27.5 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Waa tuma magaalada laga waardiyeeyo Muqdisho ee laga qabsaday Al-Shabab?

0

Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Magaalada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maalmo kahor soo gashay gacanta dowladda, kadib markii ay la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa dadka deegaanka ee Macawiisleyda oo is kaashanaya, kuwaas ka bixiyay xoogaga Al-Shabaab oo in ka badan 15 sano maamulayay.

Prof. Xasan Sheekh Cali oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed, isla-markaana ku dhashay magaaladaan ayaa marka hore ka sheekeeyay taariikhda degmada Aadan Yabaal, kadib markii uu shalay booqasho ku tegay, isaga oo kamid ahaa wafiga  ra’iisul wasaaraha.

Waxa uu sheegay in magaaladu ay ka dhacday muusiibo weyn, isla-markaana intii ay Al-Shabaab heysteen ay ku burbureen dhammaan adeegyadii aas aasiga ahaa ee nolosha.

“Musiibada ka dhacday magaaladan waxaad ka garan kartaa haddii iskuulkii aan ka bilaabay fasalka koowaad uu xiran yahay, dugsi Qu’aankii aan Alifka ka bilaabay xiran yahay, isbitaalkii laygu umuliyay, haddii lagu kala tegay waad garan kartaa,” ayii yiri.

Xasan Sheekh Cali ayaa sidoo kale sheegay in Aadan Yabaal ay tahay magaallo istiraatiiji ah, isla-markaana badda iyo webiga u jirto min 90 KM oo ah dhul weynaha Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in magaaladaan laga waardiyeeyo Muqdisho, ayna tahay halka lagala socon karo waxa ku soo jeedo caasimada Soomaaliya.

‘Magaaladaan waa magaalada laga waardiyeeyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho haddii ay halkan nabad tahay caasimadana waa nabad, hadeynan halkan nabad aheyn caasimada Soomaaliya Muqdisho nabad ma’aha, taas waa in la ogaado istaraatiijig waayey” ayuu yiri.

Waxa kale oo uu ku taliyay in Aadan Yabaal la dhigo difaaca Soomaaliya, si looga ilaaliyo magaalada Muqdisho oo ay ku taallo madaxtooyada qaranka.

“Waxa kasoo baxa dhulkan ee kusii jeeda Muqdisho halkan ayaa lagu fiiltareeyaa ama lagu sii daayey amaba lagu sii gudbiyaa halkan haddii difaaca Soomaaliya uu yaallo madaxtooyada Soomaaliya waa nabad-geleysaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Prof. Xasan.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dowladda federaalka Soomaaliya iyo HirShabelle ay qorsheynayaan in dib boorka looga jafo Aadan Yabaal oo sanado kadib laga saaray kooxda Al-Shabaab, si dib loogu soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa ee ka jiray magaaladaasi.

Xog: Dowladda oo kordhisay xoogaga qarsoon ee ka hawl-gala magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka ayaa sii waddo dadaalada ay tahay in lagu xaqiijiyo ammaanka Magaalada Muqdisho, ka dib weerarkii 27-kii bishii November ay dableyda Al-Shabaab ka tirsan ka gaysatay Hotel Villa Rays oo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Qaranka.

Wasaaradda ayaa toddobaadkii hore soo kordhisay qorshe lagu baarayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka, marka ay taggayaan Xaruntooda Villa Hargeisa oo ku dhex taala Aqalka Villa Somalia.

Wasaaradda ayaa sidoo kale kordhisay tirada dharcadka ee qaabka qarsoon uga hawlgala xaafadaha 17-ka degmo ee magaalada, tani oo qayb ka ah tallaabada ay Dowladda Federaalka u qaadday sugidda amniga magaalada, ka gadaal weerarkiii Villa Rays oo dad badani la anfariireen, bacdamaa uu hotelkaasi ku yaalo xeendaabka aqalka dalka looga arrimiyo, oo ah goob amnigeeda si weyn loo ilaaliyo.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Taliska Hay’adda NISA uu shaqaaleysiiyay in ka badan laba laab dharcadkii ku daadsanaa magaalada, welina uu talisku wado qorista shaqaalaha cusub ee la hawlgelinayo.

Villa Somalia ayaa fahamsan in maleeshiyada Al-Shabaab ee dagaalada looga soo saarayo gobolada dalka ay soo gelayaan caasimadda Muqdisho, oo ay u arkaan goob ay gabaad ka dhigan karaan, oo dadka degana aysan is aqoon, isla-markaana ay ka gaysan karaan falal amniga ka baxsan.

Ciidamada dharcadka ayay shaqadoodu tahay inay laamaha amniga ku soo wargeliyaan cid kasta oo falal amni-darro ay la xiriiriyaan iyo dadka aan la garanayn ee xaafadaha magaalada ku soo kordha, waana dharcadka ay tahay iyadoo aan guryaha la baarin inay soo ogaadaan wixii ku nool, waana xoogaga dahsoon ee aan ku ekaan doonin xaafadaha, balse sidoo kale ka hawlgeli doono goobaha ay bulshada isugu timaado iyo weliba suuqyada magaalada.

Hay’adda NISA ayaa waxaa la leeyahay waxay qorsheynaysaa inay dharcadka la wadaagto sawirrada xubno Shabaab ah oo hay’addu ay baadigoobeyso, si ay Hay’adda Sirdoonka ula soo socodsiiyaan, haddiiba goob ka mida magaalada ay ku arkaan.

Khubarada amniga ayaa sheegaya in Shabaabku ay isku dayi doonaan fal kasta oo aargudasho ah, haddii ay ka careysan gulufka ballaaran ee kaga furan gobolada dalka, gaar ahaan kuwa bartamaha, oo xaaladi ay ka qabsatay.

Mar sii horreysay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka digay xubnaha Shabaabka ee ku soo firxanaya caasimadda.

Weerarkii Villa Rays Hotel ayaa ugu dambeeyay saddex weerar oo Al-Shabaab ka gaysatay magaalada, tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waana weerarka ay Madaxda Qaranku ku baraarugeen halista dhabta ah ee kooxaha hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Koox hubeysan oo dishay gudoomiye waaxeed caan ah

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil qorsheysan oo ay xalay koox hubeysan ka geysatay degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

Dilka oo ay fuliyeen rag ku hubeysnaa bistoolado ayaa waxaa loo geystay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmadaas, sida ay inoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka oo caan ka ahaa Garbahaarey lagu dilay gurigiisa oo ku yaallo xaafadda Xaashiweer, waxaana lagu magacaabi jiray Maxamed Sheekh.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in dhacdada kadib ay goobta isaga baxsadeen raggii ka dambeeyay dilka guddoomiyaha.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo sameeyay howlgal lagu baadi goobayo raggaasi oo lala xiriiriyay kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro dhanka kale wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilkaas iyo howlgallada xigay ee la sameeyay.

Dilkan ayaa qayb ka noqonayo falalka ammaan darri ee ka dhacaya gobolka Gedo waxaana u dambeeyay weerarkii qaraxa ee lagu dilay taliyihii NISA ee gobolkaasi,Bakaal Kooke.

Lafta-gareen oo cadaadis xooggan wajahaya kadib hanjabaada beesha caalamka

Baydhaba (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka iyo diblomaasiyiinta shisheeye ee dalka ka hawlgala ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ku cadaadinaya inuu si dhab ah u taageero baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), ee ah inay gogol dib-u-heshiisiineed isugu yimaadaan siyaasiyiinta deegaanka.

Tani ayaa waxay ka dambeysay, ka dib markii ay xiisad siyaasadeed ka dhalatay muddo kordhinta uu Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sameeyay Madaxweynaha, oo muddo xileedkiisu uu ku egyahay 19-ka bishan.

Inkastoo Madaxweynuhu uu daba-yaaqadii bishii November uu taageeray baaqa Gudoomiyaha Golaha Shacabka, haddana waxa uu xilligan ka caga-jiidaya in gogosha wada hadalada lagu qabto Magaalada Baydhabo, waana xilli Gudoomiye Aadan Madoobe uu Magaalada Xudur u jooggo dadaalo uu ku xoojinayo baaqiisii dib-u-heshiisiinta.

Madaxweynaha ayaa Talaadadii waxa uu Madaxtooyada Baydhaba ku qaabilay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ay u sheegtay in Doorashada Madaxtooyada ay tahay in xilligeeda ku qabsoomto.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Madaxweyne Laftagareen loo sheegay in taageerada Dowladda Federaalka iyo midda caalamkaba ay ku sii jiri karto, iyadoo aanu maamulkiisu wax colaad ahi ka dhex abuurin dadka deegaanka, xilli dalku uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ay Madaxweyne Laftagareen ku wargelisay in maamulku uu joojiyo tallaabada uu siyaasiyiinta deegaanka uga hortaagan yahay inay u safraan Baydhabo.

Siyaasiyiin badan oo reer Koonfur Galbeed ah ayaa ku xaniban Caasimadda Muqdisho, ka dib markii Madaxtooyada Koonfur Galbeed ay shirkadaha diyaaradaha uga digtay inaanay siyaasiyiintaasi keeni karin Baydhabo.

Tani ayaa lagu macneeyay mid uu maamulku kaga falcelinayo diidmada ay siyaasiyiintaasi ka muujiyeen muddo kordhinta Xafiiska Madaxweyne Laftagareen, isla-markaana uu maamulku garowsan yahay inay xaaladi ka abuuri karaan magaalada, haddiiba ay dhacdo in la meelmariyo qorshaha muddo kororsiga.

Si kastaba ha-ahaatee dadka reer Koonfur Galbeed ayaa walaac ka muujinaya waxa xiggi doona, haddii uu dhammaado waqtiga Madaxweynaha, wax doorashado ahna aan la qaban.

Dagaal dhaqameedka ku socda Soomaalida iyo beddel-ka qeexidda ereyga ‘dumar’

Wargeyska maalinlaha ee The Times ayaa qoray in qaamuuska Cambridge Online Dictionary lagu dhaliilay beddelista qeexidda ereyga ‘dumar’. “Qaamuuska Cambridge oo Internetka laga akhrisan karo ayaa sameeyay qeexid dheeri ah ee ereyga [dumar]…” ayuu wargeysku wariyay.

Qeexidda Qaamuuska Cambridge ka bixiyay ereyga dumar marka la tarjumo waa sidan: “dumar: qof qaangaar ah oo u nool isuna taqaan dumar ahaan inkastoo laga yaabo inay lab ahayd markii la dhalay”.

Tafaftirayaasha Qaamuuska Cambridge ayaa bishii Oktoobar beddelay qeexiddii hore ee ereyga kaddib “markay eegeen sida bulshadu u isticmaasho ereyga”.

Sida Cambridge Dictionary u qeexay oo weedho u geliyay ereyga ‘woman’.

Qaamuuska Cambridge wuxuu sidoo kale wax ka beddelay qeexidda ereyga ‘nin’: “Qof qaangaar ah oo u nool isuna yaqaan nin ahaan inkastoo laga yaabo inuu dheddig ahaa markii la dhalay”.

Dadka dhaliilay qeexidda cusub ayaa sheegay in ololeyn muddo socotay ay sababtay wax ka beddelista qeexidda labada erey. Waa wajiga cusub ee dagaal dhaqameedka ka socda Galbeedka lana doonayo in dunida seddexaad laga hirgeliyo.

Soomaalidu kuma baraarugsana dagaal dhaqameedka ku socda

Af iyo dhaqan xiriir ayaa ka dhexeeya. Go’aanka Qaamuuska Cambridge Online Dictionary ku beddelay qeexidda ereyga “dumar” waa qeyb ka mid ah dagaalka dhaqameed ka socda Galbeedka laakiin la doonayo in si tartiib tartiib ah loogu fidiyo dunida seddexaad.

Dagaalka hadda socda waa mid dhaqameed oo dunida seddexaad loo soo marinayo deeqaha ay dalalka hodanka ahi bixiyaan. Siyaasi reer Galbeedka ah ayaa sheegay in dowladdiisu lacag ku bixiso waxyaabaha ay dadkiisu ku dhaataan — qiyamka. Taasi macnaheedu waa: dalka gacanta deeqda la siinayo waxaa qasab ku ah inuu qaato yabooh shuruud ku xiran sida fidinta dhaqammada diinta Islaamku xaaraantimaysay.

Dadku ma ogaan karaan ujeeddooyinka deeq-bixiyayaasha haddii aysan ka warhaynin dagaal dhaqameedka socda oo ka soo horjeeda diinta Islaamka.

10 sano ka hor dugsiyada dalal badan oo Galbeedka ah lagama dhigi jirin casharro carruurta lagu barayo in guurka nin iyo haweenay yahay guurkii hore. Ma aha manhaj dadku u codeeyeen; waa manhaj dadka dusha laga saaray kaddib markii Baarlamamaannadooda ay dejiyeen sharci waxbarashada u beddelay maskax-mayrid.

Dagaal dhaqameed ereyo ayuu ku billowdaa sida sinnaan iyo dulqaad oo Galbeedka ka leh macne ka horjeeda diinta Islaamka. Soomaaliya waa dal ku tiirsan deeqo ay bixiyaan dalalka safka hore kaga jira dagaalka dhaqameed nagu socda. In dadku ogaado wajiyada kala duwan ee dagaalkaas waxaa kaalin ka qaadan kara warbaahinta. Gacanta hoose (ummad deeq shisheeye ku tiirsan) waxay u nugushahay dhaqan doorin. Warbaahintu way gabaysaa kaalinteeda haddii aysan dadka la socodsiinin dagaalka dhaqaameed oo xowliga ku socda.

Xigasho: Puntland Post

Waraabe weerar ka geystay Hargeysa + Khasaaraha

Hargeysa (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya weerar uu xalay Waraabe ka geystay gudaha magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, kaas oo waxyeelo gaarsiiyay ilmo yar, sida ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dhacdadan ayaa xalay ka dhacday degmada Axmed Macallin Haaruun, kadib markii uu Waraabe dafay gabar yar oo lagu qiyaasay 6 jir, taas oo mar ka dambe lasoo bad-baadiyay.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gabadha yar uu Waraabaha la galay meel geedo ah, isla-markaana uu dhaawac xoogan soo gaaray.

“Ilmaha yar wejiga iyo sanka nabar ayaa kaga yaallo, madaxa laba meel ayey wax ka muuqdeen, dhiig jirkeeda wuu ka muuqday,” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in xaafaddan aycaan ku tahay Waraabaha, isla-markaana uu horey u joogi jiray, isaga oo aan waxyeelo u geysan dadka.

“Horay cid wax uma yeeli jirin Waraabaha oo xaafadaha ayuu dhex qaadaa halkan ayuu iska soo maraa buundada yar, isaga oo habeenkii joogo waa ku maraa,” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale dadka deegaanka ee xaafadda ku nool oo iyaguna ka hadlay dhibaatada ayaa baaq u diray dowladda hoose, waxayna ka codsadeen in geedaha laga jaro xaafaddaasi.

“Xaafadda waa dibaato nagu hayo geed garan waa la yiraahdo oo uu iska soo dhex-galayo Waraabuhu iyo dooxo, cabashadeenu waxay tahay in dowladda hoose iyo maamulka Cabdikariin Mooge in ay wax ka qabataan,” ayuu yiri nin kale oo kamida dadka deegaanka.

Hargeysa in Waraabe lagu arko ma’ahan wax cusub, ayada oo marar kala duwan uu dad ku cunay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi.

Ukraine oo fashilisay weerar Ruushku ku qaaday Kyiv

Kyiv (Caasimada Online) – Ukraine ayaa sheegtay Arbacadii inay fashilisay weerar uu Ruushku ku soo qaaday caasimadda dalkaas ee Kyiv, iyada oo isticmaalaysa nidaamkeeda difaaca cirka, waxaana Ukraine ay sheegtay inay soo rideen illaa 13 diyaaradood oo aan nooca aan duuliyaha lahayn oo siday qaraxyo kala duwan, kuwaas oo isku dayayey inay soo galaan hawada caasimadda, inkasta oo burburkoodu uu khasaare u geystay illaa shan dhisme.

Maayarka caasimadda Vitali Klitschko ayaa sheegay in qaraxyo laga maqlay badhtamaha degmada Shevchenkivskyi eek u taalla badhtamaha caasimadda Kyiv, isagoo intaas ku daray inaanu jirin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas.

Wasaaradda difaaca ee Ruushka ayaa barteeda Twitterka ku sheegtay in Ruushku uu soo qaaday weerarka kale oo uu adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxanaynta ku tilmaameen Moscow inay keliya kalsooni dareemaan marka ay weerarayaan magalooyinka nabadda ah.

Weeraradan loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ayaa qayb ka ah, weeraro xooggan oo Ruushku tan iyo bishii October ku bartilmaameedsanayey xarumaha laydhka, xarumaha biyaha iyo goobaha kale eel aga bixiyo adeegyada dadweynaha, isaga oo doonaya inuu ku niyad-jebiyo dadka reer Ukraine, gaar ahaan xilliga jiilaalka.

VOA

Ku dhawaad 30 Shabaab ah oo maanta lagu dilay duleedka Aadan-yabaal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal maanta ka dhacay degaanka lagu magacaabo Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa lagu dilay ku dhawaad 30 dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa baahisay in howlgalkaas lagu dilay 28 Shabaab ah.

“Ciidanka Xoogga dalka iyo Geesiyaasha deegaanka oo caawin ka helaya saaxiibada caalamiga ah ayaa 28 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ku dilay tuulada Juxaay oo hoos tagta degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay baahisay warbaahinta dowladda.

Ciidamada ayaa sameeyay howlgalkaan kadib markii ay ka war heleen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo isku abaabulayaan tuulada uu ka dhacay howlgalkaan.

“Waxaana halkaas ku gaaray jab xooggan, iyadoo wali ciidanku sii baacsanayo firxadkooda,” ayaa lagu yiri qoraalka ay tebisay warbaahinta dowladda oo soo xiganeysa Jeneraal Biixi.

Ugu dambeyntii warkaan waxaa lagu yiri, “Khawaarijta ayaa aad ugu jabay howlgallada xoogga dalka iyo xooggaga deegaanku ka wadaan dhul ballaaran oo ka tirsan Hirshabeelle, waxaana ay ku waayeen maleyshiyaad fara badan iyo horjoogeyaal muhiim u ahaa.”

Inta badan deegaanada hoos taga ayaa laga sifeeyey kooxda Al-Shabaab, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanadaas ee sida dhow ula socda howlagallada dib u xoreynta ah ee dhulka HirShabeelle ka socda.

 

Daawo: Odayaasha degmada Aadan-Yabaal oo si cajiib ah uga hadlay arrin…

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka degmada Aadan-yabaal ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa maanta si dhab ah baahidooda ugu soo bandhigtay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo maanta safar ku tegay degmadaas.

Odayaasha ayaa si dhab ah u sheegay in dhibaato badan ay kala kulmeen kooxda Al-Shabaab, iyagoo sheegay in magaalada intii awooday ay isaga carartay, inta ku hartana ay gumeysi adag ku heyn jireen Al-Shabaab.

“Aadan-yabaal waa meel Shabaab-ku ku dhalay, sidii Ayaxii ayuu ugu dhalay halkaan, nolol kasta oo aan heysanay ama heli laheyn waa naga burburiyeen, dhaqankeenii waa dooriyeen, maanta dowladaan nolol ka codsaneynaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka Aadan-yabaal.

Sidoo kale odagaas wuxuu dowladda ka codsaday inay caafimaadka iyo waxbarashada deg deg wax uga qabato, “Caafimaadkaa noogu daran, isbitaalkii aan agaasimaha ka ahaa jiray ee degmadaan waa burburiyeen, saldhig iyo boolis ma lihin, waxbarasho haba yaraatee halkaan kama jirto, maamul degmo iyo garsoorna warkiisaba daa,” ayuu yiri.

Odagaan ayaa balan qaaday inuu mar kale si buuxda uga sheekey doono dhibaatadii ay Al-Shabaab ku heyn jireen dadkii ku noolaa Aadan-yabaal iyo taariikhdii degamadaan qadiimiga ah.

“Wixii ka dambeeyey dowladii dhexe nolol ma aanaa helin, halkaan guri ee Villa Aadan-yabaal ayuu Kabokutukade lacagteena ku dhisay, dadkii waa ka carareen degmadaan, wixii hadda ka dambeeya dowladdu waxay ka dhigto ayaa ka war sugeynaa, gabadhii umuli weysa shan boqol oo dollar ayaan isbitaal ku gaarsiinaa, garoon, isbitaal, waxbarasho, biyo, wado, wax aan maanta heysano ma jirto” ayuu yiri oday kale.

Hoos ka daawo

Daawo: R/W Xamza oo shaaciyey sababta uu maanta ugu safray Aadan-Yabaal

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Xamza Cabdi Barre ayaa qoraal ka soo saaray muhiimadda safarkii uu maanta ku tegay degmada Aadan-yabaal oo dhawaan lagfa xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Xamza Barre ayaa sheegay in muhiimadda safarkiisu ay ahayd dhiirigalinta ciidanka naftooda u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa soo dhagax dhigay garoon diyaaradeed oo laga dhisayo degmada Aadan-yabaal iyo mashaariic kale oo muhiim u ah bulshada degmadaas.

“Waxaan maanta safar shaqo ku tagay degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha dhexe oo ay dhawaan ciidammada Qalabka sida iyo kuwa deegaanku ka xoreeyeen Khawaarijta. Muhiimadda safarkaygu waxay ahayd dhiirigalinta mujaahidiinta dhiigooda, Naftooda iyo maalkoodaba u huray sidii ay dadkooda iyo dalkooda uga xorreyn lahaayeen kooxda qowlaysataha ah ee Alshabaab,” ayuu yiri R/W Xamza.

Qoraalka Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas, “Waxaan soo dhagax-dhigay garoonka diyaaradaha ee degmada Aadan Yabaal iyo mashaariic kale oo horumarineed si dadka deegaanku u helaan dhammaan adeegyadii ay uga baahnaayeen Dowladda.”

Ugu dambeyntii Xamza Barre ayaa qoraalkiisa ku yiri, “Si aan u hubinno in dadkeennu helaan adeegga dowladnimada, Waxaan halganka ku garab wadnaa hirgalinta barnaamijka xasilinta iyo mashaariicyada kale ee horumarineed.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa dadka reer Aadan-yabaal u balan qaaday in deg deg loo dhisi doono isbitaalkii degmada, saldhigii, isagoo sheegay in safarka ay ku wehliyeen dhamaan siyaasiyiinta iyo masuuliyiinta ka soo jeeda degmadaas ee uu u arkay inay wax ka qaban karaan baahida reer Aadan-yabaal.

Hoos ka daawo

Wasiir loo diiday in uu tago degmooyinka gobol ka tirsan Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiir Ku-xigeenka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Qaasim Maxamed Yuusuf ayaa loo diiday in uu tago degmooyinka gobolka Gardafuu ee maamulkaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Qaasim oo rabay in uu tago degmooyinka Bareedo, Caluula iyo Murcanyo ayaa waxa jid-gooyo u dhigtay maleeshiyo beeleed kasoo jeeda gobolka oo diidan safarkiisa.

Wasiirka ayaa maanta dib uga soo laabtay gobolkaasi, kadib markii safar 5 maalmood qaatay uu ku dhaafi-waayay tuulada Hoodaa oo hoostagta degmada Murcanyo ee gobolka Gardafuu ee Puntland.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in wasiirka uu doonayay in degmooyinka gobolka Gardafuu u tago arrimo la xiriira doorashooyinka degmooyinka Puntland, gaar ahaan wacyi-gelinta diiwaan-gelinta dadweynaha oo la qorshaynayo inay gobolkaas ka bilaamato bisha Jannaayo ee sanadka cusub ee 2023.

Qaar kamid ah waxgaradka degmada Murcanyo ee gobolkaa Gardafuu ayaa horay uga cawday shaxda soohdimaynta degmooyinka ee ay sameeysay wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Puntland.

Guddiga KMG Doorashooyinka Puntland (TPEC) ayaa dhamaadka bishi hore shaaciyay goobaha ay ka sameynayaan diiwaan-gelinta cod-bixiyayaaasha doorashada khilaafku ka taagan yahay ee goleyaasha deegaanka Puntland.

Guddiga ayaa soo saaray xogta goobaha diiwaan-gelinta, kuwaasi oo ka koobna 37 degmo oo ku kala yaalla 9 gobol, kuwaasi oo ay ku jiraan deegaano lagu muransan yahay.

Cabdicasiis Lafta-gareen oo beddelay mowqifkiisa iyo tallaabo uu qaaday maanta

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa goor sii horeysay oo maant ah garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Guddoomiye Aadan Madoobe iyo wafdigiisa ayaa kasoo duulay magaalada Xudur ee gobolka Bakool, halkaasi oo uu maalmahan u joogay ka waday kulamo wada-tashi ah.

Lafta-gareen iyo Aadan Madoobe ayaa la filayaa inay yeeshaan kulan gaar ah, kaasi oo ay uga hadlayaan u diyaar garowga shirka dib u heshisiinta siyaasiyiinta Koofur Galbeed oo lagu wado in uu ka furmo magaalada Baydhabo ee xarunta maamulkaasi.

Shirkaasi oo hore ugu baaqay guddoomiye Aadan Madoobe ayaa waxaa taageertay beesha caalamka oo ay ugu horeeyaan Mareykanka iyo Ingiriiska, waxaana lagu wadaa in shirkaasi isfaham looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta kasoo jeeda maamulkaasi ayaa waxaa hore loogu diiday inay tagaan magaalada Baydhabo, kuwaasi oo ay kamid yihiin xubno ka tirsan dowladda federaalka oo mad-madow badan kala dhexeeyo maamulka Lafta-gareen.

Lafta-gareen ayaa u muuqda mid kasoo damcay mowqifkiisi hore, kadib cadaadis uga imaanaya beesha caalamka oo ayadu rabta in sida ugu dhaqsaha badan xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee aloosan maamulka Koonfur Galbeed.

Muxuu A/Madoobe maanta kaga dhowaaqay XUDUR?

0

Xudur (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo weli ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool, ayaa waxa uu halkaasi kaga dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay xaflad soo dhoweyn ah oo ay u sameeyeen shacabka Degmada Xudur ayaa sheegay in dowladda federaalka ay diyaar u tahay ka qeyb qaadashada xoreynta iyo taageerada xukuumadda.

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in la hirgelin doono adeegyada muhiimka ah sida; waxbarashada, korontada, xarumaha dhalmada iyo helida biyo nadiif ah.

Masuuliyiin kala duwanaa oo ka hadlay xafladda ayaa dhankooda si weyn u bogaadiyay ballan-qaadka ku-simaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha Golah Shacabka.

Waxa kale oo ay codsadeen in deegaanada gobolka si deg-deg ah looga dulqaado kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, iyaga oo xusay inay ku biirayaan dadaalada howl-galada dagaal ee ka socda dalka ee looga xoreynaayo cadowga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa shalay kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, kuwaasi oo warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay sheegeen inay aad u cakiran tahay.

Odayaasha ayaa sheegay in dhamaan magaalooyinka iyo deegaanada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay u baahan yihiin in dowladda ay gacan ka siiso la-dagaalanka argagixisada.

Wararkii ugu dambeeyey fadeexadda Midowga Yurub hareysay ee la xiriirta Qatar

Brussels (Caasimada Online) – Xildhibaanadda reer Greece ee baarlamanka Midowga Yurub, Eva Kaili, ee ay kusoo baxday fadeexadda la xiriirta Qatar, “kama war hayn jiritaanka” lacagta kaashka ah ee laga helay gurigeeda, waxaa sidaas AFP u sheegay qareenkeeda.

Qareenka Kaili ayaa sheegay “inaysan wax galabsan” wuxuuna beeniyey “wararka beenta ah ee la isla dhex-marayo” ee ku saabsan inay laaluush ka qaadatay Qatar.

Xildhibaanka, oo shalay laga qaaday xilkii madaxweyne ku-xigeenka baarlamanka Midowga Yurub “wax xiriir ah lama lahan lacagta gurigeeda laga helay,” ayuu yiri qareenkeeda Michalis Dimitrakopoulos kadib markii ay xireen booliska kadib baaritaan ka dhacay magaalada Brussels.

Wuxuu sheegay in Francesco Giorgi oo ah lamaanaheeda “uu ka jawaabi karo jiritaanka lacagta kaashka ah.”

Kaili, oo 44 jir ah, ayaa ka mid ah lix qof oo la xiray kadib howlgalka booliska, hase yeeshee waa xildhibaanka kaliya ee illaa hadda dacwadda lagu soo oogay.

Ilo-wareedyo ka tirsan garsoorka Belgium ayaa sheegay in qiyaastii 150,000 euro oo kaash ah laga helay apartment ay ka degan tahay magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub.

Xildhibaanada Golaha Baarlamanka Midowga Yurub ayaa Talaadadii codeyn ah 625-1 ku meel-mariyey in Kaili laga qaado xilka madaxweyne ku-xigeenka.

Garsoore Belgium ah ayaa maanta go’aan ka gaari doonaa haddii Kaili iyo saddexda qof ee lala eedeeyey ay xabsi kusii jiri doonaan illaa maxkamad laga soo taagayo. Laba ka mid ahaa lixda eedeysane ayaa lasii daayey.

Dowladda Qatar, oo lagu eedeeyey inay xildhibaanada u siisay lacagta si ay saameyn ugu yeelato go’aanada Midowga Yurub, ayaa beenisay inay wax lug ah ku leedahay kiiskan ama ay khalad sameysay.

AFP, VOA

Sarkaalkii u fududeeyay Shabaab weerarkii garoonka Muqdisho oo la xukumay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta xukun adag ku ridday Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda, balse lagu helay inuu la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab.

Ninkan oo 36 sano jir ah ayaa ku dhashay degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna ka soo mid ahaa ciidamada Xoogga dalka, illaa dowladdii KMG aheyd ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, isaga oo darajada ciidanka ka gaaray Laba Xidigle.

Maxkamadda ayaa sheegtay in sarkaalkan uu 2018 kii waayey xubinimadiisii ciidanka, kadib markii uu ku haray dib u habeynta Electronic-ga ahayd ee dowladdii Farmaajo.

Kadib wixii ka dambeeyay markaas ayey maxkamaddu sheegtay inuu xoojiyay la shaqeynta Al-Shabaab, isla-markaana uu u qaabilsanaa gudbinta gawaarida qaraxyada ah xilliyada ay weerarada ka geysanayaan goobaha bartilmaameedka u ah ee ku yaallo Muqdisho.

Maxkamadda ayaa sidoo kale sheegtay in Maxamed Cabdulle Nuur Abkow uu 23 kii March ee sanadkan ku geliyay gaarigiisa garoonka Muqdisho laba nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo weerar toos ah ka geystay Aadan Cadde, kaas oo uu ku naf waayay Allaha u naxariistee  Cabdirisaaq Aabi Cali oo ka mid ahaa askartii soo afjartay weerarka, waxaana sidoo kale uu khasaare soo gaaray dad kale oo joogay goobta marka ay isku fara saareen ragga weerarka qaaday iyo ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Haramcad ee Booliska.

Intii ay socotay maxkamadeynta ninkan ayaa waxaa la tusay muuqaalka Camerooyinka amniga Ee CCTV, isaga oo gudbinayay xubnihii Al-Shabaab ee weeraray garoonka.

Sidoo kale September 19 keedii 2019-kii ayaa lagu helay in uu qarax dhex geeyay Ururka 38-ad ee degan xarunta Villa Baydhabo ee degmada Wadajir.

Maxkamadeynta Maxamed Cabdulle Nuur Abkow (Biyamaalow) ayaa la soo gabagabeeyay sideedii bishan, ayada oo ugu dambeyn maantana maxamaddu ay ku ridday xukun dil toogasho ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdirisaaq Aabi Cali, sida uu Warbaahinta u sheegay G/ Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida.

Ciidamada DF oo dib ula wareegay saldhig muhiim ah iyo degaan kale (Warbixin)

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada ayaa weerar ku qaaday deegaanka Deynuunaay oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku heysay kooxda Al-Shabaab, waxaana u suuragashay inay la wareegaan. Daynuunaay ayaa waxaa ku yaalla Saldhig muhiim ah.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in cidamada aysan la kulmin wax iska cabin ah, isla-markaana ay si nabadoon ku galeen gudaha deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay isaga huleeleen deegaankaasi, kadib markii ay ka war heleen inay ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Sidoo kale ciidamada huwanta ayaa maanta dib u qabsaday deegaanka Moodo Moodo uu dhow degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay ciidamadu ka sameysteen fariisimo cusub.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howlgalladaasi ayaa boggaadisay ciidamada Xoogga dalka ee Al-Shabaab ka saaray deegaanadaas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah gulufka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socdo gobollada dalka, kaas oo ay ka qayb qaadanayaan dadka deegaanka.

WEERAR loo adeegsaday qaraxyo oo lagu qaaday Isbitaalka Xoogga dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday qaraxyo oo saaka lagu qaaday dhismaha isbitaalka Xoogga oo ku yaallo degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Weerarkaan ayaa waxaa fuliyay dabley hubeysan oo illaa labo bam-gacmeed ku tuuray gudaha isbitaalka, sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga uu weerarka dhacayey ay afaafka hore xerada uu ku dhex yaallo isbitaalka ay ku sugnaayeen dhalinyaro dooneysay inay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in weerarkan uu sababay khasaare u badan dhaawaca, kaas oo lagu sheegay illaa 9 qof oo ay ku jiraan askar ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladdda Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka dhacayay weeraro kala duwan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday hotel Villa Rays oo ku dhow madaxtooyada.

Daawo: Jeneraal Biixi oo reer Aadan-Yabaal u diray codsi ku saabsan gabdhahooda

0

Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa Madaxtooyadii Al-Shabaab ee Villa Aadan-yabaal wuxuu galabta kula hadlay boqolaal shacabka degmada ah.

Taliyaha ayaa shacabka ku nool degmada Aadan-yabaal wuxuu ka dalbaday inay ciidanka gandho u dhisaan, maadaama aysan halkaan ka laabaneyn oo ammaanka Aadan-yabaal ay sugi doonaan, ilaa kooxda laga guuleysto.

Sidoo kale Jeneraal Biixi ayaa shacabka degmadaas fagaarahaan uga balan qaaday in hal askari oo ka mid ah ciidankii xoreeyey Aadan-yabaal uusan dib uga laaba doonin, isagoo ka dalbaday shacabka inay cabsida iska dhaafaan.

Dadka reer Aadan-yabaal ayaa fagaarahaan ka sheegay in dhibaato badan ay ku qabeen kooxda Al-shabaab, sida in aad loo caburi jiray, raxmadda Allena aysan heli jirin, “Seddax sano Roob nooma di’in, laakiin markii aad ragaas naga xoreyseen, raxmadii Alle ayaa noo hoortay oo maanta Aaran ayaan joognaa,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha dhaqanka ee ku nool Aadan-yabaal.

Sidoo kale oday kale ayaa sheegay in waayihii ay Al-Shabaab xukumayeen Aadan-yabaal ay la kulmeen eex badan, “Galabtii maqaayadaha dhan waa la xiri jiray, hal maqaayad oo Bay iyo Bakool la yiraa oo ayagu ay la haayeen ayaa la isugu tegi jiray, eexda ay nagu sameeyeen mid loo dul qaada karo ma aheyn,” ayuu yiri oday kale.

Jeneraal Biixi ayaa dadkaan ka dalbaday inay iska soo dhex xulaan ciidan macawiisley ah oo ciidanka xoogga ku garab siiya sidii degmadaan looga difaaci lahaa Al-Shabaab, isla markaana loogu weerari lahaa deegaanada hoos taga Aadan-yabaal oo ay Al-Shabaab joogaan.

Ugu dambeyntii Taliye Biixi wuxuu u soo jeediyey shacabka degmadaan in maadaama ay kala yaqaanaan dadka deegaanka ay ciidanka ammaanka ku soo wargeliyaan hadii ay xaafadaha degmada ku arkaan qof Shabaab ah.

Hoos ka daawo 

30 xubnood oo Al-Shabaab ah oo isku goob lagu dilay xilli dagaalka uu xoogeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in duqeyn ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 30 xubnood oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

“Ilaa iyo 31 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay, tiro kalena waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan oo ciidanka gaarka ah iyo Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen galbeedka deegaanka Obaale oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xukuumadda.

Howlgalkaan ayaa la sheegay in lagu beegsaday maleeshiyaadka Alshabaab oo xilligaasi doonayay inay u gurmadaan Khawaarij kale oo ciidanka xoogga dalka iyo kuwadeegaanka ay ku dagaalameen Bariga Degaanka Obaale.

Duqeynta ayey inta badan fuliyaan ciidamada Mareykanka ee jooga Soomaaliya, waxaana tirada qasaaraha ay ku kala duwan yihiin Taliska AFRICOM ee Mareykanka iyo Dowladda Federaalka.

Waxaa sidoo kale jiray warar ay dowladda ku sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Turkey ay mararka qaar fuliyaan duqeymo, balse dowladda Turkey weli ma xaqiijin arrintan. 

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo hawlgalada ka dhanka ah Shabaabka ay si dardar leh uga socdaan Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Macawiisleyda ay hujuumayaan deegaanada ay kooxahaasi ka maamulaan gobolkaasi.

Ciidamada ayaa isku fidinaya deegaanada dhaca duleedka Degmada Mahadaay ee ku teedsan Webiga Shabelle, gaar ahaan aagga Cali Fooldheere.

Hawlgal kale oo midkani barbar socdo ayay ciidamada ka wadaan deegaano kale oo dhaca duleedka Degmada Aadan Yabaal.

Kulankii Golaha Shacabka oo mar kale baaqday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markale baaqday, kadib markii ay soo xaadiri waayeen inta badan xildhibaanada Golaha.

Xildhibaano kooban ayaa tegay xarunta, balse kooramka oo buusami waayey kadib ayaa waxaa kulanka soo xirtay guddoomiye ku xigeenka koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin.

Waxa ay sheegtay in guddoomiyaha uu ku maqan yahay safar uu ku aaday magaalada Xudur, xildhibaanno badana ay raaceen, taasna ay ugu cudur daarayaan.

“In madaxdii sare ay maqan tahay, xildhibaano badana ay maqan yihiin oo ay raaceen  cudur daarka xildhibaanada intaas ayaa loo sameynayaa,” ayey tiri Sacdiya Yaasiin.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arrintan si adag uga hadlay maadaama Sabtidii uu sidaan oo kale u baaqday kulankii Golaha Shacabka.

Xidlhibaan Maxamed Ibraahim Macallimuu oo hoolka kula hadlay Wariyeyaasha ayaa soo jeediyay in lala xisaabtamo xildhibaano maqan, kadibna tallaabo adag laga qaado.

“Waa nasiib darro in maalintii labaad uu kooram la’aan u baaqdo kulanka Baarlamaanka, waana in xildhibaanada maqan ay jeebkooda ka arkaan,” ayuu yiri Macallimuu.

Dhankeeda Xildhibaan Rowdo oo ka tirsan xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa iyaduna shaaca ka qaaday in arrintan lagu cuuryaaminayo Golaha, waxayna tilmaamtay in ay jiraan xildhibaano badan oo soo xaadiray fadhiga, balse diiday inay buugga saxiixaan.

“Xildhibaano ayaa yimid fadhiga, weyna diideen in ay buugga saxiixaan” ayey iyaduna tiri xildhibaan Rowdo.

Arrimahan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Baarlamaanka Soomaaliya uu hor yaallo mooshin ka dhan ah Xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo ay gudbiyeen xildhibaano ka tirsan isla Golaha, kuwaas oo ku eedeeyay inay xadgudubtay Diinta, kadib hadalkeedii xeerka Jinsiga.