27 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Madaxweyne Ashraf Ghani oo ka cararay Afghanistan iyo wararkii ugu dambeeyeey

Kabul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa dalka isaga tegay, isaga oo ku biiray muwaadiniin iyo ajaaniib ka cararaya dalka, xilli Taliban ay isku diyaarineyso inay qabsato magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Laba sarkaal ayaa wakaaladda wararka AP u xaqiijiyey in madaxweyne Ghani uu dalka ka duulay. Sidoo kale Abudllah Abdullah oo ah madaxa Golaha Qaran ee Dib u Heshiisiinta Afghanistan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Ghani uu dalka ka baxay.

“Madaxweynihii hore ee Afghanistan waa uu ka tegay Afghanistan, wuxuuna dalka uga tegay xaalad adag,” ayuu yiri Abdullah Abdullahi. “Allah ayaa la xisaabtami doona.”

Wararka ayaa sheegaya inuu gaaray dalka deriska ah ee Tajikastan.
Taliban ayaa maanta hareereysay magaalada caasimadda ah ee Kabul, waxayna dowladda ka dalbatay inay si nabad ah xukunka ugu soo wareejiso.

Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera inay sugayaan “In si nabdoon loogu soo wareejiyo magaalada Kabul.” Waxa uu diiday inuu faah-faahin ka bixiyo wada-xaajoodyada ay kula jiraan dowladda.

Si kastaba, Shaheen ayaa sheegay inay doonayaan in si shuruud la’aan ah loogu wareejiyo xukunka dalka. Ma cidda xilliga ay wareejintaas dhici doonto.

Wada-xaajoodayaal ka socda Taliban ayaa ku sugan Kabul ayaga oo ka xaajoonaya xukun la-wareegista, sida uu sheegay sarkaal codsaday inaan la magacaabin. Ma cadda xilliga ay xukunka la wareegi doonaan.

Dhinaca dowladda ayaa waxaa wada-hadallada uga wakiil ah madaxweynihii hore ee dalkaas Hamid Karzai, iyo Abdullah Abdullah, oo ka mid ah dadka sida aadka ah u dhaliila Ghani, sababo la xiriira inuu diiday inuu xukunka ka tago oo uu heshiis la galo Taliban.

Madaxweyne Ghani ayaa maalmihii ugu dambeeyey ku jiray go’doon siyaasadeed, xilli hoggaamiye kooxeedyada dalka ay isku dhiibeen Taliban ama dalka ka carareen.

AP + VOA

R/W ROOBLE oo mar kale u baxaya SAFAR dibadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online)– Ra’isul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa wuxuu u baxayaa mar kale safar dabadeed kadib markii uu dhowaan kasoo noqday magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Rooble ayaa la sheegay inuu ku wajahan yahay magaalada Qaahira ee caasimadda wadanka Masar oo ah dal uu xiriir taariikhi ah kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Sida ay xogta sheegeyso, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa martiqaad rasmi ah ka helay madaxda dalkaasi, wuxuuna la kulmi doonaa Madaxweynaha dalka Masar Abdelfatah Al-Sisi iyo xubno kale oo ka tirsan Dowlada Masar.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulan wada-tashi ah la qaadan doono jaaliyadda Soomaalida ee ku sugan caasimadda Qaahira, isagoo warbixin ka siin doono xaalidihii ugu dambeeyey dalka iyo doorashada ka socoto.

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Masar ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalka dibaddiisa ku aado muddo todobaad gudihiisa, tallaabada safarkiisa ayaa loo arkaa mid uu ku soo celinayo xiriirkii xumaaday ee dalalka muhiimka ah ee Soomaaliya kala dhaxeeyay xiriirka wanaagsan sida Carabta iyo dalalka deriska inta uu xukunka hayay Madaxweyna waqtigiisa dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Todobaadkii hore Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu booqasho maalmo qaadatay ku tegay dalka Kenya, isaga oo la kulmay Madaxweynaha dalkaas Uhuru kenyata, wuxuuna kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirkii xumaaday ee labada dowladood.

Qoraal dhowaan uu soo saaray Ra’iisulwasaare Rooble, kagana jawaabayay wareegtadii ka soo baxday Madaxweyne Farmaajo ee lagu xadidayay awoodaha hey’addaha dowladda ayaa lagu caddeeyay in aanay Soomaaliya wax dan ah ugu jirin in uu xumaado xiriirka ay la leedahay dariskeeda iyo dunida inteeda kale.

Rooble ayaa dadaal ku bixiyay in Soomaaliya ay cilaaqaaad ku dhisan sinnaan la yeelato dalalka muhiimka u ah, wuxuuna socdaal ku tagay dalalka Jabuuti iyo Kenya, sidoo kale wuxuu  wada- hadalo la bilaabay dalka Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta oo xiriirro dibliomaasiyadeed, amni ,ganacsi, waxbarasho kala dhaxeeyo Soomaaliya.

JANAN oo ka hadlay kasoo goosashada Villa Somalia, shaaciyeyna musharaxnimo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Jubbaland, Cabdirashiid Janan ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka sheegaya in uu baxsad ka yahay Villa Somalia, islamarkaana uu u galay Midowga Musharaxiinta Mucaaridka.

Cabdirashiid Janan oo magaalada Muqdisho ku qabtay munaasibad uu ku shaacinayo musharaxnimadiisa xildhibaanimo ee Aqalka Hoose ee DFS, ayaa beeniyay in uu fakaday, balse uu ka guuray hoygii hore ee uu ka deganaa magaalada Muqdisho.

“Waxaa maqleysanaa Cabdirashiid waa Fakaday, horta aniga ma fakan weykan, xiliga uu dalka ku jiro iyo xaalada aan mareyno, aqligeeda iyo aragtideeda ma lihi shacabkii aan shalay u naxay iyo colaadii aan damiyey aan dib u soo celiyo,” ayuu yiri.

“Nin dagaalamaya oo mucaarid ah oo raba in uu qof mucaarido oo raba in uu dagaal galo ma ihi mana ahaan karo. Dalka doorasho ayuu ku jiraa.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu sameeyay aag badalasho kadib markii uu maalmihii dambe ka guuray hoy u dhawaa xarunta Nabadsugida oo uu deganaa, islamarkaana aysan jirin in uu baxsad ka yahay dowladda federaalka.

“Waxaa deganaa guryo ku dhagan xarunta Nabadsugida oo si gaar ah u deganaa, waxaa raadinayay meel halkaas ka munaasibsan oo aan dego, xaafad ayaa kasoo guuray oo xaafad kale ayaa degay ma aha in aan cid la dagaal-sanahay.”

Arrintan ayaa kusoo aadeysa xili ay soo baxayaan warar sheegaya in Cabdirashiid Janan uu khilaaf xoogan soo kala dhex-galay madaxda sare ee dowladda federaalka, islamarkaana uu ka goostay, kadib markii looga baxay balamo lala galay oo ay ka mid tahay inuu noqdo Xildhibaan.

Hoos ka daawo muuqaalka Cabdirashiid Janan

Madaxweynaha Afghanistan oo is-casilaya iyo Taliban oo xukunka la wareegeysa

Kabul (Caasimada Online) – Madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa xukunka iska casili doona saacadaha soo socda, kadib markii kooxda Taliban ay soo gashay magaalada caasimadda ah ee Kabul.

Dowladda ayaa xukunka si nabad ah ugu wareejin doonta Taliban, ayada oo wax dagaal ah uusan ka dhicin Kabul, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Abdul Sattar Mirzakwal.

“Shacabka Afghanistan yeysan welwelin. Ma jiri doono wax weerar ah oo lagu soo qaado magaalada, waxaana xukunka si nabad ah loogu wareejin doonaa dowlad ku-meel gaar ah,” ayuu yiri 

Dagaalo ayaa saacadihii hore ee maanta ka dhacay koonfurta iyo waqooyiga Kabul, inkasta oo afhayeen u hadlay Taliban uu sheegay inay amreen ciidankooda inaysan xoog ku qabsan magaalada, oo dowladda laga sugo inay xukunka iska soo wareejiso.

Suhail Shaheen ayaa intaas ku daray in kooxda aysan sidoo kale dooneyn inay cidna ka aargudato, wuxuuna sheegay in dhammaan dadkii u shaqeeyey dowladda iyo milatariga la cafin doono. 

Sarkaal kale oo ka tirsan Taliban ayaa sheegay in ajaaniibta ku sugan Kabul ay dalka isaga tagaan ama ay joogitaankooda ka diiwaan-geliyaan maamulka Taliban, marka ay xukunka dalka la wareegaan.

Shacabka qaarkood ayaa safaf dhaadheer ugu jira bankiyada si ay lacagahooda ugala baxaan kahor inta aanay ka idlaan. 

Dhammaan diblomaasiyiinta Mareykanka ayaa Kabul looga daad-gureynayaa helicopters, waxaana magaalada ku hari doona wax ka yar 50 shaqaale.

Sidoo kale, shaqaalaha Midowga Yurub ayaa la geeyey goob ammaan ah oo aan la shaacin, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan NATO. Sidoo kale UK ayaa sheegtay inay ka shaqeyneyso in muwaadiniinta British-ka ah la badbaadiyo.

Si kastaba, Ruushka oo lagu xanto inuu xiriir hoose la leeyahay Taliban ayaa sheegay inuusan wax qorshe ah ka laheyn inuu saraakiishiisa ka qaado magaalada Kabul.

Magaalada Kabul ayaa aheyd tan kaliya ee ku harsan gacanta dowladda kahor inta aysan maanta hareereyn kooxda Taliban oo soo qabsatay dhammaan magaalooyinkii kale ee dalka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya oo loo doortay Senator ka tirsan Aqalka Sare

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya, Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa kusoo baxay doorasho lagu qabtay magaalada Baydhabo, isaga oo ku guuleystay kursi ka mid ah xubaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka.

Xasan Xuseen Xaaji ayaa la tartamay musharrax Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo uu kaga adkaaday doorasho ka dhacday gudaha magaalada Baydhabo.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa helay 74 cod, halka musharraxii la tartamayey uu isna helay 14 cod, sida uu shaaciyey guddoonka golaha wakiilada ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Natiijada soo baxday ayaa marka le’eego ah mid lasii oogaa, isla-markaana xilkan horey loogu saadaalinayey wasiir Xasan Xuseen Xaaji oo ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa haatan sii soconeysa doorashada, iyada oo la guda galayo labada kursi ee kale ee ka harsan xubnaha Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhinaca Baydhabo.

Koonfur Galbeed ayaa horey usoo xushay shan Senatar, kadib doorasho dhowaan lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee dhameystira xubnaha Aqalka Sare, kadib Puntland oo dhammaan soo xushay 11-kii xubnood ee maamulkaasi.

Arday macallinkooda dugsi qur’aan ku dishay MUDUG

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug oo howlgallo ka sameeyey duleedka magaalada Gaalkacyo ayaa gacanta ku dhigay labo wiil oo la shalay in saacadihii lasoo dhaafay macalinkooda dugsiga Qur’aanka ay ku dileen gobolka Mudug.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa u sheegay Caasimada Online in ciidamada amniga oo kaashanaya bulshada deegaanka ay gacanta ku soo dhigeen laba arday ee lagu eedeeyey dilkii loo geystay Macalin Cabdisalaan Ilkawayne oo si arxan darro ah u dhacay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegay in dhalinyaradaasi loo soo gudbiyey dhinaca koonfurta degmada Gaalkacyo, isla-markaana lagu xiray saldhigga Booliska ee magaaladaasi.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka ee gobolka ayaa xaqiijiyey soo qabashada dhalinyaradaasi, iyaga oo sheegay inay haatan wadaan baaritan ku aadan dhacdadaasi.

Macalinka ayaa xilliga la dilayey ku sugnaa gurigiisa, isla-markaana hurdayey, iyada oo dilkiisa loo adeegsaday Faas & Maqaro sidaasina uu ku dhintay.

Illaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka arxan darrada ah ee loo geystay macalin Cabdisalaan oo caan ka ahaa gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya

Dhacdadan argagaxa leh, isla-markaana si aad ah loo hadal hayo ayaa shalay ka dhacday deegaanka Laan-Kadawo oo 25 KM u jira magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Waa kuma taliyaha awooda badan ee ay ka cabsadaan siyaasiyinta Koonfur Galbeed?

Baydhaba (Caasimada Online) – Degaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa maalmahaan aad loo hadal haayaa, islamarkaana ay siyaasiyiinta mucaaradka ah ka cabanayaan taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo saldhigtay magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay. 

Taliye Mahad ayaa bilooyin ka hor ka baxay Muqdisho, isagoo wata gaadiid dagaal iyo ciidamo ka tirsan Asluubta Soomaaliya, waxa uuna Baydhaba ka noqday shaqsiga loogu hadal heynta badan-yahay, waxaana aad uga cabanaya siyaasiyiinta iyo shaqsiyaadka kale ee ku dhow dhow xubnaha mucaaradka ah. 

Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ma jirto xil muuqda uu ka haayo Koonfur Galbeed, hase yeeshee waxa uu saaxiib iyo ehal dhowba u yahay Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, taasoo ka dhigtay in uu aad uga soo dhax-muuqdo siyaasiinta Koonfur Galbeed. 

Lafta-gareen waxa uu qabaa gabadha uu dhalay taliye Mahad, oo lagu magacaabo Zamzam Mahad Cabdiraxmaan. 

Ilo kala duwan waxay Caasimada Online u xaqiijiyeen in Jeneral Mahad uu kamid yahay shaqsiyaad go’aanka ugu dambeeya ka qaata waxyaabaha qaar ee quseeya siyaasadda iyo ammaanka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale siyaasiinta ka soo jeeda maamulka Koofur Galbeed waxay aad uga cabanayaan Kulane Jiis oo kamid ah shaqsiyaadka aadka ugu dhow Madaxweyne Farmaajo ee saldhigga ka dhigtay Baydhaba, todobaadyadii la soo dhaafay. 

Koonfur Galbeed, waa maamulka loogu cabashada badan yahay xiligan, waxaana isa soo taraya qeyla dhaanta siyaasiinta mucaaradka ah oo sheegay in si gaar ah loo beegsanayo. 

Lafta-gareen ayaa dhowaan liiska Aqalka Sare kusoo daray wiilal qaba laba gabdhood oo uu dhalay Jeneral Mahad, kuwaas oo kala ah; Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya oo qaba Anisa Mahad Cabdirahman, iyo Dr. Xuseen Maxamed Daahir oo qaba Ilhaan Mahad Cabdirahman. 

Urur Yahuudi Mareykan ah oo beegsi halis ah ku billaabay xildhibaan Ilhaan Cumar

0

Washington (Caasimada Online) – Qaar badan oo ka mid ah Yuhuudda ku nool dalka Maraykanka ee ka shaqeeya siyaasadda ayaa cambaareeyay weeraro iyo beegsi ay ururka Yahuudda Mareykanka ee AIPAC ay ku qaadeen Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka, waxayna ku boorriyeen kooxda inay joojiyaan ololahooda xayeysiiska ah.

Warqad la daabacay khamiistii ayaa lagu sheegay in dadkaan kasoo jeedo Yahuuda ay sidoo kale ku booriyeen AIPAC inay joojiso xayeysiimaha lagu beegsanayo haweenka ku jira Congress-ka ee kala ah, Ilhaan Cumar, Alexandria Ocasio Cortez, Cori Bush iyo Rashida Tlaib.

“Inkasta oo laga yaabo in aanan dhammaanteen ku raacsanayn aragtida iyo astaamaha haweenka Congress-ka ee arrimaha la xiriira Israel iyo Falastiin, hadana waxaan ka mideysanahay inaan cambaareyno ololahaan xayeysiiska ah oo aan kaliya ahayn marin -habaabin, laakiin keeni karta khatar ah ay rabshado dhacaan oo la beegsado xildhibaanadaas,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saareen J Street, Americans for Peace Now, IfNotNow, iyo ACLU.

“Xayeysiisyadan dhiiri-gelinta iyo kala qaybsanaanta ah ee ka dhanka ah haweenka sharci dejiyayaasha ah waa kuwa dhaqan ahaan xun, kuna saleysan nacayb iyo cunuriyad, sidoo kalena waa hanjabaad kala fiirsasho la’aan ah oo ku socota  xildhibaannadaas ka tirsan Congress-ka Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan ugu baaqeynaa AIPAC inay joojiso socodsiinta xayeysiisyadan iyo inay raalli-gelin siiso haweenka Congress-ka oo ay si cadaalad darro ah khatar u gelisay.”

Qoraalka ololaha xayeysiiska Facebook ee AIPAC, oo ah kooxda ugu saameynta badan Washington ee u ololeeya Israa’iil ayaa lagu yiri, “Kicinta nacayb ka dhan ah Israa’iil iyo faafinta beenta xun ee halista ah ee ka imaaneysa saaxiibadeena dimuquraadiga ah ma hormariso rajada nabadda.”

Golaha AIPAC ayaa soo daabacday sawirka haweeney kasta oo ka tirsan Golaha Wakiillada, iyadoo ku eedeyneysa inay ka been sheegeen Israa’iil oo ay adeegsadeen calaamado iyo erayo muujinaya midab kala sooc iyo isir sifeyn.

APIAC ayaa si gaar ah u beegsatay Ilhaan Cumar oo asal ahaan kasoo jeedo Soomaaliya, waxayna ku eedeysay inay tahay argagixiso.

“Ilhaan Cumar uma kala saarna Mareykanka iyo Taliban, Israa’iil iyo Xamaas ama Dimoqraadiyadda iyo Argagixisada,” ayaa lagu yiri qoraalkii APIAC ay ka soo saartay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Sidoo kale tallaabada ay qaaday APIAC ayaa waxaa cambaareeyey shaqaalaha Ilhaan Cumar oo ku tilmaamay inay tahay mid halis lagu gelinayo nolosha Xildhibaan Ilhaan.

Jeremy Slevin, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee xafiiska Ilhaan Cumar ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray “Luqadda AIPAC ay u isticmaasho xayeysiisyada lacagta lagu bixiyo si ay u qariso oo u aflagaadeyso Ilhaan waxay lamid tahay luuqadda loo adeegsado hanjabaadaha dilka.”

DF oo beegsatay kooxd qaati looga taagnaa Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka degmada Kaaraan iyo taliska Booliska Soomaaliyeed oo is kaashanaya ayaa xalay howl-gal ballaaran ka sameeyey qeybo ka mid ah degmadaasi, iyaga oo gacanta ku soo dhigay dhalinyaro dhibaato ku hayey deegaanka.

Dhalinyarada la soo qab-qabtay ayaa waxaa la sheegay inay dadka shacabka ah xilliyada habeenkii ah weerari jireen, iyaga oo adeegsanayo Maqaro iyo Misaaro.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in marka hore dhalinyaradan ay qofka Toosh indhaha uga qabanayaan, kadibna ay si arxan darro ah u dilayaan, taas oo sidoo kale keentay in xilliyada habeenkii ah ay dadku socon waayaan.

Sidoo kale waxaa dadka deegaanka ay cabasho u gudbiyeen maamulka degmada iyo saldhigga Booliska, maadaama ay dhalinyaradaasi ay u diideen hoyaad iyo hergalba.

Ciidamada ammaanka oo ka jawaabayey cabashada iyo qeylo dhaanta shacabka ayaa waxaa u suuragashay inay gacanta ku soo dhigay qaar ka mid ah dhalinyaradaasi, iyaga oo wata hubkii ay ku dhibaateynayeen shacabka, iyaga oo  aan waxba ka galabsanin.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale la filayaa inay tallaabo adag ka qaado dhalinyaradan oo koox koox isugu xiran, isla-markaana ka dilaacay xaafadaha magaalada Muqdisho.

Shacabka ayaa dhinaca kale soo dhoweeyey sida ay ciidamada ammaanka dowladda uga jawaabeen codsigooda, iyaga oo ku baaqay in la joogteeyo howlgallada billowday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeenadii la soo dhaafay ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dhac baasan iyo kuwa kale oo lagu dhibaateynayo dadka shacabka ah.

Kulamo siyaasadeed oo ka billowday BELEDWEYNE

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in magaalada Beledweyne ee xarunta gobolkaasi ay xalay ka billowdeen kulamo ay leeyihiin siyaasiyiinta & xildhibaanada beesha Xawaadle ee shalay gaaray magaaladaas.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa qeyb ka ah madaxweyne ku xigeenka HirShabelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, madaxweynihii hore ee maamulkaasi Mudane Cali Cabdullahi Cosoble, wasiirkii hore ee amniga Cabdirisaaq Cumar, wasiirkii hore waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, xildhibaan Qoone iyo taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, kuwaas oo shalay ka dagay Beledweyne.

Intooda badan waxaa kulamadan oo ay qeyb ka yihiin mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan diirada lagu saarayaa tabashada reer Hiiraan ee ku aadan dhismaha HirShabelle.

Mas’uuliyiinta kulmada ka billaabay Beledweyn ayaa sidoo kale shirar gaar gaar ah la yeelan doono odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka ka soo jeeda beesha Xawaadle.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay General Xuud ku qanciyaan in madaxweynaha HirShabelle uu si nabad ah ku imaado magaalada, iyada oo markaan ay u muuqato in loo ogolaan doono inuu ka dago Beledweyne, waa sida ay sheegaan ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay.

Ujeedka dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee haatan ka socda Beledweyne ayaa ah kuwo xal raadin ah, maadaama lagu wado in magaaladaasi lagu qabto doorashada Golaha Shacabka.

Tan iyo markii madaxweynaha maamulka HirShabelle loo doortay Cali Guudlaawe ayaa waxaa Beledweyn ka taagnaa xiisad ka dhalatay doorashadii ka dhacday Jowhar.

Si kastaba, HirShabelle ayaa haatan wajaheysa culeyskii ugu xooganaa, kaas oo sameeyey doorashooyinka dalka, maadaama ilaa iyo hada aysan ka bilaaban doorashada Aqalka Sare.

Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Kabul iyo Taalibaan oo gashay

0

Kabul (Caasimada Online) – Wararka laga helayo dalka Afganistan ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah haatan laga dareemayo gudaha magaalada Kabul ee caasimada dalkaasi, sidoo kalena laga maqlayo rasaas xoogan, sida ay warineyso warbaahinta.

Xoogaga Taalibaan ayaa wararka qaar waxa ay ku warramayaan inay afar jiho ka galeen caasimada, ayna sidoo kale isku fidiyeen agagaarka magaalada oo dhan.

Cabsi aad u xoogan ayaa haatan ka taagan Kabul, waxaana sidoo kale la xiray dhammaan xafiisyadii dowladda iyo xarumihii ganacsiga, sida laga soo xigtay dadka deegaanka.

Sidoo kale ABC News ayaa ku warrantay in maanta la kiciyey diyaaradaha Mareykanka, si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa guud iyo dagaalka u soo gudbay gudaha magaalada Kabul.

Dhinaca kale diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa dhankooda billaabay inay daad gureeyaan diblumaasiyiinta, iyaga oo ku dagaya dhismaha safaaradda Mareykanka.

Kooxda Taalibaan ayaa todobaadyadii u dambeeyey qabsatay deegaano muhiim ah iyo magaalooyin dhowr ah, kadib markii ay isaga soo baxeen ciidamada dowladda.

Dhaq-dhaqaaqyadan cusub ee ka billowday Kabul ayaa ku soo aadayo, xilli madaxweyne Ashraf Ghani oo wajahaya culeys xoogan uu shaaca ka qaaday in aan loo dul-qaadan doonin is- ballaarinta ee ay dagaalyahanada Taaliban ka wadaan wadanka Afganistan.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada maanta ka dhaceysa BAYDHABO

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa saaka ka socota qaban-qaabada doorashada kuraas ka mid ah Aqalka Sare, taas oo maanta ka dhaceyso magaaladaasi oo xarun KMG u ah dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Doorashadan oo saddex kursi ah ayaa waxaa ku loolaya illaa lix musharrax kuwaas oo kala ah: 1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi, 2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed, 3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed.

Lixdan musharrax ayaa ah kuwa cusub, iyada oo uu Lafta Gareeb meesha ka saaray saddexdii Senator ee horay ugu fadhisay kuraastan, kuwaas oo iyaguna kala ah; Mudane Cabdikaafi Macallin Xasan, Mudane Xuseen Cali Xaaji Cabdalla iyo Aadan Cabdi Aadan.

Sidoo kale musharraxiinta ayaa ka hor doorashada hadal jeedin ka sameyn doono xarunta golaha wakiilada Koonfur Galbeed, sida uu shaaciyey guddiga qabanaya doorashadaasi.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana goobta doorashada ka dhaceyso la dhigay ciidamo dheeraad ah, si ay u sugaan nabad-gelyada doorashadaasi.

Koonfur Galbeed ayaa horey usoo xushay shan Senatar, kadib doorasho dhowaan lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulkaasi.

Si kastaba, Koonfur Galbeed ayaa noqoneysa maamulkii labaad ee dhameystira xubnaha Aqalka Sare, kadib Puntland oo dhammaan soo xushay 11-kii xubnood ee maamulkaasi.

Xog: Midowga Musharaxiinta oo laba u kala qeybsamay iyo shirkii maanta oo lagu kala tagi gaaray

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online ka heshay shirka Golaha midowga musharaxiinta maanta uga furmay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho ayaa sheegeysa inuu khilaaf xoog leh hareeyey kulankii maanta, kaas sababi gaaray in lagu kala tago.

Khilaafka ayaa yimid kadib markii xubno ka tirsan golaha midowga musharaxiinta ay ka hor-yimaadeen in goluhu uu go’aan ka soo saaro hanaanka ay ku socdaan doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan ka bilaabatay deegaanada dowlad goboleedyada, taas oo musharaxiinta qaar ay u arkaan inay ceeb ku tahay dimuquraadiyadda curdunka ah iyo sharafta dowladnimada Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhaw golaha ayaa Caasimada Online u sheegay in musharaxiinta kala ah Xasan Cali Khayre iyo Shariif Sheekh Axmed ay musharaxiinta kale ka diideen in mowqif mideysan oo ka dhan ah sida ay doorashadu ku socoto lasoo saaro, waxaana jira tuhun ah in labadaas musharax ay lasoo xariireen oo xulufo ay la yihiin qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada.

Iyadoo lagu kala tegi rabo shirkii maanta, maadaama la kala shakiyey ayey musharaxiintu goor dambe isla qaateen in waqtiga uu soconayo shirku la dheereeyo, oo la gaarsiiyo seddax maalmood, isla markaana wax la dharaan-dhiriyo la-tashiyadana la badiyo.

Sababta keentay in musharaxiintu ay maanta shir isugu yimaadaan waxaa lagu sheegay inay hadda ku baraarugeen laba astaamood oo uga soo dhex-baxay qaabka ay u socoto doorashada dalka, kuwaas oo kala ah:

1 – In awoodii doorashada oo dhan, sida xulashada xubnaha ku soo baxaya Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka ay gacanta u gashay madaxda dowlad goboleedyada.

2 – Iyo in Ergooyinka soo xuli doona xildhibaanada golaha shacabka ee laga sugayo odayaasha dhaqanka ay 80% soo xula doonaan madaxda dowlad goboleedyada.

In madaxda dowlad goboleedyada ay saameyn ku yeeshaan soo xulidda Ergada soo dooraneysa xildhibaanada golaha shacabka waxaa la sheegay in si mal-dahan loogu daray heshiiskii 17-kii doorashada ee Sebtember, balse aan markaas lagu baraarugin.

Ilaa hadda afar ka mid ah xarumaha dowlad goboleedyada dalka doorashooyin ka dhacay maalmihii lasoo dhaafay waxaa ku soo baxay 26-Senator, kuwaas oo madax goboleed kasta uu ku soo xushay rabitaankiisa, welina waxaa gobollada ka socota xulashada xubnaha ka mid noqonaya baarlamaanka 11-aad.

Dhageyso: Codad sir ah oo laga duubay WASIIRADA HirShabeelle oo baahi iyo lacag la’aan ka cabanaya

Jowhar (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay codad sir oo ku aadan xubno ka mid ah Golaha Wasiirada HirShabeelle oo ka cabanaya mushaar la’aan xoogleh oo ay wajahayaan muddo ka badan hal sano.

Codadkaan oo la duubay bishii Ramadaanka, ayey wasiiradu ku dalbanayeen in bishaas uu maamulka u fidiyo gacan naxariis leh, maadaama aysan wax lacag ah qaadan muddo aad u dheer, sida ay sheegeen.

Sidoo kale xogta ayaa tilmaamaysa in wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka HirShabeelle ay ka cunteeyaan guriga Madaxweynaha kadib markii ay ku adkaatay iibsashada raashinka hoteelada iyo maqaayadaha. Waxay sidoo kale isla kireystaan guryaha kadib ay qolkiiba seexato 2-3 qof, kadibna ay isla bixiyaan lacagta kirada oo dhan $50.

Maqaayadaha, hoteelada, iyo goobaha fadhi ku dirirka ayaa la sheegay in aysan tagi karin wasiirada, xildhibaanada iyo saraakiisha kale ee HirShabeelle, waxaana sababta lagu sheegay cabsi laga qabo Al-Shabaab oo joojiyay dhismiyaal badan iyo adeegyo kale oo muhiim u ahaa maamulka HirShabeelle.

Bilooyinkii ugu darnaa oo soo mara Golaha Wasiirada HirShabeelle waxay ahaayeen bilihii Soon, Soon-fur iyo Carrafo, maadaama xiligaas qarash badan looga baahan-yahay. Wasiiradan ayaa codad isugu jira baryo iyo calaacal waxay soo dhigeen Group WhatsApp oo ay ku jiraan Golaha Wasiirada, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.

Xubno kamid ah dadka xog ogaalka ah waxay Caasimada Online u sheegeen in madaxda maamulka HirShabeelle ay xil ka qaadis iyo beegsi ku sameynayaan wasiirkii ka hadla dhibaatada ay wajahayaan.

Bilooyin ka hor Madaxweynaha HirShabeelle ayaa xilkii ka qaaday mid kamid ah Golahiisa Wasiirada kadib markii lagu eedeeyay in uu lacag ka cunay gabar ay qaraabo ahaayeen oo u dirsatay VISO Turkey ah.

Hoos ka dhageyso codadka

Yey ahaayeen labadii nin ee maanta Xamar lagu toogtay?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa faah-faahino dheeraad ah laga helayaa laba nin oo ciidamada ammaanka ay maanta ku dileen degmada Deyniile ee gobolka Banaadir, kuwaas oo watay mooto Labalugooley (FEKON) iyo qori AK-47 ah, sidoo kale nin kale ayey nolosha ku qabteen ciidamadu.

Dadka ku nool xaafadda Gubta ee degmada Deyniile ayaa Caasimada Online u sheegay in ragaan ay marar badan dhac ka geysteen xaafadda, isla markaana ay maalmihii lasoo dhaafay baadi goob igu jireen ciidamada ammaanka oo lagu war-geliyey.

Inta aan la dilin ragaas is-rasaaseyn kooban ayaa dhex-martay iyaga iyo ciidamada ammaanka ee ku sugan xaafadda Gubta ee degmada Deyniile, waxaana la toogtay iyagoo isku deyaya inay baxsadaan.

Marka laga soo tago labada la toogtay, waxaa nolosha lagu qabtay nin kale oo la sheegay inuu ka mid ahaa ragii dhaca ka waday xaafadaas maalmihii lasoo dhaafay.

Xubno ka tirsan maamulka degmada Deyniile ayaa Caasimada Online u sheegay in ragaan ay wateen markii la dilay taleefano ay dad ka soo dhaceen, kuwaas oo qoorkood isla goobta lagu siiyey dadkii lahaa, maadaama dadka xaafadaas ay isugu soo baxeen goobta uu dilku ka dhacay.

Maamulka degmada ayaa goor dambe la sheegay inuu goobta ka qaaday meydadka labadaas nin oo ku lebisnaa Tuutaha Militeriga Soomaaliya, kadib markii ay isaga tageen askartii dishay.

Inta badan xaafadaha degmooyinka gobolka Banaadir ayey tuugada ku lebisay tuutaha ciidamada dowladda waxay habeen iyo maalin ku dhacaan dadka shacabka ah, iyagoo ka furta taleefoonada, lacagaha iyo agabyada kale oo markaas ay wataan.

Ethiopia ‘oo beegsaneysa’ siyaasiyiinta Soomaalida ee…

Addis Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa digniin u jeediyay dadka uu sheegay inay taabacsan yihiin Ururka TPLF ee dagaalka kula jira Dowladda Itoobiya, isagoo dhanka kalena sheegay inaanay u dulqaadan doonin dadkaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan isku day kasta oo TPLF ku dooneyso inay ku carqaladayso amniga iyo nidaamka dowliga ee dalkaasi ka jira.

“Waxay maanta ku doodeysaa TPLF inay rabto inay soo celiso nidaam federaali ah oo dowladda hadda jirta ay diidan tahay, laakiin 27 sano wixii ay fulin weyday dib oo dambe uma fulin doonto,” ayuu yiri Madaxweynaha oo la hadlayay dadweyne maanta bannaanbax ka dhan ah TPLF ka dhigay Magaalada Jigjiga.

Madaxweynaha ayaa yiri “Kooxdaasi waxay isku arkaysay inay qabatay shaqo muhiima, oo ah ka hortagidda qowmiyadaha, waxay isku dirtay Soomaalida iyo Oromada, waxay isku dirtay Amxaarada iyo Oromada, waxay isku dirtay Banishaaguli iyo Amxaarada.”

“Marka maadaama ay u arkaysay inay dadka iska wada horkeentay waxay aaminsaneyd is bedelkii dhacay ma soconayo, oo cid la socon doontaa ma jireyso. Laba sano ayay ku jirtay howshaa, markii ay aragtay iyadoo nidaamkii iyo xisbiyadii dib loo habeeyay, iyadoo doorashooyinkii la’isku diyaariyay, iyadoo dadkii uu ka maarmay, waxay qaadatay go’aan ah in dagaal ay qaaddo mooyee wax dambe oo u harsan oo rajo ay leedahay oo saamayn siyaasadadeed ay ku yeelanaysaa inaanay jireynin.”

Madaxweyne Cagjar ayaa ku hanjabay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan Siyaasiyiinta Soomaalida, ee taageersan Jabhadda Gobolka Tigrayga ee TPLF, si aanay u carqaladeen amniga iyo horumarka ka jira Dowlad Deegaankooda, waana xilli siyaasiyiintaasi qaarkood maanta lagu xirxiray Magaalada Addis Ababa, oo ay ka wadeen shir ka dhan ah Maamulka Jigjiga.

Xildhibaanada beesha Xawaadle oo isugu tegay Beledweyne iyo ujeedka

0

Beledweyn (Caasimada Online ) – Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday iyo Siyaasiyiin ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo oo la filayo inay dhawaan ka dhacdo doorashada kuraas kamid ah kuwa HirShabeelle ee Aqalka Hoose.

Xubnaha gaaray Magaaladab Beledweyne waxaa ka mid aha Wasiirkii hore ee Amniga Cabdirisaaq Cumar, Wasiirkii hore Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, Xildhibaan Qoone iyo Siyaasiga C/llaahi Sanbaloolshe oo sanadkii 2016 Xildhibaan loo doortay, balse markii Taliyaha NISA loo magacaabay ku waayay xubinnimadii Golaha Shacabka, tartan uu mar kale u galayna horaantii sanadkii 2018 looga adkaaday.

Xubanaha gaaray Magaalada Beledweyne ayaa hordhac u ah wafdiga madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe oo la filayo inuu gaaro Magaalada Beledweyne.

Wafdigaan gaaray Beledweyne ayaa la filayaa inay General Xuud iyo Beesha Xawaadle ku qanciyaan in madaxweynaha HirShabelle uu si nabad ah ku imaado Magaalada, waxaana muuqato in markaan loo ogolaan doono inuu ka dago Beledweyne.

General Xuud iyo Beesha Xawaadle ayaa horey u diiday in madaxweynaha Hirshabelle uu yimaado Beledweyn kadib markii ay ku qanci waayeen awood qeybsiga maamulka Hirshabelle kadib markii laga wareejiyey xilkii madaxweynimo isla markaasna la siiyey xilka madaxweyne ku xigeen.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa Maanta ka dagtay diyaarad siday gawaarida dagaalka iyo hub, waxayna wararka ka imaanayo magaalada sheegayaan inay dagan tahay.

Beledweyne ayaa waxaa taala illaa 25 kursi oo Golaha Shacabka ah, waana kuraas intooda badan  tartan iyo loolan adag uu ka jiro, waxaana ka mid ah Kursiga uu ku fadhiyo Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir oo xifaaltan kala kulmayo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin oo sanadkan raadinaya kursi Xildhibaannimo.

Xog: Cabdirashiid JANAN oo ka goostay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka kala tirsan Villa Somalia, mucaaradka iyo xafiiska ra’iisul wasaare Rooble, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wasiirkii hore ee amniga ee maamulka Jubaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan uu ka goostay Villa Somalia. 

Wasiir Janan ayaa bilo kahor isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya kadib dagaalo qaraar oo ka dhacay degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, isagoo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Villa Somalia. 

Ilo xog-ogaal ah ayaa Caasimada Online u sheegay in shalay uu ka dhaqaaqay Villa Somalia oo uu muddooyinkii ugu dambeeyay ku ahaa xabsi guri, isagoo la sheegay in uu isu dhiibay xubno kamid ah Midowga Murashaxiinta Mucaaradka ah. 

Caasimada Online waxay ka gaabsatay in ay baahiso magaca siyaasiga uu u tagay iyo halka lagu hayo Janan, sababo amni aawgood. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in khilaaf soo kala dhex-galay Villa Somalia iyo wasiir Janan uu sabab u ahaa in uu ka baxsado Villa Somalia oo ku heysay cadaadis badan. 

Khilaafka ayaa la sheegay inuu ka dhashay ballamo dhowr ah oo looga baxay Janan, kuwaas oo loo sameeyey markii uu kasoo goostay dhanka Jubaland, ayada oo ay sii dheer tahay in cadaadis iyo xanibaado badan uu la kulmay.

Cabdirashiid Janan ayaa laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, 25-kii March 2021, maalmo kadib heshiiskii uu la gala dowladda.

Janan ayaa xilligaas sheegay inay isku qabteen Axmed Madoobe, in kaliya uu doonayo inuu noqdo qofka ugu sarreeya iyo kan ugu hooseeya ee Jubaland, isla-markaana uusan waxba u ogleyn qof kale, sida uu hadalka u dhigay.

Tan iyo markii uu Muqdisho yimid bishii March, wuxuu ka baxay mudadaas hal mar oo kaliya oo ku beegneyd bartamihii bishii June, isaga oo aaday dalka Ethiopia kadibna soo laabtay.

Waa markii labaad ee Janan uu ka baxsado dowladda federaalka. Janan ayaa 28-kii Janaayo 2020 ka baxsaday xabsi guri uu ku jiray oo Muqdisho ah, isaga oo aaday Kismaayo.

Si kastaba, Janan ayaa markan ku sugan gudaha Muqdisho, waxaana sababta lagu sheegay inuusan ka cabsi qabin dhib kaga yimaada dowladda, sababo la xiriira in Farmaajo muddo xileedku ka dhammaaday, amniga dalkana uu mas’uul ka yahay ra’iisul wasaare Rooble.

Waxaa sidoo kale jirta, in qoraallo kasoo kala baxay xafiisyada Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka iyo Maxkamadda Gobolka Banaadir, shanti bishii April 2020, lagu shaaciyey in la soo xiray gal dacwadeedkii loo heystay Janan, taasi oo ka dhigan in dowladda aysan mar kale kiis sharci ku furi karin.

Villa Somalia ayaa caan ku ah inaysan ka bixin ballamada ay la gasho siyaasiyiinta, ayada oo marka ku daneysata kadib iska tuurta. 

Koox hubeysan oo galay qasriga amiirka dalka Qatar

Paris (Caasimada Online) – Burcad mid ka mid ah uu hubeysan yahay ayaa galay qasri uu degan yahay amiirka dalka Qatar, oo ku yaalla xeebta Faransiiska ee Cannes, halkaasi oo ay ka qaateen saacado iyo alaabo kale oo qaali ah, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen AFP.

Amiir Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani ayaa ka maqnaa qasriga markii ay kooxdan oo ka koobnaa afar qof ay galeen gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Mouans-Sartoux, sida uu sheegay il-wareedka, taasi oo xaqiijineysa xog ay markii hore baahisay warbaahinta RTL.

“Dad ku sugnaa qasriga ayaa u hoggaansamay hanjabaadda burcadda kadib markii ay arkeen hub ay wateen,” ayuu yiri il-wareedka la hadlay AFP.

Hase yeeshee wuxuu sheegay in dadka ku sugnaa qasriga aan bastoolad madaxa laga saarin.

“Burcadda ayaa qaadatay alaab qaali ah, gaar ahaan saacado,” ayuu yiri il-wareedka.

In kasta oo Amiirka uusan ku sugneyn qasrigaa, waxaa joogay xubno ka tirsan qoyskiisa, oo uu ku jiro ra’iisul wasaarihii hore ee Qatar oo reer Al-Thani ah, sida ay sheegtay warbaahinta RTL.

Dhowr ka mid ah hay’adaha sharci fulinta ee magaalooyinka Grasse, Nice iyo Marseille ayaa furay baaritaan ku aadan kiiska.

Qoyska Sheikh Hamad bin Khalifa Al Thani, oo sanadkii 2013 ka tegay boqortooyada, kuna wareejiyey wiilkiisa Tamim, ayaa qasriga lahaa tan iyo sagaashamaadkii, wuxuuna ku fadhiyaa dhul cabirkiisu yahay 30 hektar, kuna yaalla Mouans-Sartoux.

Sanadkii 2016, wuxuuna hal milyan oo dollar ugu deeqay dadka degan xaafaddan yar.

MIDOWGA AFRIKA oo dhex taagan fadeexad uu sababay shaqaale Ethiopian ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ururka Midowga Afrika ayaa Jimcihii sheegay inuu billaabay baaritaan kadib markii cinwaanka rasmiga ah ee ururka ee twitter-ka lagu weeraray Samantha Power, oo ah madaxa hay’adda USAID ee Mareykanka, oo ku baaqday in wada-hadallo lagu dhammeeyo colaadda Ethiopia.

Power, oo booqatay Ethiopia bishan, ayaa dib usoo tweet gareysay tweet uu la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jack Sullivan ku baaqay “in dhammaan dhinacyada [Ethiopia] ay isugu yimaadaan miiska wada-xaajoodka.”

Power ayaa kadib qortay in xaaladda bani’aadaminimo ee Ethiopia “oo aad xun ay kasii dari doonto, haddii aysan dhammaan dhinacyada isku raacin wada-hadallo iyo in colaadda lasoo geba-gebeeyo.”

Cinwaanka Midowga Afrika, oo xaruntiisu tahay magaalada Addis-Ababa ayaa kadib ugu jawaabay Power si deg deg oo jees-jees ah. 

“Waxaad ula jeedaa soo maaha si la mid waqtigii aad la fariisateen oo aad la hadasheen Daacish iyo Taliban. Ethiopia lama xaajoon karto kooxda argagixisada ah ee TPLF. Sidee qaddiyad dimoqraadi u horseedi kartaa in inta yar sida ay doonaan kusoo rogaan inta badan.”

Qoraalkaas ayaa kadib la tiray, waxaana Midowga Afrika uu sheegay inuu baarayo dhacdadan. 

“Shaqaale ka tirsan Midowga Arika ayaa aragtidiisa shaqsiyeed kusoo qoray cinwaanka, taasi oo kasoo horjeeda xeerarka shaqaalaha Midowga Afrika. Qoraalkan la tiray kama tarjumayo mowqifka Midowga Afrika, waxaana loo arkaa mid jebin weyn ku ah anshaxa. Dhacdadan si gudaha ayaa loo baarayaa,” ayuu yiri Midowga Afrika.

Sarkaal ka tirsan Midowga Afrika ayaa wakaaladda AFP u xaqiijiyey in qofka soo qoray qoraalka weerarka ah uu yahay Ethiopian.