26.1 C
Mogadishu
Thursday, June 18, 2026

Wada-hadalladii Muuse Biixi iyo mucaaridka oo fashilmay iyo waxa ka dhalan kara

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Hogaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland ee Waddani iyo Ucid ayaa ku dhawaaqay inay gebi ahaanba bur-bureen wada-hadaladii u dhaxeeyay xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi.

Guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in mas’uuliyada fashilka wada-hadaladii lagu dajinayay xiisada uu iska leeyahay madaxweyne Muuse Biixi.

“Wada-hadallada labada dhinac oo maalmahaan hakad ku jiray ayaa wax ka weydiinay gudoomiyeyaasha Golaha Wakiilada iyo Guurtida, waxayna noo sheegeen in wax natiijo ah aysan kala imaan madaxweynaha, wuxuu sheegtay in uu sharci ku taagan yahay.”

Sidoo kale waxay hogaanka xisbiyada mucaaridka ku eedeeyeen madaxweynaha Somaliland in uusan hayn cid ka tirsan Somaliland oo uu ku kalsoon yahay, hadalkiisa iyo ficiladiisana u haysto inay sharci yihiin.

Ugu dambeyntiina waxay sheegeen in xukuumada Biixi ee waqtigeedu dhamaaday aysan ka yeeli doonin sharci darada ay xalaaleysanayaan iyo waxyaabaha ay doonayaan inay suurta-gal ka dhigaan.

Fashilka uu wajahayo wada-hadaladii u dhaxeeyay madaxweyne Biixi iyo mucaaridka ayaa markale dab kusii shidaya xiisada ka taagan gudaha Somaliland, taasi oo mar gaadhay gacan ka hadal iyo in la dhaawaco mas’uuliyiin sare.

DAACISH oo sheegatay qarax ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Daacish, gaar ahaan faraceeda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qarax shalay ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho, kaas oo lala beegsaday gaadiid ay wateen ciidamo ka tirsan howlgalka ATMIS.

Daacish ayaa shaacisay in ay iyado mas’uul ka tahay qaraxaasi, ayna fuliyeen dagaalyahno ka tirsan kuweeda oo ka howlgala magaalada Muqdisho.

Kooxda ayaa sidoo kale sheegatay inay burburisay mid ka mid ah baabuurta ay wateen ciidamada ATMIS ee la qarxiyey, balse ma shaacin xogta khasaaraha gaaray ciidamada.

Kolonyada ATMIS ee qaraxa lagula eegtay Cali Kamiim ayaa dhankooda riday rasaas, waxayna kadib sii wateen socdaalkooda, illaa & haddana ma jiro hadal  kasoo baxay.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa ammaanka caasimada wuxuu ahaa mid faraha kasii baxayey, waxaana ka dhacayey dilal, dhac iyo dhibaato ay geysanayaan ciyaal weero.

Si kastaba, kooxda Daacish oo ku xoogan dhinaca buuraha gobolka Bari ee Puntland ayaa mararka qaar howlgallo ka fulisa magaalada Muqdisho, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo.

Daawo: Sheekh Maxamed Idiris oo XASAN Sheekh iyo XAMZA u sheegay dad ay tahay in talada laga ilaaliyo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada Soomaaliyeed ee waaweyn ayaa si adag uga hadlay xaaladda ka jirta dalkeenna iyo dhaqanka inta badan siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo aad uu u dhaliilay.

Sheekha ayaa ka hadlay dhinacyo badan oo dhibaatada Soomaaliya ka jirta ah, sida abaaraha, amni darrada, hormar la’aanta, fatahaadaha, siyaasad xumada iyo musuqa ka jira Soomaaliya.

Wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisul Wasaare Xamse Barre inay sidaan wax ka bedelaan oo talada dalka ay ka ilaaliyaan kuwii horay ugu fashilmay samata bixinta Soomaaliya.

“Waxaan la socdaa Muqdisho in biyo fadhiyaan, oo Bajaajtu mari weysay, dhulka kala xiran yahay, oo masaakiintu shaqa tegi weysay, waxaa inntaas u dheer abaarta dalka ka jirta, dadkeenu isbitaallada dunida ayuu cudurro la jiifaa,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris.

Wuxuu u soo jeediyey dowladda inay xoogga saarto hal isbitaal oo looga maarmo caafimaadka ay dadka Soomaaliyeed u raadiyaan dunida kale.

“Xildhibaanada, wasiirrada iyo dhamaan madaxdeenu ma ogyihiin in dunidu aysan naga yeeleyn 20 sano Soomaaliya waxaba waa laga qaban waayey, waxna waa bedali kari waynay,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Hadaan maanta masuul Soomaaliya ahay, waan ka xishoo lahaa inaan dunida hor tago oo dad kale la hadlo, iyadoo dalkeygu sidaan u egyahay, waa ceebownay oo adduunka waan ku ceebeysanahay.”

Wuxuu madaxda Soomaalida ku dhaliilay in markii ay xil qabtaan ay dalka isaga guuraan oo ilmaha degsadaan wadamada caalamka, isagoo taas ku tilmaamay fal aad u fool xun oo waaqica Soomaaliya aan ka turjimeyn.

Sidoo kale Sheekh Maxamed Idiris ayaa ka hadlay waxa uu ka yaqaano Sheekh Aadan Siiro oo dhowaan geeriyooday, isla markaana meydkiisa lagu aasay magaalada Hargeysa, wuxuuna la sheekeeyey qiimihii iyo waayihii faafintiisa diinta Islaamka ee marxuumka.

Hoos ka daawo Shiikha oo la hadlay Shabelle TV

Daawo: SOMALILAND oo mamnuucday BBC + Sababta

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maanta ku dhowaaqday in gebi ahaan deegaannadeeda ay ka mamnuucday laanta afka Soomaaliga ah ee BBC-da, waxaana arrintaas faahfaahiyey wasiirka warfaafinta oo maanta wariyeyaasha kula hadlay Hargeysa.

Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa shaaca ka qaaday in maanta wixii ka dambeeya deegaanada Somaliland laga joojiyey inay ka howlgashao warbaahinta BBC-da.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey Idaacaddan in ay ku xad-gudubtay Qaranimada Somaliland, diidayne inay ugu yeeraan dal mdax bannaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadii Somaliland, sida uu ku dooday wasiir Koore oo shir jaraa’id ku qabtay caasimada Hargeysa.

“Annagu iyadu aqoonsi kama rabno ee qaabka ay u shaqeyneyso ayey magacii Umadda reer Somaliland hoos u dhigtay sharaftoodii iyo karaamadoodii,” ayuu yiri wasiir Koore.

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Waxay lumisay dhaqankii iyo taariikhdii jiritaanka ahaa ee ka dhexeeyey Ummadda reer Somaliland iyo BBC”.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca maamulka sare ee BBC-da oo ku aadan go’aanka kasoo baxay maamulka Somaliland.

Si kastaba, BBC-da oo ah warbaahin caalami ah ayaa marka ay ka hadleyo arrimaha Somaliland ugu yeerto Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax bannaanida, taas oo ay muuqato inay dhibsatay xukuumadda Somaliland oo tan iyo 1991-kii raadineyso Ictiraaf.

Booliska Muqdisho oo soo bandhigay xogta howlgalka socda ee ‘Samakaab’ + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo shir jaraa’id qabtay ayaa faahfaahin ka bixiyey howlagallada ay boolisku ka wadaan caasimadda Muqdisho, isagoo shaaciyey tirada tuugo iyo gaadiid lagu soo qabtay howlagalkaan oo loogu magac daray ‘Samakaab.’

Afhayeenka ayaa sheegay in afar burcad ah oo taleefano ka dhacaya lagu qabtay degmada Kaaraan, halka degmada Hiliwaa lagu qabtay afar kale, sideedaan nin ayuu sheegay afhayeenku inay ku hubeysnaayeen bastoolado.

Sidoo kale maan-dooriye iyo afar qof oo ka ganacsaneysay ayuu sheegay afhayeenku in gacanta lagu dhigay, halka degmada Yaaqshiid la isugu geeyey ilaa 10 mooto Bajaaj oo dhac lagu geysa jiray.

Afhayeenka ayaa fariin u diray waalidiinta iyo dadka kale ee u imaanaya eedeysanayasha, isagoo u soo jeediyey in marka hore ay la socdaan dhaqdhaqaaqa caruurtooda, wuxuuna cadeeyey inta howlgalkaan socodo in aysan siidey doonin eedeysane la soo qabtay.

Wuxuu sheegay in mootooyinka lagu soo qabtay howlagaladaan aysan siidey doonin, “Mooto aad leedahay hadii ay jabiso sharciga, talaabo ayaa lagaa qaadi doonaa, 12:00 wixii ka dambeeya hadii la arko Mooto socota sharcigey jebisay,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdifitaax Aadan.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay intii howlagalaadaan socdeen inay ogaadeen in dhalinyarada isticmaasha maandooriyaha ay ijaartaan guryo u gaar ah, iyagoo koox koox ah, isagoo waalidiinta iyo milkiilayaasha guryaha uga digay fal-dambe oo noocaas ah.

Hoos ka daawo

 

Ciidamada Mareykanka oo weerar fuliyey Soomaaliya iyo khasaaraha ka dhashay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa faah-faahin dheeraad ah ka bixisay duqeyn cusub oo oo 17-kii bishaan July ee 2022-ka ka fulisay waqooyi galbeed ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan deegaanka Libiskuus oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose.

Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska AFRICOM ayaa waxaa lagu sheegay in duqeyntaan oo ay la kaashadeen ciidamada Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Danab lagu dilay laba sarkaal oo ka tirsanaa xoogaga Al-Shabaab, sida lagu xaqiijiyey hordhaca qiimeynta la sameeyey.

AFRICOM ma shaacin magacyada saraakiisha la dilay iyo waxyaabaha ay u qaabilsanaayeen Al-Shabaab, balse waxa ay tilmaamtay inay weli wado xog uruurin ku aadan weerarkaas.

Sidoo kale taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ayaa shaaca ka qaaday in aysan jirin khasaare duqeyntaasi kasoo gaaray shacabka ku dhaqan deegaanka la weeraray.

“Howlgalkeenna wadajirka ah ee Mareykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada ka jooga Soomaaliya. Qiimeynta hordhaca ah ee taliska helay ayaa sheegaya in labo ka mid ah Al-Shabaab lagu dilay howlgal iyo in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama lagu dilay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay taliska AFRICOM.

Mareynkanka ayaa sidoo kale xusay inuu sii wadayo duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab si uu uga hortego weerarada culus ee ay ka fuliyeen koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Weerarkaan cusub ayaa kusoo aadayo, ayada oo madaxweyne Joe Biden uu Bishii May ee sanadkan 2022-ka aqbalay go’aan Soomaaliya dib loogu soo celiyey ciidamada Mareykanka iyo in dib loo bilaabo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ay ka fulin jireen dalkeenna.

GALMUDUG oo gacanta ku dhigtay askari dil u geystay taliye iyo walaashiis

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ay xalay ka sameeyeen duleedka magaalada Caabudwaaq oo ku taalla waqooyga gobolka Galgaduud.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu soo qabtay askarigii ka dambeeyey dilka taliye ku xigeenkii Nabad Sugidda Galmudug, Marxuum Faarax Cumar Geelle iyo Walaashiis Xaawo Cumar Geelle oo maalin kahor lagu toogtay magaaladaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo is-kaashanaya ayaa ugu dambeyn askarigaan kasoo qabtay deegaanka Ceel-gargaar oo hoostaga Caabudwaaq.

Saraakiisha ammaanka ayaa warbaahinta usoo bandhigau ninkan ayaa ballan-qaaday in la horgeyn doono cadaaladda, si looga qaado talaabo sharciga waafaqsan.

Soo qabashada ninkan ayaa ka dambeysay, kadib amar kasoo baxay madaxda sare ee Galmudug oo laamaha ammaana faray inay gacanta kusoo dhigaan eedeysanaha.

Falka naxtinta leh ee ka dhacay Caabudwaaq ayaa sababay hadal heyn xoogan iyo shaki maadaama hal goob lagu dilay taliye ku xigeenkii NISA ee Galmudug iyo walaashiis.

Caabudwaaq ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, kuwaas oo qaarkood ay geystaan maleeshiyaad beeleed ku sugan magaalada iyo nawaaxigeeda.

Biyaha Wabiga Shabelle ee magaalada BELEDWEYNE mara ‘oo sun’ lagu arkay

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Maamulka degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay isbedal ku yimid midabka biyaha wabiga Shabelle ee mara magaaladaasi, kaas oo ka yimada dhinaca waddanka Itoobiya.

Guddoomiyaha maamulka degmada Beledweyne Mudane Cismaan Dhicisoow Dhuubow oo Wariyeyaasha kula hadlay qarka wabiga ayaa shaaca ka qaaday in biyaha wabiga Shabelle ay noqdeen kuwa madoobaad ah, islamarkaana qurmaya.

Dhuubow ayaa sidoo kale xusay in biyaha uu keenay wabiga ay yihiin kuwa sumeysan, wuxuuna tilmaamay in haatan ay wadaan baaris ku aadan falkaasi.

Sidoo kale maamulayaasha ceelasha biyaha ayuu faray inay tubooyinka kala baxaan wabiga, si looga fogaado waxyeelo ka dhalata biyahaasi sumeysan.

Waxaa kale oo uu farriin u diray dadka shacabka ah oo uu ugu baaqay in aysan isticmaalin biyaha wabiga, inta laga hubinayo ama ay iska bedelayaan biyaha madow oo uu keenay.

“Waligey manan arkin wabiga oo biyo wada biyo noocaan oo kale ah, wan arki jiray isagoo wada biyo calaw ah, isagoo eber ah iyo isagoo buuxa oo biyo baxa ah, balse wali manan arkin biyo noocaan oo kale ah oo madow ah hadana uraya, urtooda ayaan hada ag taagnaan la’ahay, waana biyo sumeysan dowladda Itobiya ayaa horay ugu sheegtay dadkeeda marka inta ay ka gudbayaan yaanan la isticmaalin waa digniin, waana ognahay in dadka Baledweyne 89% isticmalaan biyaha wabiga” ayuu yiri guddoomiye Cismaan.

Dadka reer Hiiraan iyo guud ahaan HirShabelle oo u badan beeraley iyo xoolo dhaqato ayaa ku tiirsan biyaha wabiga Shabelle ee mara gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Maxay tahay SHAQADA GUDDIGA cusub ee Cali Guudlaawe uu magacaabay?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha HirShabelle Cali Cabdullahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay Gudiga Gurmadka qaraxii xooganaa ee Axaddii ka dhacay magaalada Jowhar, kadib kormeer u kuur-gal ah oo ku tagay goobta uu ka dhacay qaraxa iyo xaafadaha u dhow.

Guddigaan oo ka kooban Howl-wadeennada Madaxtooyada iyo Wasiiro ayaa waxaa horkacaya Madaxweyne ku-xigeenka HirShabelle, waxayna qiimeyn ku sameyn doonaan qaraxii Axaddii.

Sidoo kale waxa uu guddigaan ka shaqeyn doonaa diiwaan-galinta dadkii ku waxyeeloobay iyo tirada qasaaraha uu geystay qaraxaas oo ahaa mid aad u xoogan.

Xubnaha guddiga oo ka kooban 12 Qof ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay soo bandhigaan khasaaraha dhimasho, midka dhaawac iyo midka hantiyadeed ee ka dhashay qaraxa.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxii ka dhacay magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka HirShabelle, waxayna sheegeen in qaraxaas ay la beegsadeen goob ay ku sugnaayeen mas’uuliyin ka tirsan maamulka.

Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Jowhar ayaa sheegay in seddax qof meydadkooda laga soo saaray guryo ku dumay hoostooda, halka todoba qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Seddaxda qof oo geeriyootay ayuu sheegay Madaxweynuhu inay kala ahaayeen hal askari iyo labo qof oo shacab ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in qaraxaas uu geystay burbur baaxad leh oo soo gaaray dhismayaasha Hotelkii lala beegsaday iyo dhammaan guryaha ku xeeran oo dad shacab ah ay deganaayeen.

Madaxweynaha ayaa kooxdii fulisay qaraxaan ee Al-Shabaab ku tilmaamay musiibo hor taagan nolosha iyo hormarka dadka Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto oo lasoo afjaro, si looga baaqsado khasaaraha ay joogtada u geysanayaan.

Hanti-dhowrka Qaranka oo amar dul dhigay hay’adaha DF kadib arrin laga war-helay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray amar lagu mamnuucayo in hey’adaha dowladdu ay galaan heshiisyo waa wayn, inta laga ansixinayo xukuumad rasmi ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hantidhowrka ayaa lagu cadeeyey in hey’adaha dowladda qaar laga hor istaagay tallaabooyin ay ku saxiixi rabeen qandaraasyo ku kacaya malaayiin dollar.

Saxiixa qandaraasyadaas uu hor istaagay waxaa qoraalka Hantidhowrka lagu sheegay in khatar ku ahaayeen dalka, isla markaana iyadoo taas laga duulayo gabi ahaanba la mamnuucay in la saxiixo heshiisyo cusub.

“Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka wuxuu ka warhelay in qaar ka mid ah hey’adaha dowladda ay bilaabeen qorsheyaal lagu meel marinayo dhaqan gelinta heshiisyo waaweyn oo ku kacaya malaayiin dollar, kuwaas oo dalka ku yeelanaya saameyn dhaqaale oo xoog leh,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Hantidhowrka ayaa hey’adaha dowladda ka joojiyey inay heshiis galaan, ilaa inta laga ansixinayo xukuumad cusub, sidaan oo kale ayuu dhowr mar heshiisyo u burburiyey Hantidhowrku intii ay jirtay xukuumadaan xil-gaarsiinta ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa hadda ku howlan xulashada xukuumadiisa, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo golihiisa Wasiirrada.

Hoos ka akhriso warqadda Hantidhowrka

Daawo muuqaal laga duubay askari jir-dilaya weriyaal ka howl-gala MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan booliska Soomaaliya, kana mid ahaa ilaalada guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka degmada Wadajir ayaa maanta jir-dil u geystay laba Weriye oo ka tirsan warbaahinta Arlaadi Media oo ku hadasha lahjada Mayga.

Baraha bulshada ayaa lagu faafiyey muuqaalka labadaan weriye oo askarigu si toos ah u jir dilayo, xilli ay warbixin ka diyaarinayeen wadada laamiga ah ee marta xaafada Ceelqalow ee degmada Wadajir, halkaas oo ay fariisteen biyo jaray dhamaan isku socodka Wadajir iyo degmooyinka kale ee Muqdisho.

Jir dilka kadib, Weriye Maxamed Nuur Faransa iyo Cameraman Munasar Cabdiraxmaan ayaa lagu xiray saldhigga degmada Wadajir, iyadoo qalabkii ay ku shaqeynayeena laga burburiyey, lagana qaatay.

Maamulka Warbaahinta Arlaadi iyo qaar ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda saxaafadda ayaa si adag uga hadlay falka uu weriyaasha kula kacay askarigaas ka tirsan booliska, sidoo kalena la shaqeeya maamulka degmada Wadajir.

Sidoo kale afhayeenka booliska Soomaaliya oo galabta shir jaraa’id qabtay ayaa la weydiiyey waxa uu boolisku kala socdo falkaas jir-dilka ah, isagoo sheegay in baaritaanka kiiskaas uu socdo.

Wuxuu sheegay inuu la xariiray maamulka warbaahinta ay ka howlgalayeen weriyaashaas ee Arlaadi, isla markaana aysan ka boolis ahaan ogolaa doonin in la dhibaateeyo qof ku jira shaqadiisa.

Hoos ka daawo sida ay wax u dhaceen

Jabhada Tigrayga oo qaaday tallaabo lama filaan oo la xiriirta DAGAALKA Itoobiya

Mekelle (Caasimada Online) – Jabhadda Tigrayga ayaa si lama filaan ah ugu dhowaaqday inay diyaarisay guddi wadaxaajood la fura dowladda Ethiopia, sidaasina waxaa wakaaladda wararka AFP u xaqiijiyay afhayeenka TPLF, iyadoo ay tallaabadani ku soo aadeyso 20 bilood ka dib markii uu dagaalku ka bilowday gobolka waqooyiga dalkaasi.

Hadalkan ayaa imanaya toddobaad kadib markii dowladda Ethiopia ay ku dhawaaqday guddi ka baaraandega suurtogalnimada wadahadallo nabadeed oo lala galo TPLF.

Laakin waxaa ay caqabadi ka taagneyd go’aan uu xisbiga Barwaaqo ee Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku adkeystay in wadaxaajood kasta ay hoggaamin karaan Midowga Afrika, iyadoo tallaabadaasi ay jabhaddu diiday.

TPLF ayaa walaac ka muujisay “u dhawaanshaha” ergeyga AU-da horeyna u soo noqday madaxweynaha Nigeria, Olusegun Obasanjo, ee Abiy, waxayna sheegtay in ay doonayso in wadahadal kasta oo labada dhinac ay yeeshaan uu garwadeen ka noqdo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

“Waxa aan diyaar u noqoneynaa in aan wafdi u dirno Nairobi, aanna dhsino guddi ay xubno ka yihiin madax sare,” ayuu AFP u sheegay afhayeenka TPLF Getachew Reda, isaga oo aan bixin tafaasiil dheeri ah.

“Waxa ay noqoneysaa mas’uuliyad-darro weyn in aan AU-da u xilsaarno dhammaan hannaanka wadahadalka,” ayuu yiri isaga oo intaa ku daray in wadahadal kasta uu qeyb ka noqdo Kenyatta kaasi oo kaalin wax ku ool ah ka ciyaaray dadaallada nabadeynta.

Guddiga dowladda ayaa waxaa madax u ah ra’iisulwasaare ku-xigeenka Demeke Mekonen, sidoo kalana ah wasiirka arrimaha dibadda.

AFP + VOA

Agaasimaha Hay’adda Duulista oo shaaciyay sida uu u dhacay shilkii diyaaradda Jubba Airway – Wareysis

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan ayaa ka hadlay shilkii diyaaradeed ee maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku burburtay diyaarad siday dad shacab ah.

Maareeye Axmed ayaa sheegay inay si guul ah ugu dhamaatay badbaadada dadkii rakaabka ahaa ee saarna diyaarada oo tiradoodu dhameyd 36 qof, kadib markii ay shilka ku gashay garoonka.

“Meesha uu Runway-ga ka bilaabanayo ayey ku dhacday markii ay daganeysay, Rakaabka wax dhibaato ah masoo gaadhin wax aan shook aheyn. Dadkii gurmadka deg-dega ah iyo Ambulance-yada ayaa u gurmaday,” ayuu yiri Mareeyaha oo u waramay VOA-da.

“Meesha uu dagashada kasoo bilaabay Pilote-ka ayaa ugu wacneyd inay rogmato diyaaradu, markii uu soo daganayay wax calaamad ah oo khatar muujinaya ma jirin, waxaana la siiyay dagashada dayuurad caadi ah.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in cilada ay shilka ku gashay diyaarada aysan aheyn mid hore loo sii oga, isaga oo xusay inay bilaabeen baaritaan ku aadan arrintaan, islamarkaana uu hadda garoonka si caadi ah u shaqeynayo.

“Hal saac iyo bar ayuu xirna garoonka, dayuuradihii badankooda waxa ku leexinay Baydhabo oo Runway-geedu Laami yahay, kuwii aan dagan karina waxa ku hayn hawada, guud ahaan garoonka aad ayuu mashquul u yahay. Dhaq-dhaqaaqa maalinkii ee garoonka waxa uu gaadhaya 150 illaa 180 dayuuradood, halka habeenkii aysan sii badneyn.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Diyaaradda shilka gashay ayaa waxa ay u kireysneyd shirkadda Jubba Airways, waxayna ka diiwaan-gashan tahay dalka Kenya.

Diyaaraddan ayaa sumaddeedu tahay 5Y-JXN, oo waxay duulimaadkeedii saaka rakaab kasoo qaaday oo kasoo kacday magaalada Baydhaba, ayada oo cillad la kulantay waxyar kahor intii aysan soo degin garoonka diyaaradaha, taasi oo uu ka dhashay dab xoogan oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, balse burburiyey diyaaradda.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Xog is-dhaafsi: Dalalka Reer Galbeedka oo golaaday arrin ay sanado ka diidanaayeen DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhowrkii sano ee lasoo dhaafay Soomaaliya waxay ka caagtay is-dhaafsiga golaha sirdoon ee dalalka gobolka iyo midka caalamiga ah.

Dalalka Reer Galbeedka oo ay ciidamada kala duwan ka joogaan Soomaaliya iyo gobolka Bariga Afrika ayaa dhowr tallaabo dib uga dagay inay xogaha halista ah la wadaagaan hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya (NISA).

Sababta ugu weyn oo ay reer galbeedka u diideen inay xogaha sirdoon la wadaagaan hay’adda sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya waa isku milanka la sheegay inuu dhex maray hoggaankii sare ee hay’adda iyo kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale, dowlad carbeed oo gacan xoog leh ku dhex yeelatay sirdoonka Soomaaliya ayaa dib u riixday dalalka dariska ah sida xilli hore la daabacay.

Xogta ka sokow xaaladaha qaar waxay gaareen in madaxdii hay’adda NISA lala socdo dhaq-dhaqaaqooda gudaha xirada Xalane ama in laga doodo in qaarkood lagu daro liiska madow, sida ay waqtigaasi xaqiijiyeen ilo sirdoon.

Maamulkii madaxweyne Farmaajo wuxuu dhowr jeer isku dayey inuu dalalka Reer Galbeedka ku qanciyo xog is weydaarsi laakiin waxaa la xaqiijiyey inay reer galbeedka arrintaasi ka cudur-daarteen.

Waqtiyo kala duwan oo Farmaajo loo soo jeediyey inuu isbadal ku sameeyo hoggaanka hay’adda sirdoonka si dib loogu helo wada-shaqeyntii caalamiga aheyd iyo middii gobolka waa ku dhiiran waayey Farmaajo, maadaama xilligaasi uu hay’adda madax ka ahaa Fahad Yaasiin kaasoo dhinaca kale uu Farmaajo aaminsanaa inuu u sahli karo inuu mar labaad madaxweyne noqdo.

Dhowrkii bilood ee u dambeysay xukunkii madaxweyne Farmaajo hay’adda sirdoonka ee Soomaaliya waxay u muuqatay mid si weyn hoos ugu dhacday kadib markii Farmaajo iyo Rooble isku qabsadeen cidda hoggaamineysa hay’adda.

Wixii ka dambeeyey 15-kii May ee sanadkaan jawi cusub ayaa u bilowday dhammaan daneeyaasha Soomaaliya, maalmo kadibna tallaabadii ugu horeysay oo uu madaxweyne Xasan Sheekh u qaaday dhanka isbadalka wuxuu hoggaan cusub ugu magacaabay hey’adda NISA, taasoo marxlad caadi ah oo la fahmi karo kusoo celisay hay’adaan oo muddo hoggaan la’aan aheyd.

Nidaamka cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqdaa mid ahmiyad siinaya wada-shaqeynta gudaha iyo midda caalamiga ah ee dhanka amniga, sida caadiga ah dal walba hay’adiisu sirdoonku waxay leedahay aragti gudaha ah iyo mid dibadda ah.

“Ma jiro sirdoon shaqeyn kara iskaashi la’aan. In la waayo wada-shaqeyntii gobolka iyo middii caalmiga aheyd dhowrkii sano ee tagtay dhaawac weyn ayey ku keentay hay’adda,” ayuu yiri sarkaal ka mid ah sirdoonka Soomaaliya.

“Ma sahlana in dunida kugu tiraahdo xog laguma aamini karo ama in lagugu tuhmo inaad cilaaqaad lala leedahay ciddii la beegsanayey, laakiin hadda kalsooni cusub iyo dhiiranaan caalamka iyo gobolka ah oo hay’adaan lagu qabo ayaa muuqata, waxaana aaminsanahay inay keeni karto natiijo wax ku ool ah,” ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalkaan oo diiday in magaciisa la adeegsado.

Agaasimaha hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida qaranka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inuu safar ku tagay dalka Kenya kadib markii labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Kenya ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo iskaashigii xagga amniga ee labada dal.

Dalalka gobolka waxay ka didsanaayeen dowlad carbeed oo fursad u heshay inay kor ka maamusho sirdoonkii Soomaaliya ayey xilli hore sheegeen saraakiishii sababeysay waxa  dalalka gobolka uga beyreen wada-shaqeyntii laamaha amniga ee Soomaaliya.

Dadka ka faalooda arrimaha amniga waxay sheegayaan inay muhiim u tahay Soomaaliya dib u hagaajinta iskaashiga amni iyo xog is dhaafsiga dalalka gobolka iyo kuwa reer galbeedka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu dhowr jeer sheegay tan iyo markii dib loo doortay in la bilaabi doono dagaal dalka looga saarayo Al-Shabaab, si dagaalkaas uu natiijo u dhalana Soomaaliya waxay ku qasban tahay inay garab amni ka hesho dalalka saaxiibada la ah, waana sababta ugu weyn oo uu madaxweyne Xasan Shiikh ahmiyadda u siinayo dib u hagaajinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta amniga ee dalalka reer galbeedka iyo kuwa gobolka ayey leeyihiin falanqeeyaashu.

Madaxweyne Xasan Sheekh ma ku guuleysan karaa dagaalka uu qorsheynayo?

0

Xarakada Al-Shabaab ee ku xiran Alqaacidda waxay Soomaaliya si rasmi ah uga dallaamayaan muddo 15 sano ah, iyaga oo aan aqoonsaneyn nidaamka dowladnimo ee ka jira dalka iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dunida ku heshiisay, sida dhowr mar ay warbaahinta ka sheegeen waxa uu hadafkoodu yahay in waddanka ay ka hirgeliyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka, sidoo kalana ay caalamka dib ugu soo celiyaan khilaafo Islaami ah.

Dagaalka Al-Shabaab ay ka wadaan Soomaaliya waxaa naftooda ku waayay kummaan shacab ah, kuwaas oo inta badan ku waxyeeloobay weerarada tooska ah iyo qaraxyada, hase-ahaatee, ma jirto cid haba-yaraatee wax iska weydiisa dhibaatooyinka soo gaara bulshada. dhammaan dowladihii kale dembeeyay ee soo maray Soomaaliya waxay ku dhawaaqayeen dagaallo lagusoo afjarayo kooxdan.

Warbixin lasoo saaray sanadkii 2020-ka oo lagu daabacay bogga waaxda Arrimaha dibadda Mareykanka waxaa lagu sheegay in qiyaas ahaan  xubnaha dagaallamayaasha ah  ee Xarakadan u dhexeeyaan 5-kun illaa iyo 10-kun oo askari. 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo markiisii labaad loo doortay xilka ugu sarreeya  dalka 15-kii, May, 2022 ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisa ay geli doono dagaalkii ugu adkaa oo lagusoo gabagabeynayo, waxa uu qeexay in dhowr meelood ay kooxda kala dagaallami doonaan.

Xasan Sheekh Maxamuud oo doorashadiisii kadib casho u sameeyay xubnahii taageersanaa iyo kooxahii siyaasadeed ee kala shaqeeyay in dib loo doorto ayaa waxa uu tilmaamay in dagaalka Al-Shabaab ee hadda socda uu yahay istiraatiijiyad ku dhisan go’doomin iyo in la dhimo awood ahaan, taas oo aan Soomaaliya dan weyn ugu jirin, balse loo baahanyahay in qorshe kaas ka duwan lala yimaado. waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladdiisu kala dagaali doonto dhinacyada dhaqaalaha iyo fikirka, iyada oo weerarrada ciidamada ay qaadayaanna la kordhin doono.

Culimada ayaa waxa uu ka codsaday in ay kala shaqeeyaan xagga wacy-geinta umadda iyo in Al-Shabaab aan loo aqoonsan kuwa diinta u adeega, sida uu hadalka u dhigay, waxa uu tilmaamay in la dili doono cid walba oo Al-Shabaab  dhaqaale uga aruurisa Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.

“Waa la dilayaa qof walba oo dhaqaalaha u qaada, waana la yaqaannaa, iyagaba{Al-Shabaab} wax naxariis ah nooma galaan,” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud madashaasi ka sheegay.

Al-Shabaab waxay markaasi kadib weerarro ku qaadeen dhowr magaalo oo ku yaalla Soomaaliya, gaar ahaan bartamaha iyo koonfurta dalka, iyaga oo shalay magaalada Jowhar ka geystay qarax loo adeegsaday gaari xamuul ah, waxaana ku dhintay dad rayid ah, halka mas’uuliyiin ka tirsan maamulakana  ay ku dhaawacmeen.  Qaraxaasi waxa uu dhacay madaxweyanaha oo dalka ka maqan.

Falanqeeyeyaasha amniga ayaa ku doodaya in haddii dowladda Soomaaliya ay dhowr meel awoodda saarto ay suuragal tahay in la wiiqo xarakada Al-Shabaab, waxaayna kala yihiin kor u qaadidda wacyiga bulshada oo u baahan in si macnawi ah loo dhiso iyo in si dhow loola socda ilaha dhaqaalaha kooxda. Qodobkaan dembe ayaase ah midka ugu caqabadda badan, maadaama Soomaaliya hannaanka la socodka lacagaha ee bangiyada iyo xawaaladaha ay aad u adagtahay.

Inkasta oo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay sheegtay in Al-Shabaab ay dagaal la geli doonto, haddana weli waxaa Baarlamanka Soomaaliya horyaalla meel merinta xeerka la dagaallanka argagaxisada, Baarlamankii 10-aad ee dalka ayaa horay gees iska dhigay xeerkaas, arrintaasi oo dad badan ay su’aal iska weydiinayeen.

Machadka ka faallooda amniga ee fadhigiisu yahay Soomaaliya ee Hiraal ayaa waxa uu warbixin uu soo saaray uu ku sheegay in Al-Shabaab ay kamid yihiin Ururrada agagaxiso ee dunida ugu dhaqaalaha badan. kooxdaan ayaa canshuuro ka qaaddo meelo badan oo ay kamid tahay Muqdisho, waxaana sanadkii soo gala lacago malaayiin doollar ah.

Al-Shabaab ayaa weli xoog badan leh, iyada oo uu Ururka Al-Qaacida sidiisii hore uusan awood badneyn.

Inkasta oo uusan madaxweynaha Soomaaliya sheegin waqti cayiman oo dagaalka Al-Shabaab lagusoo gabagabeynayo, haddana waxaa muhiim ah in laga jawaabo su’aasha ah “Soomaaliya illaa iyo intee ayey cudud ahaa iyo dhaqaale ahaan u diyaarsantahay in dalku uu galo dagaal ka dhan ah kooxdan?,” iyada oo Qaramada midoobe ay sheegtay in kala bar shacabka Soomaaliyeed u baahanyihiin gar-gaar Bani-aaddanimo, abaarahii ugu adkaa ee 40 sano soomara dalkana uu hadda la wajahayo.

Marka la isku geeyo arrimahaan oo dhan waxaa muuqanaya in waddanka uu ku jiro mashaakil adag.

Dhinaca kale, madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo la hadlayay dadkii ku dhowaa siyaasad ahaan xilligii doorashada ayaa sheegay in la kordhin doono canshuurta  la qaado, si dagaalka ay Soomaaliya galeyso ay iyada u maalgeliso.waxa uuna sidoo kale meesha ka saaray in xilliga dhow ay furantahay weji kooxdan lagula galo wadahadal.

Inkasta oo aan weli la dhisin Xukuumadda, haddana waxyaabaha la xiriira amniga  iyo xasilinta siyaasadda dalka ayaa ah waxa ugu weyn ee laga sugayo in dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ay awoodda saarto. 

Daawo: Wiil yar oo baranayey kutubo cilmi oo si arxan-darro ah loogu dilay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Macluumaad dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay degmada Kaaraan ka geysteen koox ciyaal weero ah, kadib markii ay weerar ku qaadeen Cabdiraxmaan Sheekh Muxumad Maracadde oo ka mid ahaa dhalinyarada deegaanka.

Marxuumka ayaa la sheegay in xalay maqribkii ay si arxan darro ah u dileen koox ciyaal weero ah, xilli uu ku sugnaa xaafadda Xaawo Casir ee degmada Kaaraan.

Cabdiraxmaan ayaa ahaa wiil yar, wuxuuna Kutubo Cilmi ka baranayey mid ka mid ah masaajidyada ku yaal halkaasi, sidoo kalena wuxuu ku jiray fasalka 2-aad ee dugsiga sare.

Hooyo Safiyo Sheekh Muxumad Godane oo dhashay marxuumka ayaa ka warbixisay dilka wiilkeeda, waxayna sheegay in 7 mindi ay ku dhufteen ciyaal weero, xilli ay adeeg u dirsatay.

“Canuga la dilay waxaan u ahay Hooyadiis gacan ka gar-daran ayaa dishay meel qabow Allaha geeyo marka u horreyso. Ciyaal weero ayaa jidka ku heshay adeeg ayaan u dirsaday, marka isaga oo adeegga ku maqan ayaa la dilay todobo mindi ayaa lagu dhuftay,” ayey tiri Hooyo Safiyo Sheekh Muxumed.

Sidoo kale waxa ay baaq u dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo ka dalbatay in cadaalad loo raadiyo wiilkeeda, si sharciga loola tiigsado dadkii dilay.

“Cadaalad ayaan u baahanahay in dadkii soo dilay la horkeeno cadaaladda oo cunugeygu cadaalad helo,” ayey raacisay Hooyo Safiyo Sheekh Muxumed Godane.

Dhinaca kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in lasoo qabtay qaar ka mid ah kooxda ciyaal weerarada ee dilka u geystay AUN Cabdiraxmaan Sheekh Muxumad Maracadde, waxaana gacanta kusoo dhigay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee dowladda Soomaaliya.

Dhacdooyinka la xiriira dhibaatooyinka ay deegaanka ka geysanayaan ciyaal weerada ayaa maalmihii u dambeeyey kordhay, kuwaas oo sababay in xaafadaha qaar laga barakaco.

Sawirro: Diyaarad ku burburtay garoonka Aadan Cadde

0

Muqdisho (Caasimada Online)Shil diyaaradeed ayaa maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku burburtay diyaarad sida dad shacab ah, sida ay muujinayaan xog iyo sawirro ay heshay Caasimada Online.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay diyaaradda shilka gashay ayaa waxa ay u kireysneyd shirkadda Jubba Airways, balse waxay ka diiwaan-gashan tahay dalka Kenya.

Dhammaan 36 qof oo saarnaa diyaarad oo nooceedu yahay Fokker 50 ayaa barbaaday, balse diyaaradda ayaa gebi-ahaan burburtay.

Diyaaraddan ayaa sumaddeedu tahay 5Y-JXN. Diyaaradda ayaa kasoo kacday magaalada Baydhaba, waxayna cillad la kulantay waxyar kahor intii aysan soo degin garoonka diyaaradaha.

Ilaa hadda si sax ah looma oga waxa sababay ciladda, mas’uuliyiinta garoonkana waxay sheegeen inay baaritaan wadaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in diyaaraddu ay shilka gashay, xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha garoonka, waxaana ka dhashay dab xoogan oo markii dambe lagu guuleystay in la damiyo, balse burburiyey diyaaradda

Garoonka Aadan Cadde ayaa kadib shilkan xirmay muddo kooban, hase yeeshee hadda dib u howl billaabay waxaan kasoo degay kana kicitimay dhowr diyaarad markii shilkan uu dhacay kadib.

Faah-faahinta: kala soco Caasimada.net.

 

Ganacsatada qaadka Kenya oo caqabad cusub ay soo wajahday kadib heshiiskii

0

Nairobi (Caasimada Online) – Ayada oo Jimcihii lasoo dhaafay ay heshiis buuxa gaareen Soomaaliya iyo Kenya ayaa haddane ganacsatada qaadka ee dalkaasi waxaa soo wajahday caqabad horleh oo ku aadan, sidii ay qaadka ugu soo dhoofin lahaayeen dhanka Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in laga yaabo in ganacsatadu ay dhoofinta qaadka sugaan in ka badan intii lagu waday in lagu keeno magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sababta ayaa waxaa lagu sheegay in shuruudo cusub lagu xiray, kadib markii ay dhowaan dowladda Kenya ansixisay xeerar cusub oo dhanka dalagga beeraha ah.

Ganacsatada iyo beeraleyda oo horey usoo dhaweeyey dib u fasaxidda qaadka ayaa waxa ay ugu baaqeen dowladda in ay dadajiso bixinta shatiyada dhoofinta sida uu dhigayo sharciga cusub ee ay dhawaan soo saartay xukuumadda Nairobi ee ku aadan beeraha.

Guddiga ganacsatada qaadka ee Kenya oo arrintaan ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ganacsatada dhoofisa qaadka illaa iyo hadda aan la siinin shatiyada, taasina ay caqabad ku tahay ganacsigooda & inay si deg-deg ah u bilaabaan in qaadka loo soo dhoofiyo Muqdisho.

“Si deg-deg ah ayaan ugu baahanahay shatiyada, sababtoo ah ma rari karno qaadka anaga oo aan u hogaansamin shuruucda,” ayuu yiri guddoomiyaha ganacsatada Kimathi  Munjuri.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo Soomaaliya ay ku dhawaaqday in dib loo furay Qaadka KenyaM kadib heshiis ay wada gaareen madaxweynayaasha labada dowladdood ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Uhur Kenyatta oo Jimcihii ku kulmay magaalada Nairobi, waxaana Soomaaliya iyo Kenya ku heshiiyeen in la xoojiyo xiriirka labada dal ee dariska ah.

Baaxadda dhulka Al-Shabab ay maamusho oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa hadda maamusha 70% koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay isku ballaarisay sanadihii dhowaa, ayada oo ay sacideen khilaafyada siyaasadeed ee mas’uuliyiinta Soomaalida dhexdooda, waxaa sidaas qoray wargeyska Washington Post.

Halka ay dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xukumaan Muqdisho iyo caasimad goboleedyada, Al-Shabaab iyo dagaal-yahanadeeda oo lagy qiyaaso 5,000 illaa 7,000 ayaa maamula tuulooyinka yaryar iyo baadiyaha. 

“Waxaan aragnay inay ballaariyeen dhulka ay haystaan,” waxaa sidaas tiri Samira Gaid, oo ah agaasimaha fulinta ee machadka daraasaadka amniga ee Hiraal oo la hadashay Washington Post. “Waxaan aragnaa inay sii noqonayaan kuwa aan la loodin karin. 

Kooxda Al-Shabaab ayaa laba laabtay weerarada ay ka fuliso Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 2015 illaa 2021.

Inta badan xilligaas waxaa dalka maamulayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo intii uu kooxda la dagaalami lahaa ka door-biday inuu xooggiisa isugu geeyo inuu la-dagaalo maamul goboleedyada dalka, siyaasiyiinta mucaaradka iyo sidii uu xukunka ku dheereysan lahaa. 

“Al-Shabaab waa kooxda ugu weyn, ugu hodansan uguna dilka badan kooxaha ku xiran Al-Qaacida, waxay mas’uul ka tahay geerida kumanaan qof oo aan dambi gaysan oo ay ku jiraan Mareykan,” waxaa sidaas bishii Febraayo yiri Gen. Stephen J. Townsend, madaxa taliska AFRICOM ee Mareykanka.  

Arrimo dhowr ah oo isbiirsaday ayaa xoojiyey kooxdan. Waxaa ka mid ah xasaradaha siyaasadeed ee Soomaaliya, taageeradii ciidamada Mareykanka oo yaraatay, ciidamada AMISOM oo ah wax-matarayaal iyo dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeed oo aan laheyn istaraatiijiyad looga hortago kooxdan oo wax ku ool ah, ayey tiri warbixinta Washington Post. 

Ciidamada Soomaaliya ayaa ah kuwa weli aan sameyn horumar, inkasta oo sanado badan ay tababar siinayaan Mareykanka iyo dalal kale.

“Weerarada muqaawamada ee dhimashada leh ee Al-Shabaab ayaa sii socda ayada oo dhammaadka uusan muuqan,” ayey ku tiri kooxda xasaradaha caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG), warbixin ay soo saartay bishii tagtay. 

“Kooxda mar kasta tallaabo ayey ka horeysaa howlgallada militari. Marka taas lagu daro isku dhex yaaca cadowgeeda, waxay ka dhigan tahay inay ku milmeen bulshada Soomaaliyeed. Taas waxay adkeyneysaa in laga adkaado,” ayey tiri ICG.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la doortay laba bil kahor ayaa ballan-qaaday inuu kooxdan ka adkaan doono, isaga oo sheegay inuu dagala saddex jiho ah la geli doono Al-Shabaab. 

Hase yeeshee, ballanqaadkiisa waa mid la eegayo inuu fuli doono in kale, ayada oo horey ballan-qaadyo ay u sameeyeen madaxdii ka horeysay aysan waxba ka miro-dhalin.

Faahfaahin ku saabsan qarax maanta ka dhacay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay ciidamo ka tirsan kuwa ATMIS, ex AMISOM lagula beegsaday isgoyska Cali Kamiin, degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa inuu haleeyay gaari ay la socdeen ciidamadan oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in qaraxa uu khasaare kasoo gaaray ciidamada lala beegsaday iyo dad shacab ah oo ka agdhowaa meesha ay wax ka dhaceen.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamada howlgalka ATMIS ee la qarxiyey ay fureen rasaas xoogan, balse ma cadda khasaaraha ka dhashay.

Goobjoogayaal la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ciidamada howlgalka ATMIS ay mar dambe sii wateen socdaalkooda, mana jiro wax hadal oo laga soo saaray qaraxaasi.

Weerarkan qaraxa ah ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, walow ay howlgallo ka wadaan ciidanka ammanka.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaada kolonyada ciidamada iyo kuwa ATMSIM, xilliyada ay isaga kala gooshayaan koonfurta iyo bartamaha dalka.