25 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Shan sano kadib: Qiimee waxqabadka FARMAAJO

0

5 sano ayaa u go’day inta Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu qaab sharci ah iyo mid sharci darro ahba ku joogay Villada Somalia, in kasta oo wasiirkiisa maaliyadda uu qirtay in maaliyadda ay sagxadda gaartay, haddana waxaa muuqata inuu sidoo kale jiro farqi weyn oo u dhaxeeya xagga amniga, federaaleynta, dhaqaalaha iyo xataa arrimaha dibadda, marka la qiimeeyo halkii uu 2016-kii ugu yimid iyo halka uu maanta 2022-ka uga tagayo.

Haddaba, waxaa la sameeyey  isbar-bardhig ballaaran iyo qiimeyn lagu sameeyey muddo xileedkan Farmaajo (2017-2022) iyo midkii madaxweyne Xasan Sheekh (2012-2016), iyada oo aan dul istaagi doonno qodobbo muhiim u ah dowlad dhiska Soomaaliya, isla markaana lagu ogaan karo cidda wax qabatay labada mas’uul, oo ugu dambeyntii lagu cabbiri doono mid weliba meesha uu ugu yimid iyo halka uu wax uga tagay.

Amniga:

September 10, 2012 markii madaxweyne Xasan Sheekh loo doortay madaxtinnimada, Al-shabaab waxay heysteen 80% koofurta iyo bartamaha Soomaaliya, keliya waxaa xor aheyd caasimadda iyo magaalooyinka ku teedsan sida Balcad iyo Afgooye, si dowladnimada iyo amniga loo baahiyo inta uu Xasan Sheekh joogay xafiiska waxaa uu Shabaab ku qaaday saddex hawlgal oo kala ahaa: Shabeel oo xor looga dhigay Muqdisho illaa Jowhar, Hawgalka Gorgor oo lagu xoreeyey 10 magaalo sida Xuddur, Buulo-burde, Jalalaqsi, illaa Beledweyn, Ceelbuur iyo hawlgalka Badweynta Hindiya oo lagu qabtay 8 degmo oo u badan xeebta oo ay ku jireen Cadale, Marka illaa Baraawe.

5-tii sano ee Farmaajo xafiiska joogay, waxaa isbeddelay istaraatiijiyadda dagaalka ee ciidanka iyo caqiidadooda. Kooxda Farmaajo waxaa ay xoogga saareen sidii ay u heli lahaayeen ciidan iyaga daacad u ah, iyada oo dib u habeyn loogu marmarsiyoonayo waxaa ay shaqada ka direen illaa 3 kun, heshiis-ka keliya ay galeen waa mid ay dhallinyaro qafaal ah ugu kaxeeyeen Eritrea, kuwaas oo qaarkood ku dhintay dagaallada sokeeye ee gudaha Itoobiya. Hoggaanka ciidanka oo aqoon iyo khibrad lagu xulan jiray waxaa laga dhigay dhallinyaro aan horay loo tijaabin, dhulna aqoon, waxayna xoogga saareen in ciidan-ka loo adeegsado u xoog-sheegadka beelaha, maamullada federaalka ah iyo shacabka, waxaa ay dowladdu ciidan ku afgambisay Baydhabo, Beledweyn, Guriceel iyo Dhuusamarreeb halka ay isku deyday Kismaayo, taasi waxay keentay in xoogga dalka iyo Al-shabaab ay 5-tii sano ee tagtay isku heystaan Shabeellada Hoose sida Afgooye, Bariirre iyo Jannaale, ayna go’doomaan, dhulna aan lagu tagi karin degmooyinkii uu xoreeyey maamulkii ka horreerey sida Baraawe, Baydhabo, Xuddur, Jowhar, Jalalaqsi, Buula-burte halka goobo kale ay ka baxeen gacanta dowladda sida Ceelbuur.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh waxaa uu Al-shabaab siiyey fursad ay qeyb uga noqdaan nidaamka dowladda, waxaa isa soo dhiibay illaa 70 saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jireen Xasan Daahir, Zakariye iyo Atam. Dowladdan Farmaajo waxaa isku soo dhiibay oo keliya Abuu Mansuur Roobow, isna inta heshiiska looga baxay, 15 oo taageerayaashiisa ahna dishay ayuu iminka ku xanuunsanayaa xabsiyadeeda, taasi oo muujineysa istaraatiijiyadda kooxdan maamulka heysa.

Federaalka iyo Dib u heshiisiinta:

Madaxweyne Xasan Sheekh 2012 kii, waxaa uu dalka u yimid dastuur ay ku qoran tahay inuu dalka federaal yahay balse aanu maamul dhisan jirin marka laga reebo Puntland iyo Somaliland oo 1991-dii madax-bannaani ku dhawaaqay, isaga oo go’aansaday in 4 sano gudaheed uu dalka ka hirgeliyo nidaam federaal ah, lagu kalsoon yahay oo shaqeeya, markii uu xilka wareejinayey waxaa uu sannad walba dhisay hal maamul sida Jubbaland(2013), Koofur Galbeed(2014), Galmudug(2015) iyo Hirshabelle(2016).

Dhanka dib u heshiisiinta: Xasan Sheekh waxaa uu dhismaha maamulladaas ku bixiyey waqti, iyo dhego-nuglaan, tusaale ahaan Jubbaland dowladda Xasan waxay adeegsatay dib u heshiisiinta IGAD illaa markii ay aqoonsatay bishii Augusto 2013-ka, heshiis ka dhacay magaalada Addis Ababa, Koofur Galbeed oo 3 maamul kala dhisatay waxaa uu madaxweyne Xasan ku tagay socdaallo, isaga oo heshiisiiyey 44 beel oo degta, hal maamulna u dhisay, Galmudug oo sidoo kale 3 maamul ay ka jirtay Madaxweyne Xasan si uu u qanciyo 11-ka beel waxaa uu 5 jeer u safray Galmudug,halka Hirshabeelle oo is diiddaneyd, gaar ahaan reer Hiiraan oo cabasho qabay si beelahaasi iyo labada gobol loogu qanciyo hal maamul, madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu gobolka tagay 6 jeer, isaga oo muddo joogay magaalooyinka Jowhar iyo Beledweyn, lana kulmay dhammaan hoggaanka dhaqanka ee dhammaan beelaha, heshiisna la gaaray.

5-tii sano ee tagtay, Farmaajo iyo maamulkiisa waxaaa caddaatay iney kasoo horjeedaan federaal, oo ay rabaan dowlad dhexe oo lagu koobo awoodda, taasi oo horseeday in laga aamin baxo nidaamkooda, oo ay soo baxaan codad inta ka carooday dalbanaya nidaam confederal ah, waxaa kale oo ay muddadaas ku dhammeysteen weerarro ka dhan ah maamullada waxayna xiriirka u jareen, weliba cunnaqabateeyeen Puntland iyo Jubbaland halka ay xoog ciidan ku qabsadeen Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Galamudug, ciidamada todobaadkan lagula wareegay Beledweyn ayaa ah raadkii ugu dambeeyey, iyada oo horay sidaasi loogu sameeyey Guriceel, xoogna lagu dhisay maamullada hadda ka jira Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamarreeb. Farmaajo waxaa uu xafiiska ka tagayaa iyada oo baahi loo qabo in la isu doono maamullada federaalka ah, waxaa intaa dheer beelaha uu isku hubeeyey, iskuna diray oo iyadana qaadan doonta dib u heshiisiintooda waqti dheer.

Dhaqaalaha:

Xilligii madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu yimid iyada oo dakhliga dowladda soo gala uu ka yaraa 40 milyan oo doollar, balse kalsoonida lagu qabay waxay keentay in canshuurta noqoto inta ugu badan ee miisaaniyadda, waxaa uuna sameeyey miisaaniyaddii ugu horreeysay burburkii kaddib, isaga oo ka qaaday $35 million ee 2012, waxaa uu uga tagay $246 million 2016, oo weliba ay la socoto dhammaan wixii xisaabxir ahaa, Madaxweyne Xasan markii uu yimid wuxuu GDP Soomaaliya ahaa 2012-kii 1.2% waxaa uu uga tagay 4.4%, shaqaalaha rayidka oo ka yaraa 1,000 waxaa ay gareen 4-tiisa sano 6,000, waxaa intaas dheeraa heshiiskii uu la galay bangiga adduunka iyo hey’adda lacagta ee SMP, qeybaha horena ay xukuumadda ka gudubtay ayaa maanta lagu gaaray marxaladda go’aanka.

Maal-Gashiga iyo dowladdii Xasan Sheikh: Si sare loogu qaado dhaqaalaha dalka iyo wada-shaqeynta hey’adaha dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay dowladda Soomaaliya sameysay xilligii madaxweyne Xasan Sheekh waxay billowday qorshe wada shaqeyn hey’adaha dowliga ah iyo kuwa gaarka oo oggolaanaya iney kala saxiixdaan  heshiisyada dheef-wadaagta ah (PPP).

Dowladda Xasan Sheikh waxay albaabada u furtay shirkadaha maalgashadata ah si ay dalka maal-gashi ugu sameeyaan dadweynaha Soomaaliyeedna u helaan kobac dhaqaale iyo shaqo abuur, iyada oo taa laga duulayo ayay dowladda Soomaaliya waxay heshiis la saxiixatay shirkadda Favouri ee laga leeyahay dalka Turkiga taa oo dib u dhis ku sameysay Airportiga Muqdisho.  iyo Shirkadda Albeyrak ee iyana maalgashiga ku sameysay Dekadda   Muqdisho taasi oo kobcisay daqliga ka soo xaroon jiray dekedda, maanta dakhliga ugu weyn oo 60%  ah miisaaniyadda dowladda uu ka yimaado dekedda, iyada oo 2014-kii, Soomaaliya ay dhoofisay 5 million oo xoolo ah iyo arrimo kale.

5-tii sano ee uu Farmaajo xafiiska joogay inkasta uu miisaaniyadda gaarsiiyey $700 oo milyan oo doollar halkii ay ka aheyd $246 million haddana lacagtaas waa mid beesha caalamka laga helay, oo waxaa hoos u dhacay middii gudaha laga heli jiray, waxaa xusid mudan 4-tii sano ee ugu dambeysay lagama hayo xisaabxirka in ka badan hal bilyan iyo bar oo doollar meesha ay mareen, dakhli uruurinta korortay ayaa noqotay intii maamulkii hore canshuuri jiray oo la labo-jibbaaro halkii la ballaarin lahaa, taasina ay keentay sicir-barar iyo in ganacsatada ay shacabka ka jaraan lacagta ay qaadaan dowladda, Al-shabaab iyo Daacish, GDP halkii 2016-kii ahaa 4.4% hadda waa 2.4%

Inta uu joogay Farmaajo, Musuqa halkii ay Soomaaliya ka joogtay 176(2016) waxaa ay gaartay 180(2021) oo ah heer aan waxba laga qaban karin, dadka ka hooseeya xarriiqda faqriga halkii 2016-kii ahaayeen 62% hadda waa 70%, hal qof laguma darin shaqaalaha rasmiga ah ee dowladda taasi oo niyadda ka dishay shaqo-abuurkii ay filayeen dhallinyarada Soomaaliyeed,  kana dhigtay da’ yarta shaqo la’aanta ah 67%,  mana jirin maalgelin shacabka loo sheegay taa beddelkeeda waxaa  hanti-dhowrka qaranka uu baabi’iyey heshiisyo sharci darro ah oo ay maamulka Farmaajo la galeen shirkado kalluumeysi, isaga oo soo bandhigay musuqii ugu badnaa.

Arrimaha Dibadda:

Inta uu joogay madaxweyne Xasan Sheekh, soo noqoshada xiriirka Mareykanka ee January 17,  2013 waa xigay Soomaaliya oo u furfurantay caalamka, isaga oo booqasho ku tagay Yurub, kana qeybgalay shirarka Mareykanka iyo madaxda Afrika, Shiinaha iyo madaxda Afrika, Japan iyo madaxda Afrika iyo xataa India iyo madaxda Afrika halka siyaasaddiisa arrimaha dibadda lagu yaqaannay walaalnimo iyo iskaashi (zero enemy) mana jirin dal uu colleystay halka xiriirka Turkiga uu gaaray heerkii ugu sarreysay.

Khaliij-ka: Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu Khaliijka u arkayey dalal saxiibbo la ah Soomaaliya, iyaguna waxa ay Soomaaliya u fureen albaabbo badan. Marka laga soo tago xiriirka walaalnimo iyo inay sannad walba kabi jireen miisaaniyadda sida Sacuudiga iyo Imaaraadka, Gacanka waxaa uu ka mid ahaa meelaha uu ku tiirsanaa ganacsiga Soomaaliya, waxaa sannadkii loo dhoofin jiray 5 Milyan oo xoolo ah.

Afrika:  Soomaaliya waxay xiriir fiican la laheyd dalalka Afrika waxaa ayna Soomaaliya marti gelisay oo shir guddoomisay Shirka Midowga Afrika.

Isku furnaanta Soomaaliya iyo dalalka geeska Afrika waxay keentay in Soomaaliya marti geliso shirka IGAD: Muqdisho waxaa ka dhacay shirka wasiirrada arrimaha dibadda IGAD iyo midka madaxweyneyaasha, waxaa Muqdisho soo booqday Madaxweynaha: Burundi, Djibout, Kenya, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Nabil Al carabi.

5-tii sano ee uu Farmaajo joogay, Soomaaliya waxaa keliya ee ay isla socdeen keligood taliyeyaal sida Itoobiya, Eritera iyo Qatar, isaga oo colaadiyey dalal badan oo gobolka ah sida Kenya, Djibouti, Sacuudiga, Masar, Imaaraadka iyo dalal kale, waxayna taasi keentay  kala aragti duwanaanshiyo xafiiska furinta ah, oo waxaa la arkay ra’isul wasaare uu magacaabay oo waxba kama jiraan ku tilmaamay go’aannadiisa qar iska tuurka ah, qaarkoodna ka raalligeliyey.

Maamulka Doorashada:

Inkasta oo labada doorasho ay isku nooc, oo dadban ahaayeen hadana, madaxweyne Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay loo dhiibay doorasho ceynkaa ah, meelna uguma dhicin heshiiskii siyaasadeed, waqtigiisa dastuuriga ah waxaa uu ku ekaa September 2016, laakin doorashada baarlamaanka waa uu dhameeyey labo bil kadib December 2016-kii halka February 8, 2017 la doortay madaxweynihii badali lahaa iyada oo dalku xasilan yahay.

Farmaajo, muddo xileedkiisa waxaa uu dhamaaday sanad kahor, muddadaas Soomaaliya ma aheyn dal xasilan, saddex jeer waxaa uu ka kacay heshiisyo doorasho, labo jeer ayuu inqilaab isku dayey, mar uu 2 sano ku darsaday iyo mar uu ra’susl wasaare Rooble u diiday xafiiska, waxaa intaa dheer dagaallada Xamar dartii uga dhacay, barakac, xarig, xasuuq iyo weerar uu ka geystay Guriceel, Gedo, Baladweyn iyo meelo kale, waxaana hadda mugdi weyn ku jirta sida uu xilka ku wareejin doono isaga oo bed-qaba.

Ugu dambeyntii, Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ku guul-darreystay dhammaan nidaamkii dowladnimada, marka laga soo tago inuu ku fashilmay amni, federaaleyn, dhaqaale iyo arrimo dibad, ma dhisin hal hey’ad dastuuri ah, sida uu wasiirkiisa maaliyadda ee Beyle heegay wax walba waa sagxadda, taasi oo muhiim u ah marka la qiimeynayo haddii ay rajo ka gasho dib usoo noqosho dambe.

Goobjoog News

Dhallinyaro ku sugan degmo ka tirsan Muqdisho oo dil loogu hanjabay + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha degmada Kaaraan, Abshir Kaaraan ayaa digniin culus u diray dadka amni darada ka wada degmada, isaga oo sheegay inay xabsiga u taxaabeen dhalinyaro badan oo koox koox isugu xiran oo ciyaal weero ah, kuwaasi oo dhibaato ku hayay dadka deegaanka.

Guddoomiye Abshir ayaa sidoo kale sheegay in degmada aysan joogin Al-Shabaab, hase yeeshe ay jiraan Rag ayagu iska dhiga inay kooxdaas ka tirsasn yihiin oo baad ka qaada dadka.

“Ragga amni darada ka wada degmada ee Shabaab metalaya meesha ma joogo Shabaab ee waa isfahane ka qaatayaashii cida aan ku aragno waa dil toogasho ah, Maxkmadda ayaa horgeynayna eedeynta uu galay ayaa lagu fulinaya, wax uusan aheyn ayuu iska dhigay oo dhiig uusan baneysan karin ayuu baneystay,” ayuu yiri.

“Ragga Kaaraan ku nool ee la soo dhuumanaya jawaanada bastooladaha waxaa u naqaana ka qaatayaal, meelaha ay ku nool yihiin waa ognahay oo waa daba taaganahay, guryaha ayaa iskugu galeyna.”

Sidoo kale waxa uu waalidiinta degmada ka dalbaday inay ogaadan wiilashooda, si aysan hadhoo lama filaan ugu noqon marka ay soo qabtaan isaga oo ku jira falal ka dhan ah amniga.

“Cid walba ka fiirso oo cunugaaga ogow ka war hay oo cisho, berri marka aan soo qabano waa calaalaysa markaa waxaa leenahay Aabaha iyo Hooyada dhashay cunugaaga gacanta ka qabso oo hadda ka war hay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu dadka deegaanka ka codsaday inay ka wada-shaqeeyaan amniga si meesha looga saaro falalka amni daro ee degmada Kaaraan, ayna iskaashi wada-shaqeyneed la yeeshaan maamulka iyo laamaha amniga.

Hadalkan ayaa imanaya xili ay degmada si weyn ugu soo bateen falalka amni darada iyo dhaca loo geysanayo shacabka, ayada oo dhowr jeerna howl-galo ay ciidamada amniga ka sameeyen degmada lagu sheegay in lagu soo qabtay tiro dad ah oo u badan dhalinyaro.

Shanta hay’adaha sirdoon ee ugu awodda badan caalamka

Khubarada dhanka ammaanka marka ay ka hadlayaan sugidda ammaanka dal ayaa waxa ugu horeeya ee ay ku taliyaan waxay tahay helidda hay’ad sirdoon oo awood leh. Sababtaas ayay dalalka dunida dhaqaalaha ugu badan ugu bixiyaan casriyenta iyo horumarinta awoodahooda sirdoon iyo xog-helid.

Sirdoonka waxaa uu ka mid yahay waxyabaha udub dhaxaadka u ah dal walba islamarkaasna xogaha dibadda iyo gudaha ee ay keenaan ayaa lagu saleeyaa danaha qaranka iyo sugidda amniga.

Hay’adda sirdoonka qaranka waa difaaca ugu horeeya ee qaran uu leeyahay, waana hay’adda u qaabilsan helista xogaha qarsoon, iyo hagarmaadooyinka loo maleygayo dal, laakiin dalalka oo dhan ma noqon karaan isku-awood dhaqaale iyo sirdoon. Haddaba, waayo shanta hay’adood ee ka mid ah kuwa ugu awoodda iyo saameynta badan dhanka sirdoonka caalamka.

1. Sirdoonka Mareykanka ee CIA

Hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA ayaa waxaa la asaasay sanaddii 1947. Waxa ay hay’addan sirdoon xirfad ahaan si aad ah uga sareeysa hay’ado badan oo caalamka ah islamarkana waxaa ay wax badan ka og yihiin dhacdooyiinka caalamka ka dhaca.

Hay’adda CIA ayaa dowlad Mareynkanka u qaabilsan ururinta xogaha sirdoon ee dibada, iyo mararka qaar gudaha. Si rasmi ah looma shaacin tirada shaqaalaha sirdoon ee hay’addan, laakiin waxaa la rumeysan yahay inay ka mid yihiin kuwa ugu awoodda badan, uguna dhaqaalaha sareeya sirdoonka caalamka. Hay’adda Sirdoonka CIA waxaa agaasime ka ah William J. Burns.

2. Hay’adda sirdoonka Israel, Mossad

Hay’adda Mussaad waa hay’adda sirdoonka Israa’iil waana hay’ad aad u awood badan.

Mossad ayaa waxaa la aasaasay 1949, sannad kaddib markii la sameeyay Israa’iil. Israa’iil waa dal ay leeyihiin Yuhuudda ku nool bartamaha shan dal oo Carab ah. Caadiyan, waxa ay u baahnaayeen hay’ad sida Mossad oo kale ah oo indhaha ku haysa cadawga xuduudaheeda.

Hay’addan waa hay’ad muhiim gaar ah u leh Israa’iil islamarkana howlgalo badan ka fulisa meel badan oo caalamka ka mid ah.

Dhaqanka Mossad ayaa ah in ay u diyaargaroobaan halisaha waa wayn, dhaqankaas oo ka imanaya xaalado adag oo jiray waqtigaas la aasaasayay hay’addan.

Taariikhda Israa’iil ama dagaal ayay kula jiraan dalalka Carabta ama xaalad colaad ah ayuu ku jiray. Maanta, Israa’iil waa quwad wayn, hasayeeshee dhaqanka Mossad waxba iskama badelin.

3. Hay’adda sirdoonka Britain ee MI6

MI6 waa hay’adda sirdoonka ee dalka Britain, waana hay’ad aad u awood badan.

Hay’adani ayaa waxaa xarun u ah magaalada London, waxaana la asaasay 4 bishii July 1909.

Hay’adan ayaa waxay uruurisaa oo xuuraantaa macluumaadka la xiriira amniga qaranka ee dalka iyo dibadaba.

Waxay MI6 ay ka mdi yihiin hay’addaha sirdoonka ee ugu awodda badan caalamka, waxaana imika madax ka ah Richard Moore.

4: ISI Pakistan

Hay’adda ISI waa hay’adda sirdoonka qaranka Pakistaan islamarkana waa udub dhaxaadka amniga qaranka dalkaasi.

Hay’adda ISI waxaa xarun u ah magaalada Islamabad waxaana la asaasay sanaddii 1948, islamarkana waxaa hadda madax ka ah Nadeem Anjum.

Hay’adan ayaa lagu tilmaamaa mid awood badan ku leh dalka Pakistaan, waana hay’adda ay ku tashadaan shacabka iyo madaxda dalkaasi.

5. GRU-Ruushka

GRU waa hay’adda sirdoonka Ruushka islamarkana waxaa la asaasay sanaddii 1992.

Waxaa hay’adan la asaasay ka dib burburkii midowgii sofiyeet 1990 waxa ayna badashay hay’addii awoodda badnayd ee KGB.

Hay’adan ayaa waxaa ays ii xoogeysatay markii uu xilka madaxnimada Ruushka uu la wareegay madaxwayne Purin.

Isha: BBC SOMALI

Kuraasta Beledweyne, Baraawe iyo Garbahaareey oo gacanta usii galaya Farmaajo

0

Beledweyne (Caasimada Online) – 16-ka kursi ee Garbahaarey, 25-ka Beledweyne iyo 26-ka Baraawe macno weyn ayey ka dhex goynayaan halka ay aadi doonto natiijada doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kusoo durgaya inuu qaato inta badan kuraasta deegaan doorashada labaad, taas oo aheyd aragti iyo qorsho uu ku dagaalamayey in muddo ah.

Waxaa jirta 5 deegaan doorasho oo ka baxsan caasimadaha maamul goboleedyada, xaaladaha siyaasadeed ee magaalooyinkaas, duruufaha ammaanka iyo cidda awoodda ku leh ayaa ku tusineysa xisaab ka duwan midda doorashada ee u sawiran dhinacyada qaar.

Beledweyne

Beledweyne waa magaalo siyaasad ahaan cabursan, laakiin dadkeeda ay badi ogol yihiin in 25-ka kursi ee golaha shacabka lagu doorto halkaas.

Ciriirigii siyaasadeed ee magaaladiisa ka jiray iyo kasoo daahistii dhinacyada qaar ayaa fursad lama filaan ah siisay kooxda madaxweyne Farmaajo.

Waxay magaalada kasoo saareen General Xuud, waxay geeyeen ciidan ayaga si gooni ah uga amar qaata, waxay la heshiiyeen Yuusuf Dabageed, shalayna waxay magaalada xoog ku geeyeen Cali Guudlaawe.

Ra’isulwasaare Rooble iyo xukuumadiisa waxay dalbadeen in ciidankaas laga soo saaro magaalada Beledweyne, laakiin warkiisa meel lagama soo qaadin.

Waxay xukuumadda Ergo wasiiro ah u dirtay Cali Guudlaawe, balse iyagiina natiijo la’aan ayey soo laabteen.

12 beelood ayey ka dhexeeyaan 25ka kursi ee taalla magaalada Beledweyne. Doorashada dalka si boob ah ayey ku socotaa, meel walba cidda gacanta ku heysa ayaana boobi karta kuraasta.

Shaxda Farmaajo iyo kooxdiisa ay dageen, sida ay u wajahayaan qorshaha iyo isfahamka maamulka kala dhaxeeya ayaa kuraastaas u jiidinaya hal dhinac, haddii aysan xaalad cusub soo kordhin.  Cali Guudlaawe ayaa la filayaa inuu shaaciyo kuraasta Beledweyne maalmaha soo socda.

Baraawe

Magaalada Baraawe waxaa la hadal hayaa inuu ka jiro heshiis xooggan oo Farmaajo iyo Laftagareen ah. Ciidan taabacsan madaxweyne Farmaajo ayaa jooga iyo ciidan ka tirsan AMISOM.

Magaalada Baraawe waxaa shalay tagay taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Biixi oo isagu kamid ah saraakiisha hor boodeysa dib u doorashada Farmaajo, waxaana la filayaa in ciidan dheeri ah halkaas la geeyo, kuwaas oo aan u baahneyn in diyaarad lagu qaado.

Kuraasta taalla Baraawe xubnihii horay ugu fadhiyey inta badan waxay ahaayeen kuwa Farmaajo taabacsan, laakiin waxaa jira liiska cusub oo dad badan ka takhalusaya, sida ay noo xaqiijiyeen illo muhiim ah.

Inkastoo Farmaajo uu guud ahaan shaqo culus ka qabsaday kuraasta Koonfur Galbeed, hadana Baraawe waa aag gaar ah oo kooxdiisa ay gacanta kula jirto.

26 Kursi ayaa taalla magaaladaas. Koofur Galbeed tan iyo markii uu Laftagareen madaxweyne ka noqday ciidan ahaan Farmaajo ayaa kor ka ilaashada, waana sida Galmudug iyo Hirshabelle.

Waa adag tahay in kooxda madaxweyne Farmaajo lala qeybsado kuraasta Baraawe taalla, marka la isku daro awoodooda ciidanka iyo ogolaanshaha maamulka.

Garbahaarey

Halkaan oo 16 kursi ay taallo maalmo badan ayey u xiran tahay Farmaajo, wuxuu ka bixiyey gacanta Jubbaland. Hoggaanka uu Farmaajo u dhisay maamulka Gobolka Gedo waxaa dhawaan la keenay magaalada Muqdisho, si loo cabsiiyo farsamada shaqada iyo sida la rabo inay doorashada u dhacdo.

Halkaan waxaa ka jirta caqabad ka duwan Baraawe iyo Beledweyne, waana inuu guddiga doorashada heysto Axmed Madoobe, kuwaas oo laga rabo shaacinta liiska, qabashada doorashada iyo xaqiijinta guuleystaha.

Waa adag tahay in kuraastaan laga soo celiyo magaalada Garbahaarey, sidoo kalena waa adag tahay in Farmaajo looga adkaado haddii ay kuraasta halkaas sii yaalaan. Sida hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe loogu qancin karo inuu 16-kaas kursi Farmaajo uga samrana ma fududa.

Seddexdaan magaalo ee Beledweyne, Baraawe iyo Garbahaarey guud ahaan waxaa taalla 67 kursi oo Golaha Shacabka ka tirsan, marka la fiiriyo xaaladaha magaalooyinkaas ee xagga amniga iyo siyaasadaba waxaa ku gacan sareeya Farmaajo, waxaana aad u yar tirada xubnaha la aaminsan yahay inay ka fakan karaan.

Waa codad miisaan leh oo badali kara saadaasha doorashada haddii aysan waxba iska badalin sida ay hadda wax ku socdaan.

Malxiis: Xal miyaa mise xaraash? (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa haatan ka socota doorasho loogu magac daray mid Dadban, taas oo lagu soo xulayo xubnaha Golaha Shacabka, ayada oo ay jiraan khaladaad laga soo wariyey hanaanka doorashada.

Warbixintan waxaan ku eegi doonaa Sheeko laga diyaariyey doorashada oo laga sii daayey Telefishinka Universal, gaar ahaan Ruwaayadda Guuxa Dadweynaha oo ay ku jiraan jilayaal caan ah oo si dhab ah u metalay qaabka ay u socoto doorashada baarlamaanka federaalka ah ee Somalia.

Sheekadan ayaa soo koobeysa nuxurka doorashada, waxayna faham badan ka bixineysaa, sida ay u socota doorashada, gaar ahaan boobka lagu hayo kuraasta Golaha Shacabka.

Inta badan waxa ay jilayaashu diiraadda saareen tartanka musharixiinta, ergada iyo waxa xiiso beelka ku ridday doorashada socota.

Cabduqaadir Abahaa oo ka mid ah jilaayaasha caanka ah, isla-markaana door weyn ku leh Ruwaayadda, kuna metalaya dhanka isku daba ridka ergada, isaga oo u dhexeeya musharixiinta iyo odayaasha dhaqanka ee soo xulaya ergada ayaa ku gor-gor tamaya inuu keenayo ergo aanan aheyn tan beesha kursiga, kuna rabo qiimo aad u jaban.

“Malxiis lacag la’aan yaa rabo? Qiimo jaban soo baxa, yaa doonaayo? xildhibaan aad lacag la’aan ku heleyso, laakiin qiimo jaban lacag yar ayaa dhiibeysaa,” ayuu yiri Cabduqaadir Abahaa oo ka mid ah jilayeyaasha Sheekada.

Sidoo kale Ruwaayadda ayaa waxaa kasoo muuqday koox kale oo isugu jirto Gabdho iyo Wiilal metalayey ergada wax dooraneyso, kuwaas oo hal goob la’isugu keenay, si ay u codeeyaan, waxaana ay qariyeen magacyadooda saxda ah, ayada oo loogu yeerayey magacyo kale oo been abuur ah, sida Xuseen Abdow Isaaq, Buuxow Balaq Xuseen, Khadiijo Cabdiyow Buruudle, Safiyo IdilJawaan iyo Xasan Baroodo Muruq, taas oo loogala jeedo sida ay ergada doorashada u bedashaan magacyadooda, una qariyaan wejiyadooda.

Dhinaca kale waxaa Ruwaayaddan ka dhashay falcelin xoog leh, ayada oo dadweyne fara badan ay ka aragti dhiibteen, ayaga oo is barbar dhigaya Sheekada iyo Doorashada.

“Waa tan hadda ina haysata wayaan allow Nabad caadil keen,” ayuu yiri Cabduqaadir Xasan Barrow oo ka mid ah dhalinyarada isticmaasha Facebook ee ka falceliyey Sheekada.

Sharmaa’arke Axmed oo sidoo kale ka mid ah dhalinyarada ka aragti dhiibtay Sheekadaan ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, sida ay haatan wax u socdaan iyo doorashada, wuxuuna sheegay in tani ay dhaawaceyso mustaqbalka dalkeena iyo jiilka dambe.

“Waa wax laga xumaado runtii waayo waa xaqiiqada dalkeena kajirta… mustaqbalka dalkeena iyo jiilka dambe sidaan lagu afduubaya. Allow wadanka noo hagaaji oo aduunka kale nala tartan sii,” ayuu ku yiri Sharmaa’arke qoraal uu soo dhigay qaybta Commentiga.

Halkan hoose ka daawo:-

Wararkii ugu dambeeyey qaraxyo ciidanka KENYA lagula eegtay Jubbaland

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo nooca miinada dhulka lagu aaso lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah howl-galka AMISOM ee Somalia.

Qaraxyada oo is xig-xigay, isla-markaana ahaa labo ayaa waxaa ciidamada Kenya iyo kolonyo ay wateen lagula beegsaday deegaanka Kambooni.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in qaraxyada, kadib ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Kenya ay fureen rasaas, taas oo la sheegay in aysan geysan wax khasaare ah.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi ku daraya in qaraxyadan ay ku dhaawacmeen illaa 5 askari, sidoo kale uu burbur soo gaaray gaadiid ka mid ah kolonyada ciidanka Kenya.

Sidoo kale ciidamada la qarxiyey oo u socday biyo dhaamin ayaa lagu soo warramayaa in weerarka qaraxyada ah, kadib ay sii wateen socdaalkooda, xaalada ayaa haatan deggan.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Kenya iyo Jubbaland oo ku aadan qaraxyadaas oo ay mas’uuliyadooda sheegteen xoogaga Al-Shabaab.

Inta badan ciidamada huwanta ee kus ugan gobollada Jubbooyinka ee koonfurta dalka ayaa weeraro dhab gal ah kala kulma kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan labadaasi gobol.

QM oo digniin cusub ka soo saartay xaaladda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa warbixin cusub iyo digniin kasoo saartay xaaladda cakiran ee Soomaaliya, gaar ahaan abaaraha ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka.

UNOCHA ayaa shaaca ka qaaday in abaarta ka jirta Soomaaliya ay saameysay dad lagu qiyaasay illaa 4.3 milyan oo qof, kuwaas oo haatan u baahan gurmad deg deg ah.

Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in abaarta sii kordheysa ay keentay in ilaa 271,000 oo qof ay ka tageen guryahoodii, ayaga oo raadinaya biyo iyo cunno.

Sidoo kale waxa ay UNOCHA intaasi kusii dartay in Roobabkii la filayey oo aan di’in ay uga sii dareen xaaladaha bani’aadanimo ee Soomaaliya.

“Iyadoo xilli roobaadka soo socda aan la fileynin illaa iyo Abriil 2022, Soomaaliya waxay ku dhaygagaysaa masiibo dhici karta,” ayey tiri UNOCHA.

Dhanka kale xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay ayaa ka digay in abaartu ay sii xoogeysato, ayada oo Soomaaliya ay wajaheyso khatarta ah in xilli roobaadkii afaraad oo xiriir ah uu baaqsado horraanta sanadkan aynu ku jirno 2022-ka.

Ugu dambeyn UNOCHAa ayaa shaacisay in maalgelin dheeri ah si degdeg ah loogu baahan yahay, taas oo loogu talagalay Qqrshaha ka jawaabidda Bani’aadanimada ee Soomaaliya.

Xaaladda dalka ayaa haatan ah mid adag, waxaana abaarta ay ku soo aaday, xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala guur ah oo ku aadan doorashooyinka dalka.

TAIWAN oo toddobaadkan marti-gelinaysa wafti heer sare oo Somaliland ah

Taipei (Caasimada Online) – Dowladda Taiwan ayaa sheegtay in todobaadkan ay martigelin doonto wafdi heer sare ah oo ka socda maamulka Somaliland, ayada oo jasiiraddaasi ay Africa ka wado howlo diblomaasiyadeed xilli ay wajaheyso cadaadiska Shiinaha ee ah inuu xaddido raadkeeda caalamiga ah.

Somaliland ayaa ka go’day Soomaaliya 1991-kii, balse ma helin aqoonsi ballaaran oo caalami ah oo ku saabsan madax-bannaanideeda, deegaanada Somaliland ayaa inta badan ahaa nabad halka Soomaaliya ay la daalaa dhacaysay dagaallo sokeeye oo soddon sano ah.

Taiwan iyo Somaliland waxay xafiisyo wakiilo ka samaysteen Hargeysa iyo Taipei sanadkii 2020, waxayna labada dhinac sameysteen xiriir diblomaasiyadeed.

Shiinaha oo ku andacooneysa in Taiwan ay ka mid tahay iyo Soomaaliya oo diidan inay Somaliland dal noqoto ayaa labadaba muujiyey sida ay uga soo horjeedaan inay Taiwan iyo Somaliland sameysteen xiriir.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Taiwan ayaa sheegtay in Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Horumarinta iyo Kalluumaysiga iyo Beeraha Somaliland ay booqasho ku iman doonaan Taiwan Talaadada maanta ah illaa Sabtida, islamarkaana ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen iyo sidoo kale madax kale oo sarsare.

Waxa kale oo ay la kulmi doonaan madaxda shirkadda shidaalka ee CPC oo ay dawladdu leedahay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka wasaaradda.

“Somaliland waxa ay Taiwan la wadaagtaa qiyamka caalamiga ah ee xorriyadda iyo dimoqraadiyadda, waxayna raacdaa ku dhaqanka sharciga, waxayna muhiimad gaar ah siisaa xuquuqal insaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taiwan.

Taiwan waxaa Afrika ka saaray diblumaasiyad ahaan Shiinaha sannadihii la soo dhaafay, waxaana hadda kaliya xiriir la leh dowladda Eswatini.

Shiinaha ayaa cadaadis ku saaray dalalka in aysan la xiriirin Taiwan xilli ay dooneyso in ay sheegto madax-banaanideeda.

Taiwan oo muujineysay xiriirka kala dhaxeeyo Somaliland ayaa bishii hore ku deeqday 150,000 xirmo oo ah talaalka Medigen COVID-19 oo ay iyada soo saartay.

Somaliland oo ku taal Geeska Afrika, waxa ay xuduud la leedahay Jabuuti, halkaas oo Shiinuhu ku leeyahay saldhig milatari oo uu markii ugu horreysay ku yeesho dibadda.

Dood ka dhalatay hadal uu Farmaajo ka sheegay Addis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kalmado culus ka jeediyey meertada 35-aad ee shirka madaxeedka Midowga Afrika ee Magaalada Addis Ababa.

Farmaajo oo hal sano oo dheeri ah xafiiska ku darsaday ayaa ku dheeraaday dhibaatada Al-Shabaab, sida looga hortagi karo, ahmiyadda iskaashiga dalalaka Gobolka iyo xaaladda Soomaaliya.

Farmaajo ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay guulo wax ku ool ah ka gaartay la dagaalanka Al-Shabaab iyo nabad kusoo dabaalidda Dalka.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay waayo aragnimo fiican u yeelatay habka loo wajaho khataraha kooxaha argagixisada oo uu sheegay in haddii aan wadajir looga hortagin inay saameyn doonaan Gobolka oo dhan.

Wuxuu bogaadiyey qorshaha Golaha Ammaanka iyo nabadda Midowga Afrika uu ku hormarinayo ciribtirka kooxaha xagjirka ah.

Laakiin sheekada dooda badan abuurtay ee madaxweynuhu goobta ka sheegay waa in dowladda Soomaaliya ay gaartay isku filnaansho amni oo ay diyaar u tahay inay AMISOM kala wareegto ammaanka Dalka.

“Waxaa naga go’an inaan la wareegno mas’uuliyadda amniga, si buuxda ayaana diyaar ugu nahay taas,” ayaa kamid ahaa kalamadihii Farmaajo, kaasoo khudbadiisa ku bogaadiyey heshiiskii ay dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo Midowga Afrika gaareen horaantii bishii lasoo dhaafay ee January, kaasoo la xiriiray sida ay Soomaaliya ula wareegeyso amnigeeda marka la gaaro Bisha December ee sanadka 2023.

“Soomaaliya waxay sanadihii dambe ku tallaabsatay horumar ballaaran oo dhanka Amniga ah, dib u dhiska ciidanka iyo wiiqidda awoodda kooxda Al-Shabaab, waxayna taasi keentay in Soomaaliya ay hadda soo gaartay waqtigii ay si buuxda ula wareegi laheyd ammaankeeda,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Qeybtaan waa midda dooda dul dhigtay hadal jeedinta madaxweynaha, haddii aan kala qaadno sheegashada madaxweyne Farmaajo iyo sida taas ka duwan ee arko.

1- Amniga

Shantii Sano ee madaxweyne Farmaajo, kooxaha qiimeeya arrimaha amniga waxay sheegayaan in xaaladda ay kasii dartay. Cabsi gelinta lagu hayo shacabka, qaraxyada gaadiidka lagu xiro, mid cusub oo qof socdo uu gaari qabsanayo, weerarada tooska ah, toogashada iyo dagaalka ciidanka dowladda dhexdooda ah ayaa hareeyey caasimadda oo ah meesha qura oo ay su buuxda ugu shaqeyso dowladda federaalka ah.

Nidaamka madaxweyne Farmaajo ma qaban wax weyn oo amniga la xiriira ayey ku doodayaan khubarada ammaanka, balse sidaas oo ay tahay madaxweynaha wuxuu qabaa in amniga sidii hore kasoo fiicnaaday.

2- Dhismaha Ciidanka

Nidaamka shantii sano ee lasoo dhaafay ee madaxweyne Farmaajo wuxuu dhisay ciidan xoog leh, tani dood badan kama taagna, balse bogaadinta waxaa xayiraad ku ah in ciidankaan aysan illaa iyo hadda aysan deegaano cusub ka xoreyn Al-Shabaab iska daaye waxaa iyaga laga qabsaday deegaano horey looga saaray kooxda.

Sidoo kale waxaa dhismaha ciidankaan dhaawac ku ah inay si weyn ugu milmeyn siyaasadda dalka, iyagoo marar kala duwan weerar ku qaaday madaxdii hore ee dowladda Soomaaliya.

3- Al-Shabaab

Madaxweyne Farmaajo wuxuu sheegay in dowladdii ay si weyn u dhintay halista kooxda Al-Shabaab, laakiin waxaa la is waydiinayaa sida koox aan lala dagaalamin loo dhimay awoodooda.

Seddex jeer oo uu madaxweynuhu ku dhawaaqay inuu dalka galay xaalad dagaal oo toos loo wajahayo Al-Shabaab ayaa dhammaan been noqday.

Farmaajo waxaa lagu eedeeyaa inuu fasax siiyey Al-Shabaab, isagoo taas badalkeeda ku mashquulay la dagaalanka iyo iska celinta siyaasiyiinta madaniga ah ee kasoo horjeeda, taasoo dhalisay inay xoogeysato qatarta kooxda Al-Shabaab iyo inay canshuuraan goobo aysan waligood gacantooda gaarin.

Doodahaan waxay si weyn liddi ugu yihiin hadal jeedintii madaxweynaha ee shirkii midowga Africa, taasoo aheyd in Soomaaliya ay gaartay isku filnaansho Amni oo ay Bisha December 2023 la wareegi doonto amnigeeda.

Sawirro: Farmaajo oo Xalane warqadaha aqoonsi uga guddoomay safiirka USA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa warqadaha aqoonsiga danjirenimo wuxuu xarunta Xalane uga guddoomay safiirka cusub ee dowladda Maraykanku ay u soo magacawday Soomaaliya.

Larry André oo ah danjiraha cusub ee Madetkanka ayaa Madaxweyne Farmaajo la wadaagay dhambaal iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha Dowladda Maraykanka Joe Biden, sida lagu shaaciyey qoraal ka soo baxay madaxtooyada.

Danjire Larry André ayaa dowladda Soomaaliya uga mahadceliyey soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay, isagoo soo bandhigay dadaalka uu ku bixin doono xoojinta xiriirka iyo wax wada qabsiga ku qotoma danaha qaran ee labada dowladood.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa la wadaagay danjiraha cusub horumarka ay Dowladda Federaalku ka xaqiijisay dhinacyada amniga, dib-u-dhiska ciidanka, dib-u-habaynta hay’adaha maaliyadda, la dagaallanka musuqmaasuqa iyo dayn cafiska, waxaana Madaxweynaha iyo Danjire André ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal,” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay Villa Somalia.

Madaxweynaha iyo danjiraha cusub ee Mareykanka ayaa si gaar ah wadahadalkooda diirada ugu saaray kor u qaadidda iskaashiga dhaqaalaha, amniga, la dagaallanka argagixisada, arrimaha bini-aadannimada, iyo horumarinta.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyey Danjire Larry André xilka safiirnimo ee loo igmaday, isaga oo la wadaagay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku garab istaagayso gudashada waajibka diblomaasiyadeed ee loo igmaday,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Danjirahaan cusub ayaa bedelay safiirkii hore ee Mareykanka u joogay Soomaaliya Donald Yamamoto, kaas oo caan ka noqday dalka, maadaama uu la kulmay mowjadihii khilaafka iyo kala guurka ahaa ee Soomaaliya ay ku dhax jirtay labadii sano ee u dambeysay.

Sawirro: Rooble oo shaaciyey in dalku galay xaalad adag

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed oo uu kala hadlay sidii loo dardargelin lahaa gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladuba isu kaashadaan sidii loo gargaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.

“Way ka sii dareysa xaaladda abaartu, haddii aan dadaallada gurmadka la dedejin lana mideyn, waxay xuub siiban kartaa macluul keenta masiibo xoog badan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble, oo mar kale ku celiyay in dalku ku jiro xaalad abaareed oo saameysay in ka badan 5 Milyan oo Soomaali ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay kulamo kala duwan la yeeshay madaxda dalal iyo hay’ado kala duwan oo caalamka ah, isagoo kala hadlay sidii ay gurmad degdeg loogu fidin lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu faraha ba’an ku hayso.

“Howlaha doorashada ee dalka ka socda waxay muhiim u yihiin mustaqbalka dalka, balse waa in aysan naga mashquulin in aan u gurmanno, dadkeenna abaarta, oonka iyo gaajada la il daran, sidaas ayay muhiim noogu tahay in culimada, bulshada rayidka iyo ganacsatadu kaalin hormuud ah ka qaataan howsha gurmadka,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Ugu dambeyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay inay xukuumaddiisa ka go’an tahay sameynta wax kastoo karaankeeda ah, si dadka ay abaaruhu saameeyeen loo badbaadiyo.

 

Guddiga doorashada oo ay mushahar la’aan ku dhacday kadib go’aan ay qaadatay beesha caalamka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT) ayaa maanta shaaciyay in guddiyada doorashada aysan qaadanin mushaarkoodii saddexdii bil ee u dambeysay, maadama aysan soo wada gaarin kharashaadkii loogu tala-galay doorashada.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Soomaaliya Axmed Safiina oo la hadlay BBC ayaa sheegay in guddiga doorashada ay soo food saartay dhaqaale yari baahsan, hase yeeshe ay doorashada dalka ku wadan si dardar leh.

“Mushaaraadka ay qaateen (guddiyada) waxaa ugu dambeysay bishii October, saddex bilood iyo bisha afaraad ee hadda socotaba may soo bixin, shuruud ayay ku xireen beesha caalamka oo ah in aan soo saarno saddex meelood oo labo dalool, in qoondadii haweenka la dhameystiro iyo shuruud noocaas ah ayay ku xireen, illaa haddana ma dhameystirmin,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in mushaaraadka guddiyada doorashooyinka iyo huteelada ay degan yihiin ay bixineysay Hay’adda UNDP, oo illaa hadda aan bixin saddexdii bilood ee u dambeeyay, taasi oo qeyb ka ah culeyska lagu saarayo guddiyada inay dadajiyaan doorashada.

“Guddiga miisaaniyadii dhaqaale ee uu dejiyay waxay aheyd 26 Milyan, waxaana la bixiyay 7 Milyan oo hordhac ah oo ay ku deeqday beesha caalamka, waxaana kharashaadka ka imanaya beesha caalamka lagu dabarayay musharaadka guddiyada oo ka badan 120 Komishaner.”

Afhayeen Safiina ayaa sheegay in marnaba aysan doorashada u istaagi doonin dhaqaale yarida soo wajahday guddiyada doorashada, ayna dadajin doonaan doorashooyinka, gaar ahaan midda Golaha Shacabka oo loo go’aamiyay in lasoo gabagabeeyo 25-ka bishaan.

“Waxaa rajeynayna in caqabadaas laga gudbi doono, guddiyada doorashooyinka waxay ku niyadsan yihiin in dalkooda iyo shacabkooda, doorashada uma joogsan doonto dhaqaale la’aan. Ilaahay idamkiina wey heli doonaan guddiyada doorashooyinka xaqooda.”

Hadalka Afhayeenka ayaa imanaya xilli ay maalmihii u dambeeyay soo baxayeen warar sheegaya in guddiga ay soo food saartay dhaqaale la’aan, taasi oo walaac looga muujinayay in gaabis ku keento sida ay u socoto doorashada, hase yeeshe guddiga ayaa midaasi meesha ka saaray.

Si kastaba, Beesha caalamka ayaa aad indhaha ugu haysa doorashada ka socota dalka, ayada oo dhowr jeerna ku goodisay inay tallaabooyin qaadi doonaan haddii uu dib u dhac kale ku yimaado, waxayna cadaadis ku saaraysa dhinacyada in la dadajiyo.

Xog: Wada-sheekeysiga taleefon ee Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo la jabsaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareed lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ay ka walaacsan yahay inay suurta-gal tahay in la jabsaday wada sheekeysi ku dhex-maray taleefonka.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in arrintan uu ka war helay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, kuna wargeliyey Farmaajo intii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa, oo uu maanta kasoo laabtay.

Abiy ayaa rumeysan in muddo bilooyin ah ama sanado la helayey xogta wada-sheekeysi ee isaga iyo Farmaajo ku dhex-mareysay WhatsApp-ka.

Abiy ayaa lagu warramay inuu Farmaajo u sheegay in dhanka taleefonkiisa laga jabsaday xogta, ayada oo la tuhunsan yahay in arrintan uu ka dambeeyo dal Carbeed oo aan weli la shaacin.

Ilo-wareedyada Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaya in jabsashada taleefonka Farmaajo loo adeegsaday softaware-ka Pegasus Spyware oo ay sameyso shirkadda NSO Group ee Israel, taasi oo horey madax badan oo caalamka ah iyo shakhsiyaad kale oo saameyn leh loogu adeegsaday.

Pegasus Spyware ayaa waxaa loo adeegsadaa in qofka la rabo in taleefonkiisa la dhexgalo loo diro sawir ama wax file wata virus, kaasi oo haddii uu click siiyo si rasmi ah loola wareegayo maamulka taleefonkiisa. 

Dhowaan ayaa wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq uu sheegay in Farmaajo uu diiday diyaarad militari oo gargaar siday oo ay Masar usoo diri laheyd Soomaaliya, isaga oo ka cabsi qabi inuu xumeeyo xiriirka Abiy Ahmed.

Hadalka wasiirka ayaa dhaliyey tuhun ku saabsan in laga yaabo in dalka xogta jabsaday uu noqon karo Masar, balse waxaa sidoo kale suurta-gal ah inay yihiin Imaaraadka Carabta ama Sacuudiga, oo horey caan ugu ahaa adeegsigda Pegasus Spyware.

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegeysa in taleefonada la dhageysatay ay ku jiraan kuwa wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, balse ma cadda haddii uu yahay wasiirka hadda jooga Cabdisaciid Muuse ama kii ka horreeyey Maxamed Cabdirisaaq.

Sawirro lagu faafiyey baraha bulshada oo u muuqda in Abiy Ahmed uu canaanayo Farmaajo ayaa wararka qaar ay sheegayaan inuu ka careysnaa arrintan, balse lama xaqiijin karo. 

Haddii ay dhab noqoto arrintan waxay dalka haysta xogta u sahli kartaa inuu banaanka keeno sir badan oo u qarsoon Farmaajo iyo Abiy Ahmed.

Wixii kusoo kordha xogtan kala soco Caasimada Online.  

Sawirro: Rooble oo saddex arrin kala hadlay Qoor Qoor

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Kulanka ayaa waxay uga wada-hadleen labada mas’uul dardar-gelinta arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo la rabo in lagu soo dhameeyo 25-ka bishaan.

Sidoo kale waxaa kulanka diirada lagu saaray la-dagaalanka argagixisada iyo gurmadka abaaraha, xilli ay abaaro daran ku habsadeen deegaano ay kamid yihiin kuwa maamulka uu hogaamiyo Qoor-Qoor.

Shalay unbey aheyd markii uu Rooble xafiiskiisa ku qaabilay ergayga gaarka ah ee dowladda UK u qaabilsan ka hortagga Macluusha iyo Arrimaha Bani’aadminimada Nick Dyer, oo uu kala hadlay sidii gurmad loola gaari lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameynta ku yeelatay.

Kulamadaan ayaa imanaya maalmo un kadib markii uu Ra’iisul Wasaare Rooble kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta, oo uu ka dalbaday inay door muhiim ah ka qaadato gurmadka abaaraha.

Rooble ayaa intii uu joogay Isu-tegga Imaaraadka Carabta kulamo kala duwan la qaatay madaxda sare ee dalkaasi, sida dhaxal sugaha iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Sidoo kale waxa uu la shiray hay’ada Bisha Cas iyo hay’adaha kale samafalka ee fadhigoodu yahay dalka Isu-Tegga Imaaraadka Carabta.

Sawirro: Yaa kusoo baxay doorashadii laba kursi ee maanta lagu qabtay Jowhar?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle ayaa waxaa maanta lagu qabtay doorashada laba kursi oo ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka Soomaaliya, kuwaas oo deegaan doorashadooda ay tahay maamulkaasi.

Kursigii horreeyey ee doorashadiisa la qabtay waxaa kusoo baxay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh oo la tartamay musharrax Maxamud Cali Bariiise.

Cabdiraxmaan Maxamed ayaa helay 71 cod, halka musharixii la tartamayey ee Bariise uu isna helay 14 cod, sidoo kale waxaa hallaabay 13 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Sidoo kale kursiga labaad ee HOP#115  waxaa kusoo baxay  Xildhibaan Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo markale dib loogu doortay baarlamaanka Soomaaliya

Cali Balcad ayaa helay 86 cod, kadib markii ay u tanaasushay Marwo Mulki Cabdullahi Islow oo la tartami laheyd.

Doorashada labadaan kursi iyo xubnaha kusoo baxay oo aan gelin tartan adag ayaa guushooda horey loo sii ogaa, maadaama kuraastan si gaar ah loogu xiray.

Si kastaba, tallaabadan ay qaaday HirShabelle ayaa qayb ka ah fulinta heshiiskii doorashada ee Muqdisho, gaar ahaan in la dhammeystiro doorashada Golaha Shacabka.

Qorshihii cajiibka ahaa ee kooxda FARMAAJO ay ku khiyaantay Jeneraal XUUD

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku guuleystay qorshe ay u dhigtay ururkii Kacdoonka Hiiraan ee uu hoggaaminayey Jeneraal Abuukar Warsame Xuud.

Jeneraalka ayaa Muqdisho ka keenay 19-kii Janaayo 2022, iyadoo loo adeegsaday saaxiibkiis Taliyaha ciidamada Dhulka Jen. Maxamed Tahliil Biixi, waxaana markii uu Muqdisho yimid uu sheegay inuu caasimadda u tegay arrimo qaran, islamarkaana uu wadahadal la geli doono Madaxda Dowladda, isagoo caddeeyay inaysan waxba iska bedelin mowqifkoodii HirShabeelle.

Wadahadalladii Muqdisho ayaa waxba kasoo bixi waayeen, dhowr jer oo uu saxaafadda la hadlay Jeneraal Xuudna ma sheegin wax cad oo aan ka ahayn in wixii ay ugu tageen Farmaajo ay ka heleen iyo diidmadiisa Madaxweynaha HirShabeelle.

Intii Jeneraal Xuud iyo kooxdiisa Xamar joogeen wauxuu Farmaajo magaalada Beledweyne u diray Boqolaal ciidamo isugu jira Gorgor iyo Haramcad, balse Jeneraal Xuud uu ka gaabsaday inuu ka hadlo, waxayna ugu dambeyn ciidamadaasi la wareegeen magaalada Beledweyne oo ay si awood ah ugu danbeyn ku geeyeen Cali Guudlaawe Xuseen maanta 6 Febraayo, 2022.

Waxaa shaki soo kala dhex galay kooxdii kacdoonka Hiiraan oo qaarkood iska fogeeyay qorshaha uu Jeneraal Xuud u joogo Muqdisho, waxaana soo baxay xog sheegeysa inuu Jeneraal Xuud iyo xubnaha la socda ay Madaxtooyada Soomaaliya ka heleen lacag ku dhow 100-kun Dollar, lacagtaas oo la sheegay inay khilaaf ka dhex dhalisay dhexdooda.

Jeneraal Xuud wuxuu illaa shalay ku taagnaa mowqifkiisii ahaa inuusan Madaxweynaha HirShabeelle tegi karin Beledweyne, wuxuuse qarsan inay ku dhacday khiyaamo ah in loo daba marayo magaaladii laga keenay, haddii la geynayo Cali Guudlaawe.

Qorshaha kooxda Farmaajo u dhigtay kooxdii Jeneraal Xuud waxay ahayd khiyaano looga dan lahaa in Beledweyne ay la waraageen ciidamada ka amar qaata Farmaajo, kadibna ay ka dhacdo doorasho ay ku soo baxaan xubnaha uu wato ee uu ugu horeeyo La-taliyihiisa Fahad Yaasiin.

Waxaa muuqata inuu inta badan hirgalay qorshaha lagu kala jebiyay kooxdii Jeneraal Xuud oo aan awoodin inay xitaa cambaareeyaan halka dhibaatadu uga timid ee ah Madaxtooyada Soomaaliya iyo Maxamed Farmaajo.

Haddii sida loo qorsheeyay u dhacdo doorashada kuraasta taalla Beledweyne, waxaa halkaas ku hakanaya xal u raadinta khilaafka HirShabeelle oo markii horeba laga soo abaabulay Villa Somalia, waxayna arrintaasi ku xirnaan doontaa Madaxda dowladda soo socota.

Isha: Goobjooge

Al-Shabaab oo shaacisay inay dilal ka fulisay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dilal qorsheysan oo xalay iyo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, gaar ahaan degmooyinka kala ah Yaaqshiid & Dharkenley ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa shaacisay in dagaalyano ka tirsan kuweeda ay baraqanimadii maanta dil ka geysteen xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid kaas oo loo geystay Xuseen Ciidgale.

Idaacadda Andaluus ee ku hadasha afka kooxda ayaa baahisay in marxuumka uu ka mid ahaa ergada wax kasoo dooratay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda dil kale oo xalay ka dhacay qaybo ka mid ah gudaha degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, kaas oo ay sheegatay inay ku khaarijisay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya.

Kooxda Al-Shabaab ayaa magaca sarkaalkaasi ku sheegtay Aadan Jiira Kuulow, waxaana ay shaacisay inuu ahaa tababare, sida ay hadalka u dhigtay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka Soomaaliya oo ku aadan dilalkaasi ay mas’uuliyaddooda dhabarka u ridatay Al-Shabaab.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, kuwaas oo isugu jiro dilal, qaraxyo iyo dhac ay geysanayaan burcad hubeysan.

Si kastaba, arrimahan oo idil ayaa kusoo aadayo, ayada oo ay caasimada ka socoto doorashada kuraas ka mida baarlamaanka oo ay ka mashquulsan tahay dowladda.

Midowga Afrika oo si rasmi maanta ugu hogaansamay go’aankii ay qaadatay DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa Soomaaliya u soo magacaabay haweeney beddaleysa Simon Malungo oo ay horey dalka uga ceyrisay dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ahaa ku xigeenkii wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya.

Guddiga Midowga Afrika ayaa Ms. Fiona Lortan usoo magacaabay inay noqoto ku xigeenka cusub ee ergayga gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya & ku xigeenka madaxa ergada.

Ururka Midowga Afrika ayaa shaaciyey in Marwo Fiona Lortan ay door muhiim ah ka qaadan doonto marxalada kala guurka ah, gaar ahaan sidii ay Somalia ula wareegi laheyd amniga.

Fiona Lortan ayaa muddo sanado ah ka tirsaneyd guddiga Midowga Afrika, waxayna toos ugu biirtay bishii May ee sanadkii 2002-dii, ayada oo qabatay shaqooyin kala duwan.

Midowga Afrika ayaa dhanka kale xusay inay ka go’an tahay xaqiijinta Soomaaliya xasilloon, isla-markaana amaan ah.

Haweeneydan loo soo magacaabay inay ka shaqeyso Soomaaliya ayaa beddaleyso ku xigeenkii hore ee ergeyga Midowga Afrika, Simon Malungo oo ay dowladda federaalka ah dalka saartay, kadib markii lagu eedeeyey inuu dambiyo waa weyn ka geystay Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo bishii November ee sanadkii hore soo saartay qoraal xasaasi ah ayaa ku war-gelisay Guddiga Midowga Afrika in Simon Mulongo laga dhigay ‘Persona non grata’ (Qof aan dalka laga rabin), kadibna ka ceyrisay gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda ayaa xilligaas shaacisay inuu ku lug yeeshay dhaq-dhaqaaqyo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo istiraatiijiyadda amniga.

Farmaajo oo Rooble kaga adkaaday loolankii Hiiraan

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulalahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Ku xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Shacabka iyo Ciidan hubeysan ayaa kusoo dhaweeyey garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne.

Diyaaradii siday Cali Guudlaawe waxaa ka horeeyey laba diyaaradood oo ciidan siday. Inta uusan Cali Guudlaawe tagin magaalada ayaa la duqeeyey garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Khaliif, taas oo sababtay inay dib u laabato mid kamid ah diyaaradihii siday ciidanka, iyadoo ku laabatay magaalada Jowhar.

Hase yeeshee illo muhiim ah ayaa noo xaqiijiyey in xoog loo sheegtay duuliyihii diyaaradda oo ciidanku ay ku qasbeen inuu ku laabto Beledweyne.

Maamulka Hirshabelle qeyb kamid ah ayaa xaliyey arrintaan, kadibna diyaaraddii ayaa mar kale u kacday Beledweyne. Saraakiil hubeysan oo ay ugu magac weynaayeen General Xuud iyo Sarkaal la yiraahdo Nuur Dheere ayaa si weyn u diidanaa in muddo ah inuu Guudlaawe tago Beledweyne.

Xalay ayaa ugu dambeysay waxayna hanjabaad u jeediyeen dadka doonaya inay Guudlaawe xoog ku geeyaan Beledweyne, balse ciidanka ay geysay dowladda federaalka ayaa xalay la wareegay inta badan goobaha muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan wadada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif illaa xerada Lama-galaay oo ah halka loo qorsheeyey in lagu qabto doorashada 25-ka kursi ee Golaha Shacabka.

Guudlaawe wuxuu in muddo ah raajicinayey inuu si nabad ah ku tago magaalada Beledweyne, wada-hadalo badan oo arrintaas laga galay ayaa guul dareystay.

Siyaasiyiinta reer Beledweyne, gaar ahaan Beesha tabashada qabta ayaa ku kala qeybsan imaatinka Cali Guudlaawe. Si walbaba Guudlaawe wuxuu Beledweyne tagay iyadoo aan la xalin tabashadii ay qabeen qeyb kamid ah reer Beledweyne.

Illo ka tirsan xafiiska Cali Guudlaawe waxay sheegeen inuu Cali weli rabo inuu si madani ah wax u xaliyo oo uu la kulmi doono bulshada iyo madaxda beelaha dagan magaalada Beledweyne.

Inta uu Beledweyne joogo Cali Guudlaawe ayaa la filayaa in la guda galo doorashada kuraasta Golaha Shacabka ee taalla Magaalada Beledweyne.

Guudlaawe ayaa horay u diiday inuu shaaciyo liiska kuraasta taalla magaalada Beledweyne, isagoo aan tegin magaalada. Villa Somalia waxay u muuqataa inay gaartay qeyb kamid ah ujeedooyinkii ay ka laheyd kuraasta taalla magaalada Beledweyne.

Dhawaan xubno ka tirsan kooxaha ololaha ee madaxweyne Farmaajo ayaa tagay magaalada Jowhar, waxay kala hadleen Cali Guudlaawe inuu soo daayo liiska kuraasta taalla Beledweyne, balse wuxuu Cali mar kale ku xiray inuu tago Beledweyne.

Kooxda Farmaajo ayaa la sheegay inay markaas go’aansadeen in Cali Guudlaawe awood ciidan lagu geeyo magaalada Beledweyne, si uu liiska u faafiyo, iyaguna shaqo badan ay uga qabsadaan halkaas.

Yuusuf Dabageed oo ah hoggaamiye ku xigeenka maamulka Hirshabelle ayaa weli si buuxda ula shaqeenaya kooxda madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidankii ay dowladdu geysay magaalada Beledweyne ee Gorgor iyo Haramcad ayaa shalay qabtay shaqadoodii koowaad, kadib markii ay ku guuleysteen in Cali Guudlaawe laga dejiyo magaalada Beledweyne.

Ciidankaan oo xukuumadda Rooble ay soo jeedisay in laga soo celiyo magaalada Beledweyne ayaa lagu guul-dareystay dalabkaas, iyadoo taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage uu arrintaas si cad u diiday.

Kooxdii ciidanka u badnaa ee diidanaa in muddo ah in Cali Guudlaawe tago magaalada Beledweyne ayaa weli gadoodsan, waxaase jira warar sheegaya in la isku dayayo in arrintooda mar kale wada-hadal lagu xaliyo, maadaama ay ku guul-dareysteen inay Guudlaawe u diidaan Beledweyne.

Markii la eego sida ay hadda wax ku socdaan kooxda madaxweyne Farmaajo ayaa ku gacan sareeysa arrinta mMagaalada Beledweyne.

Wafdi wasiirro ah oo ay shalay xukuumadda u dirtay magaalada Jowhar oo la kulmay Guudlaawe rabayna inay arrinta wada-hadal ka galaan oo ay kaalin ku yeeshaan ayaa natiijo la’aan ku laabanaya magaalada Muqdisho, maadaama uu Cali Guudlaawe heshiis la’aan uu tagay magaalada Beledweyne, iyadoo ay ammaankiisa sugayaan ciidankii ay xukuumadda qaadacday tagistooda magaalada Beledweyne.

Dabageed oo shaaciyey qorshaha uu Guudlaawe ka damacsan yahay B/Weyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo wareysi siiyey Radio Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha safarka Madaxweynaha maamulkaas Cali Guudlaawe uu maanta ku tegay magaalada Beledweyne.

Yuusuf Dabageed ayaa sheegay in qorshaha Madaxweynaha uu yahay in qof kasta oo reer Hiiraan ah tabashadii uu qabo uu kala fariisto oo ka xaliyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda ka hor aysan madaxweynaha u suurta gelin inuu tago Beledweyne, balse qolo kasta oo tabasho qabta uu hadda kadib kala fariisan doono waxa ay ka tabaneyso maamulka uu hoggaamiyo.

“Qofka oo reer Hiiraan ah waan la fariisa doonaa aniga iyo madaxweynaha, waxaana diyaar u nahay inaan ka qancino tabashada ay qabaan, waxaan ka codsanayaa dadka in dowladnimada laga wada shaqeeyo,” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka HirShabeelle.

Hadalka Dabageed ayaa waafaqsan kii Cali Guudlaawe ee shalay, oo xilli uu ka hadlay munaasabad lagu soo dhaweeyay ballan-qaaday in uu xalin doono tabashada ka taagan gobolka, islamarkaana uu u cadaalad fali doono reer HirShabelle.

“Alle ayaa mahadaas iska leh, maanta haddii aan magaalada Beledweyne aan ku wada suganahay, waxaa uga mahad-celinayaa halkaan cidkasta oo gacan ka geysata inay sidan wanaaga ah u dhacdo oo anaga oo nabad ah oo wax dhibaato ah dhicin isku imaano,” ayuu yiri ugu horeyntii, isaga oo si gaar ah ugu mahad-celiyay duubaabka dhaqanka, ciidanka amniga iyo madaxda HirShabeelle.

Guudlaawe ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in tabasho kasta oo jirta iyo cid kasta oo wax tabanaysa uu la fariisan doono oo uu ka garaabi doono, xili ay muddo xiisad siyaasadeed ka taagneyd Beledweyne.

Hoos ka dhageyso wareysiga Dabageed