27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Saddax Wasiir oo Xamza la wadaagay xog cusub + Sawiro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo bilaabay inuu wasiiradiisa kula xisaabtamo qorshe howleedkooda ayaa caawa seddax wasiir waxay la wadaagtay waxa u qorsheysan inay qabtaan sanadka soo socda.

“Iyadoo ay dardar ku socdaan dejinta qorshe hawleedka kala duwan ee Wasaaradaha Xukuumadda DarQaran, ayaa Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamze Cabdi Barre waxaa uu galabta ka guddoomay Qorshe Howleedkooda sanadka 2023, kala wareegay wasaaradood,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Wasiirrada Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Aadan, Dhallinyarada iyo Cayaaraha, Maxamed Barre Maxamuud iyo Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda, Jaamac Xasan Khaliif ayaa lagu shaaciyey qoraalkaan inay Ra’iisul Wasaaraha u gudbiyeen warbixintaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku adkeeyay saddexda Wasiir inay xoogga saaraan sidii looga miradhalin lahaa halbeegyada iyo qorshooyin wakhtiyeysan ee ku saleysan tiirarka barnaamijka xukuumadiisa.

Soo gudbinta qorshooyinka Wasaaradaha waxay aas-aas u yihiin helidda hannaan wanaagsan oo lagula xisaabtami karo wasaaradaha iyo hey’addaha kale ee dowladda, si loo hubiyo in shaqooyinka horyaala lagu qabto wakhtigii loogu talagalay.

Sidoo kale qorshahaan wuxuu Xukuumadda ka saacidayaa in la xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan dhammaan adeegyada kala duwan oo ay Xukuumaddu u ballan qaaday fulintooda.

Video: Qiimeyn cusub oo laga soo saaray waxa ay qabatay DF kadib qaraxyadii Zoobe 2

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya ayaa soo saartay warbixin ay ku faahfaahinayaan qiimeynta khasaarihii ka dhashay qaraxyadii Soobe 2 iyo qoysaskii ay saameysay.

Hey’adda ayaa sidoo kale soo bandhigtay macluumaad muujinaya in wax un caawin ah ay dowladdu u sameysay qoysaska dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxyadaas, kadib markii la furay sanduuqyo gurmad.

Ugu horeyn waxaa lagu cadeeyey warbixintaan in 28 qof oo qabay dhaawacyo culus oo isbitaallada loogu tegay la gudoonsiiyey min 500 oo dollar, halka 11 kalena caafimaad dalka dibadiisa ah loo fidiyey, iyadoo 9 ka mid ah la siiyey min 2,000 oo dollar.

119 qof ayaa ku geeriyootay qaraxyadaas, halka 334 qof ay ku dhaawacmeen, waxaana ku burbrutay 116 xarumood oo goobo ganacsi ahaa.

Sida ay sheegeyso warbixintaan, Hanti gaareysa 3,466,859,02 oo milyan ayaa ku burburtay qaraxyadii Soobe 2, iyadoo xarumo ay ku jiraan wasaaradda waxbarashada iyo Salaam Bank aan lagu darin qiimeyntaan.

“Warbixinteenu waxay cadeyneysaa in markii ugu horeysay ay dowladda Soomaaliyeed caawisay qoysaska dadkii ku waxyeeloobay qaraxyada dalka ka dhacaya, weliba si public ah,” ayuu yiri masuul ka tirsan hey’adda Maareynta Masiibooyinka.

Sidoo kale warbixintaan waxaa lagu soo bandhigay shaqooyinkii ay hayeen dadka geeriyooday iyo hanti la gaarsiiyey ehellada qaar ka mid ah dadkii ku geeriyooday halkaas.

Hoos ka daawo shaxda lagu soo bandhigay warbixintaan.

Dowladda federaalka oo ka hortageysa ‘khatar ka dhalan karta’ dagaalka Al-Shabaab

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan muhiim ah oo ku saabsan sugida amniga magaalada Muqdisho iyo sidii shacabka loogu abaabuli lahaa ka qayb-qaadashada ciribtirka Khawaariijta ayaa maanta ka dhacay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, kaasi oo uu shir-guddoomiyay Xamza Cabdi Barre.

Kulankaan ayaa waxaa kasoo qeyb-galay maamulka cusub ee gobolka Banaadir oo uu hoggaamiyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka, wasiiru-dowlaha amniga gudaha, wasiir ku-xigeenka warfaafinta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa guddoonka gobolka u sheegay muhiimadda ay xiligaan leedahay in feejignaan dheeri ah la sameeyo, islamarkaana sare loo qaado dadaalada lagu horumarinayo amniga.

Khatarta u weyn ee dowladda ka hortageyso ayaa ah in xubnaha Shabaabka ah ee lagu soo jabiyay dagaalka ka socda gobolada dalka ay kusoo dhuuntaan magaalooyinka oo caasimaddu ugu horreyso.

Xamza ayaa sidoo kale kula dardaarmay maamulka cusub ee gobolka inay abaabulaan bulshada oo ay ku baraarujiyaan halista kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, si bulshada kaalinteeda u qaadato oo laamaha amniga iyo maamulka gobolka ay garab ugu siiyaan ciribtirka argagaxisada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa intii uu kulanku socday ka warbixiyay shaqooyinka socda iyo dardar-gelinta uu maamulka cusub ku wado howlaha mudnaanta u leh, gaar ahaan sugidda amniga magaalada.

Fadeexadda Midowga Yurub hareysay ee la xiriirta Qatar oo meel sare gaartay maanta

Strasbourg (Caasimada Online) – Baarlamanka Midowga Yurub ayaa maanta u codeeyey inuu xilka ka qaado mid ka mid madaxweyne ku-xigeenadiisa Eva Kaili, sababo la xiriira fadeexad musuq-maasuq oo la tuhunsan yahay inay la xiriirto Qatar.

Baarlamanka ayaa codeyn ah 625-1 ku ansixiyey inay xilkeeda lumiso Kaili. Waxa ay ka mid tahay lix qof oo ay xireen booliska Belgium, taasi oo qeyb ka ah baaritaan ku saabsan musuq-maasuq. Afar ka mid ah ayaa dacwado lagu soo oogay halka laba lasii daayey.

Qareenada Kaili ayaa ku adkeystay inaysan wax dambi ah gelin.

Fadeexaddan ayaa la xiriirta in Qatar ay laaluush siisay xildhibaano ay ka mid tahay Kaili, si ay u saameyso go’aanada ururka, eedeymahaas oo ay beenisay.

Kiiskan, oo booliska ay ku helaan lacag kaash ah oo badan, ayaa mugdi geliyeay sumcaddii baarlamanka Midowga Yurub, oo isu muujiya mid anshax iyo damiir leh, islamarkaana cambaareeya xagudubyada xuquuqda aadanaha ee dalalka kale ee caalamka.

Qatar waa ay beenisay inay wax khalad ah sameysay.

“Sumacadda baalamanka Midowga Yurub ayaa mar walba muhiim ah,” ayey twitter kusoo qortay madaxweynaha baarlamanka, Roberta Metsola.

Michalis Dimitrakopoulos, oo ah qareenka Kali ee Greece, ayaa tiri “mowqifkeeda waa inaysan waxba galabsan, taas ayaan kuu sheegi karaa.” Kaili ayaa u dhalatay dalka Greece.

“Wax shaqo ah kuma lahan maal-gelinta Qatar, waxba, si cad oo aan leexleexad lahayn,” Dimitrakopoulos ayaa sidaas u sheegay Open TV.

Dhowr dal oo Midowga Yurub ka mid ah oo uu ku jiro Jarmalka, ayaa sheegay in sumcadda 27-ka waddan ee Midowga ay halis ku jirto.

Sidoo kale, dalalka horey dhalleeceynta ugala kulmay Golaha, oo uu ku jiro dalka Hungary, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu lumiyey heerkii sare ee anshaxa.

“Wixii hadda ka dambeeya Baarlamaanka Yurub ma awoodo inuu si la aamini karo uga hadlo musuq-maasuqa,” ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda Hungary Peter Szijjarto ku soo qoray Facebook.

Booliska Belgium ayaa Jimcihii ilaa Isniintii waxay baarayeen 19 guri iyo xafiisyo uu leeyahay baarlamaanka, waxa ayna soo qabteen kombiyuutaro, taleefon gacmeedyo iyo lacag kaash ah oo qaarkeed laga helay shandad tiilay hotel ah.

Afarta qof ee lagu soo oogay dacwadda midkoodna si rasmi ah looma aqoonsanin, balse magaca Kaili ayaa si degdeg ah loogu dusiyey saxaafadda.

REUTERS, VOA

Ra’iisul Wasaare Xamza oo QATAR ku bogaadiyay arrin si weyn loogu weeraray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Qaranimada Qatar oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu si weyn ugu bogaadiyay Qatar qaabka ay u marti-gelisay koobka adduunka.

Xamza ayaa sidoo kale waxa uu ku amaanay dowladda Qatar sida ay markasta u garab tahay dowladda federaalka Soomaaliya, ugana fuliso mashaariic horumarineed oo waxtar u leh bulshada Soomaaliyeed.

“Waxa aan aragnaa bulshada Qatar oo ku faraxsan maalinta Qarannimada oo ah markii ciidda Qatar laga suray calanka dalkaas, shacab iyo xukuumad waxaa si kal iyo laab ah ugu bogaadineynaa madaxda uu ugu horreeyo amiir Sheekh Tamiim iyo Shacabka Qatar,” ayuu yiri.

“Mashaariic kala duwan ayay Qatar ka sameeysaa Soomaaliya taasi waxa ay muujineysaa xiriirka labada dal iyo labada dad. Qatar waa waddankii ugu horreeyay ee carbeed ee qabtay Koobka Adduunka si ilbaxnimo iyo karti dheeraad ah ka muuqato, waxa aan uga mahad-celinayaa sida ay bulshada caalamka u tusisay dedaalka dheeraad ah oo xitaa furitaanka koobka markii ugu horreysay lagu daah-furay Qur’aanka Kariimka.”

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu rajeeyay in dowladda Qatar ay sii xoojiso iskaashiga labada dal iyo guud ahaan caalamka, gaar ahaan Muslimiinta iyo Carabta, sida uu sheegay.

“Munaasabaddaan waxa aan uga mahad-celinayaa dowladda iyo shacabka Qatar oo aan rajeyneyo inay xoojiyaan iskaashiga, markale waxa aan idin leeyahay sanad wanaagsan, waad mahadsan tihiin.”

Munaasabada lagu maamuusayay maalinta Qarannimada Qatar ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo madax kale oo dalkaas ka socotay, waxaana lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Qatar iyo Soomaaliya.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, halka kuwa kalena ay yihiin qabyo, waxaana la dhameystiray dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Madaale oo shaaciyay halis weyn oo ka dhalan karta arrin muddo ka taagan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka hadlay dhibaatada ay leeyihiin kooxaha ciyaal weerada iyo waxa laga filan karo mustaqbalka.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay haddii aan laga hortegin ciyaal weerada ay noqon karaan sida Al-Shabaab oo kale, oo iyagu markay soo bilaabanayeen ahaa sida kooxaha ka abuurmaya Muqdisho.

“Magaaladaan sida la socono Shabaab ayaa ka dhashay 2006-dii iyo wixii ka dambeeyay, waa la fududeystay maanta waakasa dowladii, qabaa’iiladii iyo cidkasta dagaal ayey kula jirtaa waxay ku tuseysa miisaanka iyo dhaqaalaha ay bulshada ka dhex sameeyeen. Maxaa diidaya ciyaal weero inay sidaas noqdaan haddii la fududeysto,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Maalinkasta waxaa arkeysa Mobile jooga $200 ama ka yar ayaa lagu leeyahay qof dhan oo bini-aadam ah oo Muslim ah oo Soomaali ah ayaa loo dilaya, qofka Mobile ku dilaya waxa uu ku dhaafayo ma ii sheegi kartaa, waa maya.”

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in kooxaha ciyaal weerada ah ay ula dagaalami doonaan sida Al-Shabaab oo kale, oo xiligaan uu dagaal xoogan uga socdo qeybo badan oo kamid ah dalka.

“Al-Shabaab culeys ayaa looga haya afarta jiho, hoosteena waxaa ka kacay cayayaan yar-yar oo Mindi iyo Baangad wata, markaasa leenahay Weero. Waa in aan iska qabana, haddii aad idinka iska qaban ma cid kale ayaa inaga qabaneysa.”

Kooxaha loo yaqaano ciyaal weerada ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay gobolka Banaadir, ayada oo dadka caasimada u geysta dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira dhac iyo dil.

Weerar culus oo lagu qaaday Farxaan Jimcaale iyo falcelin xooggan oo ka dhalatay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar culus oo dhanka baraha bulshada ayaa waxaa lagu qaaday Wariye Farxaan Maxamed Jimcaale oo haatan ah afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, sidoo kalena ah agaasimaha warfaafinta xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Farxaan ayaa waxaa weerar culus ku qaaday koox u muuqato mid abaabulan oo isku xiran, waxaana ku jira Wariyeyaal, siyaasiyiin iyo rag kale oo caan ah, kuwaas oo fidiyay dacaayado iyo warar kale oo liddi ku ah agaasimaha warfaafinta ee xafiiska Xamza Cabdi.

Dadka weeraray waxaa ka mid ah Wariyaha caanka ah ee Cali Aadan Muumin “Waxa uu kula kacay warbaahinta gudaha falal isugu jira faquuq iyo cunsuriyeyn, qaar ka mid ah xarumaha warbaahineed ayaa la wadaagay dareenkooda bulshada, halka in badan oo kalana ka gaabsadeen in ay banaanka soo dhigaan tabashooyinkooda. Intaa waxaa sii dheer, waxa uu ku guul darreystay in uu maamulo howlwadeennadii warbaahinta ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, isagoo ula dhaqma si aan habbooneyn, waxa uu isku wadi waayay shaqaalaha tirada yar ee jooga xafiiskiisa, maxaa intaas kaweyn oo laga filan karaa oo wax qabad ah?”

Waxaa kale oo ka mid ah dadka eedeeyay Farxaan Jimcaale Bashiir Maxamed oo isna yiri “Farxaan tuug oo fadeexo weyn ay soo wajahday,”.

Cabdirisaaq M. Cabdulle ayaa isaguna soo bandhigay eed ka dhan ah Farxaan Jimcaale “Anigoo ixtiraamaya masuul Farxaan Maxamed Jimcaale masuuliyada uu u haayo Somalida hadane waa in qaladka xoogan ee uu ku dhex jiro laga qabtaa. Xassan-Kafi oo ah wiilka sawirka ka muuqda wuxuu ahaa muuqaal duubaha iyo sawir qaadaha xafiiska RWasaaraha mudo 7 sano, wuxuu la shaqeeyay laba RWasaare ilaa intaasna wax cabasha ah ma jirin, RW Xamsane waa masuulkii sedexaad ee xafiiskaas soo mara intii uu joogay,” ayuu yiri Cabdirisaaq M. Cabdulle.

Dhinaca kale waxaa arrintaan ka falceliyay koox kale oo ay iyaguna ku jiraan Wariyeyaal, Siyaasiyiin iyo dad kale oo caan ah, kuwaas oo u badan kuwo ku heyb ah Farxaan.

Wariye Ayaanle Xuseen Cabdi ayaa yiri “Inta aan ka warqabo Farhan Jimale waa qof waligiisba ka shaqeynayay meel nidaam leh oo sharcigu shaqeeyo. Hadda waxaa haysta waa dhibaatada dalkeena ragaadisay ee ah kala dambeyn la’aanta. Waxaan dhihi lahaa isku day waxaad baddalikartid inta karaankaaga ah, ogoowna dalkan cid isbaddal sameyn karta ayaa yar oo Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha laftooda ayaa qoor sagaaro lagu haystaa oo dad ka awood badan baa jira,” .

Shariif Abuukar Cali ayaa isna ku sifeeyey Farxaan Jimcaale “Shaqo yaqaan halka uu joogo aqoontiisa ku tegay + 35 sano oo khibrad war baahineed ah,”.

Wariye Maxamed Xaraare “Hal iyo dhowr qof haddii aan ku qaddariyo aqoon iyo khibrad saxaafadeed, waxaa safka hore soo galaya Farxaan Jimcaale. Maamul, maareyn, miisaan, karti, dhimrin iyo dulqaad waxa ay ka mid yihiin erayada aan macagiisa ku hoos qori lahaa,”.

Madaxweynihii hore ee HirShabelle Cali Cosoble ayaa isaguna yiri “Farxaan Jimcaale looguma dheggana aqoon oo aniga ma garanaayo suxufi shaqeeya waqtigan la joogo oo ka aqoon iyo waaya aragnimo badan ama shaqkhsi uga habboon afhayeenka xukuumadda oo shaqadaa loo idman lahaa, balse waxaa jira qolooyin ka biyo cabid bartay xafiiska r/wasaaraha oo warkoodu yahay “Xawaadle xafiiskaan ma aqoon jirin kamana dhex shaqeyn jirin ee sidee ku yimid?”.

JAYTE oo qaaday tallaabo lama filaan ah kadibna ka baxay guddigii lagu daray

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiraan, Cali Jayte Cismaan ayaa qaatay tallaabo lama filaan, kadib go’aan culus oo uu maanta qaatay.

Cali Jayte ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga baxay xubinimada Gudiga Maaliyadda ee Taakuleynta Ciidamada Dib u xoreynta gobolka Hiiraan, kaas oo horay loogu daray.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in guddigan uu gabay waajibaadkii shaqo ee loo igmaday, islamarkaana uu noqday guddiga ay ka dhex jirto habacsanaan baahsan.

“Sidaas daraadeed laga bilaabo 12-12-2022 waxaan cadeynayaa in aan ka baxay Gudiga Maaliyadda ee Taakuleynta ciidamada Dib u xoreynta gobolka Hiiraan,” ayuu yiri Jayte.

Sidoo kale wuxuu go’aankan guddoomiyuhu ku socod siiyay madaxweynaha HirShabelle iyo ku xigeenkiisa oo markii horeba u magacaabay xubinimada guddigaasi.

Dhanka kale Cali Jayte ayaa xusay in uu halgankiisa sii wadi doono, isla-markaana uu hoggaamin doono howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa si aad ah uga soo muuqday kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo Hiiraanm, isaga oo hoggaamiyay dagaallo badan oo Al-Shabaab looga saaray gobolkaasi.

Daawo: Mooshinka Sacdiya Yaasiin Xaaji oo weji cusub yeeshay – Maxaa soo kordhay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa marba marka kasii dambeysa cirka isku sii shareeraya guuxa siyaasadeed ee ka dhanka ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin oo ay xildhibaanada qaar ka gudbiyeen mooshin culus.

Mooshinkan oo salka ku haya hadalkii Sacdiya ee ku aadanaa xeerka Jinsiga ee muranka badan dhaliyay uu hadda yeeshay weji cusub, sida uu sheegay siyaasi Khaalid Gaabane.

Siyaasigan oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Soomaali Cable ayaa si weyn u difaacay xildhibaanadda, wuxuuna sheegay in aysan jirin xadgudub ay sameysay sida uu ku dooday.

“Sacdiya Kitaab Qur’aan ah oo ay ku xadgudubtay oo mooshin Qur’aankaa lagu difaacaa la leeyahay waxaas waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri Siyaasi Khaalid Gaabane.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qorshahan laga leeyahay dano siyaasadeed, isaga oo ku eedeeyay inuu ka dambeeyo Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabduqaadir.

“Kiiskaani waxaa gadaal ka taagan oo raalli ka ah Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare, ahna Wasiirka Wasiirada, ahna saaxibka madaxweynaha,” ayuu raaciyey.

Khaalid Gaabane oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in Wasiirka uu doonayo inuu kusoo biiro Baarlamaanka, kadibna uu ku fariisto kursiga Xildhibaan Sacdiya Yaasiin.

“Faarax Sheekh Cabduqaadir ayaa doonaya kursiga Sacdiya saa darteed wuxuu isku diyaarinayaa inuu Baarlamaanka kusoo biiro, gaar ahaan kursiga HOP#086,” ayuu yiri.

Si kastaba, maalmo kahor ayaa xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay shaaciyeen in mooshin xilka qaadis ay ka gudbiyeen xildhibaan Sacdiya Yaasiin, kaas oo la filayo in Golaha la horkeeno, waxayna xildhibaanadaas ku eedeeyeen inay ku xudgubtay Diinta.

Daawo: Dilkii Bakaal Kooke oo loo heysto ciidanka Itoobiya iyo kacdoon ka qarxay Gedo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Gedo iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ayaa ciidanka Itoobiya u qabsaday dilka Taliyihii NISA ee gobolkaas Bakaal Kooke oo Jimcihii lagu dilay qarax miino.

Siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay in sirdoonka Itoobiya ay qarax gaarigiisa ugu xireen Taliye Bakaal Kooke, iyagoo sheegay in mudo dheer ay Itoobiya qorsheynaysay dilka Bakaal Kooke.

Karar Aadan Rukow oo ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo ayaa sheegay arrinkaan ay ku ogaadeen baaritaan ay sameeyeen, “Rag 77-kii Itoobiya la dagaalami jiray oo dhagartooda yaqaana ayaan arrintaan u xil-saarnay waxaana ogaanay inay iyagu dileen Bakaal,” ayuu yiri Karar.

Wuxuu sheegay in ninkaan uu mudo dheer gobolkaas ka hor taagnaa Al-Shabaab, balse uu beegsaday cadow uusan iska jireyn, sidoo kale ninkaan ayaa cadeeyey in Taliska Sare ee NISA uusan wax lug ah ku laheyn dilkaan.

“Dadka dhahaya Mahad Salaad ayaa ka dambeeyey dilka Bakaal, waxay marin habaabinayaan xogta rasmiga ah, ninkaas aad ayey isugu fiicnaayeen Mahad, wuxuu ahaa nin ay Soomaalinimadu ku weyneed,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in gobolka Gedo uu ka curtay kacdoon ka dhan ah ciidanka Itoobiya, “Maanta waan u tagnay ciidanka Itoobiya, waxaan dhahnay ka soo jawaaba eedaan, waan ka war sugeynaa, hadaan jawaab fiican ka weynana, Itoobiyaan Gedo siima joogi doonaan,” ayuu yiri Karar.

Hoos ka daawo

QATAR oo ballan-qaad culus u sameeysay DF Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Qatar ee Soomaaliya Cabdalla Bin Saalim Al-Nuceymi oo khudbad ka jeediyay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Qaranimada Qatar oo maanta ka dhacday Muqdisho ayaa ballan-qaaday in dalkiisa uu xoojinayo xiriirka siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee uu la wadaago dowladda federaalka Soomaaliya.

Danjire Cabdalla ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Qatar ay garab taagan tahay Soomaaliya, isaga oo fariin uu ka waday Amiirka dalkaas Sheekh Tamiim Bin Hamad uu la wadaagay masuuliyiin uu ugu derajo sarreeyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Waxa aan idinla wadaagayaa fariin bogaadin ah oo aan ka wado Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad, Qatar waxa ay marti-gelisay Koobka Adduunka. Qatar waxa ay koobka ku martigelisay si ilbaxnimo leh oo taageero oo hab maamul iyo dareen shacab ka muuqda.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar waa mid ku dhisan Walaalnimo, siyaasad, dhaqaale iyo iskaashi, waxa aan u taaganahay in aan xoojino cilaaqaadka iyo danaha labada shacab ee walaalaha ah.”

Munaasabada lagu maamuusayay “Maalinta Qarannimada Qatar” ayaa sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka iyo madax kale oo dalkaas ka socotay, waxaana lagu soo bandhigay xiriirka ay wadaagaan Dooxa iyo Muqdisho.

Qatar ayaa bixisay mashaariic kala duwan oo Soomaaliya laga hirgelinayo, kuwaasi oo lagu dhaqaaqay qaar kamid ah, kuwa kalena ay yihiin qabyo, halka la dhammeystiray dhismaha waddada Muqdisho iyo Afgooye.

Ku-simaha madaxweynaha oo kulan muhiim ah la qaatay odayaasha Bakool + Sawirro

0

Xudur (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay odayaasha dhaqanka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Golaha odayaasha dhaqanka ee gobolka Bakool ayaa guddoomiye Aadan Madoobe warbixin ka siiyay xaalada deegaanka oo ay sheegeen inay aad u cakiran tahay.

Odayaasha ayaa sheegay in dhamaan magaalooyinka iyo deegaanada gobolka ay go’doomiyeen kooxda Al-Shabaab, ayaga oo dowladda federaalka ka codsaday in gacan laga siiyo la-dagaalanka argagaxisada.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa odayaasha dhaqanka gobolka Bakool ku amaanay dadaalada ay ku doonayaan inay kooxda nabadiidka ah isaga xorreeyaan si dadka, deegaanka iyo gobolka uu u helo nabad iyo xasilooni.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda federaalka ka go’antahay ciribtirka kooxda Khawaariijta Al-Shabaab, islamarkaana ay gacan ka siineyso xoreynta deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Aadan Madoobe ayaa shalay gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, halkaasi oo u tegay arrimo la xiriira howl-galka ka dhanka Al-Shabaab, qiimeynta xaaladda nololeed ee magaaladaasi iyo dardar-gelinta gogosha dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu horay u dhigay.

Ganacsade caan ahaa oo lagu dilay degmada Cabudwaaq

Cabduwaaq (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay bartamaha degmadaas shalay galab ku dileen ganacsade caanka ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Maleeshiyaadka ayaa ganacsada ahaa oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Cabdinuur ku dilay kaalin shidaal oo uu ku lahaa xaafadda Waaberi ee bartamaha degmada Cabudwaaq, sida ay dad goobjoogayaal ah xaqiijiyeen.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in dilkaan uu salka ku hayao arrimo la xiriira dilal aanooyin qabiil oo ka dhaxeeya qaar kamid ah beelaha dega degmada Cabudwaaq, kuwaas oo dhowr jeer soo laab laabtay.

Ciidamo ka tirsan laamaha amniga degmada Cabudwaaq ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay, iyaga oo baadi goobayay dadkii ka dambeeyay dilkaas, wallow aysan ku guuleysan inay soo qabtaan, hase yeeshee meydka marxuumka ay goobta ka qaadeen.

Maamulka iyo laamaha amniga degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaan weli ka hadlin dilka ganacsadaha loogu geystay degmadaas, waxaana dhowr jeer kusoo laab laabtay degmada Cabudwaaq dilalkala xiriira aanooyinka qabiil.

SACUUDIGA oo shaaciyey qorshahooda haddii IRAN ay hesho hub Nukliyeer

Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudi Carabiya ayaa Axaddii sheegay in dalalka Khaliijka ay qaadi doonaan tallaabo ay ku xoojinayaan amnigooda haddii Iran ay hesho hub Nukliyeer ah.

Wada-hadallo aan toos aheyn uu oo u dhaxeeyey Mareykanka iyo Iran oo lagu badbaadin lahaa heshiiskii Nukliyeerka ee 2015, kaasi oo Washington ay ka baxday 2018-kii, ayaa hakaday bishii September. Madaxa Nukliyeerka ee QM ayaa walaac ka muujiyey hadallo ay dhowaan Iran ku sheegtay inay xoojineyso kobcinta awooddeeda uranium-ka.

“Haddii Iran ay hesho hub nukliyeer oo shaqeynaya, natiijada waa mid aan la qiyaasi karin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Sacuudiga Faisal bin Farhan Al Saud oo wareysi bixiyey isaga oo ku sugan Shirka Siyaasadda Adduunka ee Abu Dhabi.

“Waxaan ku jirnaa meel aad khatar u ah oo gobolka ah…waxaad filan kartaan in dalalka gobolka ay si dhab ah u eegi doonaan sidii ay ammaankooda u sugi lahaayeen,” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa loo arkaa mid ka dhigan in dalalka Khaliijka ay ayagana raadin doonaan hub nukliyeer ah, haddii Iran ay hesho.

Wada-hadallada Nukliyeerka ayaa istaagay ayada oo quwadaha Reer Galbeedka ay ku eedeeyeen Iran inay la timid dalabyo aan suurtagal aheyn, waxayna kadib diiradda u weeciyeen dagaalka Ruushka iyo Ukraine

Inkasta oo Riyadh ay weli “shaki ka qabto” heshiiska nukliyeerka Iran, haddana Amiir Faisal wuxuu taageeray dadaallada dib loogu soo nooleynayo heshiiska “ayada oo shuruurdda ay tahay inay noqoto billowga, balse aysan aheyn dhammaada heshiiska xooggan oo lala galo Tehran.”

Dalalka Khaliijka ayaa cadaadiyey heshiis xooggan oo wax ka qabanaya walaacyada ay ka qabaan gantaallada iyo barnaamijka diyaaradaha drone-ka Iran iyo shabakadaha qarsoon ee ay ku leedahay gobolka.

“Nasiib-darro, tilmaamooyinka iminka ma ahan kuwa togan,” ayuu yiri Amiir Faisal.

“Waxaan ka maqalnaa Iiraaniyiinta inaysan dooneyn barnaamij hub nukliyeer, taasi waxay noqon laheyd mid aad nasteexo u ah inaan awoodno inaan rumeysano. Waxaan u baahanahay damaanad dheeri ah.”

Iran waxay sheegtaa in teknoolajiyaddeeda Nukliyeerka ay tahay mid laga leeyahay dano rayid.

Reuters

Mareykanka oo $55 bilyan siinaya Afrika iyo wararkii ugu dambeeyey ee shirka

0

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in lacag dhan illaa 55 bilyan oo dollar ay ugu yabooheyso Qaaradda Afrika saddexda sano ee soo socoto, taas oo uu Mareykanku sheegay inuu ku xoojinayo iskaashiga dalalka Afrika.

Lacagta Mareykanka uu ku dhawaaqay ayaa kusoo beegantay, xilli uu maanta furmayo shirweynaha u dhaxeeya Afrika iyo Mareykanka, kaas oo ka qabsoomaya Washington.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galatyaa illaa 50 wafdi oo ka kala socday illaa 49 waddan oo Afrikaan ah iyo Midowga Afrika, waxaana sidoo kale ku jira madaxdaas madaxweunaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaana kala duwan heerka metelaadda dalalka ka qaybgalaya.

Sidoo kale waxaa inta uu socdo shirkan intiisa badan diirrada lagu saarayaa dib u eegista xiriirka Afrika iyo Mareykanka, kor u qaadista iyo xoojinta hay’adaha dowliga ah.

Waxaa sidoo kale shirka lagu soo qaadi doonaa caqabadaha jira ee dhinaca caafimaadka, dimuqraadiyadda, maamul wanaagga, maalgelinta, horumarinta iyo isbedelka cimilada.

Dhinaca kale Aqalka Cad ee dalka Maraykanka ayaa shaaciyey liiska waddamada aan lagu casuumin shirkan, kuwaas oo gaaraya illaa shan dal oo ay ka mid yihiin Burkina Faso, Mali, Guinea iyo Sudan, iyada oo sababta aan dalalkan loo casumin lagu sababeeyey, maadaama uu ururka Midowga Afrika uu hakiyey xubinimadii dalalkan, kadib markii sifo aan sharci ahayn loo beddelay xukuumaddii dalkaas ka ariminaysay. Sidoo kale waxaa liiska dalalka aan la casumin ku jira dalka Eriteria oo aan xiriir diblomaasiyadeed la lahayn Maraykanka.

Mareykanka oo ka mid ah dalalka ugu awoodda badan caalamka ayaa iskaashiga ballaaran laleh Qaaradda Afrika, isaga oo ka fuliyo howlo kala duwan iyo howlgallo milatari intaba.

Iran oo xukun deldelaad ah ku fulisay qofkii labaad

Tehran (Caasimada Online) – Dawladda Iran ayaa Isniintii sheegtay inay xukunkii labaad ku fulisay maxbuus loo haysto mudaharaadadii dalka Iran ka bilaabmay bishii September ee sannadkan, ka dib markii dhimatay ay haweenay ay xabsiga dhigeen, ciidamada booliska ee anshaxa, kuwaas oo ku eedeeyey gabadhaas yar inaanay si habboon u daboolin timaheeda.

Wakaaladda wararka ee Mizan ee ay maamusho hay’adda garsoorka ee dalkaas ayaa sheegtay in Majidreza Rahnavard lagu fuliyey xukun deldelaad ah oo ka dhacay magaalada Mashhad, tallaabadaas oo digniin u ah dadka kale.

Rahnavard ayaa lagu eedeeyey inuu si ba’an u toorayeeyey laba askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee magaalada Mashhad bishii hore, ka dib markii uu ka cadhooday in masuuliyiintu ay dil toogasho ah kula kacayaan debedbaxayaasha.

Kooxaha debedbaxayaasha ayaa sheegay in dawladda Iran inay illaa haatan dil ku xukuntay ugu yaraan toban qof, ka dib markii la soo taagay, maxkamad xidhan oo aan dadweynaha loo ogolayn inay ka qaybgalaan dhegaysigeeda.

Muddo saddex bilood ah oo mudaharaadadu ay socdeen waxaa dhintay illaa 488 qof.

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay illaa 18,200 oo qof.

Rahnavard ayaa noqonaya qofkii labaad ee ka mida debed baxayaasha ee lagu fuliyo xukun deldelaad ah.

VOA

Al-Shabaab-kii laga bixiyay Aadan Yabaal oo laga qabsaday deegaankii ay u carareen

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee is garabsanaya ayaa haatan kusii siqaya deegaano horleh oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii laga saaray dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa maanta gaaray deegaanka Al-Kowthar oo hoostaga degmada Yabaal, ayaga oo si buuxda ula wareegay deegaankaasi, sida uu shaaca ka qaaday taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Al-kowthar ayaa waxaa haatan ku sugnaa Al-Shabaabkii maalmo kahor laga saaray degmada Aadan Yabaal, halkaas oo la soo wariyay inay isku uruursanayeen.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay howlgalka lagu qabtay Al-Kowthar ayaa boggaadiyey ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, wuxuuna sheegay inay hal-bowle muhiim ah u aheyd Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in tallaabadan ay markale dhabar jab ku tahay kooxda Al-Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-kawsar oo saaka laga saaray Khawaarijtu waxeey u ahayd hal-bawle muhiim ah, in laga qabsadayna dhabar jab ayay ku tahay, alle ayaa mahadsan,” ayuu yiri wasiir Al-Cadaala.

Ciidamada ayaa shalay dagaal la’aan la wareegay deegaanka Ceel-Muluq, waxayna ka bilaabeen howl-galo ay ku baarayaan guryaha iyo gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Toddobaad kahor unbey aheyd markii Al-Shabaab laga qabsaday degmada Aadan Yabaal oo ay ku lahaayeen saldhiggooda ugu weyn ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Si kastaba, Shabaab ayaa hadda dhowr deegaan oo kooban kaliya kaga haray HirShabelle, waxaana wararka ay sheegayaan in laga wada xoreyn doono toddobaadyo gudahood.

Ciidanka DF oo 12 maalin kadib dib ula wareegay degaan muhiim ah oo laga qabsaday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta maamulka K/Galbeed ayaa 12 maalmood kadib, waxay dib u qabsadeen degaanka Goof-Gaduud Buurey ee gobolka Bay, halkaas halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay dagaal kula wareegtay bilowgii bishaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa ciidan badan ku dishay deegaanka Daynuunaay, maalinkii ay qabsadeen degaankaan ay maanta dib ugu laabteen ciidanku.

Kooxda Al-Shabaab ayaa isaga baxday deegaankaan, iyadoo uusan ka dhicin wax dagaal ah, si lamid ah sidii 1-dii bishaan ay ciidanka dowladdu uga baxeen degaankaan Goof-gaduud Buurey.

“Maanta gelinkii hore ayaan la wareegnay Goofgaduud, mana jirin wax iska cabin ah oo Al-Shabaab aan kala kulanay,” ayuu yiri guddoomiyaha deegaankaas Cabdiraxmaan Isaaq oo la hadlay Idaacadda VOA.

Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ay degaanka soo galeen ciidan aad u badan oo wata gaadiid dagaal, kuwaas oo fariisin ka sameystay hareeraha iyo gudaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa saldhigyadii ciidanka ee deegaankaas ka socda dadaallo miinooyinka looga saarayo, maadaama kooxda Al-Shabaab ay caan ku tahay inay miinooyin geliso deegaanada laga saaro ama ay isaga baxaan.

Askarigii dilay Juweeriya Subcis oo xukun lagu riday

0

Jigjiga (Caasimada Online) – Maxkamadda magaalada Jigjiga oo gacanta ku heysay kiiska dilka ah ee xildhibaan Juweeriya Subcis oo ka tirsaneyd Baarlamaanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa maanta go’aan culus kasoo saartay dhacdadaasi.

Maxkamnadda ayaa dil ku ridday askarigan oo ka tirsanaa Booliska Federaalka ee Itoobiya, kaas oo lagu helay dilka xildhibaanadda oo bishii October ka dhacay garoonka Jigjiga.

Maxkamadda ayaa xukunka ay maanta ridday oo aad loo sugayey u cuskatay xeerka ciqaabta ee dalka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa go’aanka maxkamadda si weyn usoo dhaweeyay ehellada marxuumadda iyo dadka deegaanka oo u mahadceliyay maxkamadda.

AUN Xildhibaan Juweeriya Subcis ayaa xubin ka aheyd xisbiga Prosperity Party ee uu hoggaamiyo Abiy Ahmed, waxaana ay caan ka hayd deegaanka Soomaalida.

Dilka xildhibaan Juweeriya ayaa si weyn looga dareemay magaalada Jigjiga, ayada oo dadkuna ay sameeyeen dibad-bax ay uga soo horjeedaan dilka marxuumadda.

Si kastaba, Itoobiya ayaa inta badan fulin xukunnada dilka ah ee ay ridaan maxkamaduhu, iyadoo badanaa dadkaas dilka loogu beddalo xukun adag oo xabsi daa’in.

Khilaafka A/Madoobe iyo Lafta Gareen oo soo shaac baxay – Maxaa maanta dhacay?

0

Xudur (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, ahna haatan ku simaha madaxweynaha dalka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa Xudur u tegay arrimo la xiriira oo dardar-gelinta gogosha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed oo uu isagu horay u dhigay, qiimeynta xaaladda nololeed ee magaaladaasi, iyo arimo la xiriira howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo halkaasi.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa warbixin guud ka dhageystay guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Bakool iyo guddoomiyaha degmada Xudur oo  uga warbixiyay xaalada gobolka iyo guud ahaan deegannada ku xeeran, iyagoo sheegay in gobolkan uu muddo go’doonsan yahay islamarkaana dadka degaanka aysan helin nolol ku filan .

Dhankiisa Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku amaanay maamulka iyo shacabka sida ay u diideen inay wax ku darsadaan kooxda Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay muujiyeen dhabar adeeg iyo geesinimo.

Dhinaca kale safarka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee Xudur ayaa maanta soo shaac bixiyey heerka uu gaarsiisan yahay khilaafka siyaasadeed ee kala dhexeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Guddoomiyaha ayaa weji gabax kala kulmay maamulka Lafta Gareen oo aan kusoo dhoweyn degmada Xudur, maadaama uu yahay mas’uulka Koonfur Galbeed ugu sarreeya ee ku jira dowladda federaalka Soomaaliya, taas oo su’aallo badan iyo shaki dhalisay.

Aadan Madoobe waxaa garoonka Xudur uga hor tegay kaliya maamulka Bokool, kan degmada iyo dadweyne kooban, taas oo muujineyso in hoos loo dhigay soo dhaweyntiisa.

Lafta Gareen oo ku sugan Baydhabo ayaa isaga wasiiradiisuba aysan ka qeyb-galin soo dhoweynta guddoomiyaha, taas oo loo arko in uusan ku qanacsaneyn howsha uu wado, sidoo kalena caddeyneyso inuu jiro mad-madow siyaasadeed oo u dhexeeyo labada nin.

Koonfur Galbeed ayaa haatan wajaheyso xaalad siyaasadeed oo cakiran taasoo ka dhalatay doorashada kusoo foodleh maamulkaasi, waxayna xaaladdu kasii dartay markii xubnaha mucaaradka ee jooga magaalada Muqdisho ka biyo diideen muddo kororsiga Laftagareen.