26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 26, 2025

Golaha Wadatashiga oo dib u bilaabay wada-hadallo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dib u bilaabay wada-hadalladooda, waxaana maanta oo Sabti ah ay sii amba qaadeen shirarkooda looga hadlayo xaaladda dalka, iyada oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya.

Sida uu shaaciyey afhayeenka xukuumadda, Mudane Maxamed Ibraahim Macallimuu waxaa kulanka maanta diirada lagu saarayaa qodobada ay dhaliisha ka keeneen xubnaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, Ururada Bulshada Rayidka iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

“Madaxda ayaa waxa ay maanta falanqeyn iyo wadatashi ka leeyihiin cabashooyinkii la xiriira hufnaan iyo daahfurnaan la’aanta doorashada oo ay soo gudbiyeen Midowga murashaxiinta, Bulshada Rayidka iyo Saaxibada Soomaaliya,” ayuu yiri Macallimuu.

Shirkan oo ay goobjoog yihiin madax goboleedyada & Duqa Muqdisho ayaa qaatay maalmo badan, ayada oo weli la’isku mari la’yahay qodobada qaar ee shirka, gaar ahaan amniga.

Rooble ayaa doonayo in war-murtiyeedka kasoo baxaya shirka lagu daro in amniga guud ee dalka isaga lagu wareejiyo, haddii kale aanay dhici karin doorasho hufan.

Xitaa haddii shirka sidaas isku raaco, madaxweyne Farmaajo ayaan marnaba ogolaan doonin inuu amniga wareejiyo, balse waxaa jirta dood ah in sidaas ay beesha caalamka ku qasbi karto, haddii Golaha Wadatashiga Qaran ay isku raacaan. 

Si kastaba, madaxweynayaasha dowlad goboleedyada kala ah Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa iyaguna dhankooda weli diidan arrintan, waxayna ku doodayaan in amniga dalka uu ka baxsan yahay doorashada.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Farmaajo oo Bankiga Dhexe amray in lacagtii laga qabtay Imaaraadka aan la bixin karin

0

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa soo saaray go’aan ka dhan ah dib u celinta lacagtii dowladda Imaaradka ee galabta uu Ra’iisul Wasaare Rooble balan qaaday in xukuumadiisu ay dib ugu celinayso.

Farmaajo oo fariintaan ku socodsiiyey guddoomiyahaBangiga Dhexe ee dalka ayaa sheegay in lacagtaas sifo aan sharci aheyn dalka lagu soo geliyey 8-dii bishii Abriil ee sanadkii 2018-kii.

Madaxweyne Farmaajo ayaa guddoomiyaha Bangiga Dhexe ka dalbaday in uusan ogolaan in go’aanka Rooble sanduuqa dowladda looga bixiyo lacagtaas, isagoo go’aanka lacagta lagu celinayo ku tilmaamay mid hal nin qaatay.

Sidoo kale wareegtada Farmaajo waxaa lagu xusay in lacaagtaas ay waxyeeleyn karto amiga qaranka iyo dhaqaalaha dalka, hadii ay ka baxdo qasnada dowladda.

“Waxaa mamnuuc ah in go’aan hal masuul gaaray lagu bixiyo lacagtaas, iyadoo aan la marsiin hanaan waafaqsan shuruucda dalka,” ayaa lagu yiri qoraalka uu Farmaajo soo saaray caawa.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

 

Shirka Golaha Wadatashiga oo caawa dib u furmay + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa caawa magaalada Muqdisho dib uga bilaawday shirka Golaha Wadatashiga Qaran, kadib maalin nasiino ah oo madaxdu ay kala maqnaayeen.

Xafiiska Ra’iisul wasaaraha oo war kooban ka soo saaray ajendaha shirka caawa ayaa shaaciyey in laga hadli dooni ‘dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka.’

“Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo uu guddoominayo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble  ayaa caawa shir ku leh magaalada Muqdisho, kaas oo qeyb ka ah wada xaajoodyadooda ku saabsan dhammeystirka, hufnaanta iyo amniga doorashooyinka dalka,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay xafiiska Rooble.

Shirkaan oo Muqdisho ka socda ku dhawaad hal todobaad ayaan weli xal looga gaarin murankii ka soo laabtay doorashada kuraasta yar ee ilaa hadda laga soo doortay xubnaha golaha shacabka, dhameystirka iyo hufnaanta doorashada.

Sidoo kale waxaa miiska saaran oo la isku mari la’yahay dalab uu wato Ra’iisul Wasaare Rooble oo ah in amniga guud ee dalka isaga lagu wareejiyo, kaas oo hadda uu masuuliyadiisa sheegto madaxweynihii hore Farmaajo.

Madaxda dowlad goboleedyada qaar ayaa la sheegay inay toos uga soo hor jeesteen in amniga dalka laga wareejiyo Farmaajo, halka madaxda Jubbaland, Puntland iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka mideysan yihiin fegradda ah in Farmaajo laga wareejiyo mas’uuliyadda amniga Qaranka.

Xog: Kulan Villa Somalia uga socda madaxweyne Farmaajo iyo Jeneraal Saadaq John

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in hadda uu Villa Somalia kulan uga socdo Madaxweyne Farmaajo iyo Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq John.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo uu maalmahan waday madaxweyne Farmaajo oo uu la qaadanayo saraakiisha Ciidamada Badbaado Qaran, ee horey ugu lug lahaa dagaalkii looga soo horjeeday muddo kororsiga ee bishii April.

Kulanka u socda Farmaajo iyo Saadaq Joon ayaa daba socda kulan kale oo galabta dhex-maray Taliyihii hore NISA Fahad Yaasiin iyo Jeneraal Saadaq John.

Weli faah-faahin buuxda lagama hayo waxa uu ku saabsan yahay kulankan lama filaanka ah, waxaase la rumeysan yahay inuu salka ku hayo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Muqdisho iyo cabsida laga qabo inuu dagaal ka dhaco.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa saddex cisho kahor isu keenay Fahad Yaasiin iyo Jeneraal Saadaq John, si loo dhammeeyo mad madowgii u dhaxeeyay ee ka dhashay arrintii muddo kororsiga ee uu Jenanku ka hor-yimid bishii April 2021.

Saadaq John ayaa ahaa sarkaalkii ugu horreeyey ee isku dayey inuu ka hortago muddo kororsiga kadib markii uu ciidamo boolis ah u adeegsaday inuu baajiyo kulankii baarlamanka ee muddo kororsiga, taasi oo keentay in xilka laga qaado, oo uu Farmaajo ka xayuubiyo darajooyinka.

Kulamada uu Madaxweyne Farmaajo la yeelanayo Saraakiishii Badbaado Qaran ee ka soo horjeeday muddo kororsigiisa, ayaa ah kuwa uu ku doonayo inuu kusoo dhoweysto, si aysan culeys ugu noqon dhankiisa, ayada oo laga cabsi qabo in mar kale ay ciidanka Badbaado Qaran soo galaan Muqdisho.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Siyaasiyiin iyo xildhibaano ka fal-celiyey GO’AANKII uu maanta qaatay R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa ka falceliyey go’aankii maanta uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu Imaaraadka Carabta si rasmi ah ugu cudur-daartay tallaabadii ay ciidamada NISA ay Garoonka Aadan Cadde kula wareegeen lacag ku dhaw 10 Milyan oo doollar, bishii April 2018.

Aadam Aw Xirsi oo xilal kala duwan federaalka iyo Jubaland-ba ka soo qabtay oo siyaasiyiinta arrinta ka fal-celiyey ka mid ahaa, ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray:

“In uu Ra’iisul Wasaare Rooble Dawladda Imaaraatka uga cudur-daarto dhacdadii 2018 ay ciidanka amniga ee Garoonka Aadan Cadde dawladda Imaaraatka uga qabsadeen $9M oo ku jirtay kolay diblumaasi ah waa tallaabo, markii iskeed loo eego, horay loo qaaday,” ayuu yiri Aw-Xirsi

“Soomaaliya ma tahli karto in ay shaqaaqooyin  laga  maarmi karo had iyo jeer kula jirto derisyadeeda iyo dalal ay suuraggal tahay in ay horumarka iska kaashadaan.”

Sidoo kale, wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug, xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo xildhibaan Mahad Salaad soo dhaweeyay tallaabadii uu maanta qaaday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Waxay Ra’iisul Wasaaraha uga mahadnaqeen in uu dib u sixid ku sameeyey qaladaadkii uu madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo kooxdiisu sameeyeen sanadihii tagay iyo inuu ka saaro Soomaaliya go’doonka diblumaasiyadeed ee la galiyey.

Fiqi ayaa ugu horeyntii dowladda Imaaraadka Carabta uga mahadnaqay in xiligaan adag ay u soo gurmato dadka Soomaaliyeed, isaga oo madaxweynihii hore Farmaajo ku eedeyay in uu xiriirka dowladaas u xumeeyay danihiisa gaarka ah.

“Farmaajo dalka wuxuu ka dhigtay 5tii sano ee la soo dhaafay NGO rabitaabkiisa ku shaqeeya oo kale, asagoo awooddii dawladnimada u adeegsaday danihiisa gaarka ah. Dawladaha saaxiibada la ahaa Soomaaliya way badnaayeen markii Farmaajo talada dalku uu qabtay, maantay qof walba waa og-yahay dhowrka dawladood ee ku soo haray Soomaaliya,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray in dalalka Eritrea, Qatar iyo Ethiopia oo madaxweynihii hore uu saaxiib dhow ka dhigtay aysan wax gargaar ka hayn shacabka Soomaaliyeed ee abaaraha la ildaran, oo aan ka ahayn kaalmaynta kaligitaliska.

“Raysulwasaare Rooble waa ku mahadsan yahay in uu dib u sixid ku sameeyey qaladaadkii ay Farmaajo iyo kooxdiisu sameeyeen sanadihii tagay iyo inuu ka saaro Soomaaliya go’doonka diplimaasiyadeed ee la galiyey!.”

Mahad Salaad ayaa asaguna dhankiisa madaxweynihii hore Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisi ay kala tageen ee Kheyre ku eedeyay inay xumeeyeen xiriirkii Soomaaliya la laheyd dalalka Masar, Sacuudiga, Imaaraadka, Jabuuti iyo Kenya.

“Xiriirkii ay kharribeen afartii sano ee la soo dhaafay waa ku mahadsanyahay Ra’iisul Wasaare Rooble in uu dib u saxo,” ayuu ugu dambeyntiina ku yiri qoraalkiisa Mahad Salaad.

Xukuumadda Rooble ayaa xiligan waxaa ka go’an xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, oo xiriirkooda uu xuma sanadihii u dambeeyay, oo sida la fahamsan yahay uu horseed u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Midowga Musharaxiinta oo war kasoo saaray tallaabadii uu maanta qaaday Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si weyn u soo dhaweeyay tallaabadii uu maanta qaaday Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee qeybta ka aheyd dib usoo celinta xiriirkii xumaa ee Imaaraadka Carabta.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta dowladda Imaaraadka ka raali-galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde, xilli uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq gargaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay.

Golaha ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku bogaadiyay dadaalka uu dib ugu hagaajinayo xiriirkii sanadihii dambe la xumeeyey ee Soomaaliya kala dhaxeeyey dowladaha Carbeed ee aan walaalaha nahay oo ay ugu horeyso dowladda Imaaraadka Carabta.

“Golaha Midowga Musharaxiintu, wuxuu uga mahadcelinayaa dawlada Isu-taga Imaaraadka Carabta deeqda ay maanta soo gaarsiisay dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu wax-yeelleeyeen,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa adkeeyay muhiimada xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, ayaga oo xusay in sanadkii tagay dalkeena uu dhexmaray ganacsi ka badan 1.7 bilyan oo dollar.

“Imaaraadka waxa kale oo ay xarun u tahay Shirkadaha, Xawaaladaha iyo ganacsiga Soomaaliyeed,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Golaha Midowga Musharaxiinta.

Ugu dambeyntiina waxa uu Golaha ku booriyay dowlada Imaaraadka Carabta inay dib u soo celiso kabkii miisaaniyadeed ee dalka, adeegii caafimaad iyo fududeyntii dal ku galka.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu maanta ballan qaaday in dowladda Imaaraadka uu dib ugu wareejin doono lacag bishii April 2018 looga qabtay garoonka Muqdisho.

Xukuumadda Rooble ayaa xiligan waxaa ka go’an xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah, oo xiriirkooda uu xuma sanadihii u dambeeyay, oo sida la fahamsan yahay uu horseed u ahaa madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Rooble oo raali-gelin siiyey Imaaraadka, una celinaya lacagtii lagala wareegay 2018

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta dowladda Imaaraadka ka raali galiyay dhacdadii bishii April 2018 ay dowladda Soomaaliya ugala wareegtay lacag laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

Rooble ayaa hadalkan lama filaanka ah maanta ka sheegay Muqdisho, xilli uu dowladda Imaaraadka Carabta ka guddoomay deeq gargaar ah, oo ay ugu talo gashay caawinta dadka abaartu saameysay.

Deeqda ayaa waxaa Rooble ku wareejiyey safiirka Imaaraadka Carabta ee Muqdisho Maxamed Al-Cusmaani.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

Rooble oo dowladda Imaaraadka uga mahad-celiyay garab istaaggeeda Shacabka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay ka go’atahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ee walaalaha ah.

Bishii April 2018, dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigtay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo garoonka Muqdisho uga soo degtay safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho, taasi oo horseeday in Imaaraadka ay joojiyaan tababarkii ay siin jireen ciidamada Soomaaliya, xiriirka labada dalna uu gaaro meeshii ugu xumeyd.

Dowladda federaalka ayaa sheegtay lacagtaas in loogu talo-galay in arbushaad siyaasadeed looga sameeyo dalka, balse Imaaraadka ayaa ku dooday inay ugu talo-galeen mushaharka militariga Soomaaliya, oo qeyb ka mid ah ay xilligaas tababari jireen.

Tallaabada uu maanta uu qaaday Rooble, ee uu ku bixiyey raali-gelinta, ayaa muujineysa siyaasad cusub oo xukuumadda ay qaadatay, kadib markii Farmaajo uu xiriirka Imaaraadka Carabta u xumeeyey sababo la xiriira dagaalka kala dhaxeeya Qatar. 

Rooble ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid laba goor la kulmay safiirka Imaaraadka ee Muqdisho, waxaana muuqatay inuu isku dayayo inuu hagaajiyo xiriirka Abu Dhabi, oo muhiim u ah ganacsiga Soomaalida. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa dhici doono haddii illaa March aanay Soomaaliya dooran madaxweyne cusub?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa hal sano dib u dhacday, wuxuuna dalka ku jiraa qalqal amni iyo mid siyaasadeed, waxaase hadda bannaanka timid dhibaatada dhaqaale ee kusoo wajahan Dowladda Soomaaliya haddii aan la helin doorasho.

Dakhliga ay gudaha kasoo xareyn jirtay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hoos u dhacday iyadoo ay dalal badan joojiyeen kabkii miisaaniyadeed oo ay siin jireen Soomaaliya Bishii December ee sanadkii dhammaaday.

Madaxda Dowladda Federaalka ah waxaa laga soo xigtay inay hayaan mushaarka shaqaalaha iyo ciidanka illaa Bisha March ee sanadkaan.

Haddaba wixii ka dambeeyo Bisha March maxaa dhici doona waa su’aasha ugu badan ee walaaca ku heysa dadka dowlad ku noolka ah?

Dhawaan safiirada dowladaha Caalamka waxay la hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isulwasaare Rooble labadaba, waxayna u sheegeen inay istaagi doonaan dhammaan kaalmooyinka la siiyo Soomaaliya wixii ka dambeeyo bisha March ee sanadkaan 2022 haddii aysan dhicin doorashada madaxweynaha  ugu dambeyn bishaas.

Sidoo kale, Talaadadii safiirada Beesha Caalamka ee ku sugan Soomaaliya waxax la kulmeen Golaha wada-tashiga Qaran, waxay u sheegeen inay istaagi doonaan dhammaan kaalmooyinka wixii ka dambeeyo bisha March, waxayna ku adkeeyeen ahmiyadda ay leedahay in doorashada xubnaha golaha Shacabka, tan gudduunka iyo midda madaxweynaha in lagu qabto bisha March ee sanadkaan.

Reerka Galbeeddka waxay bixiyaan ku dhawaad 60% miisaaniyadda Xukuumadda Soomaaliya, kaalmada ciidamada AMISOM, horumarinta iyo daadajinta maamulada xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo caawimaad kale ayey reer galbeedku si joogto ah u bixiyaan taasoo ah shidaalka dhabta ah oo ay ku socoto dowladnimada Soomaaliya.

Inay arrimahaan istaagaan waxay culeys aan la qaadi karin ku tahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada intaba.

Xukuumadda xil-gaarsiinta ah ee Soomaaliya waxay dhawaan isku dayday inay xirto miisaaniyadii 2021 si miisaaniyad cusub loo abuuro laakiin waa ku dhcii weysay maadaama ay ogtahay inay kaalmadu istaagi doonto wixii ka dambeeyo bisha March.

Xukuumadda waxay go’aansatay in miisaaniyadii sanadkii 2021 lasii durjiyo oo la gaarsiiyo illaa Bisha March oo xilligaas la xiro inta ka horeysana lagu shaqeeyo miisaaniyadii hore.

Amisom in lagu wareejiyo ammaanka madaxtooyada iyo arrimaha la rabo in lagu xaliyo doodda R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka wada-tashiga Qaran ayaa sii socon doono maalmo kale kadib markii madaxda maamul Goboleedyada iyo Ra’isulwasaare Rooble isku raaci waayeen qodobkii uu Ra’isulwasaaraha ku dalbaday in lagu wareejiyo ammaanka guud ee Dalka.

Laba maalmood oo ay socotay dooda qodobkaan kadib hadda waxaa lagu balamay in wada-tashi hoose loo laabto oo caawa isku soo laabtaan dhinacyada.

Sida ay sheegeen xubno kamid ah madaxda Maamulada markii ay adkaatay dooda qodobkaan la xiriira waxaa loo gudbay in mowduuca la jajabiyo oo qeyb laga qaato qeybna la tuuro.

Tusaale, dhanka Ra’isulwsaaraha waxay keeneen dood ku saabsan sida la isku aamini karo oo madaxtooyada loogu wada shaqeyn karo iyadoo la ogyahay wixii dhacay 27 Bishii hore.

Iyadoo goluhu uu ka jawaabayo walaacaas amni waxaa miiska la keenay aragti ah in ciidanka AMISOM lagu wareejiyo ammaanka guud ee madaxtooyada oo banaanka loo soo saaro dhammaan ciidamada Soomaalida ah ee labada Nin kala taabacsan si meesha looga saaro cabsida ku saabsan inuu Farmaajo mar kale isku dayo wax la mid ah talaabadii foolxumada aheyd ee uu qaaday.

In ciidamkoada Soomaalida ah la geeyo Koontaroolada bannaanka ah ayaa ku jirtay dooda. Sida ay wararku sheegayaan dhanka Ra’isulwasaaraha ma diidin aragtidaas, laakiin lama oga inuu Farmaajo aqbali doono in dhammaan ciidamada Soomaalida ah laga saaro gudaha madaxtooyada.

Waajibaadka AMISOM waxaa kamid ah inay sugaan Amniga madaxda Dalka iyo xarumaha muhiimka ah. Qodobka kale ee dooda Amniga laga qaatay ayaa ahaa in Goluhu soo jeediyo in la badalo taliyaha ciidamada Xoogga Dalka Odawaa Yuusuf Raage iyadoo laga heshiinayo cidda lagu badali doono.

Qodobkaan waa aragti miiska taalay, laakiin looguma dul shaqeyn shaqeyn sida qodobka la xiriiray in AMISOM lagu wareejiyo Ammaanka madaxtooyada.

Qodobadaan waa dood weli taagan ee ma ahan go’aan. maadaama la isku mari waayey qodobkii ahaa Ra’isulwasaare Rooble amniga guud halagu wareejiyo waxaa xal loo arkay in xoogaa dooda la fududeeyo oo qodobo kale la abuuro ayey leeyihiin madaxdii aan la hadalnay.

Caawa la filayaa in qodobka amniga go’aan laga gaaro si loogu gudbo qodobada kale ee doorashada la xiriira

‘Muqdisho oo qarka u saaran halista DAGAAL sokeeye’

0

FARMAAJO WAA NIN SIDEE AH?

Dagaal sokeeye waa wax Ilaahay laga magangalo, wax lagu degdegana maaha haddii aanay jirin waxyaabaha sababikara dagaal sokeeye oo la isku badbaadinayo. Dhaqamada khatarta ah ee Farmaajo ayaa sababikara halista dagaal sokeeye oo ka dhaca Muqdisho. Dagaal sokeeye wax lagu degdego maaha, Farmaajana wax la sii eegankaro maaha.

Farmaajo waa nin waxa uu ku hadlo ay beentahay, waxa uu bixiyo ay laaluush tahay, waxa uu ku mashquulsanyahay ay shirqool tahay, waxa uu amrana ay dhagartahay. Waa nin ay kala tageen isaga iyo wadaninimo, dawladnimo iyo qaranimo kana doortay qabiil iyo xukun jacayl ah dhuxul dambas huwan, waa nin ku shaqaysta qabiil iyo danayste uu xusho oo ah maangaab la mid ah caws iyo biyo ku nool, waa nin arxan-laawe ah, dilaa ah, ciil-qabe ah oo dembikasta oo xun u gala kursiga iyo aargoosi, waa nin la aamusan xumaan iyo cadaawad, waa nin ay ka go’antahay inuu noqdo oo ku faano Afwerkiga Somalia oo ah duruusta uu siiyo macallinkiisa, Isaias Afwerki oo dadkiisii ka dhigay wax carara, wax uu laayo iyo wax uu xoog ku haysto, dalkiisana loo yaqaan Kuuriyada Waqooyi ee Afrika. Waa kaas Farmaajo, waa kelitaliye ma naxe ah, waa halis qaran.

FARMAAJO YAA XUKUMA OO KU HAYA VILLA SOMALIA?

Farmaajo waa nin ay toos u xukumaan Abiy Ahmed iyo Isaias Afwerki oo la tashada tallaabakasta oo uu qaadayo, horena ugu hibeeyay dalka iyo dekedaha Somalia taas oo uu dhaafsaday in lagu hayo xukun kelitalisnimo qabiil inta uu nool yahay (life-long dictator), iyaga ayaa ku amra inaanu ka bixin Villa Somalia iskuna dhejiyo kursiga, doorashadana horjoogsado, waana heshiiskii dhagarta iyo khiyaamada qaran huwanaa ee loo maleegay Somalida Geeska Afrika laguna saxeexay caasimada Axmaarada, Bahardaar 2018.

Abiy Ahmed, oo ah dembiile dilaa ah oo dalkiisa iyo dadkiisa ku burburiyay xukun jacayl, waa ogyahay in haddii laga adkaado Farmaajo uu waayayo dekedaha uu Farmaajo sida sharcidarrada ugu saxeexay, markaas waa inuu markasta ku qasbaa inuu xoog ku joogo madaxtooyada ilaa uu dekedaha gacanta ku dhigo. Farmaajo haddii aanay Beesha Caalamku sandullayn, xoogna uga saarin madaxtooyada, waxa keliya oo uu Farmaajo kaga baxayo Villa Somalia waa dagaal sokeeye.

MAXAA SABABIKARA DAGAAL HALIS AH OO KA DHACA MUQDISHO?

Muqdisho waxay qarka u saarantahay dagaal sokeeye sababta oo ah waxaa si cad uga jira waxyaabaha sababa dagaalka sokeeye. Dagaal sokeeye waa lama huraan marka kelitalisnimo qabiil laasho dastuurka iyo laamaha dawladnimada, ciidan qabiil laguu dhisto, doorashada lagaa horjoogsado, lagaa qaado xorriyadda hadalka iyo dhaqdhaqaaqa, sharaftaada iyo cirdigaaga meel looga dhaco, cabsi iyo cabburin aad ku nooshahay, hal-doorkaaga mid mid loo dilo, hantidaada la boobo laguna koriyo qabiil gaar ah, lagugu gumaysato degaankaaga, horumarka iyo shaqadu istaagaan iwm.

Dadka Muqdisho ayaa maanta ku nool xaaladaas, waxayna runtii qarka u saarantahay dagaal sokeeye oo ay iskaga xorayso kelitalisnimada Farmaajo ee laga xukumo Addis Ababa iyo Asmara iyo kooxdiisa isla markaana lagu badbaadinayo lahaanshaha Somaliyeed ee dalka, qaranimada iyo dawladnimada. Noloshu waxay qiimo leedahay markaad haysato nabad, xorriyad iyo sharaf aad ku raadsato nolol iyo horumar, cadowgaaguna aanu haweysan #dhulkaaga, #qaranimadaada iyo #dawladnimadaada.

MUXUU FARMAAJO KU MASHQUUL YAHAY, YAA LA TASHA, MUXUU MAAGANYAHAY?

Farmaajo kuma mashquul aha nabadda, horumarka iyo maslaxadda ummada, waxaa uu mashquul ku yahay ciidan dhis iyo inuu Muqdisho ku wareejiyo xeryo ciidan daacad u ah si uu magaalada dagaal ugu qabsado una laayo cidkasta oo ka soo horjeeda. Waxaa uu xiriir joogto ah la leeyahay Sirdoonka Eritrea oo kala taliya sidii uu dalka ugu qabsanlahaa ciidan iyo siduu u laynlahaa cidda ka soo horjeeda xukunkiisa. Markaas waa waajib lama huraan ah in kelitaliye Farmaajo la iska xoreeyo oo la iska badbaadiyo inta aanu xoogaysan oo ummadda u horseedin xasuuq, qax iyo burbur. Xaaladu waa qaylodhaan qaran.

Abiy, Farmaajo iyo Afwerki

W/Q: Ibrahim Hassan Gagale

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Sheekh Xasan Nasrallah oo erey ka careysiiyey Sacuudiga ku qeexay Boqor Salmaan

Beirut (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in Xizbullah ay halis ku tahay amniga Carabta kadib markii hoggaamiyaheeda Sheekh Xasan Nasrallah uu Boqor Salmaan ku calaamadeeyey “argagixiso”.

Hadalladii ugu dambeeyey ee ay is-weydaarsadeen labada dhinac ayaa yimid ayada oo xiisad ay u dhaxeyso Lubnaan iyo dalalka Khaliijka, taasi oo ku aadan dagaalka Yemen, iyo eedeymaha Sacuudiga ee ah in Xizbullah ay qeyb ka tahay dagaalka.

“Riyadh waxay rajeyneysaa in xisbiyada siyaasadda ay ahmiyad siin doonaan danaha Lubnaan, iyo soo afjaridda maamulka argagixisanimo ee Xizbullah ee dalka,” waxaa sidaas AFP u sheegay safiirka Sacuudiga ee Beyruut Waleed Bukhari. 

“Dhaq-dhaaqyada argagixiso ee Xizbullad iyo dhaqankeeda militari ee gobolka waxay halis ku yihiin amniga Carabta,” ayuu yiri.

Hadalka Waleed ayaa yimid kadib markii Sheekh Xasan Nasrallah, oo ah hoggaamiyaha kooxda Xizbullah ee Iran ay taageerto, uu Boqor Salmaan ku qeexay “argagixiso” kuna eedeeyey Sacuudi Carabiya inay ka faa’iideysato argagixisada Islaamiga ah.

Dabayaaqadii October, Riyadh ayaa hakisay xiriirkii diblomaasi ee kala dhaxeeyey Lubnaan kadib markii wasiirka warfaafinta dalkaas uu cambaareeyey farogelinta militari ee ay ka waddo Yemen. 

Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacuudiga ayaa goor dambe sheegay in awoodda sare ee Xizbullah ay ku leedahay Lubnaan, ee hadalka wasiirka kaliya aanay aheyn, sababta ay Sacuudiga u jareen xiriirka.

Tan iyo markii uu dagaalka Yemen billowday, Sacuudi Carabiya ayaa si joogto ah ugu eedeyneysay Iran inay hub u qeybiso kooxda Xuutiyiinta, halka Xizbullah ay tababar siiso dagaalyahanada.

Tehran waa ay beenisaa eedeymahaas, Xizbullah-na horey ayey u beenisay inay dagaalyahano iyo hub u dirto Yemen. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Faah-faahin ku saabsan dagaalkii ay AL-SHABAAB kusoo qaadeen BAXDO

0

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Cadaado ayaa sheegaya in aroornimadii hore ee saakay dagaalamayaasha Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen qeybo ka mid ah deegaankaasi.

Dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dagaalyahanada Al-Shabaab weerar xoogan oo dhowr jiho ah ku qaadeen deegaanka Baxdo, waxaana ay halkaasi iska caabin xoogan kala kulmeen Al-shabaab dadka deegaankaasi, iyadoo mudadii uu dagaalka socdayna la isku adeegaaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida ay dadka deegaanka u sheegeen Caasimadad Online, dagaalka ayaa ahaa mid aad u xoogan islamarkaana wuxuu xoogiisa ka dhacay gudaha deegaanka Baxdo, waxaana la soo warinaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, walow aanan la xaqiijin karin inta uu gaarsiisan yahay khasaaraha.

Al-shabaab ayaa dib looga saaray gudaha deegaanka Baxdo, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka Shabaab saakay kula wareegeen deegaanka Baxdo oo markii dambe lasoo sheegay in dib looga saaray.

Al-shabaab ayaa inta badan weeraro noocaan oo kale ah waxay horay ugu qaadeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan maamulka Galmudug oo ay ku wada sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Galmudug.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Abaabulka dibad-bax weyn oo ka socda MUQDISHO iyo xilliga uu dhacayo + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda abaabulka dibadbax kale oo looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December lagu qaaday xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo xarunta xukuumadiisa.

Dibadbaxan ayaa waxaa qeyb ka ah siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan xukuumadda, maadama ay dhawaan si wada-jir ah u cambaareeyen isku-deygii afgmabi ee uu horkacayay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wasiirkii hore amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey in dibadbaxaas uu dhacayo maalinta Khamiista ee soo socota oo ku taariikheysan 13 January ee 2022-ka.

Sida uu sheegay Fiqi waxaa sidoo kale banaanbaxaas lagu dalbanayaa doorasho daahfuran iyo amniga dalka oo gacan aamin ah ku jira, xilli uu shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ay isku mari la’yihiin in amniga guud ee dalka lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Shacabka Muqdisho ayaa iska leh maalinkaas!,” ayuu ku yiri Fiqi qoraal kooban oo uu ku shaacinayay banaanbaxa dhacaya Khamiista soo socota.

Banaanbaxan ayaa kusoo aadaya mid maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo huteel la iskugu keenay haween, kaasi oo ay soo abaabuleen maamulka gobolka Banaadir iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa la rumeysan yahay in banaanbaxa looga soo horjeedo afgambigii fashilmay ee 27-kii December iyo madaxweynihii hore uu ka baaxad weynaan doono, midka saaka huteelka la iskugu keenay ee ka dhacay Muqdisho.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada shirka haatan u socdo Golaha Wadatashiga Qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wararkii ugu dambeeyay xiisadda dagaal ee Puntland

0

Garoowe (Caasimada Online) – Xiisadii dagaal ee maalmihii u dambeeyay ka taagneyd tuulada Saax-maygaag ee dulaadka caasimada Puntland ayaa lagu guuleystay in la dejiyo, kadib markii uu halkaas gaaray wafdi ka socda maamulka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan deegaanka Saax-maygaag ayaa xabad joojin dhex dhigay labada maleeshiyaad beeleed ee ku dagaalsana deegaankaas.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, wafdiga uu hogaaminayo Karaash ayaa qorsheynaya in shir weyne nabadeed lagu dhex-dhexaadiyo beelaha dirirtu ka dhaxeyso, kadib markii ay xabad joojintu si rasmi ah u dhaqan gashay.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa hoggaamin doona Shirka nabadeynta ah oo maanta dhici doona, kaasi oo sida uu qorshuhu yahay ka wada qayb-geli doonaan dhammaan Isimada iyo Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka.

Labadii bishaan ayey aheyd markii labo maleeshiyaad beeleed uu dagaal xoogan ku dhex-maray tuulada Saax-maygaag, waxayna xiisadan ku saleysan tahay deegaameynta deegaankaas oo u dhaxeeya degmada Boocame ee gobolka Sool iyo tuulada Birta dheer ee gobolka Nugaal.

Khasaaraha dagaalkaas ayaa waxaa la xaqiijiyey inay ku dhimatay lix ruux oo ka tirsan dhinacyadii dagaalamayay, ayada oo ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof oo kale.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii xal laga gaari waayey muranka ka taagan nidaamka deegaameynta, waxaana colaadan ku barakacay qoysas badan, xilli ay abaar iyo xaalad bini’aadanimo ka jirto gobolka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

DF iyo Midowga Afrika oo ku heshiiyey qorshaha wax ka bedelka shaqada AMISOM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howl-galada AMISOM ayaa la kordhiyey ilaa bisha March ee sanadkaan, kadib markii ay si wada-jir ah isugu afgarteen Soomaaliya iyo Midowga Afirka, sida ay mustaqbalka dhow noqoneyso shaqada iyo howl-galada AMISOM.

Waxaa la isku afgartay oo kale in shaqada ugu weyn ee howl-galka ay noqoto markaan dagaalka ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, ayada oo loo helayo maal-gelin cad, si howshaas loo dardar-geliyo.

Guddiyo farsamo oo labada dhinac ah ayaa ka fariisan doona Januray 10-keeda, ayaga oo muddo 30 maalin ah kusoo afjari doona qorshaha iyo qaabka uu noqonayo howl-galka ee ay ku heshiiyeen, kaasi oo la hordhigi doono February 11-keeda golaha nabadda iyo amniga ee midowga Afirka.

Soomaaliya ayaa sanadkii ugu dambeeyey waxaa ay wadday qorshaha kala-guurka ee loo yaqaan Somali Transition Plan (STP), wuxuuna qorshahan dhigayaa in AMISOM ay Soomaaliya sii joogto ilaa 2023, iyada oo Soomaalidana si aayar ah loogu wareejiyo meelaha xorta ah.

Sida ku xusan documtiyo kulan dhex-maray African Union Commission iyo dowladda Soomaaliya oo dhacay 18 illaa 19-kii August ee sanadkii dhamaaday, waxaa meel fiican laga gaaray, la iskuna afgartay hirgelinta qorshaha STP, waxaa lasoo jeediyey la hormariyo hannaanka hoggaanka iyo go’aan qaadashada AMISOM ee heerarka FHQ, iyada oo lala kaashanayo UN-ka iyo beesha caalamkana la dejinayo hannaan isbadal oo la taaban karo.

Waxa kale oo soo jeedintaas qeyb ka ahaa in Soomaalida ay magacawdo kooxo kala shaqeysa Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, midowga Yurub iyo Ingiriiska sidii loo heli lahaa qaabka howl-galada iyo maalgelinta ee wixii ka dambeeya 2021.

AMISOM ayaa dalka soo gashay 2007-dii, waxaana halkii askari ku baxdo bishii ilaa $1,000 oo aaney ku jirin qalab iyo caafimaad, sida la ogyahayna ma gelin wax dagaalo ah 7-dii sano ee ugu dambeysay.

Howl-galka AMISOM ayaa noqday mid fadhiid ah oo ay ku ilaashadan biil uun, ayada oo marba marka ka dambeysana loo soo kordhiyey sii joogitaankooda.

Intii uu socday howl-galka lacag macaashka ah waxay kooxda Al-Shabaab ay dib ula wareegtay goobo xor ahaa, ayada oo argagixisada u xiran yihiin jidad muhiim ah oo ka baxa caasimada ee aada gobolada, halka magaalooyinka iyo degmooyinka qaar aanay adeeg iyo gargaar midna geyn karin xubnaha dowladda federaalka.

Xukuumadda Muqdisho ayaa go’doon ku jirta, waxayna midaasi caddeyn u tahay shaqo fadhiidka howl-galka midowga Afrika iyo marin-habaabinta ururkaasi ee uu howl-galkooda uu 15 sano jirsaday.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Wareysi: Maxaa muhiim ka dhigaya in FARMAAJO laga wareejiyo amniga qaranka?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo, haatana ah Madaxa Machadka cilmi baarista ee Hiraal Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sharaxay qaabka ay ku suurta geli karto in amniga qaranka laga wareejiyo Farmaajo oo lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Qodobka ugu weyn ee la dhaqaaji waayey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka waa sidee amniga guud ee qaranka loogu wareejiyaa Ra’iisul Wasaare Rooble? Xilli dhawaan ay xubnaha Midowga Musharixiintu soo jeediyeen in amniga dalka toos loogu wareejiyo Ra’iisul Wasaaraha.

Xuseen Macalin ayaa ugu horeyn sheegay in Soomaalidu ay fasiraad qaldan ka heysto awooda madaxweynaha ee ah Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, isagoo sheegay in ciidanka sharcigu xusay uu yahay militeriga oo kaliya.

“Awooda Madaxweynaha iyo meesha uu kasoo galo amniga hadii aan sharaxo, maxadweynuhu waa taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, laakiin sida dastuurka ku qoran ciidamada qalabka sida waa militeriga oo kaliya, marka uu awooda taliyaha adeegsa karana, waa markii uu dalku galo dagaal iyo xaalad deg deg ah, oo baarlamaanku uu madaxweynaha siinayo awoodo gaar ah,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Sidoo kale Xuseen ayaa sheegay in hadda ay muhiim u tahay dowladnimada Soomaaliya in amniga toos looga wareejiyo Farmaajo, maadaama ay doorasho socoto, lana aaminsan yahay in ciidanka lagu boobi karo doorashada.

“Si howsha doorashada uu u daadihiyo Ra’iisul wasaare Rooble waa in talisyada ciidamada qaranka uu toos ula wareego, taasi waxay muhiim u tahay in hab-dhaqanka ciidanka ilaaliya doorashooyinka ay is xakameeyaan oo dano gaar ah aysan fulin, Rooble maadaama uusan musharax aheyn markaas doorashadu waxay noqa doontaa mid ka madax-banaan in la isku awood sheegto,” ayuu yiri Xuseen Macalin.

Ugu dambeyntii Xuseen waxa uu sheegay in dhaqankaan ah ‘madaxweynuhu waa taliyaha guud ee ciidanka qaranka’ laga soo min guuriyey taliskii Maxamed Siyaad Barre, balse uusan ku qoreyn shuruucda dalka, sida uu sheegay.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Muxuu kusoo dhamaaday shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee maalintii afaraad?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa goordhow soo gaba-gaboobay maalintii afaraad, iyadoo aanay weli Madaxda is afgarad ka gaarin dooddihii u dhaxeeyay ee arrimaha Amniga iyo doorashada.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirka uu gelinkii hore ee maanta uu qarka u fuulay in lagu kala tago, markii dooduhu adkaadeen.

Shirka ayaa maanta waxa uu galay marxaladii ugu adkeyd, ayada oo maalinta berri oo Jimce ah ay madaxdu fasax galayaan, waxaana habeen dambe la iskugu soo laaban doono kulan kale.

Madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor-Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen oo ku xiran Farmaajo, ayaa la sheegay inay diidan yihiin in amniga dalka lagu wareejiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu yahay kan ugu xagjirsan marka ay noqoto arrinta amniga, isaga oo ku hanjabaya inuu shirka ka baxayo haddii aan la joojin doodda amniga, isaga oo gebi ahaan kasoo horjeeda in arrinta amniga laga hadlo.

Sida laga soo warinayo afhayeenada madaxda dowlad goboleedyada waxaa jira kulamo gooni-gooni ah oo caawa illaa berri ay yeelan doonaan madaxda, si la iskugu fahmo qoddobada muhiimka ah, si uu shirka u guuleysto.

Waxaa isa-soo tareysa cabsi ah in shirka uu burburi karo, ayada oo qodobka la xiriira amniga uu yahay caqabadda ugu adag ee haysata, maadama xulafada Farmaajo ay si adag uga soo horjeedan in lagu wareejiyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kadib khilaaf xoogan oo ka dhex-qarxay madaxweynihii hore.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Walaac xoogan oo ka taagan Somaliland kadib tallaabo uu qaaday maamulka Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) – Walaaca xoriyutal qowlka Somaliland ayaa kasii daraya kadib markii ay Xarunta Xuquuqal Iinsaan oo fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ay shaacisay in sanadkii dhamaaday ee 2021-ka uu ahaa sanadkii dadkii ugu badnaa lagu xiray Somaliland.

Dadka sanadka galbaday lagu xiray Somaliland ayaa isugu jira Suxufiyeen, Suugaan-yahano iyo dad kale oo shacab, sida lagu shaaciyey warbixin kasoo baxday xarunta HRC.

HRC ayaa shaacisay in dad kor u dhaafaya 114 qof ay xukuumadda Somaliland xirtay sanadkii tagay, oo dhamaantood sifo aan sharci aheyn oo dastuurka khilaafsan loo xiray, kuwaasi oo qeyb ka ah xaalado soo noq-noqday oo ah tacadiyo Xuquuqal Insaan.

“Cabudhinta aragtiyaha, xadhigga warbaahinta madaxa bannaan iyo xadhigyo tiro badan oo sharci-darro ah ayaa waxay caadi iyo caado ka noqdeen Somaliland gudaheeda,” ayaa lagu yiri qoraalka xarunta HRC.

Sanad walba xaruntu waxa ay soo bandhigta tacadiyo iyo gefaf xuquuqal insaan oo la xiriira arrimo ka dhan ah xuquuqda aadamaha oo ay diiwaan galiso inta u dhaxaysa bilaha January illaa December.

Xaruntu waxay walaac xoogan ka muujisay in sanadkan 2021 uu noqday sanadkii ugu xariga badnaa marka la barbar dhigo sanadihi hore xarigyadii ay xaruntu diiwaan galisay.

“Dadka dhammaan tood waxa lagu wada xidhay qoraalo ay baraha bulshada ku qoreen ama ay warbaahinta la wadaageen. Arrintaas oo runtii ka hor imanaysa mabaadiida uu ku dhisan yahay Dastuurka Jamuuriyadda Somaliland.”

Ugu dambeyntiina xaruntu waxay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi u soo jeedinaysay arrimahan hoos ku xusan;

  1. In la joojiyo xadhiga lagula kaco warbaahinta madaxa-banaan, siyaasiyiinta iyo dadka aragtiyahooda cabira ee dowladda dhaliila.
  2. In la ixtiraamo xuquuqaha uu dastuurku damaanad qaadayo ee la xidhiidha xorriyadda hadalka iyo aragti dhiibashada.
  3. In booliska dib u habayn ballaadhan lagu sameeyo, lana joojiyo sifaha siyaasadaysan ee marar badan loo adeegsado.
  4. Sidoo kale in la helo cid ka garnaqda khaladaadka iyo tacadiga booliska marar badan u gaysto bulshada.
  5. In la dhowro xuquuqda maxaabiista saldhigyada ku xidhan lana daryeelo.
  6. In ay dowladu hoos eegto lana socoto xaaladda ay ku sugan yihiin dad ka dalka gudihiisa ku barakacay.
  7. Ugu danbayna xaruntu waxay soo jeedinaysa in xeer lagu xakameeyo loo helo tacadiyada haweenka ka dhan ah.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Sawirro: Dibad-bixii maanta ee Muqdisho oo kusoo koobmay haween iyo hoteel

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Isu-soo-bax ay soo abaabuleen maamulka gobolka Banaadir iyo taageerayaasha madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Isu-soo-baxa ayaa ahaa mid ay dhigayeen kaliya haween, kana dhacay hotel magaalada ku yaalla, ayada oo haweenka ka qeyb-galay ay muujiyeean dareenkooda ku aadan xaaladda dalka iyo is-mari waaga siyaasadeed.

Hal ku dhigga haweenka ayaa ahaa “Dagaal maya, doorasho haa,” ayada oo sida muuqata ay ku weerarayeen ra’iisul wasaare Rooble iyo Midowga Musharaxiinta, xilli laga cabsi qabo in magaalada ay mar kale soo galaan ciidamada Badbaado Qaran.

Qaar ka mid ah haweenkii ka hadlay madasha ayaa cod dheer ku sheegay in ay u baahan yihiin nabad iyo in laga fakiro mustaqbalka fog ee Soomaaliya.

“Annaga nabad ayaan rabnaa ilmaha dhammaanaayo annaga ayaa dhalnay,” ayey tiri mid ka mid ah haweenka ka hadlay kulanka.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadashay guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Axmed Gaballe oo farriin culus u dirtay madaxda Soomaaliyeed ee ku shirsan magaalada Muqdisho, ayada oo ugu baaqday inay xal gaaraan.

Batuulo ayaa sidoo kale sheegtay in aysan doonin haweenka Soomaaliyeed in la baabi’iyo dowladnimada, sidoo kalena la burburiyo qaranimada Soomaaliya.

“Dowladnimada in la baabi’iyo ma ogolin, qaranimada in la burburiyo ma ogolin,” ayey tiri guddoomiye Batuulo Axmed Gaballe oo gabagabadii khudbad ka jeedisay goobta.

Soomaaliya ayaa hadda wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay muranka doorashooyinka, waxaana isha lagu wada hayaa natiijada shirka haatan u socdo Golaha Wadatashiga Qaran.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii

Maxaa ka jira inuu burburay shirka Golaha Wadatashiga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey inuu weli socdo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho, xilli ay baraha bulshada qabsadeen warar ku saabsan inuu burburay.

“Wararka sheegaya inuu shirka burburay waxba kama jiraan, shirka weli waa socdaa, anigaa hadda jooga,” ayuu yiri il-wareed ku sugan shirka oo la hadlay Caasimada Online.

Sidoo kale, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Macallimuu ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku xaqiijiyey in shirka uu weli socdo, isaga oo ka digay wararka aan wanaagsaneyn ee laga faafinayo.

“Xumaan ha warin. Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran waxa uu galay maalinkii 4aad, waxa socda doodo adag oo ay Madaxdu ka yeelanayaan qodobo quseeya hufnaanta doorashada iyo amniga. In si qalbi furnaan ah loo doodo waxa ay dawo u tahay in xal kama dambeys ah laga gaaro qodobada lagu kala aragti duwan yahay,” ayuu yiri Macallimuu.

“Kulamda Madaxdu waa kulamo guud iyo kuwa gaar gaar ah. Dadka baraha bulshada xumaanta ku warinaya ee la wareegaya wararka dhiilada xambaarsan ee xaqiiqda ka fog waxa wanaagsanaan laheyd in dalka iyo dadkaba ay u rajeeyaan wax wanaagsan.”

Si kastaba, waxaa jirta cabsi ah in shirka uu burburi karo ayada oo qodobka la xiriira amniga uu yahay caqabadda ugu adag ee haysata.

Madaxweyne goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Qoor Qoor iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, oo ku xiran Farmaajo, ayaa la sheegay inay diidan yihiin in amniga dalka lagu wareejiyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa la sheegay inuu yahay kan ugu xagjirsan marka ay noqoto arrinta amniga, isaga oo ku hanjabaya inuu shirka ka baxayo haddii aan la joojin doodda amniga, isaga oo gebi ahaan kasoo horjeeda in arrinta amniga laga hadlo.

Waxaa hadda socda kulamo gooni gooni ah, oo xal loogu raadinayo caqabadaha haysta shirka.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose:

iPhone: Halkan Click sii
Android: Halkan Click sii