25.5 C
Mogadishu
Friday, June 27, 2025

Xog: Musharaxiin lagu wado inay isaga haraan tartanka doorashada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socota diyaar garowgii u dambeeyay ee doorashada madaxweynaha, ayada oo loo balansan yahay inay dhacdo Axada toddobaadka soo socda ee 15-ka bishaan.

Musharaxiinta ka badan labaatameeyo ayaa u taagan xilka u sareeya dalka, ayada oo maalmaha soo socda ay kala cadaan doonto musharaxiinta dhabta ah ee u tartamaya xilkaas iyo kuwa magaca un ku raadinaya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta qaar ayaa qorsheynaya inay ka haraan tartanka kadib shuruudaha adag ee la hor dhigay musharaxiinta isku soo tagaya xilka madaxweynaha, kuwaasi oo aysan buuxin karin, sidaasina kusoo afjareysa rejadooda musharaxnimo.

Qoddobka ugu culus ee walaaca ku abuuray musharaxiinta qaar ee aysan ka gudbi karin ayaa noqday inay keenaan saxiixa 20 mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobkan ayaa ujeedkiisu yahay in lagu reebo xubnaha magaca un ku raadinayey inay yihiin musharaxiin, waxaana durba muuqata inuu reebayo musharaxiin badan, kuwaas oo aan heli karin 20 xildhibaan oo u saxiixa inay taageersan yihiin.

Inkasta oo horey ay u sheegeen in ka badan 40 siyaasi inay yihiin musharaxiin, haddana waxaa la filayaa in liiska kama dambeysta ah uusan ka badan 20-30, sida aan xogta ku helnay.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee shalay is diiwaan-geliyey, islamarkaana qaatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxweynaha, waxaana ku xigsaday sagaal kale, taasi oo tirada guud ka dhigaty 10 murashax inay is-diiwaan geliyeen shalay.

Sidoo kale murashixiinta kale ayaa lagu wadaa inay iyaguna manata tegaan xarunta ay ka socota is diiwaan-gelinta, si ay u qaataan shahaadada iyada oo kadib la guda-geli doono doorashada.

Guddiga qaban qanaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa Sabtidii soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta dooneysa inay tartamaan, kaasi oo durtaba u muuqda inuu kala reebay musharaxiinta.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda qaban qaabadii ugu dambeeyey ee loogu jiro doorashada guud ee madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo loo geli doono loolan culus.

Guddiga isku dhufka ah ee labada Aqal ee loo xil-saaray doorashada ayaa weli wada diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah, taas oo socota maalinta labaad oo xiriir ah.

Shahaado siinta iyo diiwaagelinta ayaa socon doonto illaa 10-ka bishan aynu ku jiro ee May, sida uu qorshuhu yahay.

Illaa iyo hadda waxaa is diiwaan-geliyey 10 musharrax, kuwaas oo shahaadada qaatay, waxana ay u badan yihiin xubnaha mucaaradka dagaalka kula jira Villa Somalia.

Dhankiisa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa xalay si rasmi ah ugu dhowaaqay musharaxnimadiisa, isaga oo shaaciyey inay ka dalbadeen shacabka.

Farmaajo ayaa sidoo kale baaq u diray xubnaha labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna ka codsaday inay codkooda siiyaan.

“Baaqa koowaad waxaan u dirayaa xildhibaanada sharafta leh ee labada Aqal, waxaan ka codsanayaa inay codkooda i siiyaan, si aan wadajir ugu guuleysano oo u hormarino dalka iyo dadkeena, una sii socodsiino is bedel doonkii soo bilowday Febraayo 2017-kii” ayuu yiri.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday, xilli kooxda Villa Soomaaliya ay dhowaan billaabeen ololaha dib u doorasho ee Farmaajo, iyaga oo hal ku dhig ka dhigtay “Isbeddel Doonka Socda”, kaas oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Si kastaba, doorashada madaxweynaha ayaa dhaceysa 15-ka bishaan May, iyadoo ay si weyn ugu tartami doonaan musharixiin saameyn leh oo isku soo taagay madaxweynaha.

Tiro badnida murashaxiinta Hawiye ma dhalin doontaa natiijo la mid ah tii 2017?

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashaxiinta u taagan tartanka hoggaanka dalka ee loo balansan yahay 15 May oo ka dhaceysa teendhada xarunta ciidamada cirka ee Afisyooni ayaa badankood waxay kasoo jeedaan hal beel oo ah beesha Hawiye.

Murashaxiinta Hawiye ee damaca kaga jira hoggaaminta dalka waxay tiro ahaan ka badan yihiin 20 murashax oo doonaya hal kursi, halka murashaxiinta kale ee beelaha kale kasoo jeeda marka la isku geeyo aysan ka badneyn 10 murashax.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in tiro badnaanta murashaxiinta beelweynta Hawiye ay fursad u tahay murashaxa Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la ogyahay taariikhdii dhacday 8-da Febraayo 2017, markaasoo tiro badnaanta beesha Hawiye iyo isu tanaasul la’aantooda fursad u siisay inuu aruursado cododkii murashaxiintii beeshaasi oo dhexdooda is-diidanaa.

Cashar iyo tusaale midna kama baran wixii soo dhacay doorashadii 2017, xiligaasi oo wareega koowaad murashaxiintii usoo gudubtay uu u cod badnaa Xasan Sheekh oo markaasi xilka hayay helayna 88 cod, waxaa kusoo xigay Farmaajo oo 72 cod aruursaday, Sheekh Shariif oo 49 helay iyo Cumar Cabdirashiid oo 37 cod ugu soo gudbay wareega labaad balse iskiis ugu haray doorashada.

Shaxdaasi uu cododka ugu badan ku hoggaamiyay Xasan Sheekh wareega koowaad ayaa markii loo gudbay wareega labaad waxay cododkii xildhibaanada aadeen dhinaca Farmaajo oo ku guuleystay wareega labaad 184 cod.

Guuldaradaasi Xasan Skeekh wajahay ayaa u sabab aheyd cododkii Sheekh Shariif oo aaday dhinaca Farmaajo iyo cododkii kale ee murashaxiintii wareega koowaad ku haray.

Xiligaan waxaa muuqata in isbarbar-yaaca murashaxiinta Hawiye inay dhabar jab ku tahay iyaga dhexdooda oo is-tooganaya isna diidan, mid walbana diyaar uma aha in uu tanaasul sameeyo si ay ugu midoobaan hal murashax ama laba murashax.

Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif Sh. Axmed, C/raxmaan C/shakuur, Xasan Cali Kheyre, Dahir Maxamuud Geelle, C/kariin Xuseen Guuleed, Eng. C/llaahi Cali Xasan, Cabdinuur Shiikh Maxamed, iyo kuwo kaloo badan mid walba dhinaciisa ayuu u ordayaa, mana jirto midow ama isbaheysi xiligaan aakhiru saaca ah, midba midka kalena inuu u tanaasulo ma ogola.

Ugu danbeyntii Murashaxiinta Hawiye ee tirada badan midkoodna cashar iyo tusaale kama baran wixii dhacay 8-dii Febraayo, waxaase arki doonaa natiijada ay dhasho midow la’aanta iyo isbarbar yaaca 15-ka May.

Ali Muhiyaddiin
Caasimada Online
Muqdisho, Somalia

 

AXMED MADOOBE oo laba arrin kala hadlay guddoonka golaha shacabka + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe).

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Sheekh Aadan Madoobe kala hadlay arrimo la xiriira shaqada guddoonka Baarlamaanka.

Midda koowaad waxay aheyd salaan iyo booqasho oo uu Axmed Madoobe ugu tegay guddoomiyaha cusub, isaga oo la wadaagay sida shacabka reer Jubaland iyo bulshadba ay u taageereen doorashada Guddoonka Golaha Shacabka.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey go’aanka uu ka gaaray xildhibaanada Gedo, gaar ahaan meel marinta xubnihii lagu soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolkaasi.

Dhankiisa guddoomiyaha ayaa booqashadan u mahad-naqay madaxweynaha, waxayna isla meel dhigeen in laga shaqeeyo horumarka dalka iyo danaha guud ee dadka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa qayb ka noqonaya dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee ka socda magaalada Muqdisho oo laga dareemayo u diyaar garow ku aadan doorashada madaxweynaha, taas oo loolan adag loo geli doono.

Si kastaba, 15-ka bishaan May ayaa lagu wadaa in la qabto doorashada Madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, taas oo ka dhaceyso Teendhada Afisyoloone, waxaana haatan socda diiwaangelinta xubnaha musharixiinta ee tartamaya.

 

Maxay tahay sababta aan ololaha Farmaajo loogu faafin cinwaanada Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay si rasmi ah ugu dhowaaqay inuu mar kale yahay murashax oo uu doonayo muddo xileedkiisii labaad ee Villa Somalia.

Kooxda ololaha doorashada Farmaajo ayaa si xowli ah baraha bulshada kusoo galay 24-kii saac ee lasoo dhaafay, hase yeeshee ma aysan adeegsaneyn baraha bulshada ee Villa Somalia, waxayna ka doorbideen kuwa gaar ah.

Agaasimaha warfaafinta xafiiska ee Farmaajo ayaa Caasimada Online u sheegay inay go’aansadee inay cinwaanada madaxtooyada Villa Somalia badelkeed ay sameeyeen baro cusub iyo inay adeegsadaan kuwa gaarka ee Farmaajo.

Qoraal uu soo saaray agaasime Cabdirashiid ayuu ku sheegay olalaha musharaxnimo ee madaxweyne Farmaajo loo adeegsan doono Twitter; @MarkaleFarmaajo Facebook;@MarkaleMFarmaajo Website: MarkaleFarmaajo.Com.

Agaasimaha ayaa sheegay in maadaama barahaas ay yihiin kuwa dowladeed ay ka doorbideen kuwa ayaga u gaara ah, taasi oo durba ay billaabeen.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa baraha uu ololahiisa doorashada u adeegsanaayo ayaa waxaa ka mid ah cinwaanadii madaxtooyada Puntland, taasoo ka mamnuuc ah in cinwaanada dowladda loo adeegsado musharaxnimada qof shaqsi ah.

Baraha bulshada ayaa si weyn looga dareemayaa ololaha doorashada murashaxiinta qaarkood, waxaana ku loolamaya awoodaha murashaxiinta oo u arka baraha bulshada goobta kaliya ee ay isku muujin karaan, fikradahoodana kusoo bandhigaan si bulshada isaga iibiyaan. 

Dowladda Kenya oo heegan gelisay ciidamadeeda kadib weerarkii CEEL BARAF

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa lagu soo warramayaa inay heegan buuxa gelisay ciidamadeeda, kadib weerarkii xooganaa ee todobaadkii hore Al-Shabaab ay ku qaaday ciidanka Burundi ee ku sugan deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Laamaha ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay ka feejigan yihiin weeraro ay qorsheyn karaan inay xoogaga Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha dalkaasi

“Waxaan fahamsanahay inay isku dayi karaan inay weeraraan bartilmaameedyada Kenya kadib roobabkii ka da’ay qaybaha waqooyi ee dalkaasi kenya,” ayuu yiri sarkaal la hadlay warbaahinta maxalliga ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku diray inay heleen macluumaad ku aadan xoogosheegaya in Al-Shabaab ay qorsheyneyso weeraro ka dhaca xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Sarkaalkan oo qariyey magaciisa ayaa sidoo kale xusay inay adeegsan doonaan sirdoon heer sare ah, isla-markaana ay bilaabi doonaan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo cusub.

“Waxaan isticmaalnaa sirdoon si aan ula socono dhaqdhaqaaqyada gudaha iyo Soomaaliya Waan ognahay sida ay wax u socdaan, waxaana nalagu wargeliyay inay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ku wajahan xuduudka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey sarkaalka Kenyaanka ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa marar badan weeraro culus ka fulisay gudaha Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari, halkaas oo ay ka taagan tahay cabsi la xiriirta weerarada kordhaya.

Si kastaba, feejignaanta la geliyey ciidamada Kenya ayaa ayaa daba socota, kadib markii khasaaraha badan dhaliyey ee lagu qaaday ciidamada Burundi ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS oo askar badan looga dilay weerarkaasi oo ku billowday qaraxyo is-miidaamin ah.

RUUSHKA oo duqeeyey arday reer Ukraine ah

Kyiv (Caasimada Online) – Darsanno dad ah oo reer Ukraine ah ayaa laga cabsi qabaa in ay dhinteen ka dib duqeyn Ruushka ka timid oo keentay in iskuul ay ku jireen ilaa 90 arday uu dhulka la sinmo, kaas oo ku yaallay bariga dalka Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka lagu muransan yahay ee Luhansk, halkaas oo dagaallo qaraari ay toddobaadyo ku dhex mareyeen ciidanka Ruushka iyo xoogagga Ukraine, ayaa sheegay in 30 qof laga soo badbaadiyey goob ku taalla Bilohorivka, hase yeshee, kuwo kale oo iskuulka ku jiray ay u badan tahay in aanay badbaadin.

“Sida ay u badan tahay, dhammaan 60 qof oo burburka ku soo hoos jira hadda way dhinteen,” ayuu yiri guddoomiye Serhiy Haidai, mar uu fariin ku qoray boggiisa Telegramka.

Waxa uu intaas ku daray in duqeymaha Ruuhsku ay sidoo kale dileen labo wiil oo da’doodu kala ahayd 11 iyo 14, kuwaas oo ku sugnaa magaalada goobtaas ka ag dhow ee Pryvillia.

Duqeymihii u dambeeyey ee ka dhacay gobolka Donbas ayaa yimid xilli Ruushku si aan kala go’ lahayn uu weerar ugu hayey bariga Ukraine si uu u muujiyo guul dhinaca dhulka ah. Tallaabadan ayuu qaaday ka hor maalinta Isniinta berri ah oo ku beegan fasaxa Maalinta Guusha oo uu xuso markii Ruushku uu jabiyey Naasigii Jarmalka, xilligii dagaalkii 2aad ee dunida

Danjiraha Maraykanka ee Qaramada Midoobay Linda Thomas Greenfield ayaa barnaamijka State of the Union ee telefishinka CNN u sheegtay in aanay jirin wax “Ruushku uu u dabbaaldego”, dagaalka uu Ukraine ku qaadayna “uu ku guuleystay oo kaliya inuu dunida kale go’doon ka noqdo.”

hinaca kale, Ra’iisal Wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa booqasho aan horay loo shaacin ku tagey magaalada Kyiv oo uu kula kulmay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ka dibna waxa uu dib u faray safaaraddii Canada ee magaalada ay dagaaladu aafaayeen.

Danjiraha Maraykanka ee Ukraine, Kristina Kvien iyo diblomaasiyiinta safaaradda ayaa iyaguna dib ugu noqday magaalada Kyiv, iyaga oo isu diyaarinaya in dhawaan ay dib u furaan safaaraddii Maraykanka ee magaalada Kyiv.

Daawo: Farmaajo oo ku dhawaaqay musharaxnimadiisa, soona gudbiyey laba codsi

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu yahay musharax mar kale u taagan inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo shacabka ka codsaday in mar kale ay fursad siiyaan.

Farmaajo ayaa laba codsi u kala diray xildhibaanada iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xildhibaanada ka codsaday inay codkooda siiyaan, si buu yiri aan wadajir ugu guuleysano.

“Baaqa koowaad waxaan u dirayaa xildhibaanada sharafta leh ee labada Aqal, waxaan ka codsanayaa inay codkooda i siiyaan, si aan wadajir ugu guuleysano oo u hormarino dalka iyo dadkeena, una sii socodsiino is bedel doonkii soo bilowday Febraayo 2017-kii,” ayuu yiri Farmaajo.

Baaqa labaad wuxuu u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo yiri, “Meel walba oo aad joogtaan waxaan si qadarin leh idinkaga codsanayaa inaad mar kale igu garab istaagtaan dib u doorasho ku dhisan danta shacabka.”

Sidoo kale Farmaajo ayaa bogaadiyey hanaanka ay u socdaan howlaha doorashooyinka dalka, isagoo tilmaamay in doorashada madaxweynaha lagu aadiyey maalin muhiim ah.

“Waa nasiib wanaag in maalinta doorashada Madaxweynaha JFS lagu asteeyey maalinta xuska Halgameyaashii SYL, taas oo direysa farriin cad oo muujinaysa sida dadka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay dib u dhiska dowladnimada iyo soo celinta heybaddooda Qaran. Haddaba anigoo tixgelinaya codsiga shacabka Soomaaliyeed, waxaan go’aansaday in aan mar kale isu sharraxo xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, si aan usii socodsiinno isbeddelka ka socda dalka ee miro-dhalay,” ayuu yiri Farmaajo.

Hoos ka daawo

Daawo: Xubnihii lagu soo doortay Garbahaarey oo ka jawaabay go’aanka A/Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo jawaabay xubnihii xildhibaanada sheeganayey ee lagu soo doortay magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, kuwaas oo filan waa ku tilmaamay go’aankii uu galabta gaaray guddoonka golaha shacabka.

Guddoonka golaha shacabka ayaa go’aamiyey in xildhibaanadii lagu soo doortay degmada Ceelwaaq ay yihiin kuwa afarta sano ee soo socota baarlamaanka ku meteli doona gobolka Gedo, halka xubnihii Garbahaarey aan waxaba laga soo qaadin.

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen oo ka mid ah xubnihii lagu soo dhisay Garbahaarey ayaa sheegay in go’aanka guddoonka baarlamaanka ay gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye iyo dad la shaqeysta.

Wuxuu ku af-gobaadsaday in go’aanka soo baxay ay u maleynayaan in Guddoomiye Aadan Madoobe uusan waxaba ka ogeyn, isagoo hadii uu wax ka ogyahay ka codsaday in awooda dowladnimada uusan ku dulmin metelaada shacabka reer Gedo, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan cambaareynayaa warqadii la sheegay inay ka soo baxday guddoonka baarlamaanka, waxaan aaminsanahay in warqadaasi aysan ka soo bixin guddoonka baarlamaanka, laakiin hadii ay run tahay Aadan Madoobe wuxuu Soomaaliya geliyey mugdi cusub, waana ka xumay tilmaamo dowlado shisheeye inaad qaadato,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Macalin oo ka mid ah xubnihii Garbahaarey.

Sidoo kale ninkaan ayaa guddoomiye Sheeekh Aadan Madoobe ka codsaday inuu ka laabto hadii uu gaaray go’aankaan ah in la tuuro xubnihii Garbahaarey ee la qaato xubnihii Ceelwaaq.

“Go’aankaan waxaa nooga muuqata in Aadan Madoobe uusan dooneyn doorasho ee dalka uu qalqal cusub gelinayo, xildhibaano ayaan nahay, taas ka waantow ayaan ku leenahay, hadii lagu marin habaabiyey oo dowlado shisheeye iyo dad la shaqeeya ay ku qaldeena ka soo laabo qaladkaan,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cabdiraxmaan Macalin oo ka mid ah xubnihii maanta go’aanka laga garay ee xildhibaanada sheeganayey.

Hoos ka daawo

XOG: Ujeeddada safarka Axmed Madoobe oo soo gaaray Muqdisho + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya

Wafdiga Axmed Madoobe ayaa waxaa kamid ahaa gudoomiyaha baarlamanka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdirahmaan, xubno ka tirsan labada gole ee dowlada iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Jubaland ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusoo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, xildhibaano katirsan Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed iyo dadweyne kala duwan.

Sida ay fahansan tahay Caasimada Online, safarka Axmed Madoobe ee Muqdisho ayaa la xiriira ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ay naga xigto kaliya 6 maalmood, ayada oo la qorsheeyey in la qabto Axadda soo socota ee 15-ka May.

Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu la kulmo xildhibaanada labada aqal ee kasoo galay Jubaland iyo xildhibaano kale, isaga oo kala hadli doona cidda ay tahay inay ugu codeeyaan inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Inkasta oo markii hore la fahamsanaa in Axmed Madoobe uu taageersan yahay Saciid Deni, haddana warar soo baxay maalmihii dhowaa ayaa sheegaya inuu hadda si hoose u dhisayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Axmed Madoobe ayaa rumeysan inay aad u yar tahay rajada uu Saciid Deni ku noqon karo madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo aan haysan taageero ku filan.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta niyad jab weyn kala kulmay xildhibaanada laga soo doortay maamulka goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ee uu sida weyn isugu haleynayey.

Sida ay ogaatay Caaismada Online, Saciid Deni ayaa isugu yeeray xildhibaanada labadaas maamul goboleed si uu ugu sameeyo qado sharaf iyo inuu kala hadlo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishan.

Kulanka oo lagu casuumay 80 xildhibaan oo isugu jiro xildhibaanada laba aqal ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa kasooo qeyb galay kaliya 33 xildhibaan, taasoo muujineyso in sidii loo maleeyey aanu Saciid Deni taagero uga heysan xildhibaanada labadii maamul goboleed ee uu isku haleenayey.

Daawo: Wasiir Cabdullaahi Carab oo ku dhowaaqay in imtixaanka shahaadiga u baaqanayo lacag la’aan

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) ayaa markii u horeysay shaaciyay in Wasaaradda Waxbarashada ay wajahayso dhaqaale la’aan baahsan oo sababi karta in sanadkaan aysan dowladu qaadin Imtixaankii shahaadiga.

Wasiir Carab ayaa sheegay in dowladda federaalka aysan xilligaan heyn awood dhanka waxbarashada ah sababo la xiriira dhaqaalo la’aanta soo food saartay, isla markaana uu halis ku jiro Imtixaanka Shahaadiga ee sanadkaan.

Waxa uu xusay in Wasaaradda lagu leeyahay lacagihii sanadkii hore lagu qaaday imtixaanka, kadib markii Wasaarada Maaliyada laga waayay lacagahaas.

“Sanadkaan waxaa khatar ugu suganahay in aan qaadin imtixaanka. Macalimiinta lacagtooda waa maqan tahay, waxay ku maqan tahay Wasaarada Maaliyadda oo lagama damqanayaba,” ayuu yiri.

Wasiirka ayaa intaas ku sii daray, “Dowladda dhexe waxay ballan-qaaday waa inay fulaan ee bajadka ah. Dal aan qorshe waxbarasho laheyn horumar ma gaarayo.”

Sidoo kale waxa uu ku dhaliilay Wasaaradda Maaliyadda oo uu sheegay inay bixiso lacago ay uga baahi badan tahay waxbarashada iyo howlaheeda.

Hadalka kasoo yeeray Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Carab ayaa kusoo aadaya xilli la joogo waqtigii ay wasaaraddu qaadi laheyd Imtixaankii shahaadiga ahaa ee sanadkaan.

Tirada iyo magacyada murashaxiinta maanta qaatay shahaadada + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho ugu bilowday qaadashada shahaadada murashaxiinta u taagan xilka madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya, iyadoo tirada qaadatay ay sii kordhayaan saacadba saacadda ka dambeysa.

Xarunta aqalka sare ee baarlamaanka federaalka oo ah halka laga bixinaayo shahaadada iyo diiwaan gelinta murashaxiinta ayaa waxaa maanta iska xaadiriyey murashaxiinta qaadanaya shahaadada, ilaa haddana waxaa qaatay toban musharax.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ahaa murashaxii ugu horeeyay ee lagu furay liiska diwaan gelinta murashaxiinta madaxweynaha.

Dahir Maxamuud Geelle ayaa noqday murashaxii labaad ee iska xaadirayay xarunta aqalka sare, wuxuuna soo qaatay shahaadadiisa murashaxnimada.

Sidoo kale Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo ayaa isagana si deg deg ah ku noqday murashaxii sadexaad ee soo qaatay shahaadada murashaxnimada kana soo baxay shuruudihii laga doonayay murashaxiinta madaxweynaha.

Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaarihii hore ayaa sidoo kale kasoo baxay buuxinta shuruudaha murashaxnimo, wuxuuna soo qaatay shahaadada, taasoo ka dhigeysa musharaxii afaraad ee soo qaata shahaahadada.

Sidoo kalel xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, isagana waa murashaxii shanaad ee soo qaatay shahaadada murashaxnimada. Mr. Cosoble ayaa ka mid ah murashaxiinta saameynta ku dhex leh baarlamaanka federaalka Somalia.

Bashiir Xaaji Cali ayaa ka mid ah murashaxiinta madaxweyne ee isdiiwaan geliyay isla markaana qaatay shahaadada, murashaxaan oo dadka aqoon durugsan u laheyn ayaa ku cusub doorashadaan inuu kusoo biiro liiska.

Cabdinuur Shiikh Maxamed ayaa isagana buuxiyay shuruudihii laga doonayay murashaxa, wuxuuna qaatay shahaadadii murashaxnimada xilka madaxweyne.

Waxaa sidoo kale goor dambe iyagana shahaadada qaatay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo Cabdiraxmaan Macallin Axmed Ablaal oo soo buuxiyey shuruudaha lagu xiray.

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in liiska murashaxiinta qaadaneysa shahaadada inay intaas kasii kordhaan, iyadoo xarunta aqalka sare ay ilaa caawa furnaan doonto si loo qaabilo murashaxiinta.

Guddoonka golaha shacabka oo si rasmi ah u sharciyeeyey xildhibaanada Ceel-Waaq

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoonka Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya, oo go’aan rasmi ah kasoo saaray xildhibaanada muranka uu ka taagnaa ee gobolka Gedo, ayaa u aqoonsaday xildhibaanada lagu soo doortay Ceel-Waaq inay yihiin kuwa sharciga ah ee matalaya gobolkaas. 

Guddoonka ayaa sheegay inuu go’aankan saldhiga uga dhigay markii uu arkay in xildhibaanadda lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ay Habraca Doornshadooda mariyeen Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ce Heer Federaa,l islamaekaana ay doorshadooda qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in xildhibaanada sheeganaya in lagu soo doortey degmada Garbahaarey aanay heysan shahaadadii Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee Heer Federaal, islamarkaana aanay doorshadooda qaban Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed.

Guddoonka ayaa sidoo kale xusay go’aankii uu ku aqoonsaday Guddoomiyihii KMG ahaa Xildhibaan Amb. Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabanacad) Xildhibaanda lagu soo doortay Degmada Ceelwaag ee Gobolka Gedo, xildhibaanadaas oo la dhaariyey, islamarkaana habraacooda loo dhamaystirey si waafaqsan go’aankii guddoomiyaha KMG ahaa Xildhibaan Amb. Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhabanacad).

Sidaas darteed, guddoonka ayaa go’aamiyey qodobadan: 

1- In Xildhibaanada lagu soo doortey degmada Ceelwaag ee gobolka Gedo ay yihiin kuwa sharci ahaan ku matalaya gobolka Gedo baarlamaanka 11aad; maadaama madaxweynaha dawlad goboleedka Jubaland uu furay doorashada, habraaca doorashadooda ay qabteen Guddiga Hirgalinta Doorashadda dadban ee Heer Dawlad Goboleed, shahaadada rasmiga ee Xildhibaanimadana ay siiyeen Guddiga Hirgalinta Doorshadda Dadban ee heer Federaal, una taageerey R/Waasaraha X.F.S oo ah madaxa doorshada dadban ee 2021/2022, sidaa darteed aanay jirin meel laga duro habraaca xildhibaanada lagu soo doortey degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.

2- Guddoonku waxuu ku talinayaa dadka walaalaha ee Gobolka Gedo ee xurgufta siyaasadeed soo kala dhex gashay in ay khilaafkooda wadahadal ku dhameeyaan maadaama ay doorashadii dhamaatey.   

Xog: Deni oo niyad jab weyn kala kulmay xildhibaanada Jubaland iyo Puntland ee BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa niyad jab weyn kala kulmay xildhibaanada laga soo doortay maamulka goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, ee uu sida weyn isugu haleynayey.

Sida ay ogaatay Caaismada Online, Saciid Deni ayaa isugu yeeray xildhibaanada labadaas maamul goboleed si uu ugu sameeyo qado sharaf iyo inuu kala hadlo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo 15-ka bishan.

Kulanka oo lagu casuumay 80 xildhibaan oo isugu jiro xildhibaanada laba aqal ee baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doortay Jubbaland iyo Puntland ayaa waxaa kasooo qeyb galay kaliya 33 xildhibaan, taasoo muujineyso in sidii loo maleeyey aanu Saciid Deni taagero uga heysan xildhibaanada labadii maamul goboleed ee uu isku haleenayey.

Inkasta oo kulanka ay ka qeyb-galeen kaliya 33 xildhibaan, haddana waxaa xitaa hubneyn inay 33-kaas ay wada taageersan yihiin Deni, ayada oo qaarkood ay suurta-gal tahay inay qadada u tageen kaliya inay ku ixtiraamaan casuumadda loo fidiyey.

Xildhibaanada diiday inay kasoo qeyb galaan qado sharafta uu sameeyey Saciid Deni ayaa la sheegay inay ku kala biireen siyaasiyiinta mucaaaradka, iyagoo Saciid Deni u arko inuu yahay siyaasi aan fursad fiican u heysan in loo doorto madaxweynaha Soomaaliya, sida ay ilo-wareedyo u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Xildhibaanada qaar oo la hadlay Caasimada Online ayaa Saciid Deni ku eedeeyey inuu soo burburiyey maamul goboleedkii Puntland ee loo dhiibay, islamarkaana uu iska hor keenay qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland.

“Sidee ku dhici kartaa in siyaasi ku fashilmay hoggaaminta Puntland islamarkaana colaad ka dhex huriyey bulshadiisa dhexdeeda in lagu aamino masiirka ummadda Soomaaliyeed oo dhan, runtii waxa kaliya ee aan hubo waa in xildhibaanada ay ku mideysan yihiin inay codkooda siiyaan Farmaajo intii ay cod siin lahaayeen Saciid Deni,” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada laga soo doortay Puntland oo diiday inaan magaciisa adeegsano.

Sida ay qabaan falanqeeyaasha siyaasadda, Saciid Deni ayaa la rumeysan yahay inuu kaliya heli karo 20-30% codadka xildhibaanada laga soo doortay Puntand iyo Jubaland, illaa hadda lama soo sheegin codad kale oo uu ka heli karo xildhibaanada maamul goboleedyada kale.

Haddii ay wax u dhacaan sida ay falanqeeyaasha iyo siyaasiyiinta sheegayaan waxaa meeshaas ka cad inuu Saciid Deni ku hari doono wareegga koowaad ee doorashada taasoo aan niyad jab ku noqon doonin maadaama uu haddaba ogyahay inuusan halkaas dhaafi karin.

Qodobo Kheyre u diidaya in madaxweyne loo doorto

Muqdisho (Caasimada Online) – Murashax kasta oo hamigiisa yahay hoggaaminta dalka, waxaa khasab ah inaan dib u eegno diiwaankiisa siyaasadeed, haddiiba aan leenahay nasiibka aan horey ugu soo aragnay hogaamintiisa.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ka mid ah murashaxiinta doonaya inuu xilka madaxweynaha qabto, waxa uu leeyahay diiwaan hogaamineed oo ay ku jiraan qodobo diidaya inuu usoo dhowaado albaabka laga galo Villa Somalia.

Kheyre waxa uu ka tirsanaa nidaam dalka ka gaystay tacaddiyo kala duwan, kamana tirsaneyn oo kaliya ee, wuxuu ahaa ninkii hoggaaminayey xukuumaddii dalka ee gaystay dhammaan xadgudubyada iyo tacaddiyada aan ka hadleyno, oo lagu bixiyey amarkiisa.

Dakaneyaasha Kheyre uu gaystay muddadii sadexda sano aheyd ee uu ahaa ra’iisul wasaaraha ayaa ah bar madow oo aan ka go’i doonin, waxayna ugu jiraan diiwaan iyo xusuus qor, mana ahan suurta-gal in lagu hilmaamo inuu is-moogeysiiyo. Xukuumadda Kheyre waxay  mas’uul ka aheyd:

1- Weerarkii lagu qaaday hoyga siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhaliyey dhimasho askar jiiftay, dhaawac iyo burbur hanti, weerarkaas oo billow u noqday weeraro badan oo shacab iyo siyaasiyiin lagu beegsaday.

2- Dhiibistii muwaadin Qalbi-dhagax oo loo gacan geliyey xukuumadda Ethiopia iyo in Jabhadda xaq u dirirka ONLF oo xukuumaddii Kheyre u diiwaan-gelisay urur argagixiso, illaa haddana Kheyre aanu ka laaban kana bixin raali-gelin.

3- Shacabkii lagu xasuuqay Baydhaba markii lasoo qabanayey Mukhtaar Roobow, oo amarka xukuumaddiisa lagu fuliyey, kuwaas oo tiro ahaan gaaraya illaa 20 muwaadin.

4- In madaxweyneyaashii hore ee dalka, Xasan Sheekh iyo Shariif Sheekh Axmed loo diiday inay duulimaad ku tagaan Jowhar, laguna amray diyaaraddii sitay inaysan degi karin, tallaabadaasi oo halis gelin kartay naftooda.

5- Lacagtii laga xanibay Somaliland, oo xukuumaddiisa ay amartay, taasi oo dhowaan uu dib u fasaxay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

6- Dagaalkii lagu qaaday Ahlu-Sunna ee gobolada dhexe iyadoo la adeegsanaayo ciidamada qalabka sida ee loogu talagalay argagixisada Al-Shabaab, halkaasi oo shacab badan oo aan waxba galabsan ay ku dhinteen.

Dhamaan qodobadaasi waxay diidayaan Xasan Cali Kheyre lagu aamino hoggaanka dalka, haddii ay dhacdana waxaa dhici kara xadgudubyo kuwaas aad uga badan. 

Ilaa weli ma jirto meel uu cudur daar iyo raali gelin uu ka siiyay shacabka Soomaaliyeed qaladaadkii taariikhiga ahaa ee uu galay marka laga reebo raali gelintii Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, taasi oo aanu weli ka aqbalin.

Haddii shan sano Farmaajo lagu haystay loona mucaaradayey inuu tacaddiyo dalka ka gaystay, ma jirto sabab nin shirko kula ahaa tacaddiyadaas loogu beddelo. Farmaajo iyo Kheyre waa hal, isku siyaasad iyo isku aragti ah, mana jirto sabab loo kala doorto.

W/Q: Ali Muhiyaddiin

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

SAADAQ JOON oo ogeysiis layaab leh kasoo saaray doorashada madaxweynaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo ka mid ah xubnaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay doorashada guud ee xilka Madaxweynaha, kadib qoraal kooban oo uu soo saaray.

Saadaq Joon oo qoraalkiisa ciwaan uga dhigay “Ogeysiis” ayaa weerar dadban ku qaaday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo qudhiisa ka mid ah musharixiinta u taagan madaxweynaha 10-aad.

Xildhibaankan oo horey u ahaa sarkaal Boolis ah ayaa shaaciyey in laga guuray magacii isbedal doonka, loona loonga guuray Washamsi halagu qaaday, sida uu hadalka u dhigay.

“Ogaysiis: Waxaa laga guuray Isbadaldoon,  Waxaa looguuray Washamsi halaguqaado,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xildhibaan Saadaq Joon.

Hadalkan ayaa jawaab u ah magacii ay dhowaan ku dhowaaqeen kooxda ololaha doorashada Farmaajo oo hal ku dhig ka dhigtay  “Isbeddel Doonka Socda”, kaas o oo loo fasiran karo in isbaddalkii uu xukunka ku yimid Farmaajo inuu weli aaminsan yahay inuu yahay mid socda.

Tallaabada uu qaaday Farmaajo ayaa imaneysa ayada oo la isku dayayey in xukunka looga tuuro in la doonayo Isbeddel uu dalka uu galo, balse hadda isagii ayaaba qaatay isbedelka.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu maalmaha soo socdo daah fur weyn u sameeyo ololihiisa xilli ay hal usbuuc kaliya ka hartay taariikhda loo asteeyay inay dhacda doorashada Madaxweynaha oo ku beegan taariikhda marka ay tahay 15-ka bishaan May ee 2022-ka.

Si kastaba, Saadaq Joon ayaa ka mid ahaa saraakiishii mar garab taagneyd Farmaajo, balse waxa ay is waayeen, markii uu fashilmay qorshihii muddo kororsiga labada sano ahaa ee uu si weyn uga horyimid Saadaq oo xilligaas ahaa taliyaha Booliska gobolka Banaadir.

Boqorka dalka Sacuudiga oo isbitaal la dhigay (Warbixin)

Jeddah (Caasimada Onine) – Boqorka dalka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis ayaa la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalda Jeddah ee caasimadda labaad ee dalkaas, sida ay xaqiijisay boqortooyada.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay boqortooyada oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Sacuudiga, Boqorka ayaa waxaa kusoo booday xanuun xilli uu maalmihii dambe xaalkiisa liitay.

Bayaanka kasoo baxay Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan oo ah 86 jir la dhigay Isbitaalka takhasuska ee Boqor Faysal ee ku yaalla Jeddah.

Illaa hadda dowladda Sacuudiga ma aysan faahfaahin xanuunka haya boqorka iyo sida ay tahay xaaladdiisa caafimaad.

Boqor Salmaan ayaa wuxuu horey u maray qalliin dhanka xameetida ah sanadkii 2020-kii, waxayna xogo la helayo sheegayaan in xanuunka boqorka uusan markaan aheyn mid la xiriira Xameetida.

Boqorka ayaa la wareegay xilka ilaaliyaha labada Masjid ee Xaramka sanadkii 2015-kii, ka dib markii uu labo sano iyo bar uu ahaa dhaxal sugaha iyo Ra’iisulwasaare kuxigeenka.

Wiilka uu dhalay ee Maxamed Bin Salmaan ayaa mar hore la wareegay talada iyo maamulka Dowladda Sacuudiga kadib markii uu Aabihiis noqday bukaan jiif, waxayna isaga iyo Aabihiis go’aamiyeen in boqortooyada loo badalo (Is dhalitaan) halka ay markii hore aheyd (Isla dhalasho).

Salman ayaa xiray inta badan adeeradiisii sugayey dhaxalka boqortooyada, wuxuuna la wareegay hantidii ay lahaayeen oo dhan xilli qaarkood aan nolol iyo geeri lagu heyn.

Sawirro: Aadan Madobe oo kulamo ka wada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka baarlamanka federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay sii-hayaha safaaradda Norway ee magaalada Muqdisho Haakon Svane.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka iyo doorka wakiilada beesha caalamku ku leeyihiin hanaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa kulankan ku wehlinayay wakiilka gaarka ah ee wasaaradda arrimaha Dibadda ee Norway u qaabilsan Soomaaliya Heidi Elburgi Johansen.

Wakiilada ka socda Norway ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya la wadaagay hambalyo iyo Salaan ayaga oo ugu Hambalyay doorashada Guddoomiyaha, asiga oo xilkaas uu ku guuleystay 27 April 2022.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa dhankiisa ku bogaadiyay doorka wakiilada beesha caalamku ay ku leeyihiin hannaanka geedi socodka nabada iyo horumarinta Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Golaha Shacabka BFS.

Kulankaan ayaa qeyb ka ahaa kulamo uu maalmihii dambe magaalada Muqdisho ka waday Guddoomiye Aadan Madoobe, kuwaasi oo uu kula kulmayay qaar ka mid ah wakiilada Beesha Caalamka.

Shalay ayey aheyd markii uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) uu xafiiskiisa kulan gaar ah kula yeeshay danjiraha dowladda Imaaraadka Carabta, Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr ah, sida doorashooyinka iyo xiriirka ka dhexeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Al Hammadi oo kulanka ka hadlay ayaa guddoomiyaha la wadaagay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Soomaaliya ayaa xiligan isku diyaarineysa inay ka baxdo xaalada kala-guurka oo ay ku daah-day, ayada oo loo ballansan yahay 15-ka bishaan inay dhacdo doorashada madaxweynimada.

Xog: Kulan uu Farmaajo la yeelan lahaa xildhibaanada beesha Dir oo fashilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegeyso xog ay heshay Caasimada Online, waxaa fashilmay kulan uu madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la yeelan lahaa xildhibaanada kasoo jeedo Dir ee ka tirsan Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya.

Kulanka oo caawa lagu ballansanaa inuu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya ayaa la baajiyey kadib markii ay diideen xildhibaanada qaar inay kulankaas kasoo qeybgalaan.

Xildhibaanada Dir ee kulanka ku ballansanaa ayaa isku khilaafay ajandaha kulanka iyo qorshaha laga leeyahay, waxayna taas keentay inuu baaqdo kulanka.

Sida ay xogta sheegeyso, madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa doonayey inuu xildhibaanada Dir ka socdo inay codkooda siiyaan isagana uu u sameeyo ballan qaad xooggan oo xilal ah iyo lacag kaash ah marka dib loo doorto.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku jira xaalad aad u cakiran oo dhanka xildhibaanada ah, waxaana lasoo sheegayaa in xildhibaano badan oo uu isku haleynay ay u goosteen dhinaca mucaaraadka taasoo cadaadiska kusii badisay.

Fahad Yaasiin oo ah ninka ugu saameyn badan kooxda Nabad iyo Nolol ayaa weli ku maqan magaalada Doha ee dalka Qatar, waxaana lasoo sheegayaa in Dowladda Qatar aysan weli fasixin lacagihii loogu talagalay in la siiyo xildhibaanada.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa si weyn looga dareemayaa ololaha doorashada, waxaana aad u mashquulsan Hoteelada ay dagan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ee u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya maadaama ay soo buux dhaafiyeen xildibaanada taasoo muujineyso inuu dalka u socdo Isbadal hoggaamineed..

Waxaa Maanta billaabatay diiwaangelinta musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana la filayaa inay doorashada ku dhacdo waqtigii loogu talagalay ee ah 15-ka Bishaan.

Sawirro: Shariif oo noqday musharixii ugu horreeyey ee qaatay shahaadada

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ee u taagan xilka Madaxweynaha 10-aad ee Jmahuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa noqday musharixii ugu horreeyey ee is diiwaan-geliyey, isla-markaana qaatay shahaadada murashaxnimada ee xilka madaxweynaha.

Musharax Shariif ayaa tegay xarunta Aqalka Sare oo ay ka socoto diiwaan-gelinta, waxaana shahadaada guddoonsiiyey Cabdiqani Geelle oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada.

Shariifka ayaa horey usoo noqday madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd, wuxuuna sidoo kale kalena soo tartamay 2017 oo looga adkaaday tartanka, isaga musharixiin kale.

Sidoo kale murashixiinta kale ayaa lagu wadaa inay iyaguna tegaan xarunta ay ka socota is diiwaan-gelinta, si ay u qaataan shahaadada iyada oo kadib la guda-geli doono doorashada.

Guddiga qaban qanaa doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay soo saaray habraaca iyo shuruudaha laga rabo murashaxiinta dooneysa inay tartamaan.

Shuruudaha oo ka kooban sagaal qodob waxaa ugu weyn in murashax kasta laga doonayo lacag dhan $40,000, waxaana sidoo kale  la faray inay soo buuxiyaan dhamaan sagaalka shuruud ee habraaca diiwaan gelinta murashaxiinta xilka Madaxweynaha 10-aad ee dalka.

Doorashada ayaa qorsuhu yahay in ugu dambeyn la qabto 15-ka bishaan aynu ku jirno ee May, taas oo loolan adag ay u geli doonaan musharixiin dhowr ah oo uu ku jiro Farmaajo.