25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Daawo: Booliska Muqdisho oo soo qabtay raggii dilay Macallin Nuur Jimcaale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey wajiga labaad ee howlgallo loogu magac daray ‘Samakaab’ oo ka dhanka ah tuugada iyo ciyaal weerada, kuwaas oo maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan oo ka socday dhamaan degmooyinka gobolka ayaa lagu soo qabtay rag loo heysto tuugnimo, hubkii ay wateen, agab ay dadkii lahaa dhaceen iyo maan-dooriye Xashiish u badan oo gacantya lagu soo dhigay.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay rag lagu tuhmaayo inay geysteen dilkii Macalin Nuur Jimcaale oo shalay tuugo taleefan ka dhaceysay ay ku dishay degmada Kaaraan.

Afhayeenka ayaa sheegay in ragaas lagu qabtay meel u dhow goobtii uu ka dhacay dilka Macalinka, isla markaana marqaatiyaal loo helay inay geysteen dilkii Macalinka.

“Bulshada degmada Kaaraan iyo booliska oo is kaashanaya waxay soo qabteen rag lagu tuhunsan yahay dilkii Macalin Nuur Jimcaale, waxaa lagu qabtay meel u dhow goobtii lagu dilay Macalinka, waxaana loo helay marqaatiyaal ku cadeynaya dilkaas inay geysteen,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay hoggaamiyihii guud ee ciyaal weerada degmada Kaaraan, kaas oo booliska ku abuuray rajo ah in cunug kasta oo ka mid ah ciyaal weerada degmadaas gurigiisa loogu tago, maadaama la qabtay horjoogahoodii.

Degmooyinka Hiliwaa, Yaaqshiid, Wadajir, Kaaraan, Wardhiigley iyo Hodan ayaa ka mid ah degmooyinka laga soo kala qabtay ragaan ku eedeysan tuugnimada ee galabta boolisku uu u soo bandhigay warbaahinta.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/ztSj7-N9oL0?t=2

Muxuu CC SHAKUUR ku tilmaamay heshiiskii Xasan Sheekh iyo Uhura Kenyatta?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga abaaraha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal kasoo saaray heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya Uhura Kenyatta iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Cabdiraxmaan ayaa si gaar ah uga hadlay ku dhawaaqista dib u furista xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay wanaajinayso in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka u baahan.

“Tallaabada dib loogu furayo xudduudka waxay fududeynaysaa gargaarka bani-aadannimo. Xudduudka xiran wuxuu caqabad wayn ku yahay gurmadka abaaraha iyo gargaar gaarsiinta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada xudduudka ku yaalla,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waa tallaabo loo qaaday jihada saxda ah taas oo kor u qaadeysa awoodda hay’adaha gargaarka bani’aadamnimada si ay gargaar u gaarsiiyaan oo ay u bixiyaan taageero waqtigeeda ah. Waxaan uga mahadcelinayaa madaxweynayaasha dib-u-furista waqtigeeda kusoo aaday ee soohdinta dheer ee u dhexeysa labada dal,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo furo xuduudda labada dal si loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqyada shacabka labada dal loona xoojiyo gacansiga badeecadaha ee ka dhaxeeya labada dal.

Qoraalka kasoo baxay ergeyga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan dhanka abaaraha ayaa sidoo kale looga codsaday hay’adaha ay khusayso fulinta heshiiskan inay qaadaan tallaabada dib loogu furayo xuduudka.

“Waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta iyo hay’addaha u xilsaaran fullinta go’aanka Madaxweynayaasha in ay hawshooda ugu hormariyaan furitaanka xudduudka,” ayuu yiri.

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyey JABUUTI

0

Jabuuti ( Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Jabuuti oo kamid ah wadamadii uu xiriirka u jaray madaxweynihii hor ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli International Airport ee magaalada Jabuuti kusoo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa.

Labada mas,uul ayaa la filayaa inay ka wada hadlaan sidii dib loogu hagaajin lahaa xiriirka labada dowladood.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka ay Villa Somalia kasoo saartay safarka madaxweyne Xasan Shiikh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha ee Ambouli International Airport ee magaalada Jabuuti, Madaxweynaha dalka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada dalkaas, Saraakiil ciidan iyo cutubyo ka tirsan baambayda dalkaas oo salaan sharaf ku maamuusay soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti soo dhaweynta diirran iyo martiqaadka heerka sare ah ee ay ku maamuuseen isaga iyo wafdigiisa, waxa uuna tilmaamay in booqashadan ay bilow wanaagsan u tahay sidii loo wanaajin lahaa xiriirka labada dal, loona adkeyn lahaa tiirarka adag ee dhaqan-dhaqaale iyo walaalnimo ee ka dhaxeya labada shacab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Jabuuti waxa uu kulan la qaadan doonaa walaalkiis Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, isagoo hadal ka jeedin doona Xarunta Baarlamaanka Jabuuti, si uu uga xog warramo xaaladda dalkeenna iyo duruufaha ku xeeran, ahmiyadda xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo doorkooda wadajirka ah ee ku aaddan horumarka iyo xasilinta Gobolka.

Afar faa’iido oo Soomaaliya ugu jirta heshiiska Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhigiisa wadanka Kenya Uhura Kenyatta ayaa dib u furay dhabaha cilaaqaadka togan ee labada dal kaasoo ciriiri ku jiray dhowrkii sano ee u dambeysay.

Tallaabadaan ayaa bogaadin deg deg ah ka heshay dadka uu sida taban u saameeyey cilaaqaadii liitay ee sanadihii dambe.

Labada madaxweyne ayaa heshiis dhowr qodob ah waxay ku gaareen madaxtooyada magaalada Nairobi. Waxay ka dhigan tahay inay laba bilood ku qaadatay madaxweyne Xasan Sheekh hagaajinta xiriirka mid ka mid ah dalalkii ugu fogaa nidaamkii Villa Somalia baneeyey oo uu madaxda u ahaa madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Haddaba sheekadaan waxaan ku eegeynaa waxyaabaha laga faa’idi karo heshiiska ay shalay magaalada Nairobi ku gaareen labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya:

  1. Ganacsiga

Inkastoo dib loo fasaxay ganacsiga qaadka oo aysan Soomaalidu isku si u arag faa’idadiisa iyo khasaarihiisa, haddana dhinaca kale in ganacsiga kalluunka Soomaaliya uu banaanka suuq ka helo waa fursad aan la dhayalsan karin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga sugayey inuu Uhura Kenyatta ku qanciyo inuu wax uun Soomaaliya uga fuqo si qaadka looga fasaxo ayaa u muuqda inuu ku guuleystay qodobkaan bilowga u noqon kara ganacsi baaxad leh oo dhex mara bulshada labada dal.

  1. Socdaalka

Halka ugu badan oo ay dadka Soomaalidu ugu safraan sida maalinlaha ah waa Kenya. Caqabado badan oo tixano ah ayaa gelista Nairobi ka jiray maalmo badan.

Sidoo kale xuduudka ayey caqabado joogta ah ka jireen taasoo dhaawacday ganacsiyadii dhex mari jiray dadka degan deegaanada ku teedsan xadka.

In labada madaxweyne ku heshiiyeen furista xadka iyo fududeynta socdaalka, gaar ahaan dadajinta dal ku galka Kenya ee dadka sita baasaboorka Soomaaliga ah ayaa xiiso loo dhan yahay u yeeshay heshiiska labada hoggaamiye.

  1. cilaaqaadka labada dal

Xiriirka Soomaaliya iyo Kenya wuxuu gaaray meeshii ugu xumeyd abid, labada dal ayaa xataa isku garbiyey fagaarayaasha caalamiga ah, waxaa hoos u dhacay iskaashiga amniga, gaar ahaan iskaashiga la dagaalanka Al-Shabaab.

Mugdiga cilaaqaadka xataa wuxuu gaaray inuu saameeyo shacabka labada dal, si gaar ah Soomaalida oo hadda dano badan ku heysata gudaha Kenya.

Heshiiskii shalay wuxuu nafis siyaasadeed u yahay cilaaqaadka labada dal, waxaana la filayaa inuu yareeyo cadaadiskii heystay shacabka.

  1. Dib u eegis iyo joogteyn

Maadaama labada dal dhowr jeer oo ay ballameen aan la fulin heshiisyada qaar waxaa nuxur fiican u yeelay war-murtiyeedkii shalay inay bisha Agoosto ee sanadkaan Muqdisho ku kulmi doonaan guddi labada dal ah oo sii turxaan bixinaya qodobada heshiiskaan iyo fulintooda.

Maalmo cusub ayaa u bilowday labada dal ee dariska ah. Dadka ka faalooda siyaasadda gobolka ayaa tallaabo macno leh u arka dib u hagaajinta cilaaqaadka siyaasiga ah, ganacsiga iyo iskaashiga labada dale e Soomaaliya iyo Kenya.

Ilhaan Cumar oo weerar ku qaaday JOE BIDEN kadib tallaabadii uu qaaday shalay

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar, oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa si wayn uga soo horjeedsatay safarka uu madaxweyne Joe Biden ku tagay dalka Sacuudiga.

Gabadhan oo Congress-ka ku matasha gobolka Minnesota ayaa sheegtay in booqashada Biden ee Sacuudiga “ay dirayso farriin khaldan”, sida uu shaaciyay wargayska The Independent.

Go’aanka uu madaxweynaha Mareykanka ku tagay Sacuudiga ayay shegetay inuu yahay mid ka hor imaanaya hadal uu horay u jeediyay oo ahaa in uu Sacuudiga ka dhigi doono “dal go’doonsan” kaddib dilkii loo gaystay wariye Jamaal Khaashuqji.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in uu Dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan u sheegay inuu si shakhsi ahaan ah ugu haysto mas’uuliyadda dilkii wariye Jamaal Khaashuqji.

Mr Biden ayaa hadalkan jeediyay kaddib markii uu Amiirka kulan wadahadal ah kula yeeshay magaalada Jeddah. 

Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa mar walba beeniya eedeymahaas.

Khaashuqji oo ahaa wariye fadhigiisu yahay Mareykanka oo kasoo jeeday Sacuudiga ayaa sanadkii 2018-kii lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga.

Biden ayaa markii uu xilka madaxweynaha u tartamayay, oo ahayd kaddib dilkii Khaashuqji, waxa uu yiri: “Waxaan ku khasbaynaa inay ka qoomameeyaan, run ahaantiina waxaan ka dhigaynaa go’doonka ay hadda yihiin.”

Ka hor inta uusan billaabin booqashadiisa Bariga Dhexe, waxa uu sheegay in uusan la kulmi doonin Maxamed Bin Salmaan, maadaama uu ugu careysan yahay dilkii wariyaha.

Maxay tiri Ilhaan Cumar

Ilhaan Cumar ayaa dhaleeceysay tallaabada uu Biden u qaaday dhanka Sacuudiga, iyadoo sheegtay in ay ka turjumayso in Mareykanku uusan ku dadaalin ilaalinta xuquuqda aadanaha.

“Waxay ila tahay inay dirayso farriin khaldan oo gaaraysa qof walba oo ku dadaala ilaalinta xuquuqda aadanaha, Mareykankuna wuxuu xoojiyaa dhowrista qiimaha xuquuqul-insaanka, sida horumarinta dimuqraaddiyadda iyo u doodista dumarka,” ayay tiri.

Madaxweyne Biden, ayaa difaacay booqashadiisa la dhaleeceeyay, isagoo sheegay inuusan dooneyn inuu xiriirka u jaro dalkan, wuxuuna si toos ah ugu duulay Sacuudiga isaga oo Israa’iil ka soo kicitimay.

Duullimaadka Sauudiga iyo Israa’iil isku xira oo horay mamnuuc u ahaa ayaa hadda dib loo furay, waxayna labada waddan u muuqdaan inay wax badan ka baddaleen xiriirkooda diblomaasiyadeed.

Dr Axmed Sheekh Maxamed “Axmed Tiir”, oo ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe ayaa sheegay in dadaalka ku saabsan arrintan uu soo jiitamayay muddo dheer.

“Arrintaas waxay ka dhigan tahay dadaal soo socday muddo dheer oo uu Mareykanka daba ka riixayay, oo ah in Israa’iil ay ku milanto Bariga Dhexe, gaar ahaan dowladaha Khaliijka, Masar iyo Urdun, oo ay ka mid noqoto dhinaca amniga, Dhaqaalaha ayna noqoto dowlad ay Carabta aqbalaan, ugana dhow Iiraan iyo dowlado kale oo Muslimiin ah,” ayuu yiri.

Isha: BBC

Xasan Sheekh oo dalka kusoo laabtay balse isla maanta u baxaya safar kale oo dibadeed

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hoggaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib booqasho rasmi ah oo ay ku tegeen caasimada Kenya, waxaana la filayaa inuu isla maanta u baxo safar kale.

Madaxweyne Xasan oo soo gaabiyey safarkiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhoweeyey mas’uulyiin ka tirsan labada gole ee dowladda, waxaa kadib loo galbiyey dhismaha xarunta madaxooyada Soomaaliya, ayada oo muddo kooban loo xiray qaar ka mid ah waddooyinka.

Sida uu qorshaha ahaa madaxweynaha ayaa la filayey inuu la kulmo jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalka Kenya, balse ma dhicin, wuxuuna isla maanta kusoo laabtay Muqdisho, taas oo ka dhigeysa in booqashadiisu ay qaadatay hal maalin oo qura. remotepilot101.com

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu isla galabta u dhoofo dalka Jabuuti, halkaasi oo uu ku tegayo booqasho hal maalin ah, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Waxa uu Jabuuti kula kulmi doonaa madaxweynaha dalkaas Ismaaciil Cumar Geelle, oo ay ka wada hadli doonaa xoojinta xiriirka labada dal oo xumaa tan iyo muddadii uu Farmaajo ahaa madaxweynaha. Farmaajo ayaa Jabuuti kala saftay Eritrea oo ay xiisad kala dhaxeyso.

Safarka madaxweynaha ee Jabuuti ayaa noqonaya kii shanaad ee uu dalka uga baxo, tan iyo markii dib loo doortay, wuxuuna horey u booqday, dalalka Imaaraadka, Turkiga, Eritrea iyo Kenya.

Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Nairobi wuxuu wadahadallo miro dhal ah la yeeshay dhiggiisa Uhuru Kenya oo ay wada saxiixeen heshiis dib loogu fasaxay Qaadka Kenya.

Sidoo kale waxaa heshiiskaas qayb ka ah xoojinta iskaashiga amniga, dhaqaalaha, fududeynta dal ku-galka, dhaq-dhaqaaqa badeecadaha, kor u qaadidda xiriirka diblomaasiyadeed iyo siyaasadeed ee labada dal.

Sida ay shaacisay Villa Soomaaliya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo diirradda saaraya xoojinta  xiriirka iyo iskaashiga Soomaaliya la leedahay dalalka Gobolka ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay Soomaali heshiis la ah dariskeeda iyo danaha isku dhafan ay wadaagan waddamada Gobolka, gaar ahaan  dhinacyada adkeynta xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta.

Maxay SOOMAALIYA ka faa’iiday heshiiska KENYA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Villa Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar oo wareysi siiyey BBC ayaa faah-faahin ka bixiyey heshiiska cusub ee ay wada gaareen madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan faa’iidada ugu jirto Soomaaliya.

Cabdikariin Cali Kaar ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay wax badan ka faa’iiday heshiiskan, isla-markaana ay tahay tallaabo horey loo qaaday.

“Waxaa Soomaaliya ay ka faa’iiday Kenya iyo Soomaaliya aadbey isugu saabsan yihiin waa laba dal oo taariikh qoto dheer ay ka dhexeyso oo dad, duunyo iyo dhulba leh,” ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa xusay in waxyaabaha kale heshiiskan ay Soomaaliya ka faa’iiday ay ugu muhiimsan tahay inay xasilooni iyo badqab ku noolaadaan shacabka Soomaaliyeed ee deggan xuduuda labada dal, iyaga oo ganacsina ay is dhaafsan doonaan labada dhinac.

“Waxa ugu weyn ee heshiiskaas kasoo baxay waxaa weeyaan dadka Soomaaliyeed xuduudada labada dhinac ku nool ee xasilooni, badqab iyo ganacsi intaba ka helaan Kenya, intaas ayaa ugu weyn wixii Soomaaliya ay ka faa’iiday,” ayuu sii raaciyey Cabdikariin Cali.

Arrinta qaadka ayuu sidoo kale soo hadal qaaday, wuxuuna tilmaamay in qiimaha ay Kenya ka heleyso qaadka ay iyaduna mid la mid ah Soomaaliya ka heli doonto kalluunka ay ku bedelatay, sida uu hadalka u dhigay.

“Soomaalia waxay qaadka ku beddeleysaa kalluunka oo aan oran karo Soomaaliya wuu ku baaraa waa la qaadayaa Kenyaa la keeni doonaa. Kenya waad ogtahay waa dal dad ahaan fara badan dhaqaale ahaana dadkiisu awood wax iibsi ay leeyihiin marka inta qaadka Kenya kasoo galeyso ayaa kalluunka naga soo galayo” ayuu yiri afhayeenka Villa Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu shaaca ka qaaday in sidoo kale dal ku-galka la fududeyn doono, isla-markaana uu qofka muwaadinka ah ku heli doono ugu yaraan 1 illaa 10 maalin.

“Baasaboorada caadiga ah ee dadka shacabka leeyihiin iyagana marka ay Online ku dalbadaan 10 maalmood gudahood ayey ku lehayaan marka aan ku leeyahay 10 maalmood waa ugu badnaan, ugu yaraana hal maalin,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey Mr. Kaar.

Soomaaliya iyo Kenya oo xiriirkoodu aad u hooseeyey sanadihii lasoo dhaafay ayaa hadda sare u kacay, kadib isbedelka siyaasadeed ee 15-kii May ee sanadkan 2022-ka ka dhacay magaalada Muqdisho oo markale dib loogu doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

DF oo shirkad Mareykan ah u shaqaaleysay inay Biden ka dhaadhiciso in Soomaaliya lagu daro barnaamijka AGOA

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaqaaleysay shirkadda Von Batten-Montague-York, L.C si ay danaha Soomaaliya uga ololeyso congress-ka Mareykanka, waxaa sidaas qoray wargeyska Africa Intellegence.

Warbixin uu wargeyska qoray ayaa lagu sheegay in shirkadda ay si gaar ah uga shaqeyn doonto sidii ay Congress-ka Mareykanka iyo mamaulka madaxweyne Biden uga dhaadhicin laheyd in Soomaaliya qeyb ka noqoto Xeerka Kobaca iyo Fursadaha Afrika ama African Growth and Opportunity Act (AGOA). 

AGOA waa xeer uu Congress-ka Mareykanka ansixiyey bishii May ee sanaddii 2000. Waxa uu ujeedkiisu yahay inuu caawiyo dhaqaalaha dalalka Afrika ee saxaraha ka hooseeya, islamarkaana horumariyo xiriirka dhaqaale ee Mareykanka iyo gobolka.

Waxa uu dalalka Afrika u ogolaanaya inay si fudud usoo galaan suuqyada Mareykanka, taasi oo Soomaaliya ay dooneyso inay ka faa’iideysato. 

Madaxweynaha Mareykanka ayaa go’aan ka gaara dalalka ka qeyb-galay barnaamijkan haddii ay kasoo baxaan shuruudaha u saamaxaya inay ka mid noqdaan. 

Waxaa ka mid ah inay ilaaliyaan xeerarka suuqyada dhaqaalaha, ku dhaqanka sharciga iyo siyaasadda wadarta, waana inay maalgeliyaan daryeelka caafimaadka, waxbarashada iyo la-dagaalanka musuq-maasuqa. 

Ma cadda haddii Soomaaliya ay buuxin karto dhammaan shuruudahaas, hase yeeshee shirkadda Von Batten-Montague-York, L.C waxay ka caawin kartaa inay xubnaha Congress-ka ka dhaadhiciso inay madaxweyne Biden ku cadaadiyaan inuu aqbalo Soomaaliya.

Shirkadda Von Batten-Montague-York, L.C ayaa saameyn xooggan ku leh xeerka AGOA, waxayna horey uga shaqeysay in Ethiopia laga hakiyo xubinnimadeeda bishii Janaayo 2022 sababo la xiriira dagaalka ka socda gobolka Tigray tan iyo bishii November 2020.  

Inkasta oo wargeyska uu qoray in shirkaddan uu shaqaaleeyey safiirka Soomaaliya ee Mareykanka Ali Sharif Ahmed, haddana qoraal ay Von Batten-Montague-York, L.C soo dhigtay twitter-ka waxay ku sheegtay inay shaqaaleysay koox lagu magacaabo United Somali Alliance oo fadhigeedu yahay Mareykanka.

Ma cadda xiriirka ka dhaxeeya kooxdaas iyo dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab oo Muqdisho ka billaabay beegsi ka dhan ah beesha Saleebaan

0

Baxdo (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka bilowday beegsi ka dhan ah beesha Saleebaan ee Habargidir, gaar ahaan waxgaradka deegaan ahaan ka soo jeeda magaalada Baxdo iyo nawaaxigeeda.

Al-Shabaab waxay labadii habeen ee lasoo dhaafay gudaha Muqdisho ku dileen laba Nabadoon oo kala ahaa Sheekh Salaad Ciise Diiriye iyo Sheekh Cabdi Faniinte.

Labadaan wadaad ayaa ka soo jeeda magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud oo dhawaan lagu laayey dagaalyano weeraray oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, taas oo keentay in Muqdisho lagu ugaarsado culumada ka soo jeeda degmadaas.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Sheekh Shaakir oo qoraallo ka soo saaray dilka Sheekh Salaad Ciise oo habeen ka hor la dilay waxay qireen inuu ahaa Nabadoon waqti badan geliyey dib u heshiisiinta bulshada deegaanada Galmudug, ka hor tagga fikirka Al-Shabaab iyo arrimaha samafalka.

Inta badan waxgaradka beesha ayaa hadda ku baraarugay in beegsigaan uu ku socdo, isla markaana ay Al-Shabaab doonayaan inay ku qasbaan in ugu dambeyn ay is dhibaan oo Baxdo iyo deegaanada ku xeeran ay si fudud gacanta ugu dhigaan.

Hase yeeshee durba waxaa la dareemayaa falcelin togan oo dhalinyarada, waxgaradka iyo siyaasiyiinta beesha reer Xaaji Saleebaan ay ka muujinayaan beegsigaan uga imaanaya kooxda Al-Shabaab, waxayna wacad ku marayaan in aysan is dhiibi doonin oo kooxda ay iska difaaci doonaan.

Horay Al-Shabaab ayaa ugu guuleystay cadaadis ay saareen beesha Dir ee degta magaalada Bacaadweyn ee koonfurta gobolka Mudug, kadib markii ay waxgaradka beeshaas Muqdisho ku beegsadeen.

Markii looga adkaaday weerarro badan oo Bacaadweyn ay ku qaadeen, waxay Al-Shabaab dhowr nabadoon oo reer Bacaadweyn ah ku dileen gudaha magaalada Muqdisho, taas oo ugu dambeyntii sababtay in bulshada reer Bacaadweyn ay isku dhiibto Al-Shabaab oo hadda u taliya.

Weerar lagu beegsaday mas’uul sare oo ka dhacay Gaalkacyo + Khasaaraha

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdooyin xalay siyaabo kala duwan uga dhacay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay weerar ku qaadeen madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ee gobolka Mudug Cilmi Cali Guuleed, kaas oo uu weerarka kasoo gaaray dhaawac halis ah, kadib markii ay rasaastu madaxa ka haleeshay.

Ragga weerarka geystay oo goobta ka baxsaday ayaan la garan heybtooda, waxaana meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in xalay waqooyiga magaalada Gaalkacyo lagu dilau Allaha u naxariistee Cirro Xaaji Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada magaaladaasi.

Dilka marxuumka ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo xilligaas howlgal ka waday xaafado ka tirsan waqooyiga Gaalkacyo, iyada oo la sheegay in rasaas ay fureen ay haleeshay wiilkaasi dhalinyarada ah oo si weyn looga garanayey halkaas.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaaha ammaanka Puntland iyo maamulka degmada oo ku aadan dhacdooyinkaasi.

Gaalkacyo oo kala qaybisa maamuullada Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa inta badan ka dhaca weeraro khasaare geysta iyo dilal qorsheysan oo ay ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab oo QARAX ka geysatay dalka Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga halayo gobolka Waqooyi Bare ee dalka Kenya ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay ay Al-Shabaab ka fulisay deegaan hoostaga magaalada Mandheera, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay saarnaayeen shaqaale Kenyaan ah oo u shaqeynayey shirkad dhismo, waxayna ku sii jeedeen dhanka deegaanka Wargadud-Takaba oo ka tirsan magaalada Mandheera ee gobolka Bari ee Wadanka Kenya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 3 qof oo ka mid ah shaqaalaha, halka uu burbur soo gaaray baabuurkii ay la socdeen.

Saraakiisha laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen inay wadaan howlgal ay ku baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo goobta ka baxsaday marka ay qaraxa fuliyeen.

Xaaladda deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana qaraxaan uu qayb ka noqonayaa weeraro maalmahaan dambe ka dhacayey halkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka fuliya gudaha Kenya, waxaana khasaaraha ugu badan uu kasoo gaaraa ciidamada dalkaasi.

Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab, waxayna ciidamo ugu jiraan howlgalka ATMIS, ex AMISOM ee ka socda Soomaaliya.

Nabaddoon kale oo caan ah oo habeenkii labaad oo xariir ah lagu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Nabadoon Sheekh Cabdi Faniinte ayaa caawa lagu dilay magaalada Muqdisho, waxaana dilkiisa geystay koox bistoolado ka hubeysan oo aan heybtooda la garan.

Dilka Nabadoonkaan ayaa ku soo beegmay xilli xalay sidaan oo kale degmada Hiliwaa loogu Nabadoon Sheekh Salaad Ciise, oo ahaa wadaad ganacsade ah.

Waxaa xusid mudan in labada Nabadoon ee 24-kii saac ee lasoo dhaafay magaalada Muqdisho lagu wada dilay ay ka soo jeedaan beesha Saleebaan ee Habargidir.

Si gaar ah, labada wadaad ee labadaan habeen ee isku xigta Muqdisho lagu beegsaday waxay ka soo wada jeedaan magaalada Baxdo ee gobolka Galgaduud oo dhawaan Al-Shabaab lagu laayey.

Mudooyinkaan dadka reer Muqdisho waxay ka nasteen beegsigii badnaa ee kooxda Al-Shabaab, balse waxaa bedalay tuugo iyo ciyaal weeraro khasaare badan ka geystay caasimadda.

Hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa baacsiga tuugada iyo ciyaal weerada, taas oo sababtay in Muqdisho laga mamnuuco isku socodka mooto Bajaaj-ta, wixii ka dambeeya 12:00 AM – saqda dhexe ee habeenkii.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhibsaday bandowgaan aan la shaacin waqtiga laga qaadayo, waxayna mooto Bajaaj-tu muhiim u tahay hoyaadka dadka ganacsada iyo kuwo danahooda kale ugu daaha gudaha magaalada.

Xasan Shekeh iyo Uhuru oo ku heshiiyey 11 qodob

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhuru Kenyatta ayaa war-mrtiyeed wadajir ah kasoo saaray wada-hadallo ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.

Wada-hadallada ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Soomaaliya uu maanta Kenya ku tegay casuumad rasmi ah oo uu ku helay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta

Kadib wada-hadallo ay yeesheen ayey labada madaxweyne isku raaceen 11 qodobo oo la xiriira xoojinta xiririkada labada dal.

Qodobadaasi ayaa waxaa ugu weyn in labada madaxweyne ay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay dagaalka ka danka ah argagixisada, si loo xaqiijiyo guul laga gaaro, waxayna fareen hay’adaha amniga labada dal inay isku xiraan dadaalladooda ku aadan dagaalkan, si loo xaqiijiyo amniga iyo ilaalinta muwaadiniinta labada dal.

War-murtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in labada madaxweyne ay isku raaeen in dib loo billaabo duulimaadka shirkadda Kenya Airways ee Muqdisho sida ugu dhaqsiyaha badan, si waafqsan Heshiiska Adeegga Hawada ee Labada Dal ee loo yaqaan BASA, kaasi oo dib u eegis lagu sameyn doono.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa sidoo kale isku raacay in la fududeeyo sarena loo qaado iskaashiga ganacsi ee labada dal, ayada oo Soomaaliya loo furay inay suuqyada Kenya u dhoofiso kalluunka, halka Kenya ay dib u billaabeyso dhoofinta khaatkii la gayn jiray Soomaaliya, sida ugu dhaqsaha badan.

Kenya ayaa sidoo kale ogolaatay in mas’uuliyiinta wata baasaboorka diblomaasiga iyo kan addeega dadweyne (Service) ee Soomaaliya ay Visa-ha Kenya ku helaan 48 saac gudahood marka ay ka codsadaan online, laguna siiyo garoonka, ayada oo aan wax lacag ah laga qaadin.

Waxay sidoo kale labada madaxweyne hoosta ka xariiqeen in dadka wata baasaboorka shacabka ee Soomaaliya si deg deg ah ay Visa-ha Kenya ku helaan, ayada oo la doorbidiyo in lagu siiyo 10 maalmood gudahood.

Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo furo xuduudda labada dal si loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqyada shacabka labada dal loona xoojiyo gacansiga badeecadaha ee ka dhaxeeya labada dal.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale faray guddiga wada-jirka ah ee labada dal ee (JCC) inay ku kulmaan Muqdisho bisha August, si ay uga wada-hadlaan isugna raacaan arrimaha danta ay ugu wadajirto labada, sida dhaq-dhaqqayada amni, waxbarashada, beeraha, ganacsiga, is-dhaafsiga xogta sirdoon, caafimaadka iyo tabararada dhinacyada kala duwan.

Mareykanka oo qaaday tallaabo ay si weyn usoo dhoweysay Somaliland?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa soo dhaweysay xeerka difaaca qaranka Mareykanka oo golaha wakiilada Mareykanka ay wax ka badal ku sameeyeen si la isku waafajiyo xiriir difaac oo dhex mara Somaliland iyo Mareykanka iyo xeer kaga degsan.

War–saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in ay Somaliland si weyn usoo dhaweeneyso wax ka badalka lagu sameeyey xeerkaan oo la ansixiyey Khamiistii shalay aheyd.

“Jamhuuriyada Somaliland waxay soo dhaweeneysaa ansixinta Golaha Wakiilada Maraykanka ku sameeyeen xeerka ogolaanaya in wasaaradda arrimaha dibaddu ay samayso cilmi-baaris iyo ka warbixin xiriir ammaan oo ay yeeshaan Maraykanka iyo Somaliland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda.

Xeerkaan ayaa sahlaya in Mareykanka iyo Somaliland ay yeeshaan wada-shaqeyn la xiriirta in Mareykanka iyo xulafadiisa helaan albaab ay ka galaan Geeska Afrika si looga hortago joogitaanka Iiraan ee gacanka Cadan.

Sidoo kale, ujeedka laga leeyahay xeerkaan ayaa ah in laga hortago saameynta sii kordheysa ee Shiinaha, la dagaalanka argagixisada, tahriibinta dadka iyo xayawaanka iyo hubka sharci darrada ah. Waxaana sidoo kale la sheegay inuu xeerkaan keeni doono horumar dhanka ganacsiga ah.

Dhanka kale, wakiilka maamulka Somaliland u jooga Mareykana Bashiir Good oo isna qoraal soo saaray ayaa soo dhaweeyey ansixinta xeerkan, wuxuuna golayaasha sharci dajinta Maraykanka ka codsaday in ay gacan ka gaystaan dhaqan gelinta xeerka ay ansixiyeen.

“Waxaanu ku dhiirigalinaynaa aqalka wakiilada iyo odayaashaba in ay dhamaystiraan hirgalinta talaabooyinkan wax dhisaya, sidoo kalena ay wasaaradaha arrimaha dibada iyo difaaca kala shaqeeyaan, cilmi-baaristaan oo waqtigeeda ku qabsoonta waxay horseedi doontaa horumarinta xiriirka Mareykanka iyo Somaliland” ayuu yiri.

Ansixinta xeerkaan ayaa yimid kadib safarkii uu madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku tagay Mareykanka bishii March ee sanadkaan, waxaana la filayaa in labada dhinac ay dhawaan kala saxiixdaan heshiisyo la xiriira dhanka ammaanka iyo diblomaasiyadda.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda kasoo baxday wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ee lagu soo dhaweeyey ansixinta xeerkaan taasoo lagu qoray luuqadda ingiriiska.

 

Macallin dugsi quraan oo sabab yaab leh loogu dilay magaalada Muqdisho + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariiste waxa magaalada Muqdisho lagu aasay Macalin Nuur Jimcaale Cali oo ahaa Macalin dugsi Quraan oo xalay lagu dilay xaafada Nageyle ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Kooxda burcadka ee dilay Macalin Nuur ayaa doonayay inay ka qaatan telefoon gacanta oo qiimihiisa uu ka yar yahay 20 Dollar, kuwaasi oo markii dambe dilay xili uu kasoo laabtay masjidka oo uu kusii jeeday gurigiisa.

Hooyada dhashay Macalin Nuur iyo eheledda qoyskiisa ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dowladda in cadaalad u hesho Wiilkeeda, oo ay dishay gacan ka gardaran, islamarkaana cadaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay dilkiisa.

“Igaarkeyga gacan ka gardaran ayaa dishay, macalin dugsi ayuu ahaa Ilaahay ayaa saacadiisa intaas ku simay. Adduunyada la joogi maayo gacan ha la igu adeego. Igaarkeyga iisoo noqon maayo ee Janno Farduuso allaha ka waraabiyo,” ayey tiri.

“Cadaalad ayaa rabaa, madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha, kuli guddoomiyeyaasha iyo dhamaantood waxaa ka rabnaa cadaalad.”

Sidoo kale waxay laamaha amniga ka codsadeen inay sida ugu dhaqsaha badan uga howl-galaan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa raggii ka dambeeyay dilka Macalin Nuur.

“Walaalkay Allaha u naxariisto, waxa Kaaraan ka dhacaya wax loo dulqaadan karo ma aha, waa inay dowladda wax ka qabato oo sharciga la horkeeno, waa Nin ehlu diin ah oo masaajidka ayuu kusoo tukadaya, wax loo adkeysan karo ma ah ee waa inay wax ka qabato dowladda.”

Dilalka iyo dhaca loo geysanayo shacabka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii dambe noqday wax joogto ah, waxaana inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ka dhaca dil iyo dhac loo geysto dadka shacabka ah.

Puntland oo tallaabo qaaday kadib dhacdadii fakashada xubnaha Al-Shabaab

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ku-simaha Gudoomiyaha ahna Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee gobolka Mudug Xasan Cabdullaahi Warsame ayaa guddi baaris u magacaabay dhacdadii dhawaan ka dhacday Saldhiga Cirka oo ay ku xirnaayeen qaar kamid ah xubnaha Al-Shabaab.

Guddigaan oo ka kooban 7 xubnood, ayaa waxaa loo xil saaray baarista dhacdada fakashada maxaabista, kaasi oo uu ku jiray wakiilkii sare ee Al-Shabaab u qaabilsana Gaalkacyo.

“Waxaa farayaa taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug iyo taliyaha saldhiga Cirka inay guddiga baarista u fududeeyaan hawsha baaritaankooda,” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Mudug.

Dhacdadaan ayaa habeen hore ka dhacday xabsiga sida gaarka ah ay ugu xirnaayeen xukunsanayaal ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana ka baxsaday 7 xubnood, ayada oo Afar kamid ah oo mid dhaawac yahay la qabtay, halka Saddex kamid ah aan illaa hadda gacanta lagu soo dhigin

Hoos ka aqriso magacyada xubnaha:

1. Maxamed Xassan Waloore: Guddoomiye kuxigeenka 2aad G.Mudug
Guddoomilyaha Guddiga

2. Maxamud Cabdi Nuur – Duga Magalaada Gaalkacyo xubin

3. Gaashaanle Sare Aadan Nuur Cali – Taliyaha Xabsiga Dhexe Gobolka Mudug xubin

4. Gaashaanle dhexe Maxamed Cabadulaahi Xirsi

5. Gaashaanle Maxamed Khaliif Jaamac – Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Mudug Xubin

6. Xeer ilaaliyaha Maxkamadda CQS G/Mudug Cawil Balley

7. Ku-xigeenka CID-da gobolka Mudug lbraahim Bidaar xubin.

Sawirro: Sidee Xasan Sheekh loogu soo dhoweeyey Nairobi?

0

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay.

Madaxweynaha ayaa isla maanta la kulmi doona dhigiisa madaxweyne Uhuru Kenyatta, ayaa wada-hadaladooda dhinacyada badan taabanaya waxay xooga ku saari doonaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Xasan ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taasi oo horseedaysa horumarinta hanaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya.

Safarka madaxweynaha ee Kenya ayaa sidoo kale waxa uu door weyn ka qaadanaya adkeynta xiriirka labada dal, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta gobolka.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.

Si kastaba, Safarkaan ayaa ah kii afaraad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu baxo dalka dibadiisa iyo markii la doortay 15-kii bishii May, ayada oo ay u buuxsantay 60 cisho oo uu xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.

Xasan Sheekh oo ka leexday dariiqii Farmaajo ee is-qarinta – Maxay ka dhigan tahay tallaabada uu qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wuxuu ahaa dareen aan si fudud lagu cabiri karin. Waa kulan Villa Somalia ku dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo waalidiinta dhallinyaradii tababarka ciidan loogu qaaday waddanka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan safar ku tagay wadanka Eritrea. Ujeedka ugu weyn ee safarkiisa ayaa la xiriiray dhallinyaro halkaas loo geeyey tababar ciidan si ay uga mid noqdaan ciidanka dowladda Soomaaliya.

Doodda ciidamadaan muddo badan ayey taagneyd, safarkii madaxweynaha kadib waxaa billowday hadalo rajo u badan oo la xiriiray in dib loo heli doono dhallinyaradaas.

Tan iyo markii uu madaxweynaha dib ugu soo laabtay Muqdisho waxaa aad loo sugayey tallaabadiisa koowaad. Arbacadii waxay aheyd maalin gaar u ah waalidiinta dhalay dhallinayarada tababarka loo qaaday. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka beeray waddadii aamusnaanta ee hoggaamiyihii ka horreeyey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna qaabilay qaar ka mid ah waalidka dhalay dhallinyarada ku maqan tababarka.

Muuqaal ay sii deysay Villa Somalia wuxuu madaxweynaha u sheegay waalidka inuu soo arkay dhallinayaradaan ayna yihiin kuwa ay ka go’an tahay inay dalkooda u adeegaan. Wuxuu sheegay in tallaabo walba oo geysinimo ah ay ku kacdo qiimo gaar ah uuna si walbaba ciidankaas uu kusoo celin doono dalka.

Muuqaalka ka sokow waxay madaxtooyada qoraal ay soo daabacday ku sheegtay inuu madaxweynaha waalidka la wadaagay inay jireen caqabado haystay ciidanka balse hadda la xaliyey, lama faahfaahin caqabadahaas.

Qaar kamid ah waalidka dhalay dhallinayarada ku maqan Eritrea ayaa soo dhaweeyey inuu madaxweynahu booqday ciidankaas iyo inuu u war bixiyey.

Haweeney ka mid aheyd dadkii hadlay waxay sheegtay inuu wiilkeeda soo wacay Talaadadii isagoo aad u faraxsan. Sidoo kale dareenka kulanka ayaa ahaa mid gebi ahaanba jiiray dhaqankii hore ee Villa Somalia. Maamulkii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa diiday inuu la hadlo waalidkaan.

Maxay ka dhigan tahay tallaabadii Xasan Shiikh?

Si weyn ayaa loo soo dhaweeyey booqashada madaxweynaha ee ciidanka iyo kulankii uu la qaatay waalidka. Xasan Sheekh horey ayuu u ballan qaaday in haddii la doorto uu dalka kusoo celin doono wixii ka dhaqan ciidankaas.

Fallanqeeyaasha waxay leeyihiin seddex arrimood ayaa ka dhex muuqata tallaabadaan.

  1. Ballan oofin

Madaxweynaha wuxuu horey u ballan qaaday inuu waqti badan gelin doono soo celinta dhallinayaradaan, wuxuuna safarkiisa ka dhigan yahay oofinta ballantii.

  1. Dabci hoggaamineed oo wanaagsan

Inuu Xasan Sheekh Maxamuud aqbalo la kulanka iyo warbixinta waalid maalmo badan ku hor ilmeenayey Villa Somalia ka sokow garashada qofka, haddana dhinac kale waa dun iyo dabci wanaagsan oo hoggaamineed.

  1. Rajo

Madaxweynuhu inuu deg deg u qaabilo waalidka iyo inuu warbixin siiyo waxay muujineysaa rajo la xiriirta in ciidankaas xaaladoodu fiican tahay deg degna loogu soo celin doono dalka.

Deni oo ka hadlay dhacdadii Boosaaso, shaaciyeyna arrin dhex-martay isaga iyo Xasan Sheekh iyo Xamza Cabdi Barre

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cadullaahi Deni ayaa markii uu horreeysay ka hadlay diyaaradii dhawaan laga soo celiyay garoonka Magaalada Boosaaso iyo dagaalkii ka dhashay.

Saciid deni waxaa uu sheegay in mas’uuliyiinta Maamulka aysan ka warqabin diyaaradda gargaarka siday ee tagtay magaalada Boosaaso.

Deni ayaa sidoo kale sheegay in dhacdadaas ay khilaaf ka dhex abuurtay hay’adaha maamulka Puntland, wuxuuna xusay in xataa diyaaradaas aysan war ka heyn madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

“Isla markii aan xogtaas helay waxaa telefoonka kula hadlay madaxweynaha, ra’isul wasaaraha, wasiirka Gargaarka iyo ergayga abaaraha waxayna ii sheegeen in aysan war u hayn,” ayuu yiri Saciid Deni oo ka hadlay daah-furka Shirweynaha Gurmadka Abaaraha Puntland.

Ugu dambeyntii Saciid Deni ayaa sheegay in diyaarada siday gargaarka ay aheyd mid ay horey uga mamnuuceyn deegaanada maamulkaas kadib markii uu khilaaf ka dhashay gargaar ay horey uga dajisay garoonka Garoowe, sida uu isaga sheegay.

Hase yeeshee, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland ay ka war qabeen diyaaradda mucaawinada sidda ka hor tegitaankeeda.

Xildhibana Sacdiya ayaa sheegtay inay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) ka hor inta aysan diyaaraddu tegin ayna ku wargelisay mucaawimada ay keenayaan. Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya.

Waxaa kale oo Xildhibaan Sacdiya sheegtay kadib markii ay diyaaraddu degtay uu la socoo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaaash uuna ku wargeliyey in mucaawinada laga dejiyo diyaaradda.

Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay ka war-heshay intii ay diyaaraddu kusii jirtay hawada in telefoonka loogu sheegay duuliyaha in aanay diyaaraddu soo degin, hase yeeshee duuliyuhu sheegay inuu u baahan yahay inuu shidaal qaato.

Waxay intaas ku dartay inay sidoo kale horey ula xiriirtay odayaasha dhaqanka si ay mucaawanada ugala wareegaan. Waxay sheegtay in mucaawinadan loo waday Boosaaso ay ahayd toddoba tan ah oo iskugu jira bur, bariis iyo saliid; iyo wleiba cuntooyinka nafaqada.

Ugu yaraan 19 qof oo isugu jira shacab iyo askar ayaa ku dhimatay tirro kalana way ku dhaawacmeen iska-hor-imaad ka dhashay dhacdadaas sida ay xaqiijiyeen saraakiil dhanka caafimaadka ah

Madaxweyne XASAN oo u amba-baxay Kenya iyo ujeedka ka dambeeya safarkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u amba-baxay dalka Kenya si dib loogu hagaajiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyo labada dal kaasoo aan fiicneyn shantii sano ee lasoo dhaafay.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado ka hor ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana la filayaa inuu garoonka diyaaradaha ee Jomma Kenyatta uu kusoo dhaweeyo madaxweynaha dakaas Uhura Kenyatta.

Safarkan ayaa ah kii afaraad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu baxo dalka dibadiisa iyo markii la doortay 15-kii bishii May.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u buuxsantay 60 cisho oo uu xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.

Halkaan hoose ka akhriso qoraal kasoo baxay Villa Somalia oo looga hadlay safarka madaxweynaha ee Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo qaar ka mid ah dalalka Gobolka ku maraya socdaal ku saleysan xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalkaas iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dariskeeda ayaa saaka u amba-baxay Jamhuuriyadda aan dariska nahay ee Kenya ka dib casuumaad uu ka helay Madaxwayne Uhuru Kenyata.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Kenya Mudane Uhuro Kenyata la yeelan doona wadahadallo ku saleysan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyadoo ay ka wada xaajoonayaan xal u helidda caqabadaha isbeddelka cimilada, abaaraha, amniga iyo dhaqaalaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahmiyad gaar ah siinaya in danta shacabka Soomaaliyeed lagu raadiyo iskaashi iyo wax wada qabsi, taas oo horseedaysa horumarinta hannaanka iskaashi ee labada dowladood iyo danaha isku dhafan ee ka dhaxeeya labada shacab ee dariska ah, adkeynaysana xasilloonida, horumarka iyo wada-noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nayroobi waxa uu kulammo kala duwan la qaadan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, si uu uga xog wareysto xaaladdooda iyo duruufaha ku xeeran, isagoona ka dhageysan doona talooyinka iyo tilmaamahooda ku aaddan horumarka iyo xasilinta dalka.