25.3 C
Mogadishu
Tuesday, July 7, 2026

Wararkii ugu dambeeyey dhex-dhexaadinta laga dhex wado Rooble iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararki ugu dambeeyey ee khilaafka madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegaya in labada dhinac ay hadda xoogaa isku soo dhawaadeen.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed ayaa labada dhinac ku qanciyey inaysan qaadin tallaabo kale oo xiisadda uga sii dari karta, islamarkaana waxayna labada dhinac soo gudbiyeen tabashada ay qabaan.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Qoor Qoor iyo Laftagareen u sheegay inuu kaliya ku qanci karo in xilka lagu wareejiyo Bashiir Goobe oo uu u magacaabay Agaasimaha Hey’adda NISA iyo in kiiska Ikraan Tahliil cadaaladda la hor geeyo.

Sidoo kale, Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dooday in Rooble uu burburinayo heykalka dowladnimo, wuxuuna sheegay in Rooble ay u suurta gashay wixii uu rabay ee ahaa in Fahad laga qaado xilka hadda wixii ka dambeeyana uusan garaneyn ujeedada Rooble, wuxuuna sheegay in Kiiska Ikraan Tahliil loo daayo hey’adaha cadaaladda.

Maanta ayaa la filayaa in dib loo bilaabo wada-hadallada, waxaana muuqata in Lafta Gareen iyo Qoor Qoor ay ka go’an tahay sidii ay usoo afjari lahaayeen xiisadda siyaasadeed ee ka dhex jirta madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Saacadihii la soo dhaafay waxaa deganeyd xaaladda siyaasadeeed ee dalka markii loo eego sida ay xaalada aheyd maalmihii la soo dhaafay, hayeeshee uu weli taagan yahay khilaafka u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble uu weli taagan yahay.

Yey yihiin labada ciidan ee uu Farmaajo isku haleynayo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiisad dagaal, oo salka ku haysa maamulka xarunta hay’adda NISA, kadib markii madaxweyne Farmaajo iyo Rooble ay kala magacaabeen laba agaasime.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa agaasimaha NISA u magacaabay Bashiir Maxamed Jaamac, hasee yeeshee Farmaajo ayaa ka daba magacaabay Yaasiin Farey, taasi oo abuurtay loolan iyo xiisad siyaasadeed.

Xiisaddan ayaa u muuqata inay horseedi karto dagaal dad badan ay sheegeen inuu noqon doono midkii Farmaajo uu dalka uga bixi lahaa, haddiiba uu nasiib u yeesho inaan lagu dilin.

Farmaajo, oo bishii April ku fashilmay isku day muddo kororsi, kadib markii awood ciidan lagu hor-istaagay, ayaa xubno ku dhow ay sheegeen inuu weli rumeysan yahay inuu awood ciidan wax ku maquunin karo.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in dhammaan ciidamada dowladda federaalka ay kasoo horjeedaan Farmaajo, marka laga reebo laba ciidan oo weli taageero u muujinaya, kuwaas oo kala ah ciidamada Gorgor ee militariga iyo Duufaan oo ka tirsan NISA.

Ciidanka Gorgor waa kuwa ay tababareen Turkiga, waxaana u badan dhallinyaro markii horeba uu Farmaajo musuq-maasuq iyo qabyaalad ugu diray tababarka. Si kastaba ciidankan ayaa la sheegay in qeyb ka mid ah aysan raacsaneyn Farmaajo, waana qeybtii diiday xilligii muddo kororsiga inay u dagaalamaan Farmaajo.

Ciidanka labaad ee uu Farmaajo isku haleynayo waa ciidanka Duufaan, oo ah kuwa tiro ahaan aad u yar. Ciidanka waxay badankood yihiin kuwo uu qoray agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, waxayna isugu jiraan dhallinyaro laga keenayo gobolka Gedo, iyo xubno horey uga tirsanaa Al-Shabaab, oo markii dambe usoo goostay dowladda.

Marka la isku geeyo, labada ciidan ayaa ah kuwa aad u yar, marka loo barbar dhigo ciidamada kale ee dowladda, waxaana aad u yar awoodda ay xitaaa hal maalin oo buuxda ku dagaalami karaan, haddii xiisaddan ay faraha ka baxdo, oo ay dagaal isku rogto.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, ayaa rumeysan in laga adkaan karo Farmaajo iyo kooxdiisa ayada oo aanu dagaal ka dhicin Muqdisho, taasi oo la sheegay in Farmaajo uu aad u doonayo, maadaama wax sumcad ah aysan u harin.

Xog: Boqor Cabdullahi Geedi Shadoor oo kala dhex-galay Rooble iyo Yaasiin Fareey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen odoyaal dhaqan iyo siyaasiin ka soo jeeda beesha uu ka dhashay taliyaha hay’adda NISA ee gobalka Banaadir Yaasiin Cabdullaahi Fareey, oo habeen hore Farmaajo u magacabaay Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa qaabilay guddi ka socda beesha Waceysle. 

Guddigaan ayaa waxaa hogaaminayay Boqorka Beesha Waceysle Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor, waxaana ujeedada kulanka lagu sheegay in Rooble lagala hadlayay tallaabooyinkii uu qaaday taliyihii NISA ee gobalka Banaadir Yaasiin Cabdullaahi Fareey. 

Xogta ayaa tilmaameysa in Boqor Geedi Shadoor uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka codsaday in aan xilka laga qaadin Yaasiin kuna difaaca kursiga taliyaha NISA ee gobalka Banaadir, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya loo balan qaaday in Yaasiin Fareey laga reebi doono Villa Somalia oo uu hadda ku xiran yahay. 

“Rooble waxaa loo balan qaaday in Yaasiin uusan amarkiisa ka hor imaan doonin una hogaansami doono awaamiirtiisa, isagana waxaa laga codsaday in uusan xilka ka qaadin,  waxaana laga raali geliyay shaqaaqadii Arbacadii ka dhacday xarunta NISA ee sababta u ahaa Yaasiin Fareey,” ayuu yiri mid kamid ah odoyaasha dhaqanka beesha Waceysle. 

Boqor Cabdullaahi Geedi Shadoor iyo Nabadoonka jufada uu ka dhashay Yaasiin Fareey oo lagu magacaabo Cali Jeesto ayaa isku khilaafay in Rooble laga dalbado in uu dhaafo Yaasiin Fareey. 

Nabadoon Jeesto oo ah nabadoonka Yaasiin Fareey ayaa qaba in xilka laga qaado maadaama uu qaatay go’aano qaraar oo aan ku dhisneen maslaxad danguud ah, sidoo kale Cali Jeesto ayaa qaba in Yaasiin Fareey aan laga reebi karin Farmaajo, islamarkaana uu beesha sumcadeeda dhaawici karo. 

Kulanka oo muddo socday kadib ayaa la isku fahmay in haddii Yaasiin Fareey uu qaado talaabo dambe oo ka dhan ah go’aanada Rooble uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ka qaadi karo talaabo kasta oo sharci ah, sida xariga iyo xil ka qaadisba. 

Nabadoon Jeesto kulanka qeyb kama aheyn sida aan xogta ku helnay balse kulamo kale oo dhaxmaray isaga iyo Boqorka ayuu kaga deyriyay hab dhaqanka Yaasiin Fareey.

Mohammed Bin Salman oo billaabay qorshe ku wajahan Taalibaan – Muxuu sameeyey?

Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa raadineysa door cusub oo ay ku yeelato Afghanistan kadib qabsashadii Taalibaan, waxayna caawimaad ka raadin kartaa Pakistan, xilli Qatar oo ay xifaaltamaan ay kusoo baxday dalka ugu saameynta badan Afghanistan.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohammed bin Salman ayaa madaxii hore ee sirdoonka boqortooyada Turki al-Faisal u xil saaray inuu dib usoo cusbooneysiiyo xiriiradii uu la lahaa hoggaamiyayaasha Taalibaan, oo uu la macaamilay 20 sano kahor.

Turki al-Faisal, oo 76 jir ah, ayaa ahaa madaxa sirdoonka Sacuudiga, intii u dhaxeysay 1979-kii ilaa 2001, wuxuuna kaalin ku lahaa isku xirka mujaahidiintii Afghanistan ee la dagaalamay Midowga Soviet ee kusoo duulay.

Sida ay ku warantay shabakadda Intelligence Online, Faisal ayaa dhowaan la kulmay Mullah Yaqoob, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, wuxuuna sidoo kale Qatar kula kulmay Mullah Baradar.

Baradar ayaa ah madaxa siyaasadda Taalibaan, wuxuuna hoggaaminayey wada-xaajoodyadii ay kooxda la gashay dowladda Mareykanka ee dhaliyey inay ciidamada shisheeye ka baxaan dalkaas.

Kadib qabsashadii Taalibaan ee Afghanistan, Qatar oo ah dal yar oo ay xifaaltamaan Sacuudiga, ayaa waxa uu Mareykanka ammaan kaga muteystay sida ay gacan uga geysteen in kumanaan qof laga daad-gureeyo garoonka diyaaradaha Kabul.

Qatar ayaa sidoo kale horey Taalibaan ugu ogolaatay inay xafiis siyaasadeed ka furato Doha 2013-kii, ayada oo taageero ka heleysa madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama.

Khubarada ayaa u sheegay Middle East Eye, in ayada oo la rumeysan yahay in xiriirka tooska ah ee Taalibaan iyo Sacuudiga uu xadidan yahay, ay Riyadh ay ka faa’iideysan kartoo saameynta Pakistan ay ku leedahay Taalibaan.

Hase yeeshee, khubarada qaar ayaa ka digaya in saameynta Pakistan ee Taalibaan aysan u xoog badneyn sidii hore, ayada oo Qatar iyo Turkey ay hadda kusoo baxeen labada dal ee miisaanka ku leh Kabul.

“Waxa ay Sacuudiga ku heli karaan maritaanka Pakistan, waa ay xadidan yihiin. Labaduba hadda sidii hore saameyn uguma lahan Taalibaan,” waxaa sidaas yiri Arif Rafiq, oo ah madaxa shirkadda la-talinta amniga ee Vizier Consulting, oo la hadlay Middle East Eye.

“Taaliban waxay xiriir la horumarisay dalalka kale ee gobolka. Hadda sidii hore waa ay kaga xiran yihiin caalamka,” ayuu ku daray. “Sacuudiga hadda muhiim uma ahan sidii hore.”

Sacuudi Carabiya ayaa xirtay safaaraddeedii Kabul kadib markii Taalibaan ay qabsatay magaalada, waxaana wixii markaas ka dambeeyey ay ka aamusneyd dhacdooyinka dalkaas ku yaalla bartamaha Asia.

Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Pakistan ayaa ahaa saddexda dal ee kaliya ee aqoonsanaa Taalibaan markii ay Afghanistan maamuleysay intii u dhaxeysay 1996-ii illaa 2021. 

Xiriirkooda ayaa xumaaday markii Taalibaan ay diiday inay hoggaamiyihii Al-Qacida Sheekh Osmaba Bin Laden usoo masaafuriso dalkaas.

Riyadh ayaa si rasmi ah xiriirka ugu jartay Taalibaan kadib markii ay dhaceen weeraradii September 11, 2001 ee lagu qaaday Mareykanka.

Madaxweynaha Puntland oo Ciidamada uga digay inay ku milmaan Siyaasadda

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu ciidamada ugu digay in ay ku milmaan siyaasada, si uusan ugu lumin waqtiga, sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweyne oo ka hadlayau kulan ka dhacay Gaalkacyo ayaa sheegay in markii hore howlgallada Ciidamada ee Gobolka Mudug ay ahaayeen kuwo kala dhan taallan, balse ka maamul ahaan ay iabedel ku saneeyeen.

Waxaa uu sheegay in hadda Ciidamada Puntland ee ka howlgalla Gobolka Mudug ay yihiin kuwo wadashaqeeya, sidoo kalena looga baahan yahay inay tallaabo deg deg ah ka qaadaan dadka falalka Amni darro kanl geysta degaannada Gobolka Mudug.

Madaxweynaha ayaa faray laamaha amniga Gobolka Mudug in halkaasi laga sii wado howlgalada lagu sugayo amniga Gobolka, wuxuuna muujiyay in isbedelka Gobolka ka dhacay uu yahay mid siweyn u muuqda laakiin loo baahanyahay in dowlad iyo Shacaba halkaasi laga sii wado halganka oo wadajir loola diriro argagixisada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa bogaadiyay shaqada wanaagsan ee ka qabsoomtay Gobolka Mudug gaar ahaan dhinaca Amniga, wuxuuna dalacsiiyey Ciidamadii ka shaqeeyay nabadgelyada Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni waxa uu sheegay in uusan marnaba filayn in ammaanka ay Gaalkacyo ay wax ka bedelaan 120 askari oo Garowe lagasoo diray labo sano ka hor, halka ay Mudug joogeen 2000 askari.

“Ciiddamadan waxay naga ahayd tijaabo, laakiin in ay sidaasi wax isku bedelaan ma ahayn wax aan sidaas filaynay” ayuu yiri madaxweynaha Puntland Siciid Deni.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay sida ay Puntland usoo afmeertay shabakado Al-Shabaab ah oo muddo dheer ka jiray magaalada Gaalkacyo in aanay jirin meel Soomaaliya kamid ah oo sidaas oo kale usoo afjartay.

Bishii June ee sannadkan, maamulka Puntland ayaa toogasho ku fuliyay 18 xubnood oo Alshabaab, kuwaas oo tan iyo sannadkii 2008 masuul ka ahaa qaraxyadii iyo dilalkii Gaalkacyo ka dhici jiray.

Walaac laga muujiyey liiska uu shaaciyey Cali Guudlaawe

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashada dalka ayaa walaac xoogan ka muujiyay habraaca shaacinta kuraasta aqalka sare ee dowlad gobaleedka Hirshabeelle, kuwaasi oo uu Arbacadii soo saaray madaxweynaha HirShabelle, Cali Guudlaawe.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in wax laga xumaado tahay in madaxweyne Guudlaawe uu hareer-maro heshiiskii xaqiijinayey qoondada haweenka ee 30%.

“Waa in ay kuraasta qoondada haweenka 30% u tartamaan musharrixinta haweenka ah
oo kellya. Kuraasta qoondada haweeenka lagama wareejin karo haweenka, lama siyaasadeyn karo, lamana libsan karo,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxay ka dalbadeen Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal iyo heer Dowlad goboleed inay sida uu yahay u fuliyaan habraacaas, oo qoondo gaar ah loogu xiray haweenka.

“Guddiga ayaa waxa uu ku boorinayaa Madaxweynaha Hir-Shabeelle in uu ixtiraamo heshiiskii uu ansixiyay oo qoondada haweenka ee uu soo saaro ayadoo haween keliya ku tartamayaan.”

Ugu dambeyn Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ayaa waxa ay hoosta ka xariiqeen in marnaba aysan aqbaleyn in qoondada u gaarka ah haweenka la boos bedelo.

Si kastaba, walaacan ay muujiyaan Guddiga xaqiijinta qoondada haweenka ee doorashada 2021 ayaa imanaya xili ay 7 haween ah oo keliya ka soo muuqdeen liiska musharaxiinya Aqalka Sare oo gaarayey 34 musharax, kaasi oo uu shalay shaaciyey madaxweynr Cali Guudlaawe.

Mashruuc cusub oo lacag badan looga sameynayo macallimiinta MUQDISHO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimaha Waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa soo saaray amar dhaqaale looga sameynayo macalimiinta wax ka dhiga Iskuullada Gobalka Banaadir, taasoo ay cabasho ka muujiyeen bahda waxbarashada. 

Agaasinka Waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa Iskuul kasta oo ku yaalla Muqdisho ku amray in ay soo diiwaan geliyaan macalimiinta wax ka dhiga, iyqdoo lacagta diiwaan gelinta oo ay ku jirto warqada dhalashada, mida CID-da iyo warqado kalaba, oo isu geyn ay ku baxeyso lacag dhan ku dhowaad 100$ 

Macalimiinta Soomaaliyeed ee ku nool Muqdisho ayaa sheegay in mushaarka ay qaateen oo aad u yar aysan ka go’in lacagta, iyadoo codsaday in dib u eegis lagu sameeyo. 

Macluumaadka qaar ee laga rabo macalimiinta oo ay hore heysteen ayaa laga diiday, iyadoo laga rabo kuwa cusub. Agaasinka waxbarashada Gobalka Banaadir ayaa lagu eedeeyay in uu lacag ka sameynayo bahda waxbarashada. 

Dooda ku aadan waxbarashada gobalka Banaadir ayaa in muddo ah taagan, iyadoo ay sidoo kale qeyb ka noqotay wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare ee Soomaaliya. 

Dowladda federaalka ayaa caan ku ah in markii muddo la joogaba lasoo saaro amaro dadka ku qasbaya inay maraan hanaano kala duwan oo u baahan baaris, warqado iyo waxyaabo kale. 

Waxaa kadib dadka shuruud looga dhigaa in waradahaas ay ka qaadan karaan oo kaliya goobo gaar ah, oo qandaraaska la siiyey, halkaasi oo lacagta kasoo xaroota ay badankeed u dhaceysa hay’adda dowladeed ee ka dambeysa amarada.

Laba sabab oo ROOBLE uu xilka uga qaaday Xundubey, una magacaabay Cabdullaahi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay xilka ka qaaday wasiirkii amniga Xasan Xundubey, isaga oo ku beddelay Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo ay isku beel yihiin, kaasi oo maanta la dhaariyey xilkana la wareegay.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Xundubey ayaa xilkiisa ku waayey colaad uu hadda kahor huriyey, iyo u daacadnimadiisa madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xundubey ayaa xilligii uu socday dagaalka muddo kororsiga ee Muqdisho, waxaa lagu xusuustaa inuu qaban jiray shirar jaraa’id, isaga oo ku baaqaya in la weeraro ciidamadii diidanaa muddo kororsiga iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah.

Waxay hadalladiisa xilligaas caqabad ku noqdeen ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo waday dadaallo dhex-dhexaadin ah,  iyo in magaalada laga badbaadiyo dagaal.

Xasan Xundubey ayaa sidoo kale lagu yaqaan inuu weligiis daacad u ahaa Farmaajo. Farmaajo ayaa hadda kahor u magacaabay safiirka Imaaraadka Carabta, inkasta oo Abu Dhabi ay soo diiday, waxaana kadib lagu abaal-mariyey xilka wasiirka amniga.

Ayada oo ay suurta-gal tahay in xiisadda siyaasadeed ee Farmaajo iyo Rooble ay isku rorgto dagaal, ra’iisul wasaaraha ayaan qaadan karin fursad uu hay’adaha amniga oo dhan uu madax uga ahaado siyaasi daacad u ah Farmaajo.

Wasiirka cusub ee amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa lagu yaqaan inuu yahay nin firfircoon, oo aad ugu wanaagsan abaabulka, saaxiibo bandanna ku leh beeshiisa iyo magaalada Muqdisho. 

Sidoo kale, waa ganacsade maal-qabeen ah, oo kasban kara saraakiisha ciidamada, islamarkaana garab muhiim u ah u noqon kara ra’iisul wasaaraha, haddii dagaalka uu lugaha la galo dhaqaale. 

Xasan Xundubey oo hadda ku sugan dalka Itoobiya, ayaa garan waayey halka ay u socoto mowjadda siyaasadda, wuxuuna daacad u noqday Farmaajo, oo maanta ku jiray go’doon siyaasadeed, taasi oo xilkiisa uu ku waayey.  

Indha-Cadde oo shaaciyey in ciidamada badbaado qaran ay tallaabo qaadayaan + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-cadde oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa si adag ugu hanjabay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili ay taagan tahay xiisad siyaasadeed cusub.

Waxa uu ku hanjabay in tallaabo ay qaadi doonaan ciidankii Badbaado Qaran, haddii uu Farmaajo joojin waayo tallaabooyinka guracan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxaa moodaa in Farmaajo uu iloobay inay joogaan ciidamadii Badbaado Qaran, inay joogaan ayaa u sheegaya oo aysan aqbaleyn wax kasoo horjeeda Dastuurka, Cadaalada, Qaranimada iyo Jiritaanka umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Jeneraal Indha-cadde.

Indha-cadde ayaa sidoo kale shaaciyey in uu socdo inqilaab qarsoon oo u adeegaya madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, islamarkaana uu xagal daacinayo dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee amniga iyo doorashada.

“Waxa uu ka soo horjeeda (Farmaajo) inay cadaalada hesho Ikraan Tahliil oo aheyd hay’adda Sarkaal ka tirsan (NISA), gacanta hay’adda NISA ku maqan inay cadaalada hesho, umadda Soomaaliyeedna ay cadaalada hesho. Ikraan oo cadaalada hesha waxay lamid tahay umadda Soomaaliyeed oo cadaalada heshay.”

Waxa kale oo uu hoosta carabka ku adkeeyay in madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday uu lug ku leeyahay kiiska Ikraan, maadama uu in muddo ah ka aamusna, haddana uu Ra’iisul Wasaaraha kula dagaalay xil ka qaadistii Fahad Yaasiin.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday Farmaajo in uu faraha kala baxo shaqada Ra’iisul Wasaaraha, uuna ka noqdo, islamarkaana uusan dalka u horseedin qas hor leh.

Hoos ka daawo muuqaalka Jeneraal Indha-cadde

Guddoomiy Mursal oo ka horyimid dhaarinta wasiirka cusub ee amniga + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ka horyimid dhaarintii maanta ee Wasiirka cusub ee amniga, sheegayna inay baalmarsan tahay sharciga.

Mursal ayaa ku dooday in dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaariyo Golaha Shacabka, taasi oo ku sheegay inay iskugu jirto ansixin iyo dhaarin wada socda.

“Waxaan si xushmad iyo qadarin leh kuula socodsiinayaa in ay Golaha Shacabka soo gaartey in Wasiirka magacaaban uu dhaariyey maanta Wasiirka Cadaalada ee Xukuumadaada iyadoon wax ansixin ah laga codsan Golaha Shacabku si waafaqsan Qodobka 69 (d) iyo 100aad farqadiisa (C) ee Dastuurka Federaalka iyo qodobka 104-aad ee kusaabsan dhaar marinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka” ayuu yiri Guddoomiye Mursal.

“Mudane Ra’iisul Wasaare, si aad ula socoto, dhaarinta xubnaha Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka lagu hor dhaarinaayo Golaha Shacabka ma aha keliya dhaarmarin ee waxay isgu jirta ansixin iyo dhaarin si xubnaha ay xilalkooda xafiiseed rasmi ahaan u bilaabi karaan. Dhaqan ahaanna haddu kalfadhiga furan yahay Kulanka guud ee Golaha ayaa lagu ansixiyaa laguna dhaariyaa. Haddiise u kalfadhiga Golaha markaa uu xiranyahana waxaa lagu ansixiyaa laguna hor dhaariyaa Guddiga Joogtada oo ka wakiil ah Golaha Shacabka,” ayuu ku daray.

Sidoo kale waxa uu dhaarinta wasiirka amniga ee maanta ku tilmaamay mid uu iska watay Ra’iisul Wasaaraha, oo asagu hore u soo magacaabay, ansixiyey, haddana dhaariyey, kadibna xilka ku wareejiyay.

“Hadda sida ay u muuqato, xubin ka mid ah Golaha Fulinta ayaa magacawday, ansaxisay isla markaana dhaarisey isla xubin iyaga ka mid ah, taas oo si cad u baalmarsan kala soocnaanta Xilalka iyo Awoodaha Hay’adaha Dawlada ee Laanta Sharci Dajinta, Laanta Fulinta iyo Laanta Garsoorka iyo qodobada Dastuuriga ah ee aan kor ku soo xusnay. Waxa kale oo xusid mudan inaanu dalka ka jirin firaaq Baarlarnaani ah si waafaqsan Sharci Lr. 30 ee xeeranayo in Baarlamaanka 10aad ee hadda jooga oo wata awoodihiisa Dasturiga ah u dhamaytiran tahay ay Xilka sii haynayaan inta Baarlamanaan kale lag adooranayo.”

Mursal ayaa ugu dambeyntii ka codsaday Ra’iisul Wasaaraha in uu si qoto dheer uga baaran dego tallaabooyinka uu qaaday, asaga oo mudnaanta koowaad siinaya xasiloonida siyaasadeed iyo kala dambeynta nidaam dowladeed, ee u baahan yahay dalkeen oo maraya marxalada xasaasiga ah.

Xog: Been weyn oo laga sheegay kulankii maanta ee taliyayaasha ciidamada

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xog ku heshay Caasimada Online,  taliyayaasha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta kulan qarsoodi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho, gaar ahaan taliska hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya. 

Kulanka ayaa waxaa ka qeybgalay taliyayaasha Milateriga, Booliska, Asluubta iyo taliyayaasha gobalka Banaadir ee NISA iyo Booliska Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa kadib kulankooda waxay warbaahinta kula hadleen xarunta taliska booliska, oo ay sheegeen inay ku kulmeen iyagoo warbaahinta ka qariyay kii ka dhacay xarunta taliska NISA ee Habar-khadiijo waana sababta keentay in su’aalo badan uu ka dhasho shirkooda. 

Si rasmi ah looma oga sababta ay taliyayaasha u qariyeen inay ku kulmeen Habar Khadiijo iyo cida shirisay maadaama uu dalka ka jiro khilaaf adag oo u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble, hase yeeshee xogaha aan helnay ayaa tilmaamay in ciidamada ay ka tashadeen cidda ay amarkiisa ku shaqeyn lahaayeen xiligaan kala guurka iyo in amniga dalka uusan saameen ku yeelan khilaafka hogaanka dowladda Soomaaliya. 

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in kaliya ay ka shireen amniga doorashada Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa, balse waxaa xusid mudan in amniga doorashada ay kaliya masuul ka yihiin booliska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Haddii la raacayo habraaca amniga doorashooyinka, Taliye Xijaar oo keli ah ayey ahayd in uu shirka fadhiyo, sidoo kale uu goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaare Rooble. Taliyayaasha xoogga, asluubta iyo gobolka banaadir kuma xusna heshiiska, waana su’aal kale oo dood keentay sababta ay uga qeyb galeen NISA, Milateriga iyo Asluubta maadaama laga hadlayay amniga doorashada. 

Waxaa illaa iyo hadda lagu wareersan yahay cidda ay Farmaajo iyo Rooble raacsan yihiin taliyayaasha, maadaama ay isugu jiraan xubno la ogyahay inay daacad u yihiin Farmaajo, kuwa daacad u ah Rooble iyo kuwa dhex-dhexaad ah.

Siyaasiyiin miisaan leh oo ka hadlay xil la-wareegista Cabdullaahi Maxamed Nuur

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi, Mahad Salaad iyo Wasiir Fiqi ayaa si weyn Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha ee dalka, oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii xilka cusub ugu hambalyeey Cabdullaahi Maxamed Nuur, isagoona dalbaday in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’addaha amniga si loo gaaro xasilooni guud.

“Hambalyo wasiirka amniga mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur. Waxaan kuu rajeynayaa inaad ku guuleysato mus’uuliyadda culus ee laguu idmaday waqtigaan xasaasiga ah. Waxaan shacabka ugu baaqayaa in si wadajir ah loola shaqeeyo guud ahaan hay’adaha amniga si loo hubiyo xasillonida guud ee dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Duqii hore ee Muqdisho, Thabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay inay hortaallo wasiirka cusub mas’uuliyad culus oo ay qeyb ka tahay dardar-gelinta amniga doorashada dalka xiligan xasaasiga ah.

“Wasiirka Amniga Gudaha ee XJFS Mudane Cabdullahi Maxamed Nuur waxaa hortaalla mas’uuliyad culus oo ay ugu horeyso nabadgalyada guud ee dalka & dardar gelinta amniga doorashada. Ma jirto sabab loo sameeyo xasarad, ciddii tuhun soo galaa waa in ay wajahdaa garsoorka iyada oo aan ummadda la jahwareerin,” ayuu yiri.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale soo dhaweeyay Wasiirka cusub, isagoona garab istaag u muujiyey, islamarkaana u rajeeyay in Allaha la garab galo. “Hambalyo sxb mar labaad, xilka aad ummadda u qaadayna Allaha kula qaado. Aamiin.”

Ugu dambeyntiina Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi ayaa asaguna si cajiib ah ugu hambalyeey wasiirka cusub, kadib markii maanta si rasmi ah loogu dhaariyey xilkaas, looguna wareejiyay.

“Wasaaraddii amniga gacanta ayaa laguu geliyey ee iga qabo, waa kaa haayaa mudane, ma difaacan kartaa? haa Mudane, marqaatiguna waa noo jeedaa!. Hambalyo wasiir Abdullahi Mohamed Nor.”

Laba madaxweyne maamul goboleed oo Muqdisho soo gaaray maanta + Ujeedka

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Lafta Gareen ayaa ka yimid dalka Turkiga, waxaana isaga iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyey Muqdisho mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda oo uga hortegay garoonka.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa ka soo duulay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, waxaana isna soo dhoweeyey xildhibaano ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Safarkan waxaa sidoo kale madaxweynaha Galmudug ku wehlinaya mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Senator Cabdi Qeybdiid oo ku sugnaa gobolka Mudug.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in labadan hoggaamiye ay kulamo siyaasadeed ka bilaabi doonaan Muqdisho, kuwaas oo looga hadlayo doorashada iyo xiisadda siyaasadeed ee ka taagan, ayaga oo isku dayi doona inay gacan ka gaystaan sidii xal loogu heli lahaa.

Socdaalka labada madaxweyne goboleed ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa sidoo kale kusoo aadaya, xilli xasaasi ah oo ay Muqdisho ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhexeyso madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Si kastaba dhowaan ayey markii Farmaajo oo soo saaray digreeto uu shir deg-deg ah isugu yeeray golaha amniga qaranka, kaas oo ka dhacaya magaalada Muqdisho, balse illaa iyo hadda madaxweynayaasha soo gaaray caasimada iyo kuwa kale kama hadlin shirkaasi.

Daawo: Wasiirka cusub ee amniga Soomaaliya oo la dhaariyey xilkana la wareegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa goordhoweyd loo dhaariyey xilkaas cusub oo uu shalay u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, waxaana dhaariyey Wasiirka Cadaalada, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Dhaarinta kadib, ayaa munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda amniga, waxa uu wasiirka cusub ee amniga si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiir ku-xigeenka amniga ahna sii-hayaha Farxaan Cali Axmed, kadib markii wasiirka amniga Xasan Xundubey uu diiday inuu xilka wareejiyo.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee amniga, Xundubeey ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in Wasaarada arrimaha Gudaha uu ka socda afduub lagu sheegayo xil wareejin, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda waxaa i soo gaaraya in Xarunta Wasaaradda Amniga Gudaha uu ka socdo AFDUUB lagu sheegayo xil-wareejin!,” ayuu Xundubey ku yiri qoraal uu soo dhigay twitter.

Xundubeey ayaa kal hore ka horyimid xilka uu ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha, kuna tilmaamay sharci-darro, isaga oo la safan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay is-hayaan.

Madaxweyne MUSEVENI oo soo saaray hanjabaad la xiriirta xiisadda Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waddanka Uganda Yoweri Museveni oo wareysi gaar ah siiyey Frace24 ayaa markii ugu horreysay ka hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan xiisadda ka soo cusboonaatay dalka ee haatan ka taagan Villa Soomaaliya.

Museveni ayaa ku hanjabay in ciidamadiisa qeybta ka ah howl-galka AMISOM uu kala baxayo Soomaaliya, sababo la xiriira khilaafka u dhexeeya Rooble & Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu wareysiga uu bixiyey ku sheegay inuu ka daalay muranada siyaasadeed ee aan dhammaadka laheyn ee ka socda magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Uganda ayaa intaas kusii daray in hoggaamiyeyaasha Soomaalida looga baahan-yahay inay ka fakiraan, sida looga gudbi karo caqabadaha haatan taagan, si xal loogu helo khilaafaadka iyo is jiid jiidka weli ka jira qabsoomida doorashooyinka dalka.

Uganda waa dalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ugu badan marka loo eego waddamada ee ku jira howl-galka nabad ilaalinta ee Ururka Midowga Afrika.

Hadalka Yoweri Museveni wuxuu ku soo aadayaa xilli ay horey kormeerayaasha caalamiga ah walaac xoogan uga muujiyeen khilaafka haatan u dhexeeya Farmaajo iyo Rooble.

Si kastaba tallaabooyinkii ugu dambeeyey ee ay qaadeen labada dhinac ayaa sii horseeday in si isku mid ah loo kala magacaabo wasaaradda amniga Soomaaliya iyo hay’adda sirdoonka oo halis ku ah inay carqaladeeyaan hawlgallada amniga guud ee Soomaaliya.

Maxaa kasoo baxay shirka taliyeyaasha ciidamada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyeyaasha ciidamada qeybahooda kala duwan ayaa maanta shir gaar ah ku yeeshay xarunta taliska Booliska ee magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qeyb-galay taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed, taliyaha ciidanka Xoogga dalka, taliyaha ciidanka Asluubta, taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Banaadir iyo agaasimaha cusub ee uu dhowaan NISA sida ugu KMG ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ugu magacaabay Yaasiin Farey.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa kulanka ka warbixiyey, waxaana uu sheegay inay ka arrinsaneen ammaanka iyo sida looga gudbi karo is qab qabsiga doorashooyinka dalka ee 2021-ka

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay ka doodeen in ciidamada aysan ku milmi karin siyaasada, isaga oo sidoo kale ka digay wararka xanafta leh ee lagu faafinayo baraha bulshada.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in Soomaaliya ay leedahay cadow gudaha iyo dibadda ah, loona baahan yahay in shacab iyo dowlad laga wada shaqeeyo horumarka dalka.

Dhinaca kale hadal heyn badan ayaa ka dhalatay ka soo dhex muuqashada shirkan ee Yaasiin Farey oo uu dhowaan Farmaajo si ku meel gaar ah ugu magacaabay NISA, sidoo kalena ah agaasinka gobolka Banaadir ee hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka qaranka.

Shirkan ayaa qeyb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ka socda caasimada, kuwaas oo looga arrinsanayo xaaladda cusub ee soo kordhay.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya Rooble iyo Farmaajo ayaa u muuqdo mid kasii daraya, waxaana labada xafiis ay qaadayaan tallaabooyin liddi isku ah oo la xiriira awooda.

Xildhibaan fashiliyey qorshe culus oo uu wado MURSAL

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Xasan Idiris oo haatan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa fashiliyey qorshe culus oo uu wado guddoomiyaha golaha shacabka, wuxuuna shaaciyey inuu doonayo in shir deg deg ah uu isugu yeerayo xildhibaanada Soomaaliya.

Xildhibaan Idiris oo wareysi siiyey laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa tilmaamay in guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan uu farriimo u diray qaar ka mid ah xubnaha golaha, taas oo ku aadan shir deg-deg oo uu yeelanayo baarlamaanka dalka.

“Waxaan arkaayey farriimo uu guddoomiyaha baarlamaanka uu soo diray uu ku leeyahay shir deg-deg ah oo albaabada u xiran yahay ayaa baarlamaanka iskuugu wacay,” ayuu yiri.

Idiris ayaa sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in haatan Mursal uu shir isugu yeero baarlamaankii 10-aad, iyada oo kii 11-aad laga soo doortay 29 Senatar, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kale oo uu intaasi ku sii daray in aysan jirin fowdo ka weyn oo dalka la gelin karo, marka la eego tallaabada uu qaadayo guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliyeed.

“Waa nasiib darro aad u weyn in guddoomiyihii golaha shacabka hadda baarlamaankii 10-aad uu iskuugu yeero, baarlamaankii 11-aadna 29 senator ay dooran yihiin oo ay bannaanka joogaan marka taa fowda ka weyn oo dalka la gelin karo ma jirto,” ayuu raaciyey.

Ma shaacin xildhibaanku waxyaabaha looga hadlayo kulanka uu sheegay in baarlamaanka uu isugu yeerayo Mursal, balse wuxuu hadalkiisa kusoo aadayaa xilli dalka ay ka jirto xiisad xoogan.

Si kastaba khilaafka u dhexeeya ra’iisul wasaaraha dalka iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa marba marka ka dambeysa cirka isku sii shareeraya, waxaana labada xafiis ay haatan qaadayaan tallaabo uu midba mid kale ku weerarayo.

Sheekh Shariif oo shaaciyey hal arrin oo lagu xalin karo xiisadda Villa Soomaaliya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya, haatan ah gudoomiyaha golaha midowga musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed dalka.

Shariif ayaa shirkiisa jaraa’id uga hadlay xiisadda ka taagan Villa Soomaaliya, kiiska Ikraan Tahliil iyo heshiiskii laga gaaray murankii ka taagnaa doorashada gobollada waqooyi.

Ugu horreyn wuxuu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha uu muddo xileedkiisu dhammaaday, isaga oo ku tilmaamay nasiib darro.

Sidoo kale wuxuu xusay inuu dhaawacayo rajada ay dadka Soomaaliyeed ka qabaan inay horay u socota dowladnimada Soomaaliya.

“Runtii waxaan leenahay nasiib darro waaye khilaafka maanta u dhexeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha, wuxuuna aad u niyad-jabinayaa dadka Soomaaliyeed oo rajada ka qabay in dowladnimada ay horay u sii socoto,” ayuu yiri Sheekh Shariif Sheehh Axmed.

Guddoomiyaha golaha midowga musharixiinta ayaa sidoo kale shaaciyey, sida lagu xalin karo khilaafka u dhexeeya labada xafiis ee ugu sareysa ee dalka, wuxuuna tilmaamay inuu ku jiro xalka in horay loo sii wado doorashooyinka dalka ee horay heshiiska looga gaaray.

“Mushkiladaan waxay ku xallismi kartaa in doorashooyinka horey loo wado oo ay socdaan, kuna socdaan si wanaagsan oo habsame leh,”  ayuu sii raaciyey.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday heshiiskii ay wada gaareen guddoomiyaha golaha aqalka sare iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ugu dambeyn soo afjaray murankii ka taagaan sida loo wajahayo doorashooyinka kuraasta labada aqal ee gobollada waqooyi, isaga oo ugu hambalyeey siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland heeshiiska ay gaareen.

Ugu dambeyn wuxuu codkiisa ku biiray in cadaalad loo helo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo uu tilmaamay in hooyada dhashay ay ku garab taagan yihiin dadaalkeeda.

“Qof hay’adaha amniga ka shaqeeya haddii uusan nabad helin, qof kalena nabad ma helaayo,” ayuu yiri Sheekh Shariif xilli uu ka hadlayey kiiska Ikraan Tahliil Faarax.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo xiisadda ka dhalatay ‘dilka’ Ikraan Tahliil Faarax ay gaartay meeshii ugu sarreysay, waxaana kasii daraya khilaafka ka taagan Villa Soomaaliya.

Hoos ka daawo Shariif

Xog: Guddi ka tirsan Ciidanka Badbaado Qaran oo soo gaaray Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo katirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka, waxaa magaalada Muqdisho ka socda dadaallo ay wadaan guddi saraakiil ah oo ka socda ciidankii Badbaado Qaran ee ka dagaalamay Waqooyiga Muqdisho.

Saraakiishan ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxay bilaabeen dadaallo ay kula kulmayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Xogta ayaa tilmaamay in saraakiishaan oo ka soo horjeeda tallaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Farmaajo ay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u wadaan talooyin ku aadan in awood ciidan looga hortago dhaq-dhaqaaqyada sharciga baalmarsan ee ka socda xafiiska Farmaajo.

Sidoo kale saraakiishaan ka tirsan ciidankii Badbaado Qaran ayaa la sheegay in ay sheegeen in Muqdisho ay u muuqato magaalo aan dagaal hureyn ilaa laga qabto Madaxweyne Farmaajo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa uu ka jiro mashquul badan ayaa la sheegay in aan la ogeyn sida uu ka yeeli doono dalabka kulanka ay codsadeen saraakiishaan.

Xubnaha ka socda guddiga Badbaado Qaran waxaa kamid ah Janaraa Gacma-dulle, Janaraal Koronto, Korneel Xareed Raage iyo Korneel Cusmaan Xaadoole oo dhamaantoodba ah saraakiishii hogaamineysay ciidankii fashiliyey muddo kororsigii Farmaajo.

Rooble ayaa la sheegay inuu rumeysan yahay in ciidanka yar ee diidan inay ka tagaan aagga xarunta NISA, looga saari karo wada-hadal, oo aysan qasab aheyn dagaal dhiig uu ku daato.

Lama oga xaalada ay ku dambeyn karto Muqdisho oo wajaheysa xiisad culus oo ka dhalatay baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil oo lagu eedeeyay taliska hay’adda NISA.

Farmaajo oo looga digay in Xamar lagu dili karo + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee wasaarada waxbarashada xukuumada Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka, Cabdullaahi Goodax Barre ayaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Farmaajo uga digay in uu dagaal ka rido dalka.

Goodax Barre ayaa sheegay in dalka uusan ka bixi karin Farmaajo, haddii uu dagaal ka dhaco magaalada Muqdisho, maadama uu xili xasaasiga ah ka shaqeynayo iska hor-keenka dadka, taasi oo ku weyna karo naftiisa, sida uu sheegay

“Waxaa ogaata haddaa dalka dagaal ka ridid, magaalada Xamar meel la kala tagayo majirto, Xamar waa kala reebto, haddaad qaadid dagaal meel aad uga baxeyso majirto, haddaa isku haleynayso in Garoonka ka baxeyso, Airport-ka dad buu u xiran yahay la yiraahdo UN iyo AMISOM, hub inta Soomaaliya haysato ka badan ayey haystaan, Soomaali is-raacdeysaneysa ma u galeyso,” ayuu yiri.

“Haddaad magaalada dagaal ka kiciso waxaa ku talo-gashaa mar haddaad ku dhex guuleysan karin ha ku dhiman, ha dhimanin waddankana kaalin xun ha usoo jiidin, adigu ma tihid nin naftiisa ka naxaya.”

Sidoo kale waxa uu ku eedeyay in uu asagu shisheeye u cararay, halka uu ku doodo inuusan marnaba aqbaleyn in shisheeyuhu soo fara-geliyo arrimaha dalkeena.

Goodax ayaa ugu dambeyntiina madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ku booriyey in uu ka wantoobo dagaal hurinta uu ka wado magaalada Muqdisho, oo ku soo koobnay, haddii kale uu naftiisa ku waayi doono.

Digniinta Goodax ayaa u muuqata middii ugu adkeyd ee hawada loo mariyo Farmaajo, oo kal hore horseeday dagaal culus oo ka qarxay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, xiligan uu wado xiisad abuur dhalin karta xiisad dagaal.