25.5 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Daawo: Xaafad ku dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo xalay gubatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa haatan laga helayaa khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dab xoogan oo xalay sadqii dhexe ka kacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo geystay khasaare hantiyeed oo xoogleh ayaa ka kacay guryo ku yaalla xaafadda Kalluunka oo ku dhow xeyndaabka xarada Xalane ama garoonka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in goor dambe lagu guuleystay daminta dabkan, kadib gurmad ay sameeyeen dadka deegaanka iyo gaadiidka dab-damiska ee maamulka gobolka Banaadir.

Hooyo kamid ah dadka deegaanka oo la hadashay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in dabkaan uu khasaare culus kasoo gaaray qoysas dan-yar ah oo ku nool xaafaddaasi.

“Horta hanti ma koobi karno dad masaakiin ah ayey u badnaayeen oo ilmahooda la xoogsada, koley waxay cuni lahaayeen, waxay cabi lahaayeen, waxa ay xiran lahaayeen iyo wax ay koglan lahaayeen waxa uga baxay malaha” ayey tiri hooyo daggan Kalluunka.

Sidoo kale wiil kamid ah dadka deegaanka isna hadlay ayaa sheegay inay gubteen ugu yaraan illaa afar guri, isla-markaana uu dabka ka dhashay Koronto.

“Dabka waxa uu ka billowday Koronto inta meesha ku basbeeshayna waa illaa afar guri,” ayuu yiri wiilka dhalinyarada ah oo sidoo kale kamid ahaa dadkii gurmadka sameeyay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dabkan uu sababay dayacaad ay sameeyeen qolada Korontada, isaga oo sheegay in horay loogu wargeliyay ciladda dhalisay dabka.

“Cidda waxa ay innoo sheegeen in Korontada maalmo kahor ay haleysneyd ay wiilasha farsamayaqaanada u waceen ayna isku dayeen inay hagaajiyaan, balse hadda isla meeshii ay ka dayactireen uu dabka ka kacay waana dayacaad xagga Korontada ah” ayuu raaciyay.

Si kastaba, habeeno kahor ayey aheyd markii uu gubanayay Suuqa weyn ee Bakaaraha oo uu isna qabsaday dab ka dhashay Koronto, kaas oo ay ku hanti-beeleen ganacsato badan.

Awoodda la siiyay wasaarada arrimaha gudaha oo saameyn ku yeelanaysa 3 maamul

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa dhawaan heshiis ku kala saxiixday madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka Koonfur Galbeed, kaasi oo awood cusub siiyay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa waxaa kasoo dhex muuqday qoddob awood gaar ah siinaya wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, wuxuuna sheegaya in wasaarada ay yeelaneyso kaalinta dhaqan-gelinta heshiiskan lagu gaaray Baydhabo.

Qobkobka 2aad: Dhammaan guddoomiyaha guddiga dibu-heshiisiinta, Madaxweynaha Dolwad Goboleedka Koonfur Galbeed, siyaasiyiinta ku midoobey dalladaha; Midowga Musharixiinta iyo Madasha Samata-bixinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxa ay isku raaceen in Wasaarada Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta ay dhaqan galineyso Heshiiska qodobada kor ku xusan.”

Waxaa heshiiskan lagu muddeeyay doorashada xildhibaanada, guddoonka iyo madaxweynaha ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Fallanqeeyayaasha ayaa qaba in arrintan ay sidoo kale ka dhigan tahay in saamayn doonto doorashooyinka maamulada Galmudug, HirShabelle iyo Jubbaland oo dhamaantood la filayo in ay dhacaan labada sano ee soo socda gudahood, gaar ahaan inta uusan dhamaan muddo xileedka madaxweyne Xasan Sheekh.

Puntland oo iyada lagu wado in doorasho ka dhacdo sanadka soo socda ayaa kal hore hoos u dhigtay xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda federaalka, waxayna qabaan dadka ka faalloonaya arrintaan in qoddobkan qeybta ka ah heshiiska Baydhabo uusan saameyn ku yeelan doonin.

Sidoo kale, lama oga sida arrintani uga shaqeyn doono Jubbaland oo ayada sida la ogyahay marar badan oo hore ay suurta-gali weyday in dowladda dhexe ay fara-geliso doorashooyinka ka dhacayay.

Waxaa xusid mudan in tan iyo markii uu talada dalka kusoo laabtay madaxweyne Xasan Sheekh in ay soo baxaysay saansaan xoogan oo muujineysa in wasaarada arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta loo soo celinayo kaalinteedii luntay ee dowlad-goboleedyada dalka.

Axmed Fiqi oo ah wasiirka wasaaradan ayaa muddooyinkii dambe la arkayay isaga oo garoonka Muqdisho ku qaabilaya madaxda dowlad-goboleedyada ee markaas caasimada u taga shirka Golaha Wada-tashiga Qaran, taasi oo kor usii qaadeysa tuhunada ku xeeran qorshahaan, sida ay qabaan dadka ka faalloonaya arrintaan.

Somaliland oo 7 qodob oo xasaasi ah ka soo saartay xiisadda LAASCAANOOD

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada Somaliland ayaa kulan deg deg ah ka yeeshay xaaladda magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo marti gelisay dagaallo qaraar oo looga soo hor jeedi xukunka Somaliland.

Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Somaliland waxaa shir guddoomiyey Madaxweyne Muuse Biixi, waxaa ku wehelinayey ku-xigeenkiisa Cabdiraxmaan Saylici, iyadoo si weyn looga dooday arrinta Laascaanood.

Dood iyo falan-qayn dheer kadib waxaa kulankii golaha wasiirrada Somaliland laga soo saaray 7 qodob, kuwaas oo u dhignaa sidaan:-

1- Goluhu waxa uu u cadaynayaa Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland iyo Beesha Caalamkaba inuu u taagan yahay Nabad. Sidaa awgeed waxa uu diyaar u yahay Qaranka Somaliland in lagu dhammeeyo xaaladda Laascaanood ka taagan wada-hadal iyo is-afgarad.

2- Goluhu wuxuu go’aamiyey in dadkii ku barakacay dhibaatadaasi loo fidiyo gargaar degdeg ah, waxaanu goluhu beesha caalamka ugu baaqay in ay gargaar kaasi qayb weyn ka qaataan.

3- Goluhu waxa uu Shacabka iyo Beesha Caalamkaba ku war-gelinayaa inuu Qaranka Somaliland dagaal kula jiro kooxo argagixiso caalami ah oo in muddo falal amni daro ka maleegayey gudaha Laascaanood.

4- Goluhu waxa uu ku dheeraaday in shaqaaqada Laascaanood ka bilaabantay ay saamayn ku yeelanayso degenaanshaha Mandaqada Geeska Afrika iyo Caalamkaba, sidaa darteed ay u baahan tahay in layska kaashado.

5- Golaha Wasiirradu wuxuu ugu baaqayaa madax-dhaqameedka, haldoorka, culimada, ganacsatada, dhalinyarada iyo haweenka Magaalada Laascaanood iyo cidkasta oo danaynaysa nabadgelyada iyo daganaanshaha Laascaanood in ay qayb ka qaataan sidii magaalada nabad loogu soo dabaali lahaa.

6- Goluhu waxa uu boggaadinayaa sidii ay Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland uga hortageen weerarkii gaadmada ahaa ee lagu soo qaaday.

7- Ugu damabayn goluhu waxa uu go’aamiyey in gacan adag lagu qabto cidkasta oo hubaysan oo khal-khal iyo falal nabadgelyo darro ka wada Magaalada Laascaanood.

Xasan oo aqoonsigooda ka gudoomay safiirada Turkey iyo laba dal oo kale + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Burundi  iyo Thailand ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayuu Madaxeweynuhu kaga guddoomay warqadaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Ibrahim Mete Yagli, Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Marwo Evelyne Habonimana, Danjiraha Cusub ee Burundi iyo Mudane Sassanit Tangulrat oo ah Danjiraha cusub ee dalka Thailand u fadhin doona dalkeenna.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa is-dul taagay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda Turkiga dhul-gariirkii ka dhacay dalkaas, waxa uuna muujiyey sida shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay murugada ula qeybsanayaan.

Dhul-gariir galaaftay nolosha kumanaan qof ayaa ka dhacay dalka Turkiga, waxayna dowladda Soomaaliya ku jirtay dowladaha ugu horeeyey ee ka tacsiyeeyey musiibadaas.

Soomaaliya ayaa saaxiib dhow la ah dowladaha Turkiga iyo Thailand oo laba ka mid ah safiirradaan ay ka socdeen, halka Burundi ay ciidamo ka joogaan dalkeenna, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS.

Ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo xalay ku dagaalamay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal u dhexeeyay ciidamada Booliska iyo rag ka tirsan Al-Shabaab oo xalay ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, kaas oo geystay khasaare dhimasho leh.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay rag hubeysan weerareen bar-koontorool oo ku taalla, halkaasi, waxaana kadib meesha ka dhacay iska hor imaad toos ah.

Qoraal ka soo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in mid kamid ah ragga weerarka soo qaaday la toogtay, laba kalena ay baxsadeen.

“Ciidanka Booliska Qeybta guud ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Ciidanka Qeybta Bari ayaa gordhaweyd oo toogtay Mid kamid ah Kooxda Argagaxisada Al-Shabaab Kadib Markii isaga iyo labo kale oo Argagaxisada kawada tirsan ay weerar kusoo qaadeen Bar Kontorool oo Ciidanka Booliska ku leeyihiin Degmada Heliwaa gaar ahaan xaafada suuqa Xoolaha” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay taliska Booliska Gobolka Banaadir.

Sidoo kale wuxuu Booliska intaas ku daray in ragga weerarka qaaday ay hubeysnaayeen, isla-markaana gacanta lagu dhigay qoray RBG ah oo uu watay ninka la toogtay.

Booliska ayaa sidoo kale xusay in haatan ay ku daba jiraan xubnaha kale ee baxsaday, kadib dagaalka ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

“Kooxdaan Khawaarijta ah ee weerarka kusoo qaaday Barta Kontorool ee Ciidanku ku sugayaan ayaa isku dayay in ay la dagaalamaan Ciidanka Booliska, hasa ahaatii Ciidanka ayaa mid kamid tootay, dhagar qabaha la toogtay ayaana watay Qoriga RBG oo haatan ay la wareegeen Ciidanku. Sidookale Ciidanka Booliska ayaa ku raad jooga labadii kale ee la socotay Argagixiyaha ayaa la tooktay,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah.

Weerarkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaa dari ee ka dhacaya gudaha caasimada, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii u dambeeyay.

Si kastaba, ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda ayaa wada howlgallo joogta ah oo looga hortagayo weerarada Al-Shabaab, laguna dagaalamayo burcadda iyo ciyaal weerada.

Soomaaliya oo 32 sano kadib lagu soo wareejiyey furihii (code-ka) hagista ee….

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adda duulimaadka caalamiga ah (IATA) ayaa heshiis cusub ku saxiixday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Heshiiskan cusub ayaa dhigaya in dowladda federaalka ah Soomaaliya ay la wareegto furihii (code-ka) hagista diyaaradaha hawada dalka, kadib in ka badan 32 sano oo gacanteeda uu ka maqnaa.

Hawada Soomaaliya ayaa dhawaan heshay aqoonsi caalami ah oo aad u sareeya tan iyo burburkii dalka, kaasi oo muddo dheer ayey dowladda federaalka Soomaaliya u soo xusul duubeysay.

Heshiiskan ayaa waxaa qalinka ku duugay madaxweyne ku-xigeenka Afrika iyo Bariga dhexe ee hay’adda caalamiga ah ee IATA iyo wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa heshiiskan Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Ururka diyaaradaha Soomaaliya iyo Midowga wakiilada duulimaadyada dalxiiska Soomaaliya ee SATTA.

Fardowsa Cismaan Cigaal, wasiirada gaadiidka iyo duulista hawada oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in dib loo soo celin doono ka qeyb-galkii IATA ee Soomaaliya.

“Waxaan halkan heshiis ku galnay hay’adda duulista diyaaradaha qaabilsan adduunka ee IATA. Heshiiskaas oo ah in code-kii ay Soomaaliya laheyd ee travel agency iyo diyaaradaha lasoo celiyo,” ayay tiri wasiirad Fardowza.

Waxay hadalkeeda sii raacisay “Waxaa rajeynayna in heshiiskan uu noqdo mid mira-dhal ah oo Soomaali wax u tara.”

Guddoomiye ku-xigeenka ururka diyaaradaha Soomaaliyeed oo shirkan lagu saxiixay heshiiska ka qeyb-galay ayaa waxa uu sheegay in heshiiskan uu horumar wanaagsan ka sameynayo dalka.

“Faa’iidada uu leeyahay waxa isku xirmaya diyaaradaha Soomaaliyeed iyo caalamka intiisa kale inay iskaga gooshaan ayaa fududaaneysa. Waxa fududaaneysa in travel agnecy ay jari karaan tikidhada caalamka oo dhan, marka waa horumar weyn oo usoo hooyatay umadda Soomaaliyeed.”

Si kastaba, dhawaan unbay aheyd markii ay dowladda federaalka ay sheegtay in qiimeynta isku laheynta duulimaadyada caalamka ay Soomaaliya ku biirtay wadamada ugu sareeya, halka markii hore ay ka joogtay heerka ugu hooseeya.

Sawirro: DF iyo dowlad-goboleedyada oo shir uu uga furmay Muqdisho + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Jaamac ayaa shalay magaalada Muqdisho ka furay shirka Madasha Arrimaha Bani-aadamnimada ee Soomaaliya oo ay ka qeyb-galayaan wasiirada gargaarka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed.

Shirkan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa Qaramada Midoobay, gaar ahaan xafiisyada qaabilsan bani-aadamnimada & gargaarka, safiiro iyo madax kale.

Shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigayaa heerka bani-aadamnimo ee Soomaaliya, waxyaabaha laga qabtay xogaha horay looga diiwaan-geliyay abaarta, fatahaadda iyo dhibaatooyinka kale ee sababay in ay barakacaan malaayiin ruux.

Ku-xigeenka Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM arrimaha bani-aadamnimada Adam Abdelmoula ayaa isaguna kusoo bandhigaya shirka xogaha ay ka hayaan heerka bani-aadamnimo ee Soomaaliya.

Sidoo kale safiirada kala metalaya waddamada kala duwan ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa qudhooda lagu wadaa in ay ku daraan macluumaadka ay ka hayaan saameynta taban ee laga dhaxlay dhibaatooyinka bani-aadamnimo.

QM ayaa dhawaan soo gudbisay warbixin ay uga hadleyso dhibaatooyinka dhanka bani-aadamnimo ee Soomaaliya, waxay sheegtay in 7.8 milyan oo ruux ay u baahan yihiin caawinaad.

2.2 Milyan oo carruur ah ayay sidoo kale sheegtay QM inay la ildaran yihiin macluul ka dhalatay abaarta.

Unpaid troops: Crisis looms in ATMIS force in Somalia

Mogadishu (Caasimada Online) – The African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) Force is facing a major crisis, as reports have emerged of troops who served in the peacekeeping mission not receiving their pay.

According to sources, soldiers from Uganda who have served in the mission over the past 27 months have gone without compensation. This comes as a surprise, as some of the largest contributors to the mission, such as the European Union (EU), have been disbursing funds to support peacekeeping efforts.

The EU is responsible for funding at least 5,000 soldiers in Somalia and confirmed disbursing up to $792.2 million last year for the African Union’s 2021-2024 operations in Somalia.

Despite this, the troops who left Somalia in December 2022 have yet to be paid in full. Some sources claim that the peacekeepers from Uganda have missed a portion of their pay over the past three years.

According to a diplomat from an EU country, the issue does not lie with the EU, as the payment of allowances to soldiers is the responsibility of the African partners.

However, multiple sources in the security sector claim that the problem goes deeper, with numerous battle groups claiming arrears, in addition to a decrease in allowance rates from $1,028 to $460, which is not even being paid.

The Junior Minister for Defence, Jacob Oboth, confirmed the situation in Parliament on February 2, stating that the EU funds the entire mission and still needs to send the necessary funds.

The EU’s inability to fully fund the peacekeeping mission has been attributed to its current overstretch in the Ukraine war and its suffering mission fatigue in Somalia, where it has spent over $2.5 billion over the past 15 years.

Last week, leaders from frontline countries met in Mogadishu to discuss ongoing efforts to crack down on Al-Shabaab militants, while President Hassan Sheikh Mohamud provided them with a report on the progress.

On the other hand, some Troops Contributing Nations, such as the Kenyan Defense Forces, have taken a different approach and budgeted for the soldiers’ salaries in their domestic budgetary adjustments, reimbursing them once the EU and other partners wire the money to government accounts. This means that arrears may no longer be an issue for some nations.

SULUB oo amarro cusub dul dhigay taliyeyaasha ciidanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ay wehliyaan taliye ku-xigeennadiisa ayaa kulan muhiim ah la qaatay taliyeyaasha hoggaamada iyo fadhiyada madaxa-bannaan ee ciidanka.

Kulankan oo looga hadlay xoojinta amniga ayaa sidoo kale waxa uu ahaa isbarasho iyo kala warqaadasho, ayada oo taliye Sulub uu warbixin guud oo amniga la xiriirta ka dhageystay taliyeyaasha hoggaamada iyo fadhiyada madaxa-bannaan.

Sidoo kale waxa diirada lagu saaray kulankan qorshaha lagu sugayo amniga Magaalada Muqdisho, oo waayadii dambe ay kusoo badanayeen falalka amni darada ah.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa intaas kadib waxa uu faray saraakiisha kala duwan in ay kordhiyaan adkeynta amniga caasimadda iyo in ay xoojiyaan iska warqabka dhexdooda.

Taliye Sulub ayaa Sabtidii xilka kala wareegay taliyihii hore ee booliska Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, wuxuuna ballan-qaaday inuu ka shaqeyn doono wax ka qabashada baahiyaha ka jira gudaha hay’ada booliska, si awood badan uu u yeesho booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha cusub ayaa waxa laga sugayaa inuu wax ka qabto xaaladda magaalada Muqdisho oo ay hataan Al-Shabaab soo saartay culeys xoogan, xilli uu dagaal culus uga socdo gobolada dalka.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa dabayaqaadii bishii hore xilka qaadis ku sameeyay taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar).

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale Jeneraal Sulub Axmed Firin u magacaabay taliyaha cusub ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Sulub ayaa horay u ahaa wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka, wuxuuna ka soo jeeda deegaan ahaan Jubbaland.

Golaha Wasiirada oo go’aan ka gaaray heshiiska militari ee muranka dhaliyey ee Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wasiirrada XFS ayaa caawa ansixiyay heshiis ay dowladda Soomaaliya la gashay dowladda Imaaraadka Carabta, kaas oo maalmihii lasoo dhaafay la sheegay in lagu celiyey wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Heshiiskaan ayaa quseeya dhinacyada iskaashiga militeriga, amniga iyo la dagaalanka Argagaxisada oo ay horay u gaareen wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabta.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa qoraal kooban soo saaray markii ay goluhu ansixiyeen heshiiskaan, isagoo sheegay in heshiiskaan uu muhiim u yahay Soomaaliya.

“Anagoo ka duulayna xoojinta iskaashiga ciidamada, amniga iyo howlgallada ee la dagaalanka kooxaha argagixisada, ururada iyo khataraha argagixisada ayaa maanta golaha wasiiradu ansixiyeen heshiiska amniga ee dowladda Imaaraadka iyo Soomaaliya,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Qoraalka uu wasiirku soo dhigay bartiisa Twitterka ayaa intaas ku sii daray, “Heshiiskan ayaa Soomaaliya ka caawin doona in ay abuurto ciidamo ku filan, si ay si buuxda ugala wareegto howlgallada amniga ee ATMIS, si waafaqsan aragtideena Amniga. Marka la helo tababar sax ah, Soomaaliya waxay yeelan doontaa awood ku filan oo ay uga hortagto khataraha amni ee ka soo baxaya gudaha iyo dibadda dhulkeeda.”

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa heshiiskaan lasoo galay Imaaraadka, waxaana maalmo ka hor banaanka u soo baxay war sheegayey in heshiiskaan dib loola celiyey wasiirka oo kulankii golaha wasiirrada uu kala soo noqday.

Heshiiska ayaa waxaa ka dhashay hadal hayn iyo muran badan, ayada oo dadka mucaaradsan dowladda ay ku qeexeen mid xadgudub ku ah madax-banaanida dalka, oo amniga Soomaaliya lagu hoos geeyey Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale baraha bulshada aadmu wareegayey waraaqo lagu sheegay inay yihiin qodobada heshiiska, kuwaas oo aan sax ahaanshahooda la xaqiijin karin.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u burburisay heshiis noocaan oo kale ah oo Imaaraadka kala dhaxeeyey, xiligii uu talada dalka hayey Farmaajo, balse hadda waxaa muuqata in Soomaaliya ay daneyneyso inay hagaajiso xiriirka kala dhaxeeya Imaaraadka.

Xukuumadda oo raali-gelin ka bixisay gabood-falladii ay horay u geysatay NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa oo maanta ka hor hadlay xildhibaanada golaha shacabka markii ay sharciga NISA ansixiyeen kadib, ayaa raali gelin ka bixiyey gabood-falladii ay horay u geysatay hey’daas.

Wasiir Xagaa ayaa sheegay inuu ka xunyahay in magaca hey’adda NISA horay dhibaatooyin badan loogu geystay, isagoo sheegay inuu ka xunyahay waxyaabihii xumaa ee horay u dhacay.

“Xildhibaan kasta oo u codeeyey sharcigaan wuxuu ku metelayey beeshiisa, si dhibaatada looga leexiyo dadkiisa, waxaad tirtirteen magac xumadii lagu sameeyey hey’addaan, waxaan ka raali gelinayaa dadkii Soomaaliyeed ee magaca hey’adda NISA dhibaatada loogu geystay,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga Soomaaliya.

Wasiir Xagaa ayaa sheegay in wax weyn ay ka dhigan tahay in 53 sano kadib ay maanta suurta-gashay in la sharciyeeyo hey’adda NISA oo muhiim u ah amniga qaranka.

Sharcigaan oo ahaa mid xasaasi ah ayey Golaha Shacabku marsiiyeen saddex akhrin oo ay uga doodayeen qodobada qaar ee sharcigaan oo noqonaya kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Seddax maalmood oo dood iyo akhrin ah kadib 144 xildhibaan ayaa sharcisan si aqlabiyad leh ugu codeeyay maanta, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan, waxaana diiday hal mudane, sida uu shaaciyay gudoonka golaha shacabka.

Dhinaca kale Agaasimaha NISA, Mahad Maxamed Salaad oo isla maanta ka falceliyay go’aanka Baarlamaanka ayaa uga mahadceliyay ansixinta sharcigaan.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa farriin u diray guddoonka iyo senatorrada  Aqalka Sare, isaga oo ka codsaday inay iyaguna meel-mariyaan sharcigaan, si ay ugu shaqeyso NISA.

Mahad Salaad wuxuu hoosta ka xariiqay in sharcigaan uu muhiim u yahay amniga qaranka iyo la dagaalanka kooxda Al-Shabaab oo hadda hadafka koowaad u ah dowladda Soomaaliya.

Hoos ka daawo

Jawaabta maamulka Puntland ee dagaalka Laascaanood

0

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka maanta ka qarxay Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo farriin u diray beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in waxa ka socda Laascaanood aan indhaha laga qarsan karin, uuna masuuliyadeeda qaadayo maamulka Muuse Biixi.

“Waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay mowqifka Puntland ee ku aadan go’aamadii kasoo baxay Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC, isaga oo sheegay in ay ku garab taagan yihiin ka maamul ahaan.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah. Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen xasuuq iyo barakac joogto ah oo uu ku hayo maamulka Somaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo.”

Waxa kale oo uu yiri “Taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna haw booga dhayo.

Iska hor-imaadka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaasha iyo waxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo.

Ergeyga gaarka ah ee Xasan Sheekh oo war kasoo saaray DAGAALKA Laascaanood

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si adag uga hadlay dagaalka maanta ka qarxay Laascaanood.

Ergeyga ayaa waxa uu ayaan-darro iyo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Waxa uu ku baaqay in colaadda dagaal ee Laascaanood si degdeg ah loo joojiyo, isaga oo xusay in arrinta taagan ay tahay mid xalkeedu siyaasad yahay oo wada-hadal iyo wada-xaajood u baahan.

“Waxaan ku baaqayaa in colaadda degdeg loo joojiyo. Waxaan Alla uga baryayaa in uu dadkii ku dhintay naxariistiisa siiyo, kuwa ku dhaawacmayna caafiyo, kuwa hanti beelayna uu ciwad celiyo,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Awood is maquunis irid ugama furna. Sida aan midnimada Soomaaliya awood sheegad lagu gaari karin, kala go’eedana xoog laguma keeni karo.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka uu xil ka saaran yahay ilaalinta madax-banaanida, midnimada iyo wada-jirka dhulka Soomaaliya, taasi oo ka dhigan in loo baahan yahay fara-gelin dhankeeda ah oo la xiriirta xiisada Laascaanood ee dagaalka isku rogtay.

“Allaha dadkeenna gaarsiiyo xili uu caqligu caadhifada ka adagyahay, siyaasadda qaran ay tan haybta ah ka xoog badan tahay, qiyamka madaniga ahna ay kuwa qabiilka ka sareeyaan.”

Iska hor-imaadka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa inay jiraan dhaawacyo kale.

Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaasha iyo waxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo.

Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa illaa hadda ka hadlin dagaalka Laascaanood, ayada oo dadka reer Khaatumo ay sheegeen in ay kamid yihiin dhul weynaha Soomaaliyeed.

Somalia: Clashes in LasAnod leave 15 dead, over 40 injured

LAsAnod (Caasimada Online) – At least 15 people have lost their lives, and more than 40 sustained injuries in the aftermath of a deadly conflict that took place on Monday in LasAnod, a city located in the Sool region of northern Somalia.

The unrest in LasAnod has been brewing for the past month, as the local population has vocally opposed the presence of the Somaliland administration and called for the removal of troops.

On Monday, the situation escalated when the Somaliland forces attempted to enter the city, only to be met with opposition from the local residents. 

The authorities of Somaliland have claimed that their troops were attacked by militias loyal to local traditional elders who had gathered in LasAnod. 

However, this claim has been disputed by one of the local elders who spoke to local media and stated that the Somaliland army actually attacked the city.

Tragically, most of those killed in the conflict are innocent civilians, including women and children, according to the director of the LasAnod General hospital. 

Among those who lost their lives was Mohamud Ali Hersi Boos (Afgab), a local resident who was an outspoken critic of the Somaliland administration and a member of the SSC rebel group that had fought against the Somaliland forces in the past. Boos had recently returned to LasAnod and was killed during the conflict that broke out on Monday.

The conflict erupted just a few hours after the traditional elders, who had been in the city for nearly two weeks, issued a statement rejecting the idea of LasAnod being a part of Somaliland. Instead, the elders expressed their desire for the region to fall under the jurisdiction of the federal government of Somalia.

The elders’ statement also reinforced the unity and sovereignty of Somalia and emphasized that the SSC-Khaatumo region and its people are an integral part of the Federal Republic of Somalia.

Somaliland declared independence from Somalia in 1991, but its status as an independent state has not been recognized internationally. 

Despite controlling the regions of Sool, Sanag, and Cayn for over 15 years, the Somaliland administration has faced opposition and resentment in the area. 

The current crisis, which started in late December, was triggered by the assassination of a local youth leader and member of the opposition Waddani Party, Abdifatah Abdullahi Abdi (Hadrawi), which was blamed on Somaliland. 

Since the start of the protests, the Somaliland security forces stationed in the city have resorted to using force to control the situation, resulting in casualties and further exacerbating the conflict.

R/W Xamza oo la kulmay taliyeyaasha ciidanka iyo DF oo qaadeysa tallaabo cusub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka Tiirka Amniga oo warbixinno looga dhageystay hay’addaha amniga dalka, xilli dowladda ay sii xoojineyso dagaalka saddexda jiho ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Talisyada Ciidamada Nabad-sugidda, Xoogga dalka iyo Booliiska ayaa ka warbixiyey howl-galada lagu cirib-tirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo xasillinta deegaanada la xoreeyey kooxda, si loo gaarsiiyo adeegyada dowladda.

Xarunta Warbixinnada Maaliyadeed (FRC) ayaa sidoo kale kulanka ku soo bandhigtay tallaabooyinka la qaaday ee la xiriira ka hortagga maal-gelinta argagixisada.

Waxay la wadaagtay Golaha in la xiray akoonno bangi oo hor leh, oo ay adeegsan jireen kooxaha argagixisada ah, taasi oo qeyb ka ah saddex jiho oo ay xukuumaddu qorsheysay in lagula dagaalamo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo ka hadlay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii socon doonaan tallaabooyin lagu beegsanayo ilaha kala duwan ee ay argagixisadu ku tiirsan tahay.

Sidoo kale waxa uu faray dhamaan hey’adaha dowladda inay si dhow ula shaqeeeyaan xarunta warbixinnada Maaliyadeed (FRC). Wuxuuna ra’iisul wasaaruhu uga mahad-celiyey shacabka Soomaaliyeed taageerada ay la garab taagan yihiin ciidamada qalabka sida.

Xukuumadda Dan-Qaran ee uu hogaamiyo R/Wasaare Xamza ayaa ahmiyadda koowaad siinaysa dib-u-xoraynta deegaanada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu, ayada oo dagaalkana ka wada jihooyin dhowr ah oo ay qeyb ka tahay wiiqida dhaqaale ee kooxaha argagixisada.

Dhimashada iyo dhaawaca dagaalka Laascaanood ka qarxay maanta oo kordhay

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka oo saaka dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay bariga Laascaanood, kadib markii ay isku dayeen ciidamada Somaliland inay soo galaan magaalada, waxaana ka hortagay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu saacado qaatay, isla-markaana weli rasaas teel-teel ah laga maqlayo qaybo kamid ah magaaladaasi.

Iska hor-imaadkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale waxa la sheegayaa inay jiraan dhaawacyo kale.

Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood.

Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa kamid ah Maxamuud Cali Xirsi Cartan Boos (Afgaab) oo kamid ahaa dadka deegaanka ee muddada dheer kasoo horjeeda Somaliland.

Afgaab ayaa sidoo kale ka tirsanaa sarakiisha Jabahadda SSC ee dagaalka kula jirtay ciidamada Somaliland, wuxuuna dhowaan ku laabtay magaalada Laascaanood oo ah halka maanta lagu dilay, kadib dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha magaaladaasi.

Mas’uuliyinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankooda ay soo weerareen kooxo ay soo abaabuleen qaar ka mid ah odayaasha ku shirayey magaalada Laascaanood. Sidoo kale mid ka mid ah odayaasha degaanka ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in weerar lagu soo qaaday magaalada Laascaanood.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoog leh laga dareemayaa magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaasha iyo waxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, sheegayna inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo.

Xildhibaanada BF oo maanta ansixiyay sharciga NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda Muqdisho ayaa meel-mariyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka kaas oo ay horay usoo ansixiyeen Golaha Wasiirada.

Sharcigan oo ah mid muhiim ah ayey Golaha marsiiyeen illaa saddex akhrin oo ay uga doodayeen Sharcigaan oo noqonayo kii ugu horreeyey oo ay yeelato NISA.

Illaa 144 xildhibaan ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcisan, waxaana ka aamusay saddex xildhibaan waxaana diiday hal mudane sida uu shaaciyay gudoonka Baarlamaanka.

53 sano kadib maanta ayey NISA yeelatay sharci rasmi ah oo ay ku dhaqmeyso, kaas oo lagula xisaabtami karo madaxdeeda, sidoo kalena la yaqaano awoodeeda.

Agaasimaha NISA, Mahad Salaad oo siddeed billood xafiiska jooga ayaa Golaha Wasiirada horgeeyay sharciga NISA, taas oo golaha wasiirada ay ansixiyeen kadibna loo soo gudbiyay Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta isuguna ansixiyay, weliba cod aqlabiyad leh.

Sidoo kale sharcigan ayaa toos ugu sii gudbi doono Xubnaha Golaha Aqalka Sare, si ay uga doodaan, una meel mariyaan, kadibna xafiiska madaxweynaha, si uu u saxiixo.

Dhinaca kale agaasimaha guud ee NISA, Mahad Maxamed Salaad oo isla-markiiba  ka falceliyay go’aanka Baarlamaanka ayaa uga mahadceliyay ansixinta sharcigan.

Sidoo kale Mahad Salaad ayaa farriin u diray guddoonka iyo xildhibaanada Aqalka Sare isaga oo ka codsaday inay iyaguna meel-mariyaan sharcigaan, si ay ugu shaqeyso NISA.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in sharcigan uu muhiim u yahay amniga qaranka iyo sidoo kale la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

 

SSC oo ku dhawaaqday inay hoostagto DF Soomaaliya

Laascaanood (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maalmahaan shir ku lahaa Laascaanood ayaa maanta kasoo saaray war-murtiyeed ka kooban dhowr qodob kaas oo ay ku shaaciyeen go’aano culus oo ka dhan ah Somaliland.

Ugu horreyn waxgaradka SSC-Khaatumo ayaa ku eedeeyay Somaliland in muddo ka badan 15 sanno ay xasuuq ay ku tilmaameen isir sifeyn ka waday magaalada Laascaanood.

Isimada ayaa ku dhawaaqay in aysan kamid aheyn Somaliland, isla-markaana aysan wax heshiis kula gelin in la kala gooyo dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-murtiyeedla.

“Waxaan cadeyneynaa in aanan si naba uga mid aheyn Somaliland, wax heshiis ahna aana kula gelin kala goynta dalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale war-murtiyeedka waxaa lagu sheegay in dadka reer Khaatumo ay ka mid yihiin dhul weynaha Soomaaliyeed, ayna u taagan yihiin midnimada iyo wadajira Soomaaliya.

“Degaanada SSC-Khaatumo dad iyo dalba waxay kamid yihiin dhulweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waana astaan u taagan midnimada iyo wadajirka Ummadda Soomaaliyeed,” ayaa markale lagu yiri war-murtiyeedka.

Waxa kale lagu cadeeyay go’aankan in inta laga dhameystirayo aayo-katalinta maamulka SSC ay toos u hoos tagi doonaan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale isimada ayaa jawaab culus ka bixiyay eedaha uga imaanaya Somaliland oo horay ugu tilmaamtay inay yihiin argagixiso, taas oo ay ganafka ku dhufteen.

“Waxaa cadeyneynaa in aanan aheyn argagixiso degaankayagana aanay joogin argagixiso,” ayaa la raaciyay qoraalka.

Ugu dambeyn waxaa shirka laga soo saaray baaq guud oo loo diray Somaliland, kaas oo ku aadan in ciidamadeeda ay kala baxdo deegaanada gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.

AFGAAB oo kamid noqday dadkii ku dhintay dagaalka magaalada Laascaanood

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya macluumaadka laga helayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socdo magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka.

Dagaalka ayaa dib u qarxay saaka aroortii hore, kadib markii ay ciidamada Somaliland isku dayeen inay gudaha u galaan magaaladaasi, waxaana ka hortegay dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu sababay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.

Dadka ku dhintay dagaalka waxaa kamid ah Maxamuud Cali Xirsi Cartan Boos (Afgaab) oo kamid ahaa dadka deegaanka ee muddada dheer kasoo horjeeda Somaliland.

Afgaab ayaa sidoo kale ka tirsanaa sarakiisha Jabahadda SSC ee dagaalka kula jirtay ciidamada Somaliland, wuxuuna dhowaan ku laabtay magaalada Laascaanood oo ah halka maanta lagu dilay, kadib dagaal culus oo saaka ka qarxay gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in dagaalkan ay ku dhinteen illaa 7 qof, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 18 kale, sida uu shaaciyay maamulka isbitaalka Laascaanood.

“Saaka ayaa xabaddu bilaabatay weli waa ay dhaceysaa isbitaalka waxaa soo gaaray 18 dhaawac ah iyo 7 dhimasho ah,” ayuu yiri agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadka dhaawacmay ay u badan yihiin dad shacab ah, isla-markaana ay ku jiraan caruur iyo haween, sida uu sheegay agaasimuhu.

‘Dhaawacyada waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimuhu.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogleh laga dareemayaa magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda.

Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo la filayo in go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland ay soo saaraan waxgaradka SSC ee haatan ku shirsan gudaha Laascaanood.

Gudaha Villa Somalia: Maxaan kusoo ogaanay la jirka 72 saac ee madaxweyne Xasan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhinacyada Soomaalida ay nabad ku wada noolaan karaan, siyaasadda Islaamiga ahna ay tahay in aysan noqon mid rabshadeed, Dimuqraadiyeynta dalkakuna ay kori karto. Waa kan wareysi gaar ah oo uu la yeeshay Jariiradda The Guardian.

Safarka gaariga ee ka yimaada gegida diyaaradaha ee Muqdisho kuna wajahan Aqalka madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayay tahay in uu qaato ku dhawaad 15 daqiiqo. Badanaase sidaasi ma dhacdo. Boqolkii tillaabo ee kasta waxaa yaalla bar hubin uu leeyahay ciidanka Booliiska. 

Sida muuqata wax aan laga taxadarin ma jiraan; sababo la xiriira qaraxyada lala eegto baraha hubinta ee ciidanka. 

Si looga fogaado habacsanaan amni ma jirin cid kale oo sii og booqashada Observer marka laga reebo tiro yar oo ka mid kaaliyeyaasha Madaxweynaha. Waxaan ku nimid gaari Hilux nuuca aan xabadda karin oo uu galbinayo gaari dul bannaan ah oo ay saaranyihiin todobo askari, qorina ku  rakibanyahay. 

Waxaan marnay waddo dheer oo hareeraha ay ka xigaan kunteenaro carro lagu geddaamay iyo darbiyo silig lagu wareejiyay.

Subaxdaas goor hore markii aan soo gaaray gegida diyaaradaha, aniga oo jiidaya jaakadda nuuca culus ee xabadaha karin iyo koofi, waxay ila noqotay xushmad darro inaan la imaado oon ku hor xirto nin ka badbaaday dhawr isku day dil oo ka dhan ahaa- oo uu ku jiro mid lagula beegsaday gudaha xayndaabka Madaxtooyada, haddana xukuma dal lagu doodi karo in uu yahay kan ugu halista badan dunida guudkeeda.

Unug ciidan dhallinyaro ah oo aad foojigan, xiranna muraayado (Awkiyaaleyaal) madow ayaa ilaalo ka haya halka laga galo xafiiskiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kaligiis fadhiya miis alwaax ah gadaashiis isaga oo hortiisa uu suranyahay sawirka Aaden Cabdulle Cismaan Madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya. Waxa uu ku labisanyahay suud iska caadi ah oo midabkiisu buluug yahay, shaarka kuleetigiisuna furanyahay. 

Maxamuud waxa uu u muuqdaa mid deggan si wacan ayuuna ii gacanqaaday. Inaad ahaato Madaxweynaha Soomaaliya dal magaciisa wali si weyn loogu adeegsado inkastoo ay si marinhabaabin u tahay tilmaanta astaanta “Dal fashilmay” ayaa u muuqata shaqo dhib badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah labo jeer ugu guuleeystay hanashada xafiiska dalka ugu sarreeya. Dawladdiisuu intii u dhaxeysay 2012-2017 ayaa ahayd tii ugu horreysay een ku meel gaar ahayn tan iyo 1991 markii la riday dawladdii Maxamed Siyaad Barre hoggaamiyihii Militariga ahaa ee muddada dheer xukumyay Soomaaliya.

Wax yar uun kaddib doorashadiisii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka badbaaday isku day dil lagula beegsaday hotel uu ku qaabilayay wasiirka arrimaha dibadda Kenya. 

Mar kale xubno ka tirsan kooxda argagixisada ee Alshabaab oo ah tan ugu hantida iyo halista badan kooxaha hoostaga Alqaacidda ayaa gaari ku qarxisay ilinka laga galo Villa Soomaaliya. Mid ka mid ah dagaalyahanka kooxda argagixisada ayaa ku dhawaad 100 mitir u jirsaday halka Madaxweynaha ku sugnaa ka hor inta aan la toogan.

Waxaa dib loo doortay bishii May ee sanadkii hore, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sida ay qabto hey`addiisa sirdoonku waxa uu yahay mar kale bartilmaameedka koowaad ee Alshabaab. 

Maalmo uun yar kaddib wareysigaan kooxda jihaadiga ayaa fulisay labo qarax oo dilay ugu yaraan boqol qof. Mid ka mid ah bartilmaameedyada ayaa ahaa Wasaaradda Waxbarashada, taas oo uu hoggaamiyo Waziir Faarax Sheekh Cabduqaadir saaxiibka siyaasadda ugu dhaw ee Madaxweyne Xasan Sheekh- waa uu ka badbaaday weerarkaas.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay weerarka isaga oo ku tilmaamay weerarka aargoosi ka dhan ah guusha ay dawladdiisa cusub ay ka gaartay waxa uu ku tilmaamay dagaal aan waxba lala harin doonin oo ka dhan ah argagixisada. Dawladdiisa ayaa dhawaan dib ula wareegtay dhawr deegaan oo muhiim ah. 

Soomaaliyana waxay wajaheysaa caqabado faro badan. Soomaaliya ayaa inta badan lagu arkaa halka ugu hooseeysa ee kala sarreynta caalamiga ah ee musuqa, saboolnimada iyo nuglaanta dawladnimada.

Fagaaraha siyaasadda Soomaaliya dhaxdeeda 67 jirkaan ayaa u muuqda mid si weyn uga duwan inta kale. Guud ahaan intii uu socday dagaalkii sokeeye ee ka dambeeyay burburkii dawladdii Soomaaliya ma uusan ka tagin dalka . 

Dhammaan caruurtiisa 20-ka ah ayaa ku dhalatay dalka. Taas ayaa ka duweysa Madaxweynihii xukunka uga horreeyay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo si gaar ah kaas oo inta badan noloshiisa ku qaatay Gobolka New York sida inta badan aqoonyahanka Soomaalida ah. 

Markii ay Muqdisho lugaha la gashay fowdo kaddib hawlgalkii Maraykanka ee fashilmay 90 meyadii inta badan ayaa u baxsaday dalka dibaddiisa. 

Maxamuud oo waqtigaa ahaa Macallin iyo ganacsade ku sugan caasimadda ayaa xasuusta in xilligaas uu ahaa waqtigii dhaca, dilka, maleyshiyaadka iyo habeenno hurdo la`aan ah oo aadan marnaba ogeyn goorta hoobiye gurigaaga kusoo dhacayo. 

Waxa uu dib usoo xasuustay geerida saaxiibkiis ka weynaa oo uu dilay firir ka dhashay hoobiye ku dhacay meel aan sidaa uga fogeyn halkii uu saaxiibkii joogay. 

“Waqtigaa wuxuu ahaa waqti adag. Isma aanan lahayn waad badbaadi doontaan. Waxbarshada Jaamacadeed heerka labaad oo uu kusoo qaatay Hindiya darteed Xasan waxa uu ahaa nuuca nolol fiican ku heli karay Kenya ama heli lahaa Visa uu ku tago dalalka Yurubta Galbeed. Hayeeshee marnaba kuma uusan faraxsaneeyn inuu dibadda aado. ”Marnaba iguma  soo dhicin fikiradda ah inaan dibadda aado.”

“Muqdisho waa halka ay tahay inaan joogo. Waxa uu u heystay in dagaalada qabiilada ee waqtigaa holcayay ay si dhaqso ah ku dhammaan doonaan oo ay yihiin kaliya wax yar oo laga gudbayo ka hor inta aan dib loo dhisin dawlad dhexe. 

Hoggaamiye kooxeedyada ayaa yiri rajo fiican ayaa jirta innaguna waan rumeysanahay,” ayuu yiri. 

Nasiib darro waxay ahayd bilowdgii dhibaatada. Xasan Sheekh ayaa noqday u dhaqdhaaqe bulshada rayidka ah isaga oo adeegsanaya hab diploomaasiyadeedkiisa dabacsan ayuu dhexdhexaadinyay hoggaamiye kooxeedyadii magaaladii u qaybiyay aagag dirirsan. 

Waxay ahayd shaqo halisteeda leh. Qaar ka mid ahaa shaqawadaagiisa ayaa la dilay. Waxa uu xasuustay dhacdo isaga ku dhacday maalin sannadkii 1998-kii markii koox maleyshiyaad ah ay ku amreen in uu galo irid furan oo uu ag marayay. 

Gudaha waxa uu ku arkay meyd dhulka yaalla. Markii hore waxaan u qaatay qof jiifa. 

Maleyshiyaadkii ayaa ka qaatay waxa uu watay, balse Xasan Sheekh way iska sii daayeen markii ay ogaadeen inay isku qabiil yihiin.

Maxamuud ayaa si weyn usoo shaac baxay sanadkii 2000, markii uu asaasay Jaamacad gaar loo leeyahay, sidoo kalena uu noqday hoggaamiyaha dhabta ah ee ururka bulshada rayidka ah kuwaas oo buuxiyay qeybo ka mid ah booskii ay ka baxday dawladdii burburtay. 

Bartamihii sanadkii 2000 waxaa sare u kacay xoogagii jihaadiga ahaa taas oo keentay in Itoobiya ay ku duusho Soomaaliya. Soomaaliya ayaa gaartay halkii ugu hooseeyay abid. 

Kooxaha jihaadiga oo markii dambe u xuubsiibtay Alshabaab ayaa ciidamada Itoobiyaanka la galay dagaal waddo ka waddo ah, xaafad ka xaafad ah taas oo keentay inay maydadku meel kasta tubnaadaan. 

Madaxweynaha mustaqbalka iyo saaxiibadiis ayaa isku xilqaamay inay maydadka ka soo aruuriyaan burburka iyo goobaha ay yaaleen.

Dawlado kumeel gaar ah oo isxigxigay ayaa la dhisay si ay dalka nabad ugu soo dabbaalaan wallow awoodooda aysan wax badan dhaafsiisneyn Villa Soomaaliya. Maxamuud iyo saaxiibadiis  oo ka niyadjabsan xaalka waddanka ayaa bilaabay inay ka doodaan waxa xiga ay tahay inay  sameeyaan. 

Waxaan iswedyiin jirnay imise sanno oo kale ayaan sugi karnaa? Maxamuud ayaa go`aan ku gaaray in uusan dooq aan ahayn in uu siyaasadda ku biro jirin. 2010-kii ayuu asaasay xisbigii ugu horreeyay tan iyo afgambigii 1969.

Soomaaliya ayaa tan iyo 12kaas sanno waxay sameysay hor u kac. Kooxda Alshabaab ayaa dib loogu riixay deegaanada miyiga ah. Shan maamul Goboleed marka laga reebo Soomaland oo intooda badan la asaasay waqtigii Madaxweyne Xasan ayaa sameeyay koritaan. 

Galinkii dambe maalintaas xilli lagu galbinyay kolonyadiisa wadada weyn waxaa ku xardhanaa boorar lagu xusayo asaaska mid ka mid ah shirkadaha isgaarsiinta ee ugu waaweyn dalka, xataa haddii aysan jirin dawlad ganacsiyadu waxay heleen qaabab ay ku hormaraan.

Laakiin geediga ayaa muujinaya xadka mashruuca dawlad dhiska Soomaaliya . Villa Soomaaliya waa astaan. Sida madaxtooyooyinka kale ee Afrika malahan weynaanta iyo baaxadda. Waxaa ka muuqda duleelada rasaasta iyo burbur meelaha qaar, marka laga reebo dhisme leh naqshadda Talyaaniga oo udub dhexaad u ah.

 Dhismuhu wuxuu u egyahay xero ciidan intii uu u muuqan lahaa xaruunta halbowlaha u ah dawladda. Askar Ugandhays ee ka tirsan hawlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa ilaalo ka haya xayndaabka madaxtooyaada. 

Xusuusin maalinle ah oo muujineysa sida dawladda Soomaaliya ay ugu tiirsantahay shisheeyaha. Madaxweynenimada Soomaaliya inta lagu raaxeeysanayo waxaa ka badan inta la dhisayo. 

Madaxweynuhu waxa uu u muuqdaa mid daalan, isaga oo mararka qaar hakad geliya sheekeysiga dhexmarayey isaga iyo wariyahq. Saacadadiisu waa adagatahay: 

20 saacadood maalintii ayuu shaqeeyaa, todobada maalmood ee usbuucii Madaxweynuhu wuxuu had iyo jeer ku jiraa talefan, isagoo helaya wararka ka soo kordha goobaha dagaalka isagoo leh xiisaha aan ka daalin inuu ka war qabo weerarada cusub ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Waddooyinka ayaa la sii banneeyay ka hor inta uusan marin Madaxweynuhu. Halka aan u soconno oo ku dhow goobta aad loo ilaaliyo oo saldhigga u ah safaaradaha ajnabiga ah iyo hoteelada ugu amniga fiican, ciidanka koofiya guduudda ayaa xiray aagga ku dhow. 

Madaxweynaha ayaa hadal ka jeedinaya gunaanadka kulanka culimada oo dawladdu ay maalgalisay kaas oo qayb ka ah hindisaha dagaalka fikirka ee dawladda. Xasan oo ah qunyar socod Islaami ah ayaa aaminsan in diintu ay tahay xabagtu la iskugu toli karo ummad burbrutay, siyaasadda Islaamiga ah aysan noqon mid rabshad iyo fowdo ku dhisan.

Markii uu jeedinayay nuxurka farriintiisa oo ahayd inay tahay waqtigii culimada iyo hoggaamiyaasha bulshada ay ka hor imaan lahaayeen Alshabaab, waxay u muuqatay in kasoo qaybgalayaasha oo u badnaa raga masaajidda ay la dhacsanaayeen. Inay dhab ka ahayd iyo in kale way adagtahay in la sheego, hayeeshee waxay ku qoslayeen kaftanadiisa (Mid ka mid ah naaneysahiisa waa qoslaaye).

Khudbadhooda waxay huwiyeen ammaan. Maxamuud marka uu saaranyahay halka uu khudbadda ka jeedinayo uma muuqdo in uu kusoo jiidanayo, laakiin waxa laga dheehan karaa inuu u egyahay Bare jaamaceed ookiyaalihiisa wax ka dhex eegaya. Haddana waxa uu leeyahay cod xooggan iyo habdhaqan ku dejinaya. Indhihiisu waa ay birqayaan marka uu dhoolacaddeeyo, waxa uu leeyahay awoodda sare u qaado niyada ka qaybgaleyaasha. 

Waxa uu sawiray muuqaalka Soomaaliyada ka horreysay inta la keenin afkaarta dibadda laga soo dhoofiyay. Muuqaal sida uu sheegay muujinyay dhammaan kooxaha diineed oo si nabad ah u wada noolaayeen dibna loo soo celin karo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in bud-dhiga dhibaaatada Soomaaliya ay tahay qabyaalad, raadka xukunkii milatariga, iyo xagjirnimada, wuxuuna sheegay inuu aaminsanahay in Soomaaliya laga dhisi karo dowlad dimograadi ah, tasina ay tahay jidka keliya ee looga bixi karo mushkilada.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ajendaha kaliya ee uu leeyahay ay tahay in uu arko Soomaali oo dib cagaheeda isugu taagtay, oo ayaan jirin wax kale oo uu nolosha ka rabo.

Warbixintan waxaa wargeyska The Guardian ku qoray weriye Tom Gardner.