25.6 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Maxkamadda ciidamada oo heshay laba qof oo xog ka haya kiiska Ikraan Tahliil iyo madaxdi NISA oo loo yeerayo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in maxkamadda Ciidamada qalabka sida ay billowdo baaritaanka kiiska dacwadda Ikraan Tahiliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA.

Xeer ilaalinta ayaa isku duba riday kiiska dacwadda Ikraan Tahliil, iyadoo xog la helay ay sheegeyso in xeer ilaalinta ay heshay illaa laba qof oo ka tirsan hey’adda NISA oo caddeynaya sida uu u dhacay kiiska Ikraan Tahliil.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo Maxkamadda uga yeerayo eedeynayaasha kiiska Ikraan Tahliil ee kala ah:

1- Agaasimaha xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
2- Agaasimaha uu Farmaajo magacaabay Yaasiin Farey
3- Madaxii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullaahi Kulane Jiis
4- Cabdiqani Diirane oo loo yaqan Wadna-qabad oo ka tirsan NISA

Haddii uu guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Co. Shuure ku dhawaaqo u yeeritaanka madaxda hey’adda NISA, waxaa laga yaabaa inuu cirka isku sii shareero khilaafka madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo uu hadda u socdo kulan lagu dhex-dhexaadinayo.

Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa sii xoogaystay kadib markii uu Madaxweynaha wareegto ku magaacabay taliyihii shaqa joojinta lagu sameeyay ee Fahad Yaasiin oo uu ka dhigay la-taliyihiisa amniga qaranka.

Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax.

Farmaajo ayaa doonayo in kiiska Ikraan Tahliil aan la baarin oo halkaas lagu damiyo, qoyskeedana diyo la siiyo. Ma cadda sababta Farmaajo uu caddaalad ugu diidan yahay gabadhaas yar ee la dulmay, balse waxaa jira tuhun ah in kiiska uu dhallin karo fadeexad weyn, oo isaga taaban karta.

Shir xasaasi ah oo u socda Farmaajo iyo R/W ROOBLE

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo xarunta Villa Soomaaliya ayaa sheegaya inuu haatan ka bilowday shir xasaasi ah oo lagu dhex-dhexaadinayo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday.

Wada-hadalladan ayaa waxaa gar-wadeen ka ah madaxweynayaasha Koonfur Galabeed iyo Galmudug oo maalmo ka hor soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in shirkan uu Rooble la tagay afar qodob oo ka mid ah kuwa keenay khilaafka haatan kala dhexeeya Farmaajo.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu ra’iisul wasaaraha u sheegay Lafta Gareen iyo Qoor Qoor in ay lama taabtaan yihiin qodobadaasi, uuna ka taasuli doonin, waxayna kala yihiin:-

1- Shaqo ka joojinta Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

2- In Bashiir Maxamed Jaamac Goobe uu yahay Taliyaha KMG ah ee NISA maadaama uu u xilkaas u magacaabay.

3- In Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka uu yahay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur.

4- In Kiiska Ikraan Tahliil ay baarto Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo loo gudbiyay Xeer ilaalinta Maxkamaddaas si cadaaladda loo horgeeyo dadkii ka dambeeyay kiiskeeda.

Dhinaca kale madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa horey u aqbalay xilka qaadista Fahad Yaasiin, wuxuuse u magacaabay la-taliyaha guud ee amniga Qaranka.

Farmaajo ayaa sidoo kale doonaya in si gaar ah loo xalliyo, kiiska Ikraan Tahliil Faarax uuna bixiyo diyadeeda, sida uu shaaciyey Xasan Faarax oo sheegay in uu yahay adeerka Ikraan.

Si kasta xiisadda siyaasadeed ee ka dhex qaraxday Farmaajo iyo Rooble ayaa saameyn ku yeelatay xaaladda guud ee dalka iyo sidoo kale geedi socodka doorashooyinka 2021-ka.

Maxaa ka soo kordhay xaalka aqoonyahanka taageera Farmaajo ee la afduubtay?

0

Nairobo (Caasimada Online) – Qoyska Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa war cusub ka soo saaray xaaladda aqoonyahankan oo maalintii Talaaladadii aheyd ee la soo dhaafyay lagu afduubtay bartamaha magaalada Nairobi ee caasimada waddankaasi Kenya.

Cabdicasiis Sheekh Cabdisamad oo ay walaalo yihiin Cabdiwahaab ayaa wareysi uu siiyey BBC-da ku sheegay in wal-wal xoogan uu soo jawahay qoyska, tan iyo markii la faduubtay walaalkiis, isagoo xusay inuu dhibaato ku noqday afduubka loo geystay Cabdiwahaab.

“Wal-wal saa’id ah ayaa jira wax hurdaaya malaha Walaahi dhibaato badan ayaa jirta ciyaal yar yarna waa joogaan oo murugeysan dhibta ma yara,” ayuu yiri Mr. Cabdicasiis

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay meel kasta ay tageen, ayna ku wargeliyeen laamaha dowladda, si loo baadi goobo aqoonyahan Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo illaa iyo hadda aan la garayneynin sababta loo afduubtay iyo sidoo kale cidda ka dambeysa intaba.

‘Horta wax aan kala socono malaha meel kasta waan tegnay waan raadinay, dowladdana waan u sheegnay, Media wax kasta waa kala hadalnay” ayuu markale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kiiskan ay la aadi doonaan maxkamadaha, isla-markaana ay qabsan doonaan Lawyer, si loo qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

“Hadda Lawyer baan qabsan doonaa dhib malaha maxkamadda ayaan tegeynaa wixii sharci ah oo dalka ka jira ayaan raaceynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad ayaa ah fallanqeeye iyo aqoonyahan ka soo jeeda Soomaalida Kenya, waxaana sidoo kale uu si weyn u taageersan-yahay madaxweynaha uu waqtigiisy dhammaaday ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Muuse Biixi oo sameeyey xilal ka-qaadis iyo magacaabis

0

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta sameeyey xilka qaadis iyo magacaabis, kadib wareegto uu soo saaray.

Muuse Biixi ayaa magacaabay shan guddoomiye gobol, agaasimaha guud ee bangiga dhexe iyo saddex xubinood oo kale.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah is-bedallo uu maalmihii lasoo dhaafay waday madaxweynaha Somaliland oo sidoo kale dhowaan isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada.

Halkan hoose ka aqriso:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Axmed Cige Maxamed Geeddi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Hawd
Ku: Axmed Cismaan Xasan Cilmi;
Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Sanaag
Ku: Axmed Xasan Cabdi Carwo;
Agaasimihii Guud ee Hore ee Baanka Dhexe
Ku: Maxamed Sheekh Faarax Cumar,
Guddoomiyihii Hore ee Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone
Ku: Abiib Xaamud Jibriil,
Xubin Hore Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera

Mudane,

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hore ugu hayseen Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey:  La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

1- Maxamed Cilmi Ahmed Maxamuud Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex
2- Maxamed Diiriye Xayd Nuur Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh.
3- Maxamed Cilmi Xuseen Axmed  Guddoomiyaha Gobolka Sanaag.
4- Axmed Yaasiin Maxamed Faarax Guddoomiyaha Gobolka Hawd.
5- Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Xujaale Guddoomiyaha Gobolka Togdheer.
6- Mukhtaar Cabdi Quule Maxamuud Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe.
7- Siciid Shugri Xuseen Cali Guddoomiyaha Guddida Maamulka Hay’adda Dekedaha iyo Free Zone.
8- Axmed Xaaji Daahir Cilmi Ducaale Xubin Guddida Maamulka Sare ee DP World Berbera.
9- Jaamac Xaaji Axmed Cabdi Muuse Xubin Komishanka Xuquuqal Insaanka Qaranka.

Saciid Deni oo digniin culus diray – Maxaa soo kordhay?

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo ka hadlayey arrimaha doorashooyinka ayaa digniin culus u diray ciidamada ammaanka maamulkaasi iyo kuwa kale ee ka howl-gala ee dalka.

Deni ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada looga baahan-yahay inay ka shaqeeyaan sugida amniga, isaga oo uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda ee dalka.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Soomaaliyeed laga rabo inay dhex dhexaad ka noqdaan siyaasadaha is diidan iyo muranada u dhexeeya siyaasiyiinta.

“Ciidamada waxaan uga digay inay ku milmaan Siyaasadda” ayuu yiri Deni xilli uu ciidamo ka tirsan kuwa Puntland kula hadlayey waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay ciidamada in aysan u kala eexan xubnaha musharixiinta ah ee u tartmaya kuraasta labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli haatan dalka uu jiro xaalad adag oo kala guur ah iyo sidoo kale doorashooyin guud oo isugu jira mida baarlamaanka & tan madaxweynaha.

Si kastaba horay musharixiinta mucaaradka ayaa horey uga digay in ciidamada qalabka sida loo adeegsado arrimo siyaasadeed, si ay u fara-gelinayaan doorashooyinka.

Xogta dhex-dhexaadinta FARMAAJO iyo ROOBLE ee xalay iyo waxa kasoo baxay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa weli ka socda dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul Maxamed Xuseen Rooble.

Dadaallada ayaa waxaa wada madaxweynayaasha Galmudug Axmed Qoor Qoor iyo Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen oo xalay kulamo duwan la yeeshay labada mas’uul.

Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa kulankii ugu horreeyey oo saacado badan qaatay la yeeshay ra’iisul wasaaraha, waxaana la sheegayaa in illaa iyo hadda aanay wax natiijo ah oo la taaban karo kasoo bixin kadib saacado ay wada-hadlayeen.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay Ra’iisul Wasaaruhu uu wali mowqifkiisa iyo go’aamadii hore ku adkeysanayo, maadaama uu mas’uul ka yahay amniga iyo siyaasadda dalka, sababtuna ay tahay in Farmaajo ay sharciyaddii ka dhacday.

Qodobada Rooble ku adkeysanayo ee uu sheegay inaanay jirin meel uu uga laabto ayaa waxaa ka mid ah ah; shaqo ka ceyrinta Fahad Yaasiin, in Bashiir Goobe uu yahay taliyaha NISA, in Cabdullaahi Maxamed Nuur uu yahay wasiirka amniga, iyo in kiiska Ikraan Tahliil ay baarto maxkamadda ciidamada qalabka sida, oo kuwii ay ku caddaatana sharciga la mariyo.

Dhinaca kale Qoor Qoor iyo Lafta-gareen ayaa sidoo kale xalay kulan la qaatay Farmaajo, balse weli lagama hayo wax faah-faahin ah.

Si kastaba, waxaa horey loo ogaa in Farmaajo uu raali ka yahay xil ka qaadista Fahad, balse uu doonayo in kiiska Ikraan Tahliil aan la baarin oo halkaas lagu damiyo, qoyskeedana diyo la siiyo. 

Ma cadda sababta Farmaajo uu caddaalad ugu diidan yahay gabadhaas yar ee la dulmay, balse waxaa jira tuhun ah in kiiska uu dhallin karo fadeexad weyn, oo isaga taaban karta.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa diidan xil ka qaadista wasiirka amniga Xasan Xundubey, balse waxaa suurta-gal ah inuu aqbali karo in Bashiir Goobe uu noqdo taliyaa NISA, qodobkaas oo la fahamsan yahay inaanu sidaas ugu adkeyn.

Xog: Mursal oo kusoo biiray dadaallada looga hortagayo in Ikraan ay caddaalad hesho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee dhacay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku biiray dadaallada looga hortagayo in Ikraan Tahliil Faarax ay hesho cadaalad, taasi oo uu ka shaqeynayo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Maxamed Mursal, oo hoos taga Farmaajo, horena ugu gacan siiyey muddo kororsigii fashilmay ee dhaliyey dagaalka, ayaa xiligan door ka qaadanaya daminta kiiska Ikraan, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sidoo kale, Mursal ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo Golihii Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhamaaday lagu soo nooleeynayo, si loo carqaladeeyo dadaalka Ra’iisul Wasaaraha, laguna hor istaago cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo Qoyskeeda.

Mursal ayaa Khamiistii ka horyimid dhaarintii Wasiirka cusub ee amniga, taasi oo uu hore u diiday madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday, waxayna marag ma doon cad u noqoneysa in Mursal oo markale dhinaca saaray saaxiibkii Farmaajo.

Mursal ayaa ku doodaya in dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaariyo Golaha Shacabka, wuxuuna shaki galiyay awoodaha Ra’iisul Wasaaraha ee xiliga kala guurka.

“Waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuula socodsiinayaa in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ee Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104-aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

“Waxa kale oo xusid mudan inaanu dalka ka jirin firaaq Baarlarnaani ah si waafaqsan Sharci Lr. 30 ee xeeranayo in Baarlamaanka 10aad ee hadda jooga oo wata awoodihiisa Dasturiga ah u dhamaytiran tahay ay Xilka sii haynayaan inta Baarlamanaan kale laga dooranayo.”

Maxamad Mursal ayaa hore ugu fashilmay hirgelinta qorshayaasha Farmaajo, kuwaasi oo qaarkooda ay halis u geliyey dalka colaad sokeeye, kadib markii uu meel-mariyey mudda-kororsigii labada sano ahaa ee uu dalbaday Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhamaaday.

Wararkii ugu dambeeyey doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ee Soomaaliya

0

Jowhar (Caasimada Online) – Magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle waxaa weli ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada golaha aqalka sare, gaar ahaan xubnaha sideeda kursi ee ka imaanaya dhanka maamulkaasi, laguna dooranayo Jowhar.

Diiwaan-gelinta xubnaha musharixiinta ah ayaa lasoo gaba-gabeynayaa gelinka dambe ee maanta, sida uu shaaciyey guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee HirShabelle.

Sidoo kale beri oo Axad ah, kuna beegan 12-ka bisha September ayaa qorshuhu yahay inay hadal jeedin sameeyaan xubnaha musharixiinta ah ee is-diiwaan-geliyey, kadibna waxaa la guda-geli doonaa qabashada doorashada, si loo soo xulo Senatarada ka imaanaya Jowhar.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamada booliiska ay howl-gallo lagu xaqiijinayo nabad-gelyada ka wadaan halkaasi.

Doorashada HirShabelle ee Aqalka Sare ayaa ah mid xamaasad leh, kana duwan marka loo eego doorashooyinkii ka dhacay xarumaha kale ee dowlad goboleedyada, kadib markii madaxweyne Cali Cabdullaahi Guudlaawe uu tartanka doorashada ka dhigay mid furan.

Kuraasta ayaa waxaa ku tartamayaa ugu yaraan saddex musharrax illaa ugu badnaan lix musharrax, waana sababta xiisadaha u yeeshay doorashada Aqalka Sare ee HirShabelle.

Dhinaca kale musharixiinta oo haatan intooda ku sugan Jowhar ayaa wada ololahhoodii ugu dambeeyey, waxaana ka mid ah xubnahaasi siyaasiyiin saameyn ku leh Soomaaliya.

Si kastaba HirShabelle ayaa noqoneyso maamul goboleedkii ugu dambeeyey ee guda-gala qabsoomida doorashooyinka golaha aqalka sare oo horay uga bilowday maamullada kale.

Farmaajo oo codsaday inuu bixiyo diyada Ikraan Tahliil kiiskana la soo xiro + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu sheegay, Dr. Xasan Faarax Axmed oo sheegay in uu yahay adeerka Ikraan Tahliil Faarax Axmed, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaabilay siyaasiyiin iyo odoyaal sheeganaya inay yihiin ehellada marxuum Ikraan Tahliil Faarax.

Dr. Xasan Faarax Axmed ayaa sheegay in xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ganacsade Xuseen Dhoobow iyo odoyaal kale oo qaraabo kore la ah Ikraan ay la kulmeen Farmaajo kadibna ay kula hadleen in uu bixiyo diyada Ikraan, isagoo sidoo kale codsaday in kiiskaan la xiro oo aan maxkamad la geynin. 

“Anigoo ah adeerka runta ah ee Ikraan waxaa halkaan ka sheegayaa in aanan wax diyo ah qaadan doonin, xildhibaan Jeesow iyo Xuseen Dhoobow waxaan ugu baaqayaa in kiiska Ikraan gacanta kala baxaan,” ayuu yiri Dr Xasan Faarax Axmed. 

Hooyo Qaali Maxamuud Guhaad oo dhashay Ikraan ayaa horey u sheegtay in waxa kaliya ee ay ku qanceyso ay tahay in gabadheeda ay caddaalad hesho, waxayna uga digtay Daahir Amiin Jeesow oo ku beel ah Ikraan, balse aan wax xiriir ah kala dhaxeyn, inuu faraha kala baxo kiiska gabadheeda. 

In madaxweyne Farmaajo uu codsado diyada bixinta Ikraan Tahliil ayaa ka dhigan qirashada dilka Ikraan oo loo haysto xubnihii ugu sarreeyay hay’adda NISA, waxaana la sheegay in sababta ugu weyn ee u hortaagan yahay ay tahay difaaca xubno kamid ah saraakiisha ku lugta leh.

Ra’iisul Wasaare EMaxamed Xuseen Rooble ayaa gudi saaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil, waxaana ka dhashay mowjado siyaasadeed aad u culus iyo khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble.

Soomaaliya – Ma albaabkii TURKIGA ee Bariga Afrika?

Turkiga oo toban sano ka hor August 19, 2011 u soo gurmaday Soomaaliya oo ay ka jirtay macaluul iyo colaad sokeeye ayaa khibrad la wadaaggiisa aqoon, maalgashi dhaqaale iyo ciidan dhiskiisaba gacan weyn ka geysteen dib u soo kabashada dowladnimada dalka. 

Burburka ka dhacay Afghanistan ayaa marqaati ma doonto u ah inaan laysku hallayn karin cudud shisheeye. Afartii sano ee la soo dhaafay, mudnaanta kowaad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ahayd dhismaha ciidamo tayo xirfadeed iyo asluub waddaninimo leh si loogala wareego AMISOM mas’uuliyadda amniga dalka. 

September 2017, ayuu Turkiga ka furay Muqdisho  Kulliyadda TurkSom oo ay ku baxday maal dhan ilaa 50 malyan doolar lehna awood ay ku tababbarto in ka badan 1,500 askari markiiba iyo 200 sarkaal. 

Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mehmet Yılmaz oo la hadlayey wakaaladda wararka “Anadolu” ayaa sheegay in dalkiisu uu u tababbari doono Soomaaliya inta u dhaxeysa 15,000 ilaa 16,000 askari, (Daily Sabah 04/08/2020).

Dhawaan, dowladda Turkiga waxay ku deeqay Soomaaliya gawaarida gaashaaman oo iskugu dhafan kuwo aysan karin waxyaabaha qarxa iyo gaadiid leh udub dhexaad lagu rakibo qoryaha darandoorriga u dhaca oo lagula dagaallami doono xagjirta. 

Wixii ka horreyey 1975-78, Turkigu waxuu lahaa warshado yar oo lagu farsameeyo hubka. Mareykanka oo uu ka iibsan jireen qalabka kabka ayaa ku soo rogay xayiraad, taasoo ku dhalisay inuu si dhaqsa leh u hormariyo warshadaha muhiimka u ah baahidiisa, si uu uga kaaftoomo ku tiirsanaanta Dibedda.

Shantii sanadood ee u dhexeysay 2015 – 2019 hub soo dejintiisa waxay hoos u dhacay 48% marka la barbardhigo shantii sano ee ka horreysay. Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay soo saaraan in ka badan 70% qalabka baahida dalkiisa (BBC News 23/10/2019).

Dadaalka heerarka kala duwan ee niyadsamida ku bilowday ayaa unkay xidhiidh bulshadeedka u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Haseyeeshee, siyaasiyiin xildoon ah iyo baraha bulshada aan xasillooneyn ayaa meel kaga dhacay hiilkii walaalnimo. Waxay ahayd faduul dalal gaar ah ay ku doonayeen inay Turkiga suuqa kaga saaraan. 

Intii u dhexeysay 2010 ilaa 2019 waxuu hub u dhoofiyey ilaa iyo 28 waddan. Waxaa lagu qiyaasayaa hubka uu dhoofiyey 2018 keliya ilaa 2.2 bilyan doolar.

Dalka Kenya ayaa ka iibsaday ilaa 118 gawaariga gaashaaman kaddib markii ciidamada gorgor  oo ku qalabeysan hubka Turkiga muddo saacada ah ku soo afjareen miliishiya Kenya soo hubaysay.

Warshadaha Turkiga ayaa ka mid yihiin 100 shirkadood ee ugu waaweyn adduunka. Waxay si tartiib tartiib ah u kordhiyeen ka iibinta badeecadooda dalal Afrika oo ay ka mid yiniin: Algeria, Burkina Faso, Ghana, Liibiya, Mauritania, Nigeria, Rwanda, Senegal, Tunisia, Uganda (Geopolitical Monitor 16/12/2019).

Sida ay December 2020 sheegtay hay’adda “Stockholm International Peace Research Institute’s (SIPRI’s)” Turkigu waxuu ka mid yahay afarta hub dhoofiyeyaal ee soo shaac baxay waayahaan oo ay ka mid yihiin Brazil, Koonfurta Kuriya iyo Imaaraadka [oo dulaala ah].

Maalka la qiyaasayo in dowladda Turkiya ay gelisay warshadaha qalabka difaaca ayaa kor u dhaafaya 60 bilyan doolar, taas oo qiimaha warshadahaas oo ahaa hal bilyan doolar 2002kii, gaarsiisay ilaa iyo 11 bilyan 2020kii (Carnegie Endowment for International Peace 09/10/2020).

Lama dafiri karo in Turkigu wixii ka dambeyey u soo gurmadkii Soomaaliya uu noqday ciyaaryahan saameyn ku leh Afrika.  

Isha: Jamhuriyadda.com

Shiinaha oo malaayiin dollar ugu deeqay Afghanistan

0

Kabul (Caasimada Online) – Shiinaha ayaa ku dhawaaqay 31 milyan oo dollar oo gargaar ah oo uu siinayo Afghanistan, taas oo u muuqata mid ka mid ah ballanqaadyadii ugu horreeyay ee shisheeye ee gaara waddanka ay ka taliso Taalibaan.

Gargaarka Shiinaha ee Afghanistan waxaa ku jiri doona cunto, sahayda cimilada qaboobaha iyo tallaallada COVID-19.

“Shiinuhu wuxuu go’aansaday inuu si degdeg ah u siiyo $ 30.96 milyan oo u dhiganta (200 milyan oo lacagta shiinaha ee yuan), iyadoo loo eegayo baahida dadka Afghanistan,” ayaa laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Xinhua.

Isagoo la hadlayay dhiggiisa waddamada Pakistan, Iran, Tajikistan, Uzbekistan iyo Turkmenistan, Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha Wang Yi ayaa sheegay in kaalmadan ay gacan ka geysan doonto dib u dhiska dalka ay dagaalladu aafeeyeen. Wuxuu sidoo kale sheegay in Shiinuhu uu gacan ka geysan doono la dagaallanka argagixisada iyo ka ganacsiga maandooriyaha sharci darrada ah.

Ku dhawaaqista xirmada gargaarka ayaa timid isla maalintii uu Shiinuhu sheegay inay sii wadi doonaan xiriirka ay la leeyihiin xukunka Taalibaan, kadib markii ay qaadeen “tallaabadii lama huraanka aheyd” ee ay ku dhiseen dowlad ku meel gaar ah.

Qaramada Midoobay ayaa toddobaadkan ka digtay in Afghanistan ay wajahayso “saboolnimo baahsan” bartamaha sanadka soo socda haddii aan la xoojin dhaqaalaha dalkaas.

Danjiraha Pakistan ee Washington Asad Majeed Khan ayaa sheegay inay ula muuqato in beesha caalamku ay gacan ka geysato sidii Afghanistan uga gudbi laheyd dagaalka dhaqaale ee ay ku jirto.

VOA

Xog: Laba qodob oo la isku hayo wada-hadalladii Farmaajo iyo Rooble

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya wada-hadallada laga dhex wado madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegaya in laba qodob ay hortaagan yihiin heshiis buuxa oo ay gaaraan.

Shirar socday maanta oo dhan ayaa waxaa ka dhashay guddi labada dhinac ka kala socdo oo loo saaray inay ka soo doodaan qodobada la isku hayay, si ay heshiis uga soo gaaraan, kadibna loo soo saaro war-murtiyeed

Farmaajo ayaa waxaa guddigiisa ka mid ah Xildhibaan Cabdishakuur Mire iyo Aadan Qoryooley oo ah Wasiirka Boostada Isgaarsiinta Galmudug, oo saaxib dhow la ah Fahad Yaasiin. Dhanka Rooble ayaa waxaa ka wakiil ah wasiirka waxbarashada Cabdullaahi Abuukar Xaaji Carab iyo wasiir ku-xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaala, waxaana korjooge ka ahaa Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed.

Guddiga labada dhinac ayaa lagu warramay inay isku afgarteen dhowr qodob, ayada oo Farmaajo uu aqbalay xil ka-qaadista Fahad, iyo wasiirka amniga Xasan Xundubey.

Si kastaba, waxaa weli la isku hayaa laba qodob oo mid uu yahay kiiska Ikraan Tahliil Faarax. Farmaajo ayaa doonaya in kiiskan loo saaro guddi baara, halka Rooble uu ku adkeysanayo in Maxkamadda Ciidamada ay baarto.

Qodobka kale ee isku hayo ayaa ah cidda noqoneysa taliyaha cusub ee NISA. Guddiga ka socda Farmaajo ayaa soo jeediyey in labada taliye ee ay kala magacaabeen Farmaajo iyo Rooble la isla bixiyo oo loo daayo Farmaajo inuu soo magacaabo taliye cusub.

Hase yeeshee, guddiga matalaya Rooble ayaa taas ku gacan seeray, waxaana ay dalbadeen in haddii labada taliye la isla bixinayo ay tahay in laga heshiiyo magacaabista taliyaha cusub, oo laga tala geliyo Ra’iisul Wasaaraha, si qof lagu wada qanacsan yahay loo magacaabo.

Guddiga ayaa markii ay is-mari waayeen ayaa waxaa wada-hadal isugu laabtay Farmaajo iyo Rooble, oo hadda ka shirsan arrintan taliyaha NISA, waxaana la filayaa inay ayaga xal ka gaaraan.

Wararkii ugu dambeeyey wada-hadallada u socda Rooble iyo Farmaajo – Xog

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey ee kasoo baxayo kulamada lagu dhex-dhexaadinayo madaxweynaha waqtigiisa dhammaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen ayaa sheegaya in labada mas’uul ay isaga soo dhawaadeen qodobadoo la isku hayey.

Sida ay xogta sheegeyso, labada mas’uul ayaa gaaray heshiis hordhac ah, waxayna wararka sheegayaan in madaxweynaha waqtigiisa dhammaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka tanaasulay inta badan qodobadii khilaafka keenay.

Farmaajo ayaa ogolaaday magacaabistii uu sameeyey Rooble ee ahaa in Bashiir Goobe uu noqdo taliyaha hey’adda Nabadsugidda, wuxuuna markii hore codsaday inuu isaga magacaabo Bashiir Goobe balse waxaa arrintaas diiday Rooble.

Arrinta Ikraan Tahliil ayaan weli heshis rasmi ah laga gaarin, waxaana la filayaa in kulamad tooska ah ee Farmaajo iyo Rooble xal looga gaaro. Farmaajo ayaa codsaday in kiiska Ikraan Tahliil loo dhaafo garsoorka.

Shirka oo markii hore ka billowday Villa Uganda waxaa ka wada qeyb galay madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed , wasiirka waxbarashada iyo Wasiir ku xigeenka Warfaafinta.

Kaddib waxaa kulan gaar ah uga billowday Xafiiska Madaxweynaha, Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble kaliya, iyadoo bannaanka uga soo baxeen dhammaan xubnihii kale ee wajiga koowaad ee kulanka qeybta ka ahaa.

Arrintaan ayaa ka dambaysay markii Madaxweyne Farmaajo uu codsaday inuu Ra’iisul Wasaare la yeesho kulan gaar ah oo ay uga doodayaan sidii farsamo ahaan loo fulin lahaa qodobbada la isku afgartay ee lagu xallinayo khilaafka taagan.

Daawo: Sheekh Maxamed Idiris: “Allah xikmad ayuu ka lahaa dilka IKRAAN TAHLIIL”

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Idiris oo ka mid ah culumada waaweyn ee Soomaalida ayaa markii u horeysay ka hadlay kiiska Ikraan Tahliil Faarax, oo ay hay’adda NISA sheegtay inay geeriyootay, kadib muddo la weysanaa.

Sheekh Maxamed Idiris ayaa sheegay in kiiska Ikraan ay ku jirto xikmad cajiib ah oo banaanka soo dhigeysa dulmiga dowladda iyo mas’uuliyiinta u sareysa, islamarkaana ay kashifeyso dulmi ayada ka horeeyay.

“Ilaahay SWT xikmad ayuu ka leeyahay gabadhaas Soomaalida ah ee Muslimada ah in dhiigeeda uu maanta noqdo waxa arrintaan qarxiya, oo siyaasiyiintii kashifa, mas’uuliyiintii kashifa, dulmiga kashifa, dhiig badan oo muslima oo daatay kashifa,” ayuu yiri Sheekh Maxamed Idiris.

“Ikraan ma aha kaligeed waxa dhintay laakiin xikmad ayuu Ilaahay SWT ka leeayhay, waxaan leenahay arrintaan waa arrin weyn oo Ilaahay daba-joogo, wallaahi noqon meyso arrin ciyaar ah oo lagu kaftamo.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inay jiraan Wasiiro, Xildhibaano, Culimo iyo Siyaasiyiin la dilay oo illaa hadda aan la aqoonsan, islamarkaana ay Ikraan tahay xikmad banaanka u soo saareysa dhagar qabayaasha qarsoon, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhiiga Muslimka ciyaar ciyaar ma aha, meel cidla ah ma dhaceyso, waxa uu Ilaahay SWT daba-socdo cid bad-baadin karta majirto. Gabadhaas yar waxay tusaale u tahay malaayiin Soomaali ah oo dhulka ku jira, cadaalada ha lagu xaqo.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka digay in la hor-istaago kiiska Ikraan, si ay cadaalad u hesho, asagoona dalbaday in sida ugu dhaqsaha badan maxkamad loo saaro cida uu ku cadado kiiska Ikraan, oo NISA sheegtay inay geeriyootay.

Hoos ka daawo Sheekh Maxamed, ka billow daqiiqadda 2-aad

XOG: R/Wasaare Rooble oo ciidamo gaar ah dul-dhigay xafiisyo ka tirsan NISA

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, ciidamo gaar ah oo ka tirsan ciidanka Waran ee hay’adda nabad sugidda Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay sugida amniga qeybo muhiim ah oo ka tirsan xarunta NISA. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in xafiiskii agaasimaha NISA, xafiiska maaliyada, xafiiska diiwaanka iyo xogaha, qeybta hubka iyo VIP-da ee hay’adda NISA la dejiyey ciidankaas, kadib amar kasoo baxay ra’iisul wasaare Rooble.

Sidoo kale xogta ayaa intaas ku dareysa in gaari kasta oo xarunta galaya ama ka soo baxaya la baarayo, sidoo kale waxaa la baarayaa dadka galaya iyo kuwa kasoo baxa, iyadoo dadka iyo gaadiidka geli karana ay aad u xaddidan yihiin. 

Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Xasan oo ah taliyaha ciidanka Waran ee hay’adda NISA, islamarkaana taabacsan Rooble, ayaa la sheegay in uu aad adkeynayo ammaanka xarunta gaar ahaan qeybaha ugu muhiimsan ee xogta iyo xafiisyada hay’adda ah. 

Goobaha ay ciidanka sida gaarka u ilaalinayaan waxaa kamid ah dhowr qeybood oo xafiisyo u badan, kuwaasi oo marba qeyb uu fariisan jiray taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad Yaasiin. Sidoo kale waxaa goobaha aadka loo ilaaliyo kamid ah qeyb degaan aheyd oo uu daganaa Fahad Yaasiin iyo shaqsiyaadka martida u ah. 

Arrintaan ayaa daba joogto baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la tuhmayo in afduubkeeda iyo dilkeedaba ay sabab u haayeen masuuliyiin katirsan sirdoonka Soomaaliya, lagana cabsi qabo in la burburiyo caddeymaha la xiriira kiiskan.

Midowga Murashaxiinta oo sideed qodob kasoo saaray xiisadda dalka ka taagan

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya ayaa sideed qodob kasoo saaray xaaladda xasaasiga ah ee dalka ka taagan ee ka dhalatay isku dayga madaxweyne Farmaajo uu ku hor-istaagay inay caddaalad helaan Ikraan Tahliil Faarax iyo qoyskeeda. Hoos ka aqriso qoraalka Golaha

Golaha Midowga Musharaxiinta (Council of Presidential Candidates)

Tix: GMMM/32/21 Tr: 10/09/21 

Kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Midowga Murashixiinta iyo wadatashiyo badan oo ay sameeyeen ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/09/21 ku soo gebagaboobay magaalaa Muqdisho. Kulanka iyo wadatashiyadaba waxaa looga dooday layskuna weydaarsaday afkaar ku wajahan xaaladda dalka, gaar ahaan dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee khalkhalka siyaasadeed geliyey dalka. 

Waxaa laysla gartay qodobada soo socda: 

1. Goluhu wuxuu si buuxda u garab taagan yahay Raysal-wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo mas’uuliyada amniga iyo doorashooyinka meel fagaare ah kula wareegay, kadib markii Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday uu ku fashilmay qabashada doorashooyin daahfuran, xor iyo xalaal ah, oo waqtigeeda ku dhacda. 

2. Goluhu wuxuu ku garab taagan yahay Raysal-wasaaraha in kiiska Ikraan Tahliil Faarax lagu sameeyo baaritaan hufan, eedaysanayaashana si deg-deg ah loo hor geeyo maxkamad awood u leh ka gungaaridda iyo qaaditaanka kiiskaas. 

3. Goluhu wuxuu cambaaraynayaa tallaabooyinka uu Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhamaaday ku carqaladeynaayo caddaalad u helidda kiiska Ikraan, iyo gabaadka sharci-darrada ah uu siinayo eedaysanayaasha kiiska loo haysto.

 4. Goluhu wuxuu la socdaa dhaqdhaqaaqa uu gudoomiyihi hore ee Golaha Shacabka, Maxamad Mursal Abdirahman uu ku doonayo dib-u-soo noolaynta Golihi Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhamaaday, iyadoo la doonayo in lagu carqaladeeyo daddaalka Raysal-wasaaraha, laguna hor istaagayo caddaalad u raadinta Ikraan Tahliil iyo Qoyskeeda. 

5. Goluhu wuxuu xusuusinayaa Maxamad Mursal in uu hore ugu fashilmay mu’aamaraadkaas, dalkana halis u geliyey colaad-sokeeye kadib markii uu meelmariyey mudda-kororsigii labada sano ahaa ee uu dalbaday Madaxweynaha mudda-xileedkiisu dhamaaday. 

6. Goluhu wuxuu uga dhigayaa guddoomiye-hore Mursal in uu mar kale dalka geliyo colaad-sokeeye, wuxuuna Goluhu ka waaninayaa in uu dib uga istaago shirqoolada lagu cargaladaynayo hawlaha Dastuuriga ah ee horyaalla Raysal-wasaaraha . 

7. Golaha Midowga Murashaxiinta wuxuu ka codsanaayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay tixgeliyaan codsigoodii wax ka beddelka qodobo ka mid ahaa habraaca doorashooyinka oo u baahan in dib loo saxo, iyo in ay dedejiyaan dhamaystirka doorashooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka. 

8. Goluhu wuxuu bogaadinayaa Madaxweynaha Dowlad-gobaleedka Hirshabelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen on fursad siman siiyey liiska tartamayaasha doonaya kuraasta Aqalka Sare oo ah sida saxa ah oo doorashooyinka loo agaasimo, waxaana u rajaynaynaa in ay doorashooyinkaas si daahfuraan ah ku soo dhamaystirmaan. 

Ugu dambayn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa saraakiisha Ciidamada Qalabka-sida in ay ka fogaadaan ku milanka siyaasadda iyo arrimaha doorashooyinka, garab-na ku siiyaan Raysal-wasaaraha in uu waajibaadkiisa u guto sidii loogu igmaday. Wuxuu kaloo Goluhu ugu baaqayaa Shacabka Soomaaliyeed, madaxda Dawlad-goboleedyada iyo Beesha Caalamka-ba in la iska kaashado sidii ay dalka ugu dhici lahaayeen doorasho daahfurnaan leh, laysla oggol yahay, dhaqsana ku qabsooma. 

-DHAMAAD-

 

Xasan Xundubey oo si yaab leh ugu ciil baxaya twitter-ka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo markii xilka laga qaaday Wasiirkii amniga Soomaaliya, Xasan Xundubey Jimcaale ayaa waxa uu bilaabay in uu bartiisa twitter-ka soo dhigao qoraal is-daba joog ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xundubey ayaa u muuqda inuu weli aqbali la’ inuu xilka waayey, kadib markii uu horey sharci-darro ugu tilmaamay, isaga oo qiil ka dhiganaya “in lagu jiro xili kala guur ah oo waddanku galayo doorasho, uuna Rooble cidna xil ka qaadi karin.

Wasiirka la ceyriyay ayaa maalmihii u dambeeyay, gaar ahaan saacadihii u dambeeyay bartiisa twitter-ka ku baahinayey qoraalo ka dhan ah Rooble, taasi oo lagu macneeyay “in Xundubey uu ku ciil baxayo tweet-yadaaas”.

“Rooble, HORU-SOCOD ayaa laga rabay, ee GADAAL u socod lagama sugayn! In uu WEBIGA doorashada na goysiiyo, oo uu na dhaafiyo ayaa looga fadhiyay, ee in uu BUUNDADA/BRIDGE-ka dushiisa DAGAAL nagu geliyo lagama filayn!,” ayuu ku yiri tweet uu soo dhigay bartiisa.

“Rooble, Golihiisa Wasiirada HAL Wasiir hadii laga reebo, inta kale mar hore ayuu go’doomiyay. Dood dheer ka dib Wasiiradu waxa ay go’aansadeen in DANAHA bulshada dartood loo TANAASULO oo AAMUSNAAN lagula shaqeyo. Hadana AAMUSNAANTII ayuu u dulqaadan waayay oo uu SHIRQOOL u arkay!,” ayuu ku yiri mid kale.

“Rooble, DOONTA ay dadka Soomaaliyeed saaranyihiin, waxa uu meel nabad ah gaarsii kari lahaay, hadii uu u dhexeyn lahaa MUXAAFAD & MUCAARAD! Haddasa, waxaa muuqata in uu MUCAARADKA ku MILMAY! Hadii uu DAN ka leeyahay dadka & dalka, ha ku soo naqdo waddada DHEX-DHEXAADNIMADA!,” ayuu sidoo kale tweet kale ku yiri saacad kadib.

Wuxuu tweet kale haddana ku yiri “Qurbac yar oo qaan gaar ahayn, qalab culus kuu qaadi maa! minaad ku qaadi maagtana, hadow qalibo yaad qabsee?.”

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dikreeto kasoo baxday xafiiskiisa xilkii uga xayuubiyey wasiirkiisii amniga Xasan Xundubey Jimcaale, isagoo xilkaas u magacaabay Xildhibaan Cabdullahi Maxamed Nuur oo aad u dhaliili jiray siyaasadda Farmaajo.

R/W Rooble oo looga digay ‘arrimo ku hoos duugan’ dhex-dhexaadinta Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa weli socda dhex-dhexaadinta laga dhex wado Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, xili uu sii xoogeystay khilaafka u dhaxeeya.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa labada dhinac ku qanciyey inaysan qaadin tallaabo kale oo xiisadda uga sii dari karta, islamarkaana waxay labada dhinac soo gudbiyeen tabashada ay qabaan.

Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa shaki geliyay waan-waanta laga dhex wado labada mas’uul, isagoona xusay saddex su’aalood oo xasaasi ah oo dul hoganaya arrintaas, kuwaasi oo kala ah; Cayrinta Fahad?, Caddaalad u raadinta Ikraan? iyo Gabbaad-siinta eedaysanayaasha?.

Waxa uu sheegay in marnaba aan laga yaabin in uu tanaasulo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo, islamarkaana uu rabo in uu helo nin uu ka adkaado, sida uu hadalka u dhigay.

“Waan-waanta agtiisa waa waqti iibsi, laakiin wuxuu mar walbana helaa qolo, iyaga qudhooda waanwaanta gabbaad ka dhiganaya oo kaga dhuumanaya in ay mowqifkii dadku ka sugayey caddeeyaan,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu ku booriyay Ra’iisul Wasaaraha in uu ku adkeysato go’aanadiisa, islamarkaana uu hore uga sii socdo isaga oo ka feejigan hosaasinta Farmaajo, maadama ay garab taagan yihiin Shacabka Soomaaliyeed.

“Maxkamadda dacwadda loo gudbiyeyna waa in ay horay u socodsiiso kiiska. Kiiska Ikraan maxkamad shacab ayuu saaran yahay, ma ah mid la dabooli karo. Dadka iyo dalkaba caddaalad ayaa deeqda.”

Fallanqeeye iyo aqoonyahan si weyn u taageera Farmaajo oo lagu afduubtay Nairobi

0

Nairobi (Caasimada Online) – Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa waxaa lagu afduubtay fallanqeeye iyo aqoonyahay kasoo jeeda Soomaalida Kenya, oo lagu magacaabo Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, kaasi oo si weyn u taageersan madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdiwahaab ayaa waxaa la waayey Arbacadii 8-da Bishan sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa iyagoo ka raadiyey dhammaan saldhigyada iyo xarumah ciidamada, balse ma helin wax akhbaar ah oo xaaladiisa ku saabsan.

Rag aan heybtooda la garaneyn ayaa Cabdiwahaab waxay ka afduubteen waddada Turbman ee magaalada Nairobi, ragga afduubka geystay ayaa la sheegay inay wateen hub iyo gaari.

Cabdiwahaab oo da’diisa lagu sheegay 55-sano jir ayaa ka faalloon jiray arrimaha Geeska Afrika, wuxuuna kasoo muuqan jiray Warbaahinta Kenya iyo Laanta Afsoomaaliga ee BBC-da isagoo faaqidaya arrimaha Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Cabdiwahaab ayaa dhawaan tagay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, wuxuuna markaas kadib noqday taageero daacad u ah madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaa sidoo kale loo qoray lacag si uu warbaahinta uga taageero Farmaajo.

Barta uu leeyahay Twitter-ka ayaa maalmihii ugu dambeeyey isku badashay meel lagu aflagaadeeyo siyaasiyiinta kasoo horjeedo madaxweyne Farmaajo, wuxuuna la rumeysan yahay inuu sidoo kale taageero weyn u ahaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Itoobiya Abiy Ahmed.

Gabar la dhalatay Cabdiwahaab oo la hadashay warbaahinta dalka Kenya ayaa sheegtay in lagu guul-dareystay baadi goobka walaalkeed, islamarkaana ay booliska xaqiijiyeen inuusan ku jirin gacantooda.

Xaliimo Maxamed oo ah xaaska Cabdiwahaab ayaa iyadana sheegtay in ninkeeda uusan laheyn cadow gaar ah oo ay uga shakisan yihiin inay afduubteen, waxayna sidoo kale sheegtay inuusan jirin khalad uu ninkeeda sameeyey.

Walaacda laga qabo xaaladiisa ayaa si xoogeysanaya, iyadoo aan la ogeyn inay afduubteen dambiilayaasha iyo inay heystaan ciidamada sirdoonka Kenya, sidoo kale waxaa shaki ka jiraa in la khaarijiyey.

Wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta laga dhex wado Rooble iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararki ugu dambeeyey ee khilaafka madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegaya in labada dhinac ay hadda xoogaa isku soo dhawaadeen.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa labada dhinac ku qanciyey inaysan qaadin tallaabo kale oo xiisadda uga sii dari karta, islamarkaana waxayna labada dhinac soo gudbiyeen tabashada ay qabaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoor Qoor iyo Laftagareen u sheegay inuu kaliya ku qanci karo in xilka lagu wareejiyo Bashiir Goobe oo uu u magacaabay Agaasimaha Hey’adda NISA iyo in kiiska Ikraan Tahliil cadaaladda la hor geeyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dooday in Rooble uu burburinayo heykalka dowladnimo, wuxuuna sheegay in Rooble ay u suurta gashay wixii uu rabay ee ahaa in Fahad laga qaado xilka hadda wixii ka dambeeyana uusan garaneyn ujeedada Rooble, wuxuuna sheegay in Kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cadaaladda.

Maanta ayaa la filayaa in dib loo bilaabo wada-hadallada, waxaana muuqata in Lafta Gareen iyo Qoor Qoor ay ka go’an tahay sidii ay usoo afjari lahaayeen xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa deganeyd xaaladda siyaasadeeed ee dalka markii loo eego sida ay xaalada aheyd maalmihii la soo dhaafay, hayeeshee uu weli taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu weli taagan yahay.