28.9 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Madaxweyne Farmaajo oo shirar isugu yeeray madax goboleedyada iyo 2-da aqal

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa laba shir oo kala duwan isugu yeeray madaxda maamul goboleedyada iyo laba aqal ee baarlamanka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo tixgalinaya xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka iyo baahida loo qabo in la gudagalo qabsoomidda doorashadii lagu heshiiyey waxaa uu soo saaray go’aanadan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Go’aanada madaxweynaha kasoo baxay oo shan ah ayaa war-saxaafadeedka ugu qornaa sidan:

1- Madaxweynuhu wuxuu shir iskugu yeerayaa madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Samareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug. 

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 1-da ilaa 3-da bisha Febraayo 2021. 

4- Shirka wadatashiga ee Madaxweynuhu isugu yeerayo Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaa saldhig u ah heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5- Madaxweynuhu isaga oo gudanaya waajibkiisa Dastuuriga ah wuxuu 5-ta bisha Febraayo, 2021 shir degdeg ah isugu yeerayaa xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Fedraalka Soomaaliya, si uu warbixin uga siiyo xaaladda guud ee dalka iyo gaar ahaan doorashooyinka dalka.

Arrintan ayaa imaneysa ayada oo madaxweyne Farmaajo uu maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay wakiilada beesha caalamka, kuwaasi oo ku cadaadiyey in xal deg deg ah loo helo is-mari waaga ka taagan doorashada.

Tallaabada xigta ee u furan A/Madoobe iyo Deni kadib markii uu baaqday shirkii…

0

Waxay u muuqataa in uu baaqday shir looga hadli lahaa is-mari waaga ka taagan doorashada, kaasi oo ay ku baaqeen madaxda maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubaland inuu dhaco maanta oo ay bisha Janaayo tahay 30.

Kullanka oo ay ugu baaqeen madaxda kale ee Maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka ayaa looga wada hadli lahaa arrimaha amniga.

Khilaaf ayaa weli ka taagan arrinta la xiriira doorashada Soomaaliya. Xilka madaxweynaha wuxuu dhammaanayaa Bisha February, welina wax heshiis ah lagama gaarin.

Hadaba, maxaa u furan Puntland iyo Jubaland?

Prof Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga jaamacado ku yaalla Mareykanka iyo Koofur Afrika, kana faallooda arrimaha Soomaaliya oo BBC-da u warramay, ayaa aaminsan in haddii uu shirku qabsoomi waayo ay jiraan arrimo badan oo u furan labada maamul-goboleed.

“Waxyaabo fara badan ayaa suurto gal ah, laakiin waxay noqon doonto Allaa og. Waxaa la isugu yeeri karaa labada guri ee baarlamaanka madaxdooda, waxaa la isugu yeri karaa gobollada oo dhan, madaxweynaha uun ayaa ka maqnaanaya,” ayuu yiri.

Waxaa horey loogu baaqay dhowr kulan si loo xalliyo khilaafaadka doorashada ee soo baxay ka dib heshiiskii bishii Septmebr ay wada saxiixdeen madaxda maamullada iyo dowladda Federaalka.

Beesha Caalamka, ee uu hoggaaminayo xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa horay uga dalbatay dhinacyada ay khuseyso siyaasadda Soomaaliya in ay meel dhexdhexaad ah oo la isku waafaqsan yahay ka istaagaan arrimaha doorashada, ka hor inta aan wax tallaabo ah loo qaadin fulinteeda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Beesha Caalamka ee Soomaaliya taageerto waxaa lagu sheegay in “ay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada si horey loogu socdo”.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – Waana in aysan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn”.

Cabdi Ismaaciil ayaa sidoo kale sheegay in beesha caalamka aysan dooneyn in qalalaaso uu ka dhaca dalka, sidaasna laga yaabo in ay arrinta u soo dhex gasho oo shir la isugu yeero maamul-goboleedyada iyo madaxda dowladda dhexe.

Tan iyo markii guddiyada Puntland iyo Jubaland ee doorashooyiinka, lagu dhawaaqay, waxaa sii xoogeystay khilaafka salka ku haya arrimaha doorashada ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo labada maamul ee xubnaha ka ah federaalka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta ee federaalka ayaa ku gacan seyrtay labada guddi ee lagu magacaabay Garoowe iyo Kismaayo, waxayna sheegtay in aan la waafajinin habraacyadii lagu heshiiyay.

Dowladda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama jawaabin baaqa Puntland iyo Jubaland ee ah in kulan la isugu yimaado, iyadoo ay maamulladu maanta u asteeyeen qabsoomidda shirkana ma jirto saansaan muujineysa inuu kulan dhici doono.

Hase yeeshee bayaan kasoo baxay UNSOM ayaa lagu caddeeyay mowqifka ay beesha caalamku ka taagan tahay arrintan muranka cusub dhalisay.

Qoraalka UNSOM waxaa lagu yiri: “Saaxiibada beesha caalamku* waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo.”

“Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay,” sidaa ayaa ku xusnayd warbixinta.

Sida ku xusnayd warsaxaafadeedkii ay 27-kii bishan si wada jir ah u soo saareen labada maamul ee Puntland iyo Jubaland ayaa lagu yiri: “Waxaan dhammaan ummadda Soomaaliyeed, saamileyda siyaasadda Soomaaliya iyo beesha caalamkaba la socodsiineynaa in Puntland iyo Jubaland ay mar walba diyaar u yihiin in laga wada shaqeeyo sidii doorasho loo dhan yahay oo lagu wada kalsoonaan karo ay dalka uga dhici lahayd.

“Sidaas darteed, waxaan madaxda Dowladda Federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ugu baaqeynaa in shir degdeg ah laysugu yimaado magaalada Muqdisho 30-ka January 2021 si loo xalliyo arrimaha hortaagan doorashada.”

Laakiin, bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa lagu qaaddacay labadaas liis ee ay soo saareen madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Waxay wasaaradda ku dooday in xubnaha lagu dhawaaqay ay yihiin kuwo aan la waafajin hannaankii lagu heshiiyay.

Qoraalka Wasaaradda waxaa ku dhigaa: “Heshiiskii Dowladda federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ay ku gaadheen magaalada Muqdisho, 17-kii bishii September 2020, oo ay meel mariyeen Golaha Shacabka iyo habraacyadii ku lifaaqnaa ee sida wadajirka ah loo saxiixay 1-dii October, 2020, wuxuu qeexayay hannaanka lagu magacaabayo guddiyada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.”

Isha: BBC Somali 

Qorshe culus oo ka dhan ah Shabaab oo ka billowday deegaano ka tirsan K/G

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Bakool waxay sheegayaan in maanta dowr deegaan ay duqeymo ka fuliyeen diyaarado dagaal, kuwaas oo lala beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeymaha oo ahaa kuwo isdaba joog ah ayaa ka dhacay deegaanada kala ah, Abag-beeday, Gobid-Galoole, Garasweyne iyo Moorogaabey oo dhamaantood ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Warbixin uu baahiyey TV-ga maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu shaaciyey in duqeymahaas lagu dilay xubno sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab, in kastoo aan weli lasoo bandhigin tiro rasmi ah oo lagu dilay duqeymahaas

Warbixintan waxaa lagu sheegay inay bilaawdeen dadaalo maamulka Koonfur Galbeed iyo la howlgalayaasha Soomaaliya ay Al-Shabaab uga sifeynayaan gobolka Bakool oo guud ahaan degmooyinka iyo deegaanadiisa ay qaar heystaan Al-Shabaab, qaarna go’doomiyeen.

Duqeymahaan maanta ka dhacay deegaanadaas ka tirsan Bakool waxay ku soo aadayaan iyadoo xalay duqeyn kale oo la sheegay in lagu dilay xubno Shabaab ah ay ka dhacday deegaan lagu magaaco Ma’moodow oo qiyaastii 40-KM u jira magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Duqeymahaan isdaba jooga ah ee ka dhacay gobolka Bakool, waxay ku soo aadayaan iyadoo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu dhawaan safar ku tegay magaalada Xudur oo xaalad bini’aadanimo ay ka jirto, taas oo uu kaliftay go’doon adag oo Al-Shabaab ay ku soo rogeen gobolka Bakool.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa intii uu ku sugnaa Xudur waxuu dadka reer Bakool u sheegay in maamulkiisu uu ku dhaqaaqi doono tallaabo gobolkaas looga xoreynayo Al-Shabaab, si noloshii aas-aasiga aheed ee bulshada gobolka ay dib ugu soo noqoto.

Duqeymahaan ka bilaawday deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobolka Bakool ayaa waxaa la aaminsan yahay inay ku yimaadeen dalab dowladaha taageera Soomaaliya uga yimid maamulka Koonfur Galbeed, si wax looga bedelo go’doonka 9-sano jirsaday ee Al-Shabaab ay ku hayaan inta badan gobolka Bakool iyo deegaano kale oo ka tirsan gobollada uu ka arrimiyo maamulka K/Galbeed.

Villa Somalia oo war kasoo saartay kulankii Farmaajo iyo beesha caalamka + Sawirro

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku faah-faahisay waxyaabaha looga hadlay kulankii maanta Villa Somalia ku dhex-maray madaxweyne Farmaajo iyo wakiilada Beesha Caalamka.

Hoos ka aqriso qoraalka madaxtooyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Danjireyaasha iyo Wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho ayaa la wadaagay sida ay uga go’an tahay dowladda qabsoomidda doorasho daahfuran, iyada oo la raacayo Heshiiskii 17-kii sibteembar 2020 ee ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey horumarka laga gaaray hannaanka hirgelinta doorashada oo ay ugu horreysay heshiiskii siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, ansaxinta habraacyada iyo shuruucda hagaya doorashada, diyaarintii Guddiyada Madaxa-bannaan ee qabsoomidda doorashada iyo xaqiijinta miisaaniyadda doorashooyinka.

“Tanaasul badan ayaan ka sameynay hannaanka hirgelinta doorashada, waana arrin mudan dhiirrigelin iyo xoojin, si looga miro dhaliyo hadafka guud ee qabsoomidda doorasho waafaqsan shuruucda dalka, kana tarjumeysa hor –u-socodka dowladnimadeenna.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa bogaadiyey dadaallada Xukumadda ee ku aaddan xaqiijinta qabsoomidda doorashada, isaga oo adkeeyey in la sii amba-qaadayo qorsheyaasha lagu hirgelinayo doorashada.

Dhankooda, Wakiillada Beesha Caalamka ayaa bogaadiyey tallaabooyinka loo qaaday hergelinta hannaanka doorashada,waxa ayna tilmaameen in ay ku garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed dadaallada ay ku bixinayaan qabsoomidda doorasho loo dhan yahay.


Askar hor leh oo kasoo goostay wasiir Janan kuna biiray ciidanka dowladda

0

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Wararka ka imanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya sideed askari ay kasoo goosteen ciidamada uu hoggaamiyo wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan, kuna biireen dhanka dowladda.

Ciidamada dowladda ee ku sugan magaalada Beled Xaawo ayaa warbaahinta maxaliga ah u sheegay in askarta isi soo dhibtay ay yahiin ciidamadii uu soo dagaal galiyay Janan, isla markaana weerarka kusoo qaaday magaalada isbuucii hore.

Saraakiisha la hadlay warbaahinta waxey sheegeen iney ciidankan ku biiri doonaan askartii horay isku soo dhiibay, sidoo kalana la qarameyn doono, loona fidinayo cafis.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashid Janan ayaa sheegay iney weerari doonaan mar kale magaalada Beled Xaawo ee dhacda xadka Kenya iyo Soomaaliya iyadoo la xasuusto in dagaal khasaare badan dhaliyay uu halkaas ka dhacay Isniintii aynu soo dhaafnay.

Si kastaba magaalada dagaalka ka dhacay magaalada Beled Xaawo waxey dowladda Soomaaliya ku eedeysay iney qeyb ka tahay Kenya, balse dalka dariska ah wey beeniyeen iyagoo sheegay inuu dagaalka yahay mid laba Soomaali ah u dhaxeeya.

Halkee Somalia ka gashay liiska la-dagalanka musuqa?

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Isbaheysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah musuq-maasuqa ayaa soo saaray warbixin ku saabsan qiimeyn lagu sameeyay wadamada caalamka oo dhan, kuwaas oo wax is dabarmarin sameeyay iyadoo lagu jiro la tacaalidda xanuunka COVID19.

Xanuunka safmarka ah ee Covid19 ayaa hoos u dhigay dhamaan dhaqaalaha wadamada caalamka, taasna waxey keentay in qiimeyn la sameeyo, waxaana warbixintaan oo ay soo saartay Transparency International ayaa qeexda dalalka sida ay u kala sareeyaan & sidey u kala hooseyaan iyadoo la adeegsanayo cel-celis ahaan (%).

Sidoo kale xogtaan waxaa ku dhex Milan sida ay dowladaha uga feejigan yahiin la dagaallanka musuq-maasuqa.

Wadanka Nepal ayaa noqday kan ugu musuq-maasuqa badan qaaradda Asia sida lagu xusay warbixinta soo baxday, wadamada meesha hoose ka galay waxaa ka mid ah Soomaaliya oo 12% heshay, waxaana ku heer ah wadanka Koonfurta Suudaan.

Dhanka kale Suuriya ayaa heshay qiimeyn dhan 14% halka Yemen oo ka mid ah dalalka ay dagaallada iyo dhibaatooyinka ka jiraan ay gaartay 15%.

Wadanka Soomaaliya liiskaan muddooyinkii ugu dambeeyayba waxey kasoo galayeen meel hoose, halka wadamada qaar uu isbadal ku yimid.

Maxay tahay sababta uu Yamamoto uga baaqday shirka Villa Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya waxaa goor dhow si rasmi ah uga furmay shir u dhexeeyo madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo xubnaha beesha caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga hadlayaa khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka iyo sidii xal waara looga gaari lahaa.

Sidoo kale waxaa shirkan lagu soo qaadayaa, sidii loo qaban qaabin lahaa kulankii ugu dambeeyey ee la’isugu keenayo madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Wararka laga helayo madaxtooyada ayaa dhinaca kale sheegaya in safiirada ka qeyb-galaya shirkaas uusan qeyb ka aheyn danjiraha Mareykanka, Donald Yamamoto.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Yamamoto ayaa uga baaqday shirkaas arrin u gaar ah, taas oo lagu sheegay in diblomaasiyiinta Mareykanka aan loo ogoleyn inay ka baxaan xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Amb. Donald Yamamoto ayaa horey xarunta safaaradda oo ku taalla gudaha xerada Xalane ku qaabilay madaxda dowladda, kuwa dowlad goboleedyada iyo musharraxiinta.

Beesha caalamka oo uu horkacayo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa dadaal ku bixineyso, sidii loo soo afjari lahaa khilaafka ka taagan doorashada 2021-ka.

QATAR oo DF u dirtay dalab la xiriira askarta Soomaalida ee la geeyey dalka Eritrea

0

Dooxa (Caasimada Online) – Dowladda Qatar oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa si adag kaga hadashay arrinta ku aadan dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo markii hore dalkooda looga qaaday in la geynayo Qatar.

Qoraalka ka soo baxay Qatar ayaa waxaa dowladaha Soomaaliya iyo Eritrera looga dalbaday inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan arrintaasi.

Dowladda Qatar ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay cambaareyneyso tallaabooyinka noocaan oo kale oo looga been abuuranayo xukuumadda Dooxa.

“Waan cambaareyneynaa shaqsi kasta oo si been abuur ah loogu sheegay inay u guurayaan Qatar, si ay fursado shaqo uga helaan, Qatar waxay ka soo horjeedda dhaqamada noocan oo kale ah waxayna ku boorrineysaa dhammaan dowladaha inay baadhaan xadgudubyada noocaas ah,”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedkan.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi ku  daray “Nasiib darro kooxaha nugul ayaa inta badan ku dhaca dalabyo been abuur ah iyo ballamo been abuur ah oo deganaansho ah,”.

Ugu dambeyn xukuumadda Dooxa ayaa sheegtay in si looga horetago dhibaatooyinka ay xarumo gaar ah ka hir-gelisay dalalka ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah.

“Si looga hortago arrintan Qatar waxay ka hirgelisay dalal badan oo ay ka yimaadaan shaqaalaha rasmiga ah xarumo lagu biyo dal ku galka, waana tallaabo looga gaashaamanayo  in ay aqbalaan dalabyada been abuurka ah,” ayaa markale lagu yiri.

Si kastaba hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo uu walaac xoogan soo wajahay waalidiinta Soomaaliyeed ee caruurtooda loo qaaday wadanka Eritrea, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in la dagaal-geliyey, lana geeyey gobolka Tigray ee Itoobiya.

Shirkii ay ku baaqeen Deni iyo A/Madoobe oo fashilmay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dib u dhac uu ku yimid shirkii ay ku baaqeen madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland, kaas oo la filayey in 30-ka bishan January uu furmo, si looga wada-hadlo xaaladda dalka iyo doorashooyinka.

Axmed Madoobe Madoobe iyo Deni oo qoraal wadajir ah soo saaray ayaa soo jeediyey qabashada shirkaas, iyaga sidoo kale magacaabay guddiyadooda doorashooyinka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababta uu u baaqday ay tahay khilaafka weli u dhexeeya labadaas maamul iyo dowladda oo ka biyo diiday guddiyada ay soo magacaabeen.

Sidoo kale madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada ayaa midkoodna ku sugneyn magaalada Muqdisho, taas oo ka dhiggan in uusan maanta dhici karin shirkaasi.

Dhinaca kale waxaa qabashada shirkan si aad ah u soo dhoweeyey beesha caalamka oo iyadu wado dadaallo ku aadan sidii xal mideysan looga gaari lahaa doorashooyinka.

Sidoo kale xubnaha beesha caalamka ayaa maanta kulan la leh madaxweynaha Soomaaliya, si loo dhammeeyo khilaafka siyaasaded ee ka jira dalka.

Si kastaba Soomaaliya ayaa isku diyaarineyso doorasho isugu jirto ran baarlamaaanka iyo madaxweynaha, taas oo xilligii loo asteeyey lagu soo dhawaanayo.

Kenya oo war kasoo saartay haddii ay la baxeyso ciidanka ka jooga gudaha Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa ka hadashay hadal hayn maalmihii dambe taagneyd, taasi oo la xiriirtay ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya ee qeybta ka ah howl-galka Midowga Afrika ee AMISOM.

Wasiirka difaaca dalka Kenya, Monica Juma ayaa sheegtay in xukuumadeedu aysan laheyn go’aan ka gaarida inay la baxaan ciidamadooda ka jooga Soomaaliya, balse ay arrintaasi ku dhici karto heshiis la wada-gaaro, sida ay hadalka u dhigtay.

“In Ciidamada Kenya ka baxaan Soomaaliya xilligaan ma go’aamin karno waa in uu ka yimaadaa Midowga Afrika, mana ahan mid quseeya xiriirka xumaaday ee labada dale e Soomaaliya iyo Kenya,” ayey tiri Monica Juma.

Waxay carabka ku adkeysay in arrinta la bixida ciidamada aysan marnaba quseyn xiriirka sii xumaaday ee labada dal, kaasi oo keenay in dowladda federaalka ay xiriirka diblumaasiyadeed u jarto xukuumadda Nairobi, oo ay ku eedeysay faro-gelin ka dhan ah arrimaha gudaha dalka.

Munica ayaa sidoo kale waxay warbaahinta u sheegtay in go’aanka kama dambeysta ah ee ciidamada Kenya looga saarayo Soomaaliya ay waajib tahay inay qaraar ku ansixiso Qaramada Midoobay.

Ciidamada Kenya ee jooga gudaha Soomaaliya ayaa tiradooda lagu qiyaasa ku dhawaad saddex kun oo Askari, kuwaasi oo qeyb ka ah la dagaalanka argagixisada, waxayna inta badan weeraro kala kulmaan kooxda Al-Shabaab.

Si kastaba, hadalkan ayaa imanay xili uu sii xumaaday xiriirka labada dal, taasi oo keentay hadal hayn ku aadan in Kenya ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya, kadib markii dowladda federaalka ay ceyrisay safiirkeedii, isla markaana u jartay xiriirkii diblumaasiyadeed.

Daawo: Imaamka Mudullood oo jeediyey digniin la xiriirta 13-ka kursi ee G/Banaadir

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Imaamka Mudullood, Imaam Maxamed Yuusuf ayaa ka hadlay 13-Kursi ee uu madaxweyne Farmaajo shalay saxiixay ee gobolka Banaadir, midaasi oo hore u meel-mariyeen mudaneyaasha golaha shacabka.

Imaan Maxamed Yuusuf ayaa ugu horeyntii wax lagu farxo ku tilmaamay tallaabada uu qaaday Farmaajo, wuxuuna sheegay in gobolka Banaadir uu yahay midka ugu canshuurta badan dalka ee dowladdu ku dhaqan tahay.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in metelaada gobolka ay soo martay marxalado kala duwan, isla markaana loo baahan yahay in si siman loo qeybsado kuraasta gobolka.

“Waan ku faraxsanahay dhawaaqistaas, maadama aan ahay odeygii Soomaaliyeed ee gobolka Banaadir ama Koonfurta aan ahay  waxaa ku talinayaa in umadda joogta ee xaqa u leh loo qeybiyo oo aysan qeybtood xumaan,” ayuu yiri Imaamka Mudullood.

Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa ku talinayaa in uusan sad-bursi ka dhicin oo lagu kala sii fogaanin, muddo ayey jiitameysay hadda Ilaahaya keenay, madaxweynuhuna waa ku dhiiraday sababto tahay dad badana ka horeeyay kumana dhiiranan, asaguna waa ku mahadsan yahay, baarlamaankuna waa ku mahadsan-yahay.”

Waxa kale oo uu ka digay in kuraasta gobolka Banaadir aysan horseedin khilaaf cusub, isla markaana loo baahan yahay in si siman loogu qeybiyo dadka gobolka.

Ugu dambeyntiina waxa uu Imaamka Mudullood ku baaqay in la joojiyo dagaalka Beled-Xaawo oo meel xasaasiya maraya, kaasi oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Cali Xuseen Soomaali oo ka bad-baaday isku day dil

0

Badhan (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu qaaday hoyga uu degmada Badhan ka dagan yahay guddoomiyaha gobolkaasi ee Puntland, Mudane Cali Xuseen Soomaali.

Rag hubeysan ayaa rasaas huwiyey guriga guddoomiyaha, waxaana kadib xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray ilaalada guddoomiyaha iyo kooxda weerarka soo qaaday.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in iska hor imaadka uu socday muddo kooban, islamarkaana uu ka bad-baaday guddoomiye Cali Xuseen Soomaali.

Ma jirto wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay weerarkan, marka laga reebo burbur gaaray dhismaha guriga guddoomiyaha.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay baxsadeen kooxihii ka dambeyey falkaasi dhacdada kadib.

Xaaladda ayaa saaka degan, balse ciidamada amaanka ayaa haatan wada howl-gallo lagu baadi goobayo raggii ka dambeyey weerarkaasi.

Saraakiil Al-Shabaab ka tirsan oo duqeyn lagu laayey

0

Xudur (Caasimada Online) – Faag faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn diyaaradeed oo saacadihii la soo dhaafay laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Somalia, gaar ahaan duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolkaasi.

Duqeynta ayaa lagu soo warramayaa in si gaar ah looga fuliyey deegaanka Ma’madoow oo 40km u jira degmadaasi, kaas oo ay gacanta ku hayaan dagaalyanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegay in duqeynta lalal bartimaameedsaday goobo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan kooxdaasi.

Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay weerarkan dhanka cirka ah ayaa shaaca ka qaaday in lagu laayey saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab, walow aysan tirada shaacin.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaasi.

Si kastaba duqeyntan ayaa ku soo beegmeysa, xilli ciidamada huwanta ay qorsheynayaan inay go’doonka ka qaadaan degmada Xudur ee gobolka Bakool.

Xog: Beesha caalamka oo kulan xasaasi la yeelaneysa Farmaajo iyo farriin loo sido

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maanta oo Sabti ah uu xarunta madaxtooyada Soomaaliya kulan xasaasi ah kula yeesho wakiilada beesha caalamka ee Soomaaliya.

Xubnaha uu madaxweynaha la filayo inuu la kulmo ayaa waxaa ka mid ah ergeyga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, safiirka Mareykanka Donald Yamamoto, safiirka UK ee xilka kasii degaya Ben Fender, ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Fransisco Madeira, iyo safiirada dalalka kale.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ka heshay madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka uu ku yimid codsiga wakiilada beesha caalamka, waxaana lagu warramay inay madaxweynaha u sidaan farriin la xiriirta arrimaha doorashada.

Inkasta oo aanay caddeyn waxay tahay fariintaas ayaa haddana waxaa loo badinayaa inay ku cadaaddiyaan inuu aqbalo shir uu la yeesho madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si xal looga gaaro muranka doorashada.

Shirkan oo markii hore dowladda ay aqbashay kuna xirtay in marka hore ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay soo magacaabaan guddiyada doorashada, ayaa shaki uu galay kadib markii dowladda ay ku gacan seertay habka loo magacaabay guddiyadaas, kuna tilmaamtay sharci-darrada

Beesha Caalamka ayaa dhankeeda war ay soo saareen shalay waxay ku taageerayaan guddiyada ay magacaabeen Puntalnd iyo Jubaland iyo qabashada shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey saameynta iyo dhaq-dhaqaaqyada beesha caalamka ee ku wajahan is-mari waaga siyaasadeed ee dalka, waxaana la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay in Farmaajo waqtiga kasii dhamaanayo, taasi oo awooddiisa sii yareysay.

Madaxweyne Farmaajo iyo beesha caalamka oo uu shir uga furmay Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xarunta madaxtooyada Villa Somalia waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saaxiibada beesha caalamka taas oo looga arinsanayo arrimo la xiriira doorashooyinka.

Kulanka ayaa waxaan qeyb ka aheyn safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.

Diblomaasiyiinta Mareykanka ee jooga Soomaaliya fasax uma heystaan iney ka baxaan aagga aadka loo ilaaliyo ee xarunta Xalane oo ku talla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay Caasimada Online ka heshay madaxtooyada ayaa sheegaya in kulanka uu ku yimid codsiga wakiilada beesha caalamka, waxaana lagu warramay inay madaxweynaha u sidaan farriin la xiriirta arrimaha doorashada.

Inkasta oo aanay caddeyn waxay tahay fariintaas ayaa haddana waxaa loo badinayaa inay ku cadaaddiyaan inuu aqbalo shir uu la yeesho madaxweynayaasha maamul goboleedyada, si xal looga gaaro muranka doorashada.

Shirkan oo markii hore dowladda ay aqbashay kuna xirtay in marka hore ay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay soo magacaabaan guddiyada doorashada, ayaa shaki uu galay kadib markii dowladda ay ku gacan seertay habka loo magacaabay guddiyadaas, kuna tilmaamtay sharci-darrada

Beesha Caalamka ayaa dhankeeda war ay soo saareen shalay waxay ku taageerayaan guddiyada ay magacaabeen Puntalnd iyo Jubaland iyo qabashada shir ay isugu yimaadaan dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa sii kordhayey saameynta iyo dhaq-dhaqaaqyada beesha caalamka ee ku wajahan is-mari waaga siyaasadeed ee dalka, waxaana la rumeysan yahay inay ugu wacan tahay in Farmaajo waqtiga kasii dhamaanayo, taasi oo awooddiisa sii yareysay.

Wixii shirkaan kasoo baxa kala soco Caasimadda Online

Mashruuc: “Garashada reer Muqdisho yaan loo gefin, BF ee 11-aad waxaa kaliya kusoo biiri kara hal xubin”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Senetor Maxamuud Axmed Maxamuud (Mashruuc) oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu dastuurka ka horimanay 13-Kursi ee gobolka Banaadir laga siinayo Aqalka Sare, taasi oo uu shalay saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Waxa uu sheegay in uusan kuraasta helayn gobolka Banaadir ilaa wax laga bedelo dastuurka dalka, kaasi oo dhigaya in baarlamaanka 11-aad ay kusoo biiri karto hal xubin sharafeed oo ah madaxweynaha xilka kasii dhamaanayo.

Mashruuc ayaa hadalkii Villa Somalia ee saxiixista kuraasta ku tilmaamay gef loo geysanayo garashada reer Muqdisho, maadama uu ku doodayo in xubnahaasi kamid noqon karin baarlamaanka soo socda ee 11-aad.

“Garashada reer Mogadishu yaan loo gefin. Illaa dastuurka wax laga baddelo Baarlamaanka 11aad waxa kaliya ku soo biiri kara hal xubin sharafeed oo ah Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waana haddii 9 cisho dhiman si buuxda u dhameysto,” ayuu  Mashruuc ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.”

“Sidaas daraadeed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu xeeriyay inuu Gobolka Banaadir ku yeesho Barlamaanka 11-aad 13 kursi,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka, midaasi oo uu ka hor yimid Senator Mashruuc.

Caasimada Online ayaa horey u qortay in qorshaha kuraasta gobolka Banaadir hadda loo soo nooleyey uu yahay mid la isaga horkeenayo beelaha Hawiye iyo Axmed Madoobe iyo Deni. Halkan ka aqriso xogtan.

Daawo: Xildhibaan Jeesow: “Maanta waxay iila mid tahay anigoo jooga buurtii Uxud”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Jeesoow ayaa maanta ka qeyb-galay banaanbax lagu taageerayay 13-kii Kursi ee gobolka Banaadir ku yeelanayo Aqalka sarre, kaasi oo uu shalay saxiixay madaxweyne Farmaajo.

Jeesoow ayaa sheegay in kuraasta gobolka Banaadir loo soo maray rafaad badan, taasi oo uu ugu dambeyntii ka dhabeeyay madaxweyne Farmaajo, kadib markii golaha uu meel-mariyay.

Xildhibaanka oo ku dheeraaday marxaladihii loo soo maray matalada gobolka Banaadir ayaa ugu mahad celiyay cidkasta oo kasoo shaqeysay in gobolka uu Aqalka sarre ku yeesho 13-kursi.

Waxa uu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in gobolka Banaadir uu doorkan helo metelaad dhab, kadib dadaal dheer oo loo huray in kuraastaas uu helo.

“Maanta aniga waxay iila mid tahay anigoo Buurtii Uxud jooga oo cibaadeysanaya xaqiiqatan, berkee waxaa noo dhashay wax aan muddo badan ku taameynay oo habeen iyo maalin aan usoo jeednay ayaa maanta noogala dhabeeyay,” ayuu yiri Xildhibaan Jeesoow.

Sidoo kale waxa uu sheegay in metelaada gobolka ay cadow badan ka hor istaageen inay dhaqan gasho, wuxuuna ku booriyay shacabka gobolka Banaadir inay ka difaacdaan waxa uu ugu yeeray “cadowga diidan metelaada gobolka”.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shalay saxiixay qaraarkii Golaha Shacabka JFS ay usoo gudbiyeen ee ku aaddanaa Matalaadda uu Gobolka Banaadir ku yeelanayo Golaha Aqalka Sare.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu yiri “Madaxweynaha ayaa u cuskaday meelmarinta go’aankii Golaha Shacabka ee 27kii bishii Juun 2020, geeddi socodkii dheeraa ee loo soo maray raadinta matalaad uu Gobolka Banaadir ku yeesho Aqalka Sare, cabashooyinka ay shacabka Gobolka Banaadir ka muujiyeen matalaad la’aanta muddo xileedka Aqalka Sare ee Barlamaanka 10aad oo ah xuquuq aasaasi ah oo uu dastuurka KMG siiyay si lamid ah gobollada kale ee dalka iyo codsiyadii isdaba joogga ahaa ee hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed.”

Arrinkaan ayaa imaneya iyada oo dood xooggan ay ka taagan doorashada dalka, waxaana suurta gal in arrintan ay sii kordhiso muranka doorashada, maadaama Puntland iyo Jubaland ay horey u diideen in gobolka Banaadir uu helo matalaad.

Hoos ka daawo Jeesow

Mareykanka oo farriin culus iyo digniin u diray Farmaajo iyo madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa mar kale maanta fariin culus oo la xiriirta doorashada dalka u dirtay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo shanta madaxweyne goboleed ee dalka.

Qoraal kooban oo ay safaaradda soo dhigtay barteeda twitter-ka ayey ugu baaqday madaxda Soomaalida inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso in dalka doorasho ay ka dhacdo, waxayna diiday doorasho hal dhinac ah iyo doorashooyi is-barbar socda.

“Waxaan ugu baaqeynaa Farmaajo, Saciid Deni, Axmed Madoobe, Qoor Qoor, Cali Guudlaawe, iyo Lafta-gareen inay xaliyaan arrimaha taagan, si ay taasi u suurta-geliso inay dalka ka dhacdo doorasho nabdoon oo shacabka Soomaaliyeed ay u qalmaan. Maya doorasho hal dhinac ah ama doorashooyin is-barbar socda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Mareykanka ayaa yimid ayada oo sidoo kale beesha caalamka ay maanta soo saartay qoraal ay ku diidan tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho dhinac ah iyo kuwa is-barbar socda.

“Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay inay taageereyso inay shir isugu yimaadaan dhinacyada isku haya siyaasadda dalka.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Beesha caalamka oo war kasoo saartay tallaabadii Puntland iyo Jubaland

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Beesha caalamka ee saaxiibada Soomaaliya ayaa waxay si weyn usoo dhaweeyen magacaabidda xubnihii ku dhinaa ee ay sameeyen maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Saaxiibada beesha caalamka ayaa sheegay inay tahay magacaabista guddiyadaas tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka horu socodka, inkastoo ay ku tilmaameen mid lala soo daahay, balse xiligan si deg-deg ah wax uga bedeli karta khilaafka ka taagan hanaanka doorashada dalka.

Sidok kale waxay xoojiyeen baaqii labada maamul ee ahaa in shir wada-jir ah la iskugu yimaado, midaasi oo ay ku sheegtay inay meesha ka saarayso doorasho hal dhinac ah ama isbar-bar yaac doorasho oo dhaca.

Hoos ka aqriso qoraalka saaxiibada beesha caalamka oo dhameystiran.

Saaxiibada beesha caalamku waxay soo dhoweynayaan magacaabidda Guddiyada Heer Dowlad Goboleed ee Hirgelinta Doorashada Jubaland iyo Puntland, ee la soo bandhigay 27ka bisha Janaayo. Inkastoo ay soo daahday, tallaabadan wanaagsan waaxay gacan ka geysan kartaa abuuridda jawi degdeg loogu hirgeliyo hanaanka doorashada ee heshiiskii 17kii Sebtembar si loo wada dhanyahay oo la isku raacsanyahay.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.

Saaxiibadu waxay ku baaqayaan hanaan doorasho oo mid ah oo lagu heshiiyay – iyadoo aan jirin doorashooyin kale oo isbarbar socda ama aan loo dhamayn – oo loo qabto si nabad ah iyadoo la ilaalinayo saaxadda siyaasadda iyo xorriyadda warbaahinta, lana damaanadqaadayo qoondada haweenka ee boqolkiiba 30, ayna ka soo baxayso natiijo lagu kalsoonaan karo loona wada dhanyahay oo u adeegaysa danta qaran.

In la qabto doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo lagu kalsoonaan karo waa arrin aad muhim ugu ah iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo beesha caalamka. Saaxiibada beesha caalamku waxay ku boorinayaan dhammaan madaxda Soomaaliyeed inay sameeyaan isu tanaasul gar ah oo lagama maarmaan u ah in la xaqiijiyo doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Saaxiibada beesha caalamku waxay si buuxda u taageerayaan soo jeedinta ah in si degdeg ah loo qabto kulan dhexmara madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah, si loo xalliyo arrimaha hirgelinta doorashada ee harsan si horey loogu socdo qabashada doorashooyin lagu kalsoonaan karo oo loo wada dhanyahay.

Beesha Caalamka ee soo saaray qoraalkan ayaa waxaa ay ka kooban yihiin Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Holand, Norway, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

CC Shakuur oo mudac uu Farmaajo wato ku tilmaamay siyaasada A/dibadda Somalia

0

Muqdisho (Caasimadda Online) – Hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliilay siyaasadda arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku tilmaamay mudac uu Farmaajo cid walba ku mudo.

Cabdiraxmaan wuxuu sheegay in warqadaha wiiftada ah iyo wararka deg-degga lagu tabiyo aysan lahey meel loo celiyo ama cid kale oo talo ku darsata isagoo soo hadal qaaday golaha wasiirada, gole amni qaran, guddiyada arrimaha dibadda iyo labada aqal ee Baarlamaanka.

Wuxuu usoo jeediyay dowladda Soomaaliya in siyaasadda arrimaha dibadda ay ku qotonto danta qaranka, sidoo kale wuxuu u sheegay madaxda uu wakhtigooda sii dhamaanayo inaan wakhti walba la lumin saaxiib balse ay siyaasadda arrimaha dibadda kasbataa saaxiibo cusub oo ay yareysaa cadawga.

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA C/RAXMAAN C/SHAKUUR:

Siyaasaddii arrimaha dibedda dalkeena waxey noqotay mudac uu Madaxweyne Farmaajo cid walba ku mudo. Warqad wiifta ah iyo war degdeg ahna lagu tebiyo. Intii go’aan la soo saarayey ma jirin masdar uu ka soo fulay iyo marjic loo celiyo. Ma jirto meel ay gole wasiirro, gole amni qaran, guddiyo arrimo dibadeed iyo gaashaandhig ee labada aqal ee Baarlamaanka iyo gole wadatashi qaran midkoodna talo ku lahaayeen.

Siyaasadda arrimaha dibedda waa in ay dan qaran ku qotontaa, dowladduna waa in ay saaxiib soo kasbataa ama cadaawad soo dhintaa, ma aha in ay subax walba saaxib lumisaa ama cadaw soo kasbataa.