26 C
Mogadishu
Saturday, June 21, 2025

Dowladda Canada oo 20,000 oo qaxooti ah qaadaneysa

0

Canada ( Caasimada Online) – Dowladda Canada ayaa sheegtay inay qaadan doonto ilaa 20,000 oo qaxooti reer Afghanistan ah, kuwaas oo ay ku jiraan madaxda ururada haweenka, shaqaale dowladeed iyo dad kale oo wajahaya hanjabaadyo ka imanaya Taalibaan, xillii maleeshiyada Taalibaan ay ku sii baaheen waddanka oo dhan.

“Xaaladda Afghanistan waa mid qalbijab leh, inaguna ma fiirsan doonno,” ayuu Wasiirka Socdaalka Marco Mendicino ka sheegay shir jaraa’id o uu Jimcihii qabtay.

Iyadoo Taalibaan ay ku sii siqeyso caasimadda, ayaa saraakiishu waxay sheegeen in ciidamada gaarka ah ee Canada ay qeyb ka yihiin qorshe kumeel gaar ah oo shaqaalaha safaaradda Canada looga saarayo Kabul, laakiin faahfaahin dheeraad ah lagama bixin, maadaama howlka noocan ah uu yahay mid xaasaasi ah.

Horraantii Jimcihii, dalal badan oo ay ku jiraan Spain, Denmark, Norway iyo Netherlands ayaa ku dhawaaqay inay shaqaalaha safaaradahooda kala baxeen.

Canada ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda Afghanistan, ayna kala shaqeyneyso xulafadeeda ku sugan waddankaas. “Ilaalinta Safaaradda Canada iyo shaqaalaheenna ayaa ah ahmiyadeenna koowaad,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Marc Garneau.

Isha: VOA

Muxuu QOOR QOOR ka yiri eedeynta loo jeediyey, kadib doorashadii GALMUDUG?

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor)  oo xalay khudbad ka jeediyey xuska aas aaska 14-ka August ee maamulkaasi ayaa soo hadal-qaaday doorashadii Aqalka Sare ee ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, kadib markii si aad ah loo dhaliilay qaabka ay u dhacday doorashadaasi.

Qoor Qoor ayaa shaaca ka qaaday in doorashada dalka ka billaabatay ay ku timid heshiis, isla-markaana ay tahay mid dadban oo sidii loogu talagalay ku socoto, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in la’isku dul-qaato, isla-markaana la taageero cidda ku soo baxda doorashada.

“Dalku wuxuu ku heshiiyay doorasho dadban marka doorasho dadban sideey tahay iyo sidii ay aheyd beey ku socotaa, hadadan adiga kursi ka soo helin ama midaa rabtay uusan kursi ka helina in xumani dhacday micnaheeda ma ahan horay aaan u socono.” Ayuu yiri Qoor Qoor.

Madaxweynaha Galmudug oo hadalkiisa sii wata ayaa intaasi sii raaciyey “Adeer qofkasta oo Soomaali ah ee soo baxa hadaa tahay musharax cod ka bari cod warso, waxaan leenahay u dulqaado dalka doorashada uu ku heshiiyay si xun wax uu sheegna ha noqonin meeshii lagu tartami jiray xumaanta waa laga soo gudbaywanaaga aaad soo bandhigto ayaa laguugu dooranayaa,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli maamullada Galmudug iyo Puntland lagu dhaliilay doorashooyinkii ka dhacay magaalooyinka Garoowe iyo Dhuusamareeb ee maamulladaasi.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan iyo wada-hadallo kala heer ah oo ugu dambeyn xal looga gaaray khilaafka muddada ka taagnaa dalka.

Koonfur Galbeed oo shaaca ka qaaday xilliga ay qabaneyso doorashada Aqalka Sare

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa maanta soo saaray jadwalka doorashada saddexda xubnood ee ka haray Senatarada Aqalka Sare ee ka imaanaya dhinaca maamulkaasi.

Warqad ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashada Koonfur Galbeed, Yuusuf Cabduqaadir Maxamed ayaa lagu sheegay in isla maanta ay bilaabayaaan diiwaan-gelinta xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya saddexda kursi ee ka dhimman maamulkaasi.

Sidoo kale qoraalka ayaa waxaa lagu shaaciyey in beri oo Axad ah ay msharraxiintu jeedin doonaan khudbadahooda, kadibna la qabanayo codeynta doorashada, si loo dhammeystiro Senetarada baarlamaanka Aqalka Sare ka soo galaya dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

“Iyadoo la fulinaaya jadwalka guddiga doorashooyinka heer federaal ay soo saareen 16-07-2021 oo ku asteysan in doorashada Aqalka Sare lagu qabto muddada u dhexeysa 25-28 bisha Jully, haddaba wuxuu guddiga doorashooyinka heer dawlad goboleed SEIT – Koonfur Galbeed halkan kusoo gudbinayaa jadwalka faahfaahsan ee qabashada doorashada Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri warqadda k asoo baxday guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed.

Dhinaca kale xubnaha lixda ah ee uu shaaciyey madaxweyne Lafta Gareen, kuna tartamaya doorashada ayaa ah kuwa cusub, waxayna kala yihiin:-

1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed
3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed

Sidoo kale wuxuu Lafta Gareen meesha ka saaray saddexdii Senator ee horay ugu fadhisay kuraastan, kuwaas oo kala ah; Cabdikaafi Macallin Xasan, Xuseen Cali Xaaji Cabdalla iyo Aadan Cabdi Aadan.

Si kastaba, haddii ay Koonfur Galbeed beri qabato doorashada saddexda kursi ee uga harsan Aqalka Sare waxa ay noqon doontaa maamulkii labaad ee soo dhameystira xubnaha Aqalka Sare, kadib Puntland oo dhammaan soo xushay 11-kii xubnood ee maamulkaasi.

 

Markab laga leeyahay Turkey oo lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Markab laga leeyahay dalka Turkiga ayaa lagu weeraray meel ka baxsan xeebaha magaalada Muqdisho, sida uu Jimcihii sheegay Ururka Ganacsiga Badaha UK ee loo soo gabaiyo UKMTO.

Weerarka oo la rumeysan yahay inay fuliyeen kooxaha buracda badeedda Soomaaliya ayaa abaare 7:45 am Jimcihii, waxa uu ka dhacay meel 100-mile ka baxsan xeebta Muqdisho. 

Markabka ayaa lagu warramayaa inuu weerarka ka baxsaday, islamarkaana shaqaalaha iyo markabkuba ay hadda bad qabaan. 

Kooxda qiimeysa halista badaha ee EOS Risk Group ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in markabka oo sita calanka Turkey laga leeyahay gobolka Anatolia ee dalkaas. Si kastaba, Turkiga weli wax war ah kama aysan soo saarin dhacdadan.

Inkasta oo dhacdooyinka burcad badeenimo ee xeebaha Soomaaliya ay aad u yaraadeen sanadihii tagay, haddana waxaa jira weeraro si naadir ah mararka qaar u dhaca. Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyey ee dhaca tan iyo bishii April ee 2019.

Sanadii 2011, ayaa ciidanka badda Midowga Yurub ee EU Naval Force waxay weriyeen in xeebaha Soomaaliya ay ka dhaceen 176 weerar, ayada oo lagu qabsaday in ka badan 25 markab. Hase yeeshee tiradaas ayaa eber noqotay markii la gaaray 2016.

Waa maxay ujeedka shirka Midowga musharraxiinta ee ka socda hoteelka JAZEERA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa haatan kulan gaar ah waxa uu uga socdaa hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay uga hadlayaan xaaladaha soo kordhay, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka billowday, sida ay shaaciyeen ilo wareedyo la hadlay Caasimada oo  lagu kalsoon-yahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kulankan diirada lagu saarayo sida aan wanaagsaneyn ee ay ku billowdeen doorashooyinka Aqalka Sare ee ka socda maamul goboleedyada.

Sidoo kale waxaa la filayaa in golaha uu soo saaro war-murtiyeed ku aadan waxyaabaha ay ka wada-hadlayaan ee xaaladd dalka, siiba arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa sdhanka kale waxay ka warheleen qabyo qoraalka hindisaha Habraaca Xulidda Ergooyinka Doorashada oo la filayo in dhowaan lasoo saaro, taas oo soo dadajisay kulanka ballaaran ee haatan uga socda gudaha hotelka Jazeera.

Sida ku cad qabyo qoraalka hindisahan oo ay aragtay Caasimada Online, wuxuu awood badan siinaya Madaxda Dowlad Goboleedyada, taasi oo keeni kartaa inay kusoo saartaan xildhibaanada ay ayaga doonayaan, meeshana kaga saaraan xildhibaano badan oo ah kuwa caan ah oo hadda kursi ku fadhiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale ka cabsi qaba in hindisahan uu sahlo in doorashada xildhibaanada golaha shacabka loo musuq-maasuqo si la mid ah tan Aqalka Sare, oo madax goboleedyada ay cidda ay doonaan kusoo saarteen.

Si kastaba golaha midowga musharraxiinta oo aan muddooyinkii dambe yeelan kulamo siyaasadeed oo ballaaran ayaa la filayaa in shirkooda ay ka soo saaray go’aanno culus.

Lafta-gareen oo shaaciyey musharaxiinta kuraas kale oo ka mid ah AQALKA SARE

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa shaaciyey liiska musharaxiinta xubnaha Aqalka Sare ee ku harsanaa maamulkiisa.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa shaaciyey magacyada lix musharax oo ku tartami doona saddex kursi, waxayna kala yihiin oo ay isugu aadeen sidan:-

1- Xasan Xuseen Xaaji iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi
2- Cali Sheekh Maxamuud Gacal iyo Cabdulqaadir Cabdi Axmed
3- Cabdiweli Maxamed Ibraahim iyo Cabdullahi Roobow Maxamed

Dhammaan lixda musharax ayaa ah kuwa cusub, wuxuuna Lafta-gareen meesha ka saaray saddexda Senator ee hadda ku fadhisay kuraastan kuwaas oo kala ah; Cabdikaafi Macallin Xasan, Xuseen Cali Xaaji Cabdalla iyo Aadan Cabdi Aadan.

Maamulka Koonfur Galbeed oo laga soo dooranayo sideed kursi ayaa waxaa horey loogu doortay shan Senator oo kala ah; Aadan Cabdinasir Maxamed, Dr. Xuseen Maxamed Daahir, Zamzam Ibrahim Cali, Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Ayaan Aadan Cabdullahi.

Liiska cusub ee kasoo baxay Lafta-gareen ayaa ka dhigan in maamulka Koonfur Galbeed uu noqon doona kan labaad ee soo dhameystira doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Puntland, oo dhammaan 11-kii xubnood ee Aqalka Sare uu ku lahaa soo doortay.

Waxaa la filayaa in guddiga doorashada heer gobol ee Koonfur Galbeed uu shaaciyo xilliga ay dhaceyso doorashada saddexdan kursi, waxaana la filayaa inay noqoto toddobaadkan gudihiis. 

QATAR oo Washington ka furtay dacwad ka dhan ah Eritrea – Maxay isku hayaan?

Washington (Caasimada Online) – Bankiga Dhexe ee Qatar (QNB) ayaa maxkamad ku taalla magaalada Washington DC weydiistay inay amarto dowladda Eritrea inay bixiso lacag deyn ah oo gaareysa $300 oo milyan, kadib markii Asmara ay diiday inay ka jawaabto laba dacwad oo horey, waxaa sidaas werisay warbaahinta Bloomberg.

Sida lagu sheegay warbixintan, Eritrea ayaa 200 oo milyan oo dollar ka amaahatay QNB oo ah Bankiga ugu weyn Bariga Dhexe ee deynta bixiya, sanadihii 2009 iyo 2010, waxayna soo celisay 45 milyan oo kaliya bishii May 2012.

QNB ayaa kadib dacwad ka furtay dalka UK sanadkii 2018, sida ku cad heshiiska. Garsoore ku sugan UK ayaa amray in Eritrea ay bixiso 253 milyan, oo ay ku jirto dulsaar, hase yeeshee Eritrea ayaa joojisay inay u jawaabto qareenada, sida warbixinta lagu sheegay.

Bankiga Qatar ayaa Talaadadii wuxuu go’aan ka codsaday xaakim federal Mareykan ah, isaga oo sheegay in dowladda madaxweyne Isaias Afwerki, oo dalkaas xukumeysay 28 sano, ay iska indho tirtay warqado sharci ah oo loo diray. 

QNB ayaa tuhunsan in Eritrea aysan u hoggaansameyn xukunada maxkamadda UK, ayna go’aansatay inaysan isku difaacin labada maxkamad ee UK iyo Mareykanka. 

Go’aanka maxkamadda Washington, ayaa u fududeyn kara Bankiga QNB inuu raadiyo kadibna la wareego hantida Eritrea ay ku leedahay caalamka, sida Bloomberg ay ku warrantay.

Lix arrimood oo uu Farmaajo awoodi waayey inuu xaliyo balse Rooble ku xaliyey 10 bil

Ra’iisul Wasaaraha xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa taagan isgoys halis ah oo dhinac lama filaan ah u jiidi kara siyaasadda Soomaaliya.

Labada nin oo wada-shaqeynayey 10-kii bilood ee lasoo dhaafay, dhowr arrimood ayey ku kala aragti duwanaadeyn oo ay ku jirto middii muddo kororsiga, xaaladda Gedo, la macaamilka mucaaradka, iyo sida loo soo celinayo cilaaqaadka dalalka xiriirkooda la xumeeyey intii uu Farmaajo dalka madaxweynaha ka ahaa.

Rooble oo u muuqday inuu ahaa siyaasi xasiloon ayaa kooxda Farmaajo waxay u muujisay hab dhaqan siyaasadeed oo xurmo la’aan ah, taasoo keentay inuu furka tuurto.

Waxay dhawaan dalacsiiyeen saraakiil uu xilka ka qaaday kadib markii ay muwaadiniin Soomaaliyeed ka hor istaageyn inay safraan, waxayna gacanta kula jiraan maamulka dhaqaalaha Dowladda, waxayna weli isku dhajinayaan maamulka Amniga.

Isagoo arrimahaas oo dhan ka aamusay Rooble ayey mar kale warqad uga hor istaageen wada-hadaladii uu muddooyinkii lasoo dhaafay kula jiray dowladda Kenya, waxaana muuqata inuu Rooble ka dhammaaday dulqaadkii uu u hayey kooxdaan fursadda u siisay inuu dalka Ra’iisul Wasaare ka noqdo.

Haddaba, inta aan la arkin halka uu ku dhammaado dagaalka labada nin, waxaan dib u eegeynaa lix arrimood oo uu Farmaajo ku guuldareystay balse uu Rooble ku qabtay 10 bil gudahood.

1- Maamul Goboleedyada: Farmaajo wuxuu awoodi waayey inuu isku keeno shanta maamul Goboleed, waxayna diideyn inay la fadhiistaan oo arrinta doorashada kala heshiiyaan, waxaana arrintooda la wareegay Ra’iisul Wasaare Rooble, waana aqbaleyn, wuxuuna dhowr jeer isugu geenay magaalada Muqdisho.

2- Doorashada: Farmaajo waxaa looga fadhiyey inuu doorasho qabto inta aanan la gaarin 8-da February 2021 ama uu xataa bilaabo, wuxuu isku dhajiyey maamulkii doorashada waana bilaabi waayey, Rooble ayaa qaatay hoggaankii doorashada horraantii Bishii May, wuxuuna ku guuleystay inuu doorashadii bilaabo dhammaadkii July.

3- Mucaaradka: Farmaajo wuxuu ku guul dareystay inuu mucaaradka ku qanciyo hanaanka doorashada, laba jeer oo uu casuumayna waa ay diideyn inay la kulmaan, wuxuu isku dayey inuu awood ku maquuniyo, laakiin iyada xataa waa suurta geli weysay.

Rooble ayaa u ruqaansaday arrinta mucaaradka, wuxuu abuuray jawi xasiloon oo siyaasadeed, wuxuu sababay inay marar badan kulmaan mucaaradka iyo xukuumadda, wuxuuna ku qanciyey heshiisyada doorashada iyo hannaanka uu wax u rabo waana ka aqbaleyn mucaaradka.

4- Beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka ah: Xiriirka beesha Caalamka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacay, gaar ahaan18-kii bilood ee ugu dambeysay.

Wakiilada Caalamiga ah iyo Farmaajo ayaa si weyn u kala fogaaday. Reer Galbeedka iyo Farmaajo oo meel xun kala marayo Rooble ayaa badbaadiyey cilaaqaadkaas. Hadda wakiilada beesha Caalamka wax wada-shaqeyn ah lama lahan Farmaajo.

Waxay muujiyeen sida ay ugu qanacsan yihiin Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble iyagoo kulamo badan ka sheegay inay si weyn uga gacan siinayaan qabashada doorasho loo wada dhan yahay oo natiijadeeda la wada aqbalo,.

5- Muqdisho iyo Dagaal: Farmaajo wuxuu ku guul-dareystay inuu magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka badbaadiyo dagaal, wuxuu soo geliyey kumanaan ciidan ah oo u gobolada diyaarado uga soo qaaday si ay ula diriraan dhinacyadii kasoo horjeeday.

Taariikhdiisa ayaa qeyb madow lagu daray markii uu xabad ka dhex bilaabay Caasimadda 25-kii April ee sanadkaan, wax xeelad ah oo magaalada looga badbaadiyo dagaal waa keeni waayey Farmaajo, waxaase 48-saac ku badbaadiyey Caasimadda Ra’isulwasaare Rooble oo kala qaaday ciidamadii Farmaajo iyo kuwii kasoo horjeeday.

6- Xiriirka Arrimaha Debadda: Farmaajo wuxuu Soomaaliya ka dhigay dal cid walba cadow la ah, wuxuu dowladdii iyo dalkii usoo reebay cilaaqaadka dalalka Qadar, Itoobiya iyo Eritrea, laakiin Rooble ayaa 10-bilood wada-hadal kula furay wadamada Kenya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta oo uu dhammaan Farmaajo kula diriray danihiisa gaarka ah.

Rooble wuxuu wada-hadal lasoo galay Ismaaciil Cumar Geelle, wuxuu Muqdisho ku casuumay wafdi ka socday Dowladda Imaaraadka si xiisadda loo xaliyo, wuxuuna ku guuleystay inuu dib u furo Safaaraddii ay Kenya ku laheyd Magaalada Muqdisho isagoo sidoo kale Mombasa kula kulmay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Farmaajo iyo kooxda ku hareereysan waxaa dharbaaxo ku ah in siyaasi dhawaan gal ah uu 10-bilood ku xaliyo lixdaas kiis ee muhiimka u ah dalka iyo dowladnimada, weliba dhammaan dhibaatooyinkaan waa kuwa ay iyaga abuureen.

Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Daawo: Wasiir Kaahin oo ka sheegaya sababtii Lixle loogu bixiyey “Astaanta Halganka”

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland, Maxamed Kaahin oo ka qeyb-galay munaasibad lagu daah furayay buug laga qoray taariikhdii Lixle oo kamid ahaa Mujaahidiinti SNM ayaa ka sheekeyay sababtii Lixle loogu bixiyey Astaantii Halganka

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa ugu horeyntii Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) AUN ku tilmaamay inuu ahaa Nin geesi ah oo aan marnaba cabsan, oo halgankii gudaha si weyn uga waday, sida uu sheegay.

Waxa uu sheegay in Lixle uu ku hantay sumada “Astaantii Halganka”, maadama uu kamid ahaa labadii Sarkaal ee gudaha ka waday halganka, islamarkaana uu ahaa nin aad u diyaarsan oo uu ku dhici waayey taliskii xiligaas.

“Lixle wuxuu ahaa Saraakiishii caanka aheyd ee ciidamadii Soomaaliya, xaga aqoonta, aragtida iyo cilmiga Injineer ayuu ahaa nin aad u diyaarsan ayuu ahaa. Waxyaabihii la yaabka lahaa waxaa kamid ahaa marka aynu leenahay Lixle iskamaanu siin Astaantii Halganka, waxaa ku garaneysaan ninka darajadaa leh ee ciidamada lagu hayn waayey, ee haddana halgankii gudaha ka waday,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Kaahin.

“Halgankii gudaha labo nin ayaa mas’uul ka ahaa ciidamadii, mid waa Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle) iyo Axmed Maxamed Halac oo isaguna Xamar Jooga. Maxamed Xaashi iyada oo halkaas laga raadinayo ayuu Hargeysa ayuu ku noola.”

Hoos ka daawo muuqaalka Maxamed Kaahin oo dhameystiran

Wasiir ka tirsan DF oo shaacisay xaalad halis ah oo ka taagan Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka caafimaadka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur ayaa shaacisay in magaalada Muqdisho ay ka jirto Oxygen la’aan, xili ay maanta ka qeyb gashay shir u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo looga hadlayay cudurka Covid-19.

Cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo mar saddexaaad ku soo kacleeyey dalka ayaa waxay sheegtay wasiiradu in caqabadda ugu weyn ee xiligan taagan ay tahay Oksijiin (Oxygen) la’aanta ka jirta goobaha Caafimaadka, kuwaasi oo la geeyo bukaano la ildaran Coronavirus.

Waxay xustay in qaar kamid ah dadka uu haleelay cudurka Coronavirus ay u geeriyoodeen Oxygen la’aan, maadaama ay waayen neefta macmalka ah, inkasta oo ay markii dambe rejo wanaagsan ka muujisay in dalka la keeno Warshadihii sameyn lahaa, si looga gudbo dhibaatadaas.

Soomaaliya ayaa waxaa cudurka safmarka ah ee Coronavirus laga diiwaan-geliyay 16,195 kiis, waxaa ka caafimaaday ilaa hadda 7,888 oo keli ah, halka dadka u geeriyooday ee u diiwaan gashan wasaarada ay gaareen 870.

Si kastaba, cudurka Coronaha ayaa muddooyinkii dambe mar saddexaad kusoo labo kacleeyay dalka, ayada oo kor u kaceen kiisaska cudurkaas, oo billihii hore uu ku yimid hoos u dhac ballaaran.

Cudurkaan waxaa caawa isbitaalka Martiini ugu geeriyooday Allaha u naxariistee guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya Cabdullahi Abyan Nuur. Marxuumka ayaa laga helay cudurka Coronavirus, sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay inuu hayey xanuun dhanka kilyaha ah.

Gudoomiyihii gudiga xalinta khilaafaadka doorashada oo Muqdisho ku geeriyooday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa caawa magaalada Muqdisho ku geeriyooday guddoomiyihii guddiga xalinta khilaafaadka ee doorashada Soomaaliya  Cabdullahi Abyan Nuur, sida ay ilo kala duwan u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Marxuumka ayaa goordhaw ku ku geeriyooday Isbitaal Martiini, sida noo xaqiijiyeen xubno ka tirsan guddiga xalinta khilaafaadka. Guddoomiyaha waxaa laga helay cudurka Coronavirus, sidoo kale saacadihii lasoo dhaafay waxaa la sheegay inuu hayey xanuun dhanka kiliyaha ah.

Guddiga uu hoggaaminayey marxuum Cabdullahi Abyan ayaa maalmihii dambe ku howlanaa doorashada Soomaaliya, waxuuna ka mid ahaa xubnihii Jubbaland u tegay doorashadii Senatorada Aqalka Sare ee ka dhacday Kismaayo.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa qoraal uu ka soo saaray geerida marxuumka ayaa yiri, “Waxa aan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa dhamaan qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, geerida ku timid Alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Guddiga Xalinta Khilaadka ee Heer Federal Cabdullaahi Abyan Nuur oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho.”

Dhanka kale qoraal ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu yiri, “Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo.”

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa isna qoraal uu ka soo saaray geerida marxuumka waxa uu ku yiri, “Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun anigoo ku hadlaya magaca guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Shacabka Waxaan Qoyskiisa,Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaalka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaa geerida ku timid Allaha ha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer Federaal oo Caawa ku geeriyooday Magaaladda.”

Allaha u naxriistee Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur ayaa xilal kala duwan dalka ka soo qabtay, isagoo mar soo noqday Wasiirkii Garsoorka, Arrimaha Diinta iyo Awqaafta, xilligii xukuumaddii Ra’iisal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) sidoo kale dhamaadkii sanadkii lasoo dhaafay ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka heer federaal.

Al-Shabaab oo qabsaday deegaan hoostaga Cadaado iyo Galmudug oo ka hadashay

0

Cadaado (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno deegaan lagu magacaabo Cadakibir oo qiyaastii 40-KM koonfur – bari ka xiga magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in gabal dhicii  galabta ay weerar kula wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in dagaal xoog leh uu ka dhacay deegaanka, kadib markii Al-Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen ciidamo tiro yar oo ka tirsan daraawiishta Galmudug oo Cadakibir ku sugnaa.

Wararka aan ka helnay dadka deegaanka waxay tilmaamayaan in ciidamada Galmudug laga qabsaday Cadakibir, isla markaana ay u carareen dhanka deegaanka Godinlabe oo dhaca inta u dhaxeysa Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Qoraal lagu baahiyey bogga Facebook ee wasaaradda amiga Galmudug ayaa lagu sheegay in ciidanka daraawiishta Galmudug ee ku sugan deegaanka Cadakibir ay iska caabiyeen weerar ay galabta ku soo qaaday kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaare xooggan dagaalamaashii soo qaaday weerarka kala laabteen halkaas.

“Kooxda argagixisada Shabaab oo dagaallo ay la galeen ciidamada Galmudug iyo kuwa qaranka labadii billood ee u danbaysay deegaanno badan looga qabsaday, isla markaana jab xooggan oo dhan walba ah lagu gaarsiiyey ayaa isku dayaya in ay soo qaadaan weeraro nafla-caari ah oo ay maleeshiyaadkooda si qasab ah lagu galinayo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Warkaan ay baahisay wasaaradda amniga Galmudug ayaa intaas ku sii daray, “Magaalooyinka Cadaado, Baxdo iyo Godinlabe ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxayaan gurmadyo ciidan oo ku wajahan aagga Cadakibir, waxaana la dareemayaa abaabul xooggan oo magaalooyinkaas iyo deegaanada hoostaga ka soconaya.”

Al-Shabaab ayaa weerarro adag bilihii u dambeeyey kala kulmay ciidanka Qaranka iyo kuwa daraawiishta Galmudug, waxaana gacantooda ka baxay inta badan gobolka Mudug, balse waxay ku xoogan yihiin deegaano badan iyo degmooyin dhaca bariga gobolka Galgaguud ee Galmudug.

Muxuu R/W ROOBLE kala hadlay xildhibaanada uu kula kulmay Nairobi? + Sawirro

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, ayaa maanta waxa uu kula kulmay Xildhibanada Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka Kenya.

Kulanka Rooble iyo Xildhibaanada Soomaaliyeed ayaa waxaa looga hadlay xiriirka Kenya ee dhawaan dib cagaha loogu taagay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale waxa kulankaas looga hadlay danaha dadka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin dalka Kenya, oo uu sheegay Ra’iisul wasaaraha inay muhiimad gaar ah siinayaan.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kal hore sheegay in dalka Kenya uu ku noolaa 13-sano, isla markaana uu aaminsan yahay in Soomaaliya uu muhiim u yahay xiriirka Kenya oo wanaagsanaada.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo uu Ra’iisul wasaaraha ka wado magaalada Nairobi, kuwaasi oo uu la qaatay Beesha caalamka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya, oo warbixin guud uu ka siiyey xaaladda uu dalka marayo, doorashada ka socota iyo ujeedka safarkiisa Kenya.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa dadaal badan ku bixiyay in uu dib u soo laabto xiriirkii wanaagsana ee Kenya iyo Soomaaliya, xili dhaawaan labada dal ay dib u furaan safaaradihii Muqdisho iyo Nairobi.

Musharaxiinta oo kulan deg deg ah ka yeelanaya habraac doorasho oo halis ah oo lasoo wado – Maxaa ku qoran?

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharaxiinta Soomaaliya ayaa la filayaa inay kulan deg deg ah isugu yimaadaan berri, kadib markii ay warheleen qabyo qoraalka hindisaha Habraaca Xulidda Ergooyinka Doorashada oo la filayo in dhowaan lasoo saaro.

Sida ku cad qabyo qoraalka hindisahan, oo ay aragtay Caasimada Online, wuxuu awood badan siinaya Madaxda Dowlad Goboleedyada, taasi oo keeni kartaa inay kusoo saartaan xildhibaanada ay ayaga doonayaan, meeshana kaga saaraan xildhibaano badan oo ah kuwa caan ah oo hadda kursi ku fadhiya.

Midowga Musharaxiinta ayaa ka cabsi qaba in hindisahan uu sahlo in doorashada xildhibaanada golaha shacabka loo musuq-maasuqo si la mid ah tan Aqalka Sare, oo madax goboleedyada ay cidda ay doonaan kusoo saarteen.

 

Sida muuqata, musharaxiinta mucaaradka iyo madax goboleedyada oo markii hore isbaheysi ahaa ayaa hadda ku kala tagaya dano iyo damac siyaasadeed, waxayna noqon doontaa markii u horreysay ay is qabtaan saamileyda siyaasadeed ee ku midoobay Madasha Badbaado Qaran.

Dhinaca kale, guddiga doorashada heer federal ayaa qoraal kooban oo uu facebook soo dhigay ku yiri “Dhammaan Daneeyayaasha siyaasadda iyo bulshada Soomaaliyeed waxaan ku war gelinaynaa in aysan jirin wax habraac doorasho Golaha Shacabka ah oo uu Baahiyey Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal.

Hase yeeshee, waxaa xusid mudan in hindisahan uu yahay qabyo qoraal, oo aanu weli guddiga kasoo bixin, taasi oo macnaheedu yahay in guddiga ay beeniyeen kaliya inuusan ayaga kasoo bixin, balse aysan beenin jiritaanka qabyo qoraalka.

Hoos ka aqriso qabyo qoraalka. 

Hindisaha Xulidda Ergooyinka Doorashada

A) Ergada Doorashada ee ka kooban 101-da ergo ee ka codeeynaya DXDF waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada ka diiwan gashan DXDF iyo Bulshada rayidka ah (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga), waxaana la hubinaya DXDF. 

Sidoo kale ergada Banaadiriga iyo Somaliland ee ka codeenaya Muqdisho waxaa soo xulaya duubabka, nabaddoonada iyo bulshada rayidka (oo ka wada tirsan qabiilka ama jufooyinka wadaaga kursiga) ee la isla ogolyahay, waxaana dabagalaya oo korjoogteynaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha. 

B) Liiska ergada kursi kasta waa in ugu yaraan, ku jiraan 31 haween ah. 

C) Xubnaha bulshada rayidka ee ka qayb qaadanaya xulista ergad waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada (18-35 jir), dadka baahiyaha gaarka ah qaba, culimada, ganacsatada iyo aqoonyahanada ka soo jeeda jufada ama jufooyinka kursiga wadaaga. 

D) Xubin kasta oo ka mid ah xubnaha xulitaanka ergada kama tirsanaan karto guddi xulis ergada kursi kale marka laga reebo jufooyinka wadaaga ergada. 

E) Xubin ka tirsan Xubnaha Xulitaanka Ergada ma noqon karo ergo ama murashax doorashada u tartama. 

F) Xubnaha Xulitaanka Ergada waxay u soo xulayaan ergada doorshada si wadar-ogol ah si waafaqsan hab qaybsiga beesha. 

G) Kooramka codbixinta ergada wuxuu ansax noqonaya marka ay joogaan ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) ergo ah. 

H) Si loo hubiyo hufnaanta amni iyo sugnaanta ergada, Iiiska ergada ee kursi kasta waxaa hubinaya guddi-hoosaadka amniga iyo arrimaha gudaha ee DXDF si looga hortago faragalinta argagixisada (Iyagoo ka hubinaya hey’adaha danbi barista) iyo xasilloonni darrada amni ee doorashada. Sidoo kale, kuraasta Somaliland iyo Banaadiriga, waxaa hubinaya hay’adaha amniga, waxaana korjoogteynaaya Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Xog: Xiisad cusub oo ka dhex taagan Beesha Xawaadle iyo madaxweyne Guudlaawe

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in xiisad cusub ay ka dhex-qaraxday madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe iyo beesha Xawaadle, oo horey isugu hayey arrimaha maamulka HirShabeelle.

Xiisadda cusub, ayaa sida aan xogta ku helnay waxay salka ku heysaa jagada madaxa hay’adda duulista rayidka Soomaaliya, oo hadda xilkaas uu hayo Axmed Macallin oo beesha Xawaadle kasoo jeeda, balse la doonayo in la beddelo.

Xubno ka tirsan beesha ayaa sheegay in Madaxweyne Guudlaawe uu doonayo in qof ay isku beel yihiin xilkaas loo magacaabo, ayada oo arrimahaas ay kala shaqeynayaan madaxda sare ee dowladda federaalka.

Xildhibaano iyo siyaasiyiin kasoo jeeda beesha Xawaadle ayaa arrintan aad uga horyimid, ayaga oo madaxweyne Guudlaawe ku eedeeyeey inuusan diyaar u aheyn in isaga iyo beesha ay isku soo dhowaadaan.

Xildhibaan ka tirsan baarlamanka, kana soo jeeda beesha ayaa Caasimada Online u sheegay “In Cali Guudlaawe uu raadsado xilalka waxey keeni doontaa in beesha Xawaadle ka fiirsato kalsooni ay siiyaan, si uu HirShabeelle u hoggaamiyo.”

Sida aan xogta ku helnay, xildhibaano ay ka mid yihiin Farxiyo Muumin, Cabdirisaaq Dheere iyo Goodax Barre ayaa qorsheynaya inay la kulmaan madaxweyne Guudlaawe, oo ay kala hadlaan arrirntan. 

Sidoo kale, xildhibaanada, siyaasiyiinta iyo waxgaradka beeshan ayaa qaban-qaabinayaan kulan ay arrintan uga qaadanayaan mowqif mdieysan.

Beesha Xawaadle ayaa Cali Guudlaawe diidaneyd tan iyo marki loo doortay madaxweynaha HirShabeelle, ayada Jeneral Xuud iyo maleeshiyadiisa ay ku baaqeen in lala diriro, waxaana xiisadda cusub ay sii kala fogeyn kartaa labada dhinac. 

Dhinaca kale, waxaa caddeyn aragtida arrrintan ku aadan ee uu qabo madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Yuusuf Dabageed, oo kasoo jeeda beeshan.

Rooble oo shaaciyey xog ku saabsan doorashada oo caqabad cusub noqon karta

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa markii ugu horeysay faahfaahin ka bixiyey dhaqaalaha ku baxayo doorashada dadban ee Soomaaliya iyo qoondada laga sugayo Beesha Caalamka, oo caqabad ay ka taagan tahay.

Rooble ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxayo doorashada dadban ee Soomaaliya ay gaareyso illaa $26 Malyan, taasoo inteeda badan laga sugayo beesha Caalamka.

Rooble ayaa xaqiiiyey in weli lacagtaas aysan soo wada gelin gacanta Xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in beesha Caalamka laga helay dhaqaalihi ugu horreeyey.

Sida uu sheegay Rooble, dhaqaalahaasi ayaa laga hayaa 7.2 Milyan Dolllar oo ay dhowaan kala saxiixdeen Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Lacagta ay beesha Caalamka bixiso maahane inta kale ayaa la qoondeeyey in laga qaado musharixiinta u taagan xilalka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana musharixii u tartamayo xilka aqalka sare laga rabaa inuu bixiyo lacag gaareyso ilaa 20 kun oo dollar halka haweenka laga rabo 10 kun oo oo dollar, sidoo kale musharixiinta aqalka hoose ayaa laga rabaa 10 kun oo dollar halka kuwa haweenka ah laga rabo 5 Kun oo Dollar.

Maalmaha soo socdo ayaa waxaa la filayaa inay Muqdisho isugu imaadaan golaha wadatashiga qaran, waxaana la filayaa in kulankaas lagu ansixiyo miisaaniyadda doorashada Soomaaliya ee 2021.

Rooble wuxuu sheegay in doorashada ay duwan tahay doorashadii hore, ergaduna ay tahay labalaab, laakiin lacagta inteeda badan aysan soo xeroon, ayna arrintaas uga hadli doonaan shirka Wadatashiga qaran ee Muqdisho ka dhacaya maalmaha soo socdo.

Ra’isulwasaare Rooble oo hadda ku maqan safar dalka Kenya ah ayaa la filayaa inuu dalka dib ugu soo laabto 2 berri kadib, wuxuuna xooggiisa isugu geyn doonaa sidii uu usoo xareyn lahaa lacagta ku baxeyso doorashada si loo bilaabo doorashada aqalka Hoose oo aan weli bilaaban.

Mar kasta oo doorasho ka dhaceyso Soomaaliya beesha Caalamka ayaa bixiso lacagta ugu badan ee doorashada ku baxeyso, waxaana sanadkaan weli la heli la’yahay lacagihii ka imaan jiray beesha Caalamla taasoo ay sabab u tahay khilaafka mudada dheer u dhaxeeyey saamileyda siyaasa.

Doorashada Soomaaliya ee madaxtinimada ayaa loo balansan yahay in ay qabsoonto 10-ka October, 2021. Balse waxaa laga cabsi qabaa in mar kale dib-u-dhac uu yimaado maadaama dhaqan-gelinta jadwalkii lasoo saarey 27-dii May 2021 la baalmaray taariikhaha qaar.

Kenya oo xirtay rag ay baadi-goobayeen Somalia iyo Masar

0

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda wadanka Kenya ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigtay, isla-markaana xabsiga dhigtay illaa saddex nin oo loo heysto falal la xiriira agagixisanimo, kuwaas oo laga baadi-goobayey gudaha dalalka Soomaaliya iyo Masar.,

Booliska Kenya ee la dagaalanka argagixisada ayaa gacanta ku dhigay saddexdan qof oo uu mid ka mid ah yahay Masaari, halka labada kale ay yihiin Kenyaan asal ahaan Soomaali ah.

Saraakiisha ammaanka ee dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday in raggan lagu qabtay magaallo xeebeedka Mombasa, xilli ay wadeen falal ay ka shakiyeen ciidanka amniga.

Saddexda nin ee haatan xiran ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Mohamed Shendy Elhosseiny, Mustafa Abdi Saciidi iyo Mohamed Mohamed Abdullahi.

Sidoo kale raggan oo labo ka mid ah ay baadi-goobayeen dowladaha Soomaaliya iyo Masar ayaa waxaa lagu eedeeyey inay ka tirsan yihiin koox argagixiso ah oo ku kala sugan dalalka Kenya, Uganda, Soomaaliya iyo Masar, sida laga soo xigtay saraakiisha ciidanka Booliska.

Raggan oo sidoo kale maxkamadda ka soo muuqday ayaa waxa ay amartay in xabsiga lagu haayo muddo 15 cisho ah, si loo soo dhammeystiro baaritaanka eedaha loo soo jeediyey.

Kenya ayaa si aad ah u xoojisay howl-gallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, kadib markii ay kasii dareen weerarada ay Al-Shabaab ka geysato gudaha wadankaasi.

XOG: XAAF oo laga yaabo inuu u tanaasulo QEYBDIID iyo waxa uu dhaafsanayo

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Mid ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee uusan weli ku dhawaaqin madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa waxaa ku tartamayo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo muddo 4 sano ah ku fadhiyey kursiga laga leeyahay Koonfurta Gaalkacyo iyo madaxweynihii hore ee Maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa dib u dhigay magacaabista liiska kursigaan oo la filayo in loo xiro Cabdi Qeybdiid, waxaana kursigaan ka taagan dood culus oo ka dhex jirto Beesha Sacad oo ah Beesha isla leh kursiga iyo madaxweyne Qoor Qoor.

Sida ay xogta ku heleyso Caasimada Online, waxaa socdo wada-hadal u dhaxeeyo madaxweynaha Galmudug iyo Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, waxayna wararka hoose sheegayaan  inay suuragal tahay in Xaaf lagu qanciyo inuu isaga haro tartanka kursiga.

Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor ayaa Xaaf usoo bandhigay in la siiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, sidoo kalana la siiyo lacag si uu isaga haro tartanka kursiga islamarkaana loo siiyo Cabdi Qeydiid.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo wareedyo lagu kalsoonaan karo , madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa dalbaday in la siiyo lacag illaa 2 Malyan ah si uu isaga haro tartanka, balse waxaa arrintaas ku gacan seyray madaxweyne Qoor Qoor oo u sheegay inuusan hadda awoodin bixinta lacag intaas la eg balse uu isaga diyaar u yahay in lagu wareejiyo mashruuca soo dajinta qaadka ee Muqdisho la keeno.

Haddii Xaaf uu aqbalo qorshaha uu wado Qoor Qoor, waxaa hoos u dhici doonto cabsida laga qabay dhibaato ka dhalato kursiga maadaama uu Xaaf ku hanjabay inay dhibaato weyn dhici doonto haddii kursigaan loo xiro shakhsiyaad gaar ah, waxaana sidoo kale jiro musharax u taagan xilkaan balse aad ayey u yar tahay fursadda uu kursigaan kaga qaadan karo Cabdi Qeybdiid.

Sababta Xaaf looga cabsanayo in lagu soo daro dadka u tartamayo kursigan ayaa ah ilaa 3 qodob:

1- Inuu taageero weyn ku dhex leeyahay Baarlamaanka Galmudug
2- Beesha kursiga iska leh oo uu taageer xoog leh ka heysto.
3- Inuu yahay siyaasi diyaar u ah inuu lacag xoog leh ku bixiyo sidii uu kursigaas u heli lahaa.

Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba.

Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf.

Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay.

CIRRO oo walaac xoogan ka muujiyey hal arrin, kadib doorashooyinka billowday

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Mudane Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo war qoraal ka soo saaray doorasooyinka billowday ayaa walaac ka muujiyey sida loo qabtay doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka dhacay Garoowe iyo Dhuusamareeb ee maamullada Puntland iyo Galmudug.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan-yahay in la tartamo oo tanaasul la’aan ay codeynta doorashada u dhacdo, si uu tartanka socda u noqdo mid lagu qanco.

“Waan jeclaan laheyn in la tartamo oo tanaasul la’aan ay codeynta u dhacdo ,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Cirro.

Dhinaca kale wuxuu tilmaamay inuu soo dhoweynayo natiijooyinka haatan ka soo baxay doorashooyinkii qabsoomay ee Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

“Waan soo dhoweyneynaa in natiijada si sharciga waafaqsan ku soo baxday,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Ugu dambeyn guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa doorashadii shalay ka dhacday Dhuusamareeb, kadib ku ammaanay Galmudug ilaalinta qoondada haweenka ee 30%, maadaama lixda kursi ee la doortay labo ka mid ah ay yihiin dumar.

“Waa tallaabo ammaan mudan sida qoondada haweenka xil isaga saaray hoggaanka Galmudug,” ayaa markale lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska guddoomiye Cirro.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo doorashooyinkii Aqalka Sare ee ka kala dhacay Garoowe iyo Dhuusamareeb ay Senatarada ku soo baxeen tartan la’aan, kadib markii ay tanaasuleen musharraxiintii la tartami lahaa, taas oo macno beel doorasho lagu tilmaamay.

Sheekh Cabdi Xayi oo ka hadlay haddii ninka xaaskiisa GALMO uu ku qasbo in lagu tilmaami karo kufsi iyo in kale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maalmihii ugu dambeeyey waxaa barashada bulshada Soomaalida ka taagneyd dood ku saabsan haddii lagu tilmaami karo kufsi, haddii ninka xaaskisa galmo ku qasbo, waxaana doodaas kicisay Fatxiya Cabsiiye oo ka dooda arrimaha la xiriirira dumarka.

Fatxiya oo wareysi siisay Talefishin ka howlgala Somaliland ayaa sheegtay in haddii ninka uu xaaskiisa qasbo ama si xoog ah ugu tago loo arki kara kufsi,  taasoo ay si weyn uga hor imaadeen bulshadaiyo culumada Soomaalida.

Culamada ka hadashay arrintan ayaa waxaa kamid ah Sheekh Cabdi Xayi Sheekh Aadan oo ku sugan Magaalada Muqdisho, kaasoo sheegay inaan kufsi lagu tilmaami karin haddii ninka uu xaaskiisa si qasab ah ugu tago.

Sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in gabadha arrintaan ka hadashay aysan ka hadlin dhaqanka islaamka iyo midka Soomaalida, wuxuuna qeexay waxa kufsi lagu tilmaami karo iyo midda aan lagu tilmaami karin.

“Dadka ka hadlaya arrinkan kama aysan hadlin dhaqanka Islaamka, laba qof oo is qabta oo xalaal isku ah, kufsi lama yiraahdo maxaa yeelay kufsiga marka la qeexayo, waxaa la yiraahda waa isku qasbid la isku qasbo laba qof oo aan xalaal isku ahayn oo mid ka mid ah uusan raali ahayn,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

Sheekha ayaa sheegay in ay tahay wax laga xishood islamarkaana aan ku jirin dhaqanka Soomaalida in laga hadlo arrimaha la xiriira sariirta qoyska.

“Marka laba qof oo lammaane ah oo si xalaal ah isku qaba wixii dhexmara ma lagu tilmaami karaa kufsi? waa maya, la mana dhihi karo waa kufsi, mana haboona in la hadal hayo arrinkan, sababtoo ah Soomaalideena dhaqankeeda wuxuu yahay in laga xishoodo arrimaha la xirrra sariirta qoyska,” ayuu yiri Sheekh Cabdi Xayi.

Ugu dambeyntii sheekh Cabdi Xayi ayaa sheegay in Nabi Muxamed NNKH noloshiisa oo dhan inuu xaasaskiisa ula dhaqmi jiray si qurux badan, wuxuuna sidoo kale sheegay in xaasaskiisa ay mar kasta ku farxi jireen joogitaaniisa iyo naxariistiisa.

“Wuxuu Nabi Muxamed NNKHxaasaskiisa ula dhaqmi jiray si aad u qurux badan oo naxariis leh oo nolosha qoyska sida ugu fiican u maareeyay ayuu ahaa, wuxuuna na baray sida ugu wanaagsan ee loo maareeyo arrimaha la xiriira qoyska, Nabi Muxamed NNKHMuslimiinta raacsanna wuxuu shahaado sharaf uu ku siiyay oo qiimahooda, quruxdooda iyo fiicnadoodaba uu uga dhigay inuu yiri waxa idin kugu iimaan badan oo dadka idin kugu akhlaaqsan dadka haweenkooda ugu aqiyaarsan taasi waxay ku tusinaysaa ninba ninka uu uga roonyahay xaaskiisa oo uga dhaqaalayn badanyahay oo uga ixtiraam badanyahay inuu ka qayr badanyahay,” ayuu yiri Sheekh Cabdi.