25.7 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Madaxweyne XASAN oo u amba-baxay Kenya iyo ujeedka ka dambeeya safarkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u amba-baxay dalka Kenya si dib loogu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyo labada dal kaasoo aan fiicneyn shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado ka hor ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana la filayaa inuu garoonka diyaaradaha ee Jomma Kenyatta uu kusoo dhaweeyo madaxweynaha dakaas Uhura Kenyatta.

Safarkan ayaa ah kii afaraad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu baxo dalka dibadiisa iyo markii la doortay 15-kii bishii May.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u buuxsantay 60 cisho oo uu xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.

Halkaan hoose ka akhriso qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo looga hadlay safarka madaxweynaha ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa saaka u amba-baxay Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya ka dib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

Sacuudi Carabiya oo maanta qaaday tallaabo taariikhi ah oo ku wajahan ISRAEL

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa maanta qaaday dhammaan xayiraadihii saarnaa isticmaalka hawadeeda, taasi oo u muuqata iny tahay astaan ay ku wanaajineyso Israel kahor booqashada madaxweynaha Mareykanka oo halkaas tegaya maanta. 

Madaxweyne Joe Biden ayaa soo dhoweeyey “go’aankan taariikhiga ah” oo ah tallaabadii ugu dambeysay ee wanaajin oo Riyadh ay u qaado dalka Yahuudda.

Maamulka Duulimaadyada Rayidka ee Sacuudiga “ayaa ku dhowaaqday in hawada Sacuudiga ay u furan tahay diyaarad kasta oo kasoo baxda shuruudaha isticmaalka hawada,” ayaa lagu yiri bayaan lasoo dhigay twitter-ka

Go’aankan ayaa la qaaday “si loo kordhiyo dadaallada boqortooyada ay ku xoojineyso booskeeda ah inay tahay marin isku xira saddex qaaradood.”

“Go’aankan wuxuu ka dhashay diblomaasiyadda joogtada ah ee madaxweynaha ee ku wajahan Sacuudiga oo muddo bilo ah laga shaqeynayo taasi oo miro dhalkeeda uu noqday booqashada maanta,” waxaa sidaas yiri La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

Ka hor booqashada Biden ee Bariga Dhexe oo uu Arbacadii ka billaabay Israel, Washington ayaa tusmeysay inay dalal kale oo Carab ah ay qaadi karaan tallaabooyin ay xiriir kula sameysanayaan Israel.

Sacuudiga ma aysan muujin wax diidmo ah oo ku wajahan markii dalalka ay xulufada yihiin ee Imaaraadka Carabta iyo Bahrain ay xiriir la sameysteen Israel 2020-kii, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Abrahams Accord.

Hase yeeshee, fallanqeeyayaasha siyaasadeed ayaa sheegay inaysan u muuqan in Riyadh ay xiriir la yeelan doonto Israel inta lagu guda jiro booqashada Biden ama inta uu weli xukunka hayo Boqor Salman oo 86 jir ah. 

Biden ayaa goor dambe oo maanta ah gaaraya magaalada Jeddah ee Sacuudiga, inkasta oo uu horey wacad ugu maray inuu boqortooyada ka dhigi doono ‘go’doon” sababo la xiriira dilkii weriye Jamaal Khaashuqji. 

Waxa uu si toos ah uga safri doonaa Israel — isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ee duulimaad toos ah isaga gudba Israel iyo Saudi Arabia. 

Go’aanka maanta kasoo baxay Sacuudiga ayaa si buuxda u qaadaya xayiraadihii diyaaradaha Israel ka saarnaa inay adeegsadaan hawada Sacuudiga. 

Israel ayaa muddo cadaadineysay inay adeegsato hawada Sacuudiga, si ay usoo gaabiso waqtiga safarada diyaaradaheeda u safra dalal badan oo Asia ah. 

Mas’uuliyiinta Israel ayaa sidoo kale doonaya in Muslimiinta ku nool Israel ay si toos ah ugu safraan Sacuudi Carabiya. Waxaa hadda qasab ku ah inay dal saddexaad soo maraan, taasi oo qarashka ku badisa. 

Waa kuma wakiilkii sare ee Al-Shabaab ee Gaalkacyo ee xabsiga ka baxsaday?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Saddex kamid ah maxaabiis ku xirnaa xabsi si weyn loo ilaaliyo oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa Shalay baxsaday, sida uu sheegay booliska magaaladaas.

Maxaabiista oo sugayay in lagu fuliyo xukun dil ah ayaa ka booday derbiga xabsiga, waxaana marka ay baxsanayeen ay tiradoodu ahayd todobo, sida uu BBC-da u sheegay Gaashaanle Sare Muumin Cabdi Shire, taliyaha boliiska gobolka Mudug ee dhinaca Puntland.

“Saacadihii hore ee Shalay ayaa todobo kamid ah maxaabiista loo haysto Al-Shabaabnimada ay ka baxsadeen xabsi gaar ah oo ku yaalla magaalada Gaalkacyo. Saddex ayaa markii dambe la soo qabtay, halna waxa uu ku dhintay rasaastii ay ciidamada rideen,” ayuu yiri taliyaha.

Waxa uu intaa raaciyay inay wadaan baaritaan ku aaddan sida uu falkaas u dhacay, iyo inay jirto dayacaad dhanka ilaalada ah.

Booliska ayaa ku sheegay magacyada maxaabiista baxsatay:  Xasan Isaaq Maxamed, Maxamed Cali Maxamed (Istakin) iyo Liibaan Ciise Cali (Madaxkariye), waxaana uu abaalmarin lacag ah oo dhan midkiiba laba kun oo dollar uu u ballanqaaday cid kasta oo soo sheegto xogta raggaas.

Xasan Yare

Xasan Isaaq oo ku magac dheer Xasan Yare, kuna dhashay Baydhabo, ayaa muuqaal laga duubay waxa uu qirtay inuu ahaa hoggaamiye kuxigeenka Al-Shabaab u qaabilsan Koonfurta Gaalkacyo (dhinaca Galmudug).

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu mas’uul ka ahaa qarax iyo weerar ka dhacay Gaalkacyo oo lagu dilay wadaad muran badan dhaliyay oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Cilmi Yare.

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu maleegay qarax ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Cabdullahi Ciise kaasoo lagu laayay askar iyo saraakiil hubinayay ammaanka goobtaas xilli uu ku wajahnaa ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Muuqaalka laga duubay Xasan Yare ayuu ku sheegay in lagu qalday fekerka Al-Shabaab, balse uu waayay qaab uu uga baxo.

Maxay Faroole iyo Gaas u weerareen xildhibaan Sacdiya?

0

Madaxweynayaashii hore Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo shir jaraa’ iid ku qabtay magaalada Nairobi ayaa ka hadlay iska horimaadkii Isniintii Madaarka caalamiga ah ee Bosaaso ku dhexmaray ciidamada PMPF iyo PSF ee kawada tirsan difaaca Puntland.

Labada Madaxweyne oo iyagu xilka ka tagay iyadoo lasii dhaliilayo ayaa u muuqday inay ku taageereen Xukuumada hadda xilka haysa ee Siciid Cabdullahi Deni go’aankii sababay dagaalka ka dhacay magaalada Bosaaso, taasi oo u muuqata mid sababi karta in lasii huriyo xiisada ka taagan magaalada xarunta u ah dhaqaalaha Puntland (Bosaso).

Hoggaamiyayaashaasi hore oo aan la mahdin xukunkoodii intii ay maamulayeen deegaanada Puntland kuna fashilmay dhanka dhaqaalaha, amniga, maamulka iyo doorashooyinka, ayaa eeda dagaalkii ka dhacay Bosaaso dusha ka saaray guddoomiye kuxigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Salaad?

Yaa leh eeda dhiiga la daadiyey?

Waxaase la yaab ah in labada hoggaamiye ay ku doodeen in Xildhibaanad Sacdiya oo kasoo jeeda Puntland aysan amar kasoo qaadan xukuumada Puntland ee Garowe imaanshaheeda Bosaaso!

Hadiiba loo raaco fikirka ah in ay ogolaansho uga baahneyd Xukuumada Puntland, waxaa la isweydiinayaan jawaabta Puntland ma waxay ahayd inay diyaarada hawada ka celiso oo khatar iyo halis geliso rakaabka saaran diyaarada u socotay Bosaaso?

Mase mudneyd in rasaas laga dhex rido Madaarka Caalamiga ah ee Bosaaso oo weerar lagu qaado ciidamadii PSF ee la sheegay inay u yimaadeen illaalinta wafdiga?

Soo kuma filneyn in Puntland war kasoo saarto imaanshaha Xildhibaanad Sacdiya hadiiba ay dhibsatay oo ay hadal iyo garnaqsi ku qeexdo waxa ay dhibsadeen, balse Bosaaso ma mudneyn in markale lagu daadiyo dhiiga dhalinyarada u taagan difaaca Puntland Taliskii ay doonaan haka tirsanaadeenee.

Amarkii Madaxweyne ku-xigeenka

Puntland marka uu ka maqan yahay Madaxweynuhu waxaa ku-sime ka ah madaxweyne ku-xigeenka oo amrey in diyaaraddu soo degto, laakiin amarkiisa la diidey, waxaana uu mas’uuliyadda dhibatadaas dusha ka saarey labada wasiir ee sida tooska ah ulla xiriiraayey Madaxweynaha dalka maqnaa xiligaas, laakiin arrintan uma muuqan Gaas iyo Faroole.

Faroole iyo Gaas oo uu weli sii muuqdo raadkoodii dhaqaale burburka ahaa oo ay uga tageen Bosaaso iyo guud ahaan gobalka Bari halkaas kuma ekaan oo waxay meesha ka saareen Kaalinta Issimada iyagoo ku dooday in issimada kaalinta kaliya oo ay leeyihiin ay tahay (Nabadeynta Beelaha Is-dagaalay?).

Arrintan oo u muuqata mid wadada loogu sii xaarayo in meesha laga saaro awoodii Dastuuriga ahayd ee Issimada oo ah hay’ada kaliya ee xiligan la xisaabtami karta siyaasiyiinta xukunka haya ee wakhtigoodu kooban yahay.

Mase yihiin labada hogaamiye kuwii xiligan talo laga dhageysan lahaa?

Cabdiraxmaan Faroole waa hogaamiyihii magaalada Bosaaso kusoo rogay cunqabateyn oo mamnuucay inay xafiisyo ka furan karaan hay’adaha caalamiga ah, halka Cabdiweli Gaas lagu eedeeyo heshiiskii DP World ee dekada oo Bosaaso ku keenay dhaqaale burbur xoogan.

Faroole, oo isagu xusul duub u galay inuu markii 2aad noqdo Senator Federaal, ayaa hada waxaaba la oron karaa waa caqabada hortaagan doorashadii Qof iyo Cod ee Puntland, maleeshiyaad isaga ka amar qaata ayaa hor istaagay dhismihii golihii deegaanka ee Eyl, kadib markii xisbigiisa looga itaal roonaaday, iyagoo xabad la hor istaagay codkii shacabka magaalada uu kasoo jeedo ee Eyl.

Eyl ayaa sidaa ku noqotay degmada kaliya ee aan gole deegaan illaa iyo hada loo dhisin, sadexdii degmo ee tijaabada u ahayd doorashada Qof iyo Cod.

Waxaa la oron karaa labada hogaamiye talada ay bixiyeen xikmad cusub kuma kordhin xukuumada Madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni, waxaaba la oron karaa waxayba kula taliyeen inay marto xukuumadan wadadii ay ku baxeen xukuumadihii ay kasoo taliyeen oo nabaro badan oo dhaqaale, amni iyo maamulo xumo uga tagay dhulka Puntland, gaar ahaan Boosaaso.

W/Q: Faarax Axmed Yusuf (Tukaale)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Maxaa sababay in 20 sano kadib ay isku qiimo noqdaan lacagaha dollar-ka iyo Euro?

Doolarka ayaa sii xoogeysanaya marka loo eego  lacagaha waaweyn  ee lixda ah (6) ee looga qiyaas qaato qiimihiisa, waxa uu kor u kacay 108.50, isaga oo gaadhay heerkii ugu sarreeyey muddo 20 sano ah, maalgashadayaashuna  lacagta doolarka u arkaan lacagta keliya ee la isku haleyn karo waqti-xaadirkaan, lacagta Euro’da oo kamid ah lixdaas lacagood hoos u dhaceeda wuu sii socdo; Isu-dheellitirka Euro-Dollar ayaa hoos u dhacay ilaa heerka 1.0000, taas oo kadhigan in labada lacagood ee Euro iyo dollarka ay isku qiimo noqdeen 20 sano kadib. Arinkaan oo kale waxa uu dhacay December 2002 wakhtigaas oo labada lacagood isku qiimo noqdeen, halka wixii waqtigaas ka dambeeyay ay Euro’du ka awood badneed Dolarka.

Lixda (6) lacagood ee uu doolarku ku saleysanyahay ama loo fiiriyo waa kuwaan soo socda.

1. Lacagta Japan
2. Lacagta Euro
3. Lacagta Canada,
4. Lacagta Ingriiska
5. Lacagta Sweden
6. Lacagta Switzerland

Hadii lixdaan lacagood dolarku ka awood bato waxa ay ka dhigantahay qiimaha doolarka aduunka oo dhan sare ayuu u kacay.

Waa maxay sababaha keenay in ay isku qiimo noqdaan labada lacagadood.

Waxaan halkaan kusoo koobeynaa ilaa iyo afar sabab (4) oo horseeday in qiimaha lacagta Euro’da ay hoos u dhacdo qiimaha lacgata Dollar’kana sare u kaco;

1. Maraykanka oo si xowli ah kor ugu qaadaya heerka dul-saarka.

Bankiga dhexe ee Maraykanka (Fed) wuxuu kor u qaaday heerarka dulsaarka bishi la soo dhaafay ee Jun 75 dhibcood taas oo heerka dulsaarka ka dhigtay 1.75%. kororkaas  oo noqday kii ugu sareeyay 28-kii sano ee la soo dhaafay sidaas oo kale bishaan aan ku jirno ee July waxaa la filayaa in bankiga dhexe ee Maraykanka (Fed) markale go’aan kasoo baxo.  Halka dhanka Euro dulsaarka uu yahay mid Minus ah (-) sidaas darteed labada dal farqiga dhanka dulsaarka ah ayaa keenay in dolarku xoogeysto lacagta Euroda ah ne ay hoos u dhacdo. Waayo maalgashadayaasha reer-galbeedka ah iyo kuwa dunida kale ku nool ee aan muslimka aheyn waxa ay faa’ido u arkaan  dulsaare sare, sidaas darteed wadanka uu dulsaarkiisa sareeyo bankiyadiisa iyo suuqyadiisa saamiga ayey lacagahooda u leexinayaan iyagoo lagahooda dollar u bedelanaya iskana iibinaya lacagaha kale.

2. Cabsida iyo walalka laga qabo hoos u dhac dhaqaale (Economic Recession)

Yurub marka loo eego Maraykanka waxay uga dhawdahay in uu ku dhaco hoos udhaca dhaqaale (Economic Recession). Waxaana loo sababeynayaa walalka laga qabo hoos udhaca dhaqaalee ee ku imaada dagaalka u dhaxeeya Ruushka iyo Ukraine. Marki uu bilowday dagaalka Ruushka iyo Ukraine, waxaa koror ku imaaday  qiimaha shidaalka aduunka oo dhan kaas oo si xun u saameeyay Midowga Yurub. Dhanka kale waxaa la aaminsanyahay in Maraykanku uu san la kulmi doonin hoos udhac dhaqaale hadii uu la kulmana uu si degdeg ah uga soo kabsan karo marka loo eego dalalka kale ee aduunka oo ay kamid tahay Yurub, taas ayaa ah sababta labaad ee uu qiimo u yeeshay lacgata dolarka looguna kalsooni badanyahay waqti xaadirkaan.

3. Dhibaatooyin ay gaar latahay qaarada Yurub

Sida lawada ogyahay waqooyiga yurub waxaa kuyaal dalal dhaqaale ahaan adag sida Jarmarlka, Holland, Faransa iwm, halka dhanka koofurta ay ku yalaan dalal dhibaato dhaqaale lasoo kulmay welina qaarkood ay la daalaa dhacayaan dhibaatdaaas dhaqaale sida wadamo ay kamid yihiin Gariiga, Spain, Talyaaniga taas oo keentay in dulsaarka Euroda sare loo qaadi waayo iyadoo laga cabsi qabo in hadii dulsaarka kor loo qaado ay dalalkaan koofurta Yurub ay ku adkaato in ay deyn qaataan maadama dulsaarka sareeyo, hadii ay qaataana ay galaan dhibaato deymeed maadaama ay yihiin dalal dhibaato dhaqaale la soo kulmay welina dareemaya.

Sidaas darteed in bankiga dhexe ee Yurub uu ku dhiiran waayo in uu sare u qaado heerka dulsaarka ayaa kalsooni dare siisay lacagta Euro’da halka lacagta dollar’ka kalsooni lagu qabo ay sare u qaaday ugu dambeytiina sababtay in Euro’du hoos u soo dhaco ilaa ay la qiimo noqoto lacagta Dollarka.

4. Walwalka laga qabo in Ruuska uu gaaska ka jarto Yurub

Ruushka ayaa  jaray tubada gaaska dabiiciga ah geysa Jarmalka isla markaasna marta kanaalka Nord Stream-1 sababtana ku sheegay in uu dayactir ku sameynayo kanaalkaas ilaa 21 bishaan July. Waxa jira walaac ay reer Yurub ka qabaan in mudada dayactirka ay ka badato waqtigi loogu talagalay isla markaasne keeni karta in ay saameyso warshadaha Yurub iyo wax soosaarkooda horseedi kartana dhibaato dhaqaale iyo kalsooni daro laga muujiyo dhaqaalaha Yurub taas oo ugu dambeyn sii xoojineysa walwalka laga qabo lacagta Euroda awoodne siineysa lacagta Dollar’ka oo maalmahaan ka awood badisay lacaga lixda ah ee aduunka ugu saameynta badan isla makaasne  ah kuwa lagu qiyaaso qiimaha dollar’ka.

W/Q: Dr. Saadaq Mohamud Hassan (Ph.D Economics)
[email protected]

Dhaqaale xumo maamulka Puntland soo wajahaday oo keentay in la sixi waayo…

0

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa wajahaya xaalad dhaqaale xumo oo daran oo keentay in xitaa Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland lala sixi la’yahay dhaqaale la’aan, sida uu sheegay maamulka

Wasiirka Waxbarashada Puntland Cabdullaahi Maxamed Xasan oo shalay hortagay baarlamanka Puntland ayaa sheegay in tani ay ugu wacan tahay kadib markii dhammaan hay’adihii dhaqaalaha ku bixin jiray ay joojiyeen barnaamijkaas, islamarkaana aysan dowladdu awoodin bixinta karashaadka lagu saxo Imtixaanka.

Wasiirka waxbarashada waxa uu sheegay in dhaqaalaha laga qaado waallidiinta ardayda kaas oo dhan celcelis ahaan 46%, uusan ku filnayn howsha sixitaanka imtixaanka.

Hay’adaha Puntland ka taageeri jiray sixida imtixaanaanadka ayaa gebi ahaanba joojiyay taageeradoodii dhaqaale, taasoo ahayd 40%, sida uu sheegay wasiirka waxbarashada Puntland.

Dhinaca kale wasiirka ayaa tilmaamay in hadda la saxay Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe oo keliya halka kii dugsiyada sare dhaqaale loo waayay.

In ka badan shan kun oo arday oo sannadkan dhammaysay dugsiyada sare ayay arrintaan caqabad ku tahay, kuwaas oo isku diyaarinayay inay jaamacaddaha ku biiraan.

Puntand waa maamulka kaliya ee ka madax bannaan imtixaanka ay qaado dowladda federalka Soomaaliya. Sidaas oo ay tahay sannadihii ugu dambeeyay, Puntland waxay la kulmaysay caddaadis ku aadan inay ka qeyb gasho imtixaanka dowladda ay qaaddo.

Bill Gates oo ku dhowaaqay inuu sadqeynayo $20 bilyan

Seattle (Caasimada Online) – Maal-qabeenka Mareykanka ah ee Bill Gates ayaa ku dhowaaqay inuu bixin doono $20 bilyan oo dollar oo kale oo ka mid ah hantidiisa, si wax looga qabto baahiyaha badan ee ka jira caalamka.

Gates ayaa sheegay in isaga oo ka walaacsan dhibaatooyinka badan ee ka jira caalamka, oo uu ka mid yahay cudurka COVID-19, uu $20 bilyan ugu deeqi doono hay’addiisa, si ay u kordhiso qarashaadka ay bixiso ee sanadlaha ah.

Deeqdan ayaa waxaa wehlin doona lacag dhan 3.1 bilyyan oo dollar oo bishii tagtay uu bixiyey maal-qabeenka kale ee Mareykanka ah ee Warren Buffett oo madax ka ah shirkadda Berkshire Hathaway. 

Lacagtan ayaa ka dhigeysa tirada lacagta guud ee ay gacanta ku hayso hay’adda Bill and Melinda Gates Foundation $70 bilyan oo dollar, oo macnaheedu yahay inay tahay hay’adda sama-fal ee lacagta ugu badan maamusha caalamka oo idil.

Gates ayaa sheegay inuu rajeynayo in maal-qabeenada kale ee caalamka ay ayagana qaadi doonaan tallaabo ay ku bixinayaan qeyb ka mid ah hantidooda.

Hay’adda Gates Foundation ayaa qorsheyneysa inay miisaaniyaddeeda sanadkii kor u qaado 50% oo ay gaarsiiso $9 bilyan oo dollar illaa laga gaarayo 2026.

Waxay rajeyneysaa in sare u qaadidda miisaaniyadda ay horumarin doonto waxbarashada, yareyn doonto saboolnimada, dibna u billaabi doonto horumarka dunida ee ku wajahan cirib-tirka cudurada laga hortagi karo oo uu hakad ku yimid sanadihii dhowaa.

Sida ay sheegtay hay’adda UNDP ee QM, qiyaastii 71 milyan oo qof ayaa dunida saboolnimo ku dhacay tan iyo markii uu billowday duulaanka Ruushku ku qaaday Ukraine 24-ii February 2022.

Bill Gates oo 66 jir ah waa shaqsiga afaraad ee ugu hodansan caalamka, waxaana hantidiisa lagu qiyaasaa $116 bilyan oo dollar, sida ay sheegtay majaladda Forbes.

Gates iyo saaxiibkiisa Paul Allen ayaa wada aas-aasay shirkadda Microsoft, oo ah mid ka mid ah shirkadaha ugu weyn uguna dakhliga badan caalamka.

Bill Gates waxa uu mar ahaa shasiga ugu hodansan caalamka, intii u dhaxeysa 1995-kii illaa 2017, marka laga reebo 2010 illaa 2013. Waxaa hadda darajadaas isku bedbedela Elon Musk iyo Jeff Bezos oo kala maamula shirkadaha Tesla iyo Amazon. 

Bill Gates iyo xaaskiisa Melinda Gates ayaa kala tegay 3-dii May 2021, markaasi oo la rumeysan yahay in Melinda ay qaadatay qiyaastii $65 bilyan oo ka mid ah hantidii qoyska. 

Sheekh ka mid ahaa culimada ugu caansan Soomaalida oo caawa geeriyooday

Hargeysa (Caasimada Online) – Allah unaxariistee waxaa goordhow dalka Hindiya Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Aadan Siiro) oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaano gudaha dalka iyo dibadda, sida ay xaqiijiyeen ehelkiisaa.

Sheekha ayaa maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa dalkaas iyadoo xaaladdiisa caafimaad lagu baxnaaninaayay, kadib xanuun soo wajahay maalmihi dambe.

Waxa uu ka cabanayay xanuunka macaanka oo saamayn xun ku yeeshay, iyadoo marar kala duwan uu caafimaad u aaday isla dalka Hindiya sannadihii u danbeeyay.

“Caawa waxa geeriyooday hoggaamiye ummadeed, nin aaminsanaa wax wada qabsiga bulshada, wuxuu hindisay Miskiin-kalkaal oo maanta quudiya danyar badan, wuxuu ahaa addoon gacan furan oo sadaqada ka bilaaba naftiisa, wuxuu ahaa codkar caddaalad jecel,” waxaa sidaas yiri xoghayaha Arrimaha Bulshada Xisbiga Waddani Maxamed Sadiiq Dhamme. 

Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) oo ah garyaqaan u olloleeya caddaalada iyo maamul wanaaga, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ku yidhi “Cod dheer ayaa caawa damay. Eebe ha u naxariisto. Samir iyo iimaan qoyskiisa ha ka siiyo”.  

Sheekh Aadan Siiro ayaa inta badan waxaa lagu yaqaanay darasaadka ku saabsan Siirada Nabigeenna Muxamed (SCW), oo inta badan ay bulshada kala socon jireen shiikha.

Sheekha ayaa ahaa shakhsi lagu yaqaanay dal jacayl iyo caawinta dadka jilicsan, waxa kale oo lagu yaqaanay in uu si joogto ah u dhaliili jiray xukuumadihii kala danbeeyay ee Somaliland, isaga oo saluug ka qabay nidaamka cadaaladeed ee ay ku shaqaynayeen.

GANACSADE caan ahaa oo caawa lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid lagu dilay Ganacsade caan ka ah magaalada oo lagu magacaabo Sheekh Salaad Ciise.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen dadka deegaanka waxa dilay nabadoonka oo kamid ahaa ganacsatada waaweyn ee dalka kooxo ku hubeysna bastoolado oo illaa hadda aan haybtooda la aqoonsan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ciidanka booliiska ay gaareen goobta uu dilku ka dhacay, ayaga oo halkaasi ka bilaabay howl-gallo lagu baadi-goobayo kooxda dilka fulisay.

Majiro illaa hadda wax war ah oo kasoo baxay laamaha amaanka oo la xiriira dilkaan, mana jirto illaa hadda cid sheegatay masuuliyada dilka Ganacsadaha.

Dilkaan ayaa kusoo aadaya xili uu sii xumaanayo amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, islamarkaana ay kusoo bateen dilka iyo dhaca loo geysanayo dadka shacabka ah.

Si kastaba, Dilalka noocan oo kale ee loo yaqaano ku dhufo ee ka dhaqaaqda ayaa waxa magaalada Muqdisho ka fuliya xubnaha Al-Shabaab, kuwaasi oo ay ku beegsadaan masuuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo dadka maangalka ah.

Sawirro: Xil-wareejin ka dhacday xafiiska ra’iisul wasaare Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xaflad xil-wareejin ah ayaa maanta ka dhacday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, taasi oo uu xilkii si rasmi ah ugula wareegay afhayeenka cusub.

Afhayeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha, Farxaan Jimcaale ayaa xilka kala wareegay Agaasimihii hore ee warfaafinta, Libaan Cabdi Cali.

Madasha xil-wareejinta ayaa waxa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Maxamed Abuukar Subeer iyo Howl-wadeennada xafiiska warbaahinta ee ra’iisul wasaaraha.

“Waxaa farxad ii ah in maanta si rasmi ah aan ula wareegay xilka Afhayeenka iyo Agaasimaha warfaafinta iyo xiriirka bulshada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha oo ah fursad qaali ah oo aan ugu adeegayo dadka iyo dalka,” ayuu yiri Afhayeenka cusub ee maanta xilka la wareegay.

“Waxaan u mahad-celinayaa Agaasimihii aan xilka kala wareegay walaalkay Liiban Cabdi Cali, shaqadii wanaagsanayd ee uu u soo qabtay shacabka iyo dhammaan hawl-wadeennada xafiiska.”

Farxaan Jimcaale oo dhawaan la magacaabay ayaa ka tegay shaqadii Saxafinimo ee BBC-da, si uu xilkaan cusub u qabto, waxaana xafiiskan soo maray weriyeyaal badan, iyadoo ra’iisul wasaare kasta uu soo magacaabo afhayeen cusub.

3 qodob oo ku cusub xogta Xasan Sheekh uu ka bixiyey askarta ku maqan Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qaar ka mida waalidiinta askarta ku maqan dalka Eritrea siiyey warbixin ku saabsan ciidamadaasi oo uu kormeer ugu tegay, una kuurgalay xaaladooda.

Kulanka oo ahaa kii ugu horeeyay ee dhex maray madaxweyne Soomaaliyeed iyo guddi ka socda waalidiinta askarta muddo 3 sano ah ayuu Xasan Sheekh raaligelin ka siiyey waalidiinta dhibaatooyinkii lagula kacay iyo xog la’aanta halkii ay ku danbeeyeen wiilashooda.

Inta la baahiyey warbixinta madaxweynaha siiyey waalidiinta askarta waxaa ku jiray xog cusub oo ku sabsan ciidamadaasi iyo xaaladdooda oo aan horey loo ogeyn, waxaana ka mid ah:

1 – Inay yihiin ciidamo Soomaaliyeed oo niyadoodu sareyso, diyaarna u ah inay difaaca dalka ka qeyb qaataan, ayna dowladu u adeegsan doonto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

2- Inay dhibato ka taagneyd sidii ay ula xiriiri lahaayen waalidkood, xaaladooda askarnimo iyo xaaladda dalka Eritrea darteed.

3- Inuu Madaxweyne Xasan Sheekh bixiyey lacag loogu talogalay inay askartaasi ay u adeegsadaan telefoonada iyo la xiriirka qoysaskooda, hadda kadibna ay awoodi doonaan inay lasoo xiriiraan.

Dhinac kale waxaa warbixinta Xasan Sheekh ka muuqatay in dib u soo celinta ciidamadaasi aysan degdeg ahayn oo waqti iyo kharash u baahan tahay ama ay jiraan arrimo kale oo xalin u baahan, iyadoo aan waqti loo qaban soo laabashadooda. 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu kulanka socday celin waayey dareenkiisa, ayada oo la arki karay inuu ilmada ceshan waayey.

“Waalidaan ahay, Aabaan ahay carruur leh, awoowaan ahay waan garan karaa macnaha ay ku fadhiyaan iyo xanuunka ay leeyihiin,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, waalidiinta ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalka Eritrea ee la kulmay Madaxweyne Xasan ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.

Isha: Goobjooge

Saciid Deni oo dib ugu soo laabtay Puntland xili xiisad xoogan ka taagan tahay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maalmihii dambe safar ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa maanta dib ugu soo laabtay caasimada maamulka ee Garoowe.

Deni iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir Airport ee Garoowe Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Axmed Karaash, Mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweynaha Puntland ayaa 4-tii bishaan u ambabaxay dalka Isu-taga Imaaraadka Carabka, isaga oo markii dambe usii duulay dalka Itoobiya, ilaa haddana xog badan lagama helin safarada dibedda ee Deni.

Deni ayaa intii uu joogay dalka Itoobiya la kulmay mas’uuliyiin kala duwan, kuwaasi oo ka wada-hadlay iskaashiga labo dhinac geesoodka ah, kaasi oo diiradda lagu saaraya arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo isu-socodka dadka.

Imaanshaha Saciid Deni ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan magaalada Boosaaso ay ka dhacday dagaal u dhaxeeyay Ciidanka PSF-ta iyo kuwa PMPF-ta, kadib markii garoonka laga celshay diyaaradda siday Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, oo ayadu wadday gargaar loogu talo-galay dadka ay saameysay abaartu.

Waxaa weli ka taagan gudaha Puntland xiisad ka dhalatay is-hortaaga lagu sameeyay Xildhibaanad Sacdiya, ayada oo siyaasiyiin badan ay ku dhaleeceyen Sacdiya hanaankii ay uga dhooftay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Beesha ay kasoo jeedo Sacdiya ay ku eedeyeen madaxweyne Deni in uu ka dambeeyay qorshe dil oo ka dhan ah Guddoomiye ku-xigeenka koowaad, maadama ay diyaaradu ku shidaal beeshay garoonka dushiisa.

Si kastaba, Xiisada ka dhalatay arrintaan ayaa galaafatay labo wasiir oo ka tirsan xukuumadda Deni, kuwaasi oo madaxweyne ku-xigeenka Puntland uu shaqo joojin ku sameeyay.

Gaas oo sheegay arrin laga doonayo inay sameyso xildhibaan Sacdiya Yaasiin kadib dagaalkii Boosaaso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo markale ka hadlay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday magaalada Boosaaso, ayaa sheegay in mas’uuliyadeeda leedahay Gudoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Salaad Samatar.

Gaas ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in Sacdiyo ay baalmartay nidaamkii dowliga ahaa ee dalku lahaa, islamarkaana aysan ku wargelin socdaalkeeda madaxda sare ee Puntland oo aheyd ka hor intayna ka duulin Muqdisho ay la socodsiiso safarkeeda.

“Meesha dhib baa ka dhacday aad u weyn, dhowr iyo laabatan wiil oo ciidankii Puntland ayaa ku dhintay. Waaa nasiib darro aan ka xumahay hadda ka horna waa ka hadlay, waxay aheyd arrin laga baaqsan karayay,” ayuu yiri Gaas oo la hadlay idaacada VOA-da

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Haddii ay imaaneyso waxay aheyd inay dowladda Puntland soo ogeysiiso oo meeqaamkeeda lagu soo dhaweeyo, mucaawinada ay wadana ku wareejiso hay’addii ku shaqada laheyd waa haddii ay Puntland u siday.”

Sidoo kale waxa uu ka dalbaday Xildhibaanad Sacdiya inay garowshiyo ka bixiso wixii dhacay, maadama ay darteed u dhaceen ayna hareer martay hanaankii dowliga ahaa, sida uu sheegay.

“Haddii ay ayadu la socon oo diyaarada la iska soo diro wax dhib leh ma aha, laakiin iyada ayaa socotay oo imaatinkeedana culeys ayuu leeyahay oo qof iska socda ma aha, arrintaas waa ku qaldantay nasiib darro.”

Shaqaaqada ka dhalatay socdaalkii Sacdiya ayaa waxaa ku dhimatay inta la xaqiijiyay illaa 20 qof, taasi oo u dhaxeysay ciidamadii ilaalada ka aha garoonka Boosaaso iyo ciidamada PSF, oo ayagu rabay inay diyaarada ka dejiyaan mucaawinada iyo masuuliyiinta saaran.

Sacdiya ayaa mar ay la hadashay idaacada VOA ku dooday in ka hor intii aanay diyaaradu ka duulin Muqdisho ay la socod-siisay socdaalkeeda iyo mucaawimada ay waday Guddoomiyaha gobolka Bari, Cabdirisaaq Shaahdoon.

Hase yeeshe Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya, oo ayada lagu eedeynayo inay ku fududaatay socdaalkaasi.

Maxay yihiin ciidamada ay Ethiopian Airlines kasoo dejisay Muqdisho? + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa Muqdisho kasoo dejisay ciidamo ay Dowladda Nigeria usoo dirtay Soomaaliya, kuwaas oo ka mid noqonaya howlgalka ATMIS, qaybta booliska oo taageero tababar iyo la talin u fidin doono Booliska Soomaaliya.

Askartan oo tiradoodu ay gaareyso illaa 160 askari ayaa bedelaya kuwa kale oo loo yaqaan Nigeria Formed Police Unit 10, kuwaas oo dhawaan ku laabtay dalkaasi, kadib markii ay soo gabagabeeyeen howlgalkooda shaqo oo ay ka mid ahaayeen in ay gacan ka geystaan sugidda amniga intii lagu jiray doorashooyinkii soo dhammaaday ee ka dhacay Soomaaliya.

Sida ku cad Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, qaybta booliska ee ATMIS waxay yeelan doontaa 1,040 askari oo ay ku jiraan 5 Unug boolis oo la sameeyay, waxayna shaqeyn doonaan illaa marka la gaaro December sanadka 2024-ka.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay taageeraan tababarada gaarka ah iyo la-talinta ciidamada booliska Soomaaliya oo haatan isku diyaarinayo howlgallo lagu sugayo amniga dalka.

Ku-xigeenka taliyaha booliska, Fidelix Jonah Awu,oo hoggaaminayey kooxda imaatay ayaa sheegay inay door weyn ka qaadan doonaan horumarinta sharciga iyo dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Tani waa unuggii kow iyo tobnaad ee booliska Nigeria ee loo dirayo Soomaaliya tan iyo 2012, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxday howlgalka ATMIS, qaybta booliska.

Wadamada booliska ku deeqay ATMIS ayaa waxa ay kala yihiin Ghana, Kenya, Nigeria, Sierra Leone, Uganda iyo Zambia kuwaas oo la geeyay shanta qaybood ee howlgalka.

Booliska London oo baaritaan ku billaabay kiiska Mo Farah

London (Caasimada Online) – Booliska London Metropolitan ayaa furay baaritaan lagu sameynayo shaac ka qaadista orodyahan Mo Farah ee ah in isaga caruur ah si tahriibin oo sharci-darro ah lagu soo geliyey UK.

Baaritaanka ayaa imanaya kadib markii Mo, oo 39 jir ah, uu dokumenteri ku sheegay in haweeney uusan aqoon ay keentay UK markii uu ahaa 8 sano jir, islamarkaana lagu qasbay inuu daryeelo caruurteeda.

Waxa uu sheegay inaan loo ogolaan inuu iskuul aado illaa uu ka garaay 12 jir.

Dokumenteriga, oo ay soo saareen BBC iyo Red Bull Studios, ayuu Mo Farah ku sheegay in magaciisa runta ah uu yahay Hussein Abdi Kahin.

Waxa uu shaaciyey in Britain lagu keenay ayada oo la adeegsanayo baasaboor been abuur ah oo lagu dhajiyey sawirkiisa iyo magaca Mohammed Farah, oo ah kan uu isaga oo isticmaalaya uu ku guuleysatay afar billad oo dahab oo ah cayaaraha olombikada.

“Waxaan ka war haynaa warbixinada warbaahineed ee ku saabsan Sir Mo Farah. Weli warbixino toos ah sooma gaarin MPS xilligan,” ayey booliska London ku yiraahdeen war-saxaafadeed ay soo saareen.

“Saraakiil ku xeel-dheer arrintan ayaa furay baaritaan, waxayna hadda qiimeynayaan akhbaaraadka la heli karo.”

Mo Farah ayaa horey u sheegay inuu Britain la yimid waalidkiis isaga oo kasoo qaxay Soomaaliya. Balse dukumenteriga BBC-da wuxuu ku caddeeyey in waalidkiis aysan weligood iman UK.

Aabihiis waxaa dishay xabad intii ay socdeen dagaallada sokeeye ee Soomaaliya markii Mo Farah uu ahaa 4 jir, sida lagu sheegay filim-ka. Hooyadiis iyo laba wiil oo la dhashay waxay ku nool yihiin Somaliland, oo ah gobol sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya balse aan haysan aqoonsi caalami ah.

Mo Farah ayaa dokumenteriga ku sheegay in macallinkiisa cayaaraha Alan Watkinson uu ka caawiyey inuu dhalashada UK qaato, isaga oo adeegsanaya magaca Mohamed Farah.

Dowladda UK ayaa sheegtay inaysan wax tallaabo ah ka qaadi doonin Mo Farah oo la xiriira inuu jebiyey sharciyada socdaalka.

Mo Farah wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu matalay Britain.

AP + VOA

Wafdi ka socda DF oo tegay Puntland kadib dhacdadii magaalada BOOSAASO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wafdi ballaaran oo uu horkacayo Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa maanta gaaray Puntland, isaga oo qiimeyn ku sameyn doono xaaladaha dadka ay saameeyeen abaaraha.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa garoonka magaalada Garoowe kusoo dhaweeyey madax ka tirsan Puntland, sida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulkaasi.

Ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubnihii la socday, balse faah-faahin lagama bixin kulanka.

Wararka ayaa sheegaya in booqashada Ergeyga ay ku timid, kadib markii uu dalab usoo diray guddoonka baarlamaanka Puntland oo ka codsaday inuu kormeero deegaanada ay abaaraha ka jiraan, si loo qiimeeyo xaaladaha nololeed ee ka jira, loona gargaaro dadkaasi.

Booqashada Cabdiraxmaan ayaa kusoo aadeyso, ayada oo haatan ay taagan tahay xiisad ka dhalatay socdaal ay Boosaaso ku tegtay Xidlhibaan Sacdiyo Yaasiin oo gargaar u waday Bari, waxaana dhacdadaasi ka dhashay iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dhanka kale ma cadda in Ergeyga uu Puntland kala hadli doono shaqaaqadii ka dhacday Boosaaso ee ka dhalatay gurmadkii ay sidday xildhibaan Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho, waxaana arrintaas ka dhalatay xiisad xoogan.

Puntland ayaa ka mid ah meelaha ay sida daran u saameysay abaarta baahsan ee ka jirta qaybo badan oo ka mid ah dalka, waxaana socda gurmad loo fidinayo dadka tabaaleysan.

Si kastaba, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo loo xil-saaray abaaraha iyo gurmadka socda ayaa horey u booqday deegaano ka tirsan maamullada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo HirShabelle, isaga oo u kuur galayey xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira gobolladaasi.

Caqabadii haysatay askarta Soomaaliyeed ee ku maqan dalka Eritrea oo la xaliyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaciyey in la xaliyey caqabad heysatay dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka ugu maqan Eritrea, kadib kulan uu la qaatay guddiga waalidiinta ee carruurtaasi.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlayey waalidiinta ayaa sheegay inuu xaliyey dhibaato dhalinyaradaas ka heysatay inay lasoo xiriiraan waalidka, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu usoo reebay lacag ay ku iibsadaan kaar, si ay ula soo hadlaan qoysaskooda iyo ehelladooda.

“Intooda meesha joogta nin walba inuu qoyskiisa lasoo hadlo lacag ay kaar ku iibsadaan ayaan usoo reebay, waxaa la xaliyey caqabado ku aadan arrintaas anniga oo rajeynaya maanta ama berri midkood inay soo hadlaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu la dareemayo waalidiinta xanuunka hayo, wuxuuna ballan-qaaday in si deg-deg ah dib loogu soo celinayo dhalinyaradaas dalka.

“Waalidaan ahay, Aabaan ahay carruur leh, awoowaan ahay waan garan karaa macnaha ay ku fadhiyaan iyo xanuunka ay leeyihiin,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey madaxweynuhu.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale intii uu kulanka socday celin waayey dareenkiisa, ayada oo la arki karay inuu ilmada ceshan waayey.

Arrintaan ayaa ku soo aadeyso ayada oo haatan xog buuxda laga helay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday Eritrea, kadib markii uu booqasho ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan safar ku tegay Eritrea.

‘Shirqool lagu dili lahaa’ xildhibaan SACDIYA oo lagu eedeeyey madaxweyne Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha iyo waxgaradka Beesha Meheri ee Puntland ayaa kulan warbaahineed ay ku qabteen magaalada Muqdisho si weyn ugu cambaareeyay dhacdadii Boosaaso ee dib looga celiyay diyaaradii ay la socotay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Samatar.

Waxay sheegeen in ujeedada laga lahaa celinta diyaaradaas oo siday gar-gaar ay aheyd isku day dil oo lagu khaarajin lahaa Sacdiya, kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo madaxweynaha Puntland, Saciid Deni.

“Sacdiyo waa Xildhibaanad kasoo jeeda maamul goboleedka Puntland waxay aheyd in xushmad gaar ah la siiyo, meysan noqon. Waxaa loogu tala-galay in diyaaradii siday Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Sacdiya ahna ku-simaha Madaxweynahay ay ku qalibato oo ku shidaal beeshay madaarka korkiisa.”

Sidoo kale waxay wax laga xumaado ku tilmaameen in qaabkaas foosha xun loola dhaqmo Sacdiyo, oo ayadu isku xil-qaamtay wax ay garan waayeen madaxda u sareysa ee maamulka Puntland.

“Hadaad talada badin laheyd (Deniyow) waxa maanta dhacaya ee dhibaato ah meysan dhaceen, aad baa uga xumahay in ay Puntland meeshaas mareyso oo qofka reer Puntland uu ku jiro shaki iyo walaac oo leeyihiin maxay ku dambeyn doonta.”

Ugu dambeyntiina Suldaanka beesha Cabdillaahi Jaamac ayaa sheegay in madaxweyne Saciid Deni ay ka baahday, ayna aad uga xun yihiin meesha uu gaarsiiyay Puntland, isagoo ka dalbadeyna inuu dib isugu laabto.

Maxaabiis dil lagu xukumay oo ka baxsaday xabsiga Gaalkacyo + Magacyada

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Macluumaad dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa maxaabiis u xirnaa Puntland oo xalay ka baxsaday xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, kuwaas oo lagu helay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.

Maxaabiista baxsatay oo jabiyey qolkii ay ku xirnaayeen ayaa tiradooda lagu sheegay illaa 7 ruux, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka ah amniga ah.

Booliska Puntland ee Gaalkacyo ayaa shaaciyey in mid ka mid ahaa raggaasi ay toogasho ku dileen, saddex ka mid ahna ay gacanta ku dhigeen, halka saddex kalena ay baxsadeen.

Saraakiisha laamaha amniga ayaa shaaca ka qaaday magacyada maxaabiista u xirnaa Al-Shabaabnimada ee fakaday, kuwaas oo kala ah:- 1-Xasan Isaaq Maxamed, 2-Maxamed Cali Maxamed (Istakin) iyo 3-Liban Ciise Cali (Madax-kariye), kuwaas oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen kooxihii dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo.

Raggaan saddexda ah oo ay horey dil ugu xukuntay maxkamadda ciidamada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale midkiiba la dul-dhigay lacag dhan $2,000 oo la siinayo ciddii soo sheegta, sida lagu sheegay warbixinta kasoo baxay taliska booliska.

“Qofkii soo sheega dhagar qabayashaas waxaa loo balan qaadayaa abaal marin dhan midkiiba $2.000 oo dollar sido kale waxa lo balan qaadayaa inaysan cidkale ogaaneyn ruuxa soo sheega,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Booliska Puntland.

Maxaabiistaan ayaa horey uga soo muuqday warbaahinta, gaar ahaan barnaamijka Af-Meer oo baahiyey wareysiyo ay bixiyeen oo la xiriira dilal & weeraro ay ka geysteen Gaalkacyo.

Fanaan Gaarane oo shaaciyey mas’uulkii ka dambeyey inay NISA dhibaateyso (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo sanad iyo 3-bilood u xirnaa hey’adda Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA, isla markaana sheegay in jir-dil culus loo geystay ilaa uu ka qirto Al-Shabaab uusan weligiis ku biirin, ayaa hadda shaaciyey ninka marsiiyey dhibaatadaas.

Abshir Gaarane oo wareysigii ugu dheeraa siiyey Weriye Maxamed Cali Maxamed oo ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho ayaa sheegay in masuuliyadda xabsigii, jir-dilkii uu soo maray iyo sumcad dilkii loo geystay uu ka dambeeyey Cabdullahi Kullane.

Cabdullaahi Kullane hadda waa xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, xiliga la xiray Gaarane wuxuu ahaa xubin sare oo ka tirsanaa NISA, sidoo kale Kulane iyo Gaarane waa isku heyb, inkastoo Gaarane uu wareysigaan ku sheegay in waligiis aysan waxaba dhex marin isaga iyo Kulane.

Wuxuu sheegay in maalintii la xiray ilaa hadda loo sheego in qofka soo xirtay ee dhibkaas marsiiyey uu ahaa Kulane Jiis, halka Ibraahim Macalin oo xiligaas ahaa taliyaha godka Jilicow uu ahaa fuliyaha qorshihii Fanaankaan lagu geliyey dabinka.

Sanadkii 2020-kii ayaa twitterka NISA lagu baahiyey muuqaalka Abshir Gaarane oo qiranayo inuu 13 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse wareysigaan ayuu ku soo bandhigay dhibaatadii loo geystay ee ku kaliftay inuu sheegto Shabaab uusan aheyn.

Abshir oo lasoo xiray bilowgii bishii koowaad ee sanadkii 2020 ayaa sheegay in maalinkii sagaalaad ee xabsigiisa uu ku qasbanaaday inuu qirto wixii ay doonayeen ragii jir-dilayey ee Jilicow ku heystay.

Wuxuu sheegay in qolka lagu jir dilay ee sagaalka maalmood lagu haayey uu ku dheganaa xafiiska Ibraahim Macalin oo ahaa taliyaha NISA ee godka Jilicow, kaas oo ugu dambeyntii loo geeyey, taleefankiisana uga duubay muuqaalka lagu baahiyey bogga NISA.

Madaxweynihii hore Farmaajo oo fanaankaan ay isku heyb ahaayeen, ayuu sheegay in kiiskiisa uu ka war qabay bilow ilaa dhamaad, isla markaana ay ehelkiisu ay la kulmeen ugu yaraan labo jeer, balse uu dowladiisii ka waayey wax cadaalad ah.

Dhamaan masuuliyiinta dowladaan uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ugu horeeyaan Madaxweynaha, Taliyaha NISA Mahad Salaad, duqa Muqdisho iyo baarlamaanka dalka ayuu Fanaankaan ka codsaday inay cadaalad u raadiyaan.

Wuxuu ku cataabay in Muqdisho oo uu ku koray lagu dhibaateeyey, hadana uu ku dhex bahdilan yahay, shaqo uusan heysan, cid kasta ay shaqo u diiday, dowladiisa oo dulmisay uusan cadaalad ka helin.

Al-Fanaan Abshir Gaarane wuxuu intaas ku sii daray in shaqadii uu ka heystay gobolka Banaadir loo diiday inuu dib ugu laabto, bulshada uu kala kulmo takoor xun, ilaa hadda uusan shaqo helin, sababta loogu diidayana ay tahay sumcad dilkii ay ku sameysay dowladii Farmaajo, gaar ahaan xubnihii u joogay hoggaanka hey’adda NISA.

Hoos ka daawo wareysiga oo dheer