30.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

Saciid DENI oo go’aan kasoo saaray doorashada Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka ee maamulkaasi.

Deni oo wareegto soo saaray ayaa asteeyay xilliga ay dhaceyso doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, taas oo laga dhigay maalin Khamiis ah oo ah 25-05-2023-ka.

“Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023,” ayuu lagu yiri wareegtada.

Go’aanka madaxweynaha Puntland ayaa daba socda warqaddii dhowaan ka soo baxday guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka mamaulkaas, ujeedadeeduna tahay mudeynta maalinta doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

“Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:-

ASTAYNTA MAALINTA DOORASHADDA GOLEYAASHA DEEGAANKA PUNTLAND.

Boosaaso: 12 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad

Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad

Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD

Midowga Yurub oo dhoola-tus militari sameynaya kadib weerarkii Nord Stream

Brussels (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa haatan qorshaynaya inay qabtaan dhoolatus wadajir ah oo ay samaynayaan ciidamadooda baddu, kaasi oo ay doonayaan inay ku ilaaliyaan kaabayaashooda muhiimka ah ee dhinaca badda.

Walaaca la xidhiidha khataraha ku imaan kara kaabayaasha badda ee Midowga Yurub ayaa sii xoogaystay, kadib weerarkii bishii September ee sannadkii hore lagu qaaday dhuumaha shidalka ee Nord Steam, kuwaas oo dhex-mara badda Baltic-ga.

Midowga Yurub ayaa dib u cusboonaysiiyey istaraatejiyadohooda dhinaca amniga badda, iyaga oo soo saaray laga bilaabo sannadka 2024 inay sannad walba qabtaa dhoolatus dhinaca badda ah iyo inay isku xidhaan dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midawga Yurub.

Sidoo kale waxay isku raaceen sidii loo ilaashan lahaa dhuumaha shidaalka qaada, xadhkaha badda hoos mara iyo kaabayaasha kale ee badda ee muhiimka ah.

Madaxa dhinaca deegaanka u qaabilsan Midowga Yurub ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters in dhoolatuskani uu qorshaysnaa ka hor weerarkii lagu qaaday dhuumaha shidaalka Nord Stream, hase ahaate la sii dardar-geliyey qorshahan kadib markii weerarkaasi dhacay.

Midowga Yurub ayaa haatan qorshaynaya inay kor u qaadaan iskaashiga Yurub iyo NATO ee dhinaca badda, si ay u nabad-galaan dhuumaha shidaalka, maraakiibta ganacsiga kala gudbisa iyo isticmaalka nabadgalyada marinka Badda.

Qorshahan ayaa fulintiisa ayaa waxaa looga faa’iidaysan doona dayax-gacmeedada Midowga Yurub iyo la socoshada gaadiidka badda.

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Al-Shabaab iyo Daacish ee ka socda Bari

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyo maleeshiyaadka kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish oo haatan ka socdo dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo ay isku fara saareen labada dhinac.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa qarxay xalay, wuxuuna soo gaaray illaa saaka, sida ay innoo sheegeen iyo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka xoogiisa uu ka socdo togaga Dadamale iyo Quracda oo hoosataga deegaanka Jacayl, halkaas oo ah dhul buuraley ah.

Sidoo kale meelaha loogu dagalamayo ayaa ah togog biyo mareen ah iyo dhul buuraley ah oo ku yaalla aagga magaalada Balidhidinm halkaas oo ay ka taagan tahay xaalad cakiran.

Lam ogaan karo khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, waxaana hawada laga saaray qadka isgaarsiinta, taas oo sii adkaneysa xaaladda ka taagan halkaasi.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan dagaalkaasi ka dhex-qarxay kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada dhaca dhanka buuraha ee gobolka Bari ee Puntland.

Xiisadda u dhexeysa labada dhinac ayaa maalmihii u dambeeyay sii xooganeysay, waxaana lixdii cishe ee ugu dambeysay ay isku uruursanayeen aagga haatan lagu dagaalamayo.

Kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa labaduba waxay ku xoogan yihiin gobolka Bari, waxaana marar badan ay siyaabo kala duwan ugu dagaalameen halkaasi.

Xog: Go’aanka Deni ee shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad-goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa qaadacay ka qeyb-galka shirka Madasha Wadatashiga Qaranka oo dhawaan ka furmi doona magaalada Baydhabo.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in Saciid Deni uu ku gacan seyray waan-waan iyo farriimo dhex-dhexaadin ah oo uga yimid dhanka wakiiladda beesha caalamka.

Wakiiladda Caalaamiga ah ayaa Saciid Cabdullaahi Deni ka dalbaday in shirkaasi uu xaadiro, islamarkaana uu halkaasi kusoo bandhigo tabashadiisa, si xal wada-jir ah looga gaaro.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa markii hore qorshuhu ahaa in la qabto 24-kii bishii hore, balse wuxuu dib ugu dhacay si madaxweynaha Puntland loogu qanciyo ka qeyb-galka shirka, taasi oo illaa hadda aan lagu guuleysan.

Saciid Deni ayaa diidmadiisa shirka dhawaan furmaya uga dhigay khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland oo iyagu soo xaadiraya shirka Baydhabo, sida ay sheegeen illo ku dhow madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni oo hore maamulkiisa xiriirka ugu jaray dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaadacadiisa shirka Madasha Wadatashiga Qaranka waxay cirka kusii shareeraysa xiisaddii ka dhex aloosan dowladda federaalka iyo Puntland.

Shir hordhaca u ah Ajendayaasha Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed, kaasi looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Shirka Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo 15-ka bishaan, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Xog: DF oo dejisay qorshe ka dhan ah Al-Shabaab inta aan la gaarin Ramadaanka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ogaatay Caasimada Online dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inta aan la gaarin bisha Ramadaan ilaa bilowga bishaas in Al-Shabaab laga nadiifiyo Galmudug iyo HirShabeelle inta ay ka joogaan.

Waxaa gabagabo maraya diyaar garowga wajiga labaad ee dagaalka Al-Shabaab oo ka soo bilaabanaya koonfurta gobolka Mudug oo gees u xigta dhulka uu Al-Shabaab ka joogo bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Dowladda ayaa ciidankeeda isugu geysta jiidaha dagaalka ee gobolka Mudug, sidoo kale waxaa maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho ka baxay ciidankii ugu badnaa oo ka socda beelaha Murusade iyo Duduble, labadaas beelood ayaa dega Ceelbuur iyo magaalooyin kale oo muhiim ah oo weli ay Al-Shabaab maamulaan.

Qorshaha dowladda waa la sheegay inuu yahay in dagaalka hal jiho laga soo bilaabo, taas oo ah koonfurta gobolka Mudug, iyadoo markii la xoreeyo Mudug lagu xiji doono bariga Galgaduud, kadibna loo sii gudbi doono Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe oo la isku yiraahdo HirShabeelle.

Qorshahaan oo weli aan si rasmi ah loo shaacin ayey Caasimada Online ogaatay inuu socdo abaabulkiisu, waxaana dagaalkaan hoggaami doonta dowladda Soomaaliya, si loo yareeyo khasaaraha ciidanka soo gaari kara.

Inkastoo maalmihii lasoo dhaafay uu gaabis ku yimid weerarkii ku socday Al-Shabaab, hadana waxaa la sheegay in madaxweynuhu amray in la dejiyo qorshe dagaal oo Shabaab looga xoreyn karo dalka, iyadoo la yareynayo khasaaraha soo gaari kara ciidanka qaranka.

Dowladda Soomaaliya ayaa olole xoog leh u gashay in dowladaha caalamka ay ku garab siiyaan dagaalka Al-Shabaab, waxayna maalin ka hor Itoobiya u soo dirtay Soomaaliya ciidan ka madax-banaan howlgalka ATMIS, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay ka dalbatay saaxiibadeed.

Diyaaradaha dagaalka ayaa muhiim u ah dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, dhamaan dhulkii laga xoreeyey Al-Shabaab bilihii lasoo dhaafay waxaa loogu geystay duqeymo aad loogu laayey, taasi waxay yareysay khasaarihii soo gaari karay ciidanka, hadii ay kooxda la galaan dagaal toos ah.

Dowladaha Mareykanka iyo Turkiga ayaa la sheegay inay leeyihiin diyaaradaha fuliya duqeymaha ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee garab siiya ciidamada Soomaaliya, maalmihii iyo bilihii lasoo dhaafay waxaa duqeymo culus lagu dilay boqolaal Shabaab ah.

Saudi-Iran Deal: Israel left alone in efforts to isolate Iran

RIYADH, Saudi Arabia (Caasimada Online) – The recent announcement of a breakthrough in diplomatic relations between regional rivals Saudi Arabia and Iran has sent shockwaves throughout the Middle East.

The historic deal, which follows over a year of negotiations, represents a significant shift in Middle Eastern diplomacy and has left many cautiously optimistic.

However, the agreement has also dealt a symbolic blow to Israeli Prime Minister Benjamin Netanyahu, who has long prioritized the threat posed by Tehran in his public diplomacy efforts and personal crusade.

A History of rivalry and conflict

Saudi Arabia and Iran have a long history of rivalry and conflict. The two countries have frequently found themselves on opposite sides of regional conflicts, with Saudi Arabia backing Sunni factions and Iran supporting Shiite groups.

This rivalry has played out in several countries, including Yemen and Syria, where the two sides have been in a devastating proxy war.

In recent years, tensions between the two countries have been further exacerbated by Iran’s nuclear program and the development of its regional proxies, including Hezbollah in Lebanon and Hamas in the Gaza Strip.

Israel, which considers Iran its greatest regional threat, has been actively seeking to isolate and oppose Tehran while also building alliances with other Arab states to counter Iran’s influence in the region. 

The broader implications of the Saudi-Iran deal

The recent breakthrough in diplomatic relations between Saudi Arabia and Iran represents one of the most striking shifts in Middle Eastern diplomacy in recent years.

The deal gives the two countries two months to reopen their respective embassies and re-establish ties after seven years of rupture.

While the announcement has stirred cautious optimism in countries like Yemen and Syria, it has also caused disappointment in Israel, where it is viewed as a blow to Netanyahu’s efforts to isolate and oppose Iran.

Netanyahu has long portrayed himself as the only politician capable of protecting Israel from Iran’s nuclear program and regional proxies.

His foreign policy triumphs include Israel’s U.S.-brokered normalization deals in 2020 with four Arab states, including Bahrain and the United Arab Emirates, which were part of a wider push to isolate and oppose Iran in the region.

The Israeli-Palestinian conflict

One of the main obstacles to a normalization deal between Saudi Arabia and Israel has been the decades-long Israeli-Palestinian conflict.

The kingdom has said it will not officially recognize Israel before a resolution to the conflict is reached.

However, experts say that the recent deal between Saudi Arabia and Iran has dealt a blow to Netanyahu’s efforts to form an anti-Iran bloc in the region, a cornerstone of his foreign policy agenda.

Implications for Yemen and Syria

Both sides have been guarded but hopeful about the recent deal in Yemen, where the Saudi-Iran rivalry has played out with devastating consequences.

In 2015, the Saudi-led military coalition intervened in Yemen’s conflict, which had escalated after the Iran-backed Houthi militias seized Sanaa, the capital, in 2014. As a result, the internationally recognized government was forced into exile in Saudi Arabia.

While analysts believe that an immediate settlement to the conflict is unlikely, direct talks and improved relations could generate momentum for a separate agreement that would enable both countries to exit the disastrous war.

War-torn Syria has also expressed its approval of the agreement as a measure towards reducing tensions that have worsened the country’s conflict.

The Syrian Foreign Ministry called the agreement an “important step to strengthen regional security and stability.”

The government of President Bashar Assad has received significant backing from Iran.  In contrast, Saudi Arabia has supported opposition fighters trying to remove him from power.

Internal politics in Israel

In Israel, the recent Saudi-Iran deal has become ensnared in the country’s internal politics, reflecting the deep divisions that have emerged at a moment of national turmoil.

Politicians from across the political spectrum have seized on the rapprochement to criticize Netanyahu’s foreign policy agenda and his focus on personal interests over the country’s international relations.

Netanyahu’s goal of formal ties with Saudi Arabia has been a long-standing objective of his foreign policy agenda.

However, the recent breakthrough in diplomatic relations between Saudi Arabia and Iran has dealt a blow to his ambitions.

The kingdom’s decision to engage with its regional rival has left Israel alone in its efforts to isolate and oppose Iran and threats of a unilateral military strike against Iran’s nuclear facilities.

Even Netanyahu’s allies have expressed disappointment and disconcertment about the rapprochement.

Some note that the recent deal has thrown cold water on their ambitions of achieving peace with Saudi Arabia.

They have also emphasized that a diplomatic win for Iran is bad news for Israel, given the long-standing animosity and rivalry between the two countries.

Experts have pointed out that a detente between Saudi Arabia and Iran is not necessarily bad news for Even if Saudi Arabia and Iran establish embassies in each other’s capitals, they will continue to be regional adversaries.

Additionally, similar to the United Arab Emirates, Saudi Arabia could enhance its relationship with Israel while also having a transactional association with Iran.

Daawo: Xildhibaan soo jeediyey in 120 Yaasiin lagu akhriyo guri kasta iyo sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Ilkacase oo ka tirsan golaha shacabka ayaa maanta soo jeediyey in guri kasta oo Soomaaliyeed lagu akhriyo Qur’aan, si dadka Soomaaliyeed ay dhibatada uga baxaan.

Xildhibaanka ayaa kulankii baarlamaanka ee maanta ka hor dalbaday in guri kasta lagu akhriyo 120 Yaasiin, iyadoo laga faa’iideysanayo fadliga bishaan, si umadda Soomaaliyeed ay uga baxdo dhibaatooyinka ragaadiyey.

“Anigoo ka faa’iideysanaya fadliga ay bishaan Shacbaan leedahay, waxaan umadda Soomaaliyeed u soo jeedinayaa in guri kasta lagu akhriyo maro Yaasiin oo ah 120 Yaasiin, si umaddaan Soomaaliyeed ay isugu calool samaato oo dalkeenu uu dhibaatada uga baxo, waa iga talo arrintaasi,” ayuu yiri Xildhibaan Ilkacase.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa ku jira kulamadoodii ugu dambeeyey inta aysan aadin fasax ay gelayaan inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan iyo maalmaha ka dambeeya ee ciidda.

Sharciyo cusub oo aad u badan ayaa maalmihii lasoo dhaafay la hor geeyey xildhibaanada labada aqal, kuwaas oo intooda badan ay ansixiyeen.

Maanta oo ugu dambeysay waxay ansixiyeen Sharciga kalluumaysiga iyo khayraadka badda oo wasaaradda kaluumaysiga ay hor geysay golaha, iyadoo la marsiiyey habraacyadii akhrinta.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ku jira kalfadhigiisii labaad ayaa meel mariyey shuruucdii ugu badneyd, taas oo hadal heyn xoog leh ka dhex abuurtay bulshada.

Waxaa sidoo kale baarlamaanka hor yaalla tobanaan sharci oo kale, kuwaas oo wasaarado iyo hey’ado ka tirsan dowladda ay soo gudbiyeen, si loo ansixiyo.

Shuruucda muhiimka ah ee la mahdiyey ansixintooda iyo ka shaqeyntooda waxaa ka mid ah sharciga NISA oo aad loogu baahi qabay, isla markaana la aaminsan yahay inuu xakameyn doono hey’adda oo awoodo dheeraad ah isticmaali jirtay.

Sidoo kale waxaa sharciyada la ansixiyey ee cabsida badan abuuray ka mid ah sharciga cunaqabateynta maaliyadeed ee cayiman oo cabsi badan iyo jaha wareer ku abuuray ganacsatada iyo dadka indheer-garadka ah.

Sharciga la dagaalanka argagixisada oo ka gudbay golaha shacabka, hadana hor yaalla Aqalka Sare ayaa ka mid ah sharciyada loo arko inay muhiim u yihiin dalka, maadaama dagaal adag lagula jiro kooxo argagixiso ah.

Hoos ka daawo Xildhibaan Ilkacase

Daawo: Xamza oo shaaciyey qiimo aad u sarreeya oo ay Soomaalidu kusoo xajiso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa aad uga hadlay qiimaha sareeya ee dadka Soomaaliyeed ay ku tagaan Xajka, isagoo nasiib darro ku tilmaamay dhibaatada ay dhinac kasta oo cibaadada ah ay ka wajahayaan dadkeenu.

Xamse Barre oo maanta booqday xarunta wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ayaa si qota dheer uga hadlay dhibaatada ay qabaan dadka Soomaaliyeed, markii ay aadayaan Xajka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qofka Soomaaliga ah uu lix kun oo dollar ku soo xajiyo, halka muslimiinta ku nool dalalka deriska ah ay ku soo xajiyaan wax ka yar laba kun oo dollar.

“Dowladaha deriska ah qofku ku soo xajiyo 1,600 oo dollar, qofka Soomaaliga ahna uu ku soo xajiyo 5,500 ilaa 6,000 oo dollar, marka taasi waa isbaaro loo dhiganayo dadka soo cibaadeysanaya, waa dhibaato aan caadi aheyn oo umadaan ku habsatay,” ayuu yiri Xamse Barre.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Soomaalidu ay aad ugu dhiban tahay inay ku soo cibaadeystaan masaajidda oo Al-Shabaab ay dadka ku hor dilayaan goobaha cibaadada, halka markii ay soo xajinayaan ay furtaan shirkadaha iyo masuuliyiinta Soomaalida.

“Dadkii dalkaan ku noolaa waa ku dhiban yihiin inay soo xajiyaan, markii ay masaajidka aadaana waxaa dilaya Khawaarij oo cibaadadii waa loo diiday, umadda Soomalaiyeed dhinac kasta ayey ka ciqaaban tahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray ra’iisul wasaaruhu.

Wuxuu si adag uga digay in la siyaasadeeyo Xajka, isagoo wasaaradda ku adkeeyey inay u sinaadaan dadka Soomaaliyeed oo loo fududeeyo gudashada acmaasha Xajka.

“Sanadkaan waxaan imtixaaneynaa iimaanka Sheekh Mukhtaar Roobow, asagana waxaan ka rabnaa in guddiga uu sii imtixaano, qofka kasta qofka hoos taga ha imtixaano,” ayuu yiri R/Wasaare Xamse Barre.

Wuxuu ku celceliyey R/Wasaaruhu in sanadkaan uu doonayo dadka Soomaaliyeed ay helaan adeegyo heer walba leh oo dhinaca Xajka ah, sida in dadka la baro gudashada acmaasha Xajka, si Alle uga aqbalo cibaadada qurxoon oo ay la imaanayaan.

Hoos ka daawo

Gudoomiye lagu dhaawacay qarax gurigiisa loo galiyay iyo wiilkiisa oo ku dhintay

Buurdhuubo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in guddoomiye ku-xigeenka labaad ee degmada Buurdhuubo ee gobolkaasi uu ku dhaawacmay qarax gudaha gurigiisa loo galiyay.

Qaraxan gurigiisa loogu qariyay guddoomiye Nuux Xasan Daa’uud ayaa sidoo kale waxaa ku dintay wiil uu dhalay, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxan oo Jimcihii duhurnimadii ka dhacay gurriga guddoomiye ku-xigeenka labaad ay laamaha amaanka u xireen shakhsiyaad lagu tuhmayo inay soo abaabuleen.

Si dhab ah looma oga cidda ka dambeysa falkan, hase yeeshe maamulka degmada Buurdhuubo ayaa ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab inay ka dambeeyaan falkaan.

Qaraxyada noocaan ah ayaa muddooyinkii dambe kusoo badanayay gobolka Gedo, ayada oo bishii hore un aheyd markii Sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka dowladda lagu dilay qarax loogu xiray sariirtiisa jiifka.

Sarkaalkaas ayaa saaxiib dhow la ahaa taliyihii hore ee Nabad-sugidda gobolka Gedo, Baakal Kooke oo isagana qarax lagu dilay daba-yaaqada sanadkii hore.

Qaraxyada noocaan ah ayaa waxaa kasoo baxaya tuhuno kala duwan, maadama qaraxa uu ku dhaawacmay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee degmada Buurdhuubo loogu qariyaay gudaha gurigiisa, halka ka Sarkaalka uu ku baxay loogu xiray isla xerada ciidanka dhexdiisa.

Illaa hadda ma-jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo maamulka gobolka Gedo oo ku aadan qaraxan

Kooxda Al-Shabaab ayaa mararka qaar weeraro khasaare geysta ka fuliya gobolka Gedo, oo iyagu weli gacanta ku haya deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Xamza oo sheegay tallaabo uu qaadayo kadib murankii guddiga Mukhtaar Roobow

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kormeer ku tegay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo maalmahan uu ka taagnaa muran ku saabsan qandaraaska shirkadaha Xajka.

Mudane Xamza ayaa halkaasi ka sheegay in xukuumadda Dan-Qaran ay ka go’an tahay inay hufnaan ku maamusho, islamarkaana korjoogteyso shirkadaha ku guuleysan doona adeegga Xajka.

“Waxaa idinku imid maanta idinka guddiga si Ilaahay dartiisa oo sida u dhaarateen fulinteeda inaad ugu caddaalad sameysaan dadka Soomaaliyeed. Ilaahay markhaati ayuu ka yahay wax kale kama rabno, waxaa rabna in dadkaas Soomaaliyeed ee ganacsatada ah in loo caddaalad sameeyo.”

“Caddaaladiinu waxay ku soo bixi doonta sida wax u saxdaan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Ra’iisul Wasaare Xamza oo la hadlayay guddiga tartanka adeega Xajka sanadka oo iyagu kala xulaya shirkadaha soo xareystay bixinta adeeggan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xarunta Wasaaradda kula kulmay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, Guddiga Maareynta iyo Maamulka Xajka, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan hannaanka tartansiinta shirkadaha daneynaya arrimaha Xajka.

Wasiirka iyo guddiga adeega xajka ayaa sidoo kale waxay Ra’iisul Wasaaraha la wadaageen hanaanka maareynta cabashada iyo khilaafaadka, halbeegga adeegyada Xujeyda Soomaaliyeed iyo jaan-gooynta qiime aan culeys ku noqonayn dadkeenna doonaya in ay soo gutaan waajibka Eebbe sanadkan.

Guddiga tartanka adeega Xajka sanadka 1444/2023 ee uu magacaabay Wasiir Mukhtaar Roobow Cali ayaa dhawaan iclaamiyay shuruudaha laga rabo shirkadaha doonaya u tartamida u adeega Xujeyda Soomaaliyeed, kuwaasi oo shirkadaha qaar ay ku sheegeen in aad uga adag yihiin kuwa sanadihii hore.

Magacaabista guddigan ayaa waxaa ka dhashay khilaaf, inkasta oo markii dambe la xaliyay, waxaana dul taallay calaamad su’aal hufnaantooda, waana midda la rumeysan yahay inay keentay fara-gelinta ra’iisul wasaaraha iyo in uu si shaacsan u sheego in xafiiskiisu kor-joogteyn doono tartanka adeega Xajka sanadkaan.

Daawo: Khasaaraha dabkii ka kacay Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dab xooggan oo goor sii horeysay ka kacay qeybo kamid ah Isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho.

Dabka kacay Isbitaalka Martiini oo ay maamusho dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhashay mid kamid ah haamaha lagu keydiyo Oksijiinka ee isbitaalka oo qaraxday.

Khasaaraha dabka ayaa u badan gubasho dhismaha iyo qalabkii yaalay, wuxuuna dabka dhaawac kasoo gaaray saddex qof oo kamid ah shaqaalaha Isbitaalka, sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Martiini.

Agaasimaha Isbitaalka Martiini Dr. Cabdirisaaq Yusuf Axmed Jalaludiin oo warbaahinta la hadlay kadib markii la damiyay dabka ayaa waxa uu sheegay in mashiinka suuxiyaha loo isticmaalo ayaa cilad koronto ku qarxay salaada qaliinka, oo xilligaasi ku jiraan saddexda qof ee dhaawac ah.

“Markii mashiinka uu qarxay wuxuu dabka ku faafay meesha, Saaladii iyo qalabkii dhan waa gubteen waxaa meesha ku xayirmay shaqaale caafimaad oo runtii aad iyo aad uga walwalnay. Markii koowaad waa soo badbaadinay waxaana loola cararay Digfeer,” ayuu yiri.

“Waqti dheer waxaa ku xayirna shaqaalihii caafimaad ee Saaladda ka shaqeynayay, waxaa badbaadiyay Ilaahay ayaa badbaada iska leh maamulka gobolka Banaadir iyo Booliska gobolka Banaadir oo gurmad xoog leh noo fidiyay.”

Dabka ka kacay Isbitaal Martiini ayaa sababin wax dhimasho ah sida uu sheegay agaasimaha, waxaana uu khasaaraha ku koobna gubasho soo gaaray qeybo kamid ah Isbitaalka iyo qalabkii yaalay.

“Waxaan u mahad-celinayaa dhamaan inta soo gurmatay, wasaarada caafimaadka oo uu ugu horeeyo wasiir Dr. Cali Haji Adam, maamulka gobolka Vanaadir, taliska booliiska Soomaaliyeed iyo taliska booliska gobolka Banaadir.”

Hoos ka daawo muuqaalka

SOMALILAND: 40 qof oo loo xiray Qowmu-luudnimo

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulankii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa lagaga hadlay tirada dadka dhaqan xumada loo xidhay ee Qowmu-luudnimada, taasi oo ay shaaciyeen inay gaartay 40 qof.

Guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee Golaha Guurtida Somaliland, Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase) ayaa sheegay in tirada dadkaasi ay korodhay bilihii dambe.

Waxa uu sheegay in 40 qof ee loo haysto ficiladaan ay 12 maxkamad la geeyay, inta baadhis lagu wadana ay yihiin 16, halka 8 kamid ah yihiin Garsugayaal iyo 4 qof oo lagu xukumay min 8 sano oo xadhig ah.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu soo jeediyay in Golaha uu meel-mariyo xeerka la-dagaalanka anshax xumada ah oo qeyb uu ka yahay Liwaadka (Qowmu-kuudnimada), kaasi oo maray heer gabagabo ah.

“Xeerkaas oo hadda ka wada-shaqeynano Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta si xataa qeyb uga noqdaan culimada, oo aan ka soo saarno. Golaha ayaa horkeeni doona kalfadhiga kan xiga.”

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa inoo soo baxday oo ka guddi ahaan ogaanay inay jiraan in direyska ciidamada laga ganacsado oo meherado loo furtay, waxaa noo soo baxday in la abuuro xeerka mamnuucida ka ganacsi direyska ciidamada.”

Xukuumadda Somaliland ayaa dhowr jeer laga soo wariyay inay dad u xirtay eedo la xiriira Qowmu-luudnimo, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay si weyn usii kordhayay.

Xisbiga madaxweyne Muuse Biixi oo qaaday tallaabo dad badan ‘fajaciso ku noqotay’

Hargeysa (Caasimada Online) – Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa billaabay in uu xisbiga banaanka ka dhigo siyaasiyiinta ka tirsanaa ee ka horyimaada rabitaanka hoggaaminta Muuse Biixi.

Hoggaanka Xisbiga ayaa maanta oo u dambeysay xisbiga ka caydhiyay siyaasi Axmed Muumin Seed oo ahaa xubin sare oo ka tirsan guddiga fulinta, kadib markii ka horyimid banaanbax “damiir xumo ah” oo ka dhacay magaalada Hargeysa, kaasi oo lagu taageerayay waxa ka socda magaalada Laascaanood.

“Axmed Muumin Seed waxa uu lumiyay xubinimadii guddiga fulinta iyo ka mid ahaanshihii xisbiga Kulmiye kadib markii uu ku xad-gubay shuruucdii xisbiga,” ayuu yiri Afhayeenka xisbiga Kulmiye oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

“Waxaa la go’aamiyay in xubinimadii guddiga fulinta ee Axmed Muumin Seed uu ahaa inuu buuxiyo Xildhibaan Fu’aad Axmed Diiriye oo kamid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland.”

Wasiirkii hore ee Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa qoraal uu soo saaray laba maalin kahor ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xukuumadda Somaliland ay dabaal-degyo ku qabato magaalooyinka, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “in la micno yihiin wiirsi iyo wax-fool-xun oo dagaalka Laascaanood xalkiisa fogaynaya.”

Xukuumadda Somaliland ayaa maalmo kahor soo abaabushay banaanbaxyo lagu bixiyay dhaqaale badan oo ka dhacay magaalada Hargeysa iyo Burco, kuwaasi oo lagu taageerayay ciidamada Somaliland ee dagaalka kula jira kuwa deegaanka ee SSC.

Tallaabadan uu qaaday xisbiga Kulmiye ee xubin sare oo ka tirsan xisbiga uga caydhiyay kadib markii uu taageeri waayay banaanbaxaasi ayaa fajaciso ku noqotay dad badan, ayada oo xisbigaan uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi oo isagu dhowr jeer sheegay in xiisadda Laascaanood ay xukuumadiisu ku wajaheyso jawi nabdoon iyo wada-hadal.

Si kastaba, Xukuumadda Somaliland ayaa dhalleeceyn xoogan kala kulantay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaasi oo qaatay ku dhowaad muddo bil ah.

Xog ku saabsan kulankii madaxweyne Xasan Sheekh iyo xildhibaanadda Xawaadle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan gaar ah oo Muqdisho ku dhex-maray madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo xildhibaanada labada gole ee kasoo jeeda beelweynta Xawaadle.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa qabsoomay gelinkii dambe ee shalay, waxaana madasha ku wada sugnaa dhamman xildhibaanada labada aqal ee beesha Xawaadle.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in kulanka oo uu albaabada u xirnaa diiradda lagu saaray tabashada ay beesha Xawaadle ka qabto dowladda Soomaaliya iyo HirShabelle, si xal loogu helo cabashadaas oo muddo dheer soo taaneyd.

Xogta aan helenyo ayaa sidoo kale sheegeyso in kulanka uu kusoo dhammaaday is afgarad, ayada oo lagu ballamay in lasii wado wadahadalka labada dhinac.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in kukanka lagu soo qaaday dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, ayada oo madaxweynuhu ku amaanay reer Hiiraan, sida ay ugu istaageen xoreynta deegaankooda, kadib dagaallo culus oo ay la galeen Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale xildhibaanada Xawaadle ay madasha kusoo bandhigay baahida caafimaad ee ka jirta deegaankooda, gaar ahaan Hiiraan, ayada oo la’isku raacay in dowladda fedaraalka ay Baledweyne ka hirgelin doonto Isbitaal weyn oo si gaar ah loogu daaweyn doono ciidamada deegaanka Macawiisleyda ee dagaalada kula jira kooxda Al-shabaab.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kadib markii dhawaan magaalada Muqdisho lagu laayey ciidamo ka tirsan Macawiisleyda oo dhaawac ahaan loo keenay magaalada Muqdisho, kadib markii lagu weeraray gurigii lagu daaweynayey oo ku yaalla gudaha degmada Cabdicasiis.

Sidoo kale xildhibaanada beesha Xawaadle ayaa iska soo xulay guddi ka kooban saddex xubnood oo ay u xil-saareen dhammeystirka tabashada ay hordhigeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxayna kala yihiin saddexdaas xubnood, Senator Cali Shacbaan Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Cali (Sambaloolshe).

Si kastaba, kulankan ayaa daba socday shir ay dhowaan siyaasiyiinta beesha Xawaadle ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya, kaas oo lagu soo bandhigay qodobo xasaasi ah oo ay beesha uga tabaneysay dowladda federaalka ah iyo HirShabelle.

Bandowgii lagu soo rogay Laascaanood oo dhaqan-galay iyo wararkii ugu dambeeyay

Laascaanood (Caasimada Online) – Taliska ciidamada deegaanka ee magaalada Laascaanood, isla-markaana dagaalka kula jira ciidanka milatariga Somaliland ayaa soo saaray awaamiir culus oo ku aadan xaaladda cakiran ee ka taagan gudaha magaaladaasi.

Taliyaha ciidanka xasilinta ee ku sugan Laascaanood Cali Gowrac oo la hadlay warbaahinta ayaa soo saaray amaro saameynaya dadweynaha, isaga oo ka dalbaday inay fuliyaan.

“Waxaa halkan farriin iyo cod dheer u marinayaa shacabka ku nool degmada Laascaanood inay u hoggaansamaan awaamiirta ciidanka kasoo baxday, ayna fuliyaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu ku dhawaaqay in bandow habeenkii ah ay kusoo rogeen magaalada Laascaanood, kaas oo bilaabanayo sagaalka habeenimo, si loola socdo xaaladda guud.

Cali Gowrac ayaa sidoo kale faray ganacsatada iyo dadweynaha ku haray magaalada inay u hoggaansamaan bandowga oo isla xalay ka dhaqan-galay magaaladaasi.

“Saddex saac habeenimo wixii ka dambeeyo magaaladu waa bandow mehradaha mehrad furan lama arki karo goobaha ganacsigam” ayuu sii raaciyay.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inay laga dagaalamayaan kooxaa ka ganacsada maan dooriyaha & kuwa isticmaala ee ku sugan halkaasi, isaga oo tilmaamay inay mamnuuceen.

“Baahasha la yiraahdo Qamriga dadka islaamku ma isticmaalaan, waana ka mamnuuc gobolka qof alla qofkii lagu qabto isaga oo cabsan ama ka ganacsanaya waxaa la horgeyn doonaa sharcigam” ayuu markale hadalkiisa ku daray taliyaha ciidanka jooga Laascaanood.

Xaaladda Laascaanood ayaa saddexdii maalmood lasoo dhaafay daganeyd, waxaana istaagan dagaalkii ka socday magaaladam inkastoo ay weli is horfadhiyaan labada dhinac.

Ciidamada Booliska iyo rag hubeysan oo maanta ku dagaalamay MUQDISHO

0

Muqdiso (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada ammaanka iyo rag hubeysan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, gaar ahaan degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen fariisin ciidamada Booliska ay ku leeyihiin xaafadda Suuqa Xoolaha, gaar ahaan halka loo yaqaano Baar Jowar, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad toos ah.

Labada dhinac ayaa dagaalamayaa ku dhowaad 30 daqiiyo, waxaana lasoo wariyay ina weerarka uu bilow bamb-gacmeed ay dableyda hubeysan ku tuureen ciidamada.

Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo saameyn ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa dadka iyo gaadiidka, maadaama muddo kooban uu ku yimid hakad.

Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkaasi, waxaana xigay howlgal ay sameeyeen ciidamada la weeraray, kaas oo ay ku baadi goobayaan kooxda weerarka ku qaaday oo goobta isaga baxsatay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah kusoo laabtay dhaq-dhaqaaqa xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa oo ay inta badan ka dhacaan weeraro.

Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha caasimada iyo beegsiga ciidamada dowladda, waxaana ugu dambeeyey weerar kan lamid ah oo ay todobaadkii hore ku qaaday fariisin ay ciidanka dowlada ku leeyihiin isgoyska KPP.

Weerarka ka dhacay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhacayay Muqdisho, kuwaas oo aad u kordhay maalmihii dambe.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab oo lagu jebiyay inta badan dagaallada ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka ayaa haatan culeys soo saartay caasimada, waxayna ka fulisay dhowr weerar iyo qaraxyo ay la beegsaday xarumo muhiim ah oo ku yaalla gobolka Banaadir.

Daawo: Xaad oo sheegay sababta loo xoreyn waayey dhulka beesha Murusade

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa cadeeyey in deegaanada ay beeshiisu ka degto gobollada Hiiraan iyo Galgaduud aysan ku jirin taako xor ah, oo dhamaan dhulkii beesha uu weli gacanta ugu jiro kooxda Al-Shabaab.

Nabadoon Xaad ayaa sidoo kale sheegay in cunaqabateyntii ay dowladdu saartay laga qaaday dadka degan degaanada iyo degmooyinka ay Al-Shabaab ka joogaan Galmudug.

Wuxuu sheegay in qorshihii lagu cunaqabateeyey dadka ku nool dhulka uu Shabaab joogo uu ahaa qorshe qaldan, isla markaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh amray in cunaqabateynta laga qaado dadka degan Ceelbuur iyo deegaanada lamidka ah.

Nabadoonka oo wareysigaan siiyey Weriye lagu magacaabo Maxamed Cali Faracadde ayaa la weydiiyey sababta uu Murusade dhulkiisa uga xoreysa la’yahay Al-Shabaab, si lamid ah beelaha kale.

Wuxuuna Nabadoon Xaad ku jawaabay “Dowladda ayaa hoggaamineysa qorshaha dagaal ee dalka looga xoreynayo Al-Shabaab, meelna waa lagu kormaray, meelaha qaarna dib ayaa loo dhigay, dhulka Murusade degana taako aysan Al-Shabaab joogin ma jirto, sidaas darteed dadku ma dagaalami karaan oo cadowgii ayaa dul jooga.”

Mar la weydiiyey sababta ciidankii furimaha jiray ay dib ugu soo celiyeen Muqdisho, ayuu ku dooday in hadda ag ciidankii dib ugu celiyeen furimaha, isla markaana uu socdo qorshe lagu xoreynayo dhulka uu Shabaab heysto oo dhawaan bilaabanaya.

“Waxaa naloo sheegay in dagaal la qaadayo, ciidanka Murusade ee Muqdisho jooga waxay baxayaan berri, inta badan ciidankii beesha furimaha ayuu jiraa, laakiin kuwii Muqdisho u yimid inay amniga shirka sugaan ayaa hadda baxaya,” ayuu yiri Nabadoon Maxamed Xasan Xaad.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Anaga beelaha kale waa ka duwanahay dhulkeenii waxaa heysta Shabaab, taako xor ah kuma jirto dhulka Murusade, ciidankeenu meel uu ku hakado ma jirto, waxay kala joogaan Maxaas, Guriceel, Dhuusamareeb iyo Aadan-yabaal, duruuftaasi waxay keentay in ciidanka beesha Murusade ay guurguuraan, waa rag aan dhulkoodii joogin,” ayuu yiri.

Nabadoonka ayaa sheegay in hadda dadka ku nool dhulka Shabaab heysto laga qaaday cunaqabateyntii, isagoo ku dooday in markii horaba lagu qaldoomay tallaabadaas.

“In raashinka laga joojiyo dad deegaan ah oo meel degan, waxay aheyd tallaabo qaldan, waana laga noqday hadda, inkastoo go’aankaas cidda qaadatay aanaa cadey karin, laakiin hadda Madaxweynaha ayaa fasaxay, sahaydana waa loo geeyaa dadka ku nool Ceelbuur iyo deegaanada kale,” ayuu yiri Nabadoon Xaad.

Sidoo kale Guddoomiye Xaad ayaa si qora dheer uga hadlay shirkii beeshiisa Murusade ee Muqdisho ka socday muddo afar maalmood ah, isagoo sheegay in lagu go’miyey qodobo ay ka mid tahay in Murusade shiro sanadkii hal mar, si loo xoojiyo midnimada beesha.

Hoos ka daawo

Sacuudiga oo saddex arrin ka dalbaday Mareykanka si uu xiriir ula yeesho Israel

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa saddex arrin ka dalbatay Mareykanka, si ay xiriir diblomaasi ula yeelato Israel, waxaa sidaas qoray wargeyska New York Times.

Sacuudi Carabiya ayaa Mareykanka ka dooneysa; damaand qaad amni, in laga caawiyo horumarinta barnaamij Nukliyeer oo nabadeed, iyo in laga yareeyo xayiraadaha la xiriira iibsashada hubka Mareykanka, si ay xiriir ula yeelato Israel.

Haddii la isku raaco, wuxuu heshiiska isbeddel weyn ku sameyn karaa naqshadda siyaasadeed ee Bariga Dhexe. 

Codsiga damaaciga ah ee Riyadh ayaa madaxweyne Biden siinaya fursad uu heshiis xasaasi ah ku dhex-dhexaadiyo, taasi oo qaabey doonta xiriirka Israel ee dalka ugu awoodda badan Carabta.  

Waxay sidoo kale fulin doontaa ballan-qaadkiisa ahaa inuu xoojin doono heshiiskii Trump uu ka shaqeeyey ee Abraham Accord, kaasi oo Israel ay xiriir kula yeelatay dalalka Imaaraadka Carabta, Bahrain iyo Morocco. 

Saraakiisha iyo khubarada Mareykanka ayaa ku kala qeybsan sida dhab ahaan loogu qaadan karo hindisahan marka la eego sida uu u xun yahay xiriirka madaxwene Biden iyo dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed bin Salmaan.

Warkan ayaa soo baxay saacado kahor inta aanay Iran iyo Sacuudiga Jimcihii ku dhowaaqin heshiis ay dib ugu soo celinayaan xiriirkooda diblomaasi, kaasi oo ay dhex-dhexaadisay China. 

Qaar ka mid ah taxliiliyayaasha siyaasadeed ayaa heshiiska ugu yeeray inuu caddeyn u yahay in Sacuudi Carabiya ay lumisay kalsoonidii ay ku qabtay in Mareykanka ilaalin karo amnigeeda, ayna hadda ku dhowaaneyso China. 

Isbeddelkan ayaa deg deg cusub ku abuuri kara maamulka Biden, si uu heshiis u dhex dhigo Riyadh iyo Tel Aviv. 

Si kastaba, waxaa jira caqabado dhowr ah oo hortaagan heshiis dhex mara Sacuudiga iyo Israel.  

Waxaa toddobaadyadan sare u kacayey rabshadaha Israel iyo Falastiiniyiinta kadib markii dowlad xagjir ah ay qabsatay Israel, taasi oo yareyneysa rajada heshiis mustaqbalka dhow.

Saraakiisha Sacuudiga ayaa horey u sheegay inaysan xiriir diblomaasi oo rasmi ah la yeelan karin Israel inta laga aas-aasayo dal Falastiin.

Hase yeeshee qaar ka mid ah dadka xog-ogaalka u ah wada-hadalladan ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in Sacuudiga oo dhowaanahan Israel la lahaa xiriir aan rasmi aheyn, ay ku qanci karaan wax intaas ka yar, sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal. 

Balse arirn kale oo caqabad ah ayaa ah; in saraakiisha Mareykanka ay ka walaacsan yihiin isku dayga Sacuudiga ay ku doonayaan barnaamij nukliyeer ah oo nabadeed.

Waxay ka cabsi qabaan inay noqon karto tallaabadii koowaad ee hub nukliyeer ah, taasi oo Riyadh ay u dooneyso caymis ahaan, haddii Iran ay hub nukliyeer hesho.

Weli ma cadda waxa ay yihiin damaanad qaadyada amni ee Sacuudiga ay doonayaan, balse waxay u badan tahay inaysan u xooganeyn sida kan dhex-yaalla dalalka NATO, oo haddii midkood la weeraro midka kale ku qasban yahay inuu difaaco, sida ay sheegeen dad xog-ogaal u ah wada-hadallada.

Dowladda Mareykanka oo qiratay arrin xasaasi ah oo ku saabsan Soomaaliya

0

Washingtong (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa warbixin cusub ka soo saartay duqeymaha ay ka fuliso gudaha Soomaaliya, gaar ahaan khasaaraha kasoo gaaro dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Warbixintan oo si gaar ah uga soo baxday taliska militariga Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa waxaa lagu faahfaahiyay khasaaraha shacabka kasoo gaaray duqeymaha ay saddexdii bilood ee ugu dambeysay ka fuliyeen koonfurta iyo bartamaha waddanka Soomaaliya.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday inay heshay laba warbixinood oo dhaawac rayid ah oo dhacay Septembar 23, 2022 iyo October 1, 2022-kii, sida lagu sheegay bayaanka.

Qirashada Mareykanka ee waxyeelaynta dadka shacabka ah ayaa kusoo aadeyso, xilli ay diyaaradaha dagaalka ee waddankaas ay haatan kordhiyeen weerarada Soomaaliya, kuwaas oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee kooxda Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa soo saarista warbxinada ka hadlay khasaaraha rayidka ah bilaabay April 2020-kii, waana warbixintii 12-aad ee uu Mareykanka ku shaacinayo khasaaraha shacabka.

Warbixinadan ayaa sidoo kale qayb ka ah ballanqaadka taliska AFRICOM ee hufnaanta iyo isla xisaabtanka, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay milatariga Mareykanka.

Taliska AFRICOM wuxuu intaasi kusii daray inay halkooda ay kasii wadi doonaan dadaalka, ayada oo la ilaalinayo badqabadka dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed.

“Talisku waxa uu sii wadi doonaa ilaalinta badqabka rayidka, wuxuuna sameyn doonaa dib u eegista iyo qiimaynta warbixin kasta oo ku saabsan waxyeelada shacabka” ayaa lagu yiri.

Si kastaba, Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka dhanka milatariga ka caawiyo dowladda federaalka Soomaaliya, wuxuuna ka qayb-qaataa dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Shir hordhac u ah madaxda golaha wadatashiga oo ka furmay Baydhaba + Sawirro

0

Baydhabo (Caasimada Online)  – Shir hordhaca u ah Ajendayaasha Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa maanta ka furmay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed.

Shirkan oo uu furay Xoghayaha joogtada ah ee xafiiska Ra’iisul Wasaaraha dalka Maxamed Abuukar Subeyr ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka, oo qeyb ka ah ajendayaasha shirka madaxda Madasha Wadatashiga Qaranka.

14-ka bishaan ayaa lagu wadaa in magaalada Baydhabo uu ka furmo shirka Madasha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo ay ka qeyb-galayaan madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Shirka madaxda dowladda federaalka iyo maamullada ayaa waxaa looga hadli doonaa dhameystirka nidaamka federaalka iyo arrimo kale oo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay tabashada maamulka Puntland.

Dabayaaqadda sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaran uu yeeshay shirkiisi afaraad, kaasi oo laga soo saaray go’aanno ay qaarkood ka hortimid dowlad-goboleedka Puntland.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa xilligaas kulankooda uga dooday Astaynta Awoodaha ee heerarka dowladda, Hanaanka Federaaleynta Garsoorka amniga dagaalka Shabaab iyo arrimo kale.

War-murtiyeed ka kooban 5 qodob oo kasoo baxay shirkaasi, ayaa waxaa laba ka mid ah iska diiday Puntland, taasi oo lagu caddeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay.

Labadaas qodob ayaa waxay kala ahaayeen Asteynta Hannaanka Federaaleynta Garsoorka oo Puntland ay diiday in Garsoorka la Federaaleeyo iyo qodobka kale ee ah Asteynta Awoodaha Heerarka oo ay sidoo kale Puntland iska diiday inay saxiixdo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa ku soo aadaya xilli xasaasi ah oo dalka uu ku jiro marxlad dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayna usii dheer tahay xaaladdo siyaasadeed oo taagan iyo sidoo kale abaaro baahsan oo weli ka jira dalka.