25.6 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Soomaalida ku nool dalka KENYA oo dalab xasaasi ah u diray madaxweyne XASAN

0

Nairobi (Caasimada Online) – Soomaalida ku dhaqan dalka Kenya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, gaar ahaan dowladda cusub ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Culumada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay rajo wanaagsan ka qabaan in madaxweynaha cusub uu dib u hagaajin doono xiriirka ganacsi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya kaas oo xumaa sanadihii lasoo dhaafay.

Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul oo ka mid ah guddiga Ganacsatada Soomaalida ee Kenya oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa ugu baaqay Xasan Sheekh inuu ka dhabeeyo hadalkiisii ahaa Soomaali wada heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

“Badqabka iyo wanaaga darisnimada waa muhiim, waana tii uu kaambeynka ku galay Madaxweyne Xasan Sheekh uu lahaa Soomaali wada heshiis ah, dunidana heshiis la’ah, marka in dunida heshiis lala ahaado waa wax u wanaagsan dalka iyo dadka,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul sii raaciyey “Rajo xoogleh ayaa waxaan ka qabnaa inay bilaabeyso arrintan iskaashi wanaag isku soo dhowaasho,”.

Ugu dmabeyn wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in lasoo celiyo xiriirka ganacsi ee labada dal, isla-markaana la’isku furo xadka Soomaaliya iyo Kenya.

“Runtii waxaa muhiim ah in ganacsigii dib loo soo celiyo in la abuuro xarumo kastam oo badeecada Soomaaliya kasoo geli karto oo meelo badan ayey ka timaadaa suuq weynbaa halkan ku yaalla oo dadka Soomaaliyeed ay ka faa’iideysan karaan,” ayuu markale yiri.

Kenya ayaa xiriir ganacsi iyo darisnimo ay kala dhexeysaa Soomaaliya, balse wuxuu xiriirku xumaaday markii ay is qabteen Madaxweyne Farmaajo waxayna taas sababtay inuu istaago ganacsigii ka dhexeeyey labada dhinac, sidoo kalena la xiro xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Xog: Madaxweyne XASAN SHEEKH oo arrimo xasaasi ah kala hadlay FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo markiisii seddaax shalay tegay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kulan dheer la qaatay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo Villa Somalia ka tirsan, kulankii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa diiradda lagu saaray arrimo xasaasi oo dalka ka dhacay intii uu xukunka joogay Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu Farmaajo hor dhigay weydiimo ku aadan hanaanka ay ku maqan yihiin dhalinyaradii la sheegay in tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, xilliga lagu heshiiyey in dalka lagu soo celiyo iyo documentiyada heshiiskii lagu qaaday.

Sidoo kale arrimaha xasaasiga ah ee Xasan Sheekh uu shalay Farmaajo kala hadlay waxaa ka mid ah, sida laga yeelayo dembiyadii dalka ka dhacay iyo qaabka loola xisaabtami karo dadka ku eedeysan.

Ilaha ay xogtaan ka heshay Caasimada Online ma xusin heshiis ay isla meel dhigeen Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo berri lagu wado inay xukunka isku wareejiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dalka uu deg deg ugu soo celi doono dhalinaradaas ku maqan Eritrea, hadii loo doorto xukunka, waxaana durba waalidiinta Soomaaliyeed ka soo yeeray codsiyo Xasan Sheekh looga dalbanayo inuu fuliyo balan-qaadkaas oo wiilashoodii uu dalka ku soo celiyo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dhalinyaradaas oo laga soo uruuriyey dhamaan gobollada dalka waxaa la isugu keenay Muqdisho oo diyaarado looga daabulay, waxaa la sheegay in tababar loo geeyey dalka Eritrea.

Tirada dhalinyaradaan waxaa lagu qiyaasay 7 kun, waxaana lagu siray in tababar iyo shaqo ciidan loo geynayo dalka Qatar, balse loo dhigay Eritrea, ilaa hadana lama yaqaan xaaladda ay ku sugan yihiin.

Dhageyso: Taageerayaasha Farmaajo ee baraha balshada oo billaabay arrimo naxdin leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhalinyaradii baraha bulshada ka taageeri jirtay Madaxweyne Farmaajo ee loo bixiyey CBB (Cayayaanka baraha bulshada) ayaa la soo baxday wejiyo cusub, kadib markii dhowaan xukunka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxaa maalmahaan baraha bulshada aad loogu faafiyey muuqaalo ay iska soo duubeen dhalinyada CBB, kuwaas oo caro badan ay ka muuqato, qaarkood waxay ku guudinayaan inay is qarxi doonaan, halka qaar kalena ay wacad ku marayaan in Muqdisho ay gubi doonaan.

Waxay baraha bulshada ka billaabeen baaqyo ku aadan in wax la dilo, qaraxyo la sameeyo, la beegsado madaxda dowladda cusub, islamarkaana la gubo suuqyada Muqdisho, waxaana yaab leh in kadib baaqyadan uu gubtay suuqa Banaadir ee Muqdisho.

Waxay falalkan ugu baaqayaan in dowladda cusub la geliyo marxalad adag, si aysan u hanaan maamulka dalka.

Dhalinyaradaan oo ku kala sugan dalka iyo dibadiisa qaarkood Farmaajo waxay ugu yeeraan Aabe, waxayna horay ugu caan baxeen caayda siyaasiyiinta, balse hadda waxay wajahayaan xaalad quus ah.

Qaar kale waxay sii wataan dacaayadaha ay ka faafinayaan madaxda cusub ee dowladda Soomaaliya, halka qaarna ay maalin kasta oohin iyo baroor la soo fariistaan barahooda gaar ah ee Social Media-ha.

Dadka taageera Farmaajo waxay u badan yihiin dhalinta ku foogan aaladaha Social Media-ha, haba u badnaadaane TikTok-ga, hadda markaad u fiirsato afkaartooda waxay muujinayaan xaalad quus ah, waxay aad uga naxeen guul darradii Farmaajo ee doorashadii dalka, qaarkood waxay habaarayaan dalka, dadka iyo dowladnimada Soomaaliya, waxayna muujinayaan inay jeclaan lahaayeen in hadii Farmaajo xukunka ka tegay aysan dowladnimo ka dambeyn.

Waxaa cajiib ah, sida ninkaan uu maskaxda uga degay inta badan, caamada, caruurta, haweenka iyo dhalinyarada soo hana-qaaday sanadahaan ee wax kala fahantay wixii ka dambeeyey markii la doortay Farmaajo, 2017-kii.

CBB waa magac uu bixiyey siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaa la yiraa dhalinyaro badan oo aad Social Media-ha uga taageerta Madaxweyne Farmaajo, intooda badan waxaa la sii jiray san-dareerto ay siyaasiyiinta kale ku caayaan, kuna buun-buuniyaan dacaayada ay soo maleegaan kooxdii xukunka joogi jirtay ee Farmaajo.

Waxay u sameysan yihiin guutooyin ku xariira groupyo WatsApp ah, balse hadda waa ka soo xirmay Jabterkii biilka Farmaajo, waxayna dhalintaasi wayahaysaa quus aan horay u soo marin wiilal iyo gabdho Soomaaliyeed.

Dowladda cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh caqabadaha ugu horeeya ee qabsa doona waa dacaayadaha CBB, kooxahaan dhalinyarada ah ee aadka u qabatima inay dacaayado ku faafiyaan barahooda gaarka ah ee Social Media-aha, waxay badankood aaminsan yihiin in dowladnimada dalka aysan ka dambey doonin Farmaajihii xukunka looga guuleystay.

Halkee la geeyey dadkii ay ciidamada ATMIS kasoo wateen gobolka Sh/Dhexe?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa sheegaya in ciidamada howlgalka ATMIS ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi, kaas oo ay ku xireen dad shacab ah.

Ciidamada ayaa lagu soo warramayaa in ku dhowaad 10 qof oo shacab ah ay gacanta kusoo dhigeen, iyaga oo ku eedeynaya inay la shaqeynayeen kooxda Al-Shabaab.

Sida ay ogaataday Caasimada Online dadkan shacabka ah ayaa loo soo gudbiyey magaalada Muqdisho, si loogu sameeyo baaris dheeraad ah.

Lama oga siday ay Ciidamada ATMIS ka yeelayaan dadkan, maadaama la keenay xaruntooda dhexe oo ku taala Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale dadka deegaanka iyo qaar ka mid ah ehellada ragga lasoo qabtay ayaa dalab u diray dowladda Soomaaliya, waxayna ka codsadeen in loo soo daay, wiilashadooda, iyaga oo iska fogeeyey eedeynta loo jeediyey.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay ATMIS oo la xiriira howlgalkaas iyo dadka lagu soo qabtay.

Arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhawaan ciidamada ATMIS looga dilay askar badan weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

DDF waa sababta shacabku u taageereen Xasan Sheekh

Marka hore aan ogaano ereyadda laga soo gaabiyey DDF. DDF waa sedex xaraf oo u taagan sedexda erey ee kala ah Dastuuri Dimuquraadi Federaali, 3-da erey waa kuwa astaanta u ah jiritaanka aasaasiga ah ee dowladnimo casri ah. Shacabka ayaa ku bartey Mudane Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ahaanshaha hogaamiye ah DDF xiligiisii 1aad ee uu xilka hayey 2012 ilaa 2017, Madaxweynihii 8aad JS. Hadana, shacabka ayaa ku xaqiiqsadey DDF-nimadda Md.Xasan khudbadiisii 14.05.22 uu ka horjeediyey kulanka Golaha Shacabka labada aqal taasoo dadka Soomaaliyeed u cadeysey in Musharax Xasan Shiikh uu u qalmo inuu noqdo Madaxweynaha JFS maadaama uu ahaa welina ku taagan yahay mabda’ DDF ee ay ku dhisan tahay Jamhuuriyaddda Federaalka Soomaaliya. Bal aan isla eegno hadaladii uu Xasan Shiikh ka yiri markii uu ka hadlayey arrimaha DDF. 

Dastuurka

Ballan-qaadyadda Madaxweynaha waxay wada ahaayeen Dastuuri, khubadiisa wuxuu diirada ku saarey qodobo muujinaya ilaalinta dastuurka. Gaar ahaan ilaainta xuquuqaha muwaadinka ee ka qeyb-qaadashada siyaadasadda, amaankiisa, helitaanka cadaalad iyo cabsigalin  la’aan. Md. Xasan ayaa yiri….. Waxaan ballan-qaadaya in sharafta iyo karaamadda dadka iyo dalka Soomaaliya aad loo ilaaliyo, waxaan ballan-qaadaya in qof muwaadin Soomaaliyeed aan dal kale loo dhiibin, waxaan ballan-qaadayaa qof Soomaali ah fikirka siyaasiga uu aaminsan yahay in aanan loo caburin loona cadaadin, waxaan ballan-qaadayaa in dalka deegaano kamid ah inaanan lagu soo rogin cunaqabteyn iyo cadaadis dhaqaale iyo mid siyaasadeed. Igama fileysaan in mashaakilaadka siyaasadeed ee dalka ka jira qori lagu xaliyo, in caburin lagu xaliyo, in cabsigalin lagu xaliyo, waxaan aad uga shaqeyn doonaa in qofka Soomaaliga maskaxda xor ka ahaado, caqli iyo damiirkana uu xor ka ahaado, aanu ku noolaan cabsi, aanu dhinacyaha fiirfiirin marka uu ra’yigiisa cabirayo. Waxaan waasicin doonaa saaxadda siyaasadda si ay dadka Soomaalida ay ra’yigooda si xornimo ah ugu soo bandhigaan. sidoo kale, dib-u-heshiinta siyaasadeed ayuu ka yiri in dastuurka oo si dhamasytiran loogu heshiiyaa ay tahay sababta keeneysa dib-u-heshiin siyaasadeed, wuxuu yiri “Dib-u-heshiisiinta Siyaasadda waxaa aasaas u noqon doona Dastuurka dalka loo diyaarinayo, haddii dastuurka qodobadiisa lagu heshiiyo waxaan aaminsan nahay in dib-u-heshiisiinta siyaasadda ay meel gaartey laguna dhaqmi doono”.

Dimuquraadiyadda

Md. Xasan ayaa yiri….. Dalkan kama suurowdo inay dib ugu soo laabato diktatooriyad oo qofi xukunka iska joogo, asagoo aan heysanin sharciyad. Dalkan kama suurowdo koox gaar ah ama heyb gaar ah iyo deegaano gaar ah inay yiraahdaan dalka xukunkiisa annagaa la wareegney. Waxaan aasaas uga dhigaynaa dimuqraadiyadeena xisbiyadda siyaasadda. Waxaan abuureynaa nidaam in dadka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan hey’adaha dastuuriga ah. Dhisida kalsoonidda dadka ee ku salaysan dimuquraadiyadda waa aasaaska aan doonayno inay dimuquraadiyeynta sal u ahaato.

Federaalka

Md. Xasan ayaa yiri…..Waxaa la sii xoojinayaa oo aan daadajin doonaa nidaamka federaalka oo ilaa iyo heer degmo iyo heer tuulo la gaarsiin doono, si mabaadii’dii federaalka ee aheyd xukunka iyo dowladnimadda in loo dhoweeyo dadka taladooda iyo talada dalka guud ahaanba. 

Khudbadan ayaa keentey in Mudane Xasan Shiikh uu ku soo baxo  65.4% codadka golayaasha shacabka 2022, halka Madaxweynehii ka horeeyey uu 2017 ku soo baxay 56.3%. Farqiga boqoleyda ee ay labada Madaxweyne uu midba mar ku guulaystey ayaa tilmaamaya sida dadka Soomaaliyeed u tabeen fikirkii Xasan Shiikh ee nidaamka dowladnimo ee ku dhisan DDF, ayna u doonayeen in fikirkaas la soo celiyo uuna noqdo mid hadda ka dib la waariyo.

Dowlad Dastuuri Dimuquraadi Federaali ah. 

Hassan Said Mohamed
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Sawirro: Madaxii qaraxyada Al-Shabaab oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Marka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Magaalada Marka waxa ay ku soo qabteen Sarkaal la sheegay inuu ka tirsan yahay Ururka Al Shabaab.

Hawlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 14aad ee Guutada 14-ka October ee Ciidanka Xoogga Dalka, Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye.

Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegtay in Sarkaalka hawlgalka lagu soo qabtay uu yahay Aweys Mayow Maxamed (Eelaay), Madaxii Qaraxyada Shabaab ee Magaalada Marka.

Gaashaanle Cabdiraxiin Maxamed Munye ayaa sheegay in hoyga ninkaasi laga soo helay bambada nooca gacanta laga tuuro iyo miino, tan dhulka lagu aaso ah.

Taliyaha ayaa ninkaasi ku eedeeyay in xilligii gacanta lagu soo dhigayay uu ku howlanaa miino uu doonayay in uu ku aaso magaalada gudaheeda, uuna qorshihiisu ahaa in uu ku gumaado shacabka, sida uu yiri. Baaritaano ay ku sameeyeen hoygiisa ayuu sheegay inay ugu suurtagashay in qaraxyadaasi ay gacanta ku soo dhigaan.

Shabaabka ayaan ka hadlin Sarkaalka la sheegay inuu iyaga ka tirsanaa ee lagu qabtay Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose.

Xog: Sidee noqon doonaa waayaha cusub ee Farmaajo, maxaase laga filayaa?

Muqdisho (Caasimada Onine) – Madaxweynihii laga adkaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa asbuucaan kasoo dhamaanaya xarunta Villa Somalia halkaas oo uu daganaa shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dib ugu laabanaya halkii laga saaray shan sano ka hor ee Villa Somalia isagoo si sharci ah loo doortay 15-kii bishaan

Farmaajo ayaa billaabay inuu usoo guuro guri ku yaalla bartamaha waddada isku xirta KM4 iyo garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay sidoo kale siyaasiyiin badan dagan yihiin.

Guriga uu Farmaajo usoo guurayo waxaa daganaa bishii ugu dambeysay hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, balse kooxda Farmaajo ayaa la sheegay inay iyaguna gurigaasi markii hore kireeyeen si loogu qabto howlo la xiriira ololaha dib u doorashada.

Taageerayaasha Farmaajo waxa guul u arkaan inuu Farmaajo guri kiro ah ka dagayo magaalada Muqdisho xilli uu shan sano talada hayey, taasoo xoojineysa cinwaanka ay isku sifeeyaan ee ammaanada.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu markii uu sal dhigto kadib inuu maro dhaarta sharciga ah ee xildhibaanimada maadaama uu noqonayo xildhibaan aan waligiis dhicin oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa labada nin ee heysata darajada xildhibaanka aan dhicin ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha laga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxay sheegeen inuu dhawaan la hadli doono jamaahiirtiisa oo weli sida muuqata qaadan la’a guuldaradii 15-kii May.

Nolol cusub oo mucaaradnimo ah ayaa u billaabaneysa Farmaajo.

Sida la sheegay, wuxuu qorsheenayaa in isaga iyo saaxiibadii xisbi ku dhawaaqaan, laakiin waqtiga weli lama go’aamin.

Qaar kamid ah kooxda Farmaajo ayaa qaba in muddo dib loo dhigo ku dhawaaqista xisbiga oo la qiimeeyo sida u uu dhaqaaqo nidaamka cusub ee Xasan Sheekh iyo dadka bannaanka soo istaagi doona markii ay danahooda ka waayaan nidaamka dhawaan curtay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xasuustaa inuu kal hore ka faa’ideystay siyaasiyiin badan oo nidaamkii Farmaajo albaabada ka xirtay, taasoo xoojisay xisbigii uu furay illaa uu ugu dambeyn kusoo laabtay Villa Somalia.

Mar kale, Farmaajo iyo kooxdiisa waxay sugayaan dad badan oo nidaamka cusub kasoo carooda. Markii uu dago sida madaxweynayaashii hore Farmaajo isna waxaa la filayaa inuu banaanka aado in muddo ah oo uu waqti kooban siiyo maamulka cusub, ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Jamaahiirta Farmaajo taageersan oo xoogooda weli muuqdo ayaa sugaya kalmadda hoggamiyahooda ee ku aadan waayaha cusub ee u billaabanaya kooxda iyo waxa la gudboon marxaladaan.

Jaaliyadda Somaliland ee Netherlands oo u dabaal-degtay xuska 18-ka May

Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan waddanka Netherlands ayaa isugu soo baxay xuska 18-ka Meey oo ku asteeysan munaasabadda 31 guuradii ka soo wareegatay markii Somaliland la soo laabatay madax-banaanideeda. 

Munaasabaddan, oo ka dhacday Magaalada Utrecht, waxaa hoolkii lagu qabtay soo buuxiyay qeybaha kala duwan bulshada Somaliland ee ku dhaqan waddanka Netherlands, waxaana khudbado isugu jiray halgankii loo soo galay in dhidibada loo taago Somaliland & nabadda dadkeedu ay maanta ku naaloonayaan ka soo jeediyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin wakiilka Somaliland ee waddanka Netherlands Maxamuud Cabdalle Digaale & Guddoomiyaha jaaliyada & Guddoomiyaha ururka Nomad C/raxmaan Barre. 

“Maanta, waa maalin ku weyn quluubteena, waxaan u dabaaldageynaa xuska 31 sanno guuradii ka soo wareegtay markii Somaliland ay dib ula soo wareegtay xornimadeeda, anigoo fursaddan ka faa’ideysanaya waxaan u hambalyeynayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxda Xisbiyadda & dhammaan shacabka Somaliland” Ayuu yiri Wakiilka Somaliland ee waddanka Netherlands Maxamuud Cabdalle Digaale.

Maxamed Ismaaciil Dhimbil [Maxamed Suufi] oo ka tirsan Hay’adda dhowrista tayadda Somaliland [Somaliland quality control commissioner] oo ka mid ah aqoonyahanadii madasha ka hadlay, wuxuu ammaanay horumarka dowliga ah ee Somaliland ey ku tillaabsatay, isaga oo intaasi raaciyay in Somaliland buuxisay dhammaan shuruudihii ay ku heli laheyd ictiraafka caalamka.

“Maanta waa maalin ku asteysan Qaranimada Somaliland waxayna ku gaartay nabadda & dimuqoraadiyadda ay ku soo caana-maashay” Ayuu yiri Maxamed Suufi, isaga oo intaasi raaciyay.

“Shuruudihii duniddu ku qiimeyn laheyd waddan ictiraafkii Somaliland way soo buuxisay, waxayba wax badan dheertahay waddamo badan oo Afrikaan ah, oo dimuqoraadiyada Somaliland ku caana-maaleeyso muddadii ay jirtay dalal badan baysan ka jirin” 

Maxamed Axmed Cigaal oo ka mid ah odayaasha Jaaliyada Somaliland waddanka Netherland, oo ka mid ahaa waxgaradkii madasha ka hadlay wuxuu u mahadceliyey dadkii xafladda soo qabanqaabisay, isaga oo tilmaamay in Somaliland dhismaheeda dhib badan laga soo maray.

“Annaga maxaa inala gudboon haddii aan nahay jaaliyadda Somaliland.? waa in aynu ka baxno qabaa’ilka iyo arrimaha hoose, marka aan halkan joogno Somalilander isku duuban beynu nahay,” ayuu yiri Maxamed Axmed Cigaal.

Xiis Maxamed Cige, isna wuxuu sheegay in Somaliland haysato aqoonsigii ALLE, dadkeeduna ay yihiin ummad isku duubban. 

“Hannaanka dowladnimo ee Somaliland oo ku dhisan hufnaan & dimuqoraadiyad 31 sanno jirsatay waxay mudan tahay ictiraaf, waxaana ku kalsoonahay in Somaliland aanu ictiraafka meel fog u jirin” Ayuu yiri Xiis Maxamed Cige, isaga oo u mahadceliyay madaxda Somaliland oo ugu horreeyo Madaxweynaha, madaxda xisbiyada & shacabka Somaliland dulqaadka & isku duubnida ay muujiyeen. 

Afhayeenka Jaaliyada Saciid Xassan Xaaji oo barnaamijka caawa xiririnayay ayaa dadkii munaasabada ka soo qeybgalay la dhaceen murtida & maada afkiisa ka soo burqaneysay, isaga oo dadka reer Somaliland ku boorinayay in ay adkeeyaan midnimadooda, kuna soo xirmaan Jaaliyadda ay waddankan ku leeyihiin. 

“Insha ALLAAH sannadan sannadka xiga Somaliland oo caalamku ictiraafay ayeeynu u dabaaldageynaa” Ayuu yiri Saciid Xassan Xaaji.

Fanaaniin ka tirsan hobolada Somaliland ee ku dhaqan Netherland ayaa ku madadaalinayay dadkii munaasabadda ka soo qeybgalay heeso  u badan waddani.

HRW oo u digtay ciidamada MAREYKANKA ee dib loogu soo celinayo Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’ada Xuquuqul Insaanka ee Human Rights Watch ayaa warbixin ka soo saaray ciidamada Mareykanka ee haatan dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay markale qayb uga noqdaan dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

Human Rights Watch ayaa uga digtay ciidamada Mareykanka inay geystaan tacadiyo ka dhan ah bani’aadanimada, gaar ahaan waxyeeleynta dadka shacabka ah, xilliyada ay geysanayaan weerarada dhanka iyo duqeymaha ka dhanka cirka ah.

Agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch ayaa xusau in sii socoshada waxyeeleynta shacanka ay keeneyso kalsooni dhex-marto ciidamada iyo shacabka.

“Dhaqanka ciqaabta la’aanta ee khasaaraha rayidka ah wuxuu dhaliyaa caro iyo kalsooni darro ka dhex dhacda dadweynaha wuxuuna wiiqaa dadaallada lagu dhisayo dowlad ixtiraam leh,” ayuu yiri agaasimaha gobolka ee Human Rights Watch.

Dhankiisa Agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch, Laetitia Bader ayaa shaaca ka qaaday inay tahay in ciidamadeeda Mareykana ay caddeaan, sida ay uga go’an tahay inay yareeyaan khasaaraha shacabka soo gaaray, si looga fogaado dhibeeteyn horleh

“Saraakiisha Mareykanka waa inay si cad u caddeeyaan sida ciidamadoodu ay uga fogaanayaan inay waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed inta lagu guda jiro howlgallada milateri,” ayuu yiri Laetitia Bader oo ah Agaasimaha Geeska Afrika ee Human Rights Watch.

Mareykanka ayaa Soomaaliya kusoo celinaya illaa 700 oo askari oo uu horey looga saaray dalka, kuwaas oo garab siinaya ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab.

Si kastaba, go’aankan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan Soomaaliya ay ka dhalatay dowlad cusub, isla-markaana mar labaad Madaxweyne loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud.

Sakariye Saciid oo lagu dilay magaalada GAALKACYO

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa barqanimadii maanta waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Sakariye Saciid, kaas oo koox hubeysan ay toogasho ku dishay, kadibna ay baxsatay.

Marxuumka ayaa caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, wxuuuna ka mid ahaa dhalinyarada hal doorka ee ku dhaqan magaaladaasi.

Sakariye ayaa si gaar ah loogu xusuustaa inuu u ololeyn jiray Nabadda magaalada Gaalkacyo oo ay horey colaad beeleedyo uga dhaceen.

Wararka ayaa sheegaya in xiliga la dilayey uu ku sugnaa xero barakac oo ku taalla magaalada, isaga oo u tegay howlo shaqo, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya marxuuiimka uu sidoo kale ka mid ahaa saraakiisha dowladda Hoose ee dowlad goboleedka Puntland.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi, waxayna gacanta kusoo dhigeen dad lala xiriirinayo dilka marxuumka.

Gaalkacyo ayaa waxaa horey uga dhacay dilal qorsheyan oo ay ka fulisay Al-Shabaab iyo weeraro kale oo ay geysteen maleeshiyaad hubeysan oo u abaabulan qaab beeleed.

Maxay yihiin caqabadaha horyaalla madaxweyne Xasan?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diini Maxamed Diini oo ah oo guddoomiyihii hore ee ururada bulshada rayidka ah oo wareysi siiyey Universal TV ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo isbeddalka dhacay, kadib doorashadii 15 bishaan May ee 2022-ka.

Diini ayaa si gaar ah wareysigan diiradda ugu saaray caqabadaha horyaalla Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo lagu wado inuu beri xilka la wareego.

Guddoomiyihii hore ee ururada bulshada rayidka ah ayaa xusay dhibaato xoogan iyo caqabado ay abuurtay xukuumaddii hore ay horyaallaan Xasan Sheekh, isaga oo tusaale usoo qaatay Social Media oo ay si aad ah u adeegsanayeen kooxda Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inuu amniga jooga meel ka hooseysa halkii uu ku ogaa Madaxweynaha cusub ee mar labaad loo doortay hoggaanka Villa Soomaaliya.

“Horta caqabad kasta oo xukuumaddii isaga ka horeysay ay abuurtay oo ma aragtay dadkii hada borobagaanto aad u xoog badan lagu faafiyey oo ay ka mid tahay caqabadaha Social Media oo Ummaddii Caalamka Involved ku ah iyo caqabado horey u jiray oo runtii meesha uu uga tegay meel ka liidato hadda maraayo sida amniga oo kale” ayuu yiri Diini Maxamed.

Dhinaca kale wuxuu intaasi ku daray in sidoo kale ay sugayaan caqabado kale oo ka dhashay isbeddallada ka dhacay dalal badan oo ku yaalla caalamka.

“Waxaa is leeyahay caqabado horey u jiray iyo kuwa ay abuurtay xuukuumaddii isaga ka horreysay iyo caqabado la xiriira caalamka isbedalka ku dhacay oo siyaasadeed intaas oo dhan waa sugeysaa,” ayuu markale wareysigan ku yiri aqoonyahan Diini Maxamed Diini.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku howlan wada-tashiyo ku aadan dhismaha dowladdiisa cusub oo ay ugu horreysay xukuumadda, gaar ahaan soo magacaabidda ra’iisul wasaaraha cusub oo laga sugayo inuu ku dhowaaqo.

Axmed Madoobe oo codsi yaab leh oo ku saabsan guddiyada doorashada u jeediyey madaxweyne Xasan

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh usoo jeediyey codsi yaab leh oo ku saabsan guddiyada doorashadda ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleedba ee qabtay doorashooyinkii dalka ka dhacay.

Axmed Madoobe ayaa si weyn u amaanay doorkii uu guddiga doorashada ka qaatay doorashada Soomaaliya oo soo jiitameysay wax ku dhow laba sano, balse lasoo geba-gebeeyey 15-kii May markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu baaqay madaxweynaha cusub ee la doortay Xasan Sheekh Maxamuud in uu abaal mariyo guddiyaddaas, islamarkaana guddoomiyaha guddiga iyo xubnaha kale laga qeyb geliyo dowladda cusub ee la dhisi doono.

Madaxweynaha ayaa sigaar ah u codsaday in xubnahasi sida gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenada guddiyadda doorashooyinka laga dhigo safiiro iyo sidoo kale loo dhiibo shaqooyinka ay qaban karaan, oo an la hilmamin.

Dadka qaar ayaa codsiga Axmed Madoobe u arka inuu ugu abaal gudayo guddoonka guddiga doorashada oo ka caawiyey inay u sharciyeeyaan xubnihii baarlamaanka 11-aad ee lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Guddiga doorashada ayaa go’aamiyey in doorashada kuraasta Gedo ee tiilay Garbahaarey loo weeciyo Ceelwaaq oo gacanta ugu jirta Axmed Madoobe, taasi oo ka saaciday inuu halkaas kasoo saaro xildhibaano taabacsan, meeshana ka saaro isku daygii madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanada Ceelwaaq ayaa waxaa kadib muran geliyey xubno kale oo sheegtay xildhibaannimo oo laga soo doortay Garbahaarey, balse waxaa saaciday guddiga doorashada oo shahaado siiyey, kadibna albaabka ka xirtay xubnihii Garbahaarey.

Codsiga Axmed Madoobe ayaa qeyb ka ahaa khudbadii uu xalay kaga hadlay isbadalka dalka ka dhacay iyo xaalada gobolka Gedo.

Sheekh Mukhtaar Roobow oo loo ogolaaday in la booqdo iyo xubno gurigiisa ugu tegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku dhowaad afar sano u xirnaa dowladii Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysay loo ogolaaday inay soo booqdaan xubno ka tirsan qoyskiisa iyo asxaabtiisii siyaasadda.

Dadka u tegay Sheekh Mukhtaar waxaa ka mid ah siyaasiga Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsan xisbiga Mukhtaar Roobow ee amniga iyo cadaaladda.

Yuusuf Xasan ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay hadda fiican tahay, isla markaana ay rajo badan ka qabaan in dhowaan lasii daayo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay xaqiijiyeen in Sheekh Mukhtaar uu Jaamacad dhigto, balse wuxuu tilmaamay in markii ay u kuur galeen noloshiisa uusan u muuqan nin ay $7 kun ku baxdo bil kasta, sida ay horay u shaacisay hey’adda NISA oo gacanta ku heysa.

Sida aan xog ku helnay NISA ayaa cadaadiskii saaraa ka qafiifisay Sheekh Mukhtaar, kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaa loo ogolaaday Taleefoon iyo in ehelladiisu ay soo booqan karaan.

Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in xabsiga uu ka soo deynayo Sheekh Mukhtaar oo arrimo siyaasadeed ugu xiraa nimaadkii Farmaajo.

Dhamaadkii sanadkii 2018-kii ayaa Mukhtaar Roobow laga soo xiray magaalada Baydhaba, xilligaas wuxuu ahaa musharax u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

DF oo shaacisay jadwalka imtixaanka dugsiyada sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada,Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare ee dalka. 

Wasaaradda ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in waqtiga qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku beegan tahay 18ka ilaa 22ka Juun, 2022. 

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran 

Wasaaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ardayda, waalidiinta, macallimiinta, maamulayaasha iyo dhammaan bahwadaagta waxbarashada Soomaliyeed halkaan kula wadaagaysaa shaacinta waqtiga qaadista imtixaanka midaysan ee fasalka 12-aad.  

Wasaaradda Waxbarashadda ee JFS markii ay wadatashi ku saabsan qaadista imtixaanka la sameysay bahwadaagta waxbarashada qaybahooda kala duwan waxa ay go’aamisay in waqtiga qaadista imtixaanka sanad dugsiyadeedka 2021/2022 uu noqon doono taariikhdu markay ku beegan tahay 18-ka ilaa 22-ka Juun, 2022.  

Haddaba, Wasaaraddu waxay ku boorinaysaa isla markaasna ka rajeyneysaa dhammaan ardayda dhigata fasalka 12aad in ay u diyaar-garoobaan imtixaanka. Sidoo kale waalidiinta iyo maamulayaasha dugsiyadana waxa ay ka rajeyneysaa in ay ardayda ku garab-siin doonaan diyaargarowgooda. 

F.G: Dhammaan ardayda ka qalin-jabinaysa fasalka 12aad ee sanad dugsiyadeedka 2021/2022 iyo ardayda ku hartay imtixaankii hore ee dib isku diiwaangeliyay si ay uga qayb-noqdaan imtixaanka sanadkaan waxaa loo diyaarinayaa aqoonsiyadooda si ay ugu fariistaan imtixaanka iyaga oo ka heli doona dugsiyadooda. Arday waliba oo aan horay isku diiwaan-gelin kama qayb-geli doono imtixaanka sanad-dugsiyadeedka 2021.

Sawirro: Farmaajo iyo Xasan Sheekh oo kulmay iskuna raacay maalinta xil-wareejinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Xafiiska Jooga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan is-xogwaraysi ah ku yeeshay Madaxtooyada Qaranka.

Labada Madaxweyne oo markii saddexaad ku kulmay Madaxtooyada Qaranka, ayaa kulankoodan iskaga xog waraystay xaaladda guud ee dalka, sidii wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo qabanqaabada Munaasabadda Xil-wareejinta Madaxweynaha.

Guddiga Qabanqaabada Xil-wareejinta Madaxweynaha ayaa go’aamiyey in Munaasabadda Xil-wareejintu ay dhacdo maalinta isniinta ah oo ku beegan 23 bishan May, iyada oo ay Madaxtooyada Qaranka ka dhacayso munaasabad ballaaran oo ay xilka kula kala wareegayaan Madaxweynaha 9-aad ee JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaba 10-aad ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan bilaabay inuu ka guuro dhismaha madaxtooyada, iyadoo laga rarayo alaabta qoyskiisa.

Farmaajo ayaa loo diyaariyey guri ku dhow garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladdiisa.

Sida ay ogaatada Caasimada Online guriga Farmaajo loo diyaariyey ayaa waxaa horey u daganaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), waxaana ka socday xilligii doorashada ololaha dib doorasho ee Farmaajo, walow laga adkaaday.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, waxaana haatan u bilaabanaya nolol ka duwan tii hore iyo mucaaradnimo horleh.

Maxkamad amartay in lasoo xiro wasiiro iyo agaasimeyaal xilal kasoo qabtay Somalia

Garoowe (Caasimada Online) – Kadib olole kacdoon shacab ah oo ka billowday baraha bulshada bilihii ugu dambeeyey laguna dalbanayey in maamulka Puntland ay wax ka qabato shaqsiyaadka billaabay ka ganacsiga iyo dhoofinta geed quwaaxa ee loo dhoofiyo wadamada Imaaraadka iyo Shiinaha ayaa wuxuu keenay in maamulka Puntland bilaabo olole lagu soo qabanayo dadkii arrintaas ku lugta lahaa.

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa qabatay gal dacwadeed ka dhan ah shaqsiyaadka lagu eedeeyey inay ka dambeeyaan qorshaha lagu dhoofinayo geedahaas.

Xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamuud Aw-cismaan ayaa waaran u jaray Maanta mas’uuliyiin horey xilal uga soo qabtay Puntland iyo kuwa hadda xil haya oo ku eedeysan dhoofinta dhirta iyo geedaha.

Mas’uuliyiinta arrintaan ku lug yeeshay ee waaranka loo jaray ayaa waxaa kamid wasiiro, agaasimayaal iyo dad shacab ah inkastoo aysan weli dowladda qaadin tallaabo lagu soo qabanayo dadka waaranka loo jaray.

Magacyada mas’uuliyiinta maxkamadda looga yeeray ayaa waxaa kamid ah:

1- Cabdisamad Maxamuud Maxamed Muuse, agaasimaha guud ee wasaaradda ganacsciga Puntland.
2- Liibaan Maxamed Faarax Barre, agaasime ka tirsan wasaaradda deegaanka
3- Cabdiraxmaan Salaad Showle
4- Naciimo Jaamac Cumar Jaqaloon
5- Cabdinaasir Abshir Gaayir

Sidoo kale, laba wasiir oo kamid ah mas’uuliyiinta waaranka loo jaray oo aan la magacaabin ayaa waxaa la sheegay in loo mari doono sharciga si xasaanadda looga qaado una fududaato in maxkamadda la keeno.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay dib kasoo gudbin doonto waqtiga loo fadhiisanayo dacwadda, waxayna amar ku bixisay in si deg deg ah loo keeno maxkamadda dadka lasoo eedeeyey.

Tallaabadaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay si weyn u socotay maalmahaan dhoofinta dhirta iyo geedka quwaaxa, waxaana meelaha sida weyn looga dhoofinayo kamid ah Burtinle, Eyl iyo meelo kale

Midowga Yurub oo war culus soo saaray kadib wadahadal ay la yeesheen Xasan Sheekh

Brussels (Caasimada Online) – Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub Josep Borrel ayaa khadka taleefonka kula soo hadlay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay ururka.

Borrel oo madaxweyne Xasan ugu hambalyeeyey guushiisa iyo soo geba-gebeynta doorashadii Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Midowga Yurub uga go’an tahay inay Soomaaliya la billowdo waa cusub oo wada-shaqeyn ah.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale is-weydaarsaday xog ku saabsan qorshaha madaxweynaha iyo muhiimadihiisa koowaad ee arrimaha uu wax ka qabanayo.

Borrel ayaa ku celiyey ballan-qaadka Midowga Yurub ee ah inay taageerto Soomaalia, kana saaciddo isbeddelo wanaagsan oo lagu sameeyo arrimaha siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha.

Wakiilka sare ee siyaasadda arrimaha dibedda Midowga Yurub ayaa sidoo kale sheegay inay taageerayaan hanaanka ay Soomaaliya ula wareegeyso amnigeeda iyo wax ka qabashada xasaradaha bani’aadaminimo ee dalka ka jira. 

Arrimaha kale ee ay ka wada hadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Borrell ayaa waxaa ka mid ah kaalinta dowladda Soomaaliya, QM, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub, iyo baahida loo qabo in dib loo billaabo wada-hadalladii farsamo ee ku aadan amniga Soomaaliya.

Dhanka xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh ayaan weli wax war ah kasoo saarin wada-hadallada Borrel.

Midowga Yurub ayaa horey ugu hanjabay Soomaaliya inay ka jari doonaan dhaqaalaha haddii aanay doorasho la qaban, xilligii uu madaxweyne Farmaajo isku dayey inuu xukunku uu sii dheereysto ee laga horyimid.

Nin mucaarad ku ah Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu qabtay Hargeysa lagana cabsi qabo…

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo degmada Gebiley ee  maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray nin u dhashay dalka Jabuuti.

Ninkaan oo ay xireen ciidamada Booliska ayaa la sheegay inuu caan ku ahaa inuu Baraha Bulshada ku dhaliilo madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Magaca ninka la xiray ayaa lagu sheegay Arreh Souleiman Aouled, waxaana la rumeysan yahay inay sababta tahay dhaliilaha uu u jeediyo madaxweynaha Jabuuti.

Sida aan xogta ku helnay, maamulka Somaliland ayaa qorsheenaya inay ninkaan u gacan geliso booliska dalka Jabuuti si uu halkaas ugu wajaho maxkamad.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ee ka jira maamulkaas ayaa maamulka ugu baaqay inuu ka fogaado ku xadgudubka Arreh Souleiman, waxayna hey’adaha ka digeyn in Jabuuti loo gacan geliyo.

Maamulka Somaliland ayaa horey ugu caan baxay inuu cadaadis saaro wariyayaasha iyo Dadka caadiga ah ee dhaliila madaxweyna maamulkaas Muuse Biixi.

Xabsiyada maamulkaas ayaa waxaa ku jiro Seddex wariye oo loo heysto tabinta dhacdadii dhawaan ka dhacday xabsiga weyne ee Hargeysa.

XAMAS oo si lama filaan ah oo war uga soo saartay doorashadii Xasan Sheekh

0

Falastiin (Caasimada Online) – Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa Xamas Ismaaciil Haniyah ayaa war kasoo saaray doorashadii madaxtimimo ee 15-kii bishaan May ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xamas oo inta badan aan ka hadlay arrimaha Soomaaliya, soona hadal qaadin, ayaa warka cusub ee kasoo baxay uu yahay mid aan laga fileyn, taasi oo muujineysa sida gusuha madaxweyne Xasan Sheekh dunida ugu soo jeedisay Soomaaliya.

Haniyah ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku bogaadiyey guusha weyn ee uu ka gaaray doorashadii 15 May.

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa ee Ururka Xamas ayaa sidoo kale xusay inay u duceynayaan Madaxweynaha cusub, si eebe ugu fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

“ka Dhaqdhaqaaq Xamas ahaan iyo guud ahaan Shacabka Falastiin waxa aan fariintaan hambalyada ah u diro Walaalaheen Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweynaha aan walaalaha nahay ee la doortay, waxa aan ugu duceyneenaa Horumar iyo Barwaaqo, innaga oo u rajeyneyno wax u qabadka Qaranka iyo dadka” ayuu yiri Ismaaciil Haniyah.

Sidoo kale wuxuu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doorkiisa ka qaado qadiyadda Falastiin, isla-markaana uu garab istaago shacabka Falastiiniyiinta.

“Waxa aan kuu rajeynenaa in aad guullo ku hoggaamisid dalka una adeegtid qarankaaga si aad wax ugu qabatid arrimaha waaweyn ee ku horyaalla, arrinta falastiin waa in aad doorkaaga ka qaadataa, si kal iyo lab ah ayaan kuugu duceynaa mudane guul iyo in Walaalaheen Soomaaliya aad gaarsiisid horumar iyo Barwaaqo” ayuu sii raaciyey.

Guusha Xasan Sheekh ayaa waxaa horey uga hadlay dowlado dhowr ah iyo ururo caalami ah oo soo dhoweeyey isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.

XOG: Halka uu degayo Farmaajo iyo wararkii ugu dambeeyey xil wareejinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Villa Soomaaliya waxaa ka socota munaasabadda xil wareejinta ee Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda xil wareejinta oo guddiga gaar ah loo xil-saaray ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Isniinta ee soo socota, waxaana haatan socda diyaar garowgii ugu dambeeyey.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan bilaabay inuu ka guuro dhismaha madaxtooyada, iyadoo laga rarayo alaabta qoyskiisa.

Farmaajo ayaa loo diyaariyey guri ku dhow garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladdiisa.

Sida ay ogaatada Caasimada Online guriga Farmaajo loo diyaariyey ayaa waxaa horey u daganaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), waxaana ka socday xilligii doorashada ololaha dib doorasho ee Farmaajo, walow laga adkaaday.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, waxaana haatan u bilaabanaya nolol ka duwan tii hore iyo mucaaradnimo horleh.

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud oo horey usoo noqday Madaxweynihii 8-aad ayaa horey xilka ugu wareejiyey Farmaajo, hadda oo mar labaad loo doortayna wuxuu xilka kala wareegayaa Madaxweynihii beddalay, taas oo noqotay dhacdo aan horey uga dhicin dalka.