25.6 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Maxay tahay arrinta uu ururka Jaamacadda Carabta u ballan-qaaday Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in dalalka Jaamacadda Carabta ay doorashada Soomaaliya u balan qaadeen taageero maaliyadeed, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ka codsatay kharash dhan $12 Milyan.

Balan-qaadkaan ayaa yimid kadib markii shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar uu ka qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku tilmaamay shirkii Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira intii u dhexeysay 9-10 September mid miro dhal ah, iyadoo looga dooday ajandaha ah in dhaqaale lagu taageero doorashooyinka Soomaaliya, Arrinta Falastiin, xaaladihii ugu dambeeyay wadamada Suuriya, Yemen, Liibiya iyo Lubnaan, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono inay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ee walaalaha ah ay ugu fadhido Soomaaliya, si ay uga gudubto caqabadaha jira.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn sanadihii la soo dhaafay, balse ay weli u baahan tahay taageerada walaalaheeda Carbeed si loo horumariyo, dibna loogu dhiso hey’adaha dowladda, loona sii wado hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh ee ku suntan kor u qaadista qiyamka dimuqraadiyadda, xukunka oo si nabadgelyo ah la iskugu xil-wareejiyo iyo qabashada doorashooyin (iyadoo doorashada Aqalka sare ay bilaabatay , waxaa xigi doona doorashada Golaha Shacabka, kadibna doorashada Madaxweynaha) , iyo sidoo kale taageeridda hey’adaha dawladda, dib-u-dhiska dalka, deyn cafinta, iyo maalgelinta qeybaha muhiimka ah sida xoolaha, beeraha iyo kalluumaysiga.

Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada.

Markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, Soomaaliya waxa ay bixin doontaa lacagta ugu badan ee doorashooyinka baarlamaaniga iyo tan madaxweynaha, iyadoo dalalka reer galbeedka ay bixiyeen 7.7 milyan oo doolar oo ay soo marsiiyeen Qaramada Midoobey, halka lacagta laga uruurin doono musharrixiinta lagu qiyaasay 8.2 milyan oo doollar, taas oo ka dhigaysa Soomaaliya inay bixiso lacagta ugu badan ee miisaaniyadda guud ee loo qoondeeyay doorashooyinka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal labo dhinacle ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga. 

 

Rooble oo warbixin siiyey QM, kuna adkeystay mowqifkiisa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay wafdi sare oo ka socday Qaramada Midoobay oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Marwo Amina Jane Momamed.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka, ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin horumarrada ka jira Soomaaliya, arrimaha doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha, arrimaha bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa wafdiga Qaramada Midoobay la wadaagay horumarrada laga gaaray howlaha doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay in ay noqdaan kuwo nabdoon, daah-furan oo aan cidna lagu xad-gudbin, isagoo tilmaamay in inta badan dowlad-goboleedyadu soo dhammeystireen doorashada xubnaha Aqalka sare ee BFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha Baarlamaanka, arrintaas oo u magacaabay guddi gaar ah oo u qaabilsan.

“Waxaa naga go’an in doorashadu ku dhacdo xilligii loo qorsheeyay, isla markaana aysan wax saameyn ah ku yeelan arrimaha kale ee jira,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in uu rajeynayo in maalmaha soo socda ay bilaabato doorashada xubnaha baarlamaanka ee ka soo jeeda Somaliland.

Rooble ayaa sidoo kale ku adkeystay inay ka go’an tahay in qoyska Ikraan Tahliil ay caddaalad helaan, xilli ay isaga iyo Farmaajo isku fahmi waayeen arrintan.

Qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri “Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahaliil Faarax, isagoo xusay in aysan habbooneyn in arrintaas la siyaasadeeyo.”

Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble ayaa xalay burburay kadib markii Farmaajo uu dalbaday in qoyska Ikraan la siiyo diyo, kiiskana halkaas lagu xiro, halka Rooble uu sheegay inay maxkamadda ciidamada ay baareyso kiiskan, islamarkaana caddaaladda la marinayo.

Wafdigii ka socday QM oo 5 qodob kala hadlay Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka tirsan Qaramada Midoobey oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Marwo Aamina Jane Maxamed. 

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, Farmaajo iyo Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka wadahadlay shan qodob oo kala ah:

1- Arrimaha horumarinta bulshada (SDG)
2- Xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya
3- Dhammeystirka doorashooyinka dalka
4- Awoodsiinta siyaasadeed ee haweenka
5- Iyo sidii loo dardargelin lahaa howlaha hortebinta u leh Shacabka Soomaaliyeed.

Soomaaliya oo ka mid ah dalal dhowr ah oo ka tirsan Gobolka oo ay socdaal ku marayso Kuxigeenka Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ku bogaadisay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumarka ay ka xaqiijiyeen dhinacyada dib u dhiska ciidamada, amniga, hannaanka dayn cafinta, koboca dhaqaalaha, la dagaallanka Musuq-maasaqa iyo la tacaalidda cudurka saf mar ah ee COVID-19. 

“Farmaajo ayaa la wadaagay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Aamina Jane Maxamed sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo hirgelinta xeerarka aas-aaska u ah dowlad wanaagga, waxa uuna uga mahadceliyey Qaramada Midoobay taageerada ay siiyaan shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Kulanka waxa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Jamaal Maxamed Xasan, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka Mudane Cabdi Cali Raage, dhanka kale waxaa goob-joog ka ahaa Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Mudane James Swan.

R/W ROOBLE oo amar culus oo afar qodob ah dul dhigay Wasaaradda Maaliyadda

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku amray wasaaradda maaliyadda inaysan bixin karin lacag uusan isaga soo saxiixin, islamarkaana aan ogolaansho looga heysan.

Warqadda amarka lagu bixiyey oo loo diray wasaaradda Maaliyadda 9-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale la ogeysiiyey Xisaabiyaha guud, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo hanti dhowraha guud ee qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah u xayiray in ogolaansho la’aantiisa la isticmaalo lacagta Hay’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ah ee loo yaqasan SDRs.

Rooble ayaa sheegay in iyada oo laga ambaqaadayo marxaladda kala-guurka ee dalku marayo iyo baahida loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho hannaanka kharash-bixinta DFS iyo isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF ee looyaqaan SRDs uu amray Wasaaradda Maaliyadda ee ay warqaddani sida tooska ah ugu socoto:

  1. In aan la bixin karin wax kharash, noocii doono ha ahaadee, ilaa oggolaansho laga helo RW XFS.
  2. Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, waa in marka ay mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, oggolaansho ka helaan RW XFS inta aan la bixin wax lacag ah.
  3. Wax lacag ah lagama soo qaadi karo qoondada DFS ee lacagta hay’adda IMF ee loo yaqaan SDRs iyada oo aan oggolaansho laga helin Ra’iisul Wasaaraha XFS.
  4. Ma jirto wax kale oo iska beddelay shaqada hay’adaha dowladda ee warqaddani ku socoto.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda uu Rooble u diray wasaaradda Maaliyadda

 

Kiiska IKRAAN TAHLIIL ‘oo ka weyn yahay inta la malaynayo’

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka tirsan golaha shacabka ee muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa markale ka hadlay xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, gaar ahaan khilaafka Farmaajo iyo Rooble iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax

Mahad Salaad oo ka hadlayey wada-hadalladii u dambeeyey ayaa shaaca ka qaaday in weli Farmaajo uu ku dhagan-yahay in maxkamadda laga soo celiyo kiiska Ikraan, sidoo kalena uu isagu magacaabo agaasimaha hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Ujeedka ayuu ku sheegay in la doonayo in lagu baabi’iyo raadka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo sababay khilaafka iyo xiisadda siyaasadeed ee haatan ka taagan magaalada Muqdisho.

“Farmaajo wuxuu ku dheganyahay: Kiiska Ikraan Tahliil waa in maxkamada laga soo celiyo si Fahad loo badbaadiyo. Taliyaha NISA waa inaan anigu soo magacaabo, si loo baabi’iyo raadka kiiska Ikraan!” ayuu  ku yiri xildhibaanka mucaaradka ah ee  Mahad Salaad.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in kiiska Ikraan uu ka weyn yahay inta loo maleynayo, isla-markaana wararka soo baxaya haddi ay xaqiiqo noqdaan ay ceeb ku tahay dowladnimada.

“Kiiska Ikraan inta la malaynayo waa ka weyn yahay waxaana soo baxaya xogo hor leh oo hadii ay run noqdaan ceeb iyo foolxumo aan la arag oo la maqal ku ah dowladnimada Soomaaliya, Dhaqankeena suuban iyo Diinteena Islaamka!” ayuu raaciyey Mahad Salaad.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada lagu kala tegay natiijo la’aan wada-hadalladii u dhexeeyey Farmaajo iyo Rooble oo u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil.

Farmaajo iyo Fahad Yaasiin oo baajiyay qorshe uu watay Ra’iisul Wasaare ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa ku guuleystay in ay is-hortaagaan in Agaasimaha cusub ee KMG ah ee NISA Jeneraal Bashiir Goobe uu tago xarunta NISA ee Habar Khadiijo. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Xarunta hay’ada NISA dibadeeda dejiyay ciidamada Duufaan oo heysta gaadiid dagaal, waxaana sababta ay halkaas u joogaan lagu sheegay in ay qalalaaso abuuraan haddii Janaraal Bashiir Goobe la geeyo xarunta NISA. 

Xarunta NISA ayaa waxaa haysta ciidamada Waran, oo uu hoggaamiyo Maxamed Xasan oo taabacsan ra’iisul wasaare Rooble, hase yeeshee dibedda iyo isgoysyada ku dhow xarunta ayaa waxaa haysta ciidamada Duufaan.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo diidan in uu sabab u noqdo isku dhac ciidan oo ka dhaca Muqdisho iyo in lagu eedeeyo in uu weerarka isaga bilaabay ayaa baajiyay qorshihii Bashiir Goobe lagu geyn lahaa taliska Habar Khadiijo oo ah xarunta NISA. 

Ciidamada Duufaan oo daacad ah Fahad Yaasiin oo shaqo joojin lagu sameeyay iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo magacaabistii Janaraal Bashiir Goobe waxay joogaan albaabka weyn ee hay’adda NISA, iyadoo sidoo kalane ay joogaan albaabka dhinaca Hotel Global ee degmada Cabdicasiis. 

Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo diidan in uu sabab u noqdo isku dhac ciidan oo ka dhaca Muqdisho iyo in lagu eedeeyo in uu weerarka isaga bilaabay ayaa doonayey inuu wada-hadallada fursad siiyo, balse ma cadda tallaabada uu hadda qaadi doono.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa hadda haysta laba daran mid door. Haddii uu Bashiir Goobe tagi waayey NISA waxay guul u tahay Farmaajo, haddii uu weerar qaadana waxaa ka dhalan kara in dhiig badan uu daato, oo isaga lagu eedeeyo.

Daawo: Xaaska Cabdiwahab Cabdisamad oo afduubkiisa la xiriiisay R/Wasaare Rooble

0

Nairobi (Caasimada Online) – Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo warbaahinta kula hadashay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegtay in afduubka seygeeda Aqoonyahan Cabdiwahaab ay ogaadeen inuu ku lug-leeyahay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Maalinkii Arbacada ee lasoo dhaafay ayaa Prof. Cabdiwahaab laga afduubtay bartamaha magaalada Nairobi oo uu deganaa, waxayna xaaskiisa iyo walaashiis warbaahinta u sheegeen in aysan garaneyn illaa hadda halka lagu hayo Cabdiwahaab.

“Cabdiwahaab maalinkii afaraad ayuu naga maqan yahay, waxaana na soo gaartay in amar ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble uu ku xiran yahay, runtii aad ayaan ula yaabnay arrintaas, waa laga fiican yahay anagoo Soomaali ah in aan dad kale isku adeegsano,” ayey tiri Xaliimo Maxamed.

Waxay sheegtay in Seygeeda Cabdiwahaab uusan wax u jeedo ah ka laheyn Soomaaliya, balse uu mar walba ka hadli jiray waxa ay dantu ugu jirto dalkiisa Hooyo.

“Wax aan la gambaneyno ma ahan, waa rasmi in xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble uu ku lug leeyahay arrinta Cabdiwahaab, hadii dhib soo gaaro Cabdiwahaab, waxaa mas’uuliyadda qaadaya Rooble,” ayey hadalkeeda ku sii dartay Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Prof. Cabdiwahaab.

Faa’iso Sheekh Cabdisamad oo ay walaalo yihiin Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa sheegtay inay aad uga xunyihiin oo ay ka walwalayaan maqnaasha Prof. Cabdiwahaab.

“Waxaa naloo soo sheegay in xafiiska Rooble uu codsaday in Prof. Cabdiwahaab loo soo qabto, taasna ma aanaa filaneyn, sababtoo ah Cabdiwahaab nin Soomaaliya dano kaleh ma ahan, waa nin jecel in Soomaali midowdo, mana jiro wax dembi ah oo loo heysto,” ayey tiri Faa’iso Sheekh Cabdisamad.

Hoos ka Daawo

Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble oo lagu kala tegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Wada-hadallada ayaa u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan NISA, oo lagu tuhmayo gacanta hay’adda, iyo habka loo baarayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ogolaaneyn in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan madax-banaan, oo ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, halka ra’iisul wasaare Rooble uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn in kiiskaas la daboolo oo gabadhaas iyo qoyskeeda aysan helin caddaalad.

Xubno ku dhow madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo wada dhex-dhexaadinta ayaa sheegay in ay aad ula yaaban yahay sababta madaxweynaha uu uu caddaalad ugu diidan Ikraan iyo qoyskeeda. Wararka qaar ayaa sheegaya inay suurta-gal tahay inuu aad u ilaalinayo taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, ama laga yaabo in kiiska uu madaxweynaha naftiisa lugaha la galo.

Waxaa sidoo kale la isku mari waayey qodob la xiriira cidda noqoneysa taliyaha cusub ee NISA, kadib markii labada taliye ee ay kala magacaabeen Farmaajo iyo Rooble la isla ogolaaday in meesha laga wada saaro oo mid cusub la magacaabo.

Farmaajo ayaa ku adkeystay inuu doonayo inuu soo magacaabo taliyaha cusub, hase yeeshee Rooble ayaa soo jeediyey inay ka wada tashtaan, si qof lagu wada qanacsan yahay loo magacaabo.

Ma cadda waxa xiga doono burburka wada-hadallada, iyo cidda guusha siyaasadeed ay ku dambeyn doonto.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maalmihii tegay dib u dhigayey qorshe uu xarunta NISA ku geyn lahaa taliyaha cusub ee NISA Bashiir Maxamed Jaamac, ayada oo xarunta aageeda ay joogaan ciidanka Duufaan ee taageersan Farmaajo, halka xarunta ay haystaan ciidanka Waran ee taageersan Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo diidan in uu sabab u noqdo isku dhac ciidan oo ka dhaca Muqdisho iyo in lagu eedeeyo in uu weerarka isaga bilaabay ayaa doonayey inuu wada-hadallada fursad siiyo, balse ma cadda tallaabada uu hadda qaadi doono.

Dhageyso: Gal-dacwadeed laga diyaariyey Farmaajo iyo xubno saraakiil u badan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed ayaa diyaariyey dacwad ka dhan ah madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo xubno kale, taas oo salka ku heysa wixii ka dhacay Baydhaba 2018-kii, xilligii doorashada maamulkaas, arrinta Mukhtaar Rooblow oo sifo aan sharci aheyn dowladda ugu xiran mudo sanado ah iyo arrimo kale.

Yuusuf Xasan Mursal oo ay isku xisbi ahaayeen Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa wareysi uu siiyey Radio Kulmiye waxa uu ku sheegay in maalmahaan ay u socdeen kulamo la isaga xog wareysanayey dhibaatooyinkii ka dhacay Baydhaba sanadkii 2018-kii iyo xarigga Sheekh Mukhtaar.

“Kulamo aan maalmahaan la yeelaneynay dhinacyada ay taabteen dhibaatooyinkaas waxaa lagu go’aamiyey in gal dacwadeed ka dhan ah Farmaajo iyo qolyihii ku lugta lahaa aan ka furano hey’adaha garsoorka ee ay khuseyso, sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal.

Waxa uu sheegay in xogaha ay aruuriyeen ay ku ogaadeen in xilligii doorashada Lafta Gareen Baydbaba lagu dilay 14 qof oo rayid ah iyo xildhibaan ka tirsanaa baarlamaanka maamulkaas oo lagu magacaabi jiray Cabdishakuur Yacquub, sidoo kale 26 qof ayuu sheegay in la dhaawacay xalligaas.

Yuusuf Xasan ayaa sheegay in dadka ku jira gal-dacwadeedka ay diyaariyeen ay badan yihiin, isagoo ka xusay madaxweyne Farmaajo, Fahad Yaasiin, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Mahad Cabdiriraxman Aadan, iyo dhammaan taliyeyaashii ciidamada ee Baydhaba ka howlgalayey xiligaas.

Sidoo kale waxa uu sheegay in saxaafadda ay u soo bandhigi doonaan liiska dadka ay dacwadaha ka gudbinayaan ee loo heysto wixii ka dhacay Koonfur Galbeed.

“Waxaa halkaas laga soo xiray Sheekh Mukhtaar Rooblow oo Xamar ku afduuban sanadkii 3-aad, marka hadda waxaan isku afgaranay in gal-dacwadeedka yaga aan ka furano hey’adaha garsoorka dalka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Yuusuf Xasan Mursal.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayuu sheegay inay ka codsanayaan, marar badana ay ka codsadeen inuu ku garab siiyo cadaalad u helidda dadkooda la dulmay, sida uu hadalka u dhigay.

Mar wax laga weydiiyey sababta ay xilligaan ugu soo aadiyeen dacwadaas ayuu yiri, “Xilligaan waa xilliga ugu roon oo xoogaa cadaalad ah ayaa noo soo iftiintay, ra’iisul wasaare Rooble ayaa sida aad ogtihiinba bilaabay in Ikraan Tahliil ay cadaalad hesho, anaga waxaan ka codsaneynaa inuu garab nagu siiyo inay cadaalad helaan dadkeenii lagu laayey Baydhaba iyo kuwa nool ee dulman.”

Ugu dambeyntii Yuusuf Xasan Mursal ayaa sheegay in hadda ay walwal badan ka qabaan nolosha iyo badqabka Mukhtaar Roobow oo sida uu sheegay NISA u afduuban.

“Mukhtaar Roobow waxuu ku nool yahay meel u dhaw xarunta la isku heyto ee NISA, waxaan ka walwalsanahay noloshiisa iyo sida ay wax noqon karaan, waxaa dareemi kartaan xaaladda qof guri ku afduuban oo cid u tegeysa aysan jirin, saacadaha ama maalmaha soo socda waan ka walwaleynaa xaaladda Sheekh Mukhtaar, waxaan ra’iisul wasaaraha ka codsaneynaa in si dhow uu ula socdo xaaladda Sheekh Mukhtaar Roobow,” ayuu yiri Yuusuf Xasan Mursal.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Yaa loo soo qabtay dilka loo gaystay xildhibaan Cardoofe?

0

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Somaliland ayaa saaka iyo xalay howl-gal baaritaano ah ka sameeyey Laascaanood, kadib dilkii loo geystay xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka tirsanaa golaha deegaanka ee degmadaasi.

Duqa degmada Laascaanood Cabdiraxiin Cali Ismaaciil oo wareysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa shaaca ka qaaday in dad tuhmanayaan loo soo qab qabtay dilka marxuumka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay haatan ku socdaan baaritaano dheeraad ah oo lagu kala ogaanayo dadka ay hayaan ciidamada booliska, kadibna qofkii ku lug yeesha kiiska la maxkamadeynayo, halka ruuxii lagu waayo xorriyaddiisa la siinayo.

Cabdiraxiin Cali ayaa sidoo kale intaasi ku sii daray inay faah faahinta rasmiga ee baaritaanada socda dib ka shaacin doonaan.

AUN Cabdirisaaq Axmed Cilmi waxaa lagu hor dilay gurigiisa, saraakiisha booliiska ayaa inoo sheegay in baaritaan uu socdo, kama hor dhaceyno balse si feejigan ayaa loo baarayaa dadka loo qabtay dilkaan,” ayuu yiri Duqa magaalada Laascaanood.

Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) ayaa lagu dilay meel u dhow gurigiisa, iyada oo ay baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falkaasi toogashada ah.

Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ahaa xubnaha cusub ee golaha degaanka degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, wuxuuna ka soo baxay xisbiga Wadani.

Si kastaba, waxaa maalmihii lasoo dhaafay degmada Laascaanood oo ku taalla waqooyiga dalka Soomaaliya ka dhacayey falal liddi ku ah amniga oo u badan dilal qorsheysan.

FBI-da oo shaacisay haddii Sacuudi Carabiya ay ku lug laheyd weeraradii Sep. 11

0

Riydh (Caasimada Online) – FBI-da Mareykanka ayaa Sabtidii soo saartay macluumaadkii ugu horreeyay ee lala wadaago dadweynaha Mareykanka kaas oo la xiriira baaritaankii 11-kii Sebtember 2001, weeraradii lagu qaaday Mareykanka iyo eedeymaha ku aaddan taageerada dowladda Sacuudiga ee afduubayaashii diyaarahada.

Soo saarista warbixintan ayaa ka dambeysay amar fulineed uu bixisay Madaxweyne Joe Biden, kaas oo la xiriiray in warbixinta baaritaanka ee la xiriirka Sucuudi Carabiya dadweynaha loo soo bandhigo.

Ehelada dadkii ku dhintay weeraradii September 11 ayaa ugu baaqay Biden inuu ka baaqdo munaasabadaha xuska sanad-guurada 20 -aad haddii uusan daboolka ka qaadin macaluumaadka la xiriira tuhunka laga qabay in Sacuudi Carabiya ay taageertay weeraradii Mareykanka lagu soo qaaday.

Warbixinta FBI-da oo lagu soo koobay 16 bog ayaa lagu sheegay inuu jiray xiriirka ka dhexeeyay afduubayaasha iyo saaxiibo u dhashay Sucuudiga, laakiin aysan jirin wax caddayn ah oo la xiriirta in xukuumadda Riyaad ay ku lug lahayd weeraradaas, oo ay ku dhinteen ku dhawaad 3,000 oo qof.

Sacuudi Carabiya ayaa muddo dheer sheegeysay inaysan wax door ah ku lahayn weeraradaas, iyadoo Safaaradda Sacuudi Carabiya ee Washington aysan ka jawaabin codsi la xiriira sida ay u aragto warbixinta cusub ee la soo saaray goor dambe oo Sabtidii ah.

Shan iyo toban ka mid ah 19-ka qof ee diyaaradaha afduubtay ayaa u dhashay dalka Sacuudi Carabiya.

Guddi ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa waayay wax caddeyn ah oo sheegaya in Sacuudi Carabiya ay si toos ah u maalgelisay Al-qaacidda oo ay Taalibaan ku qarineysay Afghanistan xilligaa, hase yeeshee baaritankan ayaan meesha ka saariin inay dhici karto in shakhsiyaas masuuliyiin Sucuudi ah ay taageero siiyeen Al-qaacida.

Wakaaladda warararka ee Reuters ayaa qortay in qoysaska qiyaastii 2,500 oo ka mid ah dadka lagu dilay weeraradaas, iyo in ka badan 20,000 oo qof oo ay soo gaareen dhaawacyo, meherado iyo caymisyo kala duwan ayaa dacweeyay Sacuudiga, iyagoo raadinaya balaayiin doolar oo magdhaw ah.

VOA

Nin Soomaali ah oo dhowr qof ku dhaawacay weerar uu ka geystay dalka Talyaaniga

0

Rome (Caasimada Online) – Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacmay weerar uu nin Soomaali ah ka geystay magaalladda Rimini ee gobalka Emilia-Romagna dalka Talyaaniga.

Wargeyska Corriere di Bologna ayaa laga soo xigtay in ninka weerarka fuliyey uu Toorey ku dooxay dadkaasi, xilli ay la socdeen Bas ka yimid Riccione, kuna sii jeeday Rimini.

Sidoo kale warbixinta uu daabacay wargeyska ayaa intaasi ku sii dareysa in eedeysanaha oo 26-jir ah  uu Tikid la’aan raacay Baska, kadibna markii ugu horreysay uu toorey ku dhuftay laba haween oo u xil saarnaa hubinta Tikidhada, sidoo kalena uu sii dhaawacay saddex qof oo kale oo ka mid ahaa Rakaabkii kale ee la socday Baska.

Dadka dhaawacmay sidoo kale waxaa ku jira wiil yar oo 5 sano jir ahaa, sida ay shaaciyeen saraakiisha booliska ee magaalada uu weerarka ka dhacay.

Intaas kadib eedeysanaha ayaa isku dayey inuu baxsado, isaga oo si deg-deg ah uga dagay gaariga, balse waxaa durbaba qabtay boolis ka agdhowaa halkaasi.

Weli ma shaacin boolisku magaca ninka Soomaaliga ee weerarka geystay, balse waxa ay u muuqataa in uusan xiriir ah la laheyn kooxaha Argagixisada, iyada oo badinayo inuu isticmaalay mukhaadarad, sida ay sheegayaan wararka soo baxaya ee laga helaya Talyaaniga.

Eedeysanaha Soomaaliga ah ee gacanta lagu dhigay ayaa dhowr bilood ka hor tegay Talyaaniga, isaga oo qaxootinimo ku galay dalkaasi, balse ma helin wax aqbalaad ah.

Ma’ah dhacdo ugub ah in nin Soomaali ah uu weerar ka geysto Europe, waxaana dalal kala duwan laga soo wariyey weeraro ay geysteen Soomaali oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

NISA ma waxa ay raacdaa xeerkii dowladdii Kacaanka mise heshiiskii 2004-ka?

0

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Abukaate Sakariye Yuusuf oo wax ka qoray dastuurka Soomaaliya ayaa baarlamaanka Soomaaliya ku eedeeyey inuusan xeer lagu dhaqo u dajin hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA taasoo uu ku sheegay sababta khilaafka ka taagan hey’adda.

Abukaate Sakariye oo ka qeybgalay dood ay qabatay idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ayaa sheegay inuusan kala garaneyn illaa hadda xeerka lagu dhaqo hey’adda NISA haddii uu yahay midkii Siyaad Barre iyo haddii uu yahay midkii lagu heshiiyey sanadkii 2004.

“Haddii hey’adda lagu dhaqayo xeerkii Maxamed Siyaad Barre  waxaa la raacayaa xeer la yiraahdo lambar-14 oo ah mid uu jideeyay golihii kacaanka Sare ee 1970-kii, ee uu saxiixay Gudoomiyihii Golahaas” ayuu yiri Abukaate Sakariye.

“Haddii la yiraahdo Wasiirka Amniga ayey hoostageysaa, waxaa la raacayaa heshiiskii lagu gaaray Kenya ee lagu dhisay dowladdii 2004 ee Federaalka ahayd”, ayuu BBC Somali u sheegay Abukaate Sakariye.

Dhanka kale, Abuukaate Sakariye ayaa sheegay in Ra’isulwasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu awood buuxda u leeyahay magacaabista iyo xil ka qaadista xubnaha golaha Wasiirada iyadoo aysan ku xirneyn wax shuruud ah.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweynaha Soomaaliya uu sidoo kale dastuurka dalka u ogolaanayo inuu xilka ka qaado ama u magacaabo xubanha Xukuumadda balse looga baahan yahay inuu ogolaansho iyo soo jeedin ka heysto Ra’isulwasaaraha.

Ciidamada PUNTLAND oo gacanta ku dhigay maanta shabakado lagu raad-joogay

0

Garoowe (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa howl-gallo ay saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolka Mudug waxa ay gacanta ku sood dhigeen shabakado isku xiran oo lagu raad-joogay maalmihii la soo dhaafay.

Shabakadahan oo ka ganacsadaha maan-dooriyaha, kana kooban dhowr xubnood ayaa lagu kala qabtay degmooyinka Jarriiban iyo Galdogob ee gobolka Mudug.

Laamaha ammaanka ee maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in howl-galladan lagu soo qabtay laba ka mid ah shabakadihii ugu weynaa ee maandooriyaha khamriga gelin jiray gudaha deegaanada maamulkaasi iyo sidoo kale gaadiidka ay ku howl-geli jireen.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka ayaa xusay in dadka la qabtay la horgeyn doono maxkamad, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

Ugu dambeyn waxay ugu baaqeen shacabka inay ciidamada ammaanka kala shaqeeyaan howl-gallada lagu sugayo, laguna ciribtirayo ka ganacsiga waxyaabaha maanka-dooriya.

Booliska Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeyey xoojiyey howl-gallada ay ka wadaan gobolka Mudug, kuwaas oo lagula dagaalamayo kooxaha ka ganacsada maandooriyaha.

Si kastaba Gaalkacyo iyo degmooyinka kale ee gobolkaas ayaa maalmihii lasoo  dhaafay laga dareemayey xasilooni, kadib markii la kordhiyey howl-gallada ka socda halkaasi.

Daawo: Musharax u taagnaa kursiga Xaaji Muuse Suudi Yalaxow oo caawa tanaasulay

0

Jowhar (Caasimada Online) – Xaaji Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ahaa xubnaha isku soo taagay inay u tartamaan kursiga Aqalka Sare ee afrtii sano ee lasoo dhaafay uu ku fadhiyey Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa caawa sheegay inuu ka tanaasulay ka qeyb galka tartankaas.

Shan musharax oo kala ah, Xaaji Muuse Suudi, Cabdullahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci, Xasan Cadaay Cali iyo Xaaji Muxidiin Xasan Afrax ayaa lagu shaaciyey liiskii tartamayaasha ahaa ee uu soo saaray madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe, balse hadda waxaa tartanka isaga baxay Muxidiin Xasan Afrax.

“Mar hadii halkaan kursi la isugu yimid oo meesha la isku cariiriyey, waa in tanaasul yimaadaa, inteenaas hadaan saf u galno hal kursi, waxaan is tusay in culeys ka imaanayo,” ayuu yiri Muxidiin Xasan Afrax.

Shacabka ku nool magaalada Jowhar, madaxda maamulka iyo xubnihii ku garab siinayey inuu u tartamo kursigaas ayuu Xaajigu aad ugu mahad celiyey.

“Waxaan idiin cadeynayaa inaan dib ula laabtay rabitaankeygii kursigaas Aqalka Sare, madaweynaha, guddoomiyaha baarlamaanka iyo guud ahaan shacabka iyo mas’uuliyiinta reer HirShabeelle waa isoo dhaweeyeen, waana rabeen inaan tartamo, laakiin isku tanaasul la’aanta markii aan arkay ayaan tanaasulay, qofkii guuleystana waan la shaqey doonaa,” ayuu yiri Muxidiin Xasan Afrax.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa todobaadkii hore shaaciyey liiska musharaxiinta u tartameysa 8-da kursi ee Jowhar lagu dooranayo, kuwaas oo gaarayey 32-xubnood, balse Xaaji Muxudiin ayaa noqday musharaxii ugu horeeyay oo ka tanaasulay tartanka mid ka mid ah kuraasta ugu loolanka adag ee taalla HirShabeelle, kaas oo ah kursigii uu ku fadhiyey Xaaji Muuse Suudi.

Hoos ka daawo Xaaji Muxudiin Afrax

 

Daawo: Dr. Tahliil Faarax oo markii u horeysay ka hadlay dilka gabadhiisa IKRAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dr. Tahliil Faarax oo ah Aabaha gabadha loo heysto NISA ee Ikraan Tahliil Faarax ayaa markii ugu horeysay warbaahinta la hadlay, isagoo sheegay in wax diyo ah aysan qaadan doonin, baaqna u diray madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Aabe Tahliil Faarax ayaa sheegay in isaga iyo hooyada dhashay gabadhiisa ee Qaali Maxamuud Guhaad aysan qaadan doonin diyo ama mag, “Xataa hadii ay bilyanis noqoto” sida uu sheegay.

“Markii ay NISA shaacisay geerida Ikraan, ee Ra’iisul wasaaruhu amray hey’adaha garsoorka in kiiska ay baaraan, durbadiiba waxaa ka hor yimid Fahad iyo Farmaajo oo in ka badan laba bilood ah dhegaha ka fureystay qeyladhaanteena iyo tan shacabka, ficilkii ugu horeeyey ee Farmaajo waxa uu noqday inuu hor istaago cadaalad u raadinta kiiska gabadheyda,” ayuu yiri Dr. Tahliil Faarax.

Diktoorka ayaa madaxweyne Farmaajo u sheegay in uusan jirin qof cadaaladda ka weyn umadda uu u dhaartana ay cadaaladda un deeqdo, “Hadii aadan wax ka ogeyn dilka gabadheyda, fadlan Farmaajo ka wareeg cadaaladda, hanaga hor istaagin,” ayuu yiri.

Waxuu intaas ku sii daray, “Go’aanka reer Tahliil Faarax iyo reer Maxamuud Guhaad ee kiiska Ikraan waxa uu yahay in wax gorgortan ah aysan ka geli doonin cadaaladda u helidda gabadhooda, wax cadaalad aan aheyna nama deeqdo, madaxda NISA waxaan ka rabnaa hadii ay hayaan gabadheenii inay si deg deg ah u sii daayaan, hadii la dilayna in meydkeeda nala siiyo, si aan u aasano.”

“Aniga iyo hooyada dhashay gabadha ee Qaali Maxamuud, waxaan u cadeyneynaa madaxda dhex-dhexaadinta ku howlan in marnaba aanaa diyaar u aheyn in kiiska lagu dhameeyo xeer Soomaali, wadahadal iyo diyo, xataa hadii ay bilyanis tahay,” ayuu yiri.

Aabe Tahliil Faarax ayaa u mahad celiyey dhammaan dhinacyadii isku howlay cadaalad u raadinta gabadhiisa Ikraan Tahliil, sidoo kale waxa uu u mahad celiyey madaxda ku howlan waan-waanta laga dhex-wado Farmaajo iyo Rooble oo isku khilaafay kiiska Ikraan.

Hoos ka daawo Dr. Tahliil Faarax

Sawirro: Xil kala wareejin ka dhacday Villa Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan uu Farmaajo u magacaabay xilkaas ayaa munaasabad ku qabsoontay Villa Somalia, waxa uu xilka kala wareegay ku-simihii Agaasimaha Guud ahna Ku-xigeenka Agaasimaha Mudane Cabdinuur Maxamed Axmed.

Cabdisaciid ayaa horey u ahaa la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee waxaa lagu beddelay Fahad Yaasiin, oo ra’iisul wasaare Rooble oo ka joojiyey shaqadii agaasimaha NISA, inkastoo markii dambe uu sheegay inuu is-casilay.

Agaasime Cabdisaciid Muuse Cali ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada, isaga oo uga mahad-celiyey Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada muddadii uu hayey xilka Ku-simaha Agaasimaha Guud.

Dhankiisa, Agaasime Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa ka codsaday dhammaan howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Agaasimaha cusub ee Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay dib u habeynta ballaaran ee uu ku sameeyey hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Xasan Macallin Khaliif oo munaasabadda ka qayb galay ayaa u rajeeyey agaasimaha cusub in Alle u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isaga oo kula dardaarmay ka miro-dhalinta qorsheyaasha shaqo ee Madaxtoyada iyo kobcinta tayada shaqaalaha.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Labada Agaasime waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Farmaajo, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska.

Sawirro: Soomaalida Holland oo maanta dhageystay daraf ka mid ah gudiyada isku haya maamulka Masjidka QUBA

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Shiikh Suldaan Gasle oo ka mid ah culumaa’udiinka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Nederlands,  ayaa galabta kulan ballaaran oo uu la yeeshay qaar ka mid ah jaaliyadaha Soomaalida dalkaasi, wuxuu kaga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray khilaaf intii muddo ahayd ragadaadiyay guddiga maamula masjid Quba oo ah masjid ay Soomaalidu leedahay, kuna yaal Amsterdam.

Khilaafkani wuxuu u dhexeeyaa Iimaamka masjidka Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga & maamulka masjidka oo dhinaca kale ah.

Kulankan waxaa soo agaasimay guddi ka dhisan Amsterdam,  guddigaasi oo ku soo baxay khilaafka, hasse ahaatee waxaa jira guddi kale oo ay horay labada dhinac ay  ugu madax dhiibteen si ay go’aan xaq & xalaal ah uga gaaraan khilaafka ka dhexeeyo, inkastoo Shiikh Suldaan uu madasha galabta ka sheegay in xubno ka tirsan guddigaasi oo uu saluugay dhexdhexaadnimadooda darteed inuu dib ugala laabtay kalsoonidii uu ku qabay.

Madasha kulanka maanta waxaa ku sugnaa   Shiikh Suldaan oo ka mid ah labada daraf ee uu khilaafka u dhexeeyo, halka daraftii kale ay ka cudurdaaratay kulanka.

Cali Waare, oo ka tirsan guddiga xalinta khilaafkaadka Amsterdam,  isaga oo ka hadlayay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dedaalada guddigooda ay hormuudka u ahaayeen oo ahaa kuwa  xal loogu raadinayo xiisada  masjidka Quba, wixii hadda ka dambeeya ay ku soo wareejiyanayaan waxgaradka Soomaalida, isaga oo intaasi raaciyay  in isaga & saaxiibadii ay ula muuqatay waajibaad diini ah in ay tahay in ay ku soo baxaan khilaafka, ujeeddada qura ee ay ka leeyihiinna ay tahay in xal loo helo khilaafka.

“In la kulmo oo labada dhinac la dhagaysto oo walaalaha kale ee madasha ka maqan aan waqti siino aad ayaa u jecleyn, ma jirto dan gaar ah oo aan ka leenahay arrintan, ujeeddadeenu waxay tahay in dhinacyada khilaafkani uu ka dhexeeyo in ay wadahadlaan si xal loogu helo khilaafka masjidka, maadaama masaajidka dadka ugu badan ee ku intifaacaya ay Soomaali yihiin” Ayuu yiri Cali Waare, wuxuuna ka dalbaday Shiikha in maadaama daraftii kale ee uu khilaafka kala dhexeeyay ay madasha ka maqan tahay in maqnaashiyahooda la ixtiraamo.

Shiikh Suldaan oo khudbad dheer goobta ka jeediyay ayaa dhinacyo fara badan ka hadlay, isaga ku xusay  in uusan jecleysan in dadku ay afkiisa ka maqlaan wax ka duwan wixii looga bartay ee ahaa muxaadaro & fasiraada kutubta & culuunta diiniga ah.

“Annagu haddii aan nahay Quba, markii hore halkee ka dhalanay.? SOMVOA ayaa ka dhalanay, anigoo iimaam masjid ka ahaaa ayaa rag culimo ah ay ii yeereen 2005-tii, culimadii ii yeertay waxaa ka mid ahaa Shiikh Shibili, waxaa la igu yiri howshan lagaama maarmi karo’e nala wad, waxaana shaqaale ka noqday masjidka” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, isaga oo intaasi sii raaciyay in hindisaha lagu iibiyay dhulka uu masjidka ku fadhiyo & fadhiisinta howlaha masjidka oo soo billaabmay 2007-dii inuu oday ka ahaa, qeyb waynna ka qaatay sidii howshaasi ay u najixi lahayd, hasse ahaatee shaqsiyaad dhalinyaro ah, oo qaarkood ardaydiisa ka mid ahaa  in ay isku dayeen in ay banaanka dhigaan.

“Maalin bay ii yeereen, markii aan wada fadhiisanay ayeey igu yiraahdeen laga billaabo caawa, shaqada waynu kaa rafacnay, waxaan ku iri, sharciyadeed u cuskateen inaad shaqada iga fadhiisisaan.? sababaha ay go’aankaas isula qaateen waxaa ka mid ahaa; markii aan ka hor imid mashaariic aan la marin waddadii saxda aheyd oo laga bixiyay lacago masaajidku lahaa” Ayuu yiri Shiikh Suldaan, isaga oo dhinaca kalena ku eedeeyay [Aadan Kaah] oo ka mid ah guddigii 2da dhinac ay u xilsaareen xalinta khilaafkaadka inuu  ka leexday dariiqii dhexdhexaadinimada, lana saftay xubnihii uu khilaafku kala dhexeeyay, sida uu Shiikhu yiri.

“Dambiyada uu ALLE xarimay waxaa ka mid ah xoolaha dadka oo sifo aan sharci ahayn lagu cuno, hadhow qofkii isaga oo ay qoorta u suran tahay ayaa la soo saarayaa, ciddina oran maayo ciddaas ayaa xoolaha cuntay” Ayuu yiri Shiikh Suldaan oo ay hadaladiisu u badnaayeen kuwa duur-xul ah, wuxuuna intaasi raaciyay in maalintii uu garaad yeeshay ilaa waqtigan oo madaxiisu ay ciro buuxisay in shaqada keliya ee uu yaqaan ay tahay fidinta diinta & wacyigelinta ummadda.

Aniga & cid kale ba waxaa ka wayn maslaxada ay masaajidka ku qabaan ummadda muslimka ah, haddii qof howshaasi aniga iga mudan la helo waxaan diyaar u ahay inaan duca ugu daro” Ayuu yiri Shiikh Suldaan.

Shiikh Suldaan waxaa kale oo uu sheegay in mushtamaca Soomaalida inuu ku soo celiyay ammaanadii ay u dhiibteen, isaga oo haweenka ku ammaanay sida ay hantidooda ugu bixiyeen dhismaha & habsami u socodka howlaha masaajidka.

Dhinaca kale, waxaa iyana xusid mudan, in guddigii ugu horreeyay ee howsha dhexdhexaadinta loo xilsaaray ee fadhigoodu ahaa Tilburg & Eindhohoven in iyaguna ay maalinta Axada ah oo  taariikhdu ku beegan tahay 19  ay shir isugu yeereen jaaliyadaha Soomaalida, kana dalbadeen in ay ka soo qeybgalaan kulan ay ku shaacin doonaan natiijadii ka soo baxday dhexdhexaadintii ay muddada soo wadeen.

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan 

Sheekh Shaakir oo Guriceel tegay iyo Macallin Maxamuud oo ku wajahan Gaalkacyo

0

Guricel (Caasimada Online) – Madaxii hore ee Xukuumadda Galmudug, islamarkaana ka mid ah madaxda Ahlu-Sunna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sheekh Shaakir ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Guriceel, halkaas oo maanta laga dareemayey soo dhaweyntiisa, waxaana magaalada isugu yimid inta badan culumada Ahlu-Sunna ee gobollada Dhexe.

Shaakir ayaa deegaanka ka maqnaa tan iyo bishii March 2020, kadib dagaal ciidamada Galmudug iyo xooggagii Ahlu Sunna ku dhexmaray Dhuusamareeb, kaasi oo keenay in markii dambe madaxda Ahlu Sunna isaga baxaan magaalada.

Sidoo kale, hogaamiyaha guud ee Ahlu-Sunna Macalin Maxamuud ayaa isna lagu wadaa inuu maalmaha soo socdo soo gaaro Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labadaan hoggaamiye hadda ugu soo laabteen Galmudug, xilli doorashada Soomaali ay marayso meel xasaasi ah isla markaasna deegaanada Galmudug uu ka socdo dagaal lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Axmed Qoor Qoor weli kama uusan hadlin safarka uu Sheekh Shaakir ku yimid Magaalada Guriceel.

Labadan hogaamiye ayaa Galmudug ka baxay kadib dagaal dhiig uu ku daatay oo ka dhacay Dhuusamareeb, waxaana markaa ka dib Meesha ka baxay ciidankii awoodda lahaa ee Ahlu Sunna.

Maxkamadda ciidamada oo heshay laba qof oo xog ka haya kiiska Ikraan Tahliil iyo madaxdi NISA oo loo yeerayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay billowdo baaritaanka kiiska dacwadda Ikraan Tahiliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA.

Xeer ilaalinta ayaa isku duba riday kiiska dacwadda Ikraan Tahliil, iyadoo xog la helay ay sheegeyso in xeer ilaalinta ay heshay illaa laba qof oo ka tirsan hey’adda NISA oo caddeynaya sida uu u dhacay kiiska Ikraan Tahliil.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo Maxkamadda uga yeerayo eedeynayaasha kiiska Ikraan Tahliil ee kala ah:

1- Agaasimaha xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
2- Agaasimaha uu Farmaajo magacaabay Yaasiin Farey
3- Madaxii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullaahi Kulane Jiis
4- Cabdiqani Diirane oo loo yaqan Wadna-qabad oo ka tirsan NISA

Haddii uu guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Co. Shuure ku dhawaaqo u yeeritaanka madaxda hey’adda NISA, waxaa laga yaabaa inuu cirka isku sii shareero khilaafka madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo uu hadda u socdo kulan lagu dhex-dhexaadinayo.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sii xoogaystay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.

Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa doonayo in kiiska Ikraan Tahliil aan la baarin oo halkaas lagu damiyo, qoyskeedana diyo la siiyo. Ma cadda sababta Farmaajo uu caddaalad ugu diidan yahay gabadhaas yar ee la dulmay, balse waxaa jira tuhun ah in kiiska uu dhallin karo fadeexad weyn, oo isaga taaban karta.