25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Daawo: DF oo u muuqata inay ka laabatay go’aan ay horey ugu ciqaabtay Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday inuu furan yahay bixinta shatiyada qaadka, lagana keeni karo dal kasta, taasi oo u muuqata inay meesha ka saarayso xayiraadii hore u saarneyd qaadkii laga soo dhoofin jiraya dalka Kenya.

Wasiirka maaliyada Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa ganacsatada Soomaaliyeed u sheegay inaysan jirin cid si gaar ah loogu xiray ka ganacsiga qaadka, islamarkaana ay u furan tahay qof kasta oo raba inuu keeno dalka.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda federaalka Soomaaliya, waxaan halkaan ka cadeynayaa in cidna uusan u xirneyn ka ganacsiga qaadka, keliya qofka ka ganacsanaya waxa looga baahan yahay inuu sharcigeeda soo maro oo uu liisan soo qaato,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Waxa uu intaas ku daray “Jaadka waa furan yahay, meesha rabto kasoo qaad, keliya wadadeeda soo mar oo sida alaabaha kale loo canshuuro usoo mari kastamka.”

Sidoo kala waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba aysan dowladda aqbalayn in qaadka si tuuganimo ah loo soo geliyo dalka, midaasi oo ka hor imaneysa sharciga cusub ee loo dajiyay ka ganacsiga qaadka.

Beyle ayaa ku booriyey ganacsatada rabta inay qaad ka ganacsadaan ay qaatan shatigiisa, isagoona ka digay in si dhuumaaleysi ah qaadka lagu soo gasho dalka.

Hadalkan ayaa meesha ka saaraya xayiraadii ay dowladda federaalka hore ugu soo rogtay qaadka loo yaqaano Miirooga ee laga keeni jiray Kenya, maadama uu sheegay Beyle in uu furan yahay ka ganacsiga qaadka.

Arrintan ayaa imaneysa xili ay kasii dartay xiisada labada dal, iyada oo dowladda federaalka ku eedeysay Kenya in maleeshiyaad ay soo abaabushay dagaal ka bilaabeen magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Hoos ka daawo Beyle 

Maxaa ka jira inay ciidamo Kenyan ah ka qeyb qaateen dagaalkii Beled-Xaawo?

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay sheegashada dowladda federaalka ee ku aadaneyd dagaalkii magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kaasi oo ay sheegtay inay qeyb ka ahaayeen ciidamada Kenya.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyntaasi, isagoona xusay inay been abuur tahay hadalkii uu wasiirka warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya u ku sheegay in dagaalka ka dhacay Beled-Xaawo ay ku qabteen ku dhow boqol maxaabiis oo ah ciidamada Jubbaland.

“Nin Wasiir ah oo dhahaya maxaabiis ayaan ku qabanay dagaal ka dhacay Beled Xaawo,waa caadadooda in baraha bulshada ay been ka buuxiyaan,wasiir ku faanaya maxaabiis inaan u jawaabo mustawaheyga ma ahan,” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland.

Maxamuud Sayid oo wareysi siiyay idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa dowladda federaalka ku eedeyay inay Beledxaawo soo dhoobtay ciidamo aan marnaba u tureyn shacabka ku nool magaaladaas, oo u horseeday geeri, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in maamulka Jubbaland uusan waxba ka khuseyn xiisada Kenya kala dhaxeysa dowladda federaalka, isla markaana aysan jirin ciidamo ka qeyb qaatay dagaalka Beled-xaawo oo gacan siinayey kuwa Jubbaland.

“Dowlada Kenya deris ayaan nahay annaga dowlad goboleed ayaan nahay, dowlada federalka iyadaa mas’uul ka ah xiriirka wadamada deriska ah Kenyana ma joogto meesha,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay VOA-da.

Magaalada Beled-xaawo ayaa waxa ka dhacay saacadihii u dambeeyay dagaal ay ku dhintay dad ka badan 20 qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamay, waxaana ugu dambeyn gacan ku haynta magaalada la wareegay ciiidamada dowladda oo markiii horeba haystay.

Dowladda ITOOBIYA oo war kasoo saartay xaaladda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa markii u horeysay ka hadashay warar maalmihii u dambeeyay qabsaday baraha bulshada, kuwaasi oo ku aadana xaaladda caafimaad ee ra’iisal wasaaraha dalkaas, Abiy Axmed, kadib muddo laga waayay warbaahinta.

Xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inaysan waxba ka jirin wararkaas, oo ay ku tilmaameen been abuur aan sal iyo raad laheyn.

“Waxaan jecelnahay inaan dadweynaha la wadaagno in wararka la isla dhex-marayo ee la xiriira badqabka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay yihiin kuwa been abuur ah,” ayaa lagu yiri qoraal lagu qoray barta Twitter-ka ee Xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maalmihii u dambeeyay la arkin, iyada oo ay xusid mudan tahay in uusan la kulmin Wasiirka arrimaha dibedda UK oo booqasho ku tagay dalkiisa, midaasi oo sarre u qaaday tuhunka la xiriira xaaladiisa caafimaad.

Wararka la isla dhex marayay ee xaalada caafimaad ee Abiy ayaa waxay sheegayaan in arrin caafimaad loogu qaaday dalka dibadiisa, kadib toogasho lala beegsaday, taasi oo uu beeniyay xafiiska ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Abiy ayaa markasta dhaq-dhaqaaqiisa laga dareemi jiray baraha bulshada oo uu taageerayaashiisa iyo bulshada dalkaas kula wadaagi jiray hadba marxaladaha cusub, midaasi oo aan dhicin maalmihii lasoo dhaafay.

Itoobiya ayaa wajaheysa xiisad siyaasadeed oo xoogan, kadib markii xukuumadda Abiy Axmed ay dagaal ku qaaday maamulka TPLF, oo ugu dambeyntii duurka galay, kuna dhawaaqay dagaal jabhadeysan oo ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Dowladda KENYA oo war RASMI ah ka soo saartay dagaalka BELED-XAAWO

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Kenya ayaa war rasmi ah oo kasoo saartay dagaalladii xalay illaa saaka ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo, kuwaasi oo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay inay ciidanka dowladda kusoo qaadeen “jabhad fallaago ah oo ay soo hubeysay Kenya.”

Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa qoraal ay u dirtay guddoomiyaha Midowga Afrika ku sheegtay inay aad uga walaacsan tahay dagaalka kasoo cusboonaaday xuduudda, gaar ahaan magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo.

Kenya waxay sheegtay in “dagaalka uu u muuqdo inuu u dhaxeeyo ciidamada dowladda fedeeraalka Soomaalia iyo kuwa maamulka Jubaland.”

Kenya ayaa intaas ku dartay in walaaceeda ugu weyn uu yahay in dagaalka uu dhaliyo barakaca dadka shacabka, uuna horseedo qaxooti badan oo magan-galyo doon ah oo soo gala Kenya, taasi oo kasii dari karta xaaladda markii horeba xumeyd ee Soomaaliya iyo xerooyinka qaxootiga Kenya.

Waxa sidoo kale sheegtay inay ka walaacsan tahay in haddii dagaalka uu sii socdo, in xaaladda ay sii xasillooni dareyn karto gobolka, islamarkaana adkeyn karto xaaladda amni, dib u dhacna u keeni karto guulihii laga gaaray dagaalka argagixisada.

Kenya ayaa si rasmi ah qoraalkan uga jawaabin eedeynta dowladda Soomaaliya ee ah inay “Kenya soo hubeysay jabhad fallaago ah.”

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa xalay yiri “Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo.” 

Kenya ayaa ugu dambeuy ku baaqday in dagaalka deg deg loo joojiyo, islamarkaana xaaladda caadi lagu soo celiyo.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20 qof oo isugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamay, waxaana ugu dambeyn gacan ku haynta magaalada la wareegay ciiidamada dowladda oo markiii horeba haystay. 

Hoos ka aqriso qoraalka dowladda Kenya

Wararkii ugu dambeeyay dagaalkii Beled Xaawo iyo ciidamada dowladda oo…

0

Beled Xaawo (Caasimadda Online) – Waxaa soo dhamaaday dagaal in ka badan 10 saacadood ka socday magaalada Beled Xaawo ee gobolka Gedo ee dhacda xadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalka oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac, la iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan, ayaa bilowday kadib marki ay Beled Xaawo soo galeen ciidamo ka tirsan kuwa Jubaland oo kasoo ruuqaansaday gudaha Kenya.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa la sheegay iney ka amar qaadanayeen ciidamada soo weeraray Beled Xaawo, waxaana inta la xaqiijiyay dagaalka ku geeriyootay 20 qof oo isugu jira labadii dhinac ee dagaalamay iyo dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah madaafiicdii ay adeegsanayeen ciidamadii dagaallamay waxaa sababeen dhimashada shan caruur ah oo wada dhashay iyo dhaawaca hooyadood, iyadoo qoyskaas uu ka badbaaday aabaha oo xiligaas ka maqnaa guriga.

Sidoo kale dhaawacyada ayaa la sheegay iney ka badan yahiin 30, waxeyna ciidamada Dowladda sheegteen iney qabsadeen gawari dagaal iyo  maxaabiis ciidan oo ay tiro ahaan ku sheegeen 100, balse ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda.

Ciidamada dowladda ayaa haatan si buuxda gacanta uga haya magaalada Beled Xaawo, waxayna ka adkaadeen oo ay iska caabiyeen ciidamadii wasiir Janan, haatanna waxaa laga soo sheegayaa iney xaaladda dagan tahay.

Muxuu yahay hubka culus iyo rasaasta ay ka hortegtay dowladda Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta shaacisay inay ka hortegtay hub iyo rasaas la doonayey in sharci darro dalka lagu soo geliyo, waxaana arrintaasi faah-faahiyey wasiirka warfaafinta, Cismaan Abuukar Dubbe.

Wasiirka oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hubka uu yahay mid aad u culus, islamarkaana la doonayey in mar labaad lagu bur-buriyo dalka.

Dubbe ayaa tilmaamay in hubka oo ah mid fara badan la rabay in xuduudaha laga soo khal-khal geliyo, wuxuuna uu hoosta in aysan ogolaan doonin in dalka la burburiyo.

“Duulaamadu way fara badan yihiin xittaa waxaa jiray hub culus oo la doonayey in xuduudaha oo dhan laga soo khal-khal geliyo, dalkani 1991-dii ayuu burburay mar dambe ma ogolaaneyno anagoo nool oo taagan in hub lagu burburiyo oo banaanka laga keeno,” ayuu yiri wasiir Cismaan Abuukar Dubbe.

Sidoo kale wuxuu intaasi sii daray in ay wadaan baaritaano dheeraad ah, islamarkaana lala xisaabtamayo cidkasta oo ku howlaneyd hubkaasi, sharcigana la horgeynayo.

“Hubka aan sheegeyno ma’aha wax fudud waa hub aad u culus oo la rabay in dalkan mar labaad lagu rogo, lagu quxiyo, waa ku daba jirnaa waana lagula xisaabtamayaa sharcigana waa la horgeynayaa,” ayuu sii raaciyey wasiirka warfaafinta Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya shaacisay in hubka ay ka hortegtay ay isku baheysteen inay dalka soo galiyaan hay’ado ajnabi ah, dalal shisheeye iyo dad Soomaali ah, balse ay fashiliyeen laamaha amaanka.

Agaasime CABDINUUR oo qaaday tallaabo dhaawici karta doorashada Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa mamnuucday bixinta kaarar la siin jiray odayaasha dhaqanka, ganacsatada, siyaasiyiintii hore, wariyeyaasha iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaasoo xiriir dhaw lalahaa Villa Soomaaliya.

Kaararkan oo loo yaqaana VIP ayaa loo bixin jiray si dadka kor ku xusan ay ugu soo galaan Madaxtooyada iyo sidoo kale in ay u adeegsadaan dhaqdhaqaaqa magaalada maadaama kaar la’aan aan la gali karin goobo badan oo uu kamid yahay Garoonka Diyaaradaga ee Aadan Cabdulle.

Sida aan xogta ku helnay amarka lagu joojiyey kaararkaan ayaa waxaa soo saaray Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed iyadoo aan la ogeyn ujeedada uu tallaabadaan ka leeyahay.

Kusimaha Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed oo go’aankan soo saaray ayaa lagu tilmaamay inuu yahay mid dhaawacaya dib u doorashada Madaxweynaha maadaama albaabka uu ka xirtay dadkii Madaxweynaha ku xirnaa.

Lama oga tallaabada uu ka qaadi doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo maadaama Cabdinuur uu is biday awood dheeri ah oo uu ku xannibayo saaxiibada Madaxweynaha iyo xulafadiisa siyaasadeed oo ay ku adkaatay marista waddooyinka Muqdisho.

Villa Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay bixinaysay kaararka lagu sheegay VIP iyada oo 2020 la sheegay in ilaa 5 kun oo ruux oo aan shaqaale rasmi ah ka ahayn Madaxtooyada la siiyay si ay waddooyinka Muqdisho ugu maraan.

Ku Simaha Agaasimaha Guud, ahna xubin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka ee lagu muransan yahay ayaad mooddaa inuu awooddiisa ku tijaabinayo shacabka iyo siyaasiyiinta caasimadda iyada oo halkii albaab ee u furnaa uu xiray si isu socodka siyaasiyiinta loo yareeyo.

Tallaabada uu qaaday Mudane Cabdinuur ayaa waxaaa si weyn uga hor yimid Agaasime Ku Xigeenka Guud ee dhanka Maamulka Mudane Cabdullaahi Dadoon, waxaana laga yaabaa in khilaafkan uu saameeyo shaqada guud ee Xafiiska Madaxweynaha.

Wasiir Dubbe oo shaaca ka qaaday in lasoo afjaray dagaalkii Beled-Xaawo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada federalka Soomaaliya, Cismaan Abuukar Dubbe oo shir jaraa’iid u qabtay wariyeyaasha ayaa si kulul uga hadlay dagaalkii cuslaa ee xalay illaa saaka ka dhacay gudaha degmada Beledxaawo.

Wasiir Dubbe ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan xadka ay soo weerareen maleeshiyaad falaago ah iyo ciidamada difaaca Kenya oo wada socda, balse ay iska difaaceen, isaga oo sheegay in jab xoogan lagu gaarsiiyey dagaalkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in laga adkaaday falaagada ay soo abaabushay Kenya iyo ciidanka shisheeye ee duulaanka ku soo qaaday Beledxaawo, sida uu hadalka u dhigay.

“Ugu dambeyn falaagadii iyo ciidamada shisheeye ee la socday waxaan ugu bishaareynayaa shacabka Soomaaliyeed in laga adkaaday,” ayuu yiri wasiirku.

Cismaan Abuukar Dubbe oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ku dhowaad oo 100 askari oo ka tirsan jabhadda weerarka soo qaatay lagu qabtay dagaalka Beledxaawo, isaga oo shaaciyey in aysan soo bandhigi karin, maadaama ay yihiin wiilal Soomaaliyeed oo la qalday.

“Waan jeclaa in halkan aan ku soo bandhigno jabka gaaray iyo maxaabiista la qabtay oo ku dhow 100, balse inaan soo bandhigno waxaa noo diidaya xeerarka caalamiga ah ee dhanka maxaabiista,” ayuu sii raaciyey wasiirka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in duulaanka lagu soo qaaday ciidanka Xoogga dalka ay waxyeelo ka soo gaartay dad shacab ah, islamarkaana hoobiyeyaal iyo madaafiic uu sheegay in dalal shisheeye ay soo siyeen falaagada ay ku hoobteen xaafado ay dagan yihin dad rayid ah, wuxuuna xaqiijiyey dhimashada 5 caruur iyo hooyadood.

Xaaladda Beledxaawo ayaa hadda yare degan, balse waxaa weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaan duleedka magaaladaasi oo ka tirsan gobolka Gedo.

Banaan-bax ka dhan ah FARMAAJO oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo, kaas oo sidoo kale lagu dalbanayey in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

Dibad-baxayaasha oo isugu jiray haween & dhalinyaro ayaa isugu soo baxay xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir & Dharkenley ee gobolka Banaadir, iyaga oo ay ku qeylinayey erayo ay ku cabirayeen dareenkooda, kana dhan ah madaxweynaha.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa watay sawirada madaxweynaha oo ay ku dul-qoran yihiin dooni-meyno kaligiis telis iyo iyo ha-dhaco madaxweynaha.

Qaar ka mid ah dadka ka qeyb-galay dibad-baxa oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sidoo kale sheegay in aysan dooneyn in dalka dib loogu celiyo dagaal sokeeye, waxayna ugu baaqeen madaxweynaha inuu qabto doorasho loo dhan yahay, si looga baaqsado qalalaase.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ku aadan doorashooyinka 2021-ka oo uu ka taagan yahay ismarin-waa xoogan.

Maamullada, Jubbaland, Puntland iyo mucaaradka ayaa diidan hannaanka ay dowladda ku wajaheyso doorashada, iyada oo uu haatan waqti uu yahay mid gabagabo ah.

Si kastaba lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse waxaa hadda socda dadaallo ay waddo beesha caalamka oo la’isku soo dhoweynayo dhinacyada doorashada.

Khasaaraha ugu xooggan dagaalka Beled-Xaawo oo gaaray caruur hal qoys ah

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Waxaa weli isa soo taraya khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa maamulka Jubbaland ee uu horkacayo wasiir Janan.

Dhimashada ayaa ka badan 10 qof, halka ay jiraan dhaawacyo kale oo la soo sheegayo, waxaana dadka ay waxyeealada soo gaartay ka mid ah shacab aan waxba galabsan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ka mid yihiin 5 caruur ah oo isku qoys ahaa, kuwaas oo uu madfac ugu tegay hoygooda, waxaana ka bad-baaday Aabahood oo lagu magacaabo Cabdiwali Turmaag Maxamed, sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.

Xaaladda ayaa aad u cakiran, waxaana dagaalka uu weli ka socdaa qeybo ka mid ah degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Labada dhinac ayaa guullo ka kala sheeganaya dagaalka oo ah mid culus, iyada oo is-gaarsiinta magaaladana ay haatan aad u xun tahay.

Beledxaawo ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey ka jiray dhaq-dhaqaaqyo xoogan, kadib markii ay dagaal kula wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Jubbaland oo shaaca ka qaaday ‘inay dagaal kula wareegtay’ Beledxaawo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo u warramay BBC-da ayaa faah faahiyey dagaalka ka socda degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeya ciidamada Janan & kuwa dowladda.

Sayid Aadan ayaa marka hore shaaca ka qaaday in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada dowladda, balse ay iska difaaceen kuwa daraawiishta Jubbaland.

“Iska caabin kadib waxaa la isla galay magaalada, haddana halkaas ayey wax ka socdaan”, ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in ciidamadooda ay la wareegeen xarumaha muhiimka ah, sida xarunta degmada & saldhigyada ciidanka, sida uu hadalka u dhigay.

“Ciidanka Jubbaland waxa ay ii sheegeen meelihii xarumaha degmada iyo saldhiyadii inay hadda joogaan oo ay ku sugan yihiin wax dhibaato ahna ayna qabin,” ayuu sii raaciyey.

Maxamuud Sayid Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in dagaalka haatan xoogiisa uu ka socda banaanka magaalada, islamarkaana ay weli socota rasaasta.

Xaaladda Beledxaawo ayaa aad u cakiran, waxaana saaka dagaal rogaal celis ah qaaday ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor.

Si kastaba dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay dagaalkaasi ayaa ku eedeysay Kenya, waxaana sheegtay in jabhad ay hubeysay ay soo weerartay Beledxaawo.

Xog: LAFTA-GAREEN oo fashiliyey qorshihii DF ee doorasho hal dhinac ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli taagan ismari-waaga doorashada soo socota ee 2021-ka, waxaana fashil wajahaya qorshihii dowladda federaalka ee ahaa inay doorashada Aqalka Sare ka billowdo saddexda maamul goboleed ee taageersan.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, qorshaha ay dowladda ku billaabeyso doorashada ayaa shaqeyn wayaey kadib isbeddel ku yimid maamulka Koonfur Galbeed oo ku hormari lahaa kaasi oo ay ku xigi lahaayeen maamulada Galmudug iyo HirShabeelle oo Villa Somalia kula socda qorshahan halka dhinac ah.

Fashilka ku yimid qorshaha Farmaajo ee doorashada ayaa waxaa loo aaneynaya cago-jiid ka yimid madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, kaasi oo uu qorshaha uu ahaa inuu billaabo doorashada.

Lafta-gareen ayaa diiday inuu doorashada ku hormaro isaga oo ka cabsi qaba in haddii sidaas sameeyo oo ay ku xigsan waayaan Galmudug iyo HirShabelle uu ceeb la kulmi karo, maadaama ay adag tahay in labadaas maamul oo ay ku xooggan yihiin Hawiyaha ay doorasho ka dhacdo.

Madaxda dowlad goboleedyada ee taageersanaa qorshaha dowladda ayaa waxay sidoo kale wajahayaan cadaadis uga yimid Beesha caalamka, kaasi oo ku aadan doorashada uu muranka ka taagan yahay ee ay ku taageersan yihiin madaxda dowladda federaalka.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa maanta ugu baaqay siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Yamamoto ayaa uga digay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safiirka ayaa sidoo kale ka digay gacan ka hadal.

Dhinaca kale James Swan oo maanta ka hadlay Dhuusamareeb kadib markii uu la kulmay Qoor Qoor ayaa yiri “Waxaan mar kale ku celiyey aragtida saaxiibada caalamiga ee ah in heshiis iyo wada-shaqeyn lagu hormarinayo waxa u wanaagsan dalka ay tahay waxa iminka looga baahan yahay Soomaalida, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay kusii taagnaato waddada nabadda iyo xasilloonida.” 

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay sameeyaan dadaal kasta oo ay ku wada-hadlayaan, si doorashooyinka qaranka loo qabto ayada oo heshiis lagu wada-yahay, salna looga dhigayo heshiiskii 17-kii September, islamarkaana ay xoojinayaan daah-furnaan, caddaalad iyo u wada-dhamaansho.”

Ciidamada Gorgor oo saaka DAGAAL rogaal celis ah kusoo qaaday Beledxaawo

0

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in saaka ciidamada Xoogga, gaar ahaan kuwa Gorgor ay dagaal rogaal celis ku qaadeen degmada Beledxaawo oo ay xalay weerar ku galeen ciidanka Cabdirashiid Janan.

Dagaalka ayaa dib u billowday, kadib markii ciidamada Gorgor ay weerareen, goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada wasiir Janan, waxaana halkaas dib uga qaxay dagaal culus.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay in haatan dagaalka xoogiisu uu ka socda, halka loo yaqaano buurta magaalada Beledxaawo iyo xaafadda UK ee isla magaaladaasi.

Labada dhinac ayaa is-weydaarsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona xaaladdu ay tahay iminka mid aad u kacsan.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka saaka dib uga billowday magaalada Beledxaawo oo muddooyinkii u dambeeyey ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda.

Si kastaba dowladda Soomaaliya ayaa dagaalkan ku soo eedeysay Kenya, waxayna shaacisay inay soo qaadeen jabhado la soo hubeeyey, sida ay lagu sheegay qoraalka.

Qunsulkii dowladda Itoobiya u fadhiyey Garowe oo la dilay

0

Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa qunsulka cusub u soo magacawday deegaanada Puntland, kadib markii qunsulkii hore sida ay werisay warbaahinta maxaliga ah lagu dilay dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Qunsulkan cusub waxaa lagu magacaabaa Degnachew Yitbarek, waxuuna shalay soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Mid ka mid ah laba nin oo qunsiliyadan horay loogu soo magaacay, ayaa dhawaan lagu dilay dagaalkii lagu jebiyey maamulkii gobolka Tigray ee TPLF.

Labadii qunsul ee qunsulkan cusub ka horeeyey ee Itoobiya u fadhi jiray Garowe, waxay kala ahaayeen saraakiil ka kala tirsaneed sirdoonka iyo militeriga Itoobiya, waxayna ka soo jeedeen gobolka Tigray.

Sarkaalka la dilay waa kii xafiiska ku wareejin lahaa qunsulkan cusub ee Degnachew Yitbarek, waxuuna Soomaaliya ka tegay oo dib ugu laabtay gobolka lagu dilay ee Tigray, inta uusan qarxin dagaalkii dowladda dhexe iyo is-maamulkii Tigrayga, kaas oo xulufadiisii TPLF gabi ahaanba lagu burburiyey.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa qunsulka cusub markii uu soo gaaray magaalada Garowe, waxuu ku qaabilay madaxtooyada, kahor inta uusan si rasmi ah ula wareegin xafiiska qunsiyadda Itoobiya ee Garowe.

Qoraal kooban oo Madaxtooyada Puntland ay ka soo saaray kulankaas ayaa lagu yiri, “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Qunsulka cusub ee Ethiopia ee Puntland Mr Degnachew Yitbarek.”

Dowladda Itoobiya waxay haatan aad u adkeysay xuduudaheeda, waxayna weli baacsi ku heysaa inta ka hartay xubnihii TPLF oo duurka galay, halka qaarkoodna ay u gudbeen dalalka deriska la ah Itoobiya.

 

Shabakado ka shaqaynayey socdaalka sharci darrada ah oo lagu qabtay Somalia

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Aadan Koofi ayaa sheegay iney qabteen kooxo ka shaqeynayay arrimo la xiriira socdaalka sharci darrada ah xilli uu ka hadlayay Shirweynaha Wadatashiga qiimeynta qataraha lacag dhaqidda oo ka furmay Muqdisho.

Agaasimaha wuxuu sheegay iney sanadkii tagay diiwaan galiyeen in ku dhaw 500 kiis oo socdaal sharci darro ah, kuwaas oo la doonayay in dalka laga dhoofiyo.

Sidoo kale sanadkii ka horreeyay ee 2019 wuxuu sheegay in ku dhawaad 250 kiis oo sidaas ah ay ka hortageen.

Koofi wuxuu sidoo kale sheegay in shaqsiyaadka loo qabtay kiisaskaan loo gudbiyay hay’adaha amniga ee ku shaqada leh, waxaana la marsiiyay sharciga iyadoo lagu riday xukuno waafaqsan sharciga.

Sidoo kale agaasimaha wuxuu sheegay iney hay’ad caalami ah kala kaashadeen soo qabashada dad u badan Soomaali oo ku sugan dalalka dibadda isla markaana ka shaqeynayay socdaalka sharci darada ah.

Ciidamada JANAN oo soo galay Beledxaawo, dagaal culus oo dhacay iyo DF oo soo saartay qoraal culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaasi oo ay soo weerareen islamarkaana soo galeen ciidamada wasiirka amniga Jubaland Cabdirashiid Janan.

Wararka aan ka heleyno Beledxaawo ayaa sheegaya in Ciidamada Cabdirashiid Janan ay xalay qabsadeen xaafado ka mid ah Beledxaawo, balse ma cadda haddii ay saaka ka baxeen iyo in kale.

Saraakiil ka tirsan Jubaland ayaa xalay sheegay in gebi ahaanba ay la wareegeen Beled Xaawo, haatan uu dagaalka ka socdo dhanka wadada aada Doolow, inkasta oo aan sheegashadooda la xaqiijin karin.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeysay dowladda Kenya weerarka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheeegay in “jabhad ay soo hubeysay” Kenya ay soo weerartay ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Beledxaawo, kuwaas oo weerarka iska caabiyey, sida qoraalka lagu sheegay.

“Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay cadaynaysaa in Jabhaddii fallaagada ahayd ee ay soo hubaysay Dowladda Kenya oo caawa u soo tallowday xuduudda Soomaaliya ayaa soo weerartay Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled Xaawo. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa si geesinimo leh ugu jilib dhigay duulaankaas sharci-darada ah ee shisheeyuhu soo abaabulay,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

“Waxaan si adag u cambaaraynaynaa duulaankaas gardarada ah ee laga soo abaabulay gudaha dalka Kenya kaas oo qilaafsan maslaxadda nabad ku wada noolaanshaha shucuubta Gobolka iyo xeerarka caalamiga ah ee ku dhisan is xaq-dhawrka iyo ilaalinta madaxbaanaanida qaranimo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Eedeynta culus ee caawa ka timid dowladda federaalka iyo weerarka Cabdirashiid Janan ayaa kasii dari doona xiisadda ka dhex-oogan labada dal, xilli ay toddobaadyadii dhowaa jireen wa-xoogaa isu soo dhowaasho ah.

Hoos ka aqriso qoraalka Soomaaliya

DF Somalia oo ‘ka hortegtay’ hub culus oo lasoo gelin rabay gudaha dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in hay’adaha ammaanka ay ka hortageen hub sharci darro ah iyo rasaas la doonayey in si sharci darro ah loo soo geliyo dalka, kadib xogo ay heleen laamaha amnigu.

Qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in arrintaasi ay ku lug lahaayeen hay’ado ajnabi ah, dalal shisheeye iyo dad Soomaali ah, kuwaas oo ay dowladdu sheegtay inay is-baheysteen, islamarkaana ay doonayeen inay hubkaas iyo rasaastaba ay soo galiyaan gudaha dalka.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xogo muhiim ah ku heshay in hay’ado ajnabi ah, waddamo shisheeye iyo dad Soomaali ah oo isbahaystay ay maalmahan isku deyeyeen in ay hub culus iyo rasaas sharci darro ah soo geliyaan Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya, iyada oo aan haba yaraatee waxba lagala socodsiin, ogolaanshana aan laga haysan hay’adaha kala duwan ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee ka soo baxay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedkan ayaa lagu shaaciyey in qorshahan ay dowladdu u argato duulaan cad oo lagu soo qaaday madax banaanida dalka.

“Wax kasta oo khalkhal gelinaya nabadda iyo xasiloonida Dalka waxa ay u aragtaa duulaan lagu soo qaaday madaxbanaanida iyo xasiloonida Dalka. Mowqif adagna way iska taagaysaa,” ayaa la sii raaciyey qoraalka.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inay leedahay nidaam adag iyo habraac sugan oo loo maro soo gelitaanka hubka illaa meesha uu ka yimaaddo, sidaas daraadeedna laga hortegay in hubkaasi la soo geliyo gudaha dalka.

Ugu dambeyn waxay dowladdu sheegtay inay haatan wado baaritaano dheeraad ah oo ku aadan hubkaasi, gaar ahaan ujeedka laga lahaa.

“Xukuumadda Federalka Soomaaliya waxay baaritaan ku haysaa hubkaas culus iyo rasaastaas sharci darrada ah ee Dalka la soo gelin rabay, meesha loo waday, meesha laga soo dhiibay iyo ujeedka laga lahaa,” ayaa gabagabadii lagu yiri warsaxaafadeedka.

Si kastaba arrintan ayaa ku soo aadeyso, iyada haatan lagu jiro marxalad kala guur ah, dalkana uu wajahayo khilaaf siyaasadeed oo ka dhashay doorashooyinka 2021-ka.

Maareeyihii dekadda Kismaayo iyo dad kale oo caawa lagu dilay Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxay sheegayaan in lagu dilay Maareeyihii dekadda magaalada Kismaayo Cawil Cali Barre iyo laba qof oo kale.

Dadkaas ayaa ku dhintay is-rasaaseyn gudaha magaalada ku dhex martay ciidamo ka wada tirsan maamulka Jubbaland, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen xubno ka tirsan maamulka Jubbaland.

Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday isgoyska Golol oo u dhaw taalada weyn ee magaalada, waxayna u dhaxeysay ciidamo ka kala tirsan Nabad sugidda Jubbaland oo halkaas bar control ku leh iyo kuwa ilaalada madaxtooyada oo wadada isku deyey inay xoog ku maraan.

Labada ciidan ayaa is weydaarsaday rasaas mudo daqiiqado ah socotay, waxaana ku dhintay dad uu ka mid yahay Maareeyihii  dekadda Kismaayo Allaha u naxariistee Cawil Cali Barre, kuwaas oo ay rasaastu ugu tagtay xaafadahooda.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kale oo soo kala gaaray ciidamadii dagaalamay, in kastoo aan weli la xaqiijin inta uu dhanyahay, hadana dadka noo waramay waxay noo xaqiijiyeen dhaawaca hal askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada Jubbaland.

James Swan oo farriin culus kasoo saaray doorashada kadib la-kulankii Qoor Qoor

Muqdisho (Caasimada Online) – Wakiilka xogyahaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya, oo maanta magaalada Dhuusamarebe kula kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa faah-faahin ka bixiyey waxyaabihii ay ka wada-hadleen, wuxuuna soo saaray farriin culus oo ku aadan doorashada Soomaaliya.

James Swan, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay inuu Qoor Qoor kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin taageerada ay QM siiso Galmudug, iyo xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya, oo hadda uu ka jiro is-mari waa ka taagan qabashada doorashooyinka dalka.

Swan ayaa sheegay inuu Qoor Qoor ku bogaadiyey “dadaallada uu wado ee uu isugu dayayo inuu ku xalliyo muranka ka taagan fulinta qorshaha doorashada.”

“Waxaan ku booriyey inuu sii wado kaalinta uu cayaarayo ee ah joogteynta xiriirka u dhaxeeya madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada xubnaha ka ah federaalka,” ayuu yiri James Swan.

Ergeyga QM ayaa intaas ku daray inuu kala hadlay madaxweyne Qoor Qoor muhiimadda ay leedahay in la xalliyo arrimo taagan ee xasaasiga ah, si Soomaaliya ay uga dhacdo doorasho la isku haleyn karo. 

“Waxaan mar kale ku celiyey aragtida saaxiibada caalamiga ee ah in heshiis iyo wada-shaqeyn lagu hormarinayo waxa u wanaagsan dalka ay tahay waxa iminka looga baahan yahay Soomaalida, si loo xaqiijiyo in Soomaaliya ay kusii taagnaato waddada nabadda iyo xasilloonida,” ayuu yiri James Swan.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay sameeyaan dadaal kasta oo ay ku wada-hadlayaan, si doorashooyinka qaranka loo qabto ayada oo heshiis lagu wada-yahay, salna looga dhigayo heshiiskii 17-kii September, islamarkaana ay xoojinayaan daah-furnaan, caddaalad iyo u wada-dhamaansho.”

GALMUDUG oo war kasoo saartay DAGAAL culus oo ka dhacay Bacaadweyn

0

Bacaadweyn (Caasimada Online) – Wasaaradda amniga dowlad goboleedka Galmudug oo war ka soo saartay dagaalkii galabta ka dhacay duleedka deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa guulo ka sheegatay dagaalkaas.

Dagaalkii galabta ayaa bilaawday kadib markii dhowr hoobiye ay Al-Shabaab kuureen gudaha magaalada Bacadweyn, waxaana halka laga soo riday madaafiicdaas ku baxay ciidamada dowladda iyo inta badan dadka magaalada, markii ay gaareen halkii laga soo ridayey hobiyeyaasha waxaa dagaal adag kala hor-yimid dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

“Ciidamada Qalabka sida, kuwa amniga Galmudug iyo ciidamada deegaanka Bacaadweyn ayaa galabtay weeraray saldhigyada kooxda Argagixisada Alshabaab ay ka samaysteen agagaarka magaalada Camaara. Ciidamada Galmudug ayaa la wareegay saldhigii kooxda khwaarijta, ayadoo argagixisadu halkaas ay kala guddoomeen dhimasho badan iyo dhaawac,” ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw lagu baahiyey bogga wasaaradda amniga Galmudug.

Sidoo kale qoraalka waxaa lagu shaaciyey goobta dagaalku ka dhacay uu ku sugnaa wasiirka amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, isla markaana uu ciidamada ammaanka ku bogaadiyey sida ay isaga difaaceen Al-Shabaab.

“Wasiirka Amniga Galmudug oo jiidda hore ee dagaalka ku sugan ayaa ugu hambalyeeyey ciidamada amniga guusha ay dagaalkii galabtay ka soo hooyeen, asagoo bogaadiyey kaalinta geesinimada leh ee dadka reeer Bacaadweyn ay muujiyeen. Galmudug waxa ka qodan qabuuraha khawaarijta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Magaalada Bacaadweyn waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Sanetor Cabdi Qeybdiid, isla markaana ay qeyb ka yihiin xubno ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaas oo maanta gaaray, si ay ugu kuur galaan xaalda nololeed ee ka jirta deegaankaas.

Al-Shabaab ayaa marar badan weerarro aysan u kala harin ku qaaday Bacaadweyn, balse dadka deegaanka iyo ciidan tiro yar oo ka tirsan qeybta 21-aad ee militeriga Soomaaliya ayaa uga guuleystay dagaaladii ka dhacay deegaanka.

Illaa hadda lama xaqiiji karo inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo saacado badan ka socday duleedka Bacaadweyn, marka laga reebo Galmudug oo guulo ka sheegatay.