30.9 C
Mogadishu
Friday, May 8, 2026

MUCAARADKA oo ka digay arrin Somaliland ku burburi doonto haddii aan laga fiirsan

Hargeysa (Caasimada Online) – Mucaaridka Somaliland ayaa shaaciyay in Somaliland ay burburi doonto haddii aan doorashada Madaxtooyada Somaliland ku qabsoomi weydo xilligii uu iclaamiyay Komishanka doorashooyinka.

Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Cumar Xaaji (Xamarje) oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in shaqaaqada ka taagan Laascaanood ay ku fidi doonto Somaliland, haddii ay qabsoomi weydo doorashadaasi.

“Waxan sugayaa 9-ka bilood ee Koomishanku qabteen, wixii intaa ka danbeeyana sida Laascaanood ayay u kala qixi tana, hadii lagu daro maalin sida Laascaanood tahay uun bay gobolada kalena noqon,” ayuu yiri guddoomiye Xamarje.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu ku eedeeyay madaxweyne Muuse Biixi iyo guddoomiyaha golaha guurtida inay ka dambeeyan xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Laascaannod, si doorashada Madaxtinimadu markale dib ugu dhacdo.

“Dagaalka Laascaanood waxay u abuureen si doorashadu dib ugu dhacdo, ma yaqaanan si kale oo wax loo xaliyo xabad mooye,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiye ku-xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Xamarje ayaa caddeeyay in xisbigooda uu diyaar u yahay doorashooyinka madaxtooyada iyo ururada labadaba, “Biixi uma muuqdo in uu doorasho diyaar u yahay, maalkii iyo kursigiina wuu jeclaaday.”

Siyaasigan oo kamid ah masuuliyiinta u sareysa ee xisbiga Waddani ayaa sannadkii hore xukuumadda Biixi xabsiga dhigtay isaga iyo siyaasiyiin kale oo tobaneeyo ahaa intii uu socday mudaharaadkii xisbiyada mucaaradka.

Donald Trump oo halis galiyey qoyska madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Mike Pence ayaa si kulul u dhaliilay madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump doorkii uu ku lahaa rabshadihii 6-dii Janaayo ka dhacay Aqalka Mareykanka ee Capitol-ka.

Rabshadahaasi oo sii ballaariyay khilaafka u dhaxeeya labadooda, xilli ay isku diyaarinayaan inay ku loollamaan musharaxnimada xisbiga Jamhuuriga ee doorashada sannadka soo socda.

“Madaxweyne Trump waa uu khaldanaa,” ayuu yiri Pence intii lagu guda jiray casho-sharafeedka sannadlaha ah ee Gridiron oo ay kasoo qayb-galeen siyaasiyiin iyo suxufiyiinn.

“Xaq uma lahayn in aan doorashada diido. Hadaladiisa aan ka fiirsashada lahayna waxay halis galiyeen qoyskeyga iyo qof kasta oo ku sugnaa xarunta Capitol-ka maalintaas, waxaana ogahay in taariikhdu ay kula xisaabtami doonto Donald Trump.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka.

Hadalka Pence ayaa ah cambaareyntii ugu weyneyd ee ka timaadda shakhsi mar daacad u ahaa oo inta badan ka fogaan jiray inuu ka hor yimaado.

Trump ayaa horay ugu dhawaaqay inuu yahay musharax, laakiin Pence ma uusan shaacin weli, hase yeeshee wuxuu Pence dhigay aasaaska ololohiisa doorashada.

Maalmaha ka horreeyay Jan. 6, 2021, Trump wuxuu ku cadaadiyay Pence inuu meesha ka saaro guushii madaxweyne Joe Biden ee doorashada, marka uu kor-joogteynayo xafladda shaacinta natiijooyinka doorashada.

Laakiin Pence waa uu diiday, waxaana markii ay kooxda rabshadaha wadday ay soo galeen xarunta Capitol-ka ay qaar ka mid ah ku dhawaaqayeen inay rabaan “inay deldelayaan Mike Pence.”

Somalia: Territorial dispute arises over voter registration

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – The Galmudug regional government in Somalia has raised concerns about what it calls encroachment by the neighboring State of Puntland over the ongoing voter registration exercise. 

The disputed areas, Dhinowda and Hirsalama, are located in Mudug region, which is under the jurisdiction of Galmudug state.

According to Abshir Abdi Sheikhow, the Minister of Information for Galmudug state, Puntland conducted voter registration in the contested areas, prompting protests from the government. 

“While we may entertain the idea of permitting you to register individuals who reside outside of Puntland and its territories beyond our jurisdiction, it is of utmost importance that we take great care to avoid jeopardizing the safety and peaceful coexistence of our fellow brothers and sisters in those areas, Sheikhow said.

Previous territorial deputies 

This is not the first time Puntland and Galmudug have disagreed over territory.

In 2015, the Galmudug state was established, prompting objections from Puntland, arguing that half of the Mudug region had been removed from its jurisdiction. 

A portion of Mudug subsequently merged with Galgadud region to form the Galmudug state.

Puntland contended that this action contravened the Provisional Constitution, which permits two or more regions to unite and create a Federal Member State.

Similar disputes have also arisen over voter registration in the contested Sool region, claimed by Puntland and Somaliland.

Puntland’s first direct elections 

Puntland is currently conducting voter registration ahead of district council elections scheduled for May 25, 2023. According to State President Abdullahi Deni, the elections will proceed as planned. 

In October of 2021, Puntland carried out a trial run in the districts of Eyl, Ufeyn, and Qardo, resulting in the election of 87 council members through a process involving nearly 30,000 voters. 

The Transitional Puntland Electoral Commission (TPEC) had facilitated voter registration since the previous year in anticipation of the upcoming district council elections. 

These elections will be a first in Somalia, which has previously relied on clan-based electoral options.

On the other hand, the self-declared Republic of Somaliland has effectively organized one-person-one-vote elections for presidential, parliamentary, and local government positions.

Migrants boat capsizes in Mediterranean, dozens dead

ROME, Italy (Caasimada Online) – Several dozen migrants are feared dead in the central Mediterranean after the boat they were traveling on capsized in rough weather on Sunday.

According to two credible rescue charities, the vessel was en route to Italy from Libya when it capsized approximately 110 miles northwest of Benghazi.

Both Mediterranean Saving Humans and Alarm Phone, charities specializing in migrant rescue, reported the incident on social media.

“We are in shock. According to different sources, dozens of people from this boat in distress have drowned,” said Alarm Phone on Twitter.

The fate of the boat and its passengers has not been officially confirmed, and Italian authorities have not commented on the incident.

Rescue mission continues  

However, the Italian Coast Guard did request assistance from nearby merchant vessels. Despite this, they failed to carry out a rescue operation upon arrival.

Mediterranean’s head of mission, Luca Casarini, revealed that four merchant vessels are still in the area.

This tragic event highlights Italy’s limited capabilities to rescue migrants at sea, a recurring issue that has come under increased scrutiny recently.

On February 26, a shipwreck off the southern region of Calabria killed at least 79 people.

In response, the Italian government vowed to increase search and rescue efforts in the Mediterranean.

Despite this, more than 1,300 migrants were rescued in three separate operations off the southern tip of Italy on Saturday, with another 200 saved off the coast of Sicily, according to the coastguard.

Mediterranean migration crisis

The Mediterranean migration crisis began in 2011 when a wave of unrest in North Africa and the Middle East led to the displacement of millions of people.

Many of these refugees and migrants saw Europe as a haven. They began the treacherous journey across the Mediterranean in overcrowded and unsafe boats.

According to the International Organization for Migration, more than 20,000 people have died attempting to cross the Mediterranean since 2014.

The situation is further exacerbated by the fact that many countries, including Italy, have tightened their borders and implemented policies restricting asylum access.

Despite these challenges, charities and organizations like Mediterranean and Alarm Phone provide vital support to those in need.

Their efforts are a reminder of the importance of maintaining a strong commitment to humanitarianism and the protection of vulnerable populations.

DF oo digniin kasoo saartay dhul ku yaalla Xamar oo la iibinayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa war kasoo saartay dhul ay sheegtay in sifo sharci darro ah lagu iibinayo, maadama uu yahay mid dowladeed.

Wargelin kasoo baxday wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa waxaa looga digay dhamaan dadweynaha ku nool gobolka Banaadir iyo nawaaxigiisa in aysan iibsan dhulkaasi.

Sida ay sheegtay wasaaraddu dhulkaan ayaa waxa uu ku yaalla Siinka Dheer R2, islamarkaana wuxuu saaran yahay Wadada Afgooye, sida lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

“Waxaa looga digayaa shacabka Soomaaliyeed in aanay ku kadsoomin dhulkaas oo lacagtooda ku khasaarin,” ayaa lagu yiri warqada wargelinta ah ee kasoo baxday Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

Wasaaraddu faah-faahin intaas ka badan kama bixin dhulkan, marka laga imaado in bulshada gobolka aysan ku kadsoomin dhulkaasi oo lacagtooda ku khasaarin.

Si dhab ah looma oga illaa hadda cidda iibineysa dhulkan ay ka digtay wasaaradda, kaasi oo ay sheegtay in uu yahay mid dowladeed.

Arrintan ayaa imaneysa xilli uu dhawaan Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta, bixin karta ama iibin karta.

“Hantida Qaranka looma isticmaali karo wax ka baxsan danta guud, waana in sida ugu dhaqsaha badan loo diiwaan-geliya hantida dowladda ee gacantooda (hay’addaha dowladda),” ayaa lagu yiri qoraal dhawaan kasoo baxay xafiiska Hanti-dhawrka Guud.

Somalia to launch National ID cards after 30-year hiatus

MOGADISHU, Somalia (Caasimada Online) – Somalia is on the brink of a major breakthrough as it gears up to initiate the issuance of national identification cards after 30 years of dormancy. 

The East African country has been grappling with a plethora of challenges over the years, including a collapsed civil registry, which has exacerbated instability and impacted economic growth. 

The country has struggled with identity verification, making it challenging for authorities to keep track of citizens and to identify masqueraders. 

Consequently, insecurity has persisted, with terror groups like Al-Shabab taking advantage of the situation to launch deadly attacks.

The Identification card initiative

However, recent legislation passed by the Senate provides a glimmer of hope for Somalia as it sets the stage for a mass registration process. 

The government plans to use the registration exercise to issue national identification cards to all citizens, which could curb insecurity and bring about order in the country.

The Bill is awaiting the signature of President Hassan Sheikh Mohamud to become law following its endorsement by the 54-member chamber on Saturday. 

The Senate’s approval comes after Bill’s earlier passage by the Lower House of the parliament on March 1. 

Interior Minister Ahmed Fiqi praised Bill’s passage, noting that it would solve the identity, security, financial transactions, and business registration challenges.

Importance of national identification

The issuance of national identification cards is crucial in Somalia’s quest for stability and economic growth. 

The lack of a comprehensive identification system has made it easy for terror groups to carry out attacks, as they can easily blend in with the population. 

With national identification cards, authorities can identify individuals and quickly weed out masqueraders, making it harder for terror groups to carry out attacks.

Moreover, national identification cards will facilitate financial transactions, as individuals can easily open bank accounts and access credit facilities. 

Additionally, it will make it easier for businesses to register and access government services.

Sawirro: DF oo 100 askari ka dhoofisay garoonka Aadan Cadde iyo halka loo wado

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dirtay ku dhawaad 100 askari.

Askartan ayaa tababar kusoo qaadan doona dalka Jabuuti, ayada oo taliska Booliska uu maanta garoonka kusii sagootiyay ciidamadaan.

Ciidamadan tababarka loo qaaday ayaa gaaraya ku dhawaad 100 askari, kuwaasi oo la sheegay in muddada saddexda bil ah ee tababarka u socdo lagu bari doono xirfadaha kala duwan ee booliska sida; ka hortaga rabshadaha, barista dambiyada iyo fulinta howl-gallada qorsheysan.

Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliska Soomaaliyeed Sareeye-guuto Cismaan Cabdullaahi Maxamed oo ciidanka ka sagootiyay garoonka Aadan Cadde ayaa ciidanka kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan muddada uu tababarka socdo.

“Juhdi iyo waqti ayaa la idinku bixinaya waxaa la idinka rabaa in aad faa’iido kala soo laabataan, waxaa la idinka rabaa in sharafta uu leeyahay ciidanka Booliska in aad ilaalisan marka tababarka tagtaan,” ayuu yiri.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waa idin garab taaganahay, waxaan rajeynayaa in aad u faa’iideysan shacabkiina, u adeegtaan dadkiina iyo dalkiina haddii Ilaahay Idmo.”

Ciidamadan ayaa noqonaya dufcadii 16-aad ee loo qaado dalka Jabuuti, si ay ugu soo qaataan tababar kor loogu qaadayo heerka aqoon iyo tayo ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Coldoon oo ka horyimid tallaabadii ay Somaliland dad ugu xirtay Qowmu-luudnimo

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo sidoo kale ah Samafale ka shaqeeya arrimaha bini-aadantimada ayaa si adag uga horyimid xukunka ay Somaliland ku riday qaar kamid ah dad loo soo xiray Qowmu-luudnimo.

Somaliland ayaa shalay shaacisay in 40 qof loo soo xirey dhaqan xumadaasi, kuwaasi oo qaarkood lagu xukumay 8 sano oo xadhiga ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyay guddoomiyaha guddida arrimaha gudaha, nabadgalyada iyo difaaca ee Golaha Guurtida Somaliland.

Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed (Ilkacase) ayaa sheegay in dadka loo haysto ficiladaasi 12 kamid ah maxkamad la geeyay, inta baadhis lagu wadana ay yihiin 16, halka 8 kamid ah yihiin Garsugayaal iyo 4 qof oo lagu xukumay min 8 sano oo xadhig ah.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka hadlay arrintaan, ayaa ka horyimid xukunkaasi oo ku tilmaamay inuu yahay “xukun baadil ah oo aan bannaanayn,” sida uu hadalka u dhigay.

“In xadhig 8 sannadood ah ama ka badan ama ka yar lagu xukumo Khaniisiinta ay Khaniisnimadu ku caddaatay ma ah xukun uu Allaah soo dejiyay ee waa xukun baadil ah oo aan bannaanayn,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray “Xukunka Allaah waa dil. Rasuulku (CSW) waxa uu yidhi “kuwa aad ku heshaan iyaga oo samaynaya falka qoladii Luud dila sameeyaha iyo lagu sameeyaha ba”.”

Coldoon ayaa sidoo kale waxa uu soo jeediyay si loo cirib-tiro dhaqamada noocaan ah ee ku faafaya gudaha bulshada Soomaaliyeed in marka hore laga hortago halka ay kasoo baxayaan.

“Kaasi waa qodob, qodobka kale haddii la doonayo in la cidhib-tiro dhaqankan silloon iyo dhaqammo kale oo la mid ah waa in laga hortagaa ilaha ay ka soo baxayaan khaniisnimada iyo gaalnimadu-ba.”

Somaliland ayaa gudaheed dhowr jeer laga soo wariyay in dad loo xiray eedo la xiriira Qowmu-luudnimo, kuwaasi oo bilihii u dambeeyay si weyn usii kordhayay.

Kenyan suspect identified in Manda Bay airfield attack

NAIROBI, Kenya (Caasimada Online) – Kenya’s national security is once again in the spotlight after Al-Shabab militants identified a Kenyan who participated in planning and executing the Manda Bay Airbase attack on January 5, 2020.  

The brazen attack, which Al-Shabab militants carried out, resulted in the deaths of three Americans and the destruction of several aircraft stationed at the base.  

In a recent video posted by Al-Shabab, a Kenyan national was identified as one of the attackers in the Manda Bay Airfield attack on January 5, 2020.  

The attack on Manda Bay airfield

The Manda Bay Airfield is a small military base located on the coast of Kenya, close to the border with Somalia. 

US and Kenyan forces primarily use it as a staging ground for counter-terrorism operations in the region.  

On the morning of January 5, 2020, a group of Al-Shabaab militants armed with rocket-propelled grenades and machine guns attacked the base. 

They breached the perimeter fence and engaged US and Kenyan forces in a prolonged firefight for several hours.  

The militants destroyed several aircraft, including a US surveillance plane, before being repelled by US and Kenyan forces.

Identifying the attacker 

In a recent video posted by Al-Shabab, Ramadan Mwani alias Abdulhaq Al-Muhajir was identified as a suicide bomber who attacked Barire on April 3, 2021. 

The video claims that he was also one of the attackers in the Manda Bay Airfield attack. Mwani has been instrumental in instigating Al-Shabab attacks across Kenya and the region.  

The video shows Mwani and fellow Manda Bay attackers Ahmed Al-Muhajir of Yemen and Qudama Al-Muhajir of Ethiopia.  

The group is known for releasing such videos and photographic evidence while emphasizing the claim that it has recruited from across the region.

The militants have previously recruited fighters from Kenya, leading to sustained attacks in the East African nation.

This has since heightened surveillance along the country’s borders to curb the group from infiltration. Despite this, the group manages to wage sophisticated retaliatory attacks along the border. 

The aftermath of the attack  

The attack on the Manda Bay Airfield was a significant blow to the US military’s presence in the region. 

It highlighted the vulnerability of US forces in Kenya and the ongoing threat Al-Shabaab poses in the region.  

Following the attack, the US government heightened its surveillance and counter-terrorism efforts in the region, particularly in Somalia.  

The attack also had political consequences, triggering a sharp change in US policy on defense in foreign countries. 

In the weeks following the attack, the US government announced plans to withdraw hundreds of troops from West Africa and reduce its military presence in the Middle East.

Al-Shabab’s presence in the region

Al-Shabab is a Somali-based militant group active in the region for over a decade. The group is known for attacking civilian and military targets in Kenya and Somalia.

Its links to Al-Qaeda have made it a significant security threat to the region.  

Al-Shabab’s attempts to penetrate Ethiopia were thwarted last year when the militants crossed temporarily through Dolow, leading to an operation by Ethiopia that left hundreds of them dead. 

Ethiopia and Kenya contributed soldiers to the African Union Transition Mission in Somalia [ATMIS], thus triggering Al-Shabab’s fury.

Mareykanka ‘oo diiday’ dhowr codsi oo uga yimid DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Mareykanka ayaa markii ugu horeysay shaaciyay sababta uu udiiday codsiyo dhowr ah oo uga yimid dowladda federaalka, kuwaasi oo la xiriiray howl-galada ka socda dalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa fuliya duqeymo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, balse weeraradaas ayaa inta badan la fuliyaa marka bartilmaameedka huban yahay 100%, waxaana marar badan lagu gacan sayraa weerarada marka shaki uu jiro.

Waxaa sidoo kale, weerarada laga xaqiijiyaa ansixintooda Aqalka Cad, taasi oo qaadata waqti badan, keeni kartana mararka qaar in bartilmaameedka uu baxsado.

Taliska Ciiidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa sheegay in dowladda federaalka ka diideen codsiyo weeraro oo ay fulinayaan diyaardahooda duuliyaha lahayn marar badan, sababo la xiriira khasaaraha dadka rayidka ah darteed.

Sarkaal sare oo ka tirsan AFRICOM ayaa warbaahinta NBC u sheegay in codsiyada kaga yimaada dowladda federaalka ee la xiriira weerarada ay fuliyaan diyaaradaha Drones-ka ay u baahan yihiin xaqiijinta bartilmaameedka iyo waxyeelada kasoo gaari karta dadka rayidka ah.

“Codsiyo badan oo nooga imaaday dowladda federaalka iyo saraakiisheeda ayaa waxaa u diidnay hubanti la’aan goobta la beegsanayo ah,” ayuu yiri Sarkaalkan oo ku sugan saldhiga Ballidoogle ee Shabeellaha Dhexe.

Waxa uu intaas sii raaciyay “Hal weerar oo si qaldan u dhaca ayaa guul darro noogu filan annaga iyo bah-wadaagteenna, hal weerar oo si sax ah u dhaca ayaa sidoo kale guul noogu filan.”

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay AFRICOM dhawaan qiratay in duqeymaha ay ka fulisay Soomaaliya qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay dad rayidka ah, iyada oo shaacisay inay heshay laba warbixinood oo dhaawac rayid ah oo dhacay Septembar 23, 2022 iyo October 1, 2022-kii.

“Talisku waxa uu sii wadi doonaa ilaalinta badqabka rayidka, wuxuuna sameyn doonaa dib u eegista iyo qiimaynta warbixin kasta oo ku saabsan waxyeelada shacabka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay AFRICOM.

Tan iyo markii ay bilowdeen howl-galada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab waxay diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka kordhiyeen weerarada ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo badi lagu beegsado xubnaha iyo saraakiisha sar sare ee Al-Shabaab.

Nabadoon caan ah oo lagu dilay magaalada Gaalkacyo

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil xalay magaalada Gaalkacyo ay koox hubeysan ugu geysteen Nabadoon Cabdi Aadan Siyaad (Cabdi Dheere) oo kamid ahaa Nabadoonada caanka ah ee gobolka Mudug.

Kooxda hubeysan ayaa waxaa la sheegay in Nabadoonka ay toogteen xilli uu kasoo baxay Masjidka Ramadaan ee magaalada Gaalkacyo, oo uu kusoo tukaday Salaaddii Maqrib.

Nabadoonka ayaa waxay rasaastu ka haleeshay qeybaha sare ee jirkiisa, ayada oo isla goobtaasi uu markiiba ku naf baxay Allaha unaxariiste.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dilka kadib ay halkaasi gaareen ciidamo ka tirsan kuwa amniga ee Puntland, kuwaasi oo ilaa saakay baaritaano ka wada xaafada Garsoor oo ah halka lagu dilay Nabadoon Cabdi Dheere.

Laamaha amaanka ayaa weli waxay ku raad joogaan kooxda dilka geystay, sida ay warbaahinta gudaha u sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka amaanka magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Saraakiisha amniga ma bixin faah-faahin intaas ka badan, sida haddii lasoo qabtay dad lagu tuhmayo dilkaan iyo inkale.

Si kastaba, Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa muddooyinkii dambe amaankeedu soo hagaagayay, inkasta oo marar dhowr ah sidaan oo kale dilal qorsheysan loogu geystay odayaal-dhaqameed, saraakiil ciidan iyo dad kale oo shacab ahaa.

Al-Shabaab oo baahisay muuqaalka nin ajnabi ah oo Soomaaliya isku qarxiyay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa haatan baahisay muuqaal laga duubay nin Ajnabi oo horay weerar is-miidaamin ahaa uga filiyay gudaha Soomaaliya, gaar ahaan saldhig ciidan oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga Koonfur Galbeed.

Al-Shabaab ayaa magaca ninkaas ku sheegtay Ramadan Mwan, kaas oo bishii April ee 2021 isku qarxiyay saldhigga Bariire oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor.

Magaca afgarashada ee nikaas ayaa ahaa Abdulhaq Al-Muhajir, wuxuuna kasoo jeeday waddanka Kenya, sida uu ku sheegay muuqaalka ay sii deysay kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa sidoo kale sheegay inuu ku tababar ku qaaday gudaha Soomaaliya, isla-markaana uu ka dagaalamay deegaano ka kala tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Weerarka is-miidaaminta ee uu fuliyay ninkan ayaa hordhac u ahaa dagaal toos ah oo ay Al-Shabaab xilligaas ku qaaday xerada ciidamada dowladda ee deegaanka Bariire, waxaana kadib halkaas ka dhacay dagaal qaraar oo mar dambe lagu jabiyay ragga weerarka qaaday.

Ujeedka Al-Shabaab ayaa ahaa in weerarkaas ay ku furtaan saad tiro badan oo loogu talagalay ciidamada Xoogga dalka, kaas oo wax ka yar 24 saac yaallay xeradaasi.

Balse ciidamada Xoogga dalka ayaa jilibka u dhigtay kooxda, iskana difaacay weerarka, taas oo keentay in maalmo kadib uu askari kasta dalacsiiyay taliye Odawaa Yuusuf Raage.

Baahinta muuqaalkan ayaa kusoo aaday, xilli haatan Al-Shabaab laga qabsaday dhul ballaaran, kadib dagaallo culus oo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha dalka.

Al-Shabaab ayaa horay u shaacisay in weerarkii xarunta gobolka banaadir ee dhacay 22-kii January ee sanadka 2023 uu wax ka fuliyay nin Ajnabi ah oo u dhashay Kenya, waxaana ka horreeyay weerar kale oo 2-dii May ee sanadkii 2022 ka dhacay deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/Dhexe kaas oo uu isna fuliyay nin kale oo Kenyaan ah, kana tirsanaa kooxda.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa waxaa ka barbar dagaalama Ajaaniib kala duwan oo haatan ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb-qaata weerarada ay kooxda ka fuliso dalka.

Sawirro: DF oo amar culus kusoo rogtay shirkadaha isgaarsiinta dalka + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa soo saartay amar culus oo ku socda shirkadaha Isgaarsiinta dalka, kadib kulan ay isugu yimaadeen madaxda Wasaaradda, kaas oo uu guddoomiyay wasiir Jaamac Xasan Khaliif.

Shirkan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xuseen Axmed Culusow iyo Madaxda kale ee Wasaaradda, waxaana looga hadlay arrimo la xiriira shaqada ay qabtaan dhammaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Wasaaradda ayaa amartay Shirkadaha Isgaarsiinta in ay joojiyaan xadgudubka ka dhacaya dhexdooda, taas oo ay sheegtay in ay caqabad ku tahay hanaanka shaqo ee Suuqa.

Sidoo kale shirkadaha ayaa la faray in aysan ka gudbin meelaha loo cayimaym si loo ilaaliyo Tartanka Suuqa Isgaarsiinta.

“Waxaa dambi ah shirkaddii lagu helaa in qalabkeeda laga sameeyo  ama ay u badan tahay inay sababaan faragelinta waxyeellada leh ee Qalabka Raadiyaha ama adeegyada Isgaarsiinta” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay dowladda Soomaaliya.

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa sidoo kale dalbatay shirkadaha Isgaarsiinta inay u hoggaansamaan shuruucda uu taalla dalka, si loo ilaaliyo khadka Isgaarsiinrta.

“Shirkadaha Isgaarsiintu waa in ay u hoggaansamaan dhamaan Shuruucda iyo nidaamka, mana jiri karto shirkad ka guuri garta halka loo asteeyey illaa amar guud inta uu ka soo baxaayo”. ayaa markae lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda.

Dhanka kale Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa shaaca ka qaaday in arrimaha Isgaarsiinta ay si gaar ah mas’uul uga tahay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, taas oo ay sheegtay in lagu dhisay Sharciga Isgaarsiinta Qaranka ee 005/2017 kaas oo awood u siinaya in ay nidaamiso suuqa isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda dalka, iyadoo abuuraysa jawi ku habboon maalgashi, daahfurnaan iyo ilaalinta danaha macaamiisha.

“Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxa ay xaq u leedahay in ay baarto Shirkadaha “Isgaarsiinta ee lagu tuhmo in ay sameyaan Faragelinta waxyeellada Qalabka Raadiyaha ama dhexgasho shirkad kale.” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka Wasaaradda.

Guriga taliyeyaal ka tirsan hay’adda NISA oo qaraxyo lagu weeraray + Khasaaraha

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weeraro qaraxyo ah oo saaka lagu qaaday guri ay degmada Dayniile ka dagan yihiin taliyaha Nabad Sugidda degmadaasi iyo taliyihii ka horreeyay ee NISA ee isla Dayniile.

Qaraxyada oo ahaa miino, isla-markaana labo ahaa ayaa lagu weeraray dhismaha guri ay si wadajir ah u dagaan yihiin labada taliye, kaas oo ku yaalla xaafadda Saban Saban.

Wararka ayaa sheegaya in taliyaha Nabad Sugidda ee degmada Dayniile Cabdiraxmaan Cali Waqooyi iyo taliyihii uga horreeyay xilkaasi, Cumar Cabdi Fiidow ay labaduba dhaawacyo kasoo gaareen qaraxyada saaka aroortii hore lagu weeraray gurigooda.

Sidoo kale waxaa weerarkan ay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah askar ilaalo u aheyd labada taliye iyo xubnaha kamid ah qoyska, sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo baaritaano kooban ka sameeyay degmada Dayniile, kadib qaraxyada xoogan ee ka dhacay halkaasi.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi iyo howlgalka xigay.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka qaraxyada ah ee lagu qaaday guriga ay dagan yihiin taliyeyaashaasi oo si weyn looga maqlay Dayniile

Weerarkan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacaya magaalada Muqdisho, kuwaas oo isugu jiro qaraxyo iyo sidoo kale dilal qorseysan.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa maalmihii u dambeeyay kordhisay weerarada ay ku beegsaneyso fariisimaha ciidamada dowladda iyo saraakiisha ku sugan Muqdisho.

Madaxda DF iyo maamul goboleedyada oo gaaraya heshiis doorasho oo culus

Baydhaba (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, ayaa lagu wadaa inuu 14-ka bishan ka furmo magaalada Baydhaba ee Xxarunta KMG Koonfur Galbeed.

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka, Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in madaxdu ay aalaaba shirka uga wada hadlaan, hadba marxaladda uu markaasi dalka marayo.

“Mar walba oo madaxdu shirkan isugu yimaadaan, waxay ka wada hadlaan xaaladda dalka uu markaas ku sugan yahay, oo siyaasadeed, amni iyo dhaqaale,” ayuu yiri agaasimaha Madaxtooyada.

Agaasimaha ayaa tilmaamay ajandaha ugu muhiimsan ee shirka 14-ka bishan ka furmaya magaaladaasi inuu yahay, in ay madaxdu heshiis kama dambeys ah ka gaaraan arrimaha doorashooyinka dalka.

“Marka laga soo taggo ajandayaasha joogtada ah, oo amniga xoreynta dalka, siyaasadda iyo dhaqaalaha ay ka mid yihiin, hadda Baydhabo waxay u ballansan yihiin inay ka hadlaan doorashooyinka dalka, oo heshiis kama dambeys ah in laga gaaro oo dabcan doorashada soo socoto lagu saleynayo. Insha’Allah waxa aan rajeynayno inay sal u noqon doonto, sano badan oo soo socdana nidaam doorasho oo la isku ogyahay, oo xisbiyo ku dhisan oo dimoqraadi ah in la helo,” ayuu yiri agaasimaha.

Waxa uu intaasi ku daray “Sidoo kale ajandaha Baydhabo yaalo, waxaa ka mid ah Federaaleynta Maaliyadda, in laga heshiiyo Nidaamka Maamulka Maaliyadda ee dalka. Sidoo kale ajandaha amniga oo horey 2017 looga soo heshiiyay ayay rabaan dhameystir inay ka sameeyaan, haddii Alle idmo, oo qodobo su’aalo ka soo noqdeen ay ku dhameystiri doonaan.”

4-tii shir ee shirkan ka horreyay oo madaxdu ku yesheen Caasimadda Muqdisho ayay ku lafa-gureen siyaasadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee lagu gaarayo Soomaali heshiis ah, iyagoona si dhow uga wada hadlay qorsheyaasha hortebinta u leh dowladda.

Qorshayaashaas ayaa waxaa ugu horreeya xoojinta wada shaqaynta Heer Federaal & Heer Dowlad Goboleed, dib-u-heshiisiinta, dhameystirka Dastuurka KMG, adkeynta amniga dalka & dardargelinta hawlgalada ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab, dhisidda garsoor sal adag leh, xal u helidda arrimaha abaaraha iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka dalka.

Shirkan waa mid labadii biloodba ay mar isugu yimaadaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyneyaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, waxaana mararka qaarkood kala qaybgala Raysal Wasaaraha Xukuumadda, Xamse Cabdi Barre iyo Raysal Wasaare ku-xigeenka, Saalax Axmed Jaamac.

Qiil yaab leh oo la sameeyey farqiga muddo kororsigii Farmaajo iyo midka Xasan

Muqdisho (Caasimada Online)- Abuukate Zakariye Yuusuf ayaa qiil yaab leh u sameeyey muddo kororsiga uu qorsheynayo baarlamanka Soomaaliya, ee uu gadaal ka riixayo madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo sheegay waxa uu uga duwan yahay kii la diiday sanadkii 2021-kii.

Abuukaataha ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya uu awood u leeyahay inuu wax ka beddelo dastuurka dalka, sida qodobada qeexaya muddo xileedka hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda.

Wuxuu sheegay in qodob ka mid ah dastuurka uu baneynayo in wax laga bedeli karo qodobkii loo baahdo, isla markaana ay awood u leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Abuukaate Zakariye ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uusan marin afti dadweyne, sidaas darteed ay awood u leeyihiin inay wax kasta uu ka bedelo baarlamaanka Soomaaliya.

Maalmahaan waxaa xoogeystay guuxa ku saleysan muddo kororsi la sheegay in dowladdu ay qorsheyneyso, iyadoo la bedelayo qodobka dhigaya in afar sano ay xukunka joogaan madaxweynaha iyo baarlamaanka, taas oo la qorsheynayo in laga dhigo shan sano.

“Qorshaha socda muddo kororsi maaha, sidaas looma dhigi karo, weriyaasha waxaa laga rabaa inay dadka saxaan, qodobada hada la bedelayo waligood ayey sidaas ahaanayaan, marka mudo kororsi maaha ee waa wax ka bedel qodobo dastuuri ah,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye oo wareysigaan siiyey Universal TV.

Weli waxaa dhegaha dadka Soomaaliyeed ka sii guuxaya diidmadii iyo dagaalkii uu la kulmay Farmaajo, markii uu damcay inuu sameysto mudo kororsi laba sano ah.

Magaalada Muqdisho waxaa gudaha u soo galay ciidan awood uga hor tegay mudo kororsigii Farmaajo, taas oo muujisay in dadka Soomaaliyeed aan la qaadsii karin wax aysan raali ka aheyn, waxaana awood ciidan oo lama filaan ah looga hor tegay dowladdii Farmaajo oo heysatay ciidan xoog leh oo toos uga amar qaata.

“Muddo kororsigii hore iyo wax ka bedelka hadda dastuurka lagu sameynayo isku mid maahan, taasi waxay aheyd doorasho qof iyo cod ah ayaa lagu qabanayaa labada sano ee mudo kororsiga ah, tana waa in wax laga bedelayo dastuurka ee mudo kororsi maaha, waa waqti la sharciyeynayo,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Abuukaate Zakariye.

Hoos ka daawo

Sawirro: Doorashada kursi ka banaan BF oo lagu qabtay Baydhaba – Yaa kusoo baxay?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga KMG ee doorashooyinka kuraasta ka banaan Baarlamaanka 11-aad ee JFS ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#176.

Doorashada kursigan ayaa waxaa u tartamay laba musharax, kuwaasi oo kala ahaa Mukhtar Maxamed Mursal iyo Khadiijo Samow Cabdi.

Mukhtaar Maxamed Mursal ayaa ku guuleystay kursiga HOP#176, sida uu shaaciyay guddiga ku-meel gaar ah ee doorashooyinka kuraasta ka banaan BF.

Guusha Mukhtaar ee kursigaan ayaa timid kadib markii ay tanaasushay Khadiijo Samow Abdi, ayada oo sidaasna gacan taag loogu codeeyay Mukhtaar Maxamed Mursal oo helay 101 cod ee ergada madasha ku sugneyd.

“Wadarta Ergada soo xaadirtay kooramka ayaa ahayd 101. Codaynta Doorashada markii la gudo-galay, waxaa gacantaag loogu codeeyay Mukhtar Mohamed Mursal. 101 ayaa tiri HAA, mana jirin wax diiday ama ka aamusay. Sidaas ayuu Mukhtar Mohamed Mursal ku helay 101 cod, kuna noqday Guulaystaha Kursiga tirsigiisu yahay GSH # 176. Waxaan mudane Mukhtar Eebbe uga baryaynaa inuu ku asturo xilka culus ee loo doortay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay guddiga KMG ee doorashooyinka.

Mukhtar Maxamed Mursal ayaa waxaa dhalay AUN Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Booroow) oo 20-ka bishii September ee sanadkii hore ku geeriyoodey magalada Muqdisho.

Kursigan ayaa noqonaya kii afaraad ee doorashadiisa uu qabto guddigaan, waxaana ka horreeyay oo horay loo soo buuxiyay kuraastii ay banneeyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Taliyaha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Mahad Maxamed Salaad.

Guddigan ayaa sidoo kale dhawaan qabtay doorashada kursiga HOP#086 oo muran badan uu ka taagna hab maamulkiisa, ayada oo laga soo wareejiyay deegaan doorashadiisi oo aheyd Beledweyne, islamarkaana lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kursigaas oo horay loogu diiday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin kadib markii la laalay doorashadiisa ayaa waxa uu guddiga sheegay in uu kusoo baxay Dr. Maxamed Sheekh Axmed Maxamed.

Si kastaba, Guddiga KMG ee doorashooyinka oo uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxaa dhowr jeer lagu eedeeyay inuu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.

Dagaal xooggan oo ciidanka dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray gobolka Baay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal culus oo maanta deegaanka Goof-gaduud Buureey ee gobolka Baay ku dhexmaray ciidamada huwanta iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga ciidamada huwanta ee deegaankaasi, ayada oo halkaasi uu ka dhacay dagaal la isku adeegsadya hubka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarka ay kusoo qaadeen dagaal-yahaanada Shabaab, kaasi oo uu ka dhashay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalkaas uu ku dhaawacmay hal askari, waxaana goobtii lagu dagaalamay hadda ku sugan ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegay in dagaalka jab xoogan ku gaarsiiyeen kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda guud ee deegaanka Goof-gaduud Buureey ee gobolka Baay ayaa la sheegaya inay tahay mid degan, waxaana halkaasi howl-galo ka wada ciidamada huwanta ee ku sugan.

Goof-gaduud Buureey oo ah deegaan muhiim ah oo kamid ah deegaanada laga difaaco magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.

Daawo: Sheekh Usuuli oo si yaab leh ugu jawaabay taageerayaasha Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cismaan Usuuli oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn ayaa qabtay barnaamij uu uga hadlayey arrimaha qabiilka, waxaana su’aal adag weydiiyey mid ka mid ah dhageystayaashiisa.

Dhageystahaas oo la soo xiriiray Sheekh Usuuli ayaa weydiiyey sababta uu hadda uga hadlayo arrimaha qabiilka oo xiligii uu Farmaajo xilka hayey uu uga hadli waayey dhibaatooyinka qabiilka.

“Qabiilo badan ayaa ku kacsanaa Farmaajo, mana ka hadli jirin arrimaha qabaa’ilka, maxaay tahay sababta u soo qadatay arrinta hada ma dowladaa tageero u tahay?” ayuu yiri dhageystahaas.

Sheekh Usuuli oo si adag uga jawaabay weydiintaas ayaa sheegay in weligiis uu ka hadli jiray xumaanta qabyaaladda, balse uu ninkaan la soo xiriiray ula muuqdo mid hadda aqliyeystay oo waxyaabihii lasoo maray aan ogeyn.

“Dowladihii hore ayaan kala hadli jiray arrimaha qabiilka, xitaa Xasan Sheekh dowladiisii hore waxaad heleysaa canjalado aan uga hadlayo qabyaaladda iyo xumaanteeda, waxaa laga yaabaan in dhageysiga aad soo bilowday xiliyadii Farmaajo, marka ha igu xukmin waxa qalbigaaga ka guuxaaya,” ayuu yiri.

Sheekh Usuuli ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee ku dhacday dowladii Farmaajo ay aheyd taageerayaal aan Alle iyo Rasuul midna aqoon oo dadka caaya.

“Waxay Farmaajo ka dhigeen qof aan qaldamin, dadka dhan waxay ka dhigeen kuwo xun, Farmaajana waxay ka dhigeen ninka ugu fiican, ninkaas waxaa dadka ku diray taageerayaasha qaldan, kuwaas ayaan la dagaali jirnay oo xaqa tusi jirnay,” ayuu yri Sheekh Usuuli.

Sheekh Cismaan Usuuli oo barnaamij toos ah ka siidaaya TV-ga Universal ayaa lasoo weydiiyaa su’aalo mararka qaar xasaasi ah, kuwaas oo si cajiib ah uu uga jawaabo, waxayna inta badan jawaabaha Shiiqaan abuuraan hadal heyn iyo xiiso gaar ah.

Hoos ka daawo

Saciid DENI oo go’aan kasoo saaray doorashada Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) ayaa maanta soo saaray go’aan culus oo la xiriira doorashooyinka qof iyo cod ee goleyaasha deegaanka ee maamulkaasi.

Deni oo wareegto soo saaray ayaa asteeyay xilliga ay dhaceyso doorashada goleyaasha deegaanka ee Puntland, taas oo laga dhigay maalin Khamiis ah oo ah 25-05-2023-ka.

“Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023,” ayuu lagu yiri wareegtada.

Go’aanka madaxweynaha Puntland ayaa daba socda warqaddii dhowaan ka soo baxday guddiga ku meel gaarka ah ee doorashooyinka mamaulkaas, ujeedadeeduna tahay mudeynta maalinta doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

“Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay madaxtooyada maamulka Puntland.

Halkan hoose ka aqriso:-

ASTAYNTA MAALINTA DOORASHADDA GOLEYAASHA DEEGAANKA PUNTLAND.

Boosaaso: 12 March 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 17 ee 12-da March 2023, kuna saabsan Astaynta Maalinta Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland qodobkiisa 80-aad farqadiisa 15-aad

Markuu arkay: Xeerka Doorashooyinka Goleyaasha Deegaanka qodobkiisa 6-aad

Markuu arkay: Warqadda ka soo baxday Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland, Sumadeeduna tahay GDP/10/2023, kuna taariikhaysan 11/03/2023 Ujeedadeeduna Mudeynta Maalinta Doorashada Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa si rasmi ah loo asteeyey taariikhda Doorashadda Goleyaasha Deegaanka Dowladda Puntland oo laga dhigay maalinta Khamiista ah ee 25-05-2023.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD