka reer Galbeedka, iyadoo ku amartay inay bilaabaan howlaha sahminta ama ay ka tanaasulaan heshiisyada ay hayaan.

Dowladda ayaa muujisay niyad-jab sii kordhaya oo la xiriira gaabiska ku yimid horumarinta batroolka dalka, inkastoo ay heshiisyo wadaagga wax soo saarka la gashay shirkado caalami ah.

Shirkadaha qaar ayaa lagu eedeeyay inay ku mashquuleen raadinta la-hawlgalayaal cusub, halkii ay si toos ah uga bilaabi lahaayeen howlaha sahminta iyo qodista gudaha dalka.

Waxaa ka mid ah waajibaadka laga sugayay shirkadahaas inay fuliyaan sahanno dhulka hoostiisa ah, qodista ceelal tijaabo ah, iyo inay gutaan ballanqaadyo maaliyadeed oo ay hore u sameeyeen.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa sanadkii 2024 heshiis shidaal la saxiixatay dowladda Turkiga, iyadoo saddex heshiis la siisay shirkadda Turkish Petroleum.

Shirkadda Turkish Petroleum ayaa si degdeg ah u billowday howlaha sahminta, iyadoo sanadkii 2025 dhammeysay sahanno casri ah oo 3D ah, taas oo muujineysa horumar muuqda. Sidoo kale, qodista ceelasha ayaa la bilaabay sanadkan 2026, taas oo cadaadis ku kordhisay shirkadaha kale ee weli aan bilaabin howlaha lagu heshiiyay.

Iran oo Trump ku qasabtay in uu ka laabto tallaabadii Hormuz

Washington (Caasimada Online) — Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay inuu si ku-meelgaar ah u hakiyay howlgal militari oo Mareykanku ku galbinayay maraakiibta maraysa Marinka Hormuz, hal maalin kadib markii uu bilowday, xilli Washington ay sheegtay in horumar laga sameeyay dadaallo lagu doonayo heshiis lagu soo afjaro dagaalka Bariga Dhexe.

Howlgalka, oo Aqalka Cad ugu yeeray “Project Freedom”, ayaa Isniintii loo bilaabay in lagu caawiyo maraakiibta ku sugan Marinka Hormuz, oo ah marin istiraatiiji ah oo isku xira Gacanka Carbeed iyo Badweynta Hindiya, isla markaana muhiim u ah isu socodka ganacsiga shidaalka adduunka.

Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Truth Social ku sheegay in howlgalka la hakiyay kadib codsi ka yimid Pakistan iyo dalal kale oo dhexdhexaadin wada. Wuxuu sheegay in “horumar weyn” laga sameeyay dadaallada lagu doonayo “heshiis dhameystiran oo kama dambeys ah” oo lala gaaro Tehran.

“Waxaan si wadajir ah ugu heshiinnay in, iyadoo xayiraaddu si buuxda u sii jiri doonto, Project Freedom… la hakiyo muddo kooban si loo arko in heshiiska la dhameystiri karo lana saxiixi karo,” ayuu yiri Trump.

Go’aanka Trump ayaa yimid kadib markii Iran ay howlgalka galbinta uga jawaabtay weeraro culus, oo qaarkood lala beegsaday maraakiib, qaar kalena si xooggan loogu garaacay dalka Imaaraadka Carabta oo xulufo la ah Israa’iil iyo Mareykanka.

Xayiraadda oo sii socota

Inkasta oo Mareykanku hakiyay howlgalka lagu galbinayay maraakiibta, Trump wuxuu sheegay in xayiraadda Washington saartay dekedaha Iran ay weli sii jiri doonto. Mareykanka ayaa sheegay in cadaadiskaas uu qayb ka yahay dadaal lagu qasbayo Iran inay aqbasho heshiis lagu joojinayo dagaalka ay Mareykanka iyo Israel ku qaadeen bishii February.

Xiisadda Marinka Hormuz ayaa sare u kacday maalmihii u dambeeyay, iyadoo Washington ay sheegtay inay quusisay toddoba doon oo Iran leedahay. Dhowr markab oo rayid ah ayaa sidoo kale lagu weeraray deegaankaas, waxaana Mareykanka uu weerarradaas ku eedeeyay Iran.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Marco Rubio ayaa Talaadadii sheegay in Mareykanku soo afjaray wajigii weerarka ahaa ee howlgalka ka dhanka ahaa Iran, oo Washington ugu yeertay “Operation Epic Fury”.

“Howlgalkaas waa dhammaaday — Epic Fury — sida madaxweynuhu Congress-ka u sheegay. Wajigaas waan dhameynay,” ayuu Rubio ku yiri saxafiyiin kula hadlayay Aqalka Cad.

Rubio ayaa sheegay in isku dhacyada ka dhacay Marinka Hormuz aysan ka mid ahayn dagaalkii asalka ahaa ee Iran lagu qaaday, balse ay la xiriiraan difaaca maraakiibta iyo danaha Mareykanka ee gobolka.

“Tani ma aha howlgal weerar ah; waa howlgal difaac ah,” ayuu yiri. “Macnaheedu waa mid fudud: rasaas ma dhaceyso haddii aan marka hore nala rasaaseyn.”

Dagaal aan weli dhammaan

Mareykanka iyo Israel ayaa February 28 weerarro culus ku qaaday Iran, iyagoo dilay hoggaamiyeyaal sare, islamarkaana burburiyay goobo militari iyo dhaqaale oo muhiim ah.

Si kastaba, weerarradaas ma aysan horseedin burburka Jamhuuriyadda Islaamiga ah, oo jawaab uga dhigtay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo ka dhacay meelo kala duwan oo gobolka ah.

Trump ayaa April 8 ku dhawaaqay xabbad-joojin uu sheegay in lala gaaray Iran, balse wadahadallada u dhexeeya labada dhinac ayaa tan iyo markaas u muuqday kuwo gaabis galay. Maamulka Mareykanka ayaa hadda isku dayaya inuu muujiyo in cadaadiska militari iyo kan dhaqaale uu Tehran ku riixayo miiska wadahadalka.

Rubio ayaa sheegay in Mareykanku “gaaray ujeeddooyinkii” dagaalka, isagoo intaas ku daray in Iran ay wajahayso burbur dhaqaale oo daran.

“Waxay wajahayaan burbur dhab ah oo musiibo ku ah dhaqaalahooda,” ayuu yiri Rubio, isagoo xusay in Trump weli doorbidayo in xiisadda lagu dhammeeyo heshiis siyaasadeed.

Go’aanka Trump ee hakinta “Project Freedom” ayaa imanaya xilli Marinka Hormuz uu noqday xarunta ugu weyn ee xiisadda cusub ee Bariga Dhexe.

Hakinta howlgalka ayaa muujinaysa in Iran weli ay cadaadin karto Washington oo dooneysa inay fursad siiso dhexdhexaadinta, balse sii socoshada xayiraadda Iran waxay caddeyneysaa in Mareykanku uusan weli ka tanaasulin cadaadiska uu ku hayo Tehran.

Mucaaradka DF oo go’aan culus ku dhawaaqay – Maxaa dhacaya kahor 15-ka May

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiinta mucaaradka oo maanta shir xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay go’aan xasaasi ah kahor maalinta 15-ka May oo ay sheegeen inay ku egtahay sida muddo xileedka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka warbixiyay shirkooda ayaa iclaamiyay dibadbax wayn oo ay qaban doonaan 10-ka bishaan, isagoo baaq u diray reer Muqdisho, gaar ahaan dadkii la barakiciyay.

Shariif aya sidoo kale ugu baaqay shacabka inay si buuxda uga soo qayb-galaan banaanbaxa, isla markaana ay muujiyaan dareenkooda ku aadan ka dhiidhinta dhulboobka ka socda gudaha caasimada.

“Waxaa rabnaa in loo banaanbaxo si loo joojiyo dhulboobka iyo barakicinta Muqdisho, 10-ka bisha ayaa go’aaminay. Banaanbaxan cidna fasax ugama baahna waa in ay isku soo baxaan dadka la dulmiyey,” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale, wuxuu uga digay ciidamada inay ku xadgudbaan dadka isku soo baxaya, isaga oo sheegay in lagula xisaabtami doono falkasta oo ay gaystaan.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in hay’adaha Dowladda Federaalka uu ka dhamaaday muddo xileedka, isla markaana aysan haysan wax sharciyad ah.

“Nidaamka waqtigiisa waa dhammaaday dulmigiisa xad-dhaaf uu noqday qofkii isku dayo inuu shacabkaas dhibaateeyo haku xisaatamo in lala xisaabtami doono oo aan looga hari doonin,” ayuu markale yiri Sheekh Shariif.

Isla maalintan ay mucaaradka iclaamiyeen banaanbaxa, ayaa ah maalintii uu Madaxweynuhu qabsaday inay is arkaan isaga iyo mucaaradka, si looga wada-hadlo xaaladda sii cakirmeyso ee siyaasadda, isla markaana weli la’isku fahmi la’yahay hannaanka doorashooyinka iyo wax ka beddelka dastuurka KMG ah.

R/W Xamza oo sameeyay xil ka qaadis iyo magacaabis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo wareegto soo saaray ayaa maanta xilka ka qaaday Wasiirkii Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys, isaga oo xilkaas u magacaabay Cabdifataax Qaasim Maxamuud oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.

Xamza ayaa sheegay inuu tixgeliyay soo jeedin uga timid Madaxweynaha, kadibna uu soo magacaabay Wasiirka cusub ee Warfaafinta Soomaaliya.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kadib markii uu arkay qodobka 120-aad, farqadiisa 2-aad iyo 3-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla-markaana tixgaliyay talada Madaxweynaha Jamhuuriyadda, arkayna hawlaha baaxadda leh ee horyaala xukuumadda, waxa uu soo saaray magacaabistan. Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, waxaa u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska”, ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wasiir Cabdifataax Qaasim Maxamuud, kula dardaarmay xil gudasho hufan iyo dadaal.

Wasiirka cusub oo nin dhalinyaro ah ayaa horay usoo qabtay xilal kala duwan, isaga oo soo noqday wasiir ku xigeennadii wasaaradaha warfaafinta iyo gaashaandhigga ee xukuumadii hore.

Magacaabistan ayaa kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo ay xukuumadda Dan-Qaran u taallo shaqo adag oo ugu horreyso arrimaha doorashooyinka.

Indhowaanahan Xamza ayaa waday isbeddallo waa wayn oo ku aadan xukuumadda Dan-Qaran, wuxuuna horay u magacaabay Wasiiro cusub, agaasimeyaal iyo madax waaxeedyo ka tirsan xafiiskiisa, si loo dardargeliyo shaqada.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale la yimid isla xisaabtan golaha wasiirada ah, isaga oo horay kormeer ugu tegay dhowr xarumood oo muhiim ah, sida garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo cabasho ay kadib, balse la xalliyay iyo xarumo wasaaradeed oo ku yaalla caasimada oo uu ku tegay booqashooyin, si uu qiimeeyo shaqada ka socota.

Ciidamadii Asluubta ee waddada xirtay oo hub ka dhigis lagu sameeyay kadibna…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa Asluubta Soomaaliyeed oo careysan ayaa maanta xirtay wadada gasha Xabsiga Dhexe ee hormarta Dekedda Muqdisho, kuwaasi oo ka cabanaya mushaar la’aan.

Ciidamada ayaa isku fidiyay waddadaas oo sidoo kale hormarto maxkamada Gobolka Banaadir iyaga oo hakiyay guud ahaan dhaq-dhaqaaqa gaadiidka.

Qaar kamid ah askarta oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muddo sanad ka badan uu ka maqanyahay mushaarka, iyana dalbanaya in loo soo fasax.

Saacado badan oo waddada xirneyd kadib waxaa goobta gaaray saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ku baxay cabashada ciidamadaasi, iyada oo kadib waddada ay la wareegeen  ciidamo ka tirsan kuwa booliska Haramcad oo haatan dib u fasaxay isku socodka gaadiidka.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadii cabanayay ee Asluubta lagu sameeyay hub ka dhigis, kadibna la geeyay Wasaaradda Cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka, si loo xalliyo cabashadooda.

Ma jiro illaa wax war ah oo kasoo baxay taliska Ciidanka Asluubta oo ku aadan gadoodka ciidamadan oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo adag.

Marar badan ayay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda sidaan oo kale ay gadood uga sameyeen Muqdisho, iyaga oo ka cabanaya mushaaraad ka maqan.

Somaliland oo sheegtay inay isbahaysi difaac la galeyso Israel

Hargeysa (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa sheegay in Hargeysa ay diyaar u tahay inay Israel kala shaqeyso sidii looga hortegi lahaa waxa uu ku sheegay “halista” ka imaaneysa Yemen ee ku wajahan marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, sida uu baahiyey telefishinka Israel ee Channel 12.

Mas’uulka oo aan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in khalkhal kasta oo ku yimaada ammaanka badda uu Somaliland ku riixi karo inay ballaariso xiriirka ay la leedahay Israel, xitaa haddii uu gaaro heer iskaashi amni ama isbahaysi difaac.

“Carqalad kasta oo ku timaadda ammaanka badda waxay Somaliland ku riixi kartaa inay xiriirkeeda Israel gaarsiiso heer isbahaysi amni,” ayuu yiri mas’uulka, sida uu weriyey Channel 12.

Wuxuu sheegay in Somaliland ay haatan la shaqeyso dalal ay ka mid yihiin Mareykanka iyo Imaaraadka Carabta, oo xiriir iyo dano ku leh dekedda Berbera, isla markaana iskaashi la mid ah kanas ay suuragal tahay in lala yeesho Israel.

Somaliland, oo ku taalla waqooyiga Soomaaliya, ayaa ku dhow Gacanka Cadmeed, kana soo horjeedda koonfurta Yemen, taas oo siinaysa muhiimad istaraatiiji ah xilli xiisadaha Badda Cas iyo Bab al-Mandab ay sare u kaceen.

Marin-biyood xasaasi ah

Bab al-Mandab waa marin-biyood dhuuban oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, wuxuuna ka mid yahay meelaha ugu muhiimsan ee maraakiibta ganacsiga iyo shidaalka caalamka ay isticmaalaan.

Marinkaas ayaa si gaar ah muhiim ugu noqday dalalka Khaliijka, gaar ahaan kadib markii xiisadda ka taagan Gacanka Faaris ay saameyn ku yeelatay marin-biyoodka Hormuz.

Sida lagu sheegay warbixinta, xirnaanshaha ama khalkhalka Hormuz ayaa kordhiyey muhiimadda Bab al-Mandab, iyadoo Sacuudi Carabiya ay si weyn ugu tiirsanaaneyso dhuumo shidaal oo ku dhow aaggaas si ay u dhoofiso saliiddeeda.

Ciidamada Xuutiyiinta Yemen ee ay taageerto Iran ayaa horey u weeraray maraakiib xiriir lala yeeshay Israel iyo Mareykanka, iyagoo sheegay inay uga jawaabayeen dagaalka Gaza iyo taageerada Washington ay siiso Tel Aviv.

Bishii Maarso 28, Xuutiyiinta ayaa sheegay inay faragelin doonaan haddii Badda Cas loo adeegsado weerarro ay Mareykanka iyo Israel ku qaadaan Iran.

Hadalkan ayaa yimid iyadoo hoggaamiyeyaasha Yemen ay muddooyinkii dambe si joogto ah ugu hanjabayeen inay ballaarin doonaan weerarrada ka dhanka ah maraakiibta la xiriira Israel, Mareykanka iyo xulafadooda.

Berbera iyo danaha Imaaraadka

Dekedda Berbera ayaa muddooyinkii dambe noqotay xarun muhiim u ah danaha Imaaraadka Carabta ee Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

Shirkadda DP World ee laga leeyahay Dubai ayaa maamusha dekedda Berbera, taas oo Imaaraadka siisay saldhig ganacsi iyo mid istaraatiiji ah oo ku yaalla meel u dhow marin-biyoodyada ugu muhiimsan gobolka.

Warbixinta ayaa sheegtay in Imaaraadka uu Berbera u adeegsado xarun sahay iyo dhaqdhaqaaqyo la xiriira danihiisa gobolka, gaar ahaan colaadaha ka socda Suudaan, halkaas oo ciidanka Rapid Support Forces lagu eedeeyey inay geysteen xasuuq iyo gabood-fallo ka dhan ah bulshooyin aan Carab ahayn.

Eedeymahaas waxaa si adag u beeniyey dhinacyada lagu eedeeyey, balse hay’ado caalami ah iyo dowlado reer Galbeed ah ayaa si joogto ah uga digay gabood-fallo baahsan oo ka dhacay Darfur iyo qeybo kale oo Suudaan ah.

Somaliland ayaa xiriirka Berbera u aragta mid muujinaya awooddeeda ay ku maamuli karto heshiisyo shisheeye iyo iskaashi amni, halka dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso in heshiis kasta oo khuseeya dhulka iyo dekedaha Soomaaliya uu waajib ku yahay inuu maro Muqdisho.

Aqoonsiga Israel

Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, kadib burburkii dowladdii dhexe, balse muddo ka badan soddon sano ma aysan helin aqoonsi caalami ah oo rasmi ah.

Bishii December 2025, Israel ayaa noqotay dalkii ugu horreeyey ee xubin ka ah Qaramada Midoobay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, tallaabo si weyn uga careysiisay dowladda Soomaaliya.

Muqdisho ayaa aqoonsigaas ku tilmaantay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale xiriirka u jartay Imaaraadka Carabta bishii Janaayo, kadib markii ay ku eedeysay Abu Dhabi inay door ku lahayd dadaallada lagu aqoonsanayo Somaliland.

Hadalkan cusub ee mas’uulka Somaliland ka tirsan ayaa muujinaya in Hargeysa ay isku dayeyso inay ka faa’iideysato xiisadaha ka taagan Badda Cas, Bab al-Mandab iyo dagaallada gobolka, si ay u ballaariso xiriirkeeda Israel iyo xulafada kale ee taageeri karta aqoonsigeeda.

Xiisad ka dhex-qaraxday Itoobiya iyo Sudan iyo Addis oo soo saartay bayaan caro leh

Addis Ababa (Caasimada Online) – Itoobiya ayaa si adag u beenisay eedeymo uga yimid Sudan oo sheegayay in Addis Ababa ay door ku lahayd weerarro diyaarado drone ah oo lagu soo qaaday, iyadoo ku tilmaantay eedeymahaas “kuwo aan sal lahayn”, isla markaana ku eedeysay ciidamada Sudan inay taageero siinayaan dagaalyahanno Tigray ah oo ka howlgala meel u dhow xadka galbeed ee Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in eedeymaha Sudan ay qeyb ka yihiin olole siyaasadeed oo ka dhan ah amniga iyo madaxbannaanida Itoobiya.

“Itoobiya waxay diideysaa eedeymihii ugu dambeeyay ee aan salka lahayn ee lagu soo jeediyay intii lagu jiray shirkii jaraa’id ee ay si wadajir ah u qabteen Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan, wasiirka arrimaha dibadda iyo afhayeenka militariga,” ayay wasaaraddu ku tiri bayaan ku taariikheysnaa 5-ta May.

Hadalkan ayaa muujinaya xiisad diblomaasiyadeed oo sii xoogeysaneysa oo ka dhex taagan labada dal ee deriska ah, kuwaas oo xiriirkoodu horey ugu xumaaday muranno xuduudeed, dagaalka gudaha Sudan iyo walaaca Itoobiya ka qabto kooxaha hubeysan ee ka howlgala agagaarka xuduudaheeda.

Saraakiisha Sudan ayaa ku eedeeyay Itoobiya inay ogolaatay in dhulkeeda loo adeegsado weerarro lagu qaaday gudaha Sudan, gaar ahaan weerarro la sheegay inay fuliyeen diyaarado drone ah.

Addis Ababa ayaa eedeymahaas ku gacan seyrtay, waxayna sheegtay inay muddo ka gaabsatay inay arrintan si furan uga hadasho, sababo la xiriira xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada shacab.

“Shucuubta Itoobiya iyo Sudan waxay wadaagaan xiriir saaxiibtinimo oo taariikhi ah oo soo jireen ah,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay “muujisay dulqaad” ayna ka gaabsatay inay shaaciso waxa ay ku tilmaantay “xadgudubyo culus oo ka dhan ah madaxbannaanida dhuleed iyo amniga qaranka Itoobiya” oo ay geysanayaan qaar ka mid ah dhinacyada ku dagaallamaya Sudan.

Eedeymo la xiriira TPLF

War-saxaafadeedka Itoobiya ayaa eedeynta dib ugu celiyay dhinaca Sudan, iyadoo Addis Ababa ay sheegtay in dagaalyahanno xiriir la leh Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray ee TPLF ay ku lug yeesheen dagaalka Sudan.

“Xadgudubyadan waxaa ka mid ah adeegsiga ballaaran ee calooshood-u-shaqeystayaal TPLF ah oo ku jira dagaalka,” ayay tiri wasaaraddu.

Itoobiya ayaa sidoo kale ku eedeysay Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan inay hub iyo dhaqaale siiyeen dagaalyahannadaas.

“Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan waxay sidoo kale siiyeen hub iyo taageero dhaqaale calooshood-u-shaqeystayaashan, taas oo u fududeysay inay weerarro ka geystaan xadka galbeed ee Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhaq-dhaqaaqyada dagaalyahannada TPLF ee Sudan ay yihiin “arrin si cad loo ogyahay”, waxayna ku doodday in ay jiraan “caddeymo ballaaran oo lagu kalsoonaan karo” oo muujinaya in Sudan ay noqotay xarun ay ka dhaqaaqaan kooxo ka soo horjeeda Itoobiya.

Waxay intaas ku dartay in eedeymaha ugu dambeeyay ee Sudan aysan ahayn dhacdo gooni ah, balse ay qeyb ka yihiin qorshe ballaaran oo ay gadaal ka riixayaan dano shisheeye.

“Waxaa cad in ficilladan cadaawadeed, iyo sidoo kale eedeymihii dhowaan iyo kuwii hore ee ay soo jeediyeen saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee Sudan, lagu fulinayo rabitaanka maalgaliyeyaal dibadeed oo doonaya inay horumariyaan ajendahooda xun,” ayay tiri wasaaradda.

Itoobiya ma aysan soo bandhigin faahfaahin dheeraad ah iyo caddeymo taageeraya eedeymaheeda.

TPLF ayaa dagaal labo sano socday la gashay dowladda federaalka Itoobiya intii u dhexeysay 2020 iyo 2022, dagaalkaas oo sababay dhimasho badan, barakac ballaaran iyo burbur xooggan, ka hor inta aan labada dhinac heshiis nabadeed ku gaarin magaalada Pretoria.

Inkasta oo heshiiskaas uu soo afjaray dagaalkii weynaa ee waqooyiga Itoobiya, haddana weli waxaa jira xasaasiyad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhex taagan TPLF, dowladda federaalka Itoobiya iyo maamullada deriska la ah gobolka Tigray. Addis Ababa ayaa si gaar ah uga walaacsan dhaqdhaqaaq kasta oo hubeysan oo ka dhaca meel u dhow xuduudaheeda.

Saameynta dagaalka Sudan

Dagaalka Sudan ayaa qarxay bishii April 2023, kadib toddobaadyo xiisad ah oo u dhexeysay taliyaha ciidamada Sudan, Abdel Fattah al-Burhan, iyo hoggaamiyaha ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF, Mohamed Hamdan Dagalo oo loo yaqaan Hemedti.

Dagaalka ayaa si degdeg ah uga fiday Khartoum, wuxuuna gaaray Darfur, Kordofan, Al Jazirah iyo gobollo kale, iyadoo ay ku lug yeesheen maleeshiyaad maxalli ah, dagaalyahanno shisheeye iyo dano goboleed.

Colaadda ayaa dishay tobanaan kun oo qof, waxay barakicisay malaayiin kale, waxayna qaybo ka mid ah Sudan gelisay xaalad macluul iyo burbur bani’aadantinimo oo aad u daran. Dagaalka ayaa sidoo kale walaac weyn ku abuuray dalalka deriska la ah Sudan, oo ay ku jiraan Itoobiya, Masar, Chad, South Sudan iyo Eritrea.

Itoobiya iyo Sudan waxay wadaagaan xuduud dheer oo sahlan in laga gudbo. Labada dal ayaa sidoo kale sanadihii la soo dhaafay isku hayay dhulka bacrinka ah ee al-Fashaga, halkaas oo muddo dheer ay isku qabsadeen beeraley Sudanese ah iyo kuwa Itoobiyaan ah.

Muranka cusub ayaa kusoo aadaya xilli Geeska Afrika uu wajahayo colaado is dul-saaran, barakac, loollan diblomaasiyadeed iyo isbaheysiyo isdiidan.

Sudan ayaa dhowr jeer ku eedeysay dalal dibadda ah inay taageerayaan dhinacyo ku lug leh dagaalka. Dowladaha gobolka qaarkood ayaa beeniyay inay qeyb ka yihiin colaadda, halka dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayay xabbad-joojin ay marar badan fashilmeen.

Baaq xabbad-joojin

Inkasta oo hadalka Itoobiya uu ahaa mid adag, haddana Addis Ababa waxay sheegtay inay weli garab taagan tahay shacabka Sudan, isla markaana ay taageereyso xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro dagaalka.

“Itoobiya waxay sii wadi doontaa inay garab istaagto shacabka Sudan, ayna adkeyso xiriirka saaxiibtinimo ee kala dhexeeya xilligan adag,” ayay tiri wasaaradda arrimaha dibadda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in “aan xal militari laga gaari karin” colaadda Sudan, waxayna ku baaqday in dhinacyada dagaallamaya ay galaan wada-hadal.

Itoobiya ayaa dalbatay “xabbad-joojin bani’aadannimo oo degdeg ah”, taas oo ay xigto “xabbad-joojin waarta iyo hannaan wada-hadal oo madax-bannaan, loo dhan yahay, hufan, islamarkaana ay hoggaaminayaan rayidka.”

Wasaaraddu waxay sheegtay in hannaankaas uu muhiim u yahay “dhisidda nabad waarta iyo soo celinta xukun rayid ah.”

Is-weydaarsiga eedeymahan ayaa muujinaya sida dagaalka Sudan uu u sii saameynayo xiriirka dalalka Geeska Afrika, iyadoo dowladaha gobolka ay ka cabsi qabaan in colaadda Sudan ay sii huriso amni-darro xuduudeed, dhaqdhaqaaqyo hubeysan iyo loollan siyaasadeed oo gobolka oo dhan saameeya. 

Mucaaradka oo illaa hadda la garan la’yahay waxa ay rabaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Mucaaradka Soomaaliya ayaa 15-ka May ka dhigay xilli kama dambeys ah oo siyaasadeed oo ay ku cadaadinayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo si cad u diiday hannaanka doorasho ee uu wado, wax-ka-beddelladii ugu dambeeyay ee dastuurka, iyo sii joogitaankiisa xafiiska wixii ka dambeeya maalintaas.

Hase yeeshee, qoraalka ay soo saareen 2-dii May, siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa sidoo kale furay su’aal kale oo hadda udub-dhexaad u noqotay xiisadda siyaasadeed ee dalka: Maxay dhab ahaantii mucaaradku doonayaan, maxaase keenay in afar sano kadib weli aysan hayn wax qorshe doorasho oo beddel ah?

Su’aashan ayaa muhiim u ah marxaladda hadda taagan, maadaama muranka siyaasadeed ee Soomaaliya uusan kaliya ku koobneyn in Madaxweyne Xasan Sheekh uu sii haysan karo sharciyad siyaasadeed wixii ka dambeeya 15-ka May. Waxa kale oo uu imtixaan u yahay awoodda mucaaradka ee ah inay ka gudbaan diidmo siyaasadeed oo keliya, una gudbaan qorshe cad oo lagu maareyn karo marxaladda xigta.

War-saxaafadeed ay 2-dii May soo saareen siyaasiyiin mucaarad ah oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka ayaa lagu sheegay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku eg yahay 15-ka May 2026.

Mucaaradka ayaa sheegay in wixii ka dambeeya maalintaas aysan u aqoonsan doonin Xasan Sheekh madaxweyne sharci ah, balse ay u arki doonaan “muwaadin caadi ah oo la mid ah shacabka kale”.

Waxay sidoo kale ku dhawaaqeen inay hoggaamin doonaan “iska caabin nabadeed, abaabul dadweyne iyo wadatashi qaran”, si looga hortago firaaq dastuuri ah, loona helo dowlad ay sheegeen inay leedahay sharciyad lagu wada qanacsan yahay.

Laakiin isla qoraalkaas ayaa lagu sheegay in mucaaradku “muddo toddobaad gudihiis ah” shacabka Soomaaliyeed la wadaagi doonaan hannaan doorasho oo buuxinaya shuruudaha ay wataan. Qodobkaas ayaa laga yaabaa inuu noqdo mid la mid ah, ama ka miisaan culus, xilliga kama dambeyska ah ee 15-ka May.

Qorshaha maqan

Mucaaradka ayaa si cad u taxay waxyaabaha ay diidan yihiin. Waxay diidan yihiin waxa ay ugu yeereen “doorasho magacaabis ah”. Waxay diidan yihiin doorasho kasta oo ay sheegeen in natiijadeeda ay Villa Somalia maamuli karto. Waxay sidoo kale diidan yihiin wax-ka-beddelladii ugu dambeeyay ee dastuurka, iyaga oo ku doodaya in kaliya dastuurkii ku-meel-gaarka ahaa ee 2012 uu leeyahay sharciyad.

Waxay intaas ku dareen in loo baahan yahay doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo ka dhaca Koonfur Galbeed, HirShabelle iyo Galmudug, iyaga oo sheegay in maamulladaas ay muddo-dhaaf ku joogaan xafiisyada.

Si kastaba, bayaanka mucaaradka weli ma caddeynin hannaanka ay doonayaan in lagu beddelo midka ay diidan yihiin.

Ma sheegin cidda qabaneysa doorashada federaalka ee xigta, kaalinta ay yeelanayaan dowlad-goboleedyada, iyo in Soomaaliya dib ugu laabaneyso doorasho dadban, qaadaneyso hannaan isku-dhaf ah, ama dib loogu dhigayo doorasho qof iyo cod ah oo lagu saleeyo heshiis siyaasadeed oo ballaaran.

Axmed Cabdi, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo fadhigiisu yahay Muqdisho, ayaa sheegay in mucaaradku ku guuleysteen inay cadaadis siyaasadeed ka abuuraan 15-ka May, balse aysan weli ka jawaabin su’aasha ugu adag.

“Mucaaradku aad bay u caddeeyeen waxa ay diidan yihiin, balse si la mid ah uma caddeyn waxa ay beddel ahaan u dhisayaan,” ayuu yiri Axmed. “Xilli kama dambeys ah wuxuu abuuri karaa cadaadis, laakiin ma noqon karo xal siyaasadeed haddii aan lagu xirin hannaan kala-guur iyo doorasho oo shaqeyn kara.”

Firaaqaas ayaa ah meelaha ugu nugul ee mucaaradku ka wajahayo doodda siyaasadeed. Waxay si xooggan u sheegeen waxa aysan Soomaaliya sameyn karin, balse weli si buuxda uma aysan qeexin waxa ay tahay in dalku sameeyo.

Mucaaradka waxay qabaan tabashooyin dhab ah. Soomaaliya marar badan ayay ku fashilantay inay qabato doorashooyin waqtigooda ku dhaca oo lagu wada qanacsan yahay. Nidaamka federaalka weli waa mid lagu muransan yahay, halka madaxtooyada, baarlamaanka iyo dowlad-goboleedyaduba ay marar kala duwan ka faa’iideysteen madmadow sharci si ay u ballaariyaan saameyntooda siyaasadeed.

Laakiin xilli kama dambeys ah keligiis ma noqon karo qorshe kala-guur, sida diidmo siyaasadeed oo keliya aysan u noqon karin hannaan doorasho.

Is-barbardhigga doorashooyinka

Mucaaradka Soomaaliya ayaa wajahaya isdiiddo siyaasadeed oo adag.

Waxay diidan yihiin dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku wajahan doorashooyin toos ah, iyaga oo ku doodaya in hannaankaas uusan ku dhisneyn heshiis siyaasadeed oo ballaaran, isla markaana uu Villa Somalia siinayo awood xad-dhaaf ah.

Hase yeeshee, hannaankii doorashada dadban ee la adeegsaday 2016 iyo 2022 isna wuxuu lahaa cilado waaweyn. Wuxuu awood badan siiyay madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada, odayaasha dhaqanka, dallaaliinta siyaasadda iyo musharrixiinta lacagta badan ku leh tartanka, kuwaas oo saameyn weyn ku lahaa cidda baarlamaanka gasha iyo cidda ugu dambeyn doorata madaxweynaha.

Mucaaradka waxay caddeeyeen in aysan sidoo kale marna aqbali doonin hanaankaas awoodda doorashada jeebka u geliyey madax goboleedyada.

Taasi waxay mucaaradka gelisay xaalad siyaasadeed oo ciriiri ah. Haddii ay diidaan hannaanka doorasho toos ah ee Villa Somalia wado, isla markaana aysan doonayn inay difaacaan nidaamkii dadbanaa ee horey loo dhaliilay, waxaa hadda laga sugayaa inay soo bandhigaan qorshe ka cad shuruudo iyo diidmo guud.

Yuusuf Mataan, oo ah cilmi-baare ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee mucaaradku tahay inay iska ilaaliyaan inay noqdaan koox kaliya wax hor istaagta.

“Soomaaliya uma baahna koox kale oo awood u leh inay hanaan siyaasadeed joojiso,” ayuu yiri Yuusuf. “Waxay u baahan tahay garab siyaasadeed oo sharxi kara sida doorasho u dhici karto, cidda maamuleysa, iyo sababta dhinaca laga guuleysto uu u aqbali karo natiijada.”

Afar sano kadib waxaa weli la sugayaa waxa ay rabaan mucaaradka iyo nooca doorasho ee ay doonayaan. 

Xogta duqeyn culus oo ka dhacday MUDUG + Khasaaraha

0

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta duqeyn culus ay ka dhacday deegaan u dhaxeeya Dabagalo iyo Warshubo ee gobolkaas oo hoostaga Dowlad-Goboleedka Galmudug, iyada oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Weerarkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Kumaandooska Danab iyo saaxibada caalamiga ah ayaa lagu dilay ugu yaraan 8 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxay dowladdu sheegtay in howlgalkan la fuliyay kadib markii la helay xog ku aadan xubnaha la duqeeyay oo ku sugnaa goobta, iyadoo lagu dhuftay gantaalo culus.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay inay maqlayeen jugta duqeynta, isla markaana ay soo wajahday cabsi xoogan, balse ma jiro khasaare kasoo gaaray howlgalkaasi.

Dhinac kale weerar kale oo ay qaadeen ciidamada deegaanka, kana dhacay xadka kala qaybiya Galgaduud iyo Mudug ayaa khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab, iyadoo in ka badan 10 xubnood laga dilay, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo guuleystay.

Saraakiishu waxay tilmaameen in howlgalka uu si gaar ah uga dhacay  deeganka Booreey, iyada oo lagu khaarijiyay ugu yaraan ilaa 13 Xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta.

Ciidamada ayaa sidoo kale la wareegay deegaanka uu howlgalka ka dhacay, waxayna gebi ahaan ay cagta mariyeen xarumo iyo baro koontarol oo ay kooxda ku lahayd halkaasi.

Xaaladda ayaa weli cakiran, waxaana haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo kamid ah gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Muddooyinkii ugu dambeeyay dowladda Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah oo uu ugu horreeyo Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah argagixisada, iyada oo mala kala duwan oo dalka ah lagu beegsaday looga gaystay khasaare xooggan.

Muxuu Raiisul wasaare Xamza kala hadlay bulshada rayidka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre oo xalay casho sharaf ku maamusay xubno ka tirsan Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa kala hadlay xaaladda guud ee dalka, iyaga oo is dhaafsaday talooyin muhiim ah.

Xamza ayaa soo dhaweeyay talooyinka uga yimid Bulshada Rayidka ah, isaga oo ku bogaadiyay doorka ay ku leeyihiin dowlad-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Jamhuuriyadda 3-aad ee Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu ka gudbayo xaaladda loo garanayo kala guurka iyo kumeel-gaarnimada, isla markaana marka uu dhamaado muddo xileedka hay’adaha dowladda ay Shacabka Soomaaliyeed soo dooran doonnaan dowladda soo socota.

Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed ayaa dhankooda Ra’iisul wasaare Xamza ka dalbaday sii ambaqaadista dedaallada wadahadallada, si xal looga gaaro tabashada ay mucaaradka ka qabaan hanaanka doorashooyinka.

Bulshada Rayidka oo maalmahan kulamo la waday ayaa Talaadadii Warsaxaafadeed kasoo saaray kulamo ay la yeesheen labada dhinac, kuwaas oo diiradda lagu saaray khilaafka ka taagan gudah dalka.

Waxaa kale oo ay tilmaameen in siyaasiyiinta labada dhinac, ay ka dhageysteen aragtiyadooda ku aadan doorashada, balse la’isku halayo kaliya hanaanka loo wajahayo doorasooyinka tooska ah ee ka dhacaya dalka.

“Bulshada rayidka Soomaliyeed iyada oo tixgelineyso aragtiyadii kala duwanaa ee ay soo bandhigeen dhinacyda siyaasadda waxay garwaaqsatay in mabda’ ahaan aan la’isku diidaneyn qabsoomida doorasho qof iyo cod ah, balse ay muhiim tahay in la helo hannaan cad oo lagu kalsoonaan karo, loona dhanyahay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Si kastaba, ha’ahaatee waxaa haatan isha lagu wada hayaa shirka loo ballansanyahay ee uu madaxweynuhu 10-ka bishan ku casuumay Golaha Mustaqbalka, si looga wada-hadlayo arrimaha masiiriga ah iyo doorashooyinka dalka.

Bulshada rayidka ah oo war culus kasoo saartay khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha ururka bulshada rayidka Soomaaliyeed Cismaan Muxidiin Shaatax oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka warbixiyay shir guud oo ay ka yeesheen xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo mucaaradka.

Shaatax ayaa sheegay in kulmadooda oo maalmo qaatay ay uga arrinsadeen is-mariwaaga taagan ee labada dhinac, si loo helo xal waara.

“Kulankan waxaan diiradda ku saarnay qiimeynta xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan saameynta ka dhalatay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyay DFS iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, khilaafkaas ayaa salka ku haayay arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo muddo xileedka hay’adaha dowladda” ayuu yiri guddoomiye Cismaan Shaatax.

Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in arkeen siyaasiyiinta labada dhinac, ay ka dhageysteen aragtiyadooda ku aadan doorashada, balse la’isku halayo kaliya hanaanka loo wajahayo doorasooyinka tooska ah ee ka dhacaya dalka.

“Bulshada rayidka Soomaliyeed iyada oo tixgelineyso aragtiyadii kala duwanaa ee ay soo bandhigeen dhinacyda siyaasadda waxay garwaaqsatay in mabda’ ahaan aan la’isku diidaneyn qabsoomida doorasho qof iyo cod ah, balse ay muhiim tahay in la helo hannaan cad oo lagu kalsoonaan karo, loona dhanyahay,” ayaa lasii raaciyay warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo ay bulshada rayidka soo saartay baaq culus oo ku socda labad dhinac, iyada oo ka dalbatay inay tanaasul sameeyaan, isla markaana ay yeeshaan wadatashiyo dhab ah oo lagu gaari heshiis siyaasadeed oo buuxa.

Baaqan ayaa kusoo aadayo, iyadoo weli xaaladda ay murugsan tahay, isla markaana ay sii kala fogaanayaan madaxda dowladda iyo kuwa mucaaradka.

Si kastaba, ha’ahaatee waxaa haatan isha lagu wada hayaa shirka loo ballansanyahay ee uu madaxweynuhu 10-ka bishan ku casuumay Golaha Mustaqbalka, si looga wada-hadlayo arrimaha masiiriga ah iyo doorashooyinka dalka.

Faa’iso Jayte oo shaki gelisay cidda ka dambeysa burburinta ka socota Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo qoraal dheer soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda adag ee ka taagan magaalada Muqdisho, gaar ahaan burburinta dhulalka danta guud ee ku yaalla caasimada.

Faa’iso ayaa qoraalkeeda ku sheegtay waxa socda inay yihiin wax lala yaabo oo murugo xambaarsan, iyada oo xustay in xili roobaadkan la burburinayo goobo ay ku noolaayeen dad dan-yar ah.

Sidoo kale, waxa ay shaki gelisay cidda ka dambeysy burburinta lagu hayo guryaha shacabka, iyadoo tilmaamtay in jiraan gacmo ka baxsan dowladda.

“Waxaan aaminsanahay in arinki sida lamaleynaayo uu Ka duwan yahay cida duminta iyo baabi’inta ku wada Dalkana ay tahay cid ka weyn dowlada hada jirto , Dowladuna ay tahay fulinta baabi’inta taariikhda Dalka ayada oo aan fahamsaneyn,” ayay ku tiri warsaxaafadeedka.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammaystiran;-

Waxaa layaab ah in ayadoo roobab xoogan da’ayaan laguna jiro xili roobaad, la duminaayo meelo taariikhi ah oo ay daganyihiin shacabka Soomaaliyeed ku wooodi ugu muhiimsanaa. Waxey ka dhigan tahay in dowladu dumineyso Buuulo Shiidle, Buulo Israafiil, Buulo Daauud, Buulo Gaaljedel, Buulo Maaxaay, Buulo Waayaabee, Buulo Tookiyo, Buulo Ceel hindi, Masaajidyadii ugu caansanaa Xamar Iskool Buluusiyo ilaa Celasha Biyaha .

In la tirtiraayo taariiikhihi qadiimiga ahaa ee dalka iyo dowladnimada Soomaaliyeed. Waxaan aaminsanahay in arinka sida la maleynaayo uu ka duwanyahay cida duminta iyo baabi’inta ku wada dalkana ay tahay cid ka weyn dowladda hadda jirto, dowladuna ay tahay fulinta baabi’inta taariikhda dalka ayada oo aan fahamsaneyn.

Sabaabtoo ah waxaa la sheegaa dowladdu in ay lacag qaadato si loo dumiyo dhulalkan taariikhiga ah.

Lacagta waxaa siiyo oo qandaraasyadaas wato dad aan taariikh ganacsi iyo lacago la ogyahay heysan qaarkood ay wataan baasabooro aan Soomaali ahayn yaa ii sheegi kara meelaha ay ka keenaan lacagaha faraha badan oo wadadi saxda aheyd ka leexiyay dowladdii Soomaaliyeed ee ma’suulka ka aheyd dadka ay shaqada ka dhigatay dhibaateyntooda?

Qof kasta oo xog ka heysa meelaha ay lacagahaas dalka ka soo galaan jawaabteedu waa muhiin.

Maanta kuma eka aduunyadu bari ayaa jirta dalka cidna kaama leh badbaadintiisu waa waajib diini ah oo ku saaran.


Fatal error: Uncaught Error: Undefined constant "console" in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php:60 Stack trace: #0 [internal function]: dynamic_data_flow_filter('<!doctype html ...', 9) #1 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/functions.php(5493): ob_end_flush() #2 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(341): wp_ob_end_flush_all('') #3 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/class-wp-hook.php(365): WP_Hook->apply_filters('', Array) #4 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/plugin.php(522): WP_Hook->do_action(Array) #5 /home/a0676f5/public_html/wp-includes/load.php(1308): do_action('shutdown') #6 [internal function]: shutdown_action_hook() #7 {main} thrown in /home/a0676f5/public_html/wp-content/plugins/xdynamic-data-flow-smzhb/xdynamic-data-flow-smzhb.php on line 60