25.9 C
Mogadishu
Friday, June 19, 2026

Daawo: Ciidamo ka soo horjeeda C/casiis Laftagareen oo soo saaray amarro culus

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidan ay sameysteen dadka ku nool degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo ka soo hor jeeda maamulka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray amarro adag oo salka ku haya arrimaha ammaanka, iyagoo degmadaas ka mamnuucay siyaasiyiin dhowr ah.

Ciidanka oo ariintaan ku socodsiiyey shirkadaha diyaaradaha ayaa soo bandhigay magacyada rag ay sheegeen in amni darro ay ka hurinayaan Ceelbarde, kuwaas oo aysan gey karin, kana qaadi karin degmada.

Afhayeenka ciidankaas oo warbaahinta u akhriyey bayaankii ay soo saareen ayaa yiri, “Shirkadaha diyaaradaha waxaan ka rabnaa inay dhaqan geliyaan xayiraada aan deegaanka ka saarnay xubnaha kala ah: 1-Axmed Sheekh Maxamed (Mashruuc) 2- Axmed Dhuubow Keynaan (Axmed Tabliiq) 3-Khadar Mahad Dhicis 4-Cabdiraxmaan Cumar Boorow 5-Xabe Cismaan Indhaqiiq, 6-Abshir Cabdulqaadir Sheekh Maxamed, 7-Cabdinuur Maxamed Xasan (Dhegaduleel) 8-Iyo Cabdi Gaarane.”

Waxay sheegeen in amarada ragaan looga mamnuucay deegaanka ay salka ku hayaa sugidda ammaanka, iyagoo sideedaas nin ku eedeeyey hurinta colaad ka jirta deegaanka.

“Ciidanka deegaanka oo bulshada Ceelbarde ay dhisatay ayaa soo ogaaday oo amar ka soo saaray dadkii ka dambeeyey gacan ka hadal ka dhacay degmada Ceelbarde oo dad ku waxyeeloobeen, kicin iyo isku dir ayey degmada ka wadeen raggaan,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay ciidankaas.

Mid ka mid ah Odayaasha degmada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulka Cabdicasiis Laftagareen ay ka tirsanayaan cadaalad darro u badan doorashadii xildhibaanada, gaar ahaan kursi xildhibaan oo laga wareejiyey degmadaas.

Hoos ka daawo

Xog: Maxaa ka run ah arrinta ay warbaahinta ISRAEL ka qortay in DF ay qorsheyneyso?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa beeniyey warbixino ay qoreen warbaahinta Israel oo sheegaya in Muqdisho ay ka fakareyso inay xiriir diblomaasi la yeelato Israel. 

Wargeyska Times of Israel ayaa shalay qoray in afhayeen u hadlay madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay in dowladda ay kala tashaneyso baarlamanka suurta-galnimada ah inay xiriir diblomaasi la sameysato Israel. 

Wargeyska ayaa sheegay in warbixinadan oo ka yimid warbaahinta Channel 12 iyo Kan News aan si madax-banaan loo xaqiijin karin. 

Ilo-wareedyo la hadlay Caasimada Online ayaa xaqiijiyey in afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya uusan marnaba la hadlin warbaahinta xigatay, islamarkaana warbixinta wargeyska Times of Israel ay tahay been abuur. 

“Waxaan ilaa hadda la yaabannahay cidda mar kasta beentan naga faafineysa iyo ujeedada laga leeyahay,” ayuu yiri ilo-wareed ka tirsan dowladda oo la hadlay Caasimada Online, kaasi oo sheegay inay suurta-gal tahay in arrintan ay ka dambeeyaan dad mucaaradsan madaxweynaha oo Soomaali ah.  

“Ma jirto cid ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo la hadashay warbaahin Israel. Madaxweynaha wuxuu hadda ku mashquulsan yahay soo celinta askarta Soomaaliyeed ee ku maqan Eritrea.”
 
Israel ayaa bishii August 2020 waxay xiriir la sameysatay dhowr dal oo Carbeed oo ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Bahrain. Sidoo kale bishii October, Sudan ayaa ku biirtay dalalka xiriirka la sameystay Israel.
 

Hase yeeshee ma muuqato hadda muhiimad ay Israel u leedahay xiriir ay la yeelato Soomaaliya iyo waxa ay ka faa’iideyso iyo sidoo kale wax dan ah ee Soomaaliya ugu jira.

Soomaaliya weligeed xiriir diblomaasi lama yeelan Tel Aviv.

Times of Israel ayaa bishii May qoray inuu diblomaasi Soomaali ah oo ku dhow Xasan Sheekh u sheegay in dib ugu soo laabashadiisa xukunka ay horumar togan u tahay xiriir dhex-maray Soomaaliya iyo Israel.

Wararka la xiriira xiriirka Israel oo soo shaac-baxay intii uu Xasan Sheekh ku sugnaa Imaaraadka Carabta ayey sidoo kale horey u beenisay madaxtooyada Soomaaliya.

Yuusuf Garaad oo su’aalo ka keenay askarta ku maqan dalka ERITREA (Aqriso)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, ahna haatan Ergayga gaarka ah ee Geeska Afrika, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ka hadlay arrinta ciidamada ku maqan Eritrea oo shalay muuqaaladii ugu horreysay laga helay, kadib markii uu xeradooda ku booqday madaxweyne Xasan Sheekh.

Yuusuf Garaad oo soo qaatay muuqaal uu sii daayey Telefishinka Eritrea oo ka hadlay booqashada madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Eritrea ay ku tegeen xerada lagu tababarayo ciidamadaas Soomaaliyeed ayaa su’aalo ka keenay muuqaalka laga helay dhalinyaradaas oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay walaac laga muujinayey noloshooda.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda oo soo qaatay hadalkii oo hadda ka hore taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ka sheegay baarlamaanka ayaa keenay su’aalahaan.

“Taliyaha miyaa ulakac u qalday Baarlamaanka? Mise isaga ayaa xog laga qarsaday oo la qalday?,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in loo baahan yahay in faham buuxa laga helo waxa sababay inay kala hadlaan taliyaha oo haatan qayb ka ah kormeerka madaxweyne Xasan Sheekh iyo hadalkii kasoo yeeeray madaxweynihii hore oo jiritaanka ciidankaas iyo inay tababar ku maqan yihiin ku daray munaasabadda xil-wareejinta ee ka dhacay Villa Somalia.

“Maaddaama iyada oo uu Taliyaha Xoogga Dalku Baarlamaanka Soomaaliya u sheegay in ogaalkiisa aanay jirin Ciidan Xoogga Dalka ah oo tababbar loogu diray Eritrea, haddana uu Madaxweyniheennii hore, Mudane Farmaajo uu jiritaanka ciidankaas ku daray Xilwareejinta, waxaan jecleystay in aan ogaado waxa Telefishinka Eritrea uu ka sheegayo socdaalka Madaxweynaheenna Mudane Xasan Sheekh iyo kormeerkiisa Ciidankaas isaga oo uu la socdo Taliyaha Xoogga Dalku,” ayuu markale raaciyey Wariye hore Yuusuf Garaadf Cumar.

Askartaan oo tiro ahaan dhan illaa 5,000 oo askari ayaa dalkaas ku sugan in ka badan laba sano, wuxuuna Xasan Sheekh horey u ballan-qaaday inuu dalka kusoo celin doono.

Si kastaba, muuqaallada laga helay dhalinyaradan, kadib booqashada madaxweynaha ayaa waxaa si aad u soo dhaweeyey waalidiinta carruurtaas oo maalmihii la soo dhaafay  dibad-baxyo cabasho ah ka dhigayey gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Villa Somalia oo war cusub kasoo saartay socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa warbixin cusub kasoo saartay socdaalka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku joogo dalka Eritrea, kaasi oo qaadan doona afar maalmood.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki ayaa kormeeray cutubyada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee tababbarka u jooga dalkaas.” 

“Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyadan oo si gaar ah loo tababbaray, waxa uuna u kuur-galay xaaladdooda nololeed, isagoona warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah saraakiisha iyo askarta oo Madaxweyne Xasan Sheekh uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid.” 

Qoraalka ayaa intaas ku daray in Madaxweynaha oo la hadlay ciidamada uu uga warbixiyey qorshaha dowladda ee sugidda amniga guud ee dalka iyo xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo cadow ku ah horumarka iyo dowladnimada shacabka Soomaaliyeed. 

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa adkeeyey fulinta ballan-qaadkiisii ku aaddanaa soocelinta ciidanka Soomaaliyeed ee ku sugan Eritrea, isaga oo xusay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu farxayaan muuqooda halka ay cadawga argagaxisaduna ka naxayaan cududdooda,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dowladda Eritrea uga mahadceliyay tababbarka ciidamadan oo qayb ka qaadan doona xasilinta Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay. 

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo dhiggiisa dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki ayaa booqday goobo ku yaalla dalkaas oo ay ka socdaan mashaariic horumarineed.” 

Maxaa ka jira in wafti ka socda Somaliland uu booqasho ku tegay Israel?

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay weerarka sheegaya in wafti ka socda maamulkaasi, isla-markaana uu hoggaaminayey wasiirka Gaashaandhigga Cabdiqani Maxamuud Caateeye ay shir uga qaybagleen Israel, sida uu wariyey wargeyska The times of Israel oo sheegay in lagaga hadlay xiriirka Israel & Afrika.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somaliland ayaa lagu beeniyey warkaasi, waxaana Wasaaraddu ay shaacisay in waxba kama jiraan ay tahay arrintaasi.

“Warar aan sal iyo raad toona lahayn ayaa lagu baahiyay wargayska The Times of Israel kaas oo ay ku sheegeen in Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiggu JSL uu ka qayb galay shir lagaga hadlayay iskaashiga Israel iyo wadamada Afrika, waana been cad oo marag ma doona” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadhaandhigga Somaliland.

Sidoo kale Wasaaradda ayaa xusay in xilligaas wasiir Cabdiqani Maxamuud Caateeye uu ku maqshuulsanaa xuska 18 May, maadaama uu ka mid ah guddiga qaban-qaabada ee xuska.

“Cabdiqani Maxamuud Caateeye waxa uu mudooyinkii u dambeeyay ka shaqaynayay hawlaha qaranka ee horyaala waxa uu ka mid ahaa gudidii  qaban qaabada maalinta qaran ee 18May waxaana uu ahaa gudoomiye ku xigeenka gudadda 18may, Wakhtigaa uu wargaysku ku sheegay” ayaa markale lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.

Qoraalkan ayaa sidoo kale farriin loogu diray bulshada Somaliland oo loogu baaqay in aysan ku kadsoomin wararka been abuurka ah ee lagu sumcad dilayo xukuumadda.

Arrintaan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo dowladda Soomaaliya dhankeeda ay jawaab ka bixisay warar ay baahiyeen warbaahinta Israel oo sheegayey in Muqdisho ay ka fakareyso inay xiriir diblomaasi la yeelato Israel, waxaana arrintaasi si cad u baanisay Villa Soomaaliya

“Waxaan ilaa hadda la yaabannahay cidda mar kasta beentan naga faafineysa iyo ujeedada laga leeyahay,” ayuu yiri ilo-wareed ka tirsan dowladda oo la hadlay Caasimada Online.

Amiirka Al-Shabaab oo si yaab leh uga hadlay doorashada Xasan Sheekh iyo guul darradii Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubayda ayaa soo saaray fariin uu uga hadlayo doorashooyinkii dalka ka dhacay, isagoo sheegay in madaxda xukunka isku wareejisay aysan waxaba is dhaamin, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu aad ugu dheeraaday xumo ka sheegidda madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo yiri, “Doorashada ay qabteen ma jirto wax ay soo kordhineyso, good iyo abeesbaa is bedalay, waxna isma doorshaan.”

Hoggaamiyaha Al-Shabaab wuxuu madaxda Soomaalida ku tilmaamay kuwo isku kor eg, balse aan isku mowqif aheyn, wuxuu intaas ku sii daray in waxa kaliya oo heshiis ay ku yihiin ay tahay in dhowrkii sanaba mar ay xukunka isku wareejiyaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ka Al-Shabaab ahaan aysan wax dan ah ka laheyn hoggaamiye kasta oo la doorto, isla markaana aysan kala jecleyn masuuliyiinta dowladda, isagoo yiri, “Deysta oo daaya kan aad doorateen, ama deyriya oo mid kale ku doorsada.”

Abuu Cubayda ayaa wacad ku maray in dalkaan uusan ka dhaqan geli doonin xukun aan ku saleysneyn diinta Islaamka, “Dowladnimo aan ku dhisneyn diinta Islaamka iyo maamul aan u hoggaansamin oo si buuxda aan u hir gelin shareecada Islaamka, marnaba uma ogolaa doono in dalka laga yagleelo,” ayuu yiri Abuu Cubayda.

Wuxuu ku andacooda in masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ay ku baxaan gacanta dagaalamayaashooda uu ka jeclaan lahaa ‘inay xaqa raacaan.’

Sidoo kale ninkaan hoggaamiya kooxda Al-Shabaab wuxuu sheegay in doorashooyinkii dalka ka dhacay ay siyaasiyiinta ilowsiiyeen abaaraha daran ee dalka ka jira, isagoo ku dheeraaday dhaliisha ay siyaasiyiinta u soo jiiday abaarta ka jirta Soomaaliya.

Hoggaamiya maleeshiyada Al-Shabaab Axmed Abuu Cubayda wuxuu Madaxweyne Xasan ku eedeeyey dhul boob, wuxuuna ku sifeeyey siyaasi aan waxaba dhaamin kii uu xukunka uga guuleystay, isagoo yiri, “Daf-daflihii hore waxaa bedelay damiir laawe kale oo aan waxaba hambeyneyn.”

Fariintaan oo socaneysa mudo hal saac ku dhow ayuu hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubayda uga hadlayaa seddax qodob oo kala ah abaarta dalka ka jirta, doorashooyinkii dhacay ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ku guuleystay iyo howlgalka ATMIS oo sida uu sheegay guul dareystay 15 sano kadib.

Soomaaligii u horreeyey ee xildhibaan ka noqda Finland oo xil sare loo magacaabay

Helsinki (Caasimada Online) – Qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah oo ka mid noqda baarlamanka Finland ayaa hadda loo magacaabay inuu noqdo ergeyga gaarka ah ee dalkaas u qaabilsan dhex-dhexaadinta nabadda ee Geeska Afrika, waxaa sidaas qortay wakaaladda wararka Anadolu Agency. 

Suldan Said Ahmed ayaa diiradda saari doona taageeridda hanaanka nabadda ee mid ka mid ah gobollada ugu deganaansho la’aanta badan caalamka, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Finland.

Finland waxay sheegtay inay xiriir qoto dheer la leedahay dhowr dal oo ku yaalla gobolka.

“Caqabadaha uu wajahayo gobolkan jilicsan waxaa ka mid ah dagaalo hubeysan, waxaana dheer inuu hadda wajahayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee tobaneeyo sano,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Finland Pekka Haavisto. 

“Dhex-dhexaadinta nabadda waa mid ka mid ah ahmiydaha siyaasadda arrimaha dibedda iyo amniga Finland.”

Haavisto ayaa sidoo kale sheegay in magacaabistan ay taageereyso dadaallada ay Finland ku xoojineyso xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka iyo in sare loo qaadayo in xal nabdeed loo helo dagaallada gobolka

Xilkan ayaan aheyn mid mushaari ah, wuxuuna Suldan ku dhinac wadi doonaa waajibaadkiisa xildhibaannimo.

Suldaan Said Ahmed ayaa u sheegay wakaaladda wararka Anadolu in magacaabistiisa ay imaneyso xilli xasaasi ah oo gobolka uu wajahayo dhibaatooyin dhowr ah, oo ay ku jiraan dagaallada. 

“Waxaan ku faraxsanahay in xilkan la ii magacaabo, waana qaadan doonaa waajibaadkeyga oo kala shaqeyn doonaa mas’uuliyiinta gobolka inay xaliyaan arrimaha taagan,” ayuu yiri.

Suldan ayaa intaas ku daray inuu dhowaan booqan doono gobolka lana kulmi doono mas’uuliyiinta si uu ugala hadlo xiriirka dalalkooda iyo Finland. 

Waxa uu sidoo kale sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii haweenka iyo dhallinyarada ay ugu lug yeelan lahaayeen nabad dhisidda iyo dhex-dhexaadinta nabadeed ee gobolka.

Muuqaaladii u horeeyey oo laga helay askarta loo qaaday Eritrea iyo madaxaweyne Xasan oo booqday (Daawo)

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa weli ku guda jiray booqashadiisa afarta maalin ah ee uu ku joogo dalka Eritrea, taasi oo billaabatay shalay. 

Ayada oo uu wehliyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa maanta booqday islamarkaana u kuur galay xubno ka mid ah askarta Soomaalida ee dalkaas ku qaatay tababar socday saddex sano.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay askartaas, oo sawirro laga soo qaaday ay muujinayaan ayaga oo sita calanka Soomaaliya islamarkaana safaf dhaadheer ku jira. 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyey ciidanka tababarka ay dhameysteen, wuxuuna hoosta ka xariiqay in la filayo inay xoojiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda Eritrea. 

Waa markii ugu horeysay ee si rasmi ah loo arko muuqaalka askartaas tan iyo markii tababarka loogu qaaday dalkaas muddo ku dhow saddex sano kahor, ayada oo walaac badan uu ka jiro xaaladdooda. 

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale kormeeray mashruucyo dhowr ah oo horumarineed oo ka socda gobolka Koonfureed ee dalka Eritrea.

Waxaa ka mid ah biyo-xireenada Logo iyo Mislam, mashruucyo beereed, goobo laga dhaliyo korontada iyo warshado laga soo saaro caanaha.

Illaa iyo hadda ma jiraan wax faah-faahino ah oo laga bixiyey wada-hadallada u dhaxeeya labada madaxweyne oo la rumeysan yahay inay ugu weyn tahay arrinta askarta Soomaaliyeed ee muddada ka badan labada sano tababarka ugu maqan dalkaas.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrinta ugu weyn ee madaxweynaha u tegay Asmara ay tahay u kuurgelida iyo qiimeynta xaalada ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyay dalkaas labo sano ka hor iyo sidii dib dalka loogu soo celin lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweynaha ayaa doonaya inuu ogaado baahiyaha ciidanka iyo haddii ay jiraan caqabado hortaagan dib u soo celinta ciidankaas, taasi oo uu kala hadli doono madaxweyne Afwerki.

Askartaas ayaa tiro ahaan dhan illaa 5,000 oo askari ayaa dalkaas ku sugan in ka badan laba sano, wuxuuna Xasan Sheekh horey u ballan-qaaday inuu dalka kusoo celin doono.

Cabsi laga qabo waxa uu Afwerki sameyn doono inta Xasan ku sugan yahay Eritrea

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo ay shalay uga billaabatay booqasho afar maalmood qaadan doonta. 

Caasimada Online ayaa og in ujeedka ugu weyn ee madaxweynaha u tegay halkaas ay tahay xaaladda 5,000 oo askari oo Soomaali ah oo dalkaas ku sugan, uuna kala hadlo madaxweyne Afwerki sidii loo soo celin lahaa.

Hase yeeshee, waxaan la saadaalin karin sida Afwerki u dhaqmi doono. Afwerki wuxuu xulufo la ahaa madaxweyne Farmaajo, kumana farxin in xukunka lagala wareegay. Islamarkaana, soo celinta ciidankaas ayaa sumacad iyo taageero weyn u kasbi doonta Xasan Sheekh halka ay aad u dhaawici doonto Farmaajo.

Su’aashu waxay hadda tahay, Afwerki ma ka faa’iideysan doonaa socdaalka Xasan Sheekh oo soo-celinta ciidankaas ma ka dhigi doono mid uu ku abuuro ay isugu soo dhowaadaan isaga iyo madaxweyne Xasan Sheekh mise wuxuu cayaari doonaa cayaar siyaasadeed adag. 

Inkasta oo Afwerki ay ka suurtowdo inuu cayaar siyaasadeed dheelo, haddana agaasime ku-xigeenkii hore ee NISA Cabdisalaan Guuleed ayaa qaba in madaxweyne Xasan Sheekh iyo kooxdiisaba u diyaarsan yihiin wax kasta oo uu la yimaado.

“Inkasta oo aan rumeysanahay in madaxweyne Xasan iyo kooxdiisa isku dayaan wax kasta oo ay guul kusoo gaaraan. Afwerki wuxuu isku dayi doonaan inuu xadido, marin habaabiyo, uuna si buuxda u maamulo araga iyo maqalka madaxweynaha iyo kooxdiisa inta ay ku sugan yihiin Eritrea,” ayuu ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter-ka. 

Dhinaca kale, Rashid Abdi oo fallanqeeya siyaasadda gobolka kana tirsan hay’adda Sahan Research ayaa sidoo kale aaminsan in safarka madaxweyne uu laba mid noqon karo.

“Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu Eritrea u joogaa soo celinta kumanaanka askarta Soomaaliyeed ee ay haysato Eritrea ayaga oo aan raali ka aheyn. Soo celin deg deg ah oo lagu sameeyo wiilasha maqan waxay guul deg deg u noqon doontaa Xasan Sheekh. Afewerki ma muujin doonaa niyad wanaag, oo ma abaal marin doonaa Xasan Sheekh? Mise kubbad adag ayuu ciyaari doonaa?” ayuu yiri. 

Waxaa jiray warar sheegaya in ciidankaas ay arrimo dhaqaale u xayiran yihiin, iyadoo la sheegayo inay jirto balanqaad dowladda Qatar horay ugu sameysay xukuumaddii hore oo ahaa inay bixin doonaan dhaqaalaha ku bixi doona tababarka ciidankaas kumanaanka gaaraya, waana tan keentay in Madaxweynuhu ku hormaro Eritrea ka hor inta aanu aadin dalka Qatar.

Askartaas ayaa tiro ahaan dhan illaa 5,000 oo askari ayaa dalkaas ku sugan in ka badan laba sano, wuxuuna Xasan Sheekh horey u ballan-qaaday inuu dalka kusoo celin doono. 

Xasan Sheekh ayaa intii uu ka mid ahaa Musharaxiinta Mucaaradka uu su’aalo badan ka keenay halka Ciidankaas ku dambeeyeen iyo sidii dowladdii hore aysan Shacabka iyo waalidiinta dhalinyaradaas ula wadaagin xogta ciidamadaas oo xaaladooda oo warar kala duwan ka soo baxayeen.

Nin Soomaali ah oo MASJID ku yaalla Minnesota ku tooreeyey Imaamkii Masjidka

Minneapolis (Caasimada Online) – Hoggaamiyeyaasha Muslimiinta magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in nin maskaxda ka xanuunsan uu masjid magaalada ku yaalla ku mindiyeeyey Imaam ku sugnaa.

Jaylani Hussein, oo ah agaasimada Golaha Xiriirka Muslimiinta Mareykanka (CAIR) ee Minnesota, ayaa sheegay in Imaam Cawil Aadan ay dhaawacyo kasoo gaareen madaxa iyo gacanta, uuna geeriyoon lahaa haddii aanu caawin qof kale oo ku sugnaa Masjidka Khalid Binu Walid ee ku yaalla waddada West Lake Street.

Jaylani Hussein ayaa intaas ku daray in Imaamka uu hadda ku sugan yahay gurigiisa oo uu kusoo kabanayo. 

Waxa uu intaas ku daray in qofka weerarka gaystay uu halis ku yahay naftiisa iyo tan bulshada Soomaaliyeed. 

“Waxaan u baahnahay taageero dheeraad ah oo la siiyo adeegyada caafimaadka maskaxda. Waxaa maanta jira shaqsiyaad badan oo bulshadeena ka mid ah oo baahi daran u qaba in la daweeyo, kuwaasi oo u baahan in la geeyo goobaha lagu daweeyo,” ayuu yiri.  

Ninka weerarka gaystay oo la rumeysan yahay inuu yahay 37 Soomaali ah ayaa la xabisay, balse dacwad-oogayaasha kuma soo oogin wax dacwad ah. 

Waxaa dhowr jeer oo horey loogu helay inuu weeraro gaystay. Sanadkii tegay, garsoore ayaa xukmiyey in ninkan uusan maxkamad soo hor-istaagi karin sababo la xiriira caafimaadka maskaxdiisa.  

“Xanuunka maskaxda waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu weyn ee sababa dambiyada ka dhex dhaca bulshadeena. Haddii aan loo helin taageerada ku habboona, waxaan aaminsannahy inay sii socon doonto inay dhacaan. Qofkan wuxuu halis ku yahay naftiisa iyo bulshada,” ayuu yiri Jaylani. 

Qofka weerarka gaystay ayaa loo xiray kiisas kale, balse dacwad-oogayaasha kuma soo oogin dacwad la xiriirta weeerarka loo gaystay Imaam Cawil. 

Warbaahinta Minnesota ayaan shaacin magaca qofka weerarka gaystay maadaama aan weli dacwado lagu soo oogin. 

Maxay yihiin 3-da arrin ee Xasan Sheekh u tegay Eritrea?

0

Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray magaalada Asmara ee caasimada wadanka Eritrea, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho afar maalmood ah.

Madaxweyne Xasan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Asmara kusoo dhaweeyey dhiggiisa dalkaasi, Asaias Afwerki, isaga oo uu la yeeshay kulan horudhac ah.

Haddaba Maxay yihiin saddexda arrimood ee madaxweyne Xasan u tegay Eritrea?

Cumar Yuusuf oo falanqeeya arrimaha Soomaaliya, isla-markaana ah bare jaamacadeed ayaa wareysi uu siiyey BBC ku soo koobay booqashada madaxweynaha saddex arrimood.

Qodobka koowaad wuxuu ku sheegay inuu madaxweynuhu doonayo inuu ka dhabeeyo ballan-qaadkiisii ahaa inuu dib usoo celinayo dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku maqan dalkaasi, kuwaas oo ay marar badan walaac iyo cabasho laga muujiyey xaaladdooda.

“Ballan-qaadyadii ugu muhiimsanaa ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxaxamuud sameeyey waxaa ka mid ah inuu ciidankaasi, haddii uu ku guleysto xafiiska, sida ugu dhaqsiyaha badan uu kusoo celin doono,” ayuu yiri falanqeeye Cumar Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay qodobka labaad uu yahay mid uu ku doonayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku xoojiyo xiriirka arrimaha dibadda, maadaama shantii sano ee lasoo dhaafay lagu soo koobay dalal dhowr ah, sida Itoobiya, Eritrea iyo Qatar.

“Xiriirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ay la laheyd wadamada dariska iyo caalamkaba waxaa muuqatay in dhowr wadan Soomaaliya ay xooga saartay 5-tii sano ama maamulkii hore, marka waxaan is dhihi karnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu rabaa in dowladihii ay isku dhawaayeen 5-tii sano ee la soo dhaafay Soomaaliya oo Itoobiya, Eritrea iyo Qatar ay ka mid tahay iyo dowlado kaleba inuu isku wado,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in arrinta saddexaad ay tahay dardar-gelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si ay qayb uga noqdaan ciidamada haatan laga soo celinayo Eritrea.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la’is dhihi karaa wuxuu wadaa abaabul ka dhan ah Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaa macquul ah iyadana in ciidamadaas soo celintooda ay qayb ka noqon doonto howlgallo ay rabto in ay dowladdu billowdo,” ayuu markale yiri.

Si kastaba, arrinta dhalinyarada ku maqan Eritrea ayaa soo jiitameyso sanadihii dambe, waxaana shakiga uu sii xoogeystay markii lasoo wariyey in laga dagaal geliyey Itoobiya.

Ninkii dilay R/W Shinzo Abe oo shaaciyey sabab yaab leh oo uu sidaas u sameeyey

Tokyo (Caasimada Online) – Ninka dilay Shinzo Abe ayaa rumeysnaa in ra’iisul wasaarihii hore ee Japan uu xiriir la lahaa koox diimeed uu ku eedeeyey inay mas’uul ka tahay dhibaatooyinka dhaqaale ee hooyadiis.

Tetsuya Yamagami ayaa sidoo kale bilo qorsheynayey weerarka isaga oo gurigiisa ku sameystay qoriga uu ku dilay Abe, sida ay booliska u sheegeen warbaahinta. 

Muuqaallo uu baahiyey taleefishinka NHK ayaa muujiyey Shinzo Abe oo taagan masrax uu taageerayaal kula hadlayey markii nin wata shaati leh midab cowl ah iyo surwaal qaxwe ah uu billaabay inuu gadaal kaga soo dhowaado kadibna uu wax kala soo baxay boorso oo uu billaabay inuu toogto.

Ugu yaraan laba xabad ayaa u muuqday in la riday, kuwaas oo ku dhacay ra’iisul wasaarihii hore.

Yamagami oo ah nin aan shaqeyn ayaa kaligiis noolaa, umana jawaabi jirin dadka marka ay la hadlaan, sida ay deriskiisa u sheegeen Reuters. 

Waxa uu rumeysnaa in Abe uu taageeray koox diimeed ay hooyadiis ku hanti beeshay sidii ay lacag ugu deeqeysay, waxaa sidaas sheegtay wakaaladda wararka Kyodo oo soo xiganeysa dambi-baarayaasha. 

“Hooyadey waxay ku qafiiftay koox diimeed aan necbahay,” ayey Yamagami kasoo xigteen Kyodo iyo warbaahinta kale ee Japan. Booliska gobolka Nara waa ay diideen inay ka hadlaan rrintan, 

Warbaahinta Japan ma shaacin magaca koox diimeedka uu Yamagami u careysan yahay. 

Yamagami ayaa waxyaabaha uu ka sameeyey hubka kasoo iibsaday online. Wuxuuna bilo ku bixiyey qorsheynta weerarka, isaga oo xitaa ka qeyb-galay olole doorasho oo kale oo uu ka hadlayey Abe, oo ka dhacay meel 200-mile u jirta halka uu deganaa. 

Kahor inta aan go’aansan inuu qore u adeegsado weerarka, wuxuu ka fakaray inuu isticmaalo bam, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee NHK.

Yamagami ayaa ku noola dhisme ka kooban dhowr iyo toban dabaq, oo uu ka deganaa dabaqa sideedaad. Mid ka mid ah deriskiisa oo ah haweeney 69 jir ah ayaa sheegtay inay aragtay saddex maalin kahor dilka Abe.

“Waxaan ku iri hello. Balse wuu iska key indho tiray. Hoos ayuu eegayey isaga oo aan xirneyn mask. Wuxuu u muuqday qof aan deganeyn,” ayey haweeneyda oo magaceeda kusoo gaabisay Nakayama u sheegtay Reuters. 

“Waxayba la eheyd inaan u muuqan. Wuxuu u muuqday qof ay wax dhibayeen.”

Shinzo Abe wuxuu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Japan. Wuxuu xilka hayey 2006 illaa 2007 iyo 2012 illaa 2020.

Sawirro: Axmed Madoobe oo sameeyey arrin lama filaan ah

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sameeyey arrin lama filaan ah oo ku aadan qaabka loo qaadanayo shaqaalaha, gaar ahaan agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha.

Axmed Madoobe ayaa qaadista imtixaanaadka agaasimeyaasha cusub ee la qaadanayo ku wareejiyey shirkad gaar ah oo lagu magacaabo Human Resource Management Consultancy Expertise Services, taas oo soo bandhigtay natiijada imtixaanadka agaasimayaasha guud .

Shirkadda ayaa ku wareejisay natiijada imtixaanaadka madaxweynaha Jubbaland, kadib kulan gaar ah oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Axmed Madoobe oo arrintan lama filaanka ah ka hadlayey ayaa shaaca ka qaaday in sababta shirkad gaar loo leeyahay ay howshan ugu xil-saareen ay tahay in laga fogaado musuq iyo eex, si loo helo dad tayo leh oo u qalma hoggaaminta wasaaradaha Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu uga mahad-celiyay shirkadda qaaday imtixaanka shaqada wanaagsan ee ay qabatay iyadoo ay goob-joog ahayeen madaxda guddiga shaqada iyo shaqaalaha.

Ugu dambeyn madaxweynaha ayaa ballan-qaaday in qof walba oo kasoo gudba imtaxaanka uu xaq u leeyahay in lagu qiimeeyo aqoontiisa iyo waayo aragnimadiisa, taasna ay saldhig u tahay shaqooyinka muhiimka ah ee Jubbaland inay hogaamiyaan dad kasoo bixi kara.

Soomaaliya ayaa marka la’eego dhanka shaqaaleysiinta waxaa ka jira musuq-maasuq xoogan, gaar ahaan hay’adaha dowladda, iyada oo inta badan la sameeyo nin jecleysi.

Ciidamada DF oo Muqdisho ku qabtay rag hubeysan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowlada Soomaaliya oo xalay howlgal ka sameeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa gacanta kusoo dhigay rag hubeysan oo la sheegay in ahaayeen koox burcad ah oo dhac u geysaneysay shacabka.

Ciidamada ayaa gacanta kusoo dhigay ilaa 5 nin oo qaarkood ku labisnaa dareeska ciidanka dowladda, halka kuwa kalena ay ku hubeysnaayeen mindiyo ay ku dhibaateynayeen dadka.

Qoraal kasoo baxay maamulka Dayniile ayaa waxaa lagu faahfaahiyey howlgalkaas oo u jeedkiisu ahaa mid lagu xaqiijinayey ammaanka guud ee degmadaasi.

Maamulka ayaa sheegay inay ka jawaabayeen cabashada kasoo yeereysa dadweynaha ee ku aadan dhaca iyo falalka ammaan dari ee ka dhaca halkaasi.

Sidoo kale mamaulka degmada ayaa shaaca ka qaaday in soo qabashadan raggan ay gacan ka geysteen dadka deegaanka oo la shaqeeyey ciidamada ammaanka.

“Annaga oo ka jawaabayna cabashada shacabka ayaa howlgal qorsheysnaa ka fulinay egmada habeenimadi xalay ahayd, waxaana kusoo qab- qabanay burcad hubeysan oo dhac u gaysanayay dad shacab ah. Taasna waxay noogu suuragashay wada shaqaynta shacabka,” ayaa lagu yiri qar qoraal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Dayniile.

Howlgalkan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyo ay dowladdu ka billowday Muqdisho, kuwaas oo lagula dagaalamayo burcadda iyo dadka ka ganacsada maan-dooriyaha.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa ammaanka caasimada wuxuu ahaa mid faraha ka baxay, waxaana xaaladu ay gaartay meeshii ugu darneyd taas oo saameyn ku yeelatay shacabka.

Shacab iscasilaad ku qasbay madaxweynaha Sri Lanka

Colombo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa ayaa sheegay in uu xilka ka degayo 13-ka bishaan July, kadib dibadbaxyadii rabshadaha harreeyay dalkaas.

Guddoomiyaha baarlamaanka aaaa Mahinda Yapa Abeywarden ayaa lagu wargeliyay is casilaadda madaxweynaha.

Dadweyne careysan ayaa shaley xoog ku galay guriga madaxweynaha, waxay codsanayeen in uu xilka banneeyo, waxay ka careysnaayeen dhaqaale xumida daran ee saameysa Sri Lanka.

Dibaxbayaasha ayaa shaley dab qabadsiiyay guriga Ra’iisul Wasaaraha.

Dhinaca kale, dowladda Mareykanka ayaa siyaasiyiinta dalka Sri Lanka ka codsatay in ay u istaagaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen xasaradaha dhaqaale ee ka taagan waddankooda.

Waxaa lagu dhawaaqay in madaxweynaha Sri Lanka, Gotobaya Rajapaksa, uu xilka iska casili doono maalinta Arbacada ah.

Go’aankaas ayaa yimid kaddib markii ay dad mudaharaadeyaal ah la wareegeen hoygiisa rasmiga ah, sidoo kalena dab qabadsiiyeen guriga Raysul Wasaaraha.

Amiirka Al-Shabaab, Abuu Cubayda oo fariin ‘sagootin ah’ usoo diray ATMIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha kooxda Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubayda oo soo saaray fariin ku socota ATMIS ayaa ku dheeraaday fashil militeri oo uu sheegay inuu heysto howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo 15 sano si xariir ah uga socda Soomaaliya.

Abuu Cubayda ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in howlgalka Midowga Afrika uu Soomaaliya ka bixi doono isagoo aan gaarin wax hadaf ah, sida uu hadalkiisa u dhigay, “Waxaa hadda loo sameeyey mudo kordhin. Su’aasha is weydiinta mudan waxay tahay, ma waxay 15 sano ku qaban waayeen ayay 2 sano gudaheed ku qabanayaan?” ayuu yiri Abuu Cubayda.

Wuxuu ku faanay in kooxdiisu ay aad isaga caabisay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, isagoo sheegay in hadda ay Al-Shabaab u diyaar garoobeen in si buuxda ay u fashiliyaan howlgalkaan, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Wuxuu soo hadal qaaday duullaankii ay kooxdu bil ka hor ku qaaday xerada ciidanka Burundi ee deegaanka Ceelbaraf, isagoo yiri, “Duulaanadii taariikhda galay waxaa u dambeeyey kii aan ku qaadnay Ceelbaraf, halkaas oo lagu xasuuqay Burundeyska, looguna aaray Muslimiinta deegaannadaas ku nool.”

Ugu dambeyntii hoggaamiyaha Al-Shabaab Axmed Cumar Abuu Cubayda wuxuu hadalkiisa ku aadan ATMIS kusoo gunaanaday, “Waxaan leeyahay huwanta Afrikaanka ah, guuldarradu habeenba nin bay la hoyataa ee ku tusaale qaata jabkii Mareykanka kasoo gaarey Afghanistan. Mareykanka oo in ka badan 100 kun oo ciidan ah iyo 100 kun oo qandaraasleyaal ah u joogeen Afghanistan ayaa ugu dambayntii isaga cararay, isagoo aan guulna soo hoyn, hal hadafna xaqiijin.”

Daawo: Marwada 1-aad oo ballan qaad muhiim ah u sameysay 16 gabdhood

Muqdisho (Caasimada Online) – Marwada koowaad ee qaranka Qamar Cali Cumar ayaa galabta soo booqatay xarunta gabdhaha agoonta ah ee Boondheere, iyadoo u mahad celisay dowladda Jabuuti oo hir gelisay xaruntaan.

Marwo Qamar ayaa 16 gabdhood oo agoon ah oo sanadkaan dhameystay waxbarashada dugsiga sare waxay u balan qaaday inay ka bixi doonto waxbarashada Jaamacadda.

Maamo Qamar oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in awooda dowladda ay ku caawi doonto gabdhahaan, iyadoo si weyn ugu mahad celisay walaalaha reer Jabuuti, gaar ahaan madaxweyne Ismaaciil Geelle iyo Marwadiisa oo hir-geliyey xaruntaan.

In ka badan kun gabdhood oo agoon ah ayaa wax ka barata xaruntaan oo shaqeyneysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, waxayna ka kooban tahay heerarka kala duwan ee dugsiyada.

Dufcadii ugu horeysay ayaa sanadkaan ka qalin jebisay dugsiga sare, kuwaas oo maanta Marwada koowaad ee qaranka Qamar Cali Cumar ay balan qaaday inay waxbarashada jaamacadda ka bixi doonto.

Gabdhaha ay Maamo Qamar balan qaaday waxbarashadooda oo dhankooda warbaahinta la hadlay ayaa aad uga mahad naqay sida ay ugu damqatay, isla markaana ay uga jawaabtay kaalin ay baahi weyn u qabeen.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/JUWQKHSMfrI?t=3

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo gaaray Asmara

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhow gaaray magaalada Asmara ee dalka Eritrea, halkaasi oo ay uga billaabatay booqasho qaadan doonta afar maalmood.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Meskel ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku yiri “Isaga oo casuumad ka helay madaxweyne Isaias Afwerki, madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta Asmara ku yimid booqasho afar maalmood ah. Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa waxaa si diiran usoo dhoweeyey madaxweyne Afwerki.”

“Labada madaxweyne waxay yeelan doonaan wada-hadallo lagu xoojinayo xiriirka diiran ee labada dal iyo arrimaha gobolka ee ay danaha ka wadaagaan. Madaxweyne Xasan Sheekh iyo wafdigiisa waxay sidoo kale booqan doonaan qeybo badan oo dalka ka mid ah iyo barnaamijyada horumarka ee socda,” ayuu yiri

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrinta ugu weyn ee madaxweynaha u tegay Asmara ay tahay u kuurgelida iyo qiimeynta xaalada ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyay dalkaas labo sano ka hor iyo sidii dib dalka loogu soo celin lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweynaha ayaa doonaya inuu ogaado baahiyaha ciidanka iyo haddii ay jiraan caqabado hortaagan dib u soo celinta ciidankaas, taasi oo uu kala hadli doono madaxweyne Afwerki.

Waxaa jiray warar sheegaya in ciidankaas ay arrimo dhaqaale u xayiran yihiin, iyadoo la sheegayo inay jirto balanqaad dowladda Qatar horay ugu sameysay xukuumaddii hore oo ahaa inay bixin doonaan dhaqaalaha ku bixi doona tababarka ciidankaas kumanaanka gaaraya, waana tan keentay in Madaxweynuhu ku hormaro Eritrea ka hor inta aanu aadin dalka Qatar.

Askartaas ayaa tiro ahaan dhan illaa 5,000 oo askari ayaa dalkaas ku sugan in ka badan laba sano, wuxuuna Xasan Sheekh horey u ballan-qaaday inuu dalka kusoo celin doono. 

Warbaahinta Eritrea qaarkeed ayaa qortay in Xasan Sheekh uu munaasabadda maalinta ciidda la qaadan doono askartaas oo muddo dalkooda ka maqan.

Xasan Sheekh ayaa intii uu ka mid ahaa Musharaxiinta Mucaaradka uu su’aalo badan ka keenay halka Ciidankaas ku dambeeyeen iyo sidii dowladdii hore aysan Shacabka iyo waalidiinta dhalinyaradaas ula wadaagin xogta ciidamadaas oo xaaladooda oo warar kala duwan ka soo baxayeen.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa dhowaan sheegay in qaar kamid ah dhalinyaradii tababarka looga qaaday dalka Eritrea ay siyaabo kala duwan u dhinteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka.


Madaxweyne XASAN oo u safray dalka Eritrea + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ugu ambabaxay dalka Eritrea kadib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa dalkaas Mudane Isaias Afwerki. 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa yeellan doona wada-hadallo dhinacyo badan taabanaya, iyaga oo si gaar ah u lafo-guri doona xiriirka iyo iskaashiga labada dal. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in arrinta ugu weyn ee madaxweynaha u baxay ay tahay u kuurgelida iyo qiimeynta xaalada ciidamada Soomaaliyeed ee tababarka loo geeyay dalkaas labo sano ka hor iyo sidii dib dalka loogu soo celin lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan.

Madaxweynaha ayaa doonaya inuu ogaado baahiyaha ciidanka iyo haddii ay jiraan caqabado hortaagan dib u soo celinta ciidankaas, taasi oo uu kala hadli doono madaxweyne Afwerki.

Waxaa jiray warar sheegaya in ciidankaas ay arrimo dhaqaale u xayiran yihiin, iyadoo la sheegayo inay jirto balanqaad dowladda Qatar horay ugu sameysay xukuumaddii hore oo ahaa inay bixin doonaan dhaqaalaha ku bixi doona tababarka ciidankaas kumanaanka gaaraya, waana tan keentay in Madaxweynuhu ku hormaro Eritrea ka hor inta aanu aadin dalka Qatar.

Askartaas ayaa tiro ahaan dhan illaa 5,000 oo askari ayaa dalkaas ku sugan in ka badan laba sano, wuxuuna Xasan Sheekh horey u ballan-qaaday inuu dalka kusoo celin doono. 

Warbaahinta Eritrea qaarkeed ayaa qortay in Xasan Sheekh uu munaasabadda maalinta ciidda la qaadan doono askartaas oo muddo dalkooda ka maqan.

Xasan Sheekh ayaa intii uu ka mid ahaa Musharaxiinta Mucaaradka uu su’aalo badan ka keenay halka Ciidankaas ku dambeeyeen iyo sidii dowladdii hore aysan Shacabka iyo waalidiinta dhalinyaradaas ula wadaagin xogta ciidamadaas oo xaaladooda oo warar kala duwan ka soo baxayeen.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdikariin Cali Kaar ayaa dhowaan sheegay in qaar kamid ah dhalinyaradii tababarka looga qaaday dalka Eritrea ay siyaabo kala duwan u dhinteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii uu xafiiska yimid bilaabay safarro dalka dibaddiisa ah kuwaasi oo looga dan leeyahay xoojinta iskaashiga ay Soomaaliya la leedahay caalamka. 

Sawirro: Madaxweyne Xasan oo kumanaan qof kula ciiday Masjidka Cali Jimcaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed kula tukaday salaadda ciidda masaajidka Cali Jimcaale oo dhawaan laga dhisay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka. 

“Masjidkan oo dhulka laga hirgaliyayay ay dowladdu bixisay; waxaan rabaa in aan u mahadceliyo dadkii Soomaaliyeed ee dhaqaalahooda galiyay, sida tabarucaadda ahna u dhisay, tanina waa astaan wanaagsan oo muujineysa sida dowlad iyo shacabba aan mas’uuliyadda isaga saareyno diinteenna suubban. Waan ilaalinaynaa, waan dhowreynaa; wixii horumarinaayo diinta ayaan sameyneynaa”. 

Waxaa qarashka lagu dhisay masjidka bixiyey ganacsadaha weyn ee Sheekh Axmed Nuur Cali Jimcaale, oo ah saamilaha ugu sarreeya shirkadda isgaarsiinta Hormuud, kaasoo masjidka ugu magac daray Aabihiis Cali Jimcaale Allaha u naxariistee.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo, gaar ahaan farxadda ciidda oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada ka soo horjeedda dowladnimada Soomaaliyeed. 

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed u rajeeyey in sannadkan sannadkiisa ay ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo xasillooni, isagoo kula dardaarmay in ay gacmaha is-qabsadaan, qalbiyadana isu furaan.