24.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Nin mucaarad ku ah Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu qabtay Hargeysa lagana cabsi qabo…

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo degmada Gebiley ee  maamulka Somaliland ayaa sheegaya in halkaas lagu xiray nin u dhashay dalka Jabuuti.

Ninkaan oo ay xireen ciidamada Booliska ayaa la sheegay inuu caan ku ahaa inuu Baraha Bulshada ku dhaliilo madaxweynaha Dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Magaca ninka la xiray ayaa lagu sheegay Arreh Souleiman Aouled, waxaana la rumeysan yahay inay sababta tahay dhaliilaha uu u jeediyo madaxweynaha Jabuuti.

Sida aan xogta ku helnay, maamulka Somaliland ayaa qorsheenaya inay ninkaan u gacan geliso booliska dalka Jabuuti si uu halkaas ugu wajaho maxkamad.

Hay’adaha xuquuqul insaanka ee ka jira maamulkaas ayaa maamulka ugu baaqay inuu ka fogaado ku xadgudubka Arreh Souleiman, waxayna hey’adaha ka digeyn in Jabuuti loo gacan geliyo.

Maamulka Somaliland ayaa horey ugu caan baxay inuu cadaadis saaro wariyayaasha iyo Dadka caadiga ah ee dhaliila madaxweyna maamulkaas Muuse Biixi.

Xabsiyada maamulkaas ayaa waxaa ku jiro Seddex wariye oo loo heysto tabinta dhacdadii dhawaan ka dhacday xabsiga weyne ee Hargeysa.

XAMAS oo si lama filaan ah oo war uga soo saartay doorashadii Xasan Sheekh

0

Falastiin (Caasimada Online) – Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa Xamas Ismaaciil Haniyah ayaa war kasoo saaray doorashadii madaxtimimo ee 15-kii bishaan May ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xamas oo inta badan aan ka hadlay arrimaha Soomaaliya, soona hadal qaadin, ayaa warka cusub ee kasoo baxay uu yahay mid aan laga fileyn, taasi oo muujineysa sida gusuha madaxweyne Xasan Sheekh dunida ugu soo jeedisay Soomaaliya.

Haniyah ayaa u hambalyeeyey Madaxweynaha mar labaad la doortay ee Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna ku bogaadiyey guusha weyn ee uu ka gaaray doorashadii 15 May.

Madaxa xafiiska siyaasadda dhaq-dhaqaaqa ee Ururka Xamas ayaa sidoo kale xusay inay u duceynayaan Madaxweynaha cusub, si eebe ugu fududeeyo mas’uuliyadda loo igmaday.

“ka Dhaqdhaqaaq Xamas ahaan iyo guud ahaan Shacabka Falastiin waxa aan fariintaan hambalyada ah u diro Walaalaheen Soomaaliyeed gaar ahaan Madaxweynaha aan walaalaha nahay ee la doortay, waxa aan ugu duceyneenaa Horumar iyo Barwaaqo, innaga oo u rajeyneyno wax u qabadka Qaranka iyo dadka” ayuu yiri Ismaaciil Haniyah.

Sidoo kale wuxuu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu doorkiisa ka qaado qadiyadda Falastiin, isla-markaana uu garab istaago shacabka Falastiiniyiinta.

“Waxa aan kuu rajeynenaa in aad guullo ku hoggaamisid dalka una adeegtid qarankaaga si aad wax ugu qabatid arrimaha waaweyn ee ku horyaalla, arrinta falastiin waa in aad doorkaaga ka qaadataa, si kal iyo lab ah ayaan kuugu duceynaa mudane guul iyo in Walaalaheen Soomaaliya aad gaarsiisid horumar iyo Barwaaqo” ayuu sii raaciyey.

Guusha Xasan Sheekh ayaa waxaa horey uga hadlay dowlado dhowr ah iyo ururo caalami ah oo soo dhoweeyey isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay Soomaaliya.

XOG: Halka uu degayo Farmaajo iyo wararkii ugu dambeeyey xil wareejinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan Villa Soomaaliya waxaa ka socota munaasabadda xil wareejinta ee Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Munaasabadda xil wareejinta oo guddiga gaar ah loo xil-saaray ayaa la filayaa inay dhacdo maalinta Isniinta ee soo socota, waxaana haatan socda diyaar garowgii ugu dambeeyey.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa haatan bilaabay inuu ka guuro dhismaha madaxtooyada, iyadoo laga rarayo alaabta qoyskiisa.

Farmaajo ayaa loo diyaariyey guri ku dhow garoonka Aadan Cadde, halkaas oo ay dagan yihiin inta badan xubnihii mucaaradka ku ahaa dowladdiisa.

Sida ay ogaatada Caasimada Online guriga Farmaajo loo diyaariyey ayaa waxaa horey u daganaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), waxaana ka socday xilligii doorashada ololaha dib doorasho ee Farmaajo, walow laga adkaaday.

Arrintan ayaa soo gabagabeyneysa 5 sano oo uu xafiiska joogay Madaxweynihii hore ee dalka, waxaana haatan u bilaabanaya nolol ka duwan tii hore iyo mucaaradnimo horleh.

Si kastaba, Xasan Sheekh Maxamuud oo horey usoo noqday Madaxweynihii 8-aad ayaa horey xilka ugu wareejiyey Farmaajo, hadda oo mar labaad loo doortayna wuxuu xilka kala wareegayaa Madaxweynihii beddalay, taas oo noqotay dhacdo aan horey uga dhicin dalka.

Al-Shabaab oo weerar si la yaab leh loo qorsheeyey ka fulisay Balcad + Khasaaraha

0

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab xalay ku qaadeen qaybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo loo qorsheeyey si la yaab-leh.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa lagu beegsaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin dhanka waqooyi ee degmadaasi, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Ragga weerarka qaaday ayaa la sheegay inay iska soo dhigeen shacab, islamarkaana ay soo raaceen gaari rakaab ah, kadibna ay rasaas ku fureen ciidamada ku sugnaa halkaasi.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkan lagu dilay ugu yaraan 6 askari, halka ay ku dhaacwacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Xoogaga Al-Shabaab ee weerarka qaaday ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen, kadib dhacdadaasi.

Weli ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Balcad oo ku aadan weerarkaasi.

Xaaladda ayaa saaka deggan, balse ciidamada ammaanka ayaa saaka dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka wada nawaaxiga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Balcad ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro qorsheysan iyo qaraxyo, waxaana ugu dambeeyey qaraxii miino ee todobaadkii hore ka dhacay maqaaxi ku taalla degmadaasi.

Daawo: Waalidiin dibadbax dhigay oo madaxweyne Xasan Sheekh ka codsaday fulinta balan uu ka qaaday

Guriceel (Caasimada Online) – Waalidiinta wiilashooda ay ku maqan yihiin dalka Eritrea oo tababar ay ugu qaaday dowladii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay galab banaanbax ka dhigay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Banaan-baxaas oo lagu taageeray doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Madaxweynaha looga codsaday inuu deg deg uga jawaabo dhibka heysta waalidiintaan dhalinyaradu ka maqan tahay.

Qaar ka mid ah hooyooyinkii warbaahinta la hadlay waxay sheegeen in hoyaad ay ka quusteen, balse hadda ay farxeen markii uu guuleystay Madaxweyne Xasan Sheekh oo horay u balan qaaday in shaqada koowaad ee uu qabanayo hadii uu guuleysto ay tahay soo celinta dhalinyaradii loo qaaday Eritrea.

“Madaxweyne marka hore hambalyo, laba sano iyo bar ayey sii maqan yihiin wiilasheenii, waxaan nahay waalidiin dhiban, waxaan maanta kaa rabnaa in shaqada koowaad aad ka dhigto inaad dalka ku soo celiso wixii ka nool, waan kugu faraxnay markii lagu doortay oo waxaan heysanay balan-qaadkaagii hore,” ayey yiri mid ka mid ah waalidiintii Guriceel kula hadlay warbaahinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horay u balan qaaday in dhalinyaradaas oo la sheegay in qaarkood ay galeen dagaalkii Itoobiya uu shaqada koowaad ka dhigaayo dib u soo celintooda, markii la doorto, taas oo hadda looga fadhiyo.

Sanadkii 2019-kii ayaa dalka laga daabulay dhalinyaradaas oo ilaa hadda aan faahfaahin laga bixin nidaamka loo qaaday, balse waxaa la sheegay in lagu siray in dalka Qatar tababar iyo shaqo loo geynayo, laakiin Eritrea loo dhigay, welina ma jirto cid warbixintooda dadka la wadaagtay.

Hoos ka daawo codsiga waalidiinta

Laamaha ammaanka DF oo gacanta kusoo dhigay rag dil iyo dhaawac geystay

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliska Booliska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa ka warbixiyey howlgallo ciidamada ammaabka ay ka sameeyeen gobolkaasi, kuwaas oo lagu soo qabtay maleeshiyaad Jimcihii gaari ku rasaaseeyey magaalada Gaalkacyo.

Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug Cali Muuse Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ay soo qabteen qaar ka mid ah raggii rasaaseeyey gaariga, islamarkaana ay ku raad joogaan kuwa kale oo baxsaday.

Cali Muuse ayaa sidoo kale sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan maleeshiyaadkaas oo dil iyo dhaawac ka geystay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amaaanka, islamarkaana ay lasoo wadaaagaan xogaha ku saabsan amniga.

Weerarka ka dhacay Gaalkacyo ee lagu rasaaseeyey gaariga ayaa sababay dhimashada 2 qof iyo dhaawac qof kale.

Dhinaca kale guddoomiyaha maamulka gobolka Mudug ee Galmudug Axmed Bukhaari ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey ammaanka, kaas oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyinta degmada Gaalkacyo iyo saraakiisha xasilinta ee gobolka Mudug.

Shirkan ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray fal dambiyeedyada ka dhaca Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Gaalkacyo ayaa waxaa kusoo noq noqday falalka ammaan dari ee ka dhaca waqooyiga iyo koonfurta magaaladaasi oo ay ka kala arimiyaan maamullada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweyne SACIID DENI oo ku sii jeeda KENYA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta ku wajahan magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sida ay innoo xaqiijiyeey ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo.

Saciid Deni oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa saacadaha oo socda ka duulo doono garoonka Aadan Cadde, isagoo kusii jeeda Kenya oo uu maalmo soo joogo doono.

Lama shaacin ujeedka safarkiisa, balse waxaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madax ka tirsan dalkaas iyo safiirada qaar ee ku sugan magaalada Nairobi.

Safarka Deni ee Kenya ayaa kusoo aadaya, xilli ay soo dhammaatay doorashadii Somalia, gaar ahaan mida Madaxweynaha oo uu u tartamay, isaga oo gudbay wareegay 2-aad, balse ku haray wareega 3-aad oo ay ku loolameen Farmaajo oo laga adkaayo iyo Xasan Sheekh oo guuleystay, sidaasina loogu doortay Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Somalia.

Kenya ayaa ka mid aheyd dalalka Afrika ee sida weyn u daneynayay inuu isbedal siyaasadeed ka dhaco Soomaaliya, si uu meesha uga baxo Farmaajo iyo maamulkiisa.

Dhinaca kale guddoomiyaha baarlamaanka Puntland iyo mas’uuliyiin kale oo wehliya oo iyagana ku sugan Muqdisho ayaa lagu wadaa inay maanta dib ugu laabtaan Garoowe.

Si kastaba, Deni ayaa wajahaya xaalad adag iyo khilaaf ka dhashay damiciisii siyaasadeed ee hoggaanka dalka, kadib markii uu kasoo horjeestay ku xigeenkiisa Axme Karaash.

Itoobiya oo maxkamad soo taagtay sarkaal sare oo kasoo horjeesatay ABIY

Addis Ababa (Caasimada Online) – Jeneraal caan ah oo ka tirsan dowladda Itoobiya oo dhaliili jiray xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa Jimcihii kasoo muuqday maxkamadda, kadib markii toddobaadkan la xiray, sida ay sheegtay xaaskiisa, xilli la xir-xirayay qaar ka mid ah dadka u ololeeya siyaasadda qowmiyadda Amxaarada.

Sarreeye Guuto Tefera Mamo ayaa ahaa taliyaha ciidanka Axmaarada ilaa bishii February markaas oo xilka laga xayuubiyay, iyada oo aan la sheegin sababta. Ciidamada Axmaarada ayaa taageerayay ciidamada federaalka ee Abiy ee kasoo horjeeda xoogaggii kacdoonka waday ee waqooyiga Tigray markii uu dagaalku ka qarxay halkaas sanadkii 2020.

Axaddii hore, Tefera ayaa waraysi uu siiyay TV waxa uu ku naqdiyay istiraatijiyada Abiy ee ka dhanka ah kooxda TPLF, isagoo sidoo kale ku eedeeyay xubnaha Axmaarada ee ka tirsan xisbiga talada haya ee raysal wasaaraha in lagu dhiirrageliyay lacag.

Menen Haile, oo ah xaaska Tefera, ayaa sheegtay in lagu hayay xabsiga muddo toban maalmood ah.

“Boolisku waxay sheegeen inay tuhunsan yihiin inuu ka shaqaynayo inuu si xoog ah u burburiyo nidaamka dastuuriga ah,” ayay u sheegtay Reuters.

Tefera ayaa lagu xiray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa Isniintii, Menen ayaa sidaas yidhi.

Dhinaca kale, shan weriye oo ka tirsan warbaahinta maxalliga ah ee Ashara, ayaa sidoo kale la xiray Khamiistii, sida uu saaxiibkood u sheegay Reuters.

“Dadka kaxaystay suxufiyiinta waxay ku labisnaayeen dharka ciidamada gaarka ah ee Axmaarada, Booliiska Axmaarada iyo ciidamada ka hortaga rabshadaha, markii ay qabteen waxaan ku dhex dhuumanayay musqul” ayuu yiri taliyaha oo intaa ku daray inay xireen xafiisyadii Ashara ee magaalada Bahir Dar. Saraakiisha Axmaarada, militariga iyo booliiska ayaan wax hadal ah ka bixin dhacdooyinka.

Voa +  Reuters.

Muxuu Rooble kala hadlay Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka? + Sawirro

Dubai (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan dalka Imaaraadka ayaa caawa magaalada Abu Dhabi kula kulmay madaxweynaha dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka uga tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Sheikh Khalifa Bin Zayid oo tacsidiisa uu Dubai u tegay Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheikh Maxamed Bin Zayid gaarsiiyay dhambaal hambalyo iyo tacsi ah oo uu uga siday madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Dhankiisa madaxweyne Maxamed Bin Zayid ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay doorashadii madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo in guud ahaan howshii doorashada dalku ku soo dhammaatay si nabad ah.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa intii uusan shalay u amba-bixin Dubai wuxuu fasaxay oo Bangiga dhexe ee dowlada Soomaaliya laga saaray 9.6 Milyan oo dollar oo sanadkii 2018-kii ay xukuumadii Farmaajo iyo Xasan Cali Kheyre ka xayirtay Imaaraadka.

Sidoo kale dowladda Imaaraadka ayaa isla shalay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu deeqday 9.5 Milyan oo dollar, si wax looga qabto arrimaha bini’aadanimada iyo horumarinta, taas oo muujineysa in markii uu meesha ka baxay nidaamkii Farmaajo uu dib u soo noolaaday xiriirka Dubai iyo Muqdisho.

Axmed Madoobe oo soo saaray go’aan culus oo ku saabsan arrinta gobolka Gedo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo saaray bayaan dheer oo uu kaga hadlayo isbadalka dalka ka dhacay iyo xaalada gobolka Gedo, isagoo si faahfaahsan u dul istaagay qorshihiisa dib ugu laabashada Gedo.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu sheegay in sanadahii lasoo dhaafay Jubaland ay dhibaato culus kasoo gaartay khilaafad ay abuurtay dowladii Madaxweyne Farmaajo, taas oo aad u saameysay gobolka Gedo.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in hadda ay Jubbaland diyaar u tahay xalinta caqabad kasta oo jiray Gedo ka taagan, isagoo tilmaamay in caqabadaha gobolkaas ka jiray ay ahayeen kuwo dano gaar ah laga lahaa, balse aan qusayn bulshada deegaanka.

“Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maanta laga bilaabo la fasaxay dhamaan tageeradii iyo adeegyadii hormarinta ee gobolka ka xayiraa sanadahii lasoo dhaafay ee heer Federaal iyo heer Jubaland isagoo intaas ku daray in dhismaha golayaasha deegaanka laga bilaabi doono Degmada Garbahareey ee Xarunta gobolka Gedo isla markana aanay jirin maamul Cusub oo gobolkaas loo magacaabayo dadka deegaankuna ay soo dooran doonan dadka matalaya,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa balan-qaaday in kala aragti duwanaantii iyo khilaafkii Dowlada Federaalka ah ay gobolkaas ka abuurtay aan cidna loo beegsan doonin dadka deegaanka iyo guud ahaan shacabka Jubaland ay u siman yihiin xuquuqaha ay xaqa u leeyahiin wax walbana wada hadal lagu dhamayn doono.

17-kii bishaan May, Wasiirka warfaafinta Jubaland Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa sheegay inuu socdo qorshe ay Jubbaland dib ugu soo ceshaneyso gobolka Gedo.

Wasiirka oo la haday Idaacadda VOA ayaa sheegay in qaabka dib u heshiisiin ah ay doonayaan inay ku soo ceeshadaan gobolka Gedo, isla markaana ay doonayaan in dadka gobolkaas loo sameeyo dib u heshiisiin, isagoo shaaciyey in waxgaradka gobolka Gedo ay ku soo wargeliyeen in maamulkoodii ay diyaar u yihiin in dib loogu soo celiyo.

Dhanaca kale Madaxweynaha Jubaland ayaa soo dhaweeyay isbadalka cusub ee dalka ka hirgalay isagoo xusay in mudo la sugayay doorashooyinka guud ee dalka ka dhacay.

Madaxweynaha ayaa u mahad celiyay Madaxweynahii hore ee Dowlada Federaalka ah Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shantii sano ee lasoo dhaafay dalka soo hogaaminayay isla markana aqbalay natiijada doorashada.

Sidoo kale waxaa Madaxweynahu uu u mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo si naf hurnimo ah ugu istaagay sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho xalaal ah oo loo dhan yahay isla markana natiijadeeda la wada aqbalo, Guddiyada doorashooyinka ayuu sidoo kale Madaxweynahu ku amaanay shaqadii hufnayn ee ay soo qabteen.

Madaxweynaha Cusub ee JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayuu Madaxweynahu Alle uga baryay inuu la garab galo shaqada culus ee hortaala isagoo dhamaan shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay Dowlada Cusub garab istaagan si shaqooyinka horyaala ay u fuliso iyadoo haysta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Siyaasi caan ah oo qarax lagula eegtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa qarax miino oo lala beegsaday siyaasi caan ah oo ka mid ah taageerayaasha madaxweynaha xafiiska sii jooga ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qaraxa ayaa ka dhacay degmada Wadajir, waxaana lala beegsaday siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan, xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadda Jimcaha.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan uu dhaawac kasoo gaaray qaraxaasi miino oo la dhigay meel aan ka fogeyn masjidka uu ku tukuday salaadda Jimcaha.

Dhaawaca Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa la dhigay isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagula tacaalayo sidii wax looga qaban lahaa xaaladihiisa oo ah mid aan wanaagsaneyn.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta xisbiyada siyaasadeed furtay, islamarkaana taageerayaasha madaxweynihii hore ka mid ah, isagoo u dagaalami jiray ama difaaci jiray siyaasadaha Farmaajo iyo maamulkiisa.

Weli ma jirto koox sheegatay qaraxa. Sidoo kale, booliska dowladda Soomaaliya ayan weli wax war ah kasoo saarin.

Rooble oo xog culus ka bixiyay ninkii fuliyey dilka xildhibaan Aamina iyo habkii loo dilay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii u horeysay banaanka u soo saaray xog uu sheegay in uu ka ogyahay qofkii isku qarxiyay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble oo wareysi gaar ah siiyay VOA ayaa sheegay in qofka la dilay laga soo qaaday gobol kale oo la keenay Beledweyne, islamarkaana ay cid gaar ah ka dambeysay dilkii Xildhibaanada.

“Aamina dadka dilay waxaa la dhahaa gobolo kale ayaa laga soo qaaday, Saddex Xildhibaan ayaa meesha martay oo Xildhibaan Aamina oo ka dambiyo badan marka loo fiiriyo dhanka Shabaabka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Ninka waxa la iisheegay in uu dhahayay qofka meesha soo maraba ma Aamina. Inta aan taariikhdeeda ka hayno Aamina mar ay kooxahaas argagixisada iyo Shabaab wax ka sheegtay lama hayo.”

“Dadkii argagixisada baabinayay ee la dagaalamayay waa kuwa meesha soo maray ee Xildhibaanada raadinayay oo dariiqaas lug kusoo maray, ayaga bartilmaameed uma aheyn ee Aamina ayay aheyd bartilmaameedkiisa.”

Sidoo kale waxa uu meesha ka saaray in dilka Xildhibaan Aamina ay ka dambeeyen kooxaha argagixisada iyo Al-Shabaab, sidaas darteedna ay la xiriirto dilkii Ikraan oo ay si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helideeda.

“Gabadhaan kuwii Ikraan dilay ayaa ka dambeeya maalina wuu kasoo saaraya Ilaahay, oo taasa aaminsanahay wey kasoo baxeysa.”

Allaha u naxariistee Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa waxaa habeenimadii 23 March ee sanadkaan lagu dilay magaalada Beledweyne.

Qof naftiisa haligay ayaa isku qarxiyey Xildhibaan Aamino oo isla goobta ku geeriyootay.

Xildhibaan Aamino ayaa xiligaas Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo horay ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hareeyey shaki badan, maadaama ay u dakanowday kiiska Ikraan Tahliil oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.

DF iyo IMF oo gaaray heshiis muhiim u ah deyn cafinta kaddib doorashadii Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa ogolaatay inay dheereyso muddada ay kaalmada siiso Soomaaliya kadib markii lasoo geba-gebeeyey doorashada dalka, waxaa sidaas maanta sheegtay sarkaal sare.

Barnaamijka ay IMF ku caawineyso Soomaaliya oo ah $400 milyan muddo saddex sano ah, ayaa lagu waday inuu dhaco 17-ka May haddii aan maamul cuusb la dooran kahor xilligaas, ayada oo marar badan ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya.

Hase yeeshee Guddiga Fulinta iMF ayaa toddobaadkii tegay aqbalay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya oo ahaa in waqtiga loogu daro saddex bilood oo ku eg 17-ka August, si waqti loogu siiyo dowladda madaxweynaha cusub Xasan Sheekh inay darasto oo ay taageerto isbeddelada la qorsheeyey.

“Muddo kordhinta waxay waqtiga loo baahan yahay siin doontaa in la xaqiijiyo fahamka siyaasadda dowladda cusub iyo xaqiijinta damaanadda maal-gelinta ee saaxiibada horumarinta,” waxaa sidaas tiri Laura Jaramillo Mayor, oo ah madaxa howlgalka IMF ee Soomaaliya oo email usoo dirtay wakaaladda wararka AFP.

Saaxiibada Soomaaliya ee caalamka ayaa soo dhoweeyey doorashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaga oo rajeynaya inay soo afjari doonti xasillooni darro siyaasadeed oo muddo dowladda ka weeciyey halisaha kale sida rabshadaha argagixisada iyo abaarta.

Sida ku cad xeerarka barnaamijka iMF, deynta Soomaaliya ayaa hoos ugu dhici kartaa $557 milyan marka ay ugu dhowdahay sanadda 2023, sida ay Jaramilo ku sheegtay wareysi ay bishii Febraayo siisay AFP.

Tani waxa ay Muqdisho u ogolaan doontaa inay soo jiidato maal-gelin dheeri ah oo ay ka hesho saaxiibada caalamka, kana caawiso horumarinta qeybaha gaarka ah.

Soomaaliya ayaa la sheegay in 70% dadkeeda ay ku nool yihiin wax kayar $1.90 maalinkii, waxayna la xarbineysaa inay kasoo kabato tobanaan sano oo ah dagaal sokeeye iyo dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxay bil kasta ka gaabta $10 milyan oo ah miisaaniyaddeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh, oo horey xilka usoo qabtay 2012 illaa 2017, islamarkaana ah hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Soomaali ah ee dib loo doorto, ayaa ballan qaaday inuu dalka ka dhigi doono “mid heshiis ah, dunidana heshiis la ah.”

AFP

Fahad Yaasiin oo dhibaato siyaasadeed u wajahay aqoontii uu u lahaa Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasadda Soomaaliya abaalka ma xeyriso haddii uu abaalka boos sare ku lahaana sanadihii lasoo dhaafay waa la xiray qaanadaas.

Iyadoo ay gabagabo yihiin maalmaha nidaamkii hore ee ka talinayey Soomaaliya ayaa hadda waxaa la eegayaa sida ay siyaasiyiinta kasii haraya Tareenka Dowladda ay u sagootiyaan saaxiibadoodii shaqada ama ay isaga cafiyaan wixii dhex maray intii ay shaqada ku wada jireen.

Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo ay maalmihiisu dhammaad yihiin wuxuu ku jiraa siyaasiyiinta dagaalka ba’an ka dhex fuliyey nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya tobankii sano ee u dambeysay.

Waxaa la fahamsan yahay inuu si weyn ugu ololeeyey in Xasan Sheekh Maxamuud uu kusoo baxo doorashadii dhacday 15-kii May, taasoo dadka qaar ay u dhigayaan inay dano gaar ah la xiriirto.

Rooble oo shalay u dhoofay waddanka isku tagga Imaaraadka Carabta ayaa inta uusan dhoofin wuxuu hadal ka jeediyey shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada dowladda federaalka ah, kaas oo aan dhowr bilood la qaban, waxayna qaar kamid ah kalmadihiisa abuureen hadal heyn xoog leh.

Wuxuu Rooble mar kale weeraray taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo kamid ahaa raggii sababta u ahaa inuu Rooble Ra’isulwasaare ka noqdo Soomaaliya.

Iyadoo la ogyahay wixii dhex maray Fahad iyo Rooble bilihii lasoo dhaafay illaa uu Rooble gaarsiiyo Fahad inuu xildhibaan noqon waayo ayuu haddana mar kale wuxuu Rooble sheegay inay Farmaajo iyo isaguba shaqo fiican wada qabteen balse dhibaatadu ay aheyd milkiilaha.

Shantii Sano ee lasoo dhaafay Fahad Yaasiin ayaa loogu yeeraayey milkiilaha dowladdii uu madaxda ka ahaa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Rooble wuxuu bogaadiyey Farmaajo, wuxuu sheegay inay howl fiican wada-qabteen, wuxuu ugu baaqay in la is wada cafiyo maadaama uu mar walba khilaaf dhici karo, laakiin Ra’isulwasaare Rooble wuxuu kasii daba tuuray in dhibaatadu aheyd milkiilaha.

Waa markii labaad asbuuc gudihiis oo uu Ra’iisul Wasaare Rooble weeraro ninkii lagu tilmaami jiray milkiilaha Dowladda ee Fahad Yaasiin.

Wareysi uu VOA siiyey ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble sidoo kale ku sheegay inuu Xasan Shiikh kaga digayo inay dowladiisa yeelato milkiile, taasoo ka dhigan inay Labada Nin ee Rooble iyo Fahad toos ula baxayaan cadaawadoodii ka dhalatay siyaasadda.

Aqoontii ay isku lahaayeen labada Nin oo Rooble ka caawisay inuu siyaasadda soo galo ayaa dhinaca kale Fahad gaarsiisay dhaawicii ugu weynaa intii uu ku jiray siyaasadda.

Waa markii Koowaad ee la arkayo Laba Siyaasi oo arrimaha Dowladda isku khilaafay oo bannaanka la aadayo cadaawadooda ka dhalatay siyaasadda, taasoo ah dhaqan ugub ah.

Sawirro: Fanaan Soomaali ah oo qarka u saaran in laga soo masaafuriyo Mareykanka

Minneapolis (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota iyo kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa garab siinaya fanaan Soomaaliyeed oo caan ah oo wajahaya in loo masaafuriyo Soomaaliya.

Cumar Cusmaan Maxamed oo loo yaqaan Cumar Shooli ayaa la dagaalamaya isku day ay ku masaafurineyso dowladda Mareykanka, sababo la xiriira xukun maxkamadeed oo la xiriira daroogo oo ku dhacay 2008.

Cumar Shooli ayaa ballan la lahaa waaxda socdaalka federaalka Mareykanka Khamiistii shalay, si dib loogu eego kiiskiisa.

“Waxaan ahay qof isbeddelay, waxaana halkan joogaa ku dhowaad nolosheeda oo idil. Dib uma laaban karo,” ayuu yiri Cumar Shooli oo la hadlay wargeyska Star Tribune.

Cumar Shooli oo ah 42 jir ayaa ka mid ah fanaaniinta ugu caansan Soomaalida, wuxuuna qaadaa heeso u badan kuwa Xamariga. 

Mid ka mid ah heesihiisa ayaa qabtay indhaha kooxda Al-Shabaab oo sheegtay inay ka hor-imaneyso diinta Islaamka, waxayna ugu hanjabeen inay dili doonaan, sida uu sheegay Cumar Shooli.

Garsoore Maxkamad socdaal ayaa laba goor sheegay in Shooli la dili karo ama uu wajihi karo waxyeello xooggan haddii loo masaafuriyo Soomaaliya, sababo la xiriira maqaamka uu ka jooga Soomaalida iyo saameynta uu leeyahay. 

Hase yeeshee go’aankaas ayaa la nasakhay laba goor, kadib markii ay racfaan ka qaateen saraakiisha Socdaalka Mareykanka, sida uu sheegay qareenka Shooli oo lagu magacaabo John Bruning.  

“Waxaan sii wadnaa inaan la dagaalno kiiskiisa. Waxaan rajeyneynaa in waaxda ICE ay u ogolaan doonto inuu sii joogo Mareykanka oo uu la noolaado xaaskiisa iyo caruurtiisa.”

Shooli ayaa Mareykanka ku yimdi qaxootinimo 1996-kii, wuxuuna degay gobolka Michigan oo uu ka dhigtay dugsi sare. Wuxuu Minnesota u guuray 2000, si uu fanaan u noqdo.

Shooli oo ah aabaha shan caruur ah, ayaa 2008 waxaa lagu qabtay khaat, isaga iyo saaxiibadiisa, waxaana lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin been xalaaleyn lacag iyo inuu soo dhoofiyo khaat kana ganacsado.

“ICE waxay weli wadaan inay doonayaan inay masaafuriyaan sababo la xiriira khaatkii lagu qabtay 2008 oo ah caleen aan waxba dhaamin coffee-ga ama tobaakada,” ayuu yiri qareenkiisa Bruning.

Shooli ayaa afar sano xabsi ku qaatay kadib markii 2017-kii lagu helay kiis la xiriira caymis la qiyamaeeyey, waxaana kadib dib usoo noolaaday isku dayga la doonayo ina lagu masaafuriyo.

Masaafurinta dadka Soomaaliyeed ee Mareykanka ayaa sare u kacday xilligii uu madaxweyne ahaa Donald Trump. Sanadkii tegay waxaa la masaafuriyey 47 qof, taasi oo aad uga yar dadkii la masaafuriyey sanadkii ugu dambeeyey madaxtinimada Trump ee 2020 oo ahaa 112.

Daawo: CC Shakuur: Xasan Sheekh laguma taageerin qabiil balse waxaa jiray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in uu jiray heshiis hoose oo Midowga Musharaxiinta ay gaareen, si loo taageero Musharaxa tartanka ku hormara, si looga adkaado madaxweynaha xilka kasii dagaya.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay codadka ugu wareejiyeen heshiiskii ay hore u gaareen darteed, isagoo meesha ka saaray in uu jiro isbaheysi qabiil oo loo taageeray madaxweynaha cusub.

“Heshiiskeena waxa uu ahaa qofkasta oo anaga naga mid ah (Midowga Musharaxiinta) ee tartanka ku hormara in asaga la taageero, sidaas ayaa keentay in Xasan Sheekh Maxamuud la taageero,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Wax gooni ah oo cid gooni ah lagu xigsanayo oo qabiil gooni ah lagu xigsanayay ma aheyn. Dadkii tartanka ku jirtay waxaa dhamaanteen ku heshiinay sidaas, marka Xasan Sheekh ayaa ku horeeyay sidaas ayuu ku helay.”

Xasan Sheekh ayaa wareegii u dambeeyay ee ay isku soo hareen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu taageero balaaran ka helay Saaxiibadiisa Midowga Musharaxiinta, oo uu qeyb ka ahaa madaxweynaha Puntland oo codad badan haystay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Madaxweynaha oo war kasoo saaray dabkii Suuqa Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeey Ganacsatada iyo dadkii ku hanti beelay musiibadii kasoo gaartay dabkii Isgoyska Banaadir.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in dhibka uu la qaybsanayo dadka hantidoodu ku gubatay dabka, kaasi oo baabi’iyay goobo ganacsi oo kala duwan.

Waxa uu xusay in dowladdiisa ay xooaga saareyso wax ka qabashada musiibooyinka ka dhasha dabka, taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha horyaalla dowladda federaalka.

“Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa,” ayuu yiri MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaalo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. dabka oo kacay abaaro sideedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xaley.

Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka banaadir ayaa sheegay in dabkaan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska .

“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara”, ayuu yiri Mr Cabdiqani

Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii ballaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin illaa habeenkii xili dambe halka suuqa Bakaaraha intiisa badan la xiro Maqribka markii la gaaro taas oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan.

Maamulka Gedo oo ka hor-yimid qorshe cusub oo ay damacsan tahay Jubaland

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso, sidii ciidamadaasi dib loogu celin lahaa xeryahooda.

Jubbaland ayaa qorsheynaysa inay gacanteeda dib ugu soo celiso gobolkaasi, ka dib doorashada dalka ka dhacday ee looga adkaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisu ay dhowr kun oo askari gaysay gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa Jubbaland ku gacan-seyray in ciidamada laga saaro gobolkaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in weli ay taagan tahay baahidii markii horeba ciidamadaasi loo geeyay gobolka xuduudda ku yaala.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu xog ogaal u yahay xaaladda gobolka, isla-markaana ay wanaag uun ka filayaan dowladdiisa.

“Anaga wanaag uun baan ka fileynaa dowladda cusub, waxaana ka fileynaa wax aad iyo aad u qiimo badan, maxaa yeelay Madaxweyne xog ogaal ah oo laba xilli soo maray baa maanta Madaxweyne ah. Anaga iyo Jubbaland khilaafkii naga dhex jirayna xog ogaal u ah,” ayuu yiri gudoomiyaha.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidamada Somaliya goob kasta ayay diyaar u yihiin inay taggaan, ayna difaacaan, sababtoo ah xuduud waxaan la leenahay Itoobiya iyo Kenya, labaduba waxay u baahan yihiin in Dowlad Federaal ah ay joogto meesha, oo ay ka muuqato, goob kastana ciidamada waxay u taagan yihiin la dagaalanka Al Shabaab iyo inay shacabkooda caawiyaan.”

Gudoomiye Gareed ayaa yiri “Shalay caawinta shacabkooda ayay ku yimaadeen, marka xuduudooda la qaadanayay, badoodana la rabay in la qaato, dhulkana dhul Soomaaliyeed weeye, dhul dal kale ah ma’aha, meel kasta ayay taggi karaan.”

Gareed ayaa yiri “Madaxweyne Xasan, shalay wixii ka halaabay looma haysanin, maxaa yeelay nin xilka ku cusub oo afar sano joogay buu ahaa, laakiin maanta waa waaya-arag, wixii ka halaabo caqli xumo ugama halaabin, waaya-aragnimana ugama halaabin, garasho xumana ugama halaabinee waa wuxuu ku tala-galee noqonaysaa.”

Faah-faahin ka soo baxaysa khasaare ka dhashay dabkii Suuqa Banaadir iyo Tuugo soo weerartay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaalo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. dabka oo kacay abaaro sideedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xaley.

Goobo ganacsi oo kala duwan ayuu dabkaasi xalay ka kacay suuqa isgoyska Banaadir baabi’iyay .

Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka banaadir ayaa sheegay in dabkaan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska .

“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara”, ayuu yiri Mr Cabdiqani

Xaawo Axmed Yuusuf oo suuqa gubtay ku lahayd Carwo ayaa warbaahinta u sheegtay in hantidii halkaasi u taalay ay wax yar uga badbaaday.

“Wax yar oo aan waxbo ahayn, dhar yar ayaan hadda meel geynay oo uga nimid, waana calalo yaryar oo meeshan hore yaallay gudaha lamaba galin waa bislaatay” ayey Tiri

Ganacasatada ay wax un u badbaadeen ayaa ka walwalsanaa intii uu dabka socday in laga dhaco alaabta maadama xili habeen ah ay ahayd.

Maryan jaamac Aadan waxay usoo gurmaday labo walaalaheed ah oo carwooyin uga gubteen suuqa waxa ay sheegtay in intii uu dabku socday ay tuugo rabtay in ay suuqa boobaan ay soo weerareen.

“Tuugo baangado, mindiyo iyo toorreeyo wadato ayaa nasoo weerartay, dadkii soo gali lahaa xitaa iyaga ayey ka soo gali waayeen, haddii aysan ahayn ciidanka dowladda dadka ayey naga dili lahaayeen” ayey tiri Maryan oo ay murugo ka muuqatay.

Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii ballaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin illaa habeenkii xili dambe halka suuqa Bakaaraha intiisa badan la xiro Maqribka markii la gaaro taas oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan.

Erdogan oo shuruud adag ku xiray inuu ogolaado in Sweden iyo Finland ku biiraan NATO

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sweden aysan ka filin Turkey inay ansixiso codsigeeda ku aadan inay ku biirto NATO, ayada oo aan usoo gacan gelin “argagixiso” ku sugan dalkaas.

Erdogan ayaa sidoo kale u sheegay wufuudda Sweden iyo Finland inaysan iman Turkey si ay uga dhaadhiciyaan inuu taageero codsigooda xubinnimo.

Finland iyo Sweden ayaa si rasmi ah u codsaday Arbacadii inay ku biiraan xulufada NATO, go’aankaas oo ay qaateen kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Ankara ayaa sheegtay in Sweden iyo Finland ay magan-galyo siiyaan shaqsiyaad ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin ururo argagixiso iyo kuwa ku xiran Fethullah Gulen oo Turkey ay ku eedeysay inuu abaabulay afgambigii fashilmay ee 2016.

“Waxaan aad dareen ugu leenahay inaan xuduudaheena ka ilaalino weerarada ururada argagixiso,” ayuu Erdogan u sheegay sharci-dejiyayaasha ka tirsan xisbigiisa AKP.

Erdogan wuxuu sheegay in xulufada NATO aysan marnaba Turkey ka taageerin dagaalka ay kula jirto kooxaha mintidiinta Kurdish-ka, oo ay ku jirto kooxda YPG ee Syria oo xiriir dhow la leh kooxda PKK.

“Ballaarinta NATO waxay macno noo sameyneysaa kaliya marka lagu cabiro heerka ixtiraamka loo mujiyo arrimaha aan xasaasiyadda ka qabno,” ayuu yiri.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in ugu dambeyn Sweden iyo Finland ay heli doonaan hanaan “wax ku ool ah” oo ay ugu biiraan NATO. Wuxuu intaas ku daray in walaacyada Turkey “wax laga qaban karo.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, oo booqasho ku jooga Mareykanka, ayaa sheegay inuu dhiggiisa Mareykanka Antony Blinken oo ay ku kulmeen New York u gudbiyey “walaacyada amni ee dhabta ah” ee Turkey ee ay tahay in wax laga qabto.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa “mid togan oo wax ku ool ah.”

Ku biirista NATO ayaa waxaa qasab ah inay ogolaadaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah xulufada, taasi oo Turkey siineysa awood ay ku hor-istaagto codsiyada Finland iyo Sweden.

REUTERS + VOA