27 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Ujeedka kulankii ay xubnaha Midowga Yurub la qaateen madaxweyne Deni + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa  goordhoweyd oo maanta magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland gaaray xubno ka socda beesha caalamka, xili uu xalay madaxweyne Deni jeediyay qudbad xasaasiya oo la xiriirta khilaafka doorashada.

Wafdigan oo ka socda Midowga Europe ayaa waxa hoggaaminayo Ergayga Midowga Europe ee Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martínez, oo saaka ka kicitamay magaalada Muqdisho.

Waxaa Ergeyga ku wehliya safarkaan Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Safiirka Sweden ee Soomaaliya Staffan Tillander.

Nicolas iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo galbiyay Qasriga madaxtooyada Puntland, halkaasi oo ay kulan kula qaateen madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo ay ku wehlinayaan Wasiirka arrimaha gudaha, Qorsheynta iyo Warfaafinta.

Kulankaan ayaa qeyb ka noqonaya cadaadiska ay beesha caalamka ku saarayso madaxweyne Deni inuu ka qeybgalo shirka wada-tashiga ee madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu shalay ka furay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu kusoo aadaya, ayada dowladda federaalka ay maanta markale ka dalbatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inay soo xadiraan shirweynaha Muqdisho,  si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada.

Waxaa weli cakiran xaalada dalka, gaar ahaan caasimada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen iska hor-imaadyo u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iuo Musharaxiinta mucaaridka.

Villa Somalia oo soo saartay qoraal ku socda Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa maanta farriin culus u dirtay madaxda Puntland iyo Jubaland, ayado ka dalbatay inay yimaadan magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirweynaha uu shalay furay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda mar kale ugu yeerayso Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubaland inay ku soo biiraan shirka wadatashiga ah ee lagu dhammeystirayo talo soojeedintii ay isla meel dhigeen Guddigii Farsamada ee ku kulmay Baydhabo 15-16 Febraayo 2021.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya iyada oo ka duuleysa baahida loo qabo in dalka doorasho loo jiheeyo waxay xal u aragtaa in dhammaan Dowlad Goboleedyada ay ka qeyb qaataan dhameystirka geeddi socodka doorashooyinka dalka, loogana gudbo marxaladdan hadda lagu jiro wada hadal, isqancin iyo in loo tanaasulo danta guud,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ayaa weli ku adkeysanaya in shirkii Muqdisho ee uu hore ugu baaqay, islamarkaana uu shalay furay ay soo xaadiraan madaxda ka maqan, si xal looga gaaro is-mari-waaga doorashada, ayada oo xaalada caasimada ay cakiran tahay.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka loo jiheeyo doorasho, lagana mira dhaliyo heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ku gaareen magaalada Muqdisho iyo habraacyadii lagu dhammeystiray fulinta heshiiskaas”.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland ayaa iyagu ka deyrinaya xaalka dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo dhamaadka toddobaadkii hore uu iska hor-imaad ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Dowladda federaalka oo hormuud ka yahay Farmaajo ayaa shalay furay shir ka dhacay Madaxtooyada, kaasi oo ay ka qeyb galeen madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed oo iyaga lagau tiriyo hogaamiyeyaal taabacsan madaxwyenaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Arrintan ayaa imaneysa xili uu xalay madaxweynaha Puntland sheegay in arrimo la xiriira amniga uu uga baaqsaday tagitaanka Muqdisho, lamana oga sida ay uga jawaab celin doonaan maamuladan dhawaaqan cusub ee kasoo baxay Villa Somalia.

Midowga Musharaxiinta oo ku dhawaaqay dibad-bax kale oo ka dhacaya Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho uga dhawaaqay in banaanbax nabadeed ay ku qabanayaan taalada Daljirka Dahsoon.

Midowga waxey sheegeen in banaanbaxaan looga gol leeyahay iney ku dalbanayaan qabashada doorasho xor ah oo xalaal ah, uuna 26-ka Febraayo ka dhacayo taalada Daljirka Dahsoon.

Dibadbaxn ayaa imanaya ayada oo dowladda ay horay u hor istaagtay banaanbax ay isla midowga iclaamiyeen jimcadii lasoo dhaafay.

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shir jaraa’id ku sheegay ineysan wali ka tanaasulin midowgooda banaanbixii nabadeed oo ay horay ugu baaqeen, wuxuuna mar kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isugu yimaado taalada Daljirka Dahsoon ee dagmada Boondheere.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in banaanbaxa uu yahay mid dastuuri ah, qof walbana uu xaq u leeyahay inuu si xor ah kusoo bandhigi karo aragtidiisa, wuxuuna ka digay in mar kale la hor istaago banaanbaxaas.

Mar kale ayuu Shariif ku celiyay in sii hayaha madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu dalka ku heysto xukun Militari, sidoo kalana wuxuu saraakiisha ciidanka ugu baaqay inaan loo adeegsan wax aan sharciga waafaqsaneyn.

Jimcadii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneed 19-ka February ayey aheyd markii ay dowladda diiday in banaanbax nabadeed lagu qabto Muqdisho.

Ciidamada Dowladda ayaa lagu eedeeyay iney weerareen hotel ay daganaaayeen laba madaxweyne hore iyo gudoomiye Baarlamaan hore, sidoo kalana waxey rasaas ku kala eryeen shacab, musharaxiiin, xildhibaano iyo siyaasiyiin banaanbax ku dhigayay meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Lama oga tallaabada ay dowladda qaadi doonto iyadoo walaaca laga qabo xaaladda dalka, gaar ahaan Muqdisho ay tahay mid aan wanaagsaneyn.

Safiirkii hore ee TURKIGA oo si lama filaan ah uga fal-celiyey khudbadii DENI

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirkii hore ee Turkiga u qaabilsanaa arrimaha dalka Soomaaliya sanadihii 2011-kii illaa 2014-kii Amb. Cemalettin Kani Torun ayaa si adag uga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan marxaladda kala guurka ah ee hadda lagu jiro.

Mr Cemalettin Kani Torun ayaa marka ka facl-celiyey khudbaddii uu xalay Garoowe ka jeediyey madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullahi Maxamed Deni oo si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed & is mari-waaga ka taagan doorashooyinka.

Diblomaasigan oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Twitter-ka aya ugu baaqay xubnaha beesha caalamka inay ku baraarugaan hadallada kasoo yeeray madaxweyne Siciid Deni, isaga oo shaaciyey in xiligan Afrika aysan u baahneyn kaligii-taliye iyo dagaal sokeeye.

“Digniinta Deni baraarug ha u noqoto Beesha Caalamka, Afrika uma baahna kaligii taliye kale ama dagaal sokeeye oo dhiig badan ku daato, Beesha Caalamka waa inay dhaqso wax uga qabataa intay goori goor tahay,” ayuu yiri safiirkii Turkiga ee arrimaha Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayao, iyada oo uu haatan dalku ka jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana uu muddo xileedkii ka dhamaaday dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo aan weli heshiis lagu heyn hannaanka doorashooyinka dalka ee 2021-ka.

Beesha caalamka oo caadis xoogleh saareysa Axmed Madoobe iyo Saciid Deni

0

Garoowe (Caasimada Online) – Beesha caalamka ayaa billowday in cadaadis xoogleh saarto madaxweynayaasha maamullada Puntland & Jubbaland oo weli ka maqan shirka wada-tashiga magaalada Muqdisho ee u dhexeeyo dowladda iyo dowlad goboleedyada.

Wararka ayaa sheegaya in wufuud ka socota beesha caalamka ay saacadihii lasoo dhaafay gaareen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wafdigan ayaa maanta kulan gaar ah la leh Siciid Deni, iyaga oo kala hadli doono ka qeyb-galka shirka golaha wada-tashiga qaranka ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in xubno kale oo ka socda beesha caalamka ay kusii jeedaan dhanka Kismaayo, si ay u wajahaan Axmed Madoobe oo weli si weyn uga soo horjeedo dowladda federaalka Soomaaliya iyo hannaanka doorashooyinka.

Xubnaha beesha caalamka ayaa dadaalkooda isugu geynaya sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa dhinacyada ka qeyb-galaya shirka doorashooyinka, si xal loogu wada-gaaro.

Puntland & Jubbaland ayaa weli tabasho xooganka tirsanaya madaxda Villa Soomaaliya, waxaana saacaihii ugu dambeeyey hadallo kulul usoo mariyeen dhinaca warbaahinta.

Turkiga oo bayaan kasoo saaray xaaladda Somalia

0

Ankara (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka & doorashooyinka 2021.

Ugu horreyn Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan hannaanka doorashada dalka.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa loogu baaqay inay si wadajir ah xal uga gaaraan is mari-waaga doorashada & heshiiskii 17-kii September.

“Waa Muhiim in laga wada qaybgalo xal ka gaarista muranka salka ku haya doorashooyinka, dhammaan Saamileyda Siyaasadda waa in laga fogaadaa rabsho, isla markaana waa in wadajir xal looga gaarayaa heshiiska dhacay 17-ka September 2020,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya “Waxa aan rumeysan nahay in walaalaheen & saaxiida Soomaaliya ay leeyihiin Rabitaan & bisayl siyaasadeed oo ay ugu go’aan gaari karaan Mustaqbalkooda,”.

Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay is qab-qabsiga doorashada, kadib markii ay todobaadkan rabashado xoogan ay ka dhaceen magaalada Muqisho.

Midowga musharaxiinta oo isku khilaafay kulamo ka dhacay Muqdisho (Xog)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in midowga musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ay dood soo kala dhax-gashay, taas oo ka dhalatay kulamo habeen hore ka dhacay magaalada Muqdisho waxaana kulamadaas lala qaatay madaxda maamullada Galmudug iyo HirShabeelle. 

Axmed Cabdi Kaariye iyo Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, oo ah madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle, ayaa habeen hore la kulmay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, iyagoo kala hadlay qalalaasihii ka dhacay Muqdisho. 

Si kastaba, sida ay ogaatay Caasimada Online, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan mucaaradka ayaa Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Kheyre ku qabsaday in ay ka qeyb galaan kulamadaas, iyadoo aan laga tala gelin xubnaha kale ee Golaha Midowga. 

Xubnahan ayaa ku dooday in kulamadaas ay ahaayeen qalad inay dhacaay, ayada oo Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay ka aamuseen dhibaatadii ciidamada dowladda ay u gaysteen shacabkii ay ku mataleen siyaasadda dalka, ayaga oo xabadeeyey xilli ay dibad-baxayeen.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaan qarsan dareenkiisa, wuxuuna qoraal uu shalay soo dhigay facebook ku yiri “Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.”

Qoor Qoor iyo Guudlaawe ayaa ah madaxweynayaal uu kursiga ku fariisiyey Farmaajo, mana la filayo inay marnaba hadal ka dhan ah u sheegaan si shaacsan.

Maxay ka wada-hadleen Cali Guudlaawe iyo Shariif?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sidoo kale ah guddoomiyaha midowga musharraxiinta.

Ujeedka Cali Guudlaawe uu xalay ugu tegay Sheekh Shariif Sheekh ayaa ahaa booqasho isugu jirto salaan iyo is xog-wareysi ku aadan xaaladda uu dalka marayo.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada-hadlay xaaladda dalka iyo is mari-waaga weli ka taagan hannaanka doorashada dalka ee sanadkan 2021-ka.

Sidoo kale waxay isla soo qaadeen rabshadihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho & dibad-baxii laga hor istaagay xubnaha musharraxiinta mucaaradka.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya in labada mas’uul ay ku ballameen kulamo kale oo looga arrinsayo xaaladda adag ee lagu jiro, siiba marxalada kala guurka ah.

Madaxweynaha HirShabelle ayaa horey ula kulmay madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo ka wada-hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Guudlaawe waa madaxweynihii labaad ee dowlad goboleed ee la kulma hoggaanka midowga musharraxiinta, kadib rabshadihii ka dhacay caasimada dalka ee Muqdisho.

Saaciid Deni: “Waxaan ka baqeynay in Villa Somalia raashinka sun noogu darto”

0

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in aysan wax farqi ah u dhaxeyn Al-Shabaab iyo madaxdweynaha xilkiisa dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Saciid Deni oo arrimo badan kafishay ayaa si cad u shaacay in Farmaajo uu ku qabsaday sababta ay ula kulmeen siyaasiyiinta iyo madaxdii hore ee dalka, maadaama buu yiri aan aniga idiinku casuumay Muqdisho.

“Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye, anigaa idiin casuumay, haddaanu imid caasimadii dalka, oo weliba ha la is xantee qabaa’ilka Hawiye xuduntiisa tahay, ma waxaa leedahay ha arkinina, oo ha-kala xaajoojina xalka Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed aanu kala irdhoobin, waxaan iri taasi suuragal ma ahan,” ayuu yiri Madaxweyne Saciid Deni.

Mar uu ka hadlayay aaminaada lagu qabo in kulan looga arrinsanaayo arrimaha doorashada iyo xal u helida mushkilada taagan oo lagu qabto Muqdisho, Deni waxa uu sheegay inaysan jirin aaminaad ay ugu qeyb galaan maadaama taliska Farmaajo aan la aamino karin, sida uu yiri.

Deni ayaa sheegay in xitaa marka ay tagaan Villa Somalia ay ka baqi jireen in raashinka sun loogu daro, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu ku tilmaamay inay la mid yihiin kooxda argagixisada Al-Shabaab oo aysan waxba ugu duwaneyn, isagoona muujiyay in Shabaab iyo Farmaayo aan la kala saari karin, sida uu hadalka u dhigay.

“Al-Shabaab miyaan ka baqnaa mise Villa Somalia, sababtoo ah waxyaabaha ay adeegsanayaan wax farqi ah uma dhaxeeyaan, mar walbana khatar ayaan ku jirnaa,” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

Saciid Deni ayaa cod dheer ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ugu horyimaadaan in wadanku ku laabto nidaamkii kali-talisnimo ee laga soo gudbay 30 sano ka hor, iyadoo laga fogaanaayo qabiileysi iyo in dalku dib ugu laabto burbur iyo nidaam daro.

Golaha ammaanka oo kulan ka yeelanaya Soomaaliya

0

New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta kulan xasaasi ah ka leh xaaladda Soomaaliya & doorashooyinka 2021-ka.

Fadhigan ayaa golaha ammaanka waxa ay uga doodi doonaan xaaladaha soo kordhay ee dalka, gaar ahaan muranka xoogan ee weli ka taagan hanaanka doorashooyinka.

Golaha ayaa si gaar ah diirada u saari doono ammaanka, doorashooyinka, siyaasadda iyo waqti kordhinta ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM.

Sidoo kale waxa ay warbixin ku aadan xaaladihii ugu dambeeyey ka dhageysan doonaan wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya, James Swan oo kulanka uga qeyb-galay hab maqal iyo muuqaal ah, isaga oo jeedin doono warbixinta dhabta ah ee  dalka.

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale la filayaa in ay bayaan kasoo saaray xaaladda cakiran ee dalka, gaar ahaan maxaladda kala guurka ah ee lagu jiro.

Si kastaba kulankan ayaa kusoo beegmaya, iyada oo xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ay golaha ammaanka u gudbiyeen qoraal la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan tabashadooda, waxayna dalbadeen in QM ay soo fara-geliso xaaladda Soomaaliya

Al-Shabaab oo deegaanka Yaaq-bari weyne gubtay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab ay weerar xun ku qaadeen deegaanka Yaaq-bari weyne oo ka tirsan gobolkaasi oo dhaca Koonfur Galbeed Somalia.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dab qabad-siisay deegaanka, islamarkaana ay ku mareen inay isaga guuraan dadka deegaanka.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay bas-beeleen guryo fara badan oo ay daganayeen dad shacab ah, sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sidoo kale Caasimada Online u sheegay in arrintan ay ka dambeysay, kadib markii ay dadka deegaanku taageero u fidiyeen maleeshiyaad beeleed abaabulan oo dagaal kala hortegay dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Ma jiro wax khasaare ah nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan, marka laga reebo gubashada deegaanka Yaaq-bari weyne ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka gobolka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi.

Daawo: Deni oo shaaciyey ‘arrimo qarsanaa oo uu si cad ugu sheegay’ Farmaajo

0

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garowe ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka, isagoo shaaca ka qaaday arrimo badan oo xasaasi ah oo uu Farmaajo qorsheynayo.

Saciid Deni ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ku eedeeyey wax kasta oo dib u dhac iyo khilaaf ku keenay doorashada Soomaaliya, isagoo mid mid u dul istaagay qodobada uu ku eedeynayo Farmaajo.

Deni ayaa ku eedeeyey in Farmaajo uusan rabin doorasho sax ah oo dalka ka dhacda, ee mar waliba sameynayey wax aan macquul ahayn si waqtiga loo dhammeeyo, markii ugu danbeysayna uu ku dhegay magaalada Garbahaarey.

Madaxweynaha Puntland ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in madaxweyne Farmaajo oo xalka Garbahareey laga waayey loo sii daba fadhiyo xaaladda dalka Soomaaliya oo dhan. Sidoo kale Saciid Deni ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu u sheegay in beeshiisu aysan ka yeeleyn in gobolka Gedo uu ku wareejiyo Jubaland.

Waxa uu sheegay in Farmaajo uu si cad ugu sheegay inuu dalka xoog ku maamulayo, islamarkaana Hawiye qeylinaya, sida uu hadalka u dhigay, aysan waxba ka qaadi karin “sababtoo ah wuxuu haystaa ciidan.”

Madaxweynaha Puntland waxa uu intaas ku darau in Farmaajo ay dad kasoo jeeda Hawiye ay kala shaqeynayaan sidii uu dalka xoog ugu maamuli lahaa, ayna halistu tahay inuu dalku ka rido dagaal sokeeye.

Markii aan Xamar tagnay wuxuu Farmaajo nagu qabsaday aniga iyo Axmed Madoobe maxaad ula kulanteen siyaasiyiinta iyo odayaasha Hawiye,” ayuu yiri Sacid Deni.

Sidoo kale waxa uu sheegay inuu ku dacweeyey masuul kasta oo ku heyb ah, balse qaarkood uu kala kulmay eedeyn ah inuu kala saftay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Saciid Deni ayaa sidoo kale shaaciyey in Farmaajo uu dhisay ciidamo isaga u daacad ah sida Haramcad iyo Gorgor, oo aan marna dagaal la gelin Al-Shabaab balse uu isagu adeegsado, ayna weerarro ka fuliyeen Galmudug, Gedo iyo Daljirka Dahsoon oo Muqdisho ah.

Deni ayaa ugu dambeyn sheegay in dalka uu halis ugu jiro inuu dagaal sokeeye ku laabto, iyadoo beesha caalamka aanay wax badan kala socon, islamarkaana Puntland aanay qeyb ka noqon doonin halista Farmaajo, sida uu yiri.

Hoos ka daawo khudbadda Deni oo dhameystiran

 

Midowga Musharaxiinta oo qoraal xasaasi ah u diray Golaha Ammaanka QM

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Midowga Musharrixiinta ayaa warqad ay u direen Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward, waxay ku dalbadeen in xaaladda Soomaaliya si dhaw loo soo farageliyo si loo hubiyo in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

Musharrixiinta qoraalka diray oo gaaray 15 ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudda xileedkiisu dhamaaday iyo xulafadiisa maamulka inay diideen ka shaqeynta fududeynta doorashooyin xor iyo xalaal ah.

Waxay ka digeen haddii Golaha Amnigu uusan fara gelin xalaadda dalka uu Farmaajo sii wadi doono carqaladeynta dadaallada lagu doonayo geeddi-socod doorasho oo dimuqraadi ah.

Waxay warqaddooda ku sheegeen in xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta oo khatar ku ah xasilloonida Soomaaliya ay ka dhalatay Siyaasada Farmaajo ee lagu bartilmaameedsanayo Dowladaha xubinta ka ah Federaalka iyo kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeedda, oo ay weheliso ficilkiisa ula kaca ah ee sida joogtada ah dib loogu dhigo doorashooyinka si loo raadiyo muddo kordhin sharci darro ah ama awood lagu qabsado qaab militari.

Waxay codsadeen in Farmaajo lagu qasbo inuu joojiyo dhammaan faragelinta lagu hayo howlaha doorashada iyo inuu xilka ku wareejiyo gole ku-meel gaar ah oo qaran oo ka kooban Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaasha Aqalka Hoose iyo golaha shacabka.

 “Waxaa burburay kalsoonidii siyaasadeed ee Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan markhaati ka nahay dadaal nidaamsan oo uu Farmaajo ku doonayay inuu ku majaxaabiyo dimuqraadiyadda, una adeegsado xoogag milatari si uu sharci darro xafiiska ugu sii joogo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale sheegeen in Febaraayo 18-19 ay ciidamada dowladda federaalka oo ka amar qaadanaya Farmaajo ay isku dayeen dilka dhowr murashax madaxweyne iyo hogaamiyaasha mucaaradka, sida ay hadalka u dhigeen, ayna rasaas ku fureen iyaga iyo dibadbaxayaal kale oo si nabad ah isugu soo baxay magaalada Muqdisho si ay u dalbadaan doorasho deg deg ah, ayna sidoo kale Hotelka Ma’ida ku weerareen seddex musharax. 

“Ficilladaan gardarrada ah ma ah kaliya sharci darro iyo anshax xumo, laakiin waxay horumariyaan dhaqanka Farmaajo ee caburinta xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ah inay hadlaan oo ay si xor ah isu soo baxaan, arrintaas oo si aad ah u wiiqaysa rajada laga qabo doorasho xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sidoo kale ku eedeeyeen Farmaajo inuu Muqdisho ku urursaday ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee la filaayay inay la dagaallamaan Al-Shabaab, si ay weeraro cusub ugu qaadaan guryaha ay degan yihiin musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo una laayaan musharixiinta iyo hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadeed.

Qoraalka ayaa lagu yiri “Midawga Murashixiinta waxay si xushmad leh uga codsanayaan Golaha Ammaanka inuu qaado tallaabo deg deg ah oo lagu baarayo xasuuqyada uu geystey Madaxweynaha sharciyaddu ka dhamaatay si cadaaladda loo horkeeno kuwa ka masuulka ah dhibaatadii dhacday. Waxaa kale oo ay codsadeen in ficil si deg deg ah loo sameeyo si looga hortago dadaalada sharci darada ah ee taliska waqtigiisu dhamaaday ee ah inuu xukunka ku dheganaado, iyo in la hubiyo doorashooyin xor iyo xalaal ah todobaadyada soo socda.”

Qoraalka loo diray  Madaxweynaha Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, Marwo Dame Barbara Woodward ayaa sidoo kale la ogeysiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Antony J. Blinken, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamet, Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ahna Madaxweyne ku-xigeenka Guddiga Yurub, Josep Borrell Fontelles, Wakiilka Midowga Afrika ee Nabadda iyo Amniga Danjire Smail Chergui, Xoghayaha Fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha guud ee OIC Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman, iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul-Gheit.

Hoos ka arag qoraalka

Mareykanka: “Dal-na uma adeegsan karo xanuunka COVID-19 inuu ku xadgudbo xoriyadaha aasaasiga ah”

Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Anthony Blinken ayaa sheegay inaan waddanna loo oggolaanin inuu xanunka Covid-19 u adeegsado inuu ku xadgudbo xuquuqda aadanaha iyo xorriyadaha aasaasiga ah.

Blinken waxa uu hadalkan u jeediyey shir ku saabsan Covid-19 iyo tallaalka oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay 17-kii bishan Febraayo.

Blinken ma magacaabin waddan gaar ah markii uu hadalkaasi jeedinayey, waxaase uu ku baaqay in waddamada lagula xisaabtamo waajibaadka ka saaran ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Dawlada Soomaaliya ayaa isla maalinta uu hadalkaasi jeediyey waxay soo saartay amar ay ku joojinayso isku soo baxyada iyo in la isku yimaado iyadoo sheegtay inay tallaabadaas u qaadday ka hortagga faafidda Covid-19 darteed. Ma cadda in hadalka Blinken uu ku socday Soomaaliya.

Tallaabada ay qaadday dawladda Soomaaliya ayaa timid laba maalmood ka hor markii uu dhici lahaa bannaanbaxyo ay ku baaqeen mucaaradka oo ku beegnaa 19-ka Febraayo, kaasi oo gacan ka hadal ka dhashay iyadoo dhinacba kan kale u uku eedeeyey inuu soo weeraray.

Dhinaca kale, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Anthony Blinken waxa uu sheegay inay muhiim tahay in caalamku uu si wadajir ah uga hortago kana guulaysto Covid-19, iyo cudurro kale oo faafa oo mustaqbalka yimaada. Blinken waxa uu sheegay in Maraykanku ay 20-kii sano ee lasoo dhaafay ku bixiyeen lacag dhan 140 bilyan oo dollar gargaarrada caafimaadka dunida.

Waxa uu Blinken sheegay in dhamaadka bishan ay Maraykanku siin doonaan Hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO lacag dhan 200 milyan oo dollar oo ah waajibkii kusoo aaday Maraykanka.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan waddamada inay la dagaalamanaan dacaayadaha aan jirin eel aga faafiyo tallaalka, waxaana uu sheegay in haddii aan taas la samaynin la boqongoynayo hadafkii la lahaa.

Isha: VOA

Sawirro: Villa Somalia oo war kasoo saartay shirkii maanta

0

Muqdisho (Caasimada OnlIne) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa goor dhoweyd war-murtiyeed kasoo saartay shirkii uu maanta guddoomiyey madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo ay ka qeyb-galeen Madaxda dowladda goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, waxaana goobjoog ka ahaa Wakiilada Beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaana looga hadlay is-mari-waaga doorashada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxa qoraalka kasoo baxay Villa Somalia lagu sheegay in shirkaas diirada lagu saaray ‘xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar’, ayada oo la isku raacay in talo soo jeedintii guddiga ay soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna.

“Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaalladii heer Federaal iyo Dolwad Goboleed ee loo qaaday horumarinta dowladnimada, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Shirka maanta ayaa waxa uu hordhac u yahay kulankii uu hore u iclaamiyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday kaasi oo uu iskugu yeeray madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ku taariikheysnaa 18-ka ilaa 19-ka bishan.

Waxaa weli dalka ka taagan xiisada ka dhalatay doorashada, gaar ahaan caasimada oo ay si weyn iskugu hayaan madaxda dowladda ee waqtigoodu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ee u tartamaya xilka madaxweynaha.

JUBALAND oo soo saartay shan qodob oo xasaasi ah – “Farmaajo waa inuu ka dhex baxaa hanaanka doorashada”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Jubaland ayaa maanta war-saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray is-mari-waaga doorashada iyo rabshadihii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, xili uu dhamaday muddo xileedkii madaxweynaha iyo hay’adda dastuuriga ah ee dowladda.

Jubbaland ayaa waxay sheegtay inay si mug leh u fahamsan tahay muhiimada ay leedahay in dalka ka qabsoomto doorasho wada-ogol ah, oo ku saleysan hufnaan, xor iyo xalaalna ah, islamarkaana ay dadaal badan ka sameysay sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa hanaanka doorashada.

“Xalinta cabashooyinkaas ayuu Madaxweynaha dowlada Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam u tagay magaalada Dhuusamareeb, ugana qeyb qaaty shirkii halkaas kadhacay Febraayo 2-6 ee Dhuusamareeb-4, kaaso nasiib darro madaxweynaha federaalka kasoo tegay iyadoonan xal la gaarin,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxay sheegtay inay tanaasul badan u sameysay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka doorashada, waxayna sheegtay inay magaalada Baydhabo u dirtay xubnaheeda uga mid noqonayey xubnaha Guddiga Farsamada ee loo xil saarey inay ka shaqeeyaan turxaan bixinta iyo xal u helida cabashooyinkaas kor ku xusan ee ka dhashay heshiiskii 17-September ee lagu gaaray Muqdisho.

Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay qaaday tallaabooyin gurracan oo xoog sheegasho ah, kuwaasi oo aan waafaqsaneyn sharciga, islamarkaana waxyeelo u geysatay muwaadiniin gudanayay xaqooda dastuuriga, midaasi oo wiiqeysa dadaaladii doorashada, sida lagu yiri qoraalka.

Dowladda goboleedka Jubbaland ayaa ugu dambeyntiina ku baaqday 5-qoddob, ayada oo dalbatay in madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday inuu ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hanaanka doorashooyinka, si bey yiraahdeen loo helo kalsoonida dhamaan saamileyda siyaasada ee dalka.

Hoos ka aqriso qoddobada oo dhameystiran;

1. Dowlada Federaalka ee xiligeedu dhamaaday inay garowsho iyo raalli-gelin ka bixiso tallaabooyinka gurracan iyo waxyeelada ay u geysatay muwaadiniinta iyo saamileyda siyaasadeed ee dalka.

2. In la isugu yimaado shir ay kasoo qayb gelayaan dhamaan saamlleyda siyaasadeed ee dalka.

3. In goobta uu shirkaas ka dhacayo noqoto goob amnigeedu lagu kalsoonaan karo, mas’uuliyadeeduna lahaato beesha caalamka.

4. In la helo damaanad-qaad ku aadan fulinta natiijada shirkaas.

5. In Madaxweynuhu Federaalka ee waqtigiisu dhamaaday ka dhex baxo oo uusan door ku yeelan hannaanka doorashooyinka, si loo helo kalsoonida dhamaan saamileyda siyaasadeed” ee dalka.

CC Shakuur oo ka horyimid tallaabo ay qaadeen qaar ka mid ah musharaxiinta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hor-yimid in musharaxiinta mucaaradka ay la kulmeen madaxweynaha maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug Cali Guudlaawe iyo Axmed Qoor Qoor.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in kulankaas uu ahaa mid aan habooneyn, xilli aan la ogeyn mowqifkooda ku aadan weerarkii uu Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay metelaan labadaas madaxweyne goboleed, sida uu hadalka u dhigay.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir, oo ka mid ahaa siyaasiyiinta lagu rasaaseeyay wadada aada garoonka diyaaradaha iyagoo dhigaya dibad bax nabadeed, ayaa wax aan suuragal aheyn ku tilmaamay in shir doorasho lala galo ninkii weeraray hotel ay laba madaxweyne iyo gudoomiye baarlamaan hore dagan yahiin.

Qoraalkaan uu hogaamiyaha soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ku sheegay in loo baahan yahay wakhtigaan “in kaligii taliska laga badbaadiyo dalka”, wuxuuna aaminsan yahay in qof walba oo ka hor timaada dhaqanka uu kaligii talisnimo ku tilmaamay iney gudatay waajib wadani ah iyo mid akhlaaqi ah.

HALKAAN KA AKHRISO QORAALKA ABDIRAHMAN ABDISHAKUR:

Waxaan marna maangal aheyn in shir doorasho lala galo ninkii weeray hotel ay labo Madaxweyne iyo Guddoomiye Baarlamaan hore degganyihiin, weeraray shacab iyo masuuliyiin siyaasadeed oo muddaaharaad nabad ah dhigaya.

In dalka laga badbaadiyo kala talisnimo iyo natiijadeeda oo ah dirir sokeeye waa masuuliyadda saaran Soomaali oo idil. Haddaba siyaasiyiinta iyo madaxda Dowlad Goboleedyada iyo inta damiirka leh ee diiddan dhaqanka kali talisnimada iyo in dalku dagaal sokeeye dib ugu noqdo, waxey gudanayaan waajib waddani ah iyo mid akhlaaqi ah.

Ma aha in ay cidna marti uga noqdaan ama uga haybeystaan badbaadinta dalkooda. Taariikhda ayaa xusi doonta.

Ma habbooneyn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan caddeyn mowqif ay ka taagan yihiin weerarradii waxashinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deegaannadooda metelaan.

Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana cammiro shirka Farmaajo. Waa xadgudub kale in Muqdisho oo aan dibadbax nabadeed ka dhici karin la yiraahdo ninkii shacabkeedii iyo ragii la tartami lahaa weeraray ayaa doorasho lagala xaajoonayaa.

Dowladda Soomaaliya oo u jawaabtay Imaaraadka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay warqad dhowaan kasoo baxday dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta oo looga hadlay rabshadihii Muqdisho iyo doorashooyinka dalka.

Dubbe ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay dhambaallo kala duwan oo hambalyeyn ah ka heshay wadamada caalamka, gaar ahaa kuwa Carabta, wuxuuna tilmaamay inay ku boggaadiyeen dowladda sida ay uga hortagtay maleeshiyaad uu sheegay inay Muqdisho uga dhowaaqeen in dalka uusan laheyn dowlad.

“Waraaqahaas waxay naga soo gaarayeen wadamo badan oo aynu saaxib nahay, gaar ahaan wadamada Carabta oo markii ay maqleen caasimadii dhexdeeda oo laga leeyahay dowladi ma jirto aad u wal-walay. Xalay ayey wasaaraddeena arrimaha dibaddu soo saartay warqad faah faahsan oo ay kusoo dhoweynayaan talooyinkii ka yimid saaxibada caalamka, kuna bal-ballarinayaan sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri wasiir Dubbe.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in warqadahaasi ay ku dhex jirtay warqad ka timid Imaaraadka oo midab kale laheyd, islamarkaana Soomaaliya u ekeysiineyso dal madow.

“Halkan waxaa idin kuugu yeeray in shacabka Soomaaliyeed aynu u sheegno aadna la wadaagtaan in waraaqahaas ay ku dhex-jirtay warqad midab kala leh oo mustaqbalka dalkeena u ekeysiineysay mid madow,'” ayuu  markale yiri.

Waxa kale oo uu intaasi raaciyey “Warqada Imaaraadka waxaa ka muuqda in aysan aqoonsaneyn dowladnimada Soomaaliya oo ay dowladda Inkirayaan, taas oo abuureysa in hadalkii halkan laga lahaa darraad ee ahaa dowladu ma jirto iyo warqadda dowladda Imaaraadka ka timid ay isla socdaan”

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday dowladda Imaaraadka ay rabto in Soomaaliya ay noqoto sida dalalka Yemen iyo Liibiya oo kale.

“Warqadan waxaa ka muuqda in Imaaraadku Soomaaliya uu ka rabo inay noqoto sida Yemen iyo Liibiya oo kale oo ay ka buurto fowdo iyo barakac,”.

Dhinaca kale wasiir Dubbe ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Imaaraadka ay ahaayeen labo dal oo leh taariikh fog iyo saaxibtinimo ku dhisan walaalnimo, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan madaxda imaaraadka Carabta, gaar ahaan kuwa arrimaha dibadda ay xuub-siibteEn inay dhaawacaan iskaashiga & xiriirka labada dowladood & labada shacab.

“Muddo aad u dheer Soomaaliya iyo dowladda Imaaraadka Carabtu waxaa ka dhexeeyey xiriir walaaltinimo, mid dhaqan & mid ganacsi oo weliba aad u qoto dheer. Xiriirka labada dal iyo labada shacab waxaa lagu tilmaami jiray walaalihii runta ahaa, iyadoo waxaas oo dhami ay jiraan hadana muddooyinkii ugu dambeeyey, kadib markii madaxda Imaaraadka u qaabilsan arrimaha dibadda ay u dhaqmeen si aan ka tarjumeyn walaalnimadii soo jireenka aheyd ee shacabka Soomaaliyeed & dowladdoodaba waxaa galay shaki ah oo inay is weydiiyaan in Imaaraadku la jiraan & inay ka jiraan Ummadda Soomaaliyeed,” ayuu markale yiri wasiirka warfaafinta xumuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay ka xun tahay hadallada xanafta leh ee kasoo yeeray Imaaraadka, wuxuuna ugu baaqay in cudur-daar iyo raalli-geliba ka bixiso warqadaasi gefka ku ah qaranimada & sidoo kale jiritaanka Somalia.

Sheekh Yuusuf Indha Cadde: Fashiliyihii Maxaakiimta iyo Midowga Murashaxiinta

Ciidamada Itoobiya ayaa duulaan kusoo gaklay magaalada Muqdisho sanadkii 2006-kii, xiligaasi oo inta badan bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya ay nabadgelyo kusoo celiyeen Golihii Midowga Maxaakiinta Islaamiga ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu hoggaaminayay.

Xilligaas, Itoobiyaanka ayaa taageerayey dowladdii KMG ee Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geeddi hoggaaminayeen oo fadhigoodu ahaa magaalada Baydhabo, waxaana duulaanka uu yimid kadib markii ay dhammaatay rajo laga qabayo wada-hadallada dowladdii KMG aheyd iyo Maxaakiimta.

Awooddii Maxaakiimta ee Muqdisho ka saartay qabqableyaashii dagaal ayaa waxaa ay dhalisay in wada hadalo lala galo Maxaakiimtii, hase ahaatee waxaa si fudud oo ka fiirsasho laheyn iyo siyaasad xumo dhinaca maxaakiimta ay sababtay in ciidamadii Itoobiya duulaan kusoo galaan Muqdisho, cid walbana ka dheregsan tahay wixii ka dhashay, mana doonayo inaan ku fogaado musiibadii xiligaasi dhacday.

Sababta soo dedejisay xiligaasi in Muqdisho si fudud usoo galaan ciidamadii Itoobiya ayaa kow ka aheyd hadalkii ka fiirsasho la’aanta Yuusuf Indha fagaaraha Tarabuunka ka jeediyay ee ahaa in “Ciidda waxaan ku tukan doonaan Addis Ababa.”

Hadalkaasi waxaa la oran karaa wuxuu dhabar jabiyay halgankii Maxaakiimta iyo rajadii laga qabay inay wada hadlaan DKMG ee C/llaahi Yusuf iyo Golihii Maxaakiimta.

Siyaasad xumadii iyo khibrad xumadii Maxaakiimta waxay sababtay in ciidamadii Itoobiya ay xasuuq ka geysteen Muqdisho, fursadna u noqotay DKMG ee Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi oo aakhirkii Villa Somalia ku yimid taangiyadii Itoobiya.

15 sano kadib, oo laba dowladood ay ka danbeeyeen DKMG ee C/llaahi Yusuf waxaa dalku uu qabtay wado ka duwan tii hore, waxaana dalka ka hana qaaday dowladdo dimoqraadiyad ah oo doorasho ku yimid, hase ahaatee dowladdii 3-aad ee lasoo doortay 8-dii Febraayo 2017-kii madaxweynahana ka noqday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kuma guuleysan inay qaato wadadii dowladdihii ka horeeyay ee xukun isku dhiibka ahaa.

Afar sano oo xukunka uu hayay Farmaajo wuu ku fashilmay inuu dalka u horseedo doorasho nooceey doonto ha ahaatee, wuxuu doorbiday in dalku doorasho galo, taasoo ka dhalatay buuq iyo in shacabka kalsoonidii ay u hayeen afar sano ka hor naceyb ugu badalaan.

Waxey aakhirkii kusoo biyo shubatay in Farmaajo xukunku isku dhejiyo isagoo baal maray dastuurkii qeexayay in dalku doorasho galo afartii sanaba mar, taasoo keentay guux dadweyne iyo mid siyaasiyiin xukun doon ah.

Shirar kala duwan oo loogu gogol xaarayay qabsoomida doorasho la isla ogal yahay ayaa fashilmay, maamuladii dalka ayaa kala qeybsamay, in la aado doorashadana waxaa ay kusoo biyo shubatay khilaaf ka dhashay qaabka doorasho ee maamulka gobolka Gedo ee Jubaland ka tirsan, madaxweyne Farmaajana guuldaradiisa siyaasadeed iyo mastuqbalkiisa oo xumaado ayuu ka dhex arkay in haddii maamulka Axmed Madoobe maamulo doorashada Gedo, taas badalkeedna wuxuu caqabad ku noqday heshiis walba oo arrinta gobolka Gedo laga gaaro.

Shirarkii kale ee lagu balamayna ay noqdeen kuwo caqabada ugu weyn ee xal loo heli waayay noqotay maamulka doorashada deegaan ee Gedo, madaxweynahana uu doorashadii qaran u xagal daaciyay hal gobol oo uu kasoo jeedo.

Golaha Midowga Murashaxiinta oo qabay tuhun ah in Farmaajo doorasho qaban doonin ee uu doonayo mudo kororsi ayaa wado walba u maray sidii loogu dhaadhicin lahaa inuu dalka doorasho u horseedo, hase ahaatee xiligii mudo xileedkiisii dhamaaday 8-Febraayo, waxay murashaxiinta abaabuleen bannaanbax nabadeed oo lagu dalbanaayo in xukunka uu banneeyo, dalkana doorasho ka dhacdo, taasina waxay horseeday wajiyo kale oo colaad iyo saan saan aan wanaagsaneyn.

Golaha Midowga Murashaxiinta waxay iclaamiyeen bannaanbax nabadeed oo 19-kii bishan ka dhici lahaa Taallada Daljirka Dahsoon, hase ahaatee wuxuu isku badalay Jimca “Dhiigeed” maadaama dowladda ay kasoo horjeesatay, waxayna taasi sababtay in weerar aan loo qiil dayin lagu soo qaado madaxweyneyashii hore Xasan Sheekh iyo Shariif Sh. Axmed oo hormuud u ahaa bannaanbaxyadaasi oo cabsi geliyay madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Farmaajo.

Waxaa guuldareystay dadaaladii Imaamka, Ugaaska iyo waxgaradkii gobolka Banaadir oo waxba kama jiraan laga soo qaaday balanqaadyadii labada dhinac ay galeen.

Hadaba waxaa la isweydiinayaa bannaanbaxaasi nabadeed ee midowga murashaxiinta ku baaqeen ma waxaa fashiliyay Yuusuf Indha-Cadde oo habeenimadii Jimcaha soo galeysay tegay goobtii bannaanbaxa ka dhici lahaa subaxdii Jimcaha, hadalkii uu ka jeediyay ee uu ku sheegay in dowladdi dalka ka jirin, mise kooxda Farmaajo ayaa sabab u ahaa weerarkii lagu soo qaaday Madaxdii hore ee dalka ee deganaa hotelka Maida ee aan ka fogeyn halkii balantu aheyd in bannaanbaxa ka dhaco?

Dad badan ayaa waxay dib usoo xusuusisay hanjabadii Yusuf Indha Cadde xiligii Maxaakiimta in Addis Ababa ay ku tukan doonaan Salaada Ciida oo xiligaasi ay ku beegneyd, waxayna tanina la mid tahay fashilkii xiligaasi ku dhacay maxaakiimtii Islaamiga ee nabadeeyay bartamaha iyo koonfurta Somalia.

Ali Muhiyaddin
Email: [email protected]

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Mahad Salaad: Dowladaha Carabta ee loo gefay raali-gelin ayaan ka siinaynaa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka fal-celiyey hadalkii wasiirka warfaafinta Somalia ee ka dhanka ahaa dowlada Isu Tagga Imaaraadka Carabta.

Mahad Salaad oo war qooraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebooka ayaa shaaca ka qaaday in rabashadihii ka dhacay magaalada Muqdisho iyo tallaabada xigtay ee ay qaaday dowladda aan lagu dadi karin been iyo tororog, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been iyo tororog Dubbe idaacadaha ka aqriyo,” ayuu yiri xildhibaanka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inuu raalli-gelin siinayo dowladaha Carbeed ee uu xildhibaanku sheegay in loo gefay.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa sidoo kale xusay in dalalka Carbta ay abaal weyn ku lee-yihiin shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay gacan u fidiyeen sanadihii u dambeeyey.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay eedeymo culus u jeedisay dalka Imaaraadka oo si adag uga hadlay rabshadihihii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso:-

Raaligelin naga guddooma, dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kalena yuusan idin niyadjebin!

Dadkii la laayay iyo dambiyadii dagaal ee Jimcihii Muqdisho ka dhacay laguma dabooli karo been iyo tororog Dubbe idaacadaha ka aqriyo. Waxaan mar kale ku celinaynaa in dambiileyaasha dagaal ee shacabka gumaaday shuruucda dalkana ku tuntay cadaalada si degdeg ah loo horkeeno.

Dowladaha Carabta walaalaha aan nahay ee loo gafay sharaftooda raaligelin ayaan ka siinaynaa aflagaadada, beenta iyo barobagaandada Farmaajo iyo kooxdiisa qaaqleyaasha ah soo dhoodhoobeen. Dadka Soomaaliyeed waa idiin ogsoonyihiin abaalka aad u gasheen iyo sidii gobonimada lahayd ee aad u soo garab istaagteen xiliyadii aadka u adkaa. Xasuus wanaagsan ayaanan idinkaga haynaa samaha aad noo gasheen. Waxaan idinka codsanaynaa in aysan idin niyadjebin dockayeer iyo dabadhilif dallaal u ah dowlado kale, dalkiisa iyo dadkiisana dambiyo dagaal ka galay.

Hon. Mahad Salad