25.7 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

MUQDISHO: Col ku dhac, tuugana kuu ciidamisay!

1993 Ciidamadii dawlada Canada geysey Beledweyne (Canadian Airborne Regiment) waxaa ay dhabarka ka toogteen laba nin oo Soomaali ah oo wax hub ah aan wadan. Waxaa kale oo ay silic iyo si fool xun u dileen wiil 16 jir ah oo Soomaaliyeed Shidane Abukar Arone asaga oo baadi goobayey ilmo reerka ka lumay oo ay sidaas ku qabteen ciidamada Canadian ka. Waxaa ciidamadii Canada ee Canadian Airborne Regiment qariyeen dhamaan xadgudubkii ay u geysteen shacabka aan hubeysneyn ee reer Balaweyne.

Dhacadadaas markii laga war helay, raysul wasaarihii dalka Canada Jean Chrétien wuxuu dhamaan kala diray ciidamadii Canadian Airborne Regiment oo gaarayey ilaa 2000 oo askari. General John de Chastelain oo ahaa Taliyaha Ciidamada Dalka Canada shaqadii waa laga cayrshay, ninkii badalay Air Force General Jean Boyle asagana shaqadii waa laga caryshay dhawr bilood kadib. Dhaqaalihii la siin jirey ciidamada dalka Canada waxaa laga goostay boqolkiiba 25. 

General Odowaa wuxuu ahaa markaas 6 sano jir oo dhacdadaas inuusan xasuusan ayaan u malaynayaa laakiin General Xijaar si fiican ayuu ula socdaa waayo waa ka da weynyahay General Odowaa wuxuuna ka yimid dhanka military ga oo asagu police maahayn markiisii hore.

Sheekadaan iskama aanan keenin ee waxaa jirta sabab igu kalifeysa in aan soo qaato. Sababta waxaa weeye ciidamada booliiska ka iyo ciidamada milatariga Soomaaliya waxaa ku jiro tiro yar oo ugu dhex jira ciidamada iyo booliiska in ay wax dhacaan oo kaliya kuna adeegtaan hubka, labiska iyo magaca booliiska iyo ciidamada.

Waxaa hubanti ah in booliiskaan iyo ciidamada milatariga xun ee ku dhafan kuwa wanaagsan in aysan sheegeyn ciidamada iyo booliiska wanaagsan waayo haddii ay taasi jirto mar hore ayay sheegi lahaayeen. 

Hadaba ciidamada xumaa ee Canada ciidamadeeda ku jirey waxaa ay noqdeen 2 nin markii si fiican loo baaray laakiin maxaa la ruqseeyey 2000 oo nin hal subax oo weliba ah ciidamadii ugu tababarka adkaa uguna fiicnaa ciidamada dalka Canada? Sababtu waxaa weeye, waxay qariyeen labadii xumaa markaas ayaa 2000 kun lagu xukumay in ay ayaguna xunyihiin. Sidaas daraadeed si loo samata bixiyo sumcada ciidamada Canada waxaa muhiim loo arkay in laga takhaluso wixii xumaaday oo dhan.

Hadaba waxaa la gudboon labadaan taliye ee General Xijaar iyo General Odowaa in ay sameeyaan sidii ay sameeyeen raysul wasaarihii Canada iyo raysul wasaarihii difaaca David Collenette ee markaas jirey oo ay yiraahdaan Degmadii ama xeradii ciidan ee nin booliis ah oo katirsan lagu helo inuu yahay tuug, ama hubkiisa loo isticmaalay tuugnimo, ama sahlay arin tuugnimo in xeradaas oo dhan macaa taliyahooda la ruqseeyo. Haddii kale sheegi maayaan mana la dagaalamayaan tuugnimo. Sumcadii booliiska iyo ciidamada Soomaaliyeedna waa ku baa’ba’aysaa.

Ciidamada mushaar fiican ayaa la siiyaa, waxaa la helayaa arday nadiif ah oo Jaamacado ka soo qalin jabiyey, salaada tukada, garanaya binuu aadminimada maxaa kalifay in niman la yiraahdo guntiyo uus oo qaadka cunaaya, calaqooda cabaaya, kaniini iyo daroogo ku daraaya, dumarka kufsanaaya, habeenkiina bastooladiisa ka ijaaraya tuugada iyo ciyaala suuqa uu mushaar kaa qaato., kadibna shacabkii dhaco oo sumacadii booliiska iyo milatariga halkaas lagu ciyaaro? Sidee amaan ka magaalada loogu aaminayaa askar iyo booliis noocaas ay ku dhex jiraan? 

Mida kale, waa maxay ciidamadaan askarigii oo labisan oo mid walba isagoo qorigiisa wata uu gurigiisa u jiiftagaayo, subixiina kasoo kalahaayo? Mooto bajaajkii ayey kula raacaan, waa kula lugeynayaan. Sidee ku kala garaneysaa kii xalay dadka soo dhacay iyo kii aan dadka dhicin? Waxaa intaas sii dheer qaar ka mid ah ayaa bistooladahoodii ka ijaaraaya ilmo yaryar oo ay la kala goostaan wixii ay soo dhacaan. Xataa xabada ay ridaana askarigii ka soo ijaaray wuxuu rabaa lacag ama qof haku dhinto ama yuusan ku dhiman.

Waxaad maqleysaa dad badan oo ku oranayaa ciidamada marada ha ka wasaqeyn ayagoo dhan ma xumee! Waa run taasi laakiin adiga ma ii kala sheegi kartaa kooda xun iyo kooda fiican? Maanta lama kala saari karo kooda xun iyo kooda fiican ayadoo la wada ogsoonyahay in ay badanyihiin kuwooda fiican. Mar haddii shacabkii magacoooda lagu dhacaayo, ayna ku fashilmeen in ay iska nadiifiyaan kooda xun waxaa ay dhamaan ku xukumanyihiin askar wada xun.

Waxaan u aaneynayaa fashilkaan baahsan ee ku dhacay booliiska iyo ciidamada militariga maamul xumo baahsan iyo caajisnimo ku dhacday hogaanka ugu sareeya ciidamada iyo booliska Soomaaliyeed. 

War heedhaha General Xijaar, General Odawaayow, Mahad Salaad, Cumar Filish sidaan isku dhaama oo dadka aad masuuliyada u dhiibteen degmooyinka, saldhigyada booliiska, xeryaha military iyo unugyada ciidamada la xisaabtama. Habacsanaan iyo walaalow maamul kuma shaqeeyo ee wuxuu ku shaqeeya isla xisaabtan iyo in aad ka cayriso shaqada dadka shaqadooda gabay ee hortooda shacabka lagu dhacaayo. 

Muxuu ka yahay taliye saldhig booliis haddii xaafadii amaankeeda lagu aaminay habeen walba guryihii loo dhacaayo, casarkii hablaha moobiilada laga dafaayo, hadaad Salaada subax soo tuko is tiraahdo toorey laguula soo baxaayo?

Jeneraalada waxaan leeyahay dib isugu noqda. Idinka waa la idin ilaaliyaa, guryihiina iyo naftiina marka ma dareemi kartaan amaan darada shacabka hayasata, laakiin muhiim maahan in aad dareentaan ee waxaa muhiim ah in aad wax ka qabataan amaan darada jirta ee aad masuuliyadeeda leedihiin. Waa in ninka ragga ah ee masuulka ah uu maareeyaa dhibaato kasta oo shacabkiisa la soo darista.

W/Q: Ali Osman
[email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Xiriir dhex-mara Sacuudiga iyo Israel oo soo dhowaaday kadib tallaabo uu qaday Biden

0

Jerusalem (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa shalay gaaray Israel isaga oo billaabay safar muhiimad sare leh oo uu ku bixinayo Bariga Dhexe.

Ujeedka ugu weyn ee safarka ayaa ah inuu xulufada Gacanka ku cadaadiyo inay kordhiyaan wax soo-saarka shidaalka la iskuna soo dhoweeyo Saudi Arabia iyo Israel.

Biden ayaa laba maalmood ku bixin doona Jerusalem, halkaasi oo uu wada-hadallo kula yeelan doono hoggaamiyeyaasha Israel kahor inta aanu Jimcaha Daanta Galbeed kula kulmin madaxweynaha Falastiin Mahmoud Abbas.

Kadib waxa uu duulimaad toos ah Israel uga qaadan doonaa Jeddah, Saudi Arabia – isaga oo noqonaya madaxweynihii ugu horreeyey ee Mareykan ee sidaas sameeya – wuxuuna Jimcaha wada-hadallo la yeelan doonaa saraakiisha Sacuudiga, isaga oo sidoo kale ka qeyb-gali doona kulan madaxeedka dalalka Khaliijka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegaya in safarka – oo ah kii ugu horreeyey ee Biden uu ku tago Bariga Dhexe isaga oo madaxweyne ah – uu dhalin karo tallaabooyin ku wajahan aas-aasidda xiriir ay yeeshaa Saudi Arabia iyo Israel, oo ah labada dal ee ugu awoodda badan xulufada Mareykanka ee gobolka.

“Waxaan si tartiib ah u qaadeynaa tallaabooyin arrintaas ku wajahan,” ayuu yiri sarkaal Israeli ah.

“Xaqiiqda ah in Biden uu booqanayo Israel, una halkan si toos ah uga duulayo Saudi Arabia waxay tusaale u tahay arrimo badan oo soo socday bilihii dhowaa.”

Safarka ayaa looga dan leeyahay xoojinta xasilloonida gobolka, dheereynta is-dhexgalka Israel iyo dalalka gobolka iyo ka hortigista saameynta Iran iyo gardarrada Russia iyo China.

“Safarka wuxuu xoojin doonaan kaalinta muhiimka ah ee Mareykanka ee gooblka,” ayuu yiri la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan.

Biden, oo dalkiisa ku wajahaya cadaadis ku saabsan in hoos loo dhigi qiimaha shidaalka, ayaa la filayaa inuu dalalka Khaliijka ku cadaadiyo inay kordhiyaan shidaalka ay soo saaraan, si qiimaha hoos loogu dhigo.

Xudunta safarka ayaa ah kulamada uu la yeelan doono madaxda Sacuudiga, oo uu ku jiro dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman, oo sirdoonka Mareykanka ay horey ugu eedeeyeen dilkii weriye Jamaal Khaashuqji.

Kulanka ayaa ka dhigan in Biden uu ka laabtay mowqifkiisii hore ee ahaa inuu Bin Salman ka dhigo “god’oon.”

REUTERS + VOA

Al-Shabab oo jab culus lagu gaarsiiyey dagaalkii Janaale

0

Marka (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay deegaanka Janaale oo hoostaga degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalka ayaa billowday, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaankaasi, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah, kaas oo dhaliyey khasaare dhimasho & dhaawacba leh.

Taliyaha Ururka 83-aad ee Guutada 14-ka October Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyey dagaalkaasi, wuxuuna sheegay inay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday, isla-markaana ay khasaare gaarsiiyeen xoogaga Al-Shabaab.

Gaashaanle Sare Nuuradiin Xuseen ayaa xusay in magaalada kusoo bandhigeen meydka xubin ka tirsan Al-Shabaab oo uu tilmaamay inay ka careen raggii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raad-joogaan xubnihii kale ee baxsaday, ayna howlgallo ka wadaan agagaarka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyey ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana dadka ay sheegeen in dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo halkaasi, iyaga oo ka cabsi qaba inay markale dagaalamaan labada dhinac.

Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab oo weeraro kasoo abaabusho ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo kala duwan oo khasaare geysta.

Sawirro: Xasan Sheekh oo ilmeeyey markii uu la kulmay waalidiinta askarta la geeyey Eritrea

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka soo laabtay safar uu ku tegay dalka Eritrea ayaa madaxtooyada kulan xog-warran ah kula qaatay qaar ka mid ah waalidiinta ciidanka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Eritrea.

Madaxweynaha ayaa dhalinayaradaas xeryahooda ku kormeeray maalmihii la soo dhaafay, Xasan Sheekh ayaa waalidiinta la wadaagay xaaladda guud ee ay ku sugan yihiin, bad-qabkooda nololeed iyo halka ay marayaan tababbarrada ay dalkaas u joogaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu mar kale waalidka u xaqiijiyey sida ay uga go’an tahay fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa in ubadkooda ay dib ula midoobaan, dalkana dib ugu soo laabtaan si ay u gutaan waajibka qaran ee ay sida geesinnimada, dal-jacaylka iyo naf-hurnimada leh u qaadeen.

“Waxaan la soo qaatay farxadda ciidda, aniga oo si dhow ugu kuur-galay noloshooda. Si ay waalidnimo ku dheehan tahay ayaan ula soo dardaarmay, waxaana ka shaqeeyey in ay idinla soo xiriiraan. Sidoo kale waxaan la xalliyey caqabado ku aaddan arrintaas aniga oo rajaynaya dhawaan in ay idin soo wacaan,” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa intii uu kulanka socday celin waayey dareenkiisa, ayada oo la arki karay inuu ilmada ceshan waayey.

Dhinaca kale, waalidka ciidamada Soomaaliyeed ee la kulmay Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey mudnaanta uu siiyey xaaladda ubadkooda iyo sida degdegga ah ee uu uga war doonay si xal loogu helo tabashada iyo walwalka ay qabeen iyaga oo muujiyey in ay ku qanceen xogta uu la wadaagay ee ku saabsan xaaladda dhabta ah ee ubadkooda.

Hoos ka daawo


Xog: Madaxweyne Xasan oo berri u baxaya safar kale oo dibadda ah + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay ilo xog ogaal ah u xaqiijiyeen Caasimada Online Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa berri u baxay safar kale oo dalka dibadiisa ah.

Madaxweynaha ayaa Khaamiista berri u safraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo booqasho rasmi ah oo labo cisho ah uu ku tagi doono.

Safarkan ayaa ah kii afaraad oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu baxo dalka dibadiisa iyo markii la doortay 15-kii bishii May.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa maalin kaddib u buuxsameysa 60 cisho oo uu xafiiska joogo, iyadoo dhowr iyo toban cisho uu safaro dibadda ah ku maqnaa.

Safarkiisa Nairobi ayaa bilow u noqonaya dib u soo nooleynta xiriirkii Soomaaliya iyo Kenya oo labadii sano ee u dambeeyay mugdi galay, kaas oo gaaray heer safaaradaha la kala rarto.

Markii xukunka dalka looga guuleystay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, Kenya dalal ay ugu horeyso waxaa gashay rajo weyn ay dib ugu soo cesha karto cilaa qaadkeedii Soomaaliya.

Arrimaha ugu waaweyn ee hoggaanka Kenya uu kala hadli doono Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa laga dheregsan yahay inuu ku jiro Qaadka, maadaama sanad kahor la joojiyey qaadkii Kenya ay u soo dhoofi jirtay Soomaaliya, taas oo cadaadis gelisay madaxda Kenya, sicir bararna ka abuurtay dalkaas.

Eedeysanayaal loo haysto dilka C/raxman iyo Cali Shariif oo maxkamad la horkeenay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Maxkamada Ciidmada Qalabka-Sida, gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa maanta u fariisatay dhageysiga Dacwad ciqaabeed loo heysto Shan Eedeysane oo lagu soo oogay dacwad dilal ay ka geysteen magaalada Jowhar.

Maxkamadda ayaa markii ay furantay waxay dood adag ay dhex-martay Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad iyo qareenada u doodayay eedeysanayaasha 5-ta ah.

Eedeysanaha 1-aad oo lagu magacaabo Cabdullaahi Xuseen Duurdage ayaa xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada ay sheegtay in 17-kii bishii 3-aad ee sanadkii 2020-ka uu dil u geystay Askari katirsan Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle.

Eedeysanayaasha 2-aad iyo 3-aad oo lagu kala magacaabo Xasan Yuusuf Ibraahim oo kamid ahaa Booliska Hir-Shabeelle iyo Najiib Aadan Axmed Xaaji ayaa loo haysta inay dileen marxuumiinta kala ah Cabdiraxmaan Sheekh Cismaan iyo Cali Shariif.

Sidoo kale Xasan Maxamed Qaareey iyo Maxamed Cabdinuur Xiireen ayaa lagu soo eedeeyay inay tooreey ku dileen Marxuum Maxamed Cismaan Baroow, sida ay ku eedeysay Xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qeybta 27-aad.

Markii uu soo dhamaaday fadhiga maxkamadda ayaa waxa uu guddoomiyaha maxkamada ciidmada qalabka-sida qeybta 27-aad, Gaashaanle Maxamed Amiin Cabdulle uu sheegay inay go’aan kasoo saari doonaan.

Daawo: Muxuu R/W Xamza u sheegay xubnihii uu maanta kula kulmay xafiiskiisa?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan is xog-wareysi ah la yeeshay Agaasimayaasha guud ee Wasaaradaha iyo hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Xamza ayaa ku adkeeyey Agaasimeyaasha Wasaaradaha xukuumadda federaalka Soomaaliya in shaqooyinka ka socda wasaaradaha aysan hakad galin xiligaan kala guurka ah, si uusan dib u dhac ugu imaan adeegyada wasaaraduhu u hayaan bulshada.

Agaasimeyaasha ayaa la wadaagay ra’iisul wasaaraha warbixino ku saabsan howlaha hortabinta u leh hay’adaha dowladda, iyagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay dar-dar gelinta howlaha iyo adeegyadda ay dowladdu u hayso shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in ahmiyad gaar ah ay xukuumaddiisa u leedahay isku soo dhaweynta dadka Soomaaliyeed, si meesha looga saaro wax walba oo keenaya tuhun, siina kala fogaynaya ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale waxa uu dul istaagay sida ay muhiimka ugu yihiin agaasimeyaasha guud ee wasaaraduhu howl fulinta shaqooyinka dowladda, isagoo kula dardaarmay in si siman oo daacad ah ugu adeegaan dadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tan iyo markii la wareegay xilka bilaabay dardar-gelinta howlaha muhiimka ah ee horyaalla, ayada oo laga sugayo dhismaha xukuumaddiisa cusub iyo fulinta ballan-qaadyadiisa.

Xog: Sida Xamza u wajahay xiisadii Boosaaso iyo cabsida laga qabo qorshaha Deni

Boosaaso (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa ku baxay daminta shaqaaqo dhawaan ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Diyaarad siday gargaar kooban oo kusii jeeday magaalada Boosaaso ayaa loo diiday inay ka dagto garoonka diyaaradaha ee magaaladaas. Diyaarada waxaa kaloo saarneyd guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya xildhibaan Saacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo laga soo doortay Puntland.

Waxay aheyd markii labaad oo ay isku daydo inay Puntland gargaar gaarsiiso. Horey Garoowe ayey u geysay balse tii Boosaaso waxaa ka dhashay khasaaro ka xoog badan dhowr kartoon oo gargaar ah oo ay galbineysay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka.

Dhimashada 17 qof yo dhaawac intaas ka badan ayaa lasoo wariyey inuu dhaliyey dagaalkii dhawaan ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Dadka dhintay ayaa u badan labada ciidan ee PSF iyo PMPF oo iyagu ku dagaalamay in diyaaradaas siday gargaarka ka dagto Boosaaso iyo inay dib ugu laabato magaalada Muqdisho oo ay markii hore ka timid.

Puntland waxay ku dooday inaan lasoo marin habka saxda ah oo ay madaxda dowladda dhexe ku imaan karaan deegaanada maamulka Puntland. SI gaar ah guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Sshacabka waxaa lagu eedeeyey inaysan maamulka la socodsiin imaatinkeeda.

Hoggaamiyaashii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo xalay war kasoo saaray dhacdadii ka dhacday magaalada Boosaaso waxay mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay dusha ka saareen guddoomiye ku-xigeenka koowaad oo ay sheegeen inaysan marin habkii loo baahnaa haddii ay tageyso deegaanada Puntland, maadaama ay hambaarsan tahay xil sare oo federal ah.

Waa nasiib-darro weyn gargaar dhowr kartoon ah inuu sababo geeri intaas dhan. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa la xaqiijiyey inuu deg deg uga howlgalay inaysan xaaladii Boosaaso dhalin mid kasii xun.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo xafiiska ra’iisul wasaaraha ka tirsan, wuxuu Xamza la xiriiray hoggaanka sare ee Puntland isagoo ka codsaday in xaaladda dhacday xalkeeda loo maro dariiq nabdoon lagana wada-shaqeeyo baarista cidda mas’uuliyadda qaadeysa iyo daweynta dhaawacyada daran.

Hoggaanka Puntland waxaa la sheegay inay soo dhaweeyeen odayeynta ra’iisul wasaaraha iyo in la iska kaashado badbaadinta dhaawacyada daran.

Xildhibaano heer federaal ah oo Puntland kasoo jeeda oo dhawaan ra’iisul wasaaraha la kulmay kadib markii ay timid dhacdadii Boosaaso ayaa iyaguna sheegay inuu ra’iisul wasaaraha ku ballan qaaday garab istaag buuxa si Boosaaso iyo dadkeedu u helaan xasilooni.

Magaaladaan caanka ku ah ganacsiga ayaa ciriiri amni ku jirtay tan iyo markii uu soo bilowday khikaafka Saciid Deni iyo hoggaanka ciidamada PSF.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo kamid ahaa siyaasiyiintii ugu xooganaa ee dhaliyey isbadalkii 15-kii May lagama soo warin qanaaca fiican oo la xiriirta nidaamka cusub ee ka  dhashay Soomaaliya.

Deni oo xilka ra’iisul wasaaraha ku hun goobay ayaa dhacdadii Boosaaso kadib waxay dad badan shaki geliyeen wada-shaqeyntiisa dowladda Federaalka ah.

Waxaa jira walaac ku saabsan in Saciid Cabdullaahi Deni uu middiyaha u afeysanayo dagaal siyaasadeed cusub oo uu la galo nidaamka Villa Somalia.

Puintland ayaa inta badan dagaal siyaasadeed ka gashay madaxdii timid Villa Somalia tan iyo 2009, waxayna mar walba leedahay dooq gaar ah oo ka duwan deegaanada kale.

Balse dadka siyaasadda ka faalooda waxay leeyihiin waayihii dambe dagaal siyaasadeedka Puntland ma aheyn mid deegaan khuseeya ee wuxuu ku wajahnaa dano siyaasiyiin gaar ah leeyihiin.

Mucaaradnimo uu Saciid Deni ku dhawaaqo saacadaha hore ee xukunka Xasan Sheekh iyo Xamza ayaa la aaminsan yahay inay si weyn u dhaawici doonto Deni.

Odayaasha dhaqanka ee gobolka Berri ayaa la iyaguna la xaqjiijiyey inay ku howlan yihiin sidii loosoo afjari lahaa xiisadaha soo noqnoqday ee magaalada Boosaaso.

Dowladda UK oo shaacisay waxa ay ka yeeleyso MO FARAH kadib qirashadiisa

London (Caasimada Online) – Orodyahan Mo Farah ayey neef kasoo fuqday kadib markii uu taageero xooggan ka helay dowladda UK inkasta oo uu qirtay in si sharci-darro oo ah qaab tahriib ganacsi ah lagu soo geliyey Britain isaga oo caruur ah. 

Shaac ka qaadista uu Mo Farah ku sameeyey dokumenteri ay diyaarisay BBC-da ayaa dhaliyey su’aal ku saabsan muwaadinnimadiisa UK, balse wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inaysan wax tallaabo ah ka qaadeyn.

Afhayeen u hadlay xafiiska Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa yiri “waa geesi cayaareed, wuxuu dhiiri-gelin u yahay dadka dalka oo dhan.”

“Waa xusuusin naxdin leh oo ku saabsan aragagaxa ay dadka wajahaan marka lasoo tahriibiyo. Waana inaan sii wadnaa inaan wax ka qabano dambiilayaasha ka faa’iideysta dadka baylahan.”

Mo Farah oo ah 39 jir ka mid ah orodyahnaada loogu jecel yahay uguna guusha badan Britain, ayaa shaaca ka qaaday in magaciisa saxda ah uu yahay Hussein Abdi Kahin, islamarkaana isaga oo caruur ah lagu qasbay inuu guri ka shaqeeyo kadib markii UK la keenay isaga oo 8 ama 9 jir ah. 

Booliska London ayaa sheegay “inay qiimeynayaan” tuhunada ku saabsan in Mo Farah lasoo tahriibiyey, kadib markii hooyadiis ay soo dirtay si uu uga baxsado dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Mar la weydiiyey Mo Farah sida uu arko jawaabta dowladda, waxa uu yiri “waxaan dareemayaa nafis. Kani waa dalkayga.”

“Ma jiro canug doonaya inuu ku sugnaado xaaladdaas. Aniga arrintaas waa la ii dooray.”

“Aad ayaan uga mahad-celinayaa fursad kasta oo aan ku helay Britain, aad ayaana… ugu faraxsanahay inaan dalkayga u matalay sidii aan u matalay, sababtoo ah taas waa waxa kaliya ee aan sameyn karay oo gacanteyda ku jira, markii aan yaraa ma lahayn maamulkayga.”

Mo Farah ayaa waxaa markii dambe ka caawiyey inuu dhalashada UK helo macalinkiisa cayaaraha ee iskuulkii uu dhigan jiray, Alan Watkinson, isaga oo weli isticmaalaya magaca Mohammed Farah oo ay siisay haweeneydii sida sharci-darrada ah kusoo gelisay Britain. 

“Ilama ahan in Alan uu wax khalad ah sameeyey,” ayuu yiri Mo Farah. 

“Alan wuxuu u tegay qolyaha adeegga buslahada. Waxaan u sheegnay xaaladdeyda, waxaan u sheegnay sida saxda ee magacaygu ahaa, marka waxaan marnay marinadii saxda ahaa, balse ma aqaan sababta wax looga qaban waayey.”

Mo Farah oo ku guuleystay tartamada 5,000m iyo 10,000m ee cayaarihii olombikada ee London 2012 iyo Rio 2016 ayaa horey u sheegay inuu UK la yimid qoyskiisa isaga oo qaxooti ah kadib markii ay kasoo carareen Soomaaliya.

Hase yeeshee, waxa uu 39 jirkan hadda sheegay in waalidkiis aysan weligood iman UK – in aabihiis lagu dilay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya markii uu ahaa afar jir, iyo in hooyadiis iyo laba wiil oo la dhashay ay ku nool yihiin Somaliland.

“Runta waxay tahay inaan aheyn qofka aad u maleysaan inaan ahay. Dadka badankood waxay ii yaqaanaan Mo Farah, balse ma ahan magacayga, mana ahan xaqiiqda,” ayuu yiri. 

Farah, oo ah orodyahankii ugu horreeyey ee British ah ee ku guuleysta afar bilad oo dahab ah, ayaa sheegay in caruurtiisa ay ku dhiiri-geliyeen inuu runta ka sheego sooyaalkiisa. 

“Muddo ayaan qarinayey. Aad ayey u adkeyd sababtoo ah ma dooneysid inaad wajahdo, inta bandanna caruurteyda su’aalo ayey I weydiiyaan, ‘Aabe, sidee arrintan ku dhacday?’ waa inaad ka jawaabtaa, balse mar kasta jawaab ma heli kartid,” ayuu yiri. 

“Sababta ugu weyn ee aan u sheegayo taariikhdeeda ayaa ah inaan doonayo inaan dareemo caadi, oo aan dareymin inaan wax qarinayo.”

Xaaska Mo Farah, Tania ayaa sheegtay in sanadkii 2010 kahor arooskooda ay garowsatay “in waxyaabo badan ay ka maqan yihiin sheekadiisa” kadibna ay “su’aalo badan dhulka ku dhigtay” oo uu runta sheegay. 

‘Labadii kulan ee dhexmaray Farmaajo iyo Netanyahu iyo qorshihii uu ka diiday Trump’

Tel Aviv (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay ra’iisul wasaarihii hore ee Israel Benjamin Netanyahu horaantii 2020, waxaa sidaas wargeyska Times of Israel u sheegay diblomaasi xog-ogaal u ahaa kulankaas. 

Farmaajo ayaa bishii Febraayo tegay Tel Aviv isaga oo uu wehliyo Balal Osman, oo ahaa ergeyga gaarka ah ee Farmaajo u qaabilsanaa Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, sida uu sheegay diblomaasiga. 

Labada hogaamiye ayaa ka wada-hadlay suurta-galnimada xiriir dhex-mara dalalkooda. Hase yeeshee dadaalladaas ayaa waxaan taageerin madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, oo aan dooneyn inuu Soomaaliya ku daro dadaallada gobolka ee markii dambe loo bixiyey Heshiiskii Abraham (Abraham Accords), sida uu sheegay diblomaasiga. 

“Ma dooneyn [Trump] inuu la macaamilo waddan, uu u maleeyey inuu ahaa ‘dal qurmay,’” ayuu yiri diblomaasiga.

Sarkaalka ayaa sheegay in weerarada ay Ilhaan Cumar, oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan congress-ka Mareykanka, ay ku qaadeysay Trump, ay Trump ka xiray Soomaaliya. 

Markii labaad ee Netanyahu uu la kulmay Farmaajo ayaa aheyd 28-kii November 2018, markaas oo ay ku dhinac kulmeen kulan dhex-maray Netanyahu iyo madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka dhacay magaalada Nairobi, sida uu sheegay diblomaasiga hore. Kulanka ayaa ku yimid codsiga Netanyahu.

Afhayeenada Netanyahu waa ay diideen codsi ku saabsan inay arrintan ka hadlaan. 

Sida uu sheegay diblomaasiga, Farmaajo ayaa sidoo kale amray safiirkii Soomaaliya ee Switzerland Faduma Abdullahi Mohamud inay ka aamusto qaraarkii 2019 ee Golaha Xuquuqda Aadanaha QM uu ku cambaareeyey Israel sababo la xiriia buuraha Golan Heights.

“Waxa uu doonayey inuu ku tijaabiyo falcelinta gudaha iyo dibedda ee taageero yar oo shaacsan oo loo muujiyo Israel,” ayuu yiri diblomaasiga.

Faduma ayaa waxaa u yeeray wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya kadib codeyntaas. Farmaajo ayaa kadib ku qasbanaaday inuu ku ciqaabo codeyntaas kadib markii dhalleeceyn xooggan oo gudaha iyo dibedda ah uu la kulmay, sida uu sheegay diblomaasiga.

Israel wax xiriir ah diblomaasi ah lama yeelan Soomaaliya weligeed. Sidoo kale Soomaaliya weligeed Israel uma aqoonsan dal. 

Shaac ka qaadista kulankan ayaa imaneysa ayada oo toddobaadyadii dhowaa ay jireen warar sheegaya isu soo dhowaansho Soomaaliya iyo Israel ah. 

Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa Isniintii beeniyey warbixino ay qoreen warbaahinta Israel oo sheegaya in Muqdisho ay ka fakareyso inay xiriir diblomaasi la yeelato Israel. 

Wargeyska Times of Israel ayaa Axaddii qoray in afhayeen u hadlay madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in dowladda ay kala tashaneyso baarlamanka suurta-galnimada ah inay xiriir diblomaasi la sameysato Israel. 

Ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyey in afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya uusan marnaba la hadlin warbaahinta xigatay, islamarkaana warbixinta wargeyska Times of Israel ay tahay been abuur. 

Abdiaziz Hassan Ibrahim
[email protected]

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R/W Xamza oo soo faro-geliyey dhacdadii Boosaaso

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa kulan u dhexeeyey madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre, kaas oo looga hadlay dhacdadii garoonka magaalada Boosaaso ee sababtay dagaalkii ka dhashay dib usoo celintii xildhibaan Sacdiya Yaasiin.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa diirradda lagu saaray falkaasi oo dhacay Isniintii lasoo dhaafay, waxaana ku dhintay in ka badan 10 ruux, kadib iska hor imaad ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Puntland.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka ay goobjoog aheyd guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar, waxaana shirka uu yimid, kadib markii ay madaxdu ku guuleysteen inay baajiyaan shir jaraa’id oo ay qaban laheyd Sacdiya.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ay xiriir khadka taleefanka ah la sameeyeen madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni oo haatan safar ugu maqan magaalada Abu Dhabi ee dalka Isu Tegga Imaaraadka Carabta.

Labada dhinac ayaa ka wada-hadlay qaboojinta xiisadda ka dhalatay dhacdadaasi, waxaana la sheegay in Xasan iyo Xamza ay cudur daar ka bixiyeen shaqaaqadaasi.

Waxaa sidoo kale lagu ballamay inuu Saciid Deni ku laabto Garoowe, kadibna uu tegayo madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha midkood, si aysan dhacdadaan u saameyn xiriirka iyo wada-shaqeynta dowlad federaalka iyo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Wada-hadalladan billowday ayaa kusoo aadayo, ayada oo weli ciidamadii dagaalamay ay isku horfadhiyaan Boosaaso, halkaas oo laga dareemayao dhaq-dhaqaaq ciidan.

Si kastaba, xaaladda ayaa shalay kasii dartay markii madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash oo haatan ah ku simaha madaxweynaha uu shaqo joojin ku sameeyey wasiiro ka tirsan maamulkaasi kuwaas oo lala xiriiriyey is hortaagii lagu sameeyey Sacdiya.

Madaxdii hore ee Puntland oo sheegay cidda mas’uulka ka ah dhacdadii Boosaaso

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Puntland Cabdiwlei Maxamed Cali Gaas iyo Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku dhaleeceeyey dagaalkii Boosaaso ka dhacay Axaddii oo ay ku dhinteen 11 qof.

Dagaalkaas ayaa ka dhashay markii ay isku dhaceen ciidamada ka wada tirsan Puntland oo ay dhexmartay dood ku saabsan diyaarad ay saarneyd Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo loo diiday inay kasoo degto garoonka Boosaaso.

War-saxaafadeedka oo ay sidoo kale ku wehliyeen Axmed Ciise Cawad (Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee DFS), Cabdikhadar Shaaciye (Wasiir hore ee Puntland ahna Xubin Golaha Shacabka ee Puntland), Maxamed Cabdiraxmaan Faroole (Lataliyaha Amniga ee Puntland) ayey dhacdaas mas’uuliyadeeda ku eedeeyeen Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar. Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka. 

WARSAXAAFADEED  

Annagoo ah Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole (Madaxweynihii hore ee Puntland), Cabdiweli Maxamed Cali Gaas (RW hore ee DFS iyo Madaxweynihii hore ee Puntland), Axmed Ciise Cawad (Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda ee DFS), Cabdikhadar Shaaciye (Wasiir hore ee Puntland ahna Xubin Golaha Shacabka ee Puntland), Maxamed Cabdiraxmaan Faroole (Lataliyaha Amniga ee Puntland), waxaan halkaan ku soo jeedineynaa arrimaha soo socda:  

1. Waxaan annagoo aad uga murugeysan ka tacsiyeyneynaa geerida iyo dhaawaca naxdinta leh ee ka dhalatay qalalaasihii ka dhacay Boosaaso 11kii June 2022. Waxaan intii dhimatay Alle uga baryeynaa naxariis iyo dembi dhaaf ehelkoodana samir iyo iimaan. Inta dhaawaca ahna Allaha siiyo caafimaad dhaqsa ah.  

2. Waxaan si xooggan u cambaareyneynaa cidda masuulka ka ah dhibtaas weyn ee dhalisay dhimashada iyo dhaawaca, khalkhalkana gelisay xasiloonida Puntland. 

3. Waxaa cad in dhibkii halkaa ka dhacdey iney mas’uul ka tahay Gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee Barlamanka Golaha Shacabka JFS Sacdiya Salaad Samatar iyadoo baalmartey nidaamkii dowliga ahaa oo dalku lahaa. 

4. Waxaan ugu baaqeynaa qeybaha kala duwan ee reer Puntland, gaar ahaan magaalada Boosaaso inay ilaashadaan nabadda, xasiloonida iyo nidaamka dowladnimo ee Alle ku mannaystay. 

5.Puntland waxay leedahay Maamul la doortay iyaga ayaan ah dariiqa ugu mudan ee ay tahay in la maro xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Puntland. 

6. Waa in laga fogaado wax kasta oo wax u dhimi kara isla shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada.  

Wabillaahi Towfiiq

Sawirro: Wada-hadallada Muuse Biixi iyo mucaaradka SOMALILAND oo billowday

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah qasriga Madaxtooyada Somaliland uga bilowday wejigii saddexaad ee wada-hadalada u dhaxeeya xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi iyo hogaanka saddexda xisbi Qaran ee Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

Shirka ayaa ku furmay jawi wanaagsan, ayada oo goobjoog ay ka ahaayeen labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Shirkaan oo xal looga gaarayo xiisada ka dhalatay doorashada Somaliland ayaa waxaa shir-guddoominayay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxeyne ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, iyadoo la gudo galay ajendayaasha laga dooday oo ay si wada jira u soo diyaariyeen saddexda xisbi qaran.

Hogaanka xisbiyada ayaa dhankooda soo jeediyey doodda ay qabaan, iyadoo ay dhegeysanayeen Madaxweynaha, labada guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku-xigeenku.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in shirka maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho, iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey.

Waxaa loo ballamay in maalinta berri oo khamiis ahna ay isu yimaaddaan saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo ka kala socda saddexda xisbi Kulmiye, Waddani iyo Ucid.

Si kastaba, Xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadda uu hogaamiyo Muuse Biixi iyo xisbul xaakimka Kulmiye oo dhinac ah ayaa muddooyinkii dambe ka dhex tagneyd xiisad xoogan oo arrimaha doorashooyinka, waxaana muuqata in shirarkaan xal looga gaarayo xiisadaas.

Sawirro: DF Soomaaliya oo dalab culus u gudbisay India

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ahe madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan gurmadka abaaraha, Mudane Cabdriraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan gaar ah la yeeshay safiirka Hindiya u qaabilsan Soomaaliya iyo Kenya, Dr Virander Paul.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo dhowr, waxaana ka mid ah  xiriirka soo jireenka ah ee dowladaha Soomaaliya iyo Hindiya iyo sidii mar labaad ay Hindiya xiriir maalgashi ula sameyn lahayd gudaha Soomaaliya, si ay qayb uga noqoto hormarka socda.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale Danjire Virander Paul kala hadlay arrimaha gurmadka abaaraha ee haatan ka socda, wuxuuna u gudbiyey dalab la xiriira cunna yarida, gaar ahaan in Hindiya ay qiimo dhimis ku sameyso raashinka loo soo dhoofiyo Soomaaliya.

“Ergayga oo si gaar ah diiradda u saaraayay arrimaha abaaraha ayaa xusay kaalinta cunna yarida adduunka ka jjirta iyo sicir bararku ku leeyihiin abaaraha, isaga oo arrinkaas ka duulayana waxa uu kala hadley Danjiraha in dowladda Hindiya ku gacan siiso Soomaaliya dhimista qiimaha raashinka Soomaaliya kasoo dhoofsato Hindiya, gaar ahaan bariiska iyo sokorta,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu ergeygu ka codsaday in dowladda Hindiya ay u gudbiso dalalka G20 sidii loogu gurman lahaa dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku dhaqan gudaha Soomaaliya.

Dhankiisa safiirka ayaa balan-qaaday in dowladddiisu ay mar walba garab istaagi doonto Soomaaliya, ayna ku dedaali doonaan caawinta dadka tabaaleysan.

Soomaaliya ayaa waxaa ku dhufatay abaar baahsan, taasoo saameysay dadka & duunyada, waxaana haatan socda gurmad ay hormuud u tahay dowladda federaalka Soomaaliya.

ANAGA IYO ERITREA: Eritrea abaal ma nagu leedahay? 

Dowladda Eritrea wax ay inoo fidisay gogol xili adduunka cid aqbalaysay aysan jirin iney soo dhaweeyaan firxadkii Maxaakiimta iyo dadka la fikirka ahaa ayadoo wali Itoobiya ay dagaalkii gumaadka ahaa ka waddo koonfurta Soomaaliya.

Anigu waxaan ka mid ahaa dadkii ugu horeeyey ee tagay Asmara ka hor shirkii weynaa ee ARS-ta ee lagu mideeyey Maxaakiimtii Islaamiga aheyd, Baarlamaankii xorta ahaa, Bulshada radyidka ah iyo qurba joogtii kasoo hor jeedday duulaanka Itoobiya.

Markii aan tagay Eritrea waxaan la kulmay wax aanan marnaba ka filaneyn, shacabka Eritrea iyo dowladduba waxey noosoo dhaweeyeen si aan la qiyaasi karin, heer kuwa kabaha caseeya Illaa maqaaxiyaha laga cunteeyo nalaga diiday inaan bixino wax qarash ah.

Markaan milicsado dadkaas duruufta ay ku noolaayeen iyo shaqo la aanta, gaajada iyo xiyiraadaha dhaqaale ee waagaas saarnaa iyo sida aan ugu nooleyn Eritrea waxaan soo xasuusan jiray, aayadda. ويؤثرون على أنفسهم ولو كان بهم خصاصة 

Waxaan daganeyn Hoteelo 5star ah, oo dhamaan adeegga nolosha, cuntada, dhardhaqidda iyo adeegga caafimaadkuba bilaash noo ahaa inkastoo qarashka aysan kaligood bixin jirin oo ilo kale oo dhaqaalo ay jireen, haddana waxaan aaminsanaa ineysan waxba naga hagran.

Sidaas oo ay tahay Eritrea waxaas oo wanaag ah oo ay inoo sameyneysay kama marneyn in ay doonayeen iney na jiheeyaan oo dagaalka naga wada dhexeeyey ee aan kula jirnay taliskii Tikreega ay sida ay iyagu rabeen aan u wajahno.

Waxaa kale oo jiray hagardaamooyin ay inoo maleegeen oo ay ka mid aheyd in aan lagasoo guurin Asmara, in aanan u madax bannaanaan arimaheenna gaarka ah sida in lala hishiiyo dowladdii xiligaa Tikreega dalka soo galisay, waxa ay si toos ah ula socdeen dhaqdhaqaaqeenna ayagoo dulmeerteynayay talaabo walba oo dhinacyadaas loo qaado.

Sidoo kale Dowladda Eritrea waxey qeyb weyn ku laheyd kala jabkii ARS-ta ayadoo ka hor timid cid walba oo ay u arkeysay iney hormuud u noqon kareen hishiis lala gaaro dhinacyada kale ee Soomaalida ah ee Xabashida la socday.

Waxaan u aheyn Maxbuus siyaasadeed oo aan tallaabo aysan raali ka aheyn qaadi karin, xataa dagaalka sida ayagu ay rabaan oo kaliya ayay dooneyeen inaan u dagaalanno, waxaan xaqiiqsannay in aysan xataa doneyn in ay nasiiyaan waxyaabo ay awoodeen xiligaa oo ay inagu taageeri kareen sida hubka lagula dagaalo Taanginyada.

Xafiiskii warfaafinta ee ARS-ta oo aan agaasime ka ahaa waxaan ka furannay wasaaradda warfaafinta dhexdeeda Idaacad afka Soomaaliga ku baxda oon ugu tala galnay inaan ku wacyi galino dadka kuna dhiiri galino muqaawamada, nasiib darro waxey ka xiyareen idaacaddu iney soo gaarto gudaha Soomaaliya gaar ahaan qeybihii Itoobiyaanku heystay, waxaana toos looga dhageysan jiray dhamaan wadamada dariska sida Kenya Itoobiya, Yemen, Jabuuti Soomaali galbeed.

Markii ARS-tu kala jabtay waxaa la isku dayay garabkii Jabuuti ma ahane garabkii kale ee ku haray Asmara in dalka ay kusoo laabtaan si ay usii wadaan dagaalka lagula jiray Itoobiyaanka, laakiin waa xayireen illaa markii dambe Sh Xasan Daahir si tariibin ah looga saaray Asmara oo Sudan lasoo marsiiyey.

Maanta Eritrea iyo Itoobiya waa isku dan waana hishiis, lagumana cabiri karo shalay markaan dagaalka ku wada jirnay oo maanta waxey fulineysaa danta Itoobiya ka badan teenna.

Waxaan aaminsanahay in sidii shalay ay doonayeen iney nooga faa’iideystaan anaggoo intaan ka tabar yar walibana aan isku daruuf nahay maantana ay daneynayaan intaas iyo in ka badan in danaha geeska afrika ay ka leeyihiin ayada iyo Itoobiya ay nagu fushadaan.

Dad badan ayaa si laab la kac ah oo qiiro iyo xamaasad leh uga fal-celiyey sawirka lasoo bandhigay markii ugu horeysay kadib booqashadii Madaxweyne Xasan Sheekh, ee ciidanka lagu sheegay 5000 ee lagu tababaray gudaha Eritrea oon wax macluumaad ah laga heysan tiradoodii hore, jirintaanka ciidankan, cidda bixisay dhaqaalaha ku baxay ciidankan 3 sano iyo hadafka laga lahaa toona.

Sida muuqata aadbaa loo qarinayay macluumaadka ciidankan ayagana waxaa laga xayiray dhamaan in ay la socdaan waxa ka jira dalka sidoo kale waalidoontood ayaan wax war iyo wacaal ah ka heynin halka loo qaaday carruurtooda, taas oo muujineysa in ay jiraan dano kale oo ku gadaaman in ay jiraan.

Waxaa looga fadhiyaa dowladda sida ay isaga xil saartay ka gun-gaarka ciidamadan in ay u xaqiijiso in ay dalka kusoo celiso, sidoo kalana hubiso badqabkooda caafimaad, jir iyo maskaxayin sidoo kalana baaritaan lagu sameeyo tacliintooda iyo waxa lagusoo leyliyay.

W/Q: Abdiqani Dahir Haashi

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

QOOR QOOR oo baaq deg deg ah diray kadib laba arrin oo isugu biiray Galmudug

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa soo saaray baaq deg deg ah oo la xiriira abaarta daran ee ku dhufatay dalka, gaar ahaan deegaano kamid ah maamulka.

Qoor-Qoor ayaa sidoo kale sheegay in dadka ku nool degmooyinka iyo degaannada Galmudug ay isugu darsameen Abaaro iyo Amni darro.

Waxaa uu sheegay in si gaar ah dadka ku nool degmooyinka Wisil iyo Baxdo ay heystaan dhibaatooyin ka dhashay Abaaraha iyo kuwo ay sababeen weerarada ay degmooyinkaas ku soo qaadaan dagaal-yahaanada Al-Shabaab.

“Hay’addaha waa inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka ay abaartu ku saameeysay degmooyinka Baxdo iyo Wisil iyo weliba deegaanada hoostaga,” ayuu yiri madaxweyne Qoor-Qoor.

Madaxweynaha oo hadalkaan ka sheegay munaasabad lagu soo dhaweynayay oo lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug, ayaa sidoo kale waxa uu ku ammaanay shacabka iyo maamulka degmada oo kaashanaya ciidamada Daraawiishta Galmudug sida geesinimada leh ee ay isaga difaaceen kooxaha argagixisada.

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha ayaa xusay in dhawaan golaha deegaanka ee degmada Wisil iyo degmooyinka kale ee Galmudug la dhisi doono, isagoona ugu baaqay ganacsatada Galmudug inay caawimaad deg deg ah lasoo gaaraan guud ahaan deegaanada Galmudug.

Madaxweynihii Sri Lanka oo dalkiisa ka cararay

Colombo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa diyaarad militari uga baxsaday dalkiisa, iyadoo ay socdaan bannaan baxyo waaweyn oo looga cabanayo xasaradda dhaqaale ee dalkaasi ka taagan.

Ninkan 73 jirka ah ayaa gaaray caasimadda Maldives, ee Male, abbaaro 03:00 xilliga dalkaas (22:00 GMT), sida ay xogta ku heshay BBC.

Bixitaanka Rajapaksa ayaa soo afjaraya xukunka qoyska tobnaan sano gacanta ku hayay talada Sri Lanka.

Wuxuu ku jiray dhuumaaleysi kaddib markii dad badan ay Sabtidii xoog ku galeen gurigiisa.

Madaxweynaha ayaa hore u sheegay inuu is casilayo Arbacada 13-ka July.

Walaalkiis, wasiirkii hore ee maaliyadda Basil Rajapaksa, ayaa sidoo kale dalkaasi ka tegay, sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen BBC-da. Waxaa la sheegay inuu ku wajahan yahay Mareykanka.

Iyadoo warka bixitaanka madaxweynaha uu qabsaday dalkaas, ayaa waxaa is qabsaday mashxarad iyo dabaal deg ay sameynayaan dadkii dibad baxayay.

Xalay kumannaan kun oo qof ayaa isugu soo baxay beerta Galle Face Green, oo ah goobta ugu weyn dibadbaxa ee caasi,adda, Colombo.

Habeenkii talaadada, kumaan qof ayaa ku sugaysay beerta in uu is casilo madaxweynaha.

Muddo bilooyin ah waxay la daalaa dhacayeen korontada oo si maalinle ah loo jaro iyo gabaabsiga waxyaabaha aasaasiga ah sida shidaalka, cuntada iyo daawada.

Madaxweynaha oo ku naaloonaya xasaanad inta uu xilka hayo, ayaa la rumeysan yahay inuu doonayay inuu dibadda u baxsado kahor inta uusan talada banneyn si uu uga fogaado suurto galnimada ah in uu xiro maamulka cusub.

Hindisaha deyn-cafinta ee (HIPC) SOOMAALIYA ma u keeni karaa xasilooni waarta oo dhanka deynta ah?

Horaantii 1980-kii marka ay bilaabatay dhibaatada deynta(Debt Crisis), dalal badan oo faqri ah isla markaasna ah kuwa aadka u deymeysan(HIPC), waxaa ku adkaatay in ay bixiyaan deynt looga leeyahay dibada. Dallaka saboolka ah ee aadka u deymeysan(HIPCS) intooda badan waxa ay ka koobanyihiin dalalka Afrika kuwooda ka hooseeya saxaraha. In ay ku cuslaato bixitaanka deynta lagu leeyahay waxaa sabab u ahaa dhow shey oo isbiirsaday.

1- Hoos-udhac xaga ganacsiga dibada ah oo ku imaaday dalalkaan.

2- Xaladaha Cimilada dalalkooda oo ahaa kuwo aad uxun.

3- Dagaalo so-keeye inta badan dalalkooda ka jiray.

4- In ay hirgelin waayeen dib u habeyno siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo dalalkooda kadhacda.

5- Deyn-bixiyaasha qaar oo deyntoodu aheyd mid dulsaar leh isla markaasne mudada bixintu ay koobantahay taas oo sababtay in ay dalalkaan si degdeg ah ku-bixin waayaan deymaha lagu leeyahay.

6- In dalalkaan intooda badan aysan laheyn ama aysan u degsaneyn siyaasad ay ku-maareyaan deyn-bixinta sabatuna waxa ay aheyd iyagoo ku kalsoonaa ganacsiga ay dibada laleeyihiin lacagaha kasoo xaroon doono in ay ku bixin doonan deymaha lagu leeyahay. 

Dhamaan qodobaaan kor kuxusan oo isku tagay waxa ay sababeen in uu kordho culeeska deymeed ee saaran dalalkaan.

Si loo xaliyo culeeskaan deymeed IMF iyo Bangiga aduunka (World Bank) waxa ay si wada jir ah u dhaqan-geliyeen hindisha HIPC sanadu marka ay aheed 1996`dii.

Ujeeedka laga lahaa hindisahaan waxa uu ahaa, in lahubiyo in wadan faqiir ah uusan la kulmin culees- deymeed uusan xamili Karin.

Soomaaliya waa waddankii 37-aad ee gaadha heerkan muhiimka ah, ee loo yaqaan Barta Go’aanka (Decision Point) ee hindisaha HIPC.

Deyn cafinta ayaa Soomaaliya ka caawin doonta in ay dadkeeda u sameyso isbedel waara iyadoo u ogolaaneysa in deynta lagu leeyahay laga dhimo marka la gaaro heerka HIPC ee barta-dhameystirka(Completion Point).

Si kasto oo hoos  looga dhigo deynta dibada looga leeyahay Soomaaliya oo  dadaal ugu jirta in ay gaarto barta-dhameestirka (Completion Point) iyadoo ka faa`ideysaneysa hananka deyn-cafinta HIPC`ga hadana hindisihaan keligiis mustaqbalka fog ma damanaad qaadi karo xasilooni dhanka deynta ah ( Debt Sutsainability) oo ay gaarto waa hadii qaab-dhismeedka dhaqaalaheeda sii ahaado mid tabar-daran xitaa  waxaa laga yabaa in ay dib ugu laaban karto culeeski deymeed ee heystay ka hor hindisaha HIPC sida dhacday 2001/2002 oo qiimaha badeecada aduunka sare u kacday isla markaasne dhaqaalaha aduunka hoos u dhac ku imaaday xiligisaa oo dalal badan oo kamid ah HIPC`ga culeeski deymeed ku siyaaday. 

Iyadoo lawada ogyahay muhiimadda ay leedahay in dib-u-habayn lagu sameeyo qaab-dhismeedka hananka maareynta deynta  si loo sii wado xasiloonida deynta kadib guusha barta dhameestirka(Completion Point) hinidsaha HIPC`ga  ayaan maqaalkaan ku eegi donaa  dhowr arrimood ooo muhiim u ah joogteynta xasiloonida deymeed oo ay kamid yihiin; siyaasada iyo qaab-dhismeedka hay’adaha, awoodda maareynta deynta, dhoofinta bedeecooyinka iyo adeegyada kala duwan iyo ururinta dakhliga gudaha. Sida caadiga ah Wadamada marka ay soo gaaraan barta-dhameestirka(Completion Point) isla markaasne hoos looga dhigo deymihii lagu lahaa ilaa heer waari-kara waxa  ay si ballaaran u qiimeeyaan suurta galnimda ay kusii socon karto xasiloonida deynta. Waxaa xaqiiqo in joogteynta xasiloonida deynta aysan macquul ahayn haddii waddan uu ku sifeysan yahay siyaasad xumo iyo qaab-dhismeedka hay’adaha oo aan  gaarsiisneyn heerki larabay, maarayn la`aanta  deynta, wax-dhoofin yarida  iyo isku-dabaridka  aruurinta  dakhliga maaliyadeed oo daciif ah.

Soomaaliya waa in ay xooga saartaa Afartaan qodob ee hoos ku qoran si ay u sii joogteyso maareynta xasiloonida deynta.

1. Hagaajinta  Siyaasadda iyo Qaab-dhismeedka Hay’adaha

Siyaasada waanaagsan waxa ay horseedaa in hay`adaha dowlada sifiican u dhismaan oo ay noqdaan kuwo qabankara shaqadii looga fadhiyay.

Qaasatan ha`adaha dowlada ee ku shaqada leh hormarinta dhaqaalaha, qorsheynta, malgashiga iyo maaliyada hadii loo horseedo siyaasad xasilan waxa ay heli doonan jawi wanaagsan oo ay howlahooda ku fushaan si ay uga soobaxaan howlihi laga sugaayay.

Ugu dambeyntii waxaa meesha ka dhalanaya dal dhaqaalihiiisa hormarintiisa ku mashquulsan gudaha iyo dibadana kalsooni ka heysta isla markaasna kobac dhaqaale aan horay u jirin sameynaya, mar walba uu dalku hormar ku sii tilaabsadana waxuu si fudud u sii wadi karaa joogteynta xasiloonida deymeed.

2. Sare U-Qaadida Awoodda Maareynta Deynta

Maareynta deynta;  waa habka dejinta iyo fulinta istaraatiijiyad lagu maareynayo deynta dawlada si kor loogu qaado qaddarka maalgelinta mudada dhexe iyo tan mudada fog ee loo baahanyahay iyadoo la adeegsanayo kharashka ugu hooseeya ee suurtogalka ah.

Dawladu waa  inay hubisaa in heerka kobaca deynta iyo bixitaankeeda  ay ku socdaan waddo waari-karta. 

Hay’adaha maareynta deynta  masuulka uga ah dowlada dhexe waa inay la socdaan marka ay fulinayaan hawlgalladooda maaraynta deynta dhibaatooyinka ku imaan kara sii joogteynta xasiloonida deymeed ee oo ay ku wargeliyaan dawladda waqti ku habboon.

Marka laga soo tago in ay horseedeyso sii-joogteynta xasiloodina deynt, faa`ideynka kale oo ay leedahay in sare looqaado awooda Maareynta deynta waxaa kamid ah;  waxay ka caawin kartaa Somalia  in ay siyaabo badan hoos ugu dhigi karto  kharashaadka ay wax ku amaahaneyso. Tusaale ahaan, barnaamijka deynta oo si wanaagsan loo maamulo wuxuu kalsooni siin karaa maalgashadayaasha sidaas oo kale Maareynta wanaagsan ee deynta dalka ayaa gacan ka-geysaneysa horumarinta suuqa maaliyada  gudaha ugu dambeyntii deynta oo si wax ku ool ah loo maareeyo  waxay yarayn kartaa u nuglaanshaha dhaqaalaha ee jahawareerka dhaqaale iyo maaliyadeed ee imaan kara.

3. Dhoofinta badeeco iyo adeeg kala duwan

Hadii badeecada iyo adeega uu dal dhoofinayo noqdo kuwo yar oo dhow badeeco ka kooban dakhliga kasoo xaroon karana aad ayuu u hooseynayaa, dhanka kalana qabyada ganacsi ee dalka ku jiro sare ayey u kaceysaa madama wax-sodhoofinta dalka(Import) ay aad uga badaneyso wax-dhoofinta dalka (Export) taas oo kadhigan in ganacsigaaga diba uusan is dheelitiri-karin isla markaasna uu adiga markasto kaaga baahanyahay in aad kabtid oo lacag farabadan oo aad qeyb kamid ah u adeegsan kartay ilaalinta xasiloonida deymeed aad ku qasbanaatid in aad  dalka dibada uga saartid si aad badeeco ama adeeg u soo dhoofisid.

Sidaas darteed waxaa muhiim ah in ay Soomaaliya kordhiso wax-soosarkiisa gudaha taas oo keeni karto in badeecada iyo adeega dibada loo dhoofin karo ay badato isla markasno ay noqoto badeeco iyo adeegyo kala duwan, tayo saro leh oo suuqyada caalamka looga iibin karo qiimo sare, wax-soo dhoofsiga dibadana uu yaraado si qabyada ganacsiga dibadana u yaraato oo hormar dhaqaale iyo isku filnaasho loo gaaro taas oo dalka ka dhigi karto mid aanan wax walwal ah ka qabin sii joogteynta xasiloonida deynta.  

4. Dib-uhabeynta nidaamka aruurinta Dakhliga gudaha

Si loo sii joogteeyo xasilooni dhanka deynta ah dib-uhabeynta nidaamka aruurinta dakhliga gudaha aad ayuu muhiim u yahay. waayo  wadamada uu hooseeyo nidaamka aruurinta dakhliga gudaha waa kuwo ku tiirsan kalmada ama deeqaha  dibada uga imada deeqahaas oo ah kuwa sabeynaya ama isbedbedelaya oo aan markasto sidi larabay la isugu haleyn karin iyo in ay deyn dibada kasoo qataan si ay u haqabtiraan baahiyadooda qarashaad, deyntaas oo noqon karta mid dulsaarkeedu aad u sareeyo dhibaatana u horseedi karto ilaalinta xasiloonida deymeed. sidaas oo kale hadii dal nidaamkiisa dakhli aruurinta uu hooseeyo waxaa ku adkaaneysa in uu iska caabiyo ama uu ka hortago dhibaatooyinka dabiiciga ah ama dhaqaale uu la kulmi karo.

Sidaas darteed waa in ay Soomaaliya xooga saartaa in ay dib-uhabeyn ku sameyso nidaamka aruurinta dakhliga gudaha oo aad u hooseeya si loo dhimo kalmada dibada ee aadka loogu tiirsanyahay.

Gunaanad

Soomaaliya  oo juhdi ugu jirta in ay gaarto barta-dhameestirka(Completion Point)  waxaa looga fadhiyaa maareynta laba(2) shey oo muhiim ah; 

in ay xaliso baahideeda maaliyadeed(Lacageed) ee mudnaanta u leh hormarka dalka iyo baahida loo qabo in la ilaaliso xasiloonida deymeed ee mudada fog ah.   

Si ay Soomaaliya si ay u joogteyso xasiiloni waarta oo dhanka deynta, waa in ay ka shaqeysaa kob-cinta dhaqaalaha gudaha, sameeyo dib-u-habeyn  lagu hagaajinayo siyaasadda iyo qaab-dhismeedka hay’adaha, xoojisaa siyaasada maareynta deynta, abaabushaa nidaam dakhli aruurin gudaha ah oo wax ku ool ah, abuurtaa jawi ku habboon soo jiidashada maalgashiga shisheeye ee  tooska ah iyo kordhinta kala-duwanaasha badeecada iyo adeegyada la dhoofinayo. 

W/Q: Dr. Saadaq Mohamud Hassan (Ph.D Economics)

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Daawo: Fanaan Abshir Gaarane oo shaaciyey sababtii ka danbeysay inuu Shabaabnimo sheegto

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Abshir Gaarane Axmed oo dhibane u ah hey’adda Nabad Suigdda Soomaaliya ee NISA ayaa bixiyey wareysigii ugu dheeraa tan iyo markii xabsiga laga sii daayey sanadkii hore ee 2021-kii.

Sanadkii 2020-kii ayaa twitterka NISA lagu baahiyey Abshir Gaarane oo qiranaya uu 13 sano ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, balse wareysigaan ayuu ku soo bandhigay dhibaatadii loo geystay ee ku kaliftay inuu sheegto Shabaab uusan aheyn.

Weriye Maxamed Cali Maxamed oo Muqdisho ku sugan ayaa wareystay Abshir Gaanare oo sheegay inuu hey’adda NISA u xirnaa mudo sanad iyo seddax bilood ah, iyadoo godka Jilicow loogu geystay jir-dilkii ugu xumaa.

Abshir oo lasoo xiray bilowgii bishii koowaad ee sanadkii 2020 ayaa sheegay in maalinkii sagaalaad ee xabsigiisa uu ku qasbanaaday inuu qirto wixii ay doonayeen ragii jir-dilayey ee Jilicow ku soo xiray.

Wuxuu sheegay in qolka lagu jir dilay ee sagaalka maalmood lagu haayey uu ku dheganaa xafiiska Ibraahim Macalin oo ahaa taliyaha NISA ee godka Jilicow.

Maalintii uu qirtay inuu yahay Shabaab wuxuu sheegay in muuqaalka uu taleefankiisa uga duubay Ibraahim Macalin, qirashada qorshihii ay wateen xubnihii ka tirsanaa NISA ayuu sheegay inuu ku qasbanaaday kadib markii loo geystay jir-dil xad dhaaf ah.

Seddax bilood ayuu sheegay inuu ku xirnaa Godka Jilicow, halka xabsi ku yaalla madaxtooyada uu ku xirnaa mudo sanad ah, sida uu ku cadeeyey wareysigaan.

Hadda wuxuu sheegay inuu xor yahay oo banaanka joogo, balse uusan dowladda ka helin wax magdhow ama cadaalad ah oo ku saabsan kiiskiisa, maadaama aad loo jir dilay, sumacadii bulshada laga dilay, waqti badana laga lumiyey oo xabsi dheer uu qaatay.

Hoos ka daawo wareysiga oo dheer

Daawo: Qeylo dhaan ka dhalatay bandowga Mootada ee Muqdisho lagu soo rogay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wadeyaasha mooto Bajaajta ee ka shaqeysta magaalada Muqdisho ayaa qeylo dhaan ka muujiyey bandowga lagu soo rogay xiliga habeenkii ah, kaas oo aan la cayimin waqtiga uu ku egyahay.

Warbaahinta Muqdisho ayaa soo bandhigtay qeylo dhaanta dhalinyarada ku shaqeysata mooto Bajaaj-ta, iyagoo sheegay in bandow lagu soo rogo mooto Bajaaj uusan waxaba ku soo kordhi doonin amniga caasimadda.

Qaarkood waxay soo jeediyeen in hadii habeenkii bandow lagu soo rogay Bajaajleyda aan maalintii laga xiran wadooyinka, xilli ay maanta wadada Maka Al-mukarama sacad ka badan u xirneed wafdigii Madaxweyne Xasan Sheekh oo Asmara ka soo laabtay.

Sidoo kale qaar kamid ah dhalinyaradaan oo la wareystay waxay ku doodeen inay xaq u lahaayeen in bandowgaan lagu soo war geliyo seddax cisho ka hor, iyagoo sheegay in dowladdu ay ku fududaatay go’aankaan.

“Go’aankaas waa ka yaabay anigu, amniga Muqdisho wuxuuba fiican yahay wixii lix saac oo habeenkii ah ka dambeeya, tuugadu waxay dadka dhacdaa maqribkii ilaa lix saac wixii ka horeeya, marka waxaan leeyahay boolisku dib ha isugu laabto saan amni kuma sugmaayee,” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo gelinkii dambe ee shalay shir jaraa’id ayaa ku dhawaaqay go’aankaan ka soo baxay booliska ee lagu mamnuucay dhaqdhaqaaqa Bajaajta, wixii ka dambeeya 12:00 AM saqda dhexe ee habeenkii.

Boolisku ma shaacin goorta uu ku egyahay bandowgaan, waxaana xusid mudan in Bajaajta ay muhiim u tahay isku socodka iyo ganacsiga magaalada, maadaama ay dadku xaafadahooda u raacaan xilliga ay hoyaadayaan.

Hoos ka daawo