25.5 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Daawo: CC Shakuur: Xasan Sheekh laguma taageerin qabiil balse waxaa jiray…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa shaaciyay in uu jiray heshiis hoose oo Midowga Musharaxiinta ay gaareen, si loo taageero Musharaxa tartanka ku hormara, si looga adkaado madaxweynaha xilka kasii dagaya.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Xasan Sheekh ay codadka ugu wareejiyeen heshiiskii ay hore u gaareen darteed, isagoo meesha ka saaray in uu jiro isbaheysi qabiil oo loo taageeray madaxweynaha cusub.

“Heshiiskeena waxa uu ahaa qofkasta oo anaga naga mid ah (Midowga Musharaxiinta) ee tartanka ku hormara in asaga la taageero, sidaas ayaa keentay in Xasan Sheekh Maxamuud la taageero,” ayuu yiri Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Wax gooni ah oo cid gooni ah lagu xigsanayo oo qabiil gooni ah lagu xigsanayay ma aheyn. Dadkii tartanka ku jirtay waxaa dhamaanteen ku heshiinay sidaas, marka Xasan Sheekh ayaa ku horeeyay sidaas ayuu ku helay.”

Xasan Sheekh ayaa wareegii u dambeeyay ee ay isku soo hareen Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu taageero balaaran ka helay Saaxiibadiisa Midowga Musharaxiinta, oo uu qeyb ka ahaa madaxweynaha Puntland oo codad badan haystay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee mar labaad ku soo noqday xukunka dalka, wuxuuna xilka kala wareegayaa Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo horay uu xukunka ugu wareejiyey shan sano ka hor, sanadkii 2017-kii.

Madaxweynaha oo war kasoo saaray dabkii Suuqa Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeey Ganacsatada iyo dadkii ku hanti beelay musiibadii kasoo gaartay dabkii Isgoyska Banaadir.

Madaxweynaha ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay in dhibka uu la qaybsanayo dadka hantidoodu ku gubatay dabka, kaasi oo baabi’iyay goobo ganacsi oo kala duwan.

Waxa uu xusay in dowladdiisa ay xooaga saareyso wax ka qabashada musiibooyinka ka dhasha dabka, taasi oo uu sheegay inay qeyb ka tahay qorshaha horyaalla dowladda federaalka.

“Waxa aan xannuunka iyo dhibka la Wadaagayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee hantidoodii ku gubatay dabkii xalay ka kacay isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kuna fiday goobaha ganacsi ee u dhow Musiibada dabku waa mid kamid ah Arrimaha nooga wada baahan maareynta, Insha Allaahu xilligeeda iyo xalkeeda waannu gaari doonaa,” ayuu yiri MW Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaalo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. dabka oo kacay abaaro sideedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xaley.

Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka banaadir ayaa sheegay in dabkaan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska .

“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara”, ayuu yiri Mr Cabdiqani

Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii ballaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin illaa habeenkii xili dambe halka suuqa Bakaaraha intiisa badan la xiro Maqribka markii la gaaro taas oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan.

Maamulka Gedo oo ka hor-yimid qorshe cusub oo ay damacsan tahay Jubaland

Garbahaarey (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Gedo ayaa si adag uga horyimid in Ciidamada Dowladda laga saaro gobolkaasi, xilli Dowlad Goboleedka Jubbaland ay u ololeynayso, sidii ciidamadaasi dib loogu celin lahaa xeryahooda.

Jubbaland ayaa qorsheynaysa inay gacanteeda dib ugu soo celiso gobolkaasi, ka dib doorashada dalka ka dhacday ee looga adkaaday Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo dowladdiisu ay dhowr kun oo askari gaysay gobolkaasi.

Gudoomiyaha Gobolka Gedo, Axmed Buulle Maxamed (Gareed) ayaa Jubbaland ku gacan-seyray in ciidamada laga saaro gobolkaasi, isagoona hoosta ka xariiqay in weli ay taagan tahay baahidii markii horeba ciidamadaasi loo geeyay gobolka xuduudda ku yaala.

Gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu xog ogaal u yahay xaaladda gobolka, isla-markaana ay wanaag uun ka filayaan dowladdiisa.

“Anaga wanaag uun baan ka fileynaa dowladda cusub, waxaana ka fileynaa wax aad iyo aad u qiimo badan, maxaa yeelay Madaxweyne xog ogaal ah oo laba xilli soo maray baa maanta Madaxweyne ah. Anaga iyo Jubbaland khilaafkii naga dhex jirayna xog ogaal u ah,” ayuu yiri gudoomiyaha.

Waxa kaloo uu yiri “Ciidamada Somaliya goob kasta ayay diyaar u yihiin inay taggaan, ayna difaacaan, sababtoo ah xuduud waxaan la leenahay Itoobiya iyo Kenya, labaduba waxay u baahan yihiin in Dowlad Federaal ah ay joogto meesha, oo ay ka muuqato, goob kastana ciidamada waxay u taagan yihiin la dagaalanka Al Shabaab iyo inay shacabkooda caawiyaan.”

Gudoomiye Gareed ayaa yiri “Shalay caawinta shacabkooda ayay ku yimaadeen, marka xuduudooda la qaadanayay, badoodana la rabay in la qaato, dhulkana dhul Soomaaliyeed weeye, dhul dal kale ah ma’aha, meel kasta ayay taggi karaan.”

Gareed ayaa yiri “Madaxweyne Xasan, shalay wixii ka halaabay looma haysanin, maxaa yeelay nin xilka ku cusub oo afar sano joogay buu ahaa, laakiin maanta waa waaya-arag, wixii ka halaabo caqli xumo ugama halaabin, waaya-aragnimana ugama halaabin, garasho xumana ugama halaabinee waa wuxuu ku tala-galee noqonaysaa.”

Faah-faahin ka soo baxaysa khasaare ka dhashay dabkii Suuqa Banaadir iyo Tuugo soo weerartay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu guuleystay in la damiyo dab xalay ka kacay suuq ku yaalo isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho. dabka oo kacay abaaro sideedi fiidnimo ayaa soo gaaray ilaa saqdii dhaxe ee xaley.

Goobo ganacsi oo kala duwan ayuu dabkaasi xalay ka kacay suuqa isgoyska Banaadir baabi’iyay .

Cabdiqani dhaloole agaasimaha gurmadka deg dega ah ee gobalka banaadir ayaa sheegay in dabkaan sidoo kale dhaawacyo uu ka soo gaaray qaar ka mid ah shaqaalaha dab-damiska .

“Qaar ka mid ah shaqaalihii ku mashquulsanaa inay dabka damiyaan ayaa dhaawacyo kala duwan oo fudfudud ay soo gaareen waana dhaawac la maareyn karo oo ma aha wax culeys keeni kara”, ayuu yiri Mr Cabdiqani

Xaawo Axmed Yuusuf oo suuqa gubtay ku lahayd Carwo ayaa warbaahinta u sheegtay in hantidii halkaasi u taalay ay wax yar uga badbaaday.

“Wax yar oo aan waxbo ahayn, dhar yar ayaan hadda meel geynay oo uga nimid, waana calalo yaryar oo meeshan hore yaallay gudaha lamaba galin waa bislaatay” ayey Tiri

Ganacasatada ay wax un u badbaadeen ayaa ka walwalsanaa intii uu dabka socday in laga dhaco alaabta maadama xili habeen ah ay ahayd.

Maryan jaamac Aadan waxay usoo gurmaday labo walaalaheed ah oo carwooyin uga gubteen suuqa waxa ay sheegtay in intii uu dabku socday ay tuugo rabtay in ay suuqa boobaan ay soo weerareen.

“Tuugo baangado, mindiyo iyo toorreeyo wadato ayaa nasoo weerartay, dadkii soo gali lahaa xitaa iyaga ayey ka soo gali waayeen, haddii aysan ahayn ciidanka dowladda dadka ayey naga dili lahaayeen” ayey tiri Maryan oo ay murugo ka muuqatay.

Suuqa Banaadir ayaa sanadihii ugu dambeeyay sii ballaaranay maadama ganacsata ay goobahooda ganacsi u furanyihiin illaa habeenkii xili dambe halka suuqa Bakaaraha intiisa badan la xiro Maqribka markii la gaaro taas oo keentay in ay helaan macaamiil aad u badan.

Erdogan oo shuruud adag ku xiray inuu ogolaado in Sweden iyo Finland ku biiraan NATO

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Sweden aysan ka filin Turkey inay ansixiso codsigeeda ku aadan inay ku biirto NATO, ayada oo aan usoo gacan gelin “argagixiso” ku sugan dalkaas.

Erdogan ayaa sidoo kale u sheegay wufuudda Sweden iyo Finland inaysan iman Turkey si ay uga dhaadhiciyaan inuu taageero codsigooda xubinnimo.

Finland iyo Sweden ayaa si rasmi ah u codsaday Arbacadii inay ku biiraan xulufada NATO, go’aankaas oo ay qaateen kadib markii Ruushka uu ku duulay Ukraine.

Ankara ayaa sheegtay in Sweden iyo Finland ay magan-galyo siiyaan shaqsiyaad ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin ururo argagixiso iyo kuwa ku xiran Fethullah Gulen oo Turkey ay ku eedeysay inuu abaabulay afgambigii fashilmay ee 2016.

“Waxaan aad dareen ugu leenahay inaan xuduudaheena ka ilaalino weerarada ururada argagixiso,” ayuu Erdogan u sheegay sharci-dejiyayaasha ka tirsan xisbigiisa AKP.

Erdogan wuxuu sheegay in xulufada NATO aysan marnaba Turkey ka taageerin dagaalka ay kula jirto kooxaha mintidiinta Kurdish-ka, oo ay ku jirto kooxda YPG ee Syria oo xiriir dhow la leh kooxda PKK.

“Ballaarinta NATO waxay macno noo sameyneysaa kaliya marka lagu cabiro heerka ixtiraamka loo mujiyo arrimaha aan xasaasiyadda ka qabno,” ayuu yiri.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in ugu dambeyn Sweden iyo Finland ay heli doonaan hanaan “wax ku ool ah” oo ay ugu biiraan NATO. Wuxuu intaas ku daray in walaacyada Turkey “wax laga qaban karo.”

Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, oo booqasho ku jooga Mareykanka, ayaa sheegay inuu dhiggiisa Mareykanka Antony Blinken oo ay ku kulmeen New York u gudbiyey “walaacyada amni ee dhabta ah” ee Turkey ee ay tahay in wax laga qabto.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sheegay in kulanka uu ahaa “mid togan oo wax ku ool ah.”

Ku biirista NATO ayaa waxaa qasab ah inay ogolaadaan dhammaan 30-ka dal ee xubnaha ka ah xulufada, taasi oo Turkey siineysa awood ay ku hor-istaagto codsiyada Finland iyo Sweden.

REUTERS + VOA

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdi Xaashi oo ka wada-hadlay arrin muhiim ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa guriga uu ka dagan yahay Muqdisho ku qaabilay guddoomiyaha Gobolka Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la sheegay inuu madaxweynaha ugu tagay Salaan iyo hambalyo.

Madaxweyne Xasan iyo guddoomiye Cabdixaashi ayaa qaatay kulan saacado badan qaatay, iyagoo ka wada-hadlay sidii si wadajir ah loo dardar gelin lahaa howlaha hortabinta leh ee horyaala dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa uga mahad celiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dadaalkiisa ku aadan dowlad dhisida Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay in uu dadaal geliyo xalinta mushkiladaha xillugaan kajira Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii la doortay 15-kii Bishaan waxaa uu waday kulamo kala duwan si uu u ogolaado waxyaabaha ugu horreeyo ee looga fadhiyo dowladiisa.

Sida qorshaha yahay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa la filayaa inuu 22 Bishaan xilka kala wareego madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana socoto qabanqaabada xafladda xil-wareejinta.

Waxyaabaha ugu horreeyo ee madaxweynaha horyaalo ayaa ah magacaabista Ra’isulwasaaraha cusub ee Xukuumadda Soomaaliya si uu isna usoo magacaabo wasiiro, waxayna shaqada Dowladda madaxweyne Xasan Shiikh ku xirnaan doontaa sida ay u shaqeyso xukuumadda iyo Ra’isulwasaaraha uu magacaabi doono.

Mareykanka oo war kasoo saaray casuumad la sheegay in Biden u fidiyey Xasan Sheekh

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ka jawaabtay warar labadii maalmood ee u dambeeyey qabsaday baraha bulshada oo sheegayey in madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu casuumad rasmi ah usoo diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud. 

Safaaradda ayaa qoraal kooban oo ay soo dhigay twitter-ka ku sheegtay inay caddeyneyso in waqtigan la joogo aysan jirin casuumad rasmi ah oo ka timid madaxweynaha Mareykanka oo loo soo diray madaxweynaha Soomaaliya si uu u booqdo Washington DC. 

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in dowladda Mareykanka ay ka war hayso in madaxweynaha Soomaaliya uu hadda aad ugu mashquulsan yahay dhismahada dowladdiisa cusub. 

Madaxweyne Xasan oo la doortay 15-kii May ayaa waday kulamo siyaasadeed iyo la-tashiyo la xiriira magacaabista ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, welina xilka kalama wareegin madaxweyne Farmaajo oo illaa hadda ku sugan madaxtooyada.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 17-kii bishan May soo dhoweeyey go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ku go’aamiyey inuu dib ugu celiyo Soomaaliya dhowr boqol oo ka tirsan ciidamada khaaska ah ee tababarka iyo taageerada siiya ciidanka Soomaaliya.

Fariin lagu qoray barta twitterka madaxtooyada ayaa lagu sheegay in dawladda Soomaaliya ay Maraykanka u aragto waddan iskaashi la isku hallayn karo la leh Soomaaliya, marka ay noqoto baadi-goobka Soomaaliya ugu jirto xasillooni iyo dhinaca la-dagaalanka argagixisada.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar boqolaal askari oo Mareykan ah dib loogu soo celinayo Soomaaliya, si ay uga hortagaan kooxda Al-Shabaab oo khatar weyn ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Saraakiisha militariga Mareykanka ayaa horay u sheegay in la-dagaalankii Al-Shabaab uu wiiqay go’aankii madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya.

Dab xooggan oo caawa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa caawa ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla isgoyska Benaadir ee magaalada Muqdisho, ayada oo illaa hadda aan la garaneyn waxa sababay.

Lama yaqaanno khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay, hase-ahaatee olol xooggan ayaa cirka isku shareeraray.

Ciidamada amniga, gawaarida gurmadka deg-degga ah iyo dab damiska ayaa gaaray halka uu dabku ka kacay, ayaga oo isku dayaya inay dabka damiyaan.

Dadweyne fara badan ayaa sidoo kale gaaray goobta, hase-ahaatee ciidamada dowladda ayaa cirka u tuuraya risaas si dadka aysan ugu dhowaan halista dabka.

Booliska ayaan weli ka hadlin dabkaan ka ololaya isgoyska Benaadir.

Dabka ka kaca suuqayada ayaa aad ugu badan Muqdisho, ayada oo dhowr mar uu gubteen suuqa weyn ee Bakaaraha iyo suuqyo kale oo yaryar oo ku yaalla magaalada.

VOA

Imaaraadka oo qaaday tallaabo lama filaan ah kadib lacagtii ay fasaxay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa goordhoweyd shaacisay in Soomaaliya ay ugu deeqday lacag gaareysa $9.5 Milyan, taasi oo ah gargaar bini’aadanimo oo deg deg ah.

Deeqdaan oo amarkeeda uu bixiyay Madaxweynaha cusub ee Imaaraadka Sheekh Maxamed bin Zayed Al Nahyan ayaa qeyb ka noqon doonta taakulada dadka saameynta weyn ku reebeen abaaruhu, xili ay xaalada abaareed ee dalka ay kasii dareyso.

Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in ujeedadoodu tahay in ay ka qayb qaataan daboolida baahiyaha dadka Soomaaliyeed.

Arrintan ayaa imaneysa saacado kadib markii lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee dowladda Soomaaliya ay xayirtay bishii April 2018 la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.”

Sii-deynta lacagtaas oo dhan $9.6 milyan ee maanta ayaa timid kadib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Maxkamadda u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Kadib go’aankaas, ayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu lacagta ku wareejiyey safiirka Imaaraadka ee Muqdisho Mohamed Ahmed Al’uthman.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii Janaayo 2022 wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta u safray dalka Imaaraadka, halkaas oo uu uga qayb-galayo Aaska Madaxweynihii dalkaasi Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ee geeriyooday.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadihii u dambeeyey, kadib khilaaf soo kala dhex-galay iyaga dowladddii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo hadase wuxuu u muuqdaa inuu isbedal ku yimid kadib doorashada Xasan Sheekh.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiir uu ujoogaa magaalada Muqdisho, kaas oo durbo kulan toos ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, una hambalyeeyey.

Daawo: Rooble oo war lama filaan ah kasoo saaray khilaafkii kala dhexeeyey Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo maanta guddoomiyey shirka golaha wasiirada ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda dalka iyo doorashooyinkii soo dhamaaday.

Shirka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ugu horreyn lagu ansixiyay Xeer-nidaamiyaha Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Rooble oo ka hadlay shirka ayaa markale u hambalyeeyey Madaxweynaha cusub, Mudane Xasan Sheekh, wuxuuna ka dalbaday Ummadda Soomaaliyeed inay u duceyso.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa u mahadceliyey Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isaga oo war lama filaan kasoo saaray wada-shaqeyntoodii.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaan rabaa inaan isna halkan uga mahadceliyo sidii sharafta laheyd ee uu dalkan kusoo hoggaamiyey iyo sidii sharafta laheyd ee xil wareejinta iyo qori isku dhiibka u sameeyey,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay wada-shaqeyn wanaagsan soo dhex-martay, ayna kaliya ku kala aragti duwanaayeen arrimaha doorashooyinkii soo dhammaaday.

“Waxaan maanta shacabka Soomaaliyeed u sheegayaa wada shaqeyn fiican iyo walaaltinimo waa nasoo dhex-martay bani’aadam ayaa la yahoo ilka iyo carab ayaa dad isugu dhow way is qaniinaan, waana sheegayoo Madaxweynaha aad ayaan iskula shaqeynay, laakiin dhibka Soomaaliya heesta waa sheegay miilkiilaha sow maahin?” ayuu markale  yiri Ra’iisu waasaruhu.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in wixii dhacay laga soo gudbay, isla-markaana uusan waxba u qabin Madaxweynihii hore ee dalka.

“Inaan u mahadceliyo ayaan rabaa si ufishal ahna inaan u dhoho Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo wixii dhacay Cafa Laahu Camaa Salafa, waan wada shaqeynay,”.

R/W ROOBLE oo maanta u baxay safar dibadeed + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta u amba-baxay magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu-Taga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga qayb-galayo Aaska Madaxweynihii dalkaasi Sheekh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ee geeriyooday.

Rooble ayaa kamid ah madaxda kala duwan ee ka qab-galeysa munaasabadda aaska loo sameyneynayo Sheekh Khalifa oo dhowaan xanuun u geeriyooday, isaga oo jiray 73 sano.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale madaxweynaha cusub ee dalkaas Sheikh Maxamed Bin Zayid u gudbin doona hambalyo iyo salaan uu uga wado madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheikh Maxamuud.

Kadib aaska Marxuumka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda ugu sarreysa ee waddanka Imaaraadka Isu-Taga Carabta, oo uu kala hadli doona sii xoojinta xiriirka u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Sidoo kale waxaa ra’iisul wasaaraha booqashadan ku wehlinaya qaar ka mid ah golihiisa wasiirada oo iyaguna wada-hadallo la yeelan madax ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Ra’iisul wasaaraha ayaa horey u booqday dalkan, xilligii uu khilaafka kala dhexeeyey Madaxweynaha xilka kasii daya, kadib markii uu raaligelin siiyey xukuumadda Abu Dhabi.

Xiriirka Imaaraadka iyo Soomaaliya ayaa hoos u dhacay sanadihii u dambeeyey, kadib khilaaf soo kala dhex-galay iyaga dowladddii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullahi Farmaajo hadase wuxuu u muuqdaa inuu isbedal ku yimid kadib doorashada Xasan Sheekh.

Dowladda Imaaraadka ayaa ka mid ah dowladaha Carbeed ee saameynta ku leh siyaasadda Soomaaliya, waxaana safiir uu ujoogaa magaalada Muqdisho, kaas oo durbo kulan toos ah la yeeshay Madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya, una hambalyeeyey.

DF oo si rasmi ah maanta u fasaxday lacagtii laga xayiray IMAARAADKA CARABTA

Muqdisho (Caasimada Online) – Lacagtii dowladda Imaaraadka Carabta ee dowladda Soomaaliya ay xayirtay bishii April 2018 ayaa ugu dambeyn maanta la fasaxay, ayada oo lagu wareejiyey safiirka dalkaas ee Muqdisho, sida ay xaqiijisay Caasimada Online. 

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejisay Dowladda Imaaraadka Carabta lacag dhan 9.6 Milyan oo Doollar oo horay looga xayiray.”

Sii-deynta lacagtaas oo dhan $9.6 milyan ee maanta ayaa timid kadib go’aan kasoo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu amray in la fasaxo lacagtaas, sida ay ilo-wareedyo ka tirsan Maxkamadda u xaqiijiyeen Caasimada Online. 

Kadib go’aankaas, ayaa ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxa uu lacagta ku wareejiyey safiirka Imaaraadka ee Muqdisho Mohamed Ahmed Al’uthman.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa 7-dii Janaayo 2022 wuxuu dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacagtaas oo laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, wuxuuna amray in la fasaxo.

Isla maalinkaas Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah dib u celinta lacagtii dowladda Imaaradka wuxuuna guddoomiyaha Bankiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay.

Muranka Rooble iyo Farmaajo ayaa waxaa 30-kii Janaayo soo faro-gelisay Maxkamadda Gobolka Banaadir oo soo saartay amar lagu hakinayo bixinta lacagta Imaaraadka taasi oo hakad gelisay in lagu wareejiyo dowladda Imaaraadka.

Si kastaba, Maxkamadda ayaa hadda u muuqata inay maanta beddeshay go’aankeedii hore, waxayna soo saartay amar cusub oo lagu fasaxay lacagta ugu dambeynna dib loogu celiyey Imaaraadka Carabta.

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyay xeerar dhowr ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wasiirada oo uu maanta shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa lagu ansixiyay xeer muhiim u ah socod-siinta howlaha dowladda.

Xeer-nidaamiyayaasha lagu ansixiyey shirka Golaha Wasiirada ayaa kala ah: Sharciga Maareynta Maaliyadda, Hindise sharciyeedka kalluumeysiga iyo Siyaasadda maamulka howlaha hay’adaha samafalka islaamiga ah.

Shirka oo ay fadhiyeen inta badan Golaha Wasiirada ayaa waxa uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka dhageystay warbixino kala duwan oo la xiriirta shaqadooda, isaga oo ku booriyay dardar-gelintooda.

Sidoo kale Golaha ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, oo dhawaan xilka kala wareegaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo uu kaga adkaaday doorashadii 15-ka May.

“Madaxweyne Xasan Sheekh marka hore waa u hambalyeynayaa aniga oo ku hadlaya magaca Golaha Wasiirada, Waxaa leeyahay Allaha u fududeeyo howsha culus ee uu qabtay madaxweyne Xasan Sheekh,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo ka hadlay shirka Golaha Wasiirada.

Ugu dambeyntiina waxa uu Ra’iisul Wasaaraha faray Golaha Wasiirada inay si hufnaan leh u gutaan shaqadooda, ayaga oo dantooda shaqsiga ah ka hormarinaya midda guud, islamarkaana daacada ugu adeegan bulshada Soomaaliyeed.

Sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda oo maanta lagu dilay Muqdisho + Magaca

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya toogasho ay koox hubeysan maanta ka geysatay qaybo ka mid ah degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir.

Toogashada oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa barqanimadii maanta ka dhacday xaafad ka tirsan degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Laba Xidigle Aadan Cismaan, waxaana lagu dilay agagaarka hoygiisa oo ku yaalla degmada Dharkenley.

Ragga dilka fuliyey oo ku hubeysnaa bistoolado ayaa goobta isaga baxsaday kadib dhacdadaasi, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale goor dambe gaaray goobta, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada oo ku aadan dilkaasi.

Xaaladda goobta uu dilku ka dhacay ayaa haatan dagan, waxaana falkan uu qayb ka noqoyanaa falalka amaan darri ee ka dhacay magaalada Muqdisho.

Si kastaba, dilkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhinaca kale ciidamada dowladda ay howlgallo ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana ugu dambeeyey Warta Nabadda oo xalay baaritaano xoogan ay ka sameeyeen ciidanka Booliska Soomaaliya.

Sheekh Aadan Madoobe oo loo gudbiyey dalab la xiriira lacagihii musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga gurmadka ee abaaraha, iyaga oo ka wada-hadlay sidii wax looga qaban lahaa abaaraha.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale diiradda lagu soo saaray sidii deg deg gurmad loogu gaarsiin lahaa qoysaska Soomaaliyeed ee ay saameysay abaarta haatan ka jirta dalka.

Xubnaha guddiga ayaa intaasi kadib guddoomiyaha u gudbiyey codsi la xiriira lacagihii faraha badnaa ee laga qaaday musharaxiintii u tartantay xilka Madaxweynaha si qayb ka mid ah loogu deeqo gurmadka, waxna loogu qabto dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan.

Musharaxiinta tartantay oo kor u dhaafeysay 30 qof ayaa mid kasta, waxa uu bixiyey lacag dhan 40 kun oo Dollar Mareykanka, taas oo aheyd mid lagu diiwaan-gelinayey tartamayaasha oo uu ugu dmabeyn ka soo dhex-baxay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhankiisa Sheekh Aadan Madoobe oo ka hadlay kulanka ayaa guddiga u sheegay in sida ugu wanaagsan uu Golaha ula shaqeeyn doono, uuna tixgelin doono dalabkooda.

Guddiga gurmadka abaaraha ayaa haatan wada dadaallo xoogan, waxayna shalay la kulmeeyn Madaxweynaha cusub oo ay kala hadleen xaalada abaaraha ee dalka.

Kulamadan ayaa imaanaya xilli ay haatan dalka ka jirto abaar aad u daran, ayada oo la soo warinayo in gobalada qaar ay dadka u dhinteen biyo la’aan, halka qaarkood ay ka baro-kaceyn deeganadii ay ku sugaanaayeen.

Soomaaliya ayaa waxaa kusoo noq-noqotay abaar baahsan, taas oo loo sababeynay Roobabkii la filayey oo aan di’in iyo dhibaatooyin kale oo is-biirsaday.

Sidee guusha Xasan Sheekh usoo afjartay saameyntii Afwerki ee Geeska Afrika?

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inay soo afjarto awooddii madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ee Geeska Afrika.

Afwerki ayaa 2018-kii wuxuu heshiis saddex geesood ah oo amni la galay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abi Ahmed Ali.

Heshiiskaas oo markii hore xogtiisa la qariyey ayaa waxaa xilli dambe soo baxday in ujeedkiisu ahaa weerarkii lagu qaaday gobolka Tigray ee Ethiopia, halkaasi oo ay maamulaan kooxda cadaawadda kala dhaxeysa Afwerki ee TPLF, si Abiy loogu qabto.

Waxaa sidoo kale ku jiray in Itoobiyaanka iyo Eraitrean-ka ay Farmaajo ka taageeraan inuu qabsado Soomaaliya, hase yeeshee waxaa taas fashiliyey iska caabintii ciidanka Badbaado Qaran iyo guuldarradii uu Abiy kala kulmay Tigray-ga.

Weerarka uu Abiy ku qaaday gobolka, ayaa waxaa sidoo kale la ogaaday inay ku lug lahaayeen qaar ka mid ah ciidamada Soomaaliya ee uu Farmaajo tababarka ugu diray Asmara. 

Omar Mahmood, oo ah khabiirka ururka xasaradaha caalamiga ah ee ICG u qaabilsan Soomaaliya, ayaa sheegay in heshiiskaas uu hadda yahay “mid ka kooban kaliya laba dhinac” marka uu ugu wanaagsan yahay, haddiiba aanu dhiman.

“Inkasta oo Hasan Sheekh uusan dooneyn inuu fogeeyo Eritrea, haddana waxaan ku raacsanahay in Isaias uu lumiyey saaxiib uu ku lahaa Muqdisho,” ayuu yiri Tobias Hagmann oo xiriirka caalamiga ah ka dhiga Jaamacadda Roskilde University ee dalka Denmark.

“Xulufada Eritrea mar walba wa kuwo fursad gaad ah oo cimri gaaban, waxaana Afwerki uu mar horeba billaabay inuu xiriir la yeesho Amxaarada Ethiopia ee dagaalka kula jiray Tigrayga tan iyo bishii November ee 2020,” ayuu yiri Hagmann. 

Guuldarrada Farmaajo ayaa waxaa soo dhoweeyey Kenya oo ay marar badan isku dhaceen maamulkiisa. 

Mehari Taddele Maru, oo ah taxliiliye ka tirsan Jaamacadda European University Institute ee magaalada Florence ee Talyaaniga ayaa u arka doorashada Xasan Sheekh mid “guul weyn u ah Soomaaliya iyo Geeska Afrika” oo xiisad lagu geliyey heshiiska saddex geesoodka.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Xasan Sheekh ugu hambalyeeyey guushiisa, wuxuuna sheegay inuu xiiseynayo inuu kala shaqeeyo danta labada dal iyo tan gobolka. 

Daawo: Dhul boob ka socda Muqdisho kahor inta aanu XASAN xilka la wareegin

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa wada qorshihii ugu danbeeyay ee lagu cabirayo dhulka danta guud ee magaalada Muqdisho, kahor inta aanu xukunka la wareegin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ciidamada maamulka degmada Dharkeynley ayaa howlgal burburin ah labadii maalmood ee tagay ka waday Suuq-yaraha degmada Dharkeynley, iyadoo la sheegay in qorshuhu yahay in dhulka uu ku fadhiyo Suuq-yaraha la banneeyo, kadibna la cabiro oo la iibiyo.

Waxaa la burburiyey kawaankii Suuq-yaraha iyo qeybo ka mida Guryo ay degan yihiin Dadweyne, waxaana arrintan ka hor yimid dadka halkaasi degan oo ciidamo taageersan u yeertay, kadibna halkaasi ka saaray ciidamadii Degmada ee burburinta waday.

Dadweynaha halkaasi degan ayaa madaxweynaha cusub ka dalbaday inuu arrintan soo farageliyo, iyadoo sheegay in maamulka degmada Dharkeynley, Gobolka Banaadir iyo dowladii dhacday ay boobayaan dhulkooda.

Dhinaca kale Cumar Filish oo ay wehliyaan xildhibaannada beeshiisa iyo Nabadoonka ayaa shalay salaan ugu tegay Madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana la sheegay inuu ujeedkiisu yahay inuu xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir sii joogo.

Lama oga tallaabada uu madaxweynaha cusub ka qaadi doono dhulka danta guud ee madaxda Gobolka Banaadir iyo degmooyinka ay boobkii ugu danbeeyay ku wadaan xilligan kala guurka ah.

Hore inta badan degmooyinka Gobolka Banaadir waxay Guryaha si hordhac ah uga qaateen lacagtii canshuur sanadeedka ahayd oo iyadoo aan la gaarin waqtigeeda dadka lagu qasbay inay bixiyaan.

Daawo: Ciidamada dowladda oo xalay howlgal culus ka sameeyey MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal ballaaran oo xalay ciidamada Booliska Soomaaliya ay ka sameeyeen qeybo ka mid ah degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu xaqiijinayey ammaanka.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa laga sameeyey xaafado dhowr ah oo ka tirsan degmadaasi, waxaana horkacayey taliyaha saldhigga, Cabdullahi Xasan Cali.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa mid ka dhan ah kooxaha ciyaal weerarada ee inta badan dhibaatooyinka ka geysta gudaha magaalada Muqdisho.

Sida uu sheegay taliyaha baaritaanadan ayaa waxaa lagu soo qab-qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo la’isugu geeyey hal goob, halkaas oo uu kula hadlay taliyuhu.

“Naftaada bad-baadi, annaga na bad-baadi, deegaanka bad-baadi, ha noqon caasi waalideyn intaas ayaa noo ballan ah,” ayuu yiri taliyaha Booliska Warta Nabadda.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in howlgalkan uu qayb ka ahaa ka hortagga kooxaha burcadda ee xilliyada habeenkii ah dhaca u geysta dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray shacabka ku dhaqan degmada Warta Nabadda ee go wuxuuna ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyey ciidanka dowladda ayaa xoojiyey howlgallada lagu sugayo amniga Muqdisho, maadaama ay marti-gelisay doorashadii Madaxweynaha ee Afisyoone.

Xasan Sheekh oo shaaciyey qorshe uu doonayo in awood qeybsiga 4.5 looga gudbo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo bixiyey wareysigii ugu horeeyey ayaa shaaciyey in dowladiisa ay u qorsheysan tahay in laga gudbo nidaamka ay hadda beelaha Soomaaliyeed wax ku qeybsadaan ee 4.5 ka.

Madaxweyne Xasan oo wareysigaan siiyey Idaacadda VOA wuxuu sheegay in sanadihii uu ahaa madaxweynihii 8-aad ee Soomaaliya la sameeyey nidaam looga gudbi karo awood qeybsiga beelaha Soomaalida ee afar dhibic shan iyo doorasho dadban, balse aan la dhaqan gelin.

“2017-kii markii aan xukunka ka degay, waxyaabihii aan Madaxweyne Farmaajo ku wareejiyey waxaa ka mid ahaa qorshe looga gudbayo nidaamkaan 4.5 iyo doorashada dadban, laakiin qorshahaas lama dhaqan gelin sababo badan awgood, welina waa yaallaa, hadda dib u eegis ayaan ku samey doonaa, waana dhaqan gelayaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in beelaha Soomaaliyeed qaar aysan jecleyn sida hadda awoodaha loogu qeybiyo ee 4.5, isagoo balan qaaday in qorshe nidaamkaas looga gudabayo ay la imaa doonaan markii uu dhameysto mudo xileedkiisa 2026-ka.

“Nidaamkaas inuu dalka ku soo noqdo ma jeclin hadii Alle yiraahdo, markii waqtigeenu dhamaado 2026-ka, waxaan la imaa doonaa nidaam doorasho oo dadku isku raacsan yahay oo doorashada dadban ka duwan ayaan la imaa doonaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynuhu wareysigaan wuxuu ku sharaxay qorshaha dowladiisa ee 100-ka Maalmood ee u horeysa iyo howlaha hortabinta leh dowladnimada uu hoggaaminayo ee Soomaaliya.

“Waxaa rabnaa 100-ka Maalmood gudahood in aan dib u eegis ku sameynay hay’addaha amniga, sharciyadooda oo aad u gaboobay. Waxaa rabnaa in aan sameyno heshiis guud oo dowlada iyo dowlad goboleedyada dhexmara oo lagu federaaleynayo arrimaha muhiimka ah. Si amniga magaalada Muqdisho aan u xaqiijino waxaan rabnaa inay amni noqotaan gobollada Shabeellooyinka, srrimaha amniga cidkasta oo naga saacideysana waan soo dhoweynaynaa,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Qaar ka mid ah beelaha Soomaaliyeed ayaa aad uga cabta nidaamka ay burburkii kadib Soomaalidu ku qeybsato awoodaha dowladda ee 4.5, taas waxaa barbar socday doorashooyin aad loo nacay musuqa iyo awood sheegashada ka dhex jirta, balse hadda Madaxweyne Xasan Sheekh oo mar labaad fursad u helay inuu ku soo laabto xukunka ayaa balan qaaday inuu dalka ka gudbi doono afar dhibic shan iyo doorasho dadban.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Magaalada KISMAAYO oo baahi weyn u qabta isbedalka ka dhacay dalka + Video

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaallo xeebeedka Kismaayo oo xarun KMG u ah Jubbaland ayaa 5-tii sano ee la soo dhaafay wajahday culeyskii ugu xooganaa ee ka dhashay dagaalkii siyaasadeed ee u dhexeeyey Axmed Madoobe iyo dowladda dhexe.

Kismaayo ayaa haatan waxaa u baryey waa cusub, kadib dib doorashada Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligiisii la aas aasay Jubbaland, gaar ahaan sanadkii 2013-kii.

Shacabka Kismaayo iyo guud ahaan Jubbaland ayaa haatan baahi weyn u qaba isbedalka siyaasadeed ee ka dhacay dalka, maadaama uu saameyn xoogan ku yeeshay hardankii siyaasadeed ee u dhexeeyey dowladdii Maxamed Farmaajo iyo maamulka Axmed Madoobe.

Qaar ka mid ah shacabka Kismaayo oo ka hadlay isbedalka dhacay ayaa sheegay inay ka rajeynayaan Madaxweynaha mar 2-aad la doortay inuu wax ka qabo xaalka Jubbaland.

‘Nidaamkan isbedelka ee lagu doortay Mudane Xasan Sheekh Maxamuud shantii sano dhibaatooyinkii Jubbaland ay wajaheysay in uu ka tiro ayaan horta rajadeena ugu weyn ay tahay,” ayuu yiri mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Sidoo kale gabar kale oo ka mid ah dhalinyarada Kismaayo ayaa ugu baaqday Madaxweynaha cusub inuu Jubbaland ka qaado cunaqabateynta la saaray, una soo gurmado.

“Xasan Sheekh Maxamuud waxaan leenahay annaga oo reer Jubbaland ah guuleyso garabkaaga nahay waxaan kaa codsaneynaa inaad noo hagar baxdo colaaddii iyo cunaqabateyntii na saarneyd inaad naga dul-qaado” ayey tiri gabar reer Kismaayo ah.

Dhinaca kale wasiirka warfaafinta dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Saleebaan Maxamed Maxamuud oo ka hadlayey xaaladda maamulka ayaa sheegay inay wadaan qorshe cusub oo ay ku wajahayaan gobolka Gedo, si xal looga gaaray wixii dhacay.

“Gobolka Gedo waxa uu ka mid yahay maamul goboleedka Jubbaland sharci ahaan heshiis ay wada saxiixeen saddexda gobol ayuu kagag mid noqday maamul goboleedka Jubbaland,” ayuu yiri wasiirku.

Saleebaan Maxamed ayaa sidoo kale xusay inay gobolka ka sameyn doonaan dib u heshiisiin, kadibna ay dhisi doonaan maamullada gobollada iyo kuwa degmooyinka.

“Dowladd cusub ee dhalatay iyo Jubbaland waxay sameyn doonaan dhammaan gogol wada-hadal ah oo dib u heshiisiin ah, taas oo maamullada degmooyinka iyo gobollada la dhisi doono sidaasna lagu sameyn doono maamul,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Jubbaland ayaa dagaal siyaasadeed oo culus la gashay Madaxweynaha xilka kasii dagaya oo ciidamo fara badan geeyey gobolka Gedo, taas oo sii hurisay xiisadda labada dhinac.