25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Wareysi: Muxuu Fiqi kusoo arkay markii uu tegay Eritrea?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Midowga Yurub, haatanna ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka warbixiyay waxyaabihii uu kusoo arkay Eritrea iyo booqasho uu ku tagay xarunta lagu tababaro ciidamada Soomaalida.

Danjire Cali Saciid Fiqi oo kamid ah mas’uuliyiinta Soomaalida ee faro-ku-tiriska ah ee booqatay ciidanka Soomaalida ee lagu tababarayey Eritrea ayaa sheegay in ciidamadaas loola dhaqmay si fiican, ayna qaadanayeen tababar heer sare ah.

“Ciidamada inta aan ka warqabo si fiican oo qurux badan oo millateri dhab ah lasoo marsiiyay weeyi, marka hore meelaha buuraha ayaa lagu soo tababara oo kadib waxa la geeya xeebaha. Ciidamada la tababaray waa noocyo kala duwan waxay badankooda u badan yihiin xooga dalka,” ayuu yiri Danjire Fiqi oo la hadlay VOA-da.

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaxweynaha Eritrea ay dhankiisa ka timid in Soomaaliya ay dowladiisa u tababarto ciidamo qeyb ka noqda dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taasi oo markii dambe uu ku raacay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, sida uu sheegay.

“Waxaa hubaa inay fikrad fiican aheyd in ciidankaas la geeyo halkaas (Eritrea), marka nimankaan iyaga oo tababaran oo qoryahooda wata ayaa wadanka la keenaya.”

Danjire Fiqi oo wax laga weydiiyay tuhuno sanadihii dambe dul hoganayay ciidamadaas ayaa waxba kama jiraan ku sheegay in askar ka tirsan ciidamada Soomaaliyeed ee la tababarayo ay qeyb ka noqdeen dagaalkii Itoobiya.

“Ciidamadaas wax walba oo ciidan la siiyo waa la siin jiray oo si fiican ayaa looga war qabay, xataa waxaa ka warqabay inta sigaarka cabta in la siin jiray sigaarka, waxaan hubaa in si fiican looga warqabay.”

“Ciidan si fiican loo soo tababaray weeyi oo maanta meeshii loo diro kasoo bixi kara weeyi. Waa dad ciidan loo soo tababaray oo loogu tala-galay inay waddan difaacan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku bogaadiyay in uu mas’uuliyad gaar ah iska saaray ciidamadaas, islamarkaana safar u kuur-galid ah u tagay dalka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kusoo laabtay dalka kadib booqasho afar maalmood ah oo uu ku tagay dalka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan xiriirka siyaasadeed, kan diblomaasi iyo in kor loo qaado iskaashiga difaaca iyo amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intii uu joogay Eritrea booqday askarta Soomaalida ah ee muddada ku dhow saddexda sno lagu tababarayey dalkaasi kuwaasi oo ay hadheeyeen warar kala duwan oo ku saabsan faya-qabkooda iyo xaaladda tababarkooda.

Hoos ka dhageyso wareysiga

 

Mo Farah oo shaaciyey in magaciisa saxda uusan sidaas aheyn iyo sir kale oo culus

London (Caasimada Online) – Orodyahanka Somali-British-ka ah ee Mo Farah ayaa shaaciyey in magaciisa runta ah uusan aheyn Mohamed Farah, islamarkaana si sharci-darro lagu soo geliyey dalka UK, isaga oo ilmo ah.

 Mo Farah ayaa sheegay in magaciisa saxda ah uu yahay Xuseen Cabdi Kaahin, islamarkaana isaga oo 9 sano jira laga soo kaxeeyey Jabuuti oo la keenay UK. 

Waxa uu sheegay in isaga oo 8 ama 9 jir ah ay Jabuuti kasoo dhoofisay haweeney uusan weligiis la kulmin, la siiyey magaca Mohamed Farah, kadibna laga dhigay shaqaale guri oo ilmaha u haya qoys kale. 

Waxa uu xogtan ku shaaciyey dokumenteri ay sameysay BBC TV oo loogu magac daray “The Real Mo Farah” ama “Mo Faraha Dhabta ah”, kaasi oo lasii deyn doono Arbacada. 

Mo Farah oo ku guuleystay tartamada 5,000m iyo 10,000m ee cayaarihii olombikada ee London 2012 iyo Rio 2016 ayaa horey u sheegay inuu UK la yimid qoyskiisa isaga oo qaxooti ah kadib markii ay kasoo carareen Soomaaliya.

Hase yeeshee, waxa uu 39 jirkan hadda sheegay in waalidkiis aysan weligood iman UK – in aabihiis lagu dilay dagaaladii sokeeye ee Soomaaliya markii uu ahaa afar jir, iyo in hooyadiis iyo laba wiil oo la dhashay ay ku nool yihiin Somaliland.

“Runta waxay tahay inaan aheyn qofka aad u maleysaan inaan ahay. Dadka badankood waxay ii yaqaanaan Mo Farah, balse ma ahan magacayga, mana ahan xaqiiqda,” ayuu yiri. 

Haweeneyd usoo dhoofisay UK ayaa u sheegtay inuu la noolaan doono qaraabadiisa, islamarkaana magaciisa uu yahay Mohamed maadaama ay waday baasaboor been abuur ah oo lagu dhajiyey sawirkiisa laguna qoray magaca “Mohamed Farah.”

Farah, oo ah orodyahankii ugu horreeyey ee British ah ee ku guuleysta afar bilad oo dahab ah, ayaa sheegay in caruurtiisa ay ku dhiiri-geliyeen inuu runta ka sheego sooyaalkiisa. 

“Muddo ayaan qarinayey. Aad ayey u adkeyd sababtoo ah ma dooneysid inaad wajahdo, inta bandanna caruurteyda su’aalo ayey I weydiiyaan, ‘Aabe, sidee arrintan ku dhacday?’ waa inaad ka jawaabtaa, balse mar kasta jawaab ma heli kartid,” ayuu yiri. 

“Sababta ugu weyn ee aan u sheegayo taariikhdeeda ayaa ah inaan doonayo inaan dareemo caadi, oo aan dareymin inaan wax qarinayo.”

Xaaska Mo Farah, Tania ayaa sheegtay in sanadkii 2010 kahor arooskooda ay garowsatay “in waxyaabo badan ay ka maqan yihiin sheekadiisa” kadibna ay “su’aalo badan dhulka ku dhigtay” oo uu runta sheegay. 

Mo Farah ayaa sidoo kale sheegay in lagu qasbay inuu qabto shaqooyinka guriga oo uu ilaaliyo caruur haddii uu doonayo in cunto la siiyo.

“Haddii aad dooneyso inaad dib u aragto qoyskaada, waxba ma sheegi kartid ayaa la I dhihi jiray. Inta badan musqusha ayaan isku xiri jiray oo ku ooyn jiray,” ayuu yiri.

Macallinka jirdhiska ee Mo Farah, Alan Watkinson ayaa sheegay inuu dareemi jiray in xaaladda wiilkan yar ay isbeddeli jirtay marka uu ordayo.

“Luuqada kaliya ee uu fahmayo waxay aheyd luuqadda jirdhiska iyo cayaaraha,” ayuu yiri Watkinson.

“Waxa kaliya ee aan sameyn jiray si aan uga baxsado xaaladda guriga waxay aheyd inaan banaanka soo aado oo ordo,” ayuu yiri Mo Farah. 

Mo Farah ayaa ugu dambeyn xaaladdiisa u sheegay Alan Watkinson kaasi oo ku wargeliyey mas’uuliyiinta, kana caawiyey inuu helo dhalasha British-ka.

Karaash oo qaaday tallaabo looga jawaabayo celinta diyaaradii xildhibaan Sacdiya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Axmed Karaash ayaa shaqo-joojin ku sameeyey laba wasiir oo kamid ah xukuumadda, kadib dhacdadii shalay dib loogu celiyay diyaaradii ay la socotay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka.

Labada Wasiir ee uu shaqo joojinta ku sameeyay Karaash ayaa kala ah Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Xuseen Cismaan Lugatoor iyo Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Bada Puntland, Axmed Yaasiin Saalax.

“Waxaa waajibaadka shaqo ee labada Wasaaradood si ku meel gaar ah u sii wadi doona Wasiir ku-xigeenada Wasaaradahaas,” ayaa lagu yiri warqada shaqo joojinta ee uu soo saaray Karaash.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ku sababeeyay shaqo joojinta labada wasiir baal-maridda iyo fulin la’aanta waajibaadka Dastuuriga iyo hubsiimo la’aanta mas’uuliyadeed ee fulinta shaqada.

Shalay ayey aheyd markii laga soo celiyay garoonka magaalada Boosaaso diyaarad ay la socotay ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samayar, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, amar kasoo baxay madaxda sare ee Puntland ayaa lagu soo celiyey diyaaraddaas oo markii hore ka baxday garoonka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyada aan la hadalnay ayaa innoo sheegay in duuliyaha uu dalbaday inuu shidaal ku shubto diyaaradda, waxaana markaas kadib loo ogolaaday inay ku degto garoonka, balse ma dajin wax rakaab ah, iyada oo kadib kusoo noqotay dhanka Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa intaasi kusii daraya in Sacdiya Yaasiin oo haatan dalka ka ah ku sime madaxweyne aysan markii hore socdaalkeeda ku wargelin Puntland, taas oo sababtay in madaxdu ay soo saarto go’aankan oo xiisad xoogan ka abuuray Boosaaso

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay shaqaaqo xoogan, waxaana lagu soo warramayaa inuu iska hor imaad ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa doonayey inay galbiyaan Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Muxuu yahay heshiiska la qariyey ee madaxweyne Farmaajo uu la galay Eritrea?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo wareysi dheer siiyey Telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday arrimo cusub oo ku qotoma xiriirka diblomaasiyadeed ee haatan u dhexeeya Soomaaliya iyo Eritrea, kaas oo sii xoogeystay muddadii uu xafiiska joogay madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo.

Zakariye ayaa shaaca ka qaaday in uu isaga bud-dhig u ahaa xiriirkaasi, isla-markaana uu is-baray Madaxweyne Farmaajo iyo Isaias Afwerki oo ah madaxweynaha dalka Eritrea.

“Anniga markii ugu horreysay waan la tegay oo isagaa iga dalbay dowladda Eritrea inaan xiriir la sameyno oo rabay inuu tego, waana la sameynay saas ayaan ku tegnay” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu shaaca ka qaaday in wada-hadalladii u dhexeeyey labada dowladood billowgoodii lagu heshiiyey in la’si dhaafsado safaarado, balse aysan suura-gelin, wuxuuna tilmaamay in taas ay horseedday in uu humaag soo kala dhex-galo labada dowladood,.

“Markii xaga la tegay waxaa lagu heshiiyey in laba safaaradood horta la’is dhaafsado billowgiiba, illaa iyo hadda saacadaan la joogo safaaradihii lama furin macnaheed marka macnaheed waxaa weeye waxaa jira is-afgarad la’aan oo labada madaxweyne ayaa dhici karta” ayuu sii raaciyey.

Xildhibaan hore Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa soo hadal-qaaday waxa keenay in dowladdii Farmaajo ay ka hadli weysay xaaladda dhalinyarada tababarka loogu qaaday wadanka Eritrea, isaga oo la xiriiriyey saaxibtinimada xumaatay ee labada madaxweyne.

“Madaxweyne Farmaajo wax badan ayuu ka aamusay oo la rabay inuu ka hadlo xiriirkuna waa muhiim. Annigu waxaan u qaatay ayaamihii dambe oo dhan cilaaqaadka labada madaxweyne in aysan isku fiicneyn ama labada dowladood, waayo markii la tegay xagga waxaan ku garanayaa inaanu cilaaqaadku fiicneyn waa shaki,” ayuu markale yiri Zakariye.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmayo, ayada oo haatan xog buuxda laga helay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday Eritrea, kadib markii uu booqasho ugu tegay madaxweyne Xasan Sheekh oo horey u ballan qaaday inuu kusoo celinayo dalka.

Sawirro: Xasan Sheekh iyo Afwerki oo kala saxiixday heshiis 7 qodob ah (Aqriso)

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta heshiis cusub oo is af-garad ah magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea kula saxiixday dhigiisa dalkaasi, Mudane Isaias Afwerki.

Heshiiskan oo ka kooban ilaa 7 qodob ayaa ku qotoma xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya labada wadan ee Soomaaliya iyo Eritrea.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda dalka Eritrea  ayaa lagu sheegay in labada dowladood ay ku heshiyeen iskaashi ay ka yeeshaan arrimaha siyaasadda, diblomaasiyadda, dhaqanka, dhaqaalaha, deegaanka iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale qodobada kale ee muhiimka ah ee ku jira heshiiskan waxaa ka mid ah arrimaha difaaca iyo amniga oo muhiim gobolka Geeska Afrika, sida lagu sheegay qoraalka.

Qodobada lagu heshiiyey oo toddoba ah ayaa kala ah:

1- Xoojinta xiriirka labada shacab, oo ay ku jiraan bulshooyinka qurbo-joogta ah.

2- Xoojinta iskaashiga siyaasadeed iyo diblomaasi, si ay u ilaaliyaan sarena ugu qaadaan danahooda qaran.

3- Ballaarinta iskaashiga dhaqaale iyo bulsho ayada oo diiradda la saarayo ganacsiga, maal-gashiga, amniga biyaha, beeraha, kalluumeysiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

4- Kobcinta wada-shaqeynta dhanka dhaqanka, farshaxanka, dhaq-dhaqaaqyada cayaaraha iyo sidoo kale sayniska iyo teknoolajiyadda.

5- Sare u qaadidda iskaashiga si loo ilaaliyo sarena loogu qaado deegaanka waxna looga qabto musiibooyinka dabiiciga ah iyo cudurada saf-mareenka ah.

6- Xoojinta iskaashiga difaaca iyo amniga si loo ilaaliyo nabadda, xasilloonida iyo ammaanka.

7. In si wadajir ah loogu dadaalo sidii loo horumarin lahaa xiriirka saaxiibtinimo, iskaashiga iyo isdhexgalka dhaqaale ee Geeska Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqashadiisu ay qaadatay dhowr cisho ayaa maanta soo gabagabeeyey, waxaana ujeedadiisa ugu weyn ay aheyd ka war doonka dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka u jooga dalkaasi.

Xasan Sheekh ayaa xeradooda ku booqday ciidamadaas iyo sidoo kale kuwa badda ee tababarka ku qaadanaya dhulka buuraleyda ee dalka Eritrea.

Ma cadda weli go’aanka laga gaaray arrinta ciidamadaas iyo goorta ay dalka dib ugu soo laabanayaan.

 

Cabdi Qaybdiid: Dil ayey ii qorsheysay kooxdii Farmaajo, kadibna la qariyo meydkeyga

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Somalia ayaa faah-faahin cusub ka bixiyey halkii ay ku dambeysay natiijada baarista weerarkii lagu qaaday hoygiisa dabayaaqadii sanadkii 2017-kii, kaas oo ay fuliyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan kuwii uu tababaray Imaaraadka Carabta.

Cabdi Qaybdiid oo u warramay Shabelle TV ayaa shaaca ka qaaday in baarista la sameeyey natiijadeeda lagu ogaaday inay kiiskaasi ka dambeysay dowladdii Soomaaliyeed.

“Cidda soo weerartay waxa ay aheyd markii waxaa la oran karay ciidamo ay maamulaan Imaaraadka ay ahaayeen, laakiin baaristii dambe oo la sameeyey waxaa cadaatay in arrintaas dowladdii Soomaaliyeed ee jirtay in arinti ayadu abaabushay,” ayuu yiri Qaybdiid.

Senetorka ayaa sidoo kale sheegay in loo qorsheeyey dil, kadibna la qariyo meydkiisa isaga oo tilmaamay in ciidanka soo weeraray ay wateen Ambalaaskii lagu qaadi lahaa meydkiisa.

“Ciidankaas waxay sameeyeen kanjeelka kore ayey soo jabiyeen, kadib Ambalaas ay wateen guriga soo geliyeen iyaga oo ujeedo marka aniga la’ii dilo guriga Ambalaas aan cidina arag aniga laygu qaado ayey guriga u burburiyeen,” ayuu markale wareysiga ku yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Aniga markii la’ii waayeyna hadda waxay noqotay inay lafahoodii la cararaan oo ay dib u noqdaan, illeen mishinka ay u socdeen ma aheyn guri jabin iyo albaab jabin qofbaa loo soo diray dilkiisa”.

Waxa kale oo uu soo hadal qaady askartii loo xiray falkaasi oo gaarayey illaa 40, isla-markaana ay ku jiraan saraakiil sar sare oo hoggaamineysay, balse waxa uu hoosta ka xariiqay in la qiyaanay, isla-markaana loo sheegay in qof argagixiso ah ay soo qabanayaan.

“Xukunka markaas jiray 40-kii nin ee kiiskaas fulinaayey oo ciidanka dowladda Soomaalida ahaa, laakiin ay hayeen nimankaan ayaa la isticmaalay ayada oo la rabay Soomaalidu maamukeeda xukuumaddu iska durjiso ayaa waxay isticmaaleen nimankaan oo ay leeyihiin qof aragagixiso ah ayaa halkan ku jira waxaan rabnaa gacan naga siiya idinkaa ciidamo fiican oo diyaarsan haayee,” ayuu markale yiri Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid).

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in markii ay soo dhammaatay baarista ay isku dayeen xildhibaano ka tirsan labada aqal inay horgeeyaan baarlamaanka, si loo caddeeyo arrintaan, balse uu is hortaag ku sameeyey guddoomiyihii Golaha Shacabka Maxamed Mursal, waxaase uu tilmaamay inuu sugi doono cadaaladda iyo xilliga ay ku haboon tahay.

Kabaha muranka dhaliyay ee lagu arkay ciidammada Soomaalida ee Eritrea

0

Asmara (Caasimada Online) – Waxaa markii ugu horreysay fagaaro lagu arkay ciidamadii tababarka u joogay dalka Eritrea, halkaas oo Axaddii xero ay ku jireen uu ugu tagay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Eriteriya, Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ah oo tababbar u jooga dalkaas. Wuxuu warbixinno ka dhageystay qaar ka tirsan saraakiisha iyo askarta.

Madaxweyanaha ayaa sidoo kale ballan-qaaday in askartaas dib loogu celin doono dalkooda.

Balse, markii la soo bandhigay muuqaalkooda ayaa waxa la arkayay ciidanka oo xiran kabo saandal ah, beddelkii buutka lagu yaqaannay ciidamada, waxayna taasi horseedday hadal-heyn badan.

Soomaalida qaar ayaa waxay u fasirteen kabaha ay xirnaayeen ciidamada Soomaalida in ay muujineyso daruuf iyo rafaad ay ku sugan yihiin.

Halka kuwa qaarna ay ka ra’yi duwanaayeen. Haddaba Maxay yihiin kabahaan muranka badan ka dhex-dhaliyay Soomaalida isticmaasha baraha bulshada?

Dalka Eritrea si weyn ayaa looga qaddariyaa kabahan oo waa astaan qaran.

Bartamaha magaalada Asmara ayaa waxaa loo taagay taallo muujineysa muhiimadda kabahan saandalka ah.

Taallada laga sameeyay Casmara waa bir-madow oo lagu sawiray kabaha saandalka ah, taas oo loo yaqaanno Shida.

Kabaha waxay astaan u yihiin jabhaddii Eritrea, gaar ahaan waxaa lagu xusuustaa dagaalkii cajiibka ahaa ee ay 30-kii sano xornimada uga raadinayeen dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya, kaasoo ku dhammaaday gooni-u-goosadkii sanadkii 1991.

Waa kabihii ay waddaniyiinta Eriteriyaanka ah xiran jireen tan iyo 1960-kii markaasi oo ay halganka ugu jireen inay noqdaan dal madax-banaan.

Ciidan xiran kabaha caagga ah ayaa ka soo muuqday sanadkii 1998, markaas oo Eritrea ay dagaal labo sano ah la gashay dalka ay deriska yihiin ee Itoobiya.

Kabaha saandalka ah waxa ay muhiimaddooda tahay in ay ka caawiyaan kulaylka ba’an ee ka jira gobolka.

Waxay ahaayeen kuwo aan qaali ahayn, sidoo kalena uu qofka xiran hawo ka helayo.

Marka mid ka mid ah suunka shidada uu go’o, waxaa si degdeg ah loogu hagaajin karaa in lagu dhalaaliyo olol yar.

Waxay sidoo kale u doorbidayeen in marka ay go’aan si fudud loo hagaajin karay, iyadoo la isticmaalayo dab ama holac.

“Waa kabo ay soo xirteen dhammaan dagaalyahannadeenna,” ayuu yiri Girma Asmeron, oo ah Danjiraha Eritrea ee Mareykanka oo markaas xirnaa kabaha. “Haddii uu qof kugu arko kabahaas, wuxuu ogaanayaa inaad tahay dagaalyahan, waxayna calaamad u noqotay madax-bannaanideenna.”
Isha: BBC

Ra’iisul wasaare XAMZA oo loo gudbiyey dalab la xiriira dhacdadii BOOSAASO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomalaiya ku metela dowlad goboleedka Puntland ayaa xalay kulan la yeeshay ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xamza Cabdi Barre, iyaga oo kala hadlay dhacdadii Boosaaso.

Kulankaan oo ahaa mid ay saxaafaddu dibad-joog ka aheyd ayaa waxaa diirradda lagu saaray dagaalkii ka dhashay is hortaaggii lagu sameeyey xildhibaan Sacdiyo Yaasiin oo gargaar u waday magaaladaasi, balse dib loogu soo celiyey magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada la kulmay Xamza ayaa ka dalbaday sidii dhaawacyada culus ay dowladda u keeni lahayd magaalada Muqdisho, si loogula tacaalo xaaladdooda caafimaad.

Sidoo kale waxa ay xiriir khadka taleefanka ah la sameeyeen madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa, iyaga oo ugu baaqay in la qaboojiyo xiisadda ka dhalatay dhacdadaasi.

Xubnahaan baarlamaanka ku metela Puntland ayaa sidoo kale ku baaqay in wixii dhacay aan lagu xumeyn xiriirka haatan ka dhexeeya maamulka iyo dowladda dhexe.

Xaaladda Boosaaso ayaa maanta deggan, waxaase laga dareemayaa raadadka dagaalkii shalay ka dhacay halkaasi, kaas oo sababay dhimashada ugu yaraan illaa 10 qof.

Puntland ayaa mas’uuliyadda wixii dhacay ku eedeysay wafdiga ka socday dowladda federaalka oo ay sheegtay in aysan socdaalkooda kusoo wargelin xukuumadda Garowe, halka Marwo Sacdiya ay iyaduna ku dooday inay la hadashay madax ka tirsan maamulka.

Hoos waxaan u aaday gacan haatiska hoggaamiyaheyga

Arar: Qormadan waa fikirkeyga gaarka ah iyo xog oggaalnimadeyda, kumana saabsana caadifad iyo weerar shakhsiyadeed, waxaa ay iftiimineysaa dabci siyaasi ah iyo sifaha hoggaamiye xilli dheer soo jiray. Hoggaamiyahaasi waxaan nahay ehel iyo rafiiq siyaasadeed in badanna waan lasoo shaqeeyay.

Qormadan haddii ay mararka qaar hoos u degto waa talo iyo tusaaleyn beeleed, Soomaalida raali ha iga ahaato waxaa tol ahaan miiska noo saarran mudane mar soo hoggaamiyay Jamhuuriyaddeena.

Hoggaamiyaheyga isagana waxaan la socodsiinayaa in xaaladdu Public mudan tahay oo aan laga weecan karin, tolkeygana waxaan ka codsanayaa in aysan iyaguna noqon awr nin u raran oo aysan I afjigin iina muujin wax aanan kala mudneyn, waxaan ka hadlayaa waa dareen shaqsiyadeed oo laga yaabo in ay noo horseeddo dhabbo cusub oo macno   siyaasadeed gundheer yeelata mustaqbalka.

———————————————————————

MADAXWEYNIHII 7-AAD EE SOOMAALIYA
SHARIIF SHIIKH AXMED:

Shariif Sheekh Axmed, waa Madaxweynaheygii hore ee Soomaaliya ka soomaali ahaan, xilligaanna waa xildhibaankeyga igu metela golaha shacabka. Waa mas’uul xurmo iga mudan maqaam ahaan, waa saaxiib siyaasad ahaan waa Adeerkeey xigto ahaan. 

Taariikhda sida ay warineyso siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee soo kacaantay ama la qabsatay dhismaha jamhuuriyaddeena seddexaad ma jecla in nin siyaasi ah oo beeshiisa uu kor usoo kaco siyaasad ahaan, aniga oo taas garwaaqsan haddana suurogal  ilama aha, in fikraddaas xataa loogu garaabo marka ay joogto in bulshada beeshaas ama deegaankaas haddii la doonayo in wacyigooda lagu jiheeyo qaab darrada siyaasiga hormuudka u ah.

Madaxweyne hore + Xildhibaan Sharif Sheekh Axmed waxaa uu tartan doorasho galay tiro afar jeer ah, mid ka mid ah ayuu ku noqoday Madaxweynihii 7-aad ee Jamhuuriyadda, siyaasiyiinta beeshiisa mid colleystay ma jirin dhammaan waxaa ay u arkayeen oday mudan oo ay soomaali dooratay xilli adagna xaalad murugsan kasoo gudbiyay bulshada gobolka Banaadir. Gacan ayaa lagu siiyay hoggaamintiisii soomaaliya isla markaana  kusoo aadday xilli adag oo ay soomaalida badankeed ka gaabsatay, waxaa loo daadiyay dhiig fara badan waxaa lagu bixiyay hanti tiro beel ah. 

Seddex doorasho oo dambe ayuu galay hoggaamintiisii soomaaliya kadib, kaalin siyaasadeed iyo mid dhaqaale ayaa lagu bixiyay. Shariif dartiis xifaaltanka siyaasiga ah ee xilliyadaas kala duwan dadka qaar ayaa ku waayay saaxiibo Soomaaliyeed oo macno badan u lahaa, intaas oo garab istaag ah waxaa loo sameynayay xushmadda ay bulshada Soomaaliyeed u heyso hoggaamiyahoodii hore, dhinaca kale beesha waxaa ay u arkeysay iney ceeb ku tahay in ay ka hortimaado Shariif Sheekh Axmed sidaas darteedna la gacan siiyo.

Hadda waa xildhibaan beeleed, ma oggola ama mustawa ahaan iskula qalmo in heer xildhibaan uu’ ugu adeego bulshada uu kursigeeda ku fadhiyo. Anigu kama mid aheyn dadkii la dhacsanaa inuu kursiga qaato, waayoo waxaan aaminsanaa inuu maqaam ahaan ka sarreeyo kursigaas, isla markaana loo daayo siyaasiyiinta kale isagana uu tartamo Villa Somalia.

Doorashadii dalka kadib, xildhibaan Shariif Sheekh Axmed waxaa uu hoos u fiiriyay tolka gudihiisa. Waxaa uu nashqadeeyay hannaan cadaawad siyaasadeed oo laba dhinac ah.

Midda koowaad waa in tolka kuwooda wax tarka leh aqoon ahaan, faham siyaasad ahaaneed iyo dhaqaale ahaanba uu ka ilaaliyo iney xukuumadda cusub kasoo muuqdaan, isaga cadaadis saaraya Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud, adeegsanayana awooddiisa siyaasadeed iyo gacmaha rag tolka ka mid ah oo siyaasad ahaan qarriban.

Qodobka labaad, cadaadiskaas oo aan u muuqan in badan bulshada beeshiisa ah, wuxuu doonayaa in birrito uu ka hor keeno dowladda, isaga oo u sawiraya in ay dowladdu dulmisay beesha isla markaana ay xulatay shakhsi aan tabar siyaasadeed laheyn, halkaasna ay ka dhalato sheeko xariir u dhaxeysa tolka iyo dowladda Madaxweyne Xasan Shiikh.

Xubinta kasoo muuqan doonta xukuumadda waxaa uu la doonayaa qof dumar ah, ka beel ahaan dumarku waxey nagu leeyihiin xushmad umana diidanin iney qeyb ka noqdaan siyaasadda. Dumarka iyada oo aan loo isticmaalin taako siyaasadeed ayay mar walba mudan yihiin ka qeybgalka siyaasadda fursadna loo siiyo. Balse Xildhibaankeygu uguma roonaanayo gadhaha beesha iney ka qeyb galaan siyaasadda, waxaa uu ka leeyahay ujeeddooyin siyaasi ah waxaa uu  ka faa’iideysanaya in gabdhuhu aysan siyaasadda si qotto dheer ah, soo jeed badan isla markaana saameyn kaamil ah leh uga shaqeyn karin siyaasad ahaan heerarka kala duwan ee beelaha siyaasad ahaan uu metelayo kursigaas iyo soomaalidaba.

Saameynta dookha Shariif xubinta xukuumadda cusub waa xubinta kaliya ee beesha Abgaal uga mid noqon doonta fadhiga golaha wasiirada, doorka la doonayo iney gudato xubintaasi waa dowr xasaasi ah waxaa ay u baahan tahay adkeysi siyaasi ah iyo dabacsanaan shakhsi ah, oggaal taariikheed iyo mid dhaqanna waa u muhiim xubintaas. Waana halka Madaxweyne Xasan Shiikh uga tolan yahay beeshiisa, waa

Weji siyaasadeedka uu beeshiisa isla markaana khidmeyneysa siyaasad ahaan difaac sumcaddiisa siyaasad ahaan qiimeynayo si ka qotta dheer xubnaha kale ee golaha, xubintaas haddii uusan qof ku habboon u xulan Madaxweyne Xasan Shiikh waa u dil siyaasadeed, xildhibaankeygana waa u dahan siyaasadeed sida uu aaminsan yahay.

Mar kale waa ii fikir gaar ah qormadan koox iyo qolo aan wakiil uga ahay majirto.

W/Q: Abdirizak Yusuf dhegacadde
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid.

Sawirro: NISA oo HOWLGAL culus ka fulisay laba degmo oo ka mid ah MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo qorsheysan oo xalay ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo uu ujeedkiisu ahaa mid amni xaqiijin ah.

Howlgallada ayaa si gaar ah looga sameeyey degmooyinka Heliwaa iyo Kaxda ee gobolka Banaadir, waxaana lagu soo qabtay dad u badan dhalinyaro oo lagu eedeynayo amni darro.

War kasoo baxay hay’adda NISA ayaa waxaa lagu faah-faahiyey howlgalladaasi, waxayna hay’addu sheegtay inay heshay xog amni, kadibna uu dhacay howlgal qorsheysan.

“Ciidamo hubeysan oo ka tirsan hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa fuliyay qorshaha howlgalka, kadib markii ay heleen xuuraan sugan oo sheegaya in ay jirto halis amni oo ku wajahan shacabka, taasoo u baahan in laga hortago,” ayey tiri hay’adda NISA.

Sidoo kale waxa ay hay’addu intaasi ku dartay in wax khasaare ah uusan ka dhalan howlgalladan, isla-markaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.

“Howlgalladan oo qaatay saacado ayaa kusoo dhammaaday sidii loo qorsheeyay, ayada oo uusan dhicin khasaare ka dhashay,” ayaa markale lagu yiri qoraalka hay’adda NISA.

Ugu dambeyn hay’adda Nabad Sugidda ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada ammaanka, ayna lasoo wadaagaan xogta ay hayaan.

Howlgallan ayaa qayb ka ah dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ay dowladdo ka wado magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagula dagaalamyo burcadda hubeysan iyo ciyaal weerada.

Odowaa oo amaro culus dul dhigay ciidamada kadib arrin kusoo badatay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xooga, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa amarro culus dul dhigay Askarta hubka ku dhex wadata caasimada dalka ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha oo ka qeyb-galay munaasibad ka dhaceysay xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga ayaa sheegay in looga baahan Askarta ku labisan dareeska ciidanka xooga inay iska soo dhigaan dharka ciidanka iyo qoryaha marka ay soo galayaan magaalada iyo marka ay doonayaan inay booqdaan reerahooda.

“Marka ay soo galaan Ciidanka waa in aysan aadin xaafadahooda, taliska Xamar ugu yaala waa in ay yimaadaan, waa in ay Hubka iyo dareeska dhigaan ka dib waa in ay xaafadahooda aadaan,” ayuu yiri Jeneraal Odowaa.

Taliyaha Ciidanka Xooga ayaa ku saleeyay amaradaan cusub in looga dan leeyahay si loo yareeyo amni darada magaalada ka socota.

“Si loo yareeyo Amni darrada magaalada ka socota, si loo ilaaliyo sharafka dareeska Ciidanka si loo dhis kalsnoonida ay Bulshadeena ku qabi karaan Ciidanka,” ayuu yiri isaga oo la hadlayay Saraakiisha ciidanka oo ay goob ka aheed maxkamadda ciidanka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Askarigii lagu arko isaga oo magaalada ku dhex wata dareyska Ciidanka in uu lamid yahay kii wax dhacaayay, sida uu hadalka u dhigay.

Awaamiirtan cusub ayaa imaneysa xili ay muddooyinkii dambe ku soo bateen magaalada Muqdisho Askar ku labisan dharka ciidank xooga, kuwaasi oo u geysta dhac bulshada ku dhaqan magaalada.

Militariga oo dagaalyahano badan ka dilay Al-Shabaab

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ka dhacay degaan lagu magacaabo Bukure oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaas oo Al-Shabaab looga dilay dagaalyahano badan.

Taliyaha guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkaas ay Al-Shabaab uga dileen 15-xubnood.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay in kooxda ay ka furteen hub u badan qoryaha AK47 iyo BKM, deegaankiina ay ka qabsadeen, halkaasna ay ka qaateen dhaawacyo aad u badan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee militeriga Soomaaliya ay maanta ka baxeen degmada Maxaas, kadibna ay weerareen fariisin ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaanka Bukure.

Dagaal culus ayaa ka dhacay deegaankaas sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka, waxayna militeriga Soomaaliya ka sheegteen guulo iyo inay Al-Shabaab ku jebiyeen, balse Al-Shabaab weli kama hadlin dagaalkaas.

Ciidankaan ayaa la sheegay in mudooyinkii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab ku baacsaneyeen deegaanada dhaca inta u dhaxeysa Maxaas, Matabaan iyo Beledweyne, wuxuuna howlgalkaan socdaa mudo bil ah.

Xildhibaan Sacdiyo Yaasiin oo faahfaahisay qorshihii Boosaaso looga hor istaagay

0

Muqdisho (Caasimada Online) –Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Sacdiya Yaasiin Samatar oo maanta diyaarad ay gargaar ku waday Boosaaso laga soo celiyey ayaa faahfaahin ka bixisay sidii ay wax u dhaceen.

Guddoomiye Sacdiyo ayaa sheegtay in mas’uuliyiinta Puntland ay ka war qabeen diyaaradda mucaawinada sidda ka hor tegitaankeeda, isla markaana si ku talagal ah loo hor istaagay wafdigeeda.

Xildhibana Sacdiya ayaa VOA u sheegtay inay la xiriirtay guddoomiyaha gobolka Bari Cabdirisaaq Cali Siciid (Shaahdoon) ka hor inta aysan diyaaraddu tegin, ayna ku wargelisay mucaawimada ay keenayaan. 

Guddoomiyaha gobolka Bari ayaa isagu beeniyey inuu ogaa mucaawinada iyo inuu la hadlay Xildhibaan Sacdiya oo maanta laga soo celiyey magaalada Boosaaso.

Waxaa kale oo Xildhibaan Sacdiya ay sheegtay in kadib markii ay diyaaraddu degtay uu la soo hadlay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Karaaash, isagoo amray in mucaawinada laga dejiyo diyaaradda. 

Xildhibaan Sacdiya oo sidoo kale ah ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka war-heshay intii ay diyaaraddu kusii jirtay hawada in telefoonka loogu sheegay duuliyaha in aanay diyaaraddu soo degin, hase yeeshee uu duuliyuhu sheegay inuu u baahan yahay inuu shidaal qaato.

Sidoo kale Xildhibaan Sacdiya ayaa sheegtay inay horay ula xiriirtay odayaasha dhaqanka deegaanka, si ay mucaawanada ugala wareegaan. Waxay sheegtay in mucaawinadan loo waday Boosaaso ay ahayd toddoba tan oo iskugu jira bur, bariis, saliid iyo weliba cuntooyinka nafaqada.

Xildhibaan Sacdiya ayaa intaas ku dartay inay mucaawino gaysay magaalada Garoowe muddo hadda laga joogo saddex toddobaad, laguna wareejiyey maamulka, balse ilaa haatan aan la qaybin mucaawinadaas.

Iska horimaadkii maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso waxaa ku dhintay 10 qof, sida ay noo xaqiijiyeen ilo dhinaca amniga ah.

Diyaaradda sidday Xildhibaan Sacdiya iyo mucaawinadii ayaa galabta si nabad ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin u hadashay maamulka Puntland ayaa sheegay in aysan ka warqabin diyaaradda mucaawinada siday ee maanta laga soo celiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in loo baahan yahay in mar walba xiriir iyo iska warqab ay yeeshaan dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in maamul goboleedka Puntland ay diyaar u yihiin wada shaqayn la xiriirta ka jawaabidda dhibaatooyinka abaaraha iyo amniga. Wuxuuse sheegay in aysan dhicin “is gacan dhaaf” isagoo intaas ku daray inuu rajaynayo inaanay mar kale dhicin tii maanta oo kale.

 

 

Booliska Muqdisho oo soo rogay bandow habeenkii ah oo saameynaya laba dhinac

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo shaaciyey in lasoo gabagabeeyey wajigii koowaad ee howlgallada amni ee mudooyinkaan ka socday magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay hub, maandooriye iyo kooxihii lagu soo qabtay, intii ay howlagalladu socdeen.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay saldhigga booliska ee degmada Xamarjajab ayaa sidoo kale ku dhawaaqay amarro ka soo baxay booliska, kuwaas oo ku socda Bajaj-ta ka dhex shaqeysa Muqdisho iyo ciidamada qalabka sida.

Ugu horeyn Afhayeenka ayaa sheegay in la go’aamiyey in wixii ka dambeeya 12:00 AM saqda dhexe ee habeenkii aan magaalada lagu dhex arki karin Bajaaj shaqeyneysa, isagoo ku goodiyey in cidii u hoggaansami weysa amarkaan ay ciqaab ku muteysa doonto.

Sidoo kale booliska ayaa shirkaan jaraa’id uga dhawaaqay amar ku socda dhamaan ciidamada qaranka, kaas oo ah in habeenkii aan magaalada lagu dhex arki karin askari qori wata.

“Waxaan soo qabanay tuugadii dhaceysay moobeellada, kuwii guryaha jabsa jiray, kuwii watay Bajaajyada, waxaan soo afjarnay wajigii koowaad ee howlgalka, waxaana loo gudbi doonaa jawiga labaad,” ayuu yiri Cabdifitaax Aadan.

Saldhigga booliska degmada Xamarjajab ayaa galabta warbaahinta loogu soo bandhigay maan-dooriye nooc kasta leh oo aad u badan, hub u badan qoryo AK 47 ah, midiyo iyo agab kale oo dadka lagu dhici jiray iyo rag lasoo qabtay.

Habeenadii lasoo dhaafay waxaa Muqdisho ka socday howlgallo horay loo sii shaaciyey oo lagu baacsanayey tuugada, wuxuuna afhayeenku sheegay in lasoo gabagabeeyey wajigii koowaad, isla markaana la bilaabi doono jawiga labaad.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/ADUIEbR9V4I?t=117

Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay dhoola-tus ay sameeyeen ciidanka ku sugan Eritrea

0

Asmara (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta dowladda Eritrea Yemane G. Meskel ayaa shaaciyay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan Eritrea uu goobjoog ka ahaa dhoola-tus heer sare ah oo Ciidamada Soomaaliyeed ee tobabarka uga socday dalkaas ay ka sameeyeen badda Eritrea.

Yemane ayaa sidoo kale sheegay in dhoola-tuska ciidamada uu kormeerka ku wehlinayay madaxweynaha Eritrea, Isaias Afwerki, ayada oo sidoo kale soo indha-indheeyay dekedda magaalada Massawa iyo nawaaxigeeda.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa maanta booqday Dekedda magaalada Massawa iyo nawaaxigeeda. Madaxweyne Xasan ayaa kormeeray dhoolatus ciidan oo ay ku soo bandhigayeen doomo dheereeya oo ay wateen ciidamo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed oo muddo tababar ku qaadanayay dalka Eritrea,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Labada madaxweyne ayaa sidan oo kale kormeer guud kusoo sameeyay cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalka Eritrea.

“Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyadan oo si gaar ah loo tababbaray, waxa uuna u kuur-galay xaaladdooda nololeed, isagoona warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha oo la hadlay ciidamada uu uga warbixiyey qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo cadow ku ah horumarka iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda Eritrea uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay.

PUNTLAND oo war kasoo saartay dagaalkii Boosaaso iyo celintii xildhibaan Sacdiya

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Puntland, Cabdisamad Maxamed Gallan iyo Maxamed Cabdiraxmaan Dhamancad ayaa ka hadlay iska hor-imaadkii ciidamo ka wada tirsan kuwa Puntland ku dhexmaray magaalada Boosaaso.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay qaabilaadda diyaarad mucaawino sidda oo ka timid magaalada Muqdisho, taasi oo ay la socotay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Sacdiya Yaasiin Samatar.

Dagaalka ayaa ka dhacay bar kontorool oo laga galo garoonka. Ilo-wareedyo ku sugan goobta ayaa u sheegay Caasimada Online in mas’uuliyiinta garoonka Boosaaso ay amreen inay dib u laabato diyaaradda sidday mucaawinada oo si nabad ah ku degtaya garoonka. 

Wasiirka ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ay yimaadeen ciidamo ka tirsan kuwa PSF, iskuna dayeen inay gudaha u galaan garoonka, taasi oo ay ka biyo diideen ciidamada ilaalida ka haya garoonka.

“Anaga oo wax war ah hayn ayaa waxa soo dhacday saaka macluumaad sheegaya in diyaarad sida gargaar ay kasoo degayso garoonka Boosaaso, kadib markii xogtaas timid waxa garoonka yimid ciidamada amniga Puntland waxay yidhaahdeen diyaarad ayaa imaneysa waxa rabna in kasoo dejino alaab iyo masuuliyiin la socota,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Puntland aan lagu soo wargelin imaatixinta diyaaradda siday guddoomiye ku-xigeenka baarlamanka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Waxa uu xusay in Puntland ay mamnuuday in ciidamo lala galo dhamaan garoomada diyaaradaha, islamarkaana isaga ilaaladiisa markii uu alayo Garoonka uu banaanka kaga tago.

Iska hor-imaadka maanta ayaa waxa uu eedeynteeda dusha ka saaray ciidamada PSF oo uu sheegay inay hubka la galeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso.

Wasiirka ayaa ku dooday inay jirtay wargelin la’aan ku saabsan in garoonka magaalada Boosaaso laga soo dejiyo gargaar, sidoo kalena aan lagu soo warelin Hay’adaha kala duwan ee Puntland, hase yeeshe markii dambe laga ogaaday ciidamada PSF ee garoonka tegay inay diyaaradaas imaneyso.

Ugu dambeyntiina wuxuu ku baaqay tallaabo kasta iyo waxkasta oo la keenayo degaanada Puntland lala soo wadaago hay’adaha ay quseyso, maadaama ay dalka ka jirto xaalad adag.

Xog: Dagaalka Boosaaso oo dhaliyey khasaare dhimasho iyo dhaawac oo aad u badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor-imaad ka dhacay garoonka diyaaradaha Boosaaso, kaasi oo dhaxmaray ciidamada badda ee PMPF ee garoonka amnigiisa gacanta ku haya iyo ciidamo kale oo ka tirsan kuwa la-dagaalanka argagixisada ee loo yaqaan PSF.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, iska hor-imaadkan ayaa yimid kadib markii la maamulka Puntland isku dayay celinta diyaarad ay la socotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Diyaarada oo ay la socotay Sacdiyo Samatar ayaa siday mucaawino, taasi oo markii hore kasoo baxday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka ayaa ka dhacay bar-kontorool oo laga galo garoonka, kaasi oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa doonayey inay galbiyaan Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo ku sugan goobta waxa dagaalka ka dhashay khasaare kala duwan, ayada oo uu sababay dhimashada 11 ruux oo dhimasho ah iyo tiro kale oo dhaawac ah.

Diyaaradda ayaa sidday gargaar bani’aadanimo oo loogu tala-galay dadka ay saameeyeen abaaraha, waxaana ay ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradda iyo Sacdiya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Illaa hadda majiro wax hadal ah oo kasoo baxay Puntland iyo dhanka dowladda federaalka oo ku aadan dhacdadaasi.

Si kastaba, Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland oo lagu soo doortay, balse is hortaagga lagu sameeyey ayaa kusoo aadaya, iyada oo horey Deni ugu hungoobay xilka madaxweynaha, kadibna uu waayey inuu helo xilka ra’iisul wasaaraha, isaga oo sidoo kale markii la magacaabay Xamza Cabdi aad ugu dhaliilay madaxweynaha.

Siyaasi mucaarad ku ahaa dowladda Sacuudiga oo lagu dilay dal kale iyo cidda fulisay

Beirut (Caasimada Online) – Manea al-Yami oo ka mid ahaa siyaasiyiinta mucaaradka Sacuudiga ayaa lagu dilay dalka Lubnaan, waxaa sidaas sheegay xisbiga mucaaradka Sacuudiga ee Xisbiga Golaha Qaranka (NAAS) iyo ilo-wareedyo amni oo ku sugan Lubanaan.

War-saxaadeed uu soo dhigay twitter-ka, ayuu xisbiga NAAS, oo ah urur mucaarad ah oo ay maal-geliyaan Sacuudiyiinta dibad-joogga ah, ku sheegay in Yami Sabtidii “lagu khaarijiyey xaalad shaki badan oo ku jiro.”

NAAS ayaa dalbaday “baaritaan cad, daah-furan oo cadaalad ah” oo lagu sameeyo dilkan, wuxuuna intaas ku daray in mas’uuliyiinta Sacuudiga ay mas’uul ka yihiin inay ku guuldarreysteen ilaalinta muwaadiniinta xoriyad ku raadinaya dibadda.

Ciidamada ammaanka gudaha Lubnaan ayaa sheegay in 42 jir u dhashay Sacuudiga ay mindiyeeyeen laba ka mid ah walaalihiis oo muran qoys uu dhex-maray Sabtidii, ayaga oo aan shaacin magaca dhibbanaha.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada ay xireen labada walaal Axaddii, islamarkaana ay qirteen dilka.

Ilo-wareed ka tirsan ciidamada ammaanka Lubnaan ayaa Reuters u xaqiijiyey in dhibanaha la dilay uu ahaa Manea al-Yami.

Safiirka Sacuudiga ee Lubnaan Waleed al-Bukhari ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku bogaadiyey dadaallada mas’uuliyiinta Lubnaan “ay daboolka uga qaadayaan xaqiiqda islamarkaana caddaaladda ku horkeenayaan dambiilayaasha.”

Yami, oo xubin ka ah bulshada Ismaili Muslim ee Shiicada laga tirada badan yahay ee Sacuudiga, ayaa ku noolaa Lubnaan tan iyo 2015, sida uu sheegay Yahya Assir oo xubin sare ka ah xisbiga NAAS.

Yami ayaa 2020 gacan ka gaystay aasaaska xisbiga NAAS. Kooxdan ayaa u ololeysa in doorashooyin baarlamaan laga qabto Sacuudiga, lana helo dastuur ilaaliya kala madax-banaanida laamaha sharci-dejinta, garsoorka iyo fulinta ee dowladda.

REUTERS + VOA

PUNTLAND oo garoonka Boosaaso kasoo celisay ku-simaha madaxweynaha

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Diyaarad ay la socotay ku simaha madaxweynaha Soomaaliya, ahna guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samayar, ayaa maanta laga soo celiyey garoonka magaalada Boosaaso, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, amar kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu soo celiyey diyaaraddaas oo markii hore ka baxday garoonka magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ilo wareedyada aan la hadalnay ayaa innoo sheegay in duuliyaha uu dalbaday inuu shidaal ku shubto diyaaradda, waxaana markaas kadib loo ogolaaday inay ku degto, garoonka, balse ma dajin wax rakaab ah, iyada oo kadib kusoo noqotay dhanka Muqdisho.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa intaasi kusii daraya in Sacdiyo Yaasiin oo haatan dalka ka ah ku sime madaxweyne aysan markii hore socdaalkeeda ku wargelin Puntland, taas oo sababtay in madaxdu ay soo saarto go’aankan oo xiisad xoogan ka abuuray Boosaaso

Arrintan ayaa waxaa ka dhalatay shaqaaqo xoogan, waxaana lagu soo warramayaa inuu iska hor imaad ka dhacay magaalada Boosaaso, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Puntland iyo kuwa doonayey inay galbiyaan Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar.

Diyaaradda ayaa sidday gargaar bani’aadanimo oo loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha, waxaana ay ka duushay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Diyaaradda iyo Sacdiya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Xaaladda ayaa weli kacsan, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Puntland iyo dhanka dowladda federaalka oo ku aadan dhacdadaasi.

Marwo Sacdiya Yaasiin ayaa deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland oo lagu soo doortay, balse is hortaagga lagu sameeyey ayaa kusoo aadaya, iyada oo horey Deni ugu hungoobay xilka madaxweynaha, kadibna uu waayey inuu helo xilka ra’iisul wasaaraha, isaga oo sidoo kale markii la magacaabay Xamza Cabdi aad ugu dhaliilay madaxweynaha.

Waalidiinta dhalinyarada ku maqan dalka Eritrea oo war cusub soo saaray (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah waalidiinta Soomaaliyeed ee ay carruurtooda ku maqan yihiin dalka Eritrea ayaa maanta dibad-bax ka dhigay magaalada Muqdisho, kadib markii shalay muuqaaladooda la helay dhalinyaradaasi Soomaaliyeed.

Waalidiinta oo la hadlay Wariyeyaasha ayaa si weyn ugu mahad-celinayey madaxweynaha Soomaaliya oo xeradooda ku booqday dhalinyaradaas oo tababar loo geeyey Eritrea.

Cabdullaahi Cali Xasan oo ka mid ah waalidiinta ayaa sheegay inay ku farxeen muuqaalka dhalinyaradaas oo markii u horeysay shalay la arkay iyadoo uu booqanayo madaxweynuhu.

“Waxaan u mahadcelineynaa Alle SWT, bacdeyn madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxmauud tallaabada uu qaaday ayaan uga mahadcelineynaa, waxaana u mahadcelineynaa madaxweynaha dalka Eritrea oo marti qaaday,” ayuu yiri Cabdullaahi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka dalbanayaan madaxweynaha inuu dhameystiro inta hartay, isla-markaana uu deg-deg dalka ugu soo celiyo dhalinyaradaasi.

“Waxaan ka codsaneynaa in ilamaha sida dhaqsiyaha badan dalka loogu soo celiyo tallaabada uu qaadayna uu ku xajiyo aadna ayuu u mahadsan yahay madaxweyne Xasan,”.

Dhankeeda Hooyo Caasho Cabdi Cilmi oo madasha ka hadashay ayaa shaaca ka qaaday inay uga mahadcelinayaan madaxweynaha, sida uu uga soo jawaabay dalabkooda.

“Horta madaxweynaha waa u duceyneynaa, waana u hambalyeeyneynaa, maadaama uu kasoo jawaabay dalabka waalidiinta,” ayey tiri HwAooyo Caasho.