25.8 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Faahfaahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS, ex AMISOM lagula beegsaday isgoyska Cali Kamiin, degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa inuu haleeyay gaari ay la socdeen ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu khasaare kasoo gaaray ciidamada lala beegsaday iyo dad shacab ah oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada howlgalka ATMIS ee la qarxiyey ay fureen rasaas xoogan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ciidamada howlgalka ATMIS ay mar dambe sii wateen socdaalkooda, mana jiro wax hadal oo laga soo saaray qaraxaasi.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada kolonyada ciidamada iyo kuwa ATMSIM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Khiyaano ku jirtay heshiiskii qaadka ee FARMAAJO iyo Itoobiya oo hadda laga digay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wixii ka dambeeyey markii la shaaciyey in dib loo fasaxayo qaadkii Kenya ay u soo dhoofi jirtay Soomaaliya, waxaa cirka isku shareertay hadalheynta nooca ganacsi ee dhex mari doona Soomaaliya iyo Kenya.

Prof. Shaafici Yuusuf oo iska leh shirkad ka shaqeysa dhoofinta Kalluunka Soomaaliya ayaa soo bandhigay xog ku saabsan heshiiskii ay dowladdii Farmaajo la gashay Itoobiya eek u saabsanaa Qaadka.

Wuxuu sheegay in heshiiskii Qaadka ee Farmaajo uu la galay Itoobiya uu ku dhisnaa been iyo naas nuujin, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed la siray oo loo sheegay in Itoobiya loo dhoofi doono kulluunka dalkeena.

“Si shacabka looga jeediyo heshiiskii dowladda Farmaajo iyo Itoobiya, waa nala siray, waxaana maalintii koowaad la dhoofiyey kartoomo maran oo kalluun uusan ku jirin, adduunka kama dhicin masuul dalkiisa khiyaamaya, waa la weydii karaa wasiirka iyo masuuliyiintii kale ee garoonka joogtay maalintaas,” ayuu yiri Prof. Shaafici Yuusuf.

Prof. Shaafici Yuusuf oo u waramay TV-ga Somali Cable ayaa sheegay in shirkadiisa ay shati kallun dhoofin ah ka heshay dowladda Itioobiya, balse Xasan Farmaajo oo madaxweynihii hore ay walaalo ahaayeen uu ka hor istaagay in kalluunka Soomaaliya loo iib geeyo Itoobiya.

“Dowladii Farmaajo waxay nagu tiri hadda kadib Itoobiya ayaa idinka qaadaneysa kalluunka, laakiin waxay noqotay been, waxaan ahaa qofka kaliya ee shati kalluun dhoofin ah ka heystay dowladda Itoobiya, balse waxaa naga hor istaagay Xasan Farmaajo oo lagu naaf nuujiyey heshiiskii qaadka ee Itoobiya, isagoo u daneynaya dowladaas qaadka u soo dhoofineysay dalkeena,” ayuu yiri Prof. Shaafici Yuusuf.

Wuxuu ka digay in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay soo dhoofinta qaadka Kenya u maareyso si la mid ah tii Farmaajo, isagoo soo jeediyey in ganacsada qaar aan loo xirin soo dhoofinta Qaadka Kenya.

Prof. Shaafici ayaa sababta uu Xasan Farmaajo uga hor istaagay shirkadiisa inay dhoofiso kalluunka Soomaaliya wuxuu ku tilmaamay in labada shirkadood ee qaadka Itoobiya keeneysay Soomaaliya uu Xasan ku lahaa 30%, “Shirkadahaas Itoobiya ma heysan shati kallun dhoofin ah, marka wuxuu diidanaa in shirkad 3-aad ay soo gasho ganacsigaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale Professorka ayaa soo jeediyey in hadii aan dalka laga mamnuuci karin qaadka ay dowladu ka fekerto in lagu beero gudaha Soomaaliya, si dalka ay ugu baaqto lacagta tirada badan ee maalin kasta qaadka looga soo iibiyo dal kale.

Sidoo kale Prof. Shaafici Yuusuf wuxuu dowladda Soomaaliya ku adkeeyey in heshiiskaas ay xoog saarto inuu ka dhaqan galo dhinaca Kenya.

“Hadii ay ganacsatada Soomaaliyeed ay Kenya u dhoofiyaan Kulluunka waxay fursad u helayaan inay u sii gudbiyaan dalalka deriska la ah oo aan bad laheyn, sida Uganda, waxayna Soomaalidu ka heli doontaa macaash badan,” ayuu yiri Prof. Shaafici Yuusuf.

Hoos ka daawo wareysiga

Rag hubeysan oo lagu qabtay howlgal ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo saaka ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, kaas oo lagu soo qabtay rag burcad ah oo dhac u geysanayey dadka shacabka ah.

Howlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidamada Booliska iyo mas’uuliyiinta maamulka degmada Heliwaa ayaa waxaa lagu soo qabtay 4 nin oo hubeysan, kuwaas oo gacanta lagu soo dhigay, xilli ay dhac geysanayeen, waxaana lagu qabtay moobeelo iyo agabyo kale.

Afarta nin ee lasoo qabtay ayaa haatan loo gudbiyey xarunta hay’adda dambi baarista ee CID-da oo lagu xiray, si looga qaado tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

Saraakiisha ammaanka ayaa shaaca ka qaaday in raggan lagu raadjoogay maalmihii u dambeeyey, kadib cabasho kasoo yeertay dadka deegaanka ee deggan Suuqa Xoolaha.

‘Cabasho ayaa dhowr jeer nooga timid shacabka degmada, burcad horay waan u qabanay,haddana waan wadnaa howlgalka ka dhanka ah illaa aan ka suulino xaafadaha degmada,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan laamaha amniga oo ka warbixiyey howlgalkaasi.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka shacabka ah inay garab istaagaan ciidamada ammaanka, si looga hortego kooxaha dhibaatada ku haya dadka reer Muqdisho.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa caasimada ka socday howlgallo ballaaran oo ay iska kaashanayaan Booliska iyo Nabad Sugida, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga Muqdisho.

Si kastaba, arrintan ayaa timid, kadib markii ay kordheen dhibaatada ay shacabka ku hayaan burcadda iyo kooxaha ciyaal weerada ee ka jira degnooyinka gobolka Banaadir.

Siyaasadda Xasan Sheekh ee ku wajahan Kenya iyo Itoobiya iyo halista haddii ay dhacdo hal arrin

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu xafiiska ka tagay bishii February 2017-kii, iyadoo ay Soomaaliya heshiis la tahay dalalka Kenya iyo Itoobiya oo ah dalal si taban iyo si toganba u saameeya dadka iyo dowladnimada Soomaaliya.

Xasan Sheekh wuxuu xafiiska kusoo noqday May 2022, iyadoo Kenya albaabada laga xirtay oo Itoobiya ay noqotay dalka ugu dhow Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu booqasho rasmi ah ku tagay wadanka Kenya, wuxuu dhigiisa Kenya ee Uhura Kenyatta la gaaray heshiis dhinacyo badan ah.

Afar wadan oo uu madaxweyne Xasan Sheekh booqday tan iyo markii dib loo doortay kuma jirto Itoobiya. Taliska Abiy Axmed si weyn ayuu ugu dhawaa madaxweynihii xilka ka dagay ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, laakiin falanqeeyaasha gobolka waxay leeyihiin “dabeecada Itoobiya hadba waa inay la macaamisho hoggaamiyaha xafiiska jooga.”

Xasan Sheekh inuu hagaajiyo cilaaqaadka Kenya waa tallaabo bogaadin leh, balse waxaa aad loo eegayaa sida uu isugu hayo labada dal ee Kenya iyo Itoobiya. In labada wadan la isku hayo waxay Soomaaliya u noqon doontaa natiijo wax ku ool ah.

Madaxweyne Xasan wax badan sooma siyaadin doono haddii sidii Farmaajo uu labada wadan midna la heshiiyo, midna colaadiyo. Madaxweynahaan xafiiska markii labaad helay wuxuu ololaha kusoo galay inuu dhisayo siyaasad arrimo dibadeed oo aan cadaawad wadan, laguna saleenayo danta guud.

Inkastoo aysan sineyn faa’iidada ay labadaasi dal ee Kenya iyo Itoobiya ku qabaan dadka Soomaalidu iyo danaha uga xiran, hadana dhinaca kale waxaa macno sameeneysa in Kenya iyo Itoobiya ay labaduba ciidamo ka joogaan Soomaaliya oo ay muddo dheerna saameyn aan loo riyaaqin ku lahaayeen dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee gudaha dalka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu dagaalkiisa Kenya ku jaan gooyey arrimaha maamulka Jubbaland. Farmaajo wuxuu rabay in Axmed Madoobe la bixiyo laakiin Kenya waa diiday dalabkaas.

Inkastoo dagaalka Axmed Madoobe iyo Farmaajo mid deegaaneysan loo arkaayey, haddana in labada dale e Itoobiya iyo Kenya lala wada macaamilo iyadoo laga hor istaagayo faragelinta gudaha waa shaqo muhiim ah oo laga sugayo nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh.

Dadka yaqaano falsafadaha siyaasadeed ee madaxweyne Xasan Sheekh waxay leeyihiin waa u badan tahay inuu madaxweyne Xasan ku guuleysan karo inuu labada isku hayo iyadoo mudnaanta macaamilka lagu saleenayo danta Soomaalida.

Dhowr bilood ka hor maxkamadda cadaaladda adduunka ayaa Soomaaliya u xukuntay inta badan biyihii lagu muransanaa. Heshiisyadii dhex maray Xasan iyo Uhura laguma soo hadal qaadin arrintaas, laakiin wargeyska daily nation ee kasoo baxa Kenya wuxuu sheegay in murankii Badda iyo go’aankii ka dambeeyey ee maxkamadda cadaaladda Adduunka in labadaba ay Kenya u rartay inuu go’aan ka gaaro madaxweynaha la dooran doono ee Kenya.

Dalkaan ayaa doorasho guud galaya 9-ka bisha soo aadan ee Agoosto. Rajada ah inuu madaxweyne Xasan Sheekh isku heyn doono dalalka Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo Eritrea oo dhammaan ay dano badan wadaagaan Soomaaliya ayaa leh bilow wanaagsan.

Danab oo dishay Shabaab badan soona bandhigtay mid nolosha lagu qabtay iyo hub

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faahfaahino ayaa laga helayaa khasaare Al-Shabaab lagu gaarsiiyey howlgal ay ciidanka kumaandooska xoogga dalka ee Danab ka fuliyeen degaan lagu magacaabo Lebikuus oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Ugu yaraan shan xubnood oo ka tirsanaa kooxda ayaa lagu dilay howlgalkaas waxaana nolosha lagu soo qabtay mid ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab wuxuu warbaahinta u sheegay in ragga la dilay uu ku jiray madixii maaliyadda Al-Shabaab ee gobolka Jubbada Hoose.

Degaanka Lebikuus ee kooxdaan lagu weeraray oo hoos taga Kismaayo, waxaa Al-Shabaab u taalay bar-control oo gaadiidka ay ku canshuuraan, sidoo kale waxaa deegaankaas la isugu gey jiray xoolaha ay ugu magac dareen Sekawaadka, ee dadka ay ka uruuriyaan.

Sarkaalka Danab ee ka hadlay howlgalkaas wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay ka furteen afar qori oo AK 47 ah iyo hal qori oo BKM ah, sidoo kale howlgalkaan ayuu sheegay inuu qeyb ka yahay guluf kooxda looga saarayo jubooyinka.

 

R/W Xamza qarka u saaran inuu ku adkaado qorshihiisa xukuumad kooban oo tayo leh

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku jira maalmihii ugu dambeeyey ee dhismaha xukuumadiisa.

Maalmihii tagayXamza wuxuu la kulmay xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya si uu u waydiiyo talooyin la xiriira nooca xukuumadda munaasabka ku ah dalka marxaladdan adag.

Mowduuca ugu weyn ee miiska saaran waa tirada xukuumadda soo socota. Waxaa jira siyaasiyiin iyo qabiilo sheegtay ballan uu madaxweyne Xasan Sheekh la galay maalmihii ololaha oo ah helista wasiiro dheeri ah. Laakiin Ra’iisul Wasaare Xamza waxaa laga soo wariyey inuu rabo dhismaha xukuumad kooban oo ku jaan go’an danta qaranka dalkana ka samata bixin karta maalmaha adag oo aan aheyn mid lagu qancinayo shaqsiyaad gaar ah ama beelo.

“Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu rabaa in la eego tayada oo aan la eegin tirada ama qancinta shaqsi sidaas darteed  wuxuu diirada saarayaa miisaanka iyo xirfadaha dadka uu ka dhigayo wasiirada,” ayuu yiri mid kamid ah dadka ku dhow dhow ra’iisul wasaare Xamza.

Xubno kamid ah kooxdii ololaha ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa raba in tirada xukuumadda la gaarsiiyo illaa iyo 30 wasiir, taasi oo ka dhigan in la abuuro afar wasaaradood oo cusub. Si wasaaradahaas loo sameeyo waa in la kala jarayaa wasaarado horey u jiray.

“Soomaaliya waxay ku jirtaa xilli abaar ah, dhaqaalihii hoos u dhacay, sicirkii maciishada kor aaday oo uu qaranka u baahan yahay kab maaliyadeed iyo u dhimrin, iyadoo xaaladaas adag loo jeedo dadka maanta ololaha ugu jira in afar wasaaradood lasoo kordhiyo oo miisaaniyad gaar ah iyo xafiisyo loo unko waa kuwa danahooda ka hor marinaaya tan qaranka,” ayey leeyihiin falanqeeyaasha siyaasadda.

Aad ayaa loo dhaliilsan yahay isku dayga dal dhan dhaqankiisii dowliga ahaa iyo magacyada shaaca noqday ee wasaaradihiisa loogu badalayo dano saaxiibtinimo la xiriirta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre wuxuu u dagaalamayaa inuu xukuumadda ku koobo 25 wasaaradood ama sida ay hadda tahay oo ah 26 wasaaradood. Haddii tiisa la raacayo oo la eegayo dan qaran waxaa la qaadan doonaa 25 wasaaradood oo ay shanta beelood ee wax loo qeybsado u heli doonaan mid 5 wasiir.

Haddii 26-kii wasaaradood lagu celinayo, reer Puntland ayaa laga yaabaa inuu aado wasiirka dheeriga ah oo ay soo kordhisay dowladdii madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Shiikh waa ku adkaan doontaa inuu Soomaalida u sharaxo inuu qancinta saaxiibadiis u abuuray wasaarado cusub. 30 wasaaradood iyo Soomaalida maanta ee la kaalmeeyo suurtagal maahan.

Illo muhiim ah waxay sheegayaan inuu ra’iisul wasaare Xamze ku dhow yahay inuu saaxiibadiis UPD ku qanciyo inaan wasaaradaha la kordhin oo aan xukuumadda tayada laga dilin. Haddii uu taas ku guuleysto waxay bilow u tahay inuu qorshooyin badan oo dowladnimada taabanaya ku qancin doono saaxiibadiis.

Xamza Cabdi Barre oo ay baarlamaanka Soomaalidu codka kalsoonida siiyeen 25-kii bishii lasoo dhaafay ee June ayaa heysta dhowr cisho oo dheeri ah si uu xukuumad usoo dhiso.

Guudlaawe oo shaaciyey khasaaraha rasmiga ah ee QARAXII Jowhar (Daawo)

0

Jowhar (Caasimada Online)- Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ayaa faahfaahin ka bixiyey khasaaraha ka dhashay qaraxii maanta ka dhacay magaalada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in seddax qof oo meydadkooda laga soo saaray guryo ku dumay hoostooda ay ku geeriyoodeen qaraxaas, halka todoba qof oo kale ay ku dhaawacmeen, sida uu xaqiijiyey Cali Guudlaawe.

Seddaxda qof oo geeriyootay ayuu sheegay Madaxweynuhu inay kala ahaayeen hal askari iyo labo qof oo shacab ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxaas uu geystay burbur baaxad leh oo soo gaaray dhismayaasha Hotelkii lala beegsaday iyo dhammaan guryaha ku xeeran oo dad shacab ah ay deganaayeen.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, waxaa galabta Muqdisho lasoo gaarsiiyey oo caawa isbittaalla Muqdisho qaar ka mid ah dhaawacyadii daraa ee ka dhashay qaraxaas, kuwaas oo diyaarad looga soo qaaday Jowhar.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kooxdii fulisay qaraxaan ee Al-Shabaab wuxuu ku tilmaamay musiibo hor taagan nolosha iyo hormarka dadka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto oo lasoo afjaro, si looga baaqsado khasaaraha ay joogtada u geysanayaan.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/pmEz6jT8yVE?t=7

 

Maxaa lagu shaaciyey shirkii jaraa’id ee ay qabteen Xasan Sheekh iyo Geelle? + Sawirro

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta yeeshay kulan, ayaa si wadajir ah u qabtay shir jaraa’id oo si qotodheer uga hadlay ahmiyadda ay leedahay xoojinta xiriirka walaaltinnimo ee ka dhexeeya labada dal.

Kulanka labada madaxweyne ayaa sidoo kale lagu lafa-guray adkaynta danaha ay wadaagan labada dowladood iyo xal u helidda caqabadaha ka jira gobolka.

Xasan iyo Geelle ayaa xusay inay iska kaashan doonaan xoojinta amniga, wax-wada-qabsiga, is-dhexgalka dhaqaalaha iyo in si wadajir ah looga faa’iideysto fursadaha ka jira gobolka Geeska Afrika iyo guud ahaan Qaaradda.

“Maanta caalamka lama kala maarmo, sidaas awgeed Soomaaliya iyo Jabuuti waxa ay ku wada yaallaan Geeska Afrika oo fursado badan, duruufo iyo caqabado isku sidkan ay ka jiraan.”

“Maaddaama gobolku uu istaraatiji iyo muhiim u yahay adduunka kale, waa in aan si wadajir ah uga tashannaa sidii aan wax ula wadaagi lahayn dalalka kale ee dariska nala ah, annagoo ka faa’iideysanayna khayraadka iyo dadkeenna firfircoon ee ka tilmaaman caalamka.”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Jabuuti ay wadaagan taariikh, dhaqan, diin iyo dhiig, taas oo ka tarjumaysa garab istaagga iyo taageerada joogtada ah ee dowladda iyo shacabka Jabuuti ay u muujiyeen dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.

“Waxa ka dhexeeya Jabuuti iyo Soomaaliya waa wax aan biri goyn, biyana aysan mayrin, cilaaqaadkaas walaaltinnimo ee ka dhexeeyana rukunnada aasaasiga u ah ee uu ku taagan yahay waa in la isku huro nafta, maalka, xoogga iyo caqligaba,” ayuu yiri.

Waxa uu intaas sii raaciyay hadalkiisa “Kalsoonida buuxda ee aan ku qabno shacabka iyo dowladda Jabuuti, ma jirto meel kale oo aan ku qabno, taas ayaa keentay in aan mar kasta halkan talo iyo khibrad u soo raadsanno.”

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa uga mahad-celiyey madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa booqashada rasmiga ah ee ay ku yimaaddeen dalka Jabuuti.

Ugu dambeyntiina waxa uu ku tilmaamay socdaalka Madaxweynuhu in uu bud-dhig u yahay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay QARAXII Jowhar

Jowhar (Caasimada Online) – War kasoo baxay taliska ciidanka Al Shabaab ayay ku sheegteen mas’uuliyadda qaraxii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Hoteelka Nuur Doob ee ku yaal magaalada Jowhar ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Hirshabelle.

“Mujaahidiinta ayaa camaliyad istish-haadi ah ku beegsaday xarun ay magaalada Jowhar uga sugnaayeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle,” ayaa lagu yiri war ay baahisay Idaacadda Andalus ee Al-Shabaab.

Al -Shabaab waxay sheegeen in ay dib kasoo sheegi doonaan faah faahinta khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay weerarkii maanta.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari xamuul oo lagu soo raray qalabka dhismaha in lagu bartilmaamedsaday hotelka oo ay degaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, waxaana ku dhaawacmay 14 kale, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Sida ay innoo xaqiijiyeen dad mas’uuliyiin ah, waxaa sidoo kale qaraxa ku dhaawacmay wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle kuwaas oo kala ah wasiirka caafimaadka, wasiirka waxbarashada iyo wasiirka Haweenka, waxaana la tilmaamay in mas’uuliiintaan ay soo gaareen dhaawacyo fud fud.

Dhinaca kale, qaraxa ayaa geystay bur-bur hantiyadeed iyadoona ay baaba’een dhammaan dhismayaashii ku yaallay goobta lagu weeraray Qaraxa. waxaa burburay xarrumo ay ka mid yihiin warbaahinno maxali ah, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Hirshabeelle.

Magaalada Jowhar ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyo nuucaan oo kale ah, kuwaas oo intooda badan ay sheegtaan Kooxda Al Shabaab.

XOG: Laba arrin oo SABAB u ah dib u dhaca dhismaha Golaha Wasiirada Xamza

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaan weli soo dhisin Golaha Wasiirada Xukuumadda cusub ee laga sugayo, isagoo magacaaban in ka badan muddo bil ah.

Xamza ayaa waxaa la magacaabay 15 June 2022 muddo bil ah kadib markii la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuuna xilka la wareegay 28 June, kadib markii uu kalsoonida Baarlamaanka Federaalka helay 25-kii June 2022.

Dhismaha Golaha Wasiirada ayaa ah shaqada ugu adag ee Ra’iisal wasaare uu qabto, waxaana inta badan qaadataa toddobaad ilaa Bil, laakiin Xamza Cabdi Barre ayaa la sheegay inay heystaan laba caqabad oo ku saabsan magacaabidda Golihii ugu horeeyay ee wasiirada.

Arrinta koowaad ayaa ah qeybinta xilalka wasiirada mudnaanta leh ee loo yaqaan ‘A’, gaar ahaan Beesha Daarood oo uu Ra’iisal wasaaraha saami qeybsi ahaan kasoo jeedo. Wasiirada ka imaanaya labada beelood ee Majeerteen iyo Mareexaan ayaa u baahan isu-dheelitir, kadib markii uu xilka ugu weyn beeshaasi qaadatay beesha Ogaadeen oo aan weligeed xilkaas ka qaban Soomaaliya. 

Caqabadda labaad ayaa ee heysta Ra’iisal Wasaaraha ayaa ah in Madaxweyne Xasan Sheekh uu isagu doonayo inuu soo xulo inta badan Golaha Wasiirada, waxaana is waafajin u baahan rabitaanka Madaxweynaha iyo kan Ra’iisal wasaaraha oo xilalka qaar ku kala dywan.

Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu diyaariyey liiska inta badan Xubnaha Golaha Wasiirada, kana soo xushay xubno uu si shaqsi ah ugu kalsoon yahay, waxaana aad u yar saameynta Ra’iisal wasaaraha, iyadoo safarro badan oo uu galay Madaxweynaha ay keeneen inay yaraadaan is-aragyadii labada mas’uul ay ku dhammeystiri lahaayeen is waafajinta labada liis ee Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.

Magacaabidda Golaha Wasiirada ayaa la filayaa inay dhacdo 20 ilaa 25-ka bishan July 2022, iyadoo magacaabidda kadib la filayo inay dhashaan xildhibaanno mucaarad ah oo iska waayey liiska Golaha cusub ee Wasiirada.

Xigasho: Goobjooge

R/W Xamza oo qoraal kasoo saaray qaraxii Jowhar iyo wararkii ugu dambeeyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku dhintay iyo mas’uuliyiintii ku dhaawacmay qaraxii maanta ka dhacay Magaalada Jowhar.

Qaraxa ismiidaaminta ahaa oo lagu qaaday Hoteelka Nuur Doob ee magaalada Jowhar ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Hirshabelle, ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan hal qof, waxaana ku dhaawacmay 14 kale, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari xamuul oo lagu soo raray qalabka dhismaha in lagu bartilmaamedsaday hotelka oo ay degaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle.

Sida ay innoo xaqiijiyeen dad mas’uuliyiin ah, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay wasiiro ka tirsan maamulka Hirshabeelle kuwaas oo kala ah wasiirka caafimaadka, wasiirka waxbarashada iyo wasiirka Haweenka, waxaana la tilmaamay in mas’uuliiintaan ay soo gaareen dhaawacyo fud fud.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa uga tacsiyeeyay guud ahaan shacabka magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa maanta ka dhacay magaalada.” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya

Sidoo kale, qoraalka kasoo baxay xukuumadda ayaa lagu sii sheegay in ra’iisulwasaaraha uu qadka taleefanka uu kula hadlay Madaxweyne Guudlaawe kaas oo uga warbixiyay xaaladda “Ra’iisul Wasaare, Xamse ayaa telefoonka kula hadlay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo xog ka siiyay xaaladda iyo goobta qaraxu ka dhacay”.

Magaalada Jowhar ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyo nuucaan oo kale ah, kuwaas oo intooda badan ay sheegtaan Kooxda Al Shabaab.

Sawirro: R/W Xamza oo laba arrin kala hadlay safiirka Mareykanka ee Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cabdi Barre ayaa maanta kula la yeeshay safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre iyo xubno ka tirsan safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Xamza oo qaabilay xubnahaan ka socda Mareykanka ee uu horkacayey Larry Andre ayaa kala hadlay laba arrin, sida xoojinta xiriirta labada dala iyo taageerada ay dowladda Mareykanka siiso ciidamada Soomaaliya ee ku aadan la dagaalanka Al-Shabaab.

“Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta qaabilay Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Larry Andre oo ay ka wada hadleen xoojin xiriirka iyo wada shaqeynta u dhaxeysa labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaare Xamza.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa ka mahad-naqay taageerada dowladda Mareykanka ee ku aadan dhaqaalaha iyo ciidamada, maadaama ay qayb ka tahay dagaalka Al-Shabaab.

Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale shaaciyey in xukuumaddiisa cusub ay sii wadi doonto wada shaqeynta, isla markaana ay xoogga saari doonto sugidda amniga gudu ee dalka.

Ra’iisul wasaare Xamza ayaa wada kulamo uu la yeenayo xubnaha Beesha Caalamka, wuxuuna shalay la shiray danjiraha dowladda Shiinaha u jooga Soomaaliya, Fei Shengchoa iyo sidoo kale ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Fiona Lortan oo uu kala hadlay teegaarada dowladda cusub & sidii horey loo sii wadi lahaa.

Si kastaba, Xamza ayaa haatan laga sugayaa inuu ku dhawaaqo liiska Golaha Wasiirada Soomaaliya, iyada oo kadib loo horgeyn doono xubnaha Baarlamaanka, si ay u ansixiyaan.

Sawirro: Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay JOWHAR

0

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax culus oo maanta ka dhacay gudaha magaalada Jowhar ee caasimada dowlad goboleedka HirShabelle, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay magaalada.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhashay gaari nooca xamuulka qaada oo lagu soo raray walxaha qarxa, wuxuuna ka dhacay hoteelka Nuur Doob oo ku yaalla agagaarka madaxtooyada, waxaana deganaa wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka

Goobjoogayaal ayaa innoo sheegay in qaraxa uu sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana haatan socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay.

Dadka dhaawaca ah waxaa ka mid ah Wasiirka Haweenka HirShabelle Caasho khaliif, Wasiirka Caafimaadka HirShabelle Cabdi Macalin, Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Baarlamaanka maamulka HirShabelle Marwo Canab Axmed Ciise iyo xildhibaan hore Jeego, kuwaas oo la geeyey isbitaalka guud ee magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Hoteelka la weeraray ayaa gebi ahaan burburay, iyada oo laga soo saaray dad dhaawacyo ah, waxaana sidoo kale bubur uu soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah.

Dhinaca kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre ayaa ka hadlay qaraxaasi, wuxuuna u tacsiyeeyey shacabka ku dhaqan magaalada Jowhar, gaar ahaan dadka dhibaatada ka soo gaartay qaraxa is-miidaaminta ee maanta ka dhacay magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Xamze ayaa u ballan-qaaday in uu garab taagan yahay maamulka iyo shacabka, gacana ay ku siin doonaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhaawacyada ah.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa muddooyinkii lasoo dhaafsay yare xasilnaa, walow mararka qaar ay ka dhacayeen qaraxyo nooca miinada ee dhulka lagu aaso.

Sheekh Shakuul: Waxaan ka naxay qodob ka mid ah heshiiska Somalia iyo Kenya

0

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Ibrahim Shakuul oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Kenya ayaa ka hadlay heshiiska ay wada gaareen xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi, kaas oo ay wada saxiixeen madaxweynayaasha labada dal.

Shakuul oo u warramay Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday in uu ka naxay qodobka la xiriira dib u fasaxida Qaadka, kaas oo ay Soomaaliya ku bedelatay Kalluunka.

Sheekha ayaa tilmaamay in Qaadka uu dhibaato weyn ku hayo Soomaaliya, uuna sabab u yahay burburka dalka, kan qoysaska, Diinta iyo dhinaca dhaqaalaha.

“Meesha Qaadku anniga oo og inuu yahay shey aad u xun oo buburka Soomaaliya aan oran karo qeyb weyn buu ka yahay dhinaca qoyska marka laga fiiriyo dhinaca Diinta dhinaca dhaqaalaha, haddana haddii loo eego baaxadda ganacsiga kalluunka Soomaaliya, haddii si fiican looga faa’iideysto iyo ganacsiga Qaadka wax isku dhigmo ma’aha oo hal gobol oo Miru la yiraahdo ayuu kasoo baxaa, waana dhib runtii” ayuu yiri Sheekh Maxamed Shakuul.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in qodobkan uu aad uga naxay, balse wuxuu tilmaamay heshiiska marka la’eego 70% in ay faa’iido ugu jirto Soomaaliya, siiba marka laga tego qodobka la xiriira Qaadka haatan dib loogu soo daabulayo magaalada Muqdisho.

“Waa qodob runtii aan aad iyo aad uga naxay qodobkaas, haddii lasii guda-galo Kenya wadamadu marka ay wada-hadlayaan qolobo waxbey wadataa waxaan isleeyahay heshiiska 70% waxay dan ugu jirtaa Soomaaliya, halkaas qodob oo Qaadka ah waxaa moodaa xooga ugu faraha badan Kenya, iyaduna waa in shacabkii ay wax tusaan,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu soo dhaweeyey qodobada ka hadlaya dib u furista xuduuda labada dal iyo duulimaadyada labada dhinac, gaar ahaan in muwaadiniinta loo fududeeyo dal ku galka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, maalin kadib markii uu madaxweynaha Soomaaliya ku soo laabtay dalka, uuna usii safray Jabuuti, markii uu heshiis ka kooban dhowr iyo qodob lasoo saxiixday dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta kaas oo bilow u ah hagaajinta xiriirka labada dal.

Muxuu yahay qorshaha madaxweyne Xasan, kadib safarka dalka JABUUTI?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho ku joogo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa la filayaa inuu uga sii gudbo dhinaca magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa casuumaad ka helay ra’iisul wasaare Abiy Axmed, wuxuuna gelinka dambe maanta u duuli doonaa Addis Ababa, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Xasan oo weli ku sugan Jabuuti ayaa wadahadallo la yeeshay dhiggiisa Ismaaciil Cumar Gelle oo ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii looga wada shaqeyn lahaa arrimaha ammaanka, dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dowladood.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa dhiggiisa Ismaaciil Cumar Geelle ka guddoonsiiyey billad sharafta ugu sareysa Jabuuti, kadib casho sharaf loogu sameeyey madaxtooyada dalkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale maanta khudbad u jeediyey Baarlamaanka Jabuuti, taas oo uu kaga hadlay xiriirka iyo walaaltinimada Soomaaliya iyo Jabuuti.

Si kastaba, safarka madaxweynaha ku tegi doono, Itoobiya ayaa noqon doono kiisii lixaad, wuxuuna horey u booqday Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya iyo Jabuuti oo uu hadda joogo.

Soomaaliya ayaa waxaa ka dhacay isbedel siyaasadeed 15-kii May, kadib markii dib loo doortay madaxweyne Xasan oo ballan-qaaday Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sawirro: Xasan Sheekh oo la guddoon siiyay billada ugu sareysa dalka Jabuuti

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Jabuuti ayaa madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu qasriga madaxtooyada Jabuuti ku guddoon siiyay abaal marinta (bilad) ugu sareysa dalka Jabuuti ee uu bixiyo madaxweynaha.

Munaasabad aad u qiimo sareysay oo lagu casuumay safiirada dalalka caalamka ee Jabuuti ku sugan iyo marti sharaf kale ayaa waxaa si weyn loogu soo dhoweeyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo hab maamuus aad u sareeya loogu muujiyay munaasabadaasi.

Hadal uu munaasabadaasi cashada aheyd uu ka jeediyay Ismaaciil Cumar Geelle ayuu ku muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay in mar kale dib loo doortay Xasan Sheekh iyo mashruuciisa “Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah”.

“Jabuuti waxay ahaan doontaa saaxiibka mudnaan koowaad leh iyo inaan taageerno go’aanka saxda ah ee ay qarankan walaalaha ah ku doonayaan inay dib ugu soo ceshadaan maqaamkeedii hore ee heer gobol, qaarad iyo heer caalami,” ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

“Madaxweyne Xasan in uu nagu soo booqdo dalkeenna in kasta oo uu ajandihiisa aad u mashquulsan yahay, waxa ay tusaale u tahay walaaltinimada aan la qiyaasi karin ee isku xirta labadeena dal” ayuu yiri Madaxweynaha Jabuuti.

“Waa muhiim in la xoojiyo xidhiidhka gaarka ah ee wadajirka, kaalmaynta labada dal iyo wadaagga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.”

Xubno ka tirsan Xukuumadda iyo Baarlamaanka, madaxda ugu sarraysa ee rayidka ah iyo kuwa milateriga ah ee dalka ku sugan, iyo wakiillada qunsuliyadda iyo diblomaasiyadda ee dalka Jabuuti fadhiya ayaa ka qayb-galay casho-sharafta rasmiga ah ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku qaabilay isagoo ku maamuusaya dhiggiisa Soomaaliya.

Hoos ka daawo sawirrada

Dastuurka dalka ma ku jiraa qodob muddo u qabanaya dhismaha xukuumadda?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saacadihii la soo dhaafay xoogeysatay dood ku saabsan mudada uu Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre sharci u heysto inuu ku soo magacaabo golihiisa wasiirrada.

Abukaate Cali Xalane oo la hadlay Goobjoog TV ayaa sheegay in shuruucda dalka uusan ku jirin qodob Ra’iisul Wasaaraha ku cadaadinaya inuu soo dedejiyo magacaabidda golihiisa wasiirrada.

“Shuruucda dalka waxaa ugu weyn dastuurta, markii la baaro dastuurka, ma jirto meel lagu cayimay mudo Ra’iisul Wasaaraha laga doonayo inuu ku soo dhiso xukuumadiisa,” ayuu yiri Abukaate Cali Xalane.

Sidoo kale Abuukaataha ayaa sheegay in dhismaha dowladda ay muhiim u tahay in Ra’iisul Wasaaruhu uu waqti badan qaato, si xukuumad tayo leh uu u soo dhiso. Abuukaate Cali Xalane ayaa Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre kula taliyey in xukuumadiisa uu soo koobo oo wasiirro tiro yar, tayana leh uu soo magacaabo.

“Ra’iisul Wasaaruhu waa in wasiirradii tirada badnaa wax qabadkooduna yaraa uu soo koobo, beelaha ayaa lagu qanci jiray tirada badan ee wasiirrada, laakiin maanta waxaa loo baahan yahay in yar oo wax u tari karta shacabka Soomaaliyeed, si dhaqaalaha ku baxayana uu u yaraado,” ayuu yiri Abuukaatuhu.

Sidoo kale talooyinka uu u soo jeediyey Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ahaa in golihiisa wasiirrada uusan ka soo dhex xulanin baarlamaanka, taas oo baajineysa in hal masuul uu labo mushaar ku shaqeeyo.

“Xukuumadda iyo baarlamaanku waa kala madax-banaan yihiin, marka hadii golaha wasiirrada baarlamaanka laga keeno, waxaa dhacaya isku milan iyo tayo xumo, waxaa meesha ka baxaya isla xitaabtanka iyo tartanka shaqada,” ayuu yiri Abuukaate Cali Xalane.

Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre ayaa hadda wada xulashada xubnaha uu u soo magacaabayo golihiisa wasiirrada, kuwaas oo lagu wado in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo.

Hadalheynta magaacibadda golaha wasiirrada Soomaaliya ayaa xoogeysatay saacadihii u dambeeyey, maadaama ay Ra’iisul Wasaare Xamze u dhamaatay mudo 30 cisho ah oo laga sugayey inuu soo bandhigo liiska xubnaha uu u xushay golihiisa wasiirrada.

Hoos ka daawo hadalka Abuukaataha

Askar MASAARI AH ah oo nolosha lagu aasay

Qaahira (Caasimada Online) – Warbaahinta Israa’iil ayaa shaacisay beerta dalxiiska ee ku taallo deegaanka Lahran oo ka tirsan galbeedka magaalada Quddus iney ku yaalliin qabuuro 55 sana ka hor lagu aasay askar Masaari ah.

Xogtan inta ay warbaahintu shaacin ka hor waxaa beertaasi dhulka weyn ku fadhida loo yaqaannay oo keli ah iney tahay beer dalxiiska looga talo galay. Balse waxaa soo ifbaxday dhulka ay beertaasi ku fadhido qabuuro askar Masaari ah lagu aasay inay ku yaalliin.

Wariyaha reer Israa’iil Yossi Melman ayaa xogta qaburahan shaaca ka qaaday kaddib marki uu in mudda ah uu baaritaan waday.

Yossi wuxuu BBC-da u sheegay baaritaanka qabuuraha askarta Masaarida la xiriirta sanada badan inuu waday, hase yeeshee ciidamada Israa’iil ay u diideen inuu baahiyo xogta arrintaasi inkasta oo ay markii dambe u oggolaadeen.

Xog laga helay militariga Israa’iilna waxay sheegeysaa in askarta Masaarida 55 sana ka hor halkan lagu aasay, ciidamadaasi oo isugu jira kuwa dagaalka ku dhintay iyo kuwa noolasha lagu aasay ama lagu gubay.

Yossi waxaa kale uu sheegay ciidamada Masaarida ee beertaa ku aasan iney kor u dhaafayaan 80 askari oo ka qayb qaatay dagaalkii Carabta iyo Israa’iil dhexmaray 1967-kii.

20 ka mid ah askartaasina noolasha ayaa lagu aasay sida ay caddeynayaan xogta askartaasi ku saabsan oo uu wariyaha reer Israa’iil soo uruuriyey.

Ciidamada Masaarida ee ay Israa’iil dagaalkii 1967-kii ay ku qabateen marki ay dileen kaddib waxay ku aaseen Latrun oo ku taalla bariga magaalada Quddus, ciidamadaasi oo gaarayey ugu yaraan 80 askari oo 20 ka mid ay ciidamada Israa;iil nolasha ku aaseen.

Booliska oo war cusub kasoo saaray bandowga Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa mar kale faahfaahiyey qorshaha ka dambeeya in bandow lagu soo rogo socdaalka Mooto Bajaaj-ta, wixii ka dambeeya 12:00 AM saqda dhexe ee habeenkii.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in boolisku uu labo u jeedo ka lahaa bandowga mooto Bajaaj-ta Muqdisho, kuwaas oo kala ah:

1 – In bandowgaan looga baaqsado in tuugada dadka dhacda aysan ku baxsan mooto Bajaaj, taas oo horay u dhici jirtay, sida uu sheegay afhayeenku.

2 – Qodobka labaad ayaa ah, in la suuliyo dhaqan ay caadi ka dhigteen qaar ka mid ah dhalinta reer Muqdisho, kaas oo ah in saqda dhexe gabdho iyo wiilalba xaafadaha ay soo baxaan ee la isugu tago goobo u badan kuwo lagu isticlaamo maan-dooriyaha, sida xeebta Liido.

Dhalinyaradaas wuxuu sheegay afhayeenku inay raacaan mooto Bajaaj, isagoo bandowgaan ku macneeyey mid fasahaadkaas lagu suulinayo, sidoo kale waalidiinta ayuu ugu baaqay inay ilmahooda dhaq-dhaqaaqooda la socdaan.

“Waa jirta arrin dhaqanka Soomaaliyeed dhibaato ku ah, gabdho iyo wiilal ayaa habeenkii markii jiifka la isku diyaariyo xaafadahooda ka soo dhuunta oo isugu taga goobo ay fasahaad u sameysteen, cabasho nooga timid ayaa sababtay in ciidanka boolisku ay go’aamiyaan 12:00 habeenimo wixii ka dambeeya in aysan mooto soca karin,” ayuu yiri afhayeenku.

Hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa baacsiga tuugada iyo ciyaal weerada, taas oo sabab u noqotay in Muqdisho laga mamnuuco isku socodka mooto Bajaaj-ta, wixii ka dambeeya 12:00 AM – saqda dhexe ee habeenkii.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhibsaday bandowgaan aan la shaacin waqtiga laga qaadayo, waxayna mooto Bajaaj-tu muhiim u tahay hoyaadka dadka ganacsada iyo kuwo danahooda kale ugu daaha gudaha magaalada.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya wuxuu sheegay in bandowgaas uu Muqdisho ka dhaqan galay oo saqda dhexe ee habeenkii markii la gaaro mootadii la qabto iyadoo socota talaabo adag laga qaado.

Waxaa xusid mudan in bandowgaan ka hor ay mooyinka Muqdisho u kala qeysanaayeen labo group oo kala ah kuwo habeenkii shaqeysta iyo kuwo maalintii shaqeysta, balse hadda shaqada mootada waxaa lagu soo koobay maalintii iyo fiidka hore ee habeenkii.

Daawo: Booliska Muqdisho oo soo qabtay raggii dilay Macallin Nuur Jimcaale

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey wajiga labaad ee howlgallo loogu magac daray ‘Samakaab’ oo ka dhanka ah tuugada iyo ciyaal weerada, kuwaas oo maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan oo ka socday dhamaan degmooyinka gobolka ayaa lagu soo qabtay rag loo heysto tuugnimo, hubkii ay wateen, agab ay dadkii lahaa dhaceen iyo maan-dooriye Xashiish u badan oo gacantya lagu soo dhigay.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay rag lagu tuhmaayo inay geysteen dilkii Macalin Nuur Jimcaale oo shalay tuugo taleefan ka dhaceysay ay ku dishay degmada Kaaraan.

Afhayeenka ayaa sheegay in ragaas lagu qabtay meel u dhow goobtii uu ka dhacay dilka Macalinka, isla markaana marqaatiyaal loo helay inay geysteen dilkii Macalinka.

“Bulshada degmada Kaaraan iyo booliska oo is kaashanaya waxay soo qabteen rag lagu tuhunsan yahay dilkii Macalin Nuur Jimcaale, waxaa lagu qabtay meel u dhow goobtii lagu dilay Macalinka, waxaana loo helay marqaatiyaal ku cadeynaya dilkaas inay geysteen,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay hoggaamiyihii guud ee ciyaal weerada degmada Kaaraan, kaas oo booliska ku abuuray rajo ah in cunug kasta oo ka mid ah ciyaal weerada degmadaas gurigiisa loogu tago, maadaama la qabtay horjoogahoodii.

Degmooyinka Hiliwaa, Yaaqshiid, Wadajir, Kaaraan, Wardhiigley iyo Hodan ayaa ka mid ah degmooyinka laga soo kala qabtay ragaan ku eedeysan tuugnimada ee galabta boolisku uu u soo bandhigay warbaahinta.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/ztSj7-N9oL0?t=2