26.6 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Siyaasiyiin jawaab deg deg ah ka bixiyey tallaabadii uu caawa qaaday Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiyiin ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa durba ka fal-celiyey warqadii caawa ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Farmaajo, taas oo lagu shaaciyey guddi uu u magacaabay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, oo horay loogu eedeeyey inuu isagu caqabad ku yahay.

Ugu horeyn Axmed Macalin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri:

“Oday Farmaajo kiiska Ikraan dhexdhexaad ma ka yahay marka hore? Guddiga baaraya see NISA oo gabadha afduubkeeda loo aanaynayey xubin uga noqonaysaa? Marka baaritaankan la sheegay la soo dhameeyo ma Farmaajo ayaa maxkamad ah oo loo soo gudbinayaa? 

Mas’uuliyiin dekereeto Farmaajo horey ugu magacownaa haddana guddi ahaan loo qortay sidee looga filan karaa cadaalad?!

Sow uma muuqato warqaddani mid isbaaro loogu dhiganayo maxkamadda ciidanka ee kiiskan RW Rooble horey ugu gudbiyey? Tan kale se, ehelka Ikraam waxay gal dacwadeed geysteen maxkamadda CQS oo ay xaq u lahaayeen sow ayana carqalad la hordhigay uma muuqanayso!?

Si kastaba gacan daahir ah ayaa wax daahirisa, natiijada laga filan karo guddigaana waa la yaqaan oo waa waqtiga oo la jiido, waxbixin dhinac u janjeerta iyo kiiska oo afka meel kale loo aadiyo ayadoo laga leexinayo kuwii ku lugta lahaa!”

Sidoo kale Cabdikariin Guuleed ayaa isna qoraal uu soo saaray ku yiri

“Cadaaladdu waa aasaaska nolosha iyo dowladnimada, cadaalad la,aantuna waa waxii dumiyey hanaanka dowladnimadeena, bulshadeenana dhex dhigay colaadda iyo uurkutaalooyinka mahadhada noqday.

Gudiga uu Farmaajo u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil waxaan u arkaan inuu yahay isku day la rabo in lagu marin habaayo bulshada Soomaaliyeed. Laguna baaba,iyo kiiska, waxba kama jiraanna looga soo qaado.

Sida aan wada ogsoonahay kiiska gabadhu waxuu horyaala maxkamad ee waa in maxkamadda loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda.

Haddiiba kiiska loo magacaabayo gudi soo baara waxaa lagama maarmaan ah inuu noqdo guddi madax banaan oo kaashanaya khubaro iyo xeeldheerayaal caalami ah. Haddii kale kiisku waxuu horyaala maxkamade ha loo daayo, iyadu ha ka gungaarto baaritaalkeeda.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale qoraal uu soo saaray ku yiri:

“Xilligii Cusmaaniyiinta ay dunida Islaamka ka talinayeen ayaa labo nin oo Turki ah waxey siyaaro u soo aadeen qabriga Sh C/qaadir Jaylaani oo reer Ciraaq ahaa. Jidkii ayey ka lumeen, nin ay salaadda wajigiisa ka muuqato, bashaash farax badana ah, afkana aan wardiga ka qaadin ayaa ku soo baxay. Waxey is yiraahdeen Ilaaheey ayaa idiin soo diray. Meel-dhexe markii ay marayaan ayaa la seexday, ninkii lacagtii iyo saadkii ay wateen ayuu ka xaday waana tegey. Sidii ay u baadi-goobayeen ayey ugu danbayn gacanta ku soo dhigeen, waxaa ku soo baxay booliskii, wuxuuna u geeyey qaaddigii deggaanka. 

Qaaddigii ayaa tuuggii qol iskula xiray si uu su’aalo u waydiiyo. Qaaddigii oo qaylinaya ayaa soo baxay, labadii nin ayuu ku qayliyey, wuxuuna ku yiri waad masibadateen ninkan ee baxa taga. Nin wanaagsan oo reer Baqdaad ahaa oo arrinka kor kala socday ayaa tuuggii la faqay, wuu waaniyey, wuxuu ku yiri “Xoolaha xaaraanta ah iska celi, aniga dahab xalaal ah ku siinayee” laakiin tuuggii wuxuu yiri “War xoolo ma hayo ee ninka baliiska ah iyo qaaddiga way ii hanjabeen, haadii aan qirto in aan lacagta xadayna way i dilayaan, lacagtiina iyagaa qaybsaday” 

Ninkii saalixa ahaa inta yaabay ayuu yiri ooraah caan baxday oo aheyd ; ‎حاميها حراميها

“Kii la raacshay ayaa lunsaday”

Warqadaan wax kale maaha ee waxaa gabbaad looga dhigayaa kuwii danbiga galay.”

Farmaajo oo kiiska Ikraan u magacaabay guddi, xilli uu weli diidan yahay baaritaanka Maxkamadda Ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta magacaabay guddi uu sheegay inuu soo baari kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa tallaabadan qaaday kadib markii uu kasoo horjeestay in Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ay baaritaan ku sameyso kiiskan, sida ay dalbadeen qoyskeeda iyo ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddigan ayaa ka kooban shan xubnood oo kala ah:

1- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiye
2. Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Guddoomiye-ku-xigeen
3. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Xubin
4. Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Xubin
5 Xubin uu soo magacaabo Taliyaha Hay’adda Nabad -Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Xubin 

Tallaabadan ayaa loo arkaa isku day kale oo madaxweyne Farmaajo uu ku hor-istaagayo in Maxkamadda Ciidamada ay baarto kiiskan, islamarkaana dadka lagu tuhmayo, oo ay ku jiraan madaxda sare ee NISA la horgeeyo maxkamadda.

Horey ayaa waxaa u jiray guddi uu magacaabay ra’iisul wasaare Rooble oo kiiskan baara, hase yeeshee ay waxba kasoo bixi waayeeen kadib markii ay hay’adda NISA oo lagu tuhmayo dilka Ikraan ay la shaqeyn weysay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kadib armay xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada inay kiiskan baarto, taasi ooh adda ku guda jirta.

Siisas badan oo isugu jira dilal, qaraxyo, askartii la geeyey Eritrea iyo arrimo kale oo guddiyo loo magacaabay ayaa waxaa warkooda ugu dambeysay markii guddiyadaas la magacaabay.

Maxkamadda Ciidamada ayaa waxay guddiyada uga duwan tahay inaan baaritaankeeda la hor-istaagi karin, sidoo kalena ay u yeeri karto ciddii ay doonto, balse waxaa muuqata in Farmaajo uu middaas diidan yahay.  

Hoos ka akhriso warqadda

Musharaxiin badan oo ka haray tartanka Aqalka Sare ee HirShabelle + Magacyada

0

Jowhar (Caasimada Online) – Baarlamaanka HirShabeelle ayaa maanta dhageystay khudbada ku dhowaad 30 mushariax oo u taagan tartanka xubnaha Aqalka Sare ee kasoo galayo maamul goboleedkaas.

Musharixiinta oo markii hore kor u dhaafiyey illaa 30 musharax ayaa hadda hoos u dhacay kadib markii qaar ka tirsan musharixiinta ay go’aansadeen inay isaga haraan tartanka xilli ay shalay ku ekeyd is-diiwaan gelinta musharixiinta.

Musharixiinta is-casilay ayaa iskood u go’aansaday inay isaga haraan tartanka, waxaana xusid mudan inaysan dhiibin lacagta is diiwaan gelinta oo aheyd 20 kun oo Dollar, taasi oo qaar badan ku adkaatay

Lixda musharax ee isaga haray tartanka ayaa waxay kala yihiin: 1- Mukhtaar Xuseen Afrax, 2- Dr. Cabdiraxmaan Muuse Xabbad, 3- Muxyadiin Xasan Afrax, 4- Maryan Maxamed Kuulow, 5- Cabdalla Maxamuud Cusmaan, 6 – Adna Xasan Mahad Cabdi

Hoos ka aqris liiska musharaxiinta la diiwaan-geliyey ee isku soo haray

A): 1- Muuse Suudi Yalaxow
2- Cabdullahi Sheekh Xasa
3 -Axmed Xasan Caddow
4 -Dr. Xasan Cadaay Cali

B) 1- Maxamed Amin Shiikh Cusmaam
2- Daaha Muhudiin Sh. Daaud
3- Axmed Maxamed Call (Afcadeey)
4- Yussuf Macalin Xasan (Filla-Dheere)

C) 1- Maxamed Axmed Nuur (Tarsan)
2 – Raage Xasan Cusmaan (Xuuti)
3- Dr. Cusmaan Maxamuud Maxamed (Dufle)

D) 1- Prof. Maxamed Cusmaan Dhega-Juun
2 – Nuur Maxamed Geedi (Canjeex)

E) 1- Call Shacbaan Ibraahim
2- C/Qaadir Xanafi Sheekh Bashiir
3- Cabdullahi Axmed Tawaad
4- Caasho Xuseen Abuukar
5- Cabdalle Cabdi Xuseen

F) 1- Xasan Iidow Muxumed Kobac
2- Cusmaan Axmed Macow
3- Cabdinuur Ibraahim Nuur

G) 1- Fartuun C/Qaadir Faarah Karaama
2- Sacdiya Yarrow Aadan

H) 1- Naciimo Ibraahim Yuusuf
2- Zamzam Cabdullahi Xuseen
3- Maxamed Macallin Xasan Kulmiye
4- Abuukar Xasan Call (Maqaneey)

Sawirro: Rooble oo qaaday tallaabo uu ku xajisanayo maamulka maaliyadda dalka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay hay’adaha maaliyada dalka, sida Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga dhexe iyo Xisaabiyaha guud, xilli uu sii adkeynayo maamulka maaliyadda dalka.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha, kulankaan ayaa qeyb ka ah waajibaadkiisa korjoogreynta, la xisaabtanka iyo xiriirinta shaqooyinka hay’adaha dowladda.

“Kulanka ayaa looga hadlay daahfurnaanta Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, joogteynta bixinta mushaaraadka shaqaalaha dowladda iyo ciidanka, kharashaadka wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda, xoojinta wadashaqeynta dhexdooda ah iyo dardar gelinta howlaha deyn cafinta,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale, kulankaan ayaa daba socda amar uu ra’iisul wasaaraha dul dhigay wasaaradda maaliyadda, kaasi oo dhigayey inaysan bixin karin lacag uusan isaga soo saxiixin, islamarkaana aan ogolaansho looga heysan.

Warqadda amarka lagu bixiyey oo loo diray wasaaradda Maaliyadda 9-kii bishan ayaa waxaa sidoo kale la ogeysiiyey Xisaabiyaha guud, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo hanti dhowraha guud ee qaranka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si gaar ah u xayiray in ogolaansho la’aantiisa la isticmaalo lacagta Hay’adda IMF ee qoondada Dowladda Federaalka ah ee loo yaqaan SDRs.

Mushaarka ciidamada iyo shaqaalaha, raashinka ciidamada, mashaariicda iyo wixii kale ee kharash lagama maar-maan u ah adeegga dowladda, ayaa marka mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyaddu waajibaadkooda shaqo ka gutaan, ayaa dhigay in oggolaansho ka helaan ra’iisul wasaaraha inta aan la bixin wax lacag ah.

Rooble ayaa tallaabooyinkan ku xaqiijinaya in wax is-daba-marin iyo musuq-maasuq lagu sameyn hanaanka kharash-bixinta dowladda, xili uu dalka marayo marxaladda kala-guurka, islamarkaana baahi weyn loo qabo in taxaddar dheeraad ah loo yeesho isticmaalka qoondada lacagta hay’adda IMF.

Daawo: Xaaji Muuse Suudi oo khudbad lama filaan ah u jeediyay xildhibaannada

0

Jowhar (Caasimada Online) – Senator Muuse Suudi Yalaxow oo kamid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee maanta khudbada ka hor jeediyay mudaneyaasha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, ayaa si ka duwan musharaxiinta kale uga dalbaday codkooda.

Senator Muuse Suudi ayaa ka muquurtay in ballan-qaad ka hor sameeyo baarlamaanka hortiisa, halka musharaxiinta ka horeysay ay sameeyen, wuxuuna ku gaabsaday “in uusan ogeyn waxa uu qaban doono maadama uu qaa’ib ka yahay”, arrintaasi oo lama filaan ku noqotay dad badan.

“Warkeyga ma badnaan doono, waxa aan soo qabtay ma aqaano ma ii miisaana, waxa aan qaban doonana ma ogi, qaa’ib aan ka ahay, waxaa idinka codsanaa Senator Aqalka Sare ahay, haddaan u qalmana igu celsha, haddaa i dhibsateen iga reeba,” ayuu yiri.

“Waxaa u mahadcelinaa madaxweynaha HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen iyo madaxweyne ku-xigeenka, madaxda kale kuligood waa u mahad-celinaa.”

Kursiga uu ku fadhiyo Muuse Suudi ee uu markale u tartamayo ayaa waxaa kula loomaya saddex musharax oo kale, kuwaasi oo kala ah; Cabdullahi Sheekh Xasan, Axmed Daaci iyo Xasan Cadaay Cali, waxaana ka tanaasulay Xaaji Muxidiin Xasan Afrax oo ku soo baxay liiskii uu soo saaray madaxweyne Guudlaawe.

Sida la sheegayo Villa Somalia ayaa si weyn u daneynaysa in kursigaas lagu ciriiriyo Muuse Suudi, loolan adagna lala galo, maadama ay ku guul-dareysatay in Guudlaawe uu ka reebo liiska.

Daawo Muuse Suudi 

Maxaa ka jira ‘inuu dhintay’ Mullah Abdul Ghani Baradar?

Kabul (Caasimada Online) – Mid ka mid ah aas-aasayaasha Taalibaan, haddana ah ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Afghanistan ayaa maanta baahiyey cod uu ku sheegayo inuu nool yahay, islamarkaana caafimaad qabo, kadib markii baraha bulshada ay qabsadeen warar sheegaya inuu dhintay.

Mullah Abdul Ghani Baradar, oo toddobaadkii tegay loo magacaabay ninka ku xiga Mullah Mohammed Hassan Akhund oo hoggaaminaya xukuumadda ku-meel gaarka ah ee Taalibaan, ayaa “dacaayad been abuur ah” ku tilmaamay xanta ku saabsan dhimashadiisa.

Wararkan la xiriira dhimashiisa ayaa aad u qabsaday baraha bulshada –gaar ahaan dalka India — halkaasi oo lagu sheegay in lagu dhaawacay hoobiye kadib iska horimaad madaxtooyada Afghanistan ku dhex-maray laba koox oo ka kala tirsan Taalibaan. 

“Waxaa warbaahinta ku jira warar ku saabsan dhimashadeyda,” ayuu Baradar ku yiri cod ay baahisay Taalibaan. 

“Dhowrkii habeen ee tegay, waxaan ku maqnaa safar. Meel kasta oo aan hadda joogo, waan wanaagsannahay dhammaanteen, walaalahey iyo saaxiibadey,” ayuu yiri.

“Warbaahinta waxay mar kasta daabacaan dacaayad been abuur ah. sidaas darteed, si geesinimo leh isaga diida beentaas, waxaana 100% idiin xaqiijinayaa inaysan waxba jirin, oo aan wax dhibaato ah qabin,” ayuu yiri.

Suurta-gal ma aheyn in si madax-banaan loo xaqiijiyo codka, hase yeeshee waxaa lasoo dhigay bogagga rasmiga ah ee kooxda – oo uu ku jiro midka afhayeenka xafiiska siyaasadda ee xukuumadda cusub.

Hoggaamiyaha sare ee Taalibaan Hibatullah Akhundzada ayaa sidoo kale dhowr sano la isla dhex-marayey inuu dhintay kahor inta aanu afhayeenka kooxda sheegin “inuu ku sugan yahay Kandahar” laba toddobaad kadib markii ay qabsadeen.

Dalalka Pakistan iyo Afghanistan ayaa xantu aheyd inuu u dhintay cudurka COVID-19, ama lagu dilay qarax.

AFP + VOA

Xaalad cusub oo kusoo korortay khilaafka masjidka Soomaalida ee Amsterdam

0

Amsterdam (Caasimada Online) – Maalinimada Axada ee taariikha Hjiriyadu tahay 12-Safar-1443, kuna beegan 19 September ayaa lagu wadaa in qaar ka mid ah jaaliyadaha  Soomaalida ee ku dhaqan Nederlands in ay la kulmaan  guddi odayaal ah oo in muddo ah a isha ku hayay  khilaafka dhex aloosnaa guddiga maamula masjidka Quba, oo ah masjid Soomaalidu ay maamulaan, kuna yaal Amsterdam.

 C/qaadir Kediye wuxuu ka mid yahay maskax-maalka Soomaalida, in muddo ah ayuu la  socday heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray khilaafka u dhexeeya guddiga maamula masjidka.

C/qaadir sidoo kale, wuxuu safka hore kaga jiray walaalaha hirgelinta masaajidka ku bixiyay  juhdiga, isaga oo  aragtidiisa shaqsiga ah ka dhiibanaya waxyaabaha la isku hayo & dhumucda khilaafka waxa uu u soo jeediyay waxgaradka Soomaalida in labada daraf ee uu khilaafku ka dhexeeya si cadaalad & hor ALLE ah in loogu kala garqaado.

“Hadal jeedintii dheereyd ee Axadii uu waddaadka Shiikh Suldaan Soomaalida kula hadlayay anigu 2 qoddob ayaa igaga baxay.  Qoddobka 1-aad wuxuu ahaa in Shiikhu ku taagan yahay lixdii qoddob ee lagu heshiiyay ee labada daraf ay saxiixeen sidii loo fulin lahaana ay lagama maarmaan tahay in la helo dad madax bannaan oo fulinta qoddobaas u kor-joogteeya si hufnaan & cadaalad ku dhisan & Qoddobka 2-aad ee ahaa; in Shiikhu sheegay in amaanadii ay ummadda u dhiibatay uu ku soo celiyey , waalalaha kalena looga baahan yahay in ay qaataan go’aankaas geesinimada leh oo kale, ummadduna ay u tasho sidii ay ka yeeli laheyd ama iyaga ha ku celiyeen ama cid kale ha u magacowdeen” Ayuu yiri C/qaadir oo waraysi siinayay shabakadda Somnieuws.

C/qaadir wuxuu beeniyey in khilaafku u dhexeeya Shiikh Suldaan oo dhinac ah & xubnaha kale ee guddiga & maamulka oo dhinaca kale, isaga oo xusay in dadka sida sharciga ah ugu qoran mas’uuliyada masaajidka ay ahaayeen 3 qofood oo Shiikhu guddoomiye u yahay.

“Marka hore waa in aynu fahanaa cidda is haysaa waa ayo.? 3 qofood oo ku wada qoran maamulka masjidka ayuu khilaafku u dhexeeyaa. Shiikh Suldaan oo guddoomiye ah, Guuleed Wayrax oo lacag-haye ah iyo Shiikh Ibraahim [Abuu Khadiija] oo xog-hayn ah. Saddexdaas qof ayaa u diiwaangashan maamul ahaan masjidka, haddii cid loo kala gar-noqayo waa in saddexdaas walaalo loo kala gar-qaadaa. Waxaan ka mid ahay dadka sida dhow ula socda marxaladihii uu soo maray masjidku Quba Amsterdam. Masaajidkan hirgelintiisa dadka ugu badan ee lacagaha ku yaboohay waa Soomaalida dalkan ku dhaqan, waxayna xaq u leeyihiin in lala socodsiiyo marxaladaha khilaafka & waxa la isku hayo, ciddii qaldanna la wada arko, fartana lagu fiiqo” Ayuu yiri aqoonyahan C/qaadir Kediye oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, sheegayna inuu ka mid yahay dadka ku xiran masaajidka, isaga oo tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in habsami u socodka howsha masaajidka laga hor mariyo wax kasta oo kale.

C/qaadir, wuxuu ku nuuxnuuxsaday in isaga & rag kale oo saaxiibadiis ah ay ula muuqatay in maamulka masjidka si ku meel gaar ah in  shaqa-joojin loogu sameeyo, loona dhiibo socodsiinta howlaha masjidka guddi cusub, inta laga xalinayo khilaafaadka u dhexeeya guddiga maamulka.

C/qaadir, waxaa kale uu sheegay in aanu kala jecleyn Shiikh Suldaan joogitaankiisa & in la ruqseeyo, balse muhiimadiisu tahay in la ogaado dhumucda khilaafka iyo waxa la isku hayo.

“Walaalaha Shiikha ka soo horjeeda qaladaadka ay sameeyeen waxaa ka mid ah; markii sharciga la isla tegay Shiikha lacagaha dacwada & garyaqaanka kaga baxay isaga ayaa jeebkiisa ka bixinayay, darafka kale lacagihii masaajidku lahaa ayeey isticmaalayeen. Teeda kale, Guddiga lagu leeyahay waa guddi dhexdhexaadin ah, haddii meesha ay dan [intrest] soo gasho laguma tilmaami karo dhexdhexaad. Ka warrama haddii mid ka mid ah ragga guddiga ka tirsan loo balanqaaday in marka Shiikha meesha laga tuuro in isaga uu masjidka iimaam ka noqonayo.? ama ay ku jiraan rag sifo aan sharci aheyn lacagihii masaajidku lahaa deyn ahaan lagu siiyay oo masjidka ay deyn ka qabaan muddo ka badan 3 sanno, sideey sax ku noqoneysaa dhexdhexaadnimadooda.? anigu xaqiiq “facts” baan ka hadlayaa mala-awaal kama hadlayo. Guddi dhexdhexaad ah laguma tilmaami karo walaalaha Tilburg & Eindhohoven ku sugan intooda badan, mana aha in caqliyadeena lagu ciyaayo” Ayuu yiri C/qaadir, isaga oo intaasi sii raaciyay:

“Eeg….waxaa jira qoddob ku jiray warqada ay Shiikha u soo qoreen ee ay ku qeexayaan in awoodiisii ku qorneyd [status] in iyaga ay la wareegayaan, warqadii uu sheegay waddaadka in lagu qasbay inuu saxiixo waxaa ku jirtay in awoodii uu lahaa guddoomiyaha ay qaataan guddiga dhexdhexaadinta Tilburug, waxaa kale oo jirta in waddaadka ay tahdiid ku sameeyeen xubno guddiga ka mid ah, wuxuu ka sheegay madashii uu Soomaalida kula hadlayay maalintii Axadda, in nin guddiga ka mid ah uu ku yiri: “Waxa ay kaa sheegayaan ragga aad is haysaan markii hore been baan u haysanay, balse markaan dhaqankaaga aragnay waxaan ogaanay in ay saxan yihiin, annaga ayaa Soomaalida u sheegeyna qofka aad tahay” Marka su’aashu waxay tahay guddi daraf ka mid ah 2dii daraf ee laga sugayay in ay dhexdhexaadiyaan la safan, oo sidaas waddaadkii ugu bahdilaya garabkii kale oo madasha fadhiya sidee lagu aamini karaa dhexdhexaadnimadooda.? Soomaalida ayeey u taalaa in guddi noocaas ah ay war ka dhageystaan”

C/qaadir, waxa kale oo uu sheegay in lacagaha masjidka ku soo xarooda aysan marin hab-raac [process] sax ah.? isaga oo arrintaasi ka hadlaya na waxa uu yiri:

“Sida sharcigu dhigayo lacagaha masaajidku leeyahay marka la soo uruuriyo, ee la xisaabiyo, waa in 2 qof saxiixdaa, bangiga lagu shubaa, bangiga laga arki karaa, sida ay u baxaanna waa in bangiga lagala socdaa masaajid ma noqon karo familiebedrijf”

C/qaadir, wuxuu ku tilmaamay hab dhaqan aan la aqbali karin in ragga ay waddaadka is hayaan marka loo sheego qaladkooda in masaajidkii ay gabaad ka dhiganayaan, oo ay leeyihiin masaajidka ayaa duulaan lagu yahay.

“Ragga Shiikha ka soo horjeeda waxaa ku jira nin af-macaani iyo ballaaqad kulansaday ma doonayo inaan magaciisa sheego waxay ku soo heshiiyaan isaga ayaa loo soo dhiibaa, isaga oo aan si hufan u miisaamin ayuu la soo shir tagaa, Shiikhu wuxuu ku yiraa: carabkaan ILLAAH baa ku siiyay qadiyadaha aad difaacayso iska hubi. Waxyaabaha kale ee aad la yaabayso waxaa ka mid ah, metelan qof marti ah ayaa u imaanaya lacagtii masjidku lahaa ayeey sideey doonaan ugu tasarufayaan, si shaqsi ah ayaa loo isticmaalayaa. Shiikhu wuxuu oran jiray, xoolahaana miyeeydnaan ILLAAH uga baqayn.? dagaalku ugu weyn ee Shiikha lagu qaaday wuxuu ahaa waxay dhibsadeen war ka daaya’daas uu ku hayay” Ayuu yiri C/qaadir, wuxuu ku celceliyay in waddaadku qadiyadaha uu ku durayay ragga ka soo horjeeda in ay ugu wayn tahay qaddiyada ku takri-falka hantida masaajidka loogu talogalay.

C/qaadir Kediye, wuxuu tusaale u soo qaatay dadka ugu badan ee masaajidka ka shaqeeya in ay yihiin caa’ilada guddiga, isaga oo arrintaasi faahfaahinaya waxa uu yiri:

“Masjidka dadka ugu badan ee laga shaqaaleeysiiyay waa caruurtooda & ehelka ragga maamulka haya, hal nin baa ku jira oo ay shaqada u qoreen isaga na 2 goor bay damceen in ay shaqada ka eryaan Shiikh Suldaan ayaa ka hor istaagay, taksi ayeey u iibiyeen iyagii buu la safan yahay iminka, ileeyn xaalkiisu waa af wax cunay xishoo’e, inaan magaciisa sheego ma doonayo wuu is yaqaanaa, waxaa masjidka soo martay caruur aad u fahmad fiicnaa, oo haddii fursad la siin lahaa meel sare gaari lahaa, ma doonayaan in ay fursad siiyaan waxay doonayaan dad ay ku kalsoon yihiin in ay meesha joogaan, shuruudaha ay dadka ku xulanayaan waxaa ka mid ah qofku inuusan noqon qof wax fahmaya, dadka waxgaradka ah waxaan ku boorinayaa in arrintaasi baaritaan dhab ah ku sameeyaan”

C/qaadir, waxaa kale oo uu sheegay in qoddobadii ugu horreeyey ee la isku qabsaday in ay ka mid aheyd in masjidka sii ahaado qeybta hoose, qeybta kore na laga dhiso dabaqyo lana sii kireeyo.

“Shiikha arrintaasi mowqif cad ayuu iska taagay, wuxuu yiri taladaasi aan Soomaali ku celino, taladii masaajidka 2 nin baa iska haysata suurtagal na ma aha” Ayuu yiri C/qaadir Kediye.

“Lacago masaajidku lahaa ayaa lagu bixiyay mashruuc uu watay nin dhalinyaro ah oo Ingiriiska dagan mashruucii wuu qasaaray, lacagtiina waxaa laga bixiyay qasnada masaajidka, bal eeg dulmigaas.? Dhacdo kale. nin guddigan dhexdhexaadinta ee Tilburg ka mid ah, ma doonayo inaan magaciisa sheego lacag tiro badan oo dayn ah ayuu masaajidka ka qabaa, balantu waxay ahayd inuu 6 billood ku soo celiyo, 3 sanno ayuu sii marayaa, Shiikh Suldaan isaga oo safar ka soo laabtay bay is arkeen markaas buu ku yiri: Dayntii uu masaajidku kugu lahaa ma bixisay.? wuxuu ku jawaabay: hebel & hebel waxay igu yiraahdeen markaad doonto iska bixi. Sideey ku dhici kartaa hantidii masjidku lahaa in sidaa loogu takri falo. waxay aheyd in sharciyad adag laga soo saaro dhinaca dhaqaalaha masjidka, oo shilling kasta ee masjidku leeyahay go’aan ka gaaristeeda loo saaro guddi bulshadu ay soo xulatay, arrin sax ah ma aha in dhaqaalaha masjidka 2 ama 3 qofood in ay go’aan ka gaarto” Ayuu yiri C/qaadir, wuxuuna intaasi sii raaciyay in waddaadku ku celceliyay waxgaradka Soomaalida in ay ku baraarugaan ragga maamulka masjidka haya in mas’uuliyada lagula xisaabtamo.

C/qaadir ugu dambeyntii waxa uu ku tilmaamay in ay tahay tillaabo geesinimo leh in waddaadka Shiikh Suldaan ka sheego meel fagaara ah in mas’uuliyadii ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Holland u hayay inuu dib ugu soo celiyay.

FIIRO GAAR AHWaxaan isku daynay inaan darafta kale ee guddiga la dhaliilayo ah aan xiriir la sameyno, balse xagooda ayeey suurtagal ka noqon waysay.

Mas’uul kama nihin aragtida uu soo jeediyay qofka hadlaya, isaga ayeey u gaar tahay.

Si arrimaha quseeya khilaafka masaajidka, aan dadweynaha ugu soo gudbino, baaritaanadeenu weli waa ay socdaan ciddii xog sax ah haysana waxay nagala soo xiriiri karaan ciwaanka hoos ku qoran. E-mail: [email protected]

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xasan 

FIQI oo soo bandhigay 9 ‘caddeyn oo muujinaya’ cidda ay ku maqan tahay IKRAAN

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga ee maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo sidoo kale Mudane ka tirsan golaha shacabka ayaa soo bandhigay 9-qoddob oo muujinaya in Ikraan Tahliil Faarax oo ay sheegtay Nabadsugida inay geeriyootay, ay ku maqan tahay gacanta NISA.

Fiqi ayaa sheegay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu isku dayayo inuu daah-saaro xaqiiqada kiiska Ikraan oo ku maqan saraakiishii NISA, islamarkaana doonayo in qaab suuq madow ah diyo uga bixiyo dilkii Ikraam.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi iyo qoddobada uu soo bandhigay oo dhameystiran.

Cadaymo marag ma doonto ah in Ikraam ku maqan tahay Hogaanka NISA & Villa Somalia oo u soo tafa-xaydatay ka xaglinta cadaaladda iyo duugista Kiiska Ikraan.

1. Qoraalkii NISA soo galisay barta facebook-ga uu ku leeyahay SNTV oo lagu qiray dhimashada Ikraam, looguna tacsiyeeyey ehelkii Ikraam.

2. 48 saac oo raysulwasaaruhu u qabtay agaasimaha NISA in xogta Ikraam uu ku keeno oo ka dhaqangeli weyday dhanka Fahad Yaasiin.

3. Oday Farmaajo oo arrin aan u oolin soo salooshay iskuna dayay in uu indhaha ka weeciyo kiiska Ikraam asagoo furey buuq siyaasadeed.

4. Agaasimihii NISA oo kiiska Ikraam darteed xilka looga qaaday

5. Farmaajo oo Isku dayey in uu qaab suuq madow ah diyo uga bixiyo dilkii Ikraam asagoo aan marna qaabilin hooyada Ikraam.

6. Kooxda dilaaga ah ee Shabaab oo si la yaab leh isaga fogaysay dilka Ikraam ee dhankeeda loo soo baasay.

7. Caburin iyo Jirdil lagula kacay dhallinyaro banaanbax ku dalbanaysay in Ikraam ay cadaalad hesho.

8. Baabuurkii gabadha lagu afduubay oo la sheegayo in gobol kale la geeyey si baaritaanka looga qariyo.

9. Farmaajo oo ku gorgortamaya in kiiska guddi loo saaro, lagana daaayo maxkamadda.

Ma dhumayo xaq qofkii lahaa daba-joogo. kiiska Ikraam wuxuu imtixaanayaa maxkamadda gacanta ku haysa in sharcigu uu sarreeyo ama in qofku sarreeyo.

Daawo: Majaajiliistaha caanka ah ee Basadiir oo lagu soo dhoweeyey MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Majaajiliistaha caanka ah ee Ibraahim Mustafa, isla-markaana ay Soomaalida u taqaano Basadiir ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Basadiir oo u dhashay dalka Tanzania ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde maanta ku soo dhaweeyey saaxibkiis Farxaan Diraac oo wiil dhalinyaro ah, isla-markaana Af-Soomaali u beddala muuqaallada Basadiir oo si weyn loogu wadaago baraha bulshada.

Sidoo kale waxaa soo dhoweeyntiisa ka qeyb qaatay dhalinyaro kale iyo wariyeyaal, kuwaas oo si diiraan ugu soo dhoweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ibraahim Mustafa oo loo garan og-yahay Basadiir socdaalkiisa Muqdisho waa mid horey loo shaaciyey, isla-markaana si aad ah looga hadal hayay baraha ay ku xiriirto bulshada.

Sidoo kale wuxuu inta uu Muqdisho joogo Basadiir qaban doonaa bandhig weyn, maadaama uu sidoo kale uu yahay fannaan caan ku ah Raabka, sidoo kalena uu dadweynaha la wadaagi doono muuqaallo xiiso leh, kana mid ah kuwiisa majaajilada ah.

Farxaan Diraac oo ka hadlay munaasabadda soo dhoweynta ayaa shaaca ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu caasimada ku soo dhoweeyo saaxiibkiis Basadiir, maadaama uu isagu sabab u noqday in Soomali badan ay bartaan Majaajiliiste Ibraahim Mustafa (Basadiir).

Si kastaba, Basadiir ayaa horey u shaaciyey inuu jeclaan lahaa in mar uun yimaado gudaha Soomaaliya, taas oo hada u suura-gashay, kadib casuumaad uu u fudiyey Farxaan Diraac.

Madaxweyne Cabdiqaasim oo FARMAAJO u diray farriin la xiriirta khilaafka ROOBLE

0

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka codsaday in laga gudbo khilaafka kala dhaxeeya Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Maxamed Xuseen Rooble.

“Madaxweynaha waan la hadlay oo teleefan baan kula hadlay, waxaana ka codsaday in la joojiyo khilaafaadka. Khilaaf looma baahna hadda, sababtoo ah doorashaa la rabaa in la galo, iyadoo khilaaf jirin in la galaana rajeynayaa,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka.

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo wareysi siiyay Radio Shabelle ayaa yiri “Waxaan rajeynaynaa in khilaafku joogsado, dadkuna doorasho xalaal ah ay galaan oo xaq ah, ciddii dan u arkaana ay doortaan.”

Mar wax laga weydiiyay sida khilaafka taagan looga gudbi karo ayaa waxa uu ku jawaabay “Waxaa looga gudbi karaa in khilaafaadka la’iska daayo, sida sharciga ama dastuurka uu qabana in doorasho la galo.”

Cabdiqaasim Salaad ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaanay la kala safan Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, oo ay ka shaqeeyaan sidii dalka ay uga qabsoomi laheyd doorasho daahfuran.

“Waxaan ugu baaqayaa shacabka inaanay cid la safaninee, laga codsado ciddii is haysataa, iyadoo heshiis la yahay oo Madaxda Qaranka iyo dadkuba ay heshiis yihiin in doorasho xalaal ah la galoa” ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad.

Cabdiqaasim Salaad ayaa intaa ku daray “Sidaan horey uga barinay Ilaahay, haddana waan u baryaa ummadda Soomaaliyeed inuu ka qaado culeys kastoo haysta. Dhibka muddada badan soo haystay inuu ka qaadaa Ilaahay uga rajeeyaa, waana u duceeyaa.”

GAAS oo soo jeediyey arrin xal u noqon karta loolanka Farmaajo iyo R/W Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeystay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Dhex-dhexaadin laga dhex waday labada mas’uul ayaa kusoo dhamaatay fashil, haddaba maxaa xal u noqon kara khilaafka Rooble iyo Farmaajo?

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in labada dhinac ay iskugu soo dhawaan karaan, islamarkaana xal u noqon karta khilaafkooda siyaasadeed in meesha laga saaro tallaabada wasiir xilka looga qaaday.

Gaas ayaa qaba in Rooble uu sameeyo isku shaandheyn, iyada oo wasiirka uu wasaarad u quudhsado u dhiibo wasaarad kale, si loo ilaaliyo is-dhinac saarka siyaasadeed ee xiisada kiciyey.

“Waxyaabaha yar yar ee la isku hayo waa la toosin karaa. Aniga kuma taliyeen saacaddan in wasiir la baddalo, laakiin Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu awood u leeyahay in haddii uu shaqada amniga ku aamini waayay Xundubeey u dhiibo wasaarad kale,” ayuu yiri Cabdiwali Gaas.

Sidoo kale waxa uu soo jeediyey in agaasimaha NISA loo magacaabo qof saddexaad, oo labada dhinac kalsoonidooda siin karaan, maadama xiisada ugu culus ka dhalatay gacan ku haynta booskaas muhiimka ah, oo Rooble sarkaal u magacaabay, halka Farmaajo-na u magacaabay sarkaale uu wato.

“Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaruhuna waxay kala magacaabeen labo qof waxaa habboon in la isku afgarto qof saddexaad oo aan labadaas midna ahayn,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore.

Waxa kale oo la qabaa in labada dhinac ay isla qaatan in marnaba aan laga wada-hadli karin, xal banaanka ahna laga gaari karin baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, oo ah halka ay ka bilaabatay xiisadu.

Qodobka uu ka dhashay muranka ugu weyn ayaa ahaa kiiska gabadha ka tirsaneyd Hay’adda Sirdoonka qaranka, walina wax xal ah looma helin, waxaana muhiim ah in baaritaan habboon lagu sameeyo sida lagu waayay gabadhaas oo ka tirsaneyd hay’adda Nabadsugida.

Si kastaba, Wada-hadalladii saacadaha badan qaatay ee xalay illaa shalay u socday madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu kala tagay, ayada oo aysan wax natiijo ah oo kasoo baxay, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Wada-hadallada ayaa u burburay qodobka la xiriira kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo aheyd gabar ka tirsan NISA, oo lagu tuhmayo gacanta hay’adda, iyo habka loo baarayo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeystay inuusan marnaba ogolaaneyn in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan madax-banaan, oo ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, halka ra’iisul wasaare Rooble uu sheegay inuusan marnaba aqbaleyn in kiiskaas la daboolo oo gabadhaas iyo qoyskeeda aysan helin caddaalad.

Arrimaha xiga ee dhici kara kadib fashilka ku yimid wada-hadalkii Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda Mursal Maxamed Saney ayaa ka hadlay burburka ku yimid wada-hadalladii u dhaxeeyay Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare iyo waxa xigi kara.

“Horta aan wadahadalno waa aan heshiino, waana soo dhaweyneynaa inay wada hadlaan oo ay is horfariistaan madaxda iyadoo weliba ay dadaal ku bixinayaan mas’uuliyiin kale oo Soomaali ah, in lagu kala tago arrintaas aad ayay shacabka Soomaaliyeed uga niyad jabeen, waxaa la sugayay in lagu heshiiyo,” ayuu yiri Mursal Saney oo la hadlay BBC

Saney ayaa sheegay in mar haddii lagu kala tagay wada-hadallada inay jiraan wax badan oo aad loogu kala aragti duwan yahay.

“Waa wax laga xumaado in hal koox oo dowlad isku ah oo wada joogo hal guri oo 500 oo mitir ah ka yar ay hogaanka dalka isku fahmi waayaan, arrintaasi niyad jab weyn ayay keentay,” ayuu yiri agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage ee daraasaadka siyaasadda.

Mursal Saney ayaa sidoo kale hadlay in hadda ay imaan karto faragalin dhanka caalamka ah oo la isugu keenayo Farmaajo iyo Rooble, maadaama dadaalladii Soomaalida oo ay wadeen madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed ay fashilmeen.

“Waxaan aad u aaminsaanahy oo aan markasta ku cel-celinaa in Soomaalida iyaga xallistaan arrimahooda sababtoo ah ceeb ayay nagu tahay in 30 sannadood iyo ka badan nalagu dhex-jiro balse haddii la heshiin waayo khasab ayay nagu noqonaysaa, marka waxa laga hadlaayo ugu weyn waa doorasho iyo arrimaha cadaaladda marka arrimahan faraha ayay la soo geli doonaan iyadoo intaan laga fool-xun-yahay oo Soomaalida ay ka ihaaneysantahay shacab iyo madaxba ayaa waxaa la isku khasbi doonaa wixii markaas loo arko inay xal tahay ,” ayuu yiri Musrsal.

Waxa uu intaas ku daray in haddii ay fashilmaan dadaallada beesha caalamka ay xaaladdu faraha ka bixi karto oo ay isku rogi karto dagaal.

“Haddii ay timaaddo in lagu heshiin waayo waxaa inoo muuqda in colaad iyo dhibaato keeni karto, taas waan ka digeynaa in dalkaan loo horseedo colaad iyo dhibaato, dalkaan waxaa la rabaa in doorasho la aado oo sidii horay u dhici jirtayba si nabad ah la isugu wereejiyo xilka xitaa haddii madaxweynaha hadda joogo dib loo soo doorto waaa in dalka uu sii hogaamiyo,” ayuu yiri.

 

Qoor Qoor oo saddex qodob kala hadlay ergeyga M/Yurub

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan gaar ah kula qaatay ergeyga cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ms. Tiina Intelmann.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka, ammaanka iyo xoojinta mashaariicda Midowga Yurub ka fuliyo deegaanada Galmudug.

“Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga iyo sidii sare loogu qaadi lahaa taageerada iyo mashaariicda Midowga Yurub ay ka wadaan deegaanada Galmudug,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlad goboleedka Galmuudg.

Qoor Qoor ayaa kulanka uu la yeeshay Ms. Tiina Intelmann si gaar ah xoogan ugu saaray Msmashaariic horumarineed ee uu Ururka Midowga Yurub ka fuliyo Galmudug.

Tiina oo dhowaan loo soo magacaabay danjirada Ururka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa bedashay Nicalos Berlang oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ku sugnaa dalka.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay magaalada Muqdisho ka taagan tahay xiisad ka dhalatay kiiska Ikraan Tahiil Faarax oo ay NISA shaacisay inay dishay Al-Shabaab.

Si kastaba, Qoor Qoor ayaa ka mid ah madaxda Soomaaliyeed ee haatan ku howlan dhex-dhexaadinta madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, si xal looga gaaro khilaafka dalka.

Maxaa dhici kara, haddii ay cadaalad weyso IKRAAN?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cabdiraxmaan Shariif oo ka mid ah Culimada caanka ah ee Soomaaliyeed ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo hay’adda nabad sugidda ay shaacisay inay dileen xoogaga kooxda Al-Shabaab.

Sheekha oo la hadlay telefishinka Universal ayaa shaaca ka qaaday, haddii aan wax laga qaban arrinta Ikraan in gabdho badan oo Soomaaliyeed ay saameyn ku yeela doonto dhacdadaan, ayna soo wejihi doonto cabsi la mid ah waxa ku dhacay Ikraan Tahliil Faarax.

“Ikraan Tahliil waxa ay u aheyd Role Model iyo in lagu deydo gabdho fara badan oo soo kacayey, haddii arrinteyda wax laga qaban waayo gabdha fara badan baa oranaya waddadii Ikraan in la’ii mariyo ma rabo, saas darteed dowladba uma shaqeynayo” ayuu yiri Sheekha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in loo baahan-yahay in si weyn loogu doodo Ikraan, si ay cadaalad u hesho, isla-markaana ay arrinteeda u noqoto mid lama illaawan ah.

“Waxaan dooneynaa arrintan in dood adag iyo meel adag la gaarsiiyo in loo dood in laga hadlo in la yiraahdo Ikraan waxay mudatay inay cadaalad hesho waxaan rabnaa inay noqoto darsi iyo mid lama illaawaan ah,” ayuu markale yiri Sheekh Cabdiraxman Shariif.

Ugu dambeyn wuxuu bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay u istaahaan kiiska Ikraan, si looga dhigo mid caalami ah, sida dilka ninkii madowga ahaa ee Mareykanka George Floyd.

“Waxaa doonaynaa in kiiska Ikraan Tahliil uu noqdo sida kii George Floyd oo caalamka ruxay,” ayuu sii raaciyey Sheekh Cabdiraxmaan oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xiisad xoogan oo ka dhalatay arrinta Ikraan ay ka taagan tahay magaalada Muqdisho, taas oo saameyn ku yeelatay doorashooyinka dalka.

Maxaa ka soo kordhay doorashada HirShabeelle?

0

Jowhar (Caasimada Online) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa haatan ka socota magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo si weyn loo adkeeyey amniga magaaladaasi.

Sida uu qorshuhu yahay maanta oo ay tahay 13-ka September ayaa waxaa la dhageysan doonaan khudbadaha musharixiinta isa soo diiwaan-geliyey oo gaaraya illaa 27 musharax.

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashada ee HirShabelle, Axmed Xasan Diini oo ka hadlay diyaar garowga doorashooyinkaas ayaa ugu baaqay xubnaha musharixiinta ah ee isdiiwaan-geliyey inay ilaaliyaan waqtiga loo ballamiyay in ay hortagaan baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay haatan si wanaagsan ay wax ku socdaan, isla-markaana hadal jeedinta, kadib ay guda-geli doonaan qabashada doorashada Aqalka Sare.

HirShabelle ayaa doorashada ay qabaneyso waxa ay ka duwan tahay doorashooyinkii ka dhacay maamul goboleedyada kale, waxaana tartanka uu yahay mid furan.

Kuraasta qaar sidoo kale waxaa ku tartamaya ugu yaraan 3 xubnood, kuwa ugu badan waa lix xubnood, taas oo muujineysa in HirShabelle aysan kuraasta u xiriin dad gaar ah.

Si kastaba doorashooyinka Soomaaliya ayaa maraya meel xasaasi ah, iyada oo doorashadan ay ku xigi doonto mida Golaha Shacabka ee Soomaaliya.

QM oo war ka soo saartay kiiska Ikraan Tahliil Faarax

0

New York (Caasimada Online) – Ku-xigeenka xoghayaha guud ee QM Amina Mohammed oo shalay booqasho ku timid Muqdisho ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ah gabar lagu la’yahay gacanta hay’adda NISA.

Amina ayaa taageertay in kiiska gabadhaas la mariyo cadaaladda, taasi oo ah mowqif raacsan kan ra’iisul wasaare Rooble, qoyska gabadha, iyo inta abdan shacabka Soomaaliyeed.

“Sareynta sharciga iyo caddaalad helista waa u muhiim in haweenka laga ilaaliyo rabshadaha, waana wax ay xuquuq u leeyihiin dhammaan haweenka,” ayey tiri. 

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shalay uga mahad-celiyey QM inay taageertay mowqifkiisa ah in qoyska Ikraan Tahliil Faarax ay helaan caddaalad.

Qoraalka kasoo baxay xafiiskiisa ayaa lagu yiri “Eng. Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay sidii ay caddaalad ku heli lahaayeen qoyska Ikraan Tahaliil Faarax, isagoo xusay in aysan habbooneyn in arrintaas la siyaasadeeyo.”

Wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble ayaa burburay kadib markii Farmaajo uu dalbaday in qoyska Ikraan la siiyo diyo, kiiskana halkaas lagu xiro, halka Rooble uu sheegay inay maxkamadda ciidamada ay baareyso kiiskan, islamarkaana caddaaladda la marinayo.

Saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa horey u sheegay inay ka walaacsan yihiin in muranka ku gedaaman waayitaanka Marwo Ikraan Tahliil Faarax uu abuurayo xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeelan kara habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya carqaladeyn karana hannaanka doorashada.

“Waxaan sii wadaynaa xiriirka aan la yeelano madax Soomaaliyeed oo badan si aan ugu boorinno in si degdeg ah loo xalliyo khilaafkan, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada iyada oo aan dib u dhac kale dhicin,” ayaa lagu yiri qoraalkii ay beesha caalamka soo saartay.

Rooble oo war cusub kasoo saaray khilaafka Farmaajo iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta hadal ka jeediyey kulankii Gollaha Wadatashiga Qaran iyo Ku Xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay ee u dhaxeeya isaga iyo Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa beesha caalamka uga mahadceliyey sida ay ugu taageereen in baaritaan sax ah lagu sameeyo kiiska Ikraan Tahliil.

Rooble ayaa kulankaas ka sheegay inuu aad uga xunyahay xaaladaha siyaasadeed ee maalmahan dalka ka jiray, kadib khilaafkii ka dhex qarxay isaga iyo Farmaajo, xilli uu dalku ku jiro doorashooyin.

Waxa uu balan qaaday inuu dadaal ku bixin doono ka hortagga xiisad ka dhalata khilaafka u dhaxeeya xafiisyada ugu sareeya dalka, isla markaana uu xaaladaha taagan u maareyn doono si xilkasnimo iyo miyir leh.

“Waxaan ku hawlanaa dhammaan in aan la tashiyo la sameeyo dadka ay khusayso in arrimaha lagu xaliyo wada hadal iyo si waafaqsan kala qaybsanaanta awoodaha Dastuuriga,”  ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay Rooble in ahmiyadiisa ugu muhiimsan ay tahay doorashooyinka, dadka Soomaaliyeed-na uu u xaqiijinayo in aanu marnaba ka weecan diirad saaridda doorashooyinka dalka ka socda.

“Waxaa iga go’an inaan sii wado dadaalkan waxaanan ku kalsoonahay in iyadoo la kaashanayo Madaxweynayaasha saaxiibadeey ee Dowlad Goboleedyada in aan gacan kawada geysanno dadaalka dhexdhexaadinta, waxaan inshallah heli doonnaa xal nabadeed oo ku aaddan xaaladdan laga xumaado,” ayuu yiri.

Ra’isul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in kiiska Ikraan aan la siyaasadeyn ee kaliya loo arko xaq uu leeyahay muwaadin Soomaaliyeed oo ay tahay in isku aragti laga ahaado.

“Kiis Ikraan Tahaliil Faarax ee aad maqasheen waxa uu noqday arin qaran oo dadka Soomaaliyeed oo dhan taabatay, mawqifkayga mabda’iyan waxa uu yahay in kiiska Ikraan uu helo baaritaan lagu kalsoon yahay oo madax bannaan iyo in dhammaan caqabadaha hortaagan in caddaalad loo helo Ikran iyo qoyskeeda meesha laga saaraa, sidaa awgeed waxaan uga mahadcelinayaa Qaramada Midoobay iyo xubnaha Beesha Caalamka mowqifka ay qaateen oo ah in kiiska Ikraan lagu sameeyo baaritaan dhameystiran,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Daawo: Goorta la billaabayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan looga hadlayay qabashada doorashada Aqalka Sare  ee Gobollada Woqooyi la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Xubnaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in doorashada kuraasta Somaliland ay ku dhici doonto fikir wada-ogol ah oo aan cidna lagu dulmi doonin.

“Waa ii farxad inaan maanta idinla kulmo idinkoo gacmaha is-heysta, waxaan diyaar u ahay goob kasta oo ay ku heshiiyaan Guddoomiyaha iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka in doorashada lagu qabto in aan ku raaci doono, shacabka Soomaaliyeed-na waxaan u sheegayaa in doorashadii Somaliland ay horay u socotay, waxaan sugnaaba waa doorashada Aqalka Sare ee Somaliland oo bilaabata,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Rooble.

Dhankiisa Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay xallinta khilaafkii arrimaha doorashooyinka Somaliland, isagoo u ballan qaaday in ay ku garab taagan yihiin hoggaamintiisa howlaha doorashooyinka dalka.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa yiri, “Waxaan galabta isugu nimid in aan ku kala war-qaadano dhaqaajinta howsha doorashooyinka Somaliland, waxaa noo qorsheysan in doorashada Aqalka Sare aan deg deg u guda galno anagoo mid ah, aniga iyo guddoomiye Cabdi Xaashi waxaan soo gudbi doonaa liiska musharaxiinta Aqalka Sare, isada ugu dhaqsiyaha badan.”

Mahdi Guuleed ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah ee soo socota ay bilaaban doonaan doorashooyinka Aqalka Sare ee Somaliland, isla markaana todobaadka soo socda la soo dooran doono 11-ka kursi ee Aqalka Sare ay leeyihiin siyaasiyiinta reer Somaliland.

Hoos ka daawo 

Al-Dawaahiri oo war kasoo saaray sida Al-Shabab ay ula dhaqantay Caa’isha Romano

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Ayman Al-Dawaahiri oo ah hoggaamiyaha ururka Al-Qaacidda ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida ay kooxda Al-Shabaab ugu qancisay inay diinta Islaamka qaadato Caa’isha Romano, oo ah gabar u dhalatay dalka Talyaaniga, oo ay afduub u heysan jireen kooxdaan balse hadda ku sugan Talyaaniga.

Al-Dawaahiri ayaa sheegay in qaadashada Diinta Islaamka ee Caa’isha Romano ay ku timid qaabka wanaagsan oo kooxdaan ula macaamishay intii ay ku jirtay gacantooda, wuxuuna sheegay in kooxda Al-Shabaab ay muujisay suuradda dhabta ah ee Islaamka, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka uu soo diray Ayman Al-Dawaahir oo ay baahisay Mu’asasada As-Saxab ayuu ku sheegay inuu sidoo kale aad u bogaadinayo howlaha jihaadiga ah oo ay waddo kooxda Al-Shabaab.

Si gaar ah wuxuu u ammaanay howlgallada Jihaadiga ah ee “Qudus lama Yahuudeynayo” ee ay ku beegsadeen saldhigyadii Mareykanka ee Soomaaliya iyo Kenya.

Caa’isha Romano ayaa sheegtay inay qaadatay Diinta Islaamka, waxayna ugu dambeyn ku laabatay dalkeeda Talyaaniga halkaas oo ay ku guursatay nin Muslim ah, waxayna sheegtay in kooxda Al-Shabaab ay si wanaagsan ula dhaqmi jireen intii ay ku jirtay gacantooda.

Caa’isha Romano waxay sheegtay in kahor inta aanan la afduubin ay ka duwaneyd sida hadda ay tahay, wax xirir ahna uusan xilligaas kala dhaxeynin Allah Subxaanahu Watacaala iyo iyada.

Markii ay yareyd waxay sheegtay inay “fikir khaldan ka heysatay diinta Islaamka oo marka ay aragto dad xiran dharka lagu yaqaano dadka Muslimiinta ah ay u arki jirtay in ay yihiin dad la caburinayo.”

Waxay intaa ku dartay inkastoo “khaladaad badan” ay in ay ka aaminsaneyd diinta Islaamka in haddana laga caawiyay inay wax badan ka fahamto Muslimninada waxa ay tahay, oo waxay xustay “inay ahayd qof jaahil ah oo iska indha tiri jiray diinta Islaamka.”

Intii ay joogtay deegaanka Chakama ee dalka Kenya, waxaa ay tiri: “dad badan oo Muslimiin ah ayaan halkaas ku arki jiray, balse taasi ma aysan igu dhiiragelinin in aan qaato diinta islaamka”.

“Waxaan arki jiray dad xiran khamiis, maalminta Jimcaha iyo dadka oo salaadda u aadaya misaajidka, balse xilligaas ma aanan daneyn jirin diinta Islaamka,”ayay tiri mar ay la hadleysay wargeyska Laluce ee ka soo baxa dalka Taliyaaniga.

Waxay gabadhan sheegtay in markii la afduubay oo la sii watay ay isweydiisay su’aalo dhowr ah ay ka mid yihiin: “Waxaan u imid Kenya in aan dadka caawiya oo wax wanaagsan ayaa sameynayay ee maxay waxani iigu dhacayaan? Maxay tahay sababta aanan loo afduubanin gabdhaha kale?”

Waxay tilmaamtay in markii la afduubay la geeyay xabsi ku yaala gudaha Soomaaliya. “Waxaa is dhahay – dabcan waxaa laga yaabaa in sababta aan dhibkan u marayo ay tahay ka fogaanshaha aan ka fogaaday Allaah, tasina ay tahay sababta la ii ciqaabayo.”

Maxay tahay arrinta uu ururka Jaamacadda Carabta u ballan-qaaday Soomaaliya?

0

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku shaacisay in dalalka Jaamacadda Carabta ay doorashada Soomaaliya u balan qaadeen taageero maaliyadeed, kadib markii ay dowladda Soomaaliya ka codsatay kharash dhan $12 Milyan.

Balan-qaadkaan ayaa yimid kadib markii shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka ku bahoobay Jaamacadda Carabta oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar uu ka qeyb galay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud.

Hoos ka akhriso qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

 Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa ku tilmaamay shirkii Jaamacadda Carabta ee heer Wasiir Arrimo Dibadeed ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira intii u dhexeysay 9-10 September mid miro dhal ah, iyadoo looga dooday ajandaha ah in dhaqaale lagu taageero doorashooyinka Soomaaliya, Arrinta Falastiin, xaaladihii ugu dambeeyay wadamada Suuriya, Yemen, Liibiya iyo Lubnaan, iyo mowduucyo kale oo muhiim ah.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carbeed ayaa waxa ay isku raaceen, kalfadhigoodii caadiga ahaa ee 156 -aad, oo uu shir -guddoominayay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, in doorashada Soomaaliya laga taageero dhanka dhaqaalaha iyo farsamada, si loo dhameystiro ka hor dhammaadka sanadkaan 2021-ka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta waxa uu caddeeyay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka sugeyso ka qeybqaadasho dhab ah oo hore loogu dhaqaajinayo geeddi -socodka doorashada iyo taageerada maaliyadeed iyo farsamo, taas oo loo tixgelin doono inay tahay farriin cad oo ku socota dadka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka si loo xaqiijiyo ahmiyadda dalalka Carabta ee walaalaha ah ay ugu fadhido Soomaaliya, si ay uga gudubto caqabadaha jira.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa hadalkiisa sii raaciyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar weyn sanadihii la soo dhaafay, balse ay weli u baahan tahay taageerada walaalaheeda Carbeed si loo horumariyo, dibna loogu dhiso hey’adaha dowladda, loona sii wado hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh ee ku suntan kor u qaadista qiyamka dimuqraadiyadda, xukunka oo si nabadgelyo ah la iskugu xil-wareejiyo iyo qabashada doorashooyin (iyadoo doorashada Aqalka sare ay bilaabatay , waxaa xigi doona doorashada Golaha Shacabka, kadibna doorashada Madaxweynaha) , iyo sidoo kale taageeridda hey’adaha dawladda, dib-u-dhiska dalka, deyn cafinta, iyo maalgelinta qeybaha muhiimka ah sida xoolaha, beeraha iyo kalluumaysiga.

Soomaaliya ayaa ka codsatay wadamada Carabta in ay bixiyaan qarash dhan $12 milyan oo doolar oo ka qeyb ah 29 milyan ee loo qorsheeyay in lagu socodsiiyo howsha doorashada.

Markii ugu horreysay tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya sanadkii 1991, Soomaaliya waxa ay bixin doontaa lacagta ugu badan ee doorashooyinka baarlamaaniga iyo tan madaxweynaha, iyadoo dalalka reer galbeedka ay bixiyeen 7.7 milyan oo doolar oo ay soo marsiiyeen Qaramada Midoobey, halka lacagta laga uruurin doono musharrixiinta lagu qiyaasay 8.2 milyan oo doollar, taas oo ka dhigaysa Soomaaliya inay bixiso lacagta ugu badan ee miisaaniyadda guud ee loo qoondeeyay doorashooyinka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa wadahadal labo dhinacle ah la yeeshay dhiggiisa Kuwait, Sheikh Dr. Ahmad Nasser Al-Mohammad Al-Sabah, isagoo sidoo kale khadka teleefoonka kula hadlay dhigaggiisa Qatar iyo Saldanada Cumaan, Sheikh Mohammad bin Abdulrahman Al-Thani iyo Sayyid Badr bin Hamad bin Hamood Albusaidi, waxa uu kala hadlay horumarinta xiriirka laba geesoodka iyo fursadaha iskaashi ee heer walba leh iyo xoojinta isku-duwidda si loogu adeego dano wadaagga.