25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Maxaa kasoo baxay shirkii Saciid Deni iyo KARAASH?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar oo u dhexeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni & ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaas oo ay xalay yeesheen labada mas’uul.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa ugu horreyn labada nin waxay isaga xog wareysteen xaaladaha Puntland iyo dardar-gelinta howlaha maamulka, kadib soo laabashada Deni.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sidoo kale innoo sheegay in Deni iyo Karaash ay isku soo hadal qaadeen khilaafkii dhexdooda ahaa kaas oo meesha lagu dhammeystiray, kadib markii ay horey xal hordhaca gaareen labada dhinac kadib dadaal ay sameeyeen ismimada Puntland.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale waxa ay isku raaceen in la dardar-geliyo hawlaha maamulka Puntland oo uu gaabis xoogan ku yimid, kadib khilaafkii soo kordhay.

Deni iyio Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka bilowday arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo looga guuleystay.

Heshiiskooda waxaa durbo soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada degaanada Puntland oo ugu baaqay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay wada shaqeeyaan.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheyso xaalado is biirsaday oo ka dhashay is qab-qabisiga siyaasadeed ee hogaanka maamulka iyo kuwa kale oo la xiriira bani’aadanimada.

JUBBALAND oo odayaal dhaqameed ku xir-xirtay DHOOBLEY + Sababta

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Jubbaland ayaa lagu soo warramayaa in tiro odayaal ah ay ku xireen xabsi ku yaalla magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose.

Odayaasha la xiray oo gaaraya ku dhowaad 10 ayaa laga soo qabtay agagaarka deegaanka Diif oo ay ka taagan tahay xiisad colaadeed oo u dhexeyso maleeshiyo beeleed hubeysan.

Mid ka mid ah nabadoonada xiran oo ay u suuragashay inuu la hadlo warbaahinta ayaa sheegay inay wajahayaan xaalad adag, wuxuuna shaaciyay in aysan ogeyn waxa loo xiray.

“Odayaal xiran oo nabadoono ah ayaanu nahay, waxaan ku xiranahayna waxaan ognahay maaha,” ayuu yiri mid ka mid ah Nabadoonadaasi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online odayaasha dhaqanka ee lagu xiray Dhoobley ayaa loo heystaa colaadda ka taagan deegaanka Diif, gaar ahaan saddex qof oo lagu dilay halkaasi.

Wararka aan helnay ayaa sidoo kale sheegaya in odayaasha la xiray ay qaraabo dhow yihiin maleeshiyaadka loo heysto dilka saddexda qof.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiishaJubbaland oo ku aadan xarigga odayaashaasi, balse waxaa socda dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka.

Maalmihii u dambeeyey ayaa waxaa xiisad xoogan oo u dhexeeysay maleeshiyaad beeleed hubeysan waxa ay ka taagneyd deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.

JUXA oo shaaciyey afar caqabad oo Deni sugaya kadib ku laabashadiisa Puntland

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda maamulkaas kadib markii uu kaalinta seddexaad ka galay doorashadii xilka madaxweynimo ee ka dhacday Muqdisho.

Xilligiisii ololaha doorashada wuxuu khilaaf soo kala dhex galay Madaxweyne Deni isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan (Karaash), kaddib markii Deni oo ku sugan Muqdisho uu sameeyay magcaabis xubno xilal loo dhiibay, arrintaasi oo uu ka biyo-diiday Axmed Karaash oo isaguna soo saaray war qoraal ah oo uu arrintaas gaashaanka ugu daruuray.

Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo wasiir ka soo noqday Puntland iyo Xukuumadda Federaalka ah oo la hadlay idaacadda BBC ayaaa sheegay in madaxweynaha Puntland ay hor yaalaan caqabado badan oo xalkeeda laga rabo.

“Waxaa hor yaalla Madaxweynaha xukuumaddiisa iyo baarlamaanku in ay dib u soo laabtaan. Waxaa hor yaalla khilaafka soo shaac baxay ee madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa Karaash in la xaliyo; khilaafkaas oo runtii dibadda u soo baxay, waraaqo la iska soo daba saaray, dadkuna aanay jecleysan, shaqo-maalmeedkii dowladdana curyaamiyay. Arrintaasi waxay u baahan tahay in la xalliyo, shaqadii dowladanna la dardargeliyo,” ayuu yiri Juxa.

Sidoo kale, caqabadaha kale ee horyaalla Deni ayaa waxaa kamid ah xalinta kala-irdhowgii ka dhashay doorashadii xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee lagu doortay Puntland.

Waxaa sidoo kale jirta tabasho ay qabaan dadkii xubnaha lahaa qaarkood iyo weliba qaar ka tirsan isimada Puntland oo sheegay in dowladdu ay gacan-togaaleysay xubnihii ay saxiixi jireen.

Wasiirkii hore ee arrimaa gudaha Juxa wuxuu qabaa in ay taas tahay howl dadaal dheeri ah uga baahan Madaxweyne Deni sidii uu isugu soo dumi lahaa dadka ku kala indhoobay doorashada darteed.

“Khilaaf weyn iyo kala fogaansho ayaa doorashadaas ka dhashay. Khilaafkaasi markii dambe Xamar ayuu la aaday. Waxaa muuqaneysay ardaa kasta oo olole-doorasho uu ka socdo in lagu arkaayay dad reer Puntland ah oo iska soo horjeeda, kuwaas oo halkaa ku kala qaybsamay,” ayuu yiri Juxa.

Puntland oo dhisan 24 sano waxaa la isku soo dooranayay nidaamka hab-beeleedka, Juxa wuxuu aamisan yahay in aan mar kale wejiga la siin karin jidkii rubuc qarniga la hayay.

Kulankii xildhibaanada BF oo baaqday + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku yeelan lahaayeen xarunta Villa Hargeysa ayaa baaqday, sababo la xiriira kooram la’aan, sida uu shaaicyey guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamaanka Somalia.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlayey baaqashada kulankan ayaa sheegay in inta badan xildhibaanada ay ku maqan yihiin safar, sidaasina uu dib ugu dhacay shirka.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa sidoo kale xusay in markale xildhibaanada ay isku imaan doonaan 12-ka June, wuxuuna ugu baaqay kuwa maqan inay soo gaaraan Muqdisho.

Sida qorshuhu ahaa kulankani ayaa waxaa looga hadli lahaa “akhrinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka” sida uu sheegay guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Sidoo kale ajendaha ayaa waxaa qayb ka ahaa dhaarinta laba ka mid ah Xildhibaannada cusub, sida lagu shaaciyey fariin wargelin ah oo xalay loo diray xildhibaanada.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ka horyimid baaqashada ku timid kulankii ay maanta lahaayeen, iyaga oo shaaciyey inay tahay arrin nasiib darro ah.

“Safarka wafdiga Madaxweynaha waxba kama gelin xildhibaanada, waana nasiib darro in maanta howlihii loo soo doortay ay ka maqan yihiin” ayey tiri Xildhibaan Seynab Caamir.

Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla shaqo badan oo u baahan in la dargar geliyo iyo dib u eegista xeerar kala duwan oo baarlamaankii hore u suurageli waayay inuu meel mariyo.

Si kastaba, ma aha markii ugu horreysay oo uu kooram la’aan u baaqdo kulan ay leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waana wax markasta dhaco, balse kulankan ayaa ahaa koodii ugu horreeyey marka la eego kadib doorashooyinkoo soo dhamaaday ee dalka.

DANAB oo nolosha kusoo qabatay sarkaal Shabaab ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka laga halayo gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa Danab ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano dhaca gableedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolkaasi.

Ciidamada Danab oo kaashanaya kuwa Nabad Sugidda Jubbaland ayaa beegsaday xarumo ay ku sugnaayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ay gacanta ku soo dhigeen sarkaal lagu magacaabo Maxamed Cabdi Muqtaar oo magaciisa afgarashada lagu sheegay (Saqraawi), kaas oo Al-Shabaab u qaalbisanaaa deegaanada kala ah Shabac, Gaawo, Gabdhoodle, Beerxaani, Qudus iyo Kaanjaroon oo dhammaan ka wada tirsan gobolka Jubbada Hoose.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay toogasho ku dileen afar ka mid ah ilaalada sarkaalka lasoo qabtay ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 5-aad ee guutada 16-aad kumaandooska Danab, Carab Dheeg Axmed oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalkan, wuxuuna sheegay in sidoo kale ay burburiyeen xarumo ay lacago ku qaadi jireen sarkaalka la soo qabtay iyo ragga la dilay.

Carab Dheeg ayaa sidoo kale xusay inay sii wadi doonaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay haatan ka wadaan duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ciidamada huwanta ee ka howlgala gobollada Jubbooyinka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobolladaasi.

Xildhibaanada baarlamanka oo maanta Villa Hargeysa ku yeelanay kulan muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa ku yeelanaya kalfadhigooda caadiga ah, kaasoo uu shir guddoomin doono guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madoobe”.

Baarlamaanka oo wax fadhi ah yeelan tan iyo doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana fariin qoraaleed mudanayaasha baarlamaanka loo diray lagu wargeliyay inay kasoo qeybgalaan fadhiga baarlamaanka oo furmi doona 10:00 subaxnimo.

Kulankaan ayaa looga hadli doonaa “akhrinta xeer hoosaadka Golaha Shacabka Baarlamaanka” sida uu sheegay guddoomiye Aadan Madoobe.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa horyaala shaqo badan oo u baahan in la dargar geliyo iyo dib u eegista xeerar kala duwan oo baarlamaankii hore u suurageli waayay inuu meel mariyo.

Xogta kulamada madaxweyne Xasan Sheekh ee caawa iyo Baydhaba + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta gaaray Baydhaba ayaa caawa kulamo is-xogwaraysi ah kula qaatay odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Madaxweynaha maamulkkaas Cabdicasiis Laftagareen, ayaa ku wehliyey kulamadaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa odayaasha dhaqanka ku boorriyey dardar gelinta kaalintooda ku aaddan nabadaynta, dib-u-heshiisiinta, xallinta khilaafaadka iyo isu soo dhoweynta bulshada Soomaaliyeed, isaga oo tilmaamay in duubabka dhaqanku ay udub-dhexaad u yihiin geeddi-socodka dowlad-dhiska dalkeenna.

“Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay qiraysaa doorka wanaagsan ee aad ku leedihiin dowlad-dhiska dalkeenna, nabadaynta iyo hoggaaminta bulshada. Waxaan mar walba soo dhoweynanaa talooyinkiinna wax-ku-oolka ah ee ku aaddan horumarinta dalka iyo dadka. Waxaan idinka codsanaynaa in aad nagu garabsiisaan xaqiijinta himilada shacabka Soomaaliyeed ee ah dal nabad ah, xasilloon oo horumarsan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda federaalka ee ku saabsan horumarinta arrimaha bulshada, dib-u-heshiisiinta, la dagaallanka argagixisada iyo wax-ka-qabashada xaaladaha bini’aadannimo ee ka dhashay abaaraha saameeyey guud ahaan dalka.

Dhankooda, odayaasha iyo duubabka dhaqanka ee deegaannada Koonfur Galbeed oo Madaxweynaha ugu hambalyeeyey mas’uuliyadda loo doortay, ayaa hoosta ka xarriiqay la shaqaynta dowladda iyo garab istaagga dadaalladiisa ku aaddan horumarinta dalka.

Sidoo kale waxay tilmaameen in ay ku kalsoon yihiin odaynimada Madaxweynaha, waayo aragnimada iyo fulinta ballanqaadyadiisa hortebinta u leh horumarinta dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed.

R/W ROOBLE oo guddi u magacaabay caleemo-saarka Xasan + Maalinta ay dhaceyso

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen  Rooble ayaa magacaabay guddiga amniga ee xafladda caleema saarka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan lagu qabanayo magaalada Muqdisho.

Xubnaha guddigaan oo ka kooban 7 masuul ayaa kala ah afar wasiir iyo seddax taliye ciidan, waxayna kala yihiin:

1– Wasiirka Amniga Cabdullahi Maxamed Nuur guddoomiyaha guddiga.
2– Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac
3– Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Duraan Axmed Faarax
4– Wasiirka Cadaaladda Xasan Xuseen Xaaji
5– Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage
6– Taliyaha Ciidanka Booliska Cabdi Xanan Maxamed Xijaar
7– Iyo Taliyaha NISA Mahad Maxamed Salaad

Wareegtada lagu magacaabay ee ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu yiri, “Waxaa la farayaa xubnaha guddiga ee la magacaabay inay waajibaadkooda shaqo u gutaan si hufan oo adkeeyaan amniga xafladda caleema saarka Madaxweynaha JFS.”

Sida la qorsheeyey waxaa lagu wadaa in xaflad weyn oo lagu caleema saarayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud lagu qabto magaalada Muqdisho 9-ka bisha June.

Mareykanka oo lacag badan dul-dhigay madaxa nin Somali Kenyan ah + Sababta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay abaal-marin lacageed oo gaareysa hal milyan oo dollar ay siineyso ciddii keenta xog horseedi karta xarigga mid ka mid ah laba nin oo Kenyan ah oo la baadi-goobayo, kuwaasi oo lagu eedeeyay ka ganacsiga daroogada iyo duur-joogta.

Laamaha amaanka Kenya ayaa baadi goob ugu jira labada nin ee baxsadka ah oo lagu kala magacaabo Badru Abdul Aziz Saleh iyo Abdi Hussein Ahmed.

Madaxa waaxda dambi baarista ee Kenya, George Kinoti oo wariyeyaasha kula hadlayay Khamiistii magaalada Nairobi ayaa sheegay in labada qof ee Kenyanka ah loo raadinayo ka ganacsiga daroogada iyo duurjoogta oo ku kacaya malaayiin dollar.

“Waxay ku lug lahaayeen gudbinta, qaybinta iyo tahriibinta 190 kiiloogaraam oo gees wiyisha ah iyo 10 tan oo fool maroodi ah oo laga kala keenay waddamo kala duwan oo Afrika ah, oo Kenya ku jirto, kuwaas oo loo qaaday Mareykanka,” ayuu yiri Kinoti.

Waxa kale oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin labadaan Nin daabulida iyo qaybinta hal kiilo oo daroogada nooca Heroin-ka ah oo la geeyay Mareykanka.

Kinoti ayaa sheegay in Saalax la xiray bishii June ee sanadkii 2019-kii, isaga oo la soo taagay maxkamad ku taalla Kenya, iyada oo damaanad lagu sii daayay, waxaana markii ugu dambeysay ee la arko ay aheyd December 2019. Kinoti marnaba ma soo hadal qaadin Axmed.

Saleh iyo Ahmed ayaa lagu dacweeyay dalka Mareykanka sanadkii 2019-kii, waxaana hay’adda booliska caalamiga ah ee Interpol ay soo saartay amarka qabashada tuhmanayaashan.

Eric Kneedler, oo ah u qeybsanaha safaaradda Mareykanka ee Nairobi ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ciribtirka daroogada iyo ka ganacsiga duurjoogta ay tahay mudnaanta koowaad ee maamulka madaxweyne Joe Biden, wuxuuna sheegay in Mareykanku uu kala shaqeyn doono Kenya sidii loo ciribtiri lahaa dambiyadan, kuwaas oo saameynaya labadaba dal.

Bishii Luulyo 2020, nin kale oo looga shakisan yahay ka ganacsiga duurjoogta, Abubakar Mansur Mohammed Surur, ayaa la xiray oo loo gacan geliyay Mareykanka Surur ayaa la rumeysan yahay inuu ku lug lahaa ugaarsiga sharci darrada ah ee ugu yaraan 35 wiyil iyo in ka badan 100 maroodi ah.

VOA

Sawirro: Rooble oo maanta ka dhabeeyay ballan-qaad uu sameeyay sanad kahor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xariga ka jaray dugsiga hoose dhexe ee agoonta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dhawaan loo dhisay qaab casri ah.

Agoonta Booliska Soomaaliyeed ee ay ka dhinteen askartii naftooda u huray qaranka ayaa horey wax ugu baran jirey dhisme ka sameysan jiingad oo mararka qaar wax-yeelo u geysanayay dhalinta wax ku baraneysa.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa 24-kii bishii Janaayo ee sanadkii hore ee 2021-ka ballan-qaaday in dhisme casri ah laga dhigi doono iskuulka, xiligaas oo uu booqasho ku tagay xarunta agoonta Ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Rooble ayaa xiligaas amray in iskuulka loo badelo mid u qalma ilmo ay ka dhinteen muwaadiniinta naftooda u horey qaranka, ayada oo ugu dambeyntiina uu maanta xariga ka jaray.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay munaasibad kooban oo loo qabtay xarig ka jarka iskuulkaan ayaa waxa uu kula dardaarmay mas’uuliyiinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed inay muhiimad gaar ah siiyaan agoonta.

“Waxaa rajeynaya in Iskuulkaan si deg deg ah qeybo kale, waxaana Madaxda iyo Shacabka Soomaaliyeed u sheegaya qofkasta waajib ayaa ka saaran caruurta agoonta ee waalidoontooda darteen u dhinteen, waa in laga warhayo oo la koriyo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Sawirro: Xasan oo lagu soo dhoweeyey BAYDHABA, shaaciyeyna qorshihiisa

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Baydhaba, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeeyay.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo ee Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay Masuuliyiin kala duwan oo maamulka iyo Shacabka dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo ka warbixiyey ujeeddada safarkiisa Koonfur Galbeed ayaa tilmaamay in uu ku qotomo dib-u-heshiisinta bulshada, nabadaynta iyo xallinta khilaafaadka dalka, isaga oo muujiyey sida ay uga go’an tahay hirgelinta qorshe qaran oo ku aaddan dhab-u-heshiisiinta dadka Soomaaliyeed.

“Ujeedka aannu halkan u nimid waxa uu ahaa in aannu idin la wadaagno qorsheyaasheenna ku aaddan in shacabka Soomaaliyeed ay heshiiyaan oo walaaloobaan; Soomaali heshiis ah, dunnida na heshiis la ah. Deegaankani waxa uu caan ku yahay nabadda, wada noolaanshaha, soo dhoweynta iyo dib-u-heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed, waana sababta aannu halkan uga bilownay safarkeennii koowaad. Baaqaygu waxa weeye qalbiga aan ka midowno, qalbiga aan ka heshiinno, quluubteenna aan isu furno, si aan cadowga isaga celinno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu u kuur-galayaa xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaannada Koonfur Galbeed, si wax looga qabto xaaladaha binu’aadannimo ee ka dhashay abaaraha ka jira guud ahaan dalka.

“Dalka duruufo adag ayaa ka jira oo ay abaaruhu sababeen, Waxaannu si dhow ugu kuur-geli doonnaa duruufaha ay ku jiraan dadka ay abaaruhu saameeyeen iyo guud ahaan xaaladda nololeed ee ay ku sugan yihiin shacabkeenna, si aannu farriintooda u gaarsiinno Soomaalida inteeda kale iyo caalamka ba.”

Ugu dambayn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray Xarunta cusub ee Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana Madaxweynuhu uu halkaas kulamo kula qaadan doonaa Madaxda Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Xasan Sheekh Maxamed oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda federaalka, kadib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Koonfur Galbeed oo kamid ah maamul goboleeyada ka jira dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa booqashadiisa Baydhaba, kadib u gudbi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Madaxweyne Xasan uu beri tegayo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, marka uu ka dhamaado howlaha Baydhabo

Qaban-qaabo ku aadan safarka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaas, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxay booqashadiisa u muuqataaa mid uu diirada ku saarayo maamulladii taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

 

Xog: Loolanka xilka ra’iisul wasaaraha iyo Xasan Sheekh oo hab cusub u wajahaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa hoteellada waa weyn ee Muqdisho ee ay madaxda degan yihiin soo buux dhaafiyay siyaasiyiin, waxgarad iyo aqoonyahano kasoo jeeda beesha awood qeybsiga u leh xilka Ra’iisul Wasaaraha la filaayo inuu magacaabo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiintaan oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland ayaa mid walba wuxuu orod ugu jiraa sidii uu xilka ra’iisul wasaare loogu magacaabi lahaa.

Xog ay heshay Caasimada Online oo laga soo xigtay xafiiska Madaxweynaha ayaa waxay sheegeysa inuusan markaan diyaar u ahayn magacaabista Rai’sul Wasaare ay dad kale ama mas’uuliyiin kale soo jeediyeen sidii ra’iisul wasaareyaashii hore ee 2012-2017 uu usoo magacaabayna ay ka gedisan tahay hadda.

Waxaa xusid mudan inuu Madaxweyne Xasan sheegay inuu wadatashiyo kadib isagu kaliya soo magacaabi doono Ra’iisul Wasaare uu aamini karo, iska hubo inay wada-shaqeyn karaan, mowqifyada iyo aragtida siyaasadeed ay isaga dhow yihiin, lehna sifo uu ku hoggaanmin karo xukuumadda federaalka.

Siyaasiyiinta isu sharxay inay qabtaan xilka Ra’iisul wasaare badankooda waa kuwo xilka ku raadinaayo nidaamka qabaliga ah, waxaana maamulada Puntland iyo Jubaland ay ku dagaalamayaan in madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabo shaqsi ay iyaga keensadeen, taasoo hadda madaxweynaha u diyaarsaneyn inuu ku dhaqaaqo, badalkeedna uu iskiis usoo xulan doono.

Waxaa jira dhowr siyaasi oo Xasan Sheekh uu la kulmay, kuwaasi oo uu la sheekeystay, eegayna barnaamijyadooda si uu imtixaan u mariyo.

Madaxweyne Xasan oo wareysi bixiyay wuxuu kaga hadlay mudadii uu xafiiska joogay sababtii seddax Ra’iisul Wasaare uu ula soo shaqeeyay, isagoo sheegay in dhibaatada ay tahay dastuurka qabyada ah, oo awoodii madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha is-dhinac socodsiiyey oo aysan kala jiirn kala sareyn, isaga oo intaa raaciyay ineysan jirin madaxweyne iyo ra’iisul wasaare shaqada isla dhameystay. 

Deni oo Garoowe ku laabtay kana hadlay doorashadii Xasan iyo khilaafka Karaash

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa barqanimadii maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe, oo mudo bil ka badan ka maqnaa, oo sidoo kale uu kusoo guuldareystay doorashadii xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Saciid Deni ayaa waxaa soo dhoweyntiisa ka qeybgalay ku-xigeenkiisa khilaafka kala dhaxeeya Axmed Karaash, guddoomiyaha baarlamaanka, xubno ka tirsan xukuumaddiisa, xildhibaano iyo shacab.

Saciid Deni oo ku guuldareystay doorashadii madaxtinimada Somalia ee 15-kii May uu kusoo baxay Xasan Sheekh ayaa waxaa khilaaf ka dhex qarxay isaga iyo ku-xigeenkiisa Axmed Karaash oo sheegay in xilkii uu ka qaaday Deni maadaama uu jabiyay dastuurkii Puntland iskuna sharxay xilka madaxtinimada federaalka.

Madaxweyne oo soo dhoweynta kadib hadlay ayaa u mahad celiyay dhamaan mas’uuliyiintii ka qeyb gashay soo dhaweyntiisa. Sidoo kale waxa uu sheegay in Puntland ay ku faraxsan tahay Natiijada kasoo baxday doorashadii Madaxweynenimo ee ka dhacday Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo sidoo kale si dadban u soo hadal qaaday khilaafka kala dhaxeeya kuxigeenkiisa Axmed Karaash iyo sababta keentay.

“Markasta oo doorasho dhacdo dadku waa is qoonsadaan, marka sida dadka reer Puntland lagu yaqaaney waa in aynu horey uga socona, laysna cafiyaa dibna aan la eegin,” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweyne Deni ayaa wararka la helay ay sheegayaan in uu qorsheeyay isbedelo uu ku sameeynayo qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo mas’uuliyiinta kale ee Maam

Saciid Deni ayaa todobaadkii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi oo arrimo qoys ah uu u tegay, halkaasoo ay ku xanuunsaneyso hooyadiis.

Dhinaca kale, waxaa aad loo hadal hayaa in Saciid Deni uu ka mid yahay xubnaha damaca kaga jiro in madaxweyne Xasan Sheekh uu u magacaabo xilka ra’iisul wasaare, hase ahaatee rajadaasi ayaa ah mid aad u yar.

Muxuu yahay qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh kadib safarkiisa Baydhaba?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay magaalada Baydhaba.

Xasan Sheekh Maxamed oo mar labaad loo doortay Madaxweynaha dowladda federaalka, kadib doorashadii 15-kii May ayaa safarkan wuxuu noqonayaa kiisii ugu horreeyey ee uu ku gaaro Koonfur Galbeed oo ka mid ah maamul goboleeyada ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa la filayaa Madaxweynaha inuu wada-hadallo la yeesho Cabdicasiis Lafta Gareen, kadibna uu xarigga ka jaro dhismaha cusub ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Haddaba Muxuu yahay qorshaha Madaxweyne Xasan, kadib safarkiisa Baydhabo?

Sida ay ogaatay Caasimada Online Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa booqashadiisa Baydhaba, kadib u gudbi doono magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Madaxweyne Axmed Qoor Qoor.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in Madaxweyne Xasan uu beri tegayo caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb, marka uu ka dhamaado howlaha Baydhabo

Qaban qaabo ku aadan safarka Madaxweynaha ee Dhuusamareeb ayaa haatan laga dareemayaa gudaha magaaladaas, iyada oo aad loo adkeeyey ammaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo dheeraad ah la dhigay magaalada, gaar ahaan kuwa Gorgor oo bilaabay howlgallo lagu xaqiijinayo amniga guud ee deeganka.

Xog badan lagama helin ujeedka safarka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, balse waxay booqashadiisa u muuqataaa mid uu diirada ku saarayo maamulladii taabacsanaa Maxamed Farmaajo, ka hor dhismaha dowladdiisa cusub.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed, kadib doorashadii adkeyd 15-kii bishaan May ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Ciidanka DF oo rag hubeysan ku qabtay MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo xalay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ay ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah looga fuliyey saddex degmo oo kala ah Kaaraan, Yaaqshiiid iyo Heliwaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka.

Taliye ku xigeenka qaybta Booliska ee gobolka Banaadir, Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle) oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa ka warbixiyey howlgalkan, wuxuuna sheegay in ujeedka uu ahaa ka hortaga falalka liddiga ku ah amniga, kooxaha burcadda iyo kuwa ciyaal weerada.

“Waxa aan galnay howlgal aan ka sameynay Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan oo lagu xaqiijinayo amniga guud, howlgallada ka socda Muqdisho waxaa looga hortagayaa Kooxaha nabad-diidka ah, Burcadda & dhalinyarada weerarada, waxa aan kasoo billawnay saldhigga Laaraan ilaa saldhigga Heliwaa waan ku tagnay ilaa aan ka gaarnay saldhigga Yaaqshiid, howlgalkaas sidii loogu talagalay ayuu u dhacay waana wax sii socon doona” ayuu yiri Taliye ku xigeenka qaybta Booliiska Gobolka Banaadir Cali Dhuux Cabdi (Mahad Alle).

Sidoo kale taliyaha ayaa xusay in koox dhalinyaro ah oo mid ka mid ah ay tahay Haweeney ay gacanta kusoo dhogeen, kuwaas oo haatan baaris dheeraad ah lagu wado.

Shacabka ayaa sidoo kale ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si looga hortegao falalka dhaawacya nabad-gelyada iyo kooxaha ku howlan.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ka dhacayey falal amni darro, kuwaas oo saameyn ku yeeshay nolosha dadka shacabka ah.

Sawirro: Xarunta tababarka teknoolajiyada Somtel oo si rasmi ah tababar ugu furtay ardayda laba jaamacad

Tababarkaan Waxa uu Soconayaa Muddo 6 bilood ah iyadoo ardayda Lagu Tababari  doono 10 Taqasus oo La Xiriira Kuliyadaha  Engineering & iT-da

Dhismaha Xarunta Tababarka Tiknoolujiyada Somtel & qalabeynteeda Intaba waxaa Ku baxay qarash dhan 1.9 Million  oo doolar iyadoo loogu Talagaly in Si lacag la’aan ah Tababar Lagu siiyo ardayda Soomaaliyeed ee Wax ka barta Jaamacadaha dalka & Kuwa ka qalin badashay intaba.

Ugu horeyntii Waxaa daah-furay Tababarka Maareeye ku xigeenka Somtel  ahna  Madaxa Howl-fulintq Somtel  Mudane :Aden Xaaji   Yusuf Ibrahim  oo Ku dheeraaday ahmiyada Tababarkan Waxa uu tibaaxay in Somtel ay sii wadi doonto Tababarada Nuucaan oo Kale ah isagoo Ka dhawaajiyay in Tababaro  Sare  oo casri ah ( Advanced Trainings) ay Shirkadda dhawaan Soo kordhin doonto

“ Waxaan ku faraxasanahay in  Xarunta Tababarka Tiknoolujiyada aan Ku bilowno ardaydii ugu horeysay  oo maanta Tababarka aan u fureyno Waxa ay isugu jiraan qeyb IT ah  & Qeyb ( Telecommunication Field) ah Sida aad ka warqabtaan ardayda Marka Casharada lasiinayo waxa ay Makaxda Ku Weeleyn karaan oo kaliya 25% Fursadaha Tababar ay bixineeyso Xarunta  tababarka Tilnoolujiyada somtel waa Fursadi isku mid ah dhamaan Jaamacadaha dalka & ardaydooda intaba Umad Waliba Hormarkeeda waxa ay KU xirantahay Heerka  ay tiknolujiyada ka gaartay Waxaan U sameeynay  jamaacadaha & ardayda Jadwal Cad oo qolo waliba waqtiga loo asteeyay ayey  tababarada qaadan doonaan Waxaan  soo kordhin doona Kuliyaaha cilmiga ah oo iyagana Muhiim ah  Ugu dambeybtii Waxaan U Mahad-celinayaa Milkiilaha Dahabshil  Xaaji Maxamed Saciid Ducaale oo Ugu Deeqay ardayda Soomaaliyeed (1.9 Milion) doolar oo lagu dhisay Dhismaha Xaruntan Tababar & qalabeynteeda intaba”

Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka hadlay Maamule Ku axigeenka Waaxda farsamada  Eng Muxudiin Cali  Yusuf oo tilmaamay  in shirkaddu  balan-qaadyo  rasmi ah u fidisay ardayda Soomaaliyeed

“Waxaan Tababro  qoto dheer Siin doonaa ardayda  kuliyadaha Engineering & it-da Waxaan hubin doonaa in baraatikada Si dhab ah U wada qaateen dhamaan ardayda Jaamacadaha dalka  ee Xarunta Tababarada U fidineeyso Waxaa Tusaale idiin-kugu filan ardayda Jaamacadaha SIU & Jamhuuriya oo Maanta Tababarka u bilowday  Waxaan rajeeyneeynaa iyagoo Xirfadlayaal ah inan Tababarka U Soon xiro ardayda Inta uu Tababarka uu Socdo Waxaan Ku tababar Ku qaadan Donaan  maadooyinka Kala ah (- *) ISP/SPLACING    *) IT     *) CORE AXESS NETWORK  *) DATA COM NETWORK   *) PSTN/NGN  *) RNPO *) OCS  *) POWER HYPRID SCENARIOS  *) TRANSMITION  * ) VSAT  *) WIRELESS)”

Waxaa Sidoo Kale Munaasabada ka hadlay Hormuudka Kuliyada  Engineering & Computer Technology  ee Jaamacada SIU  Mudane: Eng: Maxamed Cali  khaliif oo Ku hadlayay Codka Jaamacadaha ardaydooda Tababarka U furmay

“waan Ku faraxdanahay In Maanta Xarunta Tababarka Tiknoolujida Somtel ay Tababarada ay qabaneyso Ku bilowday ardaydeena Waan uga Mahad-celineeynaa Sida ay inooga Caawiyeen dhinaca Baraatikada oo dalka oo idil Kama jirto  Xarumo Tababar qalabeysan oo baraatiko lagu siiyo ardayda Soomaaliyeed waa Markii ugu horeysay  Xarun  Nuucaan ah oo ardayda weliba si lacag la’ aan ah tababaro Lagu siinaayo Waxaan rajeeyneeynaa In la badiyo Xarumaha Tababarka  Nuucaan ah si ay u daboosho baahida  ardayda Somtel.”

 Ugu dambeyntii Qaar ka ka Mid ah ardayda Jaamacadaha SIU & Jamhuuriya oo iyaguna dareenkooda  Muujiyay & Sida ay ugu faraxsanyihiin XarunTababar ay Somtel ay  Soo Kordhisay

“Waan ku faraxsanahay inan Maanta fursad u helno ardaydii ugu horeeyay ee Lagu daah-furay Tababarada ay bixineyso xarunta Tababarka Tiknoolujiyada Somtel Waxan ka koobanahay Ku dhawaad 100 arday oo ka Socda  jaamacadaha  Jamhuuriya & SIU oo Maanta  Lagu bilaabay Tababarka Waxaan rajeeyneeynaa Marka  tababarka inoo dahamaado inan baraatiko dhameystiran halkan kala tagi  doono taasoo Marka an suuqa shaqada tagno  ka dhigeeysa ianan Noqono arday Xirfadlayaal.”

Si kastaba ha ahaatee Waa Xaruntii Tababar ee ugu horeysay ee Shirkad ganacsi furtay  abid oo Si bilaash ah Wax lagu barayo arday Soomaaliyeed ee wax ka barata jaamacadaha dalka & kuwa ka qalin badashay intaba.

Dowladda Xasan Sheekh oo wajaheysa caqabad dhaqaale oo deg deg ah + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online)  – Guddiga Maamulka Maaliyadda Soomaaliya oo ay ku jiraan khubaro Soomaali iyo ajaanib ah ayaa ugu baaqay dawladda cusub ee Soomaaliya inay qaaddo tallaabooyin deg deg ah oo la xiriira dakhliga iyo misaaniyadda dawladda iyo weliba qandaraasyada.

Guddigu waxay sheegeen in dib u dhicii ku yimid doorashada iyo xilliga kala-guurka ah oo dheeraaday ay carqaladeeyeen kabkii miisaaniyadeed ee beesha caalamku siin jirtay Soomaaliya.

Warbixin uu guddigu soo saaray ayaa saldhig looga dhigay digniintaan, waxayan xubnaha guddigaasi ka kooban yihiin wasiirka maaliyadda, wakiillo kala metelaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyo wakiillo ka socda hey’adda IMF, Bangiga Adduunka, Bangiga Horumarinta Afrika iyo beesha caalamka, gaar ahaan Midowga Yurub.

Wuxuu guddigaani ka digayaa in dowladda cusub ay ku adkaa doonto bixinta musharaadka shaqaalaha iyo ciidamada dowladda, xilli ay dhawaan hey’adda IMF seddax bilood ku kordhisay bixinta kharash ay ku kabto miisaaniyadda Soomaaliya oo gaaraya $400 oo milyan, si dowladda cusub ay fursad ugu hesho dhameystirka nidaamka maaliyadeed.

Warbixintaan waxaa lagu iftiimiyey in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh looga baahan yahay in deg deg ay heshiis ula gasho hey’adda lacagta adduunka ee IMF.

Talooyinka looga badbaadi karo firaaqa maaliyadeed ee Soomaaliya ku wajahan ee guddigaan uu soo jeediyey waxaa ka mid ah, in dowladda looga baahan yahay inay xoogga saarto kobcinta daqliga gudaha.

Guddigaan wuxuu ku taliyey in Xasan Sheekh uu soo dhiso dowlad kooban, sidoo kalena aysan dowladu sameyn mushaar kordhin, “Dowladda oo lasoo kobo waxay muhiim u tahay xaqiijinta maamulka kharashaadka dowladda,” ayaa lagu yiri warbixintaan.

Warbixintaan waxaa shaaca looga qaaday in dowladda Soomaaliya ay sanadkii 2020-kii heshay kabkii miisaaniyadeed ee ugu badnaa, kaas oo gaarayey 180 milyan oo dollar, balse markii ay doorashadu dhaaftay waqtigeedii uu caalamku joojiyey kabkii miisaaniyadda.

Ku dhawaad 39 milyan oo dollar ayuu sanadkii hore hoos u dhaga dhacay kabkii miisaaniyadda, taas oo aysan ku jirin in ka badan labo milyan oo dowladda Turkiga ay siisay Soomaaliya sanadkii hore.

Sanadihii 2014-kii ilaa 2021-kii ayaa lagu sheegay warbixintaan in daqliga gudaha ee dowalssa uu kordhay 170%, sidaas oo ay tahay daqliga gudaha wuxuu bixinayey 50% wax ka yar kharashaadka dowladda, taasi waxay keentay in bil kasta kharashka ka baxayey dowladda uu is dhimo 8 milyan oo dollar, sida lagu shaaciyey warbixintaan.

Guddigu wuxuu intaas ku daray in dib u dhacyadii doorashada ay halis geliyeen barnaamijyadii dhaqaale ee IMF ay la waday Soomaaliya, maadaama ay hey’adda u suurta geli weysay inay dhameystirto dib u eegistii dhaqaale.

Sidoo kale guddigu wuxuu ka digay in hadii IMF ay barnaamijyadeed ku dhameystiri weyso ilaa 17-ka bisha Agoosto ee sanadkaan, uu is taagi doono barnaamijka kabka dhaqaalaha.

Guddiga Maamulka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale dowladda cusub ugu baaqay in dowladda cusub ay siyaasad cad ka yeelato arrimaha qandaraasyada, sida kuwo cusub iyo kuwii horaba.

“Wasiirrada qaar waxaa laga yaabaa inay baabi’iyaan qandaraasyo hore oo kuwo cusub ay galaan, iyagoo aan raacin sharciyada qandaraaska, falalka noocaas ahna waxay deg deg u wiiqi karaan sumcadda maamulka cusub, gudaha iyo dibadaba, waxaa loo baahan yahay in wasiirrada Soomaaliya loo cadeeyo inay bixinta qandaraasyada u maraan hanaan sharci ah,” ayaa lagu yiri warbixintaan.

Guddigu wuxuu tusaale u soo qaatay heshiiskii bishii Febraayo uu wasiirka batroolka Soomaaliya la galay shirkad shidaalka baarta oo laga leeyahay dalka Mareykanka, kaas oo markii dambe ay baabi’isay xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Dowladda cusub waa inay ka baaraan degto heshiiskaas 7 xirmo ee uu saxiixay wasiirka batroolka, waa in dowladdu ay isku diyaariso tilaabooyin dhinaca sharciga ah oo kazoo bixi kara, hadii ay go’aansato inay baabi’iso heshiiskaas,” ayaa lagu yiri warbixinta uu soo saaray Guddiga Maamulka Maaliyadda Soomaaliya.

Sawirro: Koonfur Galbeed oo dhisatay madaxtooyada quruxdeeda lala cajabay

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhaba ka dhistay madaxtooyo cusub oo habka loo sameeyey aad usoo jiidatay bulshada Soomaaliyeed.

Madaxtooyadan ayaa waxaa xariga madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku tagay magaalada, halkaasi oo sidoo kale uu wada-hadallo kula leeyahay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen. 

Madaxtooyadan oo sawirradeeda xalay lagu baahiyey bogga facebook ee Koonfur Galbeed ayaa loo dhisay hab aad u qurux badan, waxaana sida muuqata ku baxay qarash badan. 

Si kastaba, sawirrada ayaan lagu bixin wax faah-faahin ah oo ku saabsan madaxtooyada, sida inta qol ay ka kooban tahay, qarashka ku baxay iyo waxyaabaha kale ee ay wadato.

Caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ah magaalada Baraawe, hase yeeshee maamulka ayaa tan iyo intii la dhisay ku shaqeynayey Baydhaba, mana muuqata inuu ka guuri doono xilli dhow kadib dhismaha madaxtooyadan. 

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, oo bishii December 2018 uu xukunka Farmaajo ku keenay awood ciidan oo dhiig uu ku daatay, ayaa muddo xileedkiisu ku egyahay bisha December 2022.

Magacaabista Mahad Salaad ee agaasimaha hay’adda NISA iyo tusaalaha CIA-da

Muqdisho (Caasimada Online) – Su’aalo badan ayaa ka dhashay go’aanka xildhibaan Mahad Salaad loogu magacaabay taliyaha hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya (NISA).

Inkasta oo magacaabista Mahad Salaad ay ansixiyeen Golaha Wasiirada, haddana Caasimada Online ayaa fahamsan inuu ku yimid rabitaanka madaxweyne Xasan Sheekh oo aay aad isugu dhow yihiin madaxweynaha. 

Xubno markii horeba mucaaradsanaa Mahad Salaad iyo madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaliilay go’aankan, ayaga oo waxa ugu weyn ee ay ku durayaan ay tahay in Mahad Salaad uusan laheyn khibrad sirdoon iyo mid amni.

Hase yeeshee, inaad noqoto taliye hay’ad sirdoon ma u baahan tahay inaad leedahay khirbad amni iyo mid sirdoon ama aad horey uga soo shaqeysay? 

Aan ka tusaale qaadano hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka, Central Intelligence Agency (CIA oo ah hay’adda sirdoon ee ugu weyn uguna awoodda badan caalamka.

Joe Biden iyo William Burns 

Madaxweyne Joe Biden wuxuu markii uu xukunka la wareegay agaasimaha hay’addan u magacaabay William Burns oo ah diblomaasi rug caddaa ah, oo aan weligiis sirdoon iyo amni midna kasoo shaqeyn.

Kahor xilkan, Burns wuxuu soo noqday ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka 2011 illaa 2014. Waxaa sidoo kale diiwaankiisa shaqo ka mid ah inuu soo noqday safiirka Mareykanka ee Jordan 1998-2001 iyo safiirka Mareykanka ee Ruushka 2005-2008

Burns waxa uu sidoo kale soo noqday kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha Bariga Dhow 2001-2005, iyo ku-xigeenka xoghayaha arrimaha dibedda ee arrimaha siyaasadda 2008-2011. 

Xitaa waxbarasho ahaan, Burns marna sooma baran wax la xiriira amniga iyo ciidamada. Waxa uu shahaadada heerka koowaad ee Jaamacadda ka qaatay La Salle University isaga oo bartay taariikhda. Wuxuuna shahaadada Master-ka iyo PhD ku haystaa xiriirka caalamiga ah oo uu ka qaatay Jaamacadad Oxford ee London. 

Waa sax in CIA-da ay madax kasoo noqdeen shaqsiyaad weligood kasoo shaqeynayey sirdoon ama militariga, sida gabadhii ka horeysay Burn ee Gina Haspel oo sarkaal sirdoon ahaan jirtay, balse taas macnaheedu ma ahan inay ayaga u gaar tahay.

Xitaa hay’adda dambi baarista Mareykanka ee FBI-da oo sidoo kale ka shaqeysa sirdoonka gudaha waxaa madax ka ah Christopher Wray oo aan amni iyo ciidan weligiis kasoo shaqeyn. Wray waa qareen sharciga ka bartay Jaamacadda Yale. 

Xasan Sheekh iyo Mahad Salaad

Xildhibaan Mahad Salaad waxa uu shahaadada heerka koowaad ee culuumta siyaasadda (Political Science) ka qaatay Jaamacadda October 6 ee Qaahira, isaga midda heerka labaad ee xiriirka caalamiga ahna uu ka helay Jaamacadda Cairo. 

Waxa uu sidoo kale muddo ka badan 10 sano soo ahaa xildhibaan federaal, isaga oo xubin ka noqdo guddiyo heer federaal oo dhowr ah. Wuxuu sidoo kale xilal wasiiro dowle. 

Waxa ugu muhiimsan ee madaxweyne uu ka doonayo qofka uu ka aaminayo gacan ku haynta sirta qaranka waa aaminaad iyo inuu ku kalsoon yahay, islamarkaana si wanaagsan wax u maamuli karo.

Hay’adda NISA waxay shantii sano ee lasoo dhaafay ay aheyd hay’ad ka leexatay tubteedii. Waxaa loo adeegsan jiray arrimo siyaasadeed, waxaa ku dhexmilmay Al-Shabaab, waxaana ay noqotay goob tusaale u ah ku takrifal awoodeed. 

Xitaa waxaa jira xog sheegeysa in hay’addan ay dhageysaneysay taleefonada xubnaha kale ee dowladda ama mucaraadka kasoo horjeeday Farmaajo.

Waxay u baahan tahay nadiifin muddo badan qaadan doonto, mana ahan shaqo qof kasta lagu aamini karo, waana taas sababta uu madaxweyne Xasan Sheekh u doortay qofkii uu islahaa waa ugu aaminaad badan tahay.

Cidna Mahad Salaad kama fileyn inuu dibedda aado ee uu sir soo ururiyo, shaqadaas waxaay u taalla wakiilada hay’adda iyo madax qeybeydyada farsamo.

Haddii diblomaasi uu madax ka noqon karaa CIA, ma jirto wax u diiday xildhibaan Mahad Salaad inuu isna maamulo NISA. 

Xog: SACIID DENI iyo ku xigeenkiisa oo heshiis gaaray

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Garoowe ayaa sheegaya in xal waara laga gaaray khilaafkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Deni iyo Axmed Karaash oo isku qabtay arrimaha maamulka.

Wada-hadallo ay garwadeen ka ahaayeen xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Puntland iyo Isimada maamulkaasi,kadib ayaa lagu guuleystay in lasoo afjaro khilaafka labada nin oo gaaray meeshii ugu sarreysay, sida ay  xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Deni iyio Karaash ayaa khilaafkooda wuxuu ka bilowday arrimaha Dastuurka, kadib markii Madaxweyne ku xigeenka uu shaaciyey inuu la wareegay awooda maamulka, ka gadaal markii uu Deni isku soo sharraxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo looga guuleystay.

Sidoo kale waxaa arrinta uga sii daray, kadib markii uu Karaash qaaday tallaabooyin isugu jiray xil ka qaadis iyo magacaabis, taas oo isna ka hor yimid Madaxweyne Saciid Deni.

Dhanka kale wararka ayaa sheegaya in haatan is faham laga gaaray xiisadda labada dhinac, waxaana la filayaa in Axmed Karaash uu maanta ka qayb-galo soo dhowaynta Siciid Deni oo tegaya Garoowe kadib safarkiisii Muqdisho oo uu uga sii gudbay caasimada Nairobi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online labada nin ayaa sidoo kale si wadajir ah saaxafadda ula hadli doono marka ay isugu tegaan Garoowe, si ay u shaaciyaan in la dhameeyey khilaafkii dhexdooda ahaa, loona sii amba qaado howlaha maamulka iyo hore u socodka Puntland.

Heshiiskan ayaa waxaa durbo soo dhoweeyey qaybaha kala duwan ee bulshada degaanada Puntland oo ugu baaqay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa inay wada shaqeeyaan.

Si kastaba, Puntland ayaa haatan wajaheyso xaalado is biirsaday oo ka dhashay is qab-qabisiga siyaasadeed ee hogaanka maamulka iyo kuwa kale oo la xiriira bani’aadanimada.